27.8 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Waa kuwee xildhibaannada taagan jiida hore ee dagaalka lagu bixinayo Al-Shabaab?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda xilka timid ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxay la kowsatay Al-Shabaab oo gowraceyso dad shacab ah, gubeysa magaalooyin oo duugeysa Ceelal.

Inta badan madaxweynaha iyo xukuumadda ayaa caan ku ahaa inay ka falceliyaan dagaalada Al-Shabaab laakiin xaalku sidaas hadda waa ka duwan yahay. Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qeyb ka noqday dagaalka looga soo horjeedo Al-Shabaab.

Amni darada waa dhibaatada ugu weyn ee taalla Soomaaliya, in baarlamaanka amniga iyo dib u xoreynta si ficil ah uga qeyb qaato waa arrin ugub ah, horey xildhibaanada waxay waqti badan gelin jireen inay xukuumadda ku eedeeyaan gaabiska amniga.

Dhowr xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa hadda jooga ama tagay furinta dagaalka taasoo xujeeneysa xildhibaanada kale ee baarlamaanka.

Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan waxay badi dadka u yaqaaniin Taliye Shub. Wuxuu ka mid yahay baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, wuxuu banaanka u istaagay inuu ka qeyb qaato dagaalka Al-Shabaab looga saarayo dalka.

Xildhibaan Mahad wuxuu la socdaa ciidankii dhawaan qabsaday deegaanka Labaatan Jirow iyo deegaanada ku teedsan oo ku yaalla Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Maalik Cabdalla ayaa ka mid ah xildhibaanada lagu arkay furimaha dagaalka, wuxuuna qeyb ka yahay howlgalka ka socdo gobolka Hiiraan.

Dhul badan oo kamid ah gobolka ayaa laga qabsaday Al-Shabaab. Xildhibaankan wuxuu dhowr jeer gudbiyey farriin uu kula hadlayo ciidanka dowladda iyo dadka laga dul qaaday Al-Shabaab. Maalik Cabdalla wuxuu ka tirsan yahay baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye wuxuu ku jiraa liiska xildhibaanada dhibaatada la qeybsanayo dadka ay matalaan oo ku jira xilli dagaal, waxaa lagu arkay furinta deegaanada Baxdo iyo Cadakibir, wuxuuna ka tirsan yahay baarlamaanka 11-aad.

Labada xildhibaan ee Yuusuf Geelle Ugaas iyo Cumar Cabdi Cali ayaa kamid ah xildhibaanada lagu arkay furimaha dagaalka. Labadaan xildhibaan oo ka tirsan baarlamaaka 11-aad waxaa lagu arkay aagga Ceela- helay ee gobolka Galgaduud, halkaas oo wararku sheegayaan inay ciidankii qaarkood dib uga soo laabteen.

Dad badan ayaa bogaadiyey inay xildhibaanada baarlamaanku tagaan furimaha dagaalka.

Haddaba maxay ka turjumeysaa inay xildhibaanada furinta joogaan?

Inay xildhibaanadu tagaan furimaha oo ay ku biiraan dagaalka waxay muujineysaa inuu baarlamaanka 11-aad ka macno badan yahay baarlamaanadii ka horreeyey.

Inay xilhibaanadu bilaabeen inay ka dhabeeyaan matalaadooda, in dadka dagaalka ku jira helaan niyad dhis ay kusii wadi karaan dagaalka, inay madaxda sare tagto furmaha dagaalka, xldhibaanada furinta taga oo xujeenayo kuwa ka dhuumanayo matalaada iyo dhab ahaanshaha kacdoonka ee siyaasiyiinta iyo guud ahaan shacabka.

Turkey oo aaday tallaabo ka dhan ah Ruushka kadib cadaadiskii Mareykanka

Ankara (Caasimada Online) – Ganacsigii xilli dagaalka ku bulaalay ee Turkiga uu la lahaa Moscow ayaa maanta qaaday tallaabo dib u garasho oo weyn, ayada oo la xaqiijiyey in saddexda banki ee ugu dambeysa ee weli aqbala kaararka lacagta ee Mir ee Ruushka ay joojinayaan kadib cadaadis ka yimid Washington.

Mir waa adeeg Ruushka u sameeyey inuu beddel u noqdo adeegyada Visa iyo Mastercard ee caalamiga ah. Labadan shirkad ayaa ka joojiyey inay adeegsadaan bankiyada Ruushka kadib duulaankii Ukraine.

Go’aanka bankiyada Turkey ayaa yimid kadib toddobaadyo diginin cad ah oo Mareykanka uu ugu jeedinayey Turkey, oo ay xulufo ku yihiin NATO, inay xadido xiriirka dhaqaale ee kala dhaxeeya Ruushka ama wajahdo halista cunaqabatayn.

Waaxda maaliyadda Mareykanka ayaa toddobaadkii tegay sheegtay in bankiyada Turkish-ka ee la shaqeynata kaararka lacagta ee bankiga Mir ee Ruushka “ay halis ugu jiraan inay taageeraan dadaallada Ruushka uu kaga baxsanayo cunaqabataynada.”

Laba banki oo Turkish ah oo gaar loo leeyahay oo billaabay inay aqbalaan kaararka Mir kadib markii uu madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan uu bishii August la kulmay dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, ayaa joojiyey hooraantii bishan.

Hase yeeshee saddex banki oo dowladda ay leedahay oo kala ah — Halkbank, Vakifbank and Ziraatbank — ayaa weli la shaqeynayey kaararka Mir.

Sarkaal sare oo Turkish ah ma sheegin xilliga ay dadka Ruushka awoodi doonin inay kaararkooda ku isticmaalaan Turkiga.

Saddexda banki weli “waxay weli ku howlan yihiin bixinta lacagaha taagaan, balse waxay gooyeen taariikh ay ku joojinayaan,” ayuu yiri sarkaalka oo codsaday inaan la magacaabin sababo la xiriira in saddexda banki aysan weli si rasmi ah ugu dhowaaqin.

Go’aankan ayaa daba socda kulan uu guddoominayey Erdogan oo dhacay Jimcihii tegay kaasi oo diiradda lagu saaray “beddelka” kaararka Ruushka.

Ganacsiga Turkey kala dhaxeeya Ruuska oo bulaalay toddobadii bil ee uu socday dagaalka Ukraine ayaa aad uga careysiiyey Washington.

Qiimaha ganacsiga labada dal ayaa sare u kacay in ka badan 50 boqolkiiba. Turkey ayaa sidoo kale ogolaatay in 25% gaaska dabiiciga ah ee ay kasoo dhoofiso Ruushka ku iibsato lacagta ruble-ka.

Kaaliyaha Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka Wally Adeyemo ayaa bishii June wuxuu booqasho naadir ah ku tegay Ankara iyo Istanbul si uu u muujiyo walaaca ay Washington ka qabto in ganacsatada iyo shirkadaha waa weyn ee Ruushka ay shirkado Turkish ah u adeegsanayaan inay uga baxsadaan cunaqabataynta Reer Galbeedka.

Kadib, Waaxda Maaliyadda ayaa bishii August waxay warqad u dirtay bankiyada iyo shirkadaha Turkish-ka ugana digtay inaysan rajeyn inay “adeegsadaan dollar-ka Mareykanka iyo lacagaha waa weyn,” haddii ay sii wadaan inay la ganacsadaan Ruushka la cunaqabateeyey.

Turkey ayaa isku dayday inay dhex-dhexaad ka noqoto dagaalka Ukraine waxayna diiday inay ku biirto cunaqabataynta Reer Galbeedka ee ka dhanka ah Ruushka.

Kaararka Mir ayaa u ogolaada malaayiin Ruushiyaan ah oo sanad kasta u dalxiisa Turkey inay isticmaalaan akoonadooda banki ee lacagta ruble-ka kuna iibsadaan wax kasta haddii ay noqon laheyd hoteellada ay degan yihiin illaa maqaayadaha.

Waxay sido kale muhiim u yihiin mowjado cusub oo dad Ruushiyaan ah oo usoo qaxaya Turkey si ay uga baxsadaan in ciidanka lagu daro.

Hase yeeshee, falanqeeyayaasha ayaa xusay isbeddel u muuqda inay Turkey uga fogaaneysay Russia toddobaadyadii tegay.

Ankara ayaa toddobaadkii tegay si xooggan u cambaareysay codbixin “sharcidarro ah” oo Kremlin-ka uu qiil uga dhigan rabo inuu ku darsado afar gobol oo Ukraine ka tirsan oo qeyb ahaan ay hadda maamulaan militariga Ruushka.

AFP, VOA

Maxaa kasoo baxay wada-hadalladii Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed + Sawirro

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa wadahadallo laba geesood ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo golehiisa xukuumadda. 

Labada hoggaamiye ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo mudnaan la siinayo horumarka iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika, lana sii amba-qaadayo iskaashiga miro-dhalka ah ee dhinacyada kala duwan ee ka dhexeeya Labada shacab ee dariska ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay duruufaha xiriira ee ay wadajirka u wajahayaan labada dal, gaar ahaan abaaraha iyo ammaanka. 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale soo bandhigay aragtida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan Soomaali heshiis la ah dariskeeda, dhiirri gelinaysana iskaashiga iyo wax-wada qabsiga, si looga gudbo saboolnimada iyo xasillooni darrada.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa xaqiijiyay in Itoobiya ay diyaar u tahay xoojinta wada shaqeynta kala dhexaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna si gaar ah diiradda u saaray kobaca dhaqaalaha iyo xasilloonida, isagoo adkeeyey muhiimadda dalkiisa ay u leedahay Soomaaliya deggan oo leh dowlad xooggan. 

Sidoo kale, Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Madaxweynaha ku weheliyo boqashadan ayaa la yeeshay dhiggooda dalka Itoobiya kulan wadareed lagu lafa-gurayey aayaha xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaan adkeynta amniga iyo danaha ka dhexeeya.

Wada-hadallada labada hoggaamiye ayaa yimid kadib bilo uu mugdi badan ku jiray xiriirka labada dal kadib doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh ee bishii 15-kii. 

Villa Somalia ayaa rumeysan in socdaalkan uu meesha ka saarayo mugdigaas, islamarkaana wixii hadda ka dambeeyey xiriirka labada dal uu kusoo laaban doono mid caadi ah oo xooggan. 

Wasiirka Waxbarashada DF oo ku dhowaaqay go’aan ka farxinaya kumanaan arday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa gebi ahaanba joojisay lacagtii ay wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ka qaadi jirtay ardayda qaadaneyso shahaadada dugsiga sare.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa shaaciyey in wixii maanta ka dambeeyey aysan dhici doonin in ardayda laga qaadi lacagtii ay ku heli jireen shahaadada dugsiga sare maadaama uu sheegay in shaqadaas tahay mid laga rabo wasaaradda.

“Maadaama Imtixaanka iyo Shahaadada ay yihiin howl ay qabaneyso Wasaaradda Waxbarashada laga bilaabo maanta aanay Wasaaradda Waxbarashadu wax kharash ah ka qaadeynin Shahaadada Ardayda Dugsiga Sare,” ayuu yiri Wasiir Faarax Sheikh C/qaadir.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray “Waxaa jirta lacag ay qaadi jirtay Wasaaradda Maaliyadda, sideeda ayee u qaadaysaa; waxa aan ogahay in markii hore ahayd $5 (Shan dollar), taas uun baa laga qaadayaa, laakiin Wasaaradda Waxbarashada wax lacag ah oo ay ka qaadeyso Shahaadada Dugsiga Sare haba yaraatee ma jirto”.

Wasaaradda ayaa ardayda dooneyso shahaadada dugsiga sare waxay ka qaadi jirtay lacag 25 Dollar ah oo ay usii dheereyd laaluush xad dhaaf ah oo laga qaado waalidiinta

Sidoo kale ardayda ayaa waxaa 15 dollar ka qaadi jiray iskuulka uu waxbarashada ay ka dhameystaan, wasaaradana lacagta iskuullada ay qaadaan kama aysan hadlin waxaana kaliya la joojiyey middii ay wasaaradda qaadi jirtay. Sidoo kale, 5 dollar oo ay qaado wasaaradda maaliyadda ayaa weli taagan.

Sidoo kale, wasaaradda ayaa qiimo dhimis u sameysay ardaydii dugsiyada sare ka baxay wixii ka horeeyay 2015-kii ee aan galin Imtixaanka dowladda oo laga qaadi jiray 30 dollar, waxaynawasaaradda sheegtay in hadda kadib laga qaadi doono 5 dollar marka ay qaadanayaan shadaadada dugsiga sare ee Dowlada.

Tallaabadan ayaa bilow ah is beddelada uu wasiirku ku soo kordhinayo nidaamka Waxbarashada dalka oo ka mid ahaa balanqaadkiisa markii uu xilka la wareegay.

Faarax Cabdulqaadir waxaa loo arkaa wasiirka kaliya ee haya xil 100% ku habboon maadaama uu muddo 20 sano ka badan uu kasoo shaqeynayey waxbarashada dalka, xilli dalka uu dowlad la’aan ah, islamarkaana hay’adihii iyo dugsiyadii uu aas-aasay ay ka aflaxeen boqolaal kun oo arday.

Daawo: Darbaweyne oo hal sano u qabtay Madaale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Muxiyadiin Xasan Cali (Darba-weyne) oo ka mid ah waxgaradka gobolka Banaadir ayaa hal sano u qabtay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir inuu ku dhiso dowlad uu yeesho gobolka, oo ay shacabka soo doortaan.

Darba-weyne oo hadal ka jeediyay munaasibad soo dhaweyn ah oo loo qabtay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa waxa uu kula dardaarmay in uu ka shaqeeyo arrintaas, oo uu hore qeyb uga soo noqday guddoomiyaha.

“Hambalyada waxaa inoogu xiga dardaaran ee waxa laga rabaa daryeelka dadka ku nool gobolka Banaadir, nadaafadoodii, biyahooda nadiifta ahaa, sida kugu baranaya dhismaha waddooyinka iyo waxbarashada, waxaas oo dhan waa laga sugaa Madaalow,” ayuu yiri.

“Madaalow lix billood waa kugu filan tahay ku odhan maayo ee hal sano waa kugu filan tahay, wixii ka dambeeya hal sano waxaa ka rabna dowlada isla ogeyn in aan isla dhisno. Qeylo hadda ka qabto hadda gacanta taag, shacabkan ayaa kugu marqaatiyeyna ballan laga baxo ma rabo.”

Sidoo kale waxa uu sheegay inaysan marnaba aqbaleyn in gobolka uu noqdo canshuur bixiyaha ugu badan haddana uusan helin meeqaamkiisa, sidaas darteedna loo baahan yahay in uu lamid noqdo dowlad-goboleedyada dalka.

“Sida ugu dhaqso badan oo ugu awood badan hal sano ayaa ku qabaneyna Yuusuf, waxaa rabna gobolkaan oo madaxweyne leh oo gobolada kalena ay gadaashiisa ku soo safan yihiin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Muxiyadiin Darba-weyne.

Darba-weyne ayaa kamid ah waxgaradka gobolka Banaadir ee sida weyn ugu dagaalama in gobolka uu helo meeqaamkiisa, isaga oo markastana madaxda u sheega in gobolka noqdo mid hela xaq iyo xaquuqdiisa.

Puntland oo jawaab kulul ka bixisay hadalkii taliye Shub

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiweli Mire Xirsi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa u jawaabay Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub) oo laga soo doorto dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xildhibaan Mahad ayaa dhowaan sheegay ka qaaday in Al-Shabaab markii hore laga keenay Puntland, Galmudug iyo Somaliland, ayna tahay in hadda loo eryo dhanka degaanada maamuladaas.

Xirsi oo hadalkaasi naqdiyey ayaa ku baaqay in baarlamaanka Soomaaliya uu xasaanadda ka qaado Xidlhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaano (Shubka).

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Puntland ayaa tilmaamay in Shubka uusan istaahilin inuu xil usii hayo ummadda, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu xildhibaanada ka soo jeeda Puntland, Galmudug iyo Somaliland ugu baaqay inay arrintaan meel sare gaarsiiyaan, si go’aan looga qaato Xildibaan Mahad

“Xildhibaan Shubka inuu maanta yiraahdo, Shabaabka haloo didiyo Galgala iyo Waqoooyiga, waxaanu ka codsanaynaa guddoonka barlamanka in xasaanada lagala noqdo, kaasoo kale in xil loo dhiibo maba ahaynba,” ayuu yiri wasiir Cabdiweli Mire Xirsi.

Hadalka ka soo yeeray xildhibaan Mahad oo xilligaas ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa dhaliyey saameyn xoogan, ayada oo aad looga hadal hayo baraha bulshada ee Internet-ka, wuxuuna sidoo kale ku soo beegmay, ayada oo haatan ay socdaan howlgallo aad u culus.

Inta badan siyaasiyiinta Soomaalida ayaa si kulul isaga weerara dhanka warbaahinta, waxayna tani daba socotaa doodii adkeyd ee Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul oo isna weerar ku qaaday Macawiisyeda, taaas oo uu si weyn uga horymid maamulka gobolka Hiiraan.

CALI COSOBLE oo ka digay qorshe ay damacsan tahay dowladda Qatar oo halis ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullaahi Cosoble oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka digay qorshe uu tilmaamay inay waddo Qatar, kaas oo ‘lagu xagal daacinayo’ howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab

Cali Cosoble ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Qatar ay haatan billowday cadaadis xoogan oo ku aadan sidii looga hotegi lahaa kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee billowday, ayada oo adeegsaneyso lacag iyo xaalado kale, sida uu hadalka ui dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qorshaheeda uu yahay in wadahadal lala furo kooxda Al-Shabaab, balse aysan daacad ka aheyn, sida uu ku sheegay warbixinta uu soo saaray.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa intaasi ku daray in Dooxa ay adeegsaneyso qaar ka mid ah maamullada dalka iyo siyaasiyiinta Soomaalida, si cadaadis loo saaro Xasan Sheekh, ugana laabto dagaalka uu ku dhowaaqay ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Halkan hoose ka aqriso:-

War i soo gaaray ayaa sheegaya iney dowladdii Qatar aheyd ay beerlaxawsi la dhex wareegeyso qaar ka mid ah maamullada iyo siyaasiyiinta Soomaalida ayadoo dooneysa in la joojiyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabab oo wada hadal lala galo.

Xaqiiqda waxey tahay Qatar wexey dooneysaa iney lacag ku bixiso sidii cadaadis loo saari lahaa Madaxweyne Xasan Shekh Maxamud si uu u oggolaado inuu wada hadal la furo argagixisada.

Sidaasoo ay tahay haddana Qatar daacad kama aha heshiiska ee wexey rabtaa iney Al Shabab sidey u dhan yihiin ka soo mid noqdaan maamulka dowliga ah iyo ciidamada kadibna ay la wareegaan talada dalka.

Qatar ma wexey la tahay in la moog yahay dibindaabyadii ay ku sameysay dowladdii rayidka aheyd ee Afganistan ee ay shirarka riwaayadeynta ah u qaban jirtay ayadoo isla markaana hub, saanad iyo dhaqaale ku bixisa sidey Daliban u qabsan lahaayeen Afganistan?

Qatar ma waxey is leedahay Soomaali waa Afrikaan aan garasho fog laheyn oo aan odorosi karin dibin daabyadii ay Soomaali ku heysay muddada ka badan labaatameeyada sano? Iyo weliba waa dad sabool ah oo ay baahi kaga caddahay wixii ka doonana laga sameysan karo?

Qatar ma waxey moog tahay iney dunida sidii hore isaga dhaw dahay Soomaalidana tahay dad la socda dunida casriga ah loona shidi karin filim dunida hore looga daawaday?

Qatar waad soo lug go’day!

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka dagay Itoobiya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, halkaas oo uu ku soo dhoweeyey ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Booqashada madaxweynaha oo aan horey u shaacinay ayaa dhammeystir u ah socdaalka uu ku maray dhammaan dalalka dhaca gobolka (Halkan ka aqriso xogtii hore).

Xasan Sheekh ayaa wadahadallo gaar ah la yeelan doono Abiy Axmed oo ay ka wadahadli  doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimo kale, sida ay shaacisay Villa Soomaaliya.

“Madaxweynaha ayaa Madaxda dalka Itoobiya la yeelan doona wadahadallo ku saleysan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan xal u helidda caqabadaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay wadajirka u wajahayaan labada dal,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu muhiim u yahay la dagaalanka Al-Shabaab, gaar ahaan howlgallada socdo.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ahmiyad gaar ah siinaya in dalalka Gobolku ay mideeyaan dadaalladooda ku aaddan dabar-goynta argagixisada Al-Shabaab oo caqabad ku ah xasilloonida iyo nolasha shucuubta geeska Afrika, horumarinta hannaanka iskaashi ee labada dowladood, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo wax-wada qabsiga,”.

Safarka madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya ayada oo haatan Addis Ababa ay walaac ka qabto isku soo dhowaanshaha Muqdisho iyo Qaahira.

Masar ayaa isku dayeysa inay Soomaaliya u adeegsato inay qeyb ka noqoto cadaadiska la saarayo Itoobiya oo biyo-xireen ka sameysay webiga Nile, oo halis ku ah malaayin Reer Masar oo webigaas ka hela biyaha ay isticmaalaan. 

Intii uu socday kulankii madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Masar Cabdifataax al-Sisi ee July ka dhacay Qaahira, Masar ayaa sheegtay inay isku raaceen in la cambaareeyo buuxinta biyo-xireenka ayada oo aan heshiis lagu ahayn, taasi oo Villa Somalia ay markii dambe beenisay. 

Si kastaba, fallanqeeyayaasha siyaasadda ayaa barnaamijka ku macneeyey farriin ay Addis-Ababa usoo dirtay Muqdisho, sababtoo ah taleefishinka dowladda Itoobiya kama bixi karo barnaamij aysan dowladda raali ka ahayn.

4 arrin oo dhici doono haddii ganacsatada Muqdisho ay lacagta ka joojiyaan Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya waxay malaayiin dollar oo lacag ah bishii ka heshaa ganacsatada ku dhaqan magaalada Muqdisho. Lacagtaan waa sababta ugu weyn ee kooxda weli u jirto dilalka iyo dagaalkana usii wado.

Lacagahaas dadka lagu dilay waxaa kamid ah isla kuwii bixiyey ama ehelkooda. Hadda waxaa socda dagaal dhowr waji leh oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Mid kamid ah dagaaladaan waa in dhaqaale ahaan loo wiiqo kooxdaan. Haddaba warbixintaan waxaan ku eegeynaa waxa dhici kara haddii ay ganacsatada magaalada Muqdisho joojiyaan lacagaha ay siiyaan kooxda Al-Shabaab.

1- Naf badbaadin

Haddii ganacsatada reer Muqdsho joojiyaan lacagaha ay siiyaan Al-Shabaab waxa ay badbaadineysaa naftooda midda ehelkooda iyo midda bulshada kale ee magaalada.

Lacagaha ay bixiyaan ganacsatadaan waxaa lagu iibiyaa hubka lagu gubo caasimadda, waxaa mushaar loo siiyaa dagaalamayaasha, waxaana lagu fuliyaa qaraxyada.

2- Siima noolaan karto kooxda

Al-Shabaab waxay sii jirayaan inta ay lacag heli karaan. Haddii ay lacag waayaan masii jiri doonaan sida ay sheegayaan qubarada amniga. Al-Shabaab hadda waxay ku jiraan kooxaha ugu dhaqaalaha badan ururada argagixisada adduunka.

Waxaa jiro warar sheegaya inay xataa lacag u diraan ururo kale oo argagixiso oo dibadda ah sida Bokka Haram. Haddii ay ganacsatada Muqdisho joojiyaan lacagaha gaaray in xitaa dalal kale oo dibadda ah dhibaato looga geysto masii jiri karto kooxda.

3- Badbaado dhaqaale

Ganacsatada Muqdisho waxaa canshuur ka qaada Dowladda federaalka ah waxaana lacago qasab ah ka qaada Al-Shabaab iyo Daacish. Haddii ay joojiyaan lacagaha sharci darada ah oo ay siinayaan kooxaha argagixisada ah waxaa u haraya dhaqaale badan oo ay ku hormarin karaan ganacsiyadooda.

4- Nabadda dalka

Ganacsatada mas’uuliyad ayaa ka saaran xasiloonida dalka, lacagaha ay hadda Daacish iyo Al-Shabaab siiyaan waxay qeyb ka qaataan amni darada dalka balse haddii ay joojiyaan dalku wiuxuu aadayaa dhanka nabadda horumarka, waxaana imaanaaya fursado maalgashi oo caalami ah.

Lacagaha ay kooxdaan ka qaado ganacsatada magaalada Muqdisho malahan badbaado, marar badan ayey dhacday inay kooxda dishay isla dadkii lacagta siin jiray ha noqoto inay ku dishay qarax ay ka fuliyeen goob ama dil ku talagal ah oo la xiriira muran maaliyadeed.

Is dilid aadan ogeyn waa lacagtaadii oo aad Al-Shabaab siiso si ay hub ugu soo gataan kadibna ugu dilaan dad aad ku jirtid isla adigii lacagta bixiyey. Haddii ay maanta ganacsatada joojiyaan lacagaha ay siiyaan kooxdaan waxaa laga yaabaa inay beegsi ku bilaabaan laakiin uma cimri dheeraan karaan sida hadda taagan mar walbana lacagataas badbaado ma wadan.

Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa hadda lasoo warinayaa in wajiga labaad ee dagaalka ay Al-Shabaab ku qaadeyso inuu yahay in la joojiyo dadka dhaqaale ahaan u taageera kooxda ha noqdaan kuwa jaceyl u siiya lacagta ama kuwa la qasbo.

Haddii ay dowladda federaalka ku guuleysato inay joojiso lacagahaan la siiyo kooxda Al-Shabaab waxay noqon doontaa tallaabo weyn oo dhanka horumarka loo qaaday iyo jab weyn oo soo gaaray kooxda soona dadajin kara inuu dagaalku soo gaabto oo lasoo afjaro kooxda.

Saldhigga AL-SHABAAB ugu weyn ee gobolka BAAY oo qarka loo saaran yahay

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed oo garabsanaya dadka deegaanka ee is abaabulay ayaa ku sii siqaya deegaanka Labaatan Jirow ee Gobolka Baay, kadib markii ay shalay ka ruqaansadeen deegaanka Saydhaalow, oo Isniintii ay kala wareegeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Deegaankan oo ay Shabaabku ku leeyihiin saldhigoodu ugu weyn ee Gobolka Baay ayaa waxaa ku yaalla xabsiga caanka ah ee 20 Jirow, waana xabsiga ay Dowladdii Militariga ku xiri jirtay dadka ku eedeysan xukunada siyaasadda, iyadoona uu magaalada Baydhaba u jiro qiyaastii 60km.

Gulufka ku wajahan 20 Jirow ayaa waxaa horkacaya xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka iyo wasiiro ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Ilyaas Cali Nuur, oo ka mid ah masuuliyiinta hoggaaminaya hawlgalkaasi, ayaa sheegay in duulaankoodu uu ku wajahan yahay 20 Jirow.

Wasiirka ayaa dhanka kale beeniyay warar uu sheegay inay Shabaabku ku baahiyeen barraha bulshada, oo ay ku sheegayeen geeridiisa.

“Meesha aad joogtaan ee Labaatan Jirow ayaanba idinkugu imaanaynaa. Horaan idiin kugu sheegay Saydhaalow anigaa ka khudbadaynayo ama Cali Dheeraa ka khudbadeynayo wax ka dhaxeeyo maleh, teena ayaa fulayso, horeyna waan idiin kugu sheegay, wayna dhacday,” ayuu yiri.

Xildhibaan General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in iyaga iyo Al-Shabaab ay ku dagaalamayaan aagga Labaatan Jirow, dagaalkuna uu bilow yahay.

“Dagaalka hadda waa bilow, goobo badan baan rajeynaynaa inaan ku duulno, kana qabano nimankan,” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xildhibaanka ayaa yiri “Dagaalka inaan bilowno waxaa nagu khasbay nimanka kan in hal gobol lagala dagaalamo waa lagu ciribtiri waayay, maadaama Somaliya oo dhan ay u istaagtay la dagaalankooda, annagana Soomaalidaa ka mid nahay oo qaybtayada ayaa ka qaadanaynaa baabi’intooda iyo burburintooda.”

Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa ku fidaya gobollada kale ee dalka. Shalay oo ugu dambeysay Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa hawlgalo ka bilaabay deegaano dhowr ah, oo hoostagga magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Aadan Madoobe oo ka digay dhallinyaro Soomaali ah oo matoor kale uu saaran yahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe oo ka qeybgalayey kulan looga hadlayey xuquuqda aadanaha oo ay soo agaasintay wasaaradda haweenka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay inay dalka ku cayaarayaan dhallinyaro fikir kale xambaarsan.

“ Dowladda Soomaaliya waxay xoogga saartay sidii ay u ilaalin laheyd xuquuqda aadanaha, dastuurkana qodobadiisa koowaad wuxuu ka hadlayaa ilaalinta xuquuqda dadka, balse mar kasta dalka waxaa ka dhaca tacadiyo dhexdeena ah” ayuu yiri guddoomiye Aadan Madoobe.

Aadan Madoobe ayaa hadalkiisa kusii daray “ Waxaa jiro dhibaatooyin ay tahay inay beesha caalamka gacan ka geysato, Dad dhallinyaro ah oo jinsiyadda markaa fiiriso Soomaali ah balse fikiro kale lasoo saaray ayaa ummaddii ku cayaarayo”.

Guddoomiye Madoobe ayaa sheegay in qaraxyada ka dhacay Soomaaliya lagu laayey haween iyo carruur badan taasina ay ka dhalatay dhallinyaro fikrado kale xambaarsan oo dalka yimid.

“ Dadkaas dhibaatada nagu hayo waa in umadda dhan aysan u kala harin, sidoo kalana ay beesha caalamka gacan naga siiso si waxaan dalka looga tirtiro” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in haddii aan sharci adag laga soo saarin dhallinyaradaas aysan suuragal aheyn in la ilaaliyo xuquuqda haweenka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

“ Qof maalin kasta naxdin iyo cabsi ku nool oo is leh caawa miyaa lagu dilayaa mise berri, waxaa caddeyn kuugu filan Soomaalida kan faasiqa ah xataa wuu ixtiraamaa masaajida, balse dhallinyaradaan fikradaha kale xambaarsan waxay dilayaan dadka masaajida u socda,” ayuu yiri mar kale.

Hadalka guddoomiye Aadan Madoobe ayaa ku soo aadayo xilli uu dalka ka dilaacay kacdoon looga soo horjeedo kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka bilowday gobolo kamid ah Soomaaliya.

Ku-simaha madaxweynaha oo kulan la qaatay danjiraha Sacuudi Carabiya + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Sacuudi Carabiya Amb. Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad.

Kulanka ayaa waxay labada masuul uga wada-hadleen dhismaha Machadka tababarada baarlamaanka, horumarinta baarlamaanka Soomaaliya iyo sidii howl-wadeennadda Golaha Shacabka u heli lahayeen aqoon kororsi.

Danjiraha Sacuudiga u jooga Soomaaliya ayaa waxa uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga mahad-celiyey shaqada dardarta leh ee uu hogaanka u haayo Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha ayaa dhankiisa danjiraha ku bogaadiyay garab-istaaga dowladda aan walaalaha nahay ee Sacuudiga la garab taagan tahay dowladda federaalka Soomaaliya iyo dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinaayo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Sacuudiga ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero dowladda federaalka ah, waxaana Soomaaliya uu ka fuliyaa mashaariicyo waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed.

Mareykanka oo qirtay inuu shacab ku dilay Soomaaliya

0

Washington (Caasimada Online) – Warbixin guud oo ka soo baxday waaxda difaaca dowladda Mareykanka ayaa waxaa lagu faahfaahiyey khasaaraha rayidka kasoo gaaray duqeymo ay ka fulisay dalalka ay ku jirto Somalia, kuwaas oo ka sameeyo howlgal milatari.

Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ugu yaraan saddex qof oo rayid ahaa ay ku dhaawacmeen weerar dhanka cirka ah oo uu ka fuliyey deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Sh/Hoose, taas oo ujeedkooda uu ahaa in lagu bartilmaameedsado Al-Shabaab.

Warbixinta qiraalka ah ayaa waxaa lagu xusay in duqeyntaasi ay dhacday kowdii Janaayo ee sanadkan 2022-ka, balse ma sheegin Mareykanka inuu garwoshiyo ka bixiyey arintaasi.

“Ilaalinta dadka rayidka ah waa istaraatijiyad iyo damiir lagama maarmaan ah,” ayuu Austin ku xusay qoraal ku socday taliska ciidamada Mareykanka.

Sidoo kale milatariga Mareykanka ayaa weeraro ka dhacay dalka Afghanistan sanadkii 2021-kii ku dilay illaa 12 qof oo rayid ahaa, sidoo kalena ku dhaawacay 5 kale.

“Waaxda Difaaca waxay qiimeysay in ku dhawaad 12 qof oo rayid ah lagu dilay laguna dhaawacay ku dhawaad 5 qof oo rayid ah intii lagu guda jiray 2021-ka, taasoo ka dhalatay howlgallada ciidamada Mareykanka,” ayaa lagu yiri warbixinta, oo Koongarasku codsaday in lasii daayo sannad kasta tan iyo 2018, iyadaoo qeyb ka mid ah ay aheyd sir” ayaa lagu yiri.

Pentagon-ka ayaa horey u qirtay mas’uuliyadda dhimashada 10 xubnood oo isku qoys ah, oo ay ku jiraan toddoba carruur ah, intii lagu jiray ka bixitaankii Mareykanka ee Afghanistan oo dhammaaday Ogosto 2021.

Sidoo kale Pentagon-ka ayaa dib u qiimeyn ku sameeyay tirakoobkeeda dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka ah ee dalka Suuriya laga soo bilaabo 2018 ilaa 2020 ku ogaaday, kuna qirtay 10 kale oo dhimasho ah iyo 18 dhaawac ah.

Bishii Janaayo 2022-ka, Xoghayaha Difaaca Mareykanka ayaa ku boorriyay milatariga in ay sameeyaan isbedel ay uga fogaadaan waxyeellada dadka rayidka kasoo gaarta weerarada cirka, kadib markii dhowr khalad oo dhimasho ah ay waxyeelleeyeen sumcadda milatariga.

Maxamed Bin Salmaan oo loo magacaabay ra’iisul wasaare

Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha awoodda badan ee Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa loo magacaabay ra’iisul wasaare, xilkaas oo ah mid caadiyan uu hayo boqorka, waxaa sidaas lagu sheegay isku shaandheyn dhacday Talaadadii.

Tallaabadan ayaa rasmi ka dhigeysa awood horey gacanta ugu jirtay Amiir Maxamed, kaasi oo sanado badan ahaa hoggaamiyaha dhabta ah boqortooyada, sida ay sheegeen fallanqeeyayaasha. 

Madaxda kale ee wasaaradaha muhiimka ah sida; arrimaha gudaha, dibedda iyo tamartka ayaan isbeddel lagu sameyn, sida ku cad dikreetada Boqor Salmaan oo ay daabacday wakaaladda wararka rasmiga ah ee Saudi Press Agency.

Amiir Maxamed oo 37 jir noqday bishii tagtay, ayaa ahaa qofka sugaya inuu aabihiis ka beddelo xilka boqorka tan iyo 2017.

Sacuudi Carabiya ayaa sanadihii ugu dambeeyey isku dayeysay inay beeniso wararka ku saabsan xaaladda caafimaad ee boqorka 86 jirka ah, oo dalka saliidda hodanka ku ah xukumayey tan iyo 2015.

Sanaddii 2017, waxay ku gacan sayrtay warbixino ku saabsanaa in boqorka uu qorsheynayey inuu ka dego xilka kuna wareejiyo wiilkiisa Amiir Maxamed.

Boqor Salmaan ayaa isbitalka la dhigay laba jeer sanadkan, waxaana u dambeysay bishii May oo uu toddobaad ku sugnaa ayada oo tijaabooyin looga sameeyey mindhicirada, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Amiir Maxamed ayaa noqday wasiirka difaaca 2015, taasi oo aheyd tallaabo muhiim u ah inuu xajisto awoodda. 

In dhaxal-sugaha laga dhigo ra’iisul wasaare waa tallaabo aan caadi aheyn, balse horey waa ay u dhacday. 

Sanadihii 1950-meeyada Amiir Faysal Al-Sacuud ayaa noqday ra’iisul wasaare, wuxuuna la wareegay maamulka howlaha dowladda, taasi oo ugu dambeyn hoggaamisay loolan awoodeed oo natiijadiisu noqotay in Boqorkii xilligaas Sacuud uu xilka ka dego.

Hase yeeshee xaaladdan ayaa ah mid ka duwan, “oo rasmi ka dhigeysa xaalad muuqatay,” waxaa sidaas yiri Ali Shihabi, oo ah fallanqeeye Sacuudi ah oo ku dhow dowladda. 

“Waxay aheyd mid xaqiiqdii soo daahday, maadaama uu sanado badan ahaa madaxii fulinta ee howlaha boqorka,” ayuu yiri Shihabi. 

Dhaxal-sugaha “mar hore ayuu soo maray marxaladda loolankii awoodda wuuna ku guuleystay, marka waxa hadda dhacaya waa in rasmi laga dhigayo awooddiisa,” waxaa sidaas yiri Umar Karim, oo khabiir ku ah siyaasadda Sacuudiga, kana tirsan Jaamacadda University of Birmingham.

Tallaabadan waxay sidoo kale xalin kartaa su’aalo baratakool, maadaama Amiir Maxamed uu sanado badan la kulmayey madaxda dalal, inkasta oo darajadiisa rasmiga ay aheyd wasiir difaac, ayuu yiri Karim.

Amiir Maxamed ayaa waxaa xilka wasiirka difaaca ka beddelay walaalkiis ka yar Khalid bin Salmaan, oo ahaa wasiir ku-xigeenka difaaca.

Maxay tahay deeqda maaliyadeed ee DF ay ka codsatay dalka Canada?

0

Ottawa (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo booqasho howleed ku jooga Ottawa ayaa dowladda Canada kala hadlay gurmadka abaaraha Soomaaliya.

Ergeyga gaar ah ayaa dowladda Canada kala hadlay sidii ay u kordhin lahayd deeqda looga jawaabayo gurmadka abaaraha Soomaaliya, oo xaaladeeda looga deyrinayo si weyn.

Kulan uu Ergeygu magaalada Ottawa kula yeeshay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Canada Harjit Sajjan ayuu si weyn ugu booriyay muhiimadda ay dadka abaaruhu saameeyeen u leedahay in dowladiisu sare u qaado deeqda, islamarkaana kaalin muuqata ka qaadato gurmadka abaaraha.

Sidoo kale waxa uu ka codsaday dowladda Canada in ay Soomaaliya ka gacan siiso sidii dowladaha iyo hay’adaha ay saamaynta ku leedahay iyo deeq-bixiyayaasha caalamkaba loogu soo jeedin lahaa xadiga abaaraha ka jira dalka.

Kulanka ayaa waxaa la iskula qaatay in xooga la saaro maal-gelinta mashaariicda adkaysiga iyo ka soo kabashada, lana dhiso awoodda dowladda.

Ugu dambeyntiina wuxuu ergeygu iftiimiyay sida loogu baahan yahay mashaariic xasilineed oo deg-deg ah oo wax loogu qabto deegaanada laga xoreeyey kooxaha xag-jirka ah.

Si kastaba, socdaalka Ergeyga ayaa u daaran sidii indhaha caalamka ugu soo jeedin lahaa xaalada abaareed ee dalka, isaga oo ku wargeliyay QM iyo dalalka xubnaha ka ah in weli farqi weyn u dhaxeeyo deeqaha la balan-qaaday iyo baahiyaha ay qabaan dadka ay abaartu sameeysay.

PUNTLAND oo shaacisay in ay gacanta ku dhigtay 150 qarax iyo raggii fulin lahaa

0

Garoowe (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska gobolka Mudug ee Puntland Gaashaanle Sare Muumin Cabdi Shire oo la hadlay warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ay sameeyeen ciidamada ammaanka ee maamulkaasi.

Muumin Cabdi Shire ayaa shaaca ka qaaday in inta ay wadeen howlgalladaan ay ku soo qabteen illaa 150 qarax, kuwaas oo uu tilmaamay inay kooxda Al-Shabaab u qorsheysay in ay ka fuliso deegaannada Puntland iyo Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay inay gacanta ku dhigeen laba shabakadood oo u xil-saarnaa fulinta qaraxyadaasi, balse ma carab baabin goobta ay ku qabteen.

Sidoo kale taliyaha qaybta Booliska gobolka Mudug ee Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ciidamada ammaanka maamulkaasi ay u suuragashay soo qabashada raggii ka dambeeyey dilalka saddex qof oo dhowaan ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Ujeedka laga lahaa dilalka saddexdaasi qof ayuu sidoo kale ku tilmaamay inay aheyd sidii la’isaga horkeeni lahaa beelaha wada daga halkaasi.

“Al-Shabaab waxay dileen saddex qof, labo qof oo kamid ah waxay ula jeedeen inay dadka isku dhuftaan. Nin nabaddoon ah baa la dilay, ujeeddada laga lahaa waxay ahayd in beel kale dusha loo saaro,” ayuu yiri taliyaha booliiska gobolka Mudug ee maamulka Puntland.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan gobollada dhexe ee dalka ay ka socdaan howlgalladii ugu ballaarnaa oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay ka qayb qaadanayaan ciidamo beeleed deegaanka ah oo haatan qabsaday deegaanno dhowr ah.

Somaliland oo amar culus dul dhigtay wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-banaan

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddida Qandaraasyada Qaranka ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku joojiyey gebi ahaanba in wasaaradaha iyo hay’addaha madaxa-banaan qandaraas-bixinta.

Guddiga ayaa sheegay in cida bixineysa qandaraasyada ay tahay Guddida Qandaraasyada Qaranka, kadib marka uu marsiiyo habraacyada iyo xeernidaamiyayaash gundhiga u ah bixinta adeega qandaraas-bixinta.

“Waxa aan la socodsiinaynaa Baanka Dhexe, Xisaabaadka Guud ee dolwadda, Wasaaradda horumarinta Maaliyada, Xafiiska Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka in aan la bixin karin lacag Qandaraas oo aan soo marin Guddida Qandaraasyada Qaranka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddida.

Sidoo kale waxa uu guddiga faray dhamaan Wasaaradaha, Hay’addaha Madaxa-banaan ee dowladda iyo dowladaha hoose ee dalka inay adeegsadaan xeerka qandaraasyada Xeer Lr.82/2018 iyo habraacyada kala duwan ee ay guddiga qandaraasyadu soo saartay.

“Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 28/09/2022 soo saaray wareegtadan Guddida Qandaraasyada Qaranku ku dhaqan-gelinayso hab-raacyada iyo xeernidaamiyayaash gundhiga u ah bixinta adeega qandaraas-bixinta si waafaqsan xeerarka kala ah; Siyaasadda qandaraasyada ee dalka, Xeernidaamiyaha qandaraasyada qaranka, Habraacyada iyo Siyaasada qandaraasyada ee la xidhiidha iibka badeecadaha iyo adeeg bixinta, habraaca adeega dhismayaasha iyo la-talinta, adeega aan la-talinta laheyn iyo qiimeynta iyo kala saarista hordhaca ah.”

Ugu dambeyntiina waxa lagu sheegay qoraalka in faah-faahinta xeernidaamyada, siyaasadaha iyo habraacyada lagu dhaqan-geliyay wareegtadan ay ku faafin doonaan barta rasmiga ah ee guddiga ku leeyahay mareegta internet-ka.

Daawo: Faarax Macalin oo weeraray saaxiibkiis Farmaajo “Wuxuu ahaa fulay la diriri waayey Shabaab”

0

Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan Faarax Macalin oo ka mid ah baarlamaanka Kenya oo saaxiib dhow la ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhaliilay markii ugu horeysay, isagoo ku tilmaamay ‘fulay ku dhiira waayey in dalka uu ka xoreeyo Al-Shabaab.

Faarax Macalin ayaa sheegay in Farmaajo uu dhowr jeer kala hadlay dagaalka Al-Shabaab, balse uu noqday nin aan go’aan laheyn oo u hoggaansamay rabitaanka reer Galbeedka.

“Farmaajo wuxuu tilaab ugu qaadi waayey Al-Shabaab, wax ogolaansho ah ayuu ka waayey Mareykanka iyo Ingiriiska, waxaa la yiri hadaa la dagaashaan waxay ku cararayaan gudaha Kenya, waxaa la go’aansaday in sidaas ay Soomaaliya u dhex joogaan,” ayuu yiri Faarax.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Farmaajo iyo Ra’iisul wasaarihiisii Kheyre ay is qiyaameen, “Kheyre wuxuu xiriir la lahaa Axmed Madoobe, waxayna is tuseen hadii Bu’aale la xoreeyo in Axmed uu meesha ka baxayo, marka waa is qiyaamayeen Farmaajo iyo Kheyre,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Faarax Macalin.

Wuxuu sheegay in waayahaas ka Faarax ahaan uu aad u doonayey in meesha laga saaro Axmed Madoobe, Al-Shabaab-na lala diriro, balse Farmaajo uu qaada waayey wax go’aan ah oo geesinimo ku jirto.

“Farmaajo wuxuu ahaa ‘fulay wadani ah’ tuug maaheyn, dalku inuu guuleystana waa rabay, laakiin calool adeygii ayaa ka maqnaa, si tartiib ah ayuu rabay inuu ku gaaro xalka Soomaalida, taasna macquul ma noqon,” ayuu yiri Faarax Macalin.

Mar la weydiiyey sababta uu uga aamusi jiray qaladaada dowladii Farmaajo ayuu sheegay in markii la laayey askartii Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo markii la dhiibay Qalbidhagax, uu si cad u sheegay in Farmaajo iyo Kheyre ay meeshii ugu sareysay ka bilaabeen khaa’inimo tii ugu xumeed.

Mar uu tilmaamay dhibaatooyinkii heystay Farmaajo wuxuu sheegay inuu ahaa nin ka cabsada in shacabkiisa uu la hadlo, “Xitaa hadaa qalad gashay waa inaad dadka la hadasho oo sidii ay wax u dhaceen u sheegto, wixii la qalday aad saxdo, dadkii qaldana aad tallaabo ka qaado, dadku markaas waa kaa qancayaan,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Faarax Macalin oo wareysigaan siiyey TV-ga Universal ayaa sheegay in Farmaajo aad loo qiyaamayey, sidoo kalena isagoo niyad fiican uu ahaa fulay ay dhibeysay inuu shacabka Soomaaliyeed toos ula hadlo.

“Dhagar miiran waaye siyaasadda Soomaaliya, dad badan oo Farmaajo uu aaminay ayaa dhagray, nin eed la’aan ah iima muuqdo, laakiin eedaha ayaa kala weynaa, balse waxaa muhiim ah in qaranimada iyo qabka Soomaalida la dhowro oo kor loo qaado,” ayuu yiri Xildhibaan Faarax Macalin oo ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya.

Hoos ka daawo

DF oo shaacisay ciqaabta ganacsadihii lacag siiya kooxda Al-Shabaab (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa digniin culus u dirtay ganacsatada Soomaaliyeed ee lacagaha canshuurta ah siisa Al-Shabaab, sidoo kale waxay dowladdu cadeysay in ganacsadihii lagu qabto arrintaas loola dhaqmi doono sidii nin Shabaab ah.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo marti ku ahaa barnaamij ka baxay TV-ga Universal ayaa sheegay in dowladdu ay meel mari doonto sharci xadidaya maalgelinta argagixisada, si meesha looga saaro canshuurta ay qaado kooxda Al-Shabaab.

“Suurta gal maahan in nin Al-Shabaab uu dekedda Muqdisho iyo ganacsiyada canshuuro oo magaalada uu xafiis ku lahaado, anaguna aan duurka ku eryano mid aan waxaba kala ogeyn,” ayuu yiri Fiqi.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Waxaan ogaa doonaa akoonada lagu shubo lacagta, qofkii lagu helo dembigaas, noogama duwana Cali Dheere, suurta galna maahan in masaajidka aad nooga horeysaan, lacagaha aad bixisaana dadkeena lagu laayo.”

Mar la weydiiyey qorshaha uga degan dowladda ammaanka ganacsatada hadii ay diidaan canshuurta ayuu sheegay in Al-Shabaab ay yihiin cadow ku sii koraya Soomaaliya, balse hadii laga jaro dhaqaalaha ay suurta geli doonto in mudo kooban lagu soo afjari karo kooxda.

“Adigu qoriga ii hay, i dil, taleefan iigu hanjab, dhaqaalahaaga aan dadka ku laayo, wax la sii fiirsa karo maaha, waxay u baahan tahay faro gelin dowladeed, waana in la joojiyaa, taas waxay naga saamixi doontaa, in kooxdu ay weyso waxay qaraxa ku iibsato,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Ugu dambeyntii wasiirka ayaa sheegay in dowladdu ay masuuliyad iska saari doonto ammaanka ganacsatada, “Taas qorsheeha kow ayey ka tahay, laakiin ganacsade jooji dhaqaalaha aad bixineyso, lama fiirsa karo in Shabaab lagu maal geliyo ‘lafaheygaan la cabsanayaa’ wax la aqbali karo maaha,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo

Daawo: Xildhibaanno iyo saraakiil ciidan oo maanta ku biiray dagaalka Galgaduud

0

Baxdo (Caasimada Online) – Xildhibaano iyo saraakiil ciidan ayaa maanta ku biiray howlgallada ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda deegaanada hoos taga degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud.

Howlagalladaan oo xoogeystay maalimihii lasoo dhaafay ayaa waxaa maanta jiida hore warbaahinta kula hadlay qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Galmudug.

Horay deegaanadaas waxaa u joogay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala, Xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye iyo saraakiil ciidan oo Xasan Jaamici uu ku jiro.

Xildhibaan Gurey Geesey oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug, isla markaana hoggaaminayey masuuliyiinta maanta gaartay jiida hore ayaa soo tiriyey dhowr deegaan oo kooxda laga xoreeyey.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in deegaanada la xoreeyey ay soo kormeereen, balse ay soo arkeen in dadkii iyo duunyadii ku noolaa ay guryahooda ka xaqeen, si ay naftooda u badbaadsadaan.

Xildhibaan Gurey ayaa dadka ka qaxay deeganada laga saaray Al-Shabaab wuxuu ugu baaqay inay dib ugu soo laabtaan guryahooda, isla markaana ay ka qeyb qaataan difaaca deegaanadooda.

Waxaa sii kordhaya masuuliyiinta iyo saraakiisha ciidamada ee maalmahaan gaarayey jiida hore ee dagaal, gaar ahaan gobolkaan Galgaduud oo abaabul iyo guluf dagaal oo xoog leh uu ka socdo.

Hoos ka daawo