27.8 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Wararkii ugu dambeeyey ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Gen. Odowaa iyo Jaamac oo xog bixiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhiga, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidamada Xooga dalka, Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo maanta gaaray deegaano ka tirsan Bariga gobolka Galgaduud ayaa ka hadlay howl-galada ka dhanka ah Al-Shabab ee ka socda dalka.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ugu horeyntii sheegay in kacdoonka shacab ee socda uu yimid kadib markii ay dadka Soomaaliyeed u dulqaadan waayeen dhibaatada ba’an ee Al-Shabaab ku haysay, taasi oo markii hore ogolaadeen inay ku dul noolaadaan.

“Waxaa la jooga waqtigii Al-Shabaab guud ahaan dalka laga saari lahaa,” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu si weyn ugu mahad-celiyay Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee wada howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab, oo deegaano dhowr ah ka saaray kooxda.

Taliyaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa dhankiisa sheegay in Al-Shabaab sanado badan dagaalo lagula jiray, islamarkaana dhowrkii sano ee lasoo dhaafay uu gaaray jab xoogan.

“Sanadihii ugu dambeeyay Al-Shabaab goob ay ku dagaalameen oo guul kala noqdeen majirto. Umadda Soomaaliyeed maanta kadib masii dul saarnaan karaan, wax alaale iyo waxay u geysan kareen waa u gaysteen oo wax ay ula hareen majirto.”

Odawaa ayaa sidoo kale tilmaamay inay sii tabar dareynayso Al-Shabaab, ayna xiligaan ay dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo bulshada Soomaaliyeed ay ka go’an tahay la-dagaalanka Al-Shabaab.

“Alle Mahadiis waaye in shacabka Soomaaliyeed ay garawsadeen in aan lasii fiirsan karin Al-Shabaab ayna go’aansadeen inay la dagaalamaan, si shartooda looga nabad galo, loona helo nabad iyo xasilooni waarta,” ayuu yiri.

A-Shabaab ayaa waxaa gabi ahaanba gacantooda kasii baxaya gobolka Hiiraan oo dhan, ayada oo xalay ciidanka dowlada oo garabsanaya dadka deegaanka ay si buuxda ula wareegen degaanka Bukh-aqable ee gobolka, halkaas oo mudo dheer ay kooxda ka talinayeen.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa Al-Shabaab ku baacsanaya gobolka, waxaana gacanta kooxda ku haray deegaano faro ku tiris ah, iyadoo maalinba deegaan lagu weerarayo.

Ciidamada beel diidan hab qeybsiga xilalka Galmudug oo goobo muhiim ah qabsaday

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamo ku hubeysan gawaarida dagaalka ayaa maanta gadood ka sameeyey gudaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug gaar ahaan dhinaca maamul goboleedka Galmudug.

Ciidamadaan gadoodsan ayaa la wareegay koontaroolada magaalada ee canshuurta laga qaado, waxaana gebi ahaanba istaagay isticmaalka waddooyinka ay ciidamada la wareegeen.

Ciidamadaan oo kasoo jeedo beel kamid ah beelaha daga deegaanada maamulka Galmudug ayaa sheegay inay diidan yihiin hab qeybsiga loo qeybiyey xilalka maamulka Galmudug.

Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa maanta ah mid kacsan, waxaana jidadka magaalada lagu arkayaa ciidamo tiro badan oo gadood ah.

Tallaabada ay qaadeen ciidamadaan ayaa imaaneysa kadib markii dhawaan ay sheegeen odayaasha beeshaas inay kalsoonidii kala noqdeen maamulka Galmudug.

Odayaasha beeshaan oo degta Gaalkacyo ayaa sheegay inaan mar dambe laga qaadi doonin canshuur illaa maamulka Galmudug ay ka saxdo hab qeybsiga beelaha ee maamulkaas.

Maamulka Galmudug weli kama hadlin ciidamada gadoodka sameeyey iyo warkii kasoo yeeray odayaasha beeshaas ee ahaa inay kalsoonidii kala laabtaan maamulka Galmudug.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo deegaanada Galmudug ay ka socdaan dagaallo ay qeyb ka yihiin qaar ka mid ah beelaha oo kooxda Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay haystaan ee gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Aadan Barre oo wasiir sare loo magacaabay iyo Ruto oo shaaciyey golaha wasiirada

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa maanta ku dhowaaqay qaar ka mid ah xubnaha golaha cusub ee wasiirrada ee dalkaaasi.

Xidhibaan Aadan Barre Ducaale oo Soomaali ah ayaa loo magacaabay wasiirka gaashaandhigga Kenya, halka Alfred Mutua uu ka noqonayo wasiirka arrimaha dibedda, sida ay sheegtay warbaahinta Kenya.

Aadan Barre ayaa ka mid ah xubnaha aadka ugu dhow madaxweyne Ruto, wuxuuna si xooggan ugala shaqeeyay ololihiisa doorashada ee guusha ku dhammaaday 9-kii August markii ay dhacday doorashada madaxweynaha.

Xubnaha kale ee golaha wasiirrada waxaa ku jira Moses Kuria oo noqonaya wasiirka ganacsiga iyo waarshadaha, iyo Kithure Kindiki oo noqonaya wasiirka arrimaha gudaha.

Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale magacaabay Musalia Mudavadi oo ka mid ah hoggaamiyayaasha axsaabta isbahaysiga la lahaa madaxweynaha inuu noqdo Xoghayaha Koowaad ee Golaha Wasiirrada.

Mr Mudavadi ayaa noqonaya sarkaalka ugu sarreeya xukuumadda kadib madaxweyne William Ruto iyo madaxweyne ku-xigeenka Rigathi Gachagua. 

Xubnaha kale ee dowladda ayaa waxaa ku jira wasiirka warfaafinta oo loo magacaabay Eliud Owalo, Ezekiel Machogu oo loo magacaabay wasiirka waxbarashada, wasiirka beeraha iyo xoolaha oo laga dhigay Mithika Linturi iyo Davis Chirchir oo noqonaya wasiirka tamarta.

Wasiirada la magacaabay ayaa waxaan ku jirin qof kale oo Soomaali ah marka laga reebo Aadan Ducaale, mana caddaa xubno kale ay dhiman yihiin, ama wasiir ku-xigeenada lagu soo dari doono. 

Daawo: Dhallinyaro kasoo baxsatay magafaha Libya oo maanta soo gaaray Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – 9 ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee Maxaabiista ku ahaa dalka Liibiya ayaa maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dhallinyarada ayaa waxaa garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, oo ay kamid tahay Ergeyga Gaarka ah ee Xuquuqda muhaajiriinta iyo carruurta Amb. Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf.

Soo celinta dhallinyaradaan oo Liibiya ku xayirnaa sannado badan oo Magafe ka soo baxsaday ayaa waxa gacan weyn ka geystay Xafiiska Ergeyga Gaarka ah, kadib markii ay yimaadeen Safaaradda Soomaaliya ee Tripoli si ay dalkooda dib ugu soo laabtaan.

Amb. Maryan oo dadaalkaan soo wadday illaa 2016 ayaa dalkooda ku soo celisay dhallinyaro tiro badan oo ku jiray xabsiyo kala duwan ayaa waxay uga mahad celisay Madaxwenaha dalka iyo Ra’iisul Wasaaraha dadaalka ay galiyeen badbaadda dhallinyarada Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadihii dambe ku hawlaneyd sidii muwaadiniinta Somaaliyeed ee xabsiyada dalalka kala duwan ku jira iyo kuwa ku dhibaateysan ee ku xayiran ay dib ugu soo celin laheyd dalka.

ATMIS oo bedeshay aragtidii ay ka haysatay ciidamada DF kadib kacdoonka billowday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS oo qoraal kasoo saaray guulihii ugu dambeeyey ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa ciidamada dowladda ku bogaadiyey geesinimada ay muujiyeen.

ATMIS ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay soo bandhigeen awooddooda taasoo suuragal ka dhigtay inay kooxda Al-Shabaab kala wareegaan deegaano ay gacanta ku hayeen 10-kii sano ee lasoo dhaafay.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in tallaabadaan ay muujineyso in ciidamada dowladda Soomaaliya ay u diyaarsan yihiin inay la wareegaan amniga dalka, islamarkaasna ay guud ahaan dalka ka saaraan kooxda Al-Shabaab.

“ATMIS waxay ku adkaysanaysaa in ciidan Soomaaliyeed oo si xirfadaysan u tababaran oo si wanaagsan u qalabaysan ay runtii yihiin kuwo wax ka beddelay dagaalka ka dhanka ah argagixisada Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay ATMIS.

ATMIS ayaa sanado badan sheegi jirtay in ciidamada Soomaaliya aysan lahayn awood ay kula wareegaan amniga dalka, waxaana hadda muuqata in mowqifkooda uu isbeddelay.

Sida ay ku heshiiyeen dowladda Soomaaliya iyo howlgalka ATMIS, ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu wareejin doonaa guud ahaan amniga dalka marka la gaaro dhammaadka sanadka 2024, iyadoo ay dalka isaga bixi doonaan guud ahaan ciidamada ajaanibta ah ee ku sugan.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan haysata ciidamo aad u tababaran oo la carbinayay shantii sano ee lasoo dhaafay, sidoo kale illaa shan kun iyo dheeraad askari ayaa haatan Eritrea lagu tababaray, kuwaas oo aan weli dalka lagu soo celin.

Kooxa Al-Shabaab ayaa hadda gacanta ku hayso deegaano dhowr ah, lamana yaqaano natiijada ka dhallan karta kacdoonka hadda socda ee ka dhanka ah kooxdaan.

Howlgalka AMISOM ee ee hadda loo bixiyey ATMIS ayaa muddo 15 sano ah ku guuleysan waayey inay dalka ka saaraan kooxda Al-Shabaab, waxaana muuqata in kooxda ay weli heysato awood militari oo aan la dhayalsan karin.

ATMIS ayaa lagu dhaliilaa inay Soomaaliya u joogaan oo kaliya inay ku qaataan lacagta tirada badan ee ay Reer Galbeedka ku bixiyaan amniga Soomaaliya, ayada oo 20,000 askari ee howlgalka uu 15 sano ka adkaan la’yahay Al-Shabaab oo lagu sheego 5 kun oo dagaalyahan. 

75 qof oo ku geeriyooday rabshado ka socda dalka IRAN kadib dilkii Mahsa Amini

0

Tehran (Caasimada Online) – In ka badan 75 qof ayaa ku dhintay howlgallada ay Iran ku xakameynayo dibadbaxyo socda maalinkii 11-aad oo ka dhashay dilka gabar lagu magacaabay Mahsa Amini, waxaa sidaas sheegay hay’adaha xuquuqda aadanaha.

Warbixintan ayaa imaneysa ayada oo dalalka Reer Galbeed ay ku cadaadinayaan Jamhuuriyadda Islaamiga ah inay soo afjarto rabshadaha.

Tirada dhimashada rasmiga ah ee mas’uuliyiinta Iran ay sheegeen ayaa taagneyd 41 qof tan iyo Sabtidii, kuwaas oo ay ku jiraan xubno ka tirsan ciidamada ammaanka, xilli dalka ay gilgileen dibad-baxyadii ugu xoogganaa ee muddo saddex sano ah.

Dibad-baxayaasha ayaa mar kale qaaday waddooyinka habeenkii Isniinta – si la mid ah sidii ay sameynayeen habeen kasta tan iyo dhimashadii Amini oo dhacday 16-kii September.

Mahsa Amini ayaa loo xiray inay jebisay xeerarka adag ee dalkaas u yaalla ee ku saabsan xirashada xijaabka, waxayna ku geeriyootay gacanta booliska.

Sanandaj oo ah caasimadda gobolka galbeedka ee Kuridstan oo ay kasoo jeeday Mahsa Amini, haweenka ayaa ku dul boodayey baabuurta kadibna iska tuurayey qamaarka, sida ay muujiyeen sawirro ay daabacday hay’adda xuquuqda aadanaha Iran Human Rights (IHR) oo fadhigeedu yahay Oslo.

Dibad-baxayaasha Tehran ayaa iyagana ku qeylinayey “kaligii-taliska ha dhinto” ayaga oo ku baaqaya in lasoo afjaro in ka badan 30 sano oo uu dalka xukumayey hoggaamiyaha sare Ayatollah Ali Khamenei oo 83 jir ah.

Hay’adda IHR ayaa sheegtay in 76 qof lagu dilay howlgallada booliska, islamarkaana xayiraado lagu soo rogay internet-ka, oo ay ku jiraan in la xanibay Instagram iyo WhatsApp.

Saraakiisha ayaa sheegay inay Isniintii xireen 1,200 qof. Dadkaas ayaa waxaa ku jira kuwa u dhaqaaqa arrimaha bulshada, qareeno, suxufiyiin iyo dibad-baxayaal kale.

AFP, VOA

DF oo WAR cusub ka soo saartay goorta lasoo celinayo askarta ku maqan Eritrea

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa ka hadlay qorshaha dowladda ee dhalinyarada tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, isaga oo shaaciyey in dalka dib loogu soo celinayo.

Fiqi ayaa sheegay in ciidamadaasi oo gaaraya 5,000 oo askari dalka lagu soo celinayo inta uu socdo howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka billowday gobollada gaar ahaan Hiiraan, Galgaduud, Shabeelooyinka, Baay & Bakool si ay uga qayb qaataan xoreynta dalka.

“Ciidamadda lagu tababaray  Eritrea waxa ay  soo laaban doonan inta uu socdo howlgalada haatan dalka oo dhan ka socda’’ ayuu wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladdu ay diyaarin doonto meelihii la dajin lahaa askartaasi iyo agabkii ay ku howlgali lahaayeen, sida uu hadalka u dhigay.

“Diyaarintooda waa ay socota, Ciidamada waa kuwo aad utiro badan oo u baahan in loo diyaariyo goobihii la dijin lahaa iyo agabkii ay ku howlgali lahaayeen, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa xog badan ka haysa, laakiin waxa aan ogahay in Ciidamadaasi ay dib uga soo noqonayanaan dalka’’ ayuu markale yiri wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Horey madaxweynaha Soomaaliya ayaa 10-kii bishii July ee sanadkan 2022-ka ku booqday ciidamadaan xeryahaha ay ku tababaranayaan ee dalka Eritrea, ayadoo in muddo ah la la’aa wacaalkooda, taas oo ay walaac iyo shaki xoogan ku abuurtay walidiinta carruurtaasi.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa haatan wada qorshe ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana billowday kacdoon weyn oo Al-Shabaab looga saarayo dalka oo dhan.

Xildhibaan CABDIMAALIK Cabdalla oo bixiyey xog ku saabsan hubka Macawiisleyda

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdimaalik Cabdalla oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka oo haatan ku sugan jiida hore ee dagaalka ayaa bixiyey xog ku aadan hubka maleeshiyaadka Macawiisleyda ee dagaalka kula jira Al- Shabaab.

Xildhibaanka ayaa marka hore genafka ku dhuftay wararka lagu baahiyey baraha bushada ee la xiriira in dowladda Soomaaliya ay hubineyso beel gaar ah oo degta Hiiraan.

Cabdimaalik ayaa shaaca ka qaaday in wararkaas ay yihiin kuwa barabagando ah, wuxuuna tilmaamay in Macawiisleyda ay yihiin ciidan beeleed u taagan la dagaalanka kooxda Al-Shabaab, si looga saaro guud ahaan deegaannada ay kaga sugan yihin gobolka Hiiraan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hubka ay heystaan ay si gaar ah ayagu leeyihiin, isla-markaana aysan jirin saanad ay ka heleen dowladda dhexe, sida uu hadalka u dhigay.

“Aniga ma arag meel dowladda hub ku siisay ciidanka Macawiisleeyda ee ku sugan gobolka Hiiraan, hubka ay wataana waa hub ay ayaga leeyihiin dowladna ma hubeyn inta aad arkeysan iyo boqol jibaarkeeda ayay leeyihiin oo tuulo iyo degma kasta waxaa u yaalo hub farabadan oo waxay rabaan iney iska dulqadaan Al-shabaab, buuq iyo barabagando Al-shabaab ayaa noogu filan” ayuu yiri Xildhibaan Cabdimaalik Cabdala oo ku sugan Hiiraan.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay guud ahaan dadka Soomaaliyeed inay qaataan doorkooda, una istaagaan duulaanka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeey lagu eedeynayey dowladda federaalka inay hubeyneyso mid ka mid ah beelaha dega gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, halkaas oo uu haatan ka socdo abaabul iyo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Masar oo qaaday tallaabo la xiriirta howlgallada ka socda HIIRAAN iyo GALGADUUD

0

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa taageero weyn u muujisay dowlada Soomaaliya, kadib booqashadii uu madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay magaalada Qaahira ee xarunta dalkaasi.

Masar ayaa gargaar caafimaad u fidisay qaar ka mid ah dhaawacyada askartii ku waxyeelowday howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, kuwaas oo laga dajiyey Qaahira, sida uu shaaca ka qaaday safiirka Soomaaliya uu fadhiyo dalkaasi, Amb. Ilyaas Sheekh.

Danjiraha ayaa sheegay in dhaawacyada askarta ay ku qaabileen garoonka Qaahira, si wax looga qabto xaaladdooda caafimaad, isaga oo sidoo kale u mahad-celiyey Masar.

Dhanka kale war qoraal ah oo ka soo baxay qasriga madaxtooyada ee dalka Masar ayaa waxaa lagu sheegay in gargaarkan uu qayb ka yahay taageerada ay siinayaan dowladda federaalka iyo sidoo kale shacabka Soomaaliyeed oo hadda la daala dhacayo xaalado adag.

Sidoo kale dowladda Masar ayaa shaaca ka qaaday inay Soomaaliya usoo dirtay laba diyaaradood oo sida gurmad bani’aadanimo, si loogu caawiyo dadka tabaaleysan.

Arrintan ayaa waxa ay ku soo aadeyso ayada oo uu sii xoogeysanayo kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, kaas oo dowladda ay sheegtay inay ka qayb qaadanayaan dowlado waa weyn, sida Mareykanka iyo Turkiga.

Howlgallada socdo ayaa ah kuwii ballaarnaa oo lagu qaado Al-Shabaab, waxaana qayb ka ah maleeshiyaad deegaanka ah oo lagu magacaabo Macawiisley, kuwaas oo deegaanno badan ka qabsaday kooxda Al-Shabaab, tan iyo marka ay billowdeen howlgallada haatan socdo.

Nin Facebook ka weeraray Al-Shabaab oo qarax lala eegtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax maanta ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaas oo jugtiisa laga maqlay nawaaxiga waddada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarrama.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in gaarigiisa loogu xiray nin lagu magacaabo Musharaf Maxamed Macalin, xilli uu marayey agagaarka isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Musharaf ayaa waxaa soo gaaray dhaawac, ayada oona loola cararay mid ka mid ah isbitaallada ku yaallo magaalada Muqdisho.

Weerarka qaraxa ah ee lala beegsaday ninkan dhalinyarada ah oo sidoo kalena u shaqeynayey dowladda Soomaaliya ayaa ku soo aadayo saacado kadib, markii uu fariin ka dhan ah Al-Shabaab ku baahiyey bogggiisa Facebook-ga, isaga oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxdaas.

Sidoo kale Musharaf Maxamed ayaa ka tirsanaa shaqaalaha xafiiska xeer ilaalinta ee maxkamadda ciidamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, sida Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka uu soo saaray, kahor inta aan lala beegsan qaraxa.

Sida dhaqanka iyo Diintuba tahay, Ninka Ragga ah, seddax lagama maro, waa; Reerkiisa, xoolihiin iyo sharaftiisa.

“AS, dhowr iyo toban sano ayay Gabdhaha si dulmi ah u guursanayeen, doonasho la’aan iyo meher qasab ah. Umadda xoolahooda dhacayeen, qofkii maya dhahana dhiigiisa ayay bannaysanayeen” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Qofkasta oo raalli ka noqda sii socoshada intaa, ka damqan ama aysan dhibin ugu yaraan waa duyuus aan damiir lahayn.!

Duyuusku Janno ma galo.

Xog: Xasan Sheekh oo safar dibadeed xasaasi ah u baxaya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu dhammaadka bishan safar ku aado dalka Itoobiya, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online. 

Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee uu madaxweyne Xasan Sheekh ku tago dalka Itoobiya tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May. Xasan Sheekh ayaa horey u booqday dhammaan dalalka deriska la ah Soomaaliya sida Jabuuti, Kenya iyo Eritrea.

Wafti ka socda wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu warramay inay hadda ku sugan yihiin magaalada Addis-Ababa ayaga oo horudhac u ah safarka madaxweynaha. 

Sida aan xogta ku helnay, ujeedada safarka ayaa ah inay isku soo dhowaadaan labada dowladood oo xiriirkooda uu mugdi ku jiray tan iyo markii dib loo doortay Xasan Sheekh oo uu meesha ka baxay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay xulufo ahaayeen ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. 

Mas’uuliyiin ka tirsan labada dowladood ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay waxaa u socday wada-hadallo qarsoodi ah oo ku aadan xoojinta xiriirka iyo diyaarinta qodobo la filayo inay isku raacaan Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed marka ay ku kulmaan Addis-Ababa.  

Xudunta xiriirka qabow ee labada dal ayaa ah walaaca ay Addis Ababa ka qabto isku soo dhowaanshaha Muqdisho iyo Qaahira.

Masar ayaa isku dayeysa inay Soomaaliya u adeegsato inay qeyb ka noqoto cadaadiska la saarayo Itoobiya oo biyo-xireen ka sameysay webiga Nile, oo halis ku ah malaayin Reer Masar oo webigaas ka hela biyaha ay isticmaalaan. 

Intii uu socday kulankii madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Masar Cabdifataax al-Sisi ee July ka dhacay Qaahira, Masar ayaa sheegtay inay isku raaceen in la cambaareeyo buuxinta biyo-xireenka ayada oo aan heshiis lagu ahayn, taasi oo Villa Somalia ay markii dambe beenisay. 

Dhowaan, taleefishinka ETV ee dowladda Itoobiya ayaa laga sii daayey barnaamij si aad ah loogu weeraray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh. 

Barnaamijkaas ayaa waxaa markii dambe ka daba timid Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo qoraal ay soo saartay ku sheegtay in barnaamijkaas uusan matalin siyaasadda dawladda Itoobiya, islamarkaana uusan waafaqsanayn xiriirka labada dal.

Si kastaba, fallanqeeyayaasha siyaasadda ayaa barnaamijka ku macneeyey farriin ay Addis-Ababa usoo dirtay Muqdisho, sababtoo ah taleefishinka dowladda Itoobiya kama bixi karo barnaamij aysan dowladda raali ka ahayn.

Shir Muqdisho uga furmay DF iyo dowlad goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir u dhaxeeya wasaaradaha warfaafinta xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa heer dowlda goboleed ayaa waxa uu ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo socon doona muddo saddex cisho ah, ayaa waxa lagu wadaa in looga hadlo doorka wasaaraha ee ku aadan wacyi-gelinta bulshada iyo ka qeyb qaadashada dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa shirkaan diirada lagu saari doona sidii mid looga noqon lahaa barnaamijyada dowladda loogana fogaan lahaa wax weliba oo abuuri kara khilaaf ka dhasha dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Daa’uud Aweys oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa waxaana uu ugu baaqay in wasaarad weliba ay qaadato doorkeeda ku aadan.

“Sababaha ugu weyn ee sidaan aan u samaynayno waxay tahay dowladdu waxaa ay leedahay ajanda, waxaa ay leedahay hadafyo, marka la rabo in hadafyadaas la gudbiyo waxaa loo baahan yahay fariimo iswaafaqsan oo aan isdiidaneyn, weliba marka lagu jiro xilliyadaan xasaasiga ah oo wadanka ay ka jiraan abaaro iyo colaado,” ayuu yiri Wasiir Daa’uud.

Shirkaan ayaa waxa uu sare u qaadi doona wada-shaqeynta wasaaradaha heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee warfaafinta, sidoo kalena wax badan ka tari doona hanaanka wax tabin ee dhinacyada.

Howlgallada Gedo oo guulo laga gaaray xilli Al-Shabaab aysan iska caabin sameyn

0

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hawlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ka wada deegaanada ka baxsan Degmooyinka Gobolka Gedo, iyadoona yoolku yahay in la isu furo wadooyinka degmooyinka iyo deegaanada.

Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa ka warbixiyay hawlgalada ka bilowday gobolkaasi.

“Gobolada Koonfurta Somaliya waxaa ka soconaya hawlgalo isugu jira kacdoon shacab iyo dib-u-xoreyntii Ciidamada Qalabka Sida. Gobolka Gedo markaan u soo dhaadhaco toddobaadkii la soo dhaafay iyo midkanba hawlgalo baan ku jirnay, kuwaa oo ka socda deegaanada ku dhow dhow Degmooyinka Baardheere, Buurdhuubo, Garbahaarey, Beled Xaawo, Luuq iyo Doolow. Ciidamadii maanta ka baxay Garbahaarey iyo kuwii kale ee ka yimid Beled Xaawo waxay isugu taggeen aagga Cara-case. Degmada Ceelwaaq oo ugu dambeysay maanta ayay hawlgaladu ka bilowdeen, sidaasi ayayna hawlgaladu u soconayaan,” ayuu yiri Korneyl Aadan Axmed Xirsi.

Isagoo la hadlayay Warbaahinta gudaha ayuu sheegay illaa iyo hadda inaanay ciidamo wax iska caabin ah kala kulmin maleeshiyada Al-Shabaab, isagoona tani u sababeeyay Shabaabka oo aan gobolka ka joogin goob loogu hagaago amaba lagu weerari karo.

“Illaa iyo hadda ciidamadu wax iska caabin ah lama aysan kulmin, nimanku rug ay degan yihiin oo lagu weeraro ma jirtee, meeshii ayaga nin ka mid ahba lagu sheego ciidan baa loo dirayaa. Hawlgalada hadda gobolka ka socdana waa mid wadooyinka la isugu furayo. Insha’Allah waxaan sida ugu dhakhsiyaha badan rajeynaynaa in wadooyinka la isugu kala gudbo, dhammaan dhulkeenuna uu cadowgu ka dhamaado,” ayuu yiri Korneyl Aadan Rufle.

Waxa kaloo uu yiri “Waxaad ogtihiin in toddobada degmo ee gobolku ka kooban yahay ay xor yihiin oo Ciidamada Dowladda ayaa gacanta ku hayo. Nimanka meelo ay ka ugaarsadaan baa jiro oo duurka ah, deegaanada hawdka baana laga xoreynayaa, hadafkuna waa waddo furid weeye.”

Aadan Rufle ayaa yiri “Waxa aan la dagaalamayno waa argagixiso caalamiya, aalad qaraxdana isticmaalo, ummadana lagu dhex beeray oo shacabka ayay ku dhex dhuumanayeen, waxaase marxalad is bedel ah in shacabka Soomaaliyeed ay kaceen, nimankaasina ay ka horyimaadeen. Waxaanu rajeynaynaa shacabka Soomaaliyeed oo kacay, shacab kacay muraadkii mowluhu ma diidee in looga faa’iideysto la dagaalanka cadowga.”

Korneyl Rufle ayaa xusay inay soo dhaweyn doonaan xubnaha Shabaabka ee garta inay isa soo dhiibaan, kuwa kale ee ka dhega adeegana uu halaag u dambayn doono.

“Waxaan rajeynaynaa nimanka cadowga ah wixii garta inay isa soo dhiibaan, si dadka looga badbaadiyo, wixii halaag u qoran yahayna in la soo afjaraa rajeynaynaa,” ayuu yiri Rufle.

Putin oo dhalasho siiyey ninkii faafiyey sirta Mareykanka

Moscow (Caasimada Online) – Sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska madaxtooyada ee Ruushka, Madaxweyne Vladimir Putin ayaa dhalashada dalkaas siiyey Edward Snowden oo u shaqayn jiray hay’adaha sirdoonka ee dalka Maraykanka.

Snowden ayaa ka mid noqday 75 qof oo ajaanib ah oo la siiyey jinsiyadda dalka Ruushka, sida lagu sheegay warka ka soo baxay dawladda Ruushka.

Snowden oo ahaa qandaraasle ka tirsan hay’adda sirdoonka Maraykanka, ayaa tan iyo sannadkii 2013 wuxuu ku noolaa dalka Ruushka, isaga oo ka dhuumanayey inuu u gacan galo saraakiisha Maraykanka, kadib markii uu faafiyey xogo sir ah oo si faahfaahsan uga hadlaya barnaamijyada basaasnimada ee Maraykanka.

Sannadkii 2020 ayaa Snowden la siiyey deganaansho rasmi ah, isagoo xilligaas sheegay inuu qorshaynayo inuu codsado dhalashada dalka Ruushka, isaga oo aan ka tanaasulin dhalashadiisa Maraykanka.

Wargayska The Guardian oo ka mid ahaa wargeysyada la siiyey ee sii faafiyey xogta uu uu bixiyey Snowden ayaa daabacada in sirdoonka Maraykanka ay dhagaysteen dad dhowr milyan gaaraya telefoonno ay leeyihiin.  

Macluumaadka uu bixiyey Snowden ayaa xiisad ka dhex dhaliyay Dowladaha reer galbeedka, bacdamaa Sirdoonka Mareykanka la sheegay inay dhageystaan Telefoonada gaarka ah oo ay isticmaalan madaxweynayaasha ugu tunka weyn Yurub. 

Ilaa 30 safaradood ayaa la sheegay inay basaasayeen sirdoonka Maraykanka. Waddamada la bartilmaameedsaday waxaa ka mid ah Faransiiska, Talyaaniga, Greeg iyo waddamo aan Yurub ahayn sida Japan, Koonfur Koreya iyo Hindiya.

Safaarada Midowga Yurub ee New York iyo Washington ayaa la sheegay in la basaasay.

Toogasho dad badan lagu laayey oo ka dhacday iskuul ku yaalla dalka RUUSHKA

0

Moscow (Caasimada Online) – Nin hubaysan ayaa toogasho ka geystay dugsi ku yaalla Jamhuuriyadda Udmurtia ee dalka Ruushka, isaga oo dilay ugu yaraan 15 qof oo ay ku jiraan 11 caruur ah.

Waa toogashadii afraad ee lala beegsado dugsiyada waxbarashada, ee ka dhacda gobolkaas, 15-kii bilood ee ugu dambeeyey.

Guddida dembibaadhista ee Ruushka ayaa Isniintii sheegtay, in ninka weerarka geystay oo lagu magcaabo Artem Kazantsev, inay da’diisu ay tahay illaa 30 jir.

Artem ayaa ka qalin jebiyey dugsiga No. 88 kaasoo ah dugsi ay dhigtaan arday isugu jirta, heerka barbaarinta illaa dhamaadka dugsiga sare.

Ninkan hubaysan ayaa toogashada ku dilay 15 qof, halka u goobtaas ku dhaawacay illaa 24 qof oo kale oo ay ku jiraan 22 caruur ah.

Toogashada iskuulada iyo xarumaha kale ee waxbarashada ee dalweynaha Ruushka iyo jamhuuriyadii hore ee Soofiyeedka ayaa aad naadir u ahaa ilaa laga soo gaadhayo sannadihii ugu dambeeyay, markaasoo tirada toogashooyinku ay kor u kaceen.

VOA + AP

Howlgalkii xoreynta Ceelbuur oo fashilmay iyo ciidankii oo ku laabtay Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa fashilmay howlgalkii lagu xoreyn lahaa degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kadib markii khilaaf culus uu maanta ka dhashay hanaanka loo weeraro degaanka Ceel-lahelay oo dhaca inta u dhaxeysa Dhuusamareeb iyo Ceelbuur.

Dhamaan ciidankii duulaanka qaaday ee maalmihii lasoo dhaafay ka gudbay deegaanada Sinadhaqo iyo Laba-dulle oo gelinkii hore ee maanta Al-Shabaab ku hareereeyey degaanka Ceel-lahelay ayaa galabta ku laabtay Dhuusamareeb.

Sababta uu howlgalkaas u fashilmay waa khilaaf soo kala dhex galay labada masuul ee ciidanka hoggaamineysa oo kala ah, Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf iyo Xildhibaan Yuusuf Dhegey Ugaas oo ka soo jeeda Ceelbuur.

Jeneraal Odawaa ayaa la sheegay inuu soo jeediyey in Al-Shabaab lagu duqeeyo degaanka Ceel-lahelay, kadib markii diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka oo qeyb ka ah howlgalka ay arkeen goob ku taalla gudaha deegaanka, oo xubno badan oo Shabaab ah ay difaac uga jiraan.

Hase yeeshee Xildhibaan Dhegey Ugaas ayaa diiday in la duqeeyo magaalada, isagoo taas bedelkeed soo jeediyey in toos loo weeraro kooxda, si loo yareeyo khatarta soo gaari karta shacabka oo Al-Shabaab ay u diideen inay qaxaan oo isaga cararaan deegaanka.

Intaas kadib waxaa la sheegay in Jeneraal Odawaa uu amray ciidamada xoogga dalka oo lahaa cududa ugu weyn ee howlgalka inay dib ugu laabtaan Dhuusamareeb, halkaas oo caawa ay isugu tageen, dhamaan ciidankii la qorsheeyey inay xoreeyaan inta u dhaxeysa Ceelbuur iyo Dhuusamareeb.

Wararka aan heleyno waxay intaas darayaan in galabta ciidanka dhex loo galay oo Al-Shabaab ay ku qarxiyeen meel u dhow degaanka Laba-dulle, waxaana caawa Dhuusamareeb la gaarsiiyey dhaawacyada askar aan la shaacin tiradooda.

Gaadiid dagaal oo todobaadkii hore Muqdisho laga diray, safar dhulka ahna ku tegay Dhuusamareeb iyo hub iyo gaadiid kale oo diyaarado looga soo qaaday Muqdisho ayey wataan ciidanka dib uga soo laabtay howlgalkii xoreynta Ceelbuur iyo deegaano badan oo dhaca bariga gobolka Galgaduud oo Al-Shabaab ay ku xoogan yihiin.

Sawirro: 3 Shabaab ah oo ku dhintay qarax ay aasayeen

0

Buuloburde (Caasimada Online) – Seddax xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday qarax miino oo galabta ay ku aasayeen degaanka Baardhabaq oo hoos taga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Xubnahaas ayaa doonayey in miinooyinka ku qarxay ay ku aasaan wada xariirisa Buuloburde iyo degaanka Baardhabaq, balse ayaga ayuu ku qarxay, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan HirShabeelle.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka HirShabeelle ayaa gaaray goobta uu qaraxu kula kacay xubnahaas ka tirsanaa Al-Shabaab.

Waxaa la soo bandhigay sawirrada goobta ay miinadu kula kacday 3-daas nin, oo ku hubeysnaa qoryaha AK47, kuwaas oo lasoo bandhigay meydadkooda oo aad u googo’ay.

Al-Shabaab ayaa miinooyin ku aasay inta badan wadooyinka isaga kala goosha deegaanada iyo degmooyinka gobolka Hiiraan, taas oo cabsi badan ku abuurtay dadka iyo gaadiidka ku safraaya dhulka, iyadoo mararka qaarna ay miinooyinku la kacaan dad rayid ah.

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa dhawaan shaaciyey in Beledweyne iyo Buuloburde ay isku fureen, isla markaana ay wadada xariirisa ka saareen dhamaan miinooyinkii ay Al-Shabaab ku aaseen.

Shalay ayaa duleedka degaanka Booco oo dhawaan laga qabsaday kooxda waxaa qarax miino lagula beegsaday sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka iyo askar la socotay, kaas oo goobta ku geeriyooday.

Hoos ka eeg sawirada halkii ay miinadu kula qaraxday 3-da Shabaabka ah

Al-Shabaab oo caawa laga saaray deegaan muhiim ah

0

Bukh-aqable (Caasimada Online)- Ciidanka dowladda oo garabsanaya dadka deegaanka ayaa caawa si buuxda ula wareegay degaanka Bukh-aqable ee gobolka Hiiraan, halkaas oo mudo dheer ay Al-Shabaab ka talinayeen.

Wasiirka amniga dowlad goboleedka HirShabeelle Maxamed Kheyre ayaa oo wareysi siiyey Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho ayaa xaqiijiyey in caawa Bukh-aqable ay ku jirto gacanta ciidamada dowladda iyo kuwa is abaabulay ee deegaanka.

Degaankaas ayaa Al-Shabaab u ahaa goob istaatiiji ah, wuxuuna ahaa mid kamid ah deegaanada ugu waaweyn ee gobolka Hiiraan ay ka maamulayeen.

Bishii hore ayaa weerar gaadmo ah oo ciidanka Danab ay fuliyeen waxaa xili habeen ah lagu qaaday isla deegaankan caawa la xoreeyey ee Bukh-aqable, waxaana lagu dilay xubno ka tirsanaa kooxda, in kastoo ay ciidanku dib uga soo laabteen.

Maxkamado, xafiisyo iyo saldhigyo waaweyn ayay Al-Shabaab ku lahaayeen degaanka caawa laga xoreeyey ee Bukh-aqable, waxaana gabi ahaan-ba gacanta kooxda ka siibaxaya gobolka Hiiraan oo dhan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa Al-Shabaab ku baacsanaya gobolkaas, waxaana gacanta kooxda ku haray deegaano faro ku tiris ah, iyadoo maalinba deegaan lagu weerarayo.

Hoos ka dhageysi wareysiga wasiirka

Ruto oo shaaciyey waxa uu ka yeelayo kiiska badda ee go’aanka laga gaaray

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya William Ruto oo wareysi siiyey idaacadda BBC ayaa ka hadlay mowqifkiisa ku aaddan muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaasi oo ay horay go’aan uga gaartay maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda (ICJ).

Madaxweyne Ruto, oo dhawaan markii xilka loo caleema-saaray ay wada kulmeen madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in arrimaha loo kala xallin doono sida ay u kala horreeyaan.

”Hadda Soomaaliya waxa ay leedahay madaxweyne aan la hadli karno. Madaxweyne waxa uu diyaar noola yahay inaan howlaha u qabanno sida ay u kala horreeyaan, waxaan ku faraxsan nahay inuu xoogga saarayo la dagaallanka argagixisada, adduunka oo dhan – oo ay Kenya ku jirtana – wuxuu kala shaqeynayaa sidii uu u burburin lahaa xagjirnimada qalalaasaha wadata iyo argagixisada,” ayuu yiri Ruto.

Mar wax laga waydiiyey muranka badda la xiriira waxa uu yiri ”Muranku waa arrin ay dalalka deriska ah mar walba xallin karaan. Waxa aan hadda u baahan nahay waa inaan xalinno oo aan amni ka dhigno gobolkeenna.”

Ruto waxa kale oo uu sheegay in waqtigaan aan la joogin xilli laga hadlo ka hadalka muranka xadka ee labada dal.

”Ma rabo inaan ka howl-galno muran ku saabsan xadka iyadoo ay dad dhimanayaan, iyadoo ay argagixiso meelaha joogaan, iyadoo xasilooni darro ay ka jirto gobolkeenna.”

Ruto ayaa sheegay in marka ugu horeyso ay tahay in xal loo helo arrimaha amniga kadibna wuxuu sheegay inay xal ka gaari karaan murankeenna xadka

Waxa uu u muuqday in uu rajo ka qabo dowladda cusub ee Soomaaliya inkastoo uu ka gaabsaday inuu ka jawaabo su’aal laga weydiiyay sababta ay mowduucan ugala hadli waayeen madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda eee fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa kiiskaas oo sannado badan socday xukun kasoo saartay 12-kii bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay, iyadoo xadeynta ka dhigtay qaab u dhow sida ay Soomaaliya ku dooneysay, tallaabadaas oo ay Kenya si weyn ugu gacan seyrtay.

Markii ugu horreysay ee kiiska loo gudbiyay maxkamadda ilaa markii ay garsooreyaasha maxkamaddu ay go’aanka ku dhawaaqeen, William Ruto waxa uu ahaa madaxweyne ku xigeenka Kenya.

Madaxweynihii Kenya ee xilligaas, Uhuru Kenyatta, ayaa markii uu soo baxay go’aanka maxkamadda sheegay in dalkiisu uusan aqoonsaneyn natiijada.

Xasan Sheekh iyo Xamza oo heysta fursad aan soo marin Farmaajo iyo Kheyre

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka lagula jiro Al-Shabaab wuxuu qaatay sanado badan. Aragtida laga heystay dagaalkaan waxay dadka qaar ula muuqatay mid dhex taalla kooxo kala riixasho ku jiray, dowladdana kuma guuleysan inay dadka u sawirto halista kooxdaan ee mustaqbalka.

Intii ay kooxdaan xoogga laheyd wuxuu dalku yeeshay saddex madaxweyne, laakiin midna ma gaarsiin dagaalkaan xadkii loo baahnaa.

Al-Shabaab waxay gaysteen tacadiyo badan oo aan lasoo koobi karin, laakiin marna nidaamyadii talinaayey waa heli waayeen dareen shacab oo dalbanaya in kooxda la iska celiyo.

Haddii aan usoo noqono nidaamkii ugu dambeeyey ee madaxweyne Farmaajo. hoggaamiyahani wuxuu waqti badan geliyey inuu abuuro ciidan niyad ahaan sarreeyo wuxuuna sugay xuquuqdooda mushaarka.

Intii uu xukunka joogay madaxweyne Farmaajo kooxda Al-Shabaab waxay gaysteen qaraxyo badan oo uu ku jiray midkii ugu weynaa ee taariikhda ka dhacay Soomaaliya kaasoo dhacay Bishii October 2017.

Farmaajo inkastoo uu ahaa madaxweyne shacbi ah haddana kuma guuleysan inuu dadweynaha tuso dhibaatada iyo halista Al-Shabaab mana keenin qaab uu shacabka isaga dhicinayo kooxdaan.

Farmaajo iyo ra’iisul wasaarihiisii Xasan Cali Kheyre waxaa lagu eedeeyaa inay ahmiyadooda koowaad aheyd inay ka adkaadaan mucaaradkii kasoo horjeeday iyo madaxda maamul goboleedyada, taasoo cayilisay Al-Shabaab siisayna, farsad ay xukunkoodu ku iibiyaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadda kusoo noqday xafiiska. Inkastoo uusan Xasan la imaan qorshe ay shacabka kula diri karaan kooxda Al-Shabaab oo uusan taas miiska keenin haddana wuxuu kusoo aaday waqti uu xad dhaafay tacaddiga ay kooxda u geysaneyso shacabka Soomaaliyeed iyo kooxdaan oo laga quustay inay kasoo rayso.

Al-Shabaab waxay waayihii dambe isku dayday inay qabiilada maquuniso oo ay gumaad ku baqdin geliso, laakiin waxaa ku rogmaday wax aysan maareyn karin oo ah inay qabiilada hubka qaataan iyagoo dalbanaya inay dhulkooda uga baxaan.

Waxaa loo arkaa xaqiiqadii ugu qaraareyd oo ay Al-Shabaab wajahaan intii ay jireen. Kacdoonka wata ruuxiyada qabiilka ee dalka ka socda ayaa galaaftay dhul badan oo ay kooxdan gacanta ku heysay in muddo ah.

Ciidanka dowladda Soomaaliya waxay kacdoonka qabiilka ka heleen tabar dheeri ah, tallaabooyin guuleysta iyo taageero aan horey loo arag. Markii aad tahay dowladda xukunka joogta fursadaani waa naadir.

In muddo xileedkaaga iyo kacdoon noocaan ah ay isku soo aadaan waxay keeni kartaa inaad yeelato taariikh gaar ah, waxayse ku xiran tahay sida aad u maamusho kacdoonka.

Fursadda maanta hortaalla madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamze Cabdi Barre sooma marin Farmaajo iyo Kheyre, laakiin waxay guusha kacdoonka u huraan ayaa dalka iyo naftoodaba u noqon doonta diiwaan la akhristo.

Dhinaca kale, marka laga istaago mowduucaan, haddii labada nine ee Xasan Sheekh iyo Xamza sahashadaan kacdoonka shacabka oo ay ka miro dhallin waayaan waxay qaadan doonaan diiwaan qaraar.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre weli ma tagin furumaha dagaalka tan iyo markii uu kacdoonka bilowday dadkana uma muuqato jiheyn maqaam weyn, waxaana jira dad ka walaacsan inay fursadaan dalka iyo naftoodaba uga faa’ideyn waayaan.