27.8 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Sawirro: DF oo diyaarad u dirtay degaano laga saaray Al-Shabaab – Maxay siday?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta gargaarkii ugu horreeyey u dirtay deegaanada gobolka Hiiraan ee dhawaan laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab oo muddo sanado ah ku sugneyd deegaanadaas.

Gargaarkaan ayaa la diray iyadoo la raacayo amarkii shalay kasoo baxay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre kadib markii uu khadka taleefoonka kula hadlay saraakiisha iyo mas’uuliyiinta ku sugan goobaha la xoreeyey.

Gargaarka oo raashin ahaa ayey Hay’adda maareynta Musiibooyinka u dirtay magaalada Buula-burde ee gobolka Hiiraan oo muddo badan ay go’doomiyeen kooxda Al-Shabaab.

Gargaarkaan ayaa waxaa uu isugu jiraa raashin iyo agabyo kale waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ka qaaday diyaarad gaar ah oo ay dowladda u kiraysay.

Deegaannada laga xoreeyay Al-Shabaab ayaa lagasoo sheegayaa inay ka jirto dhibaatooyin bini’aadinimo oo aad u darran, iyadoo dadku isugu darsantay colaad iyo abaar daran kadib markii 3 xilli la waayey roobkii di’i jiray.

Saraakiisha iyo masuuliyiinta hoggaaminaya howlgallada ayaa sheegaya in deegaannada laga saaray Al-Shabaab ay ugu tageen dad aad ugu dhibaataysnaa xukunka Al-Shabaab.

Waxaa qeybo badan oo dalka kamid ah waxaa ka socdo kacdoon ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana laga saaray deegaano badan oo ay muddo badan heysteen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa diiday in gargaar la gaarsiiyo goobaha ay ku sugan tahay, waxayna taas badalkeeda dadka ka qaadan jirtay lacag iyo xoolo.

Daawo: Aasaasaha Dugsiga Abaarso oo Islaamka qaatay

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Aasaasaha Dugsiga Abaarso ee ku yaalla galbeedka magaalada Hargaysa iyo Jaamacadda Barwaaqo ee Hargeysa Jonathan Starr ayaa qaatay diinta islaamka ee ku dhisan naxariista.

Jonathan Starr ayaa laga soo duubay muuqaal muujinaya isagoo loo qabanayo shahaadada xilli uu ku sugnaa masaajid ku yaalla dalka Mareykanka.

Ninkaan oo muddo badan madax ka ahaa dugsiga Abaarso, islamarkaana dhawaan as aasay Jaamacada Barwaaqo ee hablaha u gaarka ah ayaa waxaa ka dhashay hadal heyn badan qaadashada uu qaatay Diinta Islaamka maadaama dugsigiisa dhowr jeer lagu eedeeyey in lagu faafiyo diinta Karishkanka.

“Waxaanu ku kulanay maqaaxi, wuxuu igu yiri waxaan rabaa in aan ku waydiiyo su’aalo Islaamka ku saabsan, kadibna waxan ku iri i waydii, shalay ayay isaga iyo adeerkii maqaayadii iigu yimaadeen, kadibna wuxu yiri waxan rabaa in aan shahaadada qaato,” waxaa sidaas yiri wadaadkii shahaadada u qabtay.

Dadka dhaliila Dugsiga Abaarso ayaa aaminsanaa in Starr uu yahay nin u jeedo kale ka leh waxbarashada uu bixiyo, oo faafinaya fikrado ka dhan ah diinta Islaamka, waxaana la oran jiray wuxuu ardayda baraa gaalnimo.

Mar kasta oo ninkaan loo jeediyo eed ku saabsan inuu faafinayo waxyaabo ka dhanka ah diinta Islaamka ayaa waxaa difaaci jiray waalidiinta caruurtooda ay wax ka bartaan dugsigan.

Dooda ka dhalatay eedeynta loo jeediyey ninkaan ayaa sabab u noqotay in maxkamad loo gudbiyo dacwad ka dhan ah Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ku doodi jiray in Starr uu gaalnimo caruurta baro, wuxuuna weli ku jiraa xabsiga Hargeysa.

Ardayda wax ka barata dugsigan ayaa ku dooda in Starr iyo macalimiinta dugsigan wax ka dhigtaa anay marnaba lasoo hadal qaadin qadiyad diimeed, taas  badankeedana waxay mar kasta sheegaan inay iskuulka ka helaan waxbarasho tayo leh.

Lama ogo waxa qaadashada Islaamka ee Starr ay ka badali doonto dooda ku saabsan in iskuuladiisa laga faafiyo diinta gaalada.

DEG DEG: Sheekh Yuusuf al-Qaradawi oo geeriyooday

0

Doha (Caasimada Online) – Dr. Sheekh Yuusuf al-Qaradawi oo ka mid ahaa culimada ugu caansan Islaamka, ayaa maanta geeriyooday isaga oo 96 jir ah, sida lagu sheegay qoraal lasoo dhigay bartiisa rasmiga ah ee twitter-ka.

Sheekh Yuusuf al-Qaradawi, oo u dhashay dalka Masar, islamarkaana ahaa hoggaamiyaha ruuxiga ah ee ururka Ikhwaanul Muslimiin ayaa sanadihii dambe waxa uu fadhiggiisu ahaa dalka Qatar.

Sheekha ayaa aad u dhaliili jiray madaxweynaha Masar Cabdifataax al-Sisi.

Al-Qaradawi ayaa dibad-joog ahaan ugu noolaa dalka Qatar wixii ka dambeeyey markii militariga Masar ee uu hoggaaminayey al-Sisi  ay afgambiyeen dowladdii ay hoggaaminayeen Ikhwaanul Muslimiinka.

Al-Qaradawi ayaa waxaa la maxkamadeeyey oo xukun lagu riday isaga oo ka maqan Masar.

Waxa uu barnaamij caan ah ka qaban jiray taleefishinka Al-Jazeera isaga oo ka hadli jiray arrimo siyaasadeed oo muran badan.

Waxa uu taageeray weerarada ismiidaaminta Falastiiniyiinta ee ka dhanka ah Israel, wuxuuna sidoo kale taageero u muujiyey kacdoonkii Ciraaq ka qarxay markii Mareykanka ay duulaan ku qabsadeen 2003.

Hase yeeshee waxa uu sidoo kale taageeray markii ururka Ikhwaanul Muslimiin ay ka qeyb-galeen doorashooyinkii Dimoqraadiga ee Masar ka dhacay kadib markii xukunka laga tuuray madaxweyne Xosni Mubarak.

Al-Qardaawi wuxuu aad u dhaliili jiray kooxaha xagjiriinta ah, sida kooxda Daacish.

Dalalka Baxreyn, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa Al-Qaradawi ku daray liiska ururada iyo shaqsiyaadka argagixisada ee 2017-kii ay dartood xiriirka ugu jareen Qatar. Qatar waa ay beenisay eedaymahaas.

AP, VOA

Ciidamada DF iyo shacabka oo la wareego degaano cusub oo ka tirsan Hiiraan iyo Baay

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda oo is-garabsanayo ayaa maanta la wareegay deegaanka Ceeymey oo dhaca degmada Buulo-barde ee gobolka Hiiraan.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminaya gudoomiyahii hore ee degmada Buulo-Burde Feysal Haajir Aadan iyo ciidamo uu wato, iyaga oo  gudaha u galay degaanka Ceeymey oo 15 km u jira galbeedka degmada Buulo-burde.

Deegaankan ayaa waxa uu dhow yahay degaanka Dabayoodle oo ka mid ah fariisinka kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda iyo xoogagga shacabka ayaa sheegay in uusan wax dagaal ah ka dhicin deegaankaas, oo ay si nabad ah kula wareegeen.

Dhinaca kale, ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee xoreynta Koonfur Galbeed oo iskaashanaya ayaa maanta degaano ka tirsan gobolka Baay ka billaabay howlgallo ka dhan ah ururka Al-Shabaab, iyaga oo degaano dhowr ah la wareegay.

Ciidamada ayaa waxaa ay howlgallada kula wareegeen degaannada kala ah; Saydheelow, Buula-jadiid, Mataani, Uusli iyo Busley oo dhamaantood ka tirsan gobolka Baay, kuwaas oo Al-Shabaab ay dadka ku dhibateeyn jireen, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in howgallada ay weli sii wadaan, islamarkaana ay doonayaan inay la wareegaan deegaanka Labaatan Jirow, oo ah saldhigga ugu weyn ee Al-Shabaab ku leeyihiin gobolka Baay.

Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sii xoogeysanaya waxaa maalinba maalinta ka dambeysa kooxdan ku furmaya furun cusub oo dagaal, taasi oo sii adkeyneysa inay is-difaacaan.

Tan iyo markii uu billowday kacdoonka shacabka, Al-Shabaab ayaa weysay gacan ku haynta deegaano aad u badan, ayada oo kooxdan laga saaray inta badan gobolka Hiiraan. 

Al-Shabaab oo kordhisay beegsiga BEELAHA iyo ganacsade lagu dilay Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dabley hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa saaka dil qorsheysan ka geysatay suuqa weyn ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramaya ain loo geystay Allaha u naxariistee ganacsade Daahir Jugle oo ka mid ahaa ganacsatada suuqaasi, sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka lagu dhex dilay goobtiisa ganacsiga, ayada oo kadibna ay meesha isaga dhaqaaqeen raggii ka dambeeyey dilkiisa.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Ganacsade Daahir ayaa ka soo jeeda magaalada Cadaado oo ay degto beesha Saleebaan oo horey Al-Shabaab ugula dagaalantay degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Sida ay ogaatay Caasimada Online dilka ganacsadahan ayaa salka ku hayo dagaalkaasi, ayada oo horey kooxda Al-Shabaab u dishay odayaal & dad kale oo ka soo jeeda beeshaas, waxaana tani ay qab ka tahay beegsiga ay Al-Shabaab ku heyo beelaha haatan la diriraya.

Dilka loo geystay marxuum Daahir Jugle ayaa yimid maalin kadib markii dhaawac daran oo loogu geystay Suuqa Bakaaraha uu u geeriyooday ganacsade Guuleed Cali Aw-Aadan oo isaguna ka mid ahaa ganacsatada Daawada, kana soo jeedo Beesha Saleebaan.

Gobollada Galgaduud iyo Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socdo kacdoon ay shacabka qayb ka yihiin oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo khasaare xoogleh lagu gaarsiiyey.

Si kastaba illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka dowlada federalka Soomaaliya oo ku aadan dhacdadan, balse wuxuu dilkan qayb ka noqonayaa falalka ammaan dari ee ka dhacaya caasimada, waxaana u dambeeyey qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay xerada Dhegabadan oo ay ku dhinteen 15 qof oo dhalinyaro u badan.

Madaxtooyada Soomaaliya oo beenisay war laga faafiyey kacdoonka SHACABKA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin ayaa beeniyey dacaayadda ay faafinayaan qaar ka mid ah dadka kasoo horjeeda kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ah in dowladda ay hubeyneyso qabiilo gaar ah. 

“Qabiil Soomaaliyeed oo dowladda Soomaaliya hub siisay ma jiro, keliya dowladdu waxa ay siisaa rasaas macowiisleyda, dhaawacoodana waa la daweeyaa,” ayuu yiri la-taliyaha madaxweyne Xasan Sheikh ee amniga qaranka.

Xuseen Macallin ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay iyadu haatan hoggaaminayso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada dhexe ee Soomaaliya, beeluhuna ay gacan siinayaan. 

Hadallada Xuseen Macallin ayaa yimid kadib markii taageerayaasha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay billaabeen inay dacaayad noocaas ah ku faafiyaan baraha bulshada, si beelaha la isaga horkeeno.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa horey uga digay in Al-Shabaab ay isku dayi doonto inay dagaalka u rogto beel duulaan ku ah beel kale, si ay isaga horkeento beelaha.

Ma cadda sababta taageerayaasha Farmaajo ay u carqaladeynayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay ka cabsi qabaan in haddii dagaalka uu guuleysto ay shacabka arki doonaan sida Farmaajo 5 sano uga khasaariyey Soomaaliya. 

Fiqi ayaa shalay sheegay in kooxaha shakiga ka qaba howgalka ee dacaayadaha ku wada ay kala yihiin:

1- Kooxda 1-aad: Waa argagixisada nafteeda, ayuu yiri, isaga oo sheegay in Cali Dheere oo ah afhayeenka Al-Shabaab uu dadka uu ceelashooda ka qarxiyey ee uu masaajidda ku weerarray markii ay hubka qaateen ku tilmaamay ‘Mooryaan’.

2- Kooxda 2-aad: Waa kuwo ku fashilnay nidaamkii hore ee Farmaajo oo AL-Shabaab u ogolaaday inay dekedda canshuur ka qaataan oo dhagaxaanta dhufeesyada la rabay baadiyaha in ay ku sameystaan ku sameeyay waddada Maka Al-Mukarrama, Kooxdaas iyo CBB-deeda dacaayad ayey wadaan.

3- Kooxda 3-aad: waa koox deegaankoodu nabad yahay oo dhulal nabad ah ka yimid oo raba in ay gafane dadka ku dhex nool oo quuta dadkaan oo dhiiggooda jiqa. 

Dowladdii ugu horreysay ee CARBEED oo war kasoo saartay qaraxii Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qatar oo ka mid ah dowladaha Carbeed ee xiriirka la leh Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerar ismiidaamin ahaa oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xerada Dhagabadan oo ku taalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kaas oo uu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qaraxa.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Dooxa ayaa waxaa lagu sheegay in ka dowlad ahaan ay aad u xun yihiin qaraxaasi oo lagu beegsaday dhalinyaro xilligaas isku diyaarineysay inay ku biiraan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Waxaynu ka soo horjeednaa falalka argagixisanimada ah, iyadoo aan loo eegin ujeedooyin iyo sababo,” ayaa  lagu yiri warka ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee Qatar.

Sidoo kale dowladda Qatar ayaa tacsi u dirtay ehellada ay dadkooda ku dhinteen weerarkaas, ayada oo ku dhaawaca ahna u rajeysay caafimaad deg-deg ah.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha taageero Soomaaliya, walow uu loolan xoogan kala dhexeeyo Imaaraadka oo hadda u muuqdo inuu uga dhowaaday dowladda cusub.

Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu weeraray xerada tababarka ee Dhagabadan ee Warshadda Nacnaca ayaa waxaa ku dhintay 15 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo la xiriirta ammaanka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo baaro daran oo ka jira gudaha dalka.

Villa Soomaaliya oo 5 qodob kasoo saartay safarkii Xasan Sheekh ee Mareykanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib booqasho maalmo badan qaadatay oo ku tegay waddanka Mareykanka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada New York ee dalkaas uga soo qayb-galay Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay QM, isaga oo ka jeediyey khudbad xasaasi ah.

Villa Soomaaliya oo war qoraal ah soo saartay ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay socdaalka madaxweynaha, ayada oo shaacisay inuu diiradda saaray 5 qodob oo kala ah:-

1-In Madaxda Adduunka uu la wadaago halganka muuqda ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay wadajirka u bilaabeen ee la xiriira xoreynta deegaannada ay haystaan argagixisadu.

2-In la xoojiyo, lana dardar geliyo gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan Abaaraha, isagoo xaaladda adag ee ka jirta dalka la wadaagay Beesha Caalamka.

3-Madaxda dalka Maraykanka waxa uu ku adkeeyey dhibaatada argagixisadu ay ku hayaan xasilloonida Gobolka iyo muhiimadda ay leedahay doorka ay ka qaataan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

4-Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) waxa uu kala hadlay in mashaariicda horumarineed ee dalka ay ku fuliyaan lagu saleeyo baahiyaha dhabta ah ee ay qabaan shacabka Soomaaliyeed, taas oo ay aqbaleen, saameyn wanaagsanna ku yeelanaysa horumarka Soomaaliya.

5-Waxa uu kulan-doceedyo la qaatay Madaxda dalal walaal iyo saaxiib la ah dalkeenna, si u xaqiijiyo taageerada diblumaasiyadeed ee muhiimka u ah midnimada iyo xasilloonida dalka.

Safarka madaxweynaha ee dalka Mareykanka ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana ay Soomaaliya wajaheyso xaalad amni iyo mid abaareed oo aad u daran.

Tirada deegaanada ee Al-Shabaab laga qabsaday 24-kii saac ee lasoo dhaafay

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno dagaallada ka socda gobollada dalka ayaa sheegaya in howl-galadii ugu dambeeyay ay ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka ay la wareegeen gacan ku heynta tuulooyin badan oo ka mid ah gobollada Hiiraan, Bay iyo Galguduud.

Hiiraan: Deegaanada cusub ee Al-Shabaab lagala wareegay ayaa waxaa kamid ah Moqokori iyo Tardo, Moora-Eri, Gumarre iyo Qooxle oo hoos taga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Galguduud waxaa kooxda laga qabsaday deegaano ay ka mid yihiin Maygaag-dhuub, Dhisaqo, Dhuumoodle, Aboorey Cali-weyd iyo Dacawa-xun.

Gobolka Bay waxaa saacadihii u dambeeyey Al-Shabaab laga xoreeyey deegaano ay ka mid yihiin, Baayale, Caliyow-dooyow, Xaawa-Dhaaysile, Boorame, Karanoy iyo Daawuudow.

Sidoo kale Saraakiisha dowladda ayaa waxay sheegeen in Al-Shabaab laga qabsaday deegaanka Laba-dulle.

“Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa xoreynta deegaanada bariga gobolka Galgaduud ayaa galinkii dambe ee shalay si nabdoon kula wareegay deegaanka Labi-dulle oo in ka yar 16km ujira magaalada Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay ciidanka xoogga dalka.

Howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya ayaa looga xoreeyay deegaano tobannaan ah tan iyo markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu iclaamiyay dagaalka ka dhanka maleeshiyada Al-Shabaab horraantii bishan.

“Dadka Soomaaliyeed waxay aaminsan yihiin in Al-Shabaab laga adkaan karo” ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ku yiri khudbaddii uu Khamiistii ka jeediya shirka 77-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Sawirro: Shir u dhexeeya DF iyo beesha caalamka oo maanta ka furmay Afisoone

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan Teendhada Afisyoone waxaa maanta ka furmay shir heerkiisu sarreeyo oo u dhexeeyo dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, kaas oo looga arrinsayo abaaraha.

Shirka ayaa waxaa daah-furay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, waxaana ka qayb-galaya ergeyga QM ee Somalia, madax ka socota hay’adaha caalamiga ah iyo sidoo kale dhammaan dalalka deeq-bixiyeyaasha ee fadhigoodu yahay Muqdisho.

Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saarayaa gurmadka abaaraha iyo sidii loo caawin lahaa dadka ay saameeyeen abaaraha haatan ka jira koonfurta iyo bartamaha dalka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo khudbad ka jeediyey furitaanka shirka ayaa marka hore ka qayb-galayaasha warbixin ka siiyey xaaladda bani’aadanimo ee Soomaaliya, isaga oo sidoo kale xubnaha Beesha Caalamka ka codsaday inay ka qayb qaataan gurmadka.

Sidoo kale Saalax Axmed Jaamac ayaa shaaca ka qaaday inay deegaannada qaar ay ka jirto xaalad adag oo ka dhalatay go’doonka ay galisay kooxda Al-Shabaab

“Al-Shabaab waxay dadka tuulooyinka ku nool ay kusoo rogeen talaabooyin bahdil ah kuwaasoo ku qasbay in ay u soo barakacaan magaalooyinka,” ayuu yiri Jaamac.

Dhankiisa wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in xaaladda abaarta ay sii jiri doonto bilaha soo socda, sida ay saadaasha muujineyso, wuxuuna ku baaqay in si wadajir ah loogu istaago wax ka qabashadeeda.

“Saadaasha hadda waxay muujineysaa abaarta ay sii socon doonto bilooyinka soo aadan; kaalmada caalamka ee hadda aan haysanana kuma fidna tirada dadka Soomaaliyeed ay saameynyta gaartey” ayuu khudbaddiisa ku yiri ergeyga Qaramada Midoobay ee Somalia.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan xaalado daran oo is biirsaday, sida amniga, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab iyo abaaraha, iyada oo laga digayo macluul ka dhacda dalka.

Waxaa sahayda loo wada qaatay soo afjarida Al-Shabab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya, hadda waxay gashay marxalad dagaal oo aad u adag, taas oo saadaashu tahay in sanado dhow ay dalkeena u horseedo neecaawda nabadda oo la naawilaayey waayo badan.

Dalka oo dhan waxaa ka hana qaaday kacdoon dadweyne oo si fudud ku wiiqay awooda Al-Shabaab-kii 15-ka sano gumaadayey dadkeenna.

Koonfurta iyo bartamaha dalka labadii bilood ee u dambeysay waxaa ka curtay xoogag hubeysan oo isugu jira xoolo dhaqato, beeraley iyo halyeeyo karaahsaday kawaanka haldoorkooda ee u furan kooxda.

Dowladda Soomaaliya oo biritaareysa kacdoonka dadweynaha ayuu hankeedu gaaray heerkii ugu sareeyey, deegaano badan oo duleysnaa 15-kii sano ee lasoo dhaafay, maanta waxaa ka babanaya sumadii Soomaaliyeed iyo calankaan buluuga ah.

Soomaaliya, tan kow uma aha dhiilo colaadeed iyo geeri laga lasoo tebinayo furimaha dagaalka, balse tani waxay kaga duwan tahay wixii dhiilo colaadeed lasoo maray, in jabka, guul-darada iyo jaanta rogan ay ku jimeysan tahay jaahiliinta raacay jidkii Cali Dheere.

Dhul baaxad leh oo dhaca gobollada Hiiraan iyo Galgaduud waxay maalmahaan haadu kala dafeysaa, hilbaha Shabaab-kii halakeeyey hormarkeena.

Halgamayaasha deegaanka oo hubkooda qaatay iyo ciidamada qaranka ayaa kooxda uga daba-galay god kastoo ay gabaad ka dhigteen, waxayna geerida cadowgu gaartay boqolaal iyo baa’ba.

Caasimadda dalka ee Muqdisho waxay maalmahaan marti gelineysa shirar iyo kulamo aayo ka tashi ah oo shidaal ku shubaya halganka socda, durbadiiba, waxaa la diyaariyey hanaanka hirgelinta maamul dowladeed oo deg deg uga hana qaada degmooyinka iyo deegaanada ka soo baxaya caganta cadowga.

Dhibanayaashii isha ka daawa jiray kadab-goynta kabiirkooda, ayaa hadda kalsooni ka helay dowladooda, taasina waxay sahashay in sahayda loo qaato, soo afjarida Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya oo garowsan masuuliyadeeda, una diir naxaysa dhalinteena ay dabka ku shubeen kaadiriinta kooxdaan, ayaa kurayada la duufsaday u furtay baal-weyn oo cafis ah, haday dabka dhigaan oo dadkooda dhinac ka raacaan.

Mareykanka oo jawaab kasoo saaray cabsida laga qabo in Putin adeegsado Nukliyeer

0

Washington (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa uga digay Ruushka “cawaaqib xumada” ka dhalan karta, haddii uu hubka nukliyeerka u isticmaalo dagaalka uu ka wado dalka Ukraine, waxaa sidaas sheegay Jake Sullivan, la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Joe Biden.

Sullivan oo marti ku ahaa barnaamijka bandhigga toddobaadka ee telefiishanka ABC ayaa sheegay in saraakiisha Maraykanku ay si gaar ah ugu sheegeen dhiggooda Ruushka, in madaxweyne Biden “uu si cad uga jawaabi doono” haddii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu amro weerar nukliyeer ah, laakiin ma uusan sheegin sida uu Maraykanku uga jawaabi doono.

Jawaabta Maraykanka ayaa timid ka dib markii madaxweyne Putin uu muujiyey suurtagalnimada weerar nukliyeer ah, kadib markii uu toddobaadkii hore dib ugu yeeray illaa 300,000 oo ah ciidamada kaydka ah, si ay gacan uga geystaan dagaalka toddobada bilood ka socda dalka Ukraine.

Kordhinta ciidamadan ayaa timid, kadib markii Ruushku uu dib u dhac kala kulmay furimaha dagaalka, iyada oo ciidamada Kyiv ay dib u qabsadeen dhul ballaaran oo ku yaalla Woqooyiga Bari ee Ukraine, oo Ruushku uu qabsaday toddobaadyadii hore ee dagaalka.

Debedbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo baaqa dib ugu yeerista ciidamada kaydka ah ee Putin ayaa ka dhacay dalka Ruushka, iyada oo boolisku ay xabsiga u taxaabeen boqolaal dibad-baxayaal ah oo ku sugnaa caasimadda Ruushka ee Moscow iyo magaalooyin kale oo dalkaas ah.

DF oo shaacisay xogta Shabaab badan oo galabta lagu laayey Galgaduud

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxay ku shaacisay khasaaraha Al-Shabaab ka soo gaaray weerar ay maanta Al-Shabaab ku qaadeen ciidan ka baxay degaanka Cadakibir oo kooxda kala wareegay dhowr deegaan oo markii hore ay isaga baxeen.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu shaaciyey in Ciidanka Qaranka oo kaashanaya dadka deegaanka ay Al-Shabaab ka dileen 30 xubnood, sidoo kale laga xoreeyey ku dhowaad 10 deegaan.

“Khawaarijta Al-Shabaab ayaa isku dayday inay weerar rogaan celin ah ku soo qaado ciidankii maanta ka dhaqaaqay dhinaca deegaanka Cadakabir oo gacanta ku dhigay dhulka dhan 70 KM, waxayna halkaas kala kulmeen jab xooggan, iyadoo laga dilay 30 dhagarqaabe, lagana dhaawacay 54 kale,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalkaan waxaa lagu shaaciyey deegaanada ay ciidanku qabsadeen kuwaas oo kala ah, Galgaduud: 1-Ceel-lahelay, 2-Laba-dulle, 3-Dhuumoodle, 4-Dhisaqa, 5-Aboorey, 6-Cali-wayd, 7-Iyo Maygaag-duub.

Gobolka Hiiraan Ciidanka Qaranka iyo Dadka Deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay magaalada Muqakori oo ah magaalo istaraatiiji ah.

Dhinaca kale gobolka Baay Ciidanka Qaranka oo gacan ka helaya dadkooda ayaa maanta Al-Shabaab ka xoreeyey dhowr deegaan.

“Hawlgallada Ciidanka Qaranka iyo Dadka Deegaanka ee gobollada dalka oo saf-ballaaran ku socda ayaa sii xoogeystay hadda, waxaana saldhig u ah kacdoonka shacabka iyo dowladooda, si looga adkaado burcadda dhiig-miiratada ah ee Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay wasaaradda warfaafinta.

Dowladda Soomaaliya waxay u sheegaysa dhalinyarada ay qaldeen horjoogayaasha nabadiidka Al-Shabaab in ay deg deg isku soo dhiibaan, si naftooda ay uga badbaadsadaan geesiyaasha qaranka.

 

Sawirro: 10 degaan oo cusub oo maanta lagala wareegay Al-Shabaab (Dhageyso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa saacadihii ugu dambeeyey howlgallo kula wareegay tuulooyin badan oo ka tirsan gobollada Hiiraan, Bay iyo Galguduud oo ka kala tirsan HirShabeelle, Galmudug iyo K/Galbeed.

Deeggano badan oo hoos taga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, ayaa maanta lagala wareegay argagixisada Al-Shabaab, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Saraakiisha ciidanka dib u xoreynta deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa Idaacadda VOA u sheegay in deegaano badan ay maanta kooxda ka saareen, iyagoo wacad ku maray in gobolka oo dhan ay ka xoreyanayaan Al-Shabaab, maalmaha soo socda.

Deegaandii ugu dambeeyey ee maanta laga xoreeyey kooxda ee gobolka hiiraan ayaa kala ah Tardo, Moora-Ari, Gumarre iyo Qooxle oo hoos taga degmada Maxaas ee bariga gobolkaas.

Dhinaca kale howlgallo culus ayaa ka socda seddax jiho oo gobolka Galguduud ah, waxaana maanta Al-Shabaab laga qabsaday deegaanada kala ah Maygaag-dhuub, Aboorey, Dhisaqo, Dhuumoodle, Cali-weyd iyo Dacawa-xun.

Ciidanka ka baxay Dhuusamareeb ayaa caawa kaabiga ku haya deegaanka Ceel-lahelay oo hoos taga Ceelbuur, ciidankaas waxaa hoggaaminaya wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha xoogga, Madaxweyne Qoor Qoor iyo masuuliyiin kale oo xildhibaan Dhageys Ugaas uu ku jiro.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala iyo Xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye ayaa sidoo kale hoggaaminaya ciidan dhinaca Baxdo saakay duulaan uga qaaday kooxda, kuwaas oo ugu yaraan 10 deegaan kala wareegay Al-Shabaab.

Hoos ka dhageyso warbixin ay diyaarisay VOA

Daawo: Xamsa oo toos ula hadlaya hoggaamiyayaasha DAGAALKA Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta si toos ah khadka taleefanka kula hadlay qaar kamid ah masuuliyiinta hoggaaminaysa kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee dalka, kuwaas oo ku kala sugan gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo ku sugan jiida hore ee bariga Galgaduud, guddoomiyaha degmada Baxdo, Xildhibaan Maalik Cabdalla oo ku sugan Hiiraan iyo mid ka mid ah hoggaamiyaasha ciidanka deegaanka ee ka howlgala Hiiraan ayuu si toos ah ula xariiray R/Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa masuuliyiintii uu la hadlay ka wareystay xaaladda deegaanada ay dagaalka uga jiraan, isagoo ku dhiira geliyey howsha ay wadaan, isagoo xildhibaanada kale ugu baaqay inay dib ugu laabtaan deegaanadii laga soo doortay oo cadowga ay ka xoreeyaan.

Sidoo kale Xamse Barre ayaa wasiirka gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Taliyaha Ciidanka General Odowaa Yuusuf Raage ku bogaadiyay doorkooda hoggaamineed howlgalka guuleystay ee dib-u-xoreynta dalka oo hadda ka socda dhowr deegaan.

Dhaamn dhinacyadii uu la hadlay wuxuu Xamsa Barre si cad ugu sheegay in dowladda ay ka go’antahay inay soo afjarto Al-Shabaab oo si buuxda ay u garab istaagto dadka deegaanka iyo halganka socda, isagoo deegaanada aan weli kacdoonka sameyn dadka ku nool ugu baaqay inay is abaabulaan.

“Ra’iisul Wasaaraha oo ka duulaya mabaadii’da ku qotoma Tiirka dib u xoreynta iyo sugidda Amniga, ayaa wuxuu tallaabadan u qaaday si uu u dhiirigeliyo naftood hurayaasha ku sugan jiidda hore ee dagaalka gobollada Hiiraan iyo Galgaduud,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Hoos ka daawo

Daawo: NISA oo tallaabo ka qaaday dadka la macaamilay Shabaab, soo saartay digniin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-suggidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa markii ugu horreysay billowday inay tallaabo ka qaado dadka la macaamila kooxda Al-Shabaab, waxayna soo saartay diginin culus.

Hay’adda NISA ayaa howlgal ay sameysay waxay ku qabatay 10 qof oo ay sheegtay inay la macaamilayeen maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaas oo la qabtay ayaga oo kasoo laabtay kooxda Al-Shabaab.

“Waxaa la qab-qabtay ku dhawaad 10 qof oo si yaabo kala duwan u la macaamilayay argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay bogga rasmiga ah ee Twitterka ee hay’adda, kaas oo intaas ku daray.

“Hadda kadib waxaa tallaabo waafaqsan sharciga dalka laga qaadayaa cid waliba oo u tagta, adeecda, u adeegta ama u fududeysa hawlaha ay ku dhibaateynayaan amniga iyo badqabka shacabka.”

Afhayeenka Booliska Saadiq Doodishe oo warbaahinta usoo bandhigay 7 oday iyo nabaddoono aaday degaanada Al-Shabaab lana macaamilay kooxda ayaa sheegay in loo haysto inay kooxda sameeyeen la-macaamil maaliyadeed iyo mid maamul, loona gudbin doono xeer ilaalinta, si loo maxkamadeeyo.

Tallaabadan ayey NISA ku sheegtay inay qeyb ka tahay amar kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa inaan kooxdaas lala macaamili karin, lana tagin meel ay joogaan. 

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo ay dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab ka socdaan gobollada Galgaduud, Hiiraan iyo Bay, waxayna ciidamada dowladda la wareegeen degaano ay Al-Shabaab hore u haysteen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa wajaheysa cadaadiskii ugu xooganaa ee la saaro, waxaana dagaallo iyo beegsi looga furay deegaano badan, taasi oo qasabtay in deegaano badan ay ka cararaan.

Hay’adda NISA ayaa qeyb ka ah dagaalka lagu hayo kooxdan, ayada oo ciidamada halganka ku jira ku caawineysa siyaabo kala duwan.

Toddobaadkii hore ayay sidoo kale howlgal ay NISA sameysay kusoo qabatay 10 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, hub iyo rasaas ay wateen kuwaas oo laga qabay saddex guri oo kala duwan oo ay daganaayeen, iyada oo sheegtay ‘inay fashilisay howlgal ay damacsanaayeen inay fuliyaan’, kaas oo ay ka war heshay.

Shariif oo war kasoo saaray kacdoonka dalka ka billowday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa markii u horeysay ka hadlay kacdoonka shacab ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, ee ka socda dalka.

Shariif ayaa si weyn u bogaadiyay kacdoonka ay shacabka iskaga dhicinayaan argagixisada Al-Shabaab, oo dhibaato badan u geysatay shacabkeena Soomaaliyeed.

“Waxaa la joogaa xilliggii la cirib tiri lahaa argagixisada, waan bogaadinaayaa kacdoonka shacabka Soomaaliyeed ay isaga xoraynayaan kooxda arxanlaawayaasha ah,” ayuu ku yiri Shariif Sheekh Axmed qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Shariif ayaa sidoo kale wuxuu ku baaqay in dhulka laga xoreeyo gacanta cadowga, si dhaqso ah looga hirgeliyo nidaamka dowladnimada.

Hadalka Shariif ayaa imanaya xili uu sii xoogeysanayo kacdoonka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, islamarkaana jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda.

Howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya ayaa looga xoreeyay deegaano tobannaan ah tan iyo markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu iclaamiyay dagaalka ka dhanka maleeshiyada Al-Shabaab horraantii bishan.

Fiqi oo shaaciyey CBB-da iyo saddexda koox ee diidan kacdoonka SHACABKA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay jiraan saddex koox oo dacaayad ka faafineyso dagaalka iyo kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka curtay qeybo kamid ah gobollada Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshisiiinta Axmed Macallin Fiqi ayaa taageerayaasha kooxda madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyey inay taageerayaan kooxda Al-Shabaab si aan looga adkaan.

Fiqi ayaa illaa saddex koox oo ay ku jiraan taageerayaasha Farmaajo ee loo yaqaan CBB ku eedeeyey inay wadaan mari-habaabinta howlgallada ka dhanka ah argaixisada Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka taasina aan loo istaagi doonin

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in kooxaha shakiga ka qaba howgalka ee dacaayadaha ku wada ay kala yihiin:

1- Kooxda 1-aad: Waa argagixisada nafteeda, ayuu yiri, isaga oo sheegay in Cali Dheere oo ah afhayeenka Al-Shabaab uu dadka uu ceelashooda ka qarxiyey ee uu masaajidda ku weerarray markii ay hubka qaateen ku tilmaamay ‘Mooryaan’.

2- Kooxda 2-aad: Waa kuwo ku fashilnay nidaamkii hore ee Farmaajo oo AL-Shabaab u ogolaaday inay dekedda canshuur ka qaataan oo dhagaxaanta dhufeesyada la rabay baadiyaha in ay ku sameystaan ku sameeyay waddada Maka Al-Mukarrama, Kooxdaas iyo CBB-deeda dacaayad ayey wadaan.

3- Kooxda 3-aad: waa koox deegaankoodu nabad yahay oo dhulal nabad ah ka yimid oo raba in ay gafane dadka ku dhex nool oo quuta dadkaan oo dhiiggooda jiqa.

Hadalka wasiir Fiqi ayaa imanaya xilli dowladda Soomaaliya ay wado howlgalo qorsheysan oo lagu soo afjarayo kooxda Al-Shabaab kaas oo uu hadda xoogiisa ka socda gobolada Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud.

Hase yeeshee, dadaalladaas ayaa waxaa isku dayaya inay carqaladeeyaan dad ka cabsi qaba in haddii ay guuleystaan ay sare u qaadeyso sumcadda iyo hoggaanka wanaagsan ee uu muujiyey madaxweyne Xasan Sheekh.

Muddo ka yar shan bilood oo uu dalka madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh, waxaa Al-Shabaab laga xorreeyey deegaano ka badan kuwa laga saaray shantii sano ee uu Farmaajo dalka maamulayey.

Maxaa looga hadlay kulanka Xasan Sheekh iyo Joe Biden?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, kaasi oo casuumada martiqaadka uu lahaa dhigiisa Mareykanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxweyne Joe Biden uga mahad-celiyay kaalinta uu ka qaadanayo la-dagaalanka argagixisada Al-Shabaab, isaga oo sheegay in dowladiisa ay xooga saareyso howl-galadaas.

“Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galayey Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale ka qayb-galay martiqaad uu ku maamuusay Madaxweynaha dowladda Mareykanka Mudane Joe Biden. Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey dowladda Maraykanka doorka ay ka qaadanayso dagaalka ka dhanka ah argagixisada caqabada ku ah nolosha iyo horumarka dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan gobolka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Sidoo kale madaxweyne Xasan ayaa xusay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay dalkooda ka xoreynayaan argagixisada, haatanna ay wadaan dagaal naf-hurnimo iyo geesinimo ah oo ka socda deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina tilmaamay in kacdoonka shacab ee naf-hurnimada ah u baahan yahay garab istaag iyo taageero caalami ah, si looga adkaado cadowga oo xiligaan wajahaya duulaano dhowr dhinac ah.

May 2022 ayey aheyd markii uu madaxweynaha Mareykanka Joe Biden amar ku bixiyay in Soomaaliya dib loogu soo celiyo Ciidamada Ameerikaanka ah ee Janaayo 2021 ku baxay Amar kasoo baxay Madaxweynihii 45-aad ee dalkaas Donald Trump, si ay qeyb uga noqdaan howl-galka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Daawo: Jubaland oo difaaca ka baxday iyo A/Madoobe oo dagaal culus iclaamiyey

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Jubaland ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqay weerar ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo looga xoreynayo deegaanada maamulka ee gacanta ugu jira ururkaas.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo billaabay booqashada ciidanka difaaca hore jooga ayaa ku wargeliyey askarta ciidankiisa in la beddalay aragtidii hore oo aheyd in la iska difaaco Al-Shabaab. Wuxuu saraakiisha ciidanka u sheegay in wixii hadda ka dambeeya iyagu inay weerar noqonayaan oo aan intaan ka badan difaac ku jiri karin, sidaasna ay kusoo heshiiyeen isaga iyo dowladda federaalka ah.

Hoggaamiyaha Jubaland wuxuu ciidanka ugu baaqay inay u diyaar garoobaan weerar lagu qaadaayo Al-Shabaab wuxuuna intaas ku daray in madaxda dowladda federaalka ah sida madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo taliyaasha ciidanku inay imanayaan jiidda hore ee dagaalka.

“Waxaan in badan ku jirnay difaac, waxaan in badan ku jirna dhufeys. Waxaan dowladda federaalka ku heshiinay inaan dhufeyska iska dayno, inaan difaaco iska dayno oo innaga aan noqono kuwa weerarka qaadaya, cutubkaas hadda wuu soo xirmay,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Jubaland waxay ku jirtaa maamullada uu dhulka badan ka haysto ururka Al-Shabaab. Jubada dhexe oo ah gobol kamid ah kuwa ugu kheyraadka badan dhulka ay Soomaalidu dagto muddo dheer waxaa ku xukumaayey ururka Al-Shabaab.

Waxaa la sheegaa inuu yahay gobolka ay madaxda Shabaabka badi ku nool yihiin. Maamul goboleedka Jubaland wuxuu hadda ku biiray maamulada go’aansaday inay bilaabaan dagaalka kacdoonka xambaarsan ee dalka looga xoreenayo kooxda Al-Shabaab.

Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam wuxuu dhawaan tagay magaalada Muqdisho halkaas oo ay madaxda heer federaal uga wada hadleen sidii loo bilaabi lahaa dagaal ka dhan ah Al-Shabaabkaku sugan jubbooyinka.

Axmed Madoobe wuxuu sidoo kale la kulmay xildhibaanada labada aqal ku matala Jubbaland isagoo iclaamiyey in la isugu yimaado shir looga tashanayo gulufka lagu soo afjarayo kooxda Al-Shabaab.

Jubbaland inay bilowdo weerar ka dhan ah kooxda Al-Shabaab waxay ka dhigan tahay in culeysku ku badan doono kooxda oo hadda la tacaali la’ dagaalada uga socda Galmudug iyo Hirshabelle.

In madaxda sare ee dowladda dhexe ee Soomaaliya tagaan jiidda hore ee dagaalka ayaa iyagana loo arkaa tallaabo weyn oo dhiiragelin iyo ka dhabeyn u noqon karta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Axmed Madoobe wuxuu ku jiraa siyaasiyiinta garanaya dhagarta, hannaanka dagaalka iyo hab fikirka kooxda Al-Shabaab, waxa ayna inuu dagaalka toos usoo galo caawin doontaa kacdoonka cusub ee socda.