27.5 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

15 qof oo lagu dhex dilay Masjid ku yaalla dalka Nigeria

0

Zamfara (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa ugu yaraan 15 qof ku dilay masjid ku yaalla waqooyi-galbeed ee gobolka Zamfara ee dalka Nigeria, sida ay sheegeen dadka deegaanka Sabtidii.

Weerarkan oo ka dhacay deegaanka Bukkuyum ee dowlad deegaanka Bukkuyum ayaa la fuliyey Salaadii Jimcaha xilli lagu jiray masjidka Jimcaha ee magaalada Ruwan Jema, sida ay wakaalada wararka ee Reuters u sheegeen 3 ka mid ah dadka deegaanka.

“Kooxaha hubeysan ayaa ku yimid mootooyin iyagoo haysta qoryahooda, waxayna si toos ah ugu dhaqaaqeen masjidka, waxayna billaabeen inay si teel-teel ah nagu toogtaan,” ayuu yiri Amimu Mustapha oo ka mid ah dadka deegaanka.

Mid kale oo ka mid ah dadka deegaanka oo codsaday in aan magaciisa la xigan ayaa sheegay in weerarka uu dhacay abaare 2-dii duhurnimo, isagoo intaa ku daray inay jiraan dad kale oo badan oo dhaawacmay.

Afhayeen u hadlay booliiska gobolka Zamfara ayaan isla markiiba ka jawaabin wicitaanno ama farriimo qoraal ah oo lagu doonayay in lagu xaqiijiyo warbixinnada dadka deegaanka.

Kooxo burcad ah oo si aad ah u hubeysan, ayaa xasuuq ba’an ka geystay waqooyiga-galbeed ee Nigeria labadii sano ee lasoo dhaafay, iyagoo qafaashay kumannaan, dilayna boqolaal, kana dhigay meel ka caagan safarrada.

Bishii Ogosto, dadka deegaanka Ruwan Jema ayaa sheegay inay burcadda siiyeen 9 milyan oo naira ($21,000), shidaal iyo sigaar, iyadoo ballan-qaaday inay faraha ka qaad doonaan.

REUTERS + VOA

Macawiisleyda iyo ciidamada DF oo deegaan muhiim ah kala wareegay Al-Shabaab

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Moqokori oo ay in muddo ah ka talinayeen xoogaga kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa saaka gudaha u galay deegaankaasi, kadib markii ay isaga baxeen dagaalyahanada Al-Shabaab oo haatan wajahaya culeyskii ugu xooganaa.

Saraakiil ka tirsan Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey inay si buuxda ula wareegeen Moqokori, ayna sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale ciidamada ayaa gaaray tuulada Tardo oo ku dhow deegaanka Moqokori, halkaas oo ay ka sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ku beegsanayaan kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Shabaab oo ku aadan guulaha ay howlgalkaas ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Moqokori ayaa ah deegaan weyn oo hadana muhiim ah ayaa waxaa sanado badan ka talinayey Al-Shabaab, iyagoo ku lahaa xarumo muhiim ah, sida saldhigyo iyo maxkamado.

Hiiraan ayaa waxaa ka socodo howlgallo isku beddelay kacdoon shacab oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo ay guullo waa weyn ka gaartay dowladda federaalka Soomaaliya.

Turkiga oo qaaday tallaabo culus, kuna biiray howlgallada HIIRAAN iyo Galgaduud

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Turkiga ayaa hadda toos ugu biirtay duqeynta dhanka cirka ah ee lagu beegsanayo dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ee ku sugan Hiiraan iyo Galgaduud, sida uu shaaciyey wasiirka arrimaha gudaha, Axmed Macalin Fiqi.

Wasiirka ayaa sheegay in markii hore ay garab ka helayeen Mareykanka, balse haatan ay garab istaag ka heleen Turkiga oo ciidamo kala duwan u tababara dowladda Soomaaliya.

Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in diyaaradaha dagaalka Turkiga ay hawada ka caawinayaan ciidamada Xoogga dalka ee howlgallada ka wada koonfurta iyo bartamaha dalka.

“Markii la arkay in Dadka Soomaaliyeed wax iska celin karaan waxaa garab istaag u muujiyay Dowlado, Mareykanka ayaa ugu horreeya in uu cirka (Duqeyn) ku beegsanaya Cadawga marka uu meel isugu tago, Turkiga ayaa kusoo biiray oo Hawada ka caawinaya & Dowlado kale oo sirdoonka caawinaad ka geysanaya” ayuu yiri wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Dowladda Mareykanka ayaa horey u fulisay weeraro lagu caawinayo ciidamada huwanta ah ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.

Bayaan ka soo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in laba maalmood ka hor – 18-kii bishaan Sebtembar ay dowladda Soomaaliya ka codsatay inay duqeeyaan maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa degaanka Aboorey oo hoos taga magaalada Buuloburde.

Mareykanku wuxuu sheegay in duqeyntaas lagu dilay 27 xubnood oo Shabaab ah inta la xaqiijiyey, sidoo kalena aysan jirin wax yeelo soo gaartay dad rayid ah.

“Ciidamada Maraykanka ayaa loo fasaxay inay fuliyaan weeraro ay ku difaacayaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warbixinta taliska ciidamada Mareykanka ee ka howlgala qaaradda Afrika.

Sidoo kale Mareykanku wuxuu qiray in dagaalka Hiiraan ay ciidanka xoogga Soomaaliya ka soo hooyeen guulo waaweyn, isla markaana ayaga doorkoodu uu ahaa duqeyn meelaha qaar ah, si loo yareeyo qataraha ay ciidanku kala kulmi karaan kooxda.

“Hawlgalkan ayaa ah kii ugu balaarnaa oo ciidanka Soomaaliya ay fuliyaan muddo shan sano ah,” ayaa lagu yiri warka AFRICOM.

Ismiidaamin ka dhacday xero taal Muqdisho + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo manta ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kaas oo jugtiisa si weyn looga maqlay xaafadaha qaar ee degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu weeraray afaafka hore ee xerada Dhaga badan ee warashadda Nacnaca oo ku taalla waddada aada dhanka deegaanka Jaziira.

Xerada Dhaga badan ayaa waxaa lagu tababaraa dhalinyarada dooneysa inay ku biiraan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu sii carbiyo xeradaan oo dhowr jeer oo hore la weeraray.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid ismiidaamin ah oo uu fuliyey qof isku so xiray walxaha qarxa, waxaana haatan socdo gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada kasoo gaartay weerarkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daray in xilliga uu weerarka dhacayey ay xerada ku sugnaa dhalinyaro dooneyso inay ka mid noqdaan Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu diiwaan-gelinayey goobta, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

In ka badan ilaa 10 qof oo u badan dhalinyaro ku sugneyd goobta ayaa ku dhintay qaraxan, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Weerarkaan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee ka dhacaya caasimada, wuxuuna dhanka kale kusoo aadayaa, xilli ciidanka dowlada Soomaaliya oo kaashaneynaya maleeshiyaadka Macawiisleyda ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sawirro: Muxuu James Swan ka ballan-qaaday kulankii uu maanta la yeeshay Xamza?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan muhiim ah xafiiskiisa kula qaatay Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Danjire James Swan.

Kulanka ayaa waxa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin Siyaasadda, Ammaanka iyo Arrimaha Bini’aadamnimo ee dalka ka jira, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale waxa kulanka diirada lagu saaray sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ay saameysay abaarta, kuwaasi oo ku nool deegaano kala duwan.

Danjire James Swan ayaa dhankiisa sheegay in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay in ay dowladda Soomaaliya gacan ka siiyaan barnaamijyada hortabinta u leh qorshaha xukuumadda Dan Qaran.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa muddooyinkii dambe wada kulamo uu la yeelanayo wakiillada Beesha Caalamka, kuwaasi oo fadhigoodu yahay Muqdisho.

Xamza ayaa inta badan saaxiibada beesha caalamka kala hadlayay sidii dowladda Soomaaliya ay taageero ugu fidi lahaayeen arrimaha amniga iyo bini’aadaniimada, xili goballada dalka ay ka bilowdeen dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Dowladda Jabuuti oo dhul ka mdi ah dalkaas ka iibisay waddan kale + Sababta

Jubba (Caasimada Online) – Saraakiisha dalka Koonfur Sudan ayaa xaqiijiyey in dowladda Jabuuti ay ka iibisay dhul ku yaalla xeebta dalkaas oo laga dhisayo dekad.

Koonfur Sudan waxay sheegtay in dekeddaas ay muhiim u noqon doonto dhoofinta saliidda cayriin ee dalkaas, oo hadda la mariya dalka Sudan, iyo sidoo kale soo dhoofinta badeecadaha dalkaas oo badankood ka yimaada dekedda Mombasa ee Kenya.

Wasiirka shidaalka Koonfur Sudan Puot Kang Chol ayaa sheegay in dhulka ay ka iibsadeen Jabuuti loo adeegsan doono dhoofinta saliidda cayriin. 

“Waxaan jeclaan lahaa inaan dhammaantiin idinku wargeliyo inaan muddo isku dayeynay inay waddooyin badan furano sababtoo ah Koonfur Sudan waa dal aan bad lahayn, sidaas darteed waxaa nalooga baahan yahay inaan u furnaano suuqyada,” ayuu yiri.

Laba dal oo ku yaalla Dooxada Weyn ee Afrika oo kala ah; Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo ayaa dhowaan sheegay inay adeegyadooda dekedaha u wareejin doonaan Tanzania, taasi oo Rwanda iyo Burundi ka dhigeysa labada dal ee kaliya ee sida buuxda ugu tiirsan dekedda Mombasa. 

Duncan Otieno, oo ah dhaqaalyahan fadhigiisu yahay Nairobi, ayaa sheegay in tallaabada Koonfur Sudan ay Kenya gelineyso xaalad adag, maadaama uu loolan adag kaga imanayo Dar es Salaam iyo Jabuuti.

“Waa inaan is weydiinaa, Uganda, Congo iyo hadda Koonfur Sudan waxa dhammaantood ku qasbay inay ka tagaan dekedda Mombasa,” ayuu yiri.

Wasiirka dhaqaalaha Koonfur Sudan Abraham Mamer ayaa sheegay in dekedda Jabuuti ay marin raqiis ah siin doonto badeecadaha ay dhoofineyso iyo kuwa usoo degaya Koonfur Sudan.

Koonfur Sudan iyo Jabuuti ma wadaagaan xuduud, waxaana u dhaxeeya Itoobiya. Dekedda cusub ayaa waxaa Koonfur Sudan ku xiri doono waddo dhex-mareysa Itoobiya. 

Sawirro: Ciidanka duulaanka ku ah Ceelbuur oo deegaan muhiim ah qabsaday shalay

0

Labi-dulle (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa xoreynta deegaannada bariga gobolka Galgaduud ayaa shalay qabsaday deegaan muhiim ah xilli ay kusii jeedaan degmada Ceelbuur oo la doonayo in laga xoreeyo kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa galinkii dambe ee shalay si nabdoon kula wareegay deegaanka Labi-dulle oo in kayar 16km u jira magaalada Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud, kadib markii maleeshiyadka Al-Shabaab ay deegaankan isaga baxday saacado kahor inta aanay ciidanka iman.

Deegaankan ayaa waxa uu ku yaallaa waddada u dhaxeysa Dhuusomareeb iyo Ceelbuur.

Howlgalka oo ah mid aad u baaxad weyn ayaa waxaa hoggaaminayey Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo Madaxweynaha Galmudug oo ay furinta ku wehliyaan xildhibaannada federaalka iyo Galmudug, ku matala deegaannada howlgalkani ka socdo.

Guushan ayaa imaneysa ayada oo uu si xawli ah u socda howl-gal militari oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo shacab is-abaabulay ay kaga soo horjeedaan ururka Al-Shabaab, oo la doonayo in laga xoreeyo deegaano ay ka mid tahay Ceelbuur.

Gudoomiyaha degmada Ceel Buur, Gashaanle-dhexe Nuur Xasan Guutaale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaal-yahaanada Al-Shabab aysan hayn awood ay uga hortagaan ciidamada, ayna cagta marin doonaan.

“Nimankaan waa koox yar oo guurguurta weeyi, kuwii Baxda shalay joogay oo kasoo cararay ayaa halkaa ku arkeysa. Meel kasta waa looga imanaya Ceelbuur, indhaha ku arki doonta iyada oo aan cidba laga arkin,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay la carareen xarun warbaahineed oo ay ku lahaayeen Ceelbuur, kadib markii ay ka war heleen qorshaha howl-galka ay ku beegsanayaan ciidamada dowladda.

“Waa ka daba tagi doona oo meel kasta ay taagan yihiin wa ugu tagi doona. Uma kala hareyno deegaanada ay ka haystaan HirShabelle iyo Galmudug himika ciidamada garabka ayey isku hayaan oo diyaar ayaa nahay.”

Booliska oo xiray haweeney fal argagax leh ka geysatay magaalada MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo howlgal ka sameeyey degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay soo qabashada haweeney fal argagax leh dhowaan ka geysatay degmadaasi, kadib muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada.

Muuqaalka ayaa waxaa laga dhex arkayey haweeneydaan oo lagu magacaabo Shukri Cabdullahi Xaashi oo tacaddi xun u geysaneyso gabar yar oo 9 sano jir ah.

Sidoo kale caro xoogan ayaa ka dhalatay muuqaalka laga soo duubay haweeneydaan hadda eedeysanaha ah oo dusha uga fadhido, isla-markaana garaaceyso gabadha yar.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Doodishe ayaa shaaca ka qaaday in haweeneyda ku eedeysan falkaasi carada xoogan ka dhaliyey baraha bulshada ay hadda ku xiran tahay xarunta hay’adda dambi baarista CID, isaga oo sheegay inay baaris ku hayaan.

Sadiiq Doodishe ayaa sidoo kale tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay la wadaagi doonaan natiijada baaritaankooda iyo ujeedada ka dambeysa dhacdadaasi.

“Waxaan dhowaan shacabka u soo bandhigi doonaa ujeeddada iyo natiijada ka dhalatay baarista kiiskaan,” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Wararka ayaa sheegaya in haweeneyda la soo xiray ay gabadha yar u tahay eedo, balse lama oga waxa ku kalifay dhacdada ay geysatay oo hadal heyn badan dhalisay.

Dhacdooyinka argagaxa leh ee bulshada saameynta ku leh ayaa maalmahan dambe ku soo badanaya magaalada Muqdisho, waxayna aheyd dhowaan markii Booliska Soomaaliya uu soo bandhigay nin hubeysan oo muuqaal laga duubay, isaga oo rasaas ku ridaya wiil yar oo dhulka jiifay, kaas oo la sheegay inuu ku sugnaa degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Wararkii ugu dambeeyey dagaal culus oo ka socdo duleedka GARBAHAAREY

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogaga Al-Shabaab uu ka qarxay inta u dhexeyso degmooyinka Garbahaarey iyo Beledxaawo oo ka tirsan gobolkaasi.

Dagaalka oo ah mid culus ayaa hadda ka socdo deegaanka lagu magacaabo Caracase, halkaas oo ay ku sugan yihiin xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Xoogga dalka  Soomaaliyeed ayaa weerar ku qaaday deegaankaasi, waxaana kadib ka billowday dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyo labada dhinac.

Ma cadda inta uu la’egyahay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan oo weli ka socdo halkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in xaaladdu ay tahay mid kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo dhanka kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkan ayaa qayb ka noqonayo dhaq-dhaqaaqyada ay haatan wado dowladda dhexe ee Soomaaliya oo Al-Shababa looga saarayo deegaannada ay kaga sugan yihiin dalka.

Xiisadda dagaal ee labada dhinac ayaa sii xoogeysatay markii ay dagaalka ku biireen dadka deegaanka, gaar ahaan maleeshiyaadka Macawiisleyda oo garab siinaya ciidanka dowladda.

Si kastaba, tan iyo markii ay billowdeen howlgalladan oo uu xoogeedu ka socdo Hiiraan iyo Galgaduud ayaa waxaa ciidamada dowladda ay kula wareegeen deegaano horleh.

William Ruto oo shaaciyey laba arrin oo madaxweyne Xasan Sheekh ka go’an

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Willima Ruto ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu muujiyay sida ay uga go’an tahay la dagaalanka Al-Shabaab, sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay Telefishinka France 24.

Madaxweyne Willima Ruto ayaa Xasan Sheekh ku tilmaamay hogaamiye door firfircoon ka qaatay dadaalada lagu xakameynayo khatarta kooxda Al-Shabaab oo ka dagaalanta gudaha Soomaaliya, sidoo kalena weerarro ka geysata Kenya.

“Tan iyo doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh oo aan la kulmay laba jeer, wuxuu leeyahay aragti aad u cad oo ku saabsan halka aan u baahanahay inaan aadno. Waxaan filayaa inay aad uga go’antahay la dagaalanka Al-Shabaab, marka Xasan go’aankiisu waa cad yahay,” ayuu yiri Willima Ruto.

Madaxweynaha Kenya ayaa la weydiiyey inuu qorsheynayo inuu ciidamada Kenya ka soo saaro Soomaaliya, wuxuuna ku jawaabay, “Ciidamadaas waxay dib ugu soo laaban doonaan dalkooda, markii aan dhammeyno howsha aan u hayno Soomaaliya.”

Madaxweynaa Kenya Willima Ruto ayaa wareysigaan bxiiyey todobaadyo kadib markii Al-Shabaab ay sheegtay inay weerarro culus  ka geysan doonto gudaha dalka Kenya.

Hanjabaada Al-Shabaab waxaa saldhig looga dhigay inay weerarradaas qaadi doonaan hadii madaxda cusub ee dalka Kenya ay iska dhaga tiraan dalabaadkooda ku aadan in ciidamada Kenya laga saaro Soomaaliya.

Turkey oo 3,000 oo askari u direysa dalka QATAR

0

Doha (Caasimada Online) – Turkey ayaa 3,000 oo askari oo ah booliska rabshadaha ka hortaga u direysa Qatar, si ay gacan u gaystaan sugidda amniga garoomada kubadda cagta Koobka Adduunka iyo hoteellada ay degi doonaan martida. 

Howlgalkan amni ayaa waxaa qarashkiisa bixin doona dowladda Qatar, hase yeeshee waxaa si buuxda u maamuli doona talis Turkish ah, waxaa sidaas wakaaladda wararka Reuters u sheegay ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Turkey.

Ayada oo ay ku nool yihiin dad ka yar 3 milyan – kuwaas kaliya 380,000 ka mid ah yihiin muwaadiniin Qatari ah – ayaa Qatar waxay wajaheysaa shaqaale yari xilli ay isku diyaarineyso marti-gelinta Koobka Adduunka.

Qatar ayaa u weecatay Turkey, oo ah xulufadeeda gobolka, si ay u xaqiijiso amniga tartanka, oo la filayo inuu soo jiito 1.2 milyan oo qof oo soo booqan doona dalkaas. 

Heshiis ay kala saxiixdeen labada dal ayaa dhigaya in Turkey ay Qatar gayso 3,000 oo askari oo ah oo booliska rabshadaha ka hortaga, 100 sarkaal oo qaabilsan howlgallada gaarka ah, 50 khubarada bambooyinka ah iyo 80 eeyaha wax uriya ah.

“Inta uu socdo tartanka, booliska Turkey waxay ka amar qaadaan doonaan madaxdooda Turkish-ka kaliya oo ku sugnaan doona Qatar,” waxaa sidaas yiri ilo-wareedyo Turkish ah. “Dhinaca Qatar ma awoodi doonaan inay amar toos ah siiyaan booliska Turkish-ka.”

“Dhammaan qarashka ku bixi doona shaqaalaha la gaynayo halkaas waxaa bixin doona dowladda Qatar.” 

Dhinaca kale, Turkey ayaa laga yaabaa inaysan noqon dalka kaliya ee taageerada amni siin doona Qatar.

Bishii tagtay, golaha wasiirada Pakistan ayaa ansixiyey qabyo qoraalka heshiis u ogolaanaya dowladda inay ciidamo ku yaboohdo sugidda amniga koobka adduunka. Ma aysan shaacin tirada askarta, labada dalna ma sheegin haddii heshiis kama dambeys ah la gaaray. 

Qatar oo ah dalkii ugu horreeyey ee ku yaalla Bariga Dhexe ee mart-geliya koobka adduunka iyo dalkii ugu yaraa ee sidaas sameeya, ayaan wax khibrad ah u lahayn marti-gelinta dhacdo caalami ah oo sidaas u baaxad weyn.

Askarta Turkish-ka ee aadeysa Qatar ayaa waxaa la baray English, waxaana la siiyey hagid ku saabsan wax ay filan karaan marka ay tagaan Qatar, sida ay sheegeen ilo-wareedyada Turkish-ka.

Turkey oo saldhig militari ku leh Qatar, ayaa garab istaagtay Doha markii Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ay go’doomiyeen dalkaas sanaddii 2017. 

Dalalka Khaliijka ayaa xiriirkooda soo celiyey sanadkii tegay, waxaana Turkey ay sidoo kale horumarisay xiriirka Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta. 

Al-Shabaab hub iyo gaadiid dagaal wata oo maanta isku soo dhiibay dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo wata gaari dagaal iyo hub ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan.

Cabdi Muumin Cilmi oo ah sarkaal ka tirsan qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka oo wareysi siiyey Idaacadda Dowladda ee Radio Muqdisho ayaa xaqiijiyey ninkaas gaadiidka wata ee ka soo goostay Al-Shabaab inay hadda gacanta ku hayaan.

Sarkaalkaan ayaa sheegay in ninka isku soo dhiibay uu xubin sare ka ahaa Al-Shabaab, isla markaana uu ka soo jeedo deegaanada ay ka socdaan howlagallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan.

Mar la weydiiyey sida ay ka yeelayaan ninkaan ka soo goostay Al-Shabaab ee isku soo dhiibay ayuu sheegay inay dowladda dhexe u gacan gelinayaan, si loo geeyo goobaha dhaqan celinta Al-Shabaab lagu soo hanuuniyo.

Degaanka Yasooman ayaa ka mid ah deegaanada Al-Shabaab sida weyn loogu laayey ee gobolka Hiiraan, waxaana lagu dilay ku dhawaad 100 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, iyadoo ugu dambeyntiina deegaankaas uu gacanta u soo galay ciidamada dowladda.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Sawirro: Shacabka Mudug oo nolosha ku qabtay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

0

Wisil (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa maanta lagu qabtay koonfur gobolka Mudug, halkaas oo maalmahaan uu ka socdo abaabulka duulaan ka dhan ah Al-Shabaab.

Ninka la qabtay waxaa lagu magacaabaa Cabdi Shidane Culusow, waxaana soo qabtay ciidan is abaabulay oo dadka deegaanka ah.

Cabdi Shidane ayaa Al-Shabaab ugu magacaaban madaxa isgaarsiinta deegaan laga xusay Qeycad iyo Camaara, halkaas oo Al-Shabaab ay si dhuumaaleysi ah ku joogaan.

Ciidamo abaabulan oo dadka deegaanka ah, saldhigooduna yahay degaanka Bajeela ee koonfurta gobolka Mudug ayaa maan ninkaan ku soo qabtay howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen.

Saraakiisha ciidanka daraawiishta Galmudug oo maanta lagu wareejiyay Cabdi Shidane ayaa warbaahinta u sheegay in ninkaan uu qirtay in xilal badan uu ka soo qabtay kooxda Al-Shabaab, isla markaanan uu hadda ahaa madaxda isgaarsiinta kooxda ee dhowr deegaan.

Sidoo kale wareysigii lala yeeshay sarkaalkaan Shabaab-ka ah wuxuu ku sheegay inuu ku dhashay oo deegaan ahaan uu ka soo jeedo degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Kooxda Al-Shabaab ayaa wajaheysa kacdoon culus oo dadka Soomaaliyeed uga imaanaya, kaas oo dowladda Soomaaliya ay si weyn u hurineyso, waxaana dhowrkii todobaad ee u dambeysay laga saaray deegaano badan oo Hiiraan, Galgaduud iyo Bay ka tirsan.

Daawo: Beel Muqdisho ka iclaamisay dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha, xildhibaanada, wasiirrada iyo waxgaradka beesha Baadicadde ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan ay ku iclaamiyey dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka bilaaba doona gobolka Hiiraan.

Wasiirka Qorsheynta XFS Maxamuud Beenabeene ayaa shir guddoon ahaa kulankaas, waxaana laga soo saaray go’aan ah, in beeshu ay ku duusho dhulka ay Al-Shabaab ka heystaan, sida Jalalaqsi, Buurweyn iyo deegaano kale oo ka tirsan Hiiraan.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo kulanka kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Al-Shabaab waayihii u dambeeyey ay dhibaato badan u geysteen beeshiisa Baadicade, isagoo soo tiriyey dadkii ay ka waxyeeleeyeen beesha oo isagu uu ku jiro.

“Al-Shabaab dhibaato ayey horay u soo gaarsiiyeen beesheyda sida dadkii ay nooga laayeen qaraxii hotel Xayaat, Saraakiil, Odayaal iyo Masuuliyiin ay naga dileen, aniga qarax bay igu soo weerareen, maanta waxay beeshu go’aansatay inaan la dagaalano kooxdaas,” ayuu yiri Xildhibaan Macalimuu oo baarlamaanka federaalka ka tirsan.

Xildhibaan Cabdisamad Waber Axmed oo ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sidoo kale warbaahinta la hadlay ayaa yiri, “Jimcada soo socota Jalalaqsi ayaan ku tukanayaa, Al-Shabaab deegaankeenna ma sii haysanayaan oo heshiis ma nihin, Soomaali oo dhan ayaa dil ugu xukuman in aan iska dhicino ayaana naga go’an.”

Hoos ka daawo

Saciid Deni iyo Aaran Jaan oo kala tagay iyo PUNTLAND oo loolan cusub gashay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa iclaamiyey dagaal siyaasadeed cusub kadib markii uu xeendaabkiisa dowliga ah ka saaray kooxda Aaran Jaan ee markii hore ay xulufada iyo shirkada siyaasadeed ahaayeen.

Wasiirkii ugu awoodda badnaa nidaamka Puntland dhowrkii sano ee lasoo dhaafay Xasan Shire Abgaal ayaa banaanka laga dhigay xukuumadda Puntland, wuxuu ahaa wasiirka maaliyadda, ayada oo uu xilkaas ku waayey isku shaandheyn uu shalay sameeyey Deni.

Damaciisa doorashada 2024 iyo sida uu ugu adkeysanayo sii socoshada kaltanka beelaha ee hoggaanka Puntland ayaa loo arkaa sababta uu Saciid Deni u badalay Xasan Shire Abgaal.

Xil ka qaadista Xasan Shire Abgaal waa ka macno badan tahay kuwii ka horreeyey, sababta waa inuu kamid ahaa milkiilayaasha maamulka Saciid Deni.

Ninkaan oo ay Deni shirko ku ahaayeen dagaalkii Boosaaso iyo qorshihii doorashada madaxweynaha Soomaaliyan wuxuu matalayey koox siyaasiyiin ah oo isku xiran oo reer Puntland ah badankoodna ay magaalada Garoowe kasoo jeedaan kuwaas oo ay dadku ku xantaan magaca Aaran Jaan.

Iyadoo ay 15 bilood ka dhiman tahay muddo xileedka Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa durba Puntland ka bilowday ololaha doorashada, siyaasiyiin isku aragti ah ayeyna dantu kala waday.

Kooxda uu hormuudka u yahay wasiirka xilka laga qaaday waxaa lagu eedeynayaa inay doonayaan in kaltanka beeluhu uu sidiisa usoo socdo oo maalinba uu reer xukumo Puntland.

Beesha dagan caasimadda Garoowe waxay jilbo culustooda siyaasadda ku xisaabtamayaan in doorkoodii la joogo oo Gaalkacyo iyo Qardho aysan fursad laheyn, laakiin Deni iyo kooxdiisa waxay sheegayaan inay muhiim tahay in laga gudbo kaltan beeleedkaas. Qaabka looga gudbaayo ayaan weli heshiis laga gaarin.

Saciid Deni ayaa seddex deegaan horey uga qabtay doorasho dadweyne oo tijaabo ah, waxayna hadda kooxdiisa sheegeysaa in loo baahan yahay in waqtiga haray lagu dhameystiro doorashada deegaanada kadibna la qabto doorasho qof iyo cod ah.

Dadka dhaliilsan Saciid Cabdullaahi Deni waxay leeyihiin shaqo badan lagama qaban arrimaha doorasho dadweyne, sidaas darteed waa in doorkaan sidii hore lagu celiyaa, halkaan waa dariiqa kala leexiyey Deni iyo Aaran Jaan.

Horey Saciid Deni waxay gudaha Puntland isugu hayeen ilmo Diyaano oo siyaasad ahaan iyo ciidan ahaanba saameyn xoog leh ku leh deegaanada Puntland, inuu lumiyo Aaran Jaan waxay ka dhigan tahay ayaa la leeyahay inuu galay dagaal laba afle ah oo aan natiijadiisa laga hor dhici karin.

Afar qodob oo madaxweyne Xasan Sheekh uu caalamka hordhigay khudbaddii QM

0

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadal dhinacyo badan taabtay ka jeediyey meertada 77-aad ee golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Madaxda ay dalalkooda argagixisadu aafeysay sida Xasan Sheekh Maxamuud muhiim ayey kalmadooda u aheyd shirka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa ku dul istaagay afar dhinac oo muhiim ah.

1- Xanuunka COVID-19

Xasan Sheekh waxa uu sheegay in xanuunka COVID-19 uu muujiyey sida aysan dunida ugu diyaarsaneyn ka jawaabista deg degta ah ee xaaladaha waaweyn. Madaxweynaha wuxuu muujiyey sida uu xanuunkaas u naafeeyey dalalka soo koraya.

Soomaaliya waxay ku jirtaa dalalka uu cudurkaas dadka badan ka laayey laakiin aan deg deg ah u helin jawaabaha. Madaxweyne Xasan wuxuu sheegay in COVID-19 laga bartay baahida loo qabo jawaab wadajir ah marka ay xaalado waaweyn yimaadeen.

Dalal badan ayaan weli kasoo kaban khasaarihii kasoo gaaray xanuunkaan ee xagga dhaqaalaha kuwaas oo ugu badan dalalka ku yaalo qaaradda Afrika.

2- Isbadalka cimilada

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku dheeraaday ka hadalka isbadalka cimilada adduunka iyo dhibaatada ay ku heyso dalalka soo koraya, wuxuu sheegay in dowladiisu ay ahmiyad siisay arrinta deegaanka iyo cimilada oo ay dhiseen wasaarad arrimahaas u gaar ah.

Wuxuu dalbaday in garab lagu siiyo Soomaaliya xal u helidda dhibaatada deegaanka iyo cimilada oo hadda ah mid kamid ah waxyaabaha ugu badan ee uu adduunka dhaqaalaha ku bixiyo.

3- Abaarta

Khudbadda madaxweyne Xasan Sheekh ee shirka Qaramada Midoobay wuxuu kusoo hadal qaaday xaaladda abaarta ee Soomaaliya. Inuu dalkaan ku yaalla Geeska Afrika uu wajahayo waqti adag oo abaar ah, inuu bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan qurba joogta iyo ganacsatada kala hadlay inay kala shaqeeyaan inaysan abaarta isku badalin macluul ayaa ku jirtay khudbadda madaxweynaha.

Wuxuu dalbaday kaalmo dheeri ah si ay dowladiisa ugu guuleysato wax ka qabashada abaarta. Dhibaatada argagixisada ayuu madaxweynuhu sheegay inay qeyb ka tahay waxyaabaha kordhiyey abaarta iyo dhaqaale xumada.

4- Dagaalka Al-Shabaab

Qodobkii ugu muhiimsanaa hadalka madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ahaa dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ee  Al-Shabaab iyo Daacish.

Xasan Sheekh waxa uu xusay inay kooxdaan dhibaato badan ka geysatay Soomaaliya haddana ay bilaabeen inay ceelashii ka duugaan shacabka iyo inay dadkii iska laayaan taasina ay qasab ka dhigtay inay dowladiisu jawaab deg deg ah bixiso.

Wuxuu xusay in shacabka Soomaaliyeed go’aansadeen inay dowladda ku garab siiyaan dagaalka argagixisada taas oo uu sheegay inay saamixi doonto in laga adkaado kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha wuxuu u muuqday nin taageero u raadinayo mashruuca lagu soo afjarayo kooxda Al-Shabaab.

Nuxurka khudbadda madaxweyne Xasan Shiikh waxay aheyd n dagaalka Al-Shabaab, abaarta iyo isbadalka cimilada in lagu garab siiyo Soomaaliya.

R/W Xamza oo amray Golaha Wasiirada in si deg deg ah…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo maanta guddoomiyay shirka dib u habeynta dhaqaalaha ayaa si qota dheer uga hadlay muhiimadda uu hannaanka deyn cafintu u leeyahay horumarka dalka iyo gaaridda isku filnaashno dhaqaale.  

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wasiirrada ku boorriyay inay xoogga saaraan sidii dhammaan sharciyada hortebinta u leh deyn cafinta la dhammeystiro oo baarlamaanka la marsiiyo ugu dambeyn dhammaadka sanadkaan si shuruudaha xilligaan ku xiran ay Soomaaliya u buuxiso looguna gudbo shuruudaha xiga…

Mudane Xamse Cabdi Barre waxuu caddeeyay in xoojinta isla xisaabtanka iyo hufnaanta ay qeyb weyn ka qaadanayaan qorshaha horumarinta dowladnimada ee xukuumaddu waddo, waxuuna dhammaan wasaaradaha iyo hey’adaha kale ee uu khuseeyo barnaamijka deyn cafinta ay si dhaw isaga kaashadaan ka guul gaaridda dadaallada socda. 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale amray wasiirrada inay si xooggan ula dagaalaan musuqa si loogu guuleysto daahfurnaan iyo hufnaan horseedda in ay sare u kacdo heerka aaminaadda bulshada iyo dhammaan daneeyaasha arrimaha Soomaaliya.  

Ka guul gaaridda barnaamijka deyn deyn cafinta dalka ayaa horseedaya in dhammaan hey’adaha maaliyadda adduunyadu ay aamintaan dalkeenna, la helo maal-gelin heer caalami ah, abuurmaan shaqooyin badan oo dhallinyarada fursad siinaya, si wax-soosaarka guduhu uu sare u koco, dhaqaalaha dalkuna uu kobco.

ATMIS oo qaaday tallaabo yaab leh oo ay ku afduubatay guulaha Macawiisleyda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS ayaa soo saaray qoraal u muuqda inay ku sheeganayaan guulaha la taaban karo ee laga gaaray dagaallada ka socda gobolka Hiiraan ee ka dhanka ah koxoda Al-Shabaab.

Qoraalka ATMIS ayaa u muuqda mid leh laba ujeedo oo kala ah; 1- In la gu xaqiro geesinimada iyo nafhurnimada ciidamada qabaa’ilka ee Macawiisleyda, iyo 2- In ATMIS ku sheegato guul aysan wax kaalin muuqata ku lahayn.

Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS waxay ku faraxsan yihiin inay ka garab siiyeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed howlgalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Hiiraan,” ayaa lagu yiri qoraalka ATMIS.

Hawlgalka socda, oo ahaa wejigii labaad ee weeraro qorshaysan ayaa billowday 15-kii September 2022, waxaana ilaa iyo hadda yihiin guulo aad u waaweyn.”

ATMIS ayaa intaas ku dartay inay si qoto dheer uga go’an tahay inay taageerto dowladda Federaalka Soomaaliya si loo helo amni, xasillooni, iyo nabad ka dhalata Soomaaliya.

Guulaha ay ATMIS sheeganeyso ayaa la xiriira degaanada dhowaan lagala wareegay kooxda Al-Shabaab ee Abooray, Yasooman iyo Booco oo ka tirsan gobolka Hiiraan iyo degaanka Sini-dhaqo ee gobolka Galgaduud.

Qoraalka ATMIS ayaan marnaba lagu muijin doorka weyn ee dagaaladaasi ay ku leeyihiin maleeshiyaadka deegaanka ee Macawiisleyda loo yaqaano, iyagoo guulaha laga gaaray duulaanadaasi dusha u saariyay oo kaliya ciidamadooda iyo kuwa dowladda.

Waxaa xusid mudan inuusan weli caddeyn doorka ay ATMIS ku leheyd dagaaladan, iyadoo sawirrada laga soo qaaday jiidda hore ee dagaalka lagu arkayay oo kaliya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee is-garabsanaya oo ku sugan deegaanada laga qabsaday kooxda Al-Shabaab.

ATMIS oo Soomaaliya ku sugan in ka badan 15 sano ayaa marnaba dagaal la taaban karo ku qaadin kooxda Al-Shabaab, inkasta oo ay ka kooban yihiin in ka badan 22,000 askari, waxaana yaab leh inay hadda billaabaan inay kula daartaan guulaha laga gaaray Al-Shabaab, xilli ay u muuqato in kooxdan ugu dambeyn laga adkaan rabo.

Guddiga doorashooyinka Somaliland oo soo saaray go’aan uga sii daraya xiisadda

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddiga doorashada Somaliland ayaa maanta ku dhowaaqay in aysan xilligeeda ku qaban karin doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo ku asteysan 13-ka November,taasoo uga sii dareysa xiisadda hadda taagan.

Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa waxaa lagu shaaciyey saddex qodob oo ay saldhig uga dhigeen go’aanka ay haatan ka soo saareen doorashada guud ee Somaliland.

Guddiga ayaa go’aankiisa u sababeeyey arrimo farsamo iyo kuwa dhaqaale oo xilligan heysta Somaliland.

Go’aanka ka soo baxay guddiga ayaa waxa kale ay ku caddeeyeen in doorashada ay ku qaban karaan farsamo ahaan muddo 9 bilood  ah, ayna u baahanyihiin waqti dheeri ah.

Halkan hoose ka aqriso:-

  1. In Doorashada Madaxatooyada JSL ee u qorshaysnayd in la qabto 13-ka Nov 2022 oo ah bil ka hor dhammadka muddo xilleedka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka, aannay farsamo ahaan, iyo dhaqaale ahaan ba qabsoomi karayn.
  2. In Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL, farsamo ahaan ku qaban karaa doorashada Madaxtooyada JSL muddo Sagaal (9) billood ah oo ka bilaabmaysa 1st October 2022.
  3. Gebogebadii Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL wuxuu muddadaa Sagaalka (9) billood ah ku diyaarinayaa dhammaan arimaha farsamo, dhaqaale ee ay u baahan tahay Diiwaangalinta Codbixyeyaasha iyo qabsoomida doorashada Madaxtooyada JSL.

Arrintaan ayaa u muuqata mid uga sii dareyso xaaladda cakiran ee Somaliland, gaar ahaan dagaalka siyaasadeed ee u dhexeeyo xukuumada & xisbiyada kala ah Wadani iyo UCID.

Muxuu madaxweyne Xasan Sheekh ku qeexay halganka cusub ee dalka ka socda?

0

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Xogahayaha Qaramada Midoobey António Guterres ayaa kala hadlay gargaarka degdegga ah ee abaaraha iyo mashaariicda hormarineed ee laga fulinayo dalka.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xasilloonida dalka, waxa uuna la wadaagay Xoghayaha Qaramada Midooobay, halganka dalka ka socda ee ay ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay wadaan ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada, wuxuuna ku qeexay “halganka isku dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka.”

Xoghahaya Qaramada Midoobey António Guterres ayaa soo dhaweeyey aragtida Madaxweynaha ee la xiriirta dib u qaabeynta mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan dalka, waxa uuna tilmaamay in talooyinka iyo soo-jeedinta Madaxweynaha ay ku saleynayaan qorshahooda, sidoo kalena ay dardar gelinayaan doorka Beesha Caalamka ee gurmadka abaaraha. 

António Guterres ayaa ku bogaadiyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay horumarinta hannaanka dhaqaalaha, deyn cafinta, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xal u helidda duruufaha soo laalaabtay oo ay ka mid tahay abaaraha iyo fataahadaha. 

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobey taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku adkeeyey in ay sii waddan garab istaaggooda ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed.