27.5 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Muhaajiriin Soomaali ah oo lagu la’yahay xeebaha Greece

0

Leros (Caasimada Online) – Ciidamada ilaalada ee xeebaha dalka Giriigga ayaa haatan wada howlgal ay ku baadigoobayaan 6 muhaajiriin ah oo lagu la’yahay Jasiirada Lero, kadib cilad ku timid doontii ay la socdeen, waxaana ku jira muhaajiriintaas kuwa Soomaali ah.

Maraakiibta ilaalada xeebaha Giriigga ayaa wada howlgal samata-bixin ah ah, waxayna horey u soo bad-baadiyeen 49 tahriibayaal Afrikaan ah, iyada oo sidoo kale doontii ay wateen ee macmalka aheyd laga helay badda dhexdeeda, sida ay ku warrantay ee AFP.

Afhayeen u hadlay ciidanka ilaalada xeebaha ee waddanka Giriigga ayaa shaaca ka qaaday in dadka la soo badbaadiyey ay badi ka soo jeedaan Soomaaliya, Sierra Leone iyo Uganda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in doontu ay saarnaayeen illaa 55 qof, balse illaa iyo hadda la la’yahay lix muhaajiriin ah, kuwaas oo ay ka baadigoobayaan biyaha dhexdooda.

Ciidamada ilaalada xeebaha ayaa sidoo kale howgal labaad ka bilaabay Pylos, oo ah meel ka baxsan xeebta koonfur-galbeed ee Giriigga, kadib markii laba markab oo ganacsi ay u gurmadeen 85 tahriibayaal ah oo la socday doon macmal ah oo dhibaato la soo deristay.

Maraakiibta ilaalada xeebaha ayaa bilaabay inay raadiyaan cid kasta oo laga yaabo in weli biyaha ku jirto, sida lagu sheegay bayaankan.

Dadka la badbaadiyay ayaa waxaa la geeyay Kalamata oo ah dekedda ugu dhow, sida ay shaaciyeen ciidamada ilaalada xeebaha ee waddanka Giriigga.

Inta badan muhaajiriinta kusii qul-qulaya qaaradda Yurub oo u badan Afrikaan ayaa safarro halis ah ku mara badda Aegean ee xeebta galbeedka Turkiga ilaa bariga Giriigga, waxayna baddaas sanadihii dambe galaafatay nolosha tobanaan muhaajiriin ah oo ku dhacay biyaha.

Maxuu madaxweyne Xasan kala hadlay Al-Burhaan?

0

New York (Caasimada Online ) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulan doceed kula yeeshay hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalka Suudaan Cabdifataax Cabdiraxmaan Al-Burhaan.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay dhiggiisa dalka Suudaan dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasilinta iyo horumarinta dalka, gaar ahaan halganka isku dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay wadaan ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada.

Qoraal ay madaxtooyada Soomaaliya ka soo saartay kulankaas ayaa lagu yiri, “Madaxwaynaha ayaa uga mahad celiyey shacabka iyo Dowladda Suudaan, garab istaagga joogtada ah ee ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo ay wadaagaan xiriir soo jireen ah oo ku dhisan iskaashi iyo walaalnimo.”

Dhankiisa, Madaxweyne Cabdulfataax Al-burhaan ayaa ku bogaadiyey dowladda federaalka Soomaaliya tallaabooyinka dowlad dhiska ah ee la qaaday, isagoona sheegay in dalkiisu uu sii wadayo taageeridda iyo xaqiijinta midnimada, amniga iyo horumarka Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo caqabadaha jira, “Iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu u sheegay dhiggiisa dalka Suudaan in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku shaqeynayaan aragtida Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah, sidaas awgeedna ay mudnaanta siinayaan yareynta khilaafaadka iyo xasillooni darrada Gobolka,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaalada New York uga qeyb galay shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey, wuxuuna halkas ka wadaa kulamo uu la yeelanayo madaxda kale duwan ee wadamada caalamka, isagoo kala hadlay xaaladaha amni iyo bini’aadanimo ee ka jira Soomaaliya.

Dib u dhac ku yimid shirkii DDS iyo 3 arrin oo hortaagan

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Jigjiga ayaa sheegaya inuu dib u dhac ku yimid shirweyne looga hadlayo xaaladda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo uu qorshuhu ahaa inuu maanta si rasmi ah uga furmo magaalada Jigjiga.

Dib u dhaca shirka ayaa waxaa sababay saddex arrimood oo kala ah:- In ergoooyinka ka imaan lahaa dibadda uu ciriiri ku noqday waqtiga, Cabashooyin ka yimid asaxaatada siyaasadda iyo arrimo Farsamo, sida uu shaaciyey Maxamed Gaani oo ah guddoomiyaha guddiga qaban qaabinayo shirka dowladda deegaanka ee ka dhacaya magaalada Jigjiga.

Sidoo kale waxaa guul dareystay dadaallo soo socday saacadihii lasoo dhaafay, waxayna taasi sababtay inuu gebi ahaan shirku baaqdo.

Maxamed Gaani ayaa sidoo kale sheegay in illaa afar todobaad dib loo dhigay shirka, si xal looga gaaro tabashada ay muujiyaan qaar ka mid ah axsaabta dowlada deegaanka.

“Shirweynihii bulshada dowlad deegaanka Soomaalida waxaa dib loo dhigay illaa afar todobaad lana qaban doonno 22 iyo 23-ka October 2022, sababaha dib loogu dhigay waxaa kamid ah in ergooyin qurbaha ka imaanaya oo waqtiga cariiri ku noqday, cabashooyin yimid oo loo baahday in la xaliyo & howlo la xiriira farsamada” ayuu yiri Maxamed Gaani.

Dhankooda qaar ka mid ah hoggaanka xisbiyada oo arrintan ka hadlay ayaa wacad ku maray in aysan madasha tegi doonin inta laga xalinayo cabashada ay miiska soo saareen.

Shirkan ayaa waxaa looga arrinsan doonaa xaaladda dowlad deegaanka Soomaalida, xiisadda ka jirta Itoobiya iyo qorshaha siyaasadda ee maamulka haatan talada haya.

Madasha Samata-bixinta KGS oo war kasoo saartay muddo kororsiga Laftagareen

0

Baydhaba (Caasimada Online) – (Madasha Samata Bixinta Maamulka Koonfur Galbeed) oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta ugu miisaanka culus deegaanada K/Galbeed ayaa maanta soo saaray bayaan dheer oo ku saabsan xaaladda ka jirta deegaanada maamulkaas iyo hab-dhaqanka Madaxweyne Laftagareen.

Madashaan waxay cadeysan in Cabdicasiis Laftagareen ay u hareen bilo yar oo watqtigu uu ka dhamaanayo 18-ka bisha December ee sanadkaan 2022-ka, isla markaana aan laga ogolaa doonin mudo kororsiga uu sameystay, iyagoo ka deyriyey xaaladaha amni, bini’aadanimo iyo maamul ee ka jira K/Galbeed.

Sidoo kale Xidhibaano ka aragti duwanaa Laftagareen oo baarlamaanka maamulkaas laga saaray ayaa bayaankaan lagu sheegay in xildhibaano rasmi ah ay yihiin, iyadoo kalfadhiga baarlamaanka maamulkaas ayaa la dalbaday in deg deg loo furo.

Ugu dambeyntiina Madaxweyne Xasan Sheekh, R/Wasaare Xamsa iyo Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa qoraalkaan loogu sheegay inay masuuliyadi ka saaran tahay sidii doorasho xor ah K/Galbeed looga qaban lahaa markii la gaaro 18-ka bisha December ee sanadkaan 2022-ka.

Hoos ka akhriso bayaanka oo dhameystiran:

Madasha Samata Bixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya waa madal siyaasadeed u taagan samata bixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya. Madasha waxaa ku mideysan Siyaasiinta, Waxgaradka, aqoonyahanka, Odayaasha Dhaqanka, Ganacsatada, Qurba joogta, Haweenka iyo Dhalinyarada reer Koonfur Galbeed.

Shirweyne ay isugu yimaadeen xubnaha Madasha oo ka dhacay magaaladda Muqdisho ayaa waxaa looga soo saaray war murtiyeedkaan;

Madashu waxay walaac ka muujinaysaa guud ahaan xaaladdaha murugeysan ee ka jirta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, gaar ahaan abaaraha baahsan, amni darada, musuqa, ku tumashada sharciga, ku takrifalka awooda dowladda iyo koboc la’aanta dhaqaale.

  1. Madashu waxay ka walaacsanatahay xaaladaha abaaraha ka jira deeganada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
  2. Madashu waxay cadeynaysaa in Hogaanka Dowlad Goboleedka uu ku fashilmay sugidda amniga deegaanadda Koonfur Galbeed iyo dhisida ciidamo leedahay Dowlad Goboleedka ayadoo aysan jirin degmo iyo degmo ama magaalo ama magaalo kale ugudbi karta.
  3. Sida uu dhigaayo Dastuurka Dowlad Goboleedka in xilhaynta Madaxweynaha iyo Golaha Wakiilada tahay 4 sano sida ku cad Qod: (50aad) Farqadiisa 1aad iyo Qod: (39aad) Farqadiisa 1aad. Madaxweynaha KGS wuxuu doonayaa in mudo kororsi sharci darro ah samaysto iyadoo mudadiisa ka harsanatahy wax ka yar 5 bilood. Madasha waxay walaac ka muujinaysaa hab-dhaqanka hogaanka KG oo haddii uu ku adkaystao mudo kororsi aan sharci waafaqsanayn sababi karta in gabi ahaanba burbur ku yimaada maamulka.
  4. Madaxweynaha wuxuu awoodisa dastuuriga ah ka baxsan u adeegsaday Xil qaadista Xildhibaanadda iyadoo loo marin nidaam sharci ah.
  5. Madashu waxay ka walaacsanatahay kalfadhiga Baarlamaanka DGKS oo si sharci daro ah ku xiran in ka badan afar (4) bil sida uu dhigaato Dastuurka Qod: (42aad) farqadiisa 1aad iyadoo jagada Gudoomiyaha Golaha Wakiilaada Koonfur Galbeed muddo ka badan shan (5) bil ah.
  6. Madaweynaha KG wuxuu ku kacay ku takri fal awoodeed iyo kalitalisnimo oo shacabka Koonfur Galbeed ay ku waayeen xoriyad iyo adeeg bulsho, taas oo dhalisay amni daro baahday, barakac, abaaro dadka iyo xoolaha ay ku baaba’een iyadoo taliska meesha ka jira uusan dheg jalaq u siin qayla dhaanta ka imaanaysa dadka reer Koonfur Galbeed maamulkiisa ku sifoobay musuqmaasuq iyo wax idaba marin hantidii guud ay bulshada lahayd si gaar ah ugu takri falay asaga iyo xulafadiisa.
  7. Madashu waxay ka walaacsantahay xadgudubyadda joogtada ah uu ku dhaqaaqay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ku aadan xuriyada fikirka isagoo gabi ahaanba meesha ka saaray xoriyadda fikirka, taas oo qofwalba ka fikir duwan ama fikirkiisa dhiibta loo taxaabaayo xabsi ama cagajuglayn, ayadoo jirin maxkamadd lasoo taagay sida u sheegaayo dastuurka Dowlad Goboleedka Qod: (12aad) Farqadiisa 1aad iyo Farqadiisa 2aad.
  8. Maamulka KGS wuxuu si cad u hor istaag ku sameeyay kulamadda iyo bannaan baxyadda nabadda ah si shacabka Koonfur Galbeed u muujiyaan dareenkooda ama ugu tashadaan aayahooda taasoo xaqoodii dastuuriga ahaa loo diiday sida ku qeexan Dastuurka KGS Qod: (24aad) Farqadiisa 1aad iyo 2aad.
  9. Maamulka KGS wuxuu ku dhaqaaqay xadgudubyo, caburin iyo xariga wariyaasha saxaafada madaxbanaan si aan loo tabin xaqiiqda ka jirta KGS. Isagoo si balmarsan sharciga ugu tuntay madaxbanaanida saxaafadda sida ku cad Qod: (22aad) Farqadiisa 1aad iyo 2aad Dastuurka KGS.
  10. Nidaamka dhaqalaha Koonfur Galbeed wuxuu u shaqeeyaa sida shirkad gaar loo leeyahay.

Madaxweynahu wuxuu ku takrifalay dhaqaalaha Koonfur Galbeed mudadii uu joogay xafiiska isagoo bil walb aduun lacageed ku bixiya safaradiisa Muqdisho iyo Turkiga iyadoo shacabkii kasoo barakacay Goboladda Koonfur Galbeed gaajo iyo macluul ugu dhimanayaan deeganada Koonfur Galbeed.

  1. Madasha wuxuu walaac ka muujinaayaa in Hogaanka koonfur Galbeed uu kasii fogaanayo danta iyo midnimada isagoo isku dayay in aragtida shacabka xoog lagu maquuniyo.Madaxweynaha KGS wuxuu is hor istaag ku sameeyay masuuliyiin u dhalatay KG una safraayeen deegaanada Koonfurl Galbeed si ay u gutaan xuquuqdooda dastuuriga ah sida ku cad dastuurka Dowlad Goboleedka Qod: (16aad) Farqadiisa 1aad.
  2. Ma jiro hal balanqaad oo ka fulay balanqaadyadii uu ku dhawaaqay hogaanka Koonfur Galbeed kuwaas isugu jirey:

(1) Amniga: (2) Horumarinta dhaqaalaha: (3) Dhisida Kaabiyaasha dhaqaalaha: (4) Horumarinta ganacsiga; (5) Waxbarashada; (6) Beeraha; (7)  Xoolaha; (8) Kaluumaysiga; (9) maalgashiga midka dadweynaha kan caalamiga ah; (10) Dhiiragelinta fursadaha shaqo; (11) Garsoorka iyo Cadaalada; (12) dib u dhiska iyo dib u heshiisiin; (13) sareynta sharciga iyo (14) Diyaarinta iyo horumarinta qoraalka Afka mayga.

Haddaba Madasha waxay:

  1. Baaq u diraysaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibedba, Dowlada Federaalka, Beesha Calaamka iyo Hay’adaha samafalka in la dardargaligo gurmadka abaaraha deegaanadda Koonfur Galbeed.
  2. Madashu waxay ka digaysaa muddo kororsi sharci daro ah ee u damacsanahay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee watqtigiisa ku eg 18 December 2022
  3. Madashu waxay aaminsanatahay in Xildhibaanadda la sheegay in xilka laga qaaday sharci darro tahay sidaa darteed, weli yihiin Xildhibaano sharci ah sida uu dhigaayo Dastuurka KG Qod:((42aad) Farqadiisa 1aad, 2aad ,3aad iyo 4aad.
  4. Madashu waxay ku baaqaysaa xildhibaanada Golaha Wakiiladda Koonfur Galbeed inay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah la xisaabtanka Madaxweynaha KG iyo xukuumadiisa mudada uu xafiiska joogay.
  5. Madashu waxay ku baaqaysaa in si deg deg loo furo kalfadhiga Baarlamaanka DGKS, loona madaxbaneeyo Xildhibanaada inay doortaan Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda.
  6. Madashu waxay ku baaqaysaa in doorkii Odayaasha dhaqanka KG dib loo soo celiyo sida uu qabo Dastuurka Qod:(59aad) Farqadiisa 1aad maadaama Madaxweynaha laalay doorkoodii.
  7. Madashu waxay ka digeysaa in hantida Dowlada loo isticmaalo dana shakhsi maadaama aysan jirin daah furnaan dhaqaale iyo isla xisaabtan hufan, nidaamka dhaqalaha Koonfur Galbeed wuxuu u shaqeeyaa sida shirkad gaar loo leeyahay.
  8. Madashu waxay ugu baaqaysaa dhamaan siyaasiinta, odoyaasha dhaqanka, Ganacsatada, culamaa’udiinka, dhalinyarada, qurba joogta iyo haweenka kasoo jeeda Dowlad Goboleedka KG inay u istaagaan sidii loo badbaadin lahaa Koonfur galbeed loona heli lahaa doorasho waqtigeeda ku dhacdo Diseembar 2022.
  9. Madasha waxay aamin sanatahay masuuliyad dastuuri mid hogaamineed inuu ka saran yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Ra’isul Wasaaraha XFS sidii KG doorasho xor iyo xalaal ah waqtigeeda ugu dhici lahayd dabayaaqada sanadkaan Disembar 2022.

Deni oo magacaabay Juxa, Faroole, taliyaha sirdoonka iyo xubno kale oo miisaan leh

0

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay wasiirro cusub oo ku biiraya xukuumadiisa, kadib dikreeto caawa ka soo baxday xafiiskiisa, taas oo qodobada loo cuskaday ay ka mid tahay “Baahi loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.”

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa magacaabay Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Dawladda Puntland (PISA). S/guuto Jamaal Carab Yuusuf ayaa loo magacaabay Agaasimaha Hay’adaas.

Madaxweyne Deni oo sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxayn xafiiskiisa, wuxuu go’aan kaan kala tashaday xu-xigeenkiisa Axmed Karaash, wuxuuna soo magaabay shan wasiir oo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya uu ku jiro.

Cabdi Faarax Juxa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha XFS ayuu Saciid Deni u magacaabay wasiirka arimaha gudaha, federalka iyo dimuqraadiyadda ee maamulka Puntland.

Sidoo kale wasiirkii horay u joogay wasaaradaas arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad loo bedelay wasiirka Maaliyadda Puntland, waxaana meesha ka baxaya Xasan Shire Abgaal.

Maxamed Siciid Maxamed (Faroole) ayuu Deni u magacaabay wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Puntland, Maxamed waxaa adeer u ah madaxweynihii hore ee Puntland, hadana ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ee dowladda federaalka. Waa Cabdiraxmaan Faroole.

Maxamed Cabdiwahaab Axmed ayaa loo magacaabay Wasiiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland, halka Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Sheikh Aduun) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maamulkaas.

 

Saddexda walaalaha ah ee ku kulmay furinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

0

Maalmihii lasoo dhaafay baraha bulshada iyo warbaahinta maxalliga ah waxaa qabsaday hadal-heyn ku saabsan saddex wiil oo walaalo ah oo ku jira hal furin oo ka mid ah deegaannada uu ka socdo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ku dhawaaqday dowladda Soomaaliya.

Cabdifataax Cali Cabdulle Xalane, oo ah 31 jir, Cabdixakiin Cali oo ah 27 jir iyo Cabdi-Asad Cali, oo ah 21 jir oo dhammaantood isku hooyo iyo isku aabbe ah ayaa ku biiray dagaalka, iyagoo qeyb ka ah ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee garabka siinaya maleeshiyada qabaa’ilka is-abaabulay ee wajahaya Al-Shabaab.

Saddexda walaalaha ah kan ugu weyn, oo ah Cabdifataax Cali Xalane ayaa BBC-da u sheegay in ay go’aan wadajir ah gaareen.

“Xaaladda jirta ayaa keentay inaan hal meel kasoo wada jeesanno, taasoo ah in deegaankeenna iyo dadkeenna aan ka xoreyno kooxda cadowga ah ee Al-Shabaab oo muddo 18 sano ah ku heysay gumaad iyo gumeysi,” ayuu yiri.

Isagoo sharraxaya sababta ay iyagoo saddex walaalo ah hal meel uga wada dagaallamayaan ayuu yiri: “Waxaan sidaas u go’aansannay in maanta ay taagan tahay fursad, oo deegaannadii aan kasoo jeednay ay maanta dadkooda iyo mas’uuliyiintoodii oo dhan u istaageen in la xoreeyo.

“Fursaddaas ayaan meesha ka aragnay. Saddexdeennaba hal meel ayaan isku garab taagan nahay, hal koox ayaan wada nahay, waxaana rajeyneynaa, in shaa Allaah, inaan si wadajir ah guul u wada gaarno.”

Cabdifataax oo saddexda wiil ugu weyn ayaan helnay. Nooma suurtagelin in aan la hadalno labada kale.

Ciidanka ay ka tirsan yihiin wiilashan waxa ay ku sugan yihiin deegaanka Sinadhaqa oo ku yaalla duleedka magaalada Dhuusamareeb, oo ah magaalo madxada Dowlad-goboleedka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya.

Maxaa ka socda Sinadhaqa?

War-saxaafadeed maanta kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in: “Ciidamada Xoogga Dalka ee ka howlgalaya deegaanka Sinadhaqa ee Gobolka Galguduud ay dileen 15 ka tirsan Al-Shabaab kaddib markii ay isku dayeen in ay dib u soo weeraraan saldhigyo ay Ciidamada Qaranku ka saareen maalin ka hor”.

Waxa ay wasaaraddu sheegtay in weerarka ka hor ay ciidanka halkaas ku sugan heleen macluumaad ay soo gudbiyeen shacabka.

Bilihii la soo dhaafay waxaa deegaannadaas ka socday abaabul xoog leh oo ay sameynayeen dadka deegaanka oo sameystay ciidamo la magac-baxay “Macawisley”.

Shacabka is-hubeeyay ayaa sheegay inay go’aansadeen sidii ay dagaal ula geli lahaayeen Al-Shabaab oo farriimo ku leh meelo ka mid ah bartamaha Soomaaliya.

Cabdifataax Xalane oo sheegay inuu farriin u dirayo shacabka Soomaalida ah ayaa yiri: “Umadda Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in la joogo waqtigii dhammaadka u ahaa Al-Shabaab, ayna iska dul qaadaan, loogana faa’iideysto fursadda jirta iyo yididdiillada shacabka oo u taagan, dowladda Soomaaliyana ay diyaar u tahay inay ciidamada xoogga dalka garab siiyaan dadka deegaanka.”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tan iyo markii xilka loo doortay ku celcelinayay in ujeeddada ugu weyn ee dowladdiisa ay tahay xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Meelo kala duwan ayay dagaalladan ka dhaceen ilaa hadda.

Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeysay inay hubeyneyso qabiillada.

Afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere” oo dhawaan ka hadlay kacdoonka shacabka ee ka socda qaar ka tirsan maamul goboleedyada ayaa digniin u diray shacabka.

“Qabaa’illadaas waxaan u sheegayaa in la doonayo in dano gaar ah la idinku gaaro, kaddibna meel cidlo ah la idinkaga tago, idinkoo halaagsamay,” ayuu yiri Cali Dheere.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale u hanjabtay beelaha is abaabulay ee dagaalka wada, oo ay u sheegtay in “reerkii ama jufadii  ka hor timaada Al-Shabaab oo la dagaallanta ay beylah u tahay gacanta iyo seefta kooxda.”

Qoyskii Xalane

Saddexda wiil ee walaalaha ah ayaa kasoo jeeda qoyska halgame Maxamed Cabdulle Xalane, oo adeerkood ah.

Xalane oo ka tirsanaan jiray militeriga dalka Soomaaliya ayaa 1964-kii u dhintay calanka dartiis, xilligaas oo uu dagaal dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxaa markii dambe loogu magac-daray xerada tababarka ciidamada ee Xalane, oo hadda ah meesha saldhigga u ah hay’adaha caalamiga ah iyo ciidamada ajaanibta ah ee ku sugan Muqdisho.

Cabdifataax Cali Xalane ayaa wareysiga uu BBC-da siiyay ku sheegay in aabbihiis uu sidoo kale ka tirsanaan jiray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, uuna dhintay 2011-kii.

Hooyadiis iyo waaliddiintiisa kale ayuu sheegay inay ka war qabaan.

“Waalidkeennu way og yihiin inaan ka tirsan nahay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, diyaarna u nahay inaan dadkeenna iyo dalka u adeegno,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor sii horreysay sheegay in dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan “uu ku jiro dareenkaas [la-dagaallanka Al-Shabaab],” isla markaana ay bogaadinayaan, kuna dhiirrigelinayaan in lagu sii socdo.

“Dowladdana wax ay kari karto oo ay qaban karto oo ay ka reebaneyso ma leh, maanta in nimankaan nabad-diidka ah dalka laga xoreeyo,” ayuu sii raaciyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay mar uu ka hadlayay shir-madaxeedka Qaramada Midoobay ku celiyay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay la dagaallanka Al-Shabaab iyo kooxda la baxday Dowladda Islaamka, isagoo sheegay inay markan ku xisaabtamayaan gacanta ay ka helayaan shacabka.

“Hadda waxaan kalsooni ku qabnaa in taageero aan ka heleyno shacabka awgeed ay dowladdeennu burburin doonto argagixisada ka howlgasha Soomaaliya, sababtoo ah dadka Soomaaliyeed waxay ugu dambeyn garowsadeen in ficillada gurracan ee Al-Shabaab aan la soo afjari karin ilaa aan si wadajir ah u hirgelinno arrintaas.”

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya oo lagu faafiyay bogga Telefishinka Qaranka, ciidan Mareykan ah ayaa taageeraya dowladda.

Dagaalka ay maleeshiyada qabaa’ilka qeybta ka yihiin ee looga soo horjeedo Al-Shabaab ayaa ka socda deegaanno ka kala tirsan dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur-galbeed.

Isha: BBC Somali

Puntland oo si adag uga hortimid tallaabo ay qaaday DF

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasaaradda Kalluumaysiga ee dowlad-goboleedka Puntland ayaa si adag uga hortimid go’aan dhawaan kasoo baxay Wasaaradda Kalluumaysiga dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo la xariiray shati bixinta Kalluumeysiga .

Qoraal kasoo baxay 21-kii bishaan Wasaaradda Kalluumaysiga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shati aan kasoo bixin wasaaradda ay u aqoonsan yihiin wax kama jiraan, cidii ku Kalluumaysatana ay ku jirto liiska kuwa sharci daradda lagu eedeynayo.

Wasaaradda Kalluumaysiga ee dowlad-goboleedka Puntland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay maanta ku sheegtay in go’aanka dowladda federaalka uu yahay mid sharci darro ah, islamarkaana si toos ah uga hor imanaya Dastuurka dalka qodobkiisa 44-aad, kaasi oo dhigaya in qeybsiga kheyraadka dalka ay ka wada xaajoon karaan dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

“Wasaaradda waxay aad uga xun tahay hadal qoraaleedkii kasoo baxay shirkii 21/9/2022 dhex-maray Wasiirka Kalluumaysiga dowlada federaalka iyo Safiiro ajnabi ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in go’aankaan uu si toos ah u baalmarsan yahay heshiisyadii ka dhacay Baydhabo iyo Addis-Ababa ee qeexayey hab-qeybsiga khayraadka badda ee Soomaaliya, kaasi oo cadeynaayeyna in wixii ka hooseeya 24 nauical miles ay mas’uul ka yihiin maamulada dalka.

“Haddaan la xurmeyn qodobka Dastuuriga ah ee sida tooska ah u faraya in Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah inay ka wada xaajoodaan kheyraadka dabiiciga ah, waxay halis ku noqoneysa deganaanshaha amni ee dalka, taasi oo horsedi doonta xasilooni daro siyaasadeed.”

Ugu dambeyntiina waxay ugu baaqeen Madaxda Wasaaradda Kalluumaysiga dowlada federaalka Soomaaliya inay raali-gelin ka bixiyaan arrintaas, islamarkaana dhawraan hanaanka ku dhisan heshiiska iyo wada-tashiga ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowladda-goboleedka Puntland.

AL-SHABAAB oo jab xoogan kala kulmay soo rogaal celin ay ka sameeyeen deegaanka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaaicsay in ciidamada xooga dalka ee ka howl-galaya deegaanka Sinadhaqa ee gobolka Galgaduud ay dileen 15 dagaal-yahan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa dagaal saacado badan qaatay waxay la galeen xubno ka tirsan kooxda Al-Sabaab oo weerar kusoo qaaday, rabayna inay dib ugala wareegaan saldghigyo ciidamada qaranka ay ka saareen maalin ka hor, sida lagu shegay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaarada warfaafinta Soomaaliya.

“Ciidamada xooga oo hayay macluumaadka argagixisada iyaga oo ka faa’iidaysanaya Sirdoonkooda iyo Wada-shaqeynta shacabka deegaanka ayaa si xirfadaysan u jabiyay isku-dayga argagixisada.”

Sidoo kale waxaa lagu yiri War-saxaafadeedka “Dowladda Soomaaliya waxay xusuusinaysaa dhalinyarada Al-Shabaab ee ay marin habaabiyeen in waqtigu gabaabsi ku yahay ayna sii yaraanayso fursadda ay u haystaan in ay kaga baxaan safka argagixisada,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Waxa kale oo lagu sheegay qoraalka in kacdoonka shacabka Soomaaliyeed uu yahay kan micnaha u yeelaya halganka xoraynta dalkeena, ayada oo dowladda midaas ku bogaadisay shacabkeeda.

Ugu dambeyntiina waxay u mahad-celisay saaxiibada caalamka, ayada oo si gaar ah u xustay dowladda Maraykanka iyo howl-galka ATMIS ee qeybta ka ah dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Qabiilo cusub oo ku biiray dagaalka Shabaab iyo qoysas ilmahooda kala soo baxaya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qabiilo cusub ayaa ku biiray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya. Ruuxiyadda dagaalka looga soo horjeedo Al-Shabaab waa gadoodka qabiilada.

Waqti dheer ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa hor taagnaa kooxdan laakiin waa gaarsiin waayeen heerka uu kacdoonka maanta joogo.

Gobolka Hiiraan beel cusub ayaa ku biirtay dagaal natiijadiisu muuqato oo weli ka socda gobolka ugu wax soo saarka badan gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Sidoo kale, caasimadda Muqdisho beesha madaxweyne Xasan Sheekh ee Mudullood ayaa u fariisatay wada-tashi ku aadan sidii ay dhulkooda uga xoreyn lahaayeen kooxda Al-Shabaab.

Beeshaan oo ay Al-Shabaab ka haysato dhul badan waxaa la aaminsan yahay in haddii ay dagaalka toos usoo galaan ay wax badan deg deg isku badali doonaan.

Wararka kale ee ka imanaya dagaalka ayaa sheegaya inay jiraan qoysas iyo waalid billaabay inay carruurtooda kala soo baxaan dhanka Al-Shabaab xilli dowladda Soomaaliya ay qabatay koox kamid ah dagaalmayaasha Al-Shabaab dhowrkii asbuuc ee lasoo dhaafay.

Walaaca ugu badan ee qoysasku waa inay wiilashoodu gacanta u galaan qabiilo careysan oo dhowrkii sano ee lasoo dhaafay gumaad lagu hayey.

Al-Shabaab waxay isticmaali jirtay aragti ah inay deegaan walba madax uga dhigto qof aan u dhalan si aysan dadka u helin naxariis iyo xukun jilicsan. Ciidanka ayey sidoo kale sidaas ku sameeyeen laakiin maadaama qabiilada kaceen waqtigaan waxaa dhici karta in askarta Al-Shabaab ay qabiilo careysan gacanta u galaan.

Waalidka dhalay dhallnyaradaas inkastoo ay markii hore ku guul-dareysteen inay carruurta ka reebaan kooxda, haddana walaacoodu wuxuu hadda daaran yahay in caruurtooda aargoosi loo laayo.

Iyadoo uu dagaalka sii xoogeysanayo Al-Shabaabna ay goobo badan isaga baxeen ayaa hadda waxaa la is waydiinayaa dariiqa ugu sahlan ee dhallinayarada rabta inay kasoo baxdo kooxda.

Qoysaska raba inay carruurtooda dib ugu soo laabtaan ayaa sidoo kale ka walaacsan waxa ay wiilashooda la kulmi doonaan haddii ay isku dayaan inay si qarsoodi ah kusoo celiyaan.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa loogu baaqay inay sameyso xarumo ay iska soo dhiibi karaan dagaalamayaasha doonaya inay kasoo laabtaan fikirkii hore oo ay hubka dhigaan.

Khubarada amniga waxay ku baaqayaan inay dowladda Soomaaliya sameyso xiriiro toos ah oo la garanayo oo ay beegsan karaan kuwa raba inay isa soo dhiibaan oo ay ka tanaasulaan fikirka Al-Shabaabnimada.

Sidoo kale, in la helo goobo dib u hagaajin ku sameeya nolosha iyo fikirka dhallinayaradaan la khalday ayaa muhiim ah, ayey leeyihiin dadka soo jeedinayo inay dowladda xal u raadiso kuwa raba inay naftooda lasoo baxsadaan oo ay fikirkii hore ka tanaasulaan.

Dhawaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay in la duqeyn doono dhammaan goobaha ay joogaan kooxda Al-Shabaab, wuxuuna dhallinayarada weli kooxda u dagaalanto ugu baaqay inay naftooda soo badbaadsadaan.

Ciidamada Abiy oo Drone adeegsaday iyo wararkii ugu dambeeyey dagaalka Tigray

0

Mekelle (Caasimada Online) – Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay duqeyn cusub oo ka dhacday caasimadda gobolka Tigray maanta, waxaa sidaas sheegay isbitaalka ugu weyn magaalada.

“Waxaa dhacay weerar drone ah saaka qiyaastii 5:30 am. Nin 60 jir ahaa ayaa lagu dilay,” waxaa sidaas yiri Kibrom Gebreselassie oo ah sarkaal sare oo ka tirsan isbitalka Ayder Referral Hospital, oo isaga oo Mekelle jooga qoraal usoo diray wakaaladda wararka AFP.

“Meydka hal qof ayaa la keenay isbitaalka Ayder kadib weerar drone ah oo ka dhacay magaalada Mekelle, aagga Desta Hotel,” waxaa sidaas twitter-ka kusoo qoray isbitalka.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in 17 qof lagu dilay duqeymo ka dhacay gobolka Tigray tan iyo markii uu dagaalka dib u qarxay bil ka hor.

Dagaalka oo dib u billowday 24-kii August ayaa meesha ka saaray xabad-joojin jirtay illaa bishii March, wuxuuna meesha ka saaray in si nabdoon loo xaliyo dagaalka labada sano u dhaxeeya dowladda ra’iisul wasaare Abiy Ahmed iyo kooxda TPLF.

Mas’uuliyiinta Tigray ayaa bishan ku dhowaaqay inay diyaar u yihiin wadahadallo uu dhex-dhexaadiyo ururka Midowga Afrika, taasi oo meesha ka saartay caqabad muddo hortaagneyd wadaxaajoodka.

Si kastaba, dagaalka ayaa sii xoogeystay toddobaadyadii dhowaa, ayada oo duqeymo xooggan lala beegsaday gobolka, islamarkaana ciidamada dalka deriska ah ee Eritrea ay kasoo gudbeen xuduudda si ay ula dagaalaan TPLF.

Dagaalka ayaa muddada labada sano ku dhow ee uu socdo waxaa ku dhintay kumanaan qof, waxaana laga diiwan geliyey xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah oo ay gaysteen dhammaan dhinacyada.

Isniintii, baarayaasha QM ayaa ku eedeeyey dowladda Abiy suurta-galnimada dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada oo ka dhacay gobolka Tigray, oo ay ka mid tahay in gaajada loo adeegsaday hub dagaal, ayada oo gobolka oo ay ku nool yihiin lix milyan laga xanibay gargaarka.

Addis Ababa waa ay diiday warbixinta oo kasoo baxday Guddiga Khubarada Xuquuqda Aadanaha ee QM.

AFP + VOA

DF oo saxiixday axdiga lagu unkay Jaamacada Nabadda ee QM, taasoo fursado cusub u furaysa ardeyda Soomaalida

0
Dr Juan Carlos, Madaxa Jaamacadda Peace oo la sheekeysanaya Madaxweynaha Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud kulanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, Sebtember 20, 2022

Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay ee magaceeda loo soo gaabsho Upeace waxay gaartay guul kale oo taariikhi ah, ka dib markii madaxweynaha Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud uu saxiixay axdiga ka mid ahaansha Jamaacada.

Talaabadan ayaa ka dhigan in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u ansixisay Axdiga Nabadda, lana filayo in ay dhaqangeliso.

Wakiilka Jaamacadda ee dalka Dr Maxamed Cismaan oo ka falcelinayay warkaas ayaa sheegay in go’aanka madaxweynaha uu yahay war wanaagsan oo lagu farxo.

“Warkan waa war aad loo soo dhaweynayo, waxayna jaamacaddu faraceeda Soomaaliya ka dhigaysaa inay la mid noqoto dalalka kale ee saxiixay xeerka,” ayuu yiri Dr Maxamed.

“Ardaydu waxay kaloo ka faa’idaysan doonaan deeqo waxbarasho oo kala duwan oo ay Jaamacadda bixiso” ayuu hadalkiisa ku daray Dr Maxamed.

Midig: Wakiilka Upeace ee Soomaaliya Dr Mohamed Osman, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Agaasimaha Barnaamijka Gobolka UPEACE, Professor Samuel Kale Ewusi, iyo Madaxa Xafiiska Shaqaalaha ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Hussein Sheikh
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud (dhexda), oo la qoslaya Dr Juan Carlos, oo ah madaxa caalamiga ah ee Upeace. Waxaa weheliya Madaxa Xafiiska Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamed ayaa saxiixay axdiga ku biirista Qaramada Midoobay isagoo ka qeyb galaya shirka 77-aad ee Qaramada Midoobay, iyadoo Soomaaliya ay noqotay dalkii 42-aad ee saxiixa axdiga, kaasoo ka dhashay Qaraarkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee 35/55 ee soo baxay 5-tii December 1980-kii ee lagu aasaasay Jaamacadda Nabadda Xarunta Dhexe ee Costa Rica iyo Barnaamijyada Gobolka ee Afrika (Itoobiya), Yurub (Netherland) Aasiya (Shiinaha), Koonfur Bari Aasiya (Filibiin), iyo Koonfurta Ameerika (Honduras).

Khariidad muujinaysa Xarumaha waaweyn ee Jaamacadda Upeace ee dunida

Dhowr sano ka hor, Jaamacadda ayaa lagu soo dhaweeyay Soomaaliya, ka dib markii ay bilowday bixinta koorsooyinka. Wixii ka horeeyey 2018-kii ardayda Soomaaliyeed waxay u safri jireen Itoobiya oo ay Jaamacaddu ku leedahay xarunteeda ugu weyn ee qaaradda Afrika.

“Saxiixa Axdigan ee madaxweynuhu waa horumar kale oo weyn oo Jaamacadda ku talaabsatay, waxaana rajeyneynaa inuu albaabada u furo arday badan inay isku diwaan galiyaan koorasyada ay bixiso Jaamacaddu” ayuu yiri Dr. Maxamed Yuusuf, Madaxa Upeace ee Soomaaliya.

Dr Juan Carlos, maxada guud ee Jaamacadda Upeace (dhexda), Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ambassador Narinder Kakar, Kormeeraha Joogtada ah ee Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay- Goobta waa shirweynaha 77aad ee Qaramada Midoobay.

Aasaaska xaruntii ugu horeysay ee Jaamacadda taasi oo laga asaasay dalka Costa Rica, oo ah waddan ku yaal Bartamaha Ameerika, ayaa door laxaad leh ka qaadatay in ay sal-dhigato Jaamacadda.

Dhanka Afrika, Jaamacaddu waxay sannadkii 2002-dii xarunteeda ka asaastay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya barnaamijkeeda gobolka ee Afrika, kaasoo albaabada u furay kumanaan arday Afrikaan ah oo aad u jecel inay sii wataan koorsooyin la xiriira nabadda, amniga iyo horumarka.

Qaar badan oo ka mid ah ardayda ka qalin jabisay Jaamacadan ayaa hadda isticmaalaya aqoonta ay heleen si ay u dhisaan nabadda iyo inay gacan ka geystaan taageerada bulshadooda.

Bishii Ogosto 2018, Upeace waxay xarunteedii ugu horreysay ka hirgelisay magaalada Muqdisho, waana dufcadii ugu horreysay ee Jaamacadda Soomaaliya ee ardayda dhigata barnaamijyada Master iyo PhD.

UPEACE waxay qabanqaabin doontaa xafladda qalin-jabinta xigta ee Soomaaliya dhammaadka Oktoobar 2022 iyada oo in ka badan 100 arday dhaameeyey koorsada Masters-ka ah iyo ugu yaraan 10 arday oo dhameeyey shahaada PHD-ga la filayo inay helaan Shahaadooyinkooda.

 

 

Cabdikariin Xuseen Guuleed: “Waxaa la joogaa xilligii lasoo afjari lahaa Al-Shabaab”

0

Dalkeena iyo dadkeenu waxey ku jiraan xilli aad u adag oo ay isku biirsadeen abaarro, sicir barar iyo gumaadka Al Shabaab. Waxaan sidoo kale ka nimid waqti adag oo doorasho. Marxalad walba oo adag waxey ku kacdaa qiimo gaar ah. Dad waxey bixiyan naftooda, kuwo maalkooda, qaarna waxey ku kaban duco iyo niyad wanaag dadka u taagan in caqabaddahaas la xaliyo.

Al-Shabaab waa sababta caqabaddaha maanta dalkeena yaala sida amni darada, dhaqaalo xumada, sicir bararka iyo rajada xumada ka muuqata shacabka. In laga adkaado waxey daawo u tahay dhammaan caqabaddahaas. Si aan u helno Soomaaliyada aan rabno waa inaan xooggeena, xikmaddeena iyo xoolaheena isugu geyna in la tir tiro Al-Shabaab. Dariiq walba oo arrintan saamixi kara waa inaan tijaabinaa.

Waxaan boggaadinaya dadweynaha deegaanada Hirshabeelle iyo Galmadug ee go’aansaday iney gunnimada iska dulqaadaan, deegaanada kale ee ayaguna abaabulka ku jira waa ku dhiiri galinayaa waana bogaadinayaa. Waxaa sidoo kale bogaadin iyo amaanba mudan ciidanka Xooga Dalka ee jiida hore ka dagaalamaya iyo madaxda labada heer maamul oo iyaguna muujinaya kaalin wax ku ool ah. Ummaddeenu intaan ka badan ma xamili karto Al Shabaab. Waa inaan aaminaa, kana dhabeynaa in la joogo xilligii lasoo afjari lahaa argagixisadda.

Siyaasiyiinta waaweyn ee aan xilalka heynin, ganacsatada, aqoonyahanka, qubajoogta Soomaaliyeed iyo dhammaan qeybaha bulshada waxaan ugu baaqaya in dagaalkan loo midoobo oo aan laga dhigin masuuliyad saaran cid gaar ah. Waa lagama maarmaan ah inaan maanta muujino MIDNIMO QARAN, umaduhuna marxaladahaan oo kale waxay kaga gudbaan midnimadaas iyo isku duubnidaas.

Al-Shabaab waxey diidanyihiin jiritaanka qaran Soomaaliyeed. Qofkii diida jiritaanka qaranimadaada wuxuu diiday qofnimadaada. Shabaab waxaa dil ugu xukuman qof walba oo Soomaaliyeed oo damiir iyo faham leh, mana jirto sabab aan u bixino fursad ay dhammaanteen nagu laayaan oo ay Dalka iyo Dowladnimada ku bur buriyan.

Qof walboow kaalintaada dagaalka ka qaado. Qori, qalin, qarash ama qeylo dhaan wixii aad awooddo. 

Soomaaliya guul

W/Q: Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya, iyo madaxweynihii hore ee Galmudug

14 sano kadib ciidan ka baxay MUQDISHO oo safar dhulka ah ku tagay Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Gadiid siday sahayda ciidanka ayaa markii ugu horeysay muddo 14 sano ah si nabad ah ku gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug kadib markii ay safar dhanka dhulka ah kaga baxeen magaalada Muqdisho.

Gadiidka siday sahayda ciidan ayaa waxaa ilaalinayey ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan kuwa Soomaaliya, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Dhuusamareeb.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, gaadiidkan ayaa gaarayey illaa 12, waxaana saarnaa ciidamada Gorgor ee ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Sahayda loo wado ciidanka ku sugan gobolada dhexe ayaa markii hore waxaa lagu geyn jiray diyaarado, waxayna tani imaaneysaa xilli ay kooxda Al-Shabaab wajaheyso kacdoon kaga imanaya qabiilada daga Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud.

Dhuusamreeb iyo degaano ka tirsan Galmudug ayaa waxaa ka socda abaabul xooggan oo ciidan ee ku wajahan dagaanada ay weli ku sugan yihiin kooxda Al Shabaab.

Deegaanada la qorsheenay in kooxda laga xorreeyey dhawaan ayaa waxaa kamid ah Ceelbuur, Ceel-garas iyo Ceel-lahelay oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab muddo aad u badan.

Ciidamada dowladda iyo dadka deegaannada oo iskood isku abaabulay ayaa waxaa ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan bariga gobolka Galgaduud, kaas oo ay hoggaaminayaan saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka, waxaana iyaguna u jeedkoodu yahay gaaritaanka degmada Xaradheere iyo deegaannada hoos taga.

Sidoo kale waxa lasheegay in Al-Shabaab ay la carareen xarun warbaahineed oo ay ku lahaayeen Ceelbuur, kadib markii ay ka war heleen qorshaha howl-galka ay ku beegsanayaan ciidamada dowladda.

Nin horey lacag ugu bixiyey ‘dhismaha guriga’ Farmaajo oo lagu xiray Mareykanka

0

Minneapolis (Caasimada Online) – Mid ka mid ah raggii sida weyn ugu ololeynayey guriga la sheegay in loo dhisayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu xiray gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka. 

Khadar Jigre Adan ayaa ka mid ah 48 qof oo Waaxda Cadaaladda Mareykanka ay ku dhowaaqday dacwado ka dhan ah, ayada oo lagu eedeeyey inay ku lug yeesheen xatooyadii ugu weyneyd Mareykanka ee lagu sameeyey lacago looga talo-galay gargaarka COVID-19. 

Khadar iyo 47-ka qof ayaa loo haystaa kaalinta ay ku lahaayeen $250 milyan oo laga xaday barnaamij ay dowladda federaalka Mareykanka ugu talo-gashay nafaqeynta caruurta. 

Sida ku cad website-ka Waaxda Cadaaladda Mareykanka, Khadar Jigre Adan, oo ah 59 jir degan magaalada Lakeville ee gobolka Minnesota, ayaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan khiyaano lacag, wax isdaba marin iyo been xalaaleyn lacag.

Khadar ayaa ahaa maamulaha Lake Street Kitchen, oo ahayd goob qeyb ka ah barnaamijka la tuhunsan yahay in lacagaha lagu lunsaday, goobtaas oo ku taalla xarunta Jigjiga Business Center ee Minneapolis. 

Waxa uu sidoo kale ka mid ah yahay kaliya 7 qof, oo ka mid ah 48-ka oo la xiray illaa hadda. 

Bishii June 5, 2022, Khadar Adan waxa uu boggiisa facebook soo dhigay qoraal uu si weyn ugu ammaanayo madaxweyne Farmaajo, kuna shaaciyey inuu diray $1,000 oo u uku tabarucay guriga la sheegay in loo dhisayo. 

Qoraalkaas ayuu ku yiri “Madaxweynihii hore ee Somalia mudane Mohamed Abdilahi Farmaajo shakhsiyan ima yaqaano laakiin anigaa aqaana, waxaana ku aqaanaa in uu yahay Mohamed Al Amiin iyo xabiibul malaayiin kor u qaaday sharaftiii ay Somalia ku lahayd caalamaka, islamarkaana xafiday amaanadii uu u hayay shacabka Soomaaliyeed. Waxaa galbta Allah SWT noo suura gelyay in aan u diro gurigii loo dhisayay madaxweyne Farmaajo lacag tabarucaad ah oo cadadkeedu yahay $1000 (kun doolar) waxaana leeyahay mahadsanid madaxweyne.”

Khadar wuxuu hadda ku eedeysan yahay inuu kaalin ku lahaa lacag $250 milyan ah oo laga lunsaday dowladda Mareykanka, wuxuuna ku jiraa xabsi.

Hoos ka eeg warqaddii uu lacagta ugu diray Farmaajo oo lagu hagaajiyey agaasimihii hore ee warfaafinta Villa Somalia Cabdirashiid Maxamed Xaashi.

Sawirro: Xildhibaano gaaray Dhuusomareeb iyo dagaal ku wajahan saddex deegaan

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wafdi ay hoggaaminayaan Xidhibaan Yuusuf Geelle Ugaas iyo Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, ayaa shalay gaaray magaalada Dhuusomareeb kadib markii iyaga iyo ciidan la socday oo ka ambabaxeen magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada yo waftiga gaaray Dhuusamareeb ayaa u jeedka safarkooda lagu sheegay dardargelinta abaabulka ay ciidanka dowladda iyo dadka deegaanku ay ka wadaan gobolka Galgaduud, iyaga oo ku wajahan deeganada Ceelbuur, Ceel-garas iyo Ceel-lahelay oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda iyo dadka deegaannada oo iskood isku abaabulay ayaa waxaa ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan bariga gobolka Galgaduud, kaas oo ay hoggaaminayaan saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka, waxaana iyaguna u jeedkoodu yahay gaaritaanka degamada Xaradheere iyo deegaannada hoos taga.

Xildhibaannada gaaray Dhuusamareeb ayaa waxaa ay ku biirayaan xildhibaanno iyo wasiirro kale oo horey u gaaray gobolka, kuwaas oo Galmudug iyo deegaannada ku matala baarlamanka, waxaana gobolka horey ugu sugnaa wasiir ku-xigeenka warfaafinta federaalka Cabdiraxmaan Al-Cadaala iyo xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye.

Gudoomiyaha degmada Ceel Buur, Gashaanle-dhexe Nuur Xasan Guutaale oo la hadlay idaacada VOA ayaa sheegay in dagaal-yahaanada Al-Shabab aysan hayn awood ay uga hortagaan ciidamada, ayna cagta marin doonaan.

“Nimankaan waa koox yar oo guurguurta weeyi, kuwii Baxda shalay joogay oo kasoo cararay ayaa halkaa ku arkeysa. Meel kasta waa looga imanaya Ceelbuur, indhaha ku arki doonta iyada oo aan cidba laga arkin,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay la carareen xarun warbaahineed oo ay ku lahaayeen Ceelbuur, kadib markii ay ka war heleen qorshaha howl-galka ay ku beegsanayaan ciidamada dowladda.

“Waa ka daba tagi doona oo meel kasta ay taagan yihiin wa ugu tagi doona. Uma kala hareyno deegaanada ay ka haystaan HirShabelle iyo Galmudug himika ciidamada garabka ayey isku hayaan oo diyaar ayaa nahay.”

Ganacsatada Muqdisho ee ka amar qaata Al-Shabaab oo tallaabo culus laga qaadayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa digniin culus u diray ganacsatada magaalada Muqdisho ee ka amar qaata kooxda Al-Shabaab iyo kuwa u xukun doonto maxkamadaha guur guura ee kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in ganacsadahii albaabkiisa u xira amar kasoo baxa Al-Shabaab uusan dib u furi doonin goobtiisa ganacsi.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale in dadka aada maxkamadaha Al-Shabaab ee ka baxa magaalada Muqdisho inaan loo ogolaan doonin inay dib ugu soo noqday magaalada Muqdisho sida uu hadalka u dhigay.

“Albaabkii ganacsi ee lagu xiro amarka Al-Shabaab, waxaan cadeynaya inaan dib loo furi doonin, sidoo kale qofkii Al-Shabaab u garsoor u raadsada waxaan u sheegaya inuusan Muqdisho soo laaban doonin,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Madaale ayaa sidoo kale sheegay in ganacsadahii lagu arko goobtiisa ganacsi isago ku iibinaya waxyaabaha maanka dooriya in laga burburin doono goobtiisa, islamarkaana dhulka lagala wareegi doono.

“Magaalada Muqdisho anaga fasahaad uma ogolin waxaan u sheegaya dadka goobahooda ganacsi ku iibiya waxyaabaha maanka dooriya sida xashiishka iyo Calaqa in goobtan ku aragno aan burburin doono, lana wareegi doono goobtiisa ganacsi,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Hadalkaan kasoo yeeray duqa magaalada Muqdisho ayaa imaanaya iyadoo sanadkaan gudahiisa amaro kasoo kala baxay Al-Shabaab iyo Daacish loo xiray qaar ka mid ah goobaha ganacsi ee ku yaala Suuqyada Bakaaraha iyo Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale hadalka guddoomiyaha ayaa imaanaya waqti uu curtay kacdoon ka dhan ah kooxda Al-Shabaab kaasoo ka socda gobolada Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud.

Kooxda Al-Shabaab ayaa canshuuro kala duwan ka qaado ganacsatada ku sugan Muqdisho iyo Soomaaliya, waxayna dil ugu hanjabtaa cid kasta oo diida canshuurta iyo awaamiirta kale.

Xasan oo faah-faahiyey kacdoonka shacabka iyo qorshaha DAGAAL ee DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo shalay khudbad u jeediyey Golaha Guud ee QM, ayaa ka haday dhibaatada ururrada argagaxisada sida Al-Shabaab iyo Daacish oo uu sheegay in dawladdiisu ay la dagaalamayso.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey tallaabooyinka ay qaadday Dowladdu tan iyo markii uu xilka la wareegay, kuwaas oo salka ku haya in dalka laga xoreeyo argagixisada Al-Shabaab, iyadoo ay iskaashanayaan shacabka iyo ciidamada xoogga dalka, waxa uuna la wadaagay madaxda adduunka dhibaatada iyo xasuuqa argagixisadu ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed ee birmo-geydada ah. 

“Iyadoo maanta dalkayaga ay ka jirto xaalad bini’aadannimo oo adag, haddana kooxdan oo si been abuur ah u sheegtay in ay yihiin islaamiyiin waxa ay qarxiyeen ceelal biyood reer guuraagu ku tiirsanaayeen, waxa ayna gubeen gaadiid raashiin u siday, iyagoo halkaas ku dilay dad aan waxba galabsan oo markii horeba la daalaa dhacayay sidii ay u noolaan lahaayeen,” ayuu yiri Xasan Sheekh.  

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey dareenka iyo baraarugga shacabka Soomaaliyeed ee ku wajahan in ay iska dulqaadaan cadowga caadeystay daadinta dhiiggooda, isagoo tilmaamay sida ay muhiimka u tahay in dagaalkan lagu garab istaago dowladda Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka, shacabka Soomaaliyeedna ay u helaan xuquuqdooda aas-aasiga ah ee adeegyada dowladda iyo nolal wanaagsan. 

“Shacabka Soomaaliyeed waxa ay bilaabeen in ay kacaan si ay u taageeraan baaqa dowladooda ee ah in ay naftooda iyo dalkooda ka difaacaan dhagarta argagixsada. Maalmahan iyo bishii horeba, waxaan ka xoreynay argagixisada magaalooyin iyo tuulooyin ay ku dhibaataynayeen dadkayaga, iyadoo howlgalladaas ay isgarab sanayeen Ciidamada Xoogga Dalka iyo dadka deegaannada, taas oo horseedday guulo waaweyn,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Waxa uu madaxweynuhu ku celiyey istiraatiijiyadiisa ah inaan kooxahaas looga guulaysan karin in lagu hayo meel gaar ah, lana wiiqo, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in laga guulaysto.

Waxa uu sheegay inuu ku kalsoon yahay in dadaalka bulshada oo lasii xoojiyo in dawladda Soomaaliya ay ka tirtiri doonto argagixisada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in dawlada Soomaaliya ay ka go’an tahay inay sii waddo wadashaqaynta dhinacyada ay iskaashiga leeyihiin si loola dagaalamo argagixisada, waxaase uu sheegay inay Soomalaiya ka go’an tahay inay hawsha inteeda culus iyadu qabtaan.

Baaxadda hubka nukliyeerka Ruushka xilli laga cabsi qabo inuu u adeegsado Ukraine

0

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa ku dhawaaqay “qeyb ka mid ah abaabulka” ciidamo loo dirayo dalka Ukraine, wuxuuna ku hanjabay inuu awoodiisa oo dhan u adeegsado difaaca dhulka Ruushka, taasoo cabsi ka abuurtay caalamka.

Digniinada hore Ruushka, ayay falanqeeyayaasha sheegeen in loo fasiran karo digniin ku socota wadamada kale si aysan u kordhinin ku lug lahaanshahooda Ukraine, haddii ay taasi dhici weysana ay danta ku khasbi doonto inuu isticmaalo hubka nukliyeerka.

Dhanka kale madaxweynihii hore ee Ruushka Dmitry Medvedev ayaa u muuqday inuu meesha ka saaray madmadow kasta oo ku saabsan adeegsiga hubka nukliyeerka.

Medevedev wuxuu sheegay in hub kasta ay haysato Moscow, oo xitaa uu jiro hubka istiraatiijiga ah ee nukliyeerka, loo isticmaali karo in lagu difaaco dhulalka ku biiray Ruushka ee ka soo go’ay Ukraine, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters.

“Reer galbeedka iyo guud ahaan muwaadiniinta dalalka Nato waxay u baahan yihiin inay fahmaan in Ruushku doortay waddadiisa,” ayuu yiri.

Hubka Nukliyeerka ayaa jira muddo ku dhow 80 sano, dalal badan ayaana u arka mid ka hortagaya welina dammaanad qaadaya ammaankooda qaran.

Intee ayuu la’eg yahay baaxadda hubka Nukliyeerka ee Ruushku haysto?

Dhammaan tirooyinka ama baaxadda ku saabsan hubka nukliyeerka waa qiyaas, balse, sida laga soo xigtay Ururka Saynisyahanada Maraykanka, Ruushku wuxuu haystaa 5,977 oo madaxyo nukliyeer ah – qalabka guba  fiyuuska qaraxa nukliyeerka – inkastoo tiradaas la sheegay inay ku jiraan ilaa 1,500 madaxyo nukliyeer ah oo aan shaqeynin kuwaas oo la rabo in la burburiyo. .

 

4,500 ama wax ka badan madaxyada nukliyeerka ee haray, intooda badan waxaa loo tixgeliyaa hubka istaraatiijiga ah ee nukliyeerka – gantaalada ballistic-ga ama gantaallada lagu hagi karo bartilmaameedyada fog. Tirada hubka nukliyeerka ee Ruushka:

1: Gantaallada qaaradaha u kala goosha: 1,185

2: gantaallada balistikada ah ee ay qaadaan maraakiibta quusta: 800

3: Gantaallada nukliyeerka ee laga soo gano diyaaradaha: 580

Muxuu yahay hubka nuclear-ka?

Waa qaraxyo si xad-dhaaf ah u awood badan.

Waxaa laga yaabaa inaad xasuusatid erayada “atoms” iyo “isotopes”, haddii aad soo dhigatay maadada seyniska – kuwaas ayaa qeyb ka ah hannaanka loo maro sameynta bambooyinka nuclear-ka.

Bambooyinku waxay tamartooda ka helaan atoms-yada oo kala fida ama isu imaada oo si wadajir ah cuf u sameeya.

Taasi waa sababta mararka qaar bambaanooyinka nuclear-ka loogu yeero “atomic bomb”.

Hubka nuclear-ka wuxuu sii daayaa xaddi aad u farabadan oo shucaac ah – kaasoo ah mid sababi kara waxyeello badan – sidaas darteedna saameyntoodu waxay sii jiri kartaa xitaa marka uu qaraxa dhaco ka dib.

Hase ahaatee labo jeer oo kaliya ayaa la adeegsaday taariikhda dunida – waxaana lagu dhuftay waddanka Japan, sanadkii 1945-kii, xilligaas oo uu socday dagaalkii labaad ee adduunka.

Markaas waxay bambooyinkan sababeen musiibo weyn iyo khasaare nafeed oo laga xishoodo in tiradiisa la sheego.Shucaacii ka dhashay bambadii lagu dhuftay magaalada Hiroshima wuxuu socday dhowr bilood, wuxuuna dilay dad lagu qiyaasay 80,000 oo ruux.

Bambadii kale ee lagu dhuftay magaalada Nagasaki waxay iyaduna dishay in ka badan 70,000 oo qof. Tan iyo xilligaas wixii ka dambeeyay nuclear-ka wali looma adeegsanin dagaal kale.Sagaal waddan ayaa hadda heysta hubka nuclear-ka, oo kala ah: Mareykanka, Ingiriiska, Ruushka, Faransiiska, Shiinaha, Hindiya, Pakistan, Israa’iil iyo Kuuriyada Waqooyi.

Yaa sameyn kara hubkan?

Markii sida guud loo eego, jawaabtu waa inuu sameyn karo qof kasta oo aqoon seynis u leh, farsamada yaqanana, qalabkana heli kara.

Laakiin marka laga hadlayo in waddamada loo oggol yahay sameysashada hubkan iyo in kale, jawaabta su’aashaas waxay qaadaneysaa sheeko dheer.

Waxaa jira wax loogu yeero is-afgaradka xakameynta hubka Nuclear-ka, oo afka qalaad loogu soo gaabiyo (NPT) – kaasoo ah heshiis looga gol leeyahay in looga hortago faafitaanka hubka nuclear-ka iyo in laga qaado waddamada aan loo oggoleyn.

Tan iyo 1970-kii, 191 waddan, oo ay ku jiraan Mareykanka, Ruushka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Shiinaha ayaa saxiixay heshiiska ka hortagga Nuclear-ka.

Shantan waddan waxaa loogu yeeraa dowladaha ku hubeysan nuclear-ka – waana loo oggol yahay inay heystaan hubkaas, sababtoo ah waxay sameysteen oo ay tijaabiyeen ka hor inta aan heshiiska NPT la dhaqan galinin 1-dii bishii January ee sanadkii 1967-kii.

Xitaa iyadoo dalalkan ay heystaan nuclear-ka, heshiiskana ay qeyb ka yihiin, iyaga qudhooda waxaa laga rabaa inay yareeyaan xaddigiisa mana loo oggola inay waligood iska heystaan.Israa’iil (oo waligeed aan qiranin, ama beeninin inay heysato nuclear), Hindiya iyo Pakistan midna qeyb kama aha heshiiskaas, mana aysan saxiixin.

Kuuriyada Waqooyi waxay heshiiskaas ka baxday sanadkii 2003-dii.

Xigasho: BBC

Ciidamo isku diyaarinaya inay duulaan ku qaadaan Ceelbuur

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli si xawli ah u socda howl-gal militari oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo shacab is-abaabulay ay kaga soo horjeedaan ururka Al-Shabaab.

Howl-galada ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay waxaa inta badan gobolka Hiiraan looga xoreeyay maleeshiyada Al-Shabaab oo laga saaray deegaano ay 13 sano ku sugnaayeen, ayada oo markii u horeysay ay ciidamada dowladda isku fureen jidka isku xira Buula-Burte iyo Beledweyne.

Sidoo kale waxa uu haatana dhaq-dhaqaaq militari oo xoogan laga soo sheegaya gobolka Galguduud oo ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda ay duulaan ku yihiin magaalada Ceel Buur.

Gudoomiyaha degmada Ceel Buur, Gashaanle-dhexe Nuur Xasan Guutaale oo la hadlay idaacada VOA ayaa sheegay in dagaal-yahaanada Al-Shabab aysan hayn awood ay uga hortagaan ciidamada, ayna cagta marin doonaan.

“Nimankaan waa koox yar oo guurguurta weeyi, kuwii Baxda shalay joogay oo kasoo cararay ayaa halkaa ku arkeysa. Meel kasta waa looga imanaya Ceelbuur, indhaha ku arki doonta iyada oo aan cidba laga arkin,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay la carareen xarun warbaahineed oo ay ku lahaayeen Ceelbuur, kadib markii ay ka war heleen qorshaha howl-galka ay ku beegsanayaan ciidamada dowladda.

“Waa ka daba tagi doona oo meel kasta ay taagan yihiin wa ugu tagi doona. Uma kala hareyno deegaanada ay ka haystaan HirShabelle iyo Galmudug himika ciidamada garabka ayey isku hayaan oo diyaar ayaa nahay.”

Howl-galkaan ayaa imanaya xili ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanada oo is-garabsanaya ay dardar xoogan ku wadeen dagaalka ka socda gobolka Hiiraan ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo kooxda looga saarayay inta badan deegaanadii ay ka talin jireen ee gobolka.

Nuxurka khudbaddii Xasan Sheekh ee shirweynaha QM

0

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmauud ayaa goor dhowayd khudbad ka jeediyey shirkaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uga socda magaalada New York.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa billaabay wax yar ka hor 7-dii fiidnimo xilliga Muqdishu, waxaana uu kaga hadlay caqabadaha haysta guud ahaan dunida sida isbeddelka cimilada, Covid-19 iyo argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u sheegay shirka 77-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay in caqabadaha dunida haysta ay isku xiran yihiin, ayna u baahan yihiin isbeddello waaweyn oo dunidu si wadajir ah ugu dhaqaaqdo iyada oo iskaashanaysa, si ay isbeddeladaasi u waaraan, waxna looga qabto isbeddelka cimilada dunida iyo caqabadaha dhaqan-dhaqaale.

Waxa uu sheegay madaxeynaha in fursadda la haystaa ay kooban tahay, waxaana uu sheegi in ficilka ay dunidu si wadajir ah ula timaado inuu tusaale u noqonayo sida xal loogu helo. Waxa uu sheegay in guuldarro aysan ahayn mid meesha ku jirta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in cudurka Covid-19 ee dunida uu beddelay sida ay dunidu u nooshahay weligeed, waxaana uu muujiyey, ayuu yiri, sida aysan dunidu ugu diyaarsanayn qalalaase baaxaddaas leh. Waxaa kale oo qalalaasaha Covid-19 uu muujiyey, ayuu yiri, sida aysan dunidu u sinnayn marka ay noqoto ka jawaabista Covid-19.

Waxa uu sheegay in halka dunida horey u martay ay tallaalkii nafta badbaadinayey ay dadkooda horey ka siiyeen si aan sinnayna loo qaybiyey in waddamada Soomaaliya ka mid tahay ay sugeen hadba ciddii wax siisa.

Waxa uu sheegay inay Soomaaliya mahad uga hayso beesha caalamka iyo isbahaysiga caalamiga ah tallaalkii ay heshay. Waxaase uu sheegay inu rajaynayo inaysan sidaasi oo kale dhici doonin marka ay timaado wax ka qabashada qalalaasaha cuntada dunida.

Waxa uu sheegay in dunidu u baahantahay inay si wadajir ah u shaqayso ee aysan ahayn in dib loo gurto oo keli-keli loo waajaho dhibaatooyinka, loona khafiifiyo khataraha, lana maalgashado barnaamijyo u adkaysan kara isbeddelka cimilada, gaar ahana waddamada ka hooseeya saxaaraha.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay waajahayso abaar iyo macluul. Waxa uu sheegay in dawladdiisu ugu baaqday ganacsatada Soomaaliyeed iyo qurbajoogta inay la shaqeeyan dawladda si looga hortago macluuul laga yaabo inay dhacdo. Waxa uu sheegay inuu ugu baaqayo dawladaha iyo ururrada baha-wadaagta la ah Soomaaliya inay u dheg raariciyaan baaqa dawladda ee ah in gargaar lala soo gaaro.

Waxa uu sheegay madaxweynuhu in dawladda Soomaaliya ay dhistay wasaaaradda bii’ada si ay wax uga qabato xaaladda degaanka ee sii adkaanaysa oo ay sii xumeeyeen daadadka iyo abaaaha.

Waxa uu shegay in loo baahan yahay in isbeddelka cimilada si dhab ah loo qaato, waxa uu sheegay in isbeddelka cimiladu yahay wax jira, waxaana uu sheegay in Soomaaliya iyo waddan gaar ah uusan horumaraynin haddii aan si wadajir ah loo wajahin caqabadaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka haday dhibaatada ururrada argagaxisada sida Al-Shabaab iyo Daacish oo uu sheegay in dawladdiisu ay la dagaalamayso.

Waxa uu sheegay in khatarta ka imanaysa ururradaas ay sii xumaynayso xaaladda cuntada iyo barakaca. Waxa uu sheegay in argagxisadu aysan diin lahayn, aysan qiime u haynin nolosha aadanaha, ayna argagixiyaan dad aan waxba galabsan. Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah loogu wada istaago.

Waxa uu madaxweynuhu ku celiyey istiraatiijiyadiisa ah inaan kooxahaas looga guulaysan karin in lagu hayo meel gaar ah, lana wiiqo, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in laga guulaysto.

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay burburiyeen ceelashii, islamarkaana ay dileen dad rayid ah, taasina ay keentay inay dawladda Soomaaliya, iyo maamul goboleedyada oo dadka degaanka taageero ka helaya ay ka jawaabaan.

Waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay billaabeen inay si iskood ah u kacaan iyaga oo taageeraya dadaalka dawladda ee ah in kooxahan laga guulaysto.

Waxa uu sheegay inuu ku kalsoon yahay in dadaalka bulshada oo lasii xoojiyo in dawladda Soomaaliya ay ka tirtiri doonto argagixisada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in dawlada Soomaaliya ay ka go’an tahay inay sii waddo wadashaqaynta dhinacyada ay iskaashiga leeyihiin si loola dagaalamo argagixisada, waxaase uu sheegay inay Soomalaiya ka go’an tahay inay hawsha inteeda culus iyadu qabtaan.

VOA