27.5 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

DF oo baaq deg deg ah u dirtay beesha caalamka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Gurmadka Abaaraha ayaa deeq-bixiyaasha caalamka markale ku booriyay inay deg deg uga jawaabaan gurmadka abaaraha Soomaaliya ee ku sii socda heerka macluusha.

Cabdiraxmaan oo ka qeyb-galay shir looga hadlayey ka jawaabista abaaraha Geeska Afrika ayaa waxa uu dalbaday in Soomaaliya lagu gacan siiyo sidii ay khayraadkeeda uga faa’iidaysan lahayd, taasi oo xal u ah soo noqnoqadka abaaraha.

Shirkaan uu qeybta ka ahaa Ergeyga ayaa waxaa si wadajir ah u soo qaban-qaabiyey dowladda Talyaaniga, Maraykanka, Ingiriiska, Qatar iyo Qaramada Midoobay, iyadoo ay ka soo qayb-galeen in ka badan 30 dawladood, Ururka Islaamka, Jaamcadda Carabta, Midowga Afrika iyo hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwo Gargaarka Caalamiga ah.

Saameynta ka dhalatay Abaarta ka jirta Soomaaliya ayaa sabab u noqotay in kumanaan Caruur ah lasoo daristo Nafaqo darro, taasi oo ka dhalatay xaaladda abaaraha ka jira dalka.

Ergeyga ayaa ugu dambeyntiina u mahad-celiyey dawladihii deeqda ku yaboohay, gaar ahaan dawladda Maraykanka oo ku deeqday $151 Malyan oo deeq hor leh ah.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka lacagtan cusub ayaa waxay dheeri ku tahay $476 milyan oo gargaar bini’aadaninimo ah oo Mareykanka uu ku dhowaaqay bishii Luulyo, taas oo ka dhigaysa tabarucaadka dawladda Maraykanka in ka badan $870 milyan oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed – waana in ka badan kala bar dhammaan deeqaha bani’aadannimada ee Soomaaliya la siiyey 2022.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay saadaasha hay’adaha QM ee ah in Soomaaliya ay macluul ka dhici karto bilaha October illaa December.

“Ku dhawaaqista maanta ayaa u ogolaan doonta hay’adda USAID ee wada shaqaynta la leh Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) in ay bixiso laba bilood iyo bar dheeraad ah oo gargaar cunto ah oo la siinayo 3.6 milyan oo qof ah,” ayey tiri USAID.

Dowladda oo ballaarineysa kacdoonka iyo Xamza oo ku baaqay inay kusoo biiraan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta ka qeyb-galay munaasabad lagu xusayay sanad guurada 25-aad ee aasaaska Jaamacadda Muqdisho, ayaa sheegay muhiimada ay cilmiga, waxbarashada iyo hey’adaha waxbarashadu u leeyihiin xasiloonida amniga iyo horumarinta bulshada.

Xamza ayaa xusay in wax badan laga soo qabtay dowlad dhiska oo xiligaan la joogo meel wanaagsan, hase yeeshee wali ay taagan yihiin caqabado ay kamid yihiin fikradaha xag-jirka ah.

Waxa uu sheegay in lagama maarmaan tahay in aqoon-yahanada, jaamcadaha iyo hey’adaha kale ee waxbarashadu inay qaataan doorkooda ku aaddan la dagaalanka fikirka xag-jirka ah iyo dadaallada dib-u-xorreynta ee ay iska kaashanayaan shacabka iyo dowladda.

“Cilmigeennu waa inuu amniga iyo gaajada naga xalliyaa, horumarinta dhaqaalaha uu qeyb ka qaataa, dhamaan caqabadaha bulsho ee na heysta xalkoodu waa inuu cilmiga ka yimaadaa,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Waxaan u baahannahay cilmi baaris ay dad Soomaaliyeed sameeyeen si ay u soo baxaan natiijooyin xal loogu helayo dhibaatada ummadda Soomaaliyeed heysta.”

Hadalka Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa imanaya xili ay isla maanta Golaha Wasiirada ay ansixiyeen istaraatiijiyadda guusha ee dabar-goynta argagixisada, si loo mideeyo cududda shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad, dowladda federaalka, dowlad goboleedyada, iyo saaxiibada Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay kacdoonka HIIRAAN iyo ciidamada oo u jiheystay…

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa dib u xoreynta deegaanka iyo ciidanka dowladda ay ka kala ruqaansadeen degmooyinka Maxaas iyo Buulaburte, ayna ku wajahan yihiin degmada Moqokori.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa xaqiijiyay in ciidamo aad u fara badan ay goordhaweyd u dhaafeen dhinaca degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo weli ku sugan yihiin dagaal-yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Shabaabkii ku sugnaa deegaankaas ay bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo ay uga baxayaan degmada, maadama ciidamada is-garabsanaya ay laba jiho kaga soo wajahan yihiin degmada Moqokori.

Sidoo kale waxaa lasoo warinaya inay cabsi badan lasoo daristay dadka degaanka, oo ka walwal in lagu kor dagaalamo.

Ciidamada is-garabsanaya ayaa maalmihii dambe dardar xoogan ku waday dagaalka ka socda gobolka Hiiraan ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo kooxda looga saarayay inta badan deegaanadii ay ka talin jireen ee gobolka.

Howl-galada dagaal ee ay wadaan ciidamada is-garabsanaya ayaa sidoo kale waxa uu gacan ka helay Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, kaasi oo duqeeyay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa degaanka Aboorey oo hoos taga magaalada Buuloburde.

Mareykank ayaa wuxuu sheegay in duqeyntaas lagu dilay 27 xubnood oo Shabaab ah inta la xaqiijiyey, sidoo kalena aysan jirin wax yeelo soo gaartay dad rayid ah.

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa sidoo kale hore u shaaciyey in howl-galka ka socda gobolka Hiiraan lagu dilay 127 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, islamarkaana inta badan gobolkaas laga wiiqay awoodii kooxda.

DF oo amar deg deg ah dul dhigtay 13 wasaaradood + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wasiirada oo uu maanta shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa lagu faray 13 Wasaaradood oo ka tirsan xukuumadda inay si deg deg ah u gutaan waajibkooda kaga aadan dagaalka lagu xoreynayo dalka.

Wasaaradaha la dul dhigay amarkaan ayaa kala ah; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Gaashaandhiga, Amniga Gudaha: Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Caafimaadka, Korontada iyo Biyaha, Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Arrimaha dibadda, Maaliyadda, Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, Dhalinyarada iyo Isboortiska, Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Waxaa xusid mudan in 13-ka wasaaradood ay qaarkood kamid yihiin wasiiradoodu guddiga abaabulka iyo isku dubaridka howlaha la-dagaalanka argagixisada oo maanta uu golahu go’aamiyay dhismihiisa.

Xukuumadda uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale qorsheynaysa qabashada shir qaran oo looga arrinsanayo fidinta, dhiiri-galinta iyo qarameynta kacdoonka bulshada ee ka dhanka ah argagixisada.

Arrimahaan ayaa si weyn u taageeraya kacdoon dagaaleedka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo la rumeysan yahay haddii aan loo kala hadhin ay ka dhalan karto natiijo la-mahdiyo, sida ka muuqatay bilowga howl-galada dhinacyadu ku qaadeen argagixisada.

Shirka golaha wasiirada oo laga soo saaray go’aano culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wasiirada oo uu maanta shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa laga soo saaray go’aamo dhaxal-gal ah oo looga gol leeyahay in wax looga qabto xaaladaha amni ee dalka.

Golaha ayaa go’aamiyay in la dhiso guddiga abaabulka iyo isku dubaridka howlaha la-dagaalanka argagixisada lagu dabargoynayo, kuwaasi oo ka kooban Ra’iisu Wasaaraha, RW ku-xigeenka, Wasiirada Wasaaradaha Gaashaandhiga, Amniga, Awqaafta iyo Arrimha Diinta, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Caafimaadka, Dhallinyarada, Isgaarsiinta, Taliyaasha Ciidamada Qalabka Sida.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa kusoo dari kara guddiga abaabulka iyo isku dubaridka howlaha la-dagaalanka argagixisada lagu dabargoynayo ciddii kale ee uu u garto in aan looga maarmin hawshan.”

Sidoo kale Golaha ayaa go’aamiyay in barnaamijka la-dagaalanka fikirka xagjirka ah ee rabshadaha wata loo beddelo Hay’adda Qaran ee la-dagaalanka fikirka xagjirka ah ee rabshada wata.

Golaha ayaa soo jeediyay si loo xoojiyo kaalinta siyaasadda ee amniga qaranka in golaha amniga qaranku yeesho kulamo aan caadi aheyn oo u gaar ah hagista howl-galada dalka looga xoreynayo argagixisada.

Shirka maanta ayaa sidoo kale lagu go’aamiyay qabashada shir qaran oo looga arrinsanaayo fidinta, dhiiri-galinta iyo qarameynta kacdoonka bulshada ee ka dhanka ah argagixisada oo ay garwadeen ka noqoneyso wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta.

“Golaha ayaa waxa uu go’aamiyay in la hirgaliyo lana fuliyo sharciga ka hortagga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maal-galinta argagixsada (AML/CFT), lana bartilmaameedsado oo la burburiyo shabadakadaha ururada argagixisada ugu xilsaaran maaliyadda; isla markaana la sameeyo liiska xayiraadaha & cunaqabateynta lana dhaqan-galiyo.”

Ugu dambeyntiina golaha ayaa go’aamiyay ansixinta istiraatijiyada guusha ee dabar-goynta argagixisada, si loo mideeyo cududda Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad, dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo Saaxiibada Soomaaliya.

Imaaraadka oo safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya

0

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta ayaa maanta safiir cusub u soo magacowday arrimaha Soomaaliya, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka waddankaasi ee Emirates News Agency, WAM.

Safiirka cusub oo lagu magacaabo Ahmed Juma Al Rumaithi ayaa beddalaya danjirihii hore ee Abu Dhabi u qaabilsanaa Soomaaliya, Mudane Mohamed Ahmed Al-Othman.

Al Rumaithi oo la filayo inuu dhowaan soo gaaro magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu hor dhaariyey madaxweynaha dalka Imaaraadka Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, si uu noqdo safiirka cusub ee dalkaas u qaabilsanaan doono arrimaha dalka Soomaaliya.

Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan ayaa u rajeeyay safiirka cusub inuu Eebbe la garab galo shaqada loo igmaday, isaga oo sidoo kale kula dardaarmay in uu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood ee Imaaraadka iyo Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa haatan xiriir xoogan la leh dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqashadiisii ugu horreysay ku tegay, kadib markii uu ku soo baxay doorashadii ka dhacday Teendhada Afisyooone oo uu kaga adkaaday Maxamed Farmaajo.

Isbeddalkaan ayaa ku soo aadayo, xilli haatan Imaaraadka uu Qatar kaga adkaaday loolanka Soomaaliya, taas oo 5-tii sano ee la soo dhaafay aad ugu dhoweyd Farmaajo.

Dowladda Imaaraadka ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed oo sida u dhow u taageero Soomaaliya, waxaase uu xiriirka hoos u dhacay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhex-galay dowladdii Farmaajo iyo iyaga, balse xiriirkii xumaaday ayaa markale haatan dib u soo hagaagay, kadib markii uu talada waddanka dib ula wareegay madaxweyne Xasan Sheekh.

Imaaraadka ayaa horey u tababari jiray qaar ka mid ah ciidamada militariga Soomaaliya kahor inta aanay isku dhicin dowladdii Farmaajo bishii April 2018, taasi oo keentay inay xiraan saldhiggoodii militari ee ku yaallay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Daawo: Yuusuf Madaale oo tallaabadii ugu horreysay maanta qaaday, kadibna…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo dhowaan xilka si rasmi ah ula wareegay ayaa maanta qaaday tallaabadiisii ugu horreysay ee ka dhanka ah waxyaabaha maanka dooriya

Madaale ayaa hoggaamiyey howlgal xalay ka dhacay isgoyska Fagax, kaas oo lagu burburiyey goobo lagu iibinayey Calaq iyo Xashiish, sida ay sheegeen laamaha ammaanka.

Duqa Muqdisho oo Wariyeyaasha kula hadlay Fagax ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisa uu la dagaalami doono dadka iibiya maan dooriyaha iyo kooxaha ciyaal weerada.

“Ma aqbaleyno magaaladaan in ay noqoto magaalo fasahaad ciyaal weero iyo maan dooriye go’aan adag baa inooga yaalla, caawana waxaa nasiib ah inaan burburinay goobihii Calaqa iyo Xashiishka lagu iibinaayey” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray shacabka ku dhaqan degmooyinka gobolka Banaadir, isaga oo ka codsaday inay la shaqeeyaan maamulkiisa iyo ciidanka Booliska Soomaaliya.

Howlgalkan ka dhacay waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa waxa uu qeyb ka yahay howlgallada ay wadaan ciidamada Booliska ee lagu sugayo amniga caasimada.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida dilal qorsheysan iyo dhac baahsan oo ay geysanayaan kooxo burcad ah.

Sawirro: Masar iyo Somalia oo isku sii dhowaanaya xilli Itoobiya ay walaac qabto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa isku soo dhowaanaya xilli Itoobiya ay dusha sare ka eegeyso ayada oo ka walaacsan isbaheysiga Muqdisho iyo Qaahira.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa shalay ku qaabilay xafiiskiisa Safiirka Masar u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Al-Saciid Axmed Al-Baz.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa waxa diirada lagu saaray xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii xoojin lahaa, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Danjiraha dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Al-Saciid Axmed Al-Baz ayaa bogaadiyay dadaallada ay waddo xukuumadda Dan-Qaran ee uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Kulankan ayaa yimid laba bilood kadib markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu booqday Qaahira, halkaasi oo uu wada-hadallo kula soo yeeshay dhiggiisa Cabdifataax al-Sisi.

Kulankaas ayaa horseeday in dowladda Itoobiya ay baajiso safar la qorsheeyey in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu ku tago Addis-Ababa, kaasi oo aan weli dib loo waqtiyeyn.  

Masar ayaa isku dayeysa inay Soomaaliya u adeegsato inay qeyb ka noqoto cadaadiska la saarayo Itoobiya oo biyo-xireen ka sameysay webiga Nile, oo halis ku ah malaayin Reer Masar oo webigaas ka hela biyaha ay isticmaalaan. 

Intii uu socday kulankii Xasan Sheekh iyo al-Sisi, Masar ayaa sheegtay inay isku raaceen in la cambaareeyo buuxinta biyo-xireenka ayada oo aan heshiis lagu ahayn, taasi oo Villa Somalia ay markii dambe beenisay. 

Dhowaan, taleefishinka ETV ee dowladda Itoobiya ayaa laga sii daayey barnaamij si aad ah loogu weeraray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh. 

Barnaamijkaas ayaa waxaa markii dambe ka daba timid Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo qoraal ay soo saartay ku sheegtay in barnaamijkaas uusan matalin siyaasadda dawladda Itoobiya, islamarkaana uusan waafaqsanayn xiriirka labada dal.

Si kastaba, fallanqeeyayaasha siyaasadda ayaa barnaamijka ku macneeyey farriin ay Addis-Ababa usoo dirtay Muqdisho, sababtoo ah taleefishinka dowladda Itoobiya kama bixi karo barnaamij aysan dowladda raali ka ahayn.

Sawiro: AfroAtlas iyo Ethiopian Airlines oo kala saxiixday heshiis taariikhi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Duullimaadyada Ethiopian Airlines iyo Shirkadda Afro Atlas ayaa su rasmi ah u kala saxiixday heshiis iskaashi ah oo ay labada shirkadood kaga wada shaqeynayaan arrimaha teknolojiyada iyo suuq-geynta adeegyada shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines.

Heshiiskan ayaa ujeedkiisu yahay sidii shirkadaha tikidhada jara (travel agents) ee Afrika iyo adduunka intiisa kaleba loogu soo xiri lahaa barnaamijka cusub ee lagu magacaabo NDC (New Distribution Capability), kaas oo ay dhowaan hirgelisay shirkadda diyaaraddaha ee Ethopian Airlines. Barnaamijka NDC ayaa beddelaya barnaamijyadii ay diyaaradaha caalamiga ku iibin jireen tikidhada in ka badan muddo nus qarni ah.

Maamulaha Xafiiska Nayroobi ee Shirkadda Ethiopian, Marwo Seble Wongel, oo heshiiska u saxiixday Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay wada-shaqeynta shirkadda AfroAtlas oo noqotay shirkaddii ugu horreysay ee fadhigeedu yahay qaaradda Afrika ee si toos ah ugu xiranta nidaamka cusub ee NDC (New Distribution Capability), kaas oo ka casrisan barnaamijkii ay shirkaddu hore ugu shaqeyn jirtay.

Maamulaha Guud ee AfroAtlas, Axmed Ugaas, oo munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin xusuus u leh guud ahaan adeegyada teknolojiyada ee gaadiidka cirka ee qaaradda Afrika iyo gaar ahaan shirkadda AfroAtlas -ba.

“Waxaa sharaf iyo taariikh ba noo ah inaan noqonno shirkaddii ugu horreysay ee Afrikaan ah ee si toos ugu xiranta barnaamijka cusub ee NDC ee Ethiopian Airlines, kaas oo hawada soo galay dhowr bilood ka hor,” ayuu yiri maamulaha AfroAtlas oo intaas ku daray “In aan noqonno shirkaddii ugu horreysay ee Afrikan ah ee wada-shaqeyn noocan ah la yeelata Ethiopian Airlines waxay muujineysaa sida diyaaradaha caalamiga ah ay ugu kalsoon yihiin farsamada iyo qorshayaasha shirkadda AfroAtlas.”

Shirkadda AfroAtlas, waa shirkaddii ugu horreysay ee Bariga iyo Bartamaha Afrika ee meel qura isugu keentay adeegyada kala duwan ee safarka iyo dalxiiska. Waxey sahashay in hal meel laga wada heli karo adeegyada tikidhada diyaaradaha, hoteellada, caymiska safarka, gaadiidka la kireysto, dalxiiska, iwm.

Shirkadda Ethiopian Airlines waa shirkadda ugu ballaaran qaaradda Afrika dhinaca rakaabka ay qaaddo, tirada diyaaradaha iyo magaalooyinka ay u duusho. Horraantii sanadkan 2022 ayay hirgelisay barnaamijka NDC, waxaana hore ugu xirnaa shirkado ku kala yaalla qaaradaha Yurub, Ameerika, iyo Aasiya. Hase yeeshee AfroAtlas ayaa noqotay shirkaddii ugu horreysay ee Afrikan ah ee toos ugu xiranta Ethiopian Airlines NDC.

Kadib booqashadii Xasan Sheekh, Mareykanka oo ku dhowaaqay taageero xooggan

0

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhowaaqday taageero maaliyadeed oo cusub oo ay siineyso Soomaaliya, maalmo kadib markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu Washington kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka madaxweynaha Biden. 

“Dowladda Mareykanka, oo marineysa Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID), ayaa in ka badan $151 milyan ku bixineysa kaalmo cusub, oo ay degdeg ugu baahan yihiin dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu war-saxaafadeed kasoo baxay USAID. 

“Lacagtaas ayaa $146 milyan oo dollar oo ka mid ah waxaa loogu talagalay gargaar cunto, iyadoo abaaro masiibo ah ay dalka naafeeyeen, in ka badan 7 milyan oo qofna ay qarka u saaran yihiin macaluul. $5 milyan ee soo hartay ee ayaa lagu bixin doonaa taageerada u adkeysiga musiibada iyo soo kabashada dhaqaalaha.”

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka lacagtan cusub ayaa waxay dheeri ku tahay $476 milyan oo gargaar bini’aadaninimo ah oo Mareykanka uu ku dhowaaqay bishii Luulyo, taas oo ka dhigaysa tabarucaadka dawladda Maraykanka in ka badan $870 milyan oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed – waana in ka badan kala bar dhammaan deeqaha bani’aadannimada ee Soomaaliya la siiyey 2022.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay saadaasha hay’adaha QM ee ah in Soomaaliya ay macluul ka dhici karto bilaha October illaa December.

“Ku dhawaaqista maanta ayaa u ogolaan doonta hay’adda USAID ee wada shaqaynta la leh Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) in ay bixiso laba bilood iyo bar dheeraad ah oo gargaar cunto ah oo la siinayo 3.6 milyan oo qof ah,” ayey tiri USAID. 

Taageerada Mareykanka ayaa timid maalmo un kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh uu Washington kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Biden, oo uu kala hadlay sidii loo taageeri lahaa Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga iyo abaaraha.

Xasan Sheekh ayaa Aqalka Cad kula kulmay la-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan. Wuxuu sidoo kale la kulmay xoghayaha arrimaha dibedda Antony Blinken iyo xoghayaha gaashaandhigga Lloyd Austin. 

Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqdaydeeq bixiyeyaasha beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo u qaadaan si ay kordhiyaan maal-gelinta bini’aadanninimo ee dadka Soomaaliyeed si looga hortago in saadaasha macluusha ay noqoto mid dhab ah.

PUNTLAND oo gacanta ku dhigtay ninkii sameeyey qaraxii ka dhacay MILXO

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Taliska ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland Security Foce ee magacooda loo soo gaabiyo (PSF) ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Qoraal ka soo baxay PSF ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan lagu soo qabtay farsamayaqaankii sameeyey qaraxii xooganaa ee dhowaan ka dhacay deegaanka Milxo oo hoostaga degmada Laasqoray oo ka tirsan gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

PSF ayaa shaaca ka qaaday in ninkan oo ku dhuumaaleysanayey Boosaaso ugu dambeyna gacanta lagu soo dhigay, waxaana hay’addu intaasi ku sii dartay in baaris ay sameeyeen laamaha amniga ay ku ogaadeen in ninkaan uu yahay shaqsigii sameeyey qaraxii Milxo, isla-markaana uu ka tirsan yahay xoogaga Al-Shabaab ee weerarada ka fuliya Puntland.

Sidoo kale Puntland ayaa u mahadcelisay shacabka deegaanka ee xogta ninkaas lasoo wadaagauy ciidamada ammaanka maamulkaasi.

“Waxaan dhiiro-gelineynaa shacabka Soomaaliyeed ee Puntland oo marwalba garab istaaga u muujiya ciidanka PSF,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska.

Qaraxa ka dhacay Milxo ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 6 qof oo shacab ahaa, halka ay ku dhaawacmeen 11 kale, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Si kastaba, Milxo ayaa ah deegaan laga qodo macdanta, waxaana ku nool dad u badan xoogsato ka shaqeysta qodista dhulka si ay uga helaan Macdan ay sii iib geeyaan.

Itoobiya oo sabab yaab lehi ceyrisay shirkad shidaal ka qodeysay gobolka Soomaalida

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa qandaraaska ka joojisay shirkad qaabilsan shidaalka oo laga leeyahay dalka Shiinaha. Shirkadaan oo ay qeyb ahaan leedahay dowladda Shiinaha ayaa shidaal qodis ka waday dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Itoobiya waxay sheegtay inay shirkadda Poly-PGL ay kuu guul-dareysatay inay raacdo heshiiska ku saabsan dhaqaalaha iyo dhanka farsamada ee shidaal soo saarista.

Dadka deegaanka ayaa ku eedeeyay shirkadaan inay sumeysay ceelasha biyaha, kadib markii ay shirkadda ku daadisay waxyaabo waxyeelleynaya deegaanka. Shirkadda kama aysan hadlin eedeymaha loo jeediyay.

Dowladda Itoobiya ayaa qorsheyneysay in ay ka faa’iideysato ceelal shidaal oo laga helay deegaanka Soomaalida, laakiin waxaa jirta cabasho ay dadka Soomaalida ah ka qabaan mashruucaan oo ah mid aad u baaxad weyn.

Shirkad Shiineys ah, oo in muddo ah qiimeyn ku sameyneysay ceelasha shidaalka iyo sida loo wajihi karo howsha qodista, ayaa dhawaan dowladda federaalka Itoobiya u xaqiijisay in la qaadi karo tallaabada ka faa’iideysiga.

Muddo dheer ayay Itoobiya ku howlaneyd inay xog dhammaystiran ka hesho kheyraadka dabiiciga ah ee gaarka ku ah gobolka Soomaalida.

Joe Biden oo JAWAAB ka bixiyey hanjabaadda Putin

0

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay duullaanka madaxweyne Vladimir Putin ee dalka Ukraine, iyada oo hoggaamiyaha dalka Ruushku uu kor u sii qaaday xiisadda dagaal isla markaana uu ku hanjabay inuu isticmaali doono hubka nukliyeerka.

Madaxweynaha oo hadal ka jeedinayey kulanka guud ee sannadlaha ah ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York, ayaa Biden wuxuu khudbaddiisa inta badan u adeegsaday inuu ku cambaareeyo dalka Ruushka.

“aan si cad u hadalno. Xubin joogto ah oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku duulaysa dal deriskooda ah, iskuna dayaysa inay dal madax banaan ka tirtiraan khariiradda caalamka” ayuu yidhi madaxweyne Biden, isaga oo hadalkiisa sii raaciyey.

“Ruushku wuxuu si xishood la’aan ah ugu xadgudbay mabaadi’da aasaasiga ah ee Axdiga Qaramada Midoobay, kaas oo si cad u mamnuucaya in wadamadu ay qaataan dhul ka mida dalalka deriskooda ah”

Xiisaddii dagaal ee ugu weynayd ayaa ka taagan dalka Ukraine, tan iyo markii uu bilaabmay duullaanka Ruushku bishii February 24-keedii, saacado uun ka hor intii aanay madaxda caalamku imanin kulanka ka socda xarunta Qaramada Midoobay, Putin oo ku sugan Moscow ayaa ku dhawaaqay abaabulka qayb ka mida ciidamada milateriga ee dalkaas, isagaa oo u yeedhay illaa 300,000 oo ah ciidamada kaydka ah, wuxuuna wacad ku maray inuu tixgelin doono dhammaan xulashooyinka horyaalla, si loo ilaaliyo waxa uu ugu yeedhay dhulka Ruushka, isaga oo kor u qaaday walaaca laga qabo inuu isticmaalo weerar dhinaca Nukliyeerka ah.

“Haddii midnimada dhuleed ee dalkeena khatar la geliyo, waxaa shaki la’aan ah inaan isticmaali doonno dhammaan hababka kala duwan ee la heli karo, si aan u ilaalino dalka Ruushka iyo dadkeenaba – tani maaha kaftan” ayuu yidhi madaxweyne Putin oo khudbad ka jeediyey telefiishanka.

Madaxweyne Biden ayaa wax aan la qaadan karin ku tilmaamay “hanjabaadda nukliyeerka ee cad ee ka dhanka ah Yurub”, isaga oo ku tilmaamay inay tahay “masuuliyad darro ka dhan ah, heshiisyadii lagu xadidayey faafista hubka nukliyeerka”, taas oo heshiisyo badan oo caalami ahi ay mamnuucayaan in la isticmaalo hubka Nukliyeerka.

VOA

Daawo: Biixi oo toos ugu hanjabay Cali Dheere, fariina u diray dhalinyarada Shabaab-ka ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa maanta mar kale si adag ugu jawaabay afhayeenka kooxda Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).

Taliye Biixi ayaa sheegay in Cali Dheere uu mudo dheer ku soo faanaayey dilka iyo gumaadka umadda Soomaaliyeed, balse hadda ay asaga soo dili doonaan.

“Cali Dheere horay ayaan ugu jawaabay, mana mudna wax loo jawaabo, laakiin waxaan leeyahay Caliyow wax badanaa soo nooleed oo dad Soomaaliyeed inta leysay falilaali-xamdu ka dul tiri, balse maanta adigaan kaa dul dhihi doonaa,” ayuu yiri Jeneraal Biixi oo fariintaan si toos ah ugu diray afhayeenka Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay inay caawi doonaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada ay ka qabsanayaan kooxda Al-Shabaab. “Ujeedka howlgalkaan waa in dadka Soomaaliyeed aan dhibaatada Al-Shabaab ka dul qaadno, godkey galaan ayaan uga daba galeynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Jeneraal Biixi ayaa fariin u diray dhalinyarada ka barbar dagaalanta kooxda Al-Shabaab, isagoo ku baraarujiyey inay badbaadsadaan naftooda qaaliga ah.

“Shabaabow weli jaanis ayaad heysataan, war nin kastow maanta u cararay gurigii ay kaasoo wateen, hortaada u carar oo badbaadso naftaada qaaliga ah, war maxaad ku dhimaneysaan? Walaahi diin kuma dagaalameysaan ee yaan dabka la idinku shubin,” ayuu fariintiisa ku yiri Taliye Biixi.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka ayaa maanta shir jaraa’id oo Hiiraan uu ku qabtay wuxuu ku shaaciyey in howlgalka ka socda gobolkaas lagu dilay 127 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana inta badan gobolka laga wiiqay awoodii kooxda.

Hoos ka daawo

Ciidamada Mareykanka oo caawiyey kacdoonka ka socda Hiiraan iyo Al-Shabaab oo xubno badan laga dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay ka qeyb qaadatay dagaalkii cuslaa ee ka dhacay gobolka Hiiraan, kaas oo lagu jebiyey kooxda Al-Shabaab.

Bayaan ka soo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in laba maalmood ka hor – 18-kii bishaan Sebtembar ay dowladda Soomaaliya ka codsatay inay duqeeyaan maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa degaanka Aboorey oo hoos taga magaalada Buuloburde.

Mareykanku wuxuu sheegay in duqeyntaas lagu dilay 27 xubnood oo Shabaab ah inta la xaqiijiyey, sidoo kalena aysan jirin wax yeelo soo gaartay dad rayid ah.

“Ciidamada Maraykanka ayaa loo fasaxay inay fuliyaan weeraro ay ku difaacayaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warbixinta taliska ciidamada Mareykanka ee ka howlgala qaaradda Afrika.

Sidoo kale Mareykanku wuxuu qiray in dagaalka Hiiraan ay ciidanka xoogga Soomaaliya ka soo hooyeen guulo waaweyn, isla markaana ayaga doorkoodu uu ahaa duqeyn meelaha qaar ah, si loo yareeyo qataraha ay ciidanku kala kulmi karaan kooxda.

“Hawlgalkan ayaa ah kii ugu balaarnaa oo ciidanka Soomaaliya ay fuliyaan muddo shan sano ah,” ayaa lagu yiri warka AFRICOM.

Sidoo kale Taliska Mareykanka ee AFRICOM wuxuu qoraalkaan ku balan qaaday in aad looga taxadari doono waxyeelo soo gaarta rayidka, iyagoo sheegay in kooxda la baacsanayo ee Al-Shabaab ay si joogto ah u wax yeeleyso shacab aan waxaba galabsan.

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa maanta shaaciyey in howlgalka ka socda gobolka Hiiraan lagu dilay 127 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana inta badan gobolkaas laga wiiqay awoodii kooxda.

Daawo: Jeesow oo mid ka mid ah isbitaallada Muqdisho ku qeexay kawaanka dadka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si kulul uga hadlay dhibaatada isbitaalka Yardimeli loogu geystay gabaar dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Muna Axlaa, taasi oo qaliin khaldan looga sameeyey dhanka Caloosha.

Jeesow ayaa sheegay in Isbitaalka Yardimeli uu noqday kawaanka dadka, wuxuuna soo saaray baaq ku socda wasaaradda caafimaadka.

“Walaalayaal Isbitaalka Yardimeli dad badan ayaa ku waxyeeloobay, wuxuu noqday isbitaalka kawaanka dadka, waxaan la’ahay qof gala oo isagoo caafimaad qaba kasoo baxa,” ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Xildhibaan Daahir ayaa sheegay in qof kasta oo taga isbitaalka Yardimeli uu u dhaxeeyo inuu dhinto ama in dhibaato loo geysto.

“Qof kasta oo qalliin u taga mid dhinta iyo mid kale ayey noqdaan, wasaaradda caafimaadka iyadoo mas’uul ka ah inay koontaroolaan isbitaalada sida shaqsiga ah loo leeyahay, waa inay arrintaas baaritaan iyo dabaga ku sameeyaan,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Wuxuu ugu baaqay xarunta dambi baarista ee CID inay si deg deg ah u baarto kiiska gabadhaan oo hadda lagu daweenayo Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

“CID waxaan ka codsanayaa hadduu uu kiiskan soo gaaray waa inay kiiskaan si maamuus leh u qaadaan, waayo Muna Axlaa waaye qofka aan ka hadlayo aniga xildhibaankeeda ayaan ahay waxyeelada loo geystay dhib weyn ayey igu leeyahay,” ayuu yiri mar kake.

Jeesow ayaa ku baaqay in dib looga fiirsado Isitaalka Yardimel,i isagoo taas sabab uga dhigay in dad badan lagu dhibaateeyey.

“Hay’adaha caddaaladda waa inay dhaqaatiirtii dhibaatada u geystay cadaaladda hor keenaan, waxaana ku baaqayaa in guud ahaanba isbitaalkaas dib looga fiirsado, waana in la xiro inta uu baaritaanka socdo sababtoo ah dad badan ayaa lagu dhibaateeyey,” ayuu yiri Jeesoow oo shir jaraa’id qabtay.

Ugu dambeytii xildhibaanka ayaa ugu baaqay in qof kasta oo lagu dhibaateeyey Isbitaalkaas uu soo hadlo isla markaasna ay diyaar u yihiin inay u qabtaan Abuukaatayaal u doodo.’

Hadalka xildhibaan Jeesow ayaa yimid kadib markii Muna Axlaa ay shalay ka hadashay dhibaatadii loo geystay Yardimeli oo ah Isbitaalk ay joogaan dhaqaatiir ajaanib ah.

Halkaan hoose ka akhriso warka ku saabsan dhibaatada loo geystay Muna Axlaa

Daawo: MUNA AXLAA oo faahfaahisay dhibkii lagu gaarsiiyey isbitalka Yardimeli

DF oo war kasoo saartay cudurka Ebola iyo go’aano cusub oo lagu dhowaaqay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday go’aamo cusub oo looga hortagayo cudurka Ebola oo dhawaan kiisas cusub oo la xiriira cudurkaas laga soo wariyay dalka Uganda.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay inay bilaabeyso baaritaan la xiriira caabuqa Ebola oo lagu sameynayo dhamaan muwaadiniinta iyo musaafiriinta ka imaneysa wadanka Uganda oo uu caabuqa kasoo cusboonaaday.

“Wasaaradda Caafimaadka JFS oo kaashanaysa Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda iyo Hay’adaha Qaranka ee u xil saran ilaalinta xuduudaha iyo marinada isu-gudubka bulshada, waxa ay qaadi doontaa talaabooyin looga hortagayo in uu cudurka soo gaaro dalka, maadaama wadanka Uganda oo hadda laga helay kiisas cusub ay ku nool yihiin Soomaali badan oo u soo socdaala magaalada Muqdisho iyo qeybaha kale ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa imanaya maalin kadib markii ay Wasaaradda caafimaadka ee dalka Uganda shaacisay in tan iyo sanadkii 2019-kii ay markii ugu horreysay diiwaan-gelisay dhimashadii koowaad ee ka dhalatay cudurka Ebola.

Agaasimaha hay’adda caafimaadka adduunka qaybteeda qaaradda Afrika Matshidiso Moeti ayaa sidoo kale laga soo xigtay inay tahay markii ugu horreysay in ka badan toban sano oo Uganda laga diiwaan-geliyay faraca Ebola ee sanadkii 1976-dii ka dillaacay dalka Suudaan.

Waxaa durtaba feejignaan dheeriya laga dareemaya dalalka dariska oo ayagu ku dhawaaqay tallaabooyin caafimaad oo looga hortagayo cudurka, xili aan weli si buuxda looga soo kabsan saameyntii ka dhalataya Coronavirus.

Sawirro: Adeegga duulista hawada Soomaaliya oo lagu sameeyey horumarin weyn

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xariga ka jaray adeega duulista hawada Soomaaliya oo horumarin lagu sameeyay, islamarkaana la gaarsiiyay heerka ugu sareeya ee lagu qiimeeyo adeega hawada caalamka.

Ra’isul Wasaaraha oo hadal ka jeediyey munaasabaddda xarig-jarka oo ka dhacday xarunta Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay heerkan la gaaray u leedahay horumarka dalka iyo guud ahaan dib u habeynta casriga ah ee adeegga hawada Soomaaliya.

Waxa uu xusay in horumarinta lagu sameeyay adeega hawada dalku uu keenayo kobac dhaqaale oo ka qeyb qaadanaya horumarka iyo isku filnaashaha dhaqaale ee uu qaranku hiigsanayo.

Sidoo kale waxa uu u mahad celiyay cid kasta oo gacan ka geysatay guusha laga gaaray hagaajinta adeega duulista hawada dalka.

Ugu dambeyntiina Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Fardowsa Cusmaan Cigaal iyo Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka, Axmed Macallin ayaa ka warbixiyay dadaalkii lagu soo gaaray heerka maanta ay u gudubtay hey’adda maamusha hawada dalka, kaasi oo lagu qiimeeyo adeega hawada caalamka.

Putin oo u yeeray ciidamada keydka xilli uu qorsheynayo tallaabo cusub oo xasaasi ah

0

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa amray abaabul militari oo cusub, isaga oo maanta wacad ku maray inuu adeegsan doono “wax kasta oo uu heli karo” si uu u ilaaliyo dhulka Ruushka.

Tallaabada uu Putin qaaday ayaa timid kadib markii gobollada Moscow ay haysato ee Ukraine ay ku dhowaaqeen afti ay ugu biirayaan Ruushka.

Codbixintan oo Kyiv iyo Reer Galbeedka ay ugu yeereen “been abuur” ayaa heer cusub gaarsiinaysa dagaalka toddobada bil ka socda Ukraine, ayada oo Moscow siinaysa awood ay ugu eedeyso ciidamada Ukraine inay weerareen dhulka Ruushka.

Afar gobol oo ka tirsan Ukraine oo ay haystaan Ruushka kuwaas oo kala ah: Donetsk iyo Lugansk oo ku yaalla bariga iyo Kherson iyo Zaporizhzhia oo dhaca koonfurta ah, ayaa sheegay Talaadadii inay afti dadweyne qaadi doonaan muddo shan maalmood ah oo ka billaabaneysa Jimcaha.

Khudbad horey loo duubay oo uu maanta u jeediyey qaranka, ayuu Putin ku eedeeyey Reer Galbeedka inay isku dayayaan “inay burburiyaan” dalkiisa ayaga oo taageeraya Kyiv, wuxuuna sheegay in Ruushka looga baahan yahay inay taageeraan kuwa ku sugan Ukraine ee doonaya “inay go’aan ka gaaraan mustaqbalkooda.”

Waxa uu sidoo kale ku dhowaaqay abaabul militari oo cusub, ayada oo wasiirka difaaca Sergei Shoigu uu taleefishinka dowladda u sheegay in 300,000 oo askari oo ciidamada keydka ah loo yeeri doono.

“Marka madax-banaanida dhuleed ee dalkeena la halis geliyo, waxaan adeegsan doonnaa wax kasta oo aan heli karno oo aan ku ilaalineyno Ruushka iyo shacabkeena. Tani ma ahan cayaar,” ayuu yiri Putin.

Putin waxa uu sidoo kale sheegay in ayaga oo taageeraya Ukraine ay Reer Galbeedka isku dayayaan “inay wiiqaan, kala qeybiyaan, islamarkaana ay burburiyaan” dalkiisa.

Tallaabada ay qaaday Moscow ayaa imaneysa ayada oo ciidamada Ruushka ee Ukraine ay wajahayaan caqabaddii ugu xooganeyd tan iyo markii uu dagaalka billowday.

Ciidamada Ukraine ayaa toddobaadyadii dhowaa qabsaday boqolaal magaalo iyo deegaano oo ay bilo haysteen Ruushka.

AFP + VOA

Maxaa xigaya kadib soo afjarista howlgalkii HIIRAAN?

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa lasoo afjaray howl-galkii balaarnaa ee maalmahaan ka socday gobolka Hiiraan sida uu warbaahinta dowladda ka shaaciyay Taliyaha ciidamada dhulka ee xooga dalka Soomaaliyeed, General Maxamed Tahliil Biixi.

Inta uu socday howl-galkaan oo loogu magac daray Waabari 2 ayaa waxa lagu dilay 127 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, ayada oo la furay laamiga dheer ee isku xira Beledweyne iyo Buulo-burte oo markii hore ay gooyeen Al-Shabaab.

Haddaba, Maxaa xigaya soo afjarista howl-galka Hiiraan?

Taliyaha ciidanka xooga dalka General Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Saraakiil iyo ciidan ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa ugu baaqay inay sii balaariyaan howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolada dalka.

Odowaa ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in howl-galada qeyb ka noqdaan shacabka ku nool deegaanada ay weli ku sugan yihiin Al-Shabaab ay qeyb ka noqdaan dagaalka.

“Ma jirto umad helaysa nabad iyada oo aan bixin dhiigeeda, majirto umad helaysa Xorriyad iyo nolol wanaagsan iyada oo aanay u bixin qaybo kamid ah bulshadeeda naftooda iyo weliba dhiigooda, waxa aan rabaa in aan guud ahaan idin kaga mahad-celiyo howsha qaranka aad u haysaan oo xaqiiqatan afka kuma soo koobi karno waxyaabaha qalbiyadeena ku jira,” ayuu yiri General Odowaa.

Sidoo kale wuxuu ciidamada dagaalka ku jira ka codsaday inay u dulqaataan xaaladaha kala duwan oo ay la kulmayaan inta ay ku guda-jiraan howl-galada, isaga oo ku dardaaray inay sii kordhiyaan howl-galadooda.

“Midka aad kasoo dulqaadeen cadowga wuu ku faraxsan yahay, midka dhimana waxa uu rajeynayaa in aad ka dulqaadaan, mana dareemayo wax xorriyad ah ama nolol ah inta ay dulsaaran yihiin nimankaan Argagixisada ah.”

Taliyaha ciidanka xooga dalka ayaa qeyb ka ah masuuliyiin ku sugan jiida hore ee dagaalka oo ay kamid yihiin Wasiirka Gaashaandhiga iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda federaalka, kuwaasi oo la kulmay askarta iyo saraakiisha hogaamineysa howl-galada.