27.4 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Sawirro: Adeegga duulista hawada Soomaaliya oo lagu sameeyey horumarin weyn

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xariga ka jaray adeega duulista hawada Soomaaliya oo horumarin lagu sameeyay, islamarkaana la gaarsiiyay heerka ugu sareeya ee lagu qiimeeyo adeega hawada caalamka.

Ra’isul Wasaaraha oo hadal ka jeediyey munaasabaddda xarig-jarka oo ka dhacday xarunta Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay heerkan la gaaray u leedahay horumarka dalka iyo guud ahaan dib u habeynta casriga ah ee adeegga hawada Soomaaliya.

Waxa uu xusay in horumarinta lagu sameeyay adeega hawada dalku uu keenayo kobac dhaqaale oo ka qeyb qaadanaya horumarka iyo isku filnaashaha dhaqaale ee uu qaranku hiigsanayo.

Sidoo kale waxa uu u mahad celiyay cid kasta oo gacan ka geysatay guusha laga gaaray hagaajinta adeega duulista hawada dalka.

Ugu dambeyntiina Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Fardowsa Cusmaan Cigaal iyo Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka, Axmed Macallin ayaa ka warbixiyay dadaalkii lagu soo gaaray heerka maanta ay u gudubtay hey’adda maamusha hawada dalka, kaasi oo lagu qiimeeyo adeega hawada caalamka.

Putin oo u yeeray ciidamada keydka xilli uu qorsheynayo tallaabo cusub oo xasaasi ah

0

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa amray abaabul militari oo cusub, isaga oo maanta wacad ku maray inuu adeegsan doono “wax kasta oo uu heli karo” si uu u ilaaliyo dhulka Ruushka.

Tallaabada uu Putin qaaday ayaa timid kadib markii gobollada Moscow ay haysato ee Ukraine ay ku dhowaaqeen afti ay ugu biirayaan Ruushka.

Codbixintan oo Kyiv iyo Reer Galbeedka ay ugu yeereen “been abuur” ayaa heer cusub gaarsiinaysa dagaalka toddobada bil ka socda Ukraine, ayada oo Moscow siinaysa awood ay ugu eedeyso ciidamada Ukraine inay weerareen dhulka Ruushka.

Afar gobol oo ka tirsan Ukraine oo ay haystaan Ruushka kuwaas oo kala ah: Donetsk iyo Lugansk oo ku yaalla bariga iyo Kherson iyo Zaporizhzhia oo dhaca koonfurta ah, ayaa sheegay Talaadadii inay afti dadweyne qaadi doonaan muddo shan maalmood ah oo ka billaabaneysa Jimcaha.

Khudbad horey loo duubay oo uu maanta u jeediyey qaranka, ayuu Putin ku eedeeyey Reer Galbeedka inay isku dayayaan “inay burburiyaan” dalkiisa ayaga oo taageeraya Kyiv, wuxuuna sheegay in Ruushka looga baahan yahay inay taageeraan kuwa ku sugan Ukraine ee doonaya “inay go’aan ka gaaraan mustaqbalkooda.”

Waxa uu sidoo kale ku dhowaaqay abaabul militari oo cusub, ayada oo wasiirka difaaca Sergei Shoigu uu taleefishinka dowladda u sheegay in 300,000 oo askari oo ciidamada keydka ah loo yeeri doono.

“Marka madax-banaanida dhuleed ee dalkeena la halis geliyo, waxaan adeegsan doonnaa wax kasta oo aan heli karno oo aan ku ilaalineyno Ruushka iyo shacabkeena. Tani ma ahan cayaar,” ayuu yiri Putin.

Putin waxa uu sidoo kale sheegay in ayaga oo taageeraya Ukraine ay Reer Galbeedka isku dayayaan “inay wiiqaan, kala qeybiyaan, islamarkaana ay burburiyaan” dalkiisa.

Tallaabada ay qaaday Moscow ayaa imaneysa ayada oo ciidamada Ruushka ee Ukraine ay wajahayaan caqabaddii ugu xooganeyd tan iyo markii uu dagaalka billowday.

Ciidamada Ukraine ayaa toddobaadyadii dhowaa qabsaday boqolaal magaalo iyo deegaano oo ay bilo haysteen Ruushka.

AFP + VOA

Maxaa xigaya kadib soo afjarista howlgalkii HIIRAAN?

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa lasoo afjaray howl-galkii balaarnaa ee maalmahaan ka socday gobolka Hiiraan sida uu warbaahinta dowladda ka shaaciyay Taliyaha ciidamada dhulka ee xooga dalka Soomaaliyeed, General Maxamed Tahliil Biixi.

Inta uu socday howl-galkaan oo loogu magac daray Waabari 2 ayaa waxa lagu dilay 127 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, ayada oo la furay laamiga dheer ee isku xira Beledweyne iyo Buulo-burte oo markii hore ay gooyeen Al-Shabaab.

Haddaba, Maxaa xigaya soo afjarista howl-galka Hiiraan?

Taliyaha ciidanka xooga dalka General Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Saraakiil iyo ciidan ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa ugu baaqay inay sii balaariyaan howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolada dalka.

Odowaa ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in howl-galada qeyb ka noqdaan shacabka ku nool deegaanada ay weli ku sugan yihiin Al-Shabaab ay qeyb ka noqdaan dagaalka.

“Ma jirto umad helaysa nabad iyada oo aan bixin dhiigeeda, majirto umad helaysa Xorriyad iyo nolol wanaagsan iyada oo aanay u bixin qaybo kamid ah bulshadeeda naftooda iyo weliba dhiigooda, waxa aan rabaa in aan guud ahaan idin kaga mahad-celiyo howsha qaranka aad u haysaan oo xaqiiqatan afka kuma soo koobi karno waxyaabaha qalbiyadeena ku jira,” ayuu yiri General Odowaa.

Sidoo kale wuxuu ciidamada dagaalka ku jira ka codsaday inay u dulqaataan xaaladaha kala duwan oo ay la kulmayaan inta ay ku guda-jiraan howl-galada, isaga oo ku dardaaray inay sii kordhiyaan howl-galadooda.

“Midka aad kasoo dulqaadeen cadowga wuu ku faraxsan yahay, midka dhimana waxa uu rajeynayaa in aad ka dulqaadaan, mana dareemayo wax xorriyad ah ama nolol ah inta ay dulsaaran yihiin nimankaan Argagixisada ah.”

Taliyaha ciidanka xooga dalka ayaa qeyb ka ah masuuliyiin ku sugan jiida hore ee dagaalka oo ay kamid yihiin Wasiirka Gaashaandhiga iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda federaalka, kuwaasi oo la kulmay askarta iyo saraakiisha hogaamineysa howl-galada.

Magacyada illaa 40 qof oo Somali-Mareykan ah oo lagu soo oogay dacwad culus

0

Minneapolis (Caasimada Online) – Waaxda Cadaaladda Mareykanka ayaa ku dhowaaqday dacwado ka dhan ah 47 qof oo badankood Soomaali ah oo lagu eedeeyey inay ku lug yeesheen xatooyadii ugu weyneyd Mareykanka ee lagu sameeyey lacago looga talo-galay gargaarka COVID-19.

Caasimada Online ayaa heshay magacyada dadkan oo ku jira lix liis dacwadeed oo kala duwan, waxaana loo haystaa kaalinta ay ku lahaayeen $250 milyan oo laga xaday barnaamij ay dowladda federaalka Mareykanka ugu talo-gashay nafaqeynta caruurta.

Dhammaan dadkan kuma jiraan kuwa lagu caddeeey dambiga loo haysto, waxayna sugayaan maxkamadeyn. Kuwa badan oo ka mid ah ayaa si toos ah ama ayaga marinaya qareenadooda sheegay inaysan wax dambi ah gelin.

Xeer-ilaaliyaha qaranka Mareykanka ee gobolka Minnesota, Andy Luger ayaa Talaadadii sheegay in qaar ka mid ah dadkaas lasoo xiray.

Dacwadaha illaa hadda lagu soo oogay dadkan waxaa ka mid ah shirqool, khiyaano lacag diris, been xalaaleyn lacag, iyo laaluush.

Dacwad oogayaasha federaalku waxay sheegeen in eedaysanayaasha ay heleen, lunsadeen, oo ay lacag been xalaaleeyeen malaayiin dollar ah oo ay dowladda ka dalbadeen ayaga oo sheegaya inay tahay cunno ay ku quudiyeen caruurta qoysaska saboolka ah.

Haddaba waa kuwan magacyada dadka dacwadaha lagu soo oogay iyo kiisas dacwadeedka ay ku jiraan:

Magacyada soo socda waxay ku jiraan kiis dacwadeedka United States v. Aimee Marie Bock et al. 

1- Aimee Marie Bock, oo ah 41 jir degan Apple Valley, Minnesota, aas-aasaha iyo agaasimaha hay’adda Feeding Our Future.

2- Abdikerm Abdelahi Eidleh, oo ah 39 jir degan Burnsville, Minnesota, shaqaale ka tirsan Feeding Our Future.

3- Salim Ahmed Said, oo ah 33 jir degan Plymouth, Minnesota, milkiile iyo shaqaale maqaayadda Safari Restaurant.

4- Abdulkadir Nur Salah, oo ah 36 jir degan Columbia Heights, Minnesota, milkiile iyo shaqaale maqaayadda Safari Restaurant.

5- Ahmed Sharif Omar-Hashim, oo sidoo kale loo yaqaan “Salah Donyale,” oo ah 39 jir degan Minneapolis, Minnesota, aas-aasaha shirkadda Olive Management Inc.

6- Abdi Nur Salah, oo ah 34 jir degan Minneapolis, Minnesota, kaaliyihii hore ee siyaasadda ee duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey, kadibna iibsaday hay’adda Stigma-Free International.

7- Abdihakim Ali Ahmed, oo ah 36 jir degan Apple Valley, Minnesota, aas-aasaha shirkadda ASA Limited LLC.

8- Ahmed Mohamed Artan, oo ah 37 jir degan Minneapolis, Minnesota, oo soo noqday madaxa hay’adda Stigma-Free International.

9- Abdikadir Ainanshe Mohamud, oo loo yaqaan “AK,” ahna 30 jir degan Fridley, Minnesota, oo madax ka ahaa qeybta Stigma-Free ee Willmar.

10- Abdinasir Mahamed Abshir, oo ah 30 jir degan Minneapolis, Minnesota, oo madax ka ahaa qeybta Stigma-Free ee Mankato.

11- Asad Mohamed Abshir, oo ah 32 jir degan Mankato, Minnesota, oo wax ka maamulayey qeybta Stigma-Free ee Mankato.

12- Hamdi Hussein Omar, oo ah 26 jir degan St. Paul, Minnesota, oo maamuleysay qeybta Stigma-Free ee Waite Park.

13- Ahmed Abdullahi Ghedi, oo ah 32 jir degan Minneapolis, Minnesota, oo wax ka aas-aasay shirkadda ASA Limited LLC.

14- Abdirahman Mohamud Ahmed, oo sidoo kale loo yaqaan “Chef Abcos,” oo ah 54 jir degan, Columbus, Ohio, ahna milkiilaha maqaayadda Afra Grill.

Magacyada soo socda waxay ku jiraan kiis dacwadeedka United States v. Abdiaziz Shafii Farah et al.

15- Abdiaziz Shafii Farah, oo ah 33 jir degan Savage, Minnesota, oo ah milkiile iyo shaqaale ka tirsan maqaayadda Empire Cuisine and Market LLC.

16- Mohamed Jama Ismail, oo ah 49 jir degan Savage, Minnesota, oo ah milkiile iyo shaqaale ka tirsan maqaayadda Empire Cuisine and Market LLC.

17- Mahad Ibrahim, oo ah 46 jir degan, Lewis Center, Ohio, madaxa iyo milkiilaha hay’adda ThinkTechAct Foundation.

18- Abdimajid Mohamed Nur, oo ah 21 jir degan Shakopee, Minnesota, oo aas-aasay shirkadda Nur Consulting LLC.

19- Said Shafii Farah, oo ah 40 jir degan Minneapolis, Minnesota, milkiilaha dukaanka Bushra Wholesalers LLC, lana dhashay Abdiaziz Farah.

20- Abdiwahab Maalim Aftin, oo ah 32 jir degan Minneapolis, Minnesota, milkiilaha dukaanka Bushra Wholesalers LLC.

21- Mukhtar Mohamed Shariff, oo ah 31 jir degan Bloomington, Minnesota, madaxa shirkadda Afrique Hospitality Group.

22- Hayat Mohamed Nur, oo ah 25 jir degan Eden Prairie, Minnesota, lana dhalatay Abdimajid Mohamed Nur lana tuhunsan yahay inay kala qeyb qaadata xatooyada la tuhunsan yahay. 

Magacyada soo socda waxay ku jiraan kiis dacwadeedka United States v. Qamar Ahmed Hassan, et al.

23- Qamar Ahmed Hassan, oo ah 53 jir degan Brooklyn Park, Minnesota, milkiilaha iyo shaqaale shirkadda S & S Catering

24- Sahra Mohamed Nur, oo ah 61 jir dega Saint Anthony, Minnesota, maamule ka tirsan ururka Academy for Youth Excellence.

25- Abdiwahab Ahmed Mohamud, oo ah 32 jir degan Brooklyn Park, Minnesota, maamule ka tirsan Academy for Youth Excellence.

26- Filsan Mumin Hassan, oo ah 28 degan Brooklyn Park, Minnesota, maamule ka tirsan Youth Higher Educational Achievement.

27- Guhaad Hashi Said, oo ah 46 jir degan Minneapolis, Minnesota, maamul ka tirsan ururka Advance Youth Athletic Development. 

28- Abdullahe Nur Jesow, oo ah 62 jir degan Columbia Heights, Minnesota, ka tirsan Academy for Youth Excellence. 

29- Abdul Abubakar Ali, oo ah 40 jir degan St. Paul, kana tirsan ururka Youth Inventors Lab site.

30- Yusuf Bashir Ali, oo ah 40 jir degan Vadnais Heights, Minnesota, kana tirsan ururka Youth Inventors Lab site.

Magacyada soo socda waxay ku jiraan kiis dacwadeedka United States v. Haji Osman Salad, et al.

31- Haji Osman Salad, oo ah 32 jir degan St. Anthony, Minnesota, maamulaha maqaayadda Haji’s Kitchen.

32- Fahad Nur, oo ah 38 jir degan Minneapolis, Minnesota, maamulaha The Produce LLC.

33- Anab Artan Awad, oo ah 52 jir degan, Plymouth, Minnesota, madaxa ururka Multiple Community Services.

34- Sharmarke Issa, oo ah 40 jir degan Edina, Minnesota, aas-aasaha shirkad lagu magacaabo Minnesota’s Somali Community iyo maamulaha maqaayqadda Wacan Restaurant LLC.

35- Farhiya Mohamud, oo ah 63 jir degan Bloomington, Minnesota,  maamulaha Dua Supplies and Distribution Inc.

Magacyada soo socda waxay ku jiraan kiis dacwadeedka United States v. Liban Yasin Alishire, et al.

36- Liban Yasin Alishire, oo ah 42 jir degan Brooklyn Park, Minnesota, maamulaha iyo milkiilaha ururka Community Enhancement Services Inc.

37- Ahmed Yasin Ali, oo ah 57 jir degan Brooklyn Park, Minnesota, wuxuu sameeyey goob cunada lagu qeybiyo oo ay maamusho Lake Street Kitchen kana tirsan JigJiga Business Center.

38- Khadar Jigre Adan, oo ah 59 jir degan Lakeville, Minnesota, madaxa goob cunada laga bixiyo oo ay maamusho Lake Street Kitchen kana tirsan JigJiga Business Center.

Magacyada soo socda waxay ku jiraan kiis dacwadeedka United States v. Sharmarke Jama, et al.

39- Sharmake Jama, oo ah 34 jir degan Rochester, Minnesota, maamulaha maqaayadda Brava Restaurant and Cafe LLC. 

40- Ayan Jama, oo ah 43 jir degan Rochester, Minnesota, maamule ka tirsan maqaayadda Brava Restaurant and Cafe LLC.

41- Asha Jama, oo ah 39 degan Lakeville, Minnesota, kana shaqeysay maqaayadda Brava Restaurant.

42- Fartun Jama, oo ah 35 jir degan Rosemount, Minnesota, kana shaqeysay maqaayadda Brava Restaurant.

43- Mustafa Jama, oo ah 45 jir degan Rochester, Minnesota, kana shaqeeyey maqaayadda Brava Restaurant.

44- Zamzam Jama, oo ah 48 jir degan Rochester, Minnesota, kana shaqeysay maqaayadda Brava Restaurant.

Magacyada soo socda waa shaqsiyaad si gaar ah dacwad loogu soo oogay, waxaana mid walba loo haystaa hal xisaab dacwad 

45- Bekam Addissu Merdassa, oo ah 39 jir degan Inver Grove Heights, Minnesota.

46- Hadith Yusuf Ahmed, oo ah 34 jir degan Eden Prairie, Minnesota.

47- Hanna Markegn, oo ah 40 jir degan Edina, Minnesota.  

Daawo: DF oo ku dhowaaqday in lasoo afjaray howlgalkii ka socday gobolka Hiiraan

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Maxamed Tahliil Biixi oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in lasoo afjaray howlgalkii balaarnaa ee maalmahaan ka socday gobolka Hiiraan.

Taliye Biixi ayaa sheegay in intii uu socday howlgalkan oo loogu magac daray Waabari 2 lagu dilay 127 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

“Argagaxisada waxaa halkan looga dilay 127 Al-Shabaab ah oo cadowgii ah, laguna dilay dagaalladii kala duwanaa ee ka dhacay Hiiraan” ayuu yiri taliye Biixi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xubnaha kale ee Al-Shabaab ay ka firxadeen Hiiraan, isla-markaana ay howlgalladu sii wadi doonaan inta laga xoreynayo dalka oo dhan.

“Firxadkooda waxaa naloo sheegay inay sii yaacayaan, iyaga oo ku yaacaya si aan talo ku jirin oo qof walba meeshii ka horreysay uu orday,” ayuu sii raaciyey.

Taliyaha ciidamada dhulka oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale xusay in la furay laamiga dheer ee isku xira Beledweyne iyo Buuloburte oo markii hore ay gooyeen Al-Shabaab.

“Waxaan rabaa inaan halkan ka caddeeyo waddada laamiga ah ee Beledweyne, illaa Buuloburde inay furan tahay oo maanta cadow ku dhex jira uusan jirin,” ayuu markale yiri.

Ugu dambeyn wuxuu boggaadiyey ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka Macawiisleyda ee fuliyey howlgalladaasi, isaga oo sidoo kale u mahadceliyey dhammaan reer Hiiraan.

Sawirro: GOBOL cusub oo looga dhowaaqay billowga kacdoon ka dhan ah Shabaab

0

Xudur (Caasimada Online) – Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, Maamulka Gobolka Bakool iyo Odayaasha Dhaqanka ayaa Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ku yeeshay kulan looga hadlayay, sidii gobolka looga bilaabi lahaa guluf ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.

Kulankan oo uu soo qaban-qaabiyay Gudoomiyaha Gobolka Bakool, Maxamed Cabdi Tool, ayna ka qaybgaleen Saraakiisha Guutada 9aad, Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Odayaasha Dhaqanka ee Degmooyinka Xudur, Tiyeeglow iyo Rabdhuure ayaa laga soo saaray in si degdeg gobolka looga bilaabo guluf xididada loogu siibayo mintidiinta ka hawlgasha gobolkaasi, iyadoo dagaalka ay door weyn ku yeelanayaan shacabka, oo abaabulkooda iyo isku xirkooduna ay leeyihiin Hoggaanka Dhaqanka.

Xubno ka mida Odayaasha Dhaqanka oo kulanka ka dib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la isku afgartay in si wadajir ah loola dagaalamo maleeshiyada Al Shabaab.

Odayaasha Dhaqanka ayaa bidhaamiyay inay safka hore ku wehlin doonaan ciidamada iyo shacabka diyaarka u ah ciribtirka maleeshiyadaasi.

“Saacaddan laga bilaabo dagaal ayaa lagu baaqay meeshii ay nala gaarto, hanala gaarto, ninkii tiisa gashaa dhimanayo, maxaa yeelay dalna ma hayno, dadna ma hayno. Al Shabaab markii horeba dadka way dhameynaysay, haddana ha dhameyso, xoolihii harayna ha dhameystirto, annaga dagaalkan waan galaynaa,” ayuu yiri mid ka mida Odayaashii Dhaqanka ee Warbaahinta la hadlay.

Taliyaha Guutada 9aad, Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Cabdi Maxamed Gaagaale ayaa soo dhaweeyay go’aanka adag, ee ay Odayaasha Dhaqanka qaateen.

“Waxaan rajeynaynaa in hawlgalkaas uu guul ku bilowdo, guulna uu ku soo dhammaado.” Ayuu yiri Taliye Gaagaale oo intaasi ku daray “Shacabku aad iyo aad bay diyaar u yihiin, wayna u haylan yihiin hawlgalkan, annaguna waan garab taaganahay, mar walbana waxaan diyaar u ahayn difaaca dalka, dadka iyo diintaba.”

Maxamed Cabdi Tool, Gudoomiyaha Gobolka Bakool ayaa dhankiisa sheegay inay dagaal la geli doonaan Shabaab, iyagoo markaasi wax la qaba shacabka Soomaaliyeed.

“Gobolka Bakool, saacaddan wixii ka bilowdo abaabul ayaan galnay, dagaalka waan galaynaa, Soomaalida ayaana wax la qaybsanaynaa. Dhibaato kasta dagaalka ha lahaado, Soomaalida ayaan wax la qabnaa,” ayuu yiri Gudoomiye Tool.

Tool ayaa yiri “Xoreynta dalka ayaan ka qayb qaadanaynaa, cadowga toban iyo shan sano ayuu na dul fadhiyay, waa inaan annaga iska kicinaa, sida dadka kale.”

Tani ayaa imaanaysa, xilli Gobolada Dhexe ay ka socdaan hawlgalo uu hadafku yahay in Shabaabka lagaga sifeeyo bartamaha dalka, waana guluf ay door muhiim ah ku leeyihiin shacabka goboladaasi.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horaan bogaadiyay kacdoonka shacabka, ee ay isaga dulqaadayaan maleeshiyada Al Shabaab.

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo olole laba weji leh ka dhex billaabay shirka QM

0

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamuud oo haatan ku sugan waddanka Mareykanka ayaa ka qayb-galay furitaanka Meertada 77-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay oo ka furantay magaalada New York.

Shirka ayaa waxaa sanadkan diiradda lagu saarayaa arrimo ay ka mid yihiin yareynta saboolnimada xasillooni darrada, horumarinta waxbarashada, shaqo abuurka dhallinyarada, xal u helidda musiibooyinka dabiciiga ah iyo sidoo kale xuquuqda dadka la hayb sooco.

Xasan Sheekh oo la filayo inuu khudbad ka jeediyo shirka QM ayaa soo bandhigi doono aragtida dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasiloonida iyo nabadda, dagaalka ka dhanka Al-Shabaab, wax ka qabashada abaaraha iyo gurmadka deg-degga ah iyo caqabadaha ay la tacaalayaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Shucuubta Gobolka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale olole laba weji leh ka dhex bilaabay golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay, kaas oo ku aadan qorshaha dowladda ee la la xiriira la dagallanka saboolnimada iyo argagixisada, sida ay shaaca ka qaaday Villa Soomaaliya.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa ka wada Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey Olole ku aaddan aragtida iyo qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira la dagallanka saboolnimada iyo argagixisada, kuwaas oo shacabka Soomaaliyeed ay kala soo kulmeen dhibaato xooggan, haatanna la joogo xilligii laga gacan siin lahaa dowladda Soomaaliyeed in ay dhibaatadaas ka samata bixiso dadkeeda iyo guud ahaan Geeska Afrika,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay Villa Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay New York kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madaxda ka qayb-galeysa shirka QM iyo ururada caalamiga ah ee madasha ku sugan, isaga oo kala hadli doono xaaladaha adag ee haatan ka jira dalka.

Soomaaliya ayaa waxa ay wajaheysaa xaalado is biirsaday, sida abaaro daran, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo khilaafaad siyaasadeed oo weli ka jira gudaha waddanka.

QOOR QOOR oo bogaadiyey baarlamanka kadib muddo kordhintii ay u sameeyeen

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo xalay soo xiray kalfadhiga 5-aad ee baarmanaaka maamulkaasi ayaa ammaan iyo bogaadin u jeediyey xildhibaannada Galmudug oo intii uu socday kalfadhigan isaga u sameeyey muddo kordhin hal sanno ah.

Qoor Qoor ayaa shaaca ka qaaday in baarlamaanka uu shaqo wanaasagn soo qabtay muddada uu furnaa kalfadhigan, taas oo ka mid ah waajibaadka loo igmaday.

“Sida kalfadhigii shanaad shaqooyinka muhiimka ah ee dhaxal-galka ah ee Galmudug u soo qabteen ee waajibaadkooda u guteen sidii mas’uuliyadood aay aheyd,” ayuu yiri Qoor Qoor.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in kalfadhigaan uu ka qiimo badnaa kalfadhiyadii hore, isla-markaana lagu meel-mariyey shuruucdii loogu baahi badnaa oo ay ku jirto wax ka beddel lagu sameeyey dastuurka dowlad goboleedka Galmudug.

“Kalfadhiga shanaad wuxuu noogu soo xirmay meel kalfdhiyadii hore ka qiimo badan ku soo aaday fursado badan shuruucdii loogu baahi badnaa lagu meel mariyey iyo waddankoo xorey ay ka socoto bay nagu soo aaday,” ayuu markale yiri madaxweynaha Galmudug.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday dagaalka Al-Shabaab, isaga oo xildhibaanada ugu baaqay inay qaataan doorka kaaga aadan howlgallada ka dhanka ah kooxdaasi.

“Baarlamaanka sharafta leh waxaan ka codsaneynaa inaaan ka wada qayb qaadano dagaalka Al-Shabaab, haddii ay tahay xoolo, ciidan iyo haddii ay tahay baraarujin,”.

Qoor Qoor ayaa sidoo kale xalay sixiixay laba sharci oo kala ah sharciga xisbiyada iyo sharciga guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, kuwaas oo muhiim u ah Galmudug.

HirShabeelle oo ballan-qaad ka sameysay kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka HirShabelle oo war-saxaafadeed kasoo saaray kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo shacabka, ayaa ballan-qaaday inay gurmad ah deg deg ah gaarsiin doonaan deegaanada laga saaray kooxda.

Qoraalka kasoo baxay HirShabelle ayaa sidoo kale lagu xusay magacyada deegaanada laga qabsaday Al-Shabaab, ayada oo maamulka bogaadiyay guulaha muhiim ka ah ee laga gaaray howl-galada baahsan ee lagu ciribtirayo argagixisada.

“Qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa suuragaliyay inay xoreeyaan deegaano dhowr ah oo argagixisada AS ay hore u maamulayeen jab xooganna lagu gaarsiiyay dagaaladii lala galay sida deegaanada, Yasooman, Nuur fanax, Buuraha qayaayaale, Garasyaani, Aboorey, Tardo, Sagal geed, Geedsamo, Inameey iyo Booco oo maanta laga saaray cadowga,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowlad-goboleedka HirShabelle.

Sidoo kale waxa lagu sheegay qoraalka inay maamulka ka go’an tahay xoreynta deegaanada ku jira gacanta cadowga, iyada oo kaashaaneysa ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanka.

“Waxaa ugu baaqeyna qeybaha kala duwan ee bulshada inay u istaagaan ka qeyb-galka howlagalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo ku caan baxday daadinta dhiiga shacabka iyo dhaca hantida umadda.”

Ugu dambeyntiina waxa lagu xusay in dolwad-goboleedka HirShabelle uu si dhow ula socdo xaaladaha nololeed ee ka jira deegaanada laga saaray cadowga, kuwaasi oo u baahan gurmad deg deg ah.

Soomaaliya oo la sheegay in afartii ilbiriqi ee kasta inuu hal qof gaajo u dhinto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hal qof ayaa lagu qiyaasay in uu gaajo u dhimanayo afartii ilbiriqsi kasta dalal ay Soomaaliya ka mid tahay, iyada oo in ka badan 200 oo iskugu jira hay’adaha aan dowliga aheyn iyo ururrada gargaarka ee caalamka ay ka digeen dhibaatadan Talaadadii, iyagoo ku boorriyay tallaabo caalami ah oo go’aan looga qaato si loo soo afjaro dhibaatada gaajada ee caalamka ku sii fideysa.

Warqad furan oo ay kula hadlayeen hoggaamiyeyaasha adduunka oo isugu yimid New York oo ay kaga qeyb galayaan shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa 238 urur oo ka kala socda 75 waddan, oo ay ku jiraan Oxfam, Save the Children iyo Plan International ku muujiyeen sida ay uga xun yihiin heerka gaajada cirka isku shareertay.

Waxay bayaanka ay soo saareen ku sheegeen in 345 milyan oo qof ay hadda la il daran yihiin gaajo daran, tiradaas oo laba jibaarantay tan iyo sanadkii 2019-kii.

“In kasta oo madaxda caalamkunay ballan-qaadyo ku sameeyeen in aan marnaba la oggolaan karin macluul qarnigan 21-aad, haddana macluul ayaa mar kale kusoo fool leh Soomaaliya, adduunka oo dhan 50 milyan oo qof ayaa qarka u saaran inay macluul u dhintaan 45 waddan,” ayay yiraahdeen ururadan.

Waxa ay tilmaameen in dad gaaraya 19,700 oo qof lagu qiyaasay inay maalin walba gaajo u dhimanayaan, waxaana ay sheegeen in taasi ay ka dhigan tahay in afartii ilbiriqsiba hal qof uu gaajo u dhinto.

VOA + AFP.

Xijaar oo booliska adduunka u gudbiyey warbixin la xariirta argagixisada Soomaaliya

0

Lyon (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo hoggaaminaya wafti ka kooban Saraakiil Sarsare oo ka socota Booliska Soomaaliya ayaa magaalada Lyon ee dalka Faransiiska kaga qayb galay shirka Booliska Adduunka (INTERPOL).

Shirkaas waxaa isugu yimid saraakiisha ugu sareysan ee booliiska dowladaha Bariga Dhexe, Bariga iyo Waqooyiga qaaradda Afrika, wuxuuna Taliye Xijaar halkaas ka jeediyey warbixin ku saabsan xaaladda ammaan ee Soomaaliya.

Shirka oo ay ka soo qayb galeen madaxda booliska ee in ka badan 20 dal, ayaa waxaa looga hadlayey wax-ka-qabashada arrimaha argagixisada, denbiyada xuduudaha isaga gudba, daroogada iyo lacagaha sharci darrada ah, kuwaas oo dhammaan halis ku ah guud ahaan amniga caalamka.

Taliye Xijaar ayaa warbixintiisa diiradda ku saaray arrimaha argagixisada ka jirta Soomaaliya iyo dembiyada ay ka geystaan, isagoo xusay in dowladda Soomaaliya ay ku howlantahay siday u soo afjari laheyd argagixisada caqabada ku ah ammaanka guud ee dalka.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xubin buuxda ka ah Booliska Adduunka ee INTERPOL oo xafiiskooda Soomaaliya dib uga hawl-galiyey magaalada Muqdisho bishii 7-aad ee sanadkii 2021-kii.

Sidoo kale, Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa kulan la qaatay xoghayaha guud ee booliska Adduunka ee INTERPOL Jurgen Stock, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo INTERPOL ee dhinacyada ka hortagga danbiyada caalamiga ah iyo la dagaallanka argagixisada.

DF oo shaacisay waddada kaliya ee u furan Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya oo ka hadlashay howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda deegaano badan oo kamid ah gobolka Hiiraan, ayaa sheegtay in wadada kaliya ee u furan xiligaan Al-Shabaab ay tahay inay isku soo dhiibaan dowladda.

Qoraal ka soo baxay wasaarada warfaafinta Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay inay dharbaaxo culus la kulmi doonto haddii ay diidana arrinkaas dhalinyarada Shabaab ka dhinac dagaalameysa.

“Ma jirto waddo aan ahayn inay isa soo dhiibaan oo u furan dhallinyarada ay argagixisadu khaldeen. Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa dadkeeda waxaa ka go’an in ay soo afjarto cadowga arxanka daran ee Al Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxa lagu sheegay in si habsami leh u socdaan howl-galada ka dhan ah Al-Shabaab, ayada oo lagu sheegay in deegaano dhowr ah looga qabsaday kooxda, lana gaarsiiyay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

“Ciidanka iyo dadka deegaanka ayaa weli wada hawl-galo is daba-joog ah, si loo xaqiijiyo argagixisada arxanlaaweyaasha ah in aanay helin goobo ay gabaad ka dhigtaan.”

Waxaa weli ka socda gobolka Hiiraan dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo iska kaashanayaan maleeshiyaadka deegaanka iyo ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya oo bogaadisay howl-galadan ayaa shaacisay in lagu dilay ugu yaraan illaa 200 oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, tan iyo markii ay bilowdeen kacdoonka shacabka.

James Swan oo shaaciyey arrin ay QM ka ballan-qaaday Axmed Madoobe

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo maanta ka degay magaalada Kismaayo ayaa shaaciyey qodobadii uu kala hadlay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, kadib kulan dheer oo ay ku yeesheen Madaxtooyada maamulkaas ee Kismaayo.

War-saxaafadeed uu kulankaas ka soo saaray xafiiska James Swan ayaa lagu shaaciyey in Qaramada Midoobey ay Axmed Madoobe ka balan qaaday baahinta ama hoos u daadejinta maamulkiisa.

“Qaramada Midoobay waxay diyaar u tahay in ay Jubbaland ku taageerto dhisidda golayaasha degmooyinka, iyo sii wadidda dib-u-heshiinta gudaha Jubbaland. Waxa aan sidaa darteed boorrineynaa metelaadda ay mudan yihiin haweenka, dhallinyarada, iyo bulshooyinka laga tirada badan yahay ee dowladnimada iyo hoggaanka,” ayaa lagu yiri qoraalkaan uu baahiyey xafiiska wakiilka QM.

Sidoo kale James Swan wuxuu sheegay in madaxweynaha Jubbaland uu kala hadalay mowduucyo dhowr ah oo la xiriira dhibaatooyinka bini’aadanimo, baahiyaha kale ee dhinaca horumarka, xaaladaha siyaasadeed ee dalka iyo kuwa amni ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Qoraalkaan waxaa lagu cadeeyey in James Swan iyo Axmed Madoobe ay diiradda ku saareen ka arrinsiga sida ugu wanaagsan ee Qaramada Midoobey ay u taageeri karto Jubaland.

Ugu dambeyntii arrimaha bini’aadanimada ee ka jira Jubbaland iyo guud ahaan Soomaaliya ayuu wakiilka QM qoraalkaan ku balan qaaday inay laba jibaari doonaan dadaalkooda caawinta dadka Soomaaliyeed ee abaaraha daran wajahaya.

Balan qaadka taageerada QM ee maamulka Axmed Madoobe wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo maalmo ka hor baarlamaanka maamulkaas uu Axmed Madoobe u sameeyey mudo kororsi hal sano ah, tallaabadaas oo ilaa hadda dolwadda dhexe aysan cadeyn mowqifka ay ka taagan tahay.

Dhageyso: Dabageed oo ka jawaabay gefkii Cali Dheere ee Xawaadle iyo Habargidir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabeelle Yuusuf Dabageed ayaa si adag uga jawaabay hadalkii Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere oo habeen ka hor sheegay in u gafay qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed.

Cali Dheere ayaa sheegay in beelaha kacdoonka wada ee Al-Shabaab la dagaalamaya ay yihiin kuwii ‘isbaarooyinka dhiga jira ee Al-Shabaab ay dadka ka hor taagnaayeen’ sida uu hadalkiisa u dhigay.

Madaxweyne Yuusuf Dabageed oo wareysigaan siiyey Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho ayaa gef-cad ku tilmaamay warkii Cali Dheere oo beelaha la dagaalamaya ee Xawaadle iyo Habargidir ku tilmaamay “tuugo dadka dhici jirtay gabdhahana gufsa jirtay.”

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle ayaa meesha ka saaray hadii warka Cali Dheere uu saameyn ku yeelanayo beeshiisa Murusade, isagoo si cad u sheegay in Murusade oo Cali Dheere ka soo jeedo iyo Xawaadle ay isku dhaarsadeen dagaalka Al-Shabaab.

“Warka Cali Dheere Murusade u nisbey meyno, dhibka ay Al-Shabaab nagu hayaan ayey Murusade ku hayaan, anaga iyo Murusade go’aan ayaan ku gaarnay inaan iska dhicino Al-Shabaab, umada Soomaaliyeed oo dhan ayaa qaadatay go’aankaas,” ayuu yiri Dabageed.

Hadalka Madaxweyne ku xigeenka oo jawaab u ahaa kii Cali Dheere ayuu si weyn ugu dheeraaday in ninkaas uu islaamnimada been ka sheegayo oo diinta islaamka uu ku been abuuranayo, isagoo baneynaya in dadka Soomaaliyeed lagu laayo.

Ugu dambeyntii Yuusuf Dabageed ayaa Cali Dheere ugu baaqay in towbada Alle uusan ka quusan dadkaan Soomaaliyeed-na uu dhibaatada ka dhaafo, hatii taas laga waayana wuxuu wacad ku maray in dadka Soomaaliyeed ay Al-Shabaab soo afjari doonaan mar aan dheereyn.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Ciidamada Eritrea ‘oo weerar baaxad leh ku qaaday’ Tigray iyo dagaal culus oo socda

Mekele (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta gobolka Tigray ee Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada dalka deriska la ah ee Eritrea ay maanta weerar baaxad leh kusoo qaadeen, islamarkaana dagaal xooggan uu ka socdo xuduudda. 

Laba ka mid ah shaqaalaha gargaarka ayaa sidoo kale ku warramay in dagaal culus uu ka socdo xuduudda, islamarkaana madaafiic ay ku dhaceen xero ay ku sugan yihiin barakacayaal oo ku taalla xaafadda Ziban Gedena. Ma aysan sheegin haddii ciidamada Eritrea ay ku sugan yihiin dhulka gobolka Tigray. 

Haddii la xaqiijiyo ka qeyb-galka ciidamada Eritrea ee dagaalka, waxay ka dhigan tahay inuu sii darsaday dagaalka oo dib u qarxay bishii tagtay kadib markii ay burburtay xabad-joojin jirtay tan iyo bishii March.

Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Mike Hammer ayaa maanta sheegay in Mareykanka uu ka war hayo in ciidamada Eritrea ay kasoo gudbeen xuduudda oo ay soo galeen gobolka Tigray ayna cambaareynayaan.

Eritrea ayaa ciidamadeeda kala baxday inta badan gobolka Tigray sanaddii tagtay kadib markii ay militariga Itoobiya taageereen wejiyadii ugu horreeyey ee dagaalka ka dhanka ah xooggaga Tigray-ga oo qarxay bishii November ee 2020.

“Eritrea waxay soo daabushay dhammaan ciidamadeeda iyo sidoo kale keydkii. Ciidamadeena si geesinimo leh ayey u difaacayaan aagaggooda,” waxaa sidaas twitter kusoo qoray Getachew Reda, afhayeenka TPLF.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane Gebremeskel kama jawaabin codsi falcelin oo loo diray. 

Getachew waxa uu sheegay in ciidamada dowladda Itoobiya iyo ciidamada gaarka ah ee gobolka Amhara ee koonfurta ay sidoo kale ku biireen weerarka. 

Afhayeenka dowladda Itoobiya Legesse Tulu, afhayeenka militariga Cololnel Getnet Adane, iyo Billene Seyoum oo ah afhayeenka ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaan dhammaantood ka jawaabin codsi falcelin oo loo diray.

Gizachew Muluneh, oo ah afhayeenka dowladda gobolka Amhara, ayaan isna sidoo kale jawaabin. 

Dagaalka gobolka Tigray oo socda laba sano iyo bar ayaa mar horeba dilay kumananaan qof, wuxuuna barakiciyey malaayiin kale, isaga oo musiibo bani’aadannimo ka abuuray waqooyiga Itoobiya.

Dowladda Canada ayaa Sabtidii ka digtay in ciidamada Eritrea ay isku urursanayeen xuduudda iskuna diyaarinayeen weerar ay ku qaadaan gobolka Tigray. 

Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane Gebremeskel ayaa dhammaadkii toddobaadkan xaqiijiyey in loo yeeray qaar ka mid ah ciidamada keydka. 

Daawo: MUNA AXLAA oo faahfaahisay dhibkii lagu gaarsiiyey isbitalka Yardimeli

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Muna Axlaa oo aheyd gabar u dhaq-dhaqaaqdo nabadda iyo dhallinayarada ayaa maanta dhibane u ah dhaqaatiir ajaanib ah oo ka howlgala isbitaalka Yardimeli ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo la sheegay inay ku sameeyeen qaliin khaldan oo dhanka caloosha ah.

Qaliinka lagu sameeyey Muna ayaa hadda keenay inay halis gasho nolosheeda kadib markii uu soo wajahay xanuun ka adag midkii hayey ka hor inta aan qaliinka lagu sameyn.

Muna oo ku jirtay xaalad adag tan iyo bishii Agoosto ee sanadkaan oo hadda ku jirto isbitaalka Digfeer ayaa ka digtay dhakhaatiirta ajaanibta ah ee kusoo qul-qulaya Soomaaliya.

“Dhibka i gaaray dhib yar ma aheyn, xubno badan oo muhiim ah ayaa jirkeyga ka maqan oo runtii aad ii danqineysa markaa soo xasuusto, waxay ii sheegeen inay waqti yar qaadaneyso oo leysar la igu qalayo, qaliinkeyga kadib laba maalin kadib waxay bixiyeen tubooyinkii caloosha iiga jiray, kadib anoo saxaroon oo neef iga imaanin ayey i dhaheyn xaafada aad,” ayey tiri Muna Axlaa oo la hadashay Telefishinka Dalsan.

Waxay intaas kusii dartay “Dhakhaatiirtii i qalay waxay ahaayeen ajaanib, nin iyo naag way is qabaan la dhahayey ayaa qaliinka sameeyey, kaliya waxaa Soomaali ka ahaa ninka i suuxinayey, markii ay i dhaheyn waa bixi kartaa waxaa dalbaday inaan habeen sii joogo si aan xaaladeeda u ogaado maadaama aan dibirsanahay, saxaroon markii qaliinka la igu sameeyey kadib.”

Muna ayaa sheegtay inay Isbitaalka kusoo booqdeen dhakhaatiir Soomaaliyeed oo ay qaraabo yihiin kadibna ay u sheegeen inay xoogaa lugeysiinayaan, balse nasiib darro waxay sheegtay inay caloosha kasoo daadatay saxaro taasoo xaaladeeda ka dhigtay mid adag.

“Dhibkii iga soo gaaray qaliinkaas waa midka aan illaa hadda u jiifo Isbitaal oo aan koomo u galay, waxaa la furay caloosheeda maalmo badan, intaan qaliinka gelin ka hor waxaan la kulmay wasiirka caafimaadka waxyaabaha aan kala hadlayna waxaa kamid aheyd in dhaqaatiirtaan wadanka lagu soo aruurinayo ay wasaaradda xil iska saarto inay hubiso tayadooda,” ayey mar kale tiri Muna oo ay ka muuqatay murugo.

Muna waxay hadda dacwad ka dhan ah Isbitaalka Yardimeli iyo dhaqaatiirta ajaanibta ah ee qaliinkeeda fuliyey u gudbisay xeer ilaalinta dalka, waxayna dowladda Soomaaliya ugu baaqday in la dardar geliyo kiiskeeda ka hor inta aysan dalka ka baxsan dhaqaatiirta ku sameeyey qaliinka.

“Dhibka aniga i gaaray wuxuu cashir u yahay dad badan oo aan hadli karin oo aan loo hadli karin oo Isbitaalada ku dhibaateysan qadar ayaana ii geysay xaqiiqdii, dacwad ayaan u gudbiyey xeer ilaalinta, abuukaataheyga waan wakiishay , garsoorka ayaan ka sugeynaa inay noo cadaalad falaan anaga iyo ayaga,” ayey tiri.

Dhacdada qabsatay Muna Axlaa ayaa maalmahaan heysatay baraha bulshada, waxayna aheyd inta badan u doodo dhallinyarada mar kastana diirada saarto sidii loo heli lahaa Soomaaliya oo nabad ah.

Xog: Axmed Madoobe oo shuruud adag hordhigay xubnaha Jubaland ugu jira DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa dhowaan magaalada Muqdisho kulamo kula yeeshay xubnaha labada gole ee baarlamaanka federaalka kasoo galay Jubaland.

Xubno kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu xildhibaanada kala hadlay in xildhibaan kasta uu beesha ka keeno ciidamo iyo weliba saanaddooda hubka si ay qeyb uga noqdaan dagaalka la qorsheenayo in Al-Shabaab looga saaro deegaanada uu maamulkaas ka taliyo.

Madaxweynaha Jubaland ayaa xildhibaanada u sheegay inuusan hadda diyaar u aheyn inuu hubeeyo beelaha maadaama deegaanada ay ka dhaceen dagaal beeleedyo lagu hoobtay, wuxuuna taas badalkeeda sheegay in beelaha ay dagaalka kaga qeyb geli doonaan hubka ay hadda heystaan.

Axmed Madoobe ayaa xildhibaanada u sheegay inuusan hadhow qaadi doonin eeda la xiriirta wixii awood heysi ah ee dhanka federaalka ah haddii aan loo midoobin xoreynta deegaanada Jubaland oo qaarkood si buuxda gacanta ugu heyso kooxda Al-Shabaab.

Sida ay xogta aan helnay sheegeyso Axmed Madoobe ayaa xildhibaanada ku casuumay inay kasoo qeyb galaan kulan ka dhacayo Kismaayo kaasoo looga hadli doono sidii kooxda Al-Shabaab looga saari lahaa dhammaan deegaanada Jubaland.

Muddo 10 sano ah ayuu Axmed Madoobe ku hanjabayay in uu Al-shabaab ka saari doono deegaanada maqan, balse weli ficil looma rogin arrinkaasi. Kulankii uu xildhibaanada la yeeshay ayaa waxaa xusid mudan in ay ka maqnaayeen xubno muhiim ah oo saamayn ku leh beelabooda.

Ololaha uu wado Axmed Madoobe ayaa kusoo aadaya xilli qeybo kamid ah Soomaaliya uu ka curtay kacdoonka looga soo horjeedo kooxda Al-Shabaab, wuxuuna kacdoonkaas hadda si rasmi ah uga bilowday HirShabelle iyo Galmudug.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhawaan ku habjabtay inay la dagaalami doonto qabiil kasta oo la safto dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza ayaa ballan qaaday inay hal sano gudahood ay Al-Shabaab kaga saari doonaan guud ahaan Soomaaliya.

Sii joogista Al Shabaab oo noqotay dan siyaasadeed – Ujeedka kuwa ka walaacsan kacdoonka iyo Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta maxaliga ah ee Soomaalida ayaa qaarkood waxay taaba gelinayaan diidmo la xiriirta in lala diriro kooxda Al-Shabaab. Tobanaan kun oo dad Soomaaliyeed ah ayaa lagu tuhmayaa inay kooxdu dishay 12-kii sano ee lasoo dhaafay.

Iyadoo qeybo kamid ah dalka uu ka curtay kacdoonkii ugu weynaa ee lagu diidan yahay kooxda Al-Shabaab, ayaa dhinaca kale waxaa bilowday siyaasiyiin iyo shaqaalahooda kuwaas oo isku dayaya inay leexiyaan ujeedka dagaalka socda.

Al-Shabaab waxaa loo arkaa halista ugu weyn ee maanta ka jirta Soomaaliya. Dalka Soomaaliya oo aan 30 sano laheyn dowlad dhexe oo awood leh wuxuu soo maray marxalo adag. Dagaalo jabhado, mid qabiil, mid hoggaamiye kooxeed iyo mid ururo magacyo badan leh u dhaxeeya ayey Soomaalidu dhadhamisay 30-kii sano ee lasoo dhaafay.

Laakiin waxay badi dadka isku raacsan yihiin inaysan Soomaalidu gaarin heerka ay Al-Shabab gaarsiisay damiir ahaan iyo nooca xasuuqa dhacay 12-kii sano ee lasoo dhaafay.

Al-Shabaab waqti dheer oo ay koonfurta Soomaaliya ku sugnaayeen halmar ayey galeen dagaal dhab ah oo caqiido ku dhisan, waana markii ay is-qabteen kooxdii Ahlu Sunna ee gobollada dhexe markaas oo Al-Shabaab laga laayey madax muhiim ah lana gaarsiiyey inay ka caagaan dhulka ay ka taliso ururka Ahlu Sunna.

Dhowr dowladood oo isku badashay maamulka Villa Somalia waxaa la rumeysan yahay n madaxdooda ay ku guul dareysteen inay kooxda si dhab ah ula diriraan. Waa adag tahay inuu guuleysto dagaal uusan hoggaakiisu diyaar u aheyn inuu guusha qiimo u huro.

Raggii iska lahaa fikirka Al-Shabaab waxay beegsadeen oo ay sal dhigteen deegaanada ay ku tuhmayaan inay dadkoodu waxbarasho ahaan dambeeyaan, shaqo la’aanta xooggan tahay, faham diimeedkuna uu ku yar yahay, waana halka ugu badan oo ay ka heleen dhallinyaro ku qanacsan inay is dilaan iyadoo ay sii waarayaan dadkii fikirka hormuudka u ahaa.

Deegaanada dadkoodu leeyihiin faham fiican oo xagga diinta ama ay bulshadu xadaarad ahaan sarreyso ma aadin kooxda Al-Shabaab, waana aragti aan daraasadeeda waqti la gelin si looga baxsado.

Waqti xaadirkaan dadku waxay badi qabaan in la aado dariiq walba oo lagu bixin karo kooxda, in loo midoobo dagaalka, inaan mowduuc siyaasi ah laga dhigin qadiyadaan iyo inay dowladdu qaadato kaalin dhab ah.

Dooda ku saabsan in qabiilo la hubeenaayo waxay u muuqataa mid daciif ah maadaama uusan haddaba jirin qabiil Soomaaliyeed oo bilaa hub ah.

Walaaca ugu weyn waa in Xasan Sheekh iyo Xamza bixin waayaan wax u dhigma shucuurta shacabka Soomaaliyeed oo ay mowduuca fududeystaan sidii dhici jirtay.

Maadaama ay jirto kalmad soo noq-noqotay oo ah Soomaaliya waxaa ugu taariikh fiicnaan doona siyaasigii soo afjara Al-Shabaab, waxaa durba abuurmay siyaasiyiin ka didsan in xilliga lasoo afjarayo kooxda Al-Shabaab iyo muddo xileedka Xasan Sheekh inay isku soo aadaan, waxayna taas badalkeeda door bidayaan inay kooxdu sii joogto, waana sababta ay hadda waqti iyo qarash u gelinayaan in la suurad xumeeyo difaaca shacabka.

Inkastoo ay shaqo fiican u baahan tahay in kooxda laga adkaado, haddana fasirka aragtida siyaasiyiinta dhibsanaya dagaalka lagula jiro Al-Shabaab waa hasii joogto kooxdu ummaddana hasii gumaado si jiritaankoodu uu malaha u caawiyo doorashada xigta, Xasan-na uusan u helin diiwaan wanaagsan.

Diwaanka Xasan Sheekh waxaa ka muhiimsan badbaadinta nafta iyo maalka muwaadiniinta Soomaaliyeed, siyaasiga aan intaas fahamkiisu gaarina wuxuu kamid yahay dhibaatada taala Soomaaliya.

Markii la joogo Soomaaliya waxaa jiro mowduuc weyn oo falcelintiisu culus tahay waana qabiilka. Al-Shabaab waxaa la sheegaa inay wax badan fahamsanaayeen in dariiqa qura ee looga adkaan karo inuu yahay dagaal dhex mara iyaga iyo qabiilada Soomaaliyeed.

Waxaa muuqata in hadda lasoo gaaray xilligaas ay ka walaacsaneyd kooxdu. Sidii looga faa’ideysan lahaa kacdoonka shacabka, waxaa looga fadhiyaa hoggaanka dowladda dhexe iyo maamullada heer gobol iyadoo siyaasiyiinta ay hor taalo inay bixiyaan fursad lagu tijaabiyo dariiqaan aan weli lagu tijaabin kooxda.

Taliye ku-xigeenkii NISA oo shaaciyey laba sabab oo keenay kacdoonka shacabka

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Cabdisalaam Guuleed oo ah taliye ku-xigeenkii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya (NISA) ayaa sheegay inay jirto laba sabab oo keenay in shacabku sameeyaan kacdoon ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. 

Cabdisalaam Guuleed ayaa aamisan in Al-Shabaab oo shantii sano ee la soo dhaafay “xadkii dhaafisay cadaadiska ay dadka ku hayso” ay ugu wacan tahay arrintan. Wuxuu tusaale u soo qaatay “canshuuraha iyo culeyska saa’idka ah ee kooxdaas” ay noqdeen arrimo ay dadku xamili waayeen. 

Waxaa intaas dheer lacagaha iyo xoolaha nool ee ay ka qaadaan shacabka iyo in qoysaska ay ka dalbadeen wiilashooda in si khasab ah ay uga mid noqdaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, sida uu sheegay Cabdisalaam, taas oo ay dadku ka gadoodeen. 

Tan iyo markii uu madaxweynaha Soomaaliya la wareegay xilka wuxuu muujiyay in ay ka go’an tahay dowladdiisa inay garab ku siiso shacabka sidii ay deegaannadooda uga xoreyn lahaayeen Al-Shabaab, taas oo uu Cabdisalaam u arko arrin kale oo dhiirrigelisay maleeshiyaadka qabaa’ilka. 

“Waa taas sababta geesinnimo-gelisay dadka, islamarkaana keentay inay ku kalsoonadaan inay awood u leeyihiin la-dagaallanka Al-Shabaab,” ayuu yiri.  

Xildhibaan Cabdimaalik Cabdalla oo ku sugan degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah meelaha uu abaabulka dagaal ka socdo ayaa isna ka hadlay sababta hadda keentay in ay shacabku hubka qaataan si ay ula dagaallamaan Al-Shabaab.

“Maaddaama degmooyinkan ay go’doonsanaayeen muddo 13 sano ah, dadkii ayaa daalay, dadku nolol ayay rabaan, carruurtoodii ayaa la laayay, xoolahoodii ayaa la dhacay oo la leeyahay waxaa loo qaatay ‘sako’, marka kacdoonka halkan ka dhacay waa kacdoon shacab oo ay dowladdu hoggaamineyso.

Wuxuu sheegay in ay rajo fiican ka qabaan, kuna faraxsan yihiin garab istaagga dowladda. 

“Runtii aad ayaan ugu faraxsannahay garab istaagga dowladda, waana aaminsan nahay inay wax badan soo kordhinayaan,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdimaalik.

Waxa uu meesha ka saaray in hubka ay isticmaalayaan dadka shacabka ah uu dhibaato keeni karo xitaa haddii ay guuleystaan.

“Dadkan horay ayey u hubeysnaayeen, cid ay khatar ku ahaayeenna ma jirto, tanina micnaheedu ma aha in dowladdu ay hubeyneyso maleyshiyaad ama beelo gaar ah. Hal beel ma aha waxa ka dagaallamaya meeshan, waa dadkii deegaanka oo ugu talogalay inay isxoreeyaan, dowladdana uma maleynayo inay dhibaato kasoo gaareyso haddii ay garab istaagto,” ayuu yiri. 

Howlgalladan oo uu ku tilmaamay kuwo uu noocoodu dhif yahay ayuu Cabdisalaam sheegay in ay dadku walaac ka muujinayaan sida ay ku dhamaan karaan, inta ay sii socon karaan howlgallada ay maleeshiyaadka qabaa’ilku hoggaaminayaan iyo sida ay awood ugu sii yeelan karaan sii wadistooda.

“Dadku waxay aad isu waydiinayaan haddii sidaan la sameyn karay maxay muddadaas oo dhan u qaadatay?,” ayuu iswaydiiyay.

Sawirro: Wasiir FIQI oo ku dhowaaqay tallaabo ay qaadeyso DF oo la xiriirta…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay shirweyne muhiim ah, kaas oo ku saabsan xoojinta xiriirka wada-shaqeynta bulshada rayidka ah bahda ganacsatada Soomaaliyeed ee ku aadan geedi socodka nabad dhiska Soomaaliya.

Fiqi oo khudbad ka jeediyey shirka ayaa marka hore soo saaray farriin la xiriirta gurmadka abaaraha, isaga oo ku baaqay in la caawiyo dadka ay saameeyeen abaaraha.

“Waxaan ugu baaqeynaa dadka ay abaaraha heyso, ganacsatada waan is aragnay, jawaab ayaan ka sugeynaa” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka dowlad ahaan ay sameyn doonaan sidii loo dhisi lahaa kalsoonida shacabka, si loo helo jawi dadan oo lagu wada shaqeyn karo.

“Waxaa jira kalsooni darro ka dhalatay dagaalladii sokeeye dalka ka dhacay, si taas wax looga qabto xukuumadda dan qaran tiirkeeda 3-aad waa kalsooni dhisid, waxaa halkudheg u ah  SOOMAALI HESHIIS, DUNIDA HESHIIS LA AH, shirkan maanta aan fadhinno waa astaan Soomaali heshiis ah, heshiiskeeda ay Soomaali wado” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrinta dagaal beeleedyada soo laa laabtay, wuxuuna ballan qaaday in wasaaraddu ay sameyneyso dib u heshiisiin.

“Waxaan ka shaqeyneynaa hindiso la xiriira joojinta colaadaha deegaanka iyo daaqa ku saabsan, lagana shaqeeyo nabad dhis iyo dib u heshiin laga shaqeeyo” ayuu markale yiri.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayadoo haatan xaalado is biirsaday ay ka jiraan Soomaaliya, sida abaaraha, howlgalada ka dhanka ah Shababa & dagaal beeleedyada soo noq noqday.