27.4 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Taliye ku-xigeenkii NISA oo shaaciyey laba sabab oo keenay kacdoonka shacabka

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Cabdisalaam Guuleed oo ah taliye ku-xigeenkii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya (NISA) ayaa sheegay inay jirto laba sabab oo keenay in shacabku sameeyaan kacdoon ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. 

Cabdisalaam Guuleed ayaa aamisan in Al-Shabaab oo shantii sano ee la soo dhaafay “xadkii dhaafisay cadaadiska ay dadka ku hayso” ay ugu wacan tahay arrintan. Wuxuu tusaale u soo qaatay “canshuuraha iyo culeyska saa’idka ah ee kooxdaas” ay noqdeen arrimo ay dadku xamili waayeen. 

Waxaa intaas dheer lacagaha iyo xoolaha nool ee ay ka qaadaan shacabka iyo in qoysaska ay ka dalbadeen wiilashooda in si khasab ah ay uga mid noqdaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, sida uu sheegay Cabdisalaam, taas oo ay dadku ka gadoodeen. 

Tan iyo markii uu madaxweynaha Soomaaliya la wareegay xilka wuxuu muujiyay in ay ka go’an tahay dowladdiisa inay garab ku siiso shacabka sidii ay deegaannadooda uga xoreyn lahaayeen Al-Shabaab, taas oo uu Cabdisalaam u arko arrin kale oo dhiirrigelisay maleeshiyaadka qabaa’ilka. 

“Waa taas sababta geesinnimo-gelisay dadka, islamarkaana keentay inay ku kalsoonadaan inay awood u leeyihiin la-dagaallanka Al-Shabaab,” ayuu yiri.  

Xildhibaan Cabdimaalik Cabdalla oo ku sugan degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah meelaha uu abaabulka dagaal ka socdo ayaa isna ka hadlay sababta hadda keentay in ay shacabku hubka qaataan si ay ula dagaallamaan Al-Shabaab.

“Maaddaama degmooyinkan ay go’doonsanaayeen muddo 13 sano ah, dadkii ayaa daalay, dadku nolol ayay rabaan, carruurtoodii ayaa la laayay, xoolahoodii ayaa la dhacay oo la leeyahay waxaa loo qaatay ‘sako’, marka kacdoonka halkan ka dhacay waa kacdoon shacab oo ay dowladdu hoggaamineyso.

Wuxuu sheegay in ay rajo fiican ka qabaan, kuna faraxsan yihiin garab istaagga dowladda. 

“Runtii aad ayaan ugu faraxsannahay garab istaagga dowladda, waana aaminsan nahay inay wax badan soo kordhinayaan,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdimaalik.

Waxa uu meesha ka saaray in hubka ay isticmaalayaan dadka shacabka ah uu dhibaato keeni karo xitaa haddii ay guuleystaan.

“Dadkan horay ayey u hubeysnaayeen, cid ay khatar ku ahaayeenna ma jirto, tanina micnaheedu ma aha in dowladdu ay hubeyneyso maleyshiyaad ama beelo gaar ah. Hal beel ma aha waxa ka dagaallamaya meeshan, waa dadkii deegaanka oo ugu talogalay inay isxoreeyaan, dowladdana uma maleynayo inay dhibaato kasoo gaareyso haddii ay garab istaagto,” ayuu yiri. 

Howlgalladan oo uu ku tilmaamay kuwo uu noocoodu dhif yahay ayuu Cabdisalaam sheegay in ay dadku walaac ka muujinayaan sida ay ku dhamaan karaan, inta ay sii socon karaan howlgallada ay maleeshiyaadka qabaa’ilku hoggaaminayaan iyo sida ay awood ugu sii yeelan karaan sii wadistooda.

“Dadku waxay aad isu waydiinayaan haddii sidaan la sameyn karay maxay muddadaas oo dhan u qaadatay?,” ayuu iswaydiiyay.

Sawirro: Wasiir FIQI oo ku dhowaaqay tallaabo ay qaadeyso DF oo la xiriirta…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay shirweyne muhiim ah, kaas oo ku saabsan xoojinta xiriirka wada-shaqeynta bulshada rayidka ah bahda ganacsatada Soomaaliyeed ee ku aadan geedi socodka nabad dhiska Soomaaliya.

Fiqi oo khudbad ka jeediyey shirka ayaa marka hore soo saaray farriin la xiriirta gurmadka abaaraha, isaga oo ku baaqay in la caawiyo dadka ay saameeyeen abaaraha.

“Waxaan ugu baaqeynaa dadka ay abaaraha heyso, ganacsatada waan is aragnay, jawaab ayaan ka sugeynaa” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka dowlad ahaan ay sameyn doonaan sidii loo dhisi lahaa kalsoonida shacabka, si loo helo jawi dadan oo lagu wada shaqeyn karo.

“Waxaa jira kalsooni darro ka dhalatay dagaalladii sokeeye dalka ka dhacay, si taas wax looga qabto xukuumadda dan qaran tiirkeeda 3-aad waa kalsooni dhisid, waxaa halkudheg u ah  SOOMAALI HESHIIS, DUNIDA HESHIIS LA AH, shirkan maanta aan fadhinno waa astaan Soomaali heshiis ah, heshiiskeeda ay Soomaali wado” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrinta dagaal beeleedyada soo laa laabtay, wuxuuna ballan qaaday in wasaaraddu ay sameyneyso dib u heshiisiin.

“Waxaan ka shaqeyneynaa hindiso la xiriira joojinta colaadaha deegaanka iyo daaqa ku saabsan, lagana shaqeeyo nabad dhis iyo dib u heshiin laga shaqeeyo” ayuu markale yiri.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayadoo haatan xaalado is biirsaday ay ka jiraan Soomaaliya, sida abaaraha, howlgalada ka dhanka ah Shababa & dagaal beeleedyada soo noq noqday.

Ciidamada DF oo qabsaday deegaan laga soo abaabuli jiray qaraxyada iyo dilalka

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen deegaanka Booco oo ku dhowaad 50 KM koonfur uga beegan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi.

Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay gudaha u galeen deegaankaas oo ay muddo 13 sano ah maamulayeen xoogaga Al-Shabaab.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in wax dagaal uusan ka dhicin halkaasi, isla-markaana xubnaha Al-Shabaab ay isaga carareen, kahor inta aysan gaarin ciidamada.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in deegaanka Booco ay fariisimo iyo maxkamado ku lahaayeen Shabaab, ayna ka soo abaabuli jireen qaraxyada iyo dilalka ka dhaca Hiiraan.

“Deegaanka Booco ayaa ahaa deegaan ay argagixisada si weyn dadka ugu dhibaateeyn jireen, waxaana ku yaalay saldhigyo iyo maxkamad beenaadyo ay dadka uga qaadan jireen lacago baad ah,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay wakaaladda wararka ee SONNA.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan oo howlgalka qayb ka ah ayaa ugu baaqay dadka deegaanka inay deganaan muujiyaan, ayna la shaqeeyaan ciidamada dowladda ee maanta la wareegay gacan ku heynta deegaan weynaha Booco.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa koonfurta Beledweyne, halkaas oo ay ka socdaan abaabulo iska soo horjeeda.

Hiiraan ayaa waxaa ka socda dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo iska kaashanayaan maleeshiyaadka deegaanka iyo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya oo boggaadisay howlgalladan ayaa shaacisay in lagu dilay ugu yaraan illaa 200 oo ka tirsanaa Shabaab, tan iyo markii ay bilowdeen kacdoonka shacabka.

Deegaanada ay illaa hadda Macawiisleyda ka qabsadeen maleeshiyada Al-Shabaab

0

Beledweyne (Caasimada Online) –  Milateriga Soomaaliya oo ay la socdaan maleeshiyo deegaanka ah ayaa dagaal ba’an kula jiray Al-Shabaab dhawrkii todobaad ee ugu dambeeyay deegaaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, waxaana la soo weriyayay khasaare nafeed oo baaxad leh. 

Dagaalkan ayaa boqolaal maleeshiyo looga dilay kooxda Al-Shabaab, inkasta oo ciidamada dowladda iyo kuwa shacabka uu dhankoodana khasaare gaaray balse aanu u xooganeyn sida midka Al-Shabaab la gaarsiiyey.  

Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in hawlgalka ay ka wadaan gobolka Hiiraan ay haatan diiradda ku saarayaan sidii la isugu furi lahaa waddada u dhaxeysa magaalooyinka Beledweyne iyo Buulaburde oo ay muddo sanado ah kala gooyeen ururka Al-Shabaab.

Hadalka Milatariga ayaa ku soo beegmaya iyadoo deegaanno hoos taga degmooyinka Maxaas, Buulo-Burde, iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan lagala wareegay Al-Shabaab. Deegaanna laga saaray Al-Shabab waxa kamid ah Teedaan, Hees, Sagalgeed, Geedasamo, Yaasooman, iyo Aboorey.

Waxa kaloo lagu guuleystay in la Isu furo waddooyinka u dhaxeeya magaalooyinka Beledweyne, Matabaan iyo Maxaas.

Dagaalka ayaa sidoo kale usii fiday dhinaca deegaanka Halgan, halkaasi oo shalay lagu dilay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida ay sheegtay dowladda.

War-saxaafadeed ay baahisay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu yiri, “Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada 5-aad ayaa howlgal ay ka sameeyeen degaanka Buuraha Camal oo qiyaastii 20km u jirta degaanka Halgan ee gobalka Hiiraan waxay ku dileen shan dhagar qabe oo ka tirsan Argagixisada Alshabaab.”

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Ciidanka Xoogga oo ku raad joogay firxadka maleeshiyaadka nafla caariga ah ee Alshabaab oo looga soo adkaaday dagaaladii ka dhacay gobalka oo ay iska kaashanayeen ciidanka qaranka iyo dadka deegaanka ee lagu xoreeyay deegaano badan ayaa sameeyay hawlgalkani si loo ciribtiro dhagar qabayaasha baxsadka ah ee lagu jabiyay dagaalka.”

Kacdoonkii mucaaradka oo shalay dhaliyay ansixinta laba MOOSHIN oo muhiim ah

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha Wakiilada Somaliland ayaa shalay cod aqlabiyad ah ku ansixiyay labo mooshin oo dhigayay in la is raaciyo doorashada madaxweynaha iyo doorashada ururada siyaasada/xisbiyada qaranka.

Mudaneyaasha Golaha ayaa sidoo kale qabyo tiray xeerarkii doorashooyinka khuseeyey oo dhan, kuwaasi oo muddooyinkii dambe xiisad xoogan ka dhex abuuray xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridka.

Fadhgigii shalay ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxa ansixinta labada mooshin u codeeyay 33 Xildhibaan, waxaana ka aamusay 19 mudane oo ka tirsan golaha.

Barkhad Batuun oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ansixinta labada xeer ay ku timid kacdoonkii shacab ee uu soo abaabulay mucaaridka, isaga oo xusay in tallaabada ay muhiim u aheyd ka baaqsiga qalalaase siyaasadeed.

“Maanta ayuu dalkii ka baxay khilaafkii siyaasiga ahaa, wuxuuna Golaha uu gutay masuuliyad weyn oo ka saarneyd umadda Somaliland nabad-gelyadooda, wada-jirka umadda iyo ilaalinta sharciga, oo indhaha umaddu soo eegayeen,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in tallaabada uu xal kama dambeys ah u yahay cabashadii xooganeyd ee mucaaridka, taasi oo horseeday inay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ka dhacaan banaanbaxyo wata rabshado dhaliyay khasaare kala duwan.

Si kastaba, Arrintaan ayaa ka dhigan in uu halkaas kusoo idlaaday maalmihii adka ee Somaliland lugaha lasii galeysay, taasi oo ka dhalatay muranka doorashooyinka iyo furista ururada.

Mareykanka oo $700 milyan ugu deeqay Soomaaliya

0

Washington (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay ugu deeqeen lacag dhan $700 oo milyan, taas oo ay ku bixiyeen wax ka qabashada gurmadka abaaraha daran ee haatan ka jira qaybo badan oo ka mid dalka.

Qoraal kooban oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Muqdisho ayaa lagu faahfaahiyey lacagtaan oo la soo mariyey hay’adda gargaarka ee USAID.

 

Hay’adda ayaa dhankeeda shaacisay in abaarta ka jirta Soomaaliya ay gaartay meshii ugu xumeyd, isla-markaana ay kordhiyeen taageeradooda Soomaaliya.

USAID ayaa sidoo kale sheegtay in macluul laga saadaalinayo deegaanada qaar, sida Koonfur Galbeed, inta lagu guda jiro bilaha Oktoobar-December ee sanadkan, haddii aan si degdeg ah gargaar naf badbaadin ah loo helin si loo gaarsiiyo dadka aadka ugu baahan.

Abaarta Soomaaliya ku dhufatay ayaa ah tii ugu darneyd muddo 40 sano ah, waxaana socdo gurmad iyo dadaallo ay wadaan dowladda Soomaaliya iyo saaxibadeeda caalamka.

Ilaa 7.8 milyan oo Soomaali ah ayey saameysay abaarta, ayada oo in ka badan 1 milyan ay ku barakaceen oo ay ku jiraan ku dhawaad ​​99,000 bishii Ogoosto.

Si kastaba, warbixinta ka soo baxday deeq bixiyeyaaha ayaa lagu sheegay in ay si deeqsinimo ah u kordhiyeen maalgelinta qorshaha ka jawaabista bini’aadantinimada, iyada oo 65 boqolkiiba la maalgeliyay laga bilaabo 31-ka Ogoosto ee sanadkaan 2022-ka.

Sawirro: Shiinaha oo ballan-qaad u sameeyey R/W Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah kula yeeshay safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Muqdisho Mr. Fei Shengchao, kaas oo ay ka wada-hadleen arrimo dhowr ah.

Xamza iyo Shengchao ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada dowladda Shiinaha ee dhinacyada gurmadka abaaraha iyo fulinta mashaariicda horumarineed ee dib-u-dhiska dalka sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Xamza.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr. Fei Shengchao oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada dowladda Shiinaha ee dhinacyada Gurmadka Abaaraha iyo fulinta mashaariicda horumarineed ee dib-u-dhiska dalka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey dowladda Shiinaha kaalmada ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ay saameysay abaarta.

Dhankiisa safiirka Shiinaha oo kulanka ka hadlay ayaa ku dhowaaqay ballan-qaad cusub, wuxuuna sheegay in maalmaha soo socda dekedda weyn ee Muqdisho uu ku soo xiran doono markab sida cunto gargaar oo ay dowladda Shiinaha ugu deeqday Soomaaliya.

Shiinaha ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero Soomaaliya, wuxuuna ka gacan siiyaa mashariicyo horumarineed, isaga  oona horey uga qaybqaatay gurmadka abaaraha.

Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan xaalad bani’aadanimo oo ka dhalatay abaarta ka jirta dalka oo ah tii ugu darneyd muddo 40 sano ah, taas oo saameysay qoysy badan.

Sawirro: Muxuu yahay qorshaha wafdiga DF ee ka qaybgalaya shirka QM?

0

New York (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac ayaa faah faahin ka bixiyey shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, kaas oo ka furmay magaalada New York ee waddanka Mareykanka.

Shirkan oo ah mid muhiim ah waxaa loogu magac daray Xalka oo loo maro Wadajirka, Joogtaynta iyo Sayniska”ee loo qorsheeyay in uu socdo 19ka illaa 25ka September 2022.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in shirka looga hadlayo arrimo dhowr ah  oo ay ugu horreeyaan cunno yarida, tamarta, shaqo la’aanta, awood-siinta haweenka, isbeddelka cimilada amniga iyo waxbarashada.

“Shirka waxaa horyaalla oo laga wada doodi doonnaa oo la isku aragti waydaarsan doonnaa arrimaha ka taagan caalamka sida Isbaddelka Cimilada, Amniga guud ee Caalamka ee dagaallada ka socdaan, sidoo kale waxaa si gaargaar ah looga hadli doonnaa arrimaha quseeya qaaradaha & deegaannada kala duwan ee Caalamka” ayuu yiri wasiirku.

Haddaba Muxuu yahay qorshaha wafdiga DF ee ka qaybgalaya shirka QM?

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in ay u qorsheysan tahay inuu kulamo gaar gaar ah la yeesho wasiirada dhiggiisa ah ee ka qayb-galaya meertada 77aad golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Illaa 10 wasiir oo ka kala socda Bariga Dhexe, Yurub, Mareykanka & Afrika ayuu sheegay inuu la ballansan yahay, si uu wada-hadallo ula yeesho.

“Madaxweyne weliba waxa uu jeedin doonnaa khudbad ka tarjumaysa dalkiisa, anigu ka Wasiir Arrimo dibadeed ahaan waxa aan qayb ka ahay shirkaas, waxaa ii yaalla oo qorsheysan la kulanka Wasiiro badan oo dhiggayga ah oo ka imaanaya Qaaradaha kala duwan ee Adduunka, ajendahayga waxaa ku jira illaa toban in aan arko oo ah kuwo ka yimid Bariga, Dhexe, Yurub, Mareykanka & Afrika” ayuu hadalkiisa kusii daray wasiirka.

Soomaaliya waxaa shirkan oo ah mid sanadle ah uga qayb-galaya wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo haatan ku sugan dalka Mareykanka, isaga oo la filayo in kulanka uu ka jeediyo khudbad xasaasi ah oo ku aadan xaalada guud ee dalka Soomaaliya.

Mareykanka oo wajahaya China kadib ballan-qaad uu BIDEN u sameeyay Taiwan

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ay difaaci doonaan Taiwan haddii ay dhacdo in China ay ku duusho.

Waa hadalladii ugu xasaasinaa ee Biden uu kaga hadlo arrintan, waxayna dhaliyeen jawaab caro leh oo kasoo baxday China oo sheegtay inay baaq khaldan u dirayaan kuwa raadinaya Taiwan madax-banaan.

Biden oo lagu wareystay barnaamijka 60 Minutes ee taleefishinka CBS ayaa la weydiiyey in ciidamada Mareykanka ay difaaci doonaan jasiiradda sida iskeed ah isku maamusho, wuxuuna ka jawaabay “Haa, haddii dhab ahaantii uu dhaco weerar aan horey loo arag.”

Mar la weydiiyey inuu kala caddeeyo haddii si ka duwan Ukraine, ciidamada Mareykanka ay difaaci doonaan Taiwan haddii ay ku duusho China, Biden wuxuu ku jawaabay: “Haa.”

Hadallada Biden ayaa ah kuwa muhiim ah, sababtoo ah Mareykanka wuxuu horey u lahaa siyaasad “hubanti la’aan istaraatiiji ah” oo ah inaanu kala caddeyn inuu militari ahaan u jawaabi doono haddii la weeraro Taiwan.

Mar la weydiiyey afhayeenka Aqalka Cad waxa uu sheegay in siyaasadda Mareykanka ee ku wajahan Taiwan aysan isbeddelin.

“Madaxweynaha horey ayuu u sheegay arrintan, oo ay ku jirto safarkii uu horraantii sanadkan ku tegay Tokyo. Wuxuu sidoo kale caddeeyey in siyaasaddeena Taiwan aysan isbeddelin, taasina waa arrinta dhabta ah,” ayuu yiri afhayeenka.

Afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibedda China, Mao Ning ayaa weriyayaasha ugu sheegtay Beijing in hadallada Biden ay “tilmaan khaldan oo halis ah u dirayaan” xoogagga gooni u goosadka ah ee raadinaya Taiwan madax-banaan.

China “si xooggan ayey uga soo horjeeddaa” hadallada Biden waxayna diiwaan-gelisay ashtako rasmi ah,” ayey tiri, ayada oo intaas ku dartay in China ay qaadi doonto tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay uga hortagto gooni u goosadka.

Wasaaradda arrimaha dibedda Tawain ayaa uga mahad-celisay Biden inuu dib u xaqiijiyey “Ballan-qaadka amni ee adag ee Mareykanka ee ku wajahan Taiwan.”

REUTERS + VOA

Daawo: Maxkamada ciidamada, taliska booliska iyo maamulka Kaaraan oo digniin soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya oo caawa warbaahinta kula hadlay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa digniin culus kasoo saaray falal aanooyin qabiil salka ku haya oo Kaaraan ka dhacay.

Saraakiishaan ayaa sheegay in hey’adaha amnigu ay u diyaarsan yihiin in falal la xariira aanooyin qabiil aysan ka dhicin gudaha Muqdisho, iyagoo digniin culus u diray cid kasta oo isku dayda inay amni darro abuurto.

“Hay’adaha amniga waxaan faraynaa in baaris qoto dheer ay ku sameyaan cid kasta oo arinta ka dhacday Kaaraan ku lug leheed, si loo maxkamadeeyo,” ayuu yiri Dhamme Ismaciil Salaad ku xigeenka xeer ilaaliyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali ayaa isna yiri, “Bulshada ku dhaqan Kaaraan waxan kaga digeynaa falalka aanooyinka qabiilka la xiriira, cidii lagu arkana waa lagu maxkamadey doonaa.”

Gabar aroos aheyd ayaa saacado ka hor lagu dilay degmada Kaaraan, xili ay ka soo baxday goob dumarka lagu qurxiyo, dhacdadaas ayaa naxdin ku abuurtay dad badan, sidoo kale horay degamadaas waxaa uga dhacay dilal isugu jira kuwo tuugo geystay iyo kuwo aanooyin qabiil salka ku haya.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir oo ka mid ahaa masuuliyiintii caawa warbaahinta la hadashay ayaa dadkiisa ka codsaday inay ka soo gudbaan wixii soo bilowday 91-dii oo aanooyinka qabiilka uu kala jeedo.

Hoos ka daawo

R/W Xamza oo fasiraad cajiib ah ka bixiyay qorshaha ay kooxda Al-Shabaab waddo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay qorshaha Al-Shabaab ee isku dirka beelaha inta dagaalka lagula jiro si ay u marin habaabiyaan dib u xorreynta socota.

Xamza ayaa sheegay in dagaalka ciidamada qalabka sida ay kula jiraan argagixisada Al-Shabaab uu xanuujiyey, ayna sii wadayaan inta laga xoreynayo deegaanada ay gacanta ku hayaan.

“Marka dagaal lagu jiro cadowga waa la xanuujiyaa, markuu xanuusado waxaa lagu gartaa jawaabta uu bixiyo oo jawaabtiisu haddii ay noqoto mid naf la caari ah, micnaheedu waa cadowgu wuu dhintee haka harinna,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa imanaya maalin kadib markii afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere uu digniin u diray beelaha dagaalka kula jira kooxda, isagoo sheegay inay jiraan qabiilo garab u noqday waxa uu ugu yeeray “gaalada”.

Kooxda ayaa sidoo kale qirtay in dowladda Soomaaliya ay qabaa’ilka ku hubeysay, wuxuuna afhayeenka u hadlay kooxdaas qabaa’ilka la dagaalamaya ku tilmaamay “kuwii isbaarooyinka dhiga jiray” sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Qabaa’ilkaas waxaan leeyahay waxaa la doonayaa in dano gaar ah la idinku gaaro, kadibna meel cidlo ah la idinkaga tago, idinkoo halaagsamay,” ayuu yiri Cali Dheere.

Arrimahaan ayaa kusoo aadaya xili ay Al-Shabaab ku socdaan dagaalo culus, ayada oo howl-galada ka dhanka ah ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo qaar kamid ah qabaa’ilada, kuwaasi oo u adkeysan waayay dhibta ay kooxda ku hayso shacabka Soomaaliyeed.

DF oo war ka soo saartay khasaaraha dagaal culus oo ka dhacay gobolka Hiiraan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay howlgalka ka socda gobolka Hiiraan, gaar ahaan dhinaca degaanka Halgan, halkaas oo maanta lagu dilay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

War-saxaafadeed ay baahisay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu yiri, “Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada 5-aad ayaa howlgal ay ka sameeyeen degaanka Buuraha Camal oo qiyaastii 20km u jirta degaanka Halgan ee gobalka Hiiraan waxay ku dileen shan dhagar qabe oo ka tirsan Argagixisada Alshabaab.”

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Ciidanka Xoogga oo ku raad joogay firxadka maleeshiyaadka nafla caariga ah ee Alshabaab oo looga soo adkaaday dagaaladii ka dhacay gobalka oo ay iska kaashanayeen ciidanka qaranka iyo dadka deegaanka ee lagu xoreeyay deegaano badan ayaa sameeyay hawlgalkani si loo ciribtiro dhagar qabayaasha baxsadka ah ee lagu jabiyay dagaalka.”

Sidoo kale bayaankaan waxaa lagu cadeeyey in howlagallada lagu baacsanayo kooxda Al-Shabaab ay weli ka socdaan goobo badan, iyadoo laga hor tegayo in kooxdu ay hesho goobo ay dib isugu soo abaabusho.

“Ma jirto waddo aan ahayn inay isi soo dhiibaan oo u furan dhalinyarada ay argagixisadu qaldeen, Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa dadkeeda waxaa ka go’an in ay soo afjarto cadowga arxanka darran ee  Alshabaab,” ayaa lagu soo gabagabeeyey bayaanka dowladda.

Dagaalka shacabka iyo Al-Shabaab oo weli socda iyo wararkii ugu dambeeyey ee tirada lagu dilay (Warbixin)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka u dhaxeya ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka oo isku dhinac ah iyo kooxda Al-Shabaab ayaa wali ka socda gobolka Hiiraan, xili maalin ka hor ciidamadu la wareegeen deegaanka Aboorey oo kamid ah saldhigyada ugu waaweyn ee Al-Shabaab ay ku laheyd gobolka.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab looga dilay howl-galka 75 dagaal-yahan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada ay gacanta kusoo dhigeen maxaabiis ka tirsan Al-Shabaab, xili uu howl-galka ka dhanka ah argagixisada oo kasoo bilowday Waqooyi-Bari gobolka Hiiraan uu maanta marayo deegaano ku yaalla Koonfurta gobolka.

Dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxa kamid ah guddoomiyihii hore ee Buulo-Burte, Faysal Xaaji Aadan oo ku sugan furinta hore ee dagaalka, isaga oo masuuliyiinta ugu baaqay inay qeybtooda ka qaatan howl-galka socda.

“Dhamaan ciidamada qalabka sida iyo ciidamada deegaanka ee Macaawisleey ee soo hoysay guushaan la taaban karo. Maanta waxay oohinta ku dambeysa dadkii shalay dadka maatada laayay, waqtiyada soo socda waxay arki doonaa Hiiraan mid ah.”

“Masuuliyiinta kale ee dowlad goboleedka HirShabelle iyo dowladda dhexe qof kasta oo deegaanka kasoo jeeda walaalow imow oo arag dadkaaga waxay ku jiraan arag. Shan kun iyo Toban kun oo qaadatid waxba kuma tareyso haddii la dilayo hooyada, aabaha iyo adeerka.”

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe waxa ku socday dagaalo culus, ayada oo howl-galada ka dhanka ah ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo qaar kamid ah qabaa’ilada, kuwaasi oo u adkeysan waayay dhibta ay kooxda ku hayso shacabka Soomaaliyeed.

DF oo ku dhawaaqday shirweyne ka dhacaya laba MAGAALO midkood oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday shirweyne ku saabsan kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee dalka ka billowday ee ay wadaan qabaa’ilka..

Shirkan ayaa waxaa maanta iclaamiyey wasiirka Arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo maanta Muqdisho kulan kula qaatay odeyaasha dhaqanka ee Galmudug.

Wasiirka ayaa ku dhawaaqay in dowladda ay dhawaan qabaneyso shirweyne ay isugu imaanayaan beelaha kala duwan ee daga maamul goboleedyada HirShabelle iyo Galmudug kaasi oo ay wasaaradda sheegtay inuu ka dhici doono midkood magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Beledweyne.

Wasiir Fiqi ayaa ballan qaaday in wasaaradda ay sii wadi doonto kulamada uu la qaadanayo oayaasha dhaqanka, wuxuuna tilmaamay inuu la kulmi doono odayaasha dhaqanka ee kasoo kala jeedo deegaanada Jubaland, Puntland, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in Wasiir Fiqi uu odayaasha kala hadlay sidii loo xasilin lahaa deegaanada ay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ah ay kala wareegeen kooxda Al-Shabaab.

“Wasiir Fiqi waxaa uu ku bogaadiyey beelaha kala duwan sida ay uga gadooodeen dulmiga Al-Shabaab, isaga oo adkeeyey in gulufka hadda socda ee ka dhanka ah argigixisada uu gaaro meesha ugu dambeysa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda.

Kulanka wasaaradda iyo odayaasdha ayaa imaanaya iyadoo ay deegaanada Galmudug iyo HirShabelle ka socdaan kacdoon ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo ay wadaan dadka deegaanka, waxayna dowladda Soomaaliya waddaa dadaalo ay kaga faa’ideysaneyso kacdoonkaas.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inay la dagaalami doonto qabiil kasta oo la safato dowladda Soomaaliya, waxaana hadalkaas shalay sheegay afhayeenkooda Cali Dheere.

JACEYLKII ku billowday farriinta Facebook iyo qisadii cajiibka ee ka dambeysay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Muxyadiin Axmed waa wiil dhallinyaro ah oo ku dhashay kuna barbaaray magaalada Muqdisho. Muddo toban sano ah ka hor ayaa isaga oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya wuxuu ku naafoobay dhaawac ka soo gaaray dagaal ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab u dhaxeeyay.

Maxamed oo BBC-da uga warramay sida uu dareenkiisu ahaa markii uu dhaawaca soo gaaray ayaa yiri: “Maalintaan dhaawacmay socodkaygii ayaan waayay, istaaggaygii ayaan waayay, dareemahayga ayaan waayay, wax walba ayaan waayay.”

Maxamed iyo xaaskiisa Xaawa waxa ay isbuucii la soo dhaafay ku aqal galeen magaalada Muqdisho. Lamaanahan ayaa intii aysan nolosha ku midoobin ku kala noolaa Soomaaliya iyo Sucuudiga oo ay masaafo dheer u dhaxeyso.

Sida ay isku barteen

Barashadooda waxaa kaalin mug leh ka qaatay barta ay bulshada ku wada xiriirto ee Facebook.

Jacayl ku billowday farriin la iskula wadaagay Facebook ayaa horseeday guusha guurkooda. Maxamed oo BBC-da uga warramay sida ay isku barteen xaaskiisa Xaawa iyo cabsidiisii ku aaddanayd waxa uu waalidkeeda kala kulmi doono ayaa yiri:

“Aniga iyo xaaskayga baraha bulshada ayaan iska barannay, gaar ahaan Facebook, maaddaama aan ahaa qof badanaa aan socon ama bannaanka aan u bixin si aan uga gaabsado takoor aan marar badan bulshada kala kulmay. Muddo ayaan sheekaysannay, waana heshiinnay markii dambena waan isku imaanay.”

Cabsidii soo wajahday Maxamed iyo Xaawo, heshiiskooda guurka kaddib

Waxaa soo food-saartay cabdi dhanka waalidka ah iyagoo ka fakarayay sida loola wadaagi lahaa arrintan.

Maxamed ayaa sheegay in isaga iyo xaaskiisuba ay cabsi ka qabeen sidii ay ku wajihi lahaayeen waalidka Xaawo markii ay guur ku heshiiyeen.

“Maaddaama aan ahay qof saaran gaariga dadka naafada ah, waxaan cabsi ka qabay marka aan u tago qoyska Xaawo inay ku gacan sayraan guurkeenna. Waxaan xitaa mar ku fikirnay inaan isla cararno, balse nasiib-wanaag waalidka dhankiisa dhib noogama imaanin,” ayuu yiri.

Balse Xaawo Luul ayaa sheegtay inay markii hore kaliya aabbeheed la wadaagtay heshiiska guurka ee kala dhaxeeyay Maxamed.

“Markaan aniga iyo Maxamed ku heshiinnay guurka waxaan kaliye la wadaagay aabbehay, waxa uuna igu yiri ‘aniga xaggayga wax dhib ah malahan. Waan oggolahay’, markii la gaaray xilligii meherkana isaga ayaa i bixiyay,” ayay tiri Xaawo oo aabbeheed u duceysay.

Marka laga soo tago ogeynsiiska aabbeheed, Xaawo waxa ay sheegtay in qoyska intiisa kale aysan arrinta guurka Maxamed la wadaagin iyada oo ka cabsatay in la niyad-jebiyo.

Dhanka kale, Xaawo Luul oo sidoo kale faahfaahin ka bixisay sababta ay u go’aansatay inay Maxamed oo aysan weligeed kulmin ay dartiis Muqdisho u timaado ayaa tiri: “

“Markaan is fahannay kaddib ayaan go’aansaday inaan Muqdisho ugu imaado oo aan shaqadeyda ka soo tago, sababtoo ah Maxamed isaga iima imaan karin.”

Arooska lamaanahan waxaa gacan wayn ka gaystay dhallinyaro ay isku xaafad ku nool yihiin Maxamed. Wuxuu noo sheegay markii uu go’aansanay guurkan in uusan haysan wax lacag ah balse dhallinyarada saaxiibbadiis ah ay u istaageen inay gacan ka gaystaan, ayna u sameeyeen xaflad aroos oo qurux badan.

Caqabaha uu bulshada kala kulmo

Maxamed ayaa sheegay in bulshada qaar ay ku qaldaan qof tuugsanaya marka ay arkaan gaariga lagu riixayo.

“Dadka marka ay i arkaan aniga oo gaarigayga saaran, waxa ay ii maleeyaan qof tuugsanaya, waxayna i siiyaan lacag, taas oo igu kalliftay in aanan badanaa soo bixin. Xitaa waxaa jirtay mar aan baaskiilka dhan iska dhigay oo aan is iri faa’iido ma lahan ku socodkiisa, kaddib markii aan dhacdooyin badan bulshada kala kulmay,” ayuu yiri.

Sababta Maxamed ku kaliftay inuu ku biiro ciidanka?

Moxamed ayaa waraysiga uu BBC-da siiyay waxa uu ku sheegay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliya uu ugu biiray si qoyskiisa oo aad u daruufaysnaa uu u caawiyo.

“Waxaan ahaa wiil da’ yar oo ay labadiisa waalid ay kala tageen, hooyadiisna ay shaqaynaysay, iyada oo ilma yar korinaysa. Marka waxaan is iri haddii aad maanta xoog yar yeelatay sidee ayaad qoyskaada ku caawin kartaa? Shaqo farmaso iyo mid xamaali waan waayay. Marka waxaan go’aansaday inaan ku biiro ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya si aan mushaar yar u helo, dalkaygana uu amaan u noqdo, si ilmaheenna mustaqbalka ay nabad ugu noolaadaan,” ayuu yiri.

Maxamed waxa uu sheegay in uusan wax gargaar ama taageero dhanka caafimaadka ah ka helin dowladda Soomaaliya muddadii uu dhaawaca ahaa. Balse, dadka kaliye ee ilaa haatan aan ka quusanin oo garabkiisa taagnaa ay ahaayeen qoyskiisa iyo saxaabbadiis.

 

Xigasho: BBC Somali

Ciidamada Israel oo gudaha u galay SYRIA + Sababta

Tel Aviv (Caasimada Online) – Ciidamada Israel ayaa maanta ka gudbay xuduudda Syria, waxayna rasaaseeyeen afar qof oo ay sheegeen inay walxo kaga soo tuureen, ayaga oo dhaawacay qof ka mid ah, waxaa sidaas sheegay ciidamada Israel.

Israel oo duqeymo joogto ah ka fulisa gudaha dhulka Syria, ayaan inta badan qiran inay ciidankeeda ka gudbeen xuduudda.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay ciidamada Israel “askar ilaalo ka aheyd xuduudda ayaa arkay afar qof oo tuhunsaneyaal ah,” meel u dhow aagga Haspin ee buuraleyda Golan Heights ee Israel ay hatsato, ayaga oo aan bixin faah-faahin intaas dheer.

Ciidamada Difaaca Israel “ayaa goobta loo diray, waxayna ka gudbeen xuduudda oo ay ka howlgaleen, ayaga oo rasaaseeyey kadibna lugta ka dhaawacay mid ka mid ah tuhunsaneyaasha,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Qofka la dhaawacay oo aanay xaaladdiisa weli kala caddeyn, ayaa waxaa diyaarad helicopter ah ay u qaaday isbitaal ku yaalla gudaha Israel, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, oo aan shaacin xaaladda saddexdii kale. 

Israel ayaan inta bdan ka hadlin howlgallada militari ee Syria, marka laga reebo howlgallada jawaabta u ah waxa ay ciidamada ku sheegaan halis muuqata oo ku wajahan qarannimada Israel.

Hase yeeshee Israel ayaa qiratay inay boqolala duqeymo ka fulisay Syria, ayada oo beegsaneysa saldhigyo dowladeed iyo kuwa ciidamada ku xiran Iran, tan iyo markii uu dagaalka sokeeyey ka qarxay dalkaas sanaddii 2011.

Israel ayaa qabsatay 1,200 oo isku wareeg KM oo ah dhulka Golan Heights markii uu dagaalka Lixda Maalmood dhex-maray Israel iyo dalalka Carabta, waxayna ku darsatay dhulkeeda, inkasta oo beesha caalamka aysan marnaba aqoonsan. 

Wasiir Fiqi oo ka digay arrin yaab leh oo Al-Shabaab ay qorsheeyeen beelaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ka digay qorshe xasaasi ah oo oo uu sheegay inay waddo kooxda Al-Shabaab, xilli ay wajaheyso cadaadis kaga imanaya dowladda iyo shacab is-abaabulay.

Fiqi ayaa sheegay in Al-Shabaab ay qorsheynayaan isku dirka beelaha inta dagaalka lagula jiro si ay u marin habaabiyaan dib u xorreynta socota, ayaga oo dagaalka ka dhigi doona beel ku duushay deegaanka beel kale.

Fiqi ayaa hadalkan ka sheegay kulan wadatashi ah uu uu la yeeshay odeyaasha dhaqanka ee Galmudug, isaga oo kala hadlay kaalintooda la xiriirta dib-u-heshiisiinta, xasilinta deegaannada laga xoreeyey Al-Shabaab iyo ka feejignaanta “dhagartooda is kahor keenista beelaha.”

Fiqi ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ku tilmaameen dadkii ay tuulooyinka ka gubeen kuwa mooriyaan oo qudhaacu dhuruq ah, isaga oo intaa raaciyey in xagjirnimada kooxdaasi darteed aaney odeyaasha ka qeyb geli karin horumarinta deegaanadooda sida ceel qodis, guryo dhisid, beero iyo wixii la mid ah. 

Wasiir Fiqi waxaa uu ku bogaadiyey beelaha kala duwan sida ay uga gadooodeen dulmiga Al-Shabaab, isaga oo adkeeyey in gulufka hadda socda ee ka dhanka ah argigixisada uu gaaro meesha ugu dambeysa. 

Hadalka Fiqi ayaa yimid maalin kadib markii afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere uu digniin u diray beelaha dagaalka kula jira kooxda, isagoo sheegay inay jiraan qabiilo garab u noqday waxa uu ugu yeeray “gaalada”.

Al-Shabaab waxay sidoo kale qireen in dowladda Soomaaliya ay qabaa’ilka ku hubeysay, wuxuuna afhayeenka u hadlay kooxdaas qabaa’ilka la dagaalamaya ku tilmaamay ‘kuwii isbaarooyinka dhiga jiray’ sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Qabaa’ilkaas waxaan leeyahay waxaa la doonayaa in dano gaar ah la idinku gaaro, kadibna meel cidlo ah la idinkaga tago, idinkoo halaagsamay,” ayuu yiri Cali Dheere.

Sidoo kale Afhayeenka Al-Shabaab ayaa u hanjabay qabaa’ilka kacdoonka wada, isagoo sheegay in reerkii ama jifo kasta oo ka hor timaada Al-Shabaab oo la dagaalanta ay beylah u tahay gacanta iyo seefta kooxda.

“Xasan Sheekh iyo kuwa la socda waxaan leeyahay, dhaarta aad dhaarateen ayaa inoo dhaara, laba dhaar ma jireyso, waxaana rajeynayaa in wakhti aan ku kala bixi doono dagaalka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray afhayeenka Al-Shabaab.

Khasaaraha AL-SHABAAB lagu gaarsiiyey howl-galka Hiiraan oo kordhay + Sawirro

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay howlgal culus oo Ciidamada Dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay ka sameeyeen deegaanka Yasooman oo hoostaga degmada Buula-burte ee gobolkaasi.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Odowaa Yuusuf Raage oo war ka soo saaray howlgalkaas ayaa shaaca ka qaaday in dhimashada ay haatan korortay, isla-markaana ay gaartay illaa 75 xubnood oo ay ka dileen kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay soo qabteen tiro kale oo maxaabiis ah oo haatan ku jira gacanta ciidamada dowladda, wuxuuna tilmaamay in weli uu sii soconayo howlgalkaasi.

“75 ka mid ahaa maleeshiyada Alshabaab lagu dilay Howlgalka Yasooman sidoo kalana lagu qabqabtay tiro maxaabiis ah oo katirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab,” sidaas waxaa yiri taliye Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay wakaaladda wararka qaranka ee SONNA.

Warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale soo bandhigtay meydadka xubnaha Al-Shabaab looga dilay howlgalka ka dhacay deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya balse xaalada deegaanada lagu dagaalamay ayaa ah mid aad u kacan oo laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socdo guluf dagaal oo ay wadaan ciidamada Xoogga dalka iyo maleeshiyaadka deegaanka ee Macawiisleyda, kaas oo tan markii uu billowday ay dowladda Soomaaliya shaacisay in lagu dilay ilaa 200 oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Dowladda oo JAWAAB DEG DEG ah ka bixisay hadalkii Cali Dheere ee Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka jawaabay hadalkii Afhayeenka kooxda Al-Shabaab Cali Dheere, kaas oo xalay markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka ay iclaamisay dowladda Soomaaliya iyo kacdoonka shacabka.

Jeneraal Biixi ayaa wareysi uu siiyey Radio Muqdisho wuxuu ku sheegay in hadalka Cali Dheere uu dhageystay, balse uu ula muuqday ‘cataaw’ ay ka keentay guul darada kooxda ka soo jawahday fagaareyaasha dagaalka.

“Horta Cali Dheere iyo Al-Shabaab waxaan leeyahay kala daaya in caruur aad leysaan, kadibna aad dhahdaan ‘Alxamdu’ calaacalka Cali Dheere waan dhageystay waxaana iiga muuqatay inay ku guul dareysteen dagaalkooda waxuushnimada ah,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

Taliyaha ayaa sheegay in dhibaatada heysata Al-Shabaab ay hormuud u yihiin shacabka Soomaaliyeed oo mudo dheer ay soo dhibaateynayeen, isagoo sheegay in kacdoonka shacabka uu sii xoogeysanayo.

“Cali Dheere maanta inuu calaalacalo waa gar, laakiin weli jaanis ayaa u furan ha isku soo dhiibeen gacanta dowladda, kuwa la qaldayna mid walba hortiisa ha u cararo, weli jaanisbaa idiin furan,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi.

Afhayeenka guud ee kooxda Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay kacdoonka shacabka Soomaaliyeed ee ka curtay gobollada dalka iyo dagaalka uu iclaamiyey madaxweyne Xasan Sheekh.

Cali Dheere  ayaa qiray in dowladda Soomaaliya ay qabaa’ilka ku hubeysay, wuxuuna qabaa’ilka la dagaalamaya ku tilmaamay ‘kuwii isbaarooyinka dhiga jiray’ isagoo qabaa’ilka kacdoonka wada ugu hanjabay inay la dagaalami doonaan.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Dhageyso: Biixi oo shaaciyey dhacdo argagax leh oo Al-Shabaab ay sameeyeen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa xogo cusub ka bixiyey dagaalladii ugu dambeeyey ee Al-Shabaab looga saaray deegaanadii ay sanadaha badan maamulayeen.

Taliye Biixi ayaa shaaciyey in kooxda Al-Shabaab ay sameysay wax ay la yaabeen kadib markii ay madaxa ka goosteen xubno ayaga ka tirsanaa oo looga dilay dagaal ka dhacay degaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha oo wareysigaan siiyey Idaacadda Radio Muqdisho ayaa sheegay in ugu yaraan seddax nin ay kooxdu madaxyadoodii horay u sii qaadatay, isagoo taas ku macneeyey in kooxdu ay diidan tahay in la aqoonsado xubnahaas oo ayaga muhiim ka dhex ahaa.

“Aboorey waxaa ka dhacday qiso cajiib ah oo u baahan in umadda loo bandhigo, meydadkii ay Al-Shabaab deegaankaas uga carareen waxaa ku jirtay seddax nin oo madaxa ay ka goosteen, waa arrin cajiib ah, nin madaxa ka goynaya ninkii garabkiisa ka dagaalamayey, si walba oo loo dilo, laakiin saan tuhmeyno waa kuwo ayaga horjoogayaal u ahaa,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Waxay ku tala galeen in xubnahaas aan la aqoonsan oo aan geeridooda la ogaan, laakiin waxaa mucjiso ah nin garabkaaga ka dagaalamayey markii la dilo inaad madaxa ka jarato.”

Dhinaca kale Taliyaha ayaa sheegay in dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degaan lagu magacaabo Yasoomo lagu laayey kooxda Al-Shabaab, kaas oo lagu dilay ugu yaraan 45 xubnood.

Ugu dambeyntii Taliye Biixi ayaa wareysigaan ku sheegay in dagaalka lagu qaaday Al-Shabaab uu yahay mid saf balaaran ah oo dowladda Soomaaliya ay qorshihiisa dejisay, balse kaalinta ugu weyn ay ka qaadanayaan shacabka Soomaaliyeed ee kacdoonka sameeyey.

Hoos ka dhageyso wareysiga