28.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Ciidamo xirtay wadooyinka magaalada Gaalkacyo iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa maalintii saddexaad xiran waddooyinka gala magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaas oo ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen ciidamo careysan oo u abaabulan hab beeleed oo ku sugan halkaasi.

Ciidamada ayaa hakiyey dhammaan dhaq-dhaqaaqa waddooyinkaasi, taas oo saameyn ku yeelatay dadka safraya iyo gaadiideyda.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle TV ayaa ka warbixiyey xaaladda guud, wuxuuna sheegay in waddada ay ka xiran tahay laamiga soo aada Muqdisho iyo dhanka jidka gala Hobyo, halkaas oo ay ku xaniban yihiin gaadiid iyo dadweyne fara badan.

“Waddada laamiga ah oo Muqdisho soo aada halkaas bey ka xiran tahay, mida kale waddada aada dhanka Hobyo meel 8 KM u jira garoonka ayey ka xiran tahay,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu nasiib darro ku tilmaamay arrintaan oo soo taagneyd maalmihii u dambeeyey, kadib markii ay kordheen dhaq-dhaqaaqyada ay sameynayaan ciidamadaasi.

“Saaka nasiib darro ayey ku tahay 16 sanno, kadib in la sheego in waddo ay go’an tahay gaadiidka oo xanibay,” ayuu sii raaciyey.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in xiisadda ay salka ku heyso cabasho ku aadan hab qaysiga beelaha ee maamulka ka jira magaaladaasi.

“Intaas oo culeys ah oo jira iyo waxa la raadinaayo wax isku dhigma ma’aha in waddada loo xiro xubin hebelo iyo xubin heblaa rabnaa munaasabad ma aha,” ayuu markale yiri.

Dhinaca kale maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa arrintan shir gaar ah ka yeeshay, waxaana guddoomiyey kulankaas guddoomiye Faysal Sheekh Cali oo guddiga amniga faray inay farageliyaan xiisadda, isla-markaana ay qaadeen isbaarooyinka la soo dhigay halkaasi.

Si kastaba, waxaan haatan soconaya dadaallo nabadeed oo lagu qaboojinayo xiisadda, si loo soo afjaro dhaq-dhaqaaqa ciidan iyo xaaladda kacsanaanta ah ee ka jirta Gaalkacyo.

Mid ka mid ah rag Muqdisho ku dilay GABAR aroosad aheyd oo la soo qabtay

0

Muqdisho (Caasimada online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federasalka ah ee  Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigay mid ka mid ah rag habeysnaa oo habeen hore gabar aroosad aheyd ku dilay qaybo ka mid ah degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Ciidamada Booliska, gaar ahaan kuwa saldhigga Kaaraan ayaa gacanta ku soo dhigay ninka la soo qabtay oo loo haysto dilka marxuumadda, ayadoo la baadi goobayo raggii kale.

Allaha u naxariisto marxuumadda waxaa lagu magacaabi jiray Caasho Daahir Xasan, ayada oo lagu dilay xaafadda Jamhuuriya, xilli ay ka soo baxday goob Bukuyeer ah, kuna sii jeeday hoolka arooskeeda oo laga soo galbin lahaa, sida ay shaaciyeen ehelladeeda.

Sidoo kale kooxda dilka fulisay ayaa dhaawacday gabadha abtigeed oo xilligaas la saarnaa mooto Bajaaj ay la socdeen, waxaana isla goobta ku geeriyootay marxuumadda.

Kooxda hubeysan ayaa la sheegay inay aheyd burcad dhac u geysaneysay dadkaasi, waxayna dhacdadan sababtay in arooska gabadha uu isku beddelo tacsi iyo murugo.

Hidaaya Ibaarim Faarax oo dhashay marxuumadda ayaa hadal kooban siisay warbaahinta ayaa sheegtay in xaalad xanuun badan ay haatan wajahayaan, kadib geerida gabadheeda, waxayna baaq u diray dowladda Soomaaliya oo ay ka codsatay in cadaaladda la horkeeni dadkii ka dambeeyey falkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi oo sidoo kale hadal heyn xoogan ka dhalisay baraha bulshada.

Muqdisho ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka dhacayey falal ammaan darri oo aad u baahsan, kuwaas oo oo isugu jiro dilal, qaraxyo iyo dhac loo geysanayo dadka raydika ah.

Xog: Saciid Deni oo qaaday tallaabo uu Jeneraal Abshir London ugu wareejiyey…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay booqday taliska 54-aad ee ciidamada difaaca Puntland, halkaasi oo uu kulan kula yeeshay taliska ciidamada difaaca.

Kulankaan ayaa waxa madaxweynaha ku wehlinayay guddi la-taliyaal ah oo u qaabilsan arrimaha difaaca iyo dhismaha ciidamada, kuwaasi oo uu dhawaan soo magacowday madaxweyne Deni.

Xogaha laga helayo kulankaan ayaa sheegaya in dhamaan howlihii ciidamada iyo maamulka miisaaniyadoodii lagu wareejiyay taliyaha cusub ee Daraawiishta Jeneraal Abshir London.

Waxaa xusid mudan in markii hore howlaha ciidamada iyo tirakoobkooda ay gacanta ku hayeen guddigii dib-u-habaynta ciidamada Puntland, oo uu hogaamiye u ahaa Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal.

Sidoo kale waxa kulankaan lagu gaaray in hadda kadib wixii la xiriira dhismaha ciidamada ay ka wada-shaqeeyaan taliyaha cusub ee Daraawiishta iyo la-taliyaasha madaxweynaha ee dhinaca difaaca.

La-taliyeyasha madaxweynaha ee arrimaha difaaca iyo dhismaha ciidamada ayaa kala ah; S/gaas. Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan), S/gaas. Yasiin Cumar Dheere, S/gaas. Cabdishugri Cabdulaahi Xuseen, S/guuto.Siciid Cabdi Faarax (Tuutawayne) iyo S/guuto. Dayr Xaaji Cabdi.

Ururka Midowga Yurub oo qaadaya tallaabo ka dhan ah dalka Hungary + Sababta

0

Hungary (Caasimada Online) – Guddiga sare ee maamula ururka Midawga Yurub ayaa soo jeediyey in la hakiyo lacag gaadhaysa 7.5 billion oo Yuuro oo la siin jiray dalka Hungary oo xubin ka ah ururka Midawga Yurub, iyada oo walaac xooggan laga qabo musuqmaasuqa dalkaas ka jira iyo weliba dib u dhac ku yimi nidaamkiisa dimoqraadiyadda.

Guddoomiyaha miisaaniyadda ee ururka Midawga Yurub Johannes Hahn ayaa sheegay in dalka Hungary uu haysto illaa bisha November 19-keeda, si uu wax uga qabto waalaca uu qabo ururka Midawga Yurub.

“Waxay ku saabsan tahay jebinta sharciga oo wax u dhimaya isticmaalka iyo maareynta lacagaha EU,” ayuu yidhi Johannes Hahn oo ku sugan Brussels.

Tallaabo kasta oo lagu joojinayo lacagaha la siiyo dalka Hungary, waxay u baahan tahay inay isku raacaan dhammaan 27-ka waddan ee uu ka kooban yahay ururka Midawga Yurub.

Waxyar ka dib markii uu warkani soo baxay, Wasiirka Hungary u qaabilsan wada xaajoodka oo lagu magcaabo Tibor Navracsics ayaa sheegay inay jirto fursad wanaagsan oo ay dawladdiisu heshiis kula geli doonto ururka Midawga Yurub dhammaadka sannadkan, si ay u helaan lacagaha uga yimaadda ururkaas.

Toddobaadkii hore saraakiisha sarsare ee Hungary ayaa si cadho leh uga falceliyey hadal ka soo yeedhay baarlamaanka EU, kaas oo ansixiyey qaraar sheegay in dalka Hungary aanay ka jirin dimoqraadiyad buuxda, Xisbiga ka arrimiya dalka Hungary ayaa sheegay in Midawga Yurub ay markale soo weerarayaan dalkiisa Hungary.

Hase ahaatee madaxa shaqaalaha ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha Hungary ayaa sheegay in dawladdiisu ay ka shaqaynayso sidii ay u samayn lahayd koox gaar ah oo qaabilsan la dagaalanka musuqmaasuqa, isla markaana ay la shaqaynayaan ururada aan dawliga ahayn, si ay u korjoogteeyaan, habka loo bixinayo dhaqaalaha ka yimaadda Midawga Yurub.

Viktor Orban oo markii afraad dib loogu doortay dalka Hungary bishii April ee sannadkan ayay Midawga Yurub isku haystaan qodobo ay ka mid yihiin madaxbanaanida garsoorka, xuquuqda dadka isku jinsiga ah ee damacu kala galo, warbaahinta iyo madaxbaanida diimaha.

Qaybo ka mida macluumaadka ku jira warbixintan, waxaa laga soo xigtay wakaaladaha wararka ee Reuters iyo AP.

VOA

DF oo war ka soo saartay Al-Shabaab maanta lagu laayey Hiiraan iyo Sh/Hoose

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka ayaa degaan lagu magaaco Yasooman oo ka tirsan gobolka Hiiraan waxay ku dileen ugu yaraan 45 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida lagu shaaciyey war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

“Howlgal culus oo ay iska kaashanayaan ciidanka xoogga Dalka iyo dadka deegaanka oo ka socda deegaanka Yasooman oo hoos taga degmada Buula-burde ayaa lagu dilay in ka badan 45 dhagarqabeyaal ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saartay DF.

Sidoo kale qoraalka ayaa intaas ku sii daray in howlgalkaan uu weli socdo, isla markaana ay dowladda Soomaaliya war ka soo saari doonto markii uu soo dhammaado.

“Dhanka kale ciidamada xoogga dalka ayaa toogtay sagaal dhagarqabeyaal ah oo ka tirsanaa Al-shabaab ka dib hawlgal ka dhacay deegaanka Warmaxan ee gobalka Shabeelaha Hoose, halkaas oo ay isku dayayeen in ay si dhuumaalaysi ah isaga abaabulaan,” ayaa lagu warkaan ka soo baxay dowladda.

Howlgalka deegaanka Warmaxan inta uu socday waxaa dhaawac uu ka soo gaaray Saddex ka mid ah ciidamada dowladda howlgalka fuliyey, sida lagu xusay war-saxaafadeedka.

“Inta ay socdaan howlgalada ka dhanka ah Argagixisada waxaa lagu dilay in ka badan 200 oo ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana laga saaray maleeshiyaadka ku dhowaad 30-deegaan oo ay dadka Soomaaliyeed ku gumaadi jireen,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Awooda Al-Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay laga soo wiiqay goobo badan oo ka mid ah gobollada Hiiraan, Galgaduud, Mudug iyo Bay, sidoo kale meydadka dagaalyahanada Al-Shabaab oo aad loo laayey ayaa lagu soo bandhigay gobolladaas.

Kacdoonkii ugu cuslaa ayey wajaheysaa kooxda Al-Shabaab, kadib 15 sano oo Soomaaliya ay dagaalo dad badan galaaftay ka wadeen, dowladda Soomaaliya ayaa dhiira-gelin xoog leh la garab taagan beelaha Soomaaliyeed ee isku dhaarsaday inay iska xoreeyaan Al-Shabaab.

Cali Dheere oo war kasoo saaray kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka guud ee kooxda Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa maanta markii ugu horeysay si qota dheer uga hadlay kacdoonka shacabka Soomaaliyeed ee ka curtay gobollada dalka iyo dagaalka uu iclaamiyey madaxweyne Xasan Sheekh.

Cali Dheere ayaa khudbadaan ka jeediyey kulan ay Al-Shabaab ugu magac-dareen Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, isagoo sheegay inay jiraan qabiilo garab u noqday waxa uu ugu yeeray “gaalada”.

Sidoo kale Cali Dheere ayaa xaaladda kacdoonka ah ee maanta ay wajahayaan wuxuu ku macneeyey inay lamid tahay tii uu wajahay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan waayihiisii halganka.

Al-Shabaab waxay sidoo kale qireen in dowladda Soomaaliya ay qabaa’ilka ku hubeysay, wuxuuna afhayeenka u hadlay kooxdaas qabaa’ilka la dagaalamaya ku tilmaamay ‘kuwii isbaarooyinka dhiga jiray’ sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Qabaa’ilkaas waxaan leeyahay waxaa la doonayaa in dano gaar ah la idinku gaaro, kadibna meel cidlo ah la idinkaga tago, idinkoo halaagsamay,” ayuu yiri Cali Dheere.

Sidoo kale Afhayeenka Al-Shabaab ayaa u hanjabay qabaa’ilka kacdoonka wada, isagoo sheegay in reerkii ama jifo kasta oo ka hor timaada Al-Shabaab oo la dagaalanta ay beylah u tahay gacanta iyo seefta kooxda.

“Xasan Sheekh iyo kuwa la socda waxaan leeyahay, dhaarta aad dhaarateen ayaa inoo dhaara, laba dhaar ma jireyso, waxaana rajeynayaa in wakhti aan ku kala bixi doono dagaalka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray afhayeenka Al-Shabaab.

Hadalka Cali Dheere ayaa ku soo aadaya xilli awooda Al-Shabaab laga soo wiiqay goobo badan oo ka mid ah gobollada Hiiraan, Galgaduud, Mudug iyo Bay, sidoo kale meydadka dagaalyahanada Al-Shabaab oo aad loo laayey ayaa lagu soo bandhigay gobolladaas.

Kacdoonkii ugu cuslaa ayey wajaheysaa kooxda Al-Shabaab, kadib 15 sano oo Soomaaliya ay dagaalo dad badan galaaftay ka wadeen, dowladda Soomaaliya ayaa dhiira-gelin xoog leh la garab taagan beelaha Soomaaliyeed ee isku dhaarsaday inay iska xoreeyaan Al-Shabaab.

Al-Shabaab oo lagu billaabay in la gowraco kadib marar badan oo ay dad gowraceen

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Dagaal-yahanada Macawiisleyda ayaa dilay ugu yaraan 45 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, ayaga oo gowracay qaar ka mid ah, waxaa sidaas xaqiijiyey goobjoogeyaal, xilli shacabka gobollada dhexe ay xoojiyeen dagaalka ka dhanka ah kooxdan. 

Gowracan ayaa dhacay Sabtidii kadib dagaal xooggan oo ka dhacay gobolka Hiiraan, halkaasi oo uu ka socdo kacdoonka ugu xooggan ee ka dhanka ah Al-Shabaab. 

“Al-Shabaab ma xoog badna, dadka ayey gubaan, gowracaan oo meydadkooda dhigaan jidadka si ay u argagax geliyaan shacabka,” waxaa sidaas yiri Axmed Cabdulle oo ka mid ah odayaasha Hiiraan.

“Hadda waxaan ku sameynay sidaas si la mid ah: Waxaan amarnay in la gowraco dagaal-yahanada Al-Shabaab,” ayuu yiri Axmed oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters.

Muuqaallo lagu baahiyey barta Telegram ayaa muujiyey ugu yaraan laba ka mid ah dagaal-yahanada Al-Shabaab oo la gowracay iyo meydadka tobanaan kale oo dagaalka lagu dilay. 

Goobjoogeyaal dhowr ah oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin ayaa xaqiijiyey dhab ahaanshaha muuqaalladaas.

“Al-Shabaab waa na caddibeen…sidaas darteed, dadkeena waxay go’aasadeen inay is xorreeyaan. Gabadheyda ayaa sidoo kale ka dagaalameysa furunta hore, waxay haysataa AK-47,” waxaa sidaas tiri Xaliima Ismaaciil oo ka mid ah dadka deegaanka.

Dagaal-yahanada Macawiisleyda ayaa 10 deegaan ka qabsaday Al-Shabaab toddobaadyadii dhowaa, sida uu sheegay Xasan Faarax oo ka mid ah odayaasha gobolka Hiiraan. 

Sidoo kale, shacabka Galmudug ayaa hubka qaatay oo dagaalka dhankooda ka wada.

“Toddobaadkan, waxaan dib u qabsanay sagaal xaafadood,” ayuu yiri Axmed Shire Falagle oo ah wasiirka arrimaha gudaha Galmudug. 

“Kacdoon xooggan ayaa ka socda maamul goboleedka Galmudug.” 

Dowladda federaalka ayaa Sabtidii ciidamo u dirtay Galmudug si ay u xoojiyaan dagaal-yahanada deegaanka. 

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa horraantii bishan waxay duleedka Beledweyne ku dileen 18 qof oo shacab ah ayaga oo kadibna gubay baabuur, taasi oo sii kicisay dadka deegaanka. 

Dagaalkan ayaa u muuqda kii ugu dambeyn looga adkaan lahaa Al-Shabaab, loogana xoreyn lahaa dalka.

Sawirro: Xamsa oo u yeeray guddi hoosaadka golaha wasiirada soona saaray amar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta shir-guddoomiyay kulankii ugu horreeyay oo ay yeeshaan guddi hoosaadka golaha wasiiradda ee “Tiirka Soomaali Heshiis ah oo ka mid ah lixda tiir ee qorshaha Xukumadda Dan Qaran,” sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Xamsa.

Kulanka ayaa waxaa lagu soo bandhigay qaabka dhismeedka guddi hoosaadka iyo qorshe howleedka hortabinta u leh ee horyaalla xubnaha guddiga.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray xubnaha guddi hoosaadka in ay la yimaadaan howl karnimo iyo dadaal dheeraad ah, si looga gun gaaro hirgelinta halbeegyada u degsan, kuwaas oo uu tilmaamay inay aasaas u yihiin xasillooni siyaasadeed iyo in horumar la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka xafiiska R/Wasaaraha.

Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xirsi Jaamac Gaani, ayaa maanta la kulmay Agaasinka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Xarunta Qaran ee Hawgallada Gurmadka Degdegga ah iyo xubno ka mid ah Guddiga Abaaraha, wuxuuna ka dhageystay warbixin la xiriirta halka ay marayaan howlaha gurmadka qaran ee abaaraha iyo deegannada wax la gaarsiiyey intii ay howlaha gurmadku socdeen.

Gaani ayaa kula dardaarmay hoggaanka hay’adda iyo guddiga gurmad abaaraha in la sii xoojiyo dadaallaada socda, iyadoo muhiimad wayn la siinayo gacan qabashada dadka jilicsan ee abaaruhu saamyeen.

Sidoo kale Wasiiru Dowlaha ayaa xubnihii uu la kulmay kula dardaarmay in dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay lala gaaro wixii la hayo, dib u dhac walba oo yimaadana uu xaaladda ka sii dari karo.

Dhankooda, Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Xarunta Qaran ee Hawgallada Gurmadka deg degga ah iyo Guddiga Abaaraha ee heer qaran oo iskaashanaya ayaa warbixintooda ku soo bandhigay xogta deegaanno badan oo la gaar siiyey gurmadka iyo kuwa la qorsheyey in deg deg gurmad loogu diro.

Ku-simaha madaxweynaha oo soo saaray baaq deg deg ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta markale ka hadlay abaaraha ka jira qeybo ka mid gobolada dalka, isaga oo baaq u diray ganacsatada Soomaaliyeed iyo hay’adaha deeq-bixiyaasha.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya, deeq bixiyaasha caalamka iyo Shacabka Soomaaliyeed inay door muhiim ah ka qaataan gurmadka loogu jiro Abaaraha, ka hor inta aysan Abaarta isku badalin Macluul.

“Waxaa ogaanay gobolada qaar dadka jooga in ay u dhintaan gaajo. Waxaa aan soo jidanayaa bilaha September iyo October in gargaarka la kordhiyo, si xili roobaadka ka hor goobaha gargaarka la gaarsiin karo si loo gaarsiiyo,” ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ku baaqay in gurmadka abaaraha ay xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza ka bilaabaan goobaha ay joogaan dadka ugu daran ee ay saameysay abaartu.

Hadalka Aadan Madoobe ayaa imanaya xili laga deyrinayo xaalada abaareed ee dalka, islamarkaana la soo warinayo in gobolada qaar dadka ku nool ay u dhinteen Abaarta.

Dhawaan unbey aheyd markii uu Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ee QM khudbad ka jeediyay uu ku sheegay in 7.8 milyan oo Soomaali ah ay wajahayaan xaaladda bini’aadannimo kadib markii ay saameysay abaarta ka jirta dalka

Xasan Sheekh oo jawaab ka bixiyay diidmadii Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa ka jawaabay hadalkii dhawaan kasoo yeeray dowlad-goboleedka Puntland, kaasi oo diidmo uga muujiyeen dhaq-dhaqaaqyada la xiriira shidaalka Soomaaliya ee ay waddo dowladda federaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadal ka jeedinayay kulan uu la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka ayaa ugu horeyntii sheegay inay jiraan dad dagaal adag kala horyimaada marka lagu dhaqaaqo arrimo la xiriira horumarka Soomaaliya.

“Waxaa go’aan inaga ah sanadkaan in aan furno waxkasta oo fursad ah (shidaal) oo ka jira dalka, qeylo iyo buuq badana waa maqli doontan laakiin waxaa rabnaa mid Soomaaliya wax u tarta inay noqoto,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxa uu sheegay in mar walba ay muhiim tahay in geesinimo la muujiyo oo aan la cabsan, taasi oo qeyb ka tahay mushkiladaha Soomaaliya xiligaan heysta ee dhibaatooyinka kala duwan ee dhinaca siyaasadda.

“Awoodeena iyo fahamkeena hadba intuu gaarsiisan yahay waa in aan socodsiina, aayado quraan ah iyo wacdi soo dagaya ma aha hadey qaldan yihiin beri qofkii inaga dambeeyow sax oo toosi, laakiin in albaabkaas la furi waayo waa diidanahay.”

Xasan Sheekh ayaa ku adkeysanaya fulinta sharcigaan oo ay sheegtay Puntland inay aad uga xun tahay sida ay dowladda federaalka Soomaaliya u wajaheyso fulinta sharcigaan iyo in lagu deg-dego ka ganacsiga kheyraadka dalka, sida hadalka loo dhigay.

Puntland ayaa sidoo kale uga digtay dowladda federaalka inay joojiso fulinta sharcigan aan waafaqsanayn dastuurka dalka, kaasi oo keeni kara xasillooni darro hor leh oo dalka ka dhalata, waxna u dhimi kara hannaanka dhismaha dawladnimo, ugu dambayntiina hurin kara kacdoon shacab iyo rabshado, sida qoraalka loo dhigay.

Boqorka beesha KHADIIJA DIIRIYE oo u jawaabay UMAL

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqorka beesha ay kasoo jeedo Khadiija Maxamed Diiriye ayaa u jawaabay Sheekha Soomaaliyeed ee caanka ah Sheekh Maxamed Cabdi Umal, oo dhaliilay waxa uu ku tilmaamay sarwaal ay horey u xiratay, wasiirka gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya.

“Khadija marka ay surwaalka xirato un ayay isku diin yihiin Sheekh Umal iyo sheekhyada kale. Khadiija waxay yiraahdeen, waa Yixir, waa Midgaan waa 4.5, markii horeba diinta way ka saari jireene, maxaa ka galay surwaalkeeda,” ayuu yiri boqorka oo muuqaalkiisa Baraha Bulshada lagu baahiyay.

“Sheekh Maxamed Cabdi Umal, haddii uu Khadiija Diiriye jeclaaday, aniga ayaa u boqor ah, oo u mehrinaaya ee ha isoo maro. Haddii uu surwaalkeeda ka hadlay wuu jeclaaday,” ayuu yiri.

Hadalka Sheekh Maxamed Cabdi Umal, ayaa waxaa sidoo kale jawaab ka bixisay wasiir Khadiija, oo sheegtay in Sheekha aanay waxbo ka gelin surwaalkeeda, maadama dumar badan oo Muslimiin ah ay xirtaan.

“Wasiiradda dowladda Soomaaliya ka tirsan ayaa meel fagaare ah la taagan sarwaalkii ragga ay gogosha ku seexanayeen, oo ay isku soo sawirtay, markaas ayay Baraha Bulshada soo dhigeysaa, xitaa xishood darrada iyo sariig la’aanta heerkaas ayay gaartay,” ayuu sheegay Sheekh Umal.

Sheekh Umal ayaa ka digay dumarka sameynayaan tallaabooyinka dhaqan xumada ee ka dhanka ah diinta Islaamka ee ay ku kacayaan.

“Maxay u galayaan waxaysan garaneyn? maxay qiyamka iyo akhlaaqda dumarka u weerarayaan? imisaa dumar baa laga qabanaya diinta Ilaahey” ayuu yiri Sheekh Maxamed Umal, oo khudbadda jimcaha ka jeedinayay masjid ku yaalla magaalada Nairobi.

Khadiija Maxamed Diiriye oo muuqaal soo dhigtay boggeeda Facebook, ayaa waxay tiri “Dunida Muslimka ah marwooyinka ugu sarreeya ayaa saraawiisha xiran, sarwaalka shaley laga hadlay kama duwano saraawiishaas” ayey carabka ku dhufatay Khadija Diriye.

AL-SHABAAB oo mar kale gubay guryo shacab iyo ceelal

0

Maxaas (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee maamulka HirShabelle ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay mar kale gubtay guryo iyo ceelal ay leeyihiin dad shacab ah, xilli ay kooxda sii waddo dagaalka shacabka.

Guryaha iyo ceelasha la gubay ayaa waxay ku yaaleen degaanka Ceel-jiqoow oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, waxaana la xaqiijiyey inay kooxdaan gubtay dhammaan guryahihii tuulada ku yaallay.

Dadka degaanka Ceel-jiqoow ayaa waxaa ay warbaahinta u sheegeen in marka hore ay Al-Shabaab ku amreen inay degaanka deg deg uga baxaan, kadibna ay gubeen guryihii.

Sidoo kale, dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey inay kooxdan ay qarax ku bur-burisay halkii  ceel biyood ee ku yaallay deegaanka Ceel-Jiqoow oo dadka iyo xoolaha ka biya cabi jireen.

Dadkii daganaa tuulada ayaa la xaqiijiyey inay gebi ahaanba isaga barakaceen halkaas kadib markii ay soo wajahday duruufo dhanka nolosha ah, maadaama la gubay guryihii ay daganaayeen iyo ceelkii ay biyaha ka cabi jireen.

“Wallaaloow anaga oo guryaheena iska joogna ayay Al-Shabaab nagu amreen inaan isaga baxno, markii aan ka tagnayna waa ay gubeen, ceelkii Biyaha aan ka cabi jirnayna qaraxyo ayey ku burburiyeen, mana aqaano waxa aan ka galabsanay,” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha.

Waa markii labaad oo Al-Shabaab ay gubaan guryo ku yaalla gobolka Hiiraan tan iyo markii uu billowday kacdoonka ka dhanka ah kooxdan oo ay billaabeen dadka deegaanka oo u abaabulan qaab qabiil.

Inta badan deegaanada gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socda kacdoonka ka dhan ah kooxda Al-Shabaab waxaana kooxdaan laga saaray deegaan badan kadib dagaalo dhiig badan ku daatay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ballan qaaday inuu muddo hal sano gudaheed ah uu Al-Shabaab uga ciribtiri doono guud ahaan Soomaaliya.

Daawo: Sheekh Xasan Daahir oo ku soo biiray dagaalka KHADIIJA DIIRIYE iyo UMAL

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys oo weli xabsi guri ku ah magaalada Muqdisho ayaa soo fara-geliyey xiisadda ka dhex-qaraxday wasiirka haweenka xukuumada Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye iyo Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Xasan Daahir Aweys ayaa toos u duray wasiir Khadiija Maxamed Diiriye, isaga oo tilmaamay inay wado fidno, sida uu hadalka u dhigay.

“Waanaagii ayaa inta aad la dirirtaan waxaad dooraneysaan bakhtiga. Fidnada Diinta la fidneeyo ayaa ka fidno badan dilka,” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray “Waxaad wadaan ayaan garaneynaa, meesha ay ka yimaadeen sidaad u socotaan ayaan garaneynaa waxaan qurunkaa naga joojiya”.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sidoo kale ka jawaabayey hadalkii wasiir Khadiija Diiriye ayaa shaaca ka qaaday in eedeymaha ay u jeedisay Sheekh Umal ay iyada lid ku yihiin, isla-markaana ay haatan wax ka wado qaanuun uu sheegay in uu wax u dhinayo Diinta.

“Qanuunka xunka ah ayaad rabtaan inaad ku meel marisaan inta aad qeel-qeelisaan, gabdhaha idinka ayaa dariishadaha kasoo tuura,” ayuu markale yiri Sheekh Xasan.

Dagaalkan oo marba marka dambeysa cirka isku sii shareeya ayaa ka dhashay surwaal ay dhowaan xiratay wasiirka haweenka, kaas oo uu Sheekh Umal wax laga yax-yaxo ku tilmaamay lebiska ay isku soo sawirtay wasiir Khadiija, isagoo tallaabadaas ku macneeyey mid fariin culus xambaarsan oo dhaqanka suuban ee Muslimiinta meel ka dhac ku ah.

Gabar uu dhalay Xil. Beerey oo XIL looga magacaabay wasaaradda maaliyadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sameeyey magacaabistii ugu horreysay tan iyo markii xilkan loo magacaabay.

Wasiir Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa madaxa canshuur dhaafka wasaaradda maalyadda ee magacaabay Safiya Maxamed Axmed, oo ah gabar uu dhalay xildhibaan Maxamed Axmed Beerey.

Xilkan ayaa ah mid muhiim ah, waaxan shaqsiga maamul nidaamka canshuur dhaafka dowladda oo inta badan loo sameeyo ganacsatada, taas beddelkeeda looga qaado lacago ka baxsan nidaamka dowliga ah.

Wasiirka ayaa Safiya Maxamed Axmed ku amray inay xilkeeda u gudato sida uu qabo sharciga iyadoo la tashaneyso sharci-yaqaanada wasaaradda.

Safiya Maxamed Axmed ayaa wasiirka maaliyadda kala shaqeyn doonto canshuur dhaaf, waxaana dhammaan mas’uuliyiinta ay khuseyso warqadaan lagu amray inay la shaqeeyaan.

Mar kasta oo xukuumad cusub lasoo dhiso waxaa caado ah in wasiirada la magacaabo ay is badal ku sameeyaan xilalka wasaaradaha si ay meesha ku keensadaan dad ay is fahmi karaan ama ay ka codsadaan saaxiibada siyaasadda.

Dad ku beel ah xildhibaan Beerey ayaa sheegay inaysan sax aheyn in xildhibaanka uu saameynta uu ku leeyahay dowladda iyo matalaadda beeshiisa u adeegsado inuu uga faa’iideeyo xigtadiisa, intii uu ugu adeegi lahaa guud ahaan beesha.

Halkaan hoose ka akhriso warqadda magacaabista

Daawo: MUUSE BIIXI oo u jawaabay XASAN SHEEKH

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal ka soo yeeray madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya oo go’aan adag ka qaatay qaddiyadda Somaliland, isla-markaana shaaciyey inay ka go’an tahay in aysan marna aqbali doonin in Somaliland ay ka go’do Soomaaliya.

Muuse Biixi ayaa ka horyimid hadalka madaxweyne Xasan Sheekh oo haatan ku sugan dalka Mareykanka, wuxuuna sheegay in nin Xamar jooga aan waxba laga weydiin doonin arrimaha Somaliland, isaga oo intaasi ku daray inay 30 sanno yihiin qaran madax bannaan.

“Xasan Sheekh iyo Xamar nin joogo waxba laga weydiin maayo qaddiyadda Somaliland, 30 sanno qaran madax bannaan ayeynu nahay,” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in hadalka ka soo yeeray Xasan Sheekh Maxamuud uu abuurayo cadaawad horleh oo dhex-marta Soomaaliya iyo Somaliland

“Hadalkaa aad tiri cadaawadduu kordhinayaaa aqli xumana way tahay 30 sanno ayeynu kala maqneenee waxaa ka wanaagsanaa inaad tiraahdo oo ku leenahay laba dowladood oo jaar ah oo walaalo ah oo Soomaaliyeed ma ahaanaa?” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Biixi.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray “Somaliland soo baro waa gob, xormaa deeqda ee caloosha ma deeqdo wax ay geliyaan,”.

Hadallada kul-kulul ee ay hawada isku mariyeen labada dhinac ayaa uga sii daraya xiisadda Soomaaliya iyo Somaliland oo horey u yeeshay wada-hadallo kala duwan.

Si kastaba, Somaliland ayaa 18-kii bishii May ee 1991-dii ku dhawaaqday in ay gooni isaga taagtay Soomaaliya inteeda kale.

Daawo: Waqtiga la qabanayo doorashada madaxweynaha Puntland oo la shaaciyey

0

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa shaaca ka qaaday xilliga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha maamulka Puntland.

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ballanqaaday inay doorashada madaxtinimada Puntland oo haatan ka dhiman tahay sanad iyo dhowr bilood ay ku dhici doonto waqtigeedii 8-da January 2024, islamarkaana aanu waxba iska beddelin jadwalkaas.

Cabdirashiid oo sidoo kale ka hadlay dimuqradiyadda Puntland, ayaa bulshada ka codsaday in lasoo dhoweeyo nidaamkan isagoo hambalyeeyey fariisinta golaha deegaanka degmada Eyl oo ka mid ah seddexdii degmo ee ku yimid doorashada qof iyo cod.

Hase yeeshee, uma muuqato in Puntland ay ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah, maadaama hadda un ay tijaabada arrintaas ay socoto, waxaana mar kale madaxweynaha dooran doona Golaha Wakiilada.

Madaxweynaha iminka ee Puntland Saciid Deni ayaa la filayaa inuu mar kale xilkaas isku sharxo, hase yeshee ma badna rajada uu dib ugu soo laaban karo, ayada oo Puntland ay caan ku tahay in aanay dib usoo celin madaxweyne xilka mar qabtay.

Madaxweynayaashii ka horreeyey Deni, sida Cabdiweli Gaas iyo Cabdiraxmaan Faroole ayaan labadaba dib loo soo dooran.

Maamulka Puntland ayaa madaxweyne cusub doorta shantii sanaba mar, wuxuuna ka duwan yahay maamul goboleedyada kale ee Soomaaliya oo muddo xileedka uu yahay afar sano.

Si kastaba, bilihii dhowaa afarta maamul goboleed ee kala ah; Galmudug, HirShabelle, Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa dheereeyey muddo xileedka baarlamanka iyo madaxweynaha oo ay ku direen hal sano, inkasta oo sharci-darro lagu tilmaamay.

Axmed Madoobe oo dalab u jeediyey xildhibaanada iyo wasiirada Jubaland ee DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo weli ku sugan magaalada Muqdisho ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay xildhibaannada, senatorada iyo wasiirada Jubbaland ku metala dowladda dhexe.

Kulanka ayaa yimid, kadib casuumaad uu madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland u sameeyey xubnahan, iyaga oo kadib iska xog wareystay xaaladda guud ee Jubbaland.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa kala warqaadasho iyo dardaaran uu Axmed Madoobe u jeediyey masuuliyiinta kala duwan ee Jubnaland ku matala dowlada federaalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale hal arrin ka codsaday xubnaha uu la kulmay, taas oo ah inay dib ugu noqdaan deegaannada laga soo doortay ama ay wakiilka ka yihiin, si ay ugu kuurgalaan xaaladaha ka jira halkaasi, maadaama ay ku dhufatay abaar baahsan.

Sidoo kale wuxuu kala hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo shaaca ka qaaday in howlgallo culus ay dhowaan ka bilaabanayaan deegaannada Jubbaland.

“Kulanka ayaa lagaga hadlay sidii xildhibaanada iyo xubnaha kale ee Jubaland ku matala Dowlada Federaalka ah ay ugu soo noqon lahayeen deegaanka isla markana ay ugu kuur gali lahayeen dadaalada socda iyo howlgalada dhawaan bilaabanaya ee lagu cirib tirayo kooxaha argagixisada ah” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Axmed Madoobe.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan Jubbaland ay la daala dhaceyso xaalado adag, sida abaaro iyo howlgallada ka dhanka ah Shabaab oo weli ku xoogan maamulkaasi.

Daawo: Khadiija Diiriye oo u jawaabtay Sheekh Umal

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka haweenka Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa u jawaabtay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo weerar ku qaaday dhowaan sababo la xiriir surwaal ay xiratay.

Sheekh Umal ayaa wax laga yaxyaxo ku tilmaamay lebiska ay isku soo sawirtay Maamo Khadiija, isagoo tallaabadaas ku macneeyey mid fariin culus xambaarsan oo dhaqanka suuban ee Muslimiinta meel ka dhac ku ah.

“Habar wasiir ah oo dowladda Soomaaliya ka tirsan ayaa meel fagaare ah la soo istaagtay surwaalkii ragga loogu tala galay, xitaa maaha surwaalka lebiska ee waa surwaalkii sariirta, hadana waxay soo dhigtay Social media-ha, indha adeyga, xishood darrida iyo sariig la’aantu heerkaas ayey gaartay, 60 jir wey ka weyntahay, bal maxaa u haray oo da’daan ay isku qaawineysaa?” ayuu yiri Sheekh Umal.

Khadiijo Maxamed Diiriye oo xalay muuqaal jawaab ah soo dhigtay boggeeda Facebook ayaa tiri “Dunida Muslimka ah marwooyinka ugu sarreeya ayaana saraawiisha xiran, sarwaalka shaley laga hadlay kama duwano saraawiishaas.” 

Waxay intaa ku dartay in aan lasoo koobin karin tirada dumarka xirta saraawiisha ee ka shaqeeya hay’adaha dowladda. 

“Waxaa soo wehliyay shaley oo Jimco aheyd in uu ka hadlo Sheekh Umal, diinta Islaamka waa nasteexo, midda koowaad waxay ka hadleen surwaal, waxay ogyihiin umadda Soomaaliyeedna ogtahay iska dhaaf dumarka Soomaaliyeed yar iyo weyn, inta surwaal xiran oo goleyaasha dowladda iyo hay’adaha dowladda ka shaqeeyo lama xisaabin karo,” ayay tiri Wasiir Khadiijo. 

Hoos ka daawo muuqaalka Khadiija 

Danaha silloon ee Maraykanka uu Soomaaliya ka leeyahay

0

Maalin dhawayd wuxuu la-taliyaha xagga amniga Xuseen Sheekh ee madaxwayne Xasan Sheekh dulsaarnaa Markab ciidamada badda ee Maraykanka oo Muqdisho u soo dhawaaday. Runtii la-taliyihu aad buu u faraxsanaa markaa si dhaw u fiiriso sawiradii uu la wadaagay baraha bulshada.

Muddo yar kadib Madaxwayne Xasan Sheekh wuxuu booqasho ku bixinayaa dalka Maraykanka. Booqashada madaxweyne Xasan Sheekh waxay kaga duwan tahay booqashooyinkii madaxwaynayaasha Soomaalidu ku tagi jireen dalka Maraykanka in Xasan Sheekh maamuus iyo shirar loogu sameeyay aqalka Pentogan ee xarunta u ah Wasaarada Gaashaandhiga ee Maraykanka.

Faalloodeyaal badan baa iswaydiiyay maxaa madaxweyne Xasan Sheekh safarkiisa uu uga bilaabay aqalka Pentogan oo lagu maamuuso wasiirada gaashaandhiga iyo taliyeyaasha milatariga ee waddamada shisheeye?

Waxaan shaki ku jirin in madaxweyne Xasan Sheekh uu kaalmo milatari iyo mid diblomaasiyadeed uu u doontay dalka Maraykanka, waayo dowlada Xasan Sheekh waxay dagaal u caddaysatay kooxda aragagixisada ah ee Shabaab oo xasuuq joogto ah ku hayay ummada Soomaaliyeed ilaa iyo sannadkii 2007 oo ay ahayd markii la asaasay.

Waxaa kale oo xaqiiqo ah taageerada madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka gudihiisa durba xiisihii loo qabay inay si xawaare leh ay u uumibaxaysay billihii la soo dhaafay oo imika Xasan Sheekh wuxuu dareemayaa tabardari siyaasadeed iyo loollan aan weli soo shaacbixin oo isaga iyo dowlad goboleedyada durba ka dhex bilowday.

Ilaa bilowgii qarnigaan dowlada Maraykanku waxay loollan istaraatiijiyadeed kula jirtay dalka Shiinaha oo hadda cuddudiisa dhaqaale iyo milatariba kordhinayay ilaa saamaynta Shiinuhu soo gaartay gobolkeena Geeska Afrika ee istaraatiijiga ah. Dalka Shiinuhu wuxuu saldhig Milatari ku leeyahay dalka Jabuuti ee Soomaaliya deriska la ah. 

Dhinaca kale, dagaalka Ruushku ku weeraray dalka Yukrayn ayaa isna soo celiyay dagaalkii qaboobaa ee Ruushka iyo Maraykanka u dhexeeyay. Waxaa la oran karaa Soomaaliya oo ku taal gobol istaraatiiji ah waxay liishaan u noqotay hadda tartanka dowladaha waawayn ee dunida.

Waxaa labadii billood ee la soo dhaafay jiray booqasahooyin rasmi ah oo saraakiil Maraykan ah ay dekada iyo garoonka Berbera ee ‘Somaliland’ ku samaynayeen.

Magaalada Washington iyana waxaa ka bilowday dhaqaaq xildhibaano u olloleeya kala go’a Soomaaliya inay diyaariyeen sharci dowlada Maraykanka ku riixaya inay aqoonsato ‘Somaliland’ ama ugu yaraan si gaar ah loola macaamilo, inkasta oo sharcigaas goor dambe uu Baarlamaanka Maraykanku diiday.

Imika waxay u muuqataa dowlada Maraykanku debaca siyaasadeed ee Xasan Sheekh inay uga faa’iidaysanayaan inay ka saxiixdaan heshiisyo milatari oo ay ku saxayaan istaraatiijiyadooda gobolka Geeska Afrika.

Waxaa laga yaabaa Maraykanku mar labaad Berbera inay ka dhigtaan saldhig milatari oo rasmi ah, iyada oo madaxweyne Xasan Sheekh looga badalanayo taageero milatari iyo mid diblomaasiyadeed ee ay dowlada Xasan Sheekh aadka ugu baahan tahay.

Waxaa laga yaabaa Maraykanku inay si isku-dhac la’aan ah oo u kala-dabqaadid ay ka dhex kalluumaysato maamulka gooni-goosadka ah ee ‘Somaliland’ iyo dowlada federaalka ah ee uu madaxweyne Xasan Sheekh hoggaamiyo.

‘Somaliland’ oo 1991dii ku dhawaaqay inay Somalia ka go’day ilaa hadda ma jirto aqoonsi dunida ay ka heshay. Muuse Biixi oo hoggaamiya gobolkaas waxaa ku furan mucaaradad qaraar oo ka imaanaysay xisbiyada mucaaradka ah oo ku adkaysanaya in doorashadu dhacdo xilligii loogu talagalay halka Muuse Biixi uu doonayo inuu waqtiga si sharcidaro ah u kororsado.

Maraykanku way ogyihiin in labada dhinacba (Muuse iyo Xasan Sheekh) ay siyaasad ahaan luudayaan oo ay u nugul yihiin in looga faa’iidaysto daruufaha kala haysta labada dhinac. Waxaa laga yaabaa in heshiisyo qarsoodi ah la galo maadaama shacabka Soomaaliyeed ee midnimada Soomaaliya aan ka gorgortamin ay kulaalayaan baraha bulshada oo si fudud looga gilgilan karo haddii ay soo baxdo dood ah in ‘Somaliland’ uu Maraykanku ula dhaqmo sida Taiwan.

Haddii sidaas wax u dhacaan waxaa laga yaabaa inay Xasan Sheekh ay ku keento kacdoon iyo mucaaradad bulsheed oo shacabka Soomaaliyeed uga timaada.

Dowlada Maraykanku xilligii dagaalkii qaboobaa ayay dowladii askarta ahayd ee uu hoggaaminayay Siyaad Barre waxay saldhiga Berbera kaga badalatay taageero siyaasadeed iyo hub lagu qiimeeyaay 1.8 bilyan doolar sannadkii 1982dii.

Qore: Faarax Jaamac

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Daawo: Xasan Sheekh oo shaaciyey saddexda furun ee dagaalka looga furayo Al-Shabaab

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sameeyey ballan qaad cusub oo ka dhan kooxda Al-Shabaab, kadib kulan uu Washington kula qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan Mareykanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ka go’an tahay inay Soomaaliya ka garab siiso dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan shalay iyo maanta galay shirar isku xig xigay oo aan kala har laheyn, Pentagon-ka ayaa shir ku galnay, white house-kaa tagnay, Sate Baarlamaanka tagnay, dhammaan madaxd hey’adahaas kala duwan ayaan aragnay si guul ah ayey kusoo dhammaadeen, dowladda Mareyanka ee xilligaan jirta way ka go’an tahay inay Soomaaliya kaalmeyso,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa sii raaciyey “Waxaan la wadaagnay inuu jiro kacdoon  dhanka qabaa’ilka ah oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay bilaabeen inay dadka cabsi geliyaan oo ay ceelasha ka duugaan, isla markaana ay carruurta dadka ka afduubtaan.”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in kooxda Al-Shabaab si nabad ah looga soo furtay 20 carruur ah oo ay ka duubteen gobolka Hiiraan, kadib markii ay ku kaceen dadka deegaanka, taas oo tusaale uu ugu soo qaatay tabar darrada kooxda.

“Kacdoonkii ugu darnaa wuxuu ka dhacay gobolka Hiiraan, markii Al-Shabaab ay 20 cunug tuulo ka wateen, tallaabadaas waxay sababtay dagaal khasaare badan ka dhashay, ugu dambeyntiina keentay in Al-Shabaab laga dilo 27 qof, halka si nabad ah loosoo badbaadiyey ilmihii ay qafaasheen,” ayuu kulankaas ka sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu bilowday dagaalkii lagu soo afjari lahaa kooxda Al-Shabaab, wuxuuna xusay in mar dhow dagaal lagu qaadi doono gobolka Jubbalada Dhexe oo ay Al-Shabaab 100% gacanta ku hayaan.

“Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed way bilaabeen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, sidoo kale diyaar garow weyn ayaa ka socda Jubbaland, waxaa fakar igu heysa gobolka Jubbada Dhexe oo ah gobolka kaliya oo ay Al-Shabaab 100% ka taliyaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyn madaxweyne Xasan ayaa ballan qaaday in la arki doono Al-Shabaab oo laga waayey Soomaaliya. Dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ayaa Soomaaliya socda wax ka badan 15 sano illaa hadda lama yareyn awooda kooxdaan oo fulisa weerarro gaadmo ah iyo qaraxyo culus.