28.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Daawo: Xasan Sheekh oo shaaciyey saddexda furun ee dagaalka looga furayo Al-Shabaab

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sameeyey ballan qaad cusub oo ka dhan kooxda Al-Shabaab, kadib kulan uu Washington kula qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan Mareykanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ka go’an tahay inay Soomaaliya ka garab siiso dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan shalay iyo maanta galay shirar isku xig xigay oo aan kala har laheyn, Pentagon-ka ayaa shir ku galnay, white house-kaa tagnay, Sate Baarlamaanka tagnay, dhammaan madaxd hey’adahaas kala duwan ayaan aragnay si guul ah ayey kusoo dhammaadeen, dowladda Mareyanka ee xilligaan jirta way ka go’an tahay inay Soomaaliya kaalmeyso,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa sii raaciyey “Waxaan la wadaagnay inuu jiro kacdoon  dhanka qabaa’ilka ah oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay bilaabeen inay dadka cabsi geliyaan oo ay ceelasha ka duugaan, isla markaana ay carruurta dadka ka afduubtaan.”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in kooxda Al-Shabaab si nabad ah looga soo furtay 20 carruur ah oo ay ka duubteen gobolka Hiiraan, kadib markii ay ku kaceen dadka deegaanka, taas oo tusaale uu ugu soo qaatay tabar darrada kooxda.

“Kacdoonkii ugu darnaa wuxuu ka dhacay gobolka Hiiraan, markii Al-Shabaab ay 20 cunug tuulo ka wateen, tallaabadaas waxay sababtay dagaal khasaare badan ka dhashay, ugu dambeyntiina keentay in Al-Shabaab laga dilo 27 qof, halka si nabad ah loosoo badbaadiyey ilmihii ay qafaasheen,” ayuu kulankaas ka sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu bilowday dagaalkii lagu soo afjari lahaa kooxda Al-Shabaab, wuxuuna xusay in mar dhow dagaal lagu qaadi doono gobolka Jubbalada Dhexe oo ay Al-Shabaab 100% gacanta ku hayaan.

“Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed way bilaabeen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, sidoo kale diyaar garow weyn ayaa ka socda Jubbaland, waxaa fakar igu heysa gobolka Jubbada Dhexe oo ah gobolka kaliya oo ay Al-Shabaab 100% ka taliyaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyn madaxweyne Xasan ayaa ballan qaaday in la arki doono Al-Shabaab oo laga waayey Soomaaliya. Dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ayaa Soomaaliya socda wax ka badan 15 sano illaa hadda lama yareyn awooda kooxdaan oo fulisa weerarro gaadmo ah iyo qaraxyo culus.

Safaaradda Soomaaliya ee LIBYA oo loo gurmaday kadib markii ay xoog ku galeen Soomaali…

0

Tripoli (Caasimada Online) – Ciidamada Waaxda Ilaalada Safaaradaha ee dalka Libya ayaa u gurmaday safaaradda Soomaaliya ee Tripoli kadib markii muwaadiniin Soomaali ah ay ku xoommeen islamarkaana diideen inay ka tagaan.  

Waaxda ayaa sheegtay in Wasaaradda Arrimaha Dibedda Libya ay soo saartay amarka u fasaxaya in ciidamada ay galaan safaaradda. 

Lama shaacin tirada dadka Soomaalida ah ee xoogga ku galay safaaradda.

Maamulka Waaxda Ilaalada Safaaradaha ayaa sheegay in safaaradda Soomaaliya oo ku taalla aagga Al-Sarraj laga soo daadgureeyey dhammaan shaqaalaha, islamarkaana uu howlgalkan qaatay 15 daqiiqo. 

Bayaan kasoo baxay Waaxda ayaa lagu sheegay in dadkii safaaradda galay, oo ahaa muhaajiriin Soomaali ah oo si sharci-darro ah kusoo galay Libya, lasoo xiray dhammaantood, islamarkaana maxkamad lasoo taagi doono.

Dhacdadan ayaan laga bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer. Sidoo kale safaaradda Soomaaliya iyo wasaaradda arrimaha dibedda ayaan ka hadlin. 

Dalka Libya waxaa ku sugan kumanaan Soomaali ah oo dalkaas u tagay inay uga sii gudbaan Yurub, ayaga oo tahriib dhimasho badan ku maraya badda Meditareeniyaanka. 

Boqolaal ka mid ah Soomaalidaas ayaa ku jiro xabsiyo, halka sidoo kalena qaar ay u xiran yihiin magafayaasha dalkaas, oo sida ay ula dhaqmaan lagu macneeyey addoonsi oo kale. 

Kacdoon culus oo dalka ka curtay iyo xildhibaano ku biiray – wararkii u dambeeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ku biiray dagaallada ka soconaya gobollada dalka ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Gobollada Hiiraan, Galgaduud, Mudug iyo Bay ayuu ka socdaa dhaqdhaqaaqa ugu badan ee dadka deegaanadaas iyo ciidamada dowladda ay ku wajahayaan kooxda Al-Shabaab oo 15 sano dagaal ka wada Soomaaliya.

Xildhibaano uu ku jiro Maalik Cabdalla oo ka tirsan golaha shacabka ayaa iska xaadiriyey jiidaha hore ee dagaalka ka socda Hiiraan, wuxuuna maanta warbaahinta kula hadlay degaanka Aboorey oo xalay lagu laayey Al-Shabaab.

“Shacabka Aboorey waa ku mahadsan yihiin in ay aqbaleen baaqii Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh, ee ahaa in la iska dhiciyo cadowga, Abooreey oo 13 sano go’doon aheyd ayaa maanta cadowga argagixisada Al-Shabaab laga saaray,” ayuu yiri Xildhibaan Maalik oo hubkiisa wata.

Horay degaanada bari ee gobolka Hiiraan dagaalkii looga xoreeyey Al-Shabaab waxaa hoggaaminayey Xildhibaanada beesha Xawaadle oo dhibaato badan kala kulantay kooxda Al-shabaab, sidoo kale beeshaas waxay fure u noqotay kacdoonka socda ee lagu ciribtirirayo Al-Shabaab.

Dhanka Galmudug, maanta ciidan iyo gaadiid dagaal oo la qorsheeyey inay Al-Shabaab ka xoreeyaan deegaanada Galmudug ee gacantooda ku jira, sida Ceelbuur, Ceelgaras, Ceel-lahelay ilaa Galhareeri ayaa maanta laga qaaday Muqdisho, waxaana laga dejiyey magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale saacadaha soo socda waxaa Galmudug ku wajahan xildhibaano heer federaal ah iyo ciidan hor leh, waxaana dulaankaan hoggaaminaya Xildhibaanada beesha Duduble.

Maalmo ka hor degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud waxaa gaaray saraakiil ka tirsan dowladda federaalka iyo hoggaanka dhaqanka beesha Saleebaan, sidoo kale waxaa Cadaado laga dejiyey hub iyo ciidan ay dirtay dowladda federaalka.

Baxdo oo kamid ah magaalooyinka ay dhibaatooyinka ugu badan ka geysteen Al-Shabaab, hadda waxay safka hore uga jirtaa goobaha uu ka socdo abaabulka ugu culus ee dhanka Galmudug, kaas oo ku wajahan Al-Shabaab.

Dhanka Gobolka Bay, waxaa jira abaabul aan xooganeyn oo ka curtay deegaano hoos taga degmada Bardaale, halkaas oo laga aas-aasay ciidan deegaanka ah oo la baxay magaca (Dulmidiid), waxayna weerarro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah dhowr deegaan ugu geysteen Al-Shabaab.

Daawo: Madaxweyne Xasan oo go’aan adag ka qaadatay qadiyadda Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo jaaliyadda Soomaaliyeed kula hadlayey magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa ka hadlay waxa laga yeelayo gooni isku taagga maamulka Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inay ka go’an tahay inaysan marnaba aqbalin doonin in Somaliland ay ka go’do Soomaaliya.

“Annaga gooni isku taag nooc walba oo uu noqdo ma aqbaleyno, qaab kasta oo uu ku yimaado haddii ay ahaan laheyd dhaqaale ama horumarin, si cad ayaan u sheegeynaa ma ogolaan doono,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyey “Anaga ma qarineyno, walaalaheen ma ogolin gooni isku taag, midnimo ayaa na deeqda, waxaan diyaar u nahay wada-xaajood iyo in wax walba lagu dhammeeyo isfaham.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Somailand ay u ogol yihiin inay ayaga xataa soo diyaariyaan qaabka loo heshiinayo iyo qodobada heshiiska, balse wuxuu ugu baaqay inay iska iloobaan fikradda gooni isku taagga oo uu ku tilmaamay mid dhaawaceyso midnimada Soomaaliya.

“Qaab loo midoobayo iyo qodobada heshiiska dhankooda haka yimaado, xujo ugama dhigeyno inaan anaga qaabka loo midoobayo soo diyaarinayo, kaliya qaabka ay rabaan ayaan la fiirineynaa oo wax yar ka saxeynaa,”  ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn sheegay in marka hore ay muhiim tahay in la isku afgarto in dib loo midoobo kadib oo gudbo wixii farsamo ah.

“Marka ugu horeyso waa inaan isku afgarano waa midoobeynaa, kadib waxaa imaaneyso sidee u midoobeynaa, taasna waan ka heshiineynaa intey rabto ha qaadato xataa 10 san, inta laga gaarayana waxaan sameysaneynaa qaab aan kusii wada-shaqeyno,” ayuu hadalka kusoo gabagabeeyey.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intii uu ku jiray ololaha doorashada wuxuu ballan qaaday inuu ka miro dhallin doono wada-hadallada lagula jiro Somaliland.

Somaliland ayaa 18-kii bishii May ee 1991-dii, ku dhawaaqday in ay gooni isaga taagtay Soomaaliya inteeda kale.

Shirar ka dhacay magaalooyinka Burco iyo Boorama oo ay ka qayb galeen wax garadka gobollada Waqooyi oo isu jiray qaybaha kala duwan ee bulshada sida oday dhaqameedyada, culimada diinta, aqoonyahannada, ganacsata iyo siyaasiyiinta ayaa ku dhawaaqay go’aanka gooni isu taagga ah.

Sawirro: DF oo garoonka Aadan Cadde maanta ka dhoofisay ciidan ku wajahan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa goordhow ciidamo ka tirsan kuwa Militariga ka dhoofisay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kuwaas oo ku wajahan caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeeb.

Ciidamadaan oo ku hubeysnaa hubka noocyadiisa kala duwan, oo aan si rasmi ah loo ogeyn tiradooda, ayaa marka ay tagaan magaalada Dhuusamareeb waxay kaga sii gudbi doonaan degaano iyo degmooyin ay qeyb ka yihiin Ceelbuur iyo Ceelgaras.

Deegaanada la rabo inay ciidamadaan xoreeyaan ayaa muddo badan waxay ku jiraan gacanta kooxda Al-Shabaab, waxaana maagaalada Ceelbuur lagu tiriyaa inay kamid tahay magaalooyinka saldhigga u ah kooxdaan dagaalka kula jirto ciidamada dowladda, kuwa Midowga Afrika iyo shacabka.

Ciidanka maanta ka baxay Muqdisho iyo howlgalka xoreynta Ceelgaras iyo degaano hoos-yimaada Ceelbuur waxaa hogaaminaya Maxamed Xaashi Canshuur oo ah taliyaha degaanka Daarusalaam iyo taliye ku xigeenka Saldhigha Booliska ee degmada Yaaqshiid.

Qorshahaan ciidamada looga qaaday magaalada Muqdisho ayaa wuxuu qeyb ka yahay howlgal la doonayo in guud ahaan looga xoreeyo kooxda Al-Shabaab.

Gobolada Hiiraan iyo Mudug ayaa waxaa ka socdo kacdoon ka dhan ah kooxda AL-Shabaab kadib markii ay isku dhaceen qabiilada halkaas dago iyo kooxdaan taasoo bilaabatay markii ay Al-Shabaab dhac u geysatay xoolo dhaqato, islamarkaana ay lacago badan kusoo rogtay dadka deegaanadaas dagan.

Tan iyo markii uu kacdoonkaan bilowday waxaa kooxda Al-Shabaab laga saaray deegaano badan oo ka tirsan Hiiraan, waxayna dowladda Soomaaliya ay qorsheeneysaa inay howlgalkaan ka dhigto mid saf mareen ah oo si isku mid ah uga bilowdo dhammaan goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ballam qaaday inay qaadayaan guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, lamana yaqaano sida ay uga dhabeyn karaan ballanqaadooda.

Madaale oo amar culus kasoo saaray dhulalka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa amaro ka soo saaray dhulalka gaarka loo leeyahay iyo kuwa danta guud ee caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa si KMG ah u hakiyay dhammaan arrimaha la xariira dhulalka, isagoona faray agaasimeyaasha shaqada ku leh waaxahaas in illaa iyo amar danbe aan howllo la xiriira dhul la qaban karin Marka laga reebo Fasaxa Dhismaha. 

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa ku celiyay in dhulalka iyo guryaha danta guud ee horey loo hakiyay ay weli sidoodii ugu jirayaan hakad, isagoo ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in aan kharash la iska gelin dhul dan guud ah, cidii ku dhiiratana ay iyadi qaadi doonto mas’uuliyadda.

Madaale ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee guryaha ku leh caasimadda Muqdisho in ay iska hubiyaan cidda ay ka kireynayaan guryahood, islamarkaana ay mariyaan nidaamka hubinta, si aysan ugu soo dhuuman kooxaha argagaixisada, ciddii aan marin nidaamkaas oo lagu qabto guryahooda shaqsiyaad argagixiso ama lagu fuliyo falal liddi ku ah amniga ay qaadan doonaan masuuliyadda, dowladdana ay tallaabo ka qaadi doonto mulkiileyaasha guryahaas.

Dhanka kale, guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa boggaadiyey howlgalladii ugu danbeeyay oo ay laamaha ammaanka ka fuliyeen caasimada Muqdisho, taas oo lagu soo qab-qabtay kooxo dhagar-qabeyaal ah iyo hubkooda, laguna fashiliyey dhagartii ay u maleegayeen dadka ku nool Gobolka Banaadir. 

Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay bulshada caasimadda in ay sii xoojiyaan la shaqeynta hay’adaha ammaanka, si wadajir looga hortago dhagaraha cadowga ee lagu baneysanayo nafta iyo maalka dadka Soomaaliyeed.

Soomaali kamid ah shiicada u lugeyneysa siyaarada Karbala

0

Karbala (Caasimada Online) – Malaayiin ruux oo ka tirsan Muslimiinta Shiicada ayaa billaabay siyaarada sannadlaha ah ee ay ku tagaan magaalada Karbala ee dalka Ciraaq. Maanta oo Sabti ah ayaa maalayaiin qof ay siyaaranayaan magaaldaasi. Waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa warbixin aan 2020-kii ka qornay koox Soomaali ah oo haysta fikirka Shiicada oo xuskaasi ka qeybgalay.

Maxamed Cali Jibirte ayaa sheegay in isaga iyo Shiicada kaleba ay lug ka billaabeen magaalada Najaf, ayna damacsanyihiin inay masaafe dhan 80km u lugeeyaan magaalada Karba.

“Hadda waxaan joogaa afaafka hore ee magaalada sharafta leh ee Najaf, oo ah magaalada uu ku aasanyahay Imaam Cali Ibnu Abii Dhaalib (R.C), halkan waxaa ka socda wax loo yaqaanno 40-kii maalmood ee kasoo wareegtay markii dil qoor gooyo ah Karbala loogu geystay Imaam Xuseyn Ibnu Cali Ibnu Abii Daalib. Markii 40 maalmood laga joogay xilligii uu dilka dhacay ayaa madixii la gooyay ee Imaam Xuseyn laga soo celiyay dhinaca Suuriya, waxaana la geeyay Ciraaq, ka dib markii loo geeyay xaakimkii dilkiisa ka dambeeyay ee ahaa Yaziid Ibnu Mucaawiya. Sidoo kale Carruurtii iyo walaalihii Imaam Xuseyn oo iyagana la qafaashay ayaa maalinkaas kasoo laabtay Suuriya iyagoo usoo hayaamay meeshii lagu dilay aabahood iyo walaalkood, sidaas darteed dadka Ahlul beytka ah waxay caadeysteen inay weyneeyaan maalintii ay haraadigii qoyskii rasuulka kasoo hayaameen Suuriya ee ay usoo hayaameen Ciraaq”, ayuu yiri.

Maxamed oo oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in isagu uu ka mid yahay Shiicada, kaligiisna uusan ku ahayn siyaaradan.

“Dad ka badan 15 milyan oo shiico ah ayaa sanad walba halkan isugu yimaada, waana markii ugu horreysay ee aan kaga qeyb galno koox Soomaali ah, waxaana ila socda dad badan oo Soomaali ah oo ka kala yimid qurbaha, geeska Afrika iyo qeybo kale oo ka mid ah caalamka”, ayuu yiri.

Siyaarada Arbaciin-ka ama 40-aadka ayaa lagu tilmaamaa inay tahay kulanka ugu weyn adduunka ee ay dadweyne isugu imaadaan sanadkiiba hal mar.

Dadka munaasabaddan ku kulma waxay aad uga badan yihiin muslimiinta sanad walba u xajiya Kacbada barakeysan ee magaalada Maka.

Waxay qeyb ka tahay baroordiiqda loo sameeyo dilkii loo geystay Xuseyn Bin Cali, oo ah wiilkii uu awowga u ahaa Nabi Muxammad (CSW), kaasoo ay dhahsay gabadhii Rasuulka, Fatuma.

Tirada dadka munaasabaddan ka qeyb gala ayaa sanadkii 2016-kii gaartay 20 malyan oo ruux am aka badan.

Raashinka, biyaha iyo adeegyada kale ee ay isticmaalaan dadka siyaaradan ka qeyb galaya ayaa lagu siiyaa si bilaash ah waxaana isku xilqaamay dad iskood kharashkaas u bixiya.

Qaar ka mid ah Shiicada Ciraaq ayaasocodka lugta ah ee lagu aadayo Karbala ka billaaba magaalooyin aad u fog fog, sida Basra, oo Karbala u jirta masaafe dhan 500km.

Isu soo baxan ayaa lagu qeexaa mid si weyn u muujinaya fikirka ay aaminsanyihiin Shiicada adduunka.

Hase ahaatee, Iiraan iyo hoggaamiyeyaasha kale ee Shiicada ayaa warbaahinta ugu waaweyn caalamka ku dhaleeceeya inaysan tabinin munaasabaddan ballaaran.

Xigasho: BBC

WASIIR FIQI oo shaaca ka qaaday sida loo shirqoolay nabaddoonadii la dilay xalay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa war ka soo saartay qarax lagu laayey Nabadoono ka soo jeedo gobolka Hiiraan oo xalay ka dhacay deegaanka Aaqobeey oo u dhexeeyo degmooyinka Beledweyne iyo Buuloburde.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxaas oo miino ahaa lagu dilay ugu yaraan saddex Nabadoon, mid kalena lagu dhaawacay, kuwaas oo ka soo jeeda Beesha Baadicadde oo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee dega gobolka Hiiraan.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS waxa ay cambaareyneysaa falkii arxan-darrada ahaa ee kooxda dhagarqabayaasha argigixisada ah ee Al-shabaab ay xalay abbaaro 10-kii fiidnnimo ku beegsadeen kuna dileen qaar ka mid ah nabaddoonada Beesha Baadicadde oo kala ah: (1) Nabadoon Yuusuf Fiidow iyo wiilkiisa Ibraahim Yuusuf Fiidow. (2) Nabadoon Mukhtaar Xaaji (3) Nabadoon Xasan Xuseen Lugayare, Sidoo kalena lagu dhaawacay Nabaddoon Axmed Xasan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale wasaaradda arimaha gudaha ayaa sheegtay in la shirqoolay Nabadoonada ayaga oo ku sii jeeday deegaannada Al-Shabaab, si ay u soo daayaan shacab ay kooxdu xir-xirtay.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in qarax loo dhigay, ka hor inta aysan gaarin meesha ay u socdeen, waxayna wasaaraddu intaasi ku dartay in odayaasha ay horey u diideen lacago & dhalinyaro ay askareeyaan Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigtay.

“Falkan oo ahaa shirqool iyo dhagar ay kooxda aragagixasadu u dhigeen odoyaasha dhaqanka oo u socday in ay soo daayaan shacab beesha ah oo u afduubnaa kooxda Al-shabaab ayaa loo galiyey miino wadadii ay ku safrayeen deeegaanka Aaqobeey oo ku yaalla inta u dhaxeysa Baladweyne iyo Buulaburde ee galbeedka Hiiraan, Nabaddoonnada waxaa ay horay u diideen in ay geeyaan lacago iyo dhalinyaro ay Al-shabaab askareeyaan” ayaa markale lau yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ugu dambeyn tacsi tiraanyo leh u dirtay ehellada odayaasha dhaqanka ee ku dhintay qaraxaas oo qabsaday baabuurkii ay la socdeen.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa dhankeeda war kasoo saartay dilka Nabadoonadaasi, waxaana warbaahinta taageerta kooxdaas ay shaacisay in odayaasha lagu dilay duqeyn diyaaradeed.

Daawo: SHEEKH UMAL oo weerar culus ku qaaday wasiir Khadiija Diiriye + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa si adag uga hadlay lebis ay maalmo ka hor isku soo sawirtay wasiirka haweenka Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye, kaas oo hadal heyn culus ka abuuray baraha bulshada.

Khadiija Diiriye oo wadata Surwaal iyo Shaati ayaa maalmo ka hor barteeda Facebook-ga soo dhigtay sawir looga qaaday gudaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaas oo falcelin badan abuuray.

Sheekh Umal ayaa wax laga yaxyaxo ku tilmaamay lebiska ay isku soo sawirtay Maamo Khadiijo, isagoo tallaabadaas ku macneeyey mid fariin culus xambaarsan oo dhaqanka suuban ee Muslimiinta meel ka dhac ku ah.

“Habar wasiir ah oo dowladda Soomaaliya ka tirsan ayaa meel fagaare ah la soo istaagtay surwaalkii ragga loogu tala galay, xitaa maaha surwaalka lebiska ee waa surwaalkii sariirta, hadana waxay soo dhigtay Social media-ha, indha adeyga, xishood darrida iyo sariig la’aantu heerkaas ayey gaartay, 60 jir wey ka weyntahay, bal maxaa u haray oo da’daan ay isku qaawineysaa?” ayuu yiri Sheekh Umal.

Dad badan oo ka fal celiyey hadalka Sheekh Umal ayaa aad u dhaliilay sida Wadaadku uu kalmadihiisa ugu cabiray labiska Wasiir Khadiija Diiriye, iyagoo tilmaamaya in wado tan ka dabacsan uu u mari karay iftiiminta dhaqankaas.

Hoos ka daawo 

Yaa dilay nabaddoon Yuusuf Fiidow iyo wiilkiisa? – DF iyo Al-Shabaab oo soo saaray warar is-khilaafsan (Aqriso)

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab ayaa warar is khilaafsan kasoo saaray cidda dishay iyo sida uu u dhintay nabaddoon Yuusuf Fiidow, oo ka mid ahaa odayaasha ugu caansan gobolka Hiiraan iyo wiilkiisa Ibraahim Yuusuf.

Qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in nabaddoonka iyo wiilkiisa ay ku dhinteen qarax gaari oo ka dhashay miino ay Al-Shabaab ku duugeen waddada, meel u dhow deegaaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan. 

Waxaa sidoo kale qaraxa ku dhintay laba nabaddoon oo kale oo lagu kala magacaabo Xasan Xuseen iyo Mukhtaar Xaaji, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda. 

“Kooxaha argagixisada ah ee Al Shabaab oo u bareeri waayay in ay wajahaan kacdoonka Shacabka oo kaashanaya ciidanka xoogga dalka ayaa bilaabay in si dhuumaaleysi ah ay wadooyinka qaraxyo ugu galiyaan dadka safarka ah, taasoo muujineysa taag darida cadowga,” ayaa lagu yiri qoraalka warbaahinta dowladda. 

Dhinaca kale, kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay ku baahisay warbaahinta taageerta waxay ku sheegeen in dadkaas ay ku dhinteen duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha drone-ka ee Mareykanka. 

“Diyaaradaha Maraykanka ayaa duqeeyay gaari nooca loo yaqaano Baraada kaas oo uu saarnaa nabadoon Yuusuf Fiidoow. Nabadoonka iyo dadka shacabka ah ee la dhintay ayaa kasoo safray degmada Baladweyne waxaana ay uu usoo socdeen degmada Buq-Aqable ee isla gobolka Hiiraan,” ayaa lagu qoraalka warbaahinta Al-Shabaab.

Warbaahinta Al-Shabaab oo sheegtay in weerarka uu dhacay xalay, ayaa intaas ku dartay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay shalay gelinkii dambe oo dhan ku dul heehaabayeen deegaanka.

Ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta waxa dhab ahaan ka dhacay deegaanka Buq Aqable iyo haddii qaraxa uu ka dhashay miino ay aaseen Al-Shabaab iyo haddii uu ka dhashay duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha Drone-ka Mareykanka.

Madaxweyne SACIID DENI oo maxkamad lala tiigsanayo

0

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay go’aankii uu soo saaray madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo habeen hore kala diray golihii deegaanka ee Garoowe.

Axmed Siciid Muuse oo ahaa guddoomiyaha golaha laga diray ayaa ka horyimid tallaabada uu qaaday madaxweyne Saciid Deni, isaga oo ku tilmaamay mid sharci darro ah.

Guddoomiyihii hore ee golaha deegaanka magaalada Garoowe oo la hadlay BBC ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in madaxweynaha uu meel uga dhacay sharaftiisa, wuxuuna tilmaamay in uu qareen qabsan doono, si uu maxkamad ula tiigsado madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa kala dirista golihii deegaanka ee Garowe u cuskaday warbixin ka timid xafiiska Hantidhawrka Guud ee dowlad gobolka Puntland.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 123-aad, farqaddiisa 4-aad. Markuu arkay:  Xeerka Maamuulka Degmooyinka iyo Gobolada (Lr 7) ee Dowladda Puntland qodobkiisa 27-aad farqaddiisa 5-aad Markuu arkay: Warbixinta Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dowladda Puntland. Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.  Wuxuu xeeriyey: Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Garoowe Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.” ayaa lagu yiri wareegtada ka soo baxday xafiiska Deni oo lagu kala diray golaha deegaanka.

Intaas kadib madaxweynaha ayaa guddoomiyeyaal cusub u magacaabay magaalooyinka Garoowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso ee dowlad goboleedka Puntland.

Si kastaba, xaaladda Puntland ayaa maalmihii dambe aad u daganeyd, kadib markii xal waara laga gaaray arrintii Booosaaso ee kala dhalatay hoggaanka ciidanka PSF-ta.

Muxuu Xasan Sheekh kala hadlay Blinken? + Sawirro

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo  ku sugan waddanka Mareykanka ayaa weli kulamo gaar gaar ah ka wada magaalada Washington, kuwaas oo uu la leeyahay madaxda sare ee dowladda Mareykanka.

Xasan Sheekh ayaa xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ee Washington wadahadallo kula yeeshay Xoghayaha Arimaha Dibadda ee dalkaas Antony Blinken.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ay ka mid ah yihiin xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada muhiimka ah ee ay dowladda Mareykanka siiso Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Antony Blinken kala hadlay in dowladiisa lagu garab istaago qorsheyaasha horumarineed iyo  tallaabooyinka hor-u-socodka ah ee ay qaadeyso oo salka ku haya daris-wanaagga, iskaashiga iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.

Madaxweynagha ayaa si gaar ah dul-istaagay muhiimada ka hortagga xaalufka deegaanka, dadaalka dowladda Soomaaliya uga hortagayso macluusha, iyo howlgalada billowday ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaas oo haatan ka socda koonfurta iyo bartama Soomaaliya.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa dhankiisa ballan-qaaday in ay sii laba jibaarayaan taageerada ay dowladdiisa siiso Soomaaliya, gaar ahaan gurmadka abaaraha, dowlad dhiska, horumarinta adeegyada bulshada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo la dagaallanka Al-Shabaab, maadaama uu Mareykanka qayb ka yahay howlgallada dalka.

Horey madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ula kulmay xoghayaha difaaca Mareykanka oo ku soo dhoweeyey Washington & Jake Sullivan oo ah Latliyaha Amniga Qaranka ee Joe Biden. 

AQALKA CAD oo war kasoo saaray kulankii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

0

Washington (Caasimada Online) – Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku aadan kulan shalay madaxtooyada Mareykanka ku dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Jake Sullivan oo ah La-tliyaha Amniga Qaranka Madaxweyne Joe Biden. 

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka

La-taliyaha Amniga Qaranka madaxweyne Joe Biden, Jake Sullivan ayaa maanta Aqalka Cad ku qaabilay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ku yeesheen kulan lagu xoojinayo iskaashiga xooggan ee ka dhaxeeya Mareykanka iyo Soomaaliya.

Mr. Sullivan, oo ay wehelinaysay Kaaliyaha Madaxweynaha ee Amniga Gudaha Dr. Elizabeth Sherwood-Randall, ayaa ku ammaanay hoggaanka Soomaaliya howlaha ay ku dhisayaan isfaham qaran iyo ka hortagga halista argagixisada Al-Shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda Mareykanka iskaashiga milateri iyo midka rayidka ah ee socda si loo dhiso Soomaaliya xooggan, xasilloon oo nabad ah.

Mudane Sullivan iyo Madaxweyne Xasan Sheekh waxay ka wadahadleen muhiimadda dib-u-heshiisiinta siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan dib u cusboonaysiinta isku xirnaanshaha u dhexeeya dawladda faderaalka Soomaaliya iyo dawladaha xubnaha ka ah dawladda Faderaalka si loo horumariyo dawladnimada, ilaalinta sharciga, bixinta adeegyada, iyo amniga shacabka Soomaaliyeed.

Waxay walaac ka muujiyeen abaarta ba’an ee Geeska Afrika, taasoo sida ugu weyn u saamaysay Soomaalida, waxayna carrabka ku adkeeyeen baahida degdegga ah ee loo qabo gargaar bini’aadaninimo oo dheeri ah. Mala-gelinta uu Mareykanka wax kaga qabanayo abaaraha ka jira Soomaaliya ayaa ka badan $706 milyan oo dollar sanadkan oo kaliya, taasoo ka dhigan in ka badan kala bar dhammaan lacagaha gargaarka bini’aadaninimo ee Soomaaliya.

Mudane Sullivan iyo Madaxweyne Xasan Sheekh waxay hoosta ka xariiqeen saaxiibtinimada dhow iyo iskaashiga ka dhexeeya Mareykanka iyo Soomaaliya, waxayna muujiyeen sida ay uga go’an tahay in aan xoojinno dadaallada wadajirka ah ee aan ku xoojineyno awoodda Soomaaliya ee ka hortagga Al-Shabaab iyo dhisidda mustaqbal daboolaya baahiyaha shacabka Soomaaliyeed.

DF oo shaaca ka qaaday inay howlgal ku dishay 30 ka tirsanaa Al-SHABAAB

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay howlgal culus oo xalay ka dhacay duleedka degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday goobo ay ku suganaayeen xoogaga Al-Shabaab.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay deegaanka Aboorey oo qiyaastii 25 KM bari ka xiga degmada Buuloburte, halkaas oo ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay xalay saq-dhexe gudaha u galeen deegaankaas, isla-markaana ay bartilmaameedadeen fariisimo ay kooxda Al-Shabaab ku laheyd halkaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in howlgalkaas lagu dilay in ka badan 30 xubnood, isla-markaana deegaanka laga saaray Al-Shabaab.

Sidoo kale dowladda federaalka ayaa xaqiijisay in illaa 5 askari looga dhaawacay howlgalka ka dhacay duleedka degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

“Ciidanka Xoogga dalka oo sii haayay xogta dhagarta Argagixisada ayaa gaarsiyay jab xoog leh, iyada oo dhanka kale ay dhaawacyo soo gaareen shan askari oo ka tirsan ciidanka xoogga” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo duuleedka Buuloburte lagu dilay nabadoono ka soo jeeday gobolka Hiiraan, waxaana dhacdadaasi warar is khilaafsan ka soo saaray labada dhinac. Dowlada ayaa sheegay in Al-Shabaab ay u dhigtay qarax miino halka dhankeedana kooxda ay shaaca ka qaaday in lagu dilay duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka.

Si kastaba, Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socdo dagaallo culus oo u dhexeeyo kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada Xoogga dalka oo garab ka helaya maleeshiyaadka Macawiisleyda.

Sawirro: XASAN SHEEKH oo soo bandhigay qorshaha dhaqaalaha ee dowladda

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka Marwo Kristalina Georgieva ayaa la wadaagay tallaabooyinka wax ku oolka ah ee laga gaaray xaqiijinta dib u habeynta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa ku soo bandhigay xarunta Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ee magaalada Washington qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku addan dayn cafinta, kobaca dakhliga iyo horumarinta ilaha dhaqaalaha, si dhallinyarada Soomaaliyeed loogu abuuro fursado shaqo, dalkana looga samata bixiyo saboolnimada iyo duruufaha dhaqaale ee soo noqnoqday. 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka Kristalina Georgieva ayaa isla qaatay dardargelinta arrimaha hortebinta u leh dowladda Soomaaliya si loo hirgeliyo qorshaha dhammeystirka hannaanka deyn cafinta ee dalkeenna.  

Kristalina Georgieva ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay in dowladda Soomaaliya ay kala shaqeeyaan qorsheyaasha mudnaanta u leh oo ay ugu horreeyaan horumarinta hannaanka dib u habeynta dhaqaalaha, deyn cafinta iyo doorkooda ku aaddan gurmadka abaaraha ka jira dalka. 

“Soomaaliya waxay joogtesay xasilloonida dhaqaalaha guud iyo dardarta dib u habaynta dhaqaalaha inkasta oo ay jiraan caqabado. Waxaan si xooggan u taageereynnaa Soomaaliya oo ku socota inay gaarto barta dhamaystirka dayn cafinta, oo ay kor u qaaddo adkeysiga iyo kobcinta dhaqaalaha,” ayey tiri Kristalina Georgieva. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey hay’adda IMF taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku adkeeyey in ay sii waddan garab istaaggooda ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed. 

Dowladda MAREYKANKA oo hal mid ku ammaantay madaxweyne Xasan Sheekh

0

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Lloyd Austin ayaa hal mid ku ammaanay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay ay ku kulmeen xarunta wasaaradda difaaca ee Pentagon-ka.

Austin ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku ammaanay hoggaankiisa dib usoo nooleynta ciidamada amniga Soomaaliya iyo sida firfircoon ee uu ula macaamilo Mareykanka iyo saaxiibada caalamiga ah. 

Austin iyo Xasan Sheekh ayaa ka wadahadlay shaqooyinka maamulka madaxweyne Xasan uu ka qabtay si looga hortago rabshadaha xagjirnimo ee Soomaaliya iyo taageerada Waaxda Difaaca Mareykanka ay siiso ciidamada Soomaaliya.

“Labada hoggaamiye waxay is-dhaafsadeen fikrado ku saabsan mustaqbalka amni ee Geeska Afrika xilli ay jiraan isbeddelo dhanka cimilada ah, arrimaha bani’aadannimada, dagaallo iyo halista rabshadaha xagjirnimo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Austin.

“Xoghaye Austin ayaa dib xaqiijiyay sida ay Waaxda uga go’an tahay ka hortagga xagjirnimada rabshadaha wata, wuxuuna muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay rabitaanka maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku martigelinayo ciidamada Mareykanka.”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Xoghayaha Difaaca Dowladda Maraykanka Mudane Lloyd James xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, xasilloonida gobolka, kor u qaadidda taageerada Maraykanka ee Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan argagixisada deegaannada kooban ay kaga sugan yihiin dalka, caqabadaha amni ee u baahan iskaashi caalami ah, si looga adkaado argagixisada cuuryaamiysay horumarka gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya. 

Xasan Sheekh oo shaaciyey sababta uu AFWERKI usoo celin waayey ciidamada uu Soomaaliya u tababaray

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay shaaciyey sababta uu madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki usoo celin waayey ciidamada Soomaaliyeed ee dalkiisa uu tababaray.

“Sababta ciidamada Soomaaliya aan looga soo celin Eritrea waxa ay tahay in madaxweyne Isaias Afwerki uu diiday in dib loo celiyo sababo la xiriira khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jiray,” ayuu yiri madaxweynaha Xasan Sheekh oo ka hadlay kulan ay su’aalo ku weydiisay Xarunta Istaraatiijiyadda iyo Daraasaadka Caalamiga ah ee (CSIS) ee Washington.

Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray in Eritrea ay ujeedooyin wanaagsan ka laheyd tababarka ciidamada Soomaaliya.

Madaxweynaha Xasan Sheekh waxa uu sheegay in dowladda Eritrea aysan tababarin oo kaliya 5,000 oo askari oo Soomaali ah, balse ay sidoo kale qalabeysay, sida uu hadalka u dhigay. 

Sanadihii ugu dambeeyey dowladda Farmaajo ayaa waxaa khilaaf iyo xiisad siyaasadeed ay u dhaxeysay madaxweynihii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo marar badan ka digay in ciidanka Eritrea joogay loo adeegsan karay in dalka lagu qabsado.

Haddii uu sax yahay hadalka Xasan Sheekh waxay u egtahay in Afwerki uu dhageystay qeylo dhaanta mucaaradkii dowladda Farmaajo.  

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay hadda ka shaqeyneyso hab ay ciidamadaas lagu tababaray Eritrea dib ugu soo celineyso dalkooda.

“Waxaan ka codsaday dowladda Mareykanka inay Soomaaliya ka caawiso sidii ciidamadaas loo soo celin lahaa, wayna soo laaban doonaan dhowaan, waxaana hubaa inay gacan ka gaysan doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii dib loo doortay wuxuu 9-kuu Jul socdaal ku tegay dalka Eritrea, isaga oo soo arkay xaaladda ciidamadaas, lana soo kulmay madaxweyne Afwerki oo uu kala hadlay sidii loo soo celin lahaa.

DF oo shaacisay xogta howl-gal culus oo Muqdisho ka dhacay iyo shabakad la qabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamadda amniga dowladda Soomaaliya ayaa xiray 10 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, iyagoo la wareegay xarumo qarsoodi ah iyo agab dagaal, sida lagu shaaciyey war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

“Ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo ku duulaya xog sugan oo ay ka heleen shacabka Muqdisho ayaa qaaday hawlgal qorsheysan oo ay ku soo qabteen 10 dhagar qabe oo ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab, ayaga oo sidoo kale la wareegay saddex xarumood oo ay si dhuumaalaysi ah u joogeen, gaadiid iyo hub gudaha magaalada Muqdisho,” ayaa lagu qoraalka.

Ciidamada ayaa hawlgalkaan ku burburiyay shabakad ka tirsan Al-Shabaab, taas oo abaabuli jirtay dilal iyo falal amniga lid ku ah, sida lagu cadeeyey bayaankaan.

Sidoo kale warka dowladda waxaa lagu sheegay in xubnaha lagu qabtay howlgalka ay isugu jiraan maleeshiyaad loo diyaariyay dilalka qorsheysan, kuwa dhaqaatiir ah oo loo diyaariyay hadii ay wax soo gaaraan maleeshiyadaan inay daaweeyaan iyo nin qaabilsanaa deegamaynta iyo u adeegidda kooxdaan.

“Dowladda Soomaaliya oo ay ka go’antahay ciribtirka Argagixisada, una mahadcelinaysa shacabka Soomaaliyeed ee xogtaan la soo wadaagay, waxay ugu baaqaysaa dhalinyarada ay marin habaabiyeen aragagixisadu inay ku soo laabtaan dadkooda, iskuna soo dhiibaan dowladda,” ayaa lagu soo gabagabeeyey bayaankaan.

 

Daawo: ITOOBIYA oo laga dalbaday inay soo gacan geliso Boqor Buurmadow

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Ugaas Cabdirisaaq Goosaar Cali oo ka mid ah dhaqanka degaanada Somaliland ayaa si adag uga jawaabay eedeymihii cuslaa ee Boqor Cusmaan Buurmadow uu u jeediyey madaxweynaha Somaliland Musse Biixi Cabdi.

Ugaaska ayaa dowladda Itoobiya ka dalbaday inay Somaliland u soo gacan geliso Boqor Buurmadow, isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay hadalkii ka soo yeeray Boqorka.

” Ninkaas qaranka Somaliland dembi weyn ayuu ka galay, xitaa ciidanka ayuu u balan qaaday in 500 oo dollar uu mushaarka uga dhigi doono, wax walba inta soo dhaafay ayuu amnigii iyo difaacii qaranka soo fara geliyey,” ayuu yiri Ugaas Goosaar.

Ugaaska ayaa ku taliyey in Boqor Buurmadow talaabo adag laga qaado, iyadoo loo marayo in Itoobiya ay u soo gacan geliso Somaliland.

“Si xun oo sharaf iyo karaamo aysan ku harin ayuu u hadlay Buurmadow, cimaamada iyo koofida uu wato ayaan raali gelin ka bixinayaa, safaaradda Itoobiya codsi ha u qorto dowladda Somaliland, si ninkaas loogu soo gacan geliyo Somaliland,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow oo wareysi siiyey telefishanka Horyaal ayaa si xun u weeraray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo uu sheegay in Somaliland uu gaarsiiyay meel aad u xun.

Boqor Buurmadow ayaa sheegay in Muuse Biixi uu isku awood bidayo ciidamadii qaranka, isaga oo ku eedeeyay in shacabkii u talinayay uu ka dhigay kuwa uu dhul ka boobo iyo kuwa uu jeelasha ku guro.

“Muuse waqtigii wuu ka dhamaaday oo Somaliland wey burburaysa, cid qaban kareysa ma jirto. Nin ay ka amaan heleen ganacsatadii, saxaafadii iyo salaadiintii, oo cid ka amaan helaysa aysan jirin bal ka waran,” ayuu yiri Buurmadow.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Muuse waxaan isku hayna shacabkii ayaa ka shaqeysan kari waayay, ninka u dhow ee la fadhiista ayaa ahay marka aad u tagto reer ayuu kula xamanaya.”

Hoos ka daawo hadalka Ugaaska.

Kulankii Xasan Sheekh ee Pentagon-ka oo walaac ku abuuray Somaliland + Sababta

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Faysal Cali Waraabe ayaa markii u horeysay ka hadlay tagista Xasan Sheekh Maxamuud ee xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanka ee magaalada Washington.

Gudoomiye Faysal ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu kala hadlay Pentagon-ka xiriirka uu Mareykanka la bilaabay maamulka Somaliland, xili uu ku eedeeyay madaxweyne Muuse Biixi in wado kala qeybinta dadka gudaha.

“Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ahayd inuu shirka Qaramada Midoobay ka qayb-galo. Waxa uu la shiraya Wasaarada Gaashaandhiga ee Marayakanka si uu isu-hortaago xidhiidhka uu Maraykanku la bilaabay Somaliland ee Pentagon-ka ku hogaaminayso halka Muuse Bixi uu Ku hawlanyahay kala qaybinta dadka Somaliland,” ayuu Faysal Cali Waraabe ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Marka laga yimaado hadalkaan, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Xoghayaha Difaaca Dowladda Maraykanka Mudane Lloyd James xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, xasilloonida gobolka, kor u qaadidda taageerada Maraykanka ee Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Madaxweynaha ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan argagixisada deegaannada kooban ay kaga sugan yihiin dalka, caqabadaha amni ee u baahan iskaashi caalami ah, si looga adkaado argagixisada cuuryaamiysay horumarka gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya.

Dhankiisa Lloyd Austin ayaa tilmaamay sida dowladda Maraykanka ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka iskaashiga labada dowladood, taageerada ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee arrimaha bini’aadannimada, tababaridda Ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada.

Si kastaba, Somaliland oo ku dooda inay tahay dal madax banaan ayaa muddooyinkii dambe waxa gudaheeda ka taagna xiisad siyaaasadeed xoogan oo ka dhalatay arrimaha doorashooyinka, ayada oo mucaaridka dagaal ku iclaamiyeen madaxweynaha talada haya.