28.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Muuse Suudi: Tallaabadii uu qaaday Saadaq waxay aheyd mid uu Alle waafajiyey + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa xildhibaan Saadaq Cumar Maxamed ku ammaanay tallaabadii uu kaga horyimid muddo kororsigii uu sameystay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Muuse Suudi ayaa hadalkan ka jeediyey kulan ay beesha Muduleed u qabatay beesha Habargidir si looga raali geliyo hadal gaf ahaa oo kasoo yeeray ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.

Cali Maxamed Geedi ayaa mar uu ka qeyb-galay doodda BBC xilligii dowladda Farmaajo ee sii dhammaaneysay, wuxuu ku yiri “Afar nin oo Dhuusomareeb ka yimid xoog kuma haysan karaan dowladda,” taasi loo arkay inuu ku weeraray beesha Habargidir.

“Saadaq Joon wuxuu qaaday tallaabo geesinimo leh, isagoo ka tirsanaa dowladdii Farmaajo oo weliba garaado ku tixan yihiin ayuu maalin cad ka hor yimid muddo kororsiga, waxay aheyd wax uu Allah waafajiyey iyo sharaf usoo hoyatay,” ayuu yiri Muuse Suudi.

Muuse Suudi ayaa sheegay in aysan hadda jirin wax ka maqan Saadaq Joon, taas badalkeedana uu hadda yahay xildhibaan sidoo kalana uu dib u helay garaadihiisa taasna ay tahay in looga mahadceliyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Saadaq waan is aragnay, wuxuu i waydiiyey ma iga filaneysay inaan go’aankaas qaadan doono, waxaan ugu jawaabay nin rag ah shar iyo kheyr waa laga fishaa, waxaa qaadatay go’aan saxan oo sharaf ku jirto,” ayuu yiri Muuse Suudi.

Muuse Suudi ayaa xusay inuu Saadaq ahaa furihii kacdoonkii Badbaado Qaran, taasina ay tahay mid mudan in looga mahad-celiyo.

Jeneraal Saadaq ayaa noqday sarkaalka kaliya ee ka tirsan dowladda Soomaaliya ee ka hor yimid go’aankii uu baarlamaankii hore ee Soomaaliya ugu ogolaaday muddo kororsi 2 sano ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi.

Kacdoonkii uu bilaabay Saadaq Joon oo ay sidoo kalana qeyb ka ahaayeen midowgii musharixiinta mucaaradka ayaa keenay inuu fashilmo isku daygii Farmaajo, waxaana markii dambe Saadaq u suurtagashay inuu kamid noqdo baarlamaanka Soomaaliya halka Farmaajo looga adkaaday doorashada.

Gabadh dhallinyaro ah oo sabab yaab leh isugu dishay magaalada Hargeysa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Gabadh ardayad ah ayaa isku daldashay xaafada Maxamed Mooge ee magaalada Hargaysa kadib markii ay ka gudbi weyday imtixaanka shahaadiga ah ee Somaliland oo shalay lagu dhawaaqay.

Gabadhaan oo lagu magacaabo Layla Cabdi Maxamed ayaa aheyd ardayad dadaal badan, sidaa darteedna markii ay imtixaankii dhacday iyada oo dadaal bixisay ay u dul qaadan wayday sidaana ay isku dishay.

“Aniga dhalay Leyla waxay aheyd inan yar oo waxbarashada aad ugu wanaagsan, laakiinse maanta (shalay) 11-kii ayaa la ila soo hadlay oo waxa la i yidhi inantii wey is daldashay oo wey dhimatay, geeridii ayaa jooga,” ayuu yiri Aabaha dhalay Layla.

Sidoo kale qaar kamid ah Jaarka Layla Cabdi Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa yiri “Layla dhowr sano ayaa jaar aheyn, gabadh yar oo akhlaaq leh ayey aheyd oo waxay aheyd gabadh buugeeda, qalinkeeda iyo iskuulkeeda saaxiib la ah, wey u qaadan weyday imtixaanka ay ku dhacday, waa masiibo.”

Ardeyda ay wax lasoo baratay Layla ayaa dhankooda af kala qaad ku tilmaamay natiijada imtixaankeeda oo ay dartii isku dishay, ayaga oo ka codsaday wasaaradda waxbarashada inay wax ka qabtaan tayada waxbarashada.

Si kastaba, Waxaa la sheegay in gabadha is-dishay ay kasoo jeeday qoys danyar ah, islamarkaana ay soo korisay oo soo gacan qabatay hooyadeed oo u shaqayn jirtay qoyskooda.

Armenia oo khasaare culus lagu gaarsiiyey DAGAALKA Azerbaijan + Tirada dhimasho

0

Baku (Caasimada Online) – Armenia ayaa maanta sheegtay in ugu yaraan 136 ka mid ah askarteed lagu dilay dagaal ay xuduudda kula galeen ciidamada Azerbaijan toddobaadkan, taasi oo tirada khasaaraha dhimashada ka dhigeysa in ka badan 200 oo askari.

Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeeyey inuu billaabay iska hor-imaadka oo dhacay Talaadadii, islamarkaana dhammaaday habeenkii Khamiista kadib dhexdhexaadin caalami ah.

“Illaa hadda tirada dhimashada waa 135,” ra’iisul wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan ayaa sidaas maanta u sheegay golaha wasiirada.

“Nasiib darro, ma ahan tirada kama dambeysta ah. Waxaa sidoo kale jiro dhaawac badan.”

Azerbaijan ayaa dhankeedana ku warantay in 71 ka mid ah askarteeda ay ku dhinteen iska horimaadka.

Waxa uu ahaa dagaalkii ugu xumaa ee labada dal dhexmara tan iyo markii ay muddo lix toddobaad ah ku dagaalameen xuduudda sanadii 2020.

Dhinaca kale, afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancyo Pelosi ayaa lagu wadaa inay dhammaadkan toddobaadkan booqato caasimadda Armenia ee Yerevan, sida uu ku warramay wargeyska Politico, oo soo xiganaya ilo-wareedyo xog-ogaal u ah booqashada.

Wafdi ka socda Ururka Nabadgelyada Wadajirka ah ee (CSTO), oo ah urur Moscow ay hoggaamiso oo ay ku mideysan yihiin Jamhuuriyadihii horey uga tirsanaa Soviet ka, ayaa Khamiistii gaaray Yerevan.

Armenia ayaa xubin ka ah CSTO, balse Azerbaijan kama tirsana.

Talaadadii, golaha ammaanka Armenia ayaa kaalmo militari weydiistay Moscow, oo ay waajib ku tahay inay difaacdo Armenia haddii duulaan shisheeye lagu soo qaado, sida uu dhigay xeerka ururka.

Armenia iyo Azerbaijan ayaa sagaashamaadkii iyo 2020 waxaa dhex maray laba dagaal ayaga oo isku haya gobolka Nagorno-Karabakh oo ka tirsan dalka Azerbaijan balse ay degan yihiin dad badankood Armenian ah.

Dagaalkii lixda toddobaad socday 2020 ayaa waxaa ku dhintay 6,500 oo askari oo labada dhinac ah, wuxuuna dhammaaday kadib xabad-joojin ay Ruushku dhex-dhexaadiyeen.

Heshiiskaas ayey Armenia uga tanaasushay dhul baaxad leh oo ay tobanaan sano gacanta ku haysay, waxaana Moscow ay xuduudda gaysay 2,000 oo askari oo nabad ilaaliyeyaal ah, si ay korjoogteeyaan xabad-joojinta.

AFP + VOA

Somalia oo ka qeyb galaysa shirka shidaalka Afrika xilli ay Puntland soo saartay digniin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdirisaaq Maxamed Cumar  ayaa si rasmi ah uga qeyb galaya Toddobaadka Shidaalka Afrika ee lagu qaban doono dalka Koonfur Afrika 3 ilaa 7 Bisha soo socota ee October.

Shirkaan oo ay ka qeybgeli doonaan illaa 30 wasiir ayaa waxaa soo agaasintay Hyve Group Pl oo ah qaban qaabiyaha bandhigyada caalami ah ee arrimaha shidaalka, waxaana shirka la isugu keeni doonaa hormoodka daneeyayaasha tamarta.

Sida uu lagu sheegay warbixin kasoo baxday Afrika Oil Week, wasiirka Batroolka dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an inuu abuuro suuq soo jiidasho leh si xoogga loo sasaro sahminta, horumarinta kaabyaasha dhaqaalaha ee gobolka.

Todobaadka bandhigga shidaalka Afrika ayaa kusoo aaday, iyadoo uu khilaaf ka taagan yahay sahminta shidaalka Soomaaliya. Maamulka Puntland oo kamid maamul goboleedyada dalka ayaa sharci darro ku tilmaamay tallaabada dowladda ee qandaraas bixinta shidaalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa looga digay halis badan oo ka imaan karta isku dayo baalmarsan gabi ahaanba dastuurka iyo xeerarka Soomaaliya.

“Si kastaba, xeerka shidaalka Soomaaliyeed ee 2020 ee lagu muransan yahay wuxuu xadgudub ku yahay qodobada kala ah, 44, 51, 53 iyo 54 ee dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ee 2012,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

“Qodobka 44-aad ee dastuurka wuxuu dhigayaa in kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya lagu wadaago hab wada-xaajood ah oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka. Si kastaba, ansixinta xeerka shidaalka Soomaaliyeed ee 2020 wuxuu ahaa mid aan loo marin habraacii dastuuriga ahaa, sidaas darteed, waa mid aanay aqbali karin shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaanna dowladda iyo shacabka Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Puntland ayaa sheegtay in mowqifkeeda uu yahay in horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya loo maro hab-raacyada dastuurka KMG ah ee dowladda federaalka, lana waafajiyo dastuurada dowlad goboleedyada dalka.

“Xeerka shidaalka Soomaaliya ee 2020 waxaa ansixiyay baarlamanka federaalka iyadoo aan lagala tashan dowlad goboleedyada.  Maqnaanshaha hanaankan wadatashi ee muhiimka ah darteed, sharcigan waxaa loo arkaa mid aan dastuuri aheyn,” ayey tiri Puntland.

Puntland ayaa sheegtay inay ugu digeyso dowladda federaalka inay joojiso fulinta sharcigan aan waafaqsanayn dastuurka dalka, kaas oo keeni kara xasillooni darro hor leh oo dalka ka dhalata, waxna u dhimi kara hannaanka dhismaha dawladnimo, ugu dambayntiina hurin kara kacdoon shacab iyo rabshado, sida qoraalka loo dhigay.

“Dowladda Puntland kama qeyb noqon doonto hanaankan sharci-darrada ah, sidaas darteed, waxay xaq u leedahay inay ka baxdo ilaa inta dib looga billaabayo wadatashiga ku saabsan lahaanshaha, maamulka iyo wadaagga kheyraadka ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.”

5 arrimood oo uu horey ugu fashilmay Madaale oo hadda uga baahan inuu xoogga saaro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Xuseen Jimcaale oo loo garan ogyahay Madaale ayaa todobaadkaan la wareegay xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir. Ninkaan oo horey gobolka usoo hoggaamiyey ayaa nasiib u helay inuu mar kale dib u qabto xafiiska.

Inaad noqoto guddoomiyaha gobolka Banaadir waa mid kamid ah awoodaha ugu sarreeya ee Soomaaliya xagga miisaanka taasoo loo sababeeyo tirada dadka, dhaqaalaha, caasimadnimada iyo waxyaabo kale.

Balse dadka halkaan soo maray maamul ahaan waxaa badi la duraa fahamkooda hoggaamineed. Madaale oo mar kale xafiiskaan kusoo laabtay waxa uu leeyahay waydiimo gaar ah.

Dadka waxay badi akhrisanayaan waxyaabihii uu ka gaabiyey kal xukunkiisii hore iyo macquul ahaanshaha inuu arrimahaas ahmiyad gaar ah siin doono markaan.

Waxyaabaha ay dadka Muqdisho xasuustaan marka ay Madaale maqlaan waxaa kamid ah:

1- Dhanka Maaliyadda

Madaale wuxuu maamulkiisii hore awoodi waayey inuu hanaan casri ah u dhiso maaliyadda gobolka Banaadir, wuxuu xafiiska banneeyey iyadoo shaqaalaha gobolka Banaadir ay lacagta gacanta ka qaataan, balse maamulkii ka dambeeyey ayaa dhisay hannaanka maamulka maaliyadda gobolka Banaadir.

Wuxuu hadda kusoo noqday xafiiska iyadoo shaqaalaha gobolka Banaadir akoono ku qaataan lacagtooda. Nidaamkaan wuxuu suuliyey musuq maasuqii lacagihii gacanta lagu dhiibi jiray.

Hadda waxaa hortaalo Madaale waxa uu ku biirin karo nidaamka maaliyadeed ee gobolka Banaadir oo weli la aaminsan yahay inuu casriyeyn u baahan yahay.

2- Lacagaha gobolka Banaadir iyo siyaasadda

Maamulkii hore ee Madaale waxaa lagu eedeeyey inuu ku guuldareystay inuu xafiisyada sare ee dowladda ka hor istaago in lacagaha dowladda hoose ee Xamar loo adeegsado dagaalo siyaasadeed.

Inkastoo uu dhaqankaan weli haraadi ku hayey gobolka Banaadir, haddana xilligiisii hore waxaa lagu tilmaamaa waqtigii ugu darnaa dhaqankaas.

Tani waxaa musuqmaasuq iyo cuuryaamin lagu sameenayo horumarka Banaadir. Sida uu kalkaan uga hortagi doono in lacagaha gobolka Banaadir ay madaxda sare dano gaar ah ku qabsadaan ayaa la eegi doonaa.

3- Tabarucaada Amniga

Madaale wax badan kuma biirin shaqada amniga caasimadda muddo xileedkiisii hore. Wuxuu hadda kusoo laabtay xafiiska amniga caasimadda oo qasan.

Inkastoo ay badi durayaan inuu leeyahay xirfad uu ku bixiyo tabarucaad iyo talo amni haddana maadaama ay dhibaatada ugu badan Muqdisho taalo inuu kaalin ku lahaado amniga ayaa muhiim loo arkaa.

Sidii xukunkiisii hore inuu amniga gacmaha ka laabto iyo in kale ayaa sidoo kale la eegayaa.

4- Matalaad siyaasadeed

Wixii ka dambeeyey markii uu madaxweyne Farmaajo badalay Madaale oo uu magacaabay Thaabit Cabdi Maxamed wuxuu gobolka Banaadir helay matalaad siyaasadeed, waxaa loo ogolaaday ka qeybgalka shirarka maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Sidoo kale, deeqaha caalamiga ah ayaa la bilaabay in gobolka Banaadir wax laga siiyo. In intii uu matalaada ugu yimaado difaaco iyo inuu doono in kale oo dheeri ah sida matalaada aqalka sare iyo maqaamka caasimadda iyaduna waa xujo kale oo hor taalo guddoomiye Madaale.

5- Shaqo abuurka

Dhallinyarada gobolka Banaadir waxay wajahayaan shaqo la’aan xoog leh, imaatinka shaqo badan waxay u baahan tahay hal abuur maamul.

Dadka qaar ayaa weli dhaliilsan gaabis shaqo oo la galay kal xukunkii hore ee guddoomiye Madaale. Waxay dallinyarada qaar qabaan in xilligiisii hore ahmiyadaas la il duufay.

Hadda dhallinyarada waxay sugayaan waxa uu ka qabto shaqo abuurka.

Shantaan arrimood oo Madaale dhibcaha hoose ka keenay waqtigiisii hore ayaa hadda la eegayaa waxa uu ka badali karo.

Sawiro: Laba qof oo Soomaali ah oo lagu dilay Mareykanka

0

Indianapolis (Caasimada Online) – Magaalooyin ka tirsan dalka Mareykanka ayaa waxaa 24 saac gudahood toogasho lagu dilay laba qof oo Soomaali ah oo kala daganaa laba gobol oo kala duwan sida booliska sheegay.

Qofka koowaad oo lagu magacaabayey Cabdukadir Filanwaa kaasoo ahaa darawal ku shaqeysta gaadiidka Tagsiga ayaa waxaa lagu toogtay magaalada Indianapolis.

Booliska ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen laba qof oo mid aheyd dumar kuwaas oo lagu kala magacaabo James Riley iyo Alysianna Martin kuwaas oo looga shakisan yahay inay dilka geysteen kadib markii laga dhex arkay kaamiro ku xirneyd baabuurka uu waday marxuunka la dilay.

Muuqaalo ay duubtay kaamirada ayaa laga dhex arkay ninka dilka geystay kaasoo uu muran dhex maray marxuumka la dilay Cabdukadir Filanwaa.

Sidoo kale, magaalada Seattle Washington ayaa waxaa isna toogasho lagu dilay Allaha u naxariistee Maxamed Kediye oo isaguna ahaa darawar ku shaqeysta waditaanka ganacsiga gaadiidka ee Lyft sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday booliska.

Waqtiga la dilayey marxuum Maxamed Kediye ayaa la sheegay inuu qof ku waday baabuurka, waxaana laga dhex toogtay gaari kale oo garabkiisa marayey sida ay sheegeen Soomaali goob joog u ahaa halka uu dilka ka dhacay.

Weli gacanta laguma soo dhigin qofkii ka dambeeyey dilka  marxuum Maxamed Kediye sida ay xaqiijiyeen saraakiisha booliska magaalada Seattle balse waxaa socdo baaritaan lagu raadinayo.

Dilkan dalka Mareykanka Magaalooyin kamid ah loogu geystay laba rag Soomaali ah ayaa kusoo aadaya xilli dalkaas uu ku sugan yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

muddooyinkii dambe waxaa soo badanayo Soomaalida lagu dilayo gudaha dalka Mareykanka lamana yaqaano sababta keentay dilalkaas.

NISA oo shaacisay halka ay tageen Al-Shabaabkii ka cararay BASRA iyo Hiiraan

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Maleeshiyada Ururka Al Shabaab ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii dagaal culus kula wareegay deegaanka Deynuunaay, oo hoostagga magaalada Baydhaba ee Gobolka Baay.

Maleeshiyadan oo aad u hubeysneyd ayaa dhowr jiho ka weerartay xerada Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin deegaankaasi, iyadoo dagaal culus ka dibna ay u suurtagashay inay si buuxdo ula wareegaan xeradaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la sheegay inay xerada soo banneeyeen, ka dib markii aanay wax gurmad ah ka helin dhinaca Baydhabo, intii ay Shabaab iska caabinayeen.

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda ee Degmada Baydhabo, Maxamed Isaaq Ibraahim (Aflow) ayaa sheegay in Shabaabka weeraray xerada Deynuunaay ay yihiin kuwii dhawaan laga soo saaray qaybo ka mida Gobolka Hiiraan iyo weliba deegaanka Basra ee duleedka Magaalada Muqdisho.

“Nimankan meesha soo weeraray waa cadowgii dagaalka looga soo saaray Gobolka Hiiraan iyo deegaanka Basra oo Labada Shabelle isku xirto, waana maleeshiyaad aad u tiro badan,” ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa yiri “Maleeshiyadan shalay galab illaa saaka iyagaa gacanta ku haya deegaanka Deynuunaay, mana jirto wax gurmad ah oo gaaray ciidamadii xerada lagu weeraray. Ciidanka Xoogga Dalka waxaan ku ammaanayaa inay si fiican isaga caabiyeen cadowga, laakiin ma jirto cid wax haba yaraatee gurmad ah u dirtay ciidamadaasi.”

Taliye Aflow ayaa tilmaamay in kooxaha argagixisada ay ka faa’iideysteen habacsanaan ka jirta dhanka Maamulka Koonfur Galbeed, oo ku mashquulsan sida uu yiri arrimo siyaasadeed.

“Cadowgu wuxuu ka faa’iideystay Maamulka Koonfur Galbeed oo arrimo siyaasadeed ku mashquulsan. Midda kale waxaan jirin wada shaqayn toos ah oo ka dhaxeysa maamulka iyo shacabka, maxaa yeelay nimankan waxay soo mareen dhul dheer, sidee ku suurtagashay inay si fudud ku yimaadaan Deynuunaay, oo Baydhabo afkeeda ah? Dabcan waxaa meesha ka maqan isku xirnaantii maamulka iyo shacabka, sababtana wax kale ma ahan, shacabka ayaan ku kalsoonayn maamulka,” ayuu yiri Aflow.

Dagaalka ay Shabaab kula wareegeen Deynuunaay ayaa imaanaya, maalmo uun ka dib, markii Ciidanka Xoogga Dalka la sheegay inay dhaqdhaqaaq ka dhan ah mintidiinta ka bilaabeen Gobolka Baay.

Sawirro: Maxaa kasoo baxay kulankii Xasan Sheekh iyo Lloyd Austin ee Pentagon-ka?

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah kula qaatay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee magaalada Washington, Xoghayaha Difaaca dalkaas Lloyd James Austin.

Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd James Austin ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada iyo wada-xoojdyada ay yeesheen, waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeed ay ka go’antahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada. 

Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Xoghayaha Difaaca Dowladda Maraykanka Mudane Lloyd James xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, xasilloonida gobolka, kor u qaadidda taageerada Maraykanka ee Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.  

Madaxweynaha ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan argagixisada deegaannada kooban ay kaga sugan yihiin dalka, caqabadaha amni ee u baahan iskaashi caalami ah, si looga adkaado argagixisada cuuryaamiysay horumarka gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya. 

Dhankiisa Lloyd Austin ayaa tilmaamay sida dowladda Maraykanka ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka iskaashiga labada dowladood, taageerada ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee arrimaha bini’aadannimada, tababaridda Ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada.

Shabakad Shabaab ah oo qorsheynayey weeraro oo lagu burburiyey Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa xalay burburiyay shabakad Shabaab ah, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyey warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Shabakaddan ayaa la sheegay in kooxda Al-Shabaab ay u qorsheeyeen inay falal amni darro uga fuliyaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, sida qaraxyo iyo weeraro lagu laayo shacab badan.

“Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay xubno ka tirsan Shabakada argagixisada ah, hubkoodii iyo Mooto Bajaaj ay ugu talagaleen inay ku baxsadaan marka ay dhibka gaystaan,” ayaa lagu yiri qoraalka warbaahinta dowladda.

Lama shaacin tirada xubnaha ka tirsan shabakaddan ee la qabtay.

Ciidamada ammaanka ayaa sida la sheegay howlgalkaan sameeyay kadib markii ay heleen xog ammaan oo dhamaystiran, waxaana wali jira xubno ka tirsan shabakad oo baxsad ah kuwaasi oo ay ku daba jiraan ciidanka ammaanka.

Waa markii labaad ee muddo toddobaad ah oo ciidamada NISA ay gacanta ku dhigaan xubno muhiim u ah kooxda Al-Shabaab.

Taliska Ciidamada Nabadsugida dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa 11-kii Bishan magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool waxay kusoo bandhigeen xubin muhiim ah oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaasi oo isku soo dhiibay ciidamada.

Ninkaan oo magaciisa lagu sheegay Isaaq Cali Yaroow Cabdiraxmaan ayaa waxay sheegeen saraakiisha ciidamada Nabadsugida in uu Al-Shabaab u qaabilsanaa madaxa kuwa fuliya weerarada ee Jabhadaha loo yaqaano.

Isaaq Yaroow ayaa muddo shan sano ah ka tirsanaa Al-Shabaab, wuxuuna ka qeyb qaatay weeraro ka dhacay deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka iyo Hiiraan, sida ay sheegeen saraakiisha NISA. 

Xog: Ganacsatada qaadka oo qaati ka taagan dullaaliin ku xiran madaxtooyada…

0

Sida laga warqabo ganacsatada qaadka waxaa culeys weyn ku hayey waaydan dullaaley aan waxba ku darsan, oo doonaya in ay guryhadooda ku qaataan khidmad ay dulsaar-sadeen qaadka, arrintan ayaa laga keenay Koonfurta dalka oo muddooyinkii danbe ay si weyn uga jirtey, waxaana ay sii xoogeysatey, sanadkii 2019, markii la joojiyey Qaadkii Miiraaga.

Ganacsatada Qaadka ee Kenya iyo weliba Soomaaliya ayaa ka cabanaya khidmad aad u badan oo ay saarsadeen siyaasiyiintii isbeddelkii dalka ka dhacay qayb weyn ka ahaa, kuwaas oo halkii Kiilowgraam oo Qaadka ah ku leh khidmad iyaga oo aan waxba ku darsan ganacsatada.

Dullaaleyda Qaadka ee Puntland

Puntland ayaa mid lamid ah tii ka jirtey muddooyinkii danbe, laakiin lacagta khidmadda ah ee ay qaadanayeen dullaaley isugu jira Xildhibaano iyo kuwo xiriir dhaw la leh Madaxtooyada Puntland, ayaa ahayd mid aan Kiilo lagu dhufan ee duuduub ah.

Maalinkasta ilaa saddex diyaaradood oo Qaad sida ayaa yimaada magaalada ganacsiga ee Boosaaso, kuwaas oo mid kamid ah ay tahay shirkadda Redstar oo uu lee yahay ganacsade Itoobiyaan ah oo ay wakiil uga yihiin qaar kamid ah kuwa ka ganacsada maandooriyaha Qaadka.

Haddaba sida aan ka ogaaney dullaaliin ku xiran Madaxtooyada Puntland iyo ganacsatada Qaadka maxaa kala haysta?

y dullaaleyda ku xiran madaxtooyada ayaa isku dayey in ay u dhaqmaan sida kuwa Koonfurta ee dhaqaalaha badan ka sameeya, waxaana ay saddexda diyaaradood ee Qaadka keena ku soo rogeen in halkii Kiilogaraam ay bixiyaan $2.5 dollar, waxaana lacagtan baada ah ee cusub ay saameyneysaa dhamaan diyaaradaha keena Qaadka.

Qiyaastii 30 ton oo Qaad ah ayaa maalinkasta soo gala Puntland, horey waxay u bixin jireen sidaan sheegnay, lacag ay siiyaan qaar kamid ah dullaaliinta oo ay ku jiraan Xildhibaano Puntland ah maalinkasta lacag dhan qiyaastii $6000, laakiin kooxdan cusub ee ku xiran Madaxtooyada isla markaana fadhigoodu yahay Boosaaso ayaa dhankooda doonaya in ay iyaguna dhaqaale ka sameeyaan.

Kala noqonshada shatiga RedSTAR

Shirkadda RedStar waxay heshiis kula jirtaa Puntland, sidoo kale waxay dayactirtey garoonka diyaaradaha ee gaalkacyo iyo weliba kan Qardho.

Shirkadda RedStar International ayaa diidey lacagta cusub ee baadda ah ee dulaaleyda awooda badan ee Bosaso joogtaa ay saareen taas oo gaareysa maalintasta ilaa $70 000 oo dollar, isku dar saddexda diyaaradood, halka ay bishii ka noqoneyso lacag ka badan laba milyan oo dollar.

Shirkadda Redstar ayaa loo isticmaaley awoodda wasaaradda duulimaadka iyo garoomada Puntland oo ka soo saartey in laga joojiyey shirkadaasi timaado garoomada Puntland.

Maalintii shalay ee Talaadada ayaa diyaaradda RedStar ka soo duushey Itoobiya iyada oo sida qaad gaaraya 7ton, waxaana duulimaadkeedu ku wajahnaa garoonka Bosaso, laakiin iyada oo hawada ku jirta ayaa loo sheegay in aysan ku soo degi karin, kadib waxay ku degtey garoonka diyaaradaha ee Garoowe, buuq badan ayaa halkaas ka dhacay, waana laga dejiyey Qaadkii, iyada oo dasaaradda duulista hawadu sheegtey in ay shirkadda ganaaxeyso oo aysan diyaaraddu duuli karin.

Dacwad laga gudbiyey Puntland

Mulkiilaha Redtsar oo ah ganacsade Itoobiyaan ah ayaa hadda dacwad ka gudbiyey wasaaradda duulista hawada ee Puntland, waxaana dacwadiisa u gudbiyey Dowladda Federaalka ah ee masuulka ka ah duulimaadyada hawada iyo hagidda diyaaradaha.

Marka laga yimaado maandooriyaha Qaadka iyo dhibaatooyinka uu ku hayo bulshada Soomaaliyeed, ayaa hadda waxa ugu darsamey dullaaley awoodda Puntland isticmaalaya oo doonaya in ay dhaqaale xooggan ka sameeyaan, maadaama xiligii maamulka hadda ee Puntland uu gabaabsi yahay.

Qaramada Midoobay oo shaacisay arrin laga cabsi qabo inay ka dhacdo gobolka Baay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths ee arrimaha Bani’adannimada oo soo saaray warbixin ayaa sheegay in xaaladda abaaraha ee ka jira Soomaaliya ay marayso heerkii ugu adkaa.

Martin Griffiths oo sheegay inay arrintaan walaac ku heyso ayaa si gaar ah uga hadlay deegaanno dhaca  Koonfur Galbeed Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Baay oo uu sheegay inuu yahay gooha ugu daran ee abaartu sida weyn u saameysay.

Warbixinta kasoo baxday Martin Griffiths  ayaa lagu xusay degmada  Baydhaba iyo Buurhakaba oo ka tirsan gobolka, waxaana hadalkiisa uu sii raaciyay in xaaladuhu kasii dari karaan bilaha soo aadan haddii aan la qaadin tallaabooyin deg deg ah.

“Waxaan aad uga naxay maalmihii na dhaafay heerka uu gaarsiisan yahay xanuunka iyo silaca ay u dulqaadanayaan dadka Soomaaliyeed, waxay qarka u saaran yihiin macluul, maantana waxaa na soo gaartay digniintii ugu dambeysay, warbixinta ku saabsan cunnada ay heli karaan dadka Soomaaliyeed oo maanta lasoo saaray waxay si cad u muujineysaa in macluul ay ka dhici doonto laba goobood oo ku yaal Gobolka Bay, waa degmooyinka Baydhaba iyo Buurhakaba ee dhaca bartamaha Koofurta Soomaaliya inta u dhaxeysa bilaha October iyo December ee sannadkaan” ayuu yiri Martin Griffiths.

Martin Griffiths oo hadalkiisa siiwata waxaa uu sheegay in xaaladda abaaraha ee Soomaaliya ay lamid tahay middii 2010 ilaa 2011 ku dhuftay gayiga Soomaaliyeed wuxuuna sheegay inay hadda halis badan tahay kuwii hore

” Xaaladda waxay u muuqataa mid la mid ah 2010-2011 haddiiba aysan hadda ka halis badneyn, baaqashada afar xilli roobaad oo isku xiga, tobannaan sano oo colaad ah, barakac baahsan, arrimo dhaqaale xumo oo aad u daran ayaa ku kallifaya dad badan inay qarka u fuulaan macluul”. ayuu sii raaciyay hadalkiisa Martin Griffiths.

Gababadii hadalkiisa waxaa uu ku sheegay in abaaraha ay sababeen sidoo kale in ka badan Milion caruur Soomaaliyeed ay lasoo darisi karto  xaalada nafaqadarri ah marka la gaaro bisha October 2022

″ Milyan iyo bar carruur ah oo ku sugan Soomaaliya ayaa wajahaya xaalad nafaqodarro oo aad u daran marka la gaaro bisha October, waxaan gaarnay waqtigii ugu dambeeyey oo ay ahayd inaan noloshooda badbaadinno waana naga sii idlaanayaa” ayuu ku yiri gagabadii hadalkiisa Martin Griffiths.

Hadalka kasoo baxay ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha Bani’adannimada Martin Griffiths ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa  xilli dalka ay ka jirto abaar baahsan, taas oo dad iyo duunyo intaaba saameysay.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaalka ku aadan guirmadka abaaraha, iyadoo markale baaq u dirtay caalamka kale.

PUNTLAND oo digniin culus kasoo saartay dhaq-dhaqaaqyo ay waddo DF

0

Garoowe (Caasimada Online) – Mamaul goboleedka Puntland ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo dhaq-dhaqaaqyada la xiriira shidaalka Soomaaliya ee ay waddo dowladda federaalka. 

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in maamulka uu taageersan yahay aragtida sahminta shidaalka Soomaaliya, si looga faa’iideyo shacabka, ayada oo la waafajinayo dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya.  

“Si kastaba, xeerka shidaalka Soomaaliyeed ee 2020 ee lagu muransan yahay wuxuu xadgudub ku yahay qodobada kala ah, 44, 51, 53 iyo 54 ee dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ee 2012,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. 

“Qodobka 44-aad ee dastuurka wuxuu dhigayaa in kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya lagu wadaago hab wada-xaajood ah oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka. Si kastaba, ansixinta xeerka shidaalka Soomaaliyeed ee 2020 wuxuu ahaa mid aan loo marin habraacii dastuuriga ahaa, sidaas darteed, waa mid aanay aqbali karin shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaanna dowladda iyo shacabka Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Puntland ayaa sheegtay in mowqifkeeda uu yahay in horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya loo maro hab-raacyada dastuurka KMG ah ee dowladda federaalka, lana waafajiyo dastuurada dowlad goboleedyada dalka.

“Xeerka shidaalka Soomaaliya ee 2020 waxaa ansixiyay baarlamanka federaalka iyadoo aan lagala tashan dowlad goboleedyada.  Maqnaanshaha hanaankan wadatashi ee muhiimka ah darteed, sharcigan waxaa loo arkaa mid aan dastuuri aheyn,” ayey tiri Puntland. 

Puntland waxay sidoo kale sheegtay inay aad uga xun tahay sida ay dawladda federaalka Soomaaliya ugu adkaysaneyso fulinta sharcigan iyo in lagu degdego ka ganacsiga kheyraadka dalka, sida hadalka loo dhigay.

Puntland ayaa sidoo kale ugu baaqday saaxiibada caalamka ee Soomaaliya inay taageeraan ku dhaqanka dastuurka federaalka, heshiisyada sharciga ah iyo qaab-dhismeedkooda, kuwaas oo ay door muhiim ah ku laheyd aas-aaskooda.

Puntland ayaa sheegtay inay ugu digeyso dowladda federaalka inay joojiso fulinta sharcigan aan waafaqsanayn dastuurka dalka, kaas oo keeni kara xasillooni darro hor leh oo dalka ka dhalata, waxna u dhimi kara hannaanka dhismaha dawladnimo, ugu dambayntiina hurin kara kacdoon shacab iyo rabshado, sida qoraalka loo dhigay.

“Dowladda Puntland kama qeyb noqon doonto hanaankan sharci-darrada ah, sidaas darteed, waxay xaq u leedahay inay ka baxdo ilaa inta dib looga billaabayo wadatashiga ku saabsan lahaanshaha, maamulka iyo wadaagga kheyraadka ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.”

DENI oo maamul cusub u magacaabay Garoowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wareegto ka soo baxdey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu kala direy golihii deegaanka ee magaalada Garoowe, ee shaqeynaayey afartii sano ee u danbeysey.

Kadib wareegto labaad oo Madaxweynaha Puntland ka soo baxdey isla saacad gudaheed ayaa lagu magacaabey maamulo kumeel gaar ah degmooyinka Garoowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso.

Waxaa xusid mudan in goloyaashii deegaanada ee degmooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo horey loo kala direy , isla markaana ay xilka hayeen maamul ku meelgaar ah.

Ninka loo magacaabey degmada Garoowe ayaa ahaa shaqaalaha madaxtooyada, waxaana uu joogey qaybta maamulka iyo lacagta, waxaana lagu magacaabaa Cabdulqaadir Maxamed oo loo yaqaan Geedi.

Magaalada Bosaso ayaa iyadu markasta nasiib u hesha qof xukuumadda kamid ah in si ku meel gaar ah loo soo magacaabo, marka la eego saddexdii guddoomiye ku meel gaar ee loo soo magacaabey, waxaana hadda la soo magacaabey wasiir ku-xigeenkii qorsheynta Xasan Cabdalla, oo horey u ahaan jirey duqa magaalada Bosaso xiligii Cabdiweli Cali Gaas.

Wareegtada madaxweynaha ayaa lagu yiri:

  1. Waxaa Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigaanka Degmadda Boosaaso si ku-meel gaar ah loogu magacaabaya;
    B. Xasan Cabdalle Xasan Guddoomiyaha Degmadda Boosaaso
    T. Siciid Cabdiraxmaan Maxamed Guddoomiye Ku-xigeenka Degmadda Boosaaso.
  2. Waxaa Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigaanka Degmadda Garoowe si ku-meel gaar ah loogu magacaabaya;
    B. Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud (Geedi) Guddoomiyaha Degmadda Garoowe.
    T. Maxamed Cali Maxamed (Xamari) Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Garoowe.
  3. Waxaa Guddoomiyaha Degmadda Gaalkacyo si ku-meel gaar ah loogu magacaabaya Xassan Maxamed Jaamac
  4. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Laba qodob oo Xasan uu la hortagi doono shirka QM

0

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan Mareykanka si uu uga qeyb galo shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Waa safarkii ugu horreeyay ee uu ku tago dalkaas tan iyo markii uu ku guulaystay doorashadii dalka ka dhacday bishii May ee sanadkan. 

Madaxweynuhu wuxuu ka qeybgeli doona meertada 77-aad ee golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay oo sanad kasta la qabto bisha September, sida ay shaacisay madaxytooyada Soomaaliya.

Madaxtooyada waxay xustay in kulankaas looga arrinsan doono yareynta saboolnimada iyo xasillooni-darrada, horumarinta waxbarashada, shaqo-abuurka dhallinyarada, xal-u-helidda musiibooyinka dabiciiga ah iyo xuquuqda dadka laga tirada badan yahay. 

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay waxa ay hordhigayaan aragtida iyo qorshaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee la xiriirta la-dagaallanka saboolnimada iyo argagixisada, kuwaas oo ay shacabka Soomaaliyeed kala soo kulmeen dhibaato xooggan, haatanna la joogo xilligii laga gacan siin lahaa dowladda Soomaaliyeed in ay dhibaatadaas ka samata bixiso dadkeeda iyo guud ahaan Gobolka,” ayay tiri madaxtooyada. 

Waxaa kale oo madaxtooyadu ay intaa ku dartay in madaxweynaha uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doono hoggaanka hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka qayb galaya shirka “si uu u adkeeyo doorka [Soomaaliya] ee fagaareyaasha caalamiga ah.”

Sarkaal sare oo dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweynuhu uu Khamiista oo ay taariikhdu ku beegan tahay 22-ka Sebteembar khudbad u jeedin doono fadhiga loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. 

Wuxuu intaa ku daray in Soomaaliya ay haystaan xilligan labo arrin oo uu ku tilmaamay abaaraha iyo dagaalka ay dowladdu kula jirto Al-Shabaab, kuwaas oo uu sarkaalku tilmaamay in madaxweynuhu uu khudbadda ku soo qaadi doono. 

Shalay ayuu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka tegey magaalada Nairobi, halkaasoo uu kaga qayb galay caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto oo dhacay Talaadadii. 

Kulan shalay dhex maray labada madaxweyne ayay iskula soo qaadeen arrimo ay ku jiraan xiriirka labada dal, arrimaha ganacsiga iyo dhaqan gelinta heshiisyadii hore u dhex maray labada dhinac ee ganacsiga iyo isu-socodka dadka.

Boqor Buurmadow oo weerar culus ku qaaday MUUSE BIIXI, iclaamiyayna dagaal

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow oo wareysi siiyey telefishanka Horyaal ayaa si xun u weeraray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo uu sheegay in Somaliland uu gaarsiiyay meel aad u xun.

Boqor Buurmadow ayaa sheegay in Muuse Biixi uu isku awood bidayo ciidamadii qaranka, isaga oo ku eedeeyay in shacabkii u talinayay uu ka dhigay kuwa uu dhul ka boobo iyo kuwa uu jeelasha ku guro.

“Muuse waqtigii wuu ka dhamaaday oo Somaliland wey burburaysa, cid qaban kareysa ma jirto. Nin ay ka amaan heleen ganacsatadii, saxaafadii iyo salaadiintii, oo cid ka amaan helaysa aysan jirin bal ka waran,” ayuu yiri.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Muuse waxaan isku hayna shacabkii ayaa ka shaqeysan kari waayay, ninka u dhow ee la fadhiista ayaa ahay marka aad u tagto reer ayuu kula xamanaya.”

Sidoo kale waxa uu ku hanjabay in Muuse Biixi marnaba uusan xoog ku fadhin doonin kursiga ugu sareeya Somaliland , islamarkaana uu diyaar u yahay in awood ciidan loo adeegsado.

“Maalintii u horeysay waa la taliyay oo cadaalad samee ayaa ku idhi, cid walba Muuse wuu diiday. Salaadiinta kuwii cid ugu xigay kama uusan xishoon. Maantana Suldaankii guud ayuu doonaya in uu toogto ama xidho.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in uu dhisayo xisbiyada mucaaridka, ayna dagaal u galayaan sidii xilka looga qaadi lahaa Muuse Biixi, haddii uusan dib ugu soo laaban nidaamka qori isku dhiibka ah ee Somaliland.

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka dalka Armenia iyo Azerbaijan + Khasaaraha

Baku (Caasimada Online) – Azerbaijan ayaa maanta sheegtay in 71 ka mid ah askarteeda ay ku dhinteen iska horimaad ay xuduudda kula galeen ciidamada Armenia labadii maalmood ee ugu dambeeyey, taasi oo ka badan tiradii ay horey u shaacisay oo aheyd 50.

Armenia ayaa dhankeedana sheegtay in 105 askari looga dilay dagaalka, oo ah kii ugu xumaa ee ka dhaca xuduudda tan iyo dagaalkii weynaa ee dabayaaqadii 2020.

Dowladda Armenia ayaa sheegtay in xabad-joojin ay weli ka dhaqan galeyso xuduudda Azerbaijan ayada oo wax iska horimaadyo cusub aan lasoo werin xalay.

Iska horimaadyadii dhacay Talaadada iyo Arbacadii ayaa ku istaagay “farogelin caalami ah” oo xalay la sameeyey, waxaa sidaas sheegay golaha amniga Armenia, kadib markii uu horey u guuldarreystay isku day xabad-joojin oo ay Russia ka shaqeysay.

Baku iyo Yerevan ayaa midba midka kale ku eedeeyey inuu billaabay rabshadaha ka taagan xuduudda ay wadaagaan, kuwaasi oo ay ku barakaceen boqolaal qof oo shacab Armenian ah.

Xiisadda ayaa timid ayada oo xulufada ugu dhow Armenia ee Ruushka ay ku mashquulsan yihiin dagaalka 7-da bil ka socda dalka Ukraine.

Wafdi ka socda Ururka Nabadgelyada Wadajirka ah ee (CSTO), oo ah urur Moscow ay hoggaamiso oo ay ku mideysan yihiin Jamhuuriyadihii horey uga tirsanaa Soviet ka, ayaa la filayaa inay maanta gaaraan Yerevan, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda Armenia.

Armenia ayaa xubin ka ah CSTO, balse Azerbaijan kama tirsana.
Talaadadii, golaha ammaanka Armenia ayaa kaalmo militari weydiistay Moscow, oo ay waajib ku tahay inay difaacdo Armenia haddii duulaan shisheeye lagu soo qaado, sida uu dhigay xeerka ururka.

Armenia iyo Azerbaijan ayaa sagaashamaadkii iyo 2020 waxaa dhex maray laba dagaal ayaga oo isku haya gobolka Nagorno-Karabakh oo ka tirsan dalka Azerbaijan balse ay degan yihiin dad badankood Armenian ah.

Dagaalkii lixda toddobaad socday 2020 ayaa waxaa ku dhintay 6,500 oo askari oo labada dhinac ah, wuxuuna dhammaaday kadib xabad-joojin ay Ruushku dhex-dhexaadiyeen.

Heshiiskaas ayey Armenia uga tanaasushay dhul baaxad leh oo ay tobanaan sano gacanta ku haysay, waxaana Moscow ay xuduudda gaysay 2,000 oo askari oo nabad ilaaliyeyaal ah, si ay korjoogteeyaan xabad-joojinta.

AFP

Sawirro: DANAB oo burburiyey xaruntii ugu weyneyd ee qaraxyada ee Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta burburiyay Saldhigii ugu weyna ee argagixisada Al-Shabaab ay ku diyaarin jireen qaraxyada.

Sida ay baahisay warbaahinta dowladda ciidamada ayaa maanta oo Khamiis ah waxay howl-galkaan lagu burburiyay xarunta muhiimka u aheyd Al-Shabaab ay ka fuliyeen agagaarka Tuulada Tixsiile iyo Garas Gawaan ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Danab ayaa wada howl-galo culus oo ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab, ayaga oo sidoo kale xalay burburiyey saldhigyo, xafiisyo iyo goobo kale oo Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan.

“Degaankaan ayaa kooxda u ahaa mid istaraatiiji ah oo ay kasoo abaabulaan weerarrada iyo qaraxyada ay ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan oo dhibaato badan kala kulmay dhagar-qabayaasha Al-Shabaab.”

Sidoo kale taliyaha ciidamada Xoogga dalka oo ka warbixiyey howl-galkaas ayaa shaaca ka qaaday in lagu dilay ugu yaraan 18 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya maleeshiyaadka Macawiisleyda ayaa howl-galo iyo guluf dagaal ka waday gobolka Hiiraan ee maamulka HirShabelle.

Sawirro: Golaha wasiirada oo ansixiyey heshiis ay galeen Soomaaliya iyo Turkiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha golaha wasiirada xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ah ee todobaadlaha ku yeeshay xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan xafiiska ra’iisul wasaare Xamza Cabdi.

Kulanka oo ay soo xaadireen inta badan golaha wasiirada ayaa waxaa guddoomiyey ra’iisul wasaare ku xigeenka, Saalax Axmed Jaamac, iyadoo diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah.

Golaha ayaa meel-mariyey heshiiska habmaamuuska ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo uu golaha wasiirada horgeeyey wasiirka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudana Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Heshiiskan ayaa ku saabsan qaab dhismeedka tababarka iyo iskaashiga caafimaadka ee ciidamada, waxaana ujeedada ay tahay dajinta hanaan iskaashi oo diiradda lagu saarayo dhinacyada caafimaadka ee ciidamada, kaas oo u dhexeeyo dalalka Soomaaliya iyo Turkiga.

Sidoo kale waxaa shirka golaha wasiirada warbixin looga dhageystay wasiirka amniga gudaha oo ka warbixiyey ammaanka dalka iyo howlgallada ka socdo qaar ka mid ah gobollada dalka, isaga oo shaaca ka qaaday in jab xoogan lagu gaarsiiyey Al-Shabaab.

Golaha wasiirada ayaa dhankooda boggaadiyey howlgallada wadajirkaa ah ee ka socda gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee ay iska kaashanayaan ciidamada iyo Macawiisleyda.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa sidoo kale shirka Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay howlaha gurmadka abaaraha halka ay marayaan, waxayna mar kale ku celisay baaqii dowladda ee ku aaddanaa in gurmad lala gaaro shacabka la daalaa dhacaya abaaraha inta aysan isku badelin macluul.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo soo xiray kulanka ayaa golaha la wadaagay warbixin ku saaban shirkii golaha wadatashiga qaranka ee dhowaan lagu soo gabagabeeyey Muqdisho, kaas oo laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban dhowr qodob.

Wararkii ugu dambeeyey xaaladda madaxweynaha dalka Ukraine kadib markii…

0

Kyiv (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa galay shil baabuur, sida uu afhayeenkiisa shaaca ka qaaday.

Baabuur rakaab ah ayaa ku dhacay baabuurkii madaxeynaha iyo kii ilaalaadiisa oo ku sugnaa caasimadda Kyiv, Sergii Nykyforov ayaa hadal kooban sidaasi ku yiri.

“Madaxweynaha waxaa markiiba baaritaan ku sameeyay dhakhtarkiisa, waxa uuna caddeeyay in wax dhaawac oo halis ah uusan soo gaarin,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxaa oobta lagu daweeyay darawalkii waday Gaariga rakaabka ah ee ay isku dhaceen gaadiidka madaxtooyada, waxaana lagu qaaday Gaari Ambalaas ah.

Mr Nykyforov ayaa sheegay in dhammaan arrimaha la xiriira shilka gaadiidka ay baarayeen saraakiisha amniga. Faah faahin intaas dhaafsiisan ma uusan bixin.

Shilkan ayaa yimid  ka dib markii Madaxweyne Zelensky, oo 44 jir ah uu Arbacadii booqday magaalada dib loo qabsaday ee Izyum, oo Ruushka u ahayd xudunta muhiimka ee saadka ee waqooyi-bari Ukraine,.

Wuxuu u mahad celiyay ciidamadii ka qeyb qaatay weerar rogaal celis ah oo deg deg ah oo lagu qaaday “ciidamada Ruushka ee ku soo duulay ”, wuxuuna kormeeray munaasabad calanka lagu saarayay.

Maalmihii la soo dhaafay, ciidamada Ukraine ayaa dib u qabsaday dhul badan oo horay looga qabsaday, taasoo ku qasabtay ciidamada Ruushka inay dib u gurtaan inkastoo ay sheegeen in dib u gurashada ay tahay xeelad dagaal.

BBC

Daawo: Muwaadin Soomaali ah oo 20 dollar darteed loogu dilay dalka Mareykanka

0

Indianapolis (Caasimada Online) – Muwaadin Soomaaliyeed oo ahaa darawal taksi ayaa lagu dilay magaalada Indianapolis ee gobolka Indiana ee dalka Mareykanka Sabtidii, waxaa sidaas sheegtay waaxda booliska magaalada ee IMPD.

Saraakiil ka tirsan IMPD ayaa xiray nin lagu magacaabo James Riley oo 30 jir ah iyo Alysianna Martin oo gabar 29 jir ah, kuwaas oo loo haysto inay ka dambeeyeen dilka. 

Waxyar kadib 4:00am subaxii Sabtida ee 10-kii September, qof ayaa soo wacay number-ka 911, isaga oo ku wargeliyey in meel u dhow halka ay iska galaan waddooyinka 11th iyo New Jersey uu yaallo baabuur muddo badan albaabadiisa furan yihiin. 

Markii booliska IMPD ay yimaadeen, waxay heleen meydka Cabdulaadir Filanwaa oo yaalla kursiga darwalka, ayada oo baabuurkuna uu daaran yahay, sida lagu sheegay warbixinta booliska.

Waaxda caafimaadka ayaa shaacisay in Cabdulqaadir Filanwaa oo 55 jir ahaa uu isla goobta ku dhintay.

Sida ku cad warqadaha maxkamadda, kaamiro ku dhegneyd taksiga ayaa duubtay Riley iyo Martin oo soo galaya gaariga. Kadib waxaa la arkay Riley oo lasoo baxaya bastoolad oo dhinaca ka saaraya Cabdulqaadir, kuna amraya inuu goob cayiman u kaxeeyo.

Booliska ayaa sheegay in muuqaalka laga maqlayo Riley oo Cabdulqaadir weydiinaya halka ay ku dhegan tahay kaamirada gaariga, kadibna ku eedeynaya inuusan maqleyn amaradiisa. 

Riley ayaa kadib la maqlayaa isaga oo leh “ma waxay kula tahay inaan cayaarayo? Ma waxaad dooneysaa inaad dhimato? Ma waxaad dooneydaa inaad dhimato?”

Sidoo kale, inta gaariga uu socday waxay u muuqatay inuu jiray muran ku saabsan $20 oo Cabdulqaadir Filanwaa uu weydiistay Riley inuu bixiyo, balse Riley uu diiday inuu siiyo.

Markii gaariga uu istaagay, Riley ayaa weydiistay Cabdulqaadir inuu layrka gaariga damiyo, kadibna wuu toogtay. Wuxu kadib kusii dhufat laba xabad oo kale. 

Kadib markii ay xireen booliska, Riley iyo Martin ayaa hadalladooda ay isburiyeen waxayna beeniyeen inay wax lug ah ku lahaayeen toogashada. 

Si kastaba, Riley ayaa markii dambe qirtay inuu toogtay Cabdulqaadir Filanwaa, balse waxa uu yiri “ma dooneyn inaan sidaas sameeyo, waxaa dhacay isfaham waa.”