31.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Daawo: Muwaadin Soomaali ah oo 20 dollar darteed loogu dilay dalka Mareykanka

0

Indianapolis (Caasimada Online) – Muwaadin Soomaaliyeed oo ahaa darawal taksi ayaa lagu dilay magaalada Indianapolis ee gobolka Indiana ee dalka Mareykanka Sabtidii, waxaa sidaas sheegtay waaxda booliska magaalada ee IMPD.

Saraakiil ka tirsan IMPD ayaa xiray nin lagu magacaabo James Riley oo 30 jir ah iyo Alysianna Martin oo gabar 29 jir ah, kuwaas oo loo haysto inay ka dambeeyeen dilka. 

Waxyar kadib 4:00am subaxii Sabtida ee 10-kii September, qof ayaa soo wacay number-ka 911, isaga oo ku wargeliyey in meel u dhow halka ay iska galaan waddooyinka 11th iyo New Jersey uu yaallo baabuur muddo badan albaabadiisa furan yihiin. 

Markii booliska IMPD ay yimaadeen, waxay heleen meydka Cabdulaadir Filanwaa oo yaalla kursiga darwalka, ayada oo baabuurkuna uu daaran yahay, sida lagu sheegay warbixinta booliska.

Waaxda caafimaadka ayaa shaacisay in Cabdulqaadir Filanwaa oo 55 jir ahaa uu isla goobta ku dhintay.

Sida ku cad warqadaha maxkamadda, kaamiro ku dhegneyd taksiga ayaa duubtay Riley iyo Martin oo soo galaya gaariga. Kadib waxaa la arkay Riley oo lasoo baxaya bastoolad oo dhinaca ka saaraya Cabdulqaadir, kuna amraya inuu goob cayiman u kaxeeyo.

Booliska ayaa sheegay in muuqaalka laga maqlayo Riley oo Cabdulqaadir weydiinaya halka ay ku dhegan tahay kaamirada gaariga, kadibna ku eedeynaya inuusan maqleyn amaradiisa. 

Riley ayaa kadib la maqlayaa isaga oo leh “ma waxay kula tahay inaan cayaarayo? Ma waxaad dooneysaa inaad dhimato? Ma waxaad dooneydaa inaad dhimato?”

Sidoo kale, inta gaariga uu socday waxay u muuqatay inuu jiray muran ku saabsan $20 oo Cabdulqaadir Filanwaa uu weydiistay Riley inuu bixiyo, balse Riley uu diiday inuu siiyo.

Markii gaariga uu istaagay, Riley ayaa weydiistay Cabdulqaadir inuu layrka gaariga damiyo, kadibna wuu toogtay. Wuxu kadib kusii dhufat laba xabad oo kale. 

Kadib markii ay xireen booliska, Riley iyo Martin ayaa hadalladooda ay isburiyeen waxayna beeniyeen inay wax lug ah ku lahaayeen toogashada. 

Si kastaba, Riley ayaa markii dambe qirtay inuu toogtay Cabdulqaadir Filanwaa, balse waxa uu yiri “ma dooneyn inaan sidaas sameeyo, waxaa dhacay isfaham waa.”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarunta Pentagon-ka lagu soo dhoweynayo maanta

0

Pentagon, Virginia (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmaya xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Lloyd Austin, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Pentagon-ka.

“Xoghayaha difaaca Mareykanka waxa maanta oo Khamiis ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kusoo dhoweyn doonaa Pentagon-ka saacadda marka ay ay tahay 12:30 PM [7:30 PM xilliga Muqdisho], kulankaas oo ah oo ah xoojinta xiriirka labada dhinac,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Austin. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay gaaray magaalada Washington oo uu maalmo joogi doono.

Kadib Austin waxa uu la kulmi doonaa mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Mareykanka, isaga oo sidoo kalena habeenka Jimcaha kulan la qaadan doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobollada Virginia, Maryland iyo Washington DC.

Waxa uu kadib aadi doonaa magaalada New York, halkaasi oo uu kaga qeybgeli doono shirweynaha golaha guud ee QM, oo la filayo inuu khudbad ka jeediyo. 

Kulanka Austin ayaa astaan u ah sida dowladda Mareykanka u daneyneyso arrimaha Soomaaliya, ugana go’an tahay inay gacan siiso dowladda federaalka Soomaaliya.

Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa bishii May amray in Soomaaliya dib loogu celiyo 700 oo askari oo gacan siin jiray dowladda federaalka, kuwaas oo uu dalka ka saaray madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, bishii Janaayo ee 2021. 

Ciidanka Danab oo gudaha u galay Buq Aqable, kuna dilay 18 ka tirsan Shabaab

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu soo warramayaa inay xalay howlgal culus ku qaadeen deegaanka Buq Aqable oo ay in muddo ah gacanta ku heysay kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay beegsadeen saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankan oo qiyaastii 90 KM koofur ka xiga magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

“Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab ayaa xalay degaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan waxay ka fuliyeen howlgal qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday saldhigii ugu weynaa ee argagixisada Al-Shabaab ay ku lahaayeen degaankaas,” ayaa lagu yiri qoraal ay maanta daabacday Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee (SONNA).

Sidoo kale taliyaha ciidamada Xoogga dalka oo ka warbixiyey howlgalkan ayaa shaaca ka qaaday in lagu dilay ugu yaraan 18 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in howlgalkan lagu burburiyey saldhigyo, xafiisyo iyo goobo kale oo  Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan.

“Degaankaan ayaa kooxda u ahaa mid istaraatiiji ah oo ay kasoo abaabulaan weerarrada iyo qaraxyada ay ku dhibaatey jireen shacabka Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan oo dhibaato badan kala kulmay dhagarqabayaasha Al-Shabaab,” ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya maleeshiyaadka Macawiisleyda ayaa howlgallo iyo guluf dagaal ka waday gobolka Hiiraan ee HirShabelle.

CC Shakuur oo shaaciyey arrin dhici doonta, haddii aan jawaab laga helin caalamka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan gurmadka abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo u warramay Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa diray qaylo dhaantii ugu dambeysay ee ku aadan xaaladda bani’aadanimo ee haatan ka jirta qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaca ka qaaday in ay macluul dhici doonto, haddii aan jawaab deg-deg ah laga helin caalamka, si loo caawiyo dadka ay saameeyeen abaaraha

“Haddii aan la helin jawaab bini’aadannimo oo ku filan… macluusha ayaa dhici doonta,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in beesha caalamka iyo saaxibada Soomaaliya looga baahan yahay inay dareen gooni ah u muujiyaan dadka tabaaleysan ee ku sugan Soomaaliya

“Waxaan halkan u joognaa olole aan ugu soo jeedineyno dareenkiinna dhibaatada baaxadda leh iyo heerka ay marayso masiibada bini’aadannimo ee Soomaaliya,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame u sheegeay Wakaaladda Wararka ee AFP.

Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan abaaraha ayaa sidoo kale horey kulamo uu la yeeshay hay’adaha Qaramada Midoobay iyo dalalka xubnaha ka ah, isaga oo kala hadlay xaaladda adag ee Soomaaliya ee ka dhalatay abaaraha ka jira dalka.

Wuxuu sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur markale ku celiyey in weli farqi weyn uu u dhexeeyo gargaarka la ballan-qaaday iyo baahida dhaqaale ee Soomaaliya.

Malaayiin qof ayaa haatan halis ugu jira inay macaluul u dhintaan guud ahaan Geeska Afrika oo ku jira abaartii ugu darnayd muddo afartan sano ah kadib afar xilli oo roobaadkii ay di’i waayeen, kuwaas oo sababay in xoolihii iyo dalaggii ay dhammaadaan.

Qaramada Midoobay dhankeeda waxa ay sheegtay dhamaadkii bishii Ogosto inay heshay 67% ka mid ah 1.5 bilyan oo doolar oo ah gargaarkii loogu tala-galay Soomaaliya.

Khasaaraha ka dhashay duqeymaha Tigray oo kordhay

0

Mekelle (Caasimada Online) – Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay Arbacadii weerar cirka ah oo ka dhacay caasimadda gobolka Tigray ee Itoobiya, sida ay xaqjjiyeen saraakiisha isbitaalka, iyada oo ciidamada TPLF ay ku eedeeyeen ciidamada deriska ah ee Eritrea inay mar kale ku biireen dagaalka ka dhanka ah.

Dowladda Itoobiya oo tan iyo dabayaaqadii 2020 dagaal kula jirtay Jabhadda Tigray-ga ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyo ku aaddan duqeymaha cirka, dagaalka iyo joogitaanka ciidamada Eritrea.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Arbacadi duqaymahan ka gaystay magaalada Mekelle ayaa kusoo beegmay xili kooxda TPLF ay soo bandhigtay heshiis xabbad-joojin ah dhammaadkii toddobaadkan.

Dhibanayaasha Mekelle waxaa ka mid ah aabbe lagu dilay duqeyntii labaad iyo wiil uu dhalay oo dhakhtar ahaa, kaasoo dhaawacmay isagoo daryeelaya dhibbanayaasha, sida ay sheegtay Vasika Amdislasi, oo ah dhakhtar qalliin oo ka tirsan Isbitaalka Ayder Referral ee magaalada Mekele, waxaana duqeyntaas sidoo kale ku dhaawacmay 13 qof.

Shan ka mid ah dhibanayaasha ayaa dhintay intii loo sii waday isbitaalka, sida uu xaqiijiyay Kipirum Gebrselassie, oo ah maamulaha guud ee Ayder. Isaga oo soo xiganaya isku duwaha xaaladaha degdegga ah ee Mekele, wuxuu sheegay in shan qof oo kale ay ku dhinteen isla goobta oo lagu magacaabo Dajem Amsal.

Iyadoo dagaalo ay ka socdaan qaybo badan oo ka tirsan gobolka Tigray iyo gobolka Axmaarada ee dariska la ah, ayaa taliyaha guud ee kooxda TPLF Tadesse Werede uu ku sheegay waraysi uu siiyay telefiishanka Tigray-ga Talaadadii in milatariga Eritrea ay qabsadeen magaalada Shiraro oo u dhaw xadka.

Ganacsato Soomaali ah oo dil iyo dhaawac loogu geystay KOONFUR AFRIKA

0

Johannesburg (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya ganacsato Soomaali ah oo xalay dil iyo dhaawac loogu geystay dalka Koonfur Afrika.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka koowaad oo lagu dilay ganacsade lagu magacaabi jiray Salmaan Cabdullahi Cismaan oo ku sugnaa magaalada Queenstown ee gobolka Eastern Cape.

Marxuumka ayaa waxaa weerar ku qaaday kooxo burcad Afrikaan ah oo markii hore la sheegay inay gacmaha ka xireen, kadibna ay dileen, iyaga oo u adeegsaday toorey.

Mid ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee ku dhaqan waddanka Koonfur Afrika oo ka warbixiyey dhacdadaasi ayaa sheegay in marxuunka uu kaligiis ahaa marka la soo weerarayey, isla-markaana ragga dilka geysatay ay sidoo kale dab qabadsiiyeen dukaanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Booliska uu arrintan soo fara-geliyey, isla-markaana ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan falkaasi argagaxa leh.

“Marxuumka, kaligiis ayaa dukaanka joogay, sida ay Boliiska South Africa baaritaankooda ku sheegeen Dukaanka saqafka kore ayaa looga soo galay xilli uu Korontada ka maqneyd xaafadda, markii hore dadka waxay sheegeen in Marxuumka uu u dhintay koronto gubtay, balse saraakiisha dambi-baarista ayaa markii dambe xaqiijiyey in toorey dhabarka uga tiilay Salmaan, gacmaha xarig looga sirqiyey,” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada.

Sidoo kale weerarka labaad oo isna ka dhacay degmada Cosmo City ee hoostaga magalada Johannesburg ayaa waxaa lagu dhaawacay muwaadin kale oo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cismaan Cabdullaahi Maxamed, kaas oo isna ay weerareen burcad kale.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale kooxdaasi ay dhac baahsan u geysteen dukaanka ganacsadahaasi, kadibna ay goobta isaga baxsadeem.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa inta badan ka dhaca dhibaatooyin xoogleh oo loo geysto Soomaalida ku dhaqan gudaha waddankaasi, kuwaas oo u tegay inay ka ganacsadaan.

Xog: Saciid Deni oo qorsheynaya isbeddelo waaweyn

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa markii u horeysay lasoo warinaya in uu qorsheynayo sameynta isbedelo waaweyn oo dhanka xukuumadiisa iyo laamaha sirdoonka iyo amniga.

Waxaa lasoo warinaya in Deni uu qorsheynayo in uu kala diro golaha deegaanka ee Garoowe ee uu hogaamiyo Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre), kaasi oo la doortey sanadkii 2018-kii, islamarkaana muddo xileedkiisa ka dhiman tahay 11 bilood.

Sarkaal ka tirsan madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kale warbaahinta gudaha si hoose ula wadaagay in madaxweyne Deni uu shaqada ka cayrinaayo agaasimayaal muddo dheer xilka hayey, kuwaasi oo kamid yihiin Agaasimaha wasaaradda caafimaadka, Agaasimaha madaxtooyada Puntland, Agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha iyo Agaasimaha wasaaradda qorsheynta.

Xogta ayaa intaas kusii daraysa inay jirto magacaabid dhanka hay’adda sirdoonka iyo amniga ah, iyo Boosaaso oo loo magacaabayo maamul kumeel-gaar ah.

Qorshahaan ayaa hadduu si rasmi ah u dhaqan-geliyo Deni waxa uu noqon doona isbeddelkii ugu weynaa ee uu sameeyo, ayada oo si rasmi ah loo ogeyn sababta keentay in uu xiligaan kala diro gole deegaan oo waqtigooda uusan dhamaan.

Arrintaan ayaa sidoo kale kusoo aadeysa xili uu sii xoogeystay dagaalka siyaasadeed ee ka dhex qarxay madaxweyne Saciid Deni iyo kooxdiisa soo dhistay ee Aaran-Jaan.

Wada-hadallada Somalia iyo Kenya: Qodobka dooqa 1-aad u noqday Villa Somalia

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ganacsiga Qaadka wuxuu noqday mowduuc weyn mar walba oo ay kulmaan ama wada hadlaan madaxda labada wadan ee Soomaaliya iyo Kenya. Cidda uu dhibka ku hayo oo ah Soomaaliya waxay waayadaan hoos isaga dhigtay doodihii ahaa in mustaqbalka la suuliyo Qaadka iyo cabirka dhibaatadiisa ee bulshada Soomaaliyeed.

Sabab musuq iyo dhaqaale raadin shaqsiyadeed ah ayaa loo arkaa inay ciribtirtay doodihii iyo fikirkii Soomaaliyeed ee kasoo horjeeday Qaadka.

Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto ayaa shalay la wareegay xafiiska. Madaxda ka qeybgashay xafladda caleema saarkiisa waxaa kamid ahaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulan gaar ah oo  xarunta madaxtooyada ee magaalada Nairobi ku dhex maray William Ruto iyo Xasan Sheekh ayaa si gaar ah mar kale loogu dul istaagay suuqa Qaadka ee dowladda Kenya uga furan gudaha Soomaaliya.

Madaxweyne William Ruto intii uu ku jiray ololaha doorashada wuxuu u ballan qaaday qaadka Miiruu ee beerta Qaadka inuu daroogadaas suuq weyn u keeni doono haddii la doorto.

Ruto wuxuu u muuqdaa inuu durba bilaabay ballaarinta suuqa uu dibadda ugu heli karo maandooriyaha Qaadka. Soomaaliya waa mid kamid ah meelaha ugu muhiimsan.

Dhawaan waxaa soo baxday cabasho xoog leh oo ganacsatada iyo beeraleyda Qaadka ku qabaan siyaasiyiin Soomaali ah oo isbaaro u dhigatay ganacsigaan.

Xubnahaan ayaa lacagtooda maalinlaha ah ee qaadka ka soo gasha waxaa lagu qiyaasaa wax ku dhow Boqol kun oo Dollar.

Lacagtaan baadda ah oo ay qaataan siyaasiyiin iyo ganacsato ku dhow madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cabashadeedu waxay durba gaartay madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto.

Lama oga inay William Ruto iyo Xasan Sheekh si gaar ah u dul istaageen cabashadaas. Labada madaxweyne ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa kulankooda looga hadlay sidii loo xoojin lahaa shaqada guddiga wada-jirka ah ee iskaashiga labada dal, taas oo xoojineysa ganacsiga Qaadka, kalluunka iyo isku socodka.

Inkastoo ay Soomaaliya dib u fasaxday ganacsigii Qaadka, haddana Kenya weli ma bilaabin mana muujin xiisaha ay u qabto in kalluunka Soomaaliya uu suuq ka helo gudaha Kenya.

Dhanka socdaalka weli culeys ayey sheeganayaan Soomaalidu. Xadka labada dal caqabad la xiriirta gargaarka loo siday dhanka Soomaaliya ayaa dhawaan lasoo wariyey in culeys la saaray.

Weli dowladda Soomaaliya waxay muujineysaa sida ay niyad ugu heyso fulinta wixii lagu heshiiyey, halka Kenya dhowr jeer lagu eedeeyey dib u gurasho.

Hadda waxaa la eegayaa sida madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto uu daacad ugu noqdo la macaamilka dowladda Soomaaliya.

Dad badan oo Soomaali ah waxay weli is waydiinayaan jaceylka xooggan ee Villa Somalia u qaaday ganacsiga Qaadka.

Dadka qaar ayaa qaba inay tahay wax ceeb ku ah dowladnimada Soomaaliya in madaxdu xoogooda isugu geeyaan ganacsiga maandooriyahaan dhibaatada badan ku haya dhaqaaalaha Soomaaliya.

Daawo: Nin dil geysanayey oo lagu dhex toogtay suuq ku yaalla magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa galabta koonfurta magaalada Muqdisho, gaar ahaan suuqa degaanka Weydow waxay ku dhex toogteen nin dil iyo dhaawac u geystay qof shacab ah iyo askarti ka tirsanaa ciidamada ammaanka.

Ciidanka ayaa toogtay ninkii geystay dilka iyo dhaawaca labadaas qof ee mid askariga ahaa, waxaana la soo bandhigay meydkiisa oo la kor saaray bistooladii uu dilka ku geystay.

Taliyaha booliska qeybta galbeed ee gobolka Banaadir Gaashaanle Dhexe Yaasiin Nuur Kheyre (Yaasiin Ganey) oo warbaahinta kula hadlay goobtii lagu toogtay ninkaas ayaa faahfaahin kooban ka bixiyey dhacdadaas.

“Ciidanku waxay ku guuleysteen in ninkii dilka geysanayey ay isla goobta ku toogtaan, waxaan gacanta ku heynaa hubkii uu dilka ku geystay,” ayuu yiri Yaasiin Ganey.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidanka oo roondo ku jira ay la kulmeen falka uu geysanayey ninkaas, iyagoo ku guuleystay inay isagiina goobta ku toogtaan.

“Wuxuu rabay inuu shacabka ku dhex dhuunto, laakiin mudnaantiisa ayaa la marsiiyey, dilow dilbaa kuu dambey doona,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Taliyaha booliska qeybta galbeed ee gobolka Banaadir Gaashaanle Dhexe Yaasiin Nuur Kheyre (Yaasiin Ganey).

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa soo hagaagayey mudooyinkaan dambe, waxaana yaraaday dilkii iyo qaraxyadii ay ka geysa jireen kooxaha argagixisada ah, iyadoo taas loo sababeynayo kacdoonka shacabka ee gobollada ka heysta kooxda Al-Shabaab.

Hoos ka daawo taliyaha

Xasan Sheekh oo u safray Mareykanka – Muxuu yahay qorshaha socdaalkan?

0

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Maraykanka, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey.

Meertadan oo soconaysa inta u dhaxaysay 13-ka ilaa 27-ka Bishan ayaa lagaga arrinsanayaa yareynta saboolnimada iyo xasillooni darrada, horumarinta waxbarashada, shaqo abuurka dhallinyarada, xal u helidda musiibooyinka dabiciiga ah iyo xuquuqda dadka laga tirade badan yahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey waxay hordhigayaan aragtida iyo qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira la dagallanka saboolnimada iyo argagixisada.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa dhibaato badan kala kulmaya argagixisada iyo saboolnimada, waxaana la joogaa xilligii laga gacan siin lahaa dowladda Soomaaliyeed in ay dhibaatadaas ka samata bixiso dadkeeda.

“Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda dalalka ka qeyb galaya Meertadan, hoggaanka hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka soo qeyb galaya Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey, si uu u adkeeyo doorka dalkeennu uu ku leeyahay fagaareyaasha caalamiga ah,” ayaa lagu yiri qoraal ay Villa Somalia ka soo saartay safarka Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi, halkaas oo shalay uu uga qeyb galay caleemo saarka madaxweynaha 5-aad ee dowladda Kenya, sidoo kale maanta ayuu kulan gaar ah la qaatay dhigiisa cusub William Ruto.

Daawo: Xaadoole oo si kulul ula hadlay odayaasha Abgaal kadib dagaal ka qarxay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo kamid ah xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka ayaa si adag u cambaareeyay dagaal beelo ka tirsan Abgaal ku dhex-maray gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xildhibaan Xaadoole ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in dad walaalo ah ay isku hub qaataan, xili loo midoobayo la-dagaalanka Al-Shabaab oo gumaad ku haysa shacabka Soomaaliyeed.

“Odayaasha dhaqanka waa inay baxaan oo tagaan dhulka, soo fiiriyaan waxa la isku haysto. Waxa lagu dagaalamaya waa in la ogaada oo si cadaalad ahna loo kala saara, waa in dowladda federaalka iyo maamulka HirShabelle ay ka qabtaan dadka cidii qaldan,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay inay heshiiyaan beelaha walaalaha ah ee dagaalamaya, islamarkaana dhinac uga soo wada-jeestaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo xoogooda halkaasi u jeediyaan.

“Kama aamusnaan karno intaas ka badan, waa in fadhiga laga kaco oo dadka laga qabto dadka calool u shaqeystayaasha ah ee ku gabanaya qabiil, waa in loo isticmaalo kuwaas gacanta dowladda. Ninka aad dhaawiciisa qaadi laheyd ayaa dhaawac tireysa oo jidka iska xiraneysaan.”

Xildhibaan Xaadoole ayaa ku cel-celiyay in maamulka HirShabelle iyo Odayaasha dhaqanka ay si dhab ah uga howl-galaan sidii loo damin lahaa xiisada colaadeed ee u dhaxeysa dadka walaalaha ah, taasi oo uu ka dhashay khasaare nafeed.

“Ha badalaan Odayaasha dhaqanka nidaamka ay ku jiraan, ha ka kacaan fadhiga 10 iyo 20 wiil in la duugay ayaa la ii sheegay, maxay ku dhinteen? Ciil ma laheyn haddii uu dhinto isaga oo cadowga la dirirayo.”

Hadalka Xildhibaanka ayaa imanaya xili ay dowladda federaalka Soomaaliya ay ku eedeysay kooxda Al-Shabaab dagaalada ka dhex qarxay beelaha walaalada, ayada oo sheegtay inay jiraan dad ay kooxda lacag ku siisay isku dirka beelaha, si ay isaga horkeenaan beelaha Soomaaliyeed.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay inay ku raadjoogaan dadkaasi, si looga hortego qorshaha kooxda Al-Shabaab, ayna ka qaadi doonaan tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Maamullada oo soo saaray dalab culus xilli ay DF isku hayaan lacag ka timid dalka…

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa ugu baaqay dawladda dhexe ee federaalka Soomaaliya in la fasaxo deeqaha loogu talogalay wax ka qabashada abaaraha, oo ah lacag ka timid dibedda oo gaareysa ku dhowaad $10 milyan.

Go’aankan ayaa laga soo saaray shir ay yeesheen Wasaaradaha Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee maamullada Koonfur Galbeed, HirShabeelle, Puntland, Jubaland iyo Galmudug oo 12-kii ilaa 14-kii bishan September 2022 ka dhacay magaalada Baydhaba.

Shirkan ayaa ku soo beegmay xilli xaaladaha bini’aadantinimo ay ka sii dartay welina ay sii kordhayaan walaaca, iyadoo warbixinadii u dambeeyay iyo saadaasha ay muujinayaan isbeddellada welwelka leh iyo khatarta macluusha oo sare u kacday haddii aan wax-ka-qabasho degdeg ah la helin.

Kadib kulamo saddex maalmood ah oo wasiirrada wasaaradaha bani’aadminnimo ay ku yeesheen magaalada Baydhaba ayey ka codsadeen dawladda federaalka in lasoo fasaxo lacag dhan $9.6 milyan oo dollar oo dawladda Imaaraadka Carabtu ay ugu deeqday wax ka qabashada abaaraha.

Dawladda Soomaaliya ayaan markiiba ka jawaabin baaqa kasoo yeeray wasiirrada gargaarka bani’aadaminnimo ee maamul goboleedyada.

Lacagta ay maamul goboleedyada dalbadeyn in la fasaxo ayaa ah middii ay dowladdii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka xayirtay Imaaraadka ee uu dib ugu fasaxay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, taasi oo markii dambe Imaaraadka ay ku wareejiyeen Rooble, si wax looga qabto arrimaha abaaraha.

Halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedka kasoo baxay maamul goboleedyada

 

 

Dagaal dib uga dhex qarxay Azerbaijan iyo Armenia iyo 100 askari oo lagu dilay

0

Baku (Caasimada Online) – Dalalka Armenia iyo Azerbaijan ayaa sheegay in ku dhawaad 100 askari lagu dilay Talaadadii dagaalkoodii ugu cuslaa tan iyo sanadkii 2020-kii, kaas oo ka dhashay muranka gobolka Nagorno-Karabakh.

Mowjadihii ugu dambeeyay ee dagaalka ka socda gobolka ay u badan yihiin Armeeniyiinta ee ku yaalla Azerbaijan ayaa ku dhammaaday xabbad joojin jilicsan oo uu dhex-dhexaadinayay Ruushka.

Laakiin Wasaaradda Difaaca Azerbaijan ayaa sheegtay Talaadadii in “50 askari oo Asarbayjaan ah lagu dilay sababo la xiriira daandaansi ballaaran oo Armenia kaga yimid,” halka Armenia ay horay u sheegtay dhimashada 49 ka mid ah askarteeda.

Azerbaijan ayaa ku eedeysay Armenia inay jabisay xabbad-joojinta kadib habeen isku dhacyo ay socdeen, kaasoo soo cusbooneysiiyay cabsida laga qabo dagaal kale oo dhan walba ah oo u dhaxeeya labada dal ee isku ah cadowga taariikhiga ah.

Ruushka ayaa sheegay in ay heshiis xabbad-joojin ah dhex dhigeen dhinacyadii dagaalamay, taasoo keentay in muddo saacado ah ay xaaladu degto, balse Azerbaijan ayaa markii dambe ku eedaysay ciidamada Armenia inay “si weyn” u jebiyeen heshiiska.

“In kasta oo lagu dhawaaqay xabbad-joojin tan iyo sagaalkii saac (wakhtiga Moscow, 0600 GMT), Armenia waxay si xooggan ugu xad-gudbaysaa xabbad-joojinta xadka, iyadoo adeegsaneysay madaafiic iyo hub kale oo culus,” ayay yiraahdeen ciidamada Azerbaijan.

Armenia ayaa ka codsatay hogaamiyayaasha caalamka in la caawiyo ka dib markii uu dagaalku qarxay, iyada oo ku eedaysay Asarbayjan in ay isku dayayso in ay dhulkeeda qabsato.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa u la hadlay hoggaamiyayaasha labada dal Talaadadii, isagoo afhayeenkiisu sheegay in Washington ay “ku ay labada dal ku cadaadin doonto in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, iyo in heshiis nabadeed la dhex dhigo labada dal ee deriska ah.”

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Talaadadii lasoo xiriiray dhiggiisa Azerbaijan Ilham Aliyev si uu u muujiyo “walaac weyn” wuxuuna ku boorriyay “in loo soo noqdo ixtiraamka xabbad-joojinta.”

Qoomiyada Armenian gooni u goosadka ee Nagorno-Karabakh ayaa ka go’ay Azerbaijan markii Midowgii Soofiyeeti uu burburay 1991. Iskahorimaadkii xigay ayaa galaaftay nolosha 30,000 oo qof.

Muxuu ka dhigan yahay muddo korarsiga Qoor Qoor? – Shan qodob oo xasaasi ah

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Baarlamaanka Galmudug ayaa shalay beddalay muddo xileedka madaxda la doorto ee maamulka Galmudug. Muddo xileedka hoggaamiyaha maamulka iyo midka baarlamanka oo markii hore ahaa afar sano ayaa hadda laga dhigay shan sano.

Qoor Qoor muddo xileedkiisa wuxuu ku ekaa bisha February 2024, balse hadda waxa uu ka dhigtay inuu waqtigiisa dhammaan doono February 2025.

Tallaabada Galmudug ayaa kusoo aadeysa maalin kadib markii uu Muqdisho kusoo idlaaday shirka madaxda maamulada iyo madaxda federaalka, kaasoo madaxweyne Xasan Sheekh uu ka sheegay in go’aan guud laga gaari doono isbeddalka muddo xileedka labada heer ee dowladda.

Axmed Qoor Qoor wuxuu noqday qofkii labaad ee beddala muddo xileedkiisa inta uu jiray nidaamka cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh, waxaa ka horreeyey Axmed Madoobe. Wuxuu kaloo noqday hoggaamiyihii afaraad ee badala muddo xileedkiisa kadib Laftagareen, Cali Guudlaawe iyo Axmed Madoobe.

Warbixintaan waxaan kusoo koobeynaa shan qodob oo laga akhrisan karo inuu ka dhigan yahay ama uu dhali doono muddo xileedka ay kordhisteen hoggaanka Galmudug.

1- In Dhammaan muddo xileedka maamulada noqday min 5 sano

Puntland waxay markii hore aheyd maamul goboleedka qura ee muddo xileedkiisu yahay 5 sano, laakiin, waqtigaan la joogo dhammaan shanta maamul goboleed ee dalka waa isku mid xagga tirsiga muddo xileedka iyadoo Koonfur Galbeed, HirShabelle, Jubbaland iyo Galmudug oo ugu dambeysay ay min shan sano ka dhigteen waqtiga xil-heynta hoggaamiyaasha maamulka iyo baarlamaanka.

2- Nn maamuladu aysan cabsi ka qabin dowladda dhexe

Muddo ka hor way adkeyd inay madaxda maamulada ka fakaraan muddo dheereysi iyo inay xafiiska iska sii joogaan, waxay badi ka baqi jireen in dowladda dhexe diidmo kala hor timaado, laakiin hadda waxaa muuqata in maamulada aysan wax cabsi ah ka qabin dowladda federaalka ah.

Waa astaan muujineysa inuu jilcay nidaamka dhexe ee dowladda Soomaaliya, waana arrin dharbaaxo culus ku ah nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh.

3- Villa Somalia oo aan ka hor imaan karin Qoor Qoor

Galmudug waxay aaday muddo kororsi, madaxweyne Xasan Sheekh iyo wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi labadaba waxay kasoo jeedaan Galmudug, balse kuma dhiiran karaan inay diidaan muddo kororsigan, sababtuna waa inay ku dhici waayeen inay ka hor yimaadaan markii Axmed Madoobe uu sameystay muddo kororsiga.

Sharci aan qaban Axmed Madoobe ma qaban karo Qoor Qoor, sidaas darteed dowladda federaalka ee Soomaaliya uma furna waxaan aheyn aamusnaan.

Maalintii uu halno ku darsaday hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe wuxuu sahan u noqday Laftagareen iyo Cali Guudlaawe oo cabsi ka qabay in la diido muddo kororsigii ay sameysteen, wuxuuna kaloo wadada u furay Axmed Qoor Qoor.

4- Filashada muddo kororsi heer federaal ah

Maadaama dhammaan maamuladii ku darsadeyn muddo xileedkooda oo aysan dowladda dhexena waxba ka dhihin, waxa hadda la filan karo waa in dowladda dhexe iyaduna kororsato oo la beddalo qodobka muddo xileedka madaxweynaha iyo midka baarlamanka.

Waxaa jira warar sheegaya in laga shaqeenayo in dhammaan muddo xileedka labada heer maamulba laga dhigo min shan sano. Sida ay wax ku socdaan madaxda labada heer waa isla ogol yihiin muddo korsiga.

5- Dastuur jabin lagu heshiiyey

In Dhowr qof ay danahooda u istaagaan oo isaga darsadaan mudada xil heyntooda waa arrin dhaawaceysa macnaha dowladnimada Soomaaliya iyo dastuurka qoran ee dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu marar badan ku celcelin jiray dastuurka hala dhowro, laakiin hadda wuxuu eeganayaa qodob kamid ah kuwii ugu muhiimsanaa dastuurka dalka oo la jabinayo.

Qodobada xasaasiga ah ee looga hadlay kulankii Ruto iyo Xasan Sheekh + Sawirro

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada Kenya ayaa maanta wada-hadallo la yeeshay madaxweynaha cusub ee waddankaasi, William Ruto.

Ugu horreyn madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Mudane William Ruto munaasabadda caleemo-saarka iyo la wareegidda xilka, isagoo la wadaagay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay heshiis iyo iskaashi buuxa la yeelato dhammaan dalalka Gobolka.

Dhankiisa Madaxweyne William Ruto ayaa uga mahadceliyey Xasan Sheekh iyo guud ahaan wafdiga dowladda  Federaalka Soomaaliya ee ajiibay ka qeyb-galka munaasabadda caleemo-saarkiisa, waxa uuna adkeeyey xiriirka soo jireenka ah ka dhexeeya labada shacab iyo dowladeed ee dariska ah.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale kulankooda diiradda ku saaray arrimo dhowr ah, gaar ahaan iskaashiga labada dal iyo adkeynta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Kenya oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyey in hoggaamiyeyaasha labada dal ay kulankooda ku soo qaadeen hirgelinta heshiiska is-dhaafsiga qaadka iyo kaluunka, kaas oo ay horey u wada saxiixeen labada dal.

Sidoo kale waxaa waxa ay ka wada-hadleen labada dhinac fududeynta isku socodka iyo ammaanka Soomaaliya, maadaama ay Kenya qayb ka tahay howlgalka Midowga Afrika.

Arrimaha kale ee kulanka Xasan Sheekh iyo William Ruto looga hadlay waxaa ka mid ah xaaladda gobolka Geeska Afrika oo ay iska xog wareysteen labada madaxweyne oo ku guuleystay doorashadooyinkii iyo isbeddaladii dhowaan ka dhacay Muqdisho iyo Nairobi.

Kulankaan wuxuu ku soo aadaya, ayada oo uu horey madaxweynaha cusub ee dalka Kenya u ballan-qaadan inuu wada shaqeyn wanaasan la yeelan doono dowladda federaalka ah , si sare loogu qaado iskaashiga labada waddan oo daris ah, isla-markaana wadaaga xad dheer.

Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mid ahaa hoggaamiyaashii ka qayb-galay caleema saarka Ruto oo shalay lagu qabtay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Qandaraas bixinta shidaalka Soomaaliya oo la ansixiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga isku-dhafka heer Wasaaradeed ee Qandaraas bixinta ayaa ansixiyay habraacyada qandaraas bixinta shidaalka ee u gudbiyay Wasiirka Wasaarada Batroolka Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Guddiga oo tixgelinaya codsiga Wasiirka ayaa waxay 12-kii bishaan ansixiyeen qandaraas bixinta Shidaalka Soomaaliya, kadib markii la is waafajiyey sharciyada iyo xeerarka u yaalla.

Sidoo kale waxa uu guddiga ansixiyay is-waafajinta qoddobada sharciga Batroolka iyo sharciga Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka oo muddo hortaagna arrintan.

Wasiirka Batroolka ayaa sidoo kale dhankiisa ka mahad-celiyay tallaabada uu guddiga isku-dhafka heer wasaaradeed ee Qandaraas bixinta ay ku ansixiyeen qandaraas bixinta Shidaalka Soomaaliya.

“Guddiga Wasiirada maanta waxay ansixiyeen habka Qandaraas bixinta, kaasi oo muhiim u ah dejinta habraaca tartamada. Waxaa rabaa in u mahad-celiyo asxaabtayd sida ay uga tashadeen oo ay si taxadar leh u fiiriyeen labada dukumeenti iyo ansixintooda,” ayuu yiri Wasiirka.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in Wasiirka Batroolka hadda kadib loo gacan baneeyay in wasaaradiisa ay geli karto heshiisyo qandaraas oo ku saabsan faa’iidaysiga kheyraadka shidaalka ee Soomaaliya, maadama la dhameystiray dhamaan habraacyada lagu maraynayo hanaanka bixinta qandaraasyada shidaalka.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in Guddiga isku-dhafka heer wasaaradeed ee Qandaraas bixinta ay shirarka uga qeyb-galeen wasiirada Cadaaladda, Arrimaha Gudaha iyo Maaliyada oo dhamaantood ah xubno ka tirsanaa xisbiga UPD ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Daawo: Wasiir FIQI oo war cusub ka soo saaray amniga xarunta gobolka Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka qayb-galay munaasabad uu xilka kula wareegayey guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa goobta ka jeediyey khudbad xasaasi ah oo uu uga hadlay amniga xarunta dowladda hoose oo horey loogu dilay guddoomiye Injineer Yariisow.

Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in wax badan laga beddalay xarunta gobolka Banaadir, isla-markaana la sugay amnigeeda, isaga oo ku amaanay guddoomiyihii hore Cumar Filish.

“Runtii waxaan ka mahad-celinayaa in qodob ka mid ah qodobada ay aheyd in meeshaan aad ku soo bandhigtay in amniga xaruntaan aad si fiican u sugtay oo aad suurta-gelisay in munaasabad noocaan ah ay ka dhacdo, ayada oo aan ognahay dhacdadii xanuunka badneyd ee saddex sanno kahor ka dhacday Allaha u naxariisto guddoomiyaheenii hore”.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in muhiimadda iyo shaqada u horreyso ee la qabanayo ay tahay in laga bilaabo xarunta, taasina ay horseedeyso in maamulka uu guuleysto.

“Shaqada koowaad in guriga laga bilaabo weeyaan, xarunta laga bilaabo waayey, marka aadbaad ugu mahadsan tahay guddoomiye,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in ka dowlad ahaan ay ka shaqeyn doonaan in dadka Muqdisho ay iyaga is doortaan, kadibna ay maamulkooda  doortaan.

“Wasaaradda arrimaha gudaha iyada oo ku shaqeyneysa aragtida xukuumadda, gobolkaan waxa aan rajeyneynaa in Dadkiisu ay doortaan Maamulkiisa haddii ilaahey riyaahdo, in Guddoomiyaha Xamarweyn sanduuq loo dhigo, kan Shangaani loo dhigo kuwa kale sidaas oo kale, sidaasina waa midda dhalinyarada hoggaanka ku qaban karto loogana fursan karo waxyaabaha jira, inta aan joogno 4ta sano gudaheed in ay suuragasho” ayuu markale yiri.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan madaxweyne Xasan Sheekh uu isbeddel ku sameeyey maamulka gobolka Banaadir, isagoo mar labaad u magacaabay Yuusuf Madaale.

Laba qodob oo la qariyey oo looga hadlay shirkii Xasan iyo madax goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii u dhaxeeyey madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa Isniintii lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho.

Marka  la eego war murtiyeedka ay soo saareen madaxda macno la’aan ayuu noqon karaa, balse waxaa jira waxyaabo aan warqadda lagu qorin, balse ahmiyad weyn u lahaa shirka oo ay madaxda isku soo hadal qaadeen.

Dadweynaha waxay sugayeen inuu shirka golaha wada-tashiga qaran jiheeyo kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, laakiin sida loo dhigay qoraalka ay madaxda soo saartay ma muuqan macno weyn fartana kuma aysan fiiqin madaxdu dariiq fudud oo lagu garab siin karo beelaha hubka qaatay ama lagu soo afjari karo Al-Shabaab.

Waxaa jirtay laba qodob oo si weyn isha loogu wada-hadayey inuu shirku taabto, waana muranka lacag boqol Milyan ah oo uu bixiyey Bankiga adduunka iyo muddo kororsiga ay madaxda maamullada qaar sameysteen.

Inkastoo aan arrimahaas war-murtiyeedka looga hadlin, haddana xogta gaarka ah ee aan helnay waxay sheegeysaa in laga hadlay qodobada kala ah:

  1. Arrinta lacagta

Madaxda ayaa isku soo hadal qaaday cadadka maamul goboleed walba laga siinayo lacag boqol Milyan ah oo dollar ah, taas oo Bankiga Adduunka uu bixiyey.

Maamul walba waxaa markii hore loo qorsheeyey Afar Milyan oo Dollar, laakiin Puntland ayaa dhinac isaga riixday xisaabtaas.

Shirku wuxuu is afgaarad hordhac ah ka gaaray in Puntland loogu daro 2 Malyan oo Dollar oo la gaarsiiyo lix Malyan, waxaa kaloo isku soo dhawaansho laga sheegay in maamul walba laga jaro 500 Kun oo Dollar oo Puntland la siiyo Lix Malyan, maamullada kalena la siiyo min 3.5 Malyan oo Dollar.

Heshiiska arrintaan lama dhameystirin wada-hadal ayaana ka dhiman, laakiin ma jiro maamul diidan in Puntland la siiyo 6 Malyan oo Dollar, dabacsanaan in wax laga jaro ayey muujiyeen maamulada sida uu xaqiijiyey mid kamid ah madaxda maamulada oo aan la hadalnay.

Puntland waxay ku doodeysaa in marka la eego howlaha ay gacanta ku heyso iyo da’da ay jirto inay mar walba xaq u leedahay inay wax dheeraato maamulada kale.

Warar dheeraad ah oo isla qodobkaan ku saabsan ayaa sheegaya in maamulada qaar qabaan in 1 Malyan oo Dollar iyaga laga jaro Hal Malyan ay ku darto dowladda federaalka ah oo sidaas labada Malyan ee dheeriga ah lagu siiyo Puntland.

  1. Arrinta muddo kororsiga

Qodobkaan oo aad isha loogu wada-hayey ayaa la xaqiijiyey inuu halmar si dulmar ah uga hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud intii uu socday shirka.

Madaxweynaha wuxuu ku yiri maamulada arrimaha muddo xileedka si guud ayaan go’aan uga gaareynaa ee waxaan gaar gaarka ah iska dhaafa , iyadoo Galmudug si gaar ah loo yiri idinkuna waxaan aad hadda wadaan joojiya

Qoo Qoor oo isla qodobkaas goobta uga jawaabay waxaa la sheegay inuu yiri ma jiraan wax gooni ah oo aan wadno .

Hadalka madaxweyne Xasan Shiikh ee ah in si guud go’aan looga gaaro muddo xileedka wuxuu daba socdaa arrin lagu gorfeeyey shirkaan midkii ka horreeyey ee Xasan Shiikh iyo maamulada markaas oo miiska lasoo saaray in la hagaajiyo muddo xileedka oo ugu yaraan laga fakaro inuu dalku galo laba doorasho.

Doodaas hore ee uu daba socdo hadalka madaxweynuhu waxay sheegeysay in hal waqti laga dhigo doorashooyinka maamul goboleedyada midda federaalkana halmar si aan ummadda looga lumin waqtiga.

Inta sano oo ay kala dambeyn karaan labada doorasho ee labada heer iyo sida loo maareyn karo in dhammaan doorashooyinka maamul goboleedyada hal waqti laga dhigo weli lagama doodin, laakiin sida iska cad haddii lagu heshiiyo mideynta doorashooyinka heer maamul goboleed waxaa ka dhalanaya muddo kororsi ka badan midka hadda muuqda.

Madaale oo ballan-qaad culus u sameeyey reer Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo xalay si rasmi ah xilka ugala wareegay gudddoomiyihii hore Cumar Filish ayaa ballan-qaad culus u sameeyey shacabka Muqdisho.

Madaale ayaa sheegay in maamulkiisa uu wax ka qaban doono arrimaha ammaanka iyo sidoo kale kooxaha ciyaal weerada ee dhibaatada ku haya reer Muqdisho, isaga oo shaaca ka qaaday inuu kaashan doono hay’adaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka hortegi doonaan weerarada ay kooxda Al-Shabaab ka fuliso caasimada, kuwaas oo aad u kordhay maalmihii la soo dhaafay.

“Waxa aan ka shaqeynayaa gacansiinta hay’adaa amniga, waxaa lagama-maarmaan ah in la is garabsado oo waxa uu amniga ka dambeeyaa ummad wada haylan, waxaana ka shaqeyn doonnaa sidii looga gudbi lahaa dhibaatooyinka naga haysta amniga si looga guuleysto Argagixisada & kuwa kale ee magacyada kale la baxay ee Ciyaal weerarada” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in mas’uuliyadda loo igmaday uu ugu adeegi doono bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

“Mas’uuliyaddu ma ahan mid lagu xarakoodo, mas’uuliyaddu ma ahan mid lagu boola-xufteeyo, mas’uuliyaddu waa mid maalinta qiyaamo lagu waydiinayo cirkana diiday dhulkana diiday, qof weliba oo la saaray waa qaadum (Adeege) la rabo in uu shaqeeyo balse aan ka shaqeysan” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey guddoomiye Madaale.

Waa markii labaad oo uu xilkan qabanayo Yuusuf Xuseen Jimcaale, waxaana todobadii bishaan September u magacaabay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Al-Cadaala oo shaaciyey arrin ay billowday Al-Shabaab, kadib kacdoonka shacabka

0

Muqdisho (Caasimasa Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa si faahfaahsan uga hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kacdoonka shacab ee ka billowday gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in haatan kooxdu wajaheyso cadaadis xoogan oo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo shacabka uga imaanaya, balse wuxuu tilmaamay in hadda ay billowday xeelad cusub oo isaga jeedineyso dagaallada ku socdo.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ayaa sheegay in Al-Shabaab ay billowday isku dirka beelaha, isla-markaana ay jiraan dad ay lacag ku siisay arrintaas, si ay isaga horkeenaan beelaha Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay ku raadjoogaan dadkaasi, islamarkaana ay ka qaadi doonaan tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Waxa kale oo uu xusay in hay’adaha ammaanka ay la socdaan arrintaan, islamarkaana ay wadaan dabagal iyo baaris, si looga hortego qorshaha kooxda Al-Shabaab.

Waxa aan heynaa oo caddeymaheeda la hayaa oo qaarkood Hay’adaha Sharciga & ammaanka daba socdaan Dad Al-Shabaab ay lacag ku siiyeen in ay qabaa’il isku dhuftaan oo qaarkood shaqadaas fuliyay, goobaha inta badan hadda qabiillada la isku dhuftayna waa goobaha culeyska ka jiro oo Al-Shabaab qabaa’ilka Soomaaliyeed kula dagaalamayaan ama iska abaabulayaan” ayuu yiri Al-Cadaala Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo ay wadaan ciidamada Xoogga oo kaashanaya Macawiisleyda ee ku sugan HirShabelle & Galmudug.