31.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Al-Cadaala oo shaaciyey arrin ay billowday Al-Shabaab, kadib kacdoonka shacabka

0

Muqdisho (Caasimasa Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa si faahfaahsan uga hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kacdoonka shacab ee ka billowday gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in haatan kooxdu wajaheyso cadaadis xoogan oo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo shacabka uga imaanaya, balse wuxuu tilmaamay in hadda ay billowday xeelad cusub oo isaga jeedineyso dagaallada ku socdo.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ayaa sheegay in Al-Shabaab ay billowday isku dirka beelaha, isla-markaana ay jiraan dad ay lacag ku siisay arrintaas, si ay isaga horkeenaan beelaha Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay ku raadjoogaan dadkaasi, islamarkaana ay ka qaadi doonaan tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Waxa kale oo uu xusay in hay’adaha ammaanka ay la socdaan arrintaan, islamarkaana ay wadaan dabagal iyo baaris, si looga hortego qorshaha kooxda Al-Shabaab.

Waxa aan heynaa oo caddeymaheeda la hayaa oo qaarkood Hay’adaha Sharciga & ammaanka daba socdaan Dad Al-Shabaab ay lacag ku siiyeen in ay qabaa’il isku dhuftaan oo qaarkood shaqadaas fuliyay, goobaha inta badan hadda qabiillada la isku dhuftayna waa goobaha culeyska ka jiro oo Al-Shabaab qabaa’ilka Soomaaliyeed kula dagaalamayaan ama iska abaabulayaan” ayuu yiri Al-Cadaala Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo ay wadaan ciidamada Xoogga oo kaashanaya Macawiisleyda ee ku sugan HirShabelle & Galmudug.

Sawirro: Maxaa looga hadlay kulanka guddoomiye Cabdi Xaashi iyo wakiilka QM?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay u-xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Kiki Gbehu.

Kulanka ayaa waxay labada dhinac uga wada-hadleen adkaynta taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, arrimaha Abaaraha iyo sidii Aqalka Sare gacan looga siin lahaa howlaha shaqo ee hortabinta u leh.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ku bogaadiyay ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Kiki Gbehu dadaallada ay ka wadaan Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay in ay adkeeyaan wax ka qabashada Abaaraha.

Kiki Gbehu ayaa dhankeed uga mahad-celisay guddoomiyaha Aqalka Sare soo dhaweynta wanaagsan ee ugu sameeyay xafiiskiisa, ayada oo xustay sida ay QM uga go’an tahay wax ka qabashada xaalada abaareed ee Soomaaliya.

Kulankaan ayaa qeyb ka ahaa kulamo maalmihii u dambeeyay madaxda ugu sareysay dalka ay la yeelanayeen Saraakiil ka socotay Qaramada Midoobay, kuwaasi oo looga hadlay wax ka qabashada abaaraha, xili ay dalka ka jirto abaar saameysay dadka iyo duunyada.

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka gobolka Tigray

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Gobolka Tigreega ee waqooyiga Itoobiya ayaa lagu garaacay duqeymo cirka ah Talaadadii, sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka, laba maalmood kadib markii maamulka TPLF ee halkaas ku sugan ay sheegeen in ay diyaar u yihiin xabbad-joojin.

Duqeynta la sheegay in ay ka dhacday xarunta gobolka ee Mekele ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan hal qof, sida uu sheegay Kibrom Gebreselassie, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan isbitaalka Ayder Referral Hospital, oo ah kan ugu weyn Tigrayga.

“Hal bukaan oo dhaawac ah ayaa soo gaaray Ayder. Wadarta khasaaraha ilaa hadda lama oga,” ayuu ku qoray Twitter-ka.

Jabhadda Tigreega ee TPLF oo dagaal kula jirta ciidamada Itoobiya iyo xulafadeeda muddo ku dhow laba sano ayaa sheegtay in diyaarad aan duuliye lahayn ay “duqeysay” jaamacadda Mekele subaxnimadii Talaadada, halkaas oo ay ka geysatay khasaare naf iyo maalba leh.

“Tani waxay dhacaysa kadib markii xukuumadda Tigray ay dhistay koox wadaxaajood ah waxayna muujisay inay diyaar u tahay wadahadal nabadeed,” ayuu afhayeenka TPLF Kindeya Gebrehiwot ku yiri boggisa Twitter-ka.

Dimtsi Wayane, oo ah Shabaka TV oo ku xiran TPLF, isla markaana baahisa wararka Tigrayga, ayaa sheegay in sidoo kale la duqeeyay xarunteedii, taas oo qasabtay in hawada ay ka baxdo”ayna geysatay khasaare naf iyo maalba leh”.

AFP ma aysan awoodin in ay si madax banaan u xaqiijiso sheegashooyinka. Gelitaanka waqooyiga Itoobiya ayaa si aad ah loo xaddiday, gobolka Tigraygana waxa ay ku jirtay xannibaad isgaarsiinta ah muddo sannad ka badan.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaan ka hadlin duqeymaha la sheegay in lagu sameeyay, iyada oo af hayeenka dawladduna aanu ka jawaabin codsiyo la xiriira inay dhinacood ka hadlaan arrintan.

VOA + AFP.

Sawirro: Muxuu ahaa ujeedka waftiga Qatar ee maanta yimid Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda hay’adda Qatar charity oo ay ka wada hadleen sidii loogu soo gurman lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaartu ay saameysay.

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre ayaa xusay in xukuumadiisu ay ahmiyadda koowaad siinayso gurmadka abaaraha iyo sidii mustaqbalka xal waara loogu heli lahaa abaaraha soo laalaabta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dowladda Qatar mashaariicda ay ku taageerayso dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada adeegyada bulshada oo muhiim u ah dalkaan soo kabashada ku jira.

Sidoo kale Xamsa Barre ayaa sheegay in dalka ay ka jiraan abaaro saameyn ballaaran ku yeeshay noloshada dadka iyo duunyada, loona baahan yahay in gurmad deg deg ah lala gaaro dadka inta aysan xaaladdu ka sii darin.

Masuuliyiinta ka socday Hay’adda Qatar charity ayaa tilmaamay in hay’addoodu ay doorkeeda ka qaadan doonto gurmadka abaaraha ka jira dalka.

Dowladda Qatar ayaa ka mid ah dowladaha carbeed ee sida weyn u taageera Soomaaliya, waxaana lagu xasuustaa in mar ay aheyd dowladaha carbeed tag ugu dhow Soomaaliya sanadihii uu hoggaamiyey Farmaajo.

William Ruto oo xil cusub u magacaabay Uhuru Kenyatta

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa xil cusub u magacaabay madaxweynihii hore ee dalkaas Uhuru Kenyatta, kaasi oo ah ergeyga nabadda ee gobolka Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo gobolka Great Lakes. 

Ruto ayaa khudbaddii uu maanta ka jeediyey caleemo-saarkiisa waxa uu ku sheegay inuu Uhuru weydiistay inuu sii wado inuu u ololeeyo hindisaha nabadda gobolka, uuna ka aqbalay.

“Waxaan weydiistay walaalkey iga weyn madaxweyne Uhuru Kenyatta oo horey shaqo wanaagsan uga qabtay gobolladaas inuu sii wado wada-xaajoodyada isaga oo matalaya Kenya,” ayuu yiri Ruto.

Ruto ayaa sheegay in dowladdiisa ay sii wadi doonto inay taageerto hindisooyinka nabadda ee gobolka Bulshada Bariga Afrika (EAC), gaar ahaan Ethiopia iyo Gobolka Harooyinka Waaweyn (Great Lakes Region).

“Waxaa iga go’an in dowladda Kenya ay taageerto hindisooyinkaas, waxaana hoggaamin doonaa madaxweyne Kenyatta, waxaana doonayaa inaan uga mahad-celiyo inuu ogolaaday inuu na taageero igana caawiyo howlahaas,” ayuu yiri Ruto.

“Waxaan u sheegayaa saaxiibadeena gobolka, marka ay noqoto Kenya, waxaad haysataan saaxiib la isku haleyn karo, waxaana xiiseynayaa inaan sii xoojinno guulihii ay soo hoyeen hoggaamiyeyaashii naga horreeyey.”

Kenyatta ayaa isna si xooggan u muujiyey inuu diyaar u yahay xilkaas, xilli maanta uu ka baxay madaxtooyada.

Inkasta oo uu jiro xilka cusub ee loo dhiibay, haddana Uhuru ayaa weli ah guddoomiyaha golaha isbaheysiga Azimio, waana sidoo kale hoggaamiyaha Xisbiga Jubilee.

Ma cadda haddii uu ka tanaasuli doono siyaasadda gudaha, uuna xoogga saari doono tan shaqooyinka gobolka ee loo igmaday, taasi oo ka dhigeysa oday la xushmeeyo.

Uhuru iyo Ruto, oo horey u ahaa madaxweyne ku-xigeenkiisa, ayaa waxaa ka dhaxeeyey xifaaltan siyaasadeed sanadihii ugu dambeeyey. Uhuru ayaa doorashadii madaxweyne ee dhacday 9-kii August taageerayey Raila Odinga. 

Dowladaha Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed oo yeeshay wada-hadalkii ugu horreeyey

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa markii ugu horreysay wadahadallo yeeshay dowladaha madaxweyne Xasan Sheekh ee Soomaaliya iyo Abiy Ahmed ee Itoobiya oo la rumeysan yahay in xiriirkoodu uusan wanaagsaneyn.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa kulan muhiim ah la qaatay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Demeke Mekonnen Hassan.

Kulanka, oo ka dhacay magaalada Addis-Ababa, ayaa waxaa looga hadlay horumarinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo danaha ay wadaagaan labada dal.

Kulanka ayaa kusoo dhamaaday miro-dhal, sida uu sheegay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar oo qoraal soo dhigay bartiisa twitter-ka, mana bixin faah-faahin intaas dheer.

Kulankaan ayaa imanaya toddobaad kadib markii ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Itoobiya ay iska fogeysay barnaamij uu baahiyey TV-ga dowladda Itoobiya, kaasi oo diiradda lagu saaray xaalaada Soomaaliya, cinwaana looga dhigay “Soomaaliya waxay soo martay dagaalka sokeeye ee ugu weyn Afrika.”

Wasaaradda ayaa xiligaas qoraal ay soo saartay ku sheegtay in barnaamijkaas uusan matalin siyaasadda dawladda Itoobiya, islamarkaana uusan waafaqsanayn xiriirka labada dal.

Barnaamijkaas ayaa si gaara diirada u saarayey taariikhda Madaxweyne Xasan Sheekh, ilaa markii uu talada yimid sanadkii 2012-kii iyo ilaa hadda oo dib loo doortay 15-kii May 2022. Waxay warbixintu dib u gocatay xiriirkii TPLF oo markaas ka talineysay Itoobiya iyo Xasan Sheekh.

Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa qaboobaa wixii ka dambeeyey markii Xasan Sheekh uu xilka madaxweyne kala wareegay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saaxiibo iyo xulufo ay ahaayeen Abiy Ahmed. 

Muxuu Xasan Sheekh ka sheegay caleema-saarka WILLIAM RUTO? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online ) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Nairobi kaga qeyb-galay xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya, Mudane William Samoei Ruto.

Xasan Sheekh ayaa kamid ah wafuud heer caalami ah oo ka qeyb-gelay xafladda caleemo-saarka, ayada oo ku wehlinayeen madaxweynaha wafdi ay kamid yihiin Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada iyo Wasiirada Wasaarada Arrimaha Dibedda, Amniga Gudaha, Warfaafinta iyo Ganacsiga.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay iskaashiga diblomaasiyadeed, dhaqaale, ganacsi iyo bulsho oo ay yeeshaan dalalka dariska, si looga adkaado dhibaatooyinka saboolnimada, cunna-yarida, faqriga, colaadaha, caqabadaha ka dhashay isbedelka cimillada ee saameeyey shucuubta gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa kamid ahaa madax goob joog u aheyd dhaarinta madaxweynaha cusub ee Kenya, William Ruto oo noqonaya madaxweynihii shanaad ee soo mara Kenya.

William Ruto, hoggaamiyaha xisbiga UDA ayaa ku guulaystay doorashadii dhacday 9-kii bishii Ogosto ee aynu soo dhaafnay.

Waxaa sidoo kale isna maanta xilka loo dhaariyey madaxweyne ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua.

Ruto ayaa doorashada kaga adkaaday Raila Odinga oo markii shanaad xilkaas u tartamay, islamarkaana haystay taageerada madaxweynaha xilka ka degay Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha cusub ee Kenya ayaa waxa sugaya shaqooyin ay kamid yihiin mideynta shacabka Kenya, wax ka qabashada sicir-barar xooggan oo dalka ka taagan iyo sugidda amniga, ayada oo Kenya ay marar badan ka dhaceen weeraro ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Wasiirada maaliyadda DF iyo maamul goboleedyada oo gaaray heshiis 11 qodob ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirada Maaliyadda dowladda feeraalka ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka ayaa ugu dambeyn heshiis ka gaaray khilaaf ka taagnaa sida loo qeybsanayo lacagaha ka yimaada beesha caalamka.

Shir uga socday magaalada Muqdisho ayey ugu dambeyn waxay kasoo saareen war-murtiyeed ka kooban 11 qodob oo qeexaya heshiiskan.

Qodobada ugu muhiimsan ee shirka laga soo saaray ayaa waxaa ka mid ah in wasiirada ay isku raaceen in 50% kabka miisaaniyadda ee qeybsiga yabooha Bankiga Adduunka loo isticmaalo horumarinta arrimaha Bulshada iyo maamul wanaagga, sida arrimaha caafimaadka iyo waxbarashada.

Sidoo kale, waxay isku raaceen in 50% kabka miisaaniyadda Bankiga Adduunka ay khiyaar u leeyihiin isticmaalkeeda, balse xisaab celin iyo warbixin maaliyadeed laga soo sameeyo, wuxuuna qodobkaan ahaa mid si weyn la isugu hayey oo dood adag laga yeeshay.

Halkaan hoose ka akhriso qodobada shirka kasoo baxay oo dhameystiran

1- Si loo xaqiijiyo horumarka, hufnaanta iyo isku duubaanta hay’adaha maaliyadda ee dalka, wasiirada waxay hoos ka xariiqeen inay lagama maarmaan tahay in si dhow loo wada shaqeeyo oo ku dhisan kalsooni iyo wada-tashi.

2- In aan marnaba la siyaasadeyn arrimaha maaliyadda iyo hirgelinta shuruucda maaliyadda dalka iyo xaqiijinta halbeegyada iyo shuruudaha ku lammaanan deeqaha iyo mashaariicda horumarineed ee xukuumadda soo mara.

3- In si wadajir ah looga wada-qeyb qaato dhameystirka hannaanka dayn cafinta iyo dib u habeynta dhaqaalaha, hufnaanta nidaamka maaliyadda, la-dagaalanka saboolnimada, musuq-maasuqa, lagana shaqeeyo kobcinta dowlad wanaagga.

4- In la isla qaato lana ansixiyo hab ku saleysan qaacido (Formula based resource sharing) oo ku aadan qeybsiga deeqaha dibadda, si loo dhiirigeliyo wax wada qeybsi loo dhan yahay islamarkaasna la dardargeliyo dadaalka ku aadan kobcinta dakhliga gudaha iyo ilaalinta wax ku-oolnimada maamulka maaliyadda iyo adeegga bulshada.

5- In 50% kabka miisaaniyadda ee qeybsiga yabooha Bankiga Adduunka ee loo yaqaano (DPO-2) loo isticmaalo horumarinta arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga, sida howlaha caafimaadka iyo waxbarashada.

6- In 50% kabka miisaaniyadeed ee DPO-2 ay khiyaar u leeyihiin isticmaalkeeda, balse xisaab celin iyo warbixin maaliyadeed laga soo sameeyo.

7- In la dhameystiro barnaamijka furdooyinka iyo dardar gelinta isticmaalka SOMCAS.

8- In xoogga la saaro kobcinta iyo tayada adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada asaasiga ah, si muwaadiniinta dalka u helaan adeeg caafimaad iyo waxbarasho.

9- Daabicidda, soo saarista xisaab celin sanadle oo waafaqsan nidaam xisaabeedka mideysan ee guddiga farsamada horey ugu heshiiyeen ee loo yaqaan (Unified chartered of accounts).

10- In la ilaaliyo dhammaan heshiisyadii la wada gaaray.

11 -In la qabto shirka xiga ee wasiirada maaliyadda Bisha November ee soo socota haddii Alle idmo.

Daawo: Booliska Sacuudiga oo xiray nin Cumro u sameeyey boqoraddii dhimatay ee UK

0

Makka (Caasimada Online) – Booliska dowladda Sacuudiga ayaa xabsiga u taxaabay nin sheegay inuu cumro u niyeystay boqoradii dhawaan geeriyootay ee dalka UK Queen Elizabeth II.

Hay’adda Ammaanka Dadweynaha ee Sacuudiga ayaa Twitter-ka ku sheegtay in ninkaan oo kasoo jeedo dalka Yemen loo xiray inuu ku xad-gudbay xeerarka Cumrada u dajisan, islamarkasna uu iska soo duubay muuqaal isago wata boor ay ku qoran tahay “Cumro ayaa u neystay boqorad Queen Elizabeth II, waxaana Allah ka baryeenaa inuu u aqbalo oo janada uu geliyo.”

Hay’adda ayaa sheegtay in kiiska ninkaan loo gudbiyey xeer ilaalinta si ay baaritaan ugu sameyso, islamarkaana uu u maro ciqaabta u dajisan.

Xariga ayaa yimid kadib markii baraha bulshada lagu dhaleeceeyay muwaadinka Yemeniga ah kadib markii muuqaalkiisa uu noqday mid si weyn loo hadal hayo.

Shareecada Islaamku waxay u ogolaatay Muslimiinta inay u soo xajiyaan ama cimreeyaan iyagoo ka wakiil ah Muslimiinta dhintay, laakiin lama ogola in cumro loo sameeyo dadka aan islaamka aheyn ee dhinta.

Boqorada Elizabeth, oo dhimatay Khamiisti iyada oo jirta 96, waxay ahayd Kiristaan ​​ku adag diinteeda, waxayna sidoo kale soo noqotay gudoomiyaha ugu sarreeya Kaniisada England.

Caalim u dhashay dalka Masar, oo wax ka dhiga jaamacada Al-Azhar oo ka mid ah jaamacadaha ugu caansan caalamka ee lagu barto diinta islaamka, ayaa hadal uu siiyay telefishenka taageera dowladda waxa uu ku dhaleeceeyay ninkan Yemeniga ah inuu ku kacay fal ka baxsan diinta islaamka.

DF oo shaacisay sida laga yeelayo heshiisyadii ay kala saxiixdeen Xasan iyo Uhuru

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay sida laga yeelayo heshiisyadii ay horey u kala saxiixdeen madaxweynihii hore ee Kenya Uhura Kenyatta iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaluya Daa’uud Aweys oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Kenya William Ruto ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dalka iyo sidii loo fulin lahaa heshiisyadii ay labada dhinac kala saxiixdeen.

Daauud Aweys waxa uu tilmaamay in Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto ee maanta la dhaariyey uu martiqaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah martida munaasabaddaas ka qaybgashay.

Wasiir Daa’iid ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo William Ruto ay horey taleefoon uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dalka, dhinacyada ay iska kaashan karaan iyo kulan guud oo ay yeelanayaan kadib xafladda caleema saarka.

“Heshiis kasta oo ay galaan labo dal waa mid sii socon doonna haddii dowlad hore ama mid cusub ay saxiixdo, haddii ay jiraan arrimo farsamo way jiri karaan guddiyo saxa si heshiiskaas uu usii socdo,” ayuu yiri Daa’uud Aweys.

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyey “Waddamada gobolka ku yaalla oo dhan waxa ay heshiis ku yihiin amniga oo waxaa Soomaaliya ka jooga ciidan ku howlgalla magaca ATMIS.”

William Ruto ayaa dhawaan sheegay inuu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kulan la qaadan doono, wuxuuna ganacsatada qaadka ee Kenya u ballan qaaday in qodobka ugu horreeyo ee uu kala hadli doono uu noqon doono sidii loo xoojin lahaa xiriirka ganacsiga labada dhinac.

Dowladdii hore ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa joojisay qaadkii laga soo dhoofin jiray Kenya, waxaana dib u fasaxay madaxweyne Xasan Sheekh kadib markii ay heshiis wada saxiixdeen madaxweynaha xilka ka dagay ee Kenya Uhuru Kenyatta.

Daawo: BOOLISKA oo soo bandhigay nin fal argagax leh ka geystay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta soo bandhigay nin hubeysnaa oo dhowaan laga duubay muuqaal argagax leh oo ku baahay baraha bulshada ee Internet-ka isagoo rasaas ku ridaya wiil ku sugan degmada Dharkenley.

Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Doodishe oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in muuqaalkaas si qaldan loo dhigay, isla-markaana aysan jirin cid toogasho lagu dilay ama lagu dhaawacay, sida uu hadalka u dhigay

Doodishe ayaa xusay in muuqaalka ay jar-jareen dad ka leh u jeedo gaar ah, si ay u qalqal-geliyaan bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

“Ujeeddadeenu waxa aheyd inaan dadka u caddeyno in Video-gaas Edit lagu sameeyey ujeeddada laga lahaana ay aheyd mi guracan oo loogu talagalay in dadka lagu qalqal-geliyo oo aanu ka daba tegnay, soona caddeynay,” ayuu yiri afhayeenka Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dadkii ka dambeeyey falkaas, gaar ahaan kuwa muuqaalka sameeyey ay u gudbin doonaan maxkamad, si tallaabo adag looga qaado.

“Ciddii ku lug laheyd falka noocaas ah maxkamadda ayaanu horgeyn doonaa qofkii jar-jaray si uu Ummadda u qalqal-geliyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Dhankiisa Axmed Xasan Cilmi oo ah ninka hubeysnaa ee ka soo muuqaalka ayaa ka hadlay goobta, wuxuuna beeniyey in uu toogasho dil ah ama dhaawac ah uu geystay.

Axmed Xasan ayaa tilmaamay in uu ka tirsan yahay qaybta amniga, isla-markaana ciyaalka uu soo qab-qabtay ay ahaayeen ciyaal weero dhibaato ku heysay xaafada uu degan yahay.

“Aniga waxaan ahay ninkii baraha bulshada la soo dhigay xabaddana ridayey marka waxa ay ahaayeen ciyaal yar yar ah oo ciyaal weero ah, marka xaafaddaan daganaay aniga waxaan ahay nin amniga wax ka qaabilsan oo la ogyahay sidaas ayaan ciyaalkaas meesha ugu qabtay, waxaan caddeynayaa inaan cid dilin, cidna dhaawicin” ayuu yiri Axmed Xasan.

Baarlamanka Galmudug oo muddo kordhin u sameeyey madaxweyne Qoor Qoor

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaannada baarlamaanka Galmudug oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, ayaa muddo kordhin horleh u sameeyey madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Kulanka oo aad isha loogu hayey ayaa ku saabsanaa wax ka beddel lagu sameeyey dastuurka maamulkaasi, gaar ahaan muddada xil-heynta xukuumadda.

Xildhibaannada oo sameeyey codeyn gacan-taag ah ayaa hal sano oo dheeri ah ugu daray madaxweyne Qoor Qoor iyo xukuumaddiisa, waxaana ogolaatay 56 mudane.

Xil heynta madaxweynaha Galmudug ayaa markii hore aheyd 4 sanno, haddase waxa ay noqoneynaa 5 sanno, sida uu ku dhowaaqay guddoonka baarlamaanka Galmudug.

Qorshahaan ayaa soo socday todobaadyadii ugu dambeeyey, iyada oo aad loogu kar karinayey gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug.

Arrintaan ayaa daba socota tallaabooyinkii ay horey u qaadeen maamullada HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo iyaguna min hal sanno ku darsaday xil heyntooda.

Tallaabooyinka ay qaadeen maamul goboleedyada dalka ayaa uga sii dareysa xiisadda kala dhexeysa dowladda federaalka oo illaa iyo hadda shaacin mowqifkeeda ku aadan muddo kororsiga ay ku dhawaaqeen inta badan hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada.

Si kastaba, go’aanka ka soo baxay baarlamaanka Galmudug ayaa ku soo aadayo, xilli shalay la soo gabagabeeyey shirkii u dhexeeyey madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kaas oo looga hadlay xaaladda dalka iyo arimaha soo koddhay.

Xog: Madaxweyne Xasan iyo Abiy Ahmed oo kulmaya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa lagu wadaa inuu kulan gaar ah la yeesho ra’iisul wasaaraha waddanka Itoobiya Abiy Axmed.

Labada mas’uul ayaa is-kala qayb-galaya xafladda caleema saarka madaxweyne William Ruto, ayaga oo kadib yeelan doono kulan duceed ay uga hadlayaan arrimo xasaasi ah.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in diblumaasiyiiin ka socda labada dal ay maalmihii u dambeeyey Nairobi ka wadeen diyaarinta kulanka u dhexeeyo Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed oo ku soo aadayo, xilli ay haatan taagan tahay xiisad u dhexeyso labada dhinac.

Sida ay ogaatay Caasimada Online labada nin ayaa ka wada arrinsan doono, sidii xal looga gaari lahaa mad-madowga hadda u dhexeeyo iyo sare u qaadida xiriirka labada waddan oo isbedal hoose uu ku yimid, kadib doorashadii 15-kii May ee looga adkaaday madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay xulafo dhow ahaayeen ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Sidoo kale waxaa la filayaa in labada dhinac ay gaaraan heshiis is afgarad ah oo ku aadan iskaashi ay yeeshaan labada dowladood oo daris ah.

Kulankan wuxuu ku soo aadayaa, xilli dowladda Itoobiya ay raalli-gelin ka bixisay warbixin laga sii daayey telefishinta qaranka dalkaas oo toos loogu weeraray Xasan Sheekh.

Si kastaba, Itoobiya ayaa maalmihii u dambeeyey dhaq-dhaqaaqyo culus ka waday gudaha Soomaaliya, iyada oo toos xiriiro kala duwan ula sameysay qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka, sida Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Puntland.

William Ruto oo loo dhaariyey madaxweynaha KENYA

0

Nairobi (Caasimada Online) – William Ruto ayaa loo dhaariyey madaxweynaha cusub ee Kenya, xaflad ka dhacday garoonka weyn ee Moi International Sports Center Stadium ee magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Madaxweynaha cusub ayaa loo dhaariye xilkaasi wax yar ka hor 1-dii duhurnimo, waxaana uu noqonayaa madaxweynihii shanaad ee soo mara Kenya.

William Ruto, hoggaamiyaha xisbiga UDA, ayaa ku guulaystay doorashadii dhacday 9-kii bishii Ogosto ee aynu soo dhaafnay.

Waxaa sidoo kale isna maanta xilka loo dhaariyey madaxweyne ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua.

Xafladda dhaarinta waxaa joogay madax ka socota caalamka oo ay ku jiraan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame, Madaxweynaha Tanzania Samiya Suluhu Xasan, iyo madaxweynayaal kale.

Ruto ayaa doorashada kaga adkaaday Raila Odinga oo markii shanaad xilkaas u tartamay, islamarkaana haystay taageerada madaxweynaha xilka ka degay Uhuru Kenyatta.

Ruto ayaa waxa sugaya shaqooyin ay ka mid yihiin mideynta shacabka Kenya, wax ka qabashada sicir-barar xooggan oo dalka ka taagan iyo sugidda amniga, ayada oo Kenya ay marar badan ka dhaceen weeraro ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Kahor dhaarinta, dhowr qof ayaa ku dhaawacmay kadib markii dadweyne ay isku dayeen inay xoog ku galaan halka xafladdu ka dhaceysay. Muuqaallo ay baahiyeen taleefishinada ayaa muujiyey tobanaan qof oo isku dul dhacaya, mid ka mid ah albaabada laga galo garoonka.

Isha: VOA

Jeyte oo shaaciyey inuusan tegi doonin xafiiskiisa illaa ay hal mid ka dhacdo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo ay wehliyaan Taliyaha Guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo masuuliyiin kale ayaa maanta gaaray deeganka Goobo ee degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha iyo saraakiisha ayaa waxa halkaasi ku soo dhaweeyey shacabka deegaanka, iyaga oo ku bogaadiyey dadaallada mira-dhalka leh ee ay wadaan Gudoomiyaha gobolka Hiiraan iyo saraakiisha Ciidamada Qalabka-sida, taasi oo ay sheegeen inay ku garab istaagayaan.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa markii u horeysay halkaasi ka shaaciyay in uusan ku noqon doonin xafiiskiisa shaqada illaa inta laga xaqiijinayo himilada nabad-galyada ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxa uu ciidamada dib u xoreynta deegaanada gobolka Hiiraan ee ku sugan deegaanka Goobo kula dardaarmay in la dhameystiro guulaha wax tarka leh ee la gaaray, islamarkaana la dardar-geliyo.

Shacabka deegaanka ayaa dhankooda waxay ballan-qaadeen inay xoojin doonaan wada-shaqeynta Ciidamada Qalabka-sida iyo maamulka gobolka, si loo xoojiyo nabadda iyo la-dagaalanka kooxda Al-Shabaab, loogana saaro goobaha ay ku dhuumaleysanayaan.

Ugu dambeyntiina Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay in cadawga jab xoogan la gaarsiiyay, islamarkaana aysan xiligaan hayn awood ay kusii dagaalamaan, isaga oo kula dardaarmay bulshada gobolka inay sii wadaan garab istaaga halganka ay wadaan maamulka iyo ciidamada.

Odinga oo isbeddelay kuna dhowaaqay go’aan cusub

0

Nairobi (Caasimada Online)Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa diiday inuu kasoo qeyb galo xafladda caleemo-saarka madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto oo maanta ka dhaceysa garoonka Kasarani ee magaalada Nairobi.

Raila Odinga ayaa shaaca ka qaaday in William Ruto uu ku soo baxay doorasho aan ‘xor iyo xalaal aheyn”, sida uu hadalka u dhigay.

Bayaan uu soo saaray ayuu Odinga ku sheegay in uu dalka ka maqanyahay laakiin qodobka ugu muhiimsan ee aanu uga qeyb galeyn galeyn caleemo-saarka Ruto uu yahay in guddiga doorashada “aanu qaban doorasho xor iyo xalaal ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in go’aanka Maxkamadda Sare aanu ku saleysneyn sharci iyo xaqiiqo, laakiin uu xushmeynayo go’aankaas”

“Sababahaas daraadood natiijadii doorashada waa mid aan la garaneyn” ayuu yiri ninka laga adkaaday ee Raila Odinga.

Waxa kale oo uu sheegay in marka uu dalka kusoo nqodo uu la kulmi doonoo xunbaha isbaheysigiisa, isla markaana ay ku dhawaqi doonaan tallaabada kale ee xigta.

Odinga oo markii shanaad u tartamay xilka madaxweynaha Kenya ayaa wuxuu taageero ka helayay madaxweynaha xilka ka dagay ee Uhuru Kenya, oo kasoo horjeestay William Ruto.

Si kastaba, caleema saarka madaxweynaha cusub ee Kenya ayaa qabsoomaya maanta, waxaana ka qaybgalaya madax kala duwan oo ka socda Qaarada Africa iyo caalamka, waxaana sidoo kale qayb ka ah Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Sawirro: Sidee madaxweyne XASAN SHEEKH xalay loogu soo dhoweeyey Nairobi?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb galaya caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Mudane William Ruto ayaa xalay gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalkaas.

Madaxweynaha oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka gobolka iyo caalamka ee ka qeyb-galaya caleema-saarka Madaxweyne William Ruto ayaa waxaa si diirran loogu soo dhaweeyey gegida diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo dowladda Kenya soo dhaweynta diirran, isagoo adkeeyey muhiimadda xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Labada dal ee dariska ah.

Caleemo-saarka Madaxweyne William Ruto ayaa ka dhacaya garoonka weyn ee Kasarani oo ku yaalla magaalada Nairobi, waxaana ka soo qeybgalka xafladaan dhaarinta ah diiday ninkii sida weyn ugula loolamay xilka madaxtinimada dalkaas.

Raila Odinga oo doorashada looga guuleystay, isla markaana mar kale looga guuleystay dacwad uu u gudbiyey maxkamada sare ee dalka, kadib markii uu qaadacay natiijadii doorashada, ayaa hadda cadeeyey in xafladaas uusan ka qeyb geleyn.

Ciidanka DF oo burburiyey fariisimo iyo maxkamado ay lahaayeen Al-Shabaab

0

Awdheegle (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa weli sii wada dhaq-dhaqaaqyada iyo howlgallada lagu beegsanayo kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka, gaar ahaan Koonfur Galbeed, HirShabelle, Galmudug iyo Jubbaland.

Howlgallada oo ah kuwa culus ayaa waxaa ka mid ah meelaha ay ciidamadu ka sameeyeen gobolka Shabeelaha Hoose, ayada oo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in howlgalladan si gaar ah looga fuliyey tuulooyin dhaca inta u dhexeysa deegaannada Nambar 50 iyo Gandarshe ee gobolkaasi.

Sarkaal u hadlay milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalladan ay ku burburiyeen fariisimo iyo maxkamado ay Al-Shabaab ku lahaayeen miyiga gobolka Shabeelaha Hoose.

“Howlgalkaan wuxuu ahaa mid la qorsheeyay kadib markii la ogaaday in Argagixisadu ay samaysteen baro ay isku qariyaan oo ku yaala dhulka aanan la daganayn ee dhirtu ku badantahay, halkaas oo ay ugu yeeraan dadka ay rabaan inay lacaga ka qaataan” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Qaranka.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay si wadi doonaan dagaalka adag ee ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab, ujeedkooda uu yahay sidii looga saari lahaa guud ahaan gobolka.

Dhanka kale ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howlgallada ka socda gobollada Hiiraan iyo Galgaduud oo deegaanno horleh looga qabsaday dagaalyahannada  Al-Shabaab.

Warsaxafaadeed goor sii horreysay ka soo baxay dowladda federaalka oo looga hadlay howlgalladan waxaa lagu sheegay in Al-Shabab looga dilay ugu yaraan illaa 100, loogana qabsaday 20 deegaan oo kula kala yaalla HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Ciidamada Danab oo xalay ‘dhimasho iyo dhaawac ka geystay’ GAALKACYO

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya rasaas ay fureen ciidamada sida gaarka ah u tabaran ee Danab ee ku sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, taas oo sababtay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Falkan ayaa maanta ka dhacay waddada dheer ee isku xirto magaalada Gaalkacyo iyo deegaanka lagu magacaabo Dagaari, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Dadka ku dhintay rasaastaasi waxaa ka mid ah nin lagu magacaabi jiray Mascuud Cabdulqaadir Dhoore oo ka soo jeeda magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Danab ee lagu eedeeyey falkaasi in ay goobta isaga dhaqaaqeen, isla-markaana ay sii wateen socdaalkoodaii ku sii wajahanaa Mudug.

Sidoo kale waxaa goor dambe ku baxay dhacdadaas ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Galmudug oo maydadka iyo dhaawacyada dadka shacabka ah ka soo qaaday halkaasi.

Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa falkan, balse ehellada dadka ay waxyeellada soo gaartay ayaa cadaalad ka dalbanaya dowladda dhexe iyo Galmudug.

Dhacdadan ayaa qayb ka noqoneyso dilal iyo dhibaatooyin kale oo ay dadka shacabka ah kala kulmaan ciidamada dowladda, xilliyada isaga kala gooshayaan dalka intiisa kale.

DENI oo shaaciyey tirada xisbiyada ku loolami doona doorashada PUNTLAND

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ka daah-furay tababarka Goleyaasha deegaanka degmooyinka Ufeyn, Qardho iyo Eyl, kuwaasi oo lagu soo doortay hannaanka dimuqraadiyadda ee qof iyo cod.

Madaxweyne Saciid Deni oo munaasibadaas hadal ka jeediyay ayaa shaaciyay in dhawaan uu maamulka yeelan doono Saddex Xisbi oo ka shaqeyn doona danaha shacabka, siyaasad ahaana u meteli doona.

Sidoo kale waxa uu faray dadweynaha reer Puntland in loo dulqaato bilowga dimuqraadiyada, islamarkaana lagana qeyb qaato sidii ay doorashooyinka qof iyo cod u hirgeli lahaayeen.

“Khibradayda Puntland iyo tan federaalka koox iyadu is wadata oo qabiil salka ku haysa cid ma hogaamin karaan,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Deni ayaa intaas sii raaciyay “Waxaan idin kala dardaarmayaa ninkii qabiil wax ku raadinaya, nin xoog wax ku raadinaya iyo nin shalay dadkii Puntland burburinayay maciin bidaya, ka digtoonaada.”

Si kastaba, hadalka Deni ayaa imanaya ayada oo lasoo gaba-gabeeyay qeybtii ugu horreysay ee tijaabada doorashada qof iyo cod, taasi oo ka qabsoontay degmooyin dhowr ah oo ka tirsan maamulka Puntland