31.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

DENI oo shaaciyey tirada xisbiyada ku loolami doona doorashada PUNTLAND

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ka daah-furay tababarka Goleyaasha deegaanka degmooyinka Ufeyn, Qardho iyo Eyl, kuwaasi oo lagu soo doortay hannaanka dimuqraadiyadda ee qof iyo cod.

Madaxweyne Saciid Deni oo munaasibadaas hadal ka jeediyay ayaa shaaciyay in dhawaan uu maamulka yeelan doono Saddex Xisbi oo ka shaqeyn doona danaha shacabka, siyaasad ahaana u meteli doona.

Sidoo kale waxa uu faray dadweynaha reer Puntland in loo dulqaato bilowga dimuqraadiyada, islamarkaana lagana qeyb qaato sidii ay doorashooyinka qof iyo cod u hirgeli lahaayeen.

“Khibradayda Puntland iyo tan federaalka koox iyadu is wadata oo qabiil salka ku haysa cid ma hogaamin karaan,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Deni ayaa intaas sii raaciyay “Waxaan idin kala dardaarmayaa ninkii qabiil wax ku raadinaya, nin xoog wax ku raadinaya iyo nin shalay dadkii Puntland burburinayay maciin bidaya, ka digtoonaada.”

Si kastaba, hadalka Deni ayaa imanaya ayada oo lasoo gaba-gabeeyay qeybtii ugu horreysay ee tijaabada doorashada qof iyo cod, taasi oo ka qabsoontay degmooyin dhowr ah oo ka tirsan maamulka Puntland

Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo fariin culus u diray dadka la jooga Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa digniin culus u diray shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada ay dalka ka joogaan kooxda Al-Shabaab, kadib shir jaraa’id oo galabta uu qabtay markii uu soo idlaaday shirkii madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Madaxweynaha oo garbihiisa ay taagnaayeen madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa si qota dheer uga hadlay qorshaha Al-Shabaab looga xoreynayo dalka oo dhan, isagoo dhan kasta ka tusaaleeyey sida looga baaqsan karo khatar soo wajahda shacabka aan waxaba galabsan.

“Waxaa socda dagaal lagu soo celinayo xorriyadda, dadnimadeena, laguna difaacayo diinta oo dowladdu aysan u kala hari doonin, waa naga go’antahay in Al-Shabaab aan ka xoreyno dalkeenna,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa cadeeyey in macaluusha laga cabsi qabo inay dalka ka dilaacdo aan laga hor tegi karin ilaa la ciribtiro Al-Shabaab, isal markaana dowladda oo taas ka duulaysa ay qaada doonto masuuliyad dhan ah.

“Dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa inay ka fogaadaan meesha Al-Shabaab joogo, nin kasta oo Shabaab ah waa hadaf, sida ay hadaf uga dhigteen dilka dadka Soomaaliyeed, yaan agtooda lagu dhiman, ka fogaada goob kasta oo Al-Shabaab ay joogaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu intaas ku sii daray, inay bilaaba doonaan duqeymo iyo weerarro culus oo kooxda lagu qaadi doono, “Maxkamadahooda beenta ah yaan la tegin, meelaha ay dhahaan dadka ayaan ku wacdineynaa yaan la aadin, wacdigooda waa mid qaldan, qof Al-Shabaab ah meeshii uu yimaado tartiib ha looga dhaqaaqo,” ayuu yiri xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in cudur-daar loo samey karo kaliya qofkii u xiran kooxda, balse qof kale oo ku sugan goob Al-Shabaab joogo uu isagu naftiisa haligay, hadii ay wax soo gaaraan.

Hoos ka daawo

Mareykanka oo cabiray waxa uu horseedi karo kacdoonka ku wajahan Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa taageertay kacdoonka shacabka gobolka Hiiraan ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kadib qoraal goor dhow ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Qoraalka Mareykanka waxaa lagu cadeeyey in ay safaaraddu ka war qabto in Al-Shabaab ay si xun ula dhaqmeen shacabka Hiiraan, kadibna ay kacdoon sameeyeen.

Sidoo kale qoraalka Mareykanka waxaa lagu muujiyey rajo ah in nabadii Soomaaliya ay soo celi karaan kacdoonada ka dhanka ah Al-Shabaab ee dalka ka curtay.

“Markii dadka reer Hiiraan ay kaceen oo dib ula soo noqdeen deegaanadooda, Al-Shabaab waxay burburiyeen guryo, goobo ganacsi, iyo ceelal riig ah markii ay carareen. Shacabka Soomaaliyeed oo ay taageerayaan ciidamada maxalliga ah & kuwa federaalka, waxay soo noolay doonaan oo ay Soomaaliya ka xoray doonaan burburkii ay sababeen rabshadaha xagjirka ah,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda Mareykanka.

Kacdoon culus oo muujinaya rajada Al-Shabaab 15 sano kadib laga adkaado ayaa ka curtay gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo Al-Shabaab ay ku xooganaayeen markii hore.

Gobolka Hiiraan ayaa fure u ahaa kacdoonkaan, waxaana xusid mudan in deegaano badan oo gobolkaas ka tirsan ay ka baxeen gacanta Al-Shabaab oo hadda dadkii u dhashay ay maamulaan, sidoo kale Galgaduud iyo Bay ayaa la xaqiijiyey in kooxda laga qabsaday deegaano ay horay u joogtay.

XASAN SHEEKH oo caawa ka degay NAIROBI – Muxuu yahay qorshaha safarkan?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka ambabaxay magaalada Muqdisho, isagoo u safray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, si caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto uu uga qeyb galo.

Wafdiga Madaxweynaha oo goordhow ka degay Nairobi waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Kenya iyo diblomaasiyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

Talaadada berri ah ayaa la qorsheeyey in la caleema saaro madaxweynaha Kenya William Samoei Ruto, waxaana xafladaas ka soo qeyb galeysa madax aad u badan oo ka kala timid daafaha caalamka, kuwaas oo maanta ilaa caawa ku soo qul-qulaya Nairobi.

Caleemo-saarka Madaxweyne William Ruto ayaa ka dhacaya Garoonka weyn ee Kasarani oo ku yaalla magaalada Nairobi, waxaana ka soo qeybgalka xafladaan dhaarinta ah diiday ninkii sida weyn ugula loolamay xilka madaxtinimada dalkaas.

Raila Odinga oo doorashada looga guuleystay, isla markaana mar kale looga guuleystay dacwad uu u gudbiyey maxkamada sare ee dalka, kadib markii uu qaadacay natiijadii doorashada, ayaa hadda cadeeyey in xafladaas uusan ka qeyb geleyn.

Dhageyso: Galmudug oo si rasmi ah uga hadashay qorshaha muddo kororsiga

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ee Soomaaliya ayaa baarlamaanka horgeeyey sharciga xisbiyada iyo guddiga doorashada, talaabadaasi oo maamulku uu ku sheegay inay ahayd arrin muhiim u ah Galmudug oo dhan.

Wasiirka arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac Waayeel oo u warramay VOA ayaa waxa laga waydiiyey in sharciga la horgeeyey baaramanka laga damacsan yahay muddo kordhin loo sameenayo xukuumadda iyo madaxweynaha.

Wasiir Waayeel ayaa si cad u sheegay in Galmudug ay qorsheeneyso muddo kordhin ay sameysato iyagoo ku dayanaya maamul goboleedyada kale ee dalka.

“Waa dhici kartaa in muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda iyo madaxweynaha, maadaama maamul goboleedyada HirShabele, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland uu muddo xileedkooda yahay min 5 sano,” ayuu yiri wasiir Cabdi.

Wasiirka ayaa sheegay in codsiga muddo kodhinta uu ka iman karo dhanka xukuumadda ama baarlamanka, sida uu hadalka u dhigay.

“Wax diidi karo malahan muddo kordhinta haddii ay ka timaado xukuumadda iyo baarlamaanka, balse sharciga aan hadda gudbinay iyo muddo kordhinta wax is quseeyo oo isugu talagalay maahan,” ayuu sii raaciyefy hadalkiisa.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo aadaya xilli muddooyinkii dambe ay jiraan warar sheegaya in madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor uu doonayo inuu sameysto muddo kordhin maadaama ay saaxiibadii jidkaas mareyn.

Si kastaba, dhaq-dhaqaaqyada ka socdo Dhuusamareeb ayaa ku soo aadayo, xilli haatan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ay ku shirsan yihiin magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka hadlaya xaaladda dalka iyo arrimaha soo koddhay.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Xog: Maamul goboleedyada iyo DF oo ka heshiiyey qeybsiga $100 milyan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xog hoose ku heshay Caasimadda Online, dowladda dhexe iyo madaxda maamul goboleedyada ee ku shirsan magaalada Muqdisho ayaa ka heshiiyey khilaafkii ka taagnaa habka loo qeybsanayo 100 milyan oo dollar oo ka timid beesha caalamka, gaar ahaan Bankiga Adduunka.

Sida ay xubno ka qeybgalayo shirka u xaqiijiyeen Caasimadda Online, dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ayaa ku heshiiyey in maamul goboleed kasta la siiyo lacag dhan 4 milyan oo dollar si ay ugu qabsadaan howlaha horyaalla maamullada.

Habka loo qeybiyey lacagtaan ayaa ah mid gebi ahaanba ka duwan sidii markii hore loo qeybin jiray, taasi oo ku saleysneyd markii hore sida ay u kala duwan tahay miisaaniyadda maamul goboleedyada sida uu dhawaan sheegay wasiirkii hore ee maaliyadda Cabdiraxaman Ducaale Beyle.

Heshiiska hadda dhacay wuxuu ka dhigan yahay in maamullada qaar, sida Puntland wax iska beddaleen qeybta ay heli jirtay miisaaniyadda dowladda dhexe siiso maamul goboleedyada, waxayna markii hore Puntland qaadan jirtay miisaaniyad ka badan maamul goboleedyada kale.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo shirka kaga qeybgalayey qaab Zoom ah ayaa ugu dambeyn lagu qanciyey inuu qaato lacag la mid ah kuwa maamul goboleedyada kale la siinayo oo ah 4 milyan oo dollar.

Wasaaradda maaliyadda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa dhawaan isku khilaafay qaabka loo qeybinayo lacagtaas, waxaana natiijo la’aan kusoo dhammaaday kulan dhawaan Muqdisho ku dhex maray wasaaradda maaliyadda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.

Shirka oo muddo kooban ahaa ayaa dib loo dhigay qodobo badan oo muhiim ahaa maadaamaa madaxweynaha federaalka uu u safrayo Kenya si uu uga qeybgalo caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto.

Aqriso: 7 qodob oo laga soo saaray shirkii madaxda DF iyo madax goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ayaa maanta lagu soo geba-gabeeyay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo socday laba maalmood waxaa shir gudoominayay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana looga hadlay arrimaha amniga, xoojinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo u gurmashada dadka ay saameysay abaaraha ka jira ka jira dalka.

Halkaan hoose ka akhriso war-murtiyeedka shirka oo dhameystiran

1. HORDHAC

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulankii labaad ee shirka Golaha Wadatashiga Qaran kaasoo socday muddo laba maalmood ah 11-12 September 2022. Shirka oo ku qabsoomay magaalada Muqdisho waxaa ka soo qayb galay Ra’iisul Wasaaraha

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo isagu kaga qeyb-galay aalladda fogaan aragga. 

2. QODOBADA KA SOO BAXAY KULANKAN GWQ

Labadii maalmood ee shirkan socday waxa ay Madaxwaynaha iyo xubnaha Golaha Wada tashiga Qaranku diirada saareen sidii loo dardargelin lahaa dadaalka lagu samata bixinayo dadka Soomaaliyeed ee ay sida daran u saamayeen abaaruhu, waxaana la isla gorfeeyay arrimha amniga dalka, iyadoo dib loo milicsaday qodobadii kasoo baxay shirkii 12 kii June 2022. 

Gunaanadkii shirka labada maalmood ee Golaha Wadatashiga Qaran ku yeeshay magaalada Muqdisho 11-12 September 2022 waxaa Goluhu isku raacay qodobada soo socda:

1) Ka dib abaarihii oo daba dheeraaday, dagmooyin ka mid ah dalkeenna ayaa galay xaalad adag, hadaba Golaha Wada tashiga Qaranku waxa uu go’aamiyay in dowladdu dardar galiso howlaha lagu badbaadinayo dadka tabaalaysan, waxaana la faray dhammaan hay’adaha ku hawlan gurmadka in ay mideeyaan dadaallada ku wajahan yaraynta saamaynta aabaraha. 

Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay si buuxda is kugu gurmadaan. Sidoo kale, saaxiibada Soomaaliya ayuu Goluhu ugu baaqay in ay laba jibbaaraan taageerada gurmadka abaaraha.

2) Goluhu wuxuu si mug leh u bogaadinayaa howlgalada la-dagaallanka argagixisada ee ka socda dhammaan deegaannada dalka, gaar ahaan kaalinta ay shacabka reer Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ka qaadanayaan la-dagaalanka argagixisada.

3) Goluhu wuxuu ugu baaqayaa deegannada kale ee dalka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha, culimaa’udiinka, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka in ay si dhab ah ugu istaagaan dedaalada la-dagaalanka aragagixisada oo ay hormuudka ka yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dhammaan qaybaha kale ee ciidamada qalabka sida. 

4) Goluhu wuxuu isku raacey in la dardargeliyo lagana mira dhaliyo wadahadalada Soomaaliland.

5) Goluhu waxa uu xoojinayaa xiriirka iyo wada shaqaynta hay’adaha dowladda ee labada heer si loo xaqiijiyo kalsooni buuxda iyo natiijooyin wax ku ool u ah dawladnimada.

6) Goluhu wuxuu isku raacay in laga shaqeeyo xaqiijinta xasilooni siyaasadeed oo ku qotanta kalsooni, midnimo, iyo sarreynta dastuurka iyo xeerarka dalka. 

7) Goluhu wuxuu isku raacey in la isugu yimaado shir kale oo lagu lafaguri doono arrimaha hortabinta u leh dowlad dhiska Soomaaliya.

DHAMMAAD

Dagaal ka dhex qarxay Siciid Deni iyo kooxdiisi Aaran-jaan

0

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta daahfurey tababar loo qabtey goloyaasha deegaanada doorashada ku yimid iyo arrimaha dimoqraadiyadda kaas oo lagu qabtey magaalada Garoowe.

Khudbadii uu Madaxweynuhu halkaas ka jeediyey ayuu si weyn ugu duurxulay ulana hadley kooxdii soo dhistey isaga ee Aaran-jaan ee ay hadda kala irdhoobeen islamarkaana xabbadu isugu jirto.

Madaxweye Deni ayaa yiri “koox gaar ah oo wada socotaa ma maamuli karaan Puntland.” Waxa uu intaas ku daray “waxaa jira dad siyaasadda u soo gala in ay ka shaqaystaan, waxaan ka digayaa kuwa usoo gala in ay siyaasadda ka macaashaan ha furtaan shaqooyin gaar ah iyo ganacsiyo.” Hadalkan ayaa ah madfacii ugu horreeyey ee Deni ku rdio kooxdii la shaqeysey xiligii uu u baahnaa ee ololaha doorashada Puntland ku jirey sanadkii 2018.

Xildhibaan Cali Xoosh ayaa billaabey weerarka ka imaanayey kooxda Aaran-jaan, waxaana uu mar sii horeysey Madaxweyne Deni ku tilmaamey nin iimaankii ka tegay, sida uu wax u doonaayana aysan u soconeyn.

Dhanka kale, waxaa la isweydiinayaa kooxda Aaran-jaan sidee midowgoodi noqon doonaa, waxaa muuqata hadda in wasiirka maaliyadda Xasan Abgaal uu doonaayo xilkiisa sii haysto ilaa la gaarayo wakhtiga uu ololihiisa doorashada ku dhawaaqayo, maadaama aanu saaxibadiisa hoose damaciisa ka qarin.

Todobaadkan ayuu Madaxweynuhu xilkii ka qaadey Cabdiweli Seed wasiir ku xigeenkii Xanaanada Xoolaha, iyo Wasiiru dowlihii Madaxtooyada oo labaduba xiriir dhaw la lahaa Maxamuud Shiddo, oo farxad hoolka baarlamaanka la ilmeeyey kadib doorashadii Siciid Deni. Sidoo kale waxaa shaqadii baneeyey Cabdiweli Timacadde oo kamid ahaa kuwa ku xiran Aaran-jaan.

Waxaa la filayaa in todobaadyadan ay sii xoogeysato dagaalka siyaasadeed ee ka dhex qarxey shirkaddii siyaasadeed ee dalkan la wareegtey 2019.

Ugu danbeyn, marka lee eego damaca kala duwan ee ku jira kooxda Aaran-jaan, waxaa la is-weydiinayaa sida Puntland u ekaan doonto 2024, maadaama geedkii Aaran-jaan beereen 2019 la arkey.

Maxaa ka jira inuu xumaaday xiriirka DF iyo Galmudug?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in uu wanaagsan yahay xiriirka dowlad goboleedkaas iyo dowladda Federaalka ka dhaxeeya, wadashaqeyn wanaagsanna kala dhaxeysa dowladda.

Tan iyo markii la doortay Xasan Sheekh, ayaa warar soo baxay waxay sheegayeen in madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uu noqon karo kan ugu horreeya ee dowladda federaalka ay riddo.

Qoor Qoor ayaa aad ugu dhowaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo markii hore xilka Galmudug ku geeyey dagaal lagu qaaday Ahlu-Sunna.

Si kastaba, Cali Daahir Ciid ayaa hoos u dhigay xiisadda labada dhinac, waxa uuna tilmaamay in Galmudug mar waliba ay u taagan tahay xoojinta dowladda dhexe iyada oo tusaale loo soo qaadan karo shirarkii udub-dhexaadka u noqday doorashooyinkii dalka ka dhacay.

Ciid ayaa dhanka kale difaacay go’aankii wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada ka qaateen wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka sabab ka dhalatay hab qaybsiga lacagaha kabka ah, gaar ahaan lacag $100 milyan ah oo ka timid dhanka World Bank.

“Xiriirka dowladda dhexe iyo Galmudug wuu wanaagsan yahay, Galmudug waxa ay door wanaagsan ka qaadatay doorashadii dalka ka dhacday oo waxa ay martigelisay shirarkii ka dhacay magaalada Dhuusamareeb,” ayuu yiri Cali Daahir Ciid.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo dhowaan saluugay magacaabista golaha wasiirada iyo sida loogu saleeyay hab qaybsiga beelaha ayaa sheegay in ay ka wada hadleen arrintaas ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadda ka socda shir u dhaxeeyo dowladda dhexe iyo madaxda maamul goboleedyada, waxaana la filayaa in lagu soo afjaro mad madowga u dhaxeeya labada dhinac.

William Ruto oo shaaca ka qaaday tallaabo la xiriirta Soomaaliya oo uu qaadayo

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya, William Ruto ayaa shaaciyey tallaabo uu qaadayo oo la xiriirta qaadka Miraa ee ay u soo dhoofiyaan Somalia.

Ruto oo ka hadlayey goob ay dadweynaha isugu soo baxeen ayaa sheegay in dhiggiisa Soomaaliya madaxweyne Xasan Sheekh uu kala hadli doono qaddiyada qaadka, si meesha looga saaro walaaca iyo cabashada ay weli muujinayaan ganacsatada jaadka.

Madaxweyne William Ruto ayaa ugu niyad qaboojiyey ganacsatada dalkiisa inuu wax badan ka beddeli doono suuqa Miraa, si ay u ballaariyaan ganacsigooda oo muddo hakad ku jiray.

“Aniga ii daaya qaddiyada qaadka Miraa, waxaan kulan la leeyahay todobaadkan madaxweynaha Soomaaliya, si aan ula socono suuqyada Miraa,” ayuu yiri Mr. Ruto.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladdiisa ay xal u keeni doonto arrinta qaadka Miraa, isla-markaana ay la macaamili doonto dhinacyada ay quseyso arrintan.

“Beeraleyda Miraa waa in aysan weligood wal-walin waxaa la macaamili doonaa dhammaan dulaaleyda iyo iskaashatooyinka,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu dhowaan u ambabaxo dalka Kenya, isaga oo ka qayb-gali doono caleema saarka William Ruto oo dhacaya 13-ka bishaan September.

Labada madaxweyne oo ku yimid isbeddello siyaasadeed oo ka kala dhacay Muqdisho iyo Nairobi ayaa ka wadahadli doono arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labadal waddan.

Arrimahan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan uu soo hagaagayo xiriirka labada dhinac, kaas oo aad u hooseeyey 5-tii sano ee la soo dhaafay, waxaana todobaadkan ay Kenya safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya, kaas oo la shaqeynayo dowladda federaalka.

Xog: Maxaa kasoo baxay kulankii beesha Galmaax iyo Xasan Sheekh? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay Villa Somalia kula kulmay siyaasiyiinta, odayaasha iyo xildhibaanka beesha Galmaax Yoonis oo cabasho ka aheyd habka uu u maareeyey magacaabista guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir.

Beesha Galmaax ayaa madaxweynaha horey ugu eedeysay inuu kaga baxay ballaan uu ka qaaday oo aheyd inuu siin doono xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho kaasi oo markii dambe uu u magacaabay Yuusuf Madaale oo kasoo jeeda beesha Daa’uud.

Galmaax Yoonis iyo Daa’uud ayaa labaduba ka wada tirsan beesha Wacbuudhan Abgaal.

Kulankii xalay ka dhacay Villa Somalia ayaa xubno ka qeyb galay waxay Caasimada Online u sheegeen in Xasan Sheekh uu ka garaabay arrintan, islamarkaana uu raalin-gelin buuxda siiyey isaga oo ballan-qaaday inuu si kale u xalin doono.

Xubnaha beesha Galmaax ee kulanka ka qeyb-galay ayaa madaxweynaha u gudbiyey liis xilal ah oo ay doonayaan in madaxweynaha u magacaabo, haddii aanu xilka guddoomiyaha kasoo celin karin Yuusuf Madaale.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ballan-qaaday inuu arrintan sixi doono islamarkaana xilal kale ugu xuquuq gudi doono beesha Galmaax, inkasta oo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta beesha ay shaki geliyeen sababo la xiriira inuu horey uga baxay ballan-qaadyo kale.

Beesha Galmaax Yoonis ayaa aad uga careysan in Xasan Sheekh oo ay aad u difaaceen uguna dagaalameen markii lagu soo weeraray Miranaayo bishii April 2021 markii uu dhacay dagaalkii looga soo horjeeday muddo kororsiga uu sidan ku sameeyo.

Ma cadda sababta Xasan Sheekh ballan ka baxa u sameeyey, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu cadaadis kaga yimid kooxdiisa UPD iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta Galmaax ayaa ku ballamay kulan labaad oo lagu dhameeyo xiisadda.

Qoor Qoor iyo Galmudug oo u dhaqaaqay muddo kororsi

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaannada baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta kulan xasaasi ah ku leh magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, waxaana jira shaki weyn oo hareeyey ajendaha kulankaasi.

Xildhibaannada golaha wakiilada Galmudug ayaa maanta dood adag ka yeelan doono qorshaha dib u eegista dastuurka Galmudug, kadib soo jeedin ka timid, xubnaha guddiga dastuurka, dib u heshiisiinta iyo arrimaha gudaha ee baarlamaanka maamulka Galmudug.

Intaasi ka dib guddiga joogtada ah ee baarlamaanka Galmudug ayaa go’aamiyey in arrintaan loo gudbiyo golaha oo isla maanta ka doodi doono.

“Guddiga dastuurka, dib u heshiisiinta iyo arrimaha gudaha ee baarlamaanka ayaa soo jeediyey qorshe wax looga beddelayo dastuurka Galmudug, dood iyo falanqeyn kadib, guddiga joogtada ee baarlamaanka Galmudug ayaa go’aamiyay in 12 September la horgeeyo qorshaha wax ka beddelka gastuurka Golaha Guud ee Baarlamaanka Galmudug, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga soo diyaariyey ajendaha kulanka maanta.

Qoor Qoor ma qaadi doonaa waddadii Axmed Madoobe iyo Lafta Gareen?

Dhaq-dhaqaaqa ay wadaan xildhibaannada baarlamaanka Galmudug waxaa ka dhashay shaki, ayada oo laga cabsi qabo ‘in goluhu uu ku dhowaaqo muddo kordhin horleh oo loo sameeyo’ madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), si la mid ah hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedka Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo haatan min hal sanno loogu daray.

Haddii baarlamaanka Galmudug ka dhabeeyo arrintaan ayaa waxa ay sii kici doontaa buuqa ka dhashay muddo kororsiga ay dhowaan sameysteen qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada, walow illaa iyo hadda aysan ka hadlin dowladda federaalka Soomaaliya

Si kastaba, dhaq-dhaqaaqyada ka socdo Dhuusamareeb ayaa ku soo aadayo, xilli haatan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ay ku shirsan yihiin magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka hadlaya xaaladda dalka iyo arrimaha soo koddhay.

Qof isku qarxiyey maqaaxi ku taalla gobolka SANAAG

0

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Macluumaad iyo faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar ismiidaamin ahaa oo xalay ka dhacay tuulada Milxo oo ku taalla dhanka buuraleyda Calmadow oo ka tirsan gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu fuliyey nin isku soo xiray walxaha qarxa, kaas oo beesgaday maqaaxi lagu shaaxo, laguna qayilo oo ku taalla halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in xilliga uu dhacayey qaraxa maqaaxida ay ku sugnaayeen dad badan oo shacab ah, waxaana soo gaaray dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay qaraxan, halka ay ku dhaawacmeen 10 kale, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale dadka dhaawacyada ah oo qaarkood ay liidato xaaladooda caafimaad ayaa loo soo qaaday dhanka magaalada Boosaaso, si loogu dabiibo xaaladooda caafimaad.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, balse kooxda Al-Shabaab ayaa ku sugan buuraha Calmadow oo u dhow tuulada Milxo oo ah meesha uu weerarka ka dhacay.

Qaraxaan ka dhacay Sanaag ayaa noqonaya kiisii ugu horreeyey ee is-miidaamin ah oo uu fuliyo qof isku soo xiray walxaha qarxa, taas oo cabsi weyn ku beertay dadka shacabka ah.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana socdo baaritaano ay bilaabeen ciidamada Puntland, si dabagal loogu sameeyo kooxihii ka dambeeyey weerarkaasi qaraxa ah.

Shirka Golaha Wadashiga oo galay maalintii labaad iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu shalay furay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galay maalintiisii labaad, kaas oo looga hadlayo xaaladda guud ee dalka iyo wada-shaqeynta labada dhinac.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qayb-galaya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, Madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, HirShabelle MD Cali Guudlaawe Xuseen.

Sidoo kale madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Deni ayaa isaguna shirka akaga qeyb-galaya aaladda fogaan aragga, ayada oo maqnaashihiisa ay abuureyso tuhuno hor leh.

Intiisa badan waxaa shirkan diirada loogu saarayaa saddex qoodb oo kala ah; 1-Sugidda amniga dalka, 2- Wax ka qabashada saameynta abaaraha dalka ka jira 3-Iyo la dagaalanka argagixisada, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay soo saartay Villa Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online madaxda labada dhinac ayaa xalay yeeshay kulamo gaar gaar ah oo looga hadlayo dooda taagan iyo sidii xal waara loogu heli lahaa.

Wararka ayaa sheegaya in shirka maanta la soo xirayo, ayada oo laga soo saari doono war- murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wadahadlayaan madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka oo uu maalmihii dambe mad-madow soo kala dhex-galay.

Shirkan ayaa ku soo aadaya, xilli qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay si weyn u dhaliilsan yihiin dowladda dhexe, gaar ahaan hab dhismiskeeda xukuumadda cusub

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbeddel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii May, taas oo mar labaad xilka madaxweynaha loogu doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

Xiisadda dalalka Turkey iyo Greece oo kasii dartay kadib markab weerar lagu qaaday

0

Istanbul (Caasimada Online) – Ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Turkiga ayaa sheegay in maraakiib ay leeyihiin ciidamada ilaalada ee dalka Greece ay rasaas ku fureen Markab xamuul ah oo marayey biyaha caalamiga ah ee badda Aegean, arrintaas oo sare u sii qaadaysa xiisadda u dhexeysa labadan dal.

Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay rasaasta la sheegay in lagu riday markabkan oo marayey meel 11 nautical mile (13 mile) kaga beegan dhinaca Koonfur-Galbeed jasiiradda Bozcada ee dalka Turkiga, sida ay sheegeen masuuliyiinta dalka Turkiga. 

Mas’uuliyiinta ayaa intaas ku daray in markii uu dhacay weerarkaas gardarada ah, oo ay ku lug lahaayeen laba Markab oo laga leeyhay dalka Greece, inay halkaas gaarheen laba Markab oo ah kuwa ilaalada xeebaha Turkiga, xilligaas oo maraakiibta Greece ay goobta ka tageen.

Telefoonada safaaradda Greece ee Ankara ayaan Axaddii laga jawaabin, mana cadda sababta dhalisay in la rasaaseeyo markabkaas.

Labadan dal ee deriska ah, waxaa ka dhex jira khilaafyo iyo is-faham waa, muddo tobanaan sano ah, waxaana muddooyinkan dambe soo ifbaxayey in khilaafka u dhexeeyaa uu cirka isku sii shareerayo, iyada oo labada dhinacba ay ku andacoonayaan in dhinaca kale u uku soo xadgudbay hawadooda.

Turkiga ayaa ku eedeeyey in Greece uu jebinayo heshiisyada caalamiga ah, iyaga oo ciidamo militari ah u diray xeebaha Aegean ee dalka Turkiga. Sidoo kale waxaa Turkigu ku eedeeyey dalka Greece inay ku xadgudbeen diyaaradaha dagaalka ee Turkiga intii lagu gudajiray dhoolatuskii NATO ee ka dhacay bariga biyaha Mediterranean ka.

Greece ayaase isagu ku doodaya inay u baahan yihiin inay difaacaan jasiiradaha ku yaalla dhinaca bari oo ay ku jirto goobta loo dalxiis tago ee Rhodes iyo Kos, kuwaas oo aad ugu dhow dalka Turkiga, marka qiyaas ahaan la eego inta ay u jiraan dhulweynaha Greece.

VOA

Muxuu Midowga Afrika ka yiri go’aanka kooxda TPLF?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay baaqa kasoo baxay jabhadda TPLF ee ah inay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan wadahadallo nabadeed oo lagu soo afjarayo colaadda ka taagan waqooyiga Itoobiya.

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, ayaa sheegay in hadalka TPLF uu yahay fursad naadir ah oo lagu joojinayo dagaalka.

Wuxuu ugu baaqay fallaagada iyo dowladda federaalka inay dhaqangeliyaan xabad joojin deg deg ah.

Dagaal ayaa mar kale dib uga qarxay Tigray bishii August kadib in muddo ah ay xaaladdu deggeneyd balse hoggaanka Tigray ayaa Axaddii sheegay inay diyaar u yihiin inay ka qeybgalaan wadahadallo nabadeed oo lagu joojinayo xiisadda.

Madaxda TPLF ayaa horey u dhaleeceeyay wadahadallada uu garwadeen ka ahaa Midowga Yurub iyagoo sheegay inay doorbidayaan in madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu horkaco wadahadallada.

Ilaa iyo hadda lama hayo wax war ah oo kasoo baxay dowladda Itoobiya oo ku aadan arrintani balse horaan dowladda waxay sheegtay in wakhti kasta ay diyaar u tahay wadahadallada lagu soo afjarayo colaadda gobolka Tigray.

AFGOOYE: Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac

0

Afgooye (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax saaka ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso.

Qaraxa oo ahaa mid goobta lagu sii diyaariyey ayaa ka dhacay meel mashquul badan, gaar ahaa suuqa Qudaarta ee degmada Afgooye, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in goobta uu qaraxu ka dhacay ay inta badan tagi jireen ciidamada waaxda Canshuuraha ee maamulka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa ka dhashay qaraxan, balse weli maamulka degmada Afgooye kama bixin faahfaahin dheeraad ah, sida ay wax u dhaceen.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howlgallo kooban ka sameeyey halkaasi.

Afgooye oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro qorsheysan oo ay ka fuliso Al-Shabaab oo weli xoogan gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxan ayaa ka mid noqonaya weerarada abaabulan ee ay Al-Shabaab ka fulineyso dalka, xilli dowladduna ay sare u qaaday howlgallada ka socdo koonfurta iyo bartamaha Somalia.

DF oo shaacisay tirada Al-Shabaab looga dilay kacdoonka socda iyo inta deegaan ee laga saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Wasaaradda warfaafinta ee dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan ay ku cadeyneyso ugu yaraan 20 deegaan oo ka kala tirsan dhulka seddax dowlad goboleed Al-Shabaab laga xoreeyey todobaadyadii lasoo dhaafay, sidoo kale ugu yaraan 100 dagaalame ayey dowladdu sheegtay in la dilay.

“Ciidamada Qaranka iyo Dadka Deegaanka, oo is kaashanaya ayaa kooxda argagixisada ah ee alshabaab ka xoreeyay in ka badan 20 deegaan oo ku kala yaalla, Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur-Galbeed , laguna dilay in ka badan 100 maleeshiyo iyo horjoogayaal ka tirsan argagixisada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray in howlgallo bilow u ah fulinta aragtida dowladda Soomaaliya ee ku aadan in kooxda Al-Shabaab laga xoreeyo dalka, ay ka socdaan meelo badan oo dalka ka mid ah.

“Kacdoonka dadweyne ee kaashanaya dowladda ee deegaanadaas looga xoreeyay al-Shabab, ayaa ka dhashay markii ay dadweynuhu u dulqaadan waayeen tacadiyada joogtada ah ee dilka iyo xadgudubyada kale ee ay ku hayeen kooxaha argagixisadu bulshada rayidka ah ee deegaanadaas, iyagoo deegaanadaas ka soo abaabulayay weerarada qaraxyada iyo kuwa naf-haligga ah,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab ee ku xusan bayaanka dowladda ayaa kala ah:

Gobolka Hiiraan: Beer-gadiid, Bacda, Teedaan, Goobo, Baardheere, Tiroshanle iyo Coomaad.

Galguduud: Cadakibir, Maarsagame, Dhuumoodle iyo Cali-Waliid.

Koonfur Galbeed: Madabuun, Ceel-la-helay, Makiini, Hibaaq-daranle, Iskire, Qanyareey, Boorami, Baaqay iyo Kaayoow.

“Intii ay socdeen hawlgalada,  waxay argagixisadu falal aargoosi ah kula kacday Maati iyo dad  Rayid ah, oo ay isugu dareen afduub, dil iyo birburinta hantida dadweynaha ee noloshooda daruuriga u aheyd,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa bayaankaan lagu cadeeyey in Dawladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay shacabka ka dulqaado tacadiyadda Al-Shabaab ee 15-sano jirsaday, “Waxaa dowladda ka go’an in la ciqaabo dambiilayaasha,” ayaa lagu yiri warkaan.

Dawladda ayaa bayaankaan ku bogaadisay Ciidamada Qaranka iyo dadka xaq-u-dirirka ah ee hubka u qaatay in ay diidaan dullaysiga Al-Shabaab, “Hawlagaladdu, waa sii soconayaan,  si joogto ah ayaanan dadka Soomaaliyeed ugu soo gudbin doonnaa hadba halka ay xaaladdu marayso.”

Mareykanka oo war kasoo saaray shirka Muqdisho uga furmay DF iyo dowlad goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal kooban oo taageero ay ugu muujisay shirka maanta Muqdisho uga furmay madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada Soomaaliya.

Qoraalka Mareykanka ayaa lagu cadeeyey in kulamada noocaan ah ay guul u hor seedayaan soo kabashada Soomaaliya, isla markaana shirkaan uu yahay mid si dhab ah loogu qeexayo mas’uuliyadaha ka dhex jira DFS iyo dowlad goboleedyada.

“Waxaan soo dhaweyneynaa kulankaan & Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada. Qeexida doorarka & mas’uuliyadaha, ee ka dhex jira DFS & Dowlad Goboleedyada, iyo codsigooda joogtada ah waxay kor u qaadaan xasilloonida, amniga, iyo barwaaqada. Waana guul kale oo laga gaaray soo noolaynta Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Axadii maanta ayuu shirkii ugu horeeyey Muqdisho uga furmay golaha wadatashiga qaranka oo la isku yiraahdo Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada dalka, tan iyo markii lasoo doortay madaxda dowladda federaalka.

Shirkaan ayaa la qorsheeyey in laba maalmood lagu soo koobo, waxaana lagu wadaa in gelinka dambe ee berri lasoo gabagabeeyo, hadii caqabado kale aysan ku imaan.

Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa maanta soo xaadiray shirka, waxaana goobta ka maqnaa Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo Muqdisho aan imaan, balse shirka uga qeyb galay aalada Zoomka.

Laba qodob ayaa ilaa hadda la shaaciyey in shirkaan diiradda lagu saarayo, kuwaas oo kala ah, abaaraha dalka ka jira iyo cakdoonka lagu ciribtirayo Al-Shabaab, balse waxaa jiri kara qodobo kale oo madaxda qaar ay miiska soo saari doonaan, si looga doodo ama looga xaliyo.

Sawirro: Josep Borrell oo soo gaaray Muqdisho – Muxuu Xasan Sheekh ka dalbaday?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa garoonka Aadan Cadde ku qaabilay Wakiilka Sare ee Midowga Yurub ee Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Josep Borrell oo maanta Muqdisho yimid.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Josep Borrell, oo safarkiisa ay si gaar ah saaka u shaacisay Caasimada Online, ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo taageerada Midoowga Yurub ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey qorshaha dowladda ee xaslinta dalka, dib u dhiska ciidamada, abaaraha, ka hortaga macluusha, xoreynta deegaannada ay dadka Soomaaliyeed ku dhibaateynayaan argagixisada alshabaab iyo hirgelinta Soomaali heshiis ah, kana gudubta xaaladaha cakarin ee ka jira dalka. 

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in lagu garab istaago dowladda Soomaaliyeed qorsheyaasha horumarineed, laguna dhiirri geliyo tallaabooyinka hor-u-socodka ah ee ay qaadeyso oo salka ku haya daris-wanaagga, iskaashiga iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed. 

Dhankiisa, Wakiilkla Sare ee Midowga Yurub ee Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Josep Borrell ayaa ku bogaadiyey Madaxweyne Xasan Sheekh sida ay uga go’an tahay xal u helista caqabadaha ay la tacaalayaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan abaaraha iyo amni darrada. 

Soomaaliya ayaa ka codsatay Midowga Yurub in ay gacan xooggan ka geystaan ka hortagga xaalufka deegaanka, hubka sharci darrada iyo jariifka badda Soomaaliyeed, iyadoo dib loo dardar gelinayo dhismaha Ciidamada Badda, si dowladdu ay u xakameyso xuduudaha badeed ee Jamhruuiyadda Federaalka Soomaaliya. 

Waa markii ugu horreysay ee Josep Borrel uu yimaado Muqdisho, waana sarkaalkii ugu sarreeyey Midowga Yurub ee soo gaara caasimadda.