31.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Isaaq Yaroow oo usoo gacan galay ciidamada NISA kadib muddo 5 sano ah oo uu…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Nabadsugida dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool waxay kusoo bandhigeen xubin muhiim ah oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaasi oo isku soo dhiibay ciidamada.

Ninkaan oo magaciisa lagu sheegay Isaaq Cali Yaroow Cabdiraxmaan ayaa waxay sheegeen saraakiisha ciidamada Nabadsugida in uu Al-Shabaab u qaabilsanaa madaxa kuwa fuliya weerarada ee Jabhadaha loo yaqaano.

Isaaq Yaroow ayaa muddo shan sano ah ka tirsanaa Al-Shabaab, wuxuuna ka qeyb qaatay weeraro ka dhacay deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka iyo Hiiraan, sida ay sheegeen saraakiisha NISA.

Isaaq oo dhankiisa la hadlay warbaahinta ayaa ciidanka Nabadsugida uga mahad-celiyey soo dhaweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen, isagoo dagaal-yahaanada Al-Shabaab weli baaqiga ku ah ugu baaqay inay isu soo dhiiban dowladda.

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay kooxda uu shanta sano kamidka ahaa inay dhibaato badan ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, illaa haddana u geysanayaan dadka aan waxba galabsan.

Isa-soo dhiibista Ilyaas ayaa qeyb ka ah Shabaab badan oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay u soo gacan galayey ciidamada dowladda, waxaana maalmihii u dambeeyay kooxda ku socday dagaal adag oo ay qeyb ka yihiin qaar kamid ah qabaa’iilada.

Sawirro: Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo furmay iyo Villa Somalia oo shaacisay 3 qodob oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa goordhoweyd si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, ayada oo uu shir-guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida uu qorshuhu yahay shirkaan ayaa socon doona labo maalmood ah, waxayna Madaxda Qaranka ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad-goboleedyada dalka ay ku lafo-guri doonaan arrimaha hortebinta u leh shacabka iyo dowladda.

Shirkaan ayaa si gaar ah waxaa diirada loogu saari doonaa saddex qoodb oo kala ah; 1-Sugidda amniga dalka, 2- Wax ka qabashada saameynta abaaraha dalka ka jira 3-Iyo la dagaalanka argagixisada, sida lagu sheegay qoraal ay soo saartay Villa Somalia.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, Madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, HirShabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen.

Sidoo kale madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa isagu kaga qeyb-galay shirka maanta aaladda fogaan aragga, ayada maqnaashihiisa ay abuureyso tuhuno hor leh.

Shirka madaxda maamulada iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo aadaya xili xasaasi ah, waxaana lagu wadaa marka uu soo idlaado inay dhinacyad kasoo saari doonaan war-murtiyeed.

Ciidamada UKRAINE oo guushii ugu weyneyd ka gaaray dagaalka Ruushka

0

Kyiv (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Ukraine ayaa sheegay Axaddii in ciidamada Ukraine ay guulo ka gaarnen dagaalkii ka socday waqooyiga gobolka Kharkiv, ayna u sii gudbeen koonfurta iyo bariga dalka, kadib markii ay si degdeg ah gacantooda ugu soo dhacay xaruntii ugu weyneyd ee Ruushka ee waqooyi bari Ukraine.

Taliyaha ciidamada Ukraine General Valery Zaluzhny ayaa sheegay in 10-kii maalmood ee lasoo dhaafay ay Ruushka ka qabsadeen dhul gaaraya 3,000 oo kiilo mitir, isaga oo sheegay in gobollada koonfurta, bariga, iyo waqooyiga dalkaas ay horumar ka sameeyeen ciidanku, isla markaana ay 50 kiiloomitir u jiraan xadka gobollada uu Ruushku wada heysto.

Gacan ku dhigista magaalada Izium ayaa calaamad u ah jabkii ugu xumaa ee soo gaaray ciidamada Ruushka tan iyo markii laga saaray magaalada caasimadda ah ee Kyiv bishii March, iyadoo kumannaan askari oo Ruushku ay ka tageen rasaas iyo qalab markii ay carareen.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa soo dhoweeyay ka bixitaanka Ruushka ee magaalada Izyum ee gobolka Kharkiv, isagoo sheegay inuu yahay horumar laga gaaray dagaalka lixda bilood socday, isagoo sheegay in xilliga qaboobaha uu keeni karo guulo dhinaca dhulka ah oo degdeg ah haddii Kyiv ay hesho hub awood badan.

“Waxaan rumaysanahay in xilliga qaboobaha uu yahay mid isbedel leh, waxayna keeni kartaa in si degdeg aan dib ugu qabsanno Ukraine,” ayuu Zelenskiy ku yiri faallooyin uu siiyay madal siyaasadeed oo lagu daabacay boggiisa internet-ka Sabtidii. “Waan aragnaa sida ay uga cararayaan Ruushku jihooyinka qaarkood, haddii aan dhinaca hubka uga xoog badnaan lahayn, si dhaqso ah ayaan u qabsan lahayn,” ayuu raaciyay.

Oleh Zhdanov oo ah falanqeeye milateri oo fadhigiisu yahay magaalada Kyiv ayaa sheegay in guulaha laga gaaray Ruushka ay dhabbaha u xaari karaan in si dheeraad ah loogu sii socdo gobolka Luhansk, kaasoo qabsashadiisa ay Ruushku sheegeen horaantii bishii June.

“Haddii aad eegto khariidadda, waa macquul in la qiyaaso in weerarku uu ku kobcin doono jihooyinka Svatovo – Starobelsk, iyo Sieverodonetsk – Lysychansk. Waa laba tilmaamood oo rajo leh,” ayuu yiri Zhdanov.

REUTERS, VOA

Shan qodob oo la isku hayo shirka madaxda DF iyo dowlad goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka madaxda maamulada iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho. Shirka oo laba maalmood socon doono ayaa kusoo aadaya xilli aad xasaasi u ah.

Warbixintaan waxaan kusoo koobeynaa shan qodob oo la filayo inay madaaxdu dul istaagto labada maalmood ee soo aadan

1- Amniga

Dalka qeybo kamid ah waxaa ka curtay dagaal lagu diidan yahay kooxda Al-Shabaab, maamulada qaar weli dhankooda dagaalku kama billaaban.

Dowladda federaalka ee Soomaaliya waxay sheegtay inay dooneyso inuu dagaalku noqdo mid guud ahaan ka socda dalka.

Wakiilada caalamiga ah waxay dhawaan usoo jeediyeen madaxda Soomaalida ee labada heer inay dagaalkaan iska kaashadaan.

Waxaa la filayaa inuu shirku mideeyo aragtida dagaalka madaxduna isla meel dhigto sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa goobaha ay weli gacanta ku hayaan.

2- Lacagta ka timid World Bank

Dhowrkii asbuuc ee lasoo dhaafay waxaa jiray khilaaf u dhaxeeyey wasaaradaha maaliyadda ee heer maamul goboleed iyo wasaaradda maaliyadda ee dowladda federaalka ah.

Muranka wuxuu ku saabsanaa saamiga maamulada laga siinayo lacag boqol Milyan ah oo ka timid world bank. Maamulada ayaa masuugay cadadka ay dowladda dhexe u qorsheysay.

Wararkii ugu dambeeyey ee qodobkaan waxay sheegayaan in dowladda dhexe ogoshahay in maamul walba la siiyo afar milyan oo dollar, laakiin Puntland ayaa weli diidan oo rabta in intaas looga badiyo lacagta.

3- Kala aamin baxa siyaasadda

Hoggaanka cusub ee Villa Somalia waxay deg deg ula kowsadeen cago jiid ay maamullada ka qabaan wada-shaqeyntooda si gaar ah arrintaan waxaa xoojisay qaabkii loo dhisay xukuumadda oo lagu dafiray kaalintii madaxda maamullada.

Shirkaan ka furmaya magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in hoos la isku wareysto walow uu mid kamid ah madaxda maamulada uu xaqiijiye inaan hoos loo dagi doonin.

4- Muddo kororsiga madaxda maamulada

Madaxda heer maamul qaar ayaa sameystay muddo dheereysi. Shirka waxaa ka qeybgalaya Cali Guudlaawe, Laftagareen iyo Axmed Madoobe oo beddalay muddadii xil heyntooda iyagoo ku darsaday min hal sano.

Shirkaan waxaa ku waajib ah, ayey leeyihiin falanqeeyaashu, inuu dul istaago qodobkaan walow ay jiraan warar sheegayo in madaxweyne Xasan Sheekh uusan rabin inuu doodaas hadda furo.

In qodobkaan laga aamuso waxay ka dhigan tahay in laga dhuumanayo waaqica dalka yaalla.

5- Safarka madaxweynaha ee New York

Mid ka mid ah ujeedooyinka shirkan waa inuu madaxweyne Xasan Sheekh muujiyo inuu haysto kalsoonida maamullada dalka ka hor inta uusan u safrin magaalada New York ee waddanka Mareykanka, halkaasi oo uu kaga qeybgeli doono shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Shirka Muqdisho ka furmaya ee u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo madaxda maamulada waxaa la filayaa inuu ka qeybgeli doono guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, kaasi oo magacaabistiisa loo dadajiyey sidii uu uga qeybgeli lahaa shirkaan.

Wararka waxay sheegayaan inuu shirkaan ka baaqday hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo isaga markii hore raajicinayey in shirkaan lagu qabto magaalada Garoowe.

Illo ka tirsan madaxtooyada Puntland ayaa xaqiijiyey inuu Saciid Deni aaladda fogaan arag uga qeybgeli doono shirka. Maqnaashihiisa ayaa abuuraya tuhuno dhowr nooc ah.

Arrimahaan ayaa ah kuwa dhaliyey ama agu jeex jeexi doono shirka madaxda maamulada iyo dowladda federaalka ah.

Puntland oo digniin kasoo saartay qorshe Al-Shabaab ay ka waddo GAROOWE

0

Garoowe (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska maamulka Puntland ayaa digniin culus ka soo saaray isku dayo ay kooxda Al-Shabaab la damacsan tahay magaalada Garoowe oo ay uga geysaneyso falal amni daro, sida weeraro, qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Taliyaha Qaybta Booliska ee gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo la hadlay waraabhinta ayaa shaaca ka qaaday inay heleen xogo ku aadan in Al-Shabaab ay qorsheyneyso in degmada Garoowe ay soo geliso rag u qaabilsan falalka amni darrada ah.

Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah ee deggan magaaladaas inay la shaqeeyaan ciidamada, si looga hortego qorshaha Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in kooxda Al-Shabaab Garoowe laga sifeeyey, kadib dilkii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo ka mid ahaa culimada Puntland, ka gadaal markii gacanta lagu dhigay ninkii ka dambeeyey dilkiisa oo dhex dhacay masjid sannadkii 2013-kii.

“Al-Shabaab sidii dilkii Sheikh Cabdqaadir Nuur Faarax kadib looga sifeeyay Garowe, waxay hadda mar kale isku dayayaan inay Garowe ku yeesheen dad u qaabilsan falalka argigixisada ah, waxaana loo baahan yahay reer Puntland sidii lagu yaqaanay inay aad ula socdaan dad guryaha laga kiraynayo,” ayuu yiri taliyaha Booliska, qaybta gobolka Nugaal.

Puntland ayaa si weyn u adkeysay amniga Garoowe oo xarun u ah maamulkaasi, waxayna taas keentay inay hoos u dhacaan weerarada kooxda Al-Shabaab ee ka dhaca halkaasi.

Si kastaba, Al-Shabaab iyo Daacish ayaa fariisimo ciidan ku leh dhulka buuraha gobolka Bari, waxayna mararka qaar weeraro ka geystaan deegaanno hoostaga Puntland.

Xildhibaan C/risaaq Xusul oo war cusub kasoo saaray hadalkiisii carada dhaliyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdirisaaq Aadan Warsame (Xusul) oo ka mid ah xildhibaanada golaha  shacabka ayaa jawaab ka bixiyey hadalkiisii xiisadda abuuray ee ciidanka Macawiisley uu ku weeraray.

Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu sheegay in hadalkaas uu ka sheegay dood cilmiyeed lagu falanqeynayey amniga Qaranka iyo la dagaalanka argagixisada.

“Aragtidii aan ka dhiibtay oo in yar laga soo jaray oo (Geel Zako maleh) lagu ekeeyay u jeedkana aan koobeynin, si xunna loo turjumay ayay bulsha weynta Soomaaliyeed siyaabo kala duwan uga fal celiyeen,” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Xildhibaan Xusul ayaa intaas ku sii daray in dadka qaar ay taageero u muujiyeen hadalkiisa iyo halka qaarna ay kasoo hor jeesteen, isagoo sheegay in kala ra’yi duwanaantu aysan wax weyn aheyn.

Sidoo kale wuxuu ku dooday in Dastuurka dalka uu ogolaanayo Xaqqa hadalka iyo ra’yiga, “Marka walaalayaal si mug iyo miisaan leh u daawada oo u dhuuxa ujeedada, si weliba ka maran caadifad,” ayuu yiri Cabdirisaaq Xusul.

Ugu dambeyntii Xildhibaanka ayaa qoraalkiisaan ku sheegay inuu bogaadinayo kacdoonka bulshada ee ku aadan la dagaalanka Argagixisada ee ka curtay deegaanno badan oo dalka ka mid ah.

“Sidoo kale dowladdu ha garab istaagto kacdoonka bulsho, iyadoo qaadaneysa doorka hogaaminta xoreynta dalka, si dhibaato kale aysan uga dhalan kacdoonadaas, anago maanka ku heyna kuwa badan oo nasoo maray oo aan taariikhda ka faa’iideysano iyo tijaabooyinkii hore,” ayuu qoraalkaan uu soo saaray ku yiri Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul.

Xildhibaankaan ayaa saacadihii lasoo dhaafay aad loogu dhaleeceynayey baraha bulshada, kadib markii ciidamada iska abaabulay deegaanada ay Al-Shabaab heystaan ee gobollada dalka oo Macawiisley loo yaqaano uu ku sifeeyey kuwo Al-Shabaab ka daran oo khatar ku ah mustaqbalka dalka.

Siyaasiyiin uu ugu hadal adkaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte iyo xildhibaano heer federaal ah ayaa ka jawaabay hadalka xildhibaan Xusul, iyagoo sheegay inay aad ula yaabeen, sidoo kale waxaa baraha bulshada lagu faafiyey maleeshiyaad Macawiisley ah oo Xildhibaanka dil ugu hanjabaya.

Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul ayaa ka mid ahaa saaxiibadii Fahad Yaasiin ee kuraasta ka soo qaatay Dhuusamareeb, wuxuuna baarlamaanka ku metalaa degmada Ceeldheer, halkaas oo intii ay jireen ay Al-Shabaab heysteen, balse wuxuu muuqaal la baahiyey ku muujiyey inuu ka soo hor jeedo hanaanka uu ku socdo kacdoonka shacabka ee Shabaab lagu wajahayo.

Wararkii ugu dambeeyey ee furitaanka shirweynaha Golaha Wadatashiga Qaran

0

Muqdisho (Caasimada Onlinbe) – Xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho waxaa maanta rasmi ah uga furmayo shir deg deg ah oo u dhexeeyo xubnaha Golaha Wada-tashiga Qaran oo ka kooban madaxda dowlada dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxa uu qaadan doonaa muddo labo cisho ah, sida uu shaaca ka qaaday wasiirka arrimmaha gudaha Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi.

Inta badan madaxda maamul goboleedyada ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana kaliya ka maqan madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo laga yaabo inuu shirka uga qayb-galo aaladda Zoom-ka, maadaama uu waqtigu yar-yahay.

Waxaa inta uu socdo shirkan sidoo kale diiradda lagu saarayaa xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan amniga, dagaalka Al-Shabaab iyo baaraha daran ee haatan ka jira dalka.

Sidoo kale waxaa shirkan lagu gorfeyn doono sidii xal waara loogagaaro lahaa ismari-waaga ka taagan arrimaha maaliyadda, oo ay haatan isku khilaafsan yihiin labada dhinac.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen oo ugu dambeyn lagu qanciyey inuu soo gaaro Muqdisho ayaa rajo weyn ka muujiyey wada-hadallada labada dhinac.

“Waxaan rajeynayaa in shirkan nabad noogu furmo, nabadna noogu dhammaado, dadka iyo dadka Soomaaliyeed daruufaha iyo marxaladaha adag ay ku jiraan oo ay ugu horreeyaan abaaraha iyo culeyska argagixisada looga hadlo,” ayuu yiri Lafta Gareen.

Si kastaba, Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse doodaha miiska saaran ayaa ah kuwa adag, ayada oo maamullada qaarna ay saluugsan yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh.

Qarax maanta ka dhacay Beledweyne + Khasaaraha

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax miino oo barqanimadii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo ahaa oo mid xoogan ayaa ka dhacay Xaafadda Xaawo Taako, iyada oo lala beegsaday askar ka tirsan kuwa miino baarista ee ka howlgala garoonka Ugaas Khaliif.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in qaraxa la dhigay waddada dhinaceeda, wuxuuna haleelay gaari ay wateen ciidamadaas oo ah kuwa Boolis ah.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaas ku dhaawacmay illaa saddex askari, kuwaas oo la geeyeyIsbitaalka ciidamada ATMIS ay ku leeyahiin deegaanka Ceeljaalle.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada Beledweyne oo ku aadan qaraxaasi. Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan ammaanka ee magaaladaas.

Beledweyne ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal ammaan darri oo isugu jiro dilal iyo qaraxyo ay ka fuliso kooxda Al-Shabaab.

Weerarkaan ayaa ku soo aadayo, xilli haatan ay howlgallo culus ka socdaan gobolka Hiiraan, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kooxda Macawiisleyda.

Xog: Josep Borrell oo maanta kusoo wajahan Muqdisho

0

Brussels (Caasimada Online) – Wakiilka Sare ee Midowga Yurub ee Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga Josep Borrell ayaa lagu wadaa inuu maanta soo gaaro magaalada Muqdisho, sida ay ilo-wareedyo u xaqiijiyeen Caasimada Online. 

Borrell ayaa lagu wadaa inuu la kulmo madaxwenaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida aan xogta ku helnay. Waxaa sidoo kale suurta-gal ah inuu la kulmo madax goboleedyada ku sugan caasimadda, balse taasi ma hubna.

Wax faah-faahin ah lagama bixin ujeeddada booqashada Borrell ee Muqdisho, hase yeeshee waxaa la filayaa inuu madaxda dowladda federaalka kala hadlo arrimo ay ka mid yihiin; xiriirka Midowga Yurub iyo Soomaaliya, kaalmada ururka uu siiyo Soomaaliya iyo arrimaha abaaraha. 

Waxaa suurta-gal in booqashadan ay qeyb ka tahay dadaal ay beesha caalamka sare ugu qaadeyso wacyiga abaarta Soomaaliya, oo hay’adaha QM ay sheegeen inay saameysay kala bar dadka Soomaaliyeed. 

QM ayaa toddobaadkii hore ka digtay in bilaha October illaa December ay Soomaaliya ka dhici karto macluul, haddii aan si deg deg ah loo qaadin tallaabooyin gargaar baaxad leh loogu fidinayo Soomaaliya.

Hay’adaha QM ayaa sheegay in loo baahan yahay $1 bilyan oo dollar oo gargaarkaas lagu fidiyo. 

Caasimada Online ayaa horey u qortay in dowladda federaalka ay kasoo horjeeddo in beesha caalamka ay ku dhowaaqdo in macluul ay ka jirto dalka, ayada oo rumeysan in heekra abaartu aanay gaarin macluul.

Sheegashada hay’adaha QM iyo beesha caalamka iyo xaqiiqda abaarta dalka ka jirta ayaa la rumeysan yahay inay aad u kala fog yihiin, islamarkaana aysan sax aheyn in 7.8 milyan oo Soomaali ah ay abaartu saameysay. 

Hay’adaha caalamiga ah ayaa caan ku ah in ballaayin dollar ay kusoo qaataan magaca Soomaaliya, haddana xitaa 10% lacagtaas aysan gaarin shacabka Soomaaliyeed.

Lacagta magaca Soomaaliya lagu soo qaado ayaa badankeed ku baxda shaqaalaha hay’adahan oo qaarkood deggan hoteello ku yaalla Xalane iyo Nairobi oo habeenkii lagu seexdo $500 iyo ka badan.

Maleeshiyo qabiileed dalka ma ka xoreyn karaan Shabab?

0

Dowladihii soo maray Soomaaliya iyo ciidamada shisheeye ee tirada badan ee waddanka jooga waxay muddo badan qorsheynayeen in ay Al-Shabaab ka xoreeyaan waddanka, laakiin waa ku guuldareysteen, maxaa yeelay Al-Shabaab meelo badan oo waddanka ka mid ah ayey wali maamulaan.  

Waxay hadda u muuqataa dowladdan cusub ee uu madaxweynaha ka yahay Mudane Xasan Sheekh, raisulwasaarana ka yahay Xamza Barre ay go`aan sadeen in ay abuuraan kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab ayagoo taageeraya, hubeynayana dadka degaanka (militia) ama macawisleey. Arrintan waxay abuurtay walaac iyo mid lagu kala aragti duwan yahay.  

Dadka qaarkood waxay qabaan habka kaliya ee Al-Shabaab looga adkaan karo in tahay in lagu kiciyo dadka degaanka si ay u waayaan gabaad, halka qaarka kalena ay u arkaan in xalku ku jiro talo mideysan iyo ciidan qaran oo tayo leh.  

Waa muhiim in kacdoon la buuro oo lagu kicinayo dadka degaanka ah in ay iska caabiyaan oo iska saaraan Al-Shabaab, ayaga oo taageero ka helaya ama ka barbar dagaalamaya ciidamada qaranka maadaama ay kala yaqaan degaanka iyo dadka, laakiin waxaa loo baahan yahay in laga fakaro cawaaqibxumada ka imaan karta.  

Maxay tahay khatarta ka imaan karta hubeynta maleeshiyadan? 

Khatarka ka imaankarta maleeshiyadan waa in ay noqdaan ama isku badalaan mooryaan wax qaribta sida aan ka baranay jabhadihii waddanka ka saaray madaxweynihii hore ee Siyaad Barre.  

Haddii aan la abuurin nadaam lagu xakameeyo maleeshiyadan iyo hubkooda, waxaa dhalan karta in ay soo laabato dagaal oogayaal cusub (New warlords), oo uu waddanku galo qalalaase hor leh, shacabka ku nool goobaha ay ka taliyaana ay la kulmaan baad iyo xad gudubyo sida looga bartay qabqablayaashii hore.  

Waxaa kaloo soo baxaya in siyaasiyiin ay hubeynayaan qabiiladooda ayagoo ku marmarsoonaya waxaan la dagaalameynaa Al-Shabaab, laakiin raba in ay dhistaan awood ay ku gorgortamaan si ay u helaan jagooyin sare , amaba ku sii joogaan xukunkooda. 

Arrintu si kastaba ha ahaatee, talo fiican weeye in la adeegsado dadka degaanka si looga adkaado Al-Shabaab, laakiin ka hor waxaa loo baahan yahay in la qiimeeyo marxallada meelo badana wax laga fiiriyo.  

Dowladda dhexe iyo maamuladii islama socdaan oo mugdi ayaa ku kala dhex jira, taliyaashii ciddamada lama badalin, lamana heysto oo shaki waxaa ku jira in la badalayo, 5000 oo ciidan oo tabaran ayaa wali Eriteriya jooga oo loo adeegsan karo la dagaalanka cadowga meeshii maleeshiyaad qabiil la abuuri lahaa, hay`adihii dowladda si fiican uma cago dhigan oo is qabqabsi ayaa ka dhex bilowday.  

Haddaba, waxaas oo qabadado ah iyo inkaloo badan markaan darsay, waxaan kula talin lahaa dowladda in ay dib u eegis ku sameyso siyaasaddan inta aysan talo faraha ka bixin.

Waxaa qoray Saciid Axmed Xaaji (Careys) oo ka foollooda arrimaha amniga.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Carruur walaalo ah oo miino ay kula qaraxday gobolka Bari

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Bari ee hoostaga dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegaya in maanta carruur walaalo ah ay miino kula qaraxday deegaanka Laaso Dawoco ee gobolkaas.

Carruurta ayaa lagu soo warramayaa in xilliga ay miinada ku qarxeysay ay ku ciyaarayeen, islamarkaana ay ku sugnaayeen gurigooda, balse ay ka maqnaayeen waalidoontooda.

Guddoomiyaha Laasa Dawoco Maxamuud Jaamac Biritish oo la hadlay VOA ayaa faahfaahin ka bixiyey qaraxaasi, wuxuuna shaaciyey in labada carruur ah ay soo gaareen dhaawacyo.

Sidoo kale wuxuu sheegay in guriga laga soo saaray miinooyin kale oo gaaraya illaa lix, kuwaas oo uu tilmaamay in aan la garaneyn meesha ay ka keeneen carruurta.

“Halkan waxaa ka dhacay ciyaalbaa miino ku qaraxday, miinada illaa iyo hadda meel ay ka keeneen lama yaqaano, hadda guriga waxaa laga soo guray miinooyin intaa ka badan oo illaa shan iyo lix ah,” ayuu yiri guddoomiyaha deegaanka Laasa Dawoco Maxamuud Biritish.

Isaga oo ka hadlayey xaaladda caafimaad ee carruurta ayaa waxa uu tilmaamay inay soo gaareen dhaawacyo halis ah, islamarkaana ay waxyeelo gaarsiiyeen firirka miinada.

“Ciyaalka midbaa gacabta go’day, midna lugbaa wax ka gaareen firir miiran bey noqdeen guriga kaligoodbaa qolka ku jiray dadka waa weyn waa ka maqnaayeen” ayuu raaciyey.

Soomaaliya waxaa inta badan la soo wariyaa waxyeello ka dhalata haraadiga hubka aan weli qarxin iyo miinooyinka dhulka lagu aaso oo ay dhibaato ka soo gaarto shacabka.

Dad shacab ah oo qarax lagula beegsaday Baay

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay miino dad shacab ah maanta kula qarxay duleedka degmada Bardaale oo ka tirsan gobolka Baay oo hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Qaraxa ayaa ka dhacay deegaanka Ceeldheere, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen inuu haleelay mooto Bajaaj ay la socdeen dad shacab ah, xilli ay marayeen waddadaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa qarxaan ku dhintay ugu yaraan 1 qof, halka 2 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo la geeyey degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed oo howlgallo miino baaris ah ka sameeyey halkaasi, balse ma jirto cid ay soo qabteen.

Saraakiisha howlgalka sameeyey ayaa sheegay inay weli wadaan baaritaano dheeraad ah, waxayna sheegeen inay suuragal tahay in miinooyin kale ay Al-Shabaab ku aaseen halkaas.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka kooxd Al-Shabaab oo ku aadan qaraxaas ka dhacay duleedka Bardaale ee ay waxyeelada kasoo gaartay shacabka.

Inta badan degmooyinka gobollada Baay iyo Bakool ayaa go’doon ugu jira Al-Shabaab oo weeraro khasaare geysta ka fulisa gobolladaas oo dhaca koonfurta Soomaaliya.

Maxay tahay warbixinta Xasan Sheekh iyo Xamsa Barre uga timid Hantidhowrka? +Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa galabta loo soo gudbiyey warbxin ku aadan howlaha la xiriira dhismaha hay’adda xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed ee (SICPA) iyo doorkeeda shaqo.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa warbixintaas ka dhagaystay Hantidhawraha Guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) iyo xubno ka tirsan hey’adda xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed ee (SICPA).

Madaxweyne Xasan ayaa kulanka lagula wadaagay muhiimadda ay dalka u leedahay dhismaha hay’addaas oo door muhiim ah ka qaada karta soo saaridda xisaabiyeyaal la aqoonsanyahay oo xirfad sare leh.

Xisaabiyeyaashaan ayaa qayb ka noqa doona dadaallada sare loogu qaadayo hannaanka maaraynta nidaamka maaliyadeed, shaqo abuurka, hufnaanta hay’adaha maaliyadeed, dhiirigalinta maalgashiga shisheeye iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhankiisa tilmaamay in la dardargaliyo dhammaystirka dhismahaha hay’adda, isagoo xusay baahida loo qabo xisaabiyeyaal xirfad leh, maadaama dalku uu ku jiro xaalad dib u soo kabasho iyo horumar dhinacyo badan taabanaya,” ayaa lagu yiri qoraal ay kulankaas ka soo saartay Villa Somalia.

Daawo: Booliska oo war yaab leh kasoo saaray muuqaalkii argagaxa lahaa ee toogashada wiilka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey muuqaal argagax lahaa oo saacadihii lasoo dhaafay aad ugu faafay baraha bulshada.

Muuqaalkaas ayaa muujinayey nin hubeysan oo toos u tooganaya wiil aad u dhalinyar, balse boolisku wuxuu sheegay in wiilkaas aan xabadda lagu dhufan ee kooxdaas ay Filim jilayeen.

“Waxaa gacanta lagu hayaa eedeysane muuqaalkiisa baraha bulshada lagu arkay asagoo xabad ku ridaya wiil yar, baaritan ayaana ku socda,” ayuu yiri afhayeenka booliska Soomaaliya.

Muuqaalkaas ayaa degmada Dharkenley lagu duubay laba maalin ka hor 8-dii September, waxaana loo soo qabtay Axmed Xasan Cilmi, sida uu sheegay afhayeenku kaas oo hadda u xiran booliska.

“Sida aad baraha bulshada ka aragteen eedeysanaya ayaa uleynaya wiil yar oo saqiir ah, sidoo kale xabad ayuu ku ridayaa, laakiin waa filim lasoo jarjaray, falkaas oo qalad ah, waxaan u gudbi doonaa maxkamadaha dalka,” ayuu yiri.

Sadiiq Doodishe sidoo kale wuxuu cadeeyey in xabada aan lagu dhufan wiilkaas, sida lagu ogaaday baaritaanka hordhaca ah, “Waxaan balan qaadeynaa cadaaladda aan horgey doono ninkaas, maxkamadda ayaa kala cadey doonta inuu dembi galay iyo in kale, laakiin waxaan cadeynayaa in muuqaalka aad aragteen lasoo jarjaray oo sidaas aysan waxaba u dhicin,” ayuu yiri Afhayeenku.

Dhinaca kale afhayeenka ayaa sheegay in lasoo qabtay mid ka mid ah seddax qof oo loo heysto dilka Sahro Cabdullahi Cali Xasan oo 19-kii Agoosto lagu dilay xaafada Shiirkole ee degmada Hodan.

Haweeneydaas waxaa loo dilay is-qabqabsi dhul oo kala dhaxeeyey seddaxda qof ee dilkeeda loo heysto, sidoo kale waxaan weli lasoo qaban oo lagu raad joogaa labadii kale, sida uu sheegay afhayeenku.

Hoos ka daawo

https://www.youtube.com/watch?v=FXqoym4QtFs

Hoos ka daawo muuqaalka dhacdada

Laftagareen oo Muqdisho yimid- Sidee loogu qanciyey inuu beddelo mowqifkiisa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Cabdicasciis ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa kusoo dhaweeyey xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo midka federaalka ah.

Ujeedka safarka Laftagareen ee Muqdisho ayaa ah inuu ka qeybgalo shirka dhawaan Muqdisho uga furmi doono madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe oo maalmihii dambe uu xumaa xiriirkooda.

Laftagareen oo markii hore diiday inuu Muqdisho yimaado ayaa xog ay heshay Caasimada Online waxay sheegeysaa inay wada-hadlaan isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud islamarkaana lagu qanciyey inuu kasoo qeybgalo kulanka Muqdisho ka dhacayo.

Sida xogta sheegeyso, Laftagareen ayaa loo ballan qaaday in lala heshiisiin doono wasiirka diinta iyo awqaafta dowladda federaalka ee Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, oo xiisad xooggan ay ka dhaxeyso, islamarkaana uu aad isaga ilaalinayo.

Laftagareen ayaa loo damaanad qaaday in aysan wax dhibaato ah uga imaan doonin dhinaca Roobow iyo dowladda federaalka Soomaaliya taasoo keentay inuu maanta kasoo dago Muqdisho, sida aan xogta ku helnay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online shirkan dowladda dhexe iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa qabsoomi doono 11-ka iyo 12-ka Sep. gaar ahaan inta uusan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u safrin magaalada caasimada ah ee Nairobi, halkaas oo uu uga qayb- geli doono caleema saarka madaxweyne William Ruto.

Madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa ka wada-hadli doono arrimo ay ka mid yihiin ismari-waaga taagan maaliyadda, abaaraha iyo dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse doodaha miiska saaran ayaa ah kuwa adag, ayadoo maamullada qaarna ay saluug ka muujinayaan hab dhismiskeeda dowladda cusub.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbeddel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii May, taas oo mar labaad xilka madaxweynaha loogu doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

SOOMAALIYA oo bil kadib yeelanaysa dekedii shanaad oo rasmi ah (Faah-faahin)

0

Garacad (Caasimada Online) – Bisha soo socoto ayaa la filayaa in si rasmi ah loo furo dekadda Garacad iyadoo la filayo inay abuurto ganacsi cusub oo isku xiri doono gobolka Koonfur-bari ee Itoobiya iyo Soomaaliya, gaar ahaan maamul goboleedka Puntland.

Dhismaha dekaddaaan iyo qorshooyin kale oo horumarin ah ayaa qeyb ka ah qorshe maalgashi oo ay ku baxayso lacag dhan 531 milyan oo dollar oo loogu talagalay in lagu kobciyo dhoofinta xoolaha, kalluunka, macdanta iyo badeecadaha beeraha.

Sida uu sheegay Siciid Faadhi oo ah madaxa shirkadda dhisaysa dekeda waxay awood u yeelan doontaa inay ku soo xirtaan maraakiib dhan 40,000 oo tan oo konteenar ah labada janbi ee ugu horeeya midka hadda si buuxda loo dhameystiray.

Saciid ayaa sidoo kale sheegay in 2 janbi oo kalana ay hadda shaqo ku socoto kana dhigi doona dekad afar janbi ah taas oo ka dhigan in dekadaan ay noqon doonto tii  2-aad ee ugu weyn guud ahaan Soomaaliya, marka si rasmi ah loo dhameystiro, inkasta oo ay qaadan doonto sanado badan.

Sidoo kale, dekaddaan ayaa noqoneysa meeshii shanaad ee Geeska Afrika ee laga helo biyaha gunta hoose oo marin u ah badweynta Hindiya, balse waa tan ugu dhow dalka Itoobiya xaga dekadaha badweynta Hindiya oo ah dal aan bad lahayn oo ay ku nool yihiin 115 milyan oo qof.

Soomaaliya waxay dhoofisay $1.5 bilyan oo badeecooyin iyo adeegyo ah sanadka 2021, saddex meelood meel ahaan waa xoolo, sida lagu sheegay xogta dowladda. Taasi waxay ahayd koror 30% ah sannadkii hore.

Soomaaliya ayaa rajeeneyso inay guul ka gaarto gaaro howlgallada ka dhanka ah burcad badeeda si ay ugaa faa’ideysato maraakiibta dooneyso inay badeeda isticmaasho.

Dowladaha qaar ee adduunka ayaa badda Soomaaliya u aqoonsaday inay tahay meel halis ah oo aan lagu soo dhiiran karin.

Ikraan, Aamina, Yariisow, Jubaland iyo dhowr kiis oo sugaya Xasan inuu soo xiro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu xafiiska kusoo noqday iyadoo ay dalka dambiyo badan ka dhaceyn. Dowladnimada ayaa halis gashay, dambiyada qaar dalka iyo dowladnimada ayaa laga galay qaarna muwaadiniin Soomaaliyeed.

Dambiyadaas qaarkood waxay tuhun badan geliyeen kalsoonidii lagu qabay hay’adaha dowladda, kuwana waxay ku dhawaadeen inay caadifad qabiil dillaaciyaan.

Xasan Sheekh intii uu banaanka joogay wuxuu muujiyey sida uu uga xun yahay kiisaskaas iyo lagama maarmaanimada in loo helo caddaalad.

15-kii May ee sanadkaan ayuu madaxweyne Xasan Sheekh kusoo noqday xafiiska, laakiin illaa iyo hadda kiisaskaas uu banaanka ku dhibsaday lama taaban. Kama dhigna in la iloobay ballan-qaadkiisii.

Mid ka mid ah kiisaskaan waa Ikraan Tahliil Faarax. Gabadhaas ayaa loo haystaa hoggaankii hore ee hay’adda NISA, madaxda xukunka haysa xilligaan intii ololaha lagu jiray waxay muujiyeen sida ay daacad uga yihiin waxqabashada arrintaan haddii ay xafiiska kusoo noqdaan.

Hooyada dhashay Ikraan Tahliil waxay dhawaan xaqiijisay inaan weli la bilaabin baarista kiiska gabadheeda, iyadoo madaxda cusub ee dowladda waydiisatay caddaalad. Nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh inuu arrintaan gacmaha ka laabto waxay fasiraad khaldan ka bixin doontaa siyaasiga Soomaaliga xilliga uu xukun doonka yahay iyo markii uu xukunka helo.

Kiis kale oo la aaminsan yahay inuu kiiskaan ka dhashay waa dilkii xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi gabadhaas oo aheyd qareenkii ugu weynaa ee kiiska Ikraan Tahliil daba socday ayaa iyadiina la dilay.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble wuxuu sheegay inay aamino dileen dadkii dilay Ikraan. Waxaax la xasuustaa inuu Rooble horey u sheegay in aysan Al-Shabaab dilin Al-Shabaab.

Mucaaradkii xilligaas oo uu madaxweyne Xasan Sheekh ka mid ahaa ayaa sidoo kale ku dooday in dilka xildhibaanad Aamina u baahan yahay baaris caalami ah.

Xasan Sheekh isaga ayaa hadda fadhiya xukunka welina arrintaan lama billaabin baaristeeda. Xildhibaanad Aamina waxay kamid aheyd xisbiga madaxweyaha ee UPD.

Dilka kale ee tuhunka badan waa weerarkii lagu qaaday xarunta maamulka gobolka Banaadir halkaas oo lagu dilay guddoomiyihii gobolka Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo madax kale.

Weerarkaas wuxuu ku jiraa weerarada uu tuhunka badan hareenayo madaxdii horana waa diideen inay si dhab ah uga hadlaan. Kiiskaan wuxuu ku jiraa kuwa u baahan in lasoo xiro.

Weerarkii lagu qaaday guriga siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ee lagu waayey askartii waardiyeeneysay isna wuxuu ka mid yahay kiisaska aan weli dhammaanin oo aysan cidna toos u qaadan dambigooda cidna aan loo ciqaabin.

Maamulka Jubbaland waxaa lagu sameeyey xayiraad duulimaad, waxaa la sheegay in cunaqabateyntaas dhalisay xaalad bini’aadanimo gaar ahaan shacabka cunto ahaan iyo caafimaad ahaanba ku xiran socdaalka.

Wuxuu dhaqankaan keeni karay inuu maamulkaas go’o ama lagu kala jaro dalka. Waxaa loo arkaa dambi weyn mana jirto cid illaa iyo hadda qaadatay mas’uuliyadaas.

Dhammaan kiisaskaan waxay u baahan yihiin in lasoo xiro oo dambigooda cidi qaadato ciqaabtoodana la fuliyo. Haddiise loo waayo caddaalad waxay albaabka u furi doontaa niyadjab laga qaado nidaamka dowliga ah, dambiyada oo sii xoogeysta iyo madaxda oo sii wada ku takri falka awooddda.

Bankiga Adduunka oo soo saaray warbixin aysan ku farxeyn dowladda federaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saboolnimada dadka faqriga ah ee Soomaaliya ayaa sii korortay ayada oo weeraro argagixiso ay halis geliyeen dowladda, islamarkaana xaddidayaan awoodda ay ku fulin karo siyaasado horumarin oo wax ku ool ah, waxaa sidaas shaaciyey Bankiga Adduunka.

War-saxaafadeed uu soo saaray ayuu bankiga ku sheegay in cuntadii ay heli jireen qoysaska ay saameeyeen weerarada argagixiso ay hoos u dhacday 33%.

“Taasi waxay dhalisay in saboolnimada iyo heerka saboolnimada ee dadka faqriga ah ay kordhaan. Hoos u dhaca cunnada ay heli jireen qoysaska waxaa ugu wacan ayada oo ay yaraadeen dadkii qoysaska u xoogsan jiray kadib markii ay saameeyeen weeraro,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Helista nabad waa tallaabada koowaad ee aas-aasiga u ah in sare loo qaado xaaladaha fayoqab, taasi waxay sidoo kale u faa’iideyn doontaa Soomaaliya oo idil,” ayuu yiri Bankiga Adduunka.

Soomaaliya waa mid ka mid ah dalalka ugu saboolsan Afrika, waxayna weli wajaheysaa caqabado ka dhigaya “dal aad u nugul,” sida ay sheegtay warbixinta.

QM ayaa ka digtay inay sare usii kaceyso xasillooni darrada dalka, waxayna warbixin sanadeed ay soo saartay ku sheegtay inay kordheen weerarada ay gaysanayaan Al-Shabaab iyo Daacish. 

Warbixinta QM ee Soomaaliya ayaa sheegtay in 1,518 qof ay khasaare kasoo gaareen weerarada argagixisada ee sanadkii 2018, kuwaasi oo 651 ka mid ah dhinteen halka 867 ay dhaawacmeen.

Sidoo kale sanadkii 2019, khasaaraha ayaa ahaa 1,459, oo 591 ay yihiin dhimasho halka 868 ay dhaawacmeen. 

Muddadaas ayaa waxaa dalka hoggaaminayey madaxweyne Farmaajo, hase yeeshee waxaa hadda Soomaaliya taladadeeda la wareegay madaxweyne Xasan Sheekh oo la doortay 15-kii May 2022.

Madaxweynaha cusub ayaa sameeyey ballan-qaadyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin inuu ka adkaan doono Al-Shabaab. Hase yeeshee, ku dhowaad afar bil oo uu xilka hayo, dowladdu ma aysan qaadin wax tallaabo ah oo la taaban karo.

Daahir Jeesow oo jawaab ka bixiyey hadalkii Xusul

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka, isla-markaana kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadalkii ka soo yeeray xuldhibaan Cabdirisaaq Aadan Warsame (Xusul) oo shaaca ka qaaday in maleeshiyaadka Macawiisley ay ka daran yihiin Al-Shabaab ayna halis ku yihiin Soomaaliya.

Jeesow oo hadalkaasi ka jawaabay ayaa shaaca ka qaaday in maleeshiyaadka Macawiisley ay u dagaalamayaan xoreynta deegaanka, ayna ay leeyihiin hoggaan & kala dambeyn.

“Ciidanka Macaawisleyda ee ka dagaalamaya Hiiraan lama dhihi karo hogaan maleh gudoomiye Cali Jeyte ayaa hogaamiye u ah” ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Sidoo kale wuxuu taageero u muujiyey kooxda Macawiisleyda ee haatan dagaalka ka wada gobolka Hiiraan, isaga oo sheegay in abaabulkooda uu yahay mid ka dhan ah Al-Shabaab.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale ballan-qaaday inuu tegi doono Hiiraan, isla-markaana uu ku biiri doono dagaalka, si uu dhiirageliyo shacabka u istaagay inay iska difaacaan Shabaab.

“Waxaan aad u tageersanahay abaabulka ay wadaan shacabka reer Hiiraan ee Al Shabaab looga xoreynayo Gobolka iyo guud ahaan Dalka oo dhan waana tagi doona si aan ugu biiro dagaalkaas” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Horey guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte ayaa ugu jawaabay xildhibaan C/risaaq Xusul, isaga oo ku sifeeyey argagixiso khatar ah, sidoo kale wuxuu sheegay in ku dhowaad 20 sano ay deegaankiisii Al-shabaab heystaan, isla markaana uu raali uga yahay.

“Ninka la leeyahay Xusul waa argagixiso Al-shabaab ah, kana mid ah Baarlamaanka Soomaaliya, waan dhageystay hadalkiisa wuxuu aflagaadeeyey ciidanka Macawiisley, isgoo u hiilinayay Al-shabaab, taasina waa nasiib daro weyn in Xildhibaan uu waqtigaan eedeeyo shacab Soomaaliyeed oo iska celinaayo Al-shabaab, halkuu taageero uga muujin lahaa,” ayuu yiri Jeyte.

Hadalkaan ayaa ka soo aadayo, iyada oo haatan Hiiraan ay ka socdaan dagaallo culus oo u dhexeeyo Al-Shabaab iyo Macawiisley oo garab ka helayo ciidamada Xoogga dalka.

Sawirro: Axmed Madoobe oo soo gaaray MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta soo gaaray gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, isaga oo si diiran loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Axmed Madoobe iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, iyada oo kadib loo soo galbiyey gudaha magaalada Muqdisho oo uu sii joogi doono maalmaha soo socdo.

Ujeedka safarka madaxweynaha Jubbaland ayaa la xiriira ka qayb-galka shir deg-deg ah oo caasimada uga furmayo madax goboleedyada dalka iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa noqonayo hoggaamiyihii ugu horreeyey ee soo gaara magaalada Muqdisho, iyada oo la sugayo madaxda Puntland, Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed.

Shirka u furmayo maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa daba socdo kulankii fashilmay ee ay dhowaan gudaha magaalada Muqdisho ku yeesheen wasiirka maaliyadda dowladda dhexe iyo wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada dalka, kaas oo ugu dambeyn lagu kala kacay, kadib markii ay wasiiradu ku heshiiyeen wadahadalkooda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online shirkan ayaa qabsoomi doono 11-ka iyo 12-ka Sep. gaar ahaan inta uusan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u safrin magaalada caasimada ah ee Nairobi, halkaas oo uu uga qayb- geli doono caleema saarka madaxweyne William Ruto.

Madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa ka wada-hadli doono arrimo ay ka mid yihiin ismari-waaga taagan maaliyadda, abaaraha iyo dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse doodaha miiska saaran ayaa ah kuwa adag, ayadoo maamullada qaarna ay saluug ka muujinayaan hab dhismiskeeda dowladda cusub.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbeddel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii May, taas oo mar labaad xilka madaxweynaha loogu doortay Xasan Sheekh Maxamuud.