31.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Sawirro: Axmed Madoobe oo soo gaaray MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta soo gaaray gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, isaga oo si diiran loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Axmed Madoobe iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, iyada oo kadib loo soo galbiyey gudaha magaalada Muqdisho oo uu sii joogi doono maalmaha soo socdo.

Ujeedka safarka madaxweynaha Jubbaland ayaa la xiriira ka qayb-galka shir deg-deg ah oo caasimada uga furmayo madax goboleedyada dalka iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa noqonayo hoggaamiyihii ugu horreeyey ee soo gaara magaalada Muqdisho, iyada oo la sugayo madaxda Puntland, Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed.

Shirka u furmayo maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa daba socdo kulankii fashilmay ee ay dhowaan gudaha magaalada Muqdisho ku yeesheen wasiirka maaliyadda dowladda dhexe iyo wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada dalka, kaas oo ugu dambeyn lagu kala kacay, kadib markii ay wasiiradu ku heshiiyeen wadahadalkooda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online shirkan ayaa qabsoomi doono 11-ka iyo 12-ka Sep. gaar ahaan inta uusan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u safrin magaalada caasimada ah ee Nairobi, halkaas oo uu uga qayb- geli doono caleema saarka madaxweyne William Ruto.

Madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa ka wada-hadli doono arrimo ay ka mid yihiin ismari-waaga taagan maaliyadda, abaaraha iyo dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse doodaha miiska saaran ayaa ah kuwa adag, ayadoo maamullada qaarna ay saluug ka muujinayaan hab dhismiskeeda dowladda cusub.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbeddel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii May, taas oo mar labaad xilka madaxweynaha loogu doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

Muqdisho oo mar kale la hagraday – Xamza oo u abaal guday maamulihiisii hore

Waxay ku dhowdahay in magaalada Muqdisho ay noqoto goob kala xeran oo uu istaago isu socodka magaalada, waayo waxaa magaalada hareeyey cabsi xooggan oo ka dhalatay ammaandaaro weyn oo magaalada soo food saartay.  

Madaxda illaa iyo hadda soo martay midkoodna ma fahamsaneyn in magaalada ay u baahan tahay qorshe magaaleed is xambaarsan oo leh ammaan iyo horumarin wada socda kuna qotoma siyaasad ammaan oo fadhida oo leh isla xisaabtan iyo isku kormeerid.

Waqtigaan iyo Yuusuf Madaale

Toddobaadkan oo kaliya waxaa magaalada ka dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay askar ahayd in iyaga difaac loo doonto laakiin toodii difaaci waayey. Haddii masaajidka qeylo ka yeerto xaggee loo caraa ayaan maqli jiray.

Waxaa xaafad walba ka jira ciyaal yaryar oo dhagxaan, waraf iyo middiyo sita oo baarta qofkasta oo ay arkaan ama dayacan. Madaxda kama warqabaan dhibkan oo waxay haystaan lacago ku filan, islamarkaan waxay wataan baabuurta aan xabaddu karin oo sharciga waa sarreeyaan, waa haddiiba uu sharci jiree. 

Dowladdii Farmaajo waxay magaalada ka yareysay bistoolad leyda, oo dilka noocan ah waa yaraadeen laakiin su’aasha ayaa ah ma hawl ay qabteen oo hadda la qaban waayey ayey ku yaraadeen mise kooxdii dilalka fulineysay ayey heshiis la galeen oo hadda heshiiskii waqtigiisa waa dhamaaday? Lama yaqaan tan ay jawaabtu tahay, waxaasa la yaqaan inay magaalada dhiban tahay, dowladdaanna aysan ku talagelin inay dhibkaas wax ka qabato. 

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu mar kale u magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo horay u soo qabtay jagadaas, kana mid ah kooxdiisa UPD. Dad badan ayaa waxay isweydiinayaan ma yahay qof fahmi kara waqtigaan waxa Muqdisho ay u baahan tahay? Mase yahay qofkii ku habnoonaa ee uu madaxweyne Xasan Sheekh xelligaan keeni lahaa?

Madaale ma aha qof cusub ee waa shakhsi la yaqaan oo tabartiisa, garashadiisa, hogaamintiisa iyo fogaan araggiisa magaalo la soo tijaabiyey, waxaana la hubaa inuu yahay Madaale yahay qof aan fahmi karin sida ay u shaqeyso magaalo casri ah, oo looga baahan yahay adeegyo bulsho oo badan, oo u baahan aqoon durugsan oo maamul iyo aragti fog oo hogaamineed leh, waayo Madaale waa oday dhaqameed ku wanaagsan inuu aroosyada iyo tacsida ka hadlo  ee maaha xirfadle sida loo hogaamiyo magaalo ay ku nool yihiin 3 milyan iyo dheeraad yaqaanno.

Ugu dambeyn madaxweyne Xasan Sheekh haddii uu rabay inuu beesha hadda careysan oo ah beesha degaan ahaan ka soo jeeda degaanka Muqdisho ee Galmaax Yoonis uu ka ilaaliyo inay hoggaanka Muqdisho xilligaan qabtaan, islamarkaana uu rabay inuu ilmahiisa abtiyaashood ku celiyo talada lagama waayin beeshaas rag iyo haween dhaami lahaa Madaale oo aqoon maamul iyo mid hogaamineedba leh. 

Hase yeeshee, waxaa isu kaashaday koox uu Madaale ku biili jiray xilligii hore canshuurta masaakiinta qoryaha, caanaha iyo yaanyada qorraxda ku iibiyaa xoog looga qaadi jiray oo uu ugu horreeyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamza Cabdi Barre oo gobolka Banaadir uu uga qornaa mushaar, maantana abaalgudaya oo deyntii shalay u celinaya Madaale iyo madaxweynaha abtiyaasha wax la rabay.  

Ninbaa laga sheegay “Meel aan rabay roob ma igu eryey.” Muqdisho mar kale waa la hagraday.

W/Q: Maxamed Cabdiraxmaan Cali (Cadde)

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Boqorka cusub ee UK oo maanta la caleema saarayo

0

London (Caasimada Online) – Boqor Charles-ka saddexaad ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa inuu yahay boqorka cusub ee UK, ka dib munaasabad lagu qaban doono qasriga St James’s ee London saacadaha soo socda.

Boqorada Elizabeth wiilkeeda curadka ah ayaa si toos ah u noqday boqor, ka dib dhimashadeeda.

Laakiin Golaha ansixinta – oo ah hay’ad soo jirtay waqtiyadii Anglo Saxon – ayaa xaqiijin doona doorkiisa ka dib kulan taariikhi ah oo markii ugu horeysay laga daawado telefishinka.

Dhinaca lale, magaalada Edinburgh ee caasimada Scotland waxaa ka bilowday diyaar garow loogu jiro soo dhaweynta naxashka boqoradda.

Waddooyinka ayaa la xiray, waxaana la sameeyay baro koontorool oo waa weyn.

Naxashka ayaa la filayaa in laga qaado qalcadda Balmoral halkaas oo ay ku geeriyootay, waxaana Axadda la geyn doonaa qasriga Holy-rood-house ee Edinburgh.

Waxaa la filayaa in intaas ka dib, dadweynaha loo oggolaado inay arkaan naxashka ka hor inta aan la geyn London maalinta Talaadada ah.

Madax goboleedyada oo kusoo wajahan magaalada Muqdisho, kadib fashilkii…

0

Muqdiso (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in saacadaha soo socdo magaalada Muqdisho ay ku soo wajahan yihiin dhammaan hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada dalka, waxayna ka qayb-gali doonaan shir gaar ah oo la filayo in todobaadkan uu ka dhaco caasimada Soomaaliya.

Shirkan ayaa daba socdo kulankii fashilmay ee ay gudaha Muqdisho ku yeesheen wasiirka maaliyadda dowladda dhexe iyo wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada dalka, kaas oo ugu dambeyn lagu kala kacay, kadib markii ay wasiiradu ku heshiiyeen wadahadalkooda.

Sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay wasiirada dowlad goboleedyada ayaa sii joogaya Muqdisho, si ay u sugaan shirka u dhexeeyo dowladda federaalka dowlad goboleedyada, kaas oo lagu gorfeyn doono sidii xal looga gaaro lahaa ismari-waaga taagan.

Sidoo kale waxaa shirka madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin abaaraha iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Xogta aan helnay ayaa ku warrameysa in shirkan uu qabsoomi  doono ka hor Arbacada, gaar ahaan inta uusan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u safrin magaalada caasimad ah ee Nairobi, halkaas oo uu uga qayb- geli doono caleema saarka William Ruto.

Horey qorshuhu waxa uu ahaa in madaxdu ay isugu tegaan Garoowe, balse isbeddel lama filaan ah ayaa ku yimid jadwalkii hore, kadib markii uu khilaafa dhanka maaliyadda ah uu soo kala dhex-galay labada dhinac, kaas oo keenay in maamullada ay xiriirka u jaraan wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka, kadib eedeymo culus oo ay u jeediyeen.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse doodaha miiska saaran ayaa ah kuwa adag, ayadoo maamullada qaarna ay saluug ka muujinayaan hab dhismiskeeda dowladda cusub.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbeddel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii May, taas oo mar labaad xilka madaxweynaha loogu doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada xildhibaan ee diidan kacdoonka qabaa’ilka ee ka dhanka ah Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kacdoonka qabaa’ilka ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayey dad badan u arkaan inay tahay fursadda ugu wanaagsan ee looga adkaan karo kooxdan oo sanado badan ay ciidamada dowladda ka guuleysan waayeen.

Hase yeeshee, laba xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka ayaa ka horyimid arrintan, taasi oo dad badan ka yaabisay. 

Xildhibaanadan ayaa kala ah; Cabdirizaaq Xusul oo baarlamanka kasoo gala Galmudug iyo Xasan Cabdinuur oo kasoo gala Koonfur Galbeed, horeyna ugu tartamay guddoomiyaha golaha shacabka.

Cabdirizaaq ayaa aad u qabsaday warbaahinta, hase yeeshee waxaa sidoo kale arrintan ka hadlay balse aysan waraabhinta ku baraarugin Xasan Cabdinuur.  

“Madaxweynow wixii aan dowladnimo lagu wajihi karin qaab beeleed looma wajihi karee tareenka haynala qalibin,’ ayuu yiri Xasan Cabdinuur oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook, isaga oo ka hadlay arrintan.’

Xildhibaan Cabdirizaaq Xusul ayaa isna ciidamada dib u xoreynta deegaanka ee Macawiisley ku sifeeyey kuwo khatar ku ah Soomaaliya, isagoo marna aan wax-xun ka sheegin kooxda Al-Shabaab oo dhibaato badan ku heysa dadka Soomaaliyeed.

“Macawiisley dhibaatadeeda qofkii aan hada dareemin berri ayuu dareemayaa, wax kasta oo fowdo ku bilowda dhibaato ayey ku dambey doonaan, sidii USC, waan ognahay heerka ay na gaarsiiyeen kooxo hubeysan,” ayuu yiri Xusul.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Macawiisley waan ognahay Geeley waaye, waa dad Miyi ku nool oo cadiifad qabali ah ay kicisay, waan oganahay dhibaa heysta, laakiin dowladda ayaa laga rabaa inay dhibkaas ka dul qaado.”

Arrinta yaabka leh ayaa ah in labada xildhibaanba ay ka mid yihiin kooxda madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo oo dad badan rumeysan yahay inuu ka seexday dagaalka Al-Shabaab iyo suurta-galnimada xiriir kala dhaxeeyey. 

Madax goboleedyada oo ku soo wajahan magaalada Muqdisho, kadib fashilkii…

DF oo shaacisay tallaabo ay qaadeyso kadib DAGAAL looga adkaaday Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay diyaarisay qorshihii ay adeegyo caafimaad ku gaarsiin laheyd deegaanada dhawaan laga saaray kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka Caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cali Xaaji Aadan oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa arrintaas sheegay, isaga oo ka warbixiyay qorshaha dowladda ee ku aadan daadajinta iyo bixinta adeega caafimaadka ee loogu tala-galay qeybaha bulshada.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in lixda bilood ee soo socota loo howl-gali doono qalabeynta isbitaalo iyo xarumo caafimaad oo ku yaalla caasimadda dalka iyo gobolada kale ee dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in si xowli ah ay u socdaan dhaqaajinta , bixinta iyo fidinta adeegga caafimaad ee ay u baahan yihiin bulshada, islamarkaana ay ku dadaali doonaan joogteyntooda.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay wasiirku in dhinkooda ay diyaar u yihiin barnaamijka quudinta xaga caafimaadka ee loogu tala-galay dadka ku barakacay abaaraha saameynta daran ku yeeshay dalka.

Toddobaadyadii u dambeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa laga qabsaday deegaano hor leh, ayada oo dagaalka ka dhanka ah kooxda ay xiligaan qeyb ka noqdeen qabaa’iilo dhowr ah oo kaalin muhiim ah ka ciyaaraya doorka xoreynta dalka iyo howl-galada ay wadaan ciidamada.

Muqdisho oo mar kale la hagraday – Xamza oo u abaal guday maamulihiisii hore

0

Waxay ku dhowdahay in magaalada Muqdisho ay noqoto goob kala xeran oo uu istaago isu socodka magaalada, waayo waxaa magaalada hareeyey cabsi xooggan oo ka dhalatay ammaandaaro weyn oo magaalada soo food saartay.  

Madaxda illaa iyo hadda soo martay midkoodna ma fahamsaneyn in magaalada ay u baahan tahay qorshe magaaleed is xambaarsan oo leh ammaan iyo horumarin wada socda kuna qotoma siyaasad ammaan oo fadhida oo leh isla xisaabtan iyo isku kormeerid.

Waqtigaan iyo Yuusuf Madaale

Toddobaadkan oo kaliya waxaa magaalada ka dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay askar ahayd in iyaga difaac loo doonto laakiin toodii difaaci waayey. Haddii masaajidka qeylo ka yeerto xaggee loo caraa ayaan maqli jiray.

Waxaa xaafad walba ka jira ciyaal yaryar oo dhagxaan, waraf iyo middiyo sita oo baarta qofkasta oo ay arkaan ama dayacan. Madaxda kama warqabaan dhibkan oo waxay haystaan lacago ku filan, islamarkaan waxay wataan baabuurta aan xabaddu karin oo sharciga waa sarreeyaan, waa haddiiba uu sharci jiree. 

Dowladdii Farmaajo waxay magaalada ka yareysay bistoolad leyda, oo dilka noocan ah waa yaraadeen laakiin su’aasha ayaa ah ma hawl ay qabteen oo hadda la qaban waayey ayey ku yaraadeen mise kooxdii dilalka fulineysay ayey heshiis la galeen oo hadda heshiiskii waqtigiisa waa dhamaaday? Lama yaqaan tan ay jawaabtu tahay, waxaasa la yaqaan inay magaalada dhiban tahay, dowladdaanna aysan ku talagelin inay dhibkaas wax ka qabato. 

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu mar kale u magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo horay u soo qabtay jagadaas, kana mid ah kooxdiisa UPD. Dad badan ayaa waxay isweydiinayaan ma yahay qof fahmi kara waqtigaan waxa Muqdisho ay u baahan tahay? Mase yahay qofkii ku habnoonaa ee uu madaxweyne Xasan Sheekh xelligaan keeni lahaa?

Madaale ma aha qof cusub ee waa shakhsi la yaqaan oo tabartiisa, garashadiisa, hogaamintiisa iyo fogaan araggiisa magaalo la soo tijaabiyey, waxaana la hubaa inuu yahay Madaale yahay qof aan fahmi karin sida ay u shaqeyso magaalo casri ah, oo looga baahan yahay adeegyo bulsho oo badan, oo u baahan aqoon durugsan oo maamul iyo aragti fog oo hogaamineed leh, waayo Madaale waa oday dhaqameed ku wanaagsan inuu aroosyada iyo tacsida ka hadlo  ee maaha xirfadle sida loo hogaamiyo magaalo ay ku nool yihiin 3 milyan iyo dheeraad yaqaanno.

Ugu dambeyn madaxweyne Xasan Sheekh haddii uu rabay inuu beesha hadda careysan oo ah beesha degaan ahaan ka soo jeeda degaanka Muqdisho ee Galmaax Yoonis uu ka ilaaliyo inay hoggaanka Muqdisho xilligaan qabtaan, islamarkaana uu rabay inuu ilmahiisa abtiyaashood ku celiyo talada lagama waayin beeshaas rag iyo haween dhaami lahaa Madaale oo aqoon maamul iyo mid hogaamineedba leh. 

Hase yeeshee, waxaa isu kaashaday koox uu Madaale ku biili jiray xilligii hore canshuurta masaakiinta qoryaha, caanaha iyo yaanyada qorraxda ku iibiyaa xoog looga qaadi jiray oo uu ugu horreeyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamza Cabdi Barre oo gobolka Banaadir uu uga qornaa mushaar, maantana abaalgudaya oo deyntii shalay u celinaya Madaale iyo madaxweynaha abtiyaasha wax la rabay.  

Ninbaa laga sheegay “Meel aan rabay roob ma igu eryey.” Muqdisho mar kale waa la hagraday.

W/Q: Maxamed Cabdiraxmaan Cali (Cadde)

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Labada xildhibaan ee diidan kacdoonka qabaa’ilka ee ka dhanka ah Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kacdoonka qabaa’ilka ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayey dad badan u arkaan inay tahay fursadda ugu wanaagsan ee looga adkaan karo kooxdan oo sanado badan ay ciidamada dowladda ka guuleysan waayeen.

Hase yeeshee, laba xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka ayaa ka horyimid arrintan, taasi oo dad badan ka yaabisay. 

Xildhibaanadan ayaa kala ah; Cabdirizaaq Xusul oo baarlamanka kasoo gala Galmudug iyo Xasan Cabdinuur oo kasoo gala Koonfur Galbeed, horeyna ugu tartamay guddoomiyaha golaha shacabka.

Cabdirizaaq ayaa aad u qabsaday warbaahinta, hase yeeshee waxaa sidoo kale arrintan ka hadlay balse aysan waraabhinta ku baraarugin Xasan Cabdinuur.  

“Madaxweynow wixii aan dowladnimo lagu wajihi karin qaab beeleed looma wajihi karee tareenka haynala qalibin,’ ayuu yiri Xasan Cabdinuur oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook, isaga oo ka hadlay arrintan.’

Xildhibaan Cabdirizaaq Xusul ayaa isna ciidamada dib u xoreynta deegaanka ee Macawiisley ku sifeeyey kuwo khatar ku ah Soomaaliya, isagoo marna aan wax-xun ka sheegin kooxda Al-Shabaab oo dhibaato badan ku heysa dadka Soomaaliyeed.

“Macawiisley dhibaatadeeda qofkii aan hada dareemin berri ayuu dareemayaa, wax kasta oo fowdo ku bilowda dhibaato ayey ku dambey doonaan, sidii USC, waan ognahay heerka ay na gaarsiiyeen kooxo hubeysan,” ayuu yiri Xusul.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Macawiisley waan ognahay Geeley waaye, waa dad Miyi ku nool oo cadiifad qabali ah ay kicisay, waan oganahay dhibaa heysta, laakiin dowladda ayaa laga rabaa inay dhibkaas ka dul qaado.”

Arrinta yaabka leh ayaa ah in labada xildhibaanba ay ka mid yihiin kooxda madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo oo dad badan rumeysan yahay inuu ka seexday dagaalka Al-Shabaab iyo suurta-galnimada xiriir kala dhaxeeyey. 

DF oo shaacisay tallaabo ay qaadeyso kadib DAGAAL looga adkaaday Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay diyaarisay qorshihii ay adeegyo caafimaad ku gaarsiin laheyd deegaanada dhawaan laga saaray kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka Caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cali Xaaji Aadan oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa arrintaas sheegay, isaga oo ka warbixiyay qorshaha dowladda ee ku aadan daadajinta iyo bixinta adeega caafimaadka ee loogu tala-galay qeybaha bulshada.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in lixda bilood ee soo socota loo howl-gali doono qalabeynta isbitaalo iyo xarumo caafimaad oo ku yaalla caasimadda dalka iyo gobolada kale ee dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in si xowli ah ay u socdaan dhaqaajinta , bixinta iyo fidinta adeegga caafimaad ee ay u baahan yihiin bulshada, islamarkaana ay ku dadaali doonaan joogteyntooda.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay wasiirku in dhinkooda ay diyaar u yihiin barnaamijka quudinta xaga caafimaadka ee loogu tala-galay dadka ku barakacay abaaraha saameynta daran ku yeeshay dalka.

Toddobaadyadii u dambeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa laga qabsaday deegaano hor leh, ayada oo dagaalka ka dhanka ah kooxda ay xiligaan qeyb ka noqdeen qabaa’iilo dhowr ah oo kaalin muhiim ah ka ciyaaraya doorka xoreynta dalka iyo howl-galada ay wadaan ciidamada.

Boqorka cusub ee UK oo la caleema saarayo maanta

London (Caasimada Online) – Boqor Charles-ka saddexaad ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa inuu yahay boqorka cusub ee UK, ka dib munaasabad lagu qaban doono qasriga St James’s ee London saacadaha soo socda.

Boqorada Elizabeth wiilkeeda curadka ah ayaa si toos ah u noqday boqor, ka dib dhimashadeeda.

Laakiin Golaha ansixinta – oo ah hay’ad soo jirtay waqtiyadii Anglo Saxon – ayaa xaqiijin doona doorkiisa ka dib kulan taariikhi ah oo markii ugu horeysay laga daawado telefishinka.

Dhinaca lale, magaalada Edinburgh ee caasimada Scotland waxaa ka bilowday diyaar garow loogu jiro soo dhaweynta naxashka boqoradda.

Waddooyinka ayaa la xiray, waxaana la sameeyay baro koontorool oo waa weyn.

Naxashka ayaa la filayaa in laga qaado qalcadda Balmoral halkaas oo ay ku geeriyootay, waxaana Axadda la geyn doonaa qasriga Holy-rood-house ee Edinburgh.

Waxaa la filayaa in intaas ka dib, dadweynaha loo oggolaado inay arkaan naxashka ka hor inta aan la geyn London maalinta Talaadada ah.

Sawirro: Howlgal culus oo laga fuliyey Mubaarak iyo saraakiil sare oo la beegsaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka sida gaarka ah u tababaran oo howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa beegsaday xaruntii ugu weyneed ee Al-Shabaab ay ku canshuuri jireen shacabka gobolkaas.

Howlgalkaas oo ahaa mid culus waxaa lagu dilay sarkaal sare oo magaciisa lagu soo koobay Carab, kaas oo ahaa horjeege ku xigeenkii Al-Shabaab ee deegaanka Mubaarak.

Sidoo kale weerarka waxaa ku dhaawacmay ku dhowaad 10-kale oo ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab, sida ay warbaahinta dowladda u sheegeen saraalkiil ka tirsan dowladda.

Saraakiisha lagu dhaacwacay howlgalka waxaa ku jira Cusmaan Daa’uud oo ah madaxii ugu sareeya Shabaab-kii lagu weeraray deegaanka Mubaarak iyo sarkaal kale oo lagu magacaabo Ow-Maay, kaas oo Al-shabaab u qaabilsanaa dhaqaale uruurinta.

“Howlgalkaan wuxuu ahaa mid bartilmaameed ah oo lagu beegsaday halka ay ugu yeeraan Argagixisada xarunta Maaliyadda, waxaana xilliga howlgalka uu dhacay ku sugnaa horjoogayaal sar sare iyo maleeshiyaad Argagixiso ah,” ayuu yiri sargaalka la hadlay Warbaahinta Qaranka.

Sidoo kale Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in dad shacab ah lagu haystay xarunta dhaqaalaha Al-Shabaab ay ku aruurinayeen xilliga howlgalka laga fuliyey.

Ciidamada dowladda ayaa maanta howlgalo ka fuliyey deegaano badan oo  ka baxsan magaalada Muqdisho, kuwaas oo kala ah Mubaarak, Markaska, Buulo-riski, Jaran iyo deegaano kale oo hoos taga degmada Afgooye.

Dhinaca kale Warbaahinta taageerta kooxda Al-Shabaab ayaa baahisay war sheegaya in dad badan oo shacab ah maanta lagu beegsaday weerarkii ay ciidamada dowladdu ka fuliyeen degaanka Mubaarak, kuwaas oo u badnaa gaadiidley, lama hayo tirada rasmiga ah ee dadka lagu dilay howlgalkaas iyo inay sax tahay sheegashada Al-Shabaab ee ah in la beegsaday dad rayid ah.

Shirkad Soomaali ah oo sheegatay markabkii uu ku faanay madaxweynaha Ukraine

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa todobaadkaan sheegay in Qamadi gargaar ah oo ka socda dalkiisa uu ku sii jeedo Soomaaliya, oo macluul qarka u saaran, nolosha malaayiin qofna ay halis ugu jirto geeri.

Hase yeeshee shirkad la yiraahdo Al-Wadaniya oo ka shaqeysa soo dhoofinta Qamadiga oo Somaliland laga leeyahay, ayaa beenisay warka madaxweynaha Ukraine, waxayna sheegtay in markabka uu ayada u kireysan yahay, islamarkaana aanu sidin gargaar.

Cumar Muuse Cartan oo ah masuul ka tirsan Shirkadaas oo Idaacadda VOA la hadlay ayaa sheegay in qamadiga uu sido markabkaas ay shirkadu leedahay oo aanu aheyn gargaar uga yimid Ukraine, wuxuuna intaas ku daray inuu bartamaha bishan kusoo wajahan yahay dekedda Berbera.

Sidoo kale afhayeenkaan u hadlay shirkadda Al-Wadaniya ayaa sheegay in mudo shan bilood ay ku wareersanaayeen sidey qamadiga uga soo dhoofsa lahaayeen dalka Ukraine oo dagaallo qaraar ay ka socdaan tan iyo bishii February ee sanadkaan.

“Bartamihii bishii hore ee Agoosto ayey noo suurta gashay in markabkii ugu horeeyey aan soo rarano, markaas oo Ruushka iyo Turkiga ay meel mariyeen heshiis lagu dhoofinayo qamadiga Ukraine, markabkaas wuxuu soo marayaa Jabuuti, isla bishaana wuxuu soo gaarayaa dekedda Berbera,” Cumar Muuse Cartan oo shirkadda Al-Wadaniya ka tirsan.

Cartan oo sii hadlayey wuxuu yiri, “Waanu maqalnay warka ah in qamadigaas uu macaawino yahay, waxaba kama jiraan warkaas ay warbaahintu baahisay, qamadigaan shirkadaa soo iibsatay.”

Hadalka masuulkaan ka tirsan shirkadda Alwadaniya oo Somaliland ka howlgasha ayaa imaanaya iyadoo Madaxweynaha Ukraine uu horay u sheegay in wadamo sabool ah oo Soomaaliya ay ku jirto ay qamadi u direen.

Dhinaca kale Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa horay ugu eedeeyay reer galbeedka in qamadiga dekedaha la furay ee Ukraine badankiisa ay u direen dalalka Europe, oo aan loo dirin wadamada gaajadu ka jirto ee saboolka ah.

Daawo: Guddoomiye Cali Jeyte oo sheegay in BF uu ku jiro xildhibaan Shabaab ah

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa si adag uga fal celiyey hadal ka soo yeeray xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo ciidanka is abaabulay ee macawiisley ku tilmaamay kuwo ka daran Al-Shabaab.

Xildhibaan Cabdirisaaq Aadan Warsame (Xusul) oo kursiga #HOP137 ka soo qaatay Dhuusamareeb ayaa ciidamada dib u xoreynta deegaanka ee Macawiisley wuxuu ku tilmaamay kooxo ka daran Al-shabaab oo khatar ku ah Soomaaliya, isagoo marna aan wax-xun ka sheegin kooxda Al-shabaab oo dhibaato badan ku heysa dadka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ugu baaqay in si hoose uu u eego hadalka kasoo yeeray ee Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul, isla markaana baaris sharciyadeed lagu sameeyo Xildhibaanka eedeynta u jeediyay ciidanka loo bixiyey dib u xoreynta deegaanka ee loo yaqaano macawiisleyda.

Guddoomiye Jeyte ayaa Xildhibaan Xusul ku sifeeyey argagixiso khatar ah, sidoo kale wuxuu sheegay in ku dhowaad 20 sano ay deegaankiisii Al-shabaab heystaan, isla markaana uu raali uga yahay.

“Ninka la leeyahay Xusul waa argagixiso Al-shabaab ah, kana mid ah Baarlamaanka Soomaaliya, waan dhageystay hadalkiisa wuxuu aflagaadeeyey ciidanka Macawiisley, isgoo u hiilinayay Al-shabaab, taasina waa nasiib daro weyn in Xildhibaan uu waqtigaan eedeeyo shacab Soomaaliyeed oo iska celinaayo Al-shabaab, halkuu taageero uga muujin lahaa,” ayuu yiri Jeyte.

 Wuxuu intaas ku sii daray, “Waxaan leeyahay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha idinkaa iclaamiyay dagaalka Al-Shabaab, ninkaas oo kale, ayaana Golaha sharci dejinta dhex fadhiya oo Al-shabaab ah ee wax halaga qabto arintiisa,” ayuu yiri hadalkiisa ku sii daray guddoomiye Jeyte.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa si cad u sheegay in cid walba oo ka hortimaada kacdoonka lagula dagaalamayo Al-shabaab ay u arkayaan mid u hiilinaya ururka Al-shabaab.

Hoos ka daawo hadalka guddoomiyaha

DAAWO: Xildhibaan sheegay in Macawiisley ay ka daran tahay kooxda Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Xildhibaan Cabdirisaaq Aadan Warsame (Xusul) oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS ayaa aad uga hor yimid ciidamada is abaabulay ee Macawiisley oo dagaalka kula jira kooxda Al-shabaab, isagoo sheegay inay yihiin reer Miyi Shabaab ka halis badan.

Cabdirisaaq Xusul oo kursiga #HOP137 ka soo qaatay Dhuusamareeb ayaa ciidamada dib u xoreynta deegaanka ee Macawiisley ku sifeeyey kuwo khatar ku ah Soomaaliya, isagoo marna aan wax-xun ka sheegin kooxda Al-shabaab oo dhibaato badan ku heysa dadka Soomaaliyeed.

“Macawiisley dhibaatadeeda qofkii aan hada dareemin berri ayuu dareemayaa, wax kasta oo fowdo ku bilowda dhibaato ayey ku dambey doonaan, sidii USC, waan ognahay heerka ay na gaarsiiyeen kooxo hubeysan,” ayuu yiri Xusul.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Macawiisley waan ognahay Geeley waaye, waa dad Miyi ku nool oo cadiifad qabali ah ay kicisay, waan oganahay dhibaa heysta, laakiin dowladda ayaa laga rabaa inay dhibkaas ka dul qaado.”

Xildhibaankaan ayaa golaha shacabka ku metela degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo Al-shabaab ay ka taliyaan ilaa intii ay aas-aasnaayeen, weligiisna lama arag isagoo ka hadlaya dib u xoreynta deegaankiisa, haatana wuxuu u muuqdaa nin dhibsanaya dadka u kacay inay iska xoreeyaan Al-Shabaab.

Xildhibaan Xusul wuxuu horay uga tirsanaa NISA, wuxuuna ka mid ahaa xubnihii kursiga ku helay madaxa Fahad Yaasiin oo awood badan lahaa intii ay jirtay dowladdii Farmaajo.

Hoos ka daawo

MASAR oo xog ka bixisay wadahadallo cusub oo dhex maray Sisi iyo Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa boggeeda Twitter-ka ku baahisay in madaxweyne Xasan Sheekh uu khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Masar Cabdifitaax Al-Sisi. 

Qoraalka ayaa lagu sheegay in labada madaxweyne ay ka hadleen arrimaha xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga soo jireenka ah ee Masar iyo Somalia.

Jariidada Ahram ayaa sidoo kale baahisay qodobada labada madaxweyne ay ka wada hadleen, iyadoo sidoo kale madaxtooyada Masar ay sheegtay in Cabdifitaax Al-Sisi uu kala hadlay dhiggiisa Soomaaliya caqabadaha kala duwan ee uu wajahayo dalka ku yaalla Geeska Afrika, oo ay ugu weyn tahay argagixisada.

Madaxweynaha Masar ayaa u sheegay dhiggiisa Xasan Sheekh in Masar diyaar u tahay in ay sii waddo taageerada dadaallada ay Soomaaliya ugu jirto dhismaha iyo joogtaynta hay’adaha dowliga ah, sare u qaaddista iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan heerka ganacsiga iyo dhaqaalaha, iyo sidoo kale inay tababarto kaadiriinta farsamada Soomaaliya iyo sida ay Masar ugu faraxsan tahay xiriirka taariikhiga ah ee ay la leedahay Soomaaliya.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in Masar ay sidoo kale muujisay sida ay u jeceshahay in la helo Soomaaliya mideysan oo xooggan, xasiloon taasoo si wanaagsan ugu adeegeysa danaha dadkeeda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo bishii July la kulmay Al-Sisi, ayaa kullankaasi laga soo saaray in labada dal ay ku heshiiyeen in la taageero go’aanka Masar ka dhanka ah biyo xireenka Itoobiya dhisayso.

Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayday inay heshiiskaasi labada madaxweyne gaareen si kale u dhigto, hase ahaatee markii danbe Villa Somalia si cad u qeexday taageerada ay u muujisay Masar.

Dowladda Itoobiya ayaa iyadana ka carootay tallaabadaas, iyadoo uu kadib sii xumaaday xiriirka kala dhaxeeyay Somalia, waxaana ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu ka cudur daartay in dalkiisa booqdo Xasan Sheekh oo loo sheegay in xiliga uu codsaday booqashada Addis Ababa jadwalka ra’iisul wasaare Abiy uu buuxo, sidaasina uu ku baaqday Xasan Sheekh.

Labo maalin ka hor ayaa faallo laga sii daayay telefishinka ETV lagu weeraray dowladda federaalka iyo Xasan Sheekh, waxaase faalladaasi durbadiiba qoraal kasoo saartay wasaaradda arrimaha dibada Itoobiya iskana fogeysay isla markaana aysan sax aheyn, kana turjumeyn go’aanka dowladda Itoobiya.

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo kadib salaaddii Jimcaha si wadajir ah ugu…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wehlinayaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamse Cabdi Barre iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda ayaa maanta salaadda Jimcaha ku oogay Masjidka Shuhadaa ee Madaxtooyada Qaranka.

Sidoo kale waxa ku wehlinayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, waxayna madaxda Alle ka baryeen in uu ka dulqaado dalkeen abaarta iyo dhibaatooyinka kale ee la tacaalayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu Alle ka baryey in uu mideeyo quluubteenna, naguna mannaysto naxariistiisa iyo roobab ay ku diirsadaan dadka, xoolaha iyo deegaanku.

Saameynta ka dhalatay Abaarta ka jirta Soomaaliya ayaa sabab u noqotay in kumanaan Caruur ah la soo daristo Nafaqo darro, taasi oo ka dhalatay xaaladda abaaraha ka jira dalkeena.

Ergeyga ayaa dhowr jeer ugu baaqay hay’addaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee gargaarka bani’aadanimo ka shaqeeya in ay gurmad deg-deg ah u fidiyaan caruurta nafaqo darradu hayso iyo waalidiintooda abaartu saamaysay.

Qaramada Midoobay ayaa dhankeeda kal hore soo jeedisay in lagu dhowaaqo in Soomaaliya ay gashay xaalad macluul ah, sababo la xiriira abaaraha ka jira dalka, hase yeeshe waxaa arrintaas diiday dowlada Xasan Sheekh, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in QM ay ku cadaadineyso dowladda inay ogolaato in lagu dhowaaqo in Soomaaliya ay ka jirto macluul, balse taasi waxaa diidan madaxda dowladda federaalka oo sheegaya in xaaladda abaarta aysan gaarin heer macluul.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta Abaar aad u daran, taasi oo saameysay dadka iyo duunyada, deegaannada qaar ayaa laga soo warinayaa in dadka ku sugan ay la’yihiin waxa ay cabaan halka kuwa kale ay ka baro kaceen deegannadii ay degnaayeen.

Dadka iska dhiiba Denmark oo hadda kadib loo wareejinayo dal ku yaalla Bariga Afrika

Copenhagen (Caasimada Online) – Denmark ayaa kula heshiisay Rwanda in horey loo dhaqaajiyo hanaan muran badan dhaliyey, oo dadka magan-galyo doonka ah ee iska dhiiba Denmark loogu soo wareejinayo dalka ku yaalla Bariga Afrika, waxaa sidaas sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda.

Labada dal ayaa wada saxiixay bayaan wadajir ah oo iskaashi oo ay ku shaaciyeen “inay darsayaan barnaamij dadka magan-galyo doonka ah ee imanaya Denmark loogu soo dhoofinayo Rwanda, si ayaga oo halkaas jooga loo eego codsigooda magan-galyo.”

Waxaa barnaamijka qeyb ka ah “ikhtiyaar dadkan si rasmi ah dib u dejin loogu sameynayo Rwanda,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Waxaan aad ugu faraxsannahay inaan heshiis gaarnay… waa hamigeena inaan aas-aasno nidaam dadka magan-galyo doonka ah looga soo wareejinayo Denmark oo lagu keenayo Rwanda,” waxaa sidaas tiri wasiirka socdaalka iyo is-dhexgalka Denmark, Kaare Dybvad Bek oo bayaan ay soo saartay ay baahisay wasaaradda arrimaha dibedda.

Bishii June 2021, Denmark oo leh mid ka mid sharciyada ugu adag ee soo-galootiga, ayaa ansixisay sharci ay xarumo lagu soo dhoweeyo magan-galyo doonka uga fureyso meelo ka baxsan Yurub, halkaasi oo ay ku noolaan doonaan illaa codsiyadooda laga eegayo. 

Dadka magan-galyo doonka ah ayaa weli ku qasbanaan doona inay codsiyadooda si shakhsi ah uga gudbiyaan xuduudaha Denmark kadibna waxaa loo soo dhoofin doonaa xarumaha soo dhoweynta ee dalal kale.

Dowladda Denmark ayaa sheegtay inay wadahadallo kula jirtay dalal dhowr ah, hase yeeshee Rwanda ayaa illaa hadda ah dalka kaliya ee qorshahan fulintiisa lagula heshiiyey.

Markii la ansixiyey sharciga Denmark, Golaha Midowga Yurub ayaa sheegay in qorshaha Denmark uu xadgudub ku yahay xeerarka magan-galyo doonka ee u degsan Midowga Yurub.

Denmark iyo Rwanda ayaa war-saxaafadeedka ay soo saareen ku sheegay “in nidaamka soo-galootiga ee hadda ka jira caalamka uu yahay mid isku dhex yaacsan loona baahan yahay mid cusub.”

Denmark ayaa caasimadda Rwanda ee Kigali ka furi doonta xafiis fuliya mashruucan oo ay maamulaan laba diblomaasi. 

Dowladda UK ayaa sidoo kale horey ugu dhowaaqday siyaasad muran dhalisay oo dadka magan-galyo doonka ah loogu dhoofinayo Rwanda, hase yeeshee dib ay ka hakisay xilli lagala horyimid loolan sharci.

Xog: Walaac cusub oo kasoo kordhay xaaladda ciidamada Somalia ee ku sugan Eritrea

0

Asmara (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu dib u qarxay dagaalka Itoobiya ee Jabhadda Tigray iyo dowladda, waxaa si rasmi ah dagaalkaasi uga biiray ciidamo ka tirsn kuwa Eritrea oo taageeraya kuwa dowladda.

Colaada Itoobiya ka taagan ayaa waxaa horay loogu eedeeyay dowladda Eritrea inay ku dagaal gelisay ciidamo Soomaaliyeed oo dalkaasi tababar u joogayy. Hay’addaha xuquuqda aadanaha iyo dowladdo Mareykanka ayaa qiray in dagaaladaasi qeyb ka ahaayeen ciidamada Soomaaliya ee tababarka u jooga Asmara.

Hadda oo dagaalka dib u qarxay waxaa soo baxaaya walaac hor leh oo laga qabo in Eritrea furimaha dagaalka soo geliso ciidamada Soomaaliya ee Eritrea ku sugan, kuwaasi oo dowladda Xasan Sheekh aysan weli xal u helin inay dalka dib ugu soo celiso.

Waalidiin Soomaalyeed oo caruurtooda ka mid yihiin ciidamadaasi ayaa Caasimada Online u sheegay in ay walaac ka qabaan in mar kale caruurtooda la dagaal geliyo, iyagoo ka filayay dowladda cusub ee Xasan Sheekh inay ka dhabeyso balan qaadkii madaxweynaha ee ahaa in howsha koowaad uu qaban doono ay noqon doonto soo celinta askartaasi.

Ballankaasi ayaa u muuqday inuu ku ekaa booqashadii Xasan Sheekh uu ku tegay Eritrea iskuna soo sawiray ciidamadaasi, wixii markaasi ka danbeeyayna dib danbe aan loo maqlin warka ku saabsan ciidamadaasi iyo rajo farxad gelinaysa waalidiinta askartaasi.

Ilaa hadda Villa Somalia qorshe cad oo lagu soo celinayo askartaasi uma soo bandhigin shacabka, gaar ahaan waalidiinta welwelka ka qabo caruurtooda halka ay ku danbeyn doonaan.

Qaar ka mid ah waalidiinta askartaasi oo Caasimada Online ay la hadashay ayaa muujiyay rajo beel iyo in madaxweyne Xasan Sheekh ujeedadiisa aheyd awr ku kacsi iyo colaadin uu ku sameynayay dowladdii hore ee Farmaajo oo aan dib loo dooran.

Warar horay usoo baxay ayaa sheegayay in dowladda Asmara soo celinta askartaasi ay ku xertay dhaqaale malaayiin ah oo ku baxay tababarkooda, ilaa inta dowladda Soomaaliya ay ka bixineysana ay askartaasi gacanta ku sii heyn doonto dowladda Eritrea.

Baraha bulshada ee Villa Somalia lagu baahiyay muuqaallo lagu xayeysiinayay 100 maalmood ee Xasan Sheekh xilka hayay, waxaa qeyb ka ahaa waalidiinta askarta ee Eritrea ku sugan oo Xasan Sheekh ku ammaanaya baaqashadii uu askartaasi ugu tegay Eritrea, balse booqashadaas ma xigin wax qorshe cad ah oo lagu soo celinayo ciidanka.

Xasan Sheekh oo ay hortaallo fursad la mid ah tii Farmaajo soo martay lix sano kahor

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dareen u muuqda kacdoon shacab oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ayaa ka dilaacay Soomaaliya. Dareenka muuqda mid waa dagaal ka fool ka fool ah oo ka socda Hiiraan iyo Galgaduud, midna waa mid guud oo ay qabaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.

Warbaahinta madaxa banaan ayaa sidoo kale u muuqata inay diyaar u tahay inay u bareerto kooxda, qurba joogta ayaa sidoo kale muujisay shucuur adag oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Waa markii labaad muddo lix sano gudahood ah oo uu soo ifbaxo dareen noocaan ah. Markii uu dhacay qaraxii Zoobe 14-kii October 2017, kaasi oo ahaa qaraxii ugu khasaaraha badnaa ebid ayuu sidaan oo kale u kacay dareenka shacabka Soomaaliyeed.

Xilligaas dadka Soomaaliyeed oo si weyn u carooday waxay muujiyeen sida ay heegan ugu yihiin inay kooxda fooda daraan, laakiin dowladdii xilligaasi jirtay ee madaxweyne Farmaajo waa sahashatay shucuurtii shacabka.

Lagama faa’ideynin kacdoonkii muuqday xilligaas, dowladduna waa ku guul dareysatay inay keento aragti lagu jiheeyo dadka dagaal dhab ahna lagula geli karay kooxda.

Mar kale ayey soo noqotay fursad noocaas ah waa midda ka taagan Hiiraan, Galgaduud iyo qeybo kamid ah Koonfur Galbeed oo iyadana laga so warinayo inuu ka socdo diyaar garow ay dadka iyo maamulka isaga kaashanayaan dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Galgaduud waxaa laga soo warinayaa qabiilo kale oo iyaguna wada wada-tashiyo ku saabsan sida ay kooxda isaga dul qaadi lahaayeen.

Dadka badan oo Soomaaliyeed waxaa u muuqata in kacdoonkaan bilowga ah uu noqon karo midkii ugu dhawaa ee kooxda lagu soo afjari lahaa. Laakiin waxaa jira walaac ku saabsan waxa dhici kara haddii qabiilada waayaan garab iyo hoggaan dowladeed.

Inkastoo xanuunka qabiilka gaaray dareenka dhaqaajinaya dagaalka socda, haddana dowladda madaxweyne Xasan Sheekh waxaa aad looga cabsi qabaa inay fursadaan u dayacdo sidii loo dayacay fursadii 14-kii October.

Haddaba muxuu u baahan yahay kacdoonkaan?

Beeluhu ma heystaan hub xoog leh, rasaas ay muddo dheer ku dagaalami karaan, raashin, gaadiidka gurmadka caafimaadka, Isbitaalo iyo caawimaad diyaaradeed oo cirka ah, balse dowladda federaalka waa heli kartaa intaas.

Waxaa kaloo baahan karaa saraakiil taqaana farsamooyinka dagaalka tooska ah. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ciidankeeda lagu qiyaasaa ku dhawaad afartan kun oo askari. Dhowr jeer ayey Xasan Sheekh iyo Xamza ku celceliyeen qaadista dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab balse hadda dagaal mabda’ ku dhisan ayaa dillaacay.

Dhowr arrimood ayey dadka arrimaha dagaalka ka faalooda kusoo koobayaan waxyaabaha degdegta ah ee laga rabo dowladda federaalka ah si uusan kacdoonkaan u fashilmin.

  1. Jiheynta dagaalka

Waxay leeyihiin khubarada amniga, dowladda waxaa laga rabaa inay jiheyso dagaalkaan oo ay u sameyso magac, qorsho isku dhafan oo ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka ah iyo dajinta xeelad leh bilow iyo dhammaad.

  1. Inta laga gaarayo taas

Talooyinka la siinayo dowladda waxaa kamid ah inay bixiyo gurmadka 100% ah oo u badan hub, rasaas, daawo iyo gaadiid si aysan dadka deegaanka uga niyad jabin is difaaca.

  1. Kaalmada caalamiga ah

Dalal badan oo leh diyaarado drones ah ayaa jooga Soomaaliya. Xeel dheerayaasha amniga waxay qabaan in dowladda ku qanci karto dalalkaas inay si buuxda dagaalkaan tooska ah uga qeyb galaan.

Sidoo kale, dowladdu waxay deg deg ugu heli kartaa dagaalkaan kaalmo maaliyadeed maadaama ay adag tahay in beelaha is difaacaya dhaqaale ku filan u helaan dagaalka.

  1. Wacyiga

Xukuumadda waxay u muuqataa inaysan helin dariiq ay ku xoojiso kacdoonka socda oo aysan weli curin wax kabi kara dareenka shacabka si natiijada muuqata looga dhabeeyo.

Tani inkastoo a jiheynta qeyb ka tahay, haddana waxaa shaqo u baahan inaan la sahashan ayey leeyihiin dadka bixinaya talooyinka ku aadan inaan fursadaan la dayicin.

Arrimahaan iyo qaar kale ayaa hor yaala nidaamka madaxweyne Xasan Shiikh kuwaas oo haddii laga jiifto ka dhigan in mar kale lagu fashilmi doono in laga faa’ideysto dareenka Al-Shabaab diidka ah ee shacabka Soomaaliyeed.