31.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Maxaa xigi kara carada ka dhalatay magacaabista duqa cusub ee Muqdisho? – Faallo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ballan-qaadkii madaxweyne Xasan Sheekh ee doorashadiisa kadib hal-hayska ugu dhigay dowladdiisa ee “Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah” iyo in tareenka uu wadaha ka yahay dadka dhami qaadi karo ayaa hadda waxaa caddaaday inuu ahaa been.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu xilal kala duwan u magacaabay xubno xisbigiisa UPD ka tirsan, wuxuuna xilalka ugu muhiimsan dowladda uguna danbeeyay ee guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho uu siiyey Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale “Boorsaani”.

Magacaabista Yuusuf Boorsaani ayaa meesha ka saartay ballan-qaadkii Xasan Sheekh ee ahaa inuusan kooxdiisa ku koobi doonin xilalka muhiim ah ee dowladda, iyadoo dhismihii xukuumaddaba ay kassoo muuqatay ballan furka uu sameeyey kadib markii saaxiibadiisa muhiimka ah ay golaha xukuumadda kasoo wada muuqdeen, intii kalena ay banaanka ka taagan yihiin.

Magacaabista guddoomiyaha gobolka oo aad loo sugayay lana filayay in madaxweynihi ku qanciyo beesha Afar Galmaax oo lagu qadariyo mansabka gobolka Banaadir ayuu ka weecday, waxayna magacaabistii Sheekh Yuusuf ay dhalisay in si weyn looga hadlo baraha bulshada lana dhaleeceeyo ballan fur uu madaxweynaha ku sameeyay afarta beesha Galmaax Yoonis oo xilkaani mudneyd in markaani ay qabtaan maadaama awood qeybsiga beesha Wacbuudhan marka la fiiriyo ay beesha mudneyd.

Baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay arrintan, qaar ayaa qaba in madaxweyne Xasan inuu xilkaan kusoo celiyo mar kale Yuusuf Jimcaale inay tahay culeys iyo cadaadis xubnaha xibsiga ku saareen, balse waxaa taasi shaki gelinaya mudada ay ku qaadatay inuu magacaabo siyaasi hoso joogay sanado.

Carada magacaabistaasi ayaa sidoo kale so dedejisay in siyaasiyiinta, saraakiisha ciidamada, waxgaradka iyo aqoonyahanada beesha Galmaax Yoonis ku shiraan Muqdisho si go’aan ugu qaataan tallaabada ay ka qaadayaan Xasan Sheekh, waxaana xiisadaasi kadib ergo uu soo diray Xasan Sheekh la kulmeen waxgaradkaasi balse natiijadu noqotay mid lagu kala tago.

Si uu u qaboojiyo Xasan Sheekh xiisadaasi, wuxuu beesha u ballan qaaday xilal muhiim ah iyo darajooyin loo kordhinayo saraakiisha beesha, taasoo ay ka horyimaadeen xubnaha shirkaasi ka qeyb galay.

Guuxa iyo mucaarado badan oo ay muujiyeen siyaasiyiin ka tirsan dowladda, xildhibaano iyo qeybaha bulshada ayaa so weyn loo dareemay kadib magacaabistii Duqa Muqdisho, waxaana Muqdisho ka dhacay shirweyne ay isugu yimaadeen beelweynta Galmaax Yoonis oo madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu ku balan furay.

Waxay xubnahan tilmaameen in uu ka balan qaaday in xilkaani uu siin doono beesha Afarta Galmaax maadaama beesha Wacbuudhan awood qeybsi ahaan marka loo fiiriyo ay iyaga xiligaan xaq u leeyihiin, iyadoo laga fiirinaayo awood qeybsiga beesha Wacbuudhan oo beesha Daa’uud ku fadhido labo kursi oo ah xildhibaano heer federaal, halka beesha Galmaax iyo walaalahood Kabaale ay min hal xildhibaan ka heleen baarlamaanka federaalka, waxayna taasi wax u dhimeysaa awood qeybsiga iyo inuu jiro sedbursi madaxweyne Xasan Sheekh iska indha tiray isagoo eegaayo cadaadiska xubnaha xisbigiisa.

Xiligii adkaa ee murashaxinta ahaayeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif waxaa beesha Galmaax Yoonis lagu xasuustaa garab istaagii iyo naf hurnimadii ay u muujiyeen Xasan Sheekh, iyadoo saraakiishooda iyo ciidamadii ay hoggaaminayeen ee Badbaado Qaran ay ka difaaceen weeraradii lagu soo qaaday xiligaasi.

Saraakiishii beeshaasha Galmaax ee hor istaagay weeraradaasi waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ciidamadii Badbaado Qaran ka dhex muuqday, Mas-dile, Liibaan Maxamuud Rooble, Yaasiin Geeddi iyo Saraakiil kale.

Dhawaaqa iyo carada ka dhalatay magacaabista Guddoomiyaha gobolka Banaadir waxay keentay in Xasan Sheekh loogu yeero inuu dhexda jabay tariinkii uu sheegay in Soomaali dhan wada qaado, “Soomaali heshiis ah, dunida heshiis la ah,” balse hadda xaaladu mareyso in Abgaalkii uu ka dhashay ay dhexdooda dagaal qarka u saaran yihiin, iska daa warkooda maamul goboleedyadii dalkana oo xaaladooda mareysa inay xiriirkii u jareen wasaaradihii muhiimka ahaa ee federaalka.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir

Yuusuf Xuseen Jimcaale “ Boorsaani ayaa bishii November 2015 illaa 5-ta April 2017, waxaana sidoo kale xilligaas magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh, muddo xieedkiisii koowaad, intii uu xilkaasi hayay waxaa lagu xusuustaa inuu fuliyay mashruucii Hal dollar dalkaada ku dhiso.”

Waxaa jiro eedeymo badan oo aakhirkii markii madaxweyne Farmaajo xilka la wareegay soo shaac baxday oo ku saabsanaa muran iyo gacan ka hadal ka dhashay dhulal dan guud ah oo xiligii kala guurka ee 2016-2017 uu maamulkii gobolka ee Sheekh Yuusuf si musuq maasuq ah u iibsaday.

Dhulkaasi waxaa laga xusi karaa halkii la oran jiray Suuqii Ceel-garweyne ee degmada Howlwadaag oo lagu iibin jiray ariga, markii dambena ahaa barxad lagu ciyaaro Kubadda Cagta, dhulkaasi oo baaxad leh ayaa lagu wareejiyay shirkaddo iyo shaqsiyaad, waxaana markii danbe soo farageliyay maamulkii Madaxweyne Farmaajo oo si toos ah warqad ugu diray Yuusuf Jimcaale, sababtayna xil ka qaadistii Sheekh Yuusuf.

Waxaa kaloo xusid mudan dhulkii Terabuunka oo maamulkii gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Jimcaale bishii Dicember 2016 uu iibiyay, gaar ahaana dhulka ku yaalla inta u dhaxeysa fagaaraha Terabuunka iyo isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan. Dhulkaasi oo ka koobnaa 128 boos oo booskiiba ku fadhiyo 20×15, midkiina lagu kala iibsaday $100.000 sida ay kashiftay Caasimada Online xiligaasi (Akhri). 

Maxaa laga filan karaa hadda?

Xiligaan lama saadaalin karo halka waxqabadka cusub ee Guddoomiye Boorsaani saldhigan doono, iyo in uu waaya aragnimo intaas ugu filan u noqon doonta inuu ka gudbo qaladaadkii horay u dhacay iyo in uu qaadi doono wado cusub oo ka dhigeyso maamul hadda dhashay uu u adeego bulshada Banaadir.

Bulshada Muqdisho waa canshuur bixiyaal, haddana kuma nacfiyaan canshuurta ay bixiyaan, iyagoo aan haba yaraadee helin xaqii ay u lahaayeen inay helaan amni, caafimaad, waxbarasho iyo beled nadif ah, taas badalkeedna canshuurta ay bixyaan waxay ku muteystaan amni daro, dil, dhac iyo caddaalad daro.

Goblka Banaadir wuxuu u baahan yahay maamul dadkiisa soo doorta oo shacabka ay la xisaabtamaan. Balse ballan-qaadkii madaxweyne Xasan ee kahor doorashadiisii labaad ka dhawaajiyay wuxuu isu beddelay maamul aan la isku raacsaneyn oo colaad ka dhex dhalin kara beelaha gobolka Banaadir, kadib markii uu doortay shaqsi xigto hoosaad iyo xisbi wadaag ay yihiin.

Cali Muxiyaddiin
Caasimada Online

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno Shabaab ah

0

Beledweyn (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gorgoroo kaashanayo Ciidanka la magac baxay dib u xureynta degaanka ay si wadajir u fuliyeen howlgal qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa wuxuu si gaar ah uga dhacay dhulka buuraleeyda gobolka Hiiraan, halkaas oo a ku sugnaayeen Xubno katirsan Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa ka dhacay buurta dacaarow oo saldhig weyn ay ku lahayeen Al-Shabaab, waxaana saraakiisha ciidamada Gorgor ay sheegeen inay howlgalka ku dileen lix Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale howlgaka kusoo furtay Afar Baqol oo neef Ari ah oo afduub ahaan ay u heesteen, kuwaas oo markii hore laga qaaday dad Shacab ah.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa ballan qaaday inay howlgalada sii wadi doonaan inta ay gobolka Hiiraan ka sifeenayaan kooxda Al-Shabaab oo dhibaato xoog leh u geysatay dadka shacabka ah.

Degaano badan oo ku yaalla Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socda guluf oogan iyo howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, kaas oo ay wadaan Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka oo is abaabulay, waxaana ay la wareegeen degaano dhowr ah.

Al-Shabaab weli kama aysan hadlin howlgalkaan ay sarakiisha ciidamada dowladda sheegeen inay ku dileen 6 xubnood.

Waxyaabaha dhacaya kadib dhimashadii boqoraddii UK

London (Caasimada Online) – Boqorad Queen Elizabeth II, oo aheyd boqoraddii ugu muddada dheereyd ee taariikhda UK, ayaa shalay geeriyootay ayada 96 jir ah, waxaa sidaas ku dhowaaqay qasriga boqortooyada ee Buckingham Palace.

Wiilka ugu weyn carruurteeda, Charles oo ah 73 jir, ayaa deg deg u noqonaya boqorka, sida ku cad xeerka qarniyada soo jiray ee boqortooyada, taasi oo waa cusub u billaabeysa boqortooyada.

Queen Elizabeth ayaa aheyd boqorad tan iyo 6-dii February 1952-kii, markaasi oo ayada oo 25 jir ah ay beddeshay aabaheed Boqor George VI, waxayna xilka boqortooyada haysay 70 sano.

Elizabeth Alexandra Mary Windsor waxa ay 21-kii bishii Abriil 1926-kii ku dhalatay, guri ku yaalla nawaaxiga fagaaraha Berkeley Square ee magaalada London, iyadoo ahayd ilmihii ugu horreeyay ee u dhashay Albert, oo ahaa amiirka York, ahaana wiilka 2-aad ee uu dhalay George V, hooyadeedna waxay ahayd xaaskii hore ee Albert, taasoo ahayd Elizabeth Bowes-Lyon.

Waxyaabaha dhacaya kaddib dhimashadii Boqorada Ingiriiska:

Qasriga Buckingham hortiisa waxa lagu xardhi doonaa ogaysiiska dhimashada boqoradda, waxaana lagu daaabacay mareegta qasriga, iyada oo la isugu yeedhi doono Baarlamanka dalka Britain.

Meydka Boqoradda waxa maalmo gudahood lagu soo qaadi doonaa baabuur gaar ah, waxaana la keeni doonaa Qasriga Buckingham Palace.

Maalin kaddib dhimashada Boqoradda, golaha guddida Boqortooyada ayaa ku kulmi doona Qasriga St James’s Palace waxaanay ku dhawaaqi doonaan boqorka cusub.

Maalinta ay dhimatay boqoraddu waxay noqon doontaa maalin fasax qaran ah, siddoo kale maalinta la caleemo saarayo boqor Charles waxay noqon doontaa maalin fasax qaran ah.

Waxa hoos loo dhigay dhamaan calamada Boqortooyada Britain iyo afarta mandaqadood ee Boqortooyada Ingiriiska.

Maxaa horyaalla Madaale – Ma yahay dooqii saxda ahaa ee Muqdisho ku habboonaa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa todobaadkaan magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahn duqa magaalada Muqdisho.

Xasan Shiikh ayaa dib usoo celiyey Yuusuf Xuseen Jimcaale oo xilkaan horey usoo qabtay xilli maamuleedkii hore ee Xasan Shiikh.

Yuusuf Madaale wuxuu noqday guddoomiyihii ugu dambeeyey ee uu Xasan Shiikh u magacaabay Banaadir inti iaan loogaga adkaan doorashadii 2017 haddana uu xafiiska kusoo noqdayna isla Madaale ayaa noqday qofkii koowaad ee uu kursigaan siiyo.

Dad badan ayaa dood ka keenay inuu Xasan Shiikh dhowr bilood ka fakarayey magacaabista Yuusuf Jimcaale oo kamid ah xubnaha ugu firfircoon xisbigiisa UPD.

Dooda laga qabo go’aanka uu Madaale ku magacaabay waxaa ka xoog badan in madaxweynaha lagu duray sida uu shacabka ugu muujinayey inuu yahay in ka fakaraya wax badan oo isbadal iyo cuseeb ah.

Horey isaga iyo ra’isulwasaare Xamze 40 maalmood ayey ku qaadatay inay dhisaan xukuumad 60% xisbigooda ah. Daahintoodu waxay mar walba dhalineysay dareen ah inay wax cusub raadis ku jiraan, laakiin waxay kusoo dhamaaneysay isla xisbiga madaxweynaha ee UPD.

Guddoomiyaha todobaadkaan la magacaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale wuxuu heystaa diiwaan isku milan marka laga hadlayo shaqada gobolka Banaadir.

Kal-xukunkiisii hore dhismaha waddooyinka ayuu xoogaa wax ka qabtay, laakiin wuxuu ku guuldarestay inuu siyaasad ahaan u kobciyo gobolka oo uu matalaad u dalbo.

Inuu dhaqaalaha kobciyo, inuu dhimo lacagaha Shabaabka ka qaataan magaalada, inuu amniga wax ka qabto iyo inuu casriyeeyo hanaanka maaliyadeed ee gobolka Banaadir ayaa kamid ah waxyaabaha lagu duro kal-xukunkiisii hore.

Sidaas oo ay tahay diidmada laga qabo xilligaan aad uma xoogana. Magacaabistiisu waxay sii xoojisay inay dadku daawanayaan mid aan wax badan ka duwaneyn dowladdii hore ee madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Caqabadaha yaalo magaalada Muqdisho xilligaan iyo guddoomiye Madaale inaysan is aqrin karin ayey dadka qaarkiis qabaan , laakiin marka la eego 5 sano oo uu mucaarad ahaa iyo dhowr goobood oo uu ka iftiimiyey ciladaha magaalada waxaa jira iyaguna dad qaba inuu badali karo hab-maamulkiisii hore.

Marka loo eego farqiga u dhaxeeyo waqtigiisii hore iyo xilligaan, guddoomiye Madaale wuxuu kusoo aadayaa waqti aad xasaasi u ah. Waa xilli amni xumadu ay meel halis ah gaartay.

Madaale wuxuu imaanayaa iyadoo ay Al-Shabaab laba jibaartay lacagaha ay ka qaadato dadka gobolka Banaadir . Dekadda magaalada Muqdisho ayaa kamid ah meelaha la hadal hayo inay lacagta ugu badan kaga timaado Al-Shabaab.

Shaqo la’aanta dhallinyarada gobolka Banaadir ayaa xoogeysatay iyadoo dhinaca kale aan la inkiri karin dhibaatada dadka reer Muqdisho ee is maalgeliya kala kulmayaan ciidanka dowladda.

Guddoomiyaha dhawaan la magacaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale wuxuu imaanayaa iyadoo Muqdisho loo ogolaaday inay ka qeybgasho shirarka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada taasoo bilaabatay xilligii uu Thaabit Cabdi ahaa duqa magaalada Muqdisho.

Marxaladaan cusub Waxay dadka reer Muqdisho aad uga hadlayaan muhiimada ay leedahay matalaad ay ku yeeshaan aqalka sare iyo helista maqaamka caasimadda.

Inkastoo uusan Madaale xilli maamulkiisii hore taas gacan u qaadin, balse hadda waxay u badan tahay inuu faham badan ka heysto inaan taas laga dhuuman karin oo ay ahmiyad tahay.

Madax banaani amni ayaa kamid ah waxyaabaha ay Muqdisho naawileyso waxaana loo badinayaa inuu Madaale taa ka heli karo saaxiibadiisa xisbiga UPD laakiin inuu diyaar u yahay inuu mas’uuliyadda amniga lasoo wareego lama oga.

Maadaama aysan xiiso badan abuurin dib u magacaabista Madaale, isaga ayey hor taalaa inuu la yimaado waxqabad xiiso leh oo soo jiidan kara dareenka shacabka.

Mucaaradka Somaliland oo qorsheynaya inay qaadan saddex arrin oo waaweyn

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Mucaaridka Somaliland ayaa shaaciyay inay qorsheynayaan in maamuus ka xayuubin ku sameeyaan madaxweyne Muuse Biixi oo kala dhaxeeyo muran xoogan oo la xiriira arrimaha doorashooyinka.

Guddoomiyaha xisbiga Ucid oo warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kale sheegay in mucaaridka uu qorsheynayo banaanbaxyo waaweyn iyo inay qabtaan shir qaran oo lagu samata-bixiyo xaalada cakiran ee Somaliland.

“Bisha September haddii aan laga heshiin doorashadii madaxweynaha, Muuse madaxweyne ma aha. Waxaa noo yaalla miiska Mudaharaad, xafiisyo la tagi maayo mudaharaadka aan qabaneyno ee Madaxtooyada lagu mudaharaadaya halkay awoodu joogto.” ayuu yiri Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

“Waa la kala bixi doona haddii qalalaaso yimaado oo midnimo iman weydo. Ragga u sabcinaya Ina Biixi eega khataraha nagu waregaysan. Somaliland hore dhibaato umanu geysan ka u geysanaya ayaa ka qabaneyna ee burburinaya tacabkeena iyo midnimadeena.”

Guddoomiye Faysal ayaa sidoo kale sheegay in marnaba aysan aqbali doonin muddo kororsi ay sameeyaan Golaha Guurtida oo uu sheegay inay sharci darro ku fadhiyaan.

“In hadyad lagu siiyo kordhis yeeli mayno, himika ayaa ku leenahay dhac-dhac, dadku wey ku naceen. Rag aan dhibaato mooyi aan waxba nagu laheyn yeysan isku kaaya dirin. Si mideysan waa in aan jooji u nidhaahna.”

Ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay shacabka reer Somaliland inay meel uga soo wada-jeestaan fowdada uu wado Muuse Biixi, isaga oo tilmaamay inay iska celin doonaan Muuse iyo kooxdiisa haddii xaalku sidan uu kusii socdo.

Xog: Maxay wakiiladii ka socday Xasan Sheekh kala laabteen kulankii beesha Galmaax? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan qaatay saacado badan oo ay yeesheen siyaasiyiinta, odayaasha iyo saraakiisha ciidan ee beesha Galmaax Yoonis ee Wacbuudhan Abgaal ayaa kusoo geba-geboobay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay guriga xildhibaan Cismaan Xaadoole, ayaa waxaa ka qeyb-galay siyaasiyiin ay ka mid yihiin guddoomiyaashii hore ee gobalka Banaadir Jenaraal Muungaab iyo Cadde Gaabow, Yaasiin Maaxi, Yaasiin Geedi, Korneyl Masdile, Cusmaan Xaadoole iyo xubno kale. 

Kulanka ayaa markii hore dhexmaray siyaasiyiintan iyo xildhibaano matalayey madaxweyne Xasan Sheekh oo ay hoggaaminayeen Yaasiin Farey iyo Maxamed Cajiib oo madaxweynuhu usoo diray inay dejiyaan beesha Galmaax.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu isku dayayo inuu dejiyo xiisadda ka dhalatay magacaabista guddoomiyaha gobolka Banaadir, oo uu shalay u magacaabay Yuusuf Madaale kadib markii uu ka baxay ballan uu horey uga qaaday beesha Galmaax oo ah tan ugu badan ee degta gobolka Banaadir. 

Xasan Sheekh ayaa Yaasiin Farey iyo Maxamed Cajiib usoo dhiibay farriin aheyd in beesha Galmaax ay dejiso xiisadda islamarkaana uu xallin doono tabashada jirta.

Hase yeeshee, waxaa taas diiday beesha ayada Cusmaan Xaadoole uu ku eedeeyey madaxweynaha inuu albaabada ka xirtay oo uu diidanaa xitaa inuu la kulmo tan iyo markii la doortay, balse hadda oo uu wax walba haleeyey aysan waxba ka dhageysaneyn.

Xubno ku sugnaa kulanka ayaa Caasimada Online u sheegay inuu natiijo la’aan ku dhammaaday islamarkaana kooxdii ka socotay Xasan Sheekh ay miiska keeneyn wax aan u cuntamin beesha.

Waxaa kadib kulanka isugu haray xubnaha beesha Galmaax, oo isku raacay inaan la daalin raadinta xuquuqda beesh, waxayna eedeyn culus u jeediyeen madaxweyne Xasan Sheekh oo ballanta uga baxay.  

Ma ahan markii ugu horreysay ee Xasan Sheekh uu dagaal ku qaaday beeshan, waxaana la xusuustaa in muddo xileedkiisii koowaad uu xilka ka qaaday xubno badan oo beeshan ka mid ah sida guddoomiyihii gobolka Muungaab, safiirkii Kenya Maxamed Cali Ameeriko, safiirkii Midowga Yurub Allah ha u naxariistee Nuur Cadde iyo safiirkii Imaaraadka Carabta.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa Muqdisho ka jira dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xoogleh islamarkaana lagu diidanyahay go’aanka madaxweyne ee lagu magacaabay guddoomiyaha gobalka Banaadir, waxana laga cabsi qabaa inay ciidamo soo galaan magaalada. 
 

Boqoraddii UK, QUEEN Elizabeth II oo geeriyootay

0

London (Caasimada Online) – Boqorad Queen Elizabeth II, oo aheyd boqoraddii ugu muddada dheereyd ee taariikhda UK, ayaa maanta geeriyootay ayada 96 jir ah, waxaa sidaas ku dhowaaqay qasriga boqortooyada ee Buckingham Palace.

Wiilka ugu weyn carruurteeda, Charles oo ah 73 jir, ayaa deg deg u noqonaya boqorka, sida ku cad xeerka qarniyada soo jiray ee boqortooyada, taasi oo waa cusub u billaabeysa boqortooyada.

“Boqoradda waxay si nabdoon galabta ugu geeriyootay Balmoral [Scotland],” waxaa sidaas lagu yiri bayaan kasoo baxay qasriga Buckingham Palace.

“Wufuudda Boqorka iyo Boqortooyada waxay sii joogi doonaan Balmoral illaa caawa, waxayna London ku laaban doonaan berri.” 

Queen Elizabeth ayaa aheyd boqorad tan iyo 6-dii February 1952-kii, markaasi oo ayada oo 25 jir ah ay beddeshay aabaheed Boqor George VI, waxayna xilka boqortooyada haysay 70 sano.

Geerida ayaa lagu dhowaaqay saacado kadib markii qasriga boqortooyada ee Buckingham Palace uu sheegay in dhaqaatiirta “ay walaac ka muujiyeen” caafimaadkeeda, islamarkaana soo jeediyeen in korjoogteyn caafimaad lagu hayo.

Elizabeth, oo ah 96 jir, ayaa waxaa tan iyo bishii October ee sanadkii tegay haystay dhibaatooyin caafimaad oo ka dhigay inay ku dhibtooto inay istaagto.

Waxay ka tagtay afar carruur oo kala ah; Prince Charles, oo ah 73 jir iyo dhaxal-sugaha, Princess Anne oo ah 72 jir, Prince Andrew oo ah 62 jir iyo Prince Edward oo ah 58 jir.

Isha: AFP + VOA

Video: Hooyada Ikraan Tahliil oo farriin culus u dirtay Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada Ikraan Tahliil oo muddo sanad ka badan lagu la’yahay gacanta Hay’adda Nabad-Sugidda ee NISA oo maanta shir jaraaid qabatay ayaa madaxda dalka ka codsatay in la dardar-geliyo kiiska gabadheeda.

Qaali Guhaad ayaa sheegtay inaysan weli caddaalad helin, iyada oo xustay in madaxda dowladda cusub ay ahaayeen kuwii hore laabta ugu tumay kiiska gabadheed oo muddo badan maqan.

“Waxaa la aamusna baryahaan dowladda cusub ee timid oo og, ballan-qaaday ayaa la aamusna. Bal sug ayaa ku aamusna ee kuma aamusni in laaluush la isiiyay dulmane ayaa ahay gabadhaydii raq iyo ruux ma haayo. Qof ayaa inta uu dhinto laga samra oo la duugta,” ayey tiri.

Sidoo kale waxay Hooyada Ikraan sheegtay in dowladda cusub ay ka fileysay inay ka shaqeeyaan cadaalad u helida gabadheeda, ayada oo Madaxweynaha iyo Taliyaha NISA ka dalbatay inay dhaqaajiyaan kiiskii ay shalay u ololeynayeen cadaalad u helidiisa.

“Shalay waxaa u ololeynayseen in Ikraan cadaalad hesho oo qofkasta oo Soomaaliyeed oo cadalad daro hayso uu cadaalad helo. Wax iisoo socda waa la’ahay waxa codsanaya in wax laga qabto kiiska gabadhay waa kiis dhibaato weyn xambaarsan,” ayey tiri Hooyo Qaali.

Xasan Sheekh oo muddo kiiskan ku weerari jiray madaxweyne Farmaajo ayaa meel iska dhigay markii uu kursiga ku fariistay, waxaana ay hadda u muuqataa in qeylo dhaantiisa ay aheyd oo kaliya dano siyaasadeed.

Kiiska Ikraan oo hore dalka uga dhaliyay xiisad siyaasadeed xoogan ayaa illaa hadda meel lagu sheegin, ayada oo xilalka u sareeya dalka ay qabteen siyaasiyiintii shalay u qeylinayay in cadaalad hesho Hooyo Qaali.

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo lasoo gaarsiiyey farriin ka timid William Ruto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga guddoomay safiirka cusub ee Kenya u fadhin doona Soomaaliya, Thomas Kipkosgei Chepkuto.

Danjire Thomas ayaa madaxweynaha soo gaarsiiyey salaan iyo farriin uu kaga siday dhigiisa dalkaas, isagoo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahad-celiyey soo dhaweynta diirran ay u fidiyeen.

Sidooo kale waxa uu ballan-qaaday danjire Thomas in uu ka shaqeyn doono horumarinta iyo iskaashiga labada dal, xili ay dowladda Xasan Sheekh dib u hagaajisay xiriirkooda diblomaasiyadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa tilmaamay ahmiyadda ay dowladdiisu siineyso hagaajinta xiriirka diblomaasiyadeed, siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo ganacsi ee dalalka gobolka, taasi oo ku saleysan dheef-wadaag iyo iskaashi wadajir ah oo ku aadan xoojinta amniga, xasiloonida iyo la-dagaalanka argagixisada.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Danjire Thomas Kipkosgei Chepkuto u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka gacan-siinayso gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed, waxa uuna u rajeeyey in uu si wanaagsan uga shaqeyn doono danaha ay wadaagan labada Jamhuuriyadood ee dariska ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa xumaa sanadihii ugu dambeeyey ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, hase yeeshee Xasan Sheekh ayaa markii la doortay kadib tegay Nairobi, halkaasi oo heshiis uu kula saxiixday Uhuru Kenyatta.

Heshiiskaas ayey Soomaaliya dib ugu soo celisay qaadkii Kenya ee uu Farmaajo xanibay, halka la sheegay in Soomaaliya ay Kenya u dhoofin doonto Kalluun taasi oo aan weli dhicin.

RUUSHKA oo fariin culus u diray 3 ka mid ah maamul goboleedyada Soomaaliya

0

Moscow (Caasimada Online) – Vadim Kirpichenko oo ah wakiil ka socday dowladda Ruushka oo ka hadlayey kulan ay golaha ammaanka gelinkii dambe ee Arbacadii ka yeesheen xaaladda Soomaaliya ayaa farriin u diray Somaliland, Puntland iyo Jubbaland.

Vadim Kirpichenko ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha saddexdaan maamul in ay dowladda federaalka kala shaqeeyaan daadajinta nidaamka federaalka ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay in la ilaaliyo sharafta iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

“Waxaan aaminsanahay in loo baahan yahay in la xaqiijiyo sharafta iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayuu yiri Vadim Kirpichenko.

Danjiraha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in xukuumadda Moscow ay garab taagan tahay dowladda dhexe ee federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isla-markaana ay la yeelan doonto iskaasho dhow oo wada shaqeeneed.

Dhanka kale wuxuu soo hadal qaaday howlgallada dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan kororka weerarada ay kooxda ka fuliso gudaha Soomaaliya, wuxuuna soo jeediyey in si wadajir ah loo wajaho howlgallada lagula dagaalamayo kooxda oo ay qayb ka tahay ATMIS.

Kulanka golaha ammaanka ayaa intiisa badan waxaa diirada lagu saaray ammaanka dalka iyo abaaraha, ayada oo warbixin laga dhageystay ergeyga QM ee arrimaha Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya, xilli haatan Soomaaliya ay la daala dhaceyso culeyso kala duwan, sida xaalado bani’aadanimada oo ka dhashay abaaraha iyo dagaalka Al-Shabaab.

Sawirro: DF oo war kasoo saartay tallaabo ay qaadeen qaar ka mid ah beelaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa war-saxaafadeed laga soo saaray shirka golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu qabtay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka, Xamza Cabdi Barre oo shirka guddoomiyey.

Kulankan oo ay inta badan soo xaadireen xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa diiradda lagu saaray qorshayaasha sugidda amniga, dar-dar galinta gurmadka abaaraha iyo barnaamijka geedi socodka deyn cafinta Soomaaliya.

Ugu horreyn waxaa kulanka warbixin looga dhageystay wasiiradda Amniga, arrimaha gudaha iyo maaliyadda, taas oo ku saabsan halka ay marayaan howlaha gurmadka lagu samata bixinayo shacabka Soomaaliyeed, iyo sida ay laga maarmaan u tahay in la sii xoojiyo gurmadka si loo badbaadiyo malaayiin ka mid dadkeena oo ay saameysay abaartu.

Wasiirka Amniga gudaha ayaa warbixintiisa ku soo bandhigay xog ku saabsan howl-galladii u dambeyay ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka sameyeen dhinacyada sugidda amniga  dalka  iyo xasillinta deegaanada laga xorreeyo kooxda Al-Shabaab.

Golaha ayaa si gaar ah u boggaadiyey abaabulka Beelaha Soomaaliyeed ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kana socdo gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dhankiisa wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa warbixinta uu soo gudbiyey wuxuu diiradda ku saaray barnaamijka geedi socodka deyn cafinta Soomaaliya iyo tallaabooyinka loo baahan yahay in la qaado si looga mira dhaliyo hadafka weyn oo suurta galinaya isku filnaansho dhaqaale , sare u qaadista shaqo abuurka, soo jiidashada maalgashi caalami ah iyo dhiirri-gelinta wax soo saarka Dalka iyo horumarka bulshada.

Soomaaliya ayaa ku jirtay xaalad adag oo ka dhalatay abaaraha ka jira dalka iyo sidoo kale howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Kulan u socda siyaasiyiinta Galmaax iyo xildhibaano ka wakiil ah Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hadda magaalada Muqdisho ka socda kulan u dhaxeeya siyaasiyiinta, odayaasha, aqoonyahanada iyo saraakiisha ciidan ee beesha Galmaax Yoonis iyo xildhibaano ka wakiil ah ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka oo ka socda guriga xildhibaan Cusmana Xaadoole ee degmada Kaaraan ayaa waxaa ku sugan saraakiil ay ka mid yihiin Korneyl Masdile iyo Yaasiin Geedi oo kasoo jeeda beesha Galmaax iyo xildhibaan Yaasiin Farey iyo Maxamed Cajiib oo sida la sheegay inuu soo diray Xasan Sheekh kuna beel ah.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu isku dayayo inuu dejiyo xiisadda ka dhalatay magacaabista guddoomiyaha gobolka Banaadir, oo uu shalay u magacaabay Yuusuf Madaale kadib markii uu ka baxay ballan uu horey uga qaaday beesha Galmaax oo ah tan ugu badan ee degta gobolka Banaadir. 

Saraakiisha iyo ciidanka Galmaax oo ah kuwii ugu badnaa ciidamada Badbaado Qaran ee Xasan Sheekh ku difaacay Mirinaayo markii uu Farmaajo ku weeraray kana hortagay muddo kororsiga, ayaa ku hanjabaya inay xuquuqdooda ku dhacsan doonaan xabad. 

Korneyl Masdile, Yaasiin Geedi iyo Korneyl xildhibaan Xaadoole ayaa la rumeysan yahay inay haystaan boqolaal ciidan iyo boqolaal gawaari dagaal ah, taasi oo cabsi gelisay madaxweynaha. 

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in madaxweyne Xasan Sheekh uu markii ugu horreysay taleefon kula hadlay xalay xildhibaan Xaadoole kadib markii uu xiisadda dareemay, inkasta oo tan iyo markii la doortay uu diidanaa inuu la kulmo. 

Ka sokow in Xasan Sheekh uu xilka guddoomiyaha gobolka siiyey beesha Daa’uud oo ah seediyaashiis, haddana waxaa la sheegay in odayaasha iyo saraakiisha Galmaax ka careysan yihiin hadal laga soo xigtay Xasan Sheekh oo ahaa inuu yiri “Galmaax kuma jiro nin u qalma inuu gobolka maamulo.”

Xasan Sheekh oo siyaasadda dowladdiisa ku sheegay “Soomaali heshiis ah, dunida heshiis la ah,” ayaa hadda mareysa in Abgaalkii uu ka dhashay ay dhexdooda dagaal qarka u saaran yihiin, maamul goboleedyadii dalkana uu mar hore la dagaalay.

Wixii kasoo baxa kulankan dib ayaan idin kaga soo gudbin doonnaa Inshaa’Allah. 

Maxay beesha caalamka ka tiri safarada XASAN SHEEKH?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii kulan ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, kaas oo diirada lagu saaray, arrimaha amniga, abaaraha daran ee ka jira dalka iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Kulanka ayaa waxaa warbixin looga dhageystay ergeyga gaarka ah ee xoghahaya guud ee QM u qaabilsan Somalia, James Swan oo golaha faahfaahin ka siiyey arrimaha soo kordhay.

Swan ayaa shaaca ka qaaday in haatan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay tahay mid deggan, kuna habboon in wax laga qabto arrimaha mudnaanta u leh dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu khudbaddiisa ku soo qaaday safaradii uu galay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo boggaadiyey dadaalka uu geliyey xiriirka arrimaha dibadda.

“Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu booqashooyin badan oo dibadda ah ku tagay dalalka deriska ah iyo kuwa bahwadaagga kale oo muhiim ah oo dano laba geesood ah kala dhexeeyaan,” ayuu khudbaddiisa ku yiri Mr. James Swan.

Wakiilka QM ayaa sidoo kale intaasi kusii daray inuu ku boorinayo dowladda inay sii wado dadaalkeeda, si loo xaqiijiyo xiriir wanaagsan oo dhex mara Soomaaliya iyo caalamka.

“Waxa aan soo dhaweynayaa hindisihiisa si loo xaqiijiyo xiriir dhow oo lala yeesho dhammaan, xitaa dalalka uu xiriirka lala lahaa uu hore u xumaa. Waxaan ku boorrinayaa in ay tani sii socoto gaar ahaan kuwa deriska ah ee gobolka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday ammaanka dalka, isaga oo shaaciyey in dowladda cusub ay muhiimadda ugu weyn siisay amniga iyo sidii wax looga qaban lahaa.

“Maamulka cusub ee Soomaaliya ayaa ahmiyadda koowaad ee uu leeyahay u aqoonsaday amniga” ayuu markale khudbaddiisa ku yiri, James Swan.

Ugu dambeyn wuxuu soo hadal qaaday arrimaha bani’aadanimo, isaga oo sheegay in xaalado halis ah wajahayaan qoysas badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo ay saameyn ku yeelatay abaarta dalka oo haatan la saadaaliyey inay ka dhalan karto xaalad macluul ah.

Xog: Xasan oo dib u dhigay safarkii Sacuudiga + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib u dhigay safar uu maanta ugu ambabixi lahaa dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhow dhow Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa qorshuhu ahaa inay ka qayb-galaan shirka golaha Badda Cas iyo Gacanka Cadan oo ka dhacaya Jeddah, kaas oo furmaya 11-ka bishaan September.

Golahaan ayaa waxaa la dhisay 2020-kii, waxaana ku mideysan dalalka kulaala Badda Cas iyo Gacanka Cadan, sida Sacuudiga, Masar, Jordan, Eritrea, Yemen, Sudan, Jabuuti iyo Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Xasan ayaa beddelay qorshihiisa ku wajahnaa Sacuudiga, kadib markii shir madaxeedkaas ay dib u dhigtay dowladda Sacuudiga.

Taas beddelkeed, Xasan Sheekh ayaa 13-ka bishaan ka qeybgeli doona caleema saarka madaxweynaha cusub ee waddanka Kenya William Ruto.

Arrintaan ayaa ku soo aadeyso, ayada oo dhowaan madaxweynaha dalka Soomaaliya uu booqasho ku tegay Nairobi, halkaas oo uu heshiis kula soo saxiixday madaxweynaha xafiiska baneynaya Uhuru, ayada oo kadib dib loo celiyey qaadka Kenye ee Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa haatan xulafo la’ah labada dowladood ee Kenya iyo Sacuudi Carabiya oo ka mid ah dowladaha xiriirka wanaagsan la leh dowladda Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, safarkan ayaa noqonaya kii 9-aad ee uu Xasan Sheekh Maxamuud u baxayo, tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May, iyadoo la hadal hayo tirada safarada uu galay.

Walaac ka dhashay war ka soo baxay boqortooyada UK oo ku saabsan boqoradda

London (Caasimada Online) – Waxaa maanta sare u kacay cabsida laga qabo xaaladda boqoradda UK Queen Elizabeth II kadib markii qasriga boqortooyada ee Buckingham Palace uu sheegay in dhaqaatiirta “ay walaac ka muujiyeen” caafimaadkeeda, islamarkaana soo jeediyeen in korjoogteyn caafimaad lagu hayo.

Elizabeth, oo ah 96 jir, ayaa waxaa tan iyo bishii October ee sanadkii tegay haystay dhibaatooyin caafimaad oo ka dhigay inay ku dhibtooto inay istaagto.

Boqoradda ayaa hadda ku jirta fasax ay ugu dabaal degeyso sanad-guuradii 70-aad ee kasoo wareegtay markii ay beddeshay aabaheed Boqor George VI, 1952-kii.

Dhammaan caruurteeda oo kala ah; Prince Charles, oo ah73 jir iyo dhaxal-sugaha, Princess Anne oo ah 72 jir, Prince Andrew oo ah 62 jir iyo Prince Edward oo ah 58 jir, ayaa tegay halka ay ku sugan tahay oo ah Balmoral Scotland, sida ay sheegtay boqortooyada.

Arbacadii, boqoradda ayaa baajisay kulan ay la qaadan laheyd la-taliyeyaasheeda sare ee siyaasadda kadib markii loo sheegay inay nasato.

Taaladadii waxay qaabishay ra’iisul wasaarihii hore ee UK Boris Johnson oo xilka iska casilayey iyo ra’iisul wasaaraha cusub Liz Truss oo ay si rasmi ah u magacowday.

“Kadib qiimeyn dheeraad ah oo lagu sameeyey saaka, dhaqaatiirta boqoradda waxay walaac ka muujiyeen caafimaadkeeda, waxayna ku taliyeen in korjoogteyn caafimaad lagu hayo,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Buckingham Palace.

“Boqoradd waxay ku nasaneysaa Balmoral,” ayaa lagu yiri bayaanka.

In qasriga madaxtooyada ee Buckingham Palace uu warsaxaafadeed kasoo saaro xaaladdeeda caafimaad, waa arrin aan caadi aheyn.

“Qasriga war kama soo saaro xaaladda caafimaad ee boqoradda haddii aysan aheyn mid muhiim ah,” waxaa sidaas BBC-da u sheegay Robert Hardman oo ah qoraa iyo fallanqeeye arrimaha boqortooyada.

AFP + VOA

William Ruto oo markii ugu horreysay ka hadlay xiriirka kala dhexeeya Xasan Sheekh

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xaaladda Soomaaliya io xiriirka kala dhaxeeya madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. 

Ruto oo wareysi siiyey taleefishinka CNN ayaa xaaladda Soomaaliya ku qeexay “mid cakiran oo ay adag tahay in la bixiyo,” sida uu hadalka u dhigay, balse rajo ka muujiyey inay wada shaqeyn karaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. 

Ruto ayaa sheegay inuu horey ula shaqeeyey madaxweyne Xasan Sheekh, maadaama uu ahaa madaxweyne ku-xigeenka Kenya xilligii uu Xasan Sheekh dalka madax ka ahaa muddo xileedkiisii koowaad.

“Waxaan ku rajo weynahay inaan la shaqeyno isaga iyo beesha caalamka si aan u xalino caqabadaha ka jira Soomaaliya, si aan suurta-gal uga dhigno in Soomaaliya ay iyadu wax ka qabato walaacyadeeda amni,” ayuu yiri madaxweyne Ruto.  

Ruto oo la doortay 9-kii August ayey Maxkamadda Sare ee Kenya waxay doorashadiisa ayidday Isniintii kadib ku dhowaad muddo bil ah oo uu horyaallay kiis uu natiijada doorashada kaga horyimid musharaxii laga adkaaday ee Raila Odinga. 

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in madaxweyne Xasan Sheekh uu ka qeyb-gali doono caleemo-saarka madaxweyne Ruto oo Nairobi ka dhacay 13-ka September, lana filayo inuu wadahadal gaar ah la yeesho.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa xumaa sanadihii ugu dambeeyey ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, hase yeeshee Xasan Sheekh ayaa markii la doortay kadib tegay Nairobi halkaasi oo heshiis uu kula saxiixday Uhuru Kenyatta. 

Heshiiskaas ayey Soomaaliya dib ugu soo celisay qaadkii Kenya ee uu Farmaajo xanibay, halka la sheegay in Soomaaliya ay Kenya u dhoofin doonto kalluun taasi oo aan weli dhicin.

Waxaa hadda muuqata in cidda kaliya ee heshiiskaas ka faa’iiday ay tahay Kenya iyo shaqsiyaad iyo ganacsato ku dhow madaxweyne Xasan Sheekh oo loo xiray qaadka Kenya.

Sarkaalkii Al-SHABAAB u qaabilsanaa miinooyinka oo la soo qabtay + Sawirro

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo maanta ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Howlgallada ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey deegaanada kala ah Yaaq Bishaar, Buulaxaaji, Kanjaroon iyo Warta Biloow, oo hoostaga gobolka Jubbada Hoose.

Carab Dheeg Axmed oo ah taliyaha ururka 5-aad, guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab ayaa ka warbixiyey howlgalladaan, wuxuuna shaaca ka qaaday inay ku bartilmaameedsadeen goobo ay ku sugnaayeen xoogaga ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay inay nolosha ku soo qabtay sakaal Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka miinooyinka ee deegaannada howlgallada laga sameeyey, kaas oo uu magaciisa ku sheegay Xasan Cabdullaahi Abshir, sidoo kale ay dileen 2 xubnood oo kale.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ku guuleysteen in ay miinooyin ka soo saaraan waddooyinka isku xira deegaannada ay tageen ciidamada Kumaandooska Danab.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaas ee ay guula ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemaya gobolka Jubbada Hoose, sid a ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Howlgalladan ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii  dambe ay kordheen weerarada qaraxyada ah ee ay Al-Shabaab waddooyinka iskua xira Kismaayo iyo deegaanada hoostaga.

QM oo war ka soo saartay khilaafka DF Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo warbixin dheer siinayey Golaha Ammaanka ayaa ka hadlay xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, kadib ‘khilaaf iyo mad-madow soo kala dhex-galay’ labada dhinac.

Amb. James Swan ayaa shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in ay wada shaqeyn dhow yeeshaan dowladda cusub iyo sidoo kale dowlad goboleedyada ka jira dalka, si looga gudbo caqabadaha haatan jira oo ay ugu horreeyaan howlgallada Al-Shabaab iyo abaaraha dalka.

“Si fursadan looga faa’ideysto, mas’uuliyiinta federaalka iyo kuwa maamul-goboleedyada waa in ay si dhow isula shaqeeyaan si loo gaaro yoolalka dowladda cusub, oo ay ku jiraan ka hortago Al-Shabaab, iyo ka jawaabidda degdegga ah ee dhibaatooyinka bini’aadanimo ee sii xumaanaya,” ayuu warbixintiisa ku yiri wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in loo baahan yahay in dhinacyadu ay meel iska dhigaan arrimaha gaarka ah, kadibna ay iska kaashadaan sidii loogu gudbi lahaa xaaladda taagan.

Waxa kale oo uu ugu baaqay inay hadda xoogooda iyo dadaalkooda isugu geeyaan sidii loo samata la bixi dadka ay saameeyeen abaaraha ba’ahan ee ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha dalka.

“Waxaan ku celinayaa baahida loo qabo in dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka ay si dhow isaga kaashadaan ka hortagga al-Shabaab, iyadoo ay hagayaan ballan-qaadyada xuquuqda aadanaha ee heer gobol iyo heer caalami ee Soomaaliya,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan ay jirto xurguf siyaasadeed oo u dhexeyso dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada, kuwaas oo kala shaki iyo mad- madow soo kala dhex-galay, kadib soo dhisidii xukuumadda Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi.

Madaxweyne Erdogan: Sax ma’ahan ‘daandaansiga’ reer galbeedka ee Ruushka

0

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii sheegay in aanu u malayneyn in siyaasadaha “daandaansiga” ee reer galbeedka ee ku wajahan Ruushka ay sax yihiin, kadib markii Midowga Yurub iyo Kooxda Toddobada Waddan ay soo jeediyeen in la dhimo qiimaha gaaska Ruushka.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa mar sii horreysay ku hanjabay inuu joojin doono dhammaan gaaska haddii Midowga Yurub uu tallaabadaas qaado, taasoo sare u qaadaysa khatarta qaybinta qaar ka mid ah waddamada ugu qanisan adduunka xilliga qaboobaha.

Erdogan ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu magaalada Belgrade kula qaatay madaxweynaha Serbia Aleksandar Vucic.

“Muhiim maahan in aan magacyada kuu yeeriyo, laakiin waxaan si cad u dhihi karaa in aana u arag mawqifka ay reer galbeedku qaadanayaan inuu yahay mid sax ah,” ayuu yiri Erdogan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Belgrade.

“Maadaama ay jirto reer galbeed oo hoggaaminaya siyaasad ku dhisan daandaansi, ma dhici doonto in natiijo halkaas laga gaaro,” ayuu yiri Erdogan, isagoo intaas ku daray in dalalka kale aysan dhayalsanin Ruushka.

Vucic waxa uu sheegay in Serbia ay ka codsatay Turkiga in uu u oggolaado in uu kasoo wareejiyo Korontada laga keeno Azerbaijan,

Serbia ayaa gabi ahaanba ku tiirsan gaaska Ruushka, laakiin waxa ay doonaysaa inay kala duwanaato sahayda iyo qorshayaasha ay ku bilaabayso soo dejinta gaaska dabiiciga ah Azerbaijan sanadka 2023.

Vucic wuxuu sheegay in xilli-qaboobaha soo socda ee Yurub uu noqon karo “mid aad u qabow” sababtoo ah dhibaatada tamarta ee ka dhalatay dagaalka Ukraine. Inkastoo Belgrade ay cambaareysay duullaanka Ruushka ee Ukraine, haddana waxay diiday inay cunaqabatayn kusoo rogto Moscow.

VOA + Reuters.

22 ka mid ah shaqaalaha Hay’adda Duulista Hawada oo dacwo ka ah maareeyaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – 22 ka mid ah shaqaalaha hey’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay shaqo joojin, waxayna qabaan cabasho la xariirta xuquuqdii ay ku lahaayeen hey’adda oo aysan helin mudo ku dhow seddax sano.

Dhalinyaradaan oo ah shaqaalihii ugu horeeyey ee hey’adu ay qaadatay markii dib loo soo celiyey hawada Soomaaliya ayaa tababar kooban kadib loo kala diray gobollada dalka, balse xuquuqdii ay ku lahaayeen hey’adda ayaa ka maqan mudadaas.

Maareeyaha hey’adaas Axmed Macalin Xasan oo ah nin ay aad isugu dhowyihiin Madaxweynihii hore Farmaajo ayaa bilo ka hor dhalinyaradaan la galay heshiis, balse hadda waxay sheegeen inuu uga baxay.

Axmed Macalin Xasan waxaa la sheegay in hadda uu qortay 22 qof oo kale, kuwaas oo sida uu qorsheynayo uu ku bedeli rabo shaqaalaha hey’adda uga shaqeeya gobollada dalka, kuwaas oo seddax sano xuquuq la’aan ahaa.

Mid ka mid ah dhalinyarada shaqo joojinta ku dhawaaqday oo Caasimada Online la hadlay ayaa yiri, “Wuxuu Maareeye Axmed Macalin si cad noogu sheegay in nala ruqseynayo oo shaqaalaha cusub ee hadda uu qortay uu nagu bedelayo.”

Heshiiska ay kala saxiixdeen 22-qof ee shaqaalaha ah iyo Maareeye Axmed Macalin Xasan ayaa dhigayey in dhalinyaradaan loo dalacsiiyo shaqaale rasmi ah, maadaama ay xilli adag hey’adda u soo shaqeeyeen, xaqna u leeyihiin inay xuquuq helaan, balse hadda uu ka baxay heshiiskaas oo dad cusub uu qortay.

Qoraal dheer oo ka soo baxay shaqaalaha cabashada qaba ee hey’adda duulista rayidka u kala jooga gobollada dalka ayaa lagu bilaabay, “Waxaan halkaan kuso gudbineynaa cabasho quseysa dhamaan shaqaalaha ka holwgala gobollada dalka ee Hay’ada Duulista Rayidka Soomaliyeed (SCAA). Anagoo ka cabaneyna xuquuq la’aan iyo hormarin la’aan dhanka shaqada ah(Update Training).”

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Mudane Maareye, Maareye kuxigeen iyo dhaman Madaxda ay sida tooska ah u quseyso warqadaan cabashada ah, sida aad lawada socotaan waxaan shaqeyneynaa mudo ku dhow 3 sano, waliba si mutadawac-nimo ah, sababtoo ah mudadaas aan shaqeyneynay ma aanaan helin xaquuqdii aan mudnayn dhan kastaba.”

Dhalinyaradaan oo ku kala sugan Muqdisho iyo gobollada dalka ayaa qoraalkooda ku shaaciyey inay go’aansadeen inay sameeyaan shaqo joojin ay ku muujinayaan shacuurtooda, iyagoo u maraya sharciga hey’adda.

In ka badan afar jeer ayey qoraalkooda ku sheegeen inay inay madaxda hey’adda Emaillo u direen, iyagoo ka codsanaya in hey’adda ay ka helaan xaqa uga maqan iyo hormarinta dhanka shaqada, balse wax jawaab ah aysan ka helin madaxdooda.

Sida aad lawada socotiin waxaa nalaga Qaadey Balamo Quseeyo dhanka Shaqada ah oo ugu horeeyo Maareyaha HDRS Md Ahmed Mo’alin Hassan, Waliba iyada oo Nagala Saxiixay Heshiisyo Hordhac ah oo Cadeyna u ah inaan helno xuquuqdeena.

“Hadaba waxaan ogeysiineynaa dhamaan waaxyaha ay quseeyso warqadaan in aan sameyn doono shaqo joojin iyo banaan-baxyo aan ku muujineyno dareenkeena, Anagoo ka samay doona gobollada dalka, laga bilaabo 05/09/2022 ilaa aan ka heleyno isbadal dhab ah oo aan ku qanci karno. Shaqo joojinteenu waxay saamey doontaan xarumuha hey’addu ay ku leedahay magaalooyinka, Baydhaba, Beledweyne, Dhuusamareeb, Caabudwaaq, Kismaayo iyo Gaalkacyo,” ayaa lagu yiri qoraalka dhalinyarada.