29.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Madaxweyne Erdogan: Sax ma’ahan ‘daandaansiga’ reer galbeedka ee Ruushka

0

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii sheegay in aanu u malayneyn in siyaasadaha “daandaansiga” ee reer galbeedka ee ku wajahan Ruushka ay sax yihiin, kadib markii Midowga Yurub iyo Kooxda Toddobada Waddan ay soo jeediyeen in la dhimo qiimaha gaaska Ruushka.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa mar sii horreysay ku hanjabay inuu joojin doono dhammaan gaaska haddii Midowga Yurub uu tallaabadaas qaado, taasoo sare u qaadaysa khatarta qaybinta qaar ka mid ah waddamada ugu qanisan adduunka xilliga qaboobaha.

Erdogan ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu magaalada Belgrade kula qaatay madaxweynaha Serbia Aleksandar Vucic.

“Muhiim maahan in aan magacyada kuu yeeriyo, laakiin waxaan si cad u dhihi karaa in aana u arag mawqifka ay reer galbeedku qaadanayaan inuu yahay mid sax ah,” ayuu yiri Erdogan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Belgrade.

“Maadaama ay jirto reer galbeed oo hoggaaminaya siyaasad ku dhisan daandaansi, ma dhici doonto in natiijo halkaas laga gaaro,” ayuu yiri Erdogan, isagoo intaas ku daray in dalalka kale aysan dhayalsanin Ruushka.

Vucic waxa uu sheegay in Serbia ay ka codsatay Turkiga in uu u oggolaado in uu kasoo wareejiyo Korontada laga keeno Azerbaijan,

Serbia ayaa gabi ahaanba ku tiirsan gaaska Ruushka, laakiin waxa ay doonaysaa inay kala duwanaato sahayda iyo qorshayaasha ay ku bilaabayso soo dejinta gaaska dabiiciga ah Azerbaijan sanadka 2023.

Vucic wuxuu sheegay in xilli-qaboobaha soo socda ee Yurub uu noqon karo “mid aad u qabow” sababtoo ah dhibaatada tamarta ee ka dhalatay dagaalka Ukraine. Inkastoo Belgrade ay cambaareysay duullaanka Ruushka ee Ukraine, haddana waxay diiday inay cunaqabatayn kusoo rogto Moscow.

VOA + Reuters.

22 ka mid ah shaqaalaha Hay’adda Duulista Hawada oo dacwo ka ah maareeyaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – 22 ka mid ah shaqaalaha hey’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay shaqo joojin, waxayna qabaan cabasho la xariirta xuquuqdii ay ku lahaayeen hey’adda oo aysan helin mudo ku dhow seddax sano.

Dhalinyaradaan oo ah shaqaalihii ugu horeeyey ee hey’adu ay qaadatay markii dib loo soo celiyey hawada Soomaaliya ayaa tababar kooban kadib loo kala diray gobollada dalka, balse xuquuqdii ay ku lahaayeen hey’adda ayaa ka maqan mudadaas.

Maareeyaha hey’adaas Axmed Macalin Xasan oo ah nin ay aad isugu dhowyihiin Madaxweynihii hore Farmaajo ayaa bilo ka hor dhalinyaradaan la galay heshiis, balse hadda waxay sheegeen inuu uga baxay.

Axmed Macalin Xasan waxaa la sheegay in hadda uu qortay 22 qof oo kale, kuwaas oo sida uu qorsheynayo uu ku bedeli rabo shaqaalaha hey’adda uga shaqeeya gobollada dalka, kuwaas oo seddax sano xuquuq la’aan ahaa.

Mid ka mid ah dhalinyarada shaqo joojinta ku dhawaaqday oo Caasimada Online la hadlay ayaa yiri, “Wuxuu Maareeye Axmed Macalin si cad noogu sheegay in nala ruqseynayo oo shaqaalaha cusub ee hadda uu qortay uu nagu bedelayo.”

Heshiiska ay kala saxiixdeen 22-qof ee shaqaalaha ah iyo Maareeye Axmed Macalin Xasan ayaa dhigayey in dhalinyaradaan loo dalacsiiyo shaqaale rasmi ah, maadaama ay xilli adag hey’adda u soo shaqeeyeen, xaqna u leeyihiin inay xuquuq helaan, balse hadda uu ka baxay heshiiskaas oo dad cusub uu qortay.

Qoraal dheer oo ka soo baxay shaqaalaha cabashada qaba ee hey’adda duulista rayidka u kala jooga gobollada dalka ayaa lagu bilaabay, “Waxaan halkaan kuso gudbineynaa cabasho quseysa dhamaan shaqaalaha ka holwgala gobollada dalka ee Hay’ada Duulista Rayidka Soomaliyeed (SCAA). Anagoo ka cabaneyna xuquuq la’aan iyo hormarin la’aan dhanka shaqada ah(Update Training).”

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Mudane Maareye, Maareye kuxigeen iyo dhaman Madaxda ay sida tooska ah u quseyso warqadaan cabashada ah, sida aad lawada socotaan waxaan shaqeyneynaa mudo ku dhow 3 sano, waliba si mutadawac-nimo ah, sababtoo ah mudadaas aan shaqeyneynay ma aanaan helin xaquuqdii aan mudnayn dhan kastaba.”

Dhalinyaradaan oo ku kala sugan Muqdisho iyo gobollada dalka ayaa qoraalkooda ku shaaciyey inay go’aansadeen inay sameeyaan shaqo joojin ay ku muujinayaan shacuurtooda, iyagoo u maraya sharciga hey’adda.

In ka badan afar jeer ayey qoraalkooda ku sheegeen inay inay madaxda hey’adda Emaillo u direen, iyagoo ka codsanaya in hey’adda ay ka helaan xaqa uga maqan iyo hormarinta dhanka shaqada, balse wax jawaab ah aysan ka helin madaxdooda.

Sida aad lawada socotiin waxaa nalaga Qaadey Balamo Quseeyo dhanka Shaqada ah oo ugu horeeyo Maareyaha HDRS Md Ahmed Mo’alin Hassan, Waliba iyada oo Nagala Saxiixay Heshiisyo Hordhac ah oo Cadeyna u ah inaan helno xuquuqdeena.

“Hadaba waxaan ogeysiineynaa dhamaan waaxyaha ay quseeyso warqadaan in aan sameyn doono shaqo joojin iyo banaan-baxyo aan ku muujineyno dareenkeena, Anagoo ka samay doona gobollada dalka, laga bilaabo 05/09/2022 ilaa aan ka heleyno isbadal dhab ah oo aan ku qanci karno. Shaqo joojinteenu waxay saamey doontaan xarumuha hey’addu ay ku leedahay magaalooyinka, Baydhaba, Beledweyne, Dhuusamareeb, Caabudwaaq, Kismaayo iyo Gaalkacyo,” ayaa lagu yiri qoraalka dhalinyarada.

Muxuu yahay ballan-qaadka ay Jaamacadda Carabta u sameysay Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shalay hoygiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacada carabta u qaabilsan Soomaaliya Amb. Salah Elguneid.

Danjiraha ayaa marka hore Guddoomiyaha la wadaagay sida Jaamacada Carabta ay uga go’an tahay inay ka gacan siiyaan in xildhibaannadda Golaha Shacabka loo sameeyo aqoon kororsi, tababarada howl-wadeennadda Golaha Shacabka BJFS, arrimaha caafimaadka, iyo sidii iskaashi buuxa u dhexmari lahaa Golaha Shacabka iyo Baarlamaanka Carabta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka,Sheekh Aadan (Madoobe) ayaa  boggaadiyay dedaalada Jaamacada Carabta ay ku taageerayso Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS, kaas oo wax badan ka tari doona shaqada Golaha Shacabka, isagoo sidoo kale ahmiyad gaar ah siiyay adkeynta wada shaqeynta labada Baarlamaan iyo sidii wax badan loogu qaban lahaa abaaraha ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka.

Soomaaliya waxa ay Xubin buuxda ka tahay Ururka Jaamacadda Carabta iyada oo ku leh wakiilo si joogta ah uga qaybgala shirarka Ururkaas sida xalka xubno ay ku leedahay Baarlamaanka waddamada ku bahoobay Jaamacadda Carabta.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacada carabta u qaabilsan Soomaaliya Amb. Salah Elguneid. Danjiraha ayaa marka hore Guddoomiyaha la wadaagay sida Jaamacada Carabta ay uga go’an tahay inay ka gacan siiyaan in xildhibaannadda Golaha Shacabka loo sameeyo aqoon kororsi, tababarada howl-wadeennadda Golaha Shacabka BJFS, arrimaha caafimaadka, iyo sidii iskaashi buuxa u dhexmari lahaa Golaha Shacabka iyo Baarlamaanka Carabta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan (Madoobe) ayaa  boggaadiyay dedaalada Jaamacada Carabta ay ku taageerayso Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS, kaas oo wax badan ka tari doona shaqada Golaha Shacabka, isagoo sidoo kale ahmiyad gaar ah siiyay adkeynta wada shaqeynta labada Baarlamaan iyo sidii wax badan loogu qaban lahaa abaaraha ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka.

ONLF oo ka dacwootay warbaahinta DF Itoobiya, kadib kiis culus oo lala xariiriyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka ONLF ayaa si adag u beeniyey war lagu baahiyey warbahainta dawladda fedraalka Itoobiya, kaas oo sheegayey in ururka TPLF ee Tigray uu si wadajir ah ula shaqeeyo Al-Shabaab, Shene iyo ururka ONLF.

Madaxda sare ee ururka ONLF oo warbixintaas ka hadashay waxay sheegeen inay doonayaan in raal-igelin laga bixiyo warkii ay baahisay warbaahinta dowladda federalka Itoobiya, kaas oo been abuur ay ku tilmaantay ONLF.

Xoghayaha arrimaha fulinta ee ONLF Cabdiraxmaan Maxamed oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay in warkaas ay baahisay warbaahinta dowladda federaalka Itoobiya uu yahay xad-gudub weyn oo loo geystay ONLF, maadaama ay warbixintu sheegeysay inay xiriir la leeyihiin ururro argagixiso.

“Sida ay doontaba ha u dhacdee waa arrin qalad ah, wax ka jira lamahan, waana xad-gudub loo geystay urur gobanimo doon ah, haatana saameyn ku leh xisbiyada siyaasadda ee wadanka Itoobiya,” ayuu yiri Xoghaye Cabdiraxmaan.

Wuxuu sheegay inay diyaariyeen dacwad ka dhan ah xaqiiqada warkaas oo ay u gudbiyeen madaxda warbaahinta dalka Itoobiya, madaxda sare, qaar ka mid ah hey’adaha ammaanka iyo madasha looga arrimiyo xisbiyada qaranka Itoobiya.

“Dacwadaas kadib waxaa qoraalkii laga saaray bogagga warbaahinta dowladda, in kastoo laga saaray ma jirto wax raali gelin rasmi ah oo qaladkaas laga bixiyey, balse waan sii wadeynaa dadaalka ilaa aan ka jaaseyno cidii ku kacday falkaas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray masuulkaan u hadlay ONLF.

Sidoo kale wuxuu sheegay in hey’adaha dowladda qaar ay ka garaabeen warkaas, isla markaana ay u cadeeyeen in  siyaasadda dowladda uusan khuseyn, balse shakhsiyaadkii ku kacay loo ciqaabi doono.

Hoos ka dhageyso

Dowladda Itoobiya oo ka hortimid barnaamij ka baxay TV-geeda oo lagu weeraray DF

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Itoobiya ayaa war ka soo saartay barnaamij uu baahiyey TV-ga dowladda Itoobiya, kaas oo diiradda lagu saaray xaalaada Soomaaliya, cinwaana looga dhigay “Soomaaliya waxay soo martay dagaalka sokeeye ee ugu weyn Afrika.”

Wasaaraddu waxay qoraal ay soo saartay ku sheegtay in barnaamijkaas uusan matalin siyaasadda dawladda Itoobiya, isla markaana uusan waafaqsanayn xiriirka labada dal.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Itoobiya waxay ka war haysaa warbixinta aan saxda ahayn ee barnaamijka “ETV WORLD” ee ku saabsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taasi oo la sii daayay Talaadadii, Sebtember 6, 2022. Nuxurka Barnaamijka ma matalo siyaasadda dawladda Itoobiya, waana mid aan waafaqsanayn xiriirka labada dal,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Barnaamijkaas ayaa si gaara diirada u saarayey taariikhda Madaxweyne Xasan Sheekh, ilaa markii uu talada yimid sanadkii 2012 iyo ilaa hadda oo dib loo doortay 15-kii May 2022. Waxay warbixintu dib u gocatay xiriirkii TPLF oo markaas ka talineysay Itoobiya iyo Xasan Sheekh.

Warbixintaas waxay u muuqatay inay Xasan Sheekh u sheegeyso rabitaanka dowladda Abiy Ahmed ee ah inuu Itoobiya u muujiyo garab istaag, si loo hagaajiyo xiriirka labada dal. Balse hadda waa iska fogeysay dowladdu.

Waxay sidoo kale ka warrantay in TPLF dooneyso inuu Xasan Sheekh qaado tallaabooyin lagu wiiqi karo qaranimada Itoobiya. Iyadoo bixisay digniin ah haddii Xasan Sheekh taageero TPLF inay ka dhalan karto argixixso ka halis badan Al-Shabaab, Soomaaliyana ay ku weyn doonto dal weyn oo xulufo la ahaa.

Hoos ka aqriso warqadda

YUUSUF Madaale oo soo bandhigay 4 qodob oo uga qorsheysan G/Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu uga hadlay xilka uu maanta u magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo markii labaad u xushay guddoomiyaha gobolka Banaadir, isagoo soo bandhigay qorshihiisa.

Guddoomiyaha cusub ayaa fariin u diray shacabka gobolka Banaadir, isagoo shaaciyey inuu dib u soo celinayo halku dhigyadiisii ahaa “Hal Dollar ku dhiso dalkaaga iyo Saaxiib hagaaji hortaada.”

Sidoo kale Yuusuf Madaale ayaa balan qaaday inta uu joogo xafiiska inuu ka shaqeyn doono sidii shacabka Muqdisho ay u soo doora lahaayeen hoggaankooda iyo in gobolka Banaadir uu dowladda dhexe ka helo metelaadiisa.

“Waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Gobalka Banaadir halkan uga dirayaa salaan diiran, Intaas kadib waxaan u mahadcelinayaa madaxweynaha JFS mudane Hassan Sheikh Mohamud iyo Ra’isulwaasaraha mudane Hamza Abdi Barre oo markale fursad ii siiyay inaan shacabkeyga Gobalka Banaadir ugu adeego sida ugu mudan, uguna hufan,” ayuu Madaale ku bilaabay qoraalkiisa.

Qoraalka guddoomiyaha cusub ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan u mahadnaqaa walaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Gobalka Banaadir ee soo dhaweeyay magacaabisteyda, si aan u guto wajibaadka qaran ee la ii igmaday.”

“Walaalayaal waxaa inoo balan ah inaan dib u soo celino hindisihii weynaa ee ‘Hal doolar dalkaada ku dhiso’ ee aan jidadka magaalada ku dhisnay,” ayuu yiri.

Sidoo kale Yuusuf Madaale wuxuu sheegay inuu dib u soo celinayo qorshihii kale ee “Saaxiib hagaaji hortaada” kaas oo xiligii uu xilkaan hayey looga shaqey jiray nadaafada iyo bilicda caasimada Muqdisho.

“Waxaa intaas dheer, inaan ka dhabeyno rajadiinii eheyd inaan helno maqaamka magaalada Muqdisho oo shacabkeedu is doortaan, hadduu alle yiraahdo iyo metelaad Gobalka Banaadir,” ayuu yiri guddoomiyaha cusub ee galabta loo magacaabay gobolka Banaadir.

Xasan Sheekh ayaa sidaan oo kale 26-kii October, sanadkii 2015-kii wuxuu Yuusuf Madaale ugu magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir, waxaana April, 2017-kii xilka ka qaaday Madaxweyne Farmaajo oo soo magacaabay Thaabit Cabdi Maxamed.

Xasan ‘oo ballanta uga baxay’ beeshii uu ka ballan-qaaday xilka guddoomiyaha gobolka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka, waxgaradka, nabadoonada, siyaasiyiinta, saraakiil ciidan, haween iyo dhallinyarada beesha Galmaax Yoonis ee dagta gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedka HirShabelle oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa eedeyn culus u jeediyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Beesha Galmaax ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku eedeysay inuu kaga baxay ballaan uu ka qaaday oo aheyd inuu siin doono xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho kaasoo maanta loo magacaabay Yuusuf Madaale oo kasoo jeeda beesha Daa’uud.

Beelaha Galmaax iyo Daa’uud ayaa labaduba ka wada tirsan beesha Wacbuudhan Abgaal.

Odayaasha beeshaan ayaa sheegay inay dhawaan kulan la qaateen madaxweynaha Soomaaliya, islamarkaana uu ka ballan qaaday inuu xilkan siin doono, waxayna wax laga xumaado ku tilmaameyn ballan ka baxa uu ku sameeyey.

Beesha Galmaax ayaa sidoo kale sheegtay inay madaxweyne Xasan Sheekh garab soo siiyeen xilligii uu musharaxa ahaa, sidoo kalana ay garab istaageen waqtigii Badbaado Qaran, xilligaas oo ciidankii naftiisa badbaadiyey ay kasoo jeedaan beeshan, uuna hoggaaminayey Cusmaan Xaadoole oo ka tirsan beesha Mataan Cabdulle ee Galmaax.

“Beesha Galmaax Yoonis waxay maanta isugu timid inay ka arrinsato masiirka gobolka Banaadir, Mudulood waa gogosha Soomaaliya, haddii hoos loo dhaadhacana Galmaax Yoonis nimanka la yiraahdo waa salka ay Soomaalida wada dhiganeysay, madaxweyne Xasan Sheekh xilligiisii hore beeshaan afar jago oo muhiim ah ayuu ka qaaday halmar, waa nin walaalkeen ah dagaalkiisa kuma deg degi karno balse waxaan leenahay Allaha booska kaa qaado,” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha kulanka ka hadlay.

Nabadoon kale oo shirka ka hadlay ayaa yiri “Madaxweyne Xasanow Ilaahey wuxuu jecel yahay kuwa ballanta oofiya, dadkaan ballan ayaad ka qaatay, waad isku duceyseyn, waxaana kaa rabnaa ballantii aad ka qaaday Galmaax Yoonis.”

Odayaasha ayaa sidoo kale xusay in Beesha Galmaax Yoonis ay xisaab ahaan u leedahay guddoomiyaha gobolka Banaadir, waxayna si cad u sheegeen inaysan aqbaleyn in xuquuqdooda cid kale la siiyo.

Ma cadda sababta Xasan Sheekh ballan ka baxa u sameeyey, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu cadaadis kaga yimid dhanka beesha Daa’uud oo ah seediyaashiis, maadama xaaskiisa Sahra ay kasoo jeedo beeshan.

Beesha Daa’uud ayaa horey u haysatay xildhibaan iyo Senator, wuxuuna Xasan Sheekh ugu daray xilka guddoomiyaha gobolka, halka beesha Galmaax oo ka kooban afar jufo aadna uga badan Daa’uud ay ka haysato kaliya hal xildhibaan.

Caddaalad darrada Xasan Sheekh uu ku sameeyey beelo ka wada tirsan beesha uu ka dhashay ee Abgaal ayaa meesha ka saaraysa rajo kasta oo laga qabay inuu u caddaalad falo Soomaalida kale.

Halkaan hoose ka daawo hadalada odayaasha

Hal sano kadib markii uu ROOBLE majaxaabiyey saldanaddii FAHAD YAASIIN

0

Muqdisho (Caasimada Online) – 6-dii September 2021, si lama filaan ah ra’iisul wasaarihii hore ee dowladda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa u dhacay xeyndaabkii Fahad oo dhowr sano la geli waayey.

Dad badan ma fileyn xil ka-qaadistii uu Maxamed Xuseen Rooble ku sameeyey lama taabtaankii dowladdii hore Fahad Yaasiin Xaaji Daahir kaasoo laga eryey xilka taliyaha NISA.

In shaqada laga eryey Fahad waxaa uga xanuun badneyd inay sababtu aheyd tuhun ku saabsanaa dilkii Ikraan Tahliil Faarax oo aheyd sarkaalad ka tirsan hey’adda sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa diiday hadal ay sii deysay NISA 3-dii September 2021 kaasoo ahaa inay Al-Shabaab dileen Ikraan. Wuxuu sheegay Rooble inaysan gabadhaasi aadin dhanka Al-Shabaab, wuxuuna Fahad iyo NISA ka dalbaday inay la yimaadaan wax ummadda ku qanci karto.

Shantii September, Fahad Yaasiin ayaa farriin u muuqatay jees jees uga jawaabay dalabka ra’iisul wasaaraha taasi oo in keentay in 6-dii September shaqada laga eryo.

Madaxweynihii xilligaas Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isku dayey inuu diido xil ka qaadistaas iyo kuwa badan uma suurta gelin, wuxuuna ku qasbanaaday inuu Fahad u magacaabo la-taliyihiisa dhanka amniga.

Wixii markaas ka dambeeyey lama taabtaankii dowladda Fahad Yaasiin wuxuu noqday nin siyaasad ahaan nugul, cid walba oo dowladda ku jirta ayaana u bareertay, waxaana dharbaaxadaas lama filaan ah u xigay guuldarooyin badan oo siyaasadeed.

17-kii September diyaarad uu usoo saarnaa magaalada Muqdisho ayaa la celiyey iyadoo aan soo dhaafin Jabuuti. Dhaqanka safarada la siyaasadeeyo inuu isaga hindisay oo uu Jubbaland ku tijaabiyey ayaa la sheegaa.

Xubno xukuumaddii Federaalka ku jiray oo xogaha siin jiray Fahad ayuu eryey ra’iisul wasaare Rooble. Tallaabooyinka uu Rooble ku xidida siibay Fahad Yaasiin waa sii socdeen.

Wuxuu xafiiska Rooble ka shaqeeyey in la eryo guddoomiyihii guddiga doorashada heer federaal ee FEIT oo lala xiriirnayey inuu ku dhow yahay Fahad Yaasiin iyo xulafadiisa.

Sidoo kale, guddigii xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayuu Rooble ka eryey dhammaan xubnihii dhanka Fahad iyo Farmaajo ka socday.

Saameyntii Fahad ee kuraastii reer woqooyiga ayaa tirtiray ra’iisul wasaare Rooble, wuxuuna Fahad ku guulsareystay inuu xildhibaano u helo xubno reer woqooyi ah oo uu gacanta ku waday.

Dadka garabkiisa ka baxayo ayaa batay wixii markaas ka dambeeyey, iyadoo la aaminay in siyaasad ahaan loo jabiyey, xataa dad uu ka caawiyey inay xildhibaano noqdaan oo maamul goboleedyada qaar kasoo baxay ayaa barqo cad ka tagay Fahad kuna biiray dhinacyada kale.

Soomaaliya waa dhaqan soo jireen ah inuu markii uu siyaasi kufo laga kala tago, waxaas oo dhan waxaa ka darnaa markii uu Rooble diiday inuu Fahad xildhibaan noqdo.

Horey wuxuu Rooble u sheegay in dadka lagu tuhmayo dilka Ikraan Tahliil inuu ka hor istaagi doono inay baarlamaanka ku biiraan. Fahad oo doorasho uu marqaatiyaal badan u sameeyey ku galay magaalada Beledweyne wuxuu awoodi waayey inuu dhaafo xafiiska ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo saameyn xooggan ku lahaa dhammaan dhinacyadii go’aaminayey doorashada.

Fahad Yaasiin si uu xildhibaan u noqdo wax walba ayuu sameeyey, xataa maxkamadda sare ayuu dacwad u gudbiyey si ay kursigisia u fasaxdo laakiin waa loogaga adkaaday mana muuqan xilligaas cid diyaar u ah inay kabkiisa waqti geliso xataa garsoorayaasha maxkamadda.

Tixanihii baacsiga uu Rooble ku waday Fahad wuxuu gaaray inay cid walba ku tuhunto kiiska Ikraan Tahliil walow aysan arrintaasi maxkamadeedu billaaban.

Ugu dambeyn wuxuu Fahad marqaati ka ahaa guuldaradii saaxiibkiis Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo lagu eedeeyo inay shirko ku ahaayeen siyaasaddii hubeysneyd iyo burburinta hanaankii ay Soomaalida ku heshiisay ee federaalka.

Maxamed Xuseen Rooble inkastoo uu ku guuleystay inuu burburiyo saldanaddii eedaha badneyd ee Fahad Yaasiin, haddana lama yaqaano waxa ay taas u goyn karto mustaqbalka maadaama aad loo duro waxqabadkiisa kale.

Madaxweyne XASAN oo magacaabay guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) inuu mar labaad noqday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho. 

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu go’aankan qaatay isaga oo tixraacaya soo-jeedinta wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta. 

“Madaxweynaha ayaa ku saleeyey magacaabistan aqoonta iyo waayo-aragnimada shaqo ee uu leeyahay Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale oo horey xilkan u soo qabtay, door wanaagsanna ka soo qaatay dib u dhiska caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan horumarka Gobolka Banaadir,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxtooyada. 

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Guddoomiye Yuusuf Jimcaale in uu mudnaan siiyo qorshaha xasilinta iyo amniga caasimadda, dib u heshiisiinta, xoojinta wadashaqeynta laamaha ammaanka iyo bulshada Gobolka Baanaadir, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga, kuwaas oo dhammaantood hortabin u leh dowladda.” 

Xasan Sheekh ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, in Eebe uu u fududeeyo masuuliyaddan culus, isagoo ku adkeeyey dhammaan hay’adaha dowladda ee ay shaqo wadaagta yihiin in ay si dhow ula shaqeeyaan Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir. 

“Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa dhaqan galay, maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Arbaco, 7-da Sebteembar, 2022,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa horey usoo qabtay xilkan oo uu hayey intii u dhaxeysa 2-da November 2015 illaa 5-ta April 2017, waxaana sidoo kale xilligaas magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh, muddo xieedkiisii koowaas.

Maxay tahay farriinta culus ee dowladda ITOOBIYA usoo dirtay madaxweyne Xasan

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ee uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ayaa farriin culus u dirtay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo markii labaad xilka loo doortay, iyadoo la marsiiyey Telefishanka dowladda Itoobiya ee ETV.

Warbixin naadir ah oo looga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo hoggaanka cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu Telefishanka dowladda Itoobiya uga hadlay xaaladda Soomaaliya, waxaana warbixinta ka muuqatay dareenka ay Itoobiya ka qabto Xasan Sheekh iyo xiriirka uu hore ula lahaa Tigreega hadda dagaalka kula jira dowladda Itoobiya.

Warbixinta laga sii daayey Telefishinka dowladda Ethiopia ETV oo lagu diyaariyey luqada Ingiriiska ayaa diiradda lagu saaray Xaalaada Soomaaliya, waxaana cinwaan u ahaa “Soomaaliya waxay soo martay dagaalka sokeeye ee ugu weyn Afrika”.

Waxaa si gaara looga hadlay taariikhda Madaxweyne Xasan Sheekh, markii ilaa markii uu talada yimid sanadkii 2012 iyo llaa dib u doorashadiisii15 May 2022. Waxay warbixinta dib u gocatay xiririkii TPLF oo markaas ka talineysay Itoobiya iyo Xasan Sheekh.

Warbixinta waxay u muuqatay inay Xasan Sheekh u sheegeyso rabitaanka dowladda Abiy Ahmed ee ah inuu Itoobiya u muujiyo garab istaag si loo hagaajiyo xiirirka labada dal. Waxay sidoo kale ka warrantay in TPLF dooneyso inuu Xasan Sheekh qaado tallaabooyin lagu wiiqi karo Qaranimada Itoobiya.

Waxay bixisay digniin ah haddii Xasan Sheekh taageero TPLF inay ka dhalan karto argixixso ka halisbadan Al-Shabaab, Soomaaliyana ay ku weyn doonto Dal weyn oo xulufo la ahaa.

Arrintan ayaa loo arkaa caddeyn kale oo muujineysa in Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu shaki weyn ka qabo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, isagoo aan ka jawaabin safar uu Madaxweynaha Soomaaliya doonayey inuu ku tago dalkaasi, markii xilka loo doortay.

Hoos ka daawo warbixintan

Xigasho: Goobjooge.net

Xog: Madaxweyne XASAN SHEEKH oo u baxaya safar kale oo dibadeed + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa dhowaan ku wajahan waddanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa magaaladda Jeddah waxa ay uga qeyb galayaan shirka Golaha Badda Cas iyo Gacanka Cadan oo ka dhacaya gudaha magaladaasi.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu khudbad muhiim ah ka jeediyo shirkan oo ay ka qayb-geli doonaan madax kala duwan oo ka socda dowladdo dhowr ah.

Golahaan ayaa waxaa la dhisay 2020-kii, iyada oo ay ku mideysan yihiin dalalka kulaala Badda Cas iyo Gacanka Cadan, sida Sacuudiga, Masar, Jordan, Eritrea, Yemen, Sudan, Jabuuti iyo Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kulamo duceedyo la yeelan doonaan hoggaamiyeyaasha ka soo qayb-galayo shirka iyo madaxda dalka Sacuudiga, isaga oo kala hadli doono arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan abaaraha ka jira dalkeenna.

Sacuudiga ayaa ka mid ah dalalka sida u dhow u taageero dowladda federaalka aha ee Soomaaliya, isaga oo dalka ka fuliyo mashaariicyo kala duwan oo hormarineed.

Safarkan ayaa noqonaya kii 9-aad ee uu Xasan Sheekh Maxamuud u baxayo, tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May, iyadoo loo hadal hayo tirada safarada uu galay madaxweynuhu.

Aqalka Cad oo soo saaray WARBIXIN walaac leh oo ku saabsan Soomaaliya (Aqriso)

0

Washington (Caasimada Online) – Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay xaaladda Soomaaliya oo laga cabsi qabo inay dhammaadka sanadkan ka dhacdo macluul.

Jake Sullivan, oo ah La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweyne Joe Biden, ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay aad uga walaacsan tahay warbixinta guddiga dib u eegista macluusha QM oo saadaalisay in Soomaaliya ay macluul ka dhici karto inta u dhaxeysa October illaa December 2022.

“Maraykanku waxa uu aad uga walaacsan yahay saadaashan xun iyo baaxadda baahida weyn ee ka jirta Soomaaliya iyo gobolka oo dhan,” ayuu yiri Sullivan oo war-saxaafadeed soo saaray.

“Macaluushan laga yaabo inay dhacdo ayaa ka dhalatay arrimo isbiirsaday. Isbeddelka cimilada waxa uu sii wadaa inuu burburiyo gobolka, oo ay ku jirto abaartii ugu xumayd ee Geeska Afrika ka dhacda muddo 70 sano ah. Gobolku wali kama soo kaban saamaynta xun ee cudurka COVID-19. Waxaa intaas dheer, duulaanka buuxa ee Ruushka ku qaaday Ukraine wuxuu kordhiyey qiimaha cuntada, bacriminta, iyo shidaalka, taasi oo sii xumaynaysa baahida bani’aadaminimo, kana dhigay in gargaar la sameeyo mid qaali ah,” ayuu yiri Sullivan.

“Ku dhawaaqid macluul waa mid naadir ah, waxayna dhacdaa kaliya marka dadku ay la kulmaan nafaqo-darro aad u xooggan, gaajo iyo dhimasho.”

Sullivan waxa uu sheegay in Mareykanka uu si degdeg ah u xoojiyay dadaallada gargaarka si uu u bixiyo gargaar degdeg ah, oo ay ku jiraan cunto la siiyo in ka badan 3.5 milyan oo wajahaya nafaqo-darro, gaajo iyo cuduro dillaacay.

La-taliyaha Amniga Qaranka madaxweyne Biden waxa uu sheegay in Mareykanka uu sanadkan bixiyey $706 milyan, taasi oo ah kala bar dhammaan deeqda ay caalamka oo idil ku bixiyeen gargaarka bani’aadaminimo ee Soomaaliya illaa hadda sanadkan 2022.

“Nasiib darrose, weli maynaan arag deeq-bixiyeyaal kale oo ku kordhiyey tabarucaad dheeri ah oo la taaban karo, gargaarkuna ma daboolin heerarka baahida sii kordheysa. Waxaa lama huraan ah in beesha caalamku ay si degdeg ah ugu dhaqaaqdo si loo badbaadiyo nolosha loogana hortago in saadaashaasi ay noqoto mid dhab ah,” ayuu yiri.

Nabadgelinta Soomaaliya: Hiigsasho cadaalad iyo amni u ah dhamaan Soomaalida

0

Warsaxaafadeed
September 7, 2022
Kismaayo, Soomaaliya

Soomaaliya wa dal kasoo kabanaya xasilooni darro sanado badan ka jirtay. In kastoo horumar muuqda oo dhinacyo badan taabanaya la gaaray, hadana xasiloonida Soomaaliya weli caga badan kuma taagna, muwaadiniinta ay ka mid yihiin dumarka, dhalinyarada iyo dadka lahayb sooco na ma haystaan amni iyo garsoor laysku hallayn karo ama loo simanyahay. Sidaa darteed, waxaa la aaminsanyahay in amniga oo kor loo qaado, iyo arrimaha garsoorka oo la tayeeyo ay muhiimad gaar ah u leeyihiin aas aasida nabad waarta oo dalka ka hirgasha.

Daahfurka mashruuca Nabadgelinta Soomaaliya ee maanta wuxuu bilow u yahay dadaal dheer oo ujeedkiisu yahay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si dhab ah talo ugu yeeshaan go’aamada lagu horumarinayo adeegyada garsoorka iyo amniga si loo helo hanaan iyo nidaam garsoor iyo amni oo ka tayo sarreeya kana cadaaladsan, suurta gelin karana isla xisaabtan. 

Todobada sano ee nagusoo aadan, marshuuca Nabadgelinta Soomaaliya wuxuu taageero u fidin doonaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool degaanada mashruucu ka hawl gelayo si ay u tilmaamaan una qodobeeyaan caqabadaha hortaagan in la helo amni iyo garsoor laysku hallayn karo, isla markaanaa ay si wadajir ah usoo jeediyaan xuluusha ku haboon ee hay’daha adeega bulshada bixiyaa ay ku tayayn karaan korna ugu qaadi karaan adeeg wax tarleh oo abuura kalsooni shacab oo ku aadan nidaamka amniga iyo garsoorka baahsan.

Mashruuca Nabadgelita Soomaaliya wuxuu bilowgaba ka hawl geli doonaa degmooyin dhowr ah (laba degmo Dawlad Goboleedkiiba) oo ka mid ah degmooyinka labada Dawlad Goboleed ee Koonfur Galbeed iyo Jubaland. Sida loo dooranayo degmooyinka hawlgalka mashruuca Nabadgelinta Soomaaliya lagu bilaabayo waxay ku imaanaysaa ka baraandegid, qiimeyn, iyo wada-tashi lala yeeshoo hogaanka siyaased ee Dawladaha Federalka ee Jubaland iyo Koonfur Galbeed. Hawlgalka mashruucu wuxuu gaari doona degmooyin kale oo ka tirsan isla labadaa Dawlad Goboleed. Xulushada degmooyinka mar walba waxaa lagu salayn doonaa wax ka barashada iyo khibradaha laga kororsaday shaqooyinka bilowga ah ee laba, labada degmo laga qabtay, iyadoo isla markaana la eegayo in loo heli karo miisaaniyad shaqada lagu fuliyo. 

Mashruuca waxaa fulin doona tiro hay’ado Soomaaliyeed iyo kuwa caalami ah oo iskaashan doona, ayna ka mid yihiin: Asal iyo Saferworld, Equal Access International, Perspective Media, BBC Media Action, Somali Women’s Study Centre, Itad, Altai. Hey’ada UNOPS ayaa ah agaasinka maaliyada mashruuca.

Si mashruucu u taageero fududeynta adeega garsoorka iyo amniga, dadweynahana ugu sahlo inay la xisaabtamaan mas’uuliyiinta iyo hawl-wadeenada bixiya adeega amniga iyo garsoorka, waxaa mashruuca hagi doonaa todobadan (7) tiir: 1) inuu deegaan gaar ah dhibka ka jira xal u raadiyo, 2) inuu xaaladaha jira la qabsan karo, kartina u yeelan karo inuu la jaanqaado, 3) inuu wada-shaqayn dhab ah kasban karo, 4) inuu dadka saamaynta leh (heer dawladeed iyo heer bulshaba) la fal geli karo, 5) inuu dersi karo, fahmi karana caadooyinka iyo dhaqamada degaanka iyo is-bedelkoodaba, 6) inuu si loo dhanyahay oo aan cidna laga tegin u hawgalo, 7) iyo inuu (wa tan ugu muhiimsane) ku qotomo kuna shaqeeyo xayndaabka mabaadiida Islaamka iyo dhaqanka suubaan ee Soomaaliyeed.

“Nabadgelinta waxay taageeri doontaa abuurista goobo iyo fursado kala duwan si dadka iyo dowlada ay si wadajir ah u horumariyaan una tijaabiyaan xalka dhibaatooyinka muuqda iyaga oo ka faa’iideysanaya xoogga bulshada, agabka iyo adkeysiga wadajirka ah si loo gaaro isbedel waara”, – waxaa yiri Agaasimaha Amniga iyo Caddaaladda hey’ada UNOPS Somalia Katrina Aitken-Laird. 

Hadafka Nabadgelinta Soomaaliya waa inuu wax ku biiriyo sidii ay u xalismi lahayd caqabadaha sida gaarka ah u haysta adeega garsoonka iyo aminga, weliba kuwa mudnaanta u leh dadka Soomaaliyeed ee ku nool degaamada mashruucu ka hawl-galayo, isla markaana uu mashruucu ibo-fur ama bilow khayr u noqdo is-bedel wanaagsan oo saamayn balaaran oo nidaami ah ku yeesha siyaasadaha iyo qaababka loo hirgeliyo mashaariicda horumarinta taasoo ku imaanaysa adeegsiga aqoonta, iyo saamaynta siyaasadeed iyo bulshaba. 

Wixii macluumaad dheeraad ah fadlan la xiriir:
[email protected]
+252610937348/+254710330200

Wararkii ugu dambeeyey ee dilal ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilal qorsheysan oo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay gudaha magaalada Muqdisho iyo duleedka, kuwaas oo loo geystay askar ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dilka koowaad ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay xaafadda Baar-Ubax ee magaalada Muqdisho, kaas oo loo geystay askari lagu magacaabi jiray Liibaan Xaabsey oo ahaa askari ka tirsanaa milatariga Soomaaliya, sida ay inoo sheeg ilo dadka deegaanka ah.

Marxuumka ayaa sidoo kale waxa ay walaalo ahaayeen guddoomiyaha maamulka degmada Warta Nabadda Seynab Xaabsey, waxaana xilliga la dilayey uu sii galiyey gurigiisa.

Kooxda dilka fulisay oo ku hubeysneyd bistoolad ayaa goobta isaga baxsatay, waxaana meesha gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale dilka labaad oo isna loo geystay askari ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka ayaa ka dhacay deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan halka loo yaqaano Macaani oo ka tirsan deegaankaasi.

Askariga la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Daahir Jareer, wuxuuna deganaa isla deegaanka Garasbaaley oo maanta lagu khaarijiyey.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ragga dilay marxuumka ay sidoo kale horey uga sii qaateen qoraygii uu watay iyo booshash, kadibna ay goobta isaga dhaqaaqeen.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dilalka qorsheysan ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho iyo duleedka.

Dhacdooyinkan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya magaalada Muqdisho, kuwaas oo aad u soo kordhayey maalmihii la soo dhaafay.

Ukraine oo shaacisay inay badbaadineyso Soomaaliya

0

Kyiv (Caasimada Online) – Madaxweynaha waddanka Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa ku dhowaaqay inay garab istaagi doonaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, xilli ay haatan la daala dhacayaan abaar daran oo ku dhuftay koonfurta & bartamaha dalka.

Zelensky ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisu ay sii wadi doonto in waddamada ay saameeyeen abaaraha oo ay ku jirto Soomaaliya ay ku bad-baadiyaan Qamadigooda

Sidoo kale wuxuu ballan-qaaaday in todobaadyada soo socda ay Soomaaliya soo gaarsiin doonaan 28,600 oo tan oo Qamadi ah, si loogu badbaadiyo nolosha dadka tabaaleysan.

Inkastoo uu dagaal ka socdo dalka Ukraine ayaa haddane madaxweyne Zelensky wuxuu tilmaamay in aysan hor istaagi doonin in wadamada kale ay u dhoofiyaan Hadhuudhkooda.

“Ukraine waxa ay ka qayb qaadaneysa badbaadinta guud ahaan caalamka, Maraakiib gargaar wada ayaan u diri doonaa Afrika, 28,600 oo tan oo Qamadi ah ayaa saaran oo waxa ay todobaadyada soo socda tagi doonaan Soomaaliya, Qaramada Midoobay waxa ay bixisay saadaal halis ah oo u baahan in lala dagaalamo waa in ay macluul dhici karto dhammaadka sanadkaan” ayuu yiri madaxweyne Volodymyr Zelensky.

Ukraine ayaa dhowaan billowday in Qamadiga dalkeeda loo daabulo Dunida inteeda kale, si wax looga qabto abaaraha ka jira dalal ka tursan Qaaradda Afrika qeybo ka mid ah Aasiya.

Shixnaddii u horreeysay ee Qamadiga Ukraine ayaa sidoo kale waxaa dhowaan la geeyey dalka Jabuuti, ayadoo loogu talo galay abaaraha ka jira dalkaas iyo sidoo kale Itoobiya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan waxaa jira xaalado bani’aadanimo oo aad u daran, ayadoo QM ay saadaalisay inay macluul ku dhufan karto dhammaadka sanadkan 2022-ka.

Khilaaf culus oo hareeyey shirkii Muqdisho uga socday DF iyo dowlad goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa shirweyne magaalada Muqdisho uga socdo wasiirka maaliyadda dowladda Soomaaliya iyo wasiirada maaliyadda dowlad goboleedka dalka, kaas oo looga hadlayo arrimo xasaasi ah.

Shirkan oo soo billowday Isniintii ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta la soo xiro, balse waxaa jira khilaaf culus iyo doodo hareeyey qodobada laga wada-hadlayo.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in haatan shirka uu galay marxalad adag, isla-markaana la’isku mari la’yahay qaar ka mid ah qodobada miiska saaran.

Sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa in shirkani uu ku soo dhammaado natiijo la’aan, haddii aysan isbedel iyo tanaasul sameyn dhinacyada ka socdo dowladda dhexe & maamullada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online doodaha ugu adag ayaa waxa ay ka taagan yihiin, sida loo qeybsanayo deeqaha ka yimaada caalamka, ayada oo wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada ay ku eedeynayaan dowladda dhexe inay isku keli yeeleyso deeqaha la helo.

Dowladda dhexe ayaa dhankeeda ku doodayso in lacagaha deeqaha ah loo qaybsado si siman, halka dowlad goboleedyada dalka ay ku taagan yihiin qoondadii hore ee 60/40, taas oo ay markii hore dowladda federaalka ah ee Soomaaliya qaadan jirtay qoondo ah 40%.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse arrimahahaan ayaa ku soo aadayo, iyada oo dhowaan wasiirada maaliyadda ee 5-ta dowlad goboleed ay ku dhowaaqeen go’aan wadajir ah oo ay ku sheegeen inay xiriirka ugu jareen wasiirada maaliyadda ee dowladda dhexe.

Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbeddel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii May, taas oo kadib keentay inuu khilaaf ka dhasho dhismaha dowladda cusub ee Madaxweyne Xasan, ka gadaal markii ay xukuumadda cusub ka horyimaadeen qaar ka mida maamullada dalka.

Wasiir Falagle: Kooxda Al-Shabaab waxay billowday DAGAAL isir naceyb ah

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Shire Falagle ayaa ka warbixiyey dagaallada culus ee ka socda deegaannada maamulkaasi ee uu dhexeeyo Al-Shabaab iyo sidoo kale dadka deegaanka.

Wasiir Falagle ayaa shaaca ka qaaday in gulufka kooxda Al-Shababa uu hadda ka duwan sidii hore, isla-markaana ay billowday dagaal isir naceyb ah oo ay ku heyso dadka degan deegaannada Galmudug iyo HirShabelle, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Galmudug iyo HirShabelle ay Al-Shabaab ka sameeyeen wax aan horey loo arag ayna gubeen xoolihii iyo guryihii dadka.

“Dadka deegaanka deggan ee nimankaas magacaas wataahi waxay hadda adeegsadeen inay isir la dagaalan, dadku meel ay joogaanbo qoryihii ayey qaateen. Gulufka hadda jiraahi mid horey loo arkay ma’aha sababtoo ah wax aan horey loo arag ayey deegaannadaan ka sameeyeen” ayuu yiri wasiirka warfaafinta dowla goboleedka Galmudug.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dadka ku dhaqan deegaannada maamullada Galmudug ay ula dagaalamayaan hayb ahaan, si loo baabi’iyo.

“Dagaalku haddii uu ahaan jiray Al-Shabaab iyo dowladda hadda sidaas ma’ahan waxaa haatan Al-Shabaab ay ka shaqeeyeen inay dadka degan Galmudug ay ula dagaalaan hayb qabiil oo dadka xoolahoodii iyo guryahoodii lagu gubay,” ayuu markale yiri wasiir Falagle.

Ugu dambeyn wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug ayaa hoosta ka xariiqay in ka maamul ahaan ay garab taagan yihiin shacabka, si looga hortego duulaanka Al-Shabaab.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, iyadoo dagaallo culus oo u dhexeeyo Al-Shabaab qabiillada gaar ee degga gobollada Galgaduud iyo Hiiraan uu ka socdo gobolladaasi, kaas oo saameyn ku yeeshay deegaanno uyo degmooyin ka kala tirsan maamullada Galmudug & HirShabelle.

Macallimuu oo shaaciyey arrin halis ku ah amniga iyo DAGAALK Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa warbixin ka soo saaray xaaladda ammaan ee dalka, gaar ahaan kan Muqdisho iyo sidoo kale dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Macallimuu ayaa shaaca ka qaaday sababta ugu weyn ee hortaagan in la xasiliyo amniga caasimada, sidoo kalena laga adkaado Al-Shabaab oo weli dagaal ka wada dalka.

Xidlhibaanka ayaa sheegay in hubka ugu badan Soomaaliya uu yaallo gudaha Muqdisho, isla-markaana ay heystaan dad gaar ah, taas oo uu tilmaamay inay halis ku tahay amniga.

“Hubka ugu badan Soomaaliya waxaa u yaallaa Muqdisho iyo duleedkeeda. Rag baa waxa ay ka hadlaan oo shaqsi ahaan u leh 50 -70 PKM ( Qoriga Dabajeexa loo yaqaan ee darandooriga u dhaca) iyo Baasuukayaal (RPG-7) tiradaa ka badan,” ayuu qoraalka ku yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmamay in inta ay taasi jirto in aan la sugi karin amniga, Al-Shabaabna aan lala dagaalami karin, sida uu hadalka u dhigay.

“Kuwa ayaa marka dad laga xiro ama marka ay wax qoonsadaan tikniko soo kacsada. Inta hubkaas Xamar dhex ceegaago amni lama xasilin karo,  Shabaabna lagama adkaan karo.”

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday dagaallada haatan ka socoda gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee u dhexeeya qaar ka mid ah qabiilada daga halkaas iyo Al-Shabaab, isaga oo ku baaqay in si wadajir ah loola dagaalamo kooxda, balse aan lagu fiirsan qabiilo gaar ah.

“Qabiillo gaar ah in kaligood ay Alshabaab la dagaalamaan waa huri waa ee sax maaha , sababtoo ah waa argagaxiso abaabulan oo arxan aan laheyn kuwaas oo shacabka Soomaaliyeed ka baada lacago xad dhaaf ah,” ayuu markale qoraalkiisa sii raaciyey.

Xildhibaan Macallimuu ayaa si gaar ah u carab baabay beelaha haatan Al-Shabaab kula dagaalamaya Hiiraan iyo Galgaduud, wuxuuna dhanka kale fariin u diray beelaha kale.

“Saleebaan kaligii Galgaduud iyo Mudug in uu Shabaab kula dagaalamo dow maaha. Waa in ay iyaguna dagaalka ay ku biiraan Ceyr, Sacad, Duduble, Mareexaan, Dir, Mursade iyo Abgaal Waqooyi. Hiiraan Xawaadle kaligii in Shabaab uu la dagaalamo sidoo kale sax maaha. Waa in qabaa’ilka kale ee Hiiraan sida Gugundhabe, Gaaljecel , Dir (Surre) , Ujeejeen, Reer Owxasan iyo Jareer Weyne ay dagaalka galaan oo reerkii culeys uu fuulo loo ciidamayaa,” ayuu warbixintiisa ku yiri xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Ugu dambeyn wuxuu dowladda Soomaaliya ka dalbaday inay doorkeeda qaadato, isla-markaana ay hoggaamiso dagaallada haatan ka qarxay HirShabelle iyo Galmudug

“Dowladdu waa in ay hoggaanka dagaalka qaadataa oo taageero ciidan iyo saanadba ay ku taageeraan dagaalka soconaya,” ayuu warbixintiisa ku soo gabagabeeyey Macallimuu.

Fiqi oo soo saaray warbixin dhameystiran oo ku saabsan dadaallada ay waddo DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa faah-faahin ka bixiyey dadaallada ay waddo Dowladda iyo goobaha ugu daran ee saameynta ay ku yeelatay abaartu.

Wasiirka ayaa sheegay in abaartani ay tahay tii ugu darnayd muddo 40 sanno ah,  taas oo saameysay dad gaaraya 6.9 milyan qof oo u dhiganta 42% guud ahaan dadka dalka ku dhaqan, isla markaana ay ka barakicisay deeganadoodii 894 kun oo qof, si ay u helaan biyo iyo baad, halka 1.5 milyan caruur ahi la ildaran yihiin nafaqo darro ba’an.

“In kastoo guud ahaan dalka ay si siman u saamaysay abaartu haddana xogta ay Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS) hayso waxaa ka mid ah dhulka ay ku dhaqan yihiin xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda gobollada Bay iyo Bakool, reer miyiga gobolka Gedo, deegaannada Cadduunka iyo Hawdka ku yaal gobollada Hiiraan, Galguduud, Mudug, Nugaal, Sool iyo Togdheer,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Fiqi ayaa tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya ay qaaday tallaabooyin wax lagaga qabanayo xaaladda abaaraha, sida in Disembar 2021, Golaha XFS ay ku yabooheen in bil walba 20% laga jari doono mushaharaadkooda, taasoo lasii joogteeyey, hadana maraysay $750,000 , kulamo kaalmo loogu raadinayo dadka ay saameysay abaarta oo lala yeeshay beesha caalamka iyo tallaabooyin kale oo lagu dardargelinayo.

“Janaayo-Abriil 2022, DFS waxay qabatay shirar lala yeelanayo Deeqbixiyaasha, Ururrada Bulshada Rayidka, Ganacsatada iyo Culimada Soomaaliyeed si loo dardargelinayo gurmadka Abaaraha inta aysan xaaladdu sii xumaan. Waxaana la bilaabay in raashin loo qaado magaalooyinka qaar.Maajo-Luulyo 2022 Madaxweynaha DFS waxa uu u magacaabay Ergayga Gaarka ee gurmadka Abaaraha, halka ay DFS ka heshay dawladda UAE $9.6 milyan oo loogu talogalay gurmadka Abaaraha, iyadoo tan iyo bilowgii gurmadka Abaaraha 3,200 tan oo raashin ah la gaarsiiyay dad ku dhow nus malyuun qof,” ayuu intaas ku daray wasiiirku.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macalin Fiqi, ayaa xusay in Agoosto-Sibtember 2022 ay DFS dib u hawlgelisay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka, iyadoo la asaasaasay Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha oo ka kooban 16 xubnood oo isugu jiray Wasiiro, Culimo, Ganacsato iyo Bulshada rayidka, xoghayna u tahay Xarunta Qaran ee Hawgallada Gurmadka Degdegga ah (NEOC).

“Isbuucan waxay DFS udirtay raashin 50 tan ah oo loogu talo galay 2,100 qoys oo ku sugan goobaha looga baqayo in nafaqo darro ka dilaacdo, iyadoo degmooyinka qaar la siiyay dhaqaale ay dib ugu hagaajistaan ceelasha biyaha ay ka cabi jireen.DFS waxaa ka go’an hawlaha xoojinta iyo dardargelinta dadaallada gurmadka abaaraha si loo samata bixiyo Bulshada Soomaaliyeed ee la ildaran masiibada abaarta.”

Ugu danbeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhammaan Bulshada Soomaaliyeed, Saaxiibada Soomaaliya, Beesha Caalamka iyo Deeq-bixiyeyaashaba in loo kaco sidii loogu gurman lahaa bulshada u tabaalaysan saameynta abaaraha.

Golaha Ammaanka ee QM oo kulan ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya

0

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa gelinka dambe ee maanta kulan deg-deg ah ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya, kaas oo looga hadlayo arrimo ay ka mid yihiin abaaraha ka jira dalka iyo ammaanka guud.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa goluhu ay isaga xog wareysan doonaan arrimaha bani’aadanimada ee ka dhashay abaaraha iyo dagaalka lagula jro Al-Shabaab.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska UNSOM wuxuu kulanka bilaabanayaa 5:00 galabnimo ee xilliga Muqdisho, ayadoo si toos ah loo daawan doono.

“Kulanka ayaa bilaabanaya 5:00 galabnimo (xilliga Muqdisho) waxaana si toos ah uga daawan kartaa halkan” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska QM ee UNSOM.

Sidoo kale waxaa kulanka inta uu socdo warbixin looga dhageysan doonaa ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay James Swan, ku-simaha ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Fiona Lortan iyo ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Annette Weber, sida markale lagu shaaciyey qoraalka UNOSOM.

“Waxaa ka mid ah xubnaha warbixinta siinaya kulanka Golaha Ammaanka, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan,” ayaa markale lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Si kastaba, kulanka Golaha Ammaanka ayaa uu kusoo aadaya, xilli ay haatan Soomaaliya ka jirto xaalad adag, iyada oo la saadaalinayo macluul iyo dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab.