29.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Dagaal caawa ka socda duleedka degmada Maxaas iyo wararkii u dambeeyey ee kacdoonka Hiiraan

0

Maxaas (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Hiiraan waxay sheegayaan in galabta maqribkii uu dagaal xoog leh dib uga qarxay degaan hoos taga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya dadka deegaanka iyo kooxda Al-Shabaab, waxaana caawa degaano badan oo hoos taga Maxaas ka jirta dhiilo colaadeed oo aad u culus.

Degaanka uu dagaalkani caawa ka socdo waxaa lagu magacaabaa Ceeley, wuxuuna 28-KM bari ka xigaa degmada Maxaas gobolka Hiiraan.

Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ay dad iyo xoolo ka afduubteen meel aan ka fogeeyn halka lagu dagaalamayo caawa.

Abaabul xoogan oo dadka deegaanadaas ay sameynayaan ayaa caawa socda, sida ay noo sheegeen qaar kamid ah odayaasha deegaanka ee abaabulka wada oo Caasimada Online la hadlay.

Wixii ka dambeeyey markii ay Al-Shabaab laayeen dad shacab ah oo isaga safrayey magaalooyinka Beledweyne iyo Maxaas, Sabtigii todobaadkaan, waxaa xoogeystay gulufka dagaal ee dadka deegaanadaas ay ku wajahayaan Al-Shabaab.

Dagaaladii ugu cuslaa ayaa tuulooyin badan oo hoos taga Maxaas ka dhacay 48-kii saac ee lasoo dhaafay, waxaana la sheegay in dagaalka ay ku gacan sareeyaan dadka deegaanka oo si aan kala joogsi laheyn isku abaabulaya.

Tuuryare oo ka digay arrin ka dhalan karta DAGAALKA qabaa’ilka iyo Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay beelaha qaarkood bilaabeen inay si dhab ah ula dagaalamaan kooxda Al-Shabaab, waxaa sare u kacay bar-tilmaameedyada ay kooxda ku hayso qabaa’ilada ay ka soo jeedaan maleeshiyaadka is-abaabulay ee dagaalka kula jira kooxdaas.

Al-Shabaab ayaa maalintii Sabtida ahayd ugu yaraan labaatan qof oo rayid ahaa ku dishay gobolka Hiiraan, xilli ay ku safrayeen inta u dhaxeysa magaalooyinka Beledweyne iyo Maxaas.

Haddaba, maxaa ka dhalan kara haddii dagaalka qabaa’ilada kula jiraan Al-Shabaab aan lagu taageerin?

Taliyihii hore hey’adda sirdoonka iyo nabadsugida NISA, Jeneraal Cabdiraxmaan Tuuryare oo la hadlay idaacada BBC ayaa sheegay in haddii dowladda aysan garab ku siin maleeshiyo-beeleedyada dagaalka kula jira Al-Shabaab ay dhibaato u gaar ah wajihi doonaan.

“Haddii hal qabiil kaligiis uu dagaal la galo Al-Shabaab wuxuu culays ama xoog uu ku wiiqayo qabiilkaas saarayaa deegaanadooda si ay qabiillada kale ugu quus-qaataan,” ayuu yiri Jeneraal Tuuryare.

“Beegsiyada qabaa’illada ee ay Al-Shabaab waddo waxa ay sababaysaa in qabiilka intiisa kale ay is-abaabulaan oo ay u midoobaan sidii ay isaga dhicin lahaayeen Al-Shabaab, maaddaama deegaannadoodii la bar-tilmaameedsanayo.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in sida ugu fudud ee ay Al-Shabaab dowladda dalka uga xoreyn karto ay tahay in dadka deegaanka iyo qabaa’illada ay is abaabulaan, islamarkaana ay dowladda ciidamo ku taageerto, si aysan Al-Shabaab u beegsan keligood.

“Dowlad aan shacabka deegaanka haysanin oo ay dadkeedu abaabulnayn inay A-Shabaab ka adkaato way adag tahay, maxaa yeelay xitaa haddii ay ciidamada xoreeyaan deegaannada dad sii haya oo abaabulan ayaa loo baahan yahay.”

Waxa uu hadalkiisa kusii daray “Waxay taasi horseedi kartaa in arrintan ay noqoto dagaal nooc cusub ah oo ugu dambeyn looga guulaysan karo Al-Shabaab, balse waxay ku xiran tahay sida loo fahmo iyada oo laga hortagayo in uusan abaabulkoodu mar kale damin, waxaana is leeyahay in tani ay tahay fursadda ugu wanaagsan ee ay dowladdan haysato.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in laga faa’iideysto kacdoonka socda ee ay dadka deegaanka iyo qabaa’ilada ay isku abaabulayaan si ay isaga difaacan Al-Shabaab, maadama xiligaan dowladda keligeed aysan awoodin inay dalka ka xareyso kooxdaas.

Daawo: Qoor Qoor gaaray deegaan ay dadka ku nool dagaal u diyaar garoobeen

0

Maarsagame (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka kooban Wasiirro, Xildhibaanno iyo maamulka degmada Baxdo ayaa gaaray deegaanka Maarsamage ee ku yaalla bariga degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Degaanadaan waxaa ka socda kacdoon loogu diyaar garoobay sidii looga sifayn lahaa kooxda Al-Shabaab. Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhageystay odayaasha iyo hoggaanka ciidanka deeganka oo ah shacab iskood isku abaabulay.

Dadka deegaanadaas ayaa u diyaar garoobay la dagaalanka kooxda Al-Shabaab waxayna sheegeen odayaasha deegaanadaas in ay diyaar u yihiin in ay ku jihaadaan kooxdaan duullaanka ku ah dhiigga iyo hantidooda.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa sheegay in Wasaaradaha qaabilsan arrimaha bini’aadanimada ay dadka deegaanada ay gaarsiin doonaan gargaar dhankasta leh, waxuuna baaq u diray hay’adaha arrimaha gargaaka inay dadka deegaanada abaarta iyo colaada ka jirto ay soo gaaraan.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa la hadlay odayaasha iyo dadka deegaanka ee iskood isku abaabulay, wuxuuna ku bogaadiyay dadka deegaanka sida geesinimada leh oo ay ugu diyaar garoobeen la dagaalanka Al-Shabaab.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug wuxuu shacabka u sheegay in dowladdu ay garab taagantahay had iyo goor dadka shacabka ah ee u istaagay inay iska dulqaadaan cadawga nolosha u diidan ee mar walba maleegaya dhagarta ka dhanka ah shacabka.

Hoos ka daawo

Al-Shabaab oo la shaaciyey inay billowday adeegsiga diyaaradaha Drones-ka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha sare ee arrimaha siyaasadda gaarka ah ee Ergada Mareykanka ee Qarmaada Midoobey, Danjire Jeffrey DeLaurentis ayaa sheegay in loo maleenayo in kooxda Al-Shabaab ay adeegsato teknoolajiyad casri ah oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay ugu fududeeyaan fulinta weerarrada

Danjire Jeffrey ayaa sheegay in isticmaalka teknoolajiyadaas ay sidoo kale kooxda Al-Shabaab ka saaciday soo ururinta xogta sirta ah si ay ugu guuleystaan weerarada ay kusoo qaadan dowladda iyo ciidamada Midowga Afrika.

Hadalkaaan ayuu danjiraha ka sheegay kulan looga arrinsanayay halista joogtada ah ee falalka argagixisannimo ee xudduudaha isaga gudba, waxaana isagoo qoraal ah lagu daabacay bogga safaaradda Mareykanka ee Qaramada Midoobay. Kulankaas wuxuu ahaa mid aan caadi ahayn oo uu yeeshay guddi ka mid ah Golaha Ammaanka.

Qoraalka laguma sheegin goorta ay Al-Shabaab billowday adeegsiga qalabkan iyo sida ay ku heshay. Laakiin kooxo ay ka mid yihiin ururka la magac baxay Daacish ayaa la rumeysan yahay inay horey u adeegsadeen diyaaradaha drones-ka si ay u fuliyaan weerarro, sida laga soo xigtay warbixin ay faafiyeen milatariga Mareykanka. Kooxda ayaa diyaaradaha drones u adeegsatay weerarro ay ka fulisay Siiriya, Ciraaq iyo meelo kale.

Horraantii sanadkii 2013, Al-Qaacidda waxa ay isku dayday inay weerar ka fuliso Pakistan, iyadoo adeegsanaysa diyaaradaha aanu duuliyaha la socon ee Drones-ka, balse kuma aysan guuleysan.

“Waxaan aragnay kororka isticmaalka nidaamyada hawada ee aan duuliyaha lahayn iyo adeegsiga teknoolajiyadaha kala nooca ah ee argagixisannimada si loo waxyeelleeyo bartilmaameedyada nugul,” ayuu yiri danjire Jeffrey DeLaurentis

Wuxuu bogaadiyay dadaal uu sheegay in Kenya ay ugu jiro la-dagaalanka argagixisada, isagoo ballan-qaaday in Mareykanku uu sii wadayo taageeradiisa “si dadaallada awood-dhisidda ee la-dagaallanka argagaxisada ay u miro-dhalaan”.

Danjiraha ayaa tilmaamay in dhowaan uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ku sheegay warbixintiisa labadii sano ee la soo dhaafay in halista Daacish iyo Al-Qaacidda ay ku sii kordheyso meelo kala duwan oo Qaaradda Afrika ah. Sababta waxaa lagu sheegay in kooxahaas ay ka faa’ideysanayaan dhibaatooyinka iyo qalalaaseyaasha ka jira qaaradda.

Qaraarkii Qaramada Midoobay ee uu tirsigiisu ahaa UNSC 751 ee Guddiga Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya ayuu danjiruhu ku tilmaamay mid fursad wanaagsan u ah wax ka qabashada halista Al-Shabaab.

Al-Shabaab oo gubay guryo xilli ay sii wadaan DAGAALKA iyo beegsiga SHACABKA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay guryo ku gubeen tuulooyin hoos taga degmada Baxdo ee gobolka.

Guryaha ay gubeen Shabaab ayaa waxaa deganaa dad shacab ah, waxayna tuulooyinka la gubay kala yihiin Biyo Days oo 15KM u jirta degmada Baxdo iyo tuulada Meegaag Duub oo Baxdo u jirta 18KM.

Xalay saqdii dhexe ayey aheyd markii la gubay guryaha, illaa haddana jiro wax khasaaro nafeed ah oo laga soo wariyay dhacdadaan.

Sida ay sheegen dadka deegaanka guryaha la gubay ayaa ahaa guryo aysan cidna jiifin xiliga dabka la qabadsiiyay.

Toddobaad ka hor ayey aheyd markii kooxda Al-Shabaab ay gubeen Ceelal iyo Barkado ku yaala deegaanno hoostaga degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud, waxayna middaan noqoneysa dhacdadii labaad oo ka dhacda Galmudug.

Al-Shabaab ayaa dhankooda muujiyey cadaawad adag oo dadka reer Hiiraan ay u qabaan, wixii ka dambeeyey markii uu qarxay kacdoonkaan, waxayna laayeen dad badan, sidoo kale waxay cunaqabateeyeen cid kasta oo deegaanadaas ku nool.

Inta u dhaxaysa Maxaas iyo Beledweyne habeeno ka hor Al-Shabaab waxay ku laayeen in ka badan 20 qof, halka ku dhawaad 10 gaari ay dab qabadsiiyeen, falkaas oo aad looga argagaxay ayaa reer Hiiraan ku sii dhiira-geliyey kacdoonka ay isaga xoreynayaan kooxda Al-Shabaab.

Magacaabista Gudoomiyaha cusub ee G/Banaadir: Afar qodob oo aan laga boodi karin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa miiska u saaran magacaabista guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho. Labadaan xil oo mar la hadal hayey in la kala qaadi doono ayaa hadda u muuqda in sidii hore loo dhaafi doono.

Horey wuxuu madaxweynaha u muujiyey in qabyadii uu ka tagay inay kamid aheyd inuu Muqdisho u sameeyo maamul madax banaan. Dad badan ayaa olole ugu jira kursigan.

Xubnaha raadinaya waxaa ku jira rag horey usoo maamulay gobolka Banaadir oo ay qaarkood leeyihiin diiwaan wanaagsan. Sidoo kale dhallinyaro siyaasadda ku cusub oo dhanka hey’adaha caalamiga ah kasoo shaqeeyey ayaa kamid ah magacyada miiska u saaran madaxweyne Xasan Sheekh.

Laakiin marxadda ay maanta Muqdisho ku jirto ayaa adkeeneysa xulashada madaxweynaha. Xasan Sheekh oo xilalkii muhiimka ahaa ee dowladda ku tixay xisbigiisa UPD ayaan la ogeyn jihada uu la aadi doono kursigaan muhiimk ah.

Haddaba waxaan eegeynaa afar arrimood oo looga baahan yahay in laga helo qofka loo dhiibaayo hoggaanka gobolka Banaadir maadaama weli sida muuqata lagu sii socon doono marxaladda magacaabista.

  1. Amniga

Muqdisho waxay ku jirtaa xilli aad u qaraar xagga amniga sanado badan ayey soo tixneyd amni xumada caasimadda. Waxyaabaha loo aaneeyo waxaa kamid ah in amniga caasimadda uusan hoos tagin maamul gobolka Banaadir.

Guddoomiyaashii gobolka soo maray badankood ma aheyn dad haya talo amni ama loo ogol yahay inay faraha la galaan arrimaha amniga caasimadda iyadoo la ogyahay inay qeyb ku leeyihiin eeda amni xumada.

Tani waxay hoos u dhigtay qiimaha kursigaan. Guddoomiye gobol oo aan wax talo iyo go’aan ku laheyn mushkiladda ugu weyn ee shacabkiisa heysata waa dhibaato kale.

Maadaama hadda la filayo in hoggaan cusub la  magacaabo waxaa muhiim ah in la helo guddoomiye gobol oo haya aragti wax looga badali karo amniga caasimadda sidoo kalana qaadan kara mas’uuliyadda amniga.

Madaxda dowladda cusub waxaa hor taaala wax ka duwan dhaqankii hore.

  1. Dhaqaalaha

Xamar waa isha koowaad ee dhaqaalaha dowladda Soomaaliya, waxaa ka jira xilligaan hoos u dhac dhaqaale oo saameeyey guud ahaan shacabka. Sicirka cuntada ayaa sare u kacay.

Al-Shabaab ayaa kordhisay lacagaha ay ka aruursato ganacsatada magaalada Muqdisho. Daacish ayaa iyadana sidoo kale bilowday lacag noocaas ah.

Dhaqaalihii dowladda Soomaaliya uga soo xaroon jiray magaalada caasimadda ah ayaa hoos u dhacay. Qofka laga dhigayo duqa magaalada Muqdisho waa inuu hayaa aragti abuuri karta isbadal dhaqaale, yareyn karta lacagaha Al-Shabaab kasoo gasha magaalada Muqdisho, indha buuxin kara canshuur bixiyaasha oo maareyn kara sicir bararka.

  1. Maareynta Al-Shabaab

Dowladda dhexe ee Soomaaliya inay guuleysato waxay ku xiran tahay sida ay u maareyso nabadda magaalada Muqdisho. Haddii aan Al-Shabaab laga adkaan lama hanan karo qalbiyada dadka reer Muqdisho.

Mar walba dadka loo dhiibo hoggaanka gobolka Banaadir waxay isku ekeysiiyaan inaysan waxba ka quseyn la macaamilka Al-Shabaab oo ay tahay shaqo u taalo dowladda dhexe.

Dhaqankaan inuu sii jiro waa dayacaad shacab. Qofka uu madaxweyne Xasan Sheekh siinayo kursiga guddoomiyaha gobolka banaadir waa inuu noqdaa qof haya dariiq shacabka caasimadda iyo maamulka isaga kaashan karaan dagaalka ama xal u helidda Al-Shabaab loogana wada shaqeyn karo horumarka deegaanka.

Sidoo kale, waa inuu yahay qof abuuri kara wacyi bulsho oo kabayo dowladda dhexe.

  1. Maqaamka caasimadda

Banaadir oo ah gobolka ugu dadka badan guud ahaan gobolada ay Soomaalidu dagto matalaad kuma lahan aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, caasimadduna maqaam malahan.

Xasan Sheekh wuxuu ololihiisa ku ballan qaaday inuu arrintaasi hirgelin doono haddii dib loo doorto. Hadda fursadda gacantiisa ayey ku jirtaa, waxaana muhiim ah inuu keeno guddoomiye gobol oo idman lehna caqli, aqoon iyo aragti uu magaalada ku gaarsiin karo inay maqaam hesho.

Weliba dadka qaarkood waxay qabaan in sanado cayiman la siiyo qofkaas si uu arrinta maqaamka uga shaqeeyo oo lagu daro waxyaabaha hortabinta u leh xulashada.

Qof aragti ka heysto afartaan qodob iyo qaar kaloo badan laguna tuhmayo inuu fulin leeyahay, dadka indha buuxin kara, aaminaad lagu tuhmayo, eedo hore aan loo qabin oo dadka iyo deegaanka aqoon u leh ayaa badi loo arkaa inay muhiim tahay inuu madaxweynuhu u xusho kursiga guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho.

Qarax xoogan oo ka dhacay Baraawe + Khasaaraha

0

Baraawe (Caasimada Online) – Warar naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in goordhow qarax xoogan uu ka dhacay bartamaha magaallo xeebeedka Baraawe oo caasimad rasmi u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaraxa oo jugtiisa si weyn looga maqlay Baraawe ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay Boosteejo laga raaco baabuurta aada dhanka deegaanka Kuunya-barow

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Ugu yaraan 1 askari oo ka tirsanaa ciidamada ammaanka ayaa ku dhintay qaraxaan, halka ay ku dhaawacmeen 9 kale oo u badan dad shacab ah oo goobta ku sugnaa.

Sidoo kale waxaa meesha ay wax ka dhaceen gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo goobta howlgallo kooban ka sameeyey, kadib qaraxaas.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ay soo saareen saraakiisha laamaha ammaanka, balse xaaladda ayaa haatan ah mid deggan.

Baraawe ayaa waxaa inta badan weeraro ku fuliya dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo weli ku sugan deegaanno duleedka ka ah degmadaasi.

Ciidanka dowladda iyo rag hubeysan oo maanta ku dagaalamay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska hor imaad khasaare geystay oo xalay ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, kaas oo u dhexeeyey ciidamada ammaanka dowladda Somalia iyo rag hubeysan.

Dagaalka ayaa ka dhashay, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisiin ay ciidamada ammaanka ku leeyihiin halka loo yaqaano Cali Agoon oo ka tirsan Heliwaa, waxaana kadib xigtay israsaaseyn toos ah oo dhex-martay labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu socday muddo ku dhow saacad, isla-markaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, sia ay sheegeen dadka deegaanka.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan 1 qof oo aheyd haweeney caano ku iibineysay goobta, halka ay ku dhaawacmeen haweeney kale iyo ilmo yar.

Dhanka kale weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi iyo kadib howlgallada xigay.

Xaaladda ayaa maanta deggan, waxaana si caadi ah u socdo dhaq-dhaqaaqay dadka iyo gaadiidka, waxaana sidoo kale furan goobaha ganacsiga ee ku yaalla halkaasi.

Weerarkan ayaa qayb ka noqonayo falal ammaan darri ee ka dhacaya gudaha caasimada, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo aad u kordhay maalmihii dambe.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya oo la tacaaleysa xaalado amni iyo mid abaareed ayaa dhankeeda wada dadaal xoogan waxaana shalay ciidanka Haramcad iyo kuwa Duufaan ay weerareen maxkamad ay Al-Shababa ku leeyihiin duleedka Muqdisho, gaar ahaan Basra.

UHURU Kenyatta oo si yaab leh u dhaqmay kaddib go’aankii maxkamadda sare

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inay ka go’an tahay in si habsami leh ay u dhacdo xil-wareejinta awoodda madaxweynaha, kadib markii Maxkamadda Sare ay ayidday guusha William Ruto.

Uhuru ayaa khudbad lasoo duubay u jeediyay shacabka Kenya, isaga oo ugu baaqay in go’aankii maxkamadda la xushmeeyo.

Si kastaba, arrinta yaabka leh ayaa ah Kenyatta uu ka fogaaday inuu magaca madaxweynaha la doortay William Ruto uu ku xuso khudbadiisa, ama xitaa u hambalyeeyo, balse waxa uu sheegay in uu wanaag u rajaynayo “dhammaan kuwii guulaystay.”

“Xilka madaxweynaha marki la ii dhaariyay, waxaan ballan ku qaaday in aan ilaaliyo sharciga iyo go’aannada kasoo baxa garsoorka wax kasta oo khuseeya dowladnimadeenna,” ayuu yiri Kenyatta.

Kenyatta ayaa si weyn u taageeray musharraxa laga adkaaday ee Raila Odinga oo ay isbaheysi sameysteen.

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa Isniintii taageertay natiijada doorashadii 9-kii Agoosto ee lagu doortay William Ruto, kaddib go’aan loo dhan yahay, sida ay sheegtay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Kenya, Martha Koome, taasoo meesha ka saartay codsi uu u gudbiyay hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Martha Koome ayaa sheegtay in inaysan helin wax caddeymo ah oo muujinaya inay doorashada ka dhaceen khaladaad beddeli karay natiijada. 

“Khaladaadku uma baaxad weyneyn heer ay saameyn ku yeeshaan natiijada kama dambeysta ah ee doorashada madaxweynaha,” ayey tiri guddoomiye Koome.

Odinga ayaa sheegay inuu ixtiraamayo go’aanka Maxkamada Sare ay ku ayidday guushii William Ruto, balse wuxuu intaas ku daray inuusan ku raacsaneyn.

“Waxaan mar walba u taagneyn sarreynta sharciga iyo dastuurka. Marka ay noqota arrintan, waxaan ixtiraameynaa aragtida Maxkamadda Sare inkasta oo aan si xooggan ugu diidannahay go’aanka maanta,” ayuu ku yiri bayaan uu soo saaray.

Ciidamada DF oo ka gudbay caqabad heysatay sanado – Maxaa dhacay shalay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka, gaar ahaan Duufaan iyo booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa saakay fuliyey howlgalkii ugu horeeyey ee noociisa ay waayahaan fuliyaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Howlgalkaas oo ka dhacay degaanka Basra oo dhaca inta u dhaxeysa Afgooye iyo Balcad, isla markaana jihada koonfur galbeed uga beegan magaalada Muqdisho ayaa lagu beegsaday fariisinkii ugu weynaa canshuurta looga qaadi jiray dadka reer Muqdisho.

Halkaas Al-Shabaab waxay ku lahaayeen maxkamad ay ku kala saaraan dadka reer Muqdisho ee kala dacwoonaya, sida kuwa ay ka dhexeeyaan muranada dhulalka, sidoo kale waxay u aheyd fariisin weyn oo ay canshuurta uga uruuriyaan ganacsatada reer Muqdisho.

Sanadihii lasoo dhaafay ciidanka ammaanku ma fulin howlgal noocaan ah, sidoo kale Al-Shabaab waxay ku fashilmeen inay sii helaan xogta howlgalkaas, waxaana gacanta looga wax kasta oo agab ahaa ee Basra u yiilay, sida boonooyinkii ay Al-Shabaab canshuurta ku qaadi jireen.

Boonooyinkaas oo lasoo bandhigay howlgalka kadib, waxay hey’adaha amaanku ka heleen xog badan oo ku saabsan tirada lacagta ay qaado kooxdu iyo magacyada ganacsatada ay canshuurta ka qaado.

Ganacsatada reer Muqdisho ayaa dhibane u ah canshuurta xad-dhaafka ah ee Al-Shabaab, waxaana muhiimadda ay canshuur uruurinta siineyso kooxdaan laga dheehan karaa in 30 KM ay Muqdisho u jirto goobta ay fariisinka ka dhigteen.

Ciidanka ayaa waaberigii hore ee saakay cagta mariyey difaacyadii ay sanado badan Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Basra, ugu yaraan mudo shan sano ah ciidanku ma fulin howlgal sidaan oo kale loogu beegsaday kooxda, gaar ahaan deegaanada ku dhow caasimadda Muqdisho.

Gaabiskaas waxaa loo sababeynayaa dowladii tan ka horeysay oo wax muhiimada aan siin baacsiga Al-Shabaab, iyadoo taas bedelkeed ay madaxdu aad ugu mashquulsaneed is qab-qabsiga siyaasadda. https://remotepilot101.com/

Haatan in Al-Shabaab ay sii heli waayeen xogta howlgalkii Basra waxay muujineysaa in wax badan ay iska bedeleen hanaankii ay u howgeli jireen hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Sidoo kale waxay tani muujineysaa hordhaca hadafka madaxda cusub ee DF oo wacad ku maray inay Al-Shabaab ciribtirayaan.

Hoos ka eeg boonooyinkii gacnta lagu dhigay

SOMALILAND oo 4 qof ku fulisay DIL toogasho ah

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Somaliland ayaa sheegaya in maanta ciidanka ammaanka ay toogasho ku fuliyeen illaa 4 nin oo horey dilal uga geystay deegaannada maamulkaasi, kuwaas oo horey xukun maxkamadeed loogu ridday.

Toogashada ayaa dhacday xabsiga weyn ee Mandheera oo ku yaala gobolka Saaxil, halkaas oo ay tageen mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland iyo dadweyne kale.

Afarta qof ee la toogashada qisaasta ah lagu fuliyey waxaa ka mid ahaa korneyl ka tirsanaa Booliska Somaliland oo horey bartamaha Hargeysa ugu dilay gabar lagu magacaabi jiray Najmo Cabdillaahi Maykal, taas oo ay dilkeeda si xoogan uga caroodeen dadweynaha.

Sidoo kale Somaliland ayaa sii deysay nin kale oo shanaad, isla-markaana ku jiray liiska toogashada balse laga furay tiirka, kadib markii ay heshiis gaareen ehelada labada dhinac.

Qaar ka mid ah madaxda Somaliland ee goobta ka hadashay ayaa farriin adag u diray dadka dambiyada ka geysta magaalooyinka maamulkaas, iyaga oo shaaca ka qaaday in cid weliba oo dil geysata cadaalada la marin doono islamarkaana la geynayo tiirka toogashada.

Somaliland ayaa horey sidan oo kale toogasho uga fulisay deegaannadeeda, waxaana aheyd markii sidan oo kale 15-kii bishii January ee sanadka 2020-kaii xabsig Mandheera loogu toogtay lix nin oo iyana lagu eedeeyey inay dilal ka geysteen maamulkaasi.

Al-Shabaab oo sii wadda beegsiga shacabka Hiiraan iyo caruur ay qarax ku dishay

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Qarax ay dhulka ku aaseen dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa haleelay saddax carruur ah oo isku qoys ah, dhacdadaan ayaa xalay maqribkii ka dhacday degaan lagu magacaabo Miircade oo hoos taga magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Qaraxaan ayaa carruurta haleelay xilli ay wadada lagu diyaariyey marayeen, waxaana geeriyooday hal cunug, halka labadii kale dhaawacyo halis ah goobta looga qaaday.

Ehellada carruurtaas ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in dhaawac daran Beledweyne lagu gaarsiiyey labadaas cunug, halka kii 3-aad uu goobta ku geeriyooday.

Dhamaan wadooyinka soo gala magaalada Beledweyne waxaa la sheegay in Al-Shabaab ay miineeyeen, kadib markii kacdoon adag uu ka soo wajahay shacabka reer Hiiraan, waxaana dadka ku nool deegaanada gobolka Hiiraan soo wajahday cabsi iyo halis badan oo kooxda uga imaaneysa.

Ciidamada dib u xoreynta deegaanka iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay cagta-cagta u saaray kooxda Al-Shabaab, waxaana laga saaray deegaano muhiim ah oo sanado badan ay maamulayeen.

Al-Shabaab ayaa dhankooda muujiyey cadaawad adag oo dadka reer Hiiraan ay u qabaan, wixii ka dambeeyey markii uu qarxay kacdoonkaan, waxayna laayeen dad badan, sidoo kale waxay cunaqabateeyeen cid kasta oo deegaanadaas ku nool.

Inta u dhaxaysa Maxaas iyo Beledweyne habeeno ka hor Al-Shabaab waxay ku laayeen in ka badan 20 qof, halka ku dhawaad 10 gaari ay dab qabadsiiyeen, falkaas oo aad looga argagaxay ayaa reer Hiiraan ku sii dhiira geliyey kacdoonka ay isaga xoreynayaan kooxda Al-Shabaab.

Madax Muqdisho ku huursan guul ma ka keeni karaan DAGAALKA Al Shabaab?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sanado badan ayuu socdaa dagaalka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab. Madaxda dowladda waxay badi sheegaan inay dagaal qaadayaan, balse waxaa durba kugu soo dhici karta goorma ayuu dagaalka Al-Shabaab joogsaday?

Afartii sanaba hoggaamiye cusub ayaa madax ka noqda dowladda Soomaaliya, kaasi oo shaqada ugu weyn ee u taalla ay tahay inuu ciribtiro kooxda Al-Shabaab, balse aan dhicin.

Laakiin mid kamid ah su’aalaha aan weli laga jawaabin waa madax Muqdisho fadhisa guul ma keeni karaan Al-Shabaab oo xooggeeda uu jiro  gobollada?

Dadka Soomaalidu waxay qaarkood qabaan inay adag tahay in natiijo wax ku ool ah laga keeno dagaalka Al-Shabaab inta madaxdu ku leyrsaneyso magaalada Muqdisho.

Iyadoo aad loo dhaliilsan yahay khibradda hoggaanka ciidanka dowladda Soomaaliya, haddana in madaxdii ay guubaabadoodii Muqdisho la fadhiyaan waa mid kamid ah caqabadaha dheereeyey dagaalka, ayey leeyihiin qaar kamid ah dadweynaha.

Waxaa jirta soo jeedin ku wajahan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamze Cabdi Barre, soo jeedintaan waxay ka dhalatay kalamadooda maalmahaan soo noqnoqtay ee ah dagaal qaadista.

Dadka waxay badi ugu baaqayaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha inay ka baxaan caasimadda oo ay dagaan gobollada ay Al-Shabaab ku xooggan yihiin oo ay halkaas ka hoggaamiyaan dagaalka.

Haddii aysan labadooda wada bixi karina in midkood uu guuro oo uu ku dhawaado jiidda hore ee dagaalka, ayaa kamid ah soo jeedinada.

Ciidanka dowladda inta badan way kasoo noqdaan furimaha dagaalka, deegaankooda ayaa u badan magaalada Muqdisho, soo laabadashadaan waxay inta badan dhashaa in Al-Shabaab dib ugu soo noqoto goobihii laga saaray taas oo musalsal ka dhigtay dagaalka.

Balse waxaa la aaminsan yahay in haddii ay madaxdu dagto magaalooyinka u dhow furimaha dagaalka inay adkaan doonto inay ciidanku soo noqdaan.

Haddii aan la helin madax naf hur ah, dad badan ayaa qaba inaan laga adkaan karin kooxda Al-Shabaab. mid kamid ah tijaabooyinka naf hurnimada ah ayaana loo arkaa inay madaxdu furinta dagaalka tagaan ama ay dagaan magaalooyinka u dhow si ciidanka niyad u helaan.

Madaxweyne Xasan Sheiekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre waxay heystaan fursad ay taariikhda diiwaan wanaagsan uga geli karaan waana soo afjarista Al-Shabaab dagaal iyo wada-hadal middii ay noqotaba.

Soomaaliya waxaa ugu diiwaan wanaagsanaan doona siyaasigii soo afjara Al-Shabaab, waa kalmad soo noqnoqata, lama oga sida ay Xamza iyo Xasan taas ugu diyaarsan yihiin, laakiin waxay dhowr jeer ku celceliyeen sida ay uga go’an tahay in dagaal rasmi ah lala galo kooda Al-Shabaab.

Maleeshiyaad ka cararayey duqeymaha dalka Nigeria oo WEBIGA ku qarqamay

0

Borno, (Caasimada Online) – Tiro ka mid ah maleeshiyaad Islaamiyiin ah ayaa ku qarqamay webi ku yaalla Nigeria xilli ay ka cararayeen duqeymaha ay ciidamada dalkaasi.

Ilo wareedyo dhanka amniga qaabilsan ayaa laga soo xigtay in dhacdadaan ay ka dhacday gobolka waqooyiga bari ku yaalla ee Borno, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo ballaaran.

Ciidamada ayaa weeraray tuulooyin hoostaga keymaha Sambisa halkaas oo ay ku dhuumaaleystaan dagaalyahanada kooxda Booko Xaraam.

Wararka waxay sheegayaan in kooxda ay baxsadeen fariisimahooda isla markaana ay u jiheysteen dhinaca webiga mara halkaas.

Maleeshiyaad maxalli ah oo ka barbar dagaallamayo ciidamada dowladda ayaa sheegay in ka badan 100 meydad ah laga soo saaray webiga oo ay aaseen.

Tobonaan kun oo qof ayaa ku dhintay halka 2 milyan oo qof ay guryahooda ka qaxeen kadib weerarrada maleeshiyaadka ee ka bilowday Nigeria tan iyo 2009-kii.

Odinga oo jawaab ka bixiyey go’aankii ay Maxkamadda Sare guusha ku siisay Ruto

Nairobi (Caasimada Online) – Musharaxa looga adkaaday doorashadii madaxweynaha Kenya Raila Odinga ayaa sheegay inuu ixtiraamayo go’aanka Maxkamada Sare ay ku ayidday guushii William Ruto, balse wuxuu intaas ku daray inuusan ku raacsaneyn.

“Waxaan mar walba u taagneyn sarreynta sharciga iyo dastuurka. Marka ay noqota arrintan, waxaan ixtiraameynaa aragtida Maxkamadda Sare inkasta oo aan si xooggan ugu diidannahay go’aanka maanta,” ayuu ku yiri bayaan uu soo saaray.

Waxay aheyd markii shanaad oo Odinga oo 77 jir ah looga adkaado doorashada madaxweynaha, inkasta oo uu doorashadii 9-kii August haystay taageerada madaxweynaha xilka ka degaya ee Uhuru Kenyatta oo ay mar xifaaltami jireen.

“Qaraanadeena waxay soo bandhigeen caddeymo aan la diidi karin, xaqiiqooyinkana annaga ayey nala jireen, nasiib darro garsoorayaasha si kale ayey wax u arkeen,” ayuu yiri Odinga. 

“Go’aankan kama dhigna dhammaadka dhaq-dhaqaaqeena. Dhab ahaantii waxay nagu dhiiri-gelineysaa inaan laba laabno dadaallada aan ugu beddeleyno dalkan mid baraaqo iyo dimoqraadi ah,” ayuu yiri isaga oo intaas ku daray in kooxdiisa ay dib kasoo sheegi doonto qorshahooda mustaqbalka. 

Dhammaan garsoorayaasha Maxkamadda, oo ay hoggaamineysay guddoomiyaha Maxkamadda Sare Martha Koome, ayaa maanta isku raacay in la tuuro codsiga isbahaysiga Azimio la Umoja ee Odinga, oo ku dooday in ku dhowaaqista Ruto ee madaxweynaha Kenya ay tahay mid aan waxba ka jirin. 

Odinga ayaa codsiga ugu gudbiyey Maxkamadda Sare bishii tagtay, isaga oo ku dooday inuu hayo “caddeymo ku filan” oo uu ku muujiyo inuu dhab ahaan isaga ku guuleystay doorashada.

Hase yeeshee, guddoomiyaha Maxkamadda Sare Martha Koome ayaa sheegtay in teknoolajiyadda ay adeegsadeen guddiga madaxa-banaan ee doorashada ee IEBC ay kasoo baxeen heerkii “Sharaf, xaqiijin, amni iyo daah-furnaan” ee looga baahnaa.

Waxay intaas ku dartay inaysan helin wax caddeymo ah oo muujinaya inay doorashada ka dhaceen khaladaad beddeli karay natiijada. 

“Khaladaadku uma baaxad weyneyn heer ay saameyn ku yeeshaan natiijada kama dambeysta ah ee doorashada madaxweynaha,” ayey tiri guddoomiye Koome.

“Kani waa go’aan loo wada dhan yahay. Dhammaan codsiyadii waa lagu gacan sayray, sidaas darteed, waxaan halkan uga dhowaaqeynaa in Ruto uu yahay madaxweynaha la doortay,” ayey tiri guddoomiyaha Maxkamadda Sare Martha Koome.

Ruto oo 55 jir ah, islamarkaana ah madaxweyne ku-xigeenka Kenya ee iminka, ayaa lagu wadaa inuu xilka madaxweynaha la wareego 13-ka September.

Ruto iyo Odinga ayaa labaduba horey u ballanqaaday inay aqbali doonaan xukunka Maxkamadda Sare.

Booliska oo digniin adag u diray ganacsatada Muqdisho, kadib arrin la ogaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska Soomaaliya ayaa soo saaray digniin adag oo ku socota ganacsatada la macaamisha Al-Shabaab, gaar ahaan kuwa loo yeero ee ugu taga deegaanada ay ku sugan tahay kooxdu.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ciidamadii howlgalka ka fuliyey degaanka Basra ay halkaas ugu tageen ganacsato ay u yeertay kooxdu.

“Waxaan uga digayaa umadda Soomaaliyeed in aysan ku haligmin amarrada Al-Shabaab, yaan la aadi goobaha ay joogaan Al-Shabaab, sababtoo ah mar kasta ayaa la beegsa karaa kooxdaas, howlgallo culus ayaa ku bilowday,” ayuu yiri Jeneraal Xijaar.

Sidoo kale Taliyaha booliska ayaa u balan qaaday ganacsadihii looga yeero goobaha ay maamulaan Al-Shabaab, hadii uu soo sheego inay ammaankiisa sugi doonaan.

“Ninkii aada ee aan ku ogaano talaabaan ka qaadi doonaa, waxaan ognahay kuwo badan oo xiriir la leh, xitaa ninkii gaari ka ijaara ama ay gaarigiisa ku adeegtaan, ahyaga dagaalamaya iyo isagu waa isku mid, waana la iska dhicinayaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Xijaar.

Ciidamada ammaanka, gaar ahaan Duufaan iyo booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa saakay fuliyey howlgalkii ugu horeeyey ee noociisa ay waayahaan fuliyaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Howlgalkaas oo ka dhacay degaanka Basra oo dhaca inta u dhaxeysa Afgooye iyo Balcad, jihada koonfur galbeed uga beegan magaalada Muqdisho ayaa lagu beegsaday fariisinkii canshuurta looga qaadi jiray dadka reer Muqdisho.

Halkaas Al-Shabaab waxay ku lahaayeen maxkamad ay ku kala saaraan dadka reer Muqdisho ee kala dacwoonaya, sida muranada dhulalka, sidoo kale waxay u aheyd fariisin weyn oo ay canshuurta uga uruuriyaan ganacsatada Muqdisho, waxaana gacanta lagu soo dhigay boonooyinkii ay Al-Shabaab canshuurta ku qaadi jireen.

Saadaq Joon oo soo saaray digniin ku socota ciidamada dagaalka kula jira Al-Shabab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir, haarana ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee BF, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa soo saaray digniin ku socota ciidanka jooga furimaha hore ee dagaalka.

Xildhibaan Saadaq ayaa ciidanka uga digay xiligaan oo dalku uu galay xaalad dagaal inay raacaan gaadiidka, isagoo taas bedelkeed u soo jeediyey inay lugeeyaan, si khasaaraha soo gaaraya uu u yaraado.

“Waxaan uga digayaa ciidamada jooga furimaha dagaalka sida gawaarida aad u raacaysaan joojiya, kuna badala inaad lugaysaan, si aad qasaarihiina u yaraysaan, cadowgana u jabisaan, guulaysta,” ayuu qoraal uu soo saaray ku yiri Xildhibaan Saadaq Joon.

Qoraalkaan wuxuu soo raaciyey kolonyo ciidan ah oo aad u buux-dhaafisay gaadiidka dagaalka, gaar ahaan gaari Cabdi Bile ah, kuwaas oo qeyb ka ahaa howlgalkii saakay ka dhacay degaanka Basra oo lagu beegsaday Al-Shabaab.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa miinooyin gelisay wadooyinka ay adeegsadaan ciidamada dowladda, waxaana xusid mudan in khasaare lixaad leh ay geystaan, miinooyinka gacan ku sameyska ah ee kooxdu ay geliso wadooyinka.

Daawo: Taliyaha Booliska oo xog cusub ka bixiyey howl-galkii cuslaa ee BASRA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo shir jaraa’id qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal culus oo ciidanka ammaanka ay saakay waaberigii ka fuliyeen degaanka Basra oo jihada koonfur-galbeed ka xiga magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa sheegay in Basra lagu bartilmaameedsaday maxkamad ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaas mudo dheer, sidoo kale wuxuu sheegay in goobta la weeraray ay kooxdu ku canshuuri jirtay ganacsatada reer Muqdisho.

“Howlgalkaas waa lagu guuleystay, waana lagu baabi’iyey kooxda, qaarbaa la dilay, wax kalana waa qaateen, anaga hal sarkaal oo xidigle ah ayaa naga dhaawacmay, hal askarina waa naga dhintay,” ayuu yiri Taliye Xijaar.

Wuxuu sheegay in howgalkaan uu yahay kii ugu horeeyey, isla markaana ay sii wadi doonaan howlgallada, isagoo sheegay in gobollada dalka uu ka bilowday kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab.

“Waxaan digniin u dirayaa umadda Soomaaliyeed, ha aadinina meel Al-Shabaab joogo, waa digniin, waa ku halaagmi doontaan, ninkii inta loo yeero aada, waxaa u dhaanta inuu anaga nagu soo war geliyo, ninkii aada oo aan ku ogaano, ayaga dagaalamaya iyo isagu waa isku mid,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Hoos ka daawo

R/W Xamza oo shaaciyay in Somalia leedahay laba cadow

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta daah-furay qorshaha qaranka ee kaallinta haweenku ku leeyihiin amniga iyo xasilloonida dalka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in Soomaaliya xiligaan ay leedahay laba cadow oo dhibaato ku haya, kuwaasi oo u baahan inay dadka Soomaaliyeed ka hortagaan.

Waxa uu sheegay in cadowga koowaad ee Soomaaliya ay tahay abaarta saameysay dad iyo duunyo, taasi oo si weyn loo dareemay, halka cadawga labaad ay yihiin ururka Al-Shabaab oo dhibaato ku haya Shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan ugu hambalyeynaya ciidanka qalabka sida iyo shacabka isu abaabulay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, xukuumaddiinu waa idin garab taagan tahay, dagaalka cadowgana waa wadaynaa ilaa laga sifeynayo meelaha ay ku dhuumanayan,” ayuu yiri.

“Saaka oo u dambeysay waxaa cadawga laga xorreeyey deegaanka Basra oo ay shacabka ku dhibaateynayeen, wuuna sii soconayaa inta laga sifeynayo meelaha ay ku dhuumanayaan.”

Sidoo kale waxa uu si qoto dheer uga hadlay doorka muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin nabad-gelyada iyo amniga iyo gurmadka aabaraha, isagoo la wadaagay murugada geerida ehellada shacabkii ay argagixisadu ku gumaadeen gobolka Hiiraan iyo qeybo kamid ah Galgaduud.

Xamza ayaa ugu dambeyntiina xusay in loo baahan yahay wadajir loogu istaago sidii dalka looga sifeyn lahaa kooxaha argagaixisada ah ee u taagan daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Kadib go’aankii maamullada ee ka dhanka ahaa DF, shir maanta ka furmay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho shir uga furmay Wasiirada Maaliyada dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada dalka, kadib khilaaf xoogan oo dhawaan soo dhex-galay wada-shaqeyntooda.

Shirka oo uu daah-furay Wasiirka Maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamed Nuur ayaa waxaa looga wada-hadlay wada-shaqeynta Wasaaradaha Maaliyadda heer federaal iyo dowlad-goboleed.

Sidoo kale waxay dhinacyadu uga wada-hadleen qaabkii loo qeybin lahaa 100 Milyan oo ka timid Bangiga Adduunka, taasi oo ay maamuladu diideen in laga siiyo wax ka yar Toban Milyan midkiiba, sida ay sheegeen.

Gebo-gabada shirka Wasiirada Maaliyadda heer federaal iyo dowlad-goboleed ayaa waxaa laga soo saari doona War-murtiyeed ay kaga hadlayaan waxyaabihii ay ka wada-hadleen iyo heshiiska wada-shaqeyn ee ay gaaraan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirkaan ayaa waxaa qaban-qaabadiisa laheyd Wasaaradda Maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya, kadib markii todobaadkii hore Wasaaradaha Maaliyadda dowlad-goboleedyada ay ku dhawaaqeen inay xiriirkii wada-shaqeyneyd u jareen Wasaaradda Maaliyada dowladda federaalka Soomaaliya.

Qoraal ay si wada-jir ah u soo saareen Wasiirada Wasaaradaha Maaliyada dowlad-goboleedyada ayaa waxay ku eedeyeen Wasaaradda Maaliyada dowladda federaalka inay jabisay heshiisyadii horey loo kala saxiixday ee kala ahaa: 1- Heshiiskii Addis Ababa ee sanadkii 2019, 2- Heshiiskii Kismaayo ee September 2019, 3- Heshiiskii Kampala ee December 2019, 4- Heshiiskii Nairobi ee January 2020, 5- Heshiiskii Muqdisho ee August 2020.

Tallaabada ay hore u qaadeen maamul goboleedyada ayaa aheyd caqabaddii ugu horeysay ee soo wajahda dowladda cusub ee ay hogaamiyaan Xasan Sheekh iyo Xamza Cabdi Barre, hase yeeshe waxay u muuqata in durtaba xal kama dambeysa ah laga gaarayo.