29.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Kadib go’aankii maamullada ee ka dhanka ahaa DF, shir maanta ka furmay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho shir uga furmay Wasiirada Maaliyada dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada dalka, kadib khilaaf xoogan oo dhawaan soo dhex-galay wada-shaqeyntooda.

Shirka oo uu daah-furay Wasiirka Maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamed Nuur ayaa waxaa looga wada-hadlay wada-shaqeynta Wasaaradaha Maaliyadda heer federaal iyo dowlad-goboleed.

Sidoo kale waxay dhinacyadu uga wada-hadleen qaabkii loo qeybin lahaa 100 Milyan oo ka timid Bangiga Adduunka, taasi oo ay maamuladu diideen in laga siiyo wax ka yar Toban Milyan midkiiba, sida ay sheegeen.

Gebo-gabada shirka Wasiirada Maaliyadda heer federaal iyo dowlad-goboleed ayaa waxaa laga soo saari doona War-murtiyeed ay kaga hadlayaan waxyaabihii ay ka wada-hadleen iyo heshiiska wada-shaqeyn ee ay gaaraan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirkaan ayaa waxaa qaban-qaabadiisa laheyd Wasaaradda Maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya, kadib markii todobaadkii hore Wasaaradaha Maaliyadda dowlad-goboleedyada ay ku dhawaaqeen inay xiriirkii wada-shaqeyneyd u jareen Wasaaradda Maaliyada dowladda federaalka Soomaaliya.

Qoraal ay si wada-jir ah u soo saareen Wasiirada Wasaaradaha Maaliyada dowlad-goboleedyada ayaa waxay ku eedeyeen Wasaaradda Maaliyada dowladda federaalka inay jabisay heshiisyadii horey loo kala saxiixday ee kala ahaa: 1- Heshiiskii Addis Ababa ee sanadkii 2019, 2- Heshiiskii Kismaayo ee September 2019, 3- Heshiiskii Kampala ee December 2019, 4- Heshiiskii Nairobi ee January 2020, 5- Heshiiskii Muqdisho ee August 2020.

Tallaabada ay hore u qaadeen maamul goboleedyada ayaa aheyd caqabaddii ugu horeysay ee soo wajahda dowladda cusub ee ay hogaamiyaan Xasan Sheekh iyo Xamza Cabdi Barre, hase yeeshe waxay u muuqata in durtaba xal kama dambeysa ah laga gaarayo.

DAGAAL culus oo dib uga dhex qarxay qabaa’ilka iyo Al-Shabaab + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal u dhaxeeya dagaal-yahanada Al-Shabaab iyo dadka deegaanka ayaa markale dib uga qarxay deegaano kamid ah degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Ceeleey oo qiyaastii 19KM dhanka bari ka xigta Maxaas, waxaana ku dhintay ku dhawaan 13 ruux oo labada dhinac ah, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in weli deegaano badan oo hoostaga Maxaas ay ka taagan yihiin abaabul iyo dhiillo colaadeed.

Sidoo kale Ciidamada dowlada ayaa isla maanta la wareegay tuulada Dabayoodle oo hoostagta degmada Buulo-burte, halkaasi oo Al-Shabaab ay ku leeyahiin bar-kantarool oo canshuuraha ay ku qaadi jireen.

Gudoomiyaha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Taliska Ciidamada Militriga iyo kan booliska gobalka Hiiraan ayaa ku sugan inta u dhaxeya degmooyinka Baledweyne, Maxaas iyo Buloburte.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii labo maalmood ka hor dagaal-yahaanada Al-Shabaab ilaa labaatan qof oo shacab ah ay ku dileen degaanka Afar Irdood, islamarkaana ku gubay Sagaal gaari oo siday badeecado kala duwan.

Al-Shabaab ayaa dhankooda ku dooday in dadka ay dileen ay ahayeen xubno ka mid ah maleeshiyaadka Macawisleyda loo yaqaano, oo ay sheegen in uu dagaal xoogan ka dhaxeeyo.

Si kastaba, xiisada maalmahaan ka taagan degmooyinka Beledweyne iyo Buulo-burte ayaa saameyn ku yeelatay gaadiidka xamuulka iyo kuwa qudaarta ee iyagu iskaga kala gudbi jiray inta u dhaxeysa labadaasi magaalo.

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Britain oo lagu dhowaaqay

London (Caasimada Online) – Liz Truss ayaa maanta loo magacaabay inay noqoto ra’iisul wasaare xiga ee Britain, ayada oo ku guuleystay hoggaanka xisbiga talada haya ee Conservative-ka.

Kadib toddobaadyo loolan adag ah, oo siyaasiyiin badan ay u tartameen hoggaanka xisbiga, waxaa tartankii ugu dambeeyey isugu soo haray Liz oo ah wasiirka arrimaha dibedda iyo wasiirkii hore ee maaliyadda Rishi Sunak.

Codeyn loo qaaday labada xildhibaan ayaa waxaa ku guuleystay Liz Truss oo heshay 81,326 ah codadka xubnaha xisbiga Conservative-ka, halka Rishi Sunak uu ka helay 60,399 cod.

“Waxaan u baahannahay inaan wax qabad gaarsiino shacabka labada sano ee soo socota. Waxaan gudbin doonnaa qorshe geesinimo ah oo aan ku dhimayo canshuuraha kuna kobcinayo dhaqaalaheena,” ayey tiri Truss.

“Waxaan wax ka qaban doonaa xasaradda tamarta [qiimaha shidaalka iyo gaaska], waxaan wax ka qaban doonaa biilasha tamarta ee shacabka, balse inaan yeelano qorshe muddo fog aan ku xalineyno tamarta,” ayey tiri.

Guusha Liz Truss ayaa ka dhigan in Boris Johnson uu wareejin doono xilka ra’iisul wasaaraha oo lagu qasbay bishii July inuu iska casilo kadib bilo ay hareeyeen fadeexado, islamarkaana uu lumiyey taageerada xisbigiisa.

Johnson ayaa Talaadada u safri doona Scotland oo ay ku sugan tahay boqorad Queen Elizabeth, si uu ugu dhiibo is-casilaaddiisa. Wxaaa kadib boqoradda u tagi doona Liz Truss oo ka codsan doonta inay soo dhisto dowlad.

Truss oo 47 jir ayaa noqon doonta ra’iisul wasaarihii afaraad ee xisbiga Conservative-ka ee tan iyo 2015. 

Truss, oo ah wasiirka arrimaha dibedda ee dowladda Johnson, ayaa ballanqaaday inay si deg deg ah wax uga qaban doonta sicir-bararka iyo qiimaha nolosha shacabka oo sare usii kacaya.

Waxay sidoo kale ballan-qaaday inay magacaabi doonto gole wasiiro oo xooggan, iskuna dayi doonto inay hesho taageerada xubnihii xisbiga ee loolanka la galay oo uu ku jiro Rishi Sunak.  

Maxkamadda Sare ee dalka Kenya oo go’aan rasmi ah ka gaartay doorashadii RUTO

0

Nairobi (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa ayidday doorashadii William Ruto ee madaxweynaha shanaad ee dalkaas, taasi oo soo geba-gebeysay isku day uu musharaxii laga guuleystay Raila Odinga ku doonayey inuu meesha kaga saaro. 

Dhammaan garsoorayaasha Maxkamadda, oo ay hoggaamineysay guddoomiyaha Maxkamadda Sare Martha Koome, ayaa isku raacay in la tuuro codsiga isbahaysiga Azimio la Umoja ee Odinga, oo ku dooday in ku dhowaaqista Ruto ee madaxweynaha Kenya ay tahay mid aan waxba ka jirin. 

Odinga ayaa codsiga ugu gudbiyey Maxkamadda Sare bishii tagtay, isaga oo ku dooday inuu hayo “caddeymo ku filan” oo uu ku muujiyo inuu dhab ahaan isaga ku guuleystay doorashada.

Garsooreyaasha Maxkamadda ayaa labadii toddobaad ee tegay ku bixiyey inay baaraan baakado ay ku jiraan dukumentiyo la sheegay inay yihiin caddeymo, si ay u helaan caddeymo ku filan oo ay ku nasakhi karaan natiijada doorashada.

Baaritaan dheer kadib, Maxkamadda Sare ayaa diiday dhammaan sagaalkii ashtako ee saldhigga u ahaa loolanka laga keenay natiijadii doorashada ee guusha ku siisay Ruto dhibco kayar boqolkiiba laba.

Kooxda Odinga ayaa ku dooday in dad computer jabsada ay jabsadeen akoonada IEBC kadibna ay geliyeen natiijooyin horey loo diyaariyey, balse taas waxaa diiday Maxkamadda Sare.

Hase yeeshee, guddoomiyaha Maxkamadda Sare Martha Koome ayaa sheegtay in teknoolajiyadda ay adeegsadeen guddiga madaxa-banaan ee doorashada ee IEBC ay kasoo baxeen heerkii “Sharaf, xaqiijin, amni iyo daah-furnaan” ee looga baahnaa.

Waxay intaas ku dartay inaysan helin wax caddeymo ah oo muujinaya inay doorashada ka dhaceen khaladaad beddeli karay natiijada. 

“Khaladaadku uma baaxad weyneyn heer ay saameyn ku yeeshaan natiijada kama dambeysta ah ee doorashada madaxweynaha,” ayey tiri guddoomiye Koome.

“Kani waa go’aan loo wada dhan yahay. Dhammaan codsiyadii waa lagu gacan sayray, sidaas darteed, waxaan halkan uga dhowaaqeynaa in Ruto uu yahay madaxweynaha la doortay,” ayey tiri guddoomiyaha Maxkamadda Sare Martha Koome.

Ruto oo 55 jir ah, islamarkaana ah madaxweyne ku-xigeenka Kenya ee iminka, ayaa lagu wadaa inuu xilka madaxweynaha la wareego 13-ka September.

Ruto iyo Odinga ayaa labaduba horey u ballanqaaday inay aqbali doonaan xukunka Maxkamadda Sare.

Xog: Shirkii Xasan Sheekh iyo madax goboleedyada ee GAROOWE oo fashilmay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Shirkii madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ee lagu waday inuu horraanta bishan ka dhaco magaalada Garoowe ayaa fashilmay, sida ay ilo-wareedyo u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in shirkan ay si cad u diideen qaar ka mid ah madax goboleedyada, xilli ay soo xoogaysatay is-aaminaad la’aantii madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweyne goboleedyada.

Shirkaas oo markii hore qorshuhu ahaa in lagu qabto magaalada Muqdisho ayaa loo wareejiyey Garoowe kadib markii uu diiday madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen inuu yimaado caasimadda. 

Si kastaba, xog cusub oo aan ka helnay madaxtooyada Puntland oo qaban qaabineysay shirka, ayaa sheegeysa in madaxda dowlad goboleedyada badankood ay go’aansadeen in aysan iman shirka meel kasta oo lagu qabto, taasi oo cadaadiska ku kordhineysa madaxweyne Xasan Sheekh. 

Madaxda Dowlad Goboleedyada qaarkood oo rumaysan in uu dagaal kaga soo wajahan yahay dhanka Villa Somalia.

Wararku waxay intaas ku darayaan in hadda dhammaan dowlad goboleedyada ay hadda hal mowqif ka taagan yihiin khilaafka Villa Somalia oo aanay jirin dowlad goboleed heshiis la’ ah dowladda federaalka.

Saciid Deni ayaa ka caraysan in Puntland la dhaafiyey xilka ra’iisul wasaaraha iyo habka loo qeybiyey xilalka wasiirada, Laftagareen wuxuu weli ka ciil qabaa xilkii loo dhiibay Roobow, Axmed Madoobe ma cadda waxa uu tirsanayo balse waxay u badan tahay inuu ku xiran yahay Deni, Qoor Qoor wuxuu rumeysan yahay inuu socdo qorshe kursigiisa loogu diyaarinayo Asbhir Bukhaari, halka Guudlaawe aan la aqoon waxa uu tirsanayo.

Shirka Garoowe ayuu madaxweyne Xasan Sheekh doonayey inuu isaga xaliyo mad madowga kala dhaxeeya madaxda maamullada, ayada oo wararku ay sheegayaan in madaxweynaha aanu xilliga diyaar u ahayn khilaaf iyo dagaal siyaasadeed, maadaama uu doonayo in si midaysan loo qaado dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Si kastaba, maamul goboleedyada ayaa u muuqda inay dagaal siyaasadeed u bareereen kadib markii ay 31-kii August qaadeen tallaabo ay xiriirka iyo wadahsaqeynta ugu jareen wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka oo ay ku eedeeyeen inay ka baxday heshiisyo horey loo gaaray.

Muxuu CC Sharmaarke ka yiri muddo kororsiga Axmed Madobe iyo aamusnaanta DF?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee dowladda Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo wareysi dheer siiyey Telefishinka Universal ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha soo kordhay.

Cumar Cabdirashiid ayaa marka hore si weyn uga horyimid muddo kororsiga Axmed Madoobe, wuxuuna shaaca ka qaaday in hadda ay taagan tahay eed ah inuu wax ku qaban waayey muddo dheer oo uu xafiiska joogo, isaga oo ah  madaxweynaha Jubbaland.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sidoo kale sheegay in muddo kororsiga uu sidiisaba lid ku tahay dimuquraadiyadda, wuxuuna tilmaamay in marna aan la ogolaan.

“Ninka fakirka keenayo ee leh waxbaan ku darsanayaa waa nin aan dimuquraaddiyad ka shaqeyneynin, waana inaan marna laga ogolaan aniga hadda waa ka hadlay markii Jubbaland ay tiri waan ku darsanay,” ayuu wareysigaana ku yiri, ra’iisul wasaarihii hore.

Waxa kale oo uu soo hadal qaaday aamusnaanta dowladda dhexe, kadib tallaabadii uu qaaday Axmed Madoobe, isaga oo tilmaamay inay tahay arrin qatar ah.

“Dowladda federaalku haddii aysan ka hadlin waxa ka dhacaya dowlad goboleedyada, Moral Authority-geeda ayaa lumaya. Haddii aysan tan Jubbaland ka hadlin, haddii Galmudug tiraahdo waan ku darsanay, ama Puntland tiraahdo waan ku darsanay, dowladdu hadhow way ku qaldan tahay inay tiraahdo waan diidnay,” ayuu yiri Mudane Cumar Cabdirashiid.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Jiritaankeenna aniga waxaan aaminsanahay inay ku xiran tahay inaan saxno waxyaabaha aan ku kala tageyno oo dhan,”.

Hadalkaan ayaa kusoo aadayo, iyada oo xiisad siyaasadeed oo xoogan ay ka dhalatay muddo kororsiga madaxweyne Axmed Madoobe oo ay dhowaan hal sano oo dheeraad ah ugu dareen xildhibaannada baarlamaanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Howlgalka ka socda gobolka HIIRAAN oo xoogeystay iyo ciidanka oo dhaqaaqay…

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in weli ciidanka dowlada ay howlgallo ka wadaan gobolkaas oo ay kula dagaalamayaan xoogaga Al-Shabaab oo todobaadkaan weeraro culus ka geystay halkaasi.

Ciidamada Xoogga dalka , qaybta 27-aad ayaa maanta ka dhaqaaqay dhanka degmada Buulo-burde waxayna isku fidiyeen deegaanno dhaca duleedka degmadaas, iyaga oo ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culus oo ka dhan ah kooxda hubeysan ee Al-Shabaab.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamadu ay hawada ka saareen isgaarsiintii deegaannadaasi, maadaama uu socda howlgal culus & abaabul ka dhan ah Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey inay gaareen deegaannada kala ah Ceemoy, Dhagax Yaalle, Kilad Gubadley iyo Ceelka-dabyoole.

Sidoo kale ciidamada ayaa burburiyey doomo ku xirnaa wabiga Shabelle, kuwaas oo ay sheegeen in ay isticmaali jireen xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab oo baxsad ah.

Ujeedka howlgalladan ayaa ah sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa halkaasi, looguna hortegi lahaa weerarada ay ka fuliyaan gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale maleeshiyaadka Macawiisley ayaa iyaguna dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada dhanka degmada Jalalaqsi, halkaas oo ay ka dhaceen iska hor imaadyo xoogan.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u ckiran, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi.

Si kastaba, arrimahaan ayaa ku soo aadayo, iyada oo maalin ka hor ay Al-Shabaab dad shacab ahaa ku leysay duleedka Beledweyn, kadibna ay gubtay gawaaridii ay la socdeen.

Ciidamada DF oo weeraray maxkamadda Al-Shabaab ee duleedka MUQDISHO

0

Balcad (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ee Haramcad yo kuwa Duufaan ee NISA ay howlgal ku qaadeen deegaanka Basra oo ku yaalla duleedka Muqdisho, gaar ahaan inta u dhexeysa degmooyinka Balcad & Afgooye halkaas oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa beegsaday xarun maxkamad u aheyd Al-Shabaab, halkaas oo ay ugu yeeri jireen dadka shacabka, waxaana kadib ka dhacay dagaal foolka fool ah.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa burburinta maxkamadda iyo goob ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin deegaankaasi.

Sidoo kale waxa ay shaaca ka qaadeen inay ku guuleysteen inay soo daayaan dad ay xir-xireen Al-Shabaab oo ay ku jiraan ganacsato ‘ay afduub ahaan u heysteen’, isla-markaana ay qabteen xubno iyo horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab, balse ma shaacin tiradooda.

Xaaladda deegaanka Basro ayaa weli aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in dhaq-dhaqaaqyo xoogan laga dareemayo waddada xiriirisa Balcad iyo Afgooye.

Tallaabada ay qaaday dowladda Soomaaliya ayaa ah mid looga hortegayo dhaq-dhaqaaqa ay Al-Shabaab ka wado Muqdisho iyo nawaaxigeeda oo maalmihii la soo dhaafay aad u kordhay waxaana Al-Shabaab ay u yeerayeen dadka shacabka ah iyo ganacsatada.

Inta badan ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa ATMIS ayaa howlgallo culus ku qaada kooxda Al-Shabaab oo weli, yaduna weeraro xoogan ka fulisa gudaha dalka.

Maxaa ka jira in CIIDAMO ka tirsan GALMUDUG ay u gudbeen dowlad degaanka?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Khaalid Cabdi Yuusuf oo ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa ka hadlay xiisad beeleed haatan ka taagan gobolka Qoraxey, gaar ahaan deegaanno u dhow xadka ay wadaagaan maamullada dariska ah ee Galmudug iyo sidoo kaledowlad deegaanka Soomaalida.

Khaalid oo u warramay Shabelle TV ayaa sheegay in xiisaddan ay muddo soo jiitameysay islamarkaana ay haatan kasii dartay, isagoo beeniyey eedeyn uga timid dowlad deegaanka.

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Galmudug oo u gudbay dhulka dowlad deegaanka, qaybna ka ah xiisaddaasi.

“Dadku sibeyn isugu xir-xiran yihiin laakiin wax maamulka Galmudug ka tirsan ama ciidamada Galmudug ka mid ah oo halkaa u gudbay ma jirto,”ayuu yiri xildhibaanku.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada Liyuus Boolis ee dowlad deegaanka ay qaadeen tallaabo uga sii dareyso xiisadda, isla-markaana ay xir-xireen illaa 10 qof oo shacab ah, kuwaas oo uu tilmaamay in aysan garaneyn illaa iyo hadda meesha ay geeyeen.

“Dadkii shacabka ahaa qayb ka mid ah in ciidamadu ay kaxeysteen dad dhowr iyo 10 gaaraya meel ay illaa iyo hadda geeyeena aan la aqoon inay dileen inay hayaan inay nool yiihiin aanan wax war ah ka heynin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey xildhibaan Khaalid Cabdi.

Ugu dambeyn wuxuu baaq u diray ismaamulka dowlad deegaanka, isaga oo ka codsaday in la qaboojiyo xiisadda ka taagan halkaasi, si aysa uga dhalan waxyeello kale.

Si kastaba, xiisadda ka taagan halkaas ayaa soo jiitameysay, tan Ramadaankii waxaana maleeshiyaadka labada dhinac dhex-maray dagaallo khasaare geystay.

Maxay tahay ujeeddada markabka dagaal ee Turkigu leeyahay ee gaaray Israel?

Haifa (Caasimada Online) – Markab dagaal oo uu leeyahay dalka Turkigu ayaa markii ugu horraysay muddo ka badan toban sano wuxuu ku xirtay dekedaha Israel, arrintan oo astaan u ah inuu soo hagaagayo xiriirka u dhexeeya Israe iyo Turkey.

Markabkan oo lagu magcaabo TCG Kemalreis ayaa Axaddii wuxuu ku xirtay dekedda Haifa ee ku taalla dhinaca Woqooyi ee Israel, oo xarun u ah ciidanka Badda Israel, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee AFP.

Afhayeen u hadlay ciidamada Israel ayaa sheegay in markabkani uu ka tirsan yahay hawlgalka isbahaysiga NATO, isaga oo ku jira mid ka mida hawlihiisa shaqo ee caadiga ah.

Wasaaradda Difaaca ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in markabkani uu ku sugnaan doono dekedda Haifa illaa iyo maalinta Talaadada ee toddobaadkan.

Kadib sannado badan oo uu xumaa xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Israel, bishii August 17-keedii ee sannadkan ayaa labada dal waxay ku dhawaaqeen in si buuxda loo soo celiyey xiriirkoodii diblomaasiyadeed iyo weliba safiiradii kala fadhiyey Ankara iyo Tel Aviv.

Waa markabkii dagaal ee ugu horreeyey ee ku xirta dekedaha Israel tan iyo sannadkii 2010-kii.

Xiriirka Israel iyo Turkey ayaa gebi ahaan burburay 2010 kadib markii 10 qof ay ku dhinteen weerar ay Israel ku qaaday Markab Turkish ah oo lagu magacaabo Mavi Marmara oo gargaar u sida Gaza, kaasi oo isku dayey inuu jebiyo xannibaad ay Israel kusoo rogtay.

Heshiis la gaaray 2016 oo dib loogu soo celiyey safiirrada labada dal ayaa burburay 2018, kadib markii 200 oo dadka Gaza ah ay toogasho ku dileen ciidamada Israel xilli ay dibadbax dhigayeen.

Madaxweynahga Israel Isaac Herzog ayaa booqasho taariikhi ah ku tegay Ankara bishii March, halkaasi oo uu kula kulmay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo kulanka ku qeexay “Marxalad isbeddel u ah xiriirka labada dal.”

AFP + VOA

Weeraro mindiyeyn ah oo dad badan lagu laayey oo ka dhacay dalka Canada

Toronto (Caasimada Online) – Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay 15 kalena waa lagu dhaawacay weeraro mindiyeyn ah oo ka dhacay laba deegaan oo baadiye ah oo ku yaalla dalka Canada Axaddii, waxaa sidaas sheegay booliska oo billaabay ugaarsiga laba tuhunsane.

“Waxaan meydadka 10 qof oo la dilay ka helnay 13 goob oo ku yaalla deegaanada James Smith Cree Nation iyo Weldon ee gobolka Saskatchewan,” waxaa sidaas tiri kaaliyaha madaxa booliska gobolka Rhonda Blackmore oo shir jaraa’id qabatay.

“Waxaa sidoo kale la dhaawacay dhowr qof oo kale oo 15 ka mid ah illaa hadda la dhigay isbitaallo kala duwan,” ayey tiri. 

“Waxaan raadineynaa laba tuhunsane… waxaana baareynaa goobo dambiyeeydyo kala duwan.”

Blackmore ayaa sheegtay in booliska markii ugu horreysay lasoo wacay abaare 5:40 am loona sheegay in mindiyeyn ay ka dhacday deegaanka James Smith First Nation kadibna ay xigeen wicitaano dheeri ah oo ku saabsan mindiyeyn.

Waxa ay intaas ku dartay in mas’uuliyiinta ay rumeysan yihiin “in qaar ka mid ah dhibanayaasha la bartilmaameedsaday, halka kuwo kalena si aan kala sooc laheyn loo weeraray.”

Booliska ayaa labada qof ee la tuhunsan yahay magacyadooda ku sheegay Damien Sanderson iyo Myles Sanderson, waxayna intaas ku dareen inay ku safrayeen gaari madow oo ah nooca Nissan Rogue.

“Illaa hadda ma naqaan jihada ay u safreen,” ayey tiri Blackmore oo sheegtay in heegaan la geliyey gobolka weerarada ay ka dhaceen ee Saskatchewan iyo labada gobol ee deriska la ah ee Alberta iyo Manitoba.

Booliska ayaa sidoo kale baaraya xiriirka ka dhaxeeya labada qof iyo haddii ay yihiin dad horey ugu jiray diiwaanka booliska.  

Wararkii ugu dambeeyey ee go’aanka laga filayo maxkamadda sare KENYA

Nairobi (Caasimada Online) – Maxkamadda ugu sarreysa ee dalka Kenya ayaa lagu wadaa in ay maanta ku dhawaaqdo go’aanka natiijadii doorashada madaxweynaha ee uu u gudbiyay raysul wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga.

Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, oo markii shanaad isku dayaya inuu madaxweyne noqdo, ayaa sheegay in guushii dirqiga ahayd ee madaxweyne ku-xigeenka William Ruto ay ahayd natiijada ku timid ku shubasho.

Afar ka tirsan toddobada xubin ee guddiga doorashada ayaa qaaddacay natiijada uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Wafula Chebukati, iyagoo sheegay in tirinta codadku ay ahayd mid mad madow uu ku jiray.

Maxkamadda ugu sarreysa Kenya ayaa taariikh sameysay doorashadii sanadkii 2017, iyadoo laashay guushii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ka guuleystay Odinga, iyadoo sababta ku sheegtay in khaladaad ay ka jireen hannaanka doorashada.

Maxkamadda ayaa xilligaas amartay in doorasho ku celis ah la qabto, balse waxaa diiday in doorashadaas ku celiska ah uu ka qeyb galo Raila Odinga. Tiro dad ah ayaa sanadkaas dhexdiisa ku dhintay isku dhacyo ka dhashay doorashada.

Doorashadii dhoweyd, dibadbaxyo yar ayaa ka dhacay dhowr meel oo ay ku xooggan yihiin taageereyaasha Odinga, kaddib markii guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Kenya uu ku dhawaaqay guusha Ruto 15-kii bishii aanu soo dhaafnay ee Agoosto. Balse, Raila Odinga ayaa taageereyaashiisa u soo jeediyay inay nabadda ilaaliyaan, wixii intaa ka dambeeyayna xaaladdu way deggeneyd.

Raila Odinga, oo doorashadan taageero ka helayay madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay in koox u shaqeyneysay Ruto ay farageliyeen hannaanka guddiga ee online-ka ah, ayna wax is daba marin sameeyeen.

Odinga iyo 4 xubin oo ka tirsan guddiga doorashooyinka ayaa sidoo kale guddoomiyaha guddiga Wafula Chebukati ku eedeeyay inuu carqaladeeyay sharciga guddiga iyagoo sheegay inuu iska sii watay tirinta codadka iyo ku dhawaaqidda natiijada.

Tirada rasmiga ah ayaa muujineysay in Ruto uu helay 50.49%, taas oo ku filneyd in uusan gelin doorasho ku celis ah. Ruto iyo Chebukati ayaa ka hor yimid dhammaanba eedeymahaas loo soo jeediyay.

Kooxda sharciga ee Ruto ayaa beenisay sheegashooyinka Odinga, iyagoo sheegay inaan wax caddeymo ah loo heyn eedeyntooda.

Muxuu noqon karaa go’aanka maxkamadda?

Maxkamadda oo maanta lagu wado inay ku dhawaaqdo go’aankeeda kama dambeysta ah ayaa waxaa uu go’aankooda noqon karaa labo midkood:

1- In ay maxkamaddu laasho natiijada, isla markaana ay amarto in muddo 60 maalin gudahood ah doorasho ku celis ah lagu qabto.

2- Go’aanka kale ee ay garsooreyaashu gaari karaan ayaa ah in ay taageeraan natiijadii uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga doorashada, isla markaana madaxwaynaha la doortay oo ah William Ruto xilka loo dhaariyo toddobaadka soo socda.

Kenya ayaa ah dal xulafo la ah dalalka Reer Galbeedka, kuna yaalla gobol ay xasarado ka jiraan. Waxay ciidamo nabad-ilaalin ah u dirtay dalalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo. Waxay sidoo kale saldhig u tahay shirkado iyo ururro caalami ah.

Sanadkii 2007, ilaa 1,200 oo qof ayaa ku dhimatay rabshado ka dhashay doorashadii sanadkaas oo ay isugu soo hareen madaxweynihii geeriyooday ee Mwai Kibaki iyo Raila Odinga, taasoo guusha ay ku raacday Kibaki.

BBC

Maxaa sababay kacdoonka qabaa’ilka ee Al-Shabaab ku wajahan? (Dhageyso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii ugu dambeeyay gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ka socday dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo qabaa’iilada qaar ay bilaabeen, kuwaas oo dagaalo toos ah la galay kooxda.

Markii uu soo shaac baxay kacdoonkaan looga hor yimid Al-Shabaab, kooxdu waxay ku kacday gabood-fallo waaweyn, in ka badan 20 qof oo shacab ah ayey habeen ka hor ku dishay inta u dhaxeysa magaalooyinka Maxaas iyo Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxay halkaas Al-Shabaab ku gubeen ku dhowaad 10 gaari oo dadkii ay laayeen u raraa, horay waxay dadkaas uga burburiyeen ceelashii biyaha iyo isgaarsiintii, waxayna dadka iyo duunyada u dileen Oon iyo Jaago.

Haddaba, sidee ayay awooda kooxda Al-Shabaab u wiiqi karaan kacdoonada uga imaanaya qabii’illada Soomaalida qaar? Sidoo kale dowladda Soomaaliya sidey uga faa’ideysan kartaa dagaalka ay shacabku kula jiraan Al-Shabaab.?

Maxamed Sheekh Xuseen oo ka faallooda arrimaha ammaanka iyo siyaasadda oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa la hor dhigay su’aalahaas, wuxuuna ugu horeyn sheegay in weerarkii shalay ku tilmaamay mid jawaab u ahaa dhaq-dhaqaaqyada looga soo horjeedo Al-Shabaab ee ka socda Hiraan iyo meelo kale, isla markaana ay digniin ugu dirayeen qabaa’ilka isku diyaarinaya howlgallada ka dhanka ah.

“Dhibaatadii shalay ay geysteen Al-Shabaab waxay macno u tahay in baaq loo dirayay dadkii dhaq-dhaqaaqyada meesha ka waday oo lagu cabsi galinayo, waxay ku xiran tahay sida dadka deegaanka ay uga jawaab celiyaan oo ugu istaagan amnigooda iyo dantooda guud,” ayuu yiri Maxamed Sheekh.

Sidoo kale wuxuu ku taliyay si xaaladda amni ee dalka wax looga qabto in madaxda sare ee dalka ay sameeyaan isbedel dhanka talisyada ciidanka ah ama ay kalsooni buuxda siiyaan kuwa hadda jooga xafiisyada.

“Waxaa fiican in amniga loo dhiibo dad ay wada-shaqey karaan madaxweynaha oo karti iyo aqoon u leh waxa laga shaqeynayo oo amniga dalka ah, haddii ciidanka kuwa jooga aan la badaleyn, waa in kalsooni la galiyo ay meesha ku joogi karaan, kuna qabtaan shaqada,” ayuu hadalkiisa ku sii daray falanqeeye siyaasadeed Maxamed Sheekh.

Si kastaba, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wacad ku martay inay sii wadi doonto dhaq-dhaqaaqyada kooxda Al-Shabaab looga xoreynayo dalka, kadib weerarkii bahalnimada ahaa ee shalay ay ku dileen dad ku u dhaafaya 20 qof oo shacab ah.

Sidoo kale Al-Shabaab waxay Hiiraan ku gubeen sideed gaari oo sahay ay ku wateen dadka ay laayeen, war ay ka soo saareen dhacdadaas xanuunka badana waxay ku faaneen inay laayeen macawiisley dagaal kala hor timid, carada loo qaaday Al-Shabaab ayaa gaartay heerkii ugu sareeyey.

Dhinaca kale Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta fagaare ku yaalla magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe waxay ku toogatay shan qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah, kuwaas oo dhamaantood ay ku eedeeyeen inay si hoose ula shaqeynayeen dowladda Soomaaliya.

Todobaad ama bil kasta Al-Shabaab waxay toogtaan dhowr qof oo basaasnimo ay ku eedeynayaan, dadkaas waxay ka qabtaan deegaanada ay maamulaan, xukunka kooxdaan ay fulisana waa dil oo kaliya.

Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa maalmahaan laga dareemayaa kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab oo qabaa’ilku ay sameynayaan, waxaana kasii horeysay Mudug, kacdoonkaan ayaa ka dhashay cadaadiska iyo xasuuqa aan loo meel-deyin ee kooxdu bilowday wayahaan dambe.

Hoos ka dhageyso wareysiga falanqeeye siyaasadeed Maxamed Sheekh.

Al-Shabaab oo mar kale 5 QOF hal goob ku dishay iyo caro badan oo kooxda loo qaaday

0

Jilib (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta fagaare ku yaalla magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe waxay ku toogatay shan qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah, kuwaas oo dhamaantood ay ku eedeeyeen inay si hoose ula shaqeynayeen dowladda Soomaaliya.

Boqolaal qof oo dadka reer Jilib ah ayaa la isugu keenay fagaarihii maanta lagu toogtay shantaas nin, waxaana dadkii ka soo qeyb galay daawashada toogashada la hadlay nin magaciisa lagu sheegay Macalin Aadan Xaashi, kaas oo eedeymaha ragaas u akhriyey.

Dhamaan ragaan waxay Al-Shabaab u heysteen basaasnimo, waxayna soo bandhigeen magacyada rag ay sheegeen in lagu beegsaday duqeymo ay hagayeen shantaan nin, kuwaas oo ka dhacay gobollada Jubooyinka iyo Shabeellada Hoose.

Kooxda Al-Shabaab ayaa aad u badisay cadaadiska iyo dilka ay ku heysto dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada ay ka dhaqdhaqaaqaan, waxaana hadda jira wax un baraarug ah oo dadku ay muujinayaan.

Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa maalmahaan laga dareemayaa kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab oo qabaa’ilku ay sameynayaan, waxaana kasii horeysay Mudug, kacdoonkaan ayaa ka dhashay cadaadiska ay kooxdu bilowday wayahaan dambe.

Todobaad ama bil kasta Al-Shabaab waxay toogtaan dhowr qof oo basaasnimo ay ku eedeynayaan, dadkaas waxay ka qabtaan deegaanada ay maamulaan, xukunka kooxdaan ay fulisana waa dil oo kaliya.

Habeen ka hor gobolka Hiiraan, inta u dhaxeysa Beledweyne iyo Maxaas waxay ku toogteen ku dhowaad 30 qof oo safar ahaa, waxayna gubeen sideed gaari, war ay ka soo saareen dhacdadaas xanuunka badana, waxay ku faaneen inay laayeen macawiisley dagaal kala hor timid, carada loo qaaday Al-Shabaab ayaa gaartay heerkii ugu sareeyey.

XASAN Sheekh oo sameeyey xil magacaabis cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) u magacaabay in uu noqdo la-taliyihiisa dhanka xiriirka dowlad goboleedyada dalka.

Madaxweynaha oo ka duulaya muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta heyadaha dowladda, gaar ahaan xiriirka dowlad goboleed Maxamed Qoone ku soo xulay la-taliyaha aqoonta iyo waayo-aragnimadiisa shaqo ayaa ku adkeeyey in uu door wanaagsan ka qaato qorshaha dowladda ee Soomaali heshiis ah,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa masuulkaan cusub u xushay inuu ka qeyb qaato maamul daadejinta iyo kobcinta hannaanka federaaleynta dalka, kuwaas oo xafiiska madaxweynuhu uu mudnaan gaar ah siinayo.

“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la-taliyaha Xiriirka Dowlad-goboleedyada Mudane Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) Alle uga rajeeyey in uu u fududeeyo shaqada Qaran ee hortaallda.”

Xeerkan Madaxweyne Lr 29 oo lagu magacaabay la-taliyahaan cusub ayaa dhaqan galay Axadii maanta ee 04-ta September, oo ah markii lagu baahiyey faafinta rasmiga ah ee dowladda.

Madaxtooyadu sidii caadiga aheyd uma baahin magacaabidaan, baraha bulshada ee Villa Somalia iyo warbaahinta dowladda midna laguma baahin, lamana yaqaano sababta, balse Caasimada Online ayaa heshay qormada dikreetadaan maanta ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh.

 

Erdogan oo tallaabo qadaaya kadib markii GREECE ay qabsadeen JASIIRADO

0

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa Sabtidii ku eedeeyay dalka Giriigga in uu qabsaday jasiirado ku yaal badda Aegean kuwaasi oo ka caaggan militariga, waxaana uu sheegay in Turkigu uu diyaar u yahay in uu sameeyo “waxa lagama maarmaanka ah,” marka uu waqtigaasi yimaado, sida uu hadalka u dhigay.

Turkiga iyo Giriigga oo aad u loollama, islamarkaana ka wada tirsan isbahaysiga NATO ayaa isku haya arrimo ka bilaabanaya duulimaadyada aagga lagu muransan yahay, maqaamka jasiiradaha Aegean ilaa xuduudaha badda iyo kheyraadka hydrocarbon ee badda Mediterranean, iyo sidoo kale qeybinta qowmiyadda ku saleysan ee Qubrus.

Ankara ayaa dhowaan ku eedeysay Athens in ay hubeyneyso jasiiradaha Aegean-ka ee militariga ka caaggan, iyadoo Athens ay eeddaasi iska fogeysay, laakin Erdogan ayaan kol hore Greece ku eedeyn in ay jasiiradaha qabsatay.

“Qabsashadaada jasiiradaha nama celin doonto. Marka wakhtiga, iyo saacaddu yimaadaan, waxaan samayn doonaa waxa loo baahan yahay,” ayuu Erdogan yiri mar uu hadal ka jeedinayay gobolka koonfureed ee Samsun.

Greece ayaa jawaab ka bixisay eeddan ka timid Turkiga waxaana ay sheegtay in aysan raaci doonin hadallada iyo eedaha aadka looga xumaado ee markasta ka soo yeeraya Turkiga.

REUTERS + VOA

Al-Shabaab oo mar kale maanta gubay baabuur ay sheegeen inay wadeen…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegay inay gubeen saddex gaari oo booyad ah, kuwaasi oo shidaal u siday garoonka diyaaradaha ee deegaanka Balli-doogle, halkaasi oo ay saldhig ciidan ku leeyihiin ciidamada Mareykanka.

Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sheegay inay booyadaha shidaalka siday ay ku weerareen iyagoo marayay deegaanka Xaawo Cabdi ee u dhaxeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay ka fakatay hal booyad oo dhinaca magaalada Muqdisho u carartay markii ay weerarka ku bilaabeen, sida uu hadalka u dhigay.

Muuqaalo laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay gawaarida booyadaha oo gubanaya oo wadada dhinaceeda yaalla.

Marka laga yimaado sheegashada Al-Shabaab, Saraakiil dowladda ka tirsan ayaa dhankooda sheegay inay jiraan dhaawacyo soo gaaray darawaliinta gaadiidka waday.

Inkasta oo si madax banaan loo xaqiijin karin nooca weerarku ahaa, ayaa haddana waxay saraakiishu sheegeen in Al-Shabaab dhowr madfac ku dhufteen gaadiidka sahayda u waday xerada Balli-doogle.

Kooxda Al-Shabaab ayaa marar badan wadada xiriirisa Muqdisho iyo Shabeellada Hoose ka geysta weeraro gaadmo ah, kuwaasi oo inta badan kula eegtaan ciidamada ku safra jidkaan oo ah meelaha ugu halista badan.

Tallaabada lagu gubay booyadaha ayaa imaneysa maalin kadib markii ay Al-Shabaab ay shalay gubeen 7 gaari oo rakaab ah, kadibna dileen 20 qof oo shacab ahaa oo la socday, meel ku dhow magaalada Beledweyne.

Wararkii ugu dambeeyay ee muranka doorashada Kenya iyo Maxkamadda Sare oo…

0

Nairobi (Caasimada Online) – Maxkamada sare ee dalka Kenya ayaa berri oo Isniin ah go’aan ka gaari doonta in ay taageerto ama ay laasho natiijada doorashadii madaxweynaha ee bishii hore ka dhacday dalkaasi, waxaana xukunkaas si weyn looga sugayaa maxkamadda dal ay hore uga dhaceen rabshado la xiriira doorashada madaxweynaha.

Maxkamaddan oo ka kooban 7 garsoore ayaa go’aankeeda soo saari doonta kadib saddex maalmood oo dood afka ah todobaadkii hore ay iskaga horyimaadeen qareennada u doodaya William Ruto iyo Ra’ila Odinga iyo kuwa kale oo difaacayay guddiga doorashada.

Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, oo u tartamay doorashadiisii shanaad ee madaxweynaha Kenya, ayaa sheegay in guusha ciriiriga aheyd ee madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto ay ka dhalatay wax is-dabamarin baahsan.

Afar ka mid ah toddobada xubnood ee guddiga doorashada ayaa diiday natiijada uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga doorashada, iyagoo sheegay in tirinta codadka ay tahay mid mugdi ku jiro.

Maxkamadda Sare ayaa taariikhda Kenya markii ugu horreysay baab’isay guushii uu madaxweyne Uhuru Kenyatta ka gaaray Odinga doorashadii 2017-kii sababo la xiriira ‘khaladaad ka dhacay doorashada’ waxaana Kenyattaa uu markii dambe ku guuleystay doorashadii ku celiska aheyd, taas oo uu mar kale qaaddacay Odinga.

Ilaa 100 qof ayaa lagu dilay isku dhacyo la xiriira doorashada sanadkaas.

Mudaaharaadyo muddo kooban socday ayaa ka dhacay dhowr goobood oo ay ku badan yihiin taageerayasha Odinga, kadib markii 15-kii Agoosto uu guddoomiyaha guddiga doorashada ku dhawaaqay in Ruto uu ku guuleystay. Balse Odinga ayaa ku boorriyay taageerayaashiisa inay nabadda ilaaliyaan, iyada oo Kenya ay xasilloon ka jirto tan iyo xilligaas.

Xanaaqa taageereyaasha ayaa inta badan ka kacaya dhinaca online-ka, halkaas oo Odinga iyo xisbiyada Ruto ay isku weeraryaan baraha bulshada, iyada oo qolo kasta ay guul sheeganeyso.

Odinga oo uu doorashadan ku taageeray madaxweyne Kenyatta oo muddo xileedkiisii dhammaaday ayaa ku eedeeyay kooxaha u shaqeysa Ruto ‘inay jabsadeen qalabka uu isticmaalo guddiga ayna muuqaallo been abuur ah ku beddeleen kuwa dhabta ah oo muujinaya foomamka natiijada goobaha cod bixinta, taasoo kordhisay tirada codadka William Ruto’.

Odinga iyo afarta xubnood ee ka tirsan guddiga doorashada ee diiday natiijada lagu dhawaaqay ayaa sidoo kale ku eedeeyay guddoomiyaha guddiga Wafula Chebukati inuu ku xad-gudbay sharciga doorashada isagoo si hal dhinac ah u fuliyay tirinta codadka oo uu ku dhawaaqay natiijada.

Tirada codadka ee rasmiga ah ayaa muujinaya in Ruto uu helay 50.49%, taas oo ku filan in uu ka baaqsado wareeg labaad ee doorasho ku celiska ah.

Ruto iyo Chebukati ayaa diiday dhammaan eedeymahaas, waxaana kooxda qareennada ee Ruto ku gacan seyrayn sheegashada Odinga iyagoo ku tilmaamay xeelad “aan lahayn cadeymo la taaban karo.”

Go’aanka maxkamadda oo noqon doona mid kama dambeys ah ayaa haddii ay baabi’iso natiijada waxay noqon doontaa in muddo 60 maalmood ah lagu qabto doorasho cusub.

M/AFRIKA oo ergey cusub usoo magacaabay Somalia kadib cayrintii MADEIRA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa danjire Mohammed El-Amine Souef u magacaabay ergaygiisa gaarka ah ee Soomaaliya iyo madaxa howlgalka ATMIS ee Soomaaliya.

Caasimada Online ayaa 27-kii July xog gaar ah ku shaacisay in la magacaabi doono Mohamed El-Amine Souef, oo u dhashay dalka Comoros.

Waajibaadka danire Mohammed El-Amine Souef ayaa ah inuu xiriir dhow oo joogto ah la yeesho dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo daneeyayaasha kale ee Soomaaliya ee taageeraya hirgelinta qorshaha kala-guurka ee iyo geeddi-socodyada ballaaran ee dowlad-dhisidda Soomaaliya

Waxa kale oo uu si dhow ula shaqayn doonaa urur-goboleedka IGAD iyo dalalka xubnaha ka ah, iyo sidoo kale saaxiibada labada dhinac iyo kuwa badan oo ay khusayso sida Qaramada Midoobay (UN) iyo Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) iyo Midowga Yurub (EU).

Si taas la mid ah, Guddoomiyaha  Midowga Afrika waxa uu si qoto dheer ugu mahadnaqay Danjire Francisco Caetano Jose Madeira oo u dhashay Mozambique oo xilkaan horey u hayey muddo 6 sano ah kaas oo uu ku ammaanay inuu si wacan u gutay waajibaadkii loo igmaday.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal uu soo saraay 7-dii April 2022 wuxuu dalka uga eryey Danjire Francisco Madeira, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay u aqoonsatay shakhsi aan dalka laga rabin kadib markii “uu ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa.”

El-Amine Souef oo ah 59 jir ayaa 2011 illaa 2015 soo ahaa madaxa howlgalka wadajirka ah ee Qaramada Midoobe iyo Midowga Afrika ee gobolka Darfur ee dalka Sudan, howlgalkaas oo loo yaqaan UNIMID (United Nations-African Union Mission in Darfur).  

Macawiisleyda oo jawaab ka bixiyey weerarkii Shabaab

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta maleeshiyaadka kooxda Macawiisleyda ay weerar culus ku qaadeen deegaanka Geed-weyne oo hoostaga degmada Jalalaqsi oo ka tirsan gobolkaasi, halkaas oo ay sidoo kale ku suganaayeen xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Maleeshiyaadka Macawiisleyda ayaa weerarka la beegsaday saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaankaasi, waxaana kadib qarxay dagaal culus oo foolka fool ah.

Horjoogayaal u hadlay Macawiisley ayaa shaaca ka qaaday in duulaankooda uu jawaab u yahay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku leysay dadkii shacabka ahaa ee Sabtidii ka dhacay gudaha deegaanka Afar Irdood oo dhaca duleedka magaalada Beledweyne.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay khasaare lixaad leh gaarsiiyeen Al-Shabaab, isla-markaana ay ka dileen ugu yaraan illaa 15 xubnood, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaas ee ay guulaha ka sheegteen maleeshiyaadka Macaswiisleyda.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo milatari oo iska soo horjeedo laga dareemayaa deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Al-Shabaab oo horey war uga soo saartay weerarkii ka dhacay Hiiraan ayaa sheegtay inay ku dishay maleeshiyaad ka tirsanaa Macawiisleyda oo qayb ka ah howlgalka gobolkaasi.

Hiiraan ayaa waxaa ka socdo dagaallo culus iyo weeraro ‘aargoosi ah’ oo ay kooxda Al-Shabaab ka billowday gobolkaasi, iyada oo gubtay ceelal iyo guryo ay leeyihiin shacab.