27.7 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Macawiisleyda oo jawaab ka bixiyey weerarkii Shabaab

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta maleeshiyaadka kooxda Macawiisleyda ay weerar culus ku qaadeen deegaanka Geed-weyne oo hoostaga degmada Jalalaqsi oo ka tirsan gobolkaasi, halkaas oo ay sidoo kale ku suganaayeen xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Maleeshiyaadka Macawiisleyda ayaa weerarka la beegsaday saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaankaasi, waxaana kadib qarxay dagaal culus oo foolka fool ah.

Horjoogayaal u hadlay Macawiisley ayaa shaaca ka qaaday in duulaankooda uu jawaab u yahay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku leysay dadkii shacabka ahaa ee Sabtidii ka dhacay gudaha deegaanka Afar Irdood oo dhaca duleedka magaalada Beledweyne.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay khasaare lixaad leh gaarsiiyeen Al-Shabaab, isla-markaana ay ka dileen ugu yaraan illaa 15 xubnood, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaas ee ay guulaha ka sheegteen maleeshiyaadka Macaswiisleyda.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo milatari oo iska soo horjeedo laga dareemayaa deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Al-Shabaab oo horey war uga soo saartay weerarkii ka dhacay Hiiraan ayaa sheegtay inay ku dishay maleeshiyaad ka tirsanaa Macawiisleyda oo qayb ka ah howlgalka gobolkaasi.

Hiiraan ayaa waxaa ka socdo dagaallo culus iyo weeraro ‘aargoosi ah’ oo ay kooxda Al-Shabaab ka billowday gobolkaasi, iyada oo gubtay ceelal iyo guryo ay leeyihiin shacab.

Daawo: CUMAR FILISH oo ka hadlay xil ka-qaadistiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo xalay u dabaal-degay saddex sanno guuradii ka soo wareegtay markii la magacaabay ayaa jeediyey khudbad xasaasi ah oo uu kaga hadlay arrimo dhowr ah.

Cumar Filish ayaa si dadban uga hadlay qorshaha socdo ee ku aadan xilka qaadista ay la damacsan tahay Villa Soomaaliya, maadaama uu dalka ka dhacay isbedel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii May ee dib loogu doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Duqa Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in xilka uu yahay meerto, isla-markaana uu ogyahay in la beddelayo, balse uusan ogeyn cidda beddeysa, sida uu hadalka u dhigay.

“Mas’uuliyaddu waa meerto hadda waan joognaa, beri cid kale ayaa imaaneysa ma naqaano cidda na beddeli doonta, laakiin waxaan ognahay in nala beddalayo fursadda aan heysanaa waa inta aan joogno,” ayuu khudbaddiisa ku yiri guddoomiye Cumar Filish.

Sidoo kale wuxuu dardaaran culus u jeediyey mas’uuliyiinta kale ee gobolka Banaadir, isaga oo ka dalbaday inay la yimaadaan waxqabad muuqdo, si loo samata bixiyo dalka.

“Qof kasta oo naga mid ah mansabkiisa iyo mas’uuliyaddiisa ayaa xil uga saaran yahay inuu la yimaado waxqabad muuqdo, isaga oo aynan ka heyn is tus-tus oo ay ka tahay Ilaahey dartiis iyo jacey uu u qabo dalkiisa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Duqa Muqdisho.

Filish ayaa ka mid ahaa saaxibadii aadka ugu dhowaa Madaxweyne Farmaajo, waxaana aad loogu xasuustaa weerarkii uu qaaday mucaaradka dowladda, xilligii doorashooyinkii soo dhammaaday, isagoo markaas si cad u weeraray siyaasiyiin uu ka mid ahaa Xasan Sheekh.

Si kastaba, Duqa Muqdisho ayaa maraya marxaladdiisii u dambeysay, isaga oo haatan uun sugayo xilka qaadis, waxaana aheyd dhowaan markii ay Villa Soomaaliya ka reebtay shirka golaha amiga qaranka oo lagu qabtay xafiiska gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaan CC SHAKUUR oo soo jeediyey hab looga hortegi karo AL-SHABAAB

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan gurmadka abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee dalka, gaar ahaan kororka weerarada ay geysanayaan Al-Shabaab.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka kooxda uu yahay inay muujiyaan in aysan dalka ka jirin dowlad la’isku haleyn karo, sida uu hadalka u dhigay.

“Cadowgu wuxuu doonayaa in uu tusiyo in aysan jirin dawlad ay isku halleeyaan oo ay dullaysigooda aqbalaan,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale soo jeediyey habka kaliya ee looga hortegi karo weerarada Al-Shabaab iyo halistooda, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in abaabulka ka dhanka ah kooxdan uu noqdo mid heer qaran ah, si toos loogu wajaho dagaalka lagula jiro.

“Gulufka dagaal iyo gurmadka abaabul ee loogu hiilinayo shacabka uu Shabaab gumaadayo, waa in uu heer qaran noqdaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey ergeygu.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo shalay kooxda Al-Shabaab ay weerar lagu laayey dadka shacab ahaa, gaadiidna lagu gubay ay ka fulisay gobolka Hiiraan.

Weerarada Al-Shabaab oo si weyn u baahay ayaa ku soo beegmay, xilli madaxweyne Xasan Sheekh uu iclaamiyey dagaal ka dhan ah kooxda, kadib dib u doorashadiisii 15-kii May.

ATMIS oo ku dhowaaqday go’aan culus, kaddib weerarkii gobolka Hiiraan

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Howlgalka Midowga Afrika ee ka socda Soomaaliya, isla-markaana magaciisa loo soo gaabiyo ATMIS ayaa shaaca ka qaaday inay jawaab deg-deg ah ka bixin doonaan weerarkii ay Al-Shabaab Ka fulisay duleedka magaalada Beledweyne, kaas oo lagu laayey dad shacab ahaa, laguna gubay ku dhowaad 10 gaari.

ATMIS ayaa sheegtay inay ka go’an tahay inay la shaqeeyaan ciidamada Soomaaliya, si looga hortego weerarada kooxda Al-Shabaab, loona helo amni iyo xasillooni buuxda.

Sidoo kale waxa uu howlgalku tacsi u diray ehellada dadkooda lagu laayey deegaanka Afar Irdood ee gobolka Hiiraan, kadib markii ay weerar kala kulmeen kooxda Al-Shabaab.

“ATMIS waxa ay u tacsiyeynayaa qoysaska dadkii la dilay, walina waxaa ka go’an in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka Soomaaliya si loo helo nabad iyo amni ka dhalata Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Weerarka ay kooxda Al-Shabaab ku xasuuqday dadka shacabka ah ayaa lagu dilay ugu yaraan 20 qof, halka lagu gubay illaa 7 gaari oo ay la socdeen shacabka la laayey.

Sidoo kale waxaa qaraxyo lala beegsaday baabuur kale oo gurmad ahaan u tegey goobta, si ay u soo qaadeen maydadka iyo dhaawaca ka dhashay weerarkaasi.

Dhacdadan ayaa timid, xilli Hiiraan ay ka socdaan dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab, kadib markii ay howlgallo ku qaadeen ciidamada huwanta iyo maleeshiyaadka Macawiisleyda.

Xog: DENI oo damacsan in uu isbeddel ku sameeyo sirdoonka PUNTLAND

0

Garoowe (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoonaan karo oo haatan soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni uu ku howlan yahay qorshe ku aadan isbeddel lagu sameynayo hoggaanka hay’adda sirdoonka maamulkaasi ee PISA.

Deni ayaa ka fakiraya xilka qaadis la filayo in dhowaan lagu sameeyo agaasimaha guud ee Hay’adda PISA Mukhtaar Maxamed Xasan (Jeyte), sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareeydo.

Mukhtaar Jeyte ayaa xilkan haya muddo saddex sanno ah, waxaana loo magacaabay 23-kii bishii September ee sanadkii 2019-kii.

PISA ayaa ka kooban hay’addii nabad sugidda ee PSS iyo hay’addii sirdoonka ee PIA oo la mideeyey, waxaana kadib loo sameeyey hal Agaaasime oo kaliya.

Hay’addan ayaa si weyn ula dagaalanta kooxaha argagxisada, sida Daacish iyo Al-Shabaab, waxayna howl-gallada ugu badan ka fulisaa buuraha galagala ee gobolka Bari.

Arrintan ayaa waxaa ka dhashay hadal xoogan iyo guux siyaasadeed oo si weyn looga dareemayo Garoowe, lamana oga waxa xilligaan ku soo beegay iyo qorshaha xiga ee Deni.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa horey isbedalo ballaaran ugu sameeyey hogaanka ciidamada maamulkaasi, sida Booliska iyo PFS-ta, waxaana qaarkood ka dhashay xiisado, sida dagaalkii ka dhacay magaalada Boosaaso ee ka dhashay xilka qaadistii agaasimaha hay’adda PSF-ta, Maxamuud Cismaan Diyaano, kaas oo mar dambe xal waara laga gaaray.

BUUX oo loo doortay xubin ka tirsan golaha fulinta ee Baarlamaannada AFRIKA

0

Johannesburg (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux ayaa loo doortay xubin ka tirsan golaha fulinta ee Ururka Xoghayeyaasha Baarlamaannada Afrika, kadib shir ka dhacay waddanka Koonfur Afrika.

Buux oo ka qayb-galay shirka xoghayeyaasha guud ee Baarlamaannada Afrika oo ka dhacay magaalada Johannesburg ayaa ku guuleystay ka mid noqoshada guddiga fulinta ee Baarlamaannada Afrika sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay Golaha Shacabka.

“Shirkii Xoghayeyaasha Guud ee Baarlamaannadda Afrika oo ka dhacay intii u dhexeysay 29 -31 Ogoosto ee xarunta Baarlamaanka Afrika ee magalada Johannesburg ayaa waxaa xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdikarim Xaaji Cabdi Buux, loogu doortey xubin ka tirsan guddiga fulinta ee Ururka Xoghayeyaasha Afrika,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Golaha Shacabka.

Guusha Cabdikariim Buux ayaa ah mid muhiim ah,waxayna noqaneysaa markii u horreysay ee Soomaaliya loo doorto ka mid noqoshada golaha fulinta ee Baarlamaannada Afrika.

Doorashadaan ayaa ku soo aaday, xilli la soo gaba-gabeeyey shirweynihii 11-aad ee Baarlamaannada Afrika, waxaana Soomaaliya ku metalay Sheekh Aadan Madoobe.

Shirka oo labo maalmood socday ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saaray adkeynta iskaashi buuxa oo  dhexmara dowladaha ku bohoobay madashan iyadoo muhiimad gaar ah la siiyey la socodka isbedelka cimilada iyo qaaradda iskugu tashan lahayn cunna yerida aduunka soo wajahdey, sidoo kale sidii looga dhabeyn lahaa ballan qaadyada ka soo baxa shirkan u dhexeeyey Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Afrika.

Aadan Madoobe oo khudbad ka jeediyey shirkaas ayaa sheegay saameynta isbedelka cimalada iyo sidii loo soo afjari lahaa cuno yaraanta ay wajaheeyso qaarada Afrika ayada oo loo maraayo dejinta shuruuc adkeeyneyso wax-soo saarka iyo saameynta COVID-19.

Macallimuu oo shaaciyey ujeedka AL-SHABAAB ee beegsiga shacabka HIIRAAN

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya kasoo galay maamul goboleedka HirShabelle ayaa ka hadlay dadkii shacabka ahaa oo ay kooxda Al-Shabaab shalay ku xasuuqday duleedka magaalada Beledweyne.

Xildhibaan Macalimuu ayaa ujeedka ay Al-Shabaab ka leedahay xasuuqaas ku sheegay inay tahay cabsi gelinta dadka shacabka ah si aan loogu dhiiran in la iska celiyo.

“Hab dhaqanka ku saleysan gumaadka iyo naxariis darrada ee Alshabaab ay wadaan ujeedkiisu waa cabsi iyo argagax galin si aan loogu dhiirran in la iska dhicyo oo laga horyimaado,” ayuu yiri xildhibaanka oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray  “Ilaah ha u naxariisto dadkii shacabka Soomaaliyeed ee xalay lagu xasuuqay duleedka Beledweyne. Dad masaakiin ah oo safar ah in la xasuuqo ayaa diin Muslim raad ku leh oo Janno lagu tagayaa cid Soomaali ah oo maanta ay ka daadageyso ma jiro. Waana midabka saxda ah ee Al-Shabaab.”

Xildhibaan Macalimuu ayaa sheegay in falkaan uu muujinayo inuu soo dhawaaday jabka kooxda Al-Shabaab isla markaasna ay hadda ku jiraan naf la caarinimo.

“Shacabka ha u midoobo cadowgaas. Dowladda waa in ay la timaadaa qorshe ka fog igu sawirta furumaha loo aado . Cadow ma naxayaal ah yaan umadda loo hoosaasin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Ugu dambeyntii wuxuu ku baaqay in Al-Shabaab loola dhaqmo sida ay dadka ula dhaqmayaan “Alshabaab sida ay u dhaqmayaan ka daran hadaan loola dhaqmin dhibaatada dhacday iyo mid ka sii daran weey la imaan doonaan.”

Weerarka ay kooxda AL-Shabaab ku xasuuqday dadka shacabka ah ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Afar Irdood oo ku taalla duleedka magaalada Beledweyne, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Xoogaga weerarka fuliyey ayaa gubay ku dhowaad 10 gaari oo ay la socdeen dad shacab ah, waxayna sidoo kale rasaas ku fureen dadkii saarnaa baabuurtaasi.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkan lagu dilay ku dhowaad 20 qof, islamarkaana lagu gubay 7 gaari kuwaas oo ka baxay Beledweyn.

Sidoo kale waxaa qaraxyo lala beegsaday baabuur kale oo gurmad ahaan u tegey goobta, si ay u soo qaadeen maydadka iyo dhaawaca ka dhashay weerarkaasi.

Siyaasiyiin miisaan leh oo qeylo dhaan ka soo saartay gabood-fallada ay Al-Shabaab geysanayaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka federaalka ku metela gobolka Hiiraan, gaar ahaan dadkii xalay lagu laayeey duleedka Maxaas, ee beesha Xawaadle ayaa kulan deg deg ah isugu yimid, kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Xildhibaanadaan oo dhamaantood ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa shirkooda kadib waxay la hadleen warbaahinta, waxayna wacad ku mareen inay ka aar-goosa doonaan Al-Shabaab, una hiili doonaan dadkooda la laayey.

Xildhibaanadaas ayaa sheegay in berri ay u safri doonaan Hiiraan, isla markaana ay hoggaami doonaan dagaal ay uga aar-gudanayaan kooxda, sidoo kalena ay gurmad deg deg ah gaasiinayaan dadka ku nool deegaanada Bari ee gobolka Hiiraan oo wajahaya cunaqabateyn adag oo Al-Shabaab uga imaaneysa.

Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay degaan hoos taga Maxaas oo Hiiraan ka tirsan ku xasuuqday ugu yaraan 30 qof oo shacab ah, sidoo kale sideed gaari oo sahay siday ayey gubeen, waxayna ku andacoodeen inay macawiisley laayeen, gumaadkii xalay waxaa aad uga carooday dhamaan dadka Soomaaliyeed.

wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir M. Nuur ayaa soo qoray, “Shacabkeygiyoow wajiga rasmiga ah ee Alshabaab waa kan Galgaduud iyo Hiiraan iyo meelo kalaba ku aragtaan.
Waa kuwa leynaya marasta gubayana gaadiidka shacbka, ceelasha biyaha baraagaha iyo Isgaarsiinta, kadib markey u babac dhigi waayeen cududa Shacabka iyo Ciidanka Xooga.
Waxaa loo aari doonaa dhamaan shuhadadii Haweenka, Caruurta iyo Waayeelka isugu jirtey ee ay laayeen inshalah.”

Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre ayaa ka mid ah siyaasiyiinta sida adag uga hadashay xasuuqii loo geystay dadka shacabka ah, isagoo dowladda ka codsaday in dadka deegaanadaas ay ku garab-siiso dagaalka ay Al-Shabaab kula jiraan.

Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa qoraal uu ka soo saaray dhacdadaas wuxuu ku yiri, “In dadka deegaanku ay is abaabulaan, lana dagaallamaan kooxaha xagjirka ah waa tilaabo mudan guubaabin, ku dayasho iyo garab istaagis. Hadaba si looga guuleysto, loona ciribtiro Shabaab, loogana xoreeyo deegaannada dalka oo dhan, waxaa lagama maarmaan ah in si wadajir ah loogu midoobo cadawgaan gumaadaya shacabka Soomaaliyeed.”

Xikdhibaan Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa isna yiri, “Argagexisada Shabaab, caruur dugsi Quraan dhiganaysa cafin mayaan. Dawladdu waa in ay muujisaa dareen xaalad degdeg ah, lana timaado abaabul heer qaran oo argagexisada la iskaga celiyo. Shacabka abaar ba’an ayuu la tacaalayaan, colaad iyo gumaad Al- Shabaab ma xamili karo. Shacabku wuxuu xaq noogu leeyahay in aan  horteenna lagu gumaadin, laguna gumaysan.”

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa soo qoray, “Ashhadu anna laa ilaaha illAllahu wa ashhadu anna Muxammad Rasuulullah. al Shabab aan ahay oo Muslim aan ahay waa been. Gaalada iyo Yuhuudda sidaan uma dhaqmaan. Waa inaan difaacanno diinteena, dadkeenna, degaannadeenna, jiritaankeenna iyo hantideenna. Wallahi inaan kuwaan loo dulqaadan karin. Al Shabab xabbad ayaa noo ballan ah. Man khaafa faleysa minnaa.”

Abu Muscab oo si jees jees ah uga hadlay shacabkii ay xasuuqeen qirayna in qabiil…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa ka hadlay weerarradii dadka badan ay ku laayeen ee ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Ninkaan u hadlay Al-Shabaab ayaa ku dooday in qabiil gaar ah aysan beegsaneyn, balse ay baacsanayaan kooxo macawiisley ah oo dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda ay abaabulayaan, sida uu hadalka u dhigay

Sidoo kale Abuu Muscab wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay mar kasta tijaabiso farsamo cusub oo ay kula dagaalameyso Al-Shabaab, isagoo qiray inay dagaal gelisay oo ku abaabushay macawiisley dadka deegaanka ah, sida uu yiri.

“Waxaan ognahay kuwa ka shaqeynaya kacdoonkaan, laakiin waa farsmo duug ah oo boqolaal jeer aad horay u soo tijaabiseen, kuna fashilanteen, anaguna duulaan kuma nihin qabaa’il gaar ah,” ayuu yiri Cabdicasiis Abuu Muscab oo Al-Shabaab u hadlay.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Reer walba, juffa walba iyo qoys walba oo go’aansada inuu hubka u qaato inuu nala dagaalamo, garabna u noqdo cadowgeena dalka iyo diinka ku soo duulay, xukunka Ilaahay ee Kitaabka ku qorani waa cadyahay.”

Sidoo kale Abuu Muscab ayaa sheegay inay ka war qabaan inuu socdo qorshe qabaa’ilka loogu soo bandhigayo inay dagaal kala hor tagaan Al-Shabaab, “Waxaan ognahay kuwa iska diiday qorshahaas iyo kuwa qaatay,” ayuu yiri isagoo goodinaya.

Sidoo kale ninkaan ayaa sheegay inay kooxdu la socoto siyaasiyiinta wada qorshaha qabaa’ilka looga hor keenayo Al-Shabaab, “Waxaan leenahay ka jooga,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii sarkaalkaan ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay in Sabtidii maanta ay fuliyeen howlgallo aad u badan oo ka kala dhacay Joobiiyinka, Shabeellooyinka, Bay iyo Hiiraan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay degaan hoos taga Maxaas oo Hiiraan ka tirsan ku xasuuqday ugu yaraan 30 qof oo shacab ah, sidoo kale sideed gaari oo sahay siday ayey gubeen, waxayna ku andacoodeen inay macawiisley laayeen, gumaadkii xalay waxaa aad uga carooday dhamaan dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan oo war culus ka soo saaray xusuuqii ay AL-SHABAAB geysteen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay falkii bahalnimada ahaa ee  argagixisada Al-Shabaab ay ku xasuuqeen muwaadiniin Soomaaliyeed oo nolol-maalmeedkooda caadiga ah watay, kuwaas oo ku sugnaa deegaanada Afar-irdood iyo Cadakibir ee kala hoos taga Gobolka Hiiraan ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle iyo Gobolka Galgaduud ee Dowlad-goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay “in ficillada gurracan ee argagaxisadu, ee aan sal iyo raad toonna ku lahayn diinta Islaamka, waddaniyadda iyo dhaqanka suubban, ay tusaale u yihiin cadaawadda ay u qabaan shacabkeenna biri-mageydada ah iyo sida ay caqabadda ugu yihiin guud ahaan horumarka dalka.”

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in kooxda Al-shabaab aysan Shacabka Soomaaliyeed u oggolayn nolol, nabad, xasillooni, amni iyo hurumar, taas beddelkeedana ay isku dayayaan cabsi-gelinta, daadinta dhiigga muwaaddiniinta, dhaca hantidooda, burburinta ceelasha ay dadka reer miyiga ahi xoolaha ka waraabsadaan iyo xasuuqa dadka rayidka ah.

“Dadka Soomaaliyeed waa og yihiin dhagarta iyo arxan-darrada argagixisada bannaysatay dhiiggooda iyo maalkooda, waxaana rajeynayaa in ay adkeystaan oo aanay isdhiibin maalmahaan kooban ee ka haray dabar-goynta kooxdan sharwadeyaasha ah ee naf la caariga ah, aniga oo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaya inay taageero buuxda la garab istaagaan ciidamadeenna halyeeyada ah ee dagaalka kula jira kooxdan fitnawadayaasha ah, dhabbaha kaliya ee looga adkaan karana waa isku duubni iyo inaan u midowno dagaalka ka dhanka ah argagixisada,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo is garabsanaya ay tallaabooyin wadajir oo degdeg ah qaadayaan, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo https://hotcanadianpharmacy.com/ Al-Shabaab, si loogula xisaabtamo jarriimooyinka ay u geysteen dadka biri-mageydada ah ee ay ku laayeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan ee Dowlad-goboleedka Hiirshabeelle iyo guud ahaan dalka.

Ugu dambentii Madaxweyne Xasan ayaa bogaadiyey dadaallada naf-hurnimada leh ee ay wadaan ciidamada iyo shacabka is abaabulay ee ku nool Gobolka Hiiraan ee Hirshabelle iyo Gobolka Galgaduud ee Galmudug, si ay isaga dulqaadan dhagarta cadowga ummadda Soomaaliyeed, isagoona baaq adag u diray shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan “si loo ciribtiro kooxaha dhiigyacabka ah ee caadeystay gumaadka iyo dibindaabyada dadka Soomaaliyeed.”

Mareykanka oo war kasoo saaray xasuuqii ay maanta geysteen AL-SHABAAB

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ka geysatay duleedka magaalada Beledweyne kaasoo lagu xasuuqay dad shacab ah.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay wararka sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaaday gawaari raashin siday.

Safaaradda ayaa sheegtay in ujeedada weerarkaas ay tahay sidii ay Al-Shabaab  u hor istaagi laheyd cunada la gaarsiinayo dadka gaajeysan.

Sidoo kale, dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay Al-Shabaab burburisay ceelasha dadka harraadsan ee ku sugan gobolka Hiiraan kuwaas oo saameyn xoog leh ku yeelatay abaarta ka jirta gobolkaas.

Ugu dambeyntii safaaradda ayaa xustay in tallaabada ay Al-Shabaab ku xasuuqday dadka shacabka ah ay muujineyso sida ay u xaqirayaan nolosha aadanaha.

Weerarka ay kooxda Al-Shabaab ku xasuuqday dadka shacabka ah ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Afar Irdood oo ku taalla duleedka magaalada Beledweyne, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Xoogaga weerarka fuliyey ayaa gubay ku dhowaad 10 gaari oo ay la socdeen dad shacab ah, waxayna sidoo kale rasaas ku fureen dadkii saarnaa baabuurtaasi.

Mid ka mid ah dadka visit canadianpharmacy365.net deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkan lagu dilay ku dhowaad 20 qof, islamarkaana lagu gubay 7 gaari kuwaas oo ka baxay Beledweyn.

Sidoo kale waxaa qaraxyo lala beegsaday baabuur kale oo gurmad ahaan u tegey goobta, si ay u soo qaadeen maydadka iyo dhaawaca ka dhashay weerarkaasi.

Axmed Madoobe oo sheegay tallaabo ay tahay in la qaado kadib shacabkii la xasuuqay

0

Kismaayo (Caasmada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa ku baaqay inaan laga niyadjabin dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab kadib xasuuqii ay kooxdaan dad shacab ah ugu geysatay duleedka magaalada Beledweyne.

“Waxaan murugada la qeybsanayaa ehelada dadkii ay jeclaayeen ku wayay musiibada ka dhacday  Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle halkaas oo kooxaha argagixisada ah ay ku xasuuqeen dad shacab ah oo ay ku jiraan caruur aan waxba galabsan,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay ka go’an tahay inay dilaan qof kasta oo kamid shacabka Soomaaliyeed.

“Al-Shabaab waxaa ka go’an inay dilaan qof walba oo inaga Mid ah oo ay ku jiraan caruurta iyo haweenka si aan kala sooc lahayn wadada kaliyah ee inoo furan Waa in si wadajir ah aan ugu midowno dagaalkooda iyo in aan ka saaro guud ahaan dalkeen,” ayuu yiri Axmed Madoobe oo qoraal soo dhigay bogiisa Facebook.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray “Waxaan ugu baaqayaa bulshada gobolkaas inayna ka niyad jabin dadaaladii ay Sida iskood ah u wadeeen ee la xiriiray dagaalka ka dhanka ah argagixisada.”

Ugu dambeyn Axmed Madoobe ayaa sheegay in wadada kaliya ee kooxda Al-Shabaab looga adkaan karo ay tahay in lagu qaado howlgalo midaysan oo ay u dhan yihiin dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Weerarka ay kooxda Al-Shabaab ku xasuuqday dadka shacabka ah ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Afar Irdood oo ku taalla duleedka magaalada Beledweyne, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Xoogaga weerarka fuliyey ayaa gubay ku dhowaad 10 gaari oo ay la socdeen dad shacab ah, waxayna sidoo kale rasaas ku fureen dadkii saarnaa baabuurtaasi.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkan lagu dilay ku dhowaad 20 qof, islamarkaana lagu gubay 7 gaari kuwaas oo ka baxay Beledweyn.

Sidoo kale waxaa qaraxyo lala beegsaday baabuur kale oo gurmad ahaan u tegey goobta, si ay u soo qaadeen maydadka iyo dhaawaca ka dhashay weerarkaasi.

70 sano kadib booliska UK oo raali-gelin ka bixiyay Soomaali xaq darro loo dal-dalay

0

Cardiff (Caasimada Online) – Qoyska Aabbe Soomaali ah oo si khalad ah loogu xukumay dil ayaa booliisku raalli-gelin ka bixiyay 70 sano kaddib markii lagu deldelay xabsi ku yaalla Britain.

Booliiska South Wales ayaa raaligelin ka bixiyay waxayna qirteen in dacwad oogista ay “khaldanayd”.

“Waa kiis waqtigiisu aad u dheeraa – cunsuriyad, iyo eexna ku jirtay waxa uuna uur ku taallo ku sii ahaan lahaa bulshada oo dhan, iyo xitaa nidaamka cadaaladda dembiyada,” ayuu yiri, Jeremy Vaughan oo ah madaxa booliska.

“Shaki kuma jiro in Mxamuud Mataan uu ahaa dhibane wajahay cadaalad darro ah ka dhalatay xeer-ilaalin khaldan, taasoo ay caddahay in boolisku qayb ka ahaa.”

Xaaskii Maxamuud Mataan Laura iyo saddex wiil oo ay dhaleen oo la kala yirahdo Daud, Cumar iyo Mervyn, oo sidoo kale loo yaqaanay Eddie, ayaa 46 sano waxay u ololeynayeen in la caddeeyo in uusan dambi galin.

Hadda dhammaantood waa ay dhinteen laakin, mid ka mid ah lix carruur ah oo uu awoowe u yahay ayaa raalli gelinta booliska ku tilmaamay “mid aan daacad ahayn.”

“Aad bay u soo daahday sabatoo ah dadkii ay dilkiisa aadka u saameysay hadda nalama joogaan, weli ma maqalno erayada sida waan ka xunahay,” ayay tiri Tanya Mataan oo uu awoowe u yahay.

Sheekada Maxamuud Mataan

Bishii September 1952, qofkii ugu dambeeyay ee lagu daldalay Cardif, Britain, ayaa meeshii lagu dilayay la saaray.

Maxamuud Mataan ayaa si khalad ah loogu helay dembi ahaa in uu dilay qof dukaan iibinayay oo lagu magacaabay Lily Volpert, oo ku sugnayd Tiger Bay ee Cardiff.

Xaaskii Mataan, ee Laura, waxay dhimatay 10 sano kaddib xukunkaasi. dhammaan carruurtiina waxay wada dhinteen balse waxaa weli Cardiff ku nool carruurtii ay sii dhaleen.

Sanadkii 1996-dii, labo sano ka hor intaan Mataan la bari yeelin, ayaa meydkiisa laga soo bixiyey qabuuro khaas ah oo ku yaalla xabsiga, waxaa lagu aasey qabuuraha Cardiff.Waxaa qabrigiisa lagu dhejiyay dhegax lagu qoray “caddaalad darro ayaa lagu dilay”.

Nadifa Maxamed oo buug ka qortay sheekada ninkan waxay sheegtay in arrinta ay ku dhalisay ka dib markii qeyb ka mid ah buuggeeda mala-awaalka ah ee The Fortune Men, ay kaga hadashay sheekada Maxamuud Mataan.

Balse, Nadifa Maxamed, ayaa la yaabtay markii ay ogaatay in qofkii ugu danbeeyey ee lagu daldalo gobolka Wales, ee dalka Britain, uu ahaa Soomaali.

“Dadka yaqaana waxay sheegaan in uu ahaa qof adag oo dhiiran, kuna faraxsanaa in uu difaaco xuquuqdiida iyo xaqa dadka ku hareereysan”, ayey tiri Nadiifo.

“Waxaan aaminsanahay in taas ay qeyb ka ahayd sababta booliska ay isaga u bartilmaameedsadeen in ay ahayd in dusha loo saaro dembiga ugu dambeeya ee ugu wayn ee halkaas ka dhaca.”

Balse, sheekada Maxamuud Mataan, ayaa markaad u fiirsataba, waxay ku tusineysaa arrin weyn oo midab takoor iyo caddaalad darro maxkamadeed ah, taasoo ahayd noolasha Soomaalidii badmaaxiinta aheyd ee u talaabtay Britain.

Sheekada ayaa bilawgeedu waxey aheyd wada sheekeysi kulan casho ah. Ma garan karo sida uu mawdhuucu u bilawday, ha yeeshee innagoo kasii baxeyna goobtii maqaayadda, saaxiibadeey ayaa soo hadal qaadey magaca Maxamuud Mataan, kaas oo la daldaley sanadkii 1952-dii, markaa – anigu indhaheyga waxey ku dheegageen saaxiibadey, halkaas ayeynu ka amba qaadnay sheekadan qotada dheer, ee aadka u qalafsan – maxaa xiga markaa.

Sheekada Mataan ayaa ku bilaabatey fiidka maalintii ay ku beegneyd 6-da March, 1952-dii, markii la dilay haweeney ka shaqeysata dukaankeeda oo la yiraahdo, Lily Volpert, kaasoo ku yaaley Butetown, Cardiff.

Ciidanka booliiska ayaa durbadiiba markii uu falka dhacay joojiyey dhammaan maraakiibtii ka baxeysay dekedda, waxey bilaabeen iney ugaarsadaan gacan ku dhiiglihii.

Lily Volpert waxey ku jirtay da’da afartameeyada, waxay lahayd dukaan ku yaalla waddada Bute, kaasoo aan ka fogeyn xeebta ay kuxirtaan maraakiibta.Xilli fiid ah 6-dii March, 1952-dii, meydkeeda ayaa laga helay dukaanka, iyadoo dhiig baxday, oo goorta loogga gooyey sakiin. Lacag lagu qiyaasay £100 oo haatan u dhiganta £3,000 – ayaa laga xaday dukaanka.

Ciidanka booliiska ayaa su’aalo weeydiiyey dad badan, oo uu ku jirey Mataan. Wuxuu u sheegay inaanu ku sugneyn jidka Bute maalintii uu dilku dhacay, oo uu ku jirey shaneemada illaa iyo 7:30 fiidkii, kadibna uu tagey gurigiisa, ayuu u sheegay booliiska.

Laakiin ma jirin qof laga heli karo cadeyn ah halka uu Mataan ku sugnaa 8.15 fiidkii, markii uu dhacay falkii dilka ahaa.

Qof u dhashay dalka Jamica, oo la yiraahdo Harold Cover, ayaa siiyey booliiska warbixin aroortii xigtay, isagoo sheegay in uu arkey nin Soomaali ah oo kasii baxaya goobta uu falka dilka ka dhacay ee dukaanka Volpert – kaas oo lahaa ilig dahab ah, koofi iyo jaakatna aan xirneyn.

Ha yeeshee Mataan ma uusan laheyn ilig dahab ah, dadkii arkay maalinkaasi, ka hor falka dilka, waxay sheegeen inuu xirnaa koofiyad iyo jaakat.

Waxaa dib laga ogaaday in ninka Jamaikan-ka markuu booliiska warbixin siinayey uu sidoo kale sheegay inuu arkey nin kale, kaas oo uu ku sifeeyey Taher Gass.

Mataan waxaa la xirey markii Cover uu siiyey booliiska warbixin labaad, taasoo ka hor imaneysa tiisii koobaad – qoyskii ay ka dhalatey Volpert ayaa balan qaadey £200 oo abaalmarin ah ciddii soo gudbiso warka arrintaasi la xiriira.

Markii la gaarey maxkamaddii, Cover wuxuu sheegay inuu arkey Mataan oo kasii baxaya dukaanka markii ay saacadu aheyd 8.15 fiidnimo.

Booliiska qaarennadii difaacayay Mataan waxay ka qariyeen in afar qof oo goobta ku sugnayd marka uu dilka dhacayay ay dhamaantood sheegeen in Mataan aanay goobta ku arag, iyo weliba in gabar 12 sano jir ah oo meesha joogtay ay sheegtay in Mataan uusan meesha tegin maalintaas.

Waxaa sidoo kale nasiib darro ahayd in xitaa qareenkii difaacayay Mataan T E Rhys-Roberts, hadalkii ugu dambeeyay ee maxkamadda ka jeediyay uu ahaa in Mataan yahay “canug dhiman oo ilbaxnimadiisa aysan kaamil ahayn”.

Mataan waxaa lagu helay danbi waxaana lagu xukumay dil, Waxaa laga diiday inuu xukunka ka qaato wax racfaan ah, iyadoo lagu daldalay xabsi ku yaalla Cardiff 3-dii September, 1952-dii.

Kumuu ahaa Maxamuud Mataan?

Maxamuud Mataan, ayaa Butetown gaaray sannadkii 1940-kii. Wuxuu ku dhashey maammulkii Somaliland ee Britain hoostegi jiray ee sanadkii 1922-kii, isagoo raacayay raadka dadka kale ee bulashadiisa, ayuu helay shaqo markab.

Sannadkii 1945-tii waxey is barteen Laura Williams, oo aheyd gabar 17 sano jir ah oo kasoo jeeda dooxada Rhondda, taas oo ka shaqeyneysay warshad sameysa warqadaha, saddex bilood kadibna wayba is guursadeen.

Tacadiyada ka dhanka ah qoyskan ayaa noqday kuwo aad u sarreeya “xitaa waxaa dhibaato noqotay inay waddooyinka wada socdaan, sababtuna waxay ahayd waxaa dhibaateynayay ragga iyo dumarkaba,” ayey intaa raacisay Nadifa.

Labadan qof ee is calmadey waxey dhaleen saddex carruur ah, ha yeeshee waxaa aad ugu adkaaday iney helaan goob ay si wadajir ah ugu wada noolaadaan oo bulshaduna u ogoshahay.

Markii uu dhacayay fal lagu dilay haweeney lagu magacaabi jiray Lily Volpert, qoysaskani ma wada nooleen.

Isha: BBC

Bulshaawi oo xaaladiisa ka hadlay kadib weerarkii xalay iyo sida ay wax u gaareen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Bilaal Bulshaawi oo caan ka ah baraha bulshada, aadna loogu yaqaan magaca Madaxweynaha Tiktok-ga, ayaa ka hadlay xaaladdiisa caafimaad kadib markii xalay weerar lagu qaaday isaga oo ku sugan maqaayad.

Koox hubeysan ayaa Bilaal ku weeraray maqaayad ku taalla agagaarka Banaadir, ayada oo, sida ehelkiisa lagu riday laba xabad, balse aan gaarsiin dhaawac weyn

Bilaal ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay inay xaaladdiisa wanaagsan tahay. “Alxamdulilah walaaleheey waa nabad qabaa wax weyna ima gaarin alxamdulillah calaa kuli xaal,” ayuu Bilaal ku yiri qoraalka oo uu isla xalay soo saaray. 

Bilaal ma faah-faahin halka ay xabadaha uga dhaceen iyo sida ay wax u gaareen, balse xaqiiqda ah in isla xalay uu awooday inuu qoraal soo dhigo Facebook ayaa muujineysa in dhaawaciisa uusan darneyn. 

Sida ay dad goob joogayaal ah u xaqiijiyeen Caasimadda Online, kooxda weerarka kusoo qaaday ayaa ka beegsatay madaxa balse xabadda ayaa ka sartay gees yar oo kamid ah madaxiisa taasoo dhaawiciisa ka dhigtay mid fudud.

Falkaan ayaa ka dhacay maqaayad ku taalla agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, halkaas oo inta badan Bilaal lagu arki jiray. Lama oga sababta loo beegsaday.

Inta badan magaalada Muqdisho waxaa ka jirta tuugo xiliyada habeenkii ah dadka ka dhacda taleefoonada iyo agabyada kale oo ay wataan, kuwaas oo mararka qaar dila qofka ay dhacayaan.

Hase yeeshee lama oga in weerarka lagu dhaawacay wiilkaan caanka ka ah baraha bulshada uu la xariiro dhac ama beegsi toos ah, toona.

Al-Shabaab oo war yaab leh kasoo saaray shacabkii ay ku laayeen gobolka Hiiraan

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay dadkii shacabka ahaa ee maanta ay ku laysay gobolka Hiiraan, ayada oo si kale u dhigtay xaqiiqda waxa ay ahaayeen shacabkaas.

Qoraal lagu baahiyey warbaahinta taageerta kooxdaas ayaa lagu sheegay in dadkaas oo lagu laayey tuulada Afar Irdood ee duleedka magaalada Beledweyne “ay ahaayeen maleeshiyada Macawiisleyda.”

Waxey intaa ku dareen Al-Shabaab, inay sidoo kale gawaarida ka baxday magaalada Baladweyne ee ay gubeen “ay sahay iyo saanad ciidan u wadeen” maleeshiyaadka Macawiisleyda.

Inta la xaqiijiyay 20 ka mid ah maleeshiyadii Macawiislayda iyo xubnihii gurmadka u waday ayaa goobta lagu dilay, waxaa sidoo kale la gubay 8 kamid ah gaadiidkii ay wateen, halka qaar kamid ah gaadiidkiina ay gacanta u galeen ciidamada Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraalka Al-Shabaab.

Hase yeeshee, dadka deegaanka iyo ilo-wareedyo madax-banaan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in dadka la laayey ay ahaayeen dad shacab ah.

Al-Shabaab ayaa saaka aroortii weerar dhabagal ah ka fulisay deegaanka Afar Irdood oo ku yaalla duleedka magaalada Beledweyne, waxayna gubeen ku dhowaad 10 gaari oo ay la socdeen dad shacab ah, ayaga oo sidoo kale rasaas ku furay dadkii saarnaa baabuurtaasi.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkan lagu dilay ku dhowaad 20 qof, islamarkaana lagu gubay 7 gaari kuwaas oo ka baxay Beledweyne.

“Tirada guud inta la dilay waxay mareysaa 17 qof oo rag, dumar iyo carruur isugu jiray todobo baabuurna meeshaas waa lagu gubay,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.

Dhacadadaan ayaa ku soo aadeyso, xilli ay ciidamada dowladda, kuwa HirShabelle oo garab ka helaya maleeshiyaadka Macawiisley ay howlgallo ka wadaan gobolka Hiiraan, halkaas oo ay dagaallo culus kula galeen kooxda Al-Shabaab oo laga qabsaday deegaanno dhowr ah. 

Toddobaadkii hore, ayey weerareen Al-Shabaab tuulooyin ka tirsan Galgaduud iyo Mudug, iyagoo burburiyey xarumo isgaarsiineed iyo ceelasha biyaha. 

DF oo JAWAAB ka bixisay dadkii lagu laayey HIIRAAN

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay weerar xoogan oo ay saaka aroor hore kooxda Al-Shabaab ka geysatay duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay aad uga xun tahay weerarkaasi oo lagu laayey ku dhowaad 20 qof, ayadoo sidoo kale la gubay 7 gaari oo ay saarnaayeen dadkaas.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga xuntahay weerarka wuxuushnimada ah ee kooxaha Argagixisada ah ku dileen dad rayid ah, kuna gubeen hantidooda ee ka dhacay deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Qoraalka ka soo baxay dowladda ayaa waxaa sidoo kale sheegay in dhacdadan ay muujineyso in Al-Shabaab ay tabar dhigtay, kadib markii ay kordheen howlgallada ka socda gobolka Hiiraan oo ay wadaan ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka Macawiisleyda.

“Weerarkani wuxuu sidoo kale tilmaamayaa in maleeshiyaadka arxan laawayaasha ah ay sii tabar darnaanayeen oo aanay awooddin in ay wajahaan Ciidanka Qaranka,” ayaa lagu yiri

Ugu dambeyn dowladda Soomaaliya ayaa wacad ku martay inay sii wadi doonto dhaq-dhaqaaqyada kooxda Al-Shabaab looga xoreynayo dalka oo dhan, si looga hortego weerarada xoogan ee ay inta badan kooxda ka fuliso gudaha waddanka Soomaaliya.

“Waxaa naga go’an in kooxda Khawaarijta ah ee Alshabaab in waddanka laga ciribtiro, weerarada bahalnimada ah oo ay shacabka u geesanayaan waxa ay ka marqaati kacayaan fikirka iyo hadafka kooxdaan, waxa ayna xoog iyo iskaashi u noqon doonto dadweynaha iyo dowladooda oo u taagan in maleeshiyadaan dalka laga xoreeyo,” ayaa lagu soo gabagabeeyey.

Weerarka Al-Shabaab ay maanta ka geysatay Hiiraan ayaa saameyn ku yeeshay dadka deegaanka, waxaana go’an isgaarsiinta, ayada oona xaaladdu ay aad u cakiran tahay.

Al-Shabaab oo Hiiraan ku toogatay 20 QOF, kadibna gubtay gawaari ay la socdeen

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka aroortii hore kooxda Al-Shabaab ay weerar dhabagal ah ka fulisay qaybo ka mid ah gobolkaasi oo dhaca bartamaha dalka Soomaaliya, kaas oo sababay khasaare xoogan.

Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay halka loo yaqaano Afar Irdood oo ku taalla duleedka magaalada Beledweyne, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Xoogaga weerarka fuliyey ayaa gubay ku dhowaad 10 gaari oo ay la socdeen dad shacab ah, waxayna sidoo kale rasaas ku fureen dadkii saarnaa baabuurtaasi.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkan lagu dilay ku dhowaad 20 qof, islamarkaana lagu gubay 7 gaari kuwaas oo ka baxay Beledweyn.

“Tirada guud inta la dilay waxay mareysaa 17 qof oo rag, dumar iyo carruur isugu jiray todobo baabuurna meeshaas waa lagu gubay,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa qaraxyo lala beegsaday baabuur kale oo gurmad ahaan u tegey goobta, si ay u soo qaadeen maydadka iyo dhaawaca ka dhashay weerarkaasi.

Xaaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana haatan dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa deegaannada hoos yimaada Beledweyn, halkaas oo ay isku fidiyeen ciidamada huwanta.

Dhacadadaan ayaa ku soo aadeyso, xilli ay ciidamada dowladda, kuwa HirShabelle oo garab ka helaya maleeshiyaadka Macawiisley ay howlgallo ka wadaan gobolka Hiiraan, halkaas oo ay dagaallo culus kula galeen kooxda Al-Shabaab oo laga qabsaday deegaanno dhowr ah.

Kadib dagaalyahannada Kooxda Al-Shabaab ayaa iyaguna bilaabay weeraro aargoosi ah ee ay ka fulinayaan gobolka Hiiraan, waxayna gubeen ceelal & guryo ay daganaayeen shacab.

Si kastaba lama ioga sida ay wax noqon doonaan, balse dagaalka u dhexeeyey ciidamada dowladda & Al-Shabaab ayaa ka sii daraya,waxayna kooxdu billowday weeraro aargoosi ah.

DF oo markii u horreysay ka hadashay khilaafka maamul goboleedyada (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo la hadlayey warbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyey xaaladda dalka, isaga oo si gaar ah uga hadlay xiriirka haatan u dhexeeyo dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Fiqi ayaa marka meesha ka saaray inuu jiro khilaaf u dhexeeyo labada dhinac, wuxuuna sidoo kale beeniyey in ay dowladdu qorsheyneyso dagaal ka dhan ah maamullada dalka.

Wasiirka ayaa si gaar ah usoo hadal qaaday arrinta Koonfur Galbeed oo aad loo hadal haayo, maadaama la sheegay inuu mad-madow kala dhexeeyo dowladda federaalka.

Sidoo kale wuxuu tusaale u soo qaatay safaradii uu madaxweyne Xasan Sheekh  ku tegay Baydhabo, Dhuusamareeb iyo Garoowe, wuxuuna tilmaamay in muhiimaddu ay aheyd wanaags iyo wada-shaqeyn dhex-marto dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

“Dowlad goboleedyada heshiis-baan la nahay waxa dagaal ah oo lagu qaadayo ama la iclaamiyey ma jiro wixii Personal ah oo qof fikirkiis ah ama aragtidiisa uu dhiibto isaga ayey u gaar tahay, laakiin madaxweynuhu Koonfur Galbeed waa tegay waa la ogaa sidii loogu soo dhoweeyey iyo waxa ay ku heshiiyeen, madaxweynuhu Galmudug waa tegyey, Puntland ayuu hadda ka yimid, dowlad goboleedyada kalena wuu u socdaa,” ayuu yiri Fiqi.

Dhinaca kale wuxuu intaasi ku daray in dagaalka dowladda uu ku wajahan kaliya kooxda Al-Shabaab, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in laga hortegao weerarada kooxdaasi.

“Argagixisada iyagaa dagaalka iclaamiyey iyagaa dadka soo weerarayo, Hoteel Xayaat maxaa loo soo weeraray, Maxaas maxaa loo jajabiyey iyo tuulooyinka ku dhow dhow?”.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, xilli haatan loo ballansan yahay shir u dhexeeyo dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo ka dhici doono magaalada Garoowe, waxaana looga hadli doonaa xaaladda dalka gaar ahaan xiriirka dowladda & maamul goboleedyada.

Wadaad ka tirsanaa kooxda Taalibaan iyo 18 kale oo lagu dilay qarax lala eegtay Masjid

0

Kabul (Caasimada Online) – Weerar ismiidaamin ah oo Jimcihii ka dhacay Masaajid aad u camirnaa oo ku yaalla dhinaca galbeed ee dalka Afghanistan ayay ku dhinteen ugu yaraan illaa 18 qof oo ka mid ahaaa dadkii ku cibaadaysanayey Masaajidkaas.

Dadka dhintay waxaa ku jiray wadaad caan ahaa oo ka tirsanaa ururka Taalibaan,sida ay warisay warbaahinta gudaha.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in Sheekhan caanka ahaa oo lagu magcaabi jiray Mujibur Rahman Ansari, in weerarka lala beegsaday isaga oo dadweynaha ku tujinayey salaaddii Casar, masaajid ku yaalla magaalada Herat ee ku taalla xuduudda dalkaasi la wadaago dalka Iran

Ugu yaraan 24 qof oo kale oo ka mid ah dadkii cibaadaysanayey ayaa iyaguna isla goobtaas ku dhaawacmay, waxaana la filayaa in tirada dhimashadu ay sii korodho, sida ay sheegayaan laamaha ammaanka iyo goobjoogayaal kala duwani.

Afhayeen sare oo u hadlay ururka Taalibaan oo lagu magcaabo Zabihullah Mujahid ayaa cambaareeyey weerarkan, isaga oo wacad ku maray inay sharciga la tiigsan doonaan dambiilayaasha weerarkan ka dambeeyey.

Wadaadka la dilay ayaa ahaa sheekh si weyn u dhaleecayn jiray dawladdii hore ee uu Maraykanku taageeri jiray ee ka dhisnayd dalka Afghanistan iyo weliba ciidamadii reer Galbeedka ee ku sugnaa Afghanistan.

Sawirro: Martin Griffiths oo wada-hadal la yeeshay LAFTA GAREEN + Ujeedka

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, ahna madaxa UN-OCHA Martin Griffiths iyo wafdi uu horkacayo oo maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Labada mas’uul ayaa waxaa kulanka ku wehlinayey xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Koonfur Galbeed iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada maamulkaasi.

Kulankan ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray wax ka qabashada abaaraha ka jira halkaasi, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed

“Waxaa kulanka looga hadlay Arimaha Abaaraha iyo sidii wax loogu qaban lahaa Bulshada ku nool guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed ee Saamaysay Abaarta Daran ee ka dhacday guud ahaan Dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Lafta Gareen.

Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah meelaha ay sida daran u saameysay abaarta, waxaana ugu sii daran go’doonka ay deegaannada maamulkaasi galiyeen xoogaga Al-Shabaab.

Martin Griffiths ayaa maalmo kahor soo gaaray dalka, wuxuuna shirar la yeeshay madax ka tirsan dowladda federaalka oo uu ugu horreeyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta abaar baahsan, taas oo laga cabsi qabo inay macluul isku bedasho, waxaana haatan socdo gurmad ay garwadeen ka tahay dowladda Soomaaliya.