27.7 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Sawirro: Martin Griffiths oo wada-hadal la yeeshay LAFTA GAREEN + Ujeedka

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, ahna madaxa UN-OCHA Martin Griffiths iyo wafdi uu horkacayo oo maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Labada mas’uul ayaa waxaa kulanka ku wehlinayey xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Koonfur Galbeed iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada maamulkaasi.

Kulankan ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray wax ka qabashada abaaraha ka jira halkaasi, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed

“Waxaa kulanka looga hadlay Arimaha Abaaraha iyo sidii wax loogu qaban lahaa Bulshada ku nool guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed ee Saamaysay Abaarta Daran ee ka dhacday guud ahaan Dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Lafta Gareen.

Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah meelaha ay sida daran u saameysay abaarta, waxaana ugu sii daran go’doonka ay deegaannada maamulkaasi galiyeen xoogaga Al-Shabaab.

Martin Griffiths ayaa maalmo kahor soo gaaray dalka, wuxuuna shirar la yeeshay madax ka tirsan dowladda federaalka oo uu ugu horreeyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta abaar baahsan, taas oo laga cabsi qabo inay macluul isku bedasho, waxaana haatan socdo gurmad ay garwadeen ka tahay dowladda Soomaaliya.

 

Bilaal Bulshaawi oo caawa Muqdisho lagu dhaawacay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Koox hubaysan ayaa caawa degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ku dhaawacay Bilaal Bulshaawi oo caan ka ah baraha bulshada, aadna loogu yaqaan magaca ah Madaxweynaha Tiktok-ga.  

Wiil ka mid ah ehellada Bilaal Bulshaawi ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in Bilaal laba xabadood looga dhuftay dhegta iyo afka, inkastoo uusan sheegin sababta loo weeraray.

Dhaawac halis ah ayaa goobta looga qaaday Bilaal iyo qof kale oo la socday.

Falkaan ayaa ka dhacay maqaayad ku taalla agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, halkaas oo inta badan Bilaal lagu arki jiray.

Weli ma jirto cid faahfaahin rasmi ah ka bixisay xaaladda uu ku sugan yahay Bilaal Bulshaawi oo dhaawaciisa isbitaal loola cararay, sidoo kale lama oga sababta loo beegsaday.

Inta badan magaalada Muqdisho waxaa ka jirta tuugo xiliyada habeenkii ah dadka ka dhacda taleefoonada iyo agabyada kale oo ay wataan, kuwaas oo mararka qaar dila qofka ay dhacayaan.

Hase yeeshee lama oga in weerarkaan caawa lagu dhaawacay wiilkaan caanka ka ah baraha bulshada uu la xariiro dhac ama beegsi toos ah, toona.

Garyaqaan caan ahaa oo MUQDISHO lagu dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Koox hubeysan ayaa maanta magaalada Muqdisho ku dishay Garyaqaan ka tirsanaa maxkamadaha dalka, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo dhanka ammaanka ah.

Allaha u naxariistee Abuukaate Maxamed Warsame waxaa lagu dilay xaafadda Soonakey ee degmada Hodan. Waxaana baxsatay kooxdii dishay oo bistoolado ku hubeysneed.

Al-Shabaab oo inta badan dilal ka fulisa Muqdisho, weli ma sheegan dilka maanta loo geystay Abuukaate Maxamed Warsame.

Garyaqaanka ayaa maxkamadaha dalka ka difaaci jiray eedeysanayaasha wajahaya dacwadaha adag, si rasmi ahna looma oga cida geysatay dilkiisa.

Qaar ka mid ah qareenadii uu lasoo shaqeeyey Abuukaate Maxamed Warsame ayaa warbaahinta u sheegay inuu ahaa nin aad u bartay qaanuunka oo wax ku bartay jaamacadaha dalka Yemen.

Wuxuu sanadihii u dambeeyey ka shaqeynayey maxkamadaha dalka, welina laamaha amnigu war kama soo saarin dilka Garyaqaankaan.

Jamaal Maxamed Xasan oo xil sare looga magacaabay ururka IGAD – Sidee ku timid?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorshaynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa xil sare looga magacaabay urur goboleedka IGAD, sida ay xog ku heshay Caasimada Online. 

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa loo magacaabay Madaxa Xarunta la Qabsiga Cimiladda iyo Ilaalilnta Deegaanka ee IGAD.

Magacaabiddan ayaa ka timid dhanka Urur Goboleedka IGAD, iyadoo dowladdu aanay wax diidmo ah kala hor imaan magacaabiddan, kaddib markii ay ka soo dhamaatay dhinaca Ururka IGAD.

Xubno ku dhow Jamaal ayaa Caasimada Online u sheegay in uu xilkaan raadsaday, kadibna uu soo magacaabay ururka IGAD, oo uu hadda Xoghayaha fulinta ka yahay Workneh Gebeyehu, oo kasoo jeeda dalka Itoobiya, ahna shaqsi aad ugu dhow ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. 

Markii xilka loo ogolaaday Jamaal, ayaa sida aan xogta ku helnay lala wadaagay madaxweyne Xasan Sheekh, kamana muujin wax diidmo ah, sidaas ayeyna ku dhaqan gashay magacaabistiisa.

Ayada oo la ogyahay sida ay isugu dhow yihiin Farmaajo iyo Abiy, waxaa suurta-gal ah in madaxweynihii hore uu kaalin ku lahaa magacaabista Jamaal.

Jamaal ayaa ka mid ah ragga aadka ugu dhow madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna ahaa wasiirka kaliya ee aan la beddelin shantii sano ee uu Farmaajo dalka xukumayey.

Jamaal ayaa muddadaas lagu eedeeyeynayey inuu wasaaradda qorsheynta ka dhigay mid u shaqeysa qabiilo gaar ah, isaga oo si gaar ah ula dagaalamay beelaha Hawiye, kana ilaaliyey deegaanadooda mashruucyada lasoo marinayey wasaaradda ama wasaaradaha kale ee isku haleynayey warbixinada wasaaradda qorsheynta. 

Marka la eego sida uu ugu dhow yahay Farmaajo iyo eedeymaha loo jeedinayey shantii sano ee lasoo dhaafay, cidna ma fileyn inuu mar kale xil sidaas u sarreeya uu ku meteli doono dowladda federaalka Soomaaliya.

Sawirro: Muxuu yahay shirka ay wasiir Khadiija uga qeyb-galeyso dalka Talyaaniga?

0

Cernobbio (Caasimada Online) – Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya Khadiija Maxamed Almakhzoumi ayaa ka qeyb galeysa Madasha 48-aad ee “Intelligence on the World, Europe, and Italy” oo lagu qabanayo dalka Talyaaniga.

Madasha oo lagu qabanayo Villa d’Este (Cernobbio, Lake Como, Italy) ayaa soconaysa 2-da illaa 4-ta September.

Kulankan oo ah mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan ee caalamka ayaa isku keena koox aad loo soo xulay oo ka kooban siyaasiyiin hoggaamiyeyaasha ganacsiga, dad horey ugu guuleystay abaalmarinta Nobel-ka, aqoonyahanno, iyo shakhsiyaadka kale ee saamaynta leh ee adduunka oo dhan. 

Waxa ay ka wada hadlayaan arrimaha muhiimka ah ee xilligan saameynaya bulshada dunida casriga ah iyo dhaqaalaha adduunka. 

Shakhsiyaadka horey madashan khudbadaha uga jeediyey waxaa ka mid ah: Hillary Rodham Clinton, Kofi Annan, Mahmoud Abbas “Abu Mazen”, José María Aznar, Michel Barnier, José Manuel Barroso, Joe Biden, Dick Cheney, François Fillon, Bill Gates, Angel Gurría, Henry Kissinger, Vaclav Klaus, Christine Lagarde, Bruno Le Maire, David Lidington, Emmanuel Macron, John McCain, Shimon Peres, Queen Rania of Jordan iyo shaqsiyaad kale.

Wasiir Khadiija ayaa loo arkaa inay Soomaaliya ka hayso xil muhiim ah, ayada oo caalamka oo idil uu hadda ku baraarugsan yahay halista isbeddelka cimilada oo ah mid ka mid ah caqabadaha ugu waa weyn ee dunida ay wajaheysa qarniga 21-aad. 

Wasiirka ayaa maanta la kulantay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta shirka ku sugan, oo ay ka mid tahay Dr Okonjo-Iweala oo ah haweeneydii ugu horreysay ee madax ka noqota ururka ganacsiga adduunka ee WTO, wasiirka arrimaha dibedda South Afrika iyo xubno kale.

Waa kuma Mahad Soomane: Qareenka Soomaaliga ah ee difaacayay IEBC iyo Ruto?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee Kenya ayaa maanta oo Jimco ah la filayaa inay soo gabagabeyso dhegeysiga dacwadda la xiriirta doorashada madaxtinnimada Kenya.

Qareennada u doodaya guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Xudduudada Kenya (IEBC) iyo madaxweynaha la doortay ee William Ruto ayaa ka hor yimid codsiga murashaxa madaxweyne ee Raila Odinga iyo lix qof oo kale oo doonaya in ay meesha ka saaraan natiijadii lagu dhawaaqay ee doorashadii 9-kii Agoosto.

Qareennada ayaa ku boorriyay maxkamadda in ay meesha ka saarto dacwadaha ay soo gudbiyeen Odinga iyo kooxdiisa, iyagoo sheegay in aysan soo bandhigin caddeymo ay ku taageerayaan sheegashadooda.

Waxay ku xujeeyeen inay keenaan caddayn muujinaysa in nidaamka teknoolajiyada ee natiijooyinka doorashada la farageliyay.

Waxay ku eedeeyeen kooxda Raila in ay sameeyeen qalalaase dastuurka ka hor imaanaya si ay u gaaraan ujeeddooyinkooda siyaasadeed.

Qareennada ayaa ka jawaabi doona su’aalaha iyo caddaynta ay rabaan toddobada garsoore ee fadhiga maanta oo Jimco ah.

Garsooreyaasha ayaa markaas kaddib dhamaadka isbuuca qori doona xukunka, waxayna Isniinta soo saari doonaan go’aanka kama dambeysta ah ee maxkamadda.

Qareenka Soomaaliga ah

Qareennada u doodaya Guddiga Doorashada Kenya ee IEBC waxaa ka mid ahaa qareen Soomaali ah oo lagu magacaabo Mahad Soomane, kaas oo shalay markii uu dooddiisa soo gudbiyay kaddib ay dadku aad u hadal-hayeen.

Inta badan dooddiisa waxay ku qotontay sharraxaad la xiriirta habka teknoolojiyada ee loo isticmaalay doorashada, taas oo ay kooxda Raila ay ku doodayeen in la farageliyay.

Baraha ay bulshadu ku xiriirto ee Kenya gaar ahaan Twitter-ka ayaa waxaa tan iyo xalay ka tagneyd hadal-hayn la xiriirta qaabkii uu qareen Mahad u soo bandhigay dooddiisa, iyadoo dadka qaar ay la dhaceen halka qaar kalena ay dhaliilayeen.

Haddaba waa kuma qareen Mahad Soomane?

Soomane waxa uu ammaan ku soo jiitay sida uu u qeexay macluumaadka teknoolajiyada iyo ereyada sharciga ah ee uu adeegsaday, isaga oo difaacaya guusha Madaxweynaha la doortay ee William Ruto.

Soomane waxa uu 2005-tii ka qalin jabiyay Jaamacadda Nairobi isagoo markaas qaatay shahaadada koowaad ee sharciga, halka uu 2007-dii ka qaatay shahaadada (Post Graduate Diploma in Law) kulliyadda sharciga ee Jaamacadda Nairobi, sida uu qareenku ku soo qoray bartiisa LinkedIn.

Sanadkii 2010, wuxuu ka qalinjabiyay Dugsiga Harvard Kennedy isagoo qaatay shahaadada Masters-ka ee kulliyadda Siyaasadda Dadweynaha (Horumarinta Dhaqaalaha Caalamiga ah).

Sanad kaddib 2011, wuxuu shahaadada labaad ee sharciga ka qaatay isla Jaamacadda Sharciga ee Harvard.

Mahad waxa uu wax ka diyaariyay sharciyada shirkado iyo hay’ado waaweyn oo ay ka mid tahay Hay’adda Bill iyo Melinda Gates Foundation ee Mareykanka. Waxaa aasaasay Bill Gates oo ah aasaasaha Microsoft, kana mid ah bilyanneerrada ugu caansan adduunka.

Markii ugu horreysay waxa uu soo shaac-baxay sanadkii 2017, kaddib markii Guddiga IEBC uu qandaraas ku siiyay in uu ku matalo maxkamadda ugu sarreysa ee Kenya intii ay socotay dacwaddii ka dhalatay murankii doorashada madaxweynaha.

Hadda waa markii labaad oo uu maxkamad ka difaacayo Guddiga Doorashada.

Waxa uu shuraako ku yahay Garane & Somane Advocates, oo ah shirkad sharci oo fadhigeedu uu yahay Nairobi.

Isha: BBC Somali

Dil ka dhacay magaalada Beledweyne oo dhaliyay in la xirto waddo muhiim ah

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa dil ka dhacay magaalada Beledweyne, gaar ahaan xaafada Howl-wadaag, halkaasi oo Askari ka tirsan ciidamada Booliska uu ku dilay mid kamid ah darawalada gaadiidka ka shaqeeya gudaha magaalada.

Darawalka la dilay oo lagu magacaabi jiray Faarax Shiiraar ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray dhowr xabadooda oo uu ku dhuftay Askariga, kaasi oo ay markii hore ku murmeen lacag darawalka uu askariga ka doonayay.

Askariga dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta dilka kadib, sida ay sheegeen dad goobjoog ah.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in maleeshiyaad hubeysan oo ka gadoodsan dilka loo geystay darawalka ay xirteen wadada Buundada liiq-liiqato ee magaalada Beledweyne, iyaga oo sheegay inay furi doonin ilaa laga keeno dambiilihii dilka geystay.

Ma aha markii u horeysay ee dil noocan ah ka dhaco magaalada Beledweyne, waxaana xusid mudan in dhowr jeer dilal noocaan oo kale ay ka dhaceen magaalada.

Si kastaba, Illaa hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga magaalada Beledweyne oo la xiriira dilkaan loo geystay mid kamid ah darawalada gaadiidka.

Al-Shabab oo weerar cusub ku qaaday LIYUU BOOLIS

0

Liyuu Boolis (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Yeed oo katirsan gobolka Bakool ayaa sheegaya in saldhig ay halkaas ku leeyihiin ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad degaanka ay weerar madaafiic ah ku qaadeen xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dhacday xerada ciidamada Liyuu Boolis, balse aysan caddeyn karin khasaaraha ka dhashay.

Al-Shabaab oo ka hadlay weerarkaas ayaa sheegtay inay madaafiicda ay la heleen gudaha xerada, islamarkaana ay khasaare xooggan ku gaarsiiyeen Liyuu Boolis. Si kastaba ma jirto cid si madax banana u xaqiijin karta khasaaraha ay sheegteen Al-Shabaab.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan Ciidamada Liyuu Boolis dhankooda ay madafaiic ku jawaabeen, isla markaana dhowr madfac ay ku tuureen degaannada ku dhow dhow degaanka Yeed ee Gobolka Bakool.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Yeed ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan.

Weerarkan ayaa ah kii ugu horreeyey ee Al-Shabaab ay ku qaado Liyuu Boolis kadib dagaalkii xoogganaa ee labada dhinac xuduudda ku dhexmaray dabayaaqadi July iyo horraantii August.

Dagaalkaas ayaa waxaa ka dhashay khasaare nafeed oo xoogga oo labada dhinac kala gaaray ayada oo mid walba uu sheegtay inuu ka kale ka dilay boqolaal askari, waxayna Al-Shabaab ku guuleystay inay dhowr boqol oo KM gudaha u gasho Itoobiya.

Dagaal culus oo ka dhacay garoonka Laascaanood

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta israsaaseyn khasaare dhalisay ay ka dhacday gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi.

Iska hor imaadka oo ahaa mid culus ayaa wuxuu u dhexeeyey laba maleeshiyo oo ku sugan magaalada, isla-markaana ilaalo u ahaa laba ka mid ah ganacsatada qaadka ee magaalada.

Labada nin ayaa la sheegay inuu soo kala dhex-galay muran ka dhashay diyaarad sidday jaadkaMiirowga ee dalka Kenya, taas oo saaka ka degtay garoonkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa dhacdadaasi ku dhaawacmay ugu yaraan illaa afar qof, iyada oo kadibna lagu kala cararay garoonka, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Somaliland oo ku baxay xiisaddaasi, waxayna  kala dhex-galeen maleeshiyaadka labada dhinac.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana soconaya dadaallo lagu dhammeynayo khilaafka soo kala dhex-galay ganacsatada iyo maleeshiyaadka ku sugan halkaasi.

Laascaanood ayaa waxaa inta badan ka dhaca iska hor imaadyo geysta khasaare kala duwan, dilal iyo falal kale oo amni darro ah, taas oo keentay in magaaladaasi laga soo masaafuriyo dadka aan u dhalan, gaar ahaan shacabka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya.

Mareykanka oo ka walaacsan degaan naf loo huray oo ay dib u qabsatay Al-Shabab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay aad uga walwalsan tahay in uu hal bacaad lagu lisay noqdey “geesinimada” ay dadka degaanka tuulo ku taala gobolka Hiiraan isaga dul-qaadeen “gumeysiga” Al-Shabaab.

Larry Edward André Jr, danjiraha Washington u fadhiya caasimadda Muqdisho, ayaa xusay “in uu aad uga murugoodey” markii ay soo gaareen warbixinadda ku saabsan in maleyshiyadda ay dib ula wareegtay tuulada Ceel-Cade.

“Waxaan aad uga walaacsanahay dib-u-qabsashadda Al-Shabaab ee degaanka Ceel-Cade ee gobolka Hiiraan halkaasoo dadka degaanka ay si geesinimo ah ay isaga xoreeyeen [gumeysiga] Al-Shabaab,” ayuu yiri Larry ka yiri kulan uu la qaatay warbaahinta madaxa-banaan iyo tan dowladda.

Safiirka ayaa intaas ku daray: “Waxaan raadinayaan macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan qaabka ay wax u dhaceen. Laakiin xogta illaa hadda isoo gaartey waa dib ula wareegidaas oo aad aad uga murageysanahay dhabtii”.

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa 31-dii bishii hore ee August dib u hantay gacan-ku-haynta degaanka Ceel-Cade kadib weerar rogaal celis ah maadaama 27-dii August ay ka saareen dadka degaanka ee la baxay Macawiisley.

Degaanka Ceel-Cade oo 60 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan ayaa maalmihii lasoo dhaafay ciwaan u ahaa warbixinada warbaahinta kadib markii ay abaabul xoogan ka sameeyeen dadka degaanka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa halkaas u dirtay mas’uuliyiin uu horkacayo wasiirka gaashaandhiga Cabdiqaadir Maxamed Nuur kuwaasoo kal dambe ku guuldareystay in ay baaqi kusii ahaadaan iyo in ay geeyaan askar dheeraad ah.

Dhanka kale, xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaan wali ka hadlin dib-ula-wareegida Al-Shabaab ee degaanka Ceel-Cade. Isku-dayo ay saxaafadda la sameysay xafiisyadda warfaafinta taliska ciidamadda xoogga ayaan guuleysan.

Balse, illo wareedyo ayaa xaqiijiyey inuu socdo abaabul uu milatariga Soomaaliya ku doonayo in uu kaga hortago dhibaato ay Al-Shabaab u geystaan dadka degaanka ee hormuud ka ahaa howlgalka lagula diriray.

Kulanka uu danjire Larry la qaatey qaar kamid ah warbaahinta ka howlgasha Muqdisho ayaa ku saabsanaa is-xog-wareysi xaaladda guud ee dalka ah waxaana wariyeyaasha ay safiirka su’aallo ka waydiiyeen xorriyada hadalka iyo ammaanka.

Isha: Garowe Online 

Jilaaga Aamir Khan oo lagu qaaday dagaal iyo beegsi la xiriira diintiisa Islaamka

0

Mumbai (Caasimada Online) – Bilowgii bishii Agoosto, Aktarka Aamir Khan oo kamid ah xiddigaha Bollywoodka ugu waaweyn, ayaa dhambaal qiraal ah oo Jaceylka uu dalkiisa Hindiya u qabo ku muujinayo soo saaray, si uu uga jawaabo olole shaqsiyaddiisa iyo filimkiisii ugu dambeeyey looga soo horjeedo. 

“Waxaan rabaa inaan qof walba u xaqiijiyo in aan dalkayga Hindiya jeclahay, sidaas darteed, fadlan ha mucaaradina aflaamtayda,” ayuu Aamir Khan u sheegay warfidiyeenka ka hor inta aan la baahinin filimkiisa Laal Singh Chaddha oo ah filim horay Hollywoodku u sameeyey. 

Hadalkiisa ayaa yimid kaddib olole ballaaran oo hashtag looga dhigay #DiidaLaalSingh uu aad u qabsaday barta twitter-ka. 

Farriimaha qaar ee ololaha ku jiray waa kuwo Islaam-naceyb ah oo dad taageerayaal u ah xisbiga talada Hindiya haya ee BJB ay baahinayeen. Tan iyo markii xibsigan oo uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Narendara Modi uu ku guuleystay doorashadii 2014-ka, waxaa aad u kordhay naceybka iyo falalka xagjirnimada ee lala beegsanayo Muslimiinta Hindiya. 

Aamir Khan maadama uu Muslim yahay waxaa loo arkay inuu liddi ku yahay diinta Hinduuga.  Ololohu kaliya kuma saabsaneyn dulucda filimkiisa ku jirta, hase yeeshe waxa uu si gaar ah u taabanaya shaqsiyaddiisa.

Heshiiska guud ee Bollywoodka ayaa ah in wax muran ah uusan ka dhici karin daawadayaasha shaleemooyinka filimada haddii ay rabaan inay daawadaan. Aamir Khan, oo 57 jir ahna, waa mid ka mid ah xiddigaha ugu badan oo aflaamtoodu ay soo xareeyaan dakhli aad u fara badan. 

Filimkiisii Dangal ee tartanka legdanka, kaas oo ku saabsanaa sheekada aabbe labadiisa gabdhood u tababbaraya legdanka ayaa kamid ah kuwa lacagta badan kasoo xereeyey gudaha iyo dibaddaba. 

Laal Singh Chaddha oo ah filim la geliyay dakhli dhan $22 milyan ilaa 25$, waxaa jiliddiisa lasoo waday tan iyo sannadkii 2018-ka, waxaana la filayay inuu kala kiciyo Bollywood-ka oo dhaqaale yaraan la halgamaya tan iyo markii uu dunida ka dillaacay xanuunka Covid-19.

Laakiin qiimeynta filimka ee Box Office-ka waxaa la isku raacay inuu yahay flop-kii ugu weynaa ee filimada Aamir Khan. 

“Tijaabadii koowaad oo laga rabay in masraxyada laga daawanayo looga helo lacag dhan $25 milyan laguma guuleysan. Marka la qiimeeyo sansaantana, waxaa iska cad inuusan soo xareyn doonin $17 milyan lacag ka badan,” Sanjay Mehta ayaa sidaas u sheegay Al-Jazeera. 

“Waana mid dib u dhac ku ah Bollywoodka.” 

Hinduuga ma daawanayaan Filimkan

Ishant Sharma oo ah 35 jir ku nool Punjab, kaasi oo ka tirsan koox xagjir ah oo sarreynta Hinduuga u dhaq-dhaqaaqda, wuxuu sheegay inay sameynayaan wax walba oo ay ku ilaalin karaan diinta Hinduuga oo aanay wax xiriir ah la lahayn xisbi siyaasadeed. 

Wuxuu sheegay in maalintii lasii daynayay daawashada filimka ay isaga iyo kooxdiisa socdaal ku mareen meelaha laga daawanayay filimka Laal Singh Chaddha. Waxayna ku qeylinayeen hal-ku-dhegyo, iyaga oo dalbanaya in gebi ahaan laga damiyo shaneemooyinka laga daaray filimka. 

Dibadbaxyo kale oo lamid ah ayaa ka dhacay Delhi iyo gobalka Hindiya ugu weyn ee Uttar Pradesh. 

“Ma diidanin filimka. Waxaan diidannahay Aamir Khan waayo wuxuu aflagaadeeyey diinteenna,” ayuu Sharma u sheegay Al-Jazeera. 

“Hinduugu ma daawanayaan filimka. Waana mid dhacay oo aan suuq lahayn.” 

 Olole lasoo habeeyey oo ka dhan ah Aamir Khan

Markii filimka lasii daayay, dhammaanba muuq-baahiyaasha Hindiya waxay waqtigii la daawanayay filimka kusoo aadiyeen aragtiyo iyo sheekooyin ka dhan ah Aamir Khan. 

Tusaale ahaan, Muuqbaahiyaha Times Now wuxuu soo qaatay barnaamij uu uga hadlayay Aamir Khan oo cinwaan looga dhigay “Sababta Bollywoodku uu u dhaawaco dareenka iyo shucuurta dadka Hinduuga.”

Laakiin qaar badan filim-samayayaal iyo soo saarayaal isugu jira ayaa isku dayay inay abuuraan mowjado kale oo lagu naqdinayo wax ay ugu yeereen naceyb qaawan oo ka dhan ah filimka Laal Singh. 

Mid kamid ah oo sababo amni awgeed magaciisa u qariyay ayaa yiri: “Hindiya waa dal cilmaani ah oo haddana Muslimiintu ay jagooyin sar-sare iyo kaalmo wax ku ool ah kaga jiraan nolosha waddanka – xibsiga BJB-na ma doonayo middaas.” 

Wuxuu sheegay in BJB ay dooneyso in Bollywoodka ay iyagu maamulaan oo ay aragtiyadooda Muslim naceybka ah ku saleeyaan filimada la jilayo. Laakiin Ra’iisul Wasaare Narendra Modi ayaa taageeray filimkan, qaar badan oo madaxda dowladdiisa kamid ahna waxay fasax u qaateen si ay u soo daawadaan. 

“Haddii aan ka hortagin ololahan naceybka ah, way kasii dari doontaa,” ayuu yiri. Wuxuu intaa kusii daray inuu jidka kusoo jiro filim kale oo uu jilayo atooraha Muslimka ah ee Shahrukh Khan, inkasta oo sii deyntiisu aysan dhawayn. 

Af-hayeen u hadlay xisbiga BJB ayaa sheegay in dibadbaxyada ka dhan ka ah filimka Laal Singh Chaddha aysan iyagu wax shaqo ah ku lahayn abaabulkooda. 

Al-Shabaab oo ‘weeraro aargoosi ah’ ka billowday Hiiraan iyo GALGADUUD

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dagaalyahannada Kooxda Al-Shabaab ayaa xoojiyey weerarada gaadmada ah ee ay ka fulinayaan qaybo ka mid ah dalka, gaar ahaan deegaannada hoostaga maamullada HirShabelle iyo Galmudug, kadib markii ay kordheen howlgallada ay wadaan ciidanka dowladda oo garab ka helaya maleeshiyaad deegaanka ah.

Kooxda ayaa saacadihii u dambeeyey howlgallo qorsheysan ka fuliyey gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, waxayna burburisau ceelal, guryo ay daganaayeen dad shacab ah iyo xarumaha isgaarsiinta ee ay ku xiriiri jireen dadka ku sugan deegaannada la weeraray.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdirashkuur Warsame oo sidoo kale ah ergeyga Soomaaliya u qaabilsan baaraha ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay weeraradaas, isaga oo marka hore cambaareeyey, wuxuuna tilmaamay in kooxda Al-Shabaab billowday argoosi, xilli ay dadka ku dhaqan gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ay la daala dhacayaan abaaro baahsan.

“Waxaan cambaaraynayaa weerarrada aargoosiga ah ee ay kooxda Al-Shabaab ka wadaan degaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Galgaduud. Xilli ay dadkaasi la tacaalayaan abaar ba’an, ayey ceelashii biyaha, xarumihii korontada iyo isgaarsiinta qarxiyeen,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku siii daray in si  aan kala sooc lahayn ay kooxdu u beegsaneyso dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaannadaas, ayna baabi’ineyso noloshooda.

“Waa aargoosi fulaynimo iyo arxan la’aan ah oo si aan kala sooc lahayn loogu beegsanayo ilaha nolosha bulshada,” ayuu sii raaciyey ergeyga arrimaha bani’aadamimada & abaaraha.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in garab istaag loo muujiyo shacabka ku dhibaateysan deegaannadaas, isla-markaana lala gaaro gurmad bani’aadanimo oo deg-deg ah.

“Gurmad degdeg ah iyo guluf hiilo ah ayey bulshada deegaannadaas naga leeyihiin,” ayuu markale ku yiri qoraalka uu soo saaray Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Si kastaba, ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa ATMIS oo garab ka helaya maleeshiyaadka deegaanka ee Macawiisley ayaa dhanka kale howlgallo ka wada Hiiraan iyo Galgaduud.

Prof. DALXA: Xasan Sheekh ayaa lagu xumeynayaa hoobiyeyaasha Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa oo la hadlayey warbaahinta gudaha ayaa si kulul uga hadlay xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan hoobiyeyaashii lagu weeraray qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Dalxa ayaa marka hore su’aallo ka keenay weeraradaan loo adeegsaday hoobiyeyaasha ee ku dhacay degmooyin ay kamid yihiin Xamarjajab, Xamarweyne iyo sidoo kale Boondheere, kuwaas oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dad shacab ahaa oo aan waxba galabsan.

“Hoobiyeyaal ayaa dhacay reer Xamarjajab maxay haleeyeen, Xamarweyne ayuu ku dhacay maxay haleeyeen, reer Boondheere saacaddaas ay jiifaan maxay haleeyeen, dadkii xayaat lagu haligay maxay haleeyeen? ma waqtiga ayaan eedeneynaa mise annaga iska leh? ayuu yiri yiri xildhibaan hore Mudane Maxamed Cumar Dalxa oo ka hadlayey amniga Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa shaaciyey in ujeedka laga leeyahay weeraradaan ay yihiin in kaliya lagu xumeeyo dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaas oo dhan waxay asal u yihiin dhaqan xumo ninka waxaas laga dhaadhiciyey in Ummaddaas dadkiisa ah xilli ay jiifaan waa nin aqlaaqda iyo aqoonta ka aradan, laakiin nin wax garta oo aqlaaq leh oo diin leh oo iimaan leh iska rid madfac Xamar meesha uu kaga dhaco, Xasan Sheekh ku xumey ma noqonaayo cudur daar. Nin weliba camalkiisa ayuu la imaanayaa ama dowladda ku xumey ama ow hebelow,” ayuu markale yiri Prof. Dalxa.

Wxuu intaasi ku sii daray “Dad ayaa hala yiraahdo Xamar amni kama jiro dowladdaan waxba ma qabaneyso saasey ka liidataa ayuu u dhammeynayaa Ummad dhan oo aan wax ay ka galabsatay aaney jirin oo adduunkooda u baabi’inayaa oo naftoodana u jarayaa,”.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo aroortii hore ee Khamiista hoobiyeyaal khasaare geystay lagu garaacay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaaadir, waxaana ka horreeyey weeraro kale iyo dilal ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Maxay Afrika u iibsaneysaa diyaaradaha Drone-ka Turkey?

0

Ankara (Caasimada Online) – Marka laga yimaado dalalka xubnaha ka ah Gaashaan-buurta NATO, dalalka Afrika ayaa sidoo kale garaacaya albaabka Turkiga si ay xiriir ula sameystaan warshadaha difaaca Turkiga.

Diyaaradda Bayraktar TB2 ee drone-ka oo Turkigu sameeyo, waa sababta ugu weyn oo baahidan ku abuuraysa waddamada Afrika. 

Aad baa runtii looga baahan yahay drone-ka Bayraktar TB2 gudaha Afrika kaddib markii la adeegsaday intii lagu jiray iska hor-imaadyadii Liibiya ka socday iyo dagaalkii Azerbejan iyo Armenia ee gobalka Nagorno-Karabakh sannadihii lasoo dhaafay. 

Iibsiga qalabka ciidamada Turkiga ee sannadkii 2002 waxa lagu qiimeeyay ilaa hal bilyan oo doollar, wax dhoofinta sannadlaha ahi waxa ay gaartay ilaa $248 milyan.

Sida lagu sheegay warbixinta Ururka Warshadaha Difaaca sannadkii 2021, waaxda difaaca iyo hawada Turkiga, iibkeedu waxa uu gaaray $10.1 bilyan, adduunka uga soo xerooday wixii ay dhoofisayna waxaa lagu sheegay $3.2 bilyan, taasi oo kor u dhaaftay $2.6 bilyan oo ah wixii ay soo degsan jireen, inkasta oo Talyaaniga, Jarmalka, Faransiiska, Maraykanka, Ruushka iyo Shiinaha ay wali aad uga horreeyaan suuqa iibinta hubka ee gobolka. 

Si kastaba, Qaaradda Afrika waa suuq cusub oo loogu tala-galay shirkadaha difaaca ee Turkiga; qiimaha dhoofinta hubka ayaa aad kor ugu kacay. Sannadkii 2020, adduun dhan $83 milyan ayaa Turkiga looga iibsaday wax soo saarka hubkeeda; halka $288 milyan looga iibsaday sannadkii hore ee 2021.

Shirkadaha Turkiga ayaa qalab kala duwan iyo gaadiidka gaashaaman ka iibiyay 14 waddan oo Afrikaan ah sida; Burkina Faso, Algeria, Chad, Marooko, Ghana, Kenya, Mali, Mauritania, Niger, Nigeria, Senegal, Soomaaliya, Rwanda iyo Uganda.

Dhinaca kale, dalabka NATO ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ayaa marwalba ah sababta dabada ka riixaysa doonista dalalka Afrika. Kadib khilaafkii u dhaxeeyay NATO iyo Turkiga bishii hore, Finland waxay bilowday isku day soo jiidasho leh oo ay ku doonayso inay Turkiga kaga guulaysato codsigeeda NATO oo ah dalab ay ku sheegtay inay iibsan karto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga iyo inay sidoo kale hoos u dhigayso shuruucda kale iibsiga hubka. 

Tallaabadaas kadib, dalka Togo oo ku hadla afka Faransiiska ayaa la wareegay shixnad diyaaradeed oo lagu magacaabo Bayraktar TB2 Drone, maadaama ay qorshaynayso inay u adeegsato howl-galka ay ka waddo xuduudkeeda dhanka waqooyi si ugu taageerto ciidamadeeda dagaalka ku jira. 

Bishii hore, sideed askari ayaa lagu dilay weerar ay sheegatay Kooxda Taageerada Islaamka iyo Muslimiinta (GSIM), oo ah is-bahaysiga ugu weyn argagixisada ee gobolka Saaxil, kaasi oo xiriir la leh al-Qaacidada dalkaas.

Soomaaliya, Askarta uu tababbaray Turkiga muddo sannado ah waxay dagaal kula jiraan kooxda al-Shabaab, haddana qalalaasaha siyaasadeed ee Soomaaliya oo daba dheeraaday awgeed ayaa saaxiibada caalamka ku abuuray walaac iyo baqdin ay ka qabaan in milatariga Soomaaliya uu ku dhex milmo colaadaha gudaha dalka ka jira. 

Sida laga soo xigtay diblomaasiyadda sal-dhigga millatari, Turkiga ayaa la sheegay inuu sameeyay shabakad ka kooban 37 sal-dhigyo milatari oo ku yaalla guud ahaan Afrika, kuwaas oo la jaan-qaadaya yoolka Erdogan ee la xaqiijiyey oo ah inuu saddex jibaarayo mugga baaxadeed ee ganacsiga qaaradda Afrika ee sannadlaha ah si loo gaarsiiyo $75 bilyan sannadaha soo aadan.

Ankara ayaa horay sal-dhig ciidan ugu lahayd gudaha Soomaaliya, waxaana la sheegay in Marooko iyo Tuniisiya ay markii ugu horreysay bishii September ee la soo dhaafay iibsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga.

Iyada oo aan kaliya laga eegeynin xasarado gudaha ah inay ka jiraan dalalka Afrika, haddana waa muhiim inay dhistaan awood ay kaga hortagi karaan walaaca amniga iyo ilaalinta qataraha caalamiga ah. Waana sababta ku qaadaysa iibsiga tiknoolojiyadaha casriga ah ee wax soo saarka warshadaha difaaca. 

Sida laga soo xigtay maqaal uu daabacay Eugene Gholz, seynisyahan siyaasadeed oo ku gaaroobay maaraynta difaaca iyo tiknoolajiyadda iyo Harvey Sapolsky oo ah Agaasimihii hore ee Daraasaadka Amniga MIT, mid kamid ah halisaha ugu weyn ee qaran kasta heysta waa in loo maro quudinta nidaamka hal-abuurka difaaca.

Caqabadda ugu weyn ee ka jirta dagaalka awoodeed ee Maraykanka iyo Shiinaha u dhaxeeya, waa in Washington ay dib uga dhacayso dhanka wax soo saarka tiknoolajiyada, gaar ahaan habka vis-à-vis China.

Sidaa darteed, hanjabaadaha argagaxisada, kordhinta loolanka xifaaltaanka juqraafiyadeed iyo aagagga iska hor-imaadyada sii kordhaya iyo rabitaanka xoojinta warshadaha difaaca ee tiknoolajiyadda sare ayaa horseeday koror weyn oo ku saabsan kharashka difaaca ee Afrika oo suuq fiican u ah fursadaha dhoofinta wax soo saarka warshadaha difaaca Turkiga.

Isku soo wada duub, xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya waddamada NATO ayaa laga yaabaa inay saameyn ku yeelato awoodda cusub ee Turkiga iyo sida uu iskugu ballaarinayo suuqyada Afrika oo dhan.

Midnimada NATO waa inay noqotaa mudnaanta Ankara maadama ay xubin ka tahay muddo 70 sannadood ah.

Sidaas darteed, wax-tarka Turkiga ee qaaradda Afrika wuxuu si dhow ugu xiran yahay xiriirka kala dhaxeeya xubnaha ay ku wada jiraan Gaashaan-buurta NATO. 

Xogta kulankii madaxweyne Xasan iyo Michael Langley

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu magaalada Muqdisho kula qaatay kulan gaar ah Taliyaha cusub ee Ciidamada Mareykanka ka jooga Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) Jeneraal Michael Langley.

Kulanka oo madaxweyne Xasan iyo Jeneraal Michael uu ku wehlinayay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb. Larry André ayaa waxa looga wada-hadlay howl-galada iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda qaar kamid ah deegaanada ay gobolada dalka uga sugan yihiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika taageerada amni ee ay siiyaan Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay inay sii kordhiyaan.

Kulankaan ayaa waxa uu imanaya xili toddobaadyadii dambe sare loo qaaday dardar-gelinta howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo dhawaana ciidamada dowladda ay ka qabsadeen deegaano dhowr ah.

Sidoo kale waxaa gudaha Soomaaliya ku sugan ciidamo kamid ah kuwa Mareykanka, kuwaasi oo saldhigooda ugu weyn uu ku yaalo Xerada Balli-doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxayna mararka qaar ay ciidamada Mareykanka fuliyaan duqeymo dhinaca cirka ah oo ay la beegsadaan Saldhigyada Al-Shabaab.

Ciidamada DF oo fashiliyey weeraro qaraxyo ah kadib…

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ka fuliyeen duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Howlgalka oo si gaar ah looga sameeyey waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Beledweyne iyo Matabaan ayaa waxaa lagu fashiliyey weeraro qaraxyo ah oo ay damacsanayeen xoogaga Al-Shabaab, sida ay shaaciyeen saraakiisha Xoogga dalka.

Ciidamada ayaa intii uu howlgalka socday ku guuleystay inay qarxiyaan miinooyin dhowr ah oo ay Al-Shabaab ku aastay waddadaasi, si AY ula beegsadaan ciidamada huwanta ah.

Saraakiisha horkaceysay howlgalka ayaa shaaca ka qaaday in miinooyinka ay qarxiyeen iyaga oo aan geysan wax khasaare ah, ayna sii wadayaan howlgalka haatan socda.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in ujeedka kooxda Al-Shabaab uu ahaa sidii ay u dhibaateyn lahaayeen dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaannadaasi.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgaalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, balse ciidamada Xoogga dalka ayaa weli dhaq-dhaqaaqyo milatari ka wada inta u dhexeysa degmooyinka Beledweyne iyo Matabaan.

Maalmihii dambe ayaa ciidanka Xoogga dalka, kuwa HirShabelle iyo kooxda Macawiisleyda waxay Al-Shabaab kula dagaalamayeen gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Hay’adda IMF oo $2.9 billion siineysa Sri Lanka + Ujeedka

0

Colombo (Caasimada Online) – Hay’adda Lacagta Adduunka ee (IMF) ayaa sheegtay in ay heshiis la gaartay dalka Sri Lanka, si looga samatabixiyo dhibaatada dhaqaale ee ka jirta dalkaas.

IMF waxa ay sheegtay inay dalkaas siin doonto muddo afar sano ah, lacag gaadhaysa illaa $2.9 billion oo dollar.

Koox ka tirsan hay’adda IMF oo booqasho ku joogta dalka Sri Lanka ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in heshiiska hordhaca ah ee ay la gaadheen dalkaasi inuu ku xidhan yahay inuu helo ansixinta maamulka sare ee hay’adda IMF.

Sri Lanka ayaa waajahaysa masiibo dhaqaale oo aad u daran, iyada oo ay dalkaas gabaabsi ka noqdeen shidaalkii, daawooyinkii iyo cuntooyinkii, ka dib markii ay aad u yaraadeen lacagihii qalaad ee ay debedda wax kaga soo iibsan jireen.

Dalkan ayaa hakiyey inuu bixiyo deyn gaadhaysa illaa 7 billion oo dollar oo ay dalal kala duwan iyo hay’ado kale ku leeyihiin. Wadarta deynta guud ee dalkan lagu leeyahay ayaa gaadhaysa illaa $51 billin oo dollar, taas oo $28 billion oo ka mida ay tahay in dib loo bixiyo sannadka 2028.

IMF waxay sheegtay in dhaqaalaha Sri Lanka la filayo inuu hoos u dhaco 8.7%, iyada oo sicir bararkuna uu kor u dhaafay 60%.

DF oo war kasoo saartay falkii arxan-darrada ahaa ee ay maanta sameeyeen Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay uag falcelineyo falkii ay kooxda Al-Shabaab ay qaraxyo ugu burburiyey matoorada ceelasha biyaha, baraago iyo xarumaha isgaartiineed ee ku yaallay deegaannada Maarsamage iyo Cadokibir oo hoostaga magaalada Baxdo ee gobolka Galguduud. Hoos ka aqriso qoraalka dowladda

War-saxaafadeed 

Iyadoo Dowladda Federaalka ee Somalia ay ku hawlan tahay gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu aafeeyeen, ayaa waxaa nasiib darro ah in kooxda nabad diidka ee ku qaraabaneysa magaca diinteena xaniifka ah ay sare u qaadeen burburinta ceelasha biyaha, qalabka isgaarsiinta iyo barakacinta dadka tabaaleysan.

Shacabka ku nool degaanada Maarsa-Mage, Qaayib, Dhuumodle, Cada-Kibir, Dhisaq-Shurufle iyo Cali Wayd ee gobolka Galguduud ee Dowlad Goboleedka Galmudug waxay saaka ku waa bariisteen iyadoo ceelasha biyaha ee ay kaga badbaadi lahaayeen haraadka iyo abaaraha daran ay burburiyeen argagixisadu, isgaarsiintii degaannadaasina ay densan yihiin kadib markii ay kooxda nabad diidka ay burbur u geysteen qalabka iyo matoorada shirkadaha isgaarsiinta.

Argagixisada ayaa dooneysa inay si arxan la’aan ah u ciqaabaan dad shacab ah kadib , markii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya shacabka ay bilaabeen hawlgalo culus oo lagu cirib tirayo kooxda arxanka daran ee diinta Islaamka ku tumaneysa.

Dhowaan waxa ay dowladda Soomaaliya lacag ku dhow 150,000 (boqol iyo konton kun oo dollar) ku bixisay dib u qodista iyo hagaajinta ceelal ay argagixisadu ku burburiyeen degaano ku yaalla Beled Weyne oo ka tirsan Dowlad Goboleedka HirShabelle.

Dowladda Soomaaliya waxay caddeyneysaa inay sii wadeyso dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gacanta kalena ay ku sii wadeyso iskudubbaridka gurmadka loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu aafeeyeen. 

Waxaa ugu dambeyn dowladda Soomaaliya ay ugu baaqeysaa shacabka inay sii wadaan taageerada ay u fidinayaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed si meesha looga saaro cadowga u ooman dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Sawirro: Maxaa kasoo baxay shirkii Golaha Wasiirada?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii ugu horreeyay ee toddobaadlaha ahaa ee golaha wasiirrada ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho – kaasi oo looga hadlay xaaladda amniga waddanka, dadaalka gurmadka abaaraha iyo safarradii shaqo ee dhowaan uu galay ra’iisul wasaaraha. 

Shirka oo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa waxa uu kaga warramay socdaalkii uu ku tagay magaalada Tunis ee dalka Tunisia, oo isaga wafdigiisa ay kaga qaybgaleen shirkii caalamiga ahaa ee TICAD8 – kaasi oo intii uu socday ra’iisul wasaaraha iyo xubnaha wafdiga ay kulamo kala duwan la yeesheen madaxdii ka qaybgalaysay shirka.

Waxaa sidoo kale ra’iisul wasaaruhu ka warramay safarkiisi magaalada Beledweyne oo uu sheegay inay u doorteen inay tusaale u noqoto gurmadka ay dowladdu billowday. 

Dhinaca kale, wasiiradda gaashaandhiga iyo amniga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Maxamed Axmed Sheekh Cali Doodishe ayaa iyaguna waxa ay xog ka bixiyeen xaaladda ammaanka ee dalka iyo dadaalka ay dowladdu wado ee lagu doonayo in lagu sugo amniga shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macallin Fiqi ayaa isna ka warbixiyay xaaladda abaaraha iyo xogtii ugu dambeysay ee gurmadka loo fidinayo dadka dhibaateysan.   

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeeyay wasaarradaha ay quseeyaan ajandayaashii shirka ee maanta inay si degdeg ah wax qabad la taaban karo u gaarsiiyaan shacabka.

Sida aan xog ku helnay, shirka ayaa la filayey in lagus oo jeediyey isbeddel lagu sameeyo qaar ka mid ah taliyayaasha ciidamada dowladda federaalka, balse arrintaas ayaa dib loo dhigay. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu doonayo inuu beddelo dhowr taliye oo ka mid ah kuwa ciidamada, waxaana marka hore uu soo sugayaa soo jeedinta golaha wasiirada.

Hoos ka daawo sawirrada kulanka

Xog: DF oo diidan qorshe ay QM ugu dhowaaqeyso inay Soomaaliya gashay xaalad…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha QM ayaa isku khilaafsan in lagu dhowaaqo in Soomaaliya ay gashay xaalad macluul ah, sababo la xiriira abaaraha ka jira dalka, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in QM ay ku cadaadineyso dowladda inay ogolaato in lagu dhowaaqo in Soomaaliya ay ka jirto macluul, balse taasi waxaa diidan madaxda dowladda federaalka oo sheegaya in xaaladda abaarta aysan gaarin heer macluul.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta madaxtooyada kula kulmay ku-xigeenka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Arrimaha Bani’aadamnimada iyo Gargaarka Degdegga ah OCHA Mudane Martin Griffiths. 

Madaxweyne Xasan ayaa la wadaagay Martin Griffiths qorsheyaasha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan wax ka qabashada arrimaha bani’aadamnimada ee ka dhashay saameynta abaaraha ka jira dalkeenna iyo qeybo ka mid ah gobolka Geeska Afrika, taas oo u baahan in si wadajirka ah la isaga kaashado heer dowladeed iyo heer caalam intaba. 

Caasimada Online ayaa xog gaar ah ku heshay in arrimaha looga hadlay kulanka iyo sababaha uu Martin u yimid Muqdisho ay tahay in dowladda laga dhaadhiciyo inay aqbasho in lagu dhowaaqo macluul.

Dowladda ayaa ku adkeysaneysa inaysan dalka macluul ka jirin balse ay jirto abaar darran.

Waxaa macluul lagu dhowaaqi karaa marka ay dhacdo in dadku ay si saf mareen ama toban tobaneeyo ay u dhimanayaan, taasi oo aan weli ka dhicin Soomaaliya xilligan, inkasta oo ay jiraan dad yar oo abaarta u dhintay. 

Caasimada Online ayaa ogaatay in qorshaha hay’adaha caalamiga uu yahay in haddii macluul lagu dhowaaqo ay balaayin dollar ku heli karaan magaca Soomaaliya, ayada oo xaqiiqda ay tahay in xitaa 10% gargaarka lagu soo qaato magaca Soomaaliya uusan soo gaarin Soomaaliya, oo hay’adaha uusan soo dhaafin.

Sidoo kale, aragtida dowladda federaalka waxaa la qaba hay’adaha Islaamiga ah iyo kuwa Carabta ee dalka ka howlgala, oo sheegay inaysan macluul kusoo arag Soomaaliya balse ay jirto abaar xooggan. 

Cabsida jirta ayaa ah in haddii la waayo roobabka bisha October ay xaaladda isku beddeli karto macluul, balse aysan hadda gaarin heerkaas. 

Hay’adaha Reer Galbeedka ayaa sheegaya in 7.8 milyan oo Soomaali ah ama kala bar dadka ku nool Soomaaliya ay abaar hayso, taasi oo xaqiiq iyo caqliga ka fog, marka la eego xaaladda dhabta ah ee ka jirta dalka. 

Dowladda ayaa illaa hadda ku guuleysatay inay iska caabiso cadaadiska hay’adaha QM, balse ma cadda haddii ay gadaal iska dhiibi doonto una hoggaansami doonto.

Kulankii maanta, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey hay’adda OCHA taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ku adkeeyey in ay xoojiyaan gargaaridda dadka abaaruhu saameeyeen iyo wax ka qabashada xaaladaha bani’aadamnimo ee ka dhashay.  

Dhankiisa, Mudane Martin Griffiths Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Arrimaha Bani’aadamnimada iyo Gargaarka Degdegga ah ee OCHA ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ka caawin doonaan arrimaha mudnaanta u leh ee ku saabsan horumarinta iyo dadaallada wax looga qabanayo saameynta baahsan ee ka dhalatay isbaddalka cimilada.