27.7 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Xasan Sheekh iyo Deni oo tacsi u diray Sheekh Shariif

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa war kasoo saaray geerida ku timid Allaha u naxariiste Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq oo aheyd hooyada Madaxweynihii hore ee dalka.

Madaxweyne Xasan ayaa marka hore tacsi tiiraanyo leh u diray madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed, qoyska iyo qaraabada ay ka baxay marxuumada.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweynihii 7-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo dhammaan ehelada ay ka geeriyootay hooyo Xasno Cabdulle Isaaq,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa Alle uga baryey Marxuumadda in uu hoygeeda ka yeelo jannatul fardowsa samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskeeda iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq.

Shariif iyo Xasan ayaa ah saaxiibo-siyaasadeed si weyn isugu dhaw, ayada oo xusid mudan tahay in xiligii doorashada uu Shariif kamid ahaa musharaxiinta codadkooda markii dambe ku biiriyay madaxweynaha tallada haya.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa khadka taleefan kula hadlay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, isaga oo uga tacsiyeeyay geerida Hooyadiis Alle ha u naxariistee Xasno Cabdulle Isaaq.

Madaxweyne Deni ayaa marxuumada Alle uga baryay in uu danbigeeda dhaafo, oo janadii geeyo, eheladii iyo qoyskeediina samir iyo iimaan kasiiyo, wuxuuna si gaar ah tacsida iyo tiiraanyada ula wadaagay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed.

ISRAEL oo ku dhowaaqday weerar ka dhan ah IRAN

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Madaxa Sirdoonka Israa’iil, David Barnea ayaa ku tilmaamay heshiiska cusub ee nukliyeerka oo Iiraan iyo quwadaha caalamka ay kala saxiixan rabaan “musiibo istiraatiji” oo halis ku ah Israel. Waxayna Tel Aviv durba bilowday isu-diyaarinta weerar milatari oo ka dhan ah Iiraan, oo ay sida ay sheegtay ay u aragtay lagama maarmaan. 

Wargeyska Times of Isreal ayaa David Barnea kasoo xigtay isaga oo sheegaya in heshiiskan uu yahay mid aad ugu xun Israa’iil – Maraykankana uu ku degdegayo waxa uu ugu yeeray “heshiis ku saleysan been abuur” isaga oo tixraacaya sheegashada Tehraan oo ah in barnaamijkeeda nukliyeerka uu yahay mid nabadeed. 

Wuxuu intaas ku daray in heshiisku uu u muuqdo mid lama huraan ah, marka loo fiiriyo baahida Maraykanka iyo Iiraan. Labaduba waxay doonayaan dano isku xiran. Iiraan waxay doonaysa in laga nafisiyo cuna-qabateynta dhaqaale ee la saaray. Maraykankuna wuxuu rabaa inuu kahortago in Tehran ay hesho awood ay ku dhisan karto bam nukliyeer ah. 

David Barnea ayaase aaminsan in heshiiska uu siinayo Iiraan ruqsad ay ku ururiso walxaha sameysiga nukliyeerka looga baahan yahay dhowr sano gudahood. Wuxuu sidoo kale rumeysan yahay in heshiisku siin doono Tehran balaayin dollar oo hadda laga xayiray. Taasina waxaa, sida uu yiri, ay kordhinaysaa khatarka Iiraan ay ku heyso gobolka – iyada oo adeegsanaysa wakiilladeeda. 

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in heshiisku uusan ku waajibi doonin Israa’iil, isla markaana ay u dhaqmi doonto sida ay u aragto inay ku habboon tahay inay meesha ka saarto halista kusoo fool leh, isaga oo xusay in Tel Aviv ay durba billowday diyaargarow weerar millatari oo ka dhan ah Iiraan haddii tallaabadaas loo arko lagama maarmaan.

Iiraan ayaa Arbacadii ku dhawaaqday inay heshay jawaabta soo-jeedinta Maraykanka oo ah in dib loogu laabto waxa loogu yeero Qorshaha Wadajirka ah ee Dhaqangelinta kaas oo Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump uu ka biya-diiday sannadkii 2018. 

Dhanka kale, Wakiilka Sare ee Midowga Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga, Josep Borrell ayaa sheegay in heshiis lala gaari karo Iiraan toddobaadkan.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, John Kirby ayaa xusay in hadda ay aad uga dhow yihiin iskaashiga sidii ay ahaayeen dhowr toddobaad kahor, sababtoo ah Iran waxay qaadatay go’aan ay ku sameysay waxoogaa tanaasul ah.

Diblomaasiyiin ka kala socda Iiraan, Maraykanka, Shiinaha, Ruushka, Faransiiska, UK iyo Jarmalka ayaa muddo bilo ah ka wada xaajoonayay sidii Tehran ay dib uga shaqeyn lahayd daahfurnaanta heshiiska barnaamijkeeda nukliyeerka si looga qaado cuna-qabataynta dhaqaale ee la saaray.

Bishii May sannadkii 2018, Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump ayaa cuna-qabateyn dhaqaale kusoo rogay Tehraan kadib markii uu ku dhawaaqay in dalkiisa uu ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee Iiraan ay kala saxiixdeen sannadkii 2015-kii xilligaasi oo Barack Obama ahaa Madaxweynaha Maraykanka. 

Sawirro: Wasiirada DF iyo maamullada ee degaanka iyo cimilada oo maanta kulmay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Wada-tashiga iyo xoojinta wada-shaqeynta wasaarada deegaanka dowladda federaalka iyo wasaaradaha deegaanka maamul goboleedyada, oo qeyb ka yahay gobolka Banaadir ayaa maanta furmay magaalada Muqdisho.

Shirka oo ay daah-furtay Khadiija Al-Makhzuumi, oo ah Wasiirka Bay’adda iyo isbeddelka Cimiladda ayaa waxaa xooga lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga wada-shaqeyn ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-gobaleydyada dalka.

Sidoo kale waxa dhinacyada ay diirada ku saareen wax ka qabashada dhibaatooyinka deegaanka iyo isbedelka cimilada oo ah mid si gaar ah u taabanaysa dhamaan dalka oo dhan.

“Waxaa rabna wada-shaqeyn hufan in aan u wada-shaqeyno oo aan ka wada-hadalno xaaladaha iyo daruufaha ka taagan maamul goboleed kasta, sida aan wax u qaban laheyn. Sida aad ogtihiin isbedelka cimilada saameynta ay ku leedahay Abaaraha,” ayey tiri Khadiija Al-Makhzuumi.

Wasiirka Bay’adda iyo isbeddelka Cimiladda, Khadiija Al-Makhzuumi ayaa sheegtay inay ka go’an tahay wax ka qabashada dhibaatooyinka cimilada, ayada oo ballan-qaaday inay si dhow ula shaqeyn doonto wasiirada wasaarada ee heer dowlad goboleed.

“Waxaan u ballan-qaaday wasiiradda dhamaan in WD&IC ee dowlada federaalka Soomaliya ay si dhaw ula shaqeyn doonto, islamarkaas-na ay qaadan doonto doorkeeda kaga aadan arimahaas,” ayey ku tiri Khadiija qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook kadib markii uu soo idlaaday kulanka.

Wasiirada dowlad-goboleedyada ayaa dhankooda ku bogaadiyay Wasiir Khadiija Al-Makhzuumi qabsoomida shirkaan oo qeyb weyn ka qaadatay qabashadiisa, iyaga oo xusay muhiimada ay leedahay wax ka qabashada dhibaatooyinka deegaanka.

Wasiir Khadiija ayaa ah wasiirkii ugu horreeyey ee ka tirsan xukuumadda Xamza oo la kulanta wasiirada maamul goboleedyada ee haya xilalka la midka ah, taasi oo muujineysa sida ay u dardar gelineyso wadashaqeynta labada dhinac iyo wax ka qabashada arrimaha sida xun u saameynaya dalka.

Weerar askar lagu dilay oo ka dhacay duleedka Afgooye

0

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyey kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya uu ka dhacay duleedka magaalada Afgooye oo ka tirsan gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Warmaxan ee gobolkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in weerarka kadib uu xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyey ciidamada dowladda oo saldhig ku leh deegaankaasi iyo dagaalyahanada weerarka qaaday.

Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalkaan ayaa guullo ka sheegatay, waxayna shaacisay inay ku dishay ugu yaraan lix askari, tiro kalena ay ku dhaawaceen, sidoo kalena ay ku soo qabsadeen mooto nooca Fekon-ta ah oo ay lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dhankooda saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka uga yimid kooxda Al-Shabaab, ayna sidoo kale khasaare culus gaarsiiyeen.

Ma jiro ilo madax bannaan oo xaqiijin kara khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi, marka laga tego sheegashada labada dhinac.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo howlgallo ka bilaabay halkaasi.

Afgooye iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro iyo dagaallo culus oo u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo weli ku xoogan Shabeelaha Hoose.

Ciidamada Eritrea oo kusoo biiray dagaalka iyo weerar culus oo lagu qaaday Tigray

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea ayaa maanta weerar ku qaaday gobolka Tigreega ee woqooyiga Itoobiya, waxayna bartilmaameedsadeen ciidamada Tigreega, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Tigreega, inkastoo wakaaladda wararka ee Reuters aysan u suurtagelin in ay si madaxbannaan u xaqiijiso warbixinta.

Getachew Reda, oo ah afhayeenka ciidamada Tigrayga, ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in labada “ciidan ay subaxnimadii hore ee saaka weerar ballaaran oo afar jiho ah ku qaadeen degaanka Adyabo ee Waqooyi-galbeed ee Tigray!”

Afhayeenka dawladda Itoobiya Legesse Tulu, afhayeenka milatariga Kornayl Getnet Adane iyo afhayeenka Ra’iisul Wasaaraha Billene Seyoum iyo Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea Yemane Gebremeskel ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyada ku saabsan inay ka jawaabaan eedeymahan.

Dowladda Itoobiya ayaa Arbacadii bayaan ay soo saartay ku eedaysay ciidamada Tigreega inay weeraro dhowr jiho ah ku qaadeen ciidamada dowladda.

Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeynayaa inuu jabiyay xabbad- joojintii.

Colaadda ka taagan Itoobiya ayaa gobolka ka dhigtay mid xasillooni darro ka dhigtay waddanka labaad ee ugu dadka badan Afrika, oo ah waddanka ugu miisaanka culus ee diblamaasiyadeed ee martigeliya Midowga Afrika.

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ku boorriyay xukuumada Itoobiya iyo kooxda TPLF galinkii danbe ee Arbacadii inay “si degdeg ah u joojiyaan hawlgallada militari” ayna ka shaqeeyaan sidii loo soo afjari lahaa colaadda.

Eritrea ayaa ciidamo u dirtay Tigray si ay u taageeraan militariga Itoobiya, kadib markii uu dagaalku qarxay Noofambar 2020, in kasta oo labada waddanba ay si cad u beeniyeen joogitaankooda muddo ku dhow shan bilood, iyada oo eedeymaha ay kor u kaceen kufsi-wadareed, dilalka xad-dhaafka ah ee loo geysanayo dadka rayid ka ah iyo bililiqo. Eriteria ayaa diiday eedeymahaas.

VOA + Reuters.

AL-SHABAAB oo qarxisay ceelasha biyaha degaano ka tirsan maamulka Galmudug

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weeraro culus ku qaadeen deegaanno ka tirsan gobolkaasi oo hoostaga dowlad goboleedka Galmudug.

Weeraradaan ayaa waxaa lagu beegsaday deegaannada kala ah Maarsamage iyo Cadokibir oo hoostaga magaalada Baxdo ee gobolka Galguduud, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Xoogaga weerarka fuliyey ayaa qaraxyo ku burburiyey matoorada ceelasha biyaha, baraago iyo xarumaha isgaartiineed ee ku yaallay deegaannada la weeraray.

Xaaladda ayaa haatan ah mid adag, balse waxaa la soo wariyey in uusan khasaare nafeed oo ka dhashay weerarada ay kooxda Al-Shabaab ka fulisay duleedka degmada Baxdo.

Deegaannadaan la weeraray ayaa markii horeba waxaa ka jirtay biyo la’aan baahsan iyo baaxadda abaaraha haatan ka jira qaybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo mas’uuliyiinta Galmudug oo ku aadan dhacdadaasi.

Weeraradaan ayaa daba socda dagaalkii 17-kii bishii June Al-Shabaab iyo dadka deegaanka ku dhex-maray degmada Baxdo halkaas oo kooxda Al-Shabaab looga dilay ugu yaraan 100.

Kadib dagaalkaas ayey dadka deegaannada ku dhow Baxdo waxay sheegayeen inay la kulmayeen hanjabaadyo & cunaqabateyn uga imaaneysay Al-Shabaab.

Dagaalka sharci-darrada ah ee uu Biden ka wado Somalia

0

Washington (Caasimada Online) – Maamulka madaxweyne Joe Biden wuxuu sii wada fara-gelinta milatari ee Soomaaliya. Madaxweyne George H.W. Bush ayaa markii ugu horreysay Soomaaliya u diray ciidamo sannadkii 1992-kii, si ay qeyb uga noqdaan Mashruucii Rejo-soo celinta Soomaaliya.

Xilligaas Mareykanku wuxuu gacan ka geysanayey gurmadkii abaaraha oo Qaramada Midoobey ay ka waday dalka. Waxay fara-gelintii ciidamada Mareykanka muhiim u ahayd in deeqo lala gaaro dadkii abaaruhu saameeyeen.

In kastoo Maraykanku uu sannadkii 1993-kii bishii October Soomaaliya kala baxay dhamaan ciidamadiisa, haddana marnaba fara-gelintiisu kama marneyn howlgallada ciidan ee laga sameynayo gudaha Soomaaliya. 

Madaxweyne Donald Trump ayaa kordhiyay howlgalka ciidamada Maraykanka ee Bariga Afrika ka socda sannadkii 2017-kii. Wuxuuna dabciyay shuruucdii ku aadaneyd adeegsiga diyaaradaha drones-ka ah ee ka howlgala koonfurta Soomaaliya. 

Tan iyo 2017-kii, militariga Maraykanka ayaa fuliyay tiradii ugu badneyd ee howlgallo lagu bartilmaameedsaday kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab, sanadkii 2019-kii, Mareykanku wuxuu gudaha Soomaaliya ka fuliyay 63 howlgal oo duqeymo ah, waana tiradii ugu badneyd oo sannad gudihiis la fuliyo.

Waxaa ku xigtay 52 goobood oo la bartilmaameedsaday sanadkii 2020-kii, waana isku darka wadarta duqmeymaha uu Soomaaliya ka fuliyay intii u dhaxaysay 2007 ilaa 2017 oo dhan 42 duqeymood oo ka dhan ah kooxaha xagjirka ah ee ka soo hor jeeda dowladda Soomaaliya. 

Joe Biden markii uu xafiiska la wareegay si weyn ayay duqeymahani hoos ugu dhaceen. Waxaana la yareeyey weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka baxsan aaggaga dagaalka.

Sannadkii 2021, kaliya shan duqeymo ah ayaa lasoo sheegay. Laakiin hakadku wuxuu ahaa mid kooban, sanadkii hore, Joe Biden ayaa Pentagon-ka la wadaagay magacyada ilaa tobaneeyo hoggaamiyayaasha Al-Shabaab ah.

Bishii August ciidamada Maraykanka ayaa labo howlgal ka fuliyay gudaha Soomaaliya. Waana astaan muujinaysa in dagaalka ka socda Soomaaliya uu sii xoogeysanayo. 

Bishii hore, Taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa ku dhawaaqay inay qaadeen weerraro cirka ah oo ay ku dileen, sida ay sheegeen, 13 dagaalyahan oo katirsan al-Shabaab. Taliska ayaa tilmaamay in qiimeyntii ugu horreysay uu ku ogaaday inay jiraan dad rayid ah oo la dilay ama la dhaawacay. 

In kasta oo ay taasi u muuqato mid lagu kalsoonaan karo, haddana Pentagon-ka ayaa caan ku ah inay si ba’an u yareeyaan dhaawacyada rayidka ah ee Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay AntiWar.com, howlgalkii ugu dambeeyay wuxuu qeyb ka ahaa weerarkii cirka ee dhacay 9-kii Agoosto. Waxa kale oo jiray howlgal duqayn ah bishii hore.

Maamulka Biden ayaa sidoo kale dib u kiciyay dagaalka dhinaca dhulka ee Soomaaliya.

Madaxweyne Trump ayaa tiro badan oo u dhaxaysa 650 ilaa 800 oo askari oo Maraykan ah oo ku sugnaa Soomaaliya ka saaray maalmihii ugu dambeeyey maamulkiisa. Isaga ayaana mas’uul ka ahaa soo gelitaanka ciidamadaas ee Soomaaliya si ay howlgalka u bilaabaan. 

Bishii March, madaxweyne Biden waxa uu ansixiyay codsi uga yimid Xoghayaha Difaaca si dib loogu soo celiyo joogitaanka ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya si loo suurta-geliyo dagaal waxtar leh oo ka dhan ah al-Shabaab, sida uu sheegay sarkaal sare oo katirsan maamulka.

Xaqiiqdii Trump ma uusan joojin dagaalka dhinaca dhulka ah ee Soomaaliya. Askarta Maraykanka ayaa si fudud dib loogu daabulayay dalalka deriska ah, waxayna sida muuqata gudaha iyo dibadda uga soo guureen Soomaaliya, sida uu sarkaalkan sare sii tilmaamay. 

Dagaalka Soomaaliya ka socda wuxuu hadal heyn ka dhex abuuraa dadka intooda badan. Aad bayna u kooban yihiin macluumaadka howlgallada socda. Wax khasaare oo dhinaca Maraykanka kasoo gaara howlgallada majiraan. Dadkuna aad uma daneynayaan arrin ka duwan midda qasaare ahaaneed ee dadkooda kasoo gaaraysa duqeymaha uu Soomaaliya ka fulinayo. 

Marka loo eego baaritaan ay sameysay Amnesty International, 21 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay kaliya sagaal weerar oo cirka ah sannadkii 2020 halka 11 kale-na lagu dhaawacay. Sida laga soo xigtay Airwars, caddaymo ayaa muujinaya in ilaa 15 qof oo rayid ah oo Soomaali ah lagu dilay duqaymaha Maraykanka sannadkii 2020 oo kaliya.

Haba yaraatee ma jirto awood dastuuri ah oo uu madaxweyne Biden u oggolaanaysa inuu ciidamo u diro Soomaaliya si loo duqeeyo. Sidoo kale Trump, Clinton, iyo labadii Bush, wax awood ah uma lahayn inay sidaas oo kale sameeyaan. Koongareesku kuma dhawaaqin dagaal ka-dhan-ah dalkaas; doorka Madaxweynaha oo ah Taliyaha Guud ma farayo, isaguna inuu bilaabo tallaabo milatari oo weerar ah.

Dastuur ahaan, Koongareesku waa inuu ku dhawaaqaa dagaal kahor inta uusan madaxweynuhu qaadin tallaabo militari oo weerar ah. Sida George Washington uu warqad ugu qoray William Moultrie, Dastuurku wuxuu leeyahay awoodda ku dhawaaqida dagaal waxaa leh Congress-ka, sidaas darteed duulaan weerar ah oo muhiim ah lama qaadi karo ilaa iyo kadib marka ay ka doodaan mowduuca la islana oggolaado. 

Halkii lagu dhawaaqi lahaa dagaal, Biden iyo Trump, oo ay wehliyaan Bush iyo Obama iyaga kahor, waxay ku wada tiirsanaayeen oggolaanshiyaha isticmaalka xoogga militariga (AUMF) oo uu ansixiyay Congress-ka wixii ka dambeeyay 9/11 si loogu cudurdaaro tallaabo milatari oo caalami ah. Laakiin tani waxay fidinaysaa awoodda dastuuriga ah ee madaxweynaha oo aad uga fog meesha lagu jabayo.

Qaraaradan ayaa u oggolaanaya Madaxweynaha inuu go’aan ka gaaro haddii iyo goorta uu rabo inuu qaado tallaabo militari. AUMF oo la ansixiyey kadib weeraradii 9/11 si loogu duulo Afghanistan ayaa illaa maanta shaqeysa. Bush, Obama, Trump iyo madaxweynaha hadda ee Biden waxay u isticmaaleen inay marmarsiiyo u helaan go’aannadooda madax-bannaan oo ay tallaabo milateri uga qaadi karaan adduunka oo dhan, sida Soomaaliya.

Laakin adeegsiga awoodda xoogga militariga si fudud looma mariyo sharciga dastuuriga ah.

Ma jiro qodob dastuuri ah oo u oggolaanaya Congress-ka inuu awoodihiisa loo igmaday ku wareejiyo dhinac kale, oo uu ku jiro madaxweynaha. Xaqiiqdii, ficilkan oo kale wuxuu ku xadgudbaa sharciyada aasaasiga ah. Sharciga qandaraasyada, marka maamulaha (dadweynaha) u wakiisho awoodda wakiil (dowladda federaalka), wakiilku uma wareejin karo awooddiisa dhinac kale iyada oo aan la helin ama la heynin tilmaamo gaar ah oo ku jira heshiiska. Oggolaanshaha noocaan ah kuma jiro Dastuurka. Marka, Koongareesku si sharci ah uma siin karo madaxweynaha go’aan maran si uu iskiis ugu gaaro go’aan dagaal. Waa in kongareesku soo jeediyaa baaq ku aadan go’aan lagu qaadanayo tallaab miltari. 

Waxaa cajiib ah in Kongareesku aanu weligiis oggolaanin tallaab miltari in lagu qaado Soomaaliya. Marka holwgal walba oo laga fuliyo gudaha Soomaaliya waa sharci-darro. 

Qoraalkan waxaa qoray Michael Maharrey oo ah agaasimaha xarunta Tenth Amendment Center, ee Mareykanka oo ah xarun ka shaqeysa ilaalinta dastuurka. Waxaa tarjumay Caasimada Online. 

Puntland: Beesha Xasan Sheekh [Hawiye] ayaa xilalkii ugu muhiimsanaa qaadatay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Senator Maxamed Cali Yusuf Gaagaab oo ka tirsan Aqalka Sare, kuna metala Puntland, ayaa markii u horeysay ka hadlay xiisada siyaasadeed ee ka dhex aloosan dowladda cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowlad-goboleedka Puntland.

Senator Gaagaab ayaa sheegay in dowladda Xasan Sheekh ay xilalkii ugu muhiimsanaa ku tixday beesha uu ka soo jeedo madaxweynaha [Hawiye], taasi oo uu ku tilmaamay inay qeyb ka tahay qanacsanaan la’aanta kasoo yeertay madaxda Puntland.

“Waxaa weli saluugsannahay oo jira kala doorashada boosaska dadka loo magacaabo, waxaa xaqiiqo ah xukuumadda Xasan madaxda u yahay magacaabista ay sameeyeen marka beel beel iyo dowlad goboleed loo eego, intii u fiicneyd meel ayey ku dhacday oo meesha uu kasoo jeedo Xasan ayey intaas qeyb ahaan ku raacday,” ayuu yiri Senator Gaagaab.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Wasiirro xoogan waa leenahay sida Wasiirka Arrimaha Dibedda oo kale, laakiin midda ka hadlayo waa dhinaca dhaqaalaha iyo meelaha wax kasoo bixi karaan oo laga yaabo in shaqo laga heli karo oo loo sinaan karo.”

Senator Gaagaab ayaa xusay in xiisada siyaasadeed ee dowladda federaalka iyo Puntland ay ku qotomto in si cadaalad ah aan loo qeybin xilalka muhiimka ah ee dowladda, waana qeyb kamid ah qanacsanaan la’aanta maamulku tabanayo, sida uu hadalka u dhigay.

Maamulka Puntland ayaa hore u sheegay in aysan ku qanacsanayn sida ay Madaxtooyada Soomaaliya wax u waddo, isla markaana ku dhaliilay maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh “wada-shaqayn la’aan”.

Cabdisamad Abwaan oo shaaciyey arrin DF ka hor-taagan amniga Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan) oo ka mid ah xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa ka hadlay arrimaha ammaanka magaalada Muqdisho, kadib war qoraal ah oo uu maanta soo saaray.

Senator Cabdisamad Abwaan ayaa u sababeeyey amni darrada haatan jirta kalsooni la’aan u sheegay in shacabka ka heysata dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sidaas darteedna ay ku adag tahay dowladda in ay sugto amniga magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in loo baahan yahay in marka hore la dhiso kalsoonida shacabka, si ay dowladda cusub uga hesho taageero dhinac walba leh.

“Dawlad aan haysan kalsoonida shacabka, wey adkaanaysaa iney amniga dalka sugto, waxaa muhiim ah in la baadidoono kalsoonida shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Abwaan.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, iyada oo maanta weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal uu ka dhacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dadka ku dhintay weerarkan ayaa waxaa mid ahaa hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay, kadib markii uu gurigooda ku dhacay mid ka mid ah hoobiyeyaasha la soo tuuray.

Si kastaba, ammaanka Muqdisho ayaa maalmihii dambe faraha kasii baxayey waxaana ka dhacayey weeraro, qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay ka dambeyso Al-Shabaab.

HOOYO iyo CARRUUR ay dhashay oo ku dhintay hoobiyeyaasha Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay hoobiyeyaal saaka lagu garaacay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimaasho, dhaawac iyo burbur intaba.

Hoobiyeyaasha oo gaarayey illaa saddex madfac ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu garaacay xaafado ka tirsan degmooyinka Xamarweyne & Boondheere ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiicda qaar ay ku hoobteen guryo ay daganaayeen dad shacab ah oo uu khasaare kasoo gaaray weerarkan loo adeegsaday hoobiyeyaasha.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in hoobiye ku dhacay xaafadda Casa Italia ee degmada Xamarweyne ay ku dhinteen 3 qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 9 kale.

Xildhibaan Cali Ganey oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in guri uu daganaaa wiilkiisa uu ku dhacay mid ka mid ah hoobiyeyaasha, wuxuuna xaqiijiyey dhimasho iyo dhaawac.

“Carruurteyda oo halkan daganeyd ayaa hoobiye kula dhacay wiilkeyga carruur uu dhalay waxaa ku dhintay saddex qofood oo labo yaryar yihiin, qofna weyn yahay waxaa sidoo kale ku dhaawacmay afar qof,” ayuu yiri Xilldhibaan hore Cali Ganey oo la hadlay warbaahinta.

Saddexda qof ee dhintay ayaa kala ahaa hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay, kadib markii uu gurigooda ku dhacay mid ka mid ah hoobiyeyaasha la soo tuuray.

Sidoo kale waxaa agagaarka Iskuulka Wiilwaal ee degmada Boondheer iyo qaybo ka mid ah degmada Shangaani ku dhacay hoobiyeyaal kale, oo ay dhaawacyo ka dhasheen.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, balse ciidamada ammaanka ee dowladda bilaabay howlgallo baaritaano ah oo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey weerarkaasi.

Dhowaan ayey aheyd markii weerar kan la mid ah uu ka dhacay Xamarjajab, kaas oo ay ku dhaawacmeen illaa 20 qof  oo ay madaafiicda ug tegeen guryahooda, xilli ay hurdayeen.

Si kastaba, magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii u dmabeeyey ka dhacayey falal ammaan darri oo isugu jiro dilal, qaraxyo & weeraro uu ugu dambeeyey kii Hoteel Xayaat.

Imaaraadka iyo Israel oo u heshiiyey Sacuudiga & Qatar

0

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Imaaraadka wuxuu gacan saar la sameysanayaa Maamulka Israa’iil, si ay wadajir ugu carqaladeeyaan dadaallada dib-u-heshiisiinta dalalka Khaliijka. Waxay qalqal-gelinayaan xiriirka Qatar iyo Sucuudiga ee soo hagaagaya, waxaa kale oo ay sii xoojinayaan khilaafka kala dhaxeeya Baxreyn, waxaa sidaas ku warramay wargeyska Al-Qudus Al-Carabi.

Isagoo soo xiganaya xog laga helay dukumiintiyo iyo warbixinno qarsoodi ah, waxa uu wargeysku daaha ka qaaday dadaalka Imaaraadka iyo Israa’iil ay isku dubaridayaan si loo wiiqo shirkii dib-u-heshiisiinta ee Sucuudiga uu martigeliyay ee Al-Ula horraantii sannadkii hore.

Shabakadda Emarates Leaks oo iyadu isku tilmaamtay inay tahay “madal warbaahineed oo ku gaarowday faafinta fadeexadaha Imaaraadka iyo dambiyada ay gashay” ayaa lagu daabacay warbixin lagu sheegay inay tahay unug sir ah oo ay Imaaraadka iyo Israa’iil si wadajir ah u sameeyeen, si ay u wiiqaan dadaallada dib-u-heshiisiineed ee dalalka Khaliijka.

Cutubkan ayaa sidoo kale loogu tala-galay inuu khilaaf ka dhex abuuro dalalka Khaliijka, sida ay ku heshiiyeen La-taliyaha Amniga Qaranka Imaaraadka, Tahnoun Bin Zayed iyo saraakiisha sare ee ammaanka ee Israa’iil. Waxaa la sheegay inay jirto rabitaan guud oo ah in la fara-geliyo arrimaha Khaliijka.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Imaaraadka iyo Israa’iil ay rumeysan yihiin in isu-soo-dhawaanshaha Sucuudiga iyo Qatar ay dhaawacayso danahooda, islamarkaana dib-u-dhac ku keenayso xiriirka caadiyaysan ee Riyaad kala dhaxeeya. Sidaa awgeedna, loogu baahan yahay in la abuuro khilaafka Dooxa iyo Riyaad. 

Qorshaha la isku af-gartay ayaa sida ay sheegayaan warar hoose waxaa kamid ah ol’ole warbaahineed oo lagu kicinayo ra’yiga dadweynaha ee ka-dhanka ah Qatar iyo in Sacuudiga lagu cambaareeyo go’aankiisa Dooxa. Baraha bulshada ayaana loo isticmaalayaa si loogu adeegsado ujeeddadaas.

Qoraalladii u dambeeyay ee lagu soo daabacay koontooyinka baraha bulshada ee Israa’iil iyo Imaaraatka, tusaale ahaan, waxaa kamid ahaa codad duuban oo la jarjaray oo ku saleysan dhacdooyin hore iyo hadallo looga dan lahaa in dib loogu soo nooleeyo khilaafka Sucuudiga iyo Qatar.

Muuqaallada noocan oo kale ah waxaa kamid ah codad la duubay oo uu baahiyay weriyaha Israa’iil, Eddie Cohen oo ku saabsan muuqaal hore oo Amiir Bandar Bin Sultan uu ku weeraray Qatar kaas oo uu ku sifeeyey dal aan faa’iido lahayn. Mareegaha Imaaraatka iyo aaladaha ay adeegsadaan ayaa arrintan isla markiiba dhiirri-geliyay.

Shir-madaxeedka 41-aad ee Khaliijka oo sannadkii hore lagu qabtay magaalada Al-Ula, ayaa madaxda iyo wafuudda dalalka Khaliijka waxay ku kala saxiixdeen bayaan ku saabsan in loo lasoo gabagabeeyo khilaafka Khaliijka, isla markaana xoogga la saaro ixtiraamka mabaadi’da deris wanaagga.

Dhawaan ayaana hoggaamiyayaasha Imaaraadka, Jordan, Ciraaq, Masar iyo Baxrayn waxay ku kulmeen magaalada El Alamein ee Masar si ay u bilaabaan hindise fulinaya ajendaha Abu Dhabi ee gobolka.

Sida lagu sheegay war-murtiyeedkooda rasmiga, madaxdu waxay ka wada-hadleen iskaashiga iyo arrimaha gobolka, caalamka iyo horumarrada la xiriira. Si kastaba, ilo-wareedyada ayaa tilmaamaya inay doonayaan inay fuliyaan ajandaha Imaaraadka oo ay ku jirto u adeegidda danaha Israel.

FIQI oo shaaciyay tirada rasmiga ah ee Al-Shabaab ay ka dishay odayaasha 135-ta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa markii u horeysay shaaciyay in Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee rasmiga ah ay kooxda Al-Shabaab ka dileen 29 kamid ah, kuwaasi oo tiradoodu aheyd 135.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay dhamaan dil ugu xukuman yihiin Odayaasha dhaqanka, isaga oo ka dalbaday inay si toos ah uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

“Odayaasha guud oo ay ku jiraan kuwaasi oo diiwaanka la hayo waa 324 Oday, oo iyagu qeyb ka ahaa dhismaha dowladnimada. Waxaa ugu dambeysay nabadoon toddobaadkii hore halkan lagu dilay,” ayuu yiri.

“Qaar saaka aan joogin oo toddobaayo ka hor waxay ku sigteen inay gacantooda ku baxaan, marka ma waxa fiirsana sida xoolihii ariga in mid mid nalooga soo baxo oo inta kale hortooda lagu gowraco, waa in aan xooga mideyno.”

Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in aan heshiis xiligaan lala galeyn kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay tahay in la iska dhiciyo oo loo midoobo.

“Ajendayaasha Lixda ah ayey kamid yihiin dalka dib u xoreyntiisa iyo masuuliyada amniga. Waxaa naloo soo xil-saaray in Odayaasha ay go’aamiyaan oo dubaha ku dhuftaan.”

Ugu dambeyntiina waxa uu xusay in dowladda ay muhiimad gaar ah siisay amniga guuda ee dalka, sidaas darteedna loo baahan yahay in si dhab ah loogu wada istaago si loo wiiqo argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilal cusub magacaabay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa magacaabay Ergey cusub, kaas oo Soomaaliya u qaabilsanaa doona ganacsiga heer caalami iyo maalgashiga dalka, waxaana xilkaas loo magacaabay Khadar Cabdirixmaan Maxamed.

Sidoo kale Dikreetadaan ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha waxaa lagu magacaabay la-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Shidaalka iyo Gaaska, Axmed Cali Yuusuf ayaa loo magacaabay xilkaas.

“Madaxweynaha oo ka duulaya muhiimadda ay leedahay horumarinta nolasha shacabka Soomaaliyeed, kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga Khayraadka dalka ayaa magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Ganacsiga Heer Caalami iyo Maalgashiga Mudane Khadar Cabdirixmaan Maxamed iyo Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Shidaalka iyo Gaaska Mudane Axmed Cali Yuusuf,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Madaxweynaha oo labadan masuul ku soo xulay “aqoontooda iyo waayo-aragnimada shaqo ayaa ku adkeeyey in ay door wanaagsan ka qaataan qorshaha dowladdu ee Soomaali isku filan dhaqaale ahaan” kana gudubta saboolnimada iyo abaaraha oo ka mid ah caqabadaha curyaamiyey dalkeenna.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga rajeeyey Ergeyga Gaarka ah ee Gannacsiga Heer Caalami iyo Maalgashiga Mudane Khadar Cabdirixmaan Maxamed iyo Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Shidaalka iyo Gaaska Mudane Axmed Cali Yuusuf in uu u fududeeyo shaqada Qaran ee hortaalla.”

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay, maanta oo 31-ka bishan Ogoosto, 2022, oo ah markii lagu baahiyey faafinta rasmiga ah ee dowladda.

Daawo: Xaad oo si yaab leh uga jawaabay sababta uu 15 sano u hoggaamiyo Hawiye

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo marti ku ahaa barnaamij uu baahiyey TV-ga Dalsan ayaa jawahay su’aalo ku saabsan sababta uu 15-sano Guddoomiye ugu yahay beelweynta Hawiye, Farmaajana uu laba sano uga hor istaagay inuu sameysto mudo kororsi.

Nabadoon Xaad ayaa sheegay in 15 sano ka hor 378 qof oo Hawiye ah ay ku doorteen suuqa Bakaaraha, xilligaas oo dagaalkii reer Muqdisho ay kula jireen ciidamada Itoobiya uu hoggaaminayey.

Sidoo kale wuxuu sheegay in tolkiisa Hawiye ay ku abaal-mariyeen billada geesiga, taas oo sida uu sheegay ku dhiira gelisay in dhibkii ama hoggaan xumadii soo wajahda dalka uu dusha u rito xal u raadinteeda.

“Maalintii la igu doortay suuqa Bakaaraha, waxaa la i siiyey magaca guddoomiyaha odayaasha dhaqanka Hawiye, laakiin kadib la igama qaadin xilkaas oo ilaa hadda oo 15 sano laga joogo waan hayaa,” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Waxaa la weydiiyey sababta 15 sano uu hoggaanka beel ama qabaa’il dhan u hayo, oo madaxweyne Farmaajo uu uga hor istaagay laba sano kaliya inuu xukunka dheereysto, wuxuuna ku jawaabay, “Oday dhaqameedku xilalka siyaasiga ah lama mid aha, duub caano lagu shubayna maahi, oday la doortay oo cadow dalka soo weeraray lagula diriray ayaan ahay.”

Wuxuu intaas ku sii daray, “Cadowgii Itoobiya waan ka guuleysanay, hadana waxaan ahay nin oday ah oo la ixtiraamo oo tolkey bilad geesi ayey isiiyeen, maalintii dhibaato ay dalka soo wajahdana, waxaan ahay gaashaanka loo dhigo.”

Hoos ka daawo

Puntland oo xog cusub ka bixisay khilaafka ka dhex qarxay DF iyo maamullada

0

Garowe (Caasimada Online) – Wasaaradaha Maaliyadda ee shanta dowlad goboleed ee dalka ayaa soo saaray go’aan ay dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda maaliyadda, waxaana go’aankaas faahfaahin ka bixiyey wasiirka maaliyadda Puntland.

Xasan Shire Abgaal oo ah wasiirka maaliyadda Puntland ayaa wareysi uu siiyey BBC wuxuu ku faahfaahiyey sababtii ka dambeysay inay wasiirradu soo saaraan go’aankaas xasaasiga ah.

“Qodobada aan cuskanay waa in wax wadatashi ama tix gelin ah aysan nasiin wasaaradda maaliyadda ee DF, go’aamada qaar wasaaradu wax tix-gelin ah nagamasiin, taas ayaana kaliftay inay joojino wadashaqeyntii,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Puntland.

Wasiir Xasan Shire ayaa intaas ku sii daray inuu la hadlay wasiir maaliyadda dowladda federaalka, kadibna ay ku balameen in shir ay isugu yimaadaan, balse shirkaas uu go’aankaan ka soo hor maray, isagoo sheegay dantooda ka dhex arkeen in wadashaqeynta la joojiyo marka hore.

Sidoo kale wasiirka maaliyadda Puntland ayaa aad uga gaagaabsaday inuu dul istaago qodobada ay ku eedeynayaan wasaaradda maaliyadda DF, isagoo ku soo koobay inay kaligeed go’aano iska qaadatay, sidii horena aysan ula shaqeyn dowlad goboleedyada.

“Waxa kalifay in warqadaan aan soo saarno ayaa jira, go’aano aysan cidna kala tashan oo wasaaraddaan ay soo saartay ayaan dib ka ogaanay, mana doonayo inaan sii guda galo, waxaana isleeyahay waa la xali karaa hadii la isku yimaado arrintaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Xasan Shire Abgaal.

Ugu dambeyntii wasiirka maaliyadda Puntland ayaa yiri, “Dalku waa federaal oo Xamar kaliya maahan, marka wasaaradda maaliyadda waxaan ka dooneynaa in talo la isugu yimaado oo go’aannada la qaadanayo ay ku yimaadaan talo la wada leeyahay.”

Warqad ay ku wada saxiixan yihiin wasiirrada maaliyadda ee shanta dowlad goboleed, ee kala ah Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koonfur-galbeed iyo Hir-shabeelle ayaa lagu faafiyay baraha bulshada gelinkii dambe ee shalay.

Warqaddaas waxaa lagu sheegay in laga billaabo 30-ka August, 2022, ay wasaaraduhu joojiyeen wadashaqeyntii kala dhaxeysay wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, taas oo ay ku eedeeyeen baal-marista heshiisyo hore.

Xog: Madaxda Galmudug oo isku haya laba qodob oo la xiriira muddo kororsiga u qorshaysan inay fuliyaan

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa laga soo warinayaa isku day uu kaga daba tagayo maamullada kale ee Soomaaliya oo dhammaan beddalay sanadaha muddo xileedka hay’adaha la doorto, sida hoggaamiyaha maamulka iyo baarlamanka.

Maamul goboleedyada oo dastuurkooda lala akhriyo midka federaalka ayaa hadda u muuqda inay ka leexdeen dhabahaas.

Mudd xileedka maamullada marka laga reebo Puntland, wuxuu markii hore ahaa min afar sano, laakiin hadda waxay u xuubsiibteen tirada Puntland oo kale taasoo ah shan sano.

Galmudug waa maamul goboleedka kaliya ee aan weli beddalin qodobka muddo xileedka, laakiin hadda wararka aan heleyno waxay sheegayaan in Galmudug iyaduna isku diyaarineyso in muddo xileedka ay ka dhigato shan sano.

Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Jubbaland oo iyadu ugu dambeysay ayaa dhammaan muddo xileedkooda ka dhigtay shano sano, Puintland horey ayuu muddo xileedkeeda u ahaa shan sano.

Ilo ku dhow dhow hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa inoo xaqiijiyey inay jiraan soo jeedino ka imaanayo baarlamanka Galmudug oo ah in la aado mashruuca shanta sano.

Gudaha madaxtooyada Galmudug dad kale oo iyaguna doodaas qabo ayaa ku jira. Qoor Qoor oo aan la ogeyn inuu weli aqbalay soo jeedintaas ayaa dhinaca kale wuxuuna xilligaan xiriir fiican kala dhaxeyn Villa Somalia.

Waxaa jira soo jeedino is-diidan oo yaalla Galmudug. Qaar waxay qabaan in illaa bisha December la sugo halka ay ku dhammaadaan muddo kordhinta ay maamulada kale sameysteen iyo sida ay u dhaqan galaan, halka ay jirto aragti kale oo sheegeysa inaan la daahin oo deg deg loo beddalo qodobka muddo xileedka si ay Galmudug uga qeyb noqoto maamullada Xasan Sheekh kala doodaya isbeddalka muddo xileedka.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dooneysa in la qabto kulan u dhaxeeya madaxda maamullada iyo madaxweyne Xasan Sheekh kaasoo lagu xalinayo mad-madowga xilligaan ka dhex jira labada dhinac.

Kulankaas waxaa laga cabsi qabaa inay hareyso dooda muddo kororsiga maamulada. Waxaa jirta dood bilow ah oo sheegeysa in guud ahaan muddo xileedka hay’adaha federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada in laga dhigo min shan sano.

Farmaajo wuxuu qaatay 5 sano iyo 3 bilood, Xasan Sheekh-na lagama sugayo tiro intaas ka yar, sidaas darteed in sharci ahaan loo beddalo ayaa maangla ah si aysan u dhalin xasilooni daro siyaasadeed ayey leeyihiin dadka ka doodayo mowduucaan.

Hadalladii Ra’iisul Wasaaraha SWEDEN ee gefka ku ahaa Soomaalida oo laga falceliyey

Stockholm (Caasimada Online) – Gabar Somali Swedish ah ayaa ka baxday xisbiga haya talada dalkaas ee Social Democrats ayada oo ka cabanayesa hadal kasoo yeeray ra’iisul wasaare Magdalena Andersson “oo gef ku ah” Soomaalida.

Saciida Xuseen Mooge ayaa cambaareysay hadallada Andersson oo toddobaadkii tegay ay ku tiri “Sweden ma ahan inay yeelato magaalooyin Soomaaliyeed (Somalitwons).” 

Xisbiga Social Democrats “wuxuu noqday xisbi naceyb,” ayey Saciida Isniintii kusoo qortay barta ay ku leedahay Facebook. 

Saciida ayaa intaas ku dartay inay kalsoonida kala laabtay Andersson oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Social Democrats. 

“Xisbiga Social Democrats hadda kadib uma taagna qiyamka iyo mabaadi’da aan aamnisanahay. Social Democrats wuxuu kasii fogaanaya asalkiisa wuxuuna kusii siqayaa siyaasadda midigta fog, halka uu sidoo kalena noqonayo xisbi naceyb,” ayey Saciida kusoo qortay barteeda Facebook.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in erayada ay adeegsatay ra’iisul wasaaraha ay hurinayaan cunsuriyad, naceyb iyo takoor.

“Waxaan doonayaa inaan qof kasta oo ka fakaraya inuu codkiisa i siiyo doorashada aanu sidaas sameyn. Waxaan qof kasta weydiisanayaa inuu adeegsado inuu bulshada ka saaro kuwa xun xun,” ayey tiri.

Saciida Xuseen Mooge ayaa ah siyaasi aad loo yaqaan oo degan magaalada Gothenburg, waxayna ku jirtay liiska Social Democrats ee doorashada baarlamanka iyo tan golaha deegaanka ee magaalada.

Wareysi ay siisay wargeyska maalinlaha ah ee Dagens Nyheter, ayaa ra’iisul wasaare Andersson waxay ku tiri “Ma dooneyno in Sweden ay yeelato Chinatowns (magaalooyin Shiinees, ma dooneyno in Sweden ay yeelato Somalitowns (Magaalooyin Soomaaliyeed) ama Little Italies (Italiya yaryar).”

Hadallada Andersson ayaa yimid kadib markii la cambaareeyey hindise uu soo jeediyey Wasiirka Socdaalka oo ahaa in Sweden ay ku dayato Denmark oo ay xadiddo xaafadaha ay isugu tagi karaan dadka soo-galootiga ah oo inta badan ku nool meelaha ugu amniga xun magaalooyinka.

Xeeladdii ay Taalibaan ku qabsadeen Afghanistan ee hadda ay adeegsanayaan xarakada AL-SHABAAB

0

Kabul (Caasimada Online) – Dib u qabsashada Taliban ee maamulka Afghanistan bishii Agoosto sanndkii 2021, ma ahayn hub iyo awood ciidan kaliya oo ay kaga adkaadeen ciidamadii dowladda. Waxaa jirtay arrin kale oo saanad hub ka xoogan badan oo ay u adeegsadeen dagaalkoodii ka-dhanka ahaa dowladda Afghanistan – waana ururinta iyo qaadista canshuuraha. 

Kahor ka bixitaankii ciidamada Maraykanka ee dalka Afghanistan, Ururka Taliban ayaa dhisay wax u eg hannaan dowladeed oo ay canshuuraha kaga qaadaan muwaadiniinta maalin walba. Waxay ka canshuuri jireen wax walba xitaa sigaarka iyo udugga. 

Dakhliga kasoo xerooda canshuurtaas wuxuu sida cad kab u ahaa miisaaniyadda Ururka ee dhismaha ciidamada, taas oo u oggolaanaysay inay ballaariyaan maamulkooda. Waxay dhiseen baro muhiim ah oo lagu hubiyo habraaca bixinta canshuuraha oo ay u arkeen hilinka ugu fudud ee guusha loo maro. 

Baaritaan dhawaan la sameeyey ayaa lagu ogaaday in maamulka Taliban uu aad uga firfircooni iyo raadeyn badnaa maamulkii dowladdii hore oo ku taagneyd kaalmo caalami ah – aadna ugu fiicneyd hannaanka loo ururiyo canshuuraha. 

Laakiin in kasta oo qiyaasta dakhli ee Ururka Taliban uu sheegtay inuu helo aan lagu kalsoonaan karin, haddana waxaa lagu soo warramayaa in kooxdu ay adduun dhan $40 milyan ay kaliya ka sameysay canshuurta ugu soo xeroota ganacsiga maandooriyaha opium-ka la yiraahdo oo aad loogu beero Afghanistan. 

Lacagahani waxay Taliban ku xoojiyeen awooddooda ciidan iyo midda istiraatiji oo ay doonayeen inay ku wiiqaan taliska dowladdii hore oo taageero caalami ah ku dhisneyd. Waxayna ku guuleysteen inay xukunka ka eryaan dowladda. 

Dad badan oo intii baaritaanku socday lala hadlay ayaa sheegay in habka ururinta canshuurta ee Taliban ay ka fiicneyd midda dowladdii hore ay qaadi jirtay taas oo inta badan ay la socotay laaluush iyo wax-is-daba-marin. 

Musuqmaasuq yarida Taliban waxay usoo jiiday qanaacada iyo oggolaanshiyaha dad badan oo qadyaan ka joogay musuqii ay dowladdu ku dhaqmeysay. Waxay hindiseen fikrado isdhexgal iyo dhimrin ah oo loo muujinayo shacabka marka lagala macaamilayo habka bixinta canshuuraha. Waxaa ay dhiseen kaabad adag oo iyaga iyo muwaadiniinta isku xiraysa.

Canshuurta Taliban ay ka qaadaan gaadiidka xamuulka wuxuu ahaa mid kale oo aad muhiim ugu ahaa. Hannaan casri ah oo canshuuraha bixintooda iyo hubintooda loo marayo oo sahlan ayay u dhiseen gaadiidka. Canshuur-bixiyaasha waxaa la siiyaa boono ay ku qoran tahay loogada Taliban taas oo caddaynaysa inay bixiyeen lacagta. Waxaa kale oo xitaa u furneyd dadweynaha inay muujin karaan cabashadooda haddii canshuur xad dhaaf ah la saaray oo aanay awoodi karin. 

Habkan waxay Taliban ugu tala-gashay inay saaxiibtinimo iyo kalsooni fiican kaga kasbato shacabka oo aan ku qanacsaneyn midkii dowladda. Hal darawal oo la hadlay baarayaasha ayaa u sheegay inuu laaluush bixiyo marka uu rabo in canshuurta dowladda laga qaado. 

Daadejinta hannaan fudud oo loo siman yahay waxay Taliban siisay wadiiqo sharciyaysan oo ay talada si sahlan ugala wareegi karaan dowladda oo ay markii dambe ka awood badiyeen.

Dad badan ayaa la yaabanaa sababta aanay rabshado badan uga dhalan af-gembiga Taliban ay ku sameysay dowladda. Waxaa iska cadeyd inaysan u baahneyn awoodda qoriga inay ku maamulaan dadweyne ay mar hore kalsoonidooda ku hantiyeen hannaan maamul oo dabacsan. 

Tan iyo markii si tartiib ah uu gacanteeda ugu soo dhammaaday maamulka Afghanistan, Taliban waxaa kordhay dakhligeeda, waxayna xejisatay maaliyaddii ay ku maalgelin lahayd ciidamadeeda.

Dhimasho iyo canshuurro

Sannad ayaa laga joogaa markii Taliban ay dib u qabsatay Afghanistan, waxaana ay dareemayaan in urur ahan loo qaado canshuuraha ay u fiican tahay kobaca maamulkooda. 

Agoosto 2021 kahor, dakhli ay dowladdu hesho waxaa xooggeeda uu kasoo geli jiray kaalmada caalamiga ah. Hadda 80% deeqdaas ma helaan Taliban. Waxaana la xayiray keydkii dowladda.

Mac-hadka Nabadda US ayaa qiyaasaya in Taliban ay canshuurta ka heshay dakhli dhan $400 oo milyan afartii bilood ee ugu horreysay maamulkooda sannadkii hore. Waana tiro xusid mudan madaama ay qiyaas ahaan dhan tahay dakhligii ay ku howlgalaysay dowladdii ka horreysay isla sannadkaas. 

In kasta oo Taliban aysan aqoonsi buuxa iyo iskaashi caalami ah helin, haddana waxaa iska cad inay ku samata-bixi karto dakhliga uga soo xerooda canshuuraha si ay uga badbaado burbur dhaqaale.

Tani waa casharro ay wax ka baran karaan kooxaha kale ee ka dagaallama dalalka Yemen iyo Soomaaliya kuwaas oo dakhliga canshuuraha u arka halbowlaha halgankooda. Waana arrin ay dunidu iska indha-tirayso. 

Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya waxaa la rumeysan yahay inay ka dakhli ururis badan tahay dowladda federaalka. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa qiyaastay in sanadkii 2020 ay Al-Shabaab soo xareysay dakhli dhan $286 milyan.

Inaad si dhow ugu fiirsato habkii Taliban ay u martay dib-u-qabsashada Afghanistan, waxaa kuusoo baxaysa in muhiimad siinta canshuuraha iyo hannaanka maaliyadda ay ahayd sirta guusha lama filaanka ah oo ay Taliban gaartay.

Su’aasha waxay tahay, Al-Shabaab ma mari doontaa waddadii Taalibaan oo kale, oo dakhliga canshuuraha ay ururiyaan ma ku qabsan karaan Soomaaliya.

Xog: Diidmada Laftagareen oo keentay in la weeciyo shirkii DF iyo D/Goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa lagu wadaa inay shir isugu yimaadaan dhowaan, kaasi oo ka dhici doona magaalada Garoowe, sida ay Caasimada Online werisay shalay.

Xog cusub oo ay heshay Caasimada Online ayaa, si kastaba, sheegeysa in shirkaas uu markii hore qorshuhu ahaa in lagu qabto magaalada Muqdisho, hase yeeshee uu diiday madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen inuu yimaado caasimadda. 

Ilo-wareedyo ku dhow Laftagareen ayaa sheegay in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu sheegay in hadda iyo waqti u dhow aanu diyaar u aheyn inuu Muqdisho yimaado.  

Laftagareen ayaa la rumaysan yahay inuu weli aad uga caraysan yahay in dowladda federaalka ay xil wasiir u magacowday Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, taasi oo la sheegay inuu u fasirtay in dagaalkiisa loo soo bareeray. 

Wixii ka dambeeyey magacaabista Roobow, Laftagareen ayaa xiriir dhow la sameystay dowladda Itoobiya oo sidoo kale aysan isku fiicneyn dowladda federaalka, isaga oo tegay Addis-Ababa iyo Jigjiga, sidoo kalena saraakiil Itoobiyaan ah ku qaabilay Baydhaba.

Shirka ka dhacaya Garoowe ayuu madaxweyne Xasan Sheekh doonayaa inuu isaga xaliyo madmadowga kala dhaxeeya madaxda maamullada, ayada oo wararku ay sheegayaan in madaxweynaha aanu xilliga diyaar u ahayn khilaaf iyo dagaal siyaasadeed, maadaama uu doonayo in si midaysan loo qaado dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Si kastaba, maamul goboleedyada ayaa u muuqda inay dagaal siyaasadeed u bareereen kadib markii ay shalay qaadeen tallaabo ay xiriirka iyo wadahsaqeynta ugu jareen wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka oo ay ku eedeeyeen inay ka baxday heshiisyo horey loo gaaray.

Dadka fallanqeeya siyaasadda ayaa rumeysan in tallaabadaas ay bilow u tahay kuwa ka waa weyn oo soo socda oo ay qorsheynayaan madax goboleedyada.

Maamullada ayaa la sheegay inay dib uga gurteen madaxweyne Xasan Sheekh kadib markii ay ka gadoodeen hanaankii loo maareeyey qandaraaska qaadka, dhismaha xukuumadda iyo magacaabista xilalka sare ee muhiimka ah, ayaga oo sheegaya in laga soo qaaday kuwa aan jirin.

Qaybo ka mid ah suuqa BAKAARAHA ‘oo u xirmay’ amar kasoo baxay kooxda…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta ay xiran yihiin qaybo ka mid ah suuqaasi kadib markii uu saameeyey amar ka soo baxay kooxda Daacish, faraceeda Soomaaliya.

Arrintaan ayaa la gu soo warramayaa inay salka ku heyso lacago canshuur bixin ah oo ay kooxda dul dhigtay ganacsatada suuqaasi, taas oo keentay in goobaha qaar ay xirmaan.

Sidoo kale qaar ka mid ah ganacsatada ayaa sheegay inay hanjabaad uga timid kooxda, isla-markaana cabsi darteed ay u xireen goobahooda ganacsiga oo aan maanta la furin.

Goobaha ay arrintaan saameysay waxaa ka mid ah bakhaarada waa weyn, qaybta bagaashka iyo daawada, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Kooxda Daacish oo marar badan awaamiir kusoo rogtay ganacsatada Bakaaraha ayaa hadda u muuqata in markale dib u bilowday olole ay lacago uga qaadeyso ganacsatada.

Dhacdadaan ma’aha ugub, waxaana dhowr jeer kooxdu sidaan oo kale lacago canshuuro ah ugu soo rogtay suuqa Bakaaraha, waxaana ugu dambeeyey bishii Janaayo ee sanadkan, taas oo keentay in dowladda Soomaaliya ay ciidamo geyso suuqa, kuwaas oo ku amray ganacsatada inay furaan goobahooda oo ay markaas u xireen digniin uga timid Daacish.

Kooxda Daacish ayaa bilihii lasoo dhaafay culeys xoog leh saartay ganacsatada Muqdisho, si gaar ah kuwa Bakaaraha, sida ay shaaciyeen  ganasatada qaar oo aan la hadalnay.

Si kastab, dadka ku nool caasimadda Soomaaliyeed ee Muqdisho dhinac walba ayey ka dhiban yihiin, Hanti, Naf iyo mustaqbal midna uma dhaqna, mana jirto aragti dhexdooda taala oo badbaadin karta kumana mashquulsana intaas la helo, gacan dowladeed oo arrintaan ku howlana ma jirto, waxaana maanta la kala dooradsiinayaa dadka reer Muqdisho inay seddex canshuur bixiyaan ama sidoo kale inay shaqo la’aan iska noqdaan.