27.7 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Maxkamadda Sare Kenya oo soo saartay go’aan la xiriira qaar ka mid ah codadka

Nairobi (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa amartay in dib loo tiriyo codadkii laga dhiibtay 15 goobood doorashadii dhacay 9-kii bishan Ogosto, iyadoo maxkamaddu ay bilowday dhageysiga dacwad ka dhan ah guusha madaxweynaha la doortay ee William Ruto.

Codsiga dib-u-tirinta ee Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa, Matha Karua, ayaa ahaa 15 goobood oo codbixineed oo ku kala yaalla afar gobol oo kala ah Kericho, Nandi, Nyandarua iyo Mombasa.

Saddexda goobood ee Kericho, Nandi, Nyandaruagobol ayaa si weyn ugu codeeyay Ruto, halka dadka deggan Mombasa ay u codeeyeen Odinga.

Garsoorayaasha ayaa sheegay in dib-u-tirinta lagu sameeyo 48 saacadood gudahood.

Madaxa caddaaladda ee dalka Kenya Martha Koome ayaa sheegtay in marki ay tixgaliyeen doodda ay soo bandhigeen Raila Odinga iyo qareenadiisa ay garsoorayaashu soo saari doonaan go’aan ku saabsan dhowr su’aalood.

“Arrinta koowaad [waa] in teknoolajiyadda ay guddiga doorashada ee IEBC u adeegsadeen qabashada doorashada guud ee 2022 ay buuxisay heerarka daacadnimada, xaqiijinta, amniga iyo hufnaanta si loo xaqiijiyo natiijooyin sax ah oo la xaqiijin karo,” ayay tiri Koome.

“Arrinta labaad ayaa ah haddii ay jirtay wax is-dabamarin markii la soo dejinayay ama lasoo gudbinayay foomamka 34A ee goobaha codbixinta ee la galiyay bogga IEBC dadwaynaha. Arrinta saddexaad ayaa ah haddii uu farqi u dhexeeyo foomamka 34A ee la soo galiyay bogga dadweynaha ee IEBC iyo foomamka 34A ee ay la geeyay Xarunta Qaran ee la socodka natiijada iyo foomamka 34a oo la siiyay wakiilada goobaha codbixinta”

Foomka 34A waa foomka lagu saxiixo xarumaha codbixinta ee deegaannada kadib marka la dhammeeyo tirinta codadka. Marka la saxiixo, foomkan waxaa loo diraa Xarunta Qaran ee la socodka tirinta codadka, si loogu daro wadarta codbixinta madaxweynaha.

Maxkamadda sare ayaa sidoo kale eegi doonta haddii ay jirto kala duwanaan codadka guud ee la dhiibtay ee musharixiinta madaxweynaha iyo jagooyinka kale ee doorashada, sida guddoomiyeyaasha iyo senetarada.

Sidaas oo kale, garsoorayaasha ayaa eegi doona in Ruto uu helay in ka badan 50% codadka – oo ah shuruudaha looga baahan yahay in looga fogaado doorasho kucelis ah – iyo haddii ay jiraan wax isdabamarin iyo khaladaad ku yimid habka tirinta oo saameyn ku yeelan kara natiijada.

Odinga ayaa ku loolamaya natiijada rasmiga ah ee doorashada ee looga adkaaday cod yar. Ruto ayaa helay 7.1 milyan oo cod, halka Odinga uu helay 6.9 milyan.

Odinga iyo kooxdiisa ayaa aaminsan in doorashada loogu shubay Ruto, iyadoo lagu eedeeyay in ay gacan ka heleen qaar ka mid ah saraakiisha doorashada iyo guddoomiyaha guddiga doorashada ee IEBC Wafula Chebukati, arrintaas oo guddoomiyuhu uu beeniyay.

Dhageysigii dooddan ee Talaadadii, ayaa qareennada ka socda labada dhinacay ee iska soo horjeedy isku khilaafeen cidda xaqa u leh in ay matasho IEBC, inkastoo ay maxkamaddu sheegtay in ay aqbali doonto doodda dhammaan guddiyada.

Dhageysiga dooddan ayaa la filayaa inuu socdo ilaa Jimcaha.

Koonfur Galbeed oo xog ka bixisay xiisadda cusub ee M/Goboleedyada iyo DF?

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda Koonfur Galbeed, Mudane Axmed Maxamed Xuseen oo la hadlay VOA ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey waxa ay salka ku heyso xiisadda cusub ee haatan ka dhex qaraxday wasaaradaha maaliyadda dowlad goboleedyada dalka iyo sidoo kale tan dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in wasiirka cusub ee wasaaradda maaliyadda, Dr. Cilmi Maxamuud uu isku gooni yeelay howlihii ka wada dhaxeeyey wasaaradaha heer federaal iyo heer dowlad goboleed, isla-markaana uu ka baxay heshiisyadii u dhexeeyey labada dhinac.

Axmed Maxamed ayaa sidoo kale xusay in wasiirka cusub marka uu yimid xafiiska uusan dareen siin dowlad goboleedyada, taasi bedelkeedana uu ku mashquulay arrimo kale.

“Waxa aan walaac ka qabnaa hannaanka wada shaqeyn ee dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda maaliyadda oo dhinac martay hannaan lagu shaqeynayay oo lagu heshiiyay, wasaaradaha maaliyadda kama shaqeeyaan siyaasadda, balse waxa ay xoogga saaraan hagaajinta maaliyadda iyo deyn cafinta” ayuu yiri wasiirka u hadlay K/Galbeed.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey wasiirka wasaaradda maaliyadda inuu bilaabay gacan bidixeyn isagoo aan weli shaqada la qabsan, uuna ka baxay xeyndaabkii wada- shaqeynta.

“Isaga oo aan shaqada la qabsan ayuu gacan bidixeys ku sameeyay Dowlad-Goboleedyada, waxaa jira heshiisyo qoran oo gudaha & dibadda aan kula galnay Dowladda Federaalka” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyay wasiirka maaliyadda maamulka Koonfur Galbeed.

Xiisaddaan ka dhex qarxaday dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ayaa ku soo aadeyo, xilli horey u jiray mad-madow soo kala dhex-galay labada dhinac, kaas oo ka dhashay dhismaha dowladda cusub, gaar ahaan xukuumadda oo ay saluug xoogan ka muujiyeen qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka, sida Koonfur Galbeed iyo Puntland.

Nasteho Mohamed: Dil ayaa la iigu hanjabay sidaas darteed waan ka haray doorashada

0

Börlinga (Caasimada Online) – Nasteho Mohamed, oo 23 jir Somali-Swedish ah, ayaa ku caanbaxday geesinimadeeda Sweden, markii ay ka soo horjeesatay wax ay ugu yeertay “Dhaqanka qabiilka” iyo “cadaadiska haweenka” ee Swedishka asalkoodu yahay Soomaalida.

Nasteho waxa ay aad uga firfircoonayd xisbiga Centerpartiet, balse waxa ay habeen hore ku dhawaaqday in ay isaga baxday tartanka doorashada baarlamaanka, kadib markii loogu hanjabay in la dili doono, sida ay sheegtay.

Nasteho ayaa baraha bulshada ku qortay, “Ma noqon karo dhaqdhaqaaq siyaasadeed,” sida laga soo xigtay wargeyska Expressen.

Gabadhan dhalinyarada ah ayaa muran weyn ka dhex abuurtay dadka Swedish-ka ah ee asalkoodu Soomaaliga yahay kadib muuqaal ay Facebook-ga soo dhigtay sanadka 2020-ka, kaasoo ay ku tiri, “Haddii aad rabto inaad ku noolaato nidaamka qabiilka oo aad dumarka dulmiso, waxaad aadi kartaa Soomaaliya laakiin halkan maaha.”

Hadalkaas ayaa ka careysiiyey Soomaali badan oo u arkay gef ka dhan ah Soomaalida, waxaana qaarkood ay u arkeen mid dano siyaasadeed laga lahaa.

Gabadhan ayaa Sweden timid muddo haatan laga joogo 8 sano. Waxay u aragtaa in gobolka Börlinga ee ay ku nooshahay uu ka jiro qaab qabiil oo la mid ah kii dalkii ay kasoo tagtay ee Soomaaliya, iyadoo xustay in dulmiga lagu hayo haweenka Soomaaliyeed uu sidoo kale ka jiro Borlinge.

Hadalkaas waxay ka dhashay falcelin xooggan taageerayaasha dhexdooda. Qaar ayaa sheegay in ay ceebaynayso Soomaalida.

Xigasho: Somaliska

Militariga dalka Turkiga iyo qorshaha fog ee Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Difaaca ee Dowladda Turkiga, si joogto ah ayay usoo dhigtaa baraha bulshada sawirrada saraakiisha iyo askarta Soomaalida ee tababarka u jooga dalkeeda. Turkigu wuxuu gudaha Soomaaliya ku leeyahay xero tababar tan ugu weyn oo dibadda dalkiisa uu ka dhisto.

Dowladda Turkiga waxay kaalin firfircoon ku leedahay haqabtirka leyliga iyo dhibowga ciidanimo oo askariga Soomaaliga ah uu u baahan yahay. Waxay hadiyo jeer saraakiisha Turkidu kala taliyaan Soomaalida inay ka dhabeeyaan hanka dib-u-curashada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.  

Da’yarta kasoo baxda dugsiyada sare ee dalka ayaa codsan kara inay helaan tababbar ciidan, waxaana loogu yeeraa inay kusoo biiraan imtixaannada loo galo kamid noqoshada cutubyada la qaadanayo.

Kuwa ka gudba tijaabada iyo waraysiyada ay la yeelanayaan saraakiisha Turkida ah, waxay ugu dambeyntii kamid noqdaan kuwo la qaato. Waraysiga kaddib ayaa la go’aamiyaa haddii sarkaalku doonayo inuu helo darajo ciidan ama uu kaliya rabo tababar ciidan.  

Kahor ‘dhibowga’ ama tababbarka, ardayda waxaa la siiyaa lix bilood oo barashada afka Turkiga ah. Casharradana waxaa bixiya barayaal ka socda Mac-hadka Yunus Emre oo ah mid ku dhisan qorshaha Erdogan uu Afrika ka leeyahay. 

Laakiin sida saxda, fasallada barashada luqadda waxaa loogu tala-galay hal sano. Balse lixda bilood ee loo qorsheeyey saraakiisha Soomaalida waxay la micno tahay inay ugu yaraan fahmi karaan amarrada tababarayaasha Turkida ah ay siinayaan.  

Caqabad ayaase ka jirta dhanka is-fahamka. Askarta Soomaalida ee Turkiga u jooga tababbarka way adag tahay inay si buuxda u fahmaan hadalka saraakiisha tababbarka siinaya oo aan ku hadlin af Ingiriis ku filan.

Waana sababta keeneysa in barashada luqadda Turkiga ay kaalin muhiim ah ku yeelato xeryaha tababarka lagu siinayo ciidamada Soomaaliya. 

Dadaallada tababarrada gudaha iyo kuwo dibadda loogu qaadayo askarta Soomaalida-na waa is barbar socdaan, sanadihii u dambeeyey.

Saraakiisha Soomaalida qaarkood waxaa loo diraa tababar ku saabsan sida looga hortago falalka argagixisanimada iyo leyliyo kale oo howlgelinta ciidanka la xiriira inay kusoo qaataan magaalada Isparta ee dalka Turkiga.

Waxaa cutubyadan loogu tala-galay inay ka qeyb noqdaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Laakiin mucaaradka Soomaaliya ayaa ciidamada Soomaalida ee gudaha iyo dibadda kusoo qaatay tababarada ku eedeeyey in loo adeegsaday caburin iyo qalalaaso siyaasadeed.

Markii uu jiray muddo kororsigii madaxweynaha Farmaajo sameystay bishii Abriil ee sanadkii hore, ciidamada ayaa loo adeegsaday inay xabado ku furaan dadkii dibadbaxayay oo ay ku jireen madax sare oo dalka jagooyin sare ka soo qabatay. 

Ciidamada ay tababbarka siiyeen Turkiga sida Haramcad waxaa lagu eedeeyey in loo adeegsaday dano siyaasadeed oo ka hor imaanaysa ujeedkii loo tababbaray. Sida ay ku warrameen saraakiisha Turkiga, Ankara ayaa ku dhawaad 5,000 oo askar ah u tababartay Muqdisho, kuwaas oo kala heerar iyo derejo ah. Waxayna 30% ka yihiin wadarta ciidamada qaranka Soomaaliya. Waxaana la filayaa in tiradu intaas kasii badato. 

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Gen. Odowaa Yuusuf Raage, wuxuu sannadkii 2021 kamid ahaa dufcaddii ka qalinjebisay Akademiyadda Tababbarka Ciidanka ee loo dhisay in saraakiisha Soomaalida ah lagu siiyo tababbaro. Odowaa oo shubaal ugu hadla afka Turkish-ka, wuxuu joogto ugu safraa dalkaas.  

Turkiga wuxuu ciidamada Soomaalida u arkaa kuwa damaanad-qaadaya joogitaankiisa gudaha Soomaaliya, wuxuuna sii wadaa kaalmada, qalabaynta iyo tababbarka oo uu siinayo ciidamadeena. 

Iskaashiga difaaca iyo xeryaha tababbarka ciidamada iyada oo laga eegayo, Turkigu wuxuu doonayaa inuu ballaariyo saameynta siyaasiga ah iyo midda awoodeynta ciidamada Soomaaliya. Marka ay timaado bixitaanka ciidamada AMISOM, Turkigu waa kan loo arko inuu qaabeyn doono ciidamada Soomaaliya.  

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga wuxuu soo bilowday sannadkii 2011-kii, markii kaalin lixaad leh oo bani’aadnimo uu ka geystay abaartii ku dhufatay Soomaaliya, taas oo dadka Soomaaliyeed ay aad mahdiyeen.

Taageeradii bini’aadanimo waxaa xigay mashaariic horumarineed oo Turkigu uu ka hirgeliyay dalka, isagoo furay iskuullo iyo xeryo lagu tababaro ciidamada qaranka, kuwaas oo qeyb ka ahaa dib u dhiska Soomaaliya.  

Xero ciidan oo aad u weyn oo la yirahdo Turki-Som ayuu hadda Turkigu ku leeyahay Muqdisho. Waxaa kale oo shirkado Turkish ah ay maamulaan garoonka Aadan Cadde iyo dekedda weyn ee magaalada Muqdisho. 

Sannadkii 2017-kii, ayaa la dhisay xerada. Waxaana tallaabtaas ay Ankara ku siyaadisay heerkeedii ugu sarreeyey joogitaanka gudaha dalka dhaca Geeska Afrika. Dhismaha xerada oo ay ku kacday lacag dhan 50$ milyan, waa afar kilomitir oo isku wareeg ah. Waxaana mar kaliya ku tababbaran kara 1,500 oo askari. 

Sanadkii 2014-kii, waxaa sidoo kale si buuxda loogu gacan-banneeyey maamulka dekadda Muqdisho Islamic Albayrak Group. Waxaana shirkadaas xoogeeda iska leh ganacsato Turki ah, kuwaas oo xiriir dhow la leh madaxweyne Erdogan.  

Sanadkii 2020-kii Turkigu wuxuu helay heshiisyo is-daba-joog ah oo macdanta iyo shidaalka ceegaaga Soomaaliya uu kaga faa’iidaysan karo, wuxuuna sameeyay hannaan u oggolaanaya shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowladdu inay sahmin karaan fursadaha tamarta ee dalkaan ku yaalla Geeska Afrika, istaraatiijigana ah.

Ilyaas oo raalli-gelin bixiyey – “Koonfur Galbeed hala weeraro warkeyga kuma jirin”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Ilyaas Cali Xasan oo wareysi gaar ah siiyey Telefisihinka Universal ayaa sharraxaad ka bixiyey buuq iyo khilaaf ka dhashay khudbad oo dhowaan ka jeediyey munaasabad ka dhacday Muqdisho oo uu uga hadlay arrimaha Koonfur Galbeed.

Ilyaas Cali Xasan oo uu hadda khilaaf siyaasadeed kala dhexeeyo madaxweyne Lafta Gareen ayaa shaaca ka qaaday in kaliya khudbaddiisa uu uga hadlay sidii wax looga qaban lahaa xaaladda degmada uu ka soo jeedo ee Buurhakaba oo go’doon ugu jirto Al-Shabaab.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sidoo kale sheegay inuu soo jeediyey in degmadu hesho maamul wanaasagn oo ku yimaado doorasho, taasina uu xaq leeyahay, maadaama ka wasaarad ahaan ay hoostegaan arrimaha maamulka iyo daadajintooda.

“Waxaan u sheegay kaliya in degmadaas ay u baahan tahay in garoon loo sameeyo, hadda ka hor xitaa waxbaan ka bilownay daruufo dhaqaale darteed waa sii socon kari waayey, marka in garoonkaas u baahan yahay in la dhameystiro si degmada gurmad loo gaarsiiyo. Sidoo kale maamul doorasho ku yimid degmada ay yeelato,” ayuu yiri wasiir Ilyaas Cali.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in hadalkiisa la siyaasadeeyey, isla-markaana si kale loo dhigay, wuxuuna beeniyey inuu weerar ku ahaa dowlad goboleedka Koonfure Galbeed.

“Dadka waxa aan u sheegay iyo sida loo dhigay dabcan waa kala duwan tahay, laakiin meel aan ku sheegay Koonfur Galbeed hala weeraro warkeyga kuma jirin” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inuu raalli-gelin buuxda siinayo cid kasta oo dhibsatay hadalkiisa, gaar ahaan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

“Waan ka raalli-gelinayaa ciddii u aragtaa in iyadu markaa loola jeeday ama si qaldan u fahantay,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey wasiir Ilyaas Cali Xasan.

‘Wuxuu ahaa ninka kaliya ee ka nool qabiilkiisa – Waxaa la helay meydkiisa August 23’

Rio de Janeiro (Caasimada Online) – Ninkii ugu dambeeyey ee ka haray qabiil ab-ogaa soo jireen ah kuna noolaa keymaha dhulka Brazil ayaa geeriyooday, sida ay ku warrameen smas’uuliyiinta dowladda. 

Ninkan, oo aan magaciisa la aqoon, wuxuu kelinnimo ugu noolaa muddo 26 sannadood ah. Waxaa lagu naaneysi jiray Ninka Godka, waayo wuxuu qodan jiray godad gundheer oo qaarkood uu u adeegsan jiray ugaarsiga xoolaha – halka qaarka kale ay u ahaayeen gabaad uu ku dhuunto. 

Meydkiisa waxaa 23 Agoosto laga helay isaga oo ku jira leexo ama wiifow ku ag yaalla godadkiisa. Mana lagu arkin astaaamo muujinaya in la jirdilay ama uu u dhintay waxyeelo soo gaartay. 

Waxaa la rumeysan yahay inuu u dhintay si dabiici ah, waxaana lagu qiyaasay inuu ahaa lixdan jir. 

Waa qofkii ugu dambeeyey ee qabiilkan oo ku noolaa degaanka Tanaru, gobalka Rondônia, dalka Brazil kaasi oo xuduud la leh dalka Bolivia. 

Badi qabiilka uu ninkan kasoo jeeday waxaa la aaminsan yahay inay laayeen xoolo-dhaqato dooneyso inay isku soo fidiyaan dhulkooda. 

Sannadkii 1995, lix kamid ah qabiilkan waxaa weerar ku dilay kuwo si sharci-darro ah macdan uga qodanayay dhulkooda. Halkan NIN oo ka badbaaday ayaana ka noolaa dhammaanba faraca qabiilkiisa. 

Hey’adda Funai oo la socota xaaladda qabiillada Brazil soo jireenka ku ah, waxay samata-baxa ninkan ku baraarugtay sannadkii 1996, waxayna bedqabkiisa awgeed aad ula socotay dhaqdhaqaaqa aagga uu ku noolaa. Ilaa 23 kii bisha Agoosto ay meydkiisa ka heleen isaga oo ku jira leexo ama wiifow loo malaynayo inuu ku nasanayay. 

Marcelo dos Santos, oo ku xeeldheer nolosha qabiillada duurka ku nool, wuxuu sheegay in – ninkan uu isku daday baalal ama hargo maadaama uu ogaaday inuu sii dhimanayo. 

“Wuxuu sugayay geeridiisa. Mana ka muuqan wax calaamado ah oo muujinaya in la waxyeelay,” ayuu yiri. 

Wuxuu intaas kusii daray in Ninkan loo malaynayo inuu dhintay 40-50 maalmood kahor muddo laga joogo maalinta meydkiisa la helay. 

Maadaama aanu wax xiriir ah la lahaan jirin dadka, lama yaqaan afka uu ku hadli jiray iyo qowmiyadda uu asal ahaan kasoo jeeday. 

Sannadkii 2018, koox ka soctay hey’adda Funai ayaa soo bandhigtay muuqaal ay ka sameysay keynta. Gudaha muuqaalka ayaa la arkayaa NINKAN oo geed kala dul dhacaya wax u eg faas. 

Tan iyo markaas, muuqiisa lama helin. Funai waxay sheegtay inaysan soo arkin qodadkiisa iyo aagga uu ku nasan jiray marwalba. 

Mr. Algayer, oo hey’adda Funai katirsan kaas oo helay meydka ninkan, ayaa sheegay in dhammaan aqalladii uu dhistay sannadihii tagay ay qaarkood qoto dheeraayeen ilaa saddex mitir. 

Godadka, ayuu Algayer tilmaamay inay iskugu jiri karaan qaar uu ku dhex cibaadaysan jiray iyo kuwo uu ku dhuunto. 

Caddaymo la helay ayaa sidoo kale muujinaya in ninkani uu beeray dalag sida galley iyo qudaarta qaar sida babaayga iyo mooska. Waxaa kale oo uu urursan jiray malabka shinnida. 

Xeerka Brazil wuxuu dhigayaa in dadka ab-ogaaga ku ah Brazil ee keymaha ku nool ay xaq u leeyihiin dhulkooda. Waana mamnuuc in lagu fara-geliyo geyiga ay ku nool yihiin. 

Laakiin dhimashada Ninka Godka waxay abuurtay baraarug kale oo ah in daryeelka dhulka Tanaru loo sameeyo ilaalo joogto ah. 

Waxaa dalka Brazil ku nool 240 qabiilo soo jireen ah, waxay qaar badan wajahayaan halis kaga imaanaysa macdan qodato sharci-darro ah, beerelay iyo kooxo kale oo damaacinaya dhulkooda. Saadaasha rejada samata-baxooduna ma sugna. Waxaase Brazil cadaadis lagu saarayaa inay xil iska saarto ilaalinta nolosha iyo deegaanka qabiillada duurka ku dhaqan. 

Halisaha iyo dhibaatooyinka ay la kulmaan markii ay dhawaan ka hadashay Txai Surui oo ah geyfane u dooda xuquuqdooda – iyada oo khubad ka jeedinaysay xaflad looga hadlayay cimilada adduunka iyo dhibaatooyinka ku gedaaman, waxay la kulantay hanjabaad dil ah madaama ay soo hadalqaaday nolosha qabiillada keymaha Brazil ku nool.  

Madaxweyne Mikhail Gorbachev oo geeriyooday

Moscow (Caasimada Online) – Mikhail Gorbachev, hoggaamiyihii ugu dambeeyey ee Midowga Soviet, ayaa geeriyooday isaga oo 91 jir ah, waxaa sidaas ku warramay wakaaladaha wararaka Ruushka Talaadadii.

“Mikhail Sergeyevich Gorbachev waxa uu dhintay fiidnimadii kadib xanuun darran oo muddo fog hayey,” waxaa sidaas yiri isbitalka Central Clinical Hospital ee Moscow oo ay soo xigteen wakaaladaha wararka Interfax, TASS iyo RIA Novosti.

Gorbachev, oo xukunka hayey 1985 illaa 1991, islamarkaana gacan ka gaystay inuu sare usoo qaado xiriirka Mareykanka iyo Ruushka, ayaa ahaa hoggaamiyaha kale ee ka nool Dagaalkii Qaboobaa.

Waxa uu inta badan labaatankii sano ee ugu dambeeyey banaanka ka joogay siyaasadda, wuxuuna mar mar naadir ah ugu baaqi jiray Kremlin-ka iyo Aqalka Cad inay hagaajiyaan xiriirkooda oo gaaray heerka Dagaalkii Qaboobaa kadib markii Ruushka ay ku darsadeen Crimea 2014 kuna duuleen Ukraine horraantii sanadkan.

Xiriirka kala dhaxeeya madaxweyne Vladimir Putin ayaa mararka qaar ahaa mid adag, hase yeeshee hoggaamiyaha Ruushka ayaa “damqasho” ka muujiyey geerida Gorbachev.

“Madaxweyne Putin waxa uu saaka tacsi u diri doonaa qoyskiisa iyo saaxiibadiisa,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov.

Gorbachev ayaa sanadihii ugu dambeeyey noloshiisa wuxuu u dhaxeeya isbitaalka iyo guriga ayada oo xaaladdiisa caafimaad ay xumaatay.

Gorbachev ayaa laga jeclaa dalalka Galbeedka, oo looga yaqaan naaneysta Gorby, waxaana lagu xusuustaa inuu qaboojiyey xiisaddii Nukliyeer ee Mareykanka iyo Soviet-ka ee sideetamaadkii.

Waxa uu sanaddii 1990-kii ku guuleystay Abaal-marinta Nabadda ee Nobel Peace Prize kadib markii heshiis taariikhi ah oo Nukliyeer uu la galay madaxweynihii hore ee Mareykanka Ronald Reagan.

Gorbachev ayaa gudaha Ruushka ka ahaa shaqsi muran badan dhaliyey, sababo la xiriria inuu ahaa madaxweynihii Soviet-ka xilligii Midowga uu burburay, waxaana xumaa xiriirka isaga iyo Putin.

Putin iyo Ruushiyaan badan ayaa burburkii Midowga Soviet waxay u aheyd musiibo keentay sanado badan oo saboolnimo ah iyo inay wiiqantay awooddii Ruushka ee masraxyada caalamka.

Dagaal u dhexeeyo kooxda Macawiisley iyo Al-Shabaab oo ka socda HIIRAAN

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in haatan dagaal u dhexeeyo maleeshiyaadka Macawiisleyda iyo kooxda Al-Shabaab uu ka socdo gabeedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaas oo dhaca bartamaha dalka.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa dib uga qarxay deegaanka Ceelcadde oo hoos yimada degmada Beledweyne, waxaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hub culus.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen  fariisimo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Macawiisleda, waxaana kadib billowday dagaal foolka fool ah oo u dhexeeya labada dhinac.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan oo saameyn ku yeeshay dadka deegaanka, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad kacsan.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in dagaalka uu socdo isla-markaana uu barakac ka billowday halkaasi, maadaama uu dagaalka xoogeysanayo marba marka ka dambeysa.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinac oo ku aadan dagaalkaas iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay intaba.

Hiiraan ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka socday howlgallo culus oo ay qayb ka yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa HirShabelle, kuwaas oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab.

Dhageyso: Dhallinyaro Soomaali ah oo arrin lagu khiyaanay darteed ugu jira xabsi ku yaalla dalka Niger

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran xabsi ku yaalla dalka Niger ayaa soo saaray qeylo dhaan ay u dirayaan dowladda Soomaaliya, kadib markii ay la soo xariireen warbaahinta.

Dhalinyaradaan oo tahriib ahaa ayaa lagu qiyaamay warqado lagu dhoofinayey, waxayna hadda dowladda Niger u xiran yihiin mudo shan bilood ah.

Xamse Cabdi Xuseen oo ka mid ah dhalinyaradaas ayaa wareysi uu siiyey Idaacadda VOA wuxuu ku faahfaahiyey sababta loo xiray, isagoo codsi u diray dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Waxaa naloo xiray oo dowladdu ay nagu qabatay warqado dhalasho oo wadankaan Niger ah, waxaana noo sameeyey niman u dhashay wadankaan, markii nala qabtay dalka ayey isaga carareen,” ayuu yiri Xamse Cabdi.

Xamse oo ka mid ah dhalinyarada ku xiran dalka Niger sidoo kale wuxuu sheegay in maxkamad lasoo taagay, kadibna loo sheegay in kiiskoodu fududyahay, balse ay xabsiga ku sii jiri doonaan ilaa inta laga soo qabanayo raggii warqadaha u sameeyey, kuwaas oo dalka isaga cararay.

Dhallinyaradan ayaa sheegay in mukhalaskii u sameeyay waraaqaha uu u sheegay in waraaqahu ay saxan yihiin oo hannaan sharci ah uu u maray, balse ay dowladdu u sheegtay in aanay sax ahayn.

“Waxaan codsi u dirsanaynaa dowladda Soomaaliyeed, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaan si khaas ah ula hadlayaa, waxaan leeyahay madaxweynow mar labaad ayuu alle noo kaa dooray, noo damqo si lamid ah dhalinyaradii Eritrea, naga soo gaar oo naga saar meeshaan oo la soo hadal madaxweynaha wadankaan,” ayuu yiri Xamse Cabdi Xuseen.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Xasan Sheekh oo Jeneraal Cabdalla Cabdalla dib ugu soo celiyey darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidannimo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka.

Madaxweynaha ayaa digreetadaan u cuskaday qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaar ah ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku saleeyey Xeerkan Madaxweyne, sharciga dhismaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee Lr. 14, soona baxay sanadkii 1970-kii.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu qaatay go’aankaan kadib markii uu codsi u soo gudbiyey Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, sidoo kalena uu eegay muhiimadda ay leedahay in dib loo soo celiyo xuquuqdiisa iyo darajooyinkiisa ciidan, si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada dalka.

“Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, laga bilaabo maanta oo aan saxiixay xeerkan Madaxweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xuquuqda ciidan ee sharcigu uu u ogolyahay, iyadoo xeerkani uu baab’inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyey,” ayaa lagu yiri dikreetadaan ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha.

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay maanta oo ay taariikhdu ahayd 30-ka Ogoosto  2022, oo ah markii lagu baahiyey faafinta rasmiga ah ee dowladda.

15-kii bishaan Agoosto ayuu madaxweyne Xasan sheekh sidaan oo kale Jeneraal Saadaq Joon dib ugu soo celiyey darajooyinkiisii ciidanimo iyo xuquuqdii uu ku lahaa ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Labadaan sarkaal waxaa horay darajooyinka uga xayuubiyey Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaana hadda dib u buriyey Madaxweyne Xasan Sheekh oo xukunka kala wareegay.

Dhammaan shanta dowlad goboleed oo xiriirka u jaray wasaaradda maaliyadda DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamul goboleedyada Soomaaliya ee kala ah Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay inay xiriirka u jareen wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Kulan foggaan arag ah oo ay yeesheen shanta wasiir maaliyadeed ee dowlad goboleed ayaa waxay ku sheegeen in aanay wax wada shaqeyn jiri doonin inta wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka kusoo laabaneyso xeyndaabka sharci iyo fulinta heshiisyadii ay horay galeen.

Maamul goboleedyada ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda ay jabisay heshiisyadii horey oo kala saxiiday ee kala ahaa:

1- Heshiiskii Addis Ababa ee sanadkii 2019
2- Heshiiskii Kismaayo ee September 2019
3- Heshiiskii Kampala ee December 2019
4- Heshiiskii Nairobi ee January 2020
5- Heshiiskii Muqdisho ee August 2020.

Tallaabada ay qaadeen maamul goboleedyada ayaa ka dhigan caqabaddii ugu horeysay ee soo wajahda dowladda cusub ee ay hoggaamiyaan Xasan Sheekh iyo Xamza Cabdi Barre.

Halkaan hoose ka akhriso warqadda sida wadajir ah ay u saxiixeen shanta maamul goboleed.

Faah-faahin: Qaarax maanta ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin ayaa kasoo baxaysa qarax duhurnimadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Wadadda mashquulka badan ee Maka Al-mukarama, kaasi oo dhaliyey khasaare.

Qaraxa oo ka dhacay isgoyska Shaqaalaha oo u dhow Xarunta Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee degmada Hodon ayaa la sheegay inuu ahaa Miino lagu xiray Gaari uu leeyihiin Ciidamada Booliska, taasoo qaraxday xili uu halkaasi marayey.

Qaraxa waxaa inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay laba qof, iyadoo Darawalkii Gaariga uu dhaawac ulus kasoo gaaray, waxana si degdega mas’uuliyadda qaraxa u sheegtay Alshabaab oo sheegtya inay ku beegsadya ciidmada dowladda.

Waa qaraxii labaad ee 24 saac gudahood ka dhaca Muqdisho, ayada oo qarax kale uu xalay ka dhacay degmada Kaaraan, kaas oo lala beegsaday guddoomiye ku xigeenkii arrimaha siyaasadda ee maamulka degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, Macallin Xuseen Filla-wayne, kaas oo la soo wariyey in uu qaraxa ku dhintay.

Allaha u naxariistee marxuumka ayaa ku sugnaa xilliga la qarxinayey xaafadda Buulo Maaxaay oo ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka qaraxa loogu xiray gaarigiisa, isla-markaana uu ku dhintay isla goobta, sida ay shaaciyeen mas’uul ka tirsan maamulka degmada Yaaqshiid.

Maryan Maxamed oo ah marwada mas’uulka geeriyooday ayaa dhankeeda sheegtay in qaraxa guddoomiyaha loogu xiray gaarigiisa, xilli uu ka soo baxay xaafadda, gaar ahaan gurigiisa oo ku yaalla gudaha degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Sawirro: Xarunta Salmaan oo gargaar gaarsiisay kun qoys oo ku nool degmada Kaxda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilaa kun Qoys oo Barakacayaal ku nool Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa manta loo qeybiyay deeq raashin gargaar ah oo Xarunta Boqor Salmaan ee arimaha gargaarka iyo bani’aadamnida ay ugu tala gashay in lagu caawiyo dadka ay saameynta ku yeelatay abaarta xiligaan ka jirta Soomaaliya.

Raashinkan Gargaarka ah oo gaaraya ilaa 5,000 (shan kun) oo tan ayaa loogu tala galay in la gaarsiiyo in ka badan Nus Milyan qof oo ku barakacay Muqdisho iyo dhamaan gobollada dalka.

Madaxa Xarunta Boqor Salmaan, Yusuf Bin Bakhiit Al-raxma oo ka hadlay Munaasabada lagu daahfurayay bixinta gargaarkan ayaa sheegay in midani ay tahay bilow maantana ay daahfureen wajiga labaad ee deeqaha ay doonayaan inay ku caawiyaan dadka Soomaaliyeed ee Abaartu ku habsatay.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in gurmadkaan uu ka kooban yahay wajiyo badan oo isugu jira quudin, biyo dhaamin iyo dhismo meel deegaan u noqda dadka ay abaartu soo barakicisay.

Gudoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Yuusuf ayaa uga mahadceliyay dowlada Sucuudiga gargaarkan ay soo gaarsiisay dadka ay soo barakicisay Abaarta ee ku nool degmada uu Maamulo ee Kaxda.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay inay jiraan xiligan dad hor leh oo soo gaarayay degmada maalmihii ugu dambeyay, kuwaas oo kasoo barakacay deegaanada Koofur Galbeed, ugu dambeyntii gudoomiyaha Kaxda ayaa dowlada Sacuudiga uga mahadceliyay sida ay mudnaanta u siineyso in gurmad loo fiidiyo dadka Soomaaliyeed ee Abaartu ay saameysay.

Dadkii nasiibka u yeeshay deeqdan gargaarka ah ayaa u mahadceliyay dowlada Sucuudiga iyo cid kasta oo gacan ka geysatay in lasoo gaarsiiyo gurmadkan.

Shabaab & riyada ‘khilaafada Islaamiga ah’ ee AFRIKA

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii la dilay Hoggaamiyihii al-Qaacidda, Ayman al-Zawahiri dhammaadkii bishii July, kooxo dhowr ah oo xagjir ah ayaa si cad bayaacadodoa ugu balan-qaaday Ururweynaha al-Qaacidda. 

Sababta ka dambeysa baaqa taageeridda ah waxaa lagu sheegay laba mid: tan koowaad, waa inay farriin nool u dirayaan dunida oo ku saabsan in al-Qaacidda ay weli kasii adag tahay sidii hore oo aanay saameynin dhimashada hoggaamiyahooda; iyo tan labaad oo ah in Ururku uu diyaar u yahay inuu sii joogteeyo howlgallada jihaadiga ah kaddib markii ISIS ay kala baxday saaxadda dagaalka. 

Kooxda al-Shabaab waa midda ugu weyn Afrika ee si weyn ugu xiran al-Qaacidda. Khubarada qaar ayaa rumeysan in kooxdu hesho dakhli aad uga badan midka soo gala dowladda Soomaaliya. Tani waxay ka caawisaa inay weeraro iyo howlgallo ka fuliso gudaha Soomaaliya iyo dalalka deriska ah sida Kenya iyo Itoobiya. 

Sannadkii 2006 ayaa la aas-aasay al-Shabaab. Waxayna ka tirsaneyd Ururkii Maxkamadaha Islaamiga kahor inta aanay labo garab u kala bixin. Kooxda ayaa ku guuleystay inay mar maamusho 90% dhulweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaase xooggooda aad u wiiqay howlgallada isku dhafka ah ee dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa ciidamada AMISOM kuwaas oo caasimadda Muqdisho ka saaray sannadkii 2011. 

Tan iyo markaas, al-Shabaab ayaa dib ugu gurtay deegaannada ka fog magaalooyinka oo ay ka dhiseen maamullo hoos yimaada. Waxayna dhaqdhaqaaq dagaal oo joogto ah kusoo qaadaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM. 

Weerarkii dhawaan ay kusoo qaadeen Hoteelka Xayaat kaas oo ay heysteen muddo 30 saacadood ku siman, waxay tusaale u tahay awoodda kooxda. Ciidamada dowladda ayaa ugu dambeyntii awooday inay soo badbaadiyaan dadkii ku ku go’doomay hoteelka – islamarkaana ay dilaan weeraryahannadii dagaalka soo qaaday. 

Sida ay ku warramayaan warbixinnada sirdoonka, al-Shabaab waxay bil walba heshaa dakhli ka badan $15 milyan. Ilaha ay lacagahani uga soo xeroodaan kooxda ayaa lagu sheegay dagaallada ay la bartilmaameedsadaan xarumaha ganacsiga – oo ay ku baadaan awoodda qoriga – fulinta falal burcadbadeednimo iyo canshuuraha ay ka qaadaan ganacsatada gudaha. 

Tirada xoogga u dagaal-geli kara kooxda ayaa lagu sheegay inay dhan yihiin 10,000 oo dagaalyahan, sida ay tilmaamayaan xogaha sirdoonka laga helay. 

Dhaqdhaqaaqa fudud oo aan sharciyeysneyn kaas oo si fudud xuduudaha la isaga kala gudbi karo ayaan kaliya kooxda u sahlin inay horumaraan balse sidoo kale u oggolaaday xiriir dhow inay la sameysato Kooxda Boko Haram ee ka dhisan dalka Nigeria. 

Khalad weyn bay ku ahayd Maraykanku inuu ciidamadiisa gaaraya 700 oo askari kala baxo Soomaaliya xilligii Donald Trump, sida ay ku doodayaan khubaradu. Laakiin hadda madaxweyne Joe Biden ayaa amray in dib loogu daadgureeyo ciidamada Maraykanka gudaha Soomaaliya. 

Khubaradu waxay hadda walaac ka muujinayaan muddadii ciidamadaasu ka maqnaayeen Soomaaliya. Waxayna qabaaan in al-Shabaab ay si weyn isku awoodeysay oo sidii hore ay hadda ka xoog badan tahay. 

Al-Shabaab waxay qaaradda Afrika u arkaan halka ugu mudan oo dib looga yagleeli karo Khilaafadii Islaamka ee burburtay, waana riyadooda ay doonayaan inay ka dhabeeyaan. Yoolkeedu waa inay soo jiidato kooxaha ay isku fikirka yihiin ee ka dhisan dalalka Afrika si ay sees ugu noqdaan dhismaha ‘riyadan guunka’ ah ee khilaafada Islaamiga ah ee Afrika. 

Mounir Adib – Waa saxafi Masri ah. Wuxuu faalladan ku qoray wargeyska An-Nahar 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Xasan Sheekh oo wajahaya gadoodka afar maamul goboleed – Maxay diidan yiihin?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wajahayaa dib u gurasho ka imaneysa dhanka maamul goboleedyada. Puntland, Jubbaland Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa dhammaan madaxdoodu waxay siyaabo kala duwan u dhaliilsan yihiin sida uu howsha ku billaabay nidaamka cusub.

Xasan Sheekh wuxuu xukunka kusoo laabtay iyadoo maamul goboleedyada iyo Villa Somalia aysan wada-shaqeyn togan laheyn.

Nidaamkii hore ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shan sano ku lumiyey dagaalka maamul goboleedyada, waxaana muddo xileedkii ka dhammaaday isagoo gacanta ku haya saddex maamul goboleed labana ay diidan tahay xukunkiisa.

In dowladda dhexe ay hesho dhammaan saaxiibtinimada iyo wada-shaqeynta shanta maamul goboleed waa shaqo aad u culus. Maamullada ayaa dib uga gurtay madaxweyne Xasan Sheekh kadib markii ay ka gagoodeen hanaankii loo maareeyey qandaraaska qaadka, dhismaha xukuumadda iyo magacaabista xilalka sare ee muhiimka ah.

Maamullada qaaday ayaa tallaabooyinka ay qaaday xukuumadda cusub waxay u arkaan duulaan iyaga ku socda. Tusaale, in Mukhtaar Roobow wasiir la siiyey waxay Laftagareen uga dhigan tahay in dagaalkiisa loo soo bareeray.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Dhowr kulan oo gaar ah oo ay Saciid Deni wada qaateen waxay wararku sheegayaan in diiradda lagu saaray waxyaabaha uu Saciid kaga diday nidaamka cusub kuwaas oo u badnaa ballamo shaqsi ah.

Mid kamid ah wararka laga helay kulanka waa in la qabto shir u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada, waxaa jirtay soo jeedin ah in shirku Muqdisho ka dhaco laakiin warar aan la hubin ayaa sheegaya in Cabdicasiis Laftagareen uusan ogoleen inuu Muqdisho tago xilligaan, taasoo ka dhigan inuu Saciid Deni marti gelin doono shirka.

Villa Somalia waxaa la siiyey iclaaminta shirka halka Puntland ay isku diyaarineyso gogosha laakiin Galmudug iyo Puntland ayaan weli la hubin inay aqbaleen in gogosho noqoto Garoowe ayey ku warameen illo wareedyadu.

Shirkaan ayuu madaxweyne Xasan Sheekh doonayaa inuu isaga xaliyo madmadowga kala dhaxeeya madaxda maamullada, inuu Xasan Sheekh ku guuleysan doono isku haynta dalka gaar ahaan maamul goboleedyada waa xujo culus oo dhallin karta guul ama fashil.

Marka la eego halka la kala taagan yihiin xilligaan Villa Somalia ma heysato maamul goboleed aad ugu dhow. Farmaajo wuxuu baxay isagoo haya Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed.

Xasan Sheekh waqti badan ayuu weli haystaa, in lasii kala maqnaado waxay cuuryaamin kartaa shaqooyinka heer federaal iyo kuwa heer maamul goboleed.

Madaxda maamulada qaar waxay ku doodayaan inaan xukuumadda si dheeli tiran loo dhisin oo beesha madaxweynuhu qaadatay tayadii xukuumadda.

Kulankaan la qorsheenayo wuxuu kusoo aadayaa iyadoo inta badan madaxda maamulada kordhisteen mudadii xill heynta, sidii uu madaxweyne Xasan Sheekh u wajihi doono arrinta muddo kororsiga ayaa isha lagu wada hayaa.

Maamulada qaar ayaa laga soo wariyey in wada-shaqeyn laga wada hadli karo balse aysan Villa Somalia kala gorgortameyn mudada xil-heyntooda. Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ololaha doorashada kusoo galay inuu keeni doono dalka oo heshiis ah dunidana heshiis la ah.

Cabirka koowaad ee hal ku dhigaas waa maamul goboleedyada, inuu ka dhigo muddo kororsiga ay sameysteen kuna qanciyo wada-shaqeyn waxay u baahan tahay xeelad weyn iyo aqbalaad kasii culus.

Marka dhinacyo badan laga eego xaaladahaan dadku waxay badi is waydiinayaan madaxeyne Xasan Sheekh ma sidii Farmaajo ayuu ku fashilmi doonaa maareynta iyo isku heynta maamul goboleedyada?

XAAD: Afar bilood ayaan dhuumaaleysanayey kadib dil laygu xukumay + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ah guddoomiyaha Golaha Dhaqanka ee Beelaha Hawiye ayaa wareysi dheer oo uu siiyey Dalsan TV wuxuu kaga hadlay arrimo dhowr ah, gaar ahaan xaaladda dalka & marxaladihii la soo maray.

Nabadoon Xaad ayaa wareysiga uu bixiyey kaga hadlay dhacdooyin cajiib oo uu la kulmay intii lagu jiray marxaladihii isbed-bedelka badnaa ee ay soo martay dowladda federaalka.

Xaad ayaa ka sheekeeyey qiso isaga ku dhacday xilli dowladdii KMG aheyd ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo ay dagaal la galeen, isaga iyo ciidamadii Itoobiya.

Nabadoonka ayaa shaaca ka qaaday in 2007-dii golaha amniga dowladdii Cabdullaahi Yuusuf ay shir isugu yimaadeen, kadibna ay dil ku xukumeen isaga iyo odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye, kadib markii ay horyimaadeen nidaamkii xilligaas, wuxuuna tilmaamay in loo aqoonsaday dambiileyaal kadibna uu mudo 4 bilood ah dhuumaaleysayey.

“Waa la’ii xukumay waxaa fariistay golihii la dhihi jiray ammaanka ee madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ugu horreeyey oo xittaa Gabre ka ahaa hormuudka, Maxamed Dheere ku jiray Allaha u naxariistee, Cabdi Qaybdiid ku jiray, Darwiish ku jiray raggaas ayaa fariistay way na xukumeen, waxaa la yiri Odayaasha Hawiye isku sheega waa dambiileyaal guddoomiyaha hala dilo, inta kalena hala soo xiro ayey dheheen. Aniga waa cararay marka afar bilood waxaa ku dhuumanaayey magaaladaan Muqdisho, meelna ugama bixin warkeyga iyo shaqadeydana waa watay, saas ayaana ku badbaaday,” ayuu yiri Xaad.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in markii dambe uu soo bad-baadiyey ra’iisul wasaarihii hore Nuur Cadde, isaga oo tilmaamay inuu mar walbo u duceeyo, maadaama uu soo caawiyey, isaga iyo AUN Nabadoon Axmed Diiriye oo uu isna ka soo daayey xasbiga Baydhabo.

“Inaan soo badbaado amaanteeda waxaa iska leh Nuur Cadde Allaha u naxariistee, isagaa i caawiyey, Axmed Diiriye isagaa kasoo daayey xabsiga Baydhabo, aniga isaga ayaa iga soo saaray dhuumashada aan ku jiray odayaasha intooda kalena isagaa cafiska siiyey,” ayuu markale hadalkiisa raaciyey Nabadoonka Maxamed Xasan Xaad oo u warramay Dalsan TV.

Xog: Madaxda dowladda iyo madax goboleedyada oo isugu tegaya GAROOWE

0

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa marti-gelineyso shir guud oo u dhexeeyo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo dhowaan ka dhacaya gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah.

Arrintaan ayaa lagu go’aamiyey waa-hadalladii ay magaalada Garoowe ku yeesheen madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, inkastoo aan la shaacin goorta la qabanayo shirkaasi xasaasiga ah.

Wararka ayaa sheegaya in shirka u furmayo madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada diiradda lagu saari doono xaaladda guud ahaa dalka, gaar ahaan howlaha horyaalla dowladda cusub iyo sida ay u wada shaqeyn karaan labada dhinac.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa shirkan lagu soo qaadi doonaa mad-madowga soo kala dhex-galay dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada, waxaana arrimaha kale ee la gorfeyn doono ka mid ah muddo kororsiga halka sanno ah ee ay sameysteen madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay madaxdu ka wada-hadli doonaan sidii loo xoojin lahaa howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shasbaab iyo gurmadka abaaraha haatan ka jira dalka.

Shirkan ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah, isla-markaana uu jiro mad-madow haatan soo kala dhex-galay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbedel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii May ee uu ku guuleystay Xasan Sheekh oo kadib soo magacaabay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi.

‘Markii uu Madaxweyne Farmaajo baxay ayuu suuqa Soomaaliya naga xirmay’

0

Adis Ababa (Caasimada Online) – Beeralayda iyo ganacsatada qaadka ee ku nool magaalada Harar ee gobolka Oromia ee dalka Itoobiya, waxay ka cabanayaan in lagu qasbayo in ay ka baxaan suuqa dhoofinta jaadka, xilli ay dowladdu soo gashay suuqa wax dhoofinta, iyadoo adeegsanaysa hay’adaheeda. 

Ganacsatadaas oo la hadashay wargeyska Addis Standard ayaa sheegay in iskaashatadii ganacsi ee ku bahoobay urur la yiraahdo Biftu Baha Oromia laba sannadood kahor si xeeladaysan suuqa looga saarayo, madaama lagu suntay inay yihiin dad sharci-darro ku jooga suuqa. Dowladda ayaana suuqa la timid shaqsiyaad iyada ka socda. 

Ganacsatadaas oo isku dayaysay inay qaadka u dhoofiso Soomaaliya, kaddib markii duullimaadyada dib loo bilaabay, lana qaaday xayiraaddii Covid-19, waxaa caqabad kale oo xanibaad ah ku noqotay ganacsato la baxday Surah, kuwaas oo dhanka Somaliland qaadka u dhoofin jiray sanado badan. 

“Markii hore beeraleydu ma lahayn wax doorasho ah, waxayna wax soo saarkooda qiimo hooseeya kaga iibin jireen ganacsato awood badan, kuwaas oo dalka dibaddiisa u dhoofiya, kuna iibsada qiimo aad u sarreeya. Waxaan suuqa usoo galnay inaan wax u ceyminno – oo aan caawinno, si wax soo saarkooda ay macaash fiican uga helaan,” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada. 

“Waxaan aadnay Soomaaliya – innaga oo la hadalnay madaxweyne Farmaajo. Wuxuuna naga aqbalay inaan qaadka Itoobiya u dhoofino Soomaaliya. Waxaan ka helnay macmiil fara badan oo nala shaqeysata. Laakiin markii uu Farmaajo baxay waa naga xirmay suuqa Soomaaliya, fasax kama helin dowladda hadda jirta [Dowladda Xasan Sheekh], kaddib markii koowaad oo ay macmiisheennu noo soo direen lacag dhan $400,000, si aan qaad ugu soo beddelno. Qolyaha Surah la baxay waxay bilaabeen inay na hor istaagaan,” ayuu ganacsadahaas hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale wuxuu sheegay in markii ay caqabadaasi qabsatay ay lasoo xiriireen dowladda Soomaaliya oo cabasho ay u soo gudbisteen. “Laakiin waxay noo sheegeen in kaliya ganacsatada Somaliland oo la yiraahdo Surah ay qaadka keeni karaan Soomaaliya oo ay qasab tahay inay la shaqeeyaan. Waxaa qasab nagu noqotay inaan soo saarno qaadka, madaama ay iyagu yihiin kuwo qura oo maamulaya dhoofintiisa,” ayuu yiri ganacsadahaas Oromada ah.

Wuxuu intaas kusii daray in ganacsatadii suuqa kala baxday ee Surah ay meesha soo geliyeen ‘Biftu Adugna’ oo ah shirkad dowladeed oo hoos tagta Ururka Horumarinta Oromia. 

Ganacsatadaas ka soo jeeda gobolka Oromiya waxay warbaahinta u sheegeen in maadaama suuqa qaadka ee Muqdisho looga adkaaday ay hadda ku fara-adeygayaan midka Puntland. in kastoo ay qabaan cabashooyin badan.

“Markii aan suuqa Puntland soo galnay, waxaa nooga soo horreeyey ganacsade kale oo aan awalba qaadka ku shaqo lahayn, balse ku yimid garabka Ismaamulka Oromia, wuxuuna si ku talagal ah hoos ugu riday qiimaha qaadka oo awal lagu soo dhoofsan jiray $28 halkii kilogram. Wuxuu leeyahay diyaarad u gaar ah. Wuxuuna qiimaha hoos u dhigay ilaa $4. Hadda qaadka waxaa gudaha Puntland looga iibiyaa qiimo aanu kusoo bixin si innaga suuqa la inooga saaro,” ayuu yiri ganacsadahaas. 

Ganacsatadaan ayaa codsi u diray dowladda Itoobiya, iyagoo ka dalbaday inay arrintan soo fara-geliso oo ay wax ka qabato “kuwa sida sharci-darrada ah isaga gurubsanaya lacagta faraha badan.”

Kol hore, dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in isbeddel lagu sameyn doono suuqyada qaadka, si loo hubsado dakhli sugan inuu kasoo xaroodo. Isbeddellada la sameeyey waxaa kamid ah in qiimaha qaadka oo awal ahaa 5$ la gaarsiiyay 10$, halkii kilogram, tan iyo 15-kii bishii Janaayo ee sannadkan. 

Sawirro: Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo u baxay safar dibadeed + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta u ambabaxay safar dibadeed oo uu ku aaday magaalada Johannesburg ee Koonfur Afrika.

Ujeedka safarka Aadan Madoobe ayaa ah ka qayb-galka shirweynaha guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Afrika ee (Pan-African Parliament) oo ka dhacaya Johannesburg.

Guddoomiyaha ayaa madasha ku soo bandhigi doono horumarada Golaha Shacabka iyo sidii ay wada shaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen Baarlamaanka Afrika iyo kan Somalia.

Aadan Madoobe ayaa dhinac kale kulamo gaar gaar ah la yeelan doono xubnaha ka soo qab-galaya shirka Pan-African Parliament, isaga oo kala hadli doono arrimaha Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu guddoomiyaha Golaha Shacabka la shiri doonaa jaaliyada Soomaaliyeed iyo ganacsatada ku dhaqan waddanka Koonfur Afrika, isaga oo ka dhageysan doono cabashooyinka ay qabaan oo ay ugu horreyso dhibaatoooyinka loogu geysto dalkaasi.

Safarka Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku soo aadayo, xilli maalmo ka hor uu soo xirmay kalfadhigii koowaad ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka, isla-markaana ay fasax galeen xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Si kastaba, Sheekh Aadan Madoobe ayaa tan markii la doortay  u baxay safarro kala duwan, wuxuuna gaaray dalal ay ka mid yihiin Kenya, Sacuudiga iyo Turkiga.

 

Xafiiska CIA-da ku leedahay dalka Turkiga oo qaaday tallaabo aad loola yaabay

Ankara (Caasimada Online) – Xafiiska Hay’adda CIA-da Maraykanka ku leedahay dalka Turkiga ayaa si cad ugu hanjabay ganacsatada dalkaas, ugana digay inay la ganacsadaan kuwa Ruushka, taasi oo ka yaabisay Turki badan.

CIA-da ayaa sidoo kale baaritaan ku billowday heshiisyada hantida maguurtada ah ee ganacsatada Turkish-ka, ayada oo Mareykanka uu ka walaacsan yahay in Ruushka ay ka baxsanayaan cunaqabatyanta la saaray.

Madaxa laanta CIA-da ee Turkiga ayaa lagu eedeeyey inuu la xiriiray shaqaale sare oo katirsan shirkadaha dhismaha dalkaas, isaga oo su’aalo ka weydiiyay la macaamil ganacsi iyo xogo kale oo qarsoodi ah oo la xiriira iibsigii ugu dambeeyey ee hantida maguurtadaa ah oo ay ku lug leeyihiin shirkadaha Ruushka iyo muwaadiniin u dhashay, sida uu ku warramay wargeyska Turkish-ka ah ee Yeni Safak oo soo xiganaya ilo ganacsato ah.

Sida ay ku warrantay warbixinta, sarkaalkan sare ee CIA-da ah, wuxuu ganacsatada Turkida ah weydiinayay su’aalaha isaga oo su’aalihiisa ku saleynaya cuna-qabateynta ka-dhanka ah Ruusha ee uu Maraykanku saaray. 

Sarkaalka ayaa xiisaynayay inuu ogaado tirada saxda ah ee guryaha laga iibiyay Ruushiyaanka iyo habkii loo maray bixinta lacagaha.

Warbaahinta ayaa tallaabtan ugu yeertay fara-gelin qaawan oo lagu sameynayo xoriyadda gaar ahaaneed ee Turkiga. 

Sidoo kale, ku-xigeenka Xogyaha Maaliyadda Maraykanka Wally Adeyemo ayaa warqad uu u diray Midowga Isu-tagga Warshadaha iyo Ganacsiyada Turkiga ee TUSAID wuxuu ugu hanjabay inuu cuna-qabateyn kusoo rogi doono xubnaha katirsan ee xiriirka ganacsi la leh Ruushka.

TUSAID ayaa xaqiijisay inay heshay warqadda – iyada oo xustay inay la wadaagtay wasaaradda arrimaha dibadda iyo maaliyadda Turkiga.

“Shaqsiyaad ama hay’ado kasta oo taageero agab ah siiya dadka uu Maraykanku ‘calaamadeystay’ waxay halis ugu jiraan in la saaro cuna-qabateyn,” ayuu Adeyemo kusoo qoray dhambaalkiisa iyada oo nuxurka sheekadiisa ku jirta ay markii ugu horreysay baahisay Jariiradda The Wall Street Journal.

“Bankiyada Turkiga lagama filayo inay xiriir la dhistaan bankiyada Ruushka ee la saaray cuna-qabateynta, taas beddelkeeda waxaa laga rabaa inay joogteeyaan la-macaamilka bankiyada adduunka ugu waaweyn. Waxna lagu kala iibsado lacagaha Dollarka iyo kuwa kale sida Euro,” ayuu sii raaciyay qoraalkiisa.

Tan iyo markii Ruushku uu dagaal ku qaaday Ukraine, Maraykanka iyo reer Yurub ayaa cuna-qabtayn kala duwan kusoo rogay Moscow – iyaga oo uga digay dalalka kale inay xiriir ganacsi la yeeshaan shirkadaha iyo shaqsiyaadka cunaq-qabateynta la saaray.

Turkiga, in kasta oo xubin muhiim ah ka yahay NATO, haddana wuxuu xiriir fiican la leeyahay Ruushka kaddib xitaa bilowgii dagaalka. Waxay taasi ka caraysiisay Maraykanka oo Turkiga u arka meel uu Ruushku kaga baxsanayo cuna-qabataynta uu saaray.

Bilowgii bishan, Erdogan iyo Putin ayaa gaaray heshiis lagu xoojinayo iskaashiga dhaqaale ee labada dal. 

Marka eego xogta rasmiga ah ee dhoofinta badeecadaha, Turkiga ayaa bilihii May iyo July oo kaliya, wuxuu Ruushka u iib geeyey laba jibbaarka wadarta guud intii uu sannadkii hore dhan u dhoofiyay.

Waa faa’iido iska cad iyo fursad uu Turkiga kaga faa’iideystay loolanka dhaqaale  ee u dhaxeeya Ruushka iyo xulufada uu Maraykanka hoggaaminayo.

Turkiga ayaa laba jibbaaray shidaalka uu kasoo degsado Ruushka xilli Moscow ay aad uga fogaaneyso xiriir ahaan Reer Galbeedka. Labada dal ayaa sidoo kale ku heshiiyay inay gaaska dabiiciga ah ku kala iibsadaan lacagta ruble-ka ee dalweynaha Ruushku isticmaalo.

Ankara ayaa sidoo kale xiriir fiican la leh Ukraine. Waxayna dhexdhexaad ka noqotay dagaalka socda – iyada oo diiday inay ku biirto cuna-qabataynta caalamiga ah ee la saaray Ruushka.