27.7 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Abuu Mansuur: Sheekha ma loo shegay shalay iyo maanta inay kala duwan yihiin?

Waxaa halmar baraha bulshadda wada qabsaday hadalhaynta mukhtaar roobow “ABUU MANSUUR” oo ka mid noqday golaha wasiirada qaranka, dhamaanteyn waxaan wada ogeyn mukhtaar roobow oo xeran oo ay la’yihiin qoyskiisa iyo asxaabtiisa, waxay maalintaa dadku u kala qaybsameyn labo kooxood balse su’aasha ayaa ah dadku ma hilmaameyn waa kuma mukhtaar roobow?, waxaa soo xasuustay oraah laga soo xigtay Feylasuufkii albert camus (1913-1960) inuu yiri: “Qoraagu ma aha kan la safta kuwa taarikhda sameyay, balse waa kan la jirsada kuwa taarikhda dhibto”.

Dhibaatooyinkii faraha badnaa ee lasoo maray waxba kama aysan baran bulshada soomaaliyeed oo ay ugu horayso hogaan xumidda, taasi waxaa kuu cadeynaya sida markasta ay usoo doortaan ama usoo dhaweyaan dhiig-cabyadda iyo wax magaratadda .

Aafooyinkii nasoo maray waxaa ka mid ah in xilalkii dowladda laga safay Qab-qablayaashii dagaaladdii sokeeye hormuudka u ahaa, waxayna madax ka noqdeyn qaybaha kala duwan ee laamaha dowladda balse waxaa igula yaabka badnaa in gudoomiyaha Guddiga Dib u Eegista Dastuurka Qaranka loo magacaabo cabdi qayb-diid, marka aan sidaas leyahay ma aha inaa naceyb u qabo cabdi qayb-diid balse waxaan ila weyn Gudiga loo magacaabay oo aan u arko in halkaasi ka mudnaayeen aqoonyano badan, waxaa iyadana sidaaas oo kale xilalka dowlada laga safay ragii hormuudka u ahaa ama qayb ka ahaa ururadda argagixisadda(maxaakiim islaamiya iyo alshabaab). marka aad wareysato dadka xog-ogaalka u ah arimahaan waxay kuu shegayaan in ay ahayd xal balse aysan aheyn arin dowladnimadda u wanaagsan in darajooyinkii ciidanka laga safo ragii lala dagaalamayay shalay . waxaan xaq u leenahay inaa dhahno : EEBBOW BADANAA DENBIYADA MAGACAAGA IYO MAGACA DIINTAADA LAGU GALAA!.

Akhristow, xagee ku iloowday kumanaankii dhalinyaro ee naftoodii ku waayay dagaaladii ay galeen? Yaa ka mas’uul ahaa dambiyada ay galeen dhalinyaradii jano doonka ahaa? Boqolaalkii ahaa ubaxa dalka ee mustaqbalkoodii ku waayay been iyo borabagaando yaan u maxkamadenaa? maxaa ku taageersan tahay mukhtaar roobow? Ama qofkasta oo hada ka mid ah argagixisada ama sheeganaya inuu kasoo baxay! Dowladnimadda aad rabto waa qaab nuucee ah? Wax maka ogtahay aragtidiisa ku aadan u hogaansamida saraynta sharciga iyo xiriirka u dhaxeeya muwaadinka iyo dowladda.

Mukhtaar roobow kooxda uu ka tirsanaa, una ahaa hogaan waxa ugu weyn ay ka shaqeyaan waa inee doorka ilaah galaan dadkana ku xisaabiyaan muumin iyo gaal, waxaana ka dhasha bulsho ay ka dhex aloosan tahay loollan iyo dagaal diimeed, oo kooxiba kooxda kale riddo iyo gaalnimo ku xukumiso.

Wasiirka maloo sheegay in Dastuurka loo dejiyo si loo maareeyo khilaafaadka laamaha nolosha ee aadanaha, oo siyaasaddu ugu horayso. Muranka iyo khilaafaadka siyaasadduna waxay la xiriiraan nolosha aduunyada oo ay aadamaha u fududdahay in ay furdaamiyaan. Laakiin si taa ka duwan, quraanka oo dastuur lagu tilmaamo waxaa ka dhalanaya in muranka iyo khilaafku uu gaaro in la isgaalaysiiyo, oo moorada diinta arimo aduunyo dartood la isaga saaro. Hadaba sidee bay noqonaysaa xaaladda dalka siyaasiyiintiisu adeegsadaan hubka gaalaysiinta iyo aakhiro u dirka.

Sidoo kale kooxda uu hogaanka u ahaa mukhtaar roobow waxee Shareecada islaamka u fahmeen in lagu dhaqmo ama ula jeedaan wiilal gacmaha laga jaro, gabdho dhardhaar lala dhaco, duqey garka maxaa u xiirteen lagu karbaasho, iyo habro masaakiin ah oo loo diido daqiiqyada qorraxda iyo habaaska badan ee ay yaanyada ku iibsadaan, inta ay maamuli jireyn ama ay hada maamulaan ee koonfurta iyo bartamaha soomaaliya kama aysan fulin wax mashaariic ah, iskadaa mashaariicee waxee dadka u diideyn xuquuqooyinka aasaasiga ah.bal suureyso in aysan waligood dhisin hal wado, hal iskuul ama mashruuc faa’ido u ah bulshada ay maamulayaan.

Wasiirku shaqooyinkuu waayo-aragnimadda u leyahay iyo tan dowladda uu maanta ka hayo jago sare waa ay kala duwan tahay, waxayna kala qabtaan labo shaqo aan shaqo iyo shuqul isku laheyn, Shaqada dowladdu ma aha in ay aakhiro janno na geyso, laakiin waa in ay aqallada aduunka biyo iyo koronto noo geliso. Ma aha waajibkeedu in ay firdowso qasriyo nooga dhisto, balse waa in ay ifka nooga dhisto dugsiyo, isbitaallo, iyo wadooyin. Xilkeedu ma aha in ay kaniisado, macaabid iyo masaajid ay camirto, laakiin waa in ay taagto buundooyin iyo biyo-xereenno.

Haddaba ma aha inaa leyahay yaan lasoo dhaweyn dadka ka imaanaya ururadda argagixisadda balse waxaa qabaa in dadkaas la marsiiyo wixii sharci ah, helaana nolol la mid ah mida muwaadinka caadiga ah, waxaanse diidanahay in xilalka dowladda laga safo oo ay na hor boodaan dadkii aan naqaanay shalay waxee sameen jireen, maanta kuma aamini karno inta yar aan heysano waayoo mashruuca dawlad dhiska soomaaliya ee bilaabmay 2001 kii waa mid fadhiid ah, lana dhameystirin, yaanan caqabado kale aanan ka bixin kirin nala gilin.

Akhristow Su’aalaha is weydiinta mudan waxay tahay, maxay qabteyn xukuumadihii dalka soo maray? Ma dhameystirayn mashruucii dowlad-dhiska soomaaliya? Maxaa loo dhameystiri la’ahay dastuurka dalka iyo hey’adaha dowliga kuwooda ugu muhiimsan sida maxkamada sare? Maxaa loo ansixin la’yahay xeerka argagixisnimada? Makula tahay in xukuumadda hada jirto ayqaban doonto howlahaa qabyada ah? Hadaan dastuurka la dhameystirin, lana dhisin maxkamada sare ee dalka laga ma adkaan doono argagixisada iyo cidkasta oo damaceeda yahay burburinta qaranka.

Mohamed Ahmed Jiinte – Waxaad kala xiriiri kartaa: [email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Mas’uul ka tirsanaa maamul-ka degmada Yaaqshiid oo qarax lagu dilay maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xalay ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kaas oo lala beegsaday guddoomiye ku xigeenkii arrimaha siyaasadda ee maamulka degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, Macallin Xuseen Filla-wayne, kaas oo la soo wariyey in uu qaraxa ku dhintay.

Allaha u naxariistee marxuumka ayaa ku sugnaa xilliga la qarxinayey xaafadda Buulo Maaxaay oo ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka qaraxa loogu xiray gaarigiisa, isla-markaana uu ku dhintay isla goobta, sida ay shaaciyeen mas’uul ka tirsan maamulka degmada Yaaqshiid.

Maryan Maxamed oo ah marwada mas’uulka geeriyooday ayaa dhankeeda sheegtay in qaraxa guddoomiyaha loogu xiray gaarigiisa, xilli uu ka soo baxay xaafadda, gaar ahaan gurigiisa oo ku yaalla gudaha degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

“Gaariga wax loogu xiray ayey aheyd kursiga uu ku fadhiyey ayey la kacday, kaligiis ayuu ahaa marka uu qaraxa dhacayey,” ayuu tiri Maryan Maxamed.

Sidoo kale waxaa meesha ay wax ka dhaceen tegay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi, balse weli wax war ah kama soo saarin qaraxa.

Dilka loo geystay guddoomiye ku xigeenkii siyaasadda ee degmada Yaaqshiid ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaanka darri ee ka dhaca gudaha magaalada Muqdisho.

Weeraradaan ayaa ku soo aadaya, xilli ay dhankooda howlgallo ballaaran wadaan ciidanka ammaanka dowladda, si ay u sugaan amniga magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Oomaar: Ujeedka Axmed Madoobe hal sano ma’aha ee waa afar sano oo kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar) ayaa isaga oo ka hadlay xaaladda guud ee Jubbaland si adag uga horyimid muddo kororsiga Axmed Madoobe.

Oomaar oo u warramay Shabelle TV ayaa ku eedeeyey Axmed Madoobe inuu doonayo in iska heysto Jubbaland, isla-markaana uu soo laa-laabto 4 sano kasta kadib.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan ujeedka Axmed Madoobe uusan aheyn hal sanno ee uu doonayo afar sano oo kale, si uu usii hoggaamiyo dowlad goboleedka Jubbaland.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in muddo kororsigaan uu keenaayo in markale ay is qabtaan dowladda federaalka iyo Jubbaland, sida uu ku dooday wasiir hore Oomaar.

“Hal sano ma’aha ujeedadiisa, kadib 4 sano oo kale, kadibna madaxweyne Xasan Sheekh iyo isaga inay is qabtaan, Xasan Sheekh sidaa ku tego afar sano oo kale haddane soo laabto sidii foormaladii horey ugu daganeyd oo dhowr jeer u shaqeysay,” ayuu yiri Oomaar.

Wasiirkii hore ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa sheegay in ka siyaasiyiin ahaan ay doonayaan in Jubaland ay la mid noqoto Puntland, laguna tartamo hoggaankeeda.

“Kaliya waxaa wax lagu noqon karaa heshiis iyo in wax la’isla lahaado hal qof oo meel heysto xero u oodan tahay wuxuu raboo uu ka sameysanaayo ma noqon karo dowlad, waxaan rabnaa dowlad hana qaata, sida Puntland oo kale,” ayuu sii raaciyey Oomaar.

Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya, ayada oo dhowaan Golaha Wakiiladsa Jubbaland ay muddada u kordhiyeen Axmed Madoobe, ayaga oo muddo xileedka ka dhigay 5 sanno.

Muqtada al-Sadr oo cuntada ka soomay iyo Ciraaq oo gashay xaalad dagaal

Baghdad (Caasimada Online) – Wadaadka Shiicada ah ee Ciraaq, Muqtada al-Sadr ayaa ku dhowaaqay inuu cuntada ka soomay ilaa inta ay ka istaagayaan rabshadaha dibadbaxayaasha iyo adeegsiga hubka, waxaa sidaas ku warantay wakaaladda wararka Ciraaq ee INA. 

Go’aanka Muqtada al-Sadr ayaa yimid saacado kadib markii uu Isniintii shaaciyey inuu ka fariistay siyaasadda, taasi oo horseeday inay boqolaal ka mid ah taageerayaashiisa ay ku xoommaan xarunta golaha wasiirada ee Aagga Cagaaran ee Baghdad.

Iskudhacyo ayaa ka dhex qarxay taageerayaasha al-Sadr iyo kuwa kooxo ku xiran dowladda Iiraan. Booliska ayaa soo farogeliyey rabshadaha waxayna adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala eryaan.  

Rasaas xooggan ayaa laga maqlayey Aagga Cagaaran, waxaana ilo-wareedyo caafimaad ay u sheegeen wakaaladda wararka AFP in toogasho lagu dilay 12 ka mid ah taageerayaasha al-Sadr, ayada oo ay jiraan ugu yaraan 270 dhaawac ah.

Militariga Iraq ayaa ku dhowaaqay Bandow lagu soo rogay dalka oo idil oo billowday xalay 7:00pm, waxaana ra’iisul wasaare Mustafa al-Kadhimi uu hakiyey kulamadii golaha wasiirada.

Xiisadda Iraq ayaa salka ku haysa is-mari waa ka taagan dhismaha xukuumad cusub. 

Taageerayaasha Sadr, oo mar hoggaamiyey kacdoon maleeshiyo oo ka dhan ahaa ciidamada Mareykanka iyo Ciraaq, ayaa kasoo horjeeda ku dhowaaqista Mohammed al-Sudani, oo xisbi xiriir la leh Iran ay doonayaan inay ka dhigaan ra’iisul wasaare.

Xisbiga Moqtada Sadr ayaa helay kuraastii ugu badneyd ee doorashadii dhacday October, balse ma gaarin aqlabiyad ay kusoo dhisi karaan dowlad. Toban bilood kadib waxaa weli is-mari waa uu ka taagan yahay dhismaha xukuumad.

Sadr, oo muddo saameyn ku lahaa siyaasadda Ciraaq, ayaa haysta malaayiin taageeerayaal naftood hurayaal oo Shiico ah.

Taageerayaashiisa ayaa kasoo horjeeda musharaxnimada wasiir iyo barasaab hore, oo ay axsaabta ku xiran Iran u wadaan xilka ra’iisul wasaaraha.

Booliska Madagascar oo toogasho ku dilay 11 QOF

Antananarivo (Caasimada Online) –  Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay dalka Madagascar, ka dib markii ay ciidamada boolisku rasaas ku fureen dad doonayey in ciidamada boolisku ay u gacan geliyaan afar qof oo loo haystay inay afduubeen ilmo yar halka ay hooyadiina dileen.

Dadweyne gaadhaya 300 illaa 400 oo qof oo cadhaysan ayaa isugu soo baxay irida hore ee saldhiga, iyaga oo dalbanaya in la sii daayo afarta qof ee loo xidhay tuhunka, hase ahaatee ciidamada booliska ayaa diiday, iyaga oo dadweynihii ku riday sunta dadka kaga ilmaysiisa, si ay u kala eryaan, hase ahaatee arrintaasi xal may keenin, waxaana sii batay buuqii iyo rabshadihii taas oo horseedday in ciidamada boolisku ay rasaas adeegsadaan.

“Ciidamadu waxay sameeyeen tallaabo kasta oo suurogal ah, si looga fogaado inuu dhaco iska hor-imaad ama rabshado. Waxaa ciidamadu ay sameeyeen xayndaab ammaan ah oo ay tahay inaan dadweynuhu soo dhaafin, waxaanna u sheegnay dadweynaha in arrinta wadahadal lagu dhameeyo si looga hortago inuu dhiig daato” ayuu yidhi Gen. Andry Rakotondrazaka oo ah taliyaha ciidamada ammaanka.

Waxa uu sheegay in qaar badan oo ka mid ah dadkii goobta ku sugnaa inay wateen baangado waaweyn, mindiyo iyo ulo. Markii ay bilaabeen inay dhagxaan ku tuuraan ciidamada ammaanka, ayaa ciidamaduna ku jawaabeen inay rasaas ridaan.

Taliyaha ayaa sheegay in la baadhayo dhacdadan. Hase ahaatee ku xigeenka degmada uu dilku ka dhacay ee Ikongo, Jean Brunelle Razafintsiandraofa, ayaa mar Khadka telefoonka ugu sheegay wakaaladda wararka ee AP in uu u maleynayo in dibadbaxayaashu aysan hubeysneyn.

Madaxweynaha Madagascar Andry Rajoelina ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay inuu aad uga murugooday markii uu maqlay warka ku saabsan in dadka la dilay. Wuxuu codsaday in la dejiyo, wuxuuna caddeeyay in dhacdadaas la baadhi doono.

AP

Sidee go’aankii Abiy Ahmed u wiiqay rajadii Somaliland?

0

Berbera (Caaimada Online) – Berbera waa marinka ugu weyn iyo isha dhaqaalaha ugu badan uu kasoo galo Somaliland. Waxay dhacdaa Gacanka Cadan oo ah marin joogto loo adeegsado oo isku xira Badweynta Hidiya iyo Mediterranean-ka. 

Sannado kahor, waxay ahayd meel dayac iyo duug ah. Waxaa markeedii ugu horreysay dhistay Boqortooyada Ingiriiska. Waxaana sii casriyeeyey Midowgii Soofiyeeti kadibna Maraykanka. 

Dekaddu hadda waa halbowlaha nolosha Somaliland. Waxayna kala soo degtaa inta ugu badan waxa ay uga baahan tahay – sida wax la cuno ilaa qalabka dhismaha, baabuur iyo agabyo kale. Waxa ugu badan ee laga dhoofiyana waa xoolaha nool. 

Isbeddelka maanta ka jira gudaheeda waxaa u sabab ah hay’adda Dubai Ports World oo loo soo gaabiyo DP World. Sannadkii 2017 ayay la wareegtay mas’uuliyadda dekadda waxayna ballaarisay baaxadda iyo qalabyada looga howlgalo. Waxay soo kordhisay baro si casri loo qaabeeyey oo maraakiibtu kusoo xirtaan iyo agabyada lagu soo dejiyo konteenarada. Waxaa intaas oo dhan kasii muhiimsan inay la wareegtay mas’uuliyadda iyo maamulka dekadda. 

Maalin kasta shaqo joogto ah ayaa ka dhex socota. Qorshuhu waa in dekaddu awoodi karto inay dejiso nus milyan shixnado ah sannad kasta. Waana 30% awoodda wax dejineed ee dekadda Doraleh ee Jabuuti. Waxay tani mustaqbalka siin doontaa Somaliland inay noqoto xudunta saadka ee Gacanka Cadan. Waxaana ay awoodi doontaa inay loolan kula gasho dekadaha gobalka sida Jabuuti, Muqdisho iyo Mombasa. 

Wiishashku waxay muhiim u yihiin maaraynta degdegga ah ee xamuulka looga baahan yahay dekad walba oo casri ah. Tababbarka shaqaaluhuna, wuxuu ka dhacayaa dekad aan wali mashquul badan ka jirin.  Ilaa hadda, maraakiibta waxay ugu soo xirtaan si aan badnayn. 

Dhismaha ka socda dekadda Berbera wuxuu geesta kale xoojinayaa ganacsiga ka jira Itoobiya oo taniyo markii ay Eritrea ka go’day sannadkii 1993 dekad la’aan ahayd. Waxayna xooggeeda ku tiirsaneyd dekadda Jabuuti. 

Sannadkii 2017-ka, heshiis saddex geesood ah ayaa dhex maray Itoobiya, Somaliland iyo hey’adda DP World oo ku saabsan dhismaha iyo casriyeynta dekadda Berbera. Heshiiska oo soconaya muddo 30 sannadood ah, wuxuu dhigayaa helidda dekad ganacsi, aag xor ah, laami Berbera ilaa xadka Itoobiya tagaya iyo gegi diyaaradeed oo laga dhiso Berbera. 

Saami 30% ayay Somaliland ku yeelatay heshiiska. Halka 19% ay yeelanayo Itoobiya. Inta soo hartay oo ah 51% waxaa qaadanaysa hey’adda DP World. Laakiin bishii June sannadkan, Somaliland ayaa ku dhawaaqday in Itoobiya ay ku fashilantay inay xejisato saamigeeda 19% ee dekadda Berbera. Addis Ababa ayaa ku fashilantay inay buuxiso shuruudihii looga fadhiyay. 

Laakiin dadka Somaliland waxay weli ka qabaan heshiiska rejo fiican. Micno weyn ayuuna ugu fadhiyaa hirgelinta mashruuca dhismahan dalka oo dhan. Waxay u arkaan heshiiskan mid ay ku heli karaan aqoonsi caalami ah; muwaadiniintana uu siinayo kobac dhaqaale iyo nolol heer sarreysa. 

Qorshaha fog

Is-ballaarinta iyo howlgalka DP World ee Geeska Afrika wuxuu la jaanqaadayaa isbeddelka siyaadeed ee ka jira gobalka. 

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed wuxuu xukunka yimid sannadkii 2018-ka kaddib kacdoon dadweyne iyo isbeddeldoon dimuqraadiyadeed oo dalka ka curtay. In yar kaddib markii uu xafiiska tagay, wuxuu ku guuleystay inuu soo gabagabeeyo loolanka 20-jirsaday ee Eritrea kala dhaxeeyey. Wuxuuna tallabadaas ku mutaystay abaalmarinta Nobel Peace Prize.

Itoobiya waxa ku nool 100 milyan dad ka badan. Waana mid kamid ah dalalka Afrika ee kobac dhaqaale oo xooggan sameynaya. Isbeddelkii ka dhacay Itoobiya wuxuu qeyb ahaan qaabeeyey horumarka dhaqaale ee Geeska Afrika. 

DP World waxay sii wadaa inay ballaariso saameynteeda gobalka. Sannadkii 2006 heshiis 30-sanno soconaya oo ay la gashay Jabuuti – kaas oo ujeedkiisu ahaa qalabeynta iyo horumarinta dekadda Dolareh – ayay dowladda Jabuuti ka baxday sannadkii 2018-ka. 

DP World ayaa taniyo markaas Jabuuti uga soo wareegtay dekadda Berbera ee Somaliland iyo dekadda Bosaso ee Puntland. Waxaana halkaas ku dhashay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee Somaliland, Itoobiya iyo DP World dhex mara. 

Sansaanta ka muuqata mashruucani wuxuu sameynayaa horumar xooggan. Wejigii hore ee dhismaha Berbera wuu soo gabagaboobay. Dhismaha Aagga xorta ee DP World weli wuu socdaa. Dhismaha laamiga isku xiraya Bebera iyo Togwajaale oo xuduudda ku taalla ilaa Jigjigga iyo Addis Ababa wuu soo dhammaaday. 

Saraakiisha Somaliland waxay sidoo kale sheegeen inuu soo gabagaboobay dhismaha garoonka diyaaradaha. Balse waxaa weli mugdi ku jiraa sida loo dhisay oo u muuqata garoon ciidan oo Imaaraadku ka dhex sameystay Berbera. 

Maxaa xiga? 

Aad buu mashruuca dhismahani muhiim ugu yahay Somaliland. Waxaana ay u arkaan dhabbaha aqoonsiga caalamiga ah ay ku heli karaan. Laakiin la’aanta kaalinta Itoobiya ee kaga aadan hirgelinta Mashruuca, ma ahan mid suuragal ah. Weli waxaa muuqata in Adis Ababa aysan buuxinin shuruudihii kaga aadanaa heshiiska. Waxaa intaas dheer, in Itoobiya aysan suuqyadeeda wali u furin ganacsatada Somaliland. 

Dadka Somaliland rejadoodu ma ahan mid hooseysa. Laakiin wax walba uguma socdaan sida ay jecel yihiin. Faafitaanka Covid-19 iyo dagaalka gobalka Tigrey ka socda wuxuu wiiqay kobaca dhaqaalaha Itoobiya. Waxaana halis ku jirta xasiloonnida waddanka. 

Istiraatijiyadda DP World ee maamulka dekadaha ku yaalla Gacan Cadan iyo Badda Cas waa mid raadeynaysa siyaasadda gobalka Geeska Afrika. Laakiin in guul weyn laga gaaro waxay hadiyo jeer ku xirnaan doontaa Itoobiya iyo sida xaalkeedu ku dambeeyo. 

Daawo: Mukhtaar Roobow oo Muqdisho ka furaya Machad lagu barto…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukuumadda Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa galabta tegay masaajidka Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho, isagoo halkaas warbaahinta kula hadlay.

Mukhtaar Roobow sheegay in hadda uu dib u howlgeli doono machadkii laga bara jiray duruusta diiniga ah ee masaajidkaan uu horay u lahaa, kaas oo mar hore xirmay.

“Hadda waxaa muhiim noo ahaa inaan qiimeyno sidii dib loogu furi lahaa machadka, waan soo aragnay qalabka yaalla, waxaan rajeyneynaa inuu dib noogu furmo,” ayuu yiri.

Sheekh Mukhtaar ayaa Alle janadiisa uga baryey Boqor Feysalkii Sacuudiga oo dhisay masaajidka Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan ku dadaalay inaan ogaado sababta dib loogu furi waayey machadka weyn ee masaajidkaani uu leeyahay, inta ay khuseyso markii aan la tashano ayaan dib u furi doonaa, si loogu intifaaco oo arday Soomaaliyeed ay wax uga barato, macalimiin Soomaaliyeed-na ay u dhigaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Mukhtaar Roobow.

Hoos ka daawo

Kaalinta ay Soomaaliya ka gashay dalalka ay carruurta ugu badan ku dhashaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Marka la eegayo dhinaca taranka ee waddan kasta, lammaanuhu waxa uu u baahan yahay in ay u dhashaan ugu yaraan labo carruur ah, taasoo ah celcelis ahaan 2.1, si aysan hoos ugu dhicin tirada guud ee shacabkooda, iyadoo aysan xisaabta ku jirin dadka ka qaxaya waddankaas.

Lixdankii sano ee lasoo dhaafay aad ayay hoos ugu dhacday tirada taranka bani’aadamka, sida ay shaacisay Hay’adda Wadashaqaynta Dhaqaalaha iyo Horumarka (OECD).

Kuuriyada Koonfureed ayaa noqotay dalka ay tirada ugu yar ee carruurta ah ku dhashaan, marba marka ka dambaysana tiradaas ayaa hoos u sii dhacaysa.

Hase ahaatee, Soomaaliya waxay meel sare uga jirtaa liiska dalalka ay carruurta ugu badan ku dhashaan, sida ay muujisay xog-ururin ay sameeyeen hay’adaha World Population Review iyo Macro Trends.

Xogtan waxaa lagu sheegay in Soomaaliya lafteeda ay tirada carruurta dhalanaysa sii yaraaneyso sanadba sanadka ka dambeeya.

Tusaale ahaan, sanadkan 2022 celcelis ahaan dhalashada carruurta Soomaaliya waxay ahaayeen 5.753 cunug haweeneydiiba, tiradaas oo boqolkiiba 1.57 ka yar tii sanadkii ka horreeyay ee 2021.

Sanadkii 2020, celcelis ahaan tirada carruurta ku dhalatay Soomaaliya waxay ahaayeen 5.936 haweeneydiiba, waxayna boqolkiiba 1.53 ka yarayd tiradii 2019-kii oo ahayd 6.028 dhalasho haweeneydiiba.

Liiska dalalka ay carruurta ugu badan ku dhashaan ayay Soomaaliya kasoo gashay kaalinta labaad, waxaana ka sarreeya waddanka Niger oo keliya, sida lagu qeexay xogta labada hay’adood ee kala ah World Population Review iyo Macro Trends.

Inkastoo ay ku kala duwan yihiin dalalka, haddana labada hay’adoodba waxay ka siman yihiin in tobanka sare ay yihiin waddamo ku yaalla Afrika.

Dhimashada dhalmada la xiriirta ee Soomaalida

Bankiga Adduunka, oo qiimayn ku sameeya tirada taranka caalamka iyo arrimaha kale ee la xiriira ayaa sheegay in dumar badan oo Soomaali ah ay dhintaan xilliga dhalmada.

Balse, tobankii sano ee lasoo dhaafay ayay hoos u dhacday dhimashada hooyooyinka Soomaaliya, xilliyada foosha.

Sanadkii 2000 waxaa Soomaaliya ku dhintay 1,210 dumar ah oo umul raacay, halka tiradaas ay 2017-kii hoos ugu dhacday 829.

Warbixinta Bankiga Adduunka ayaa sidoo kale lagu sheegay in tirada dhimashada hooyooyinka Soomaalida ay ka badan tahay kuwa dalalka kale ee gobolka.

Dhanka kale, Soomaaliya waxa ay kaalinta labaad ka gashay liiska dalalka ay carruurta ugu badan ku dhintaan xilliga dhalmada ama sanadka ugu horreeya marka ay dhashaan kaddib, sida ku cad xog uu shaaciyay bogga tirakoobyada ee Statista.

Inta badan dhimashooyinka la xiriira dhalmada ee ka dhaca Soomaaliya waxaa sababa arrimo laga hortagi karo sida lagu sheegay warbixin ay sameeyeen hay’adaha ka shaqeeya caafimaadka iyo nafaqada oo ay 2020-kii daabacday Trocaire. Haween badan waxay dhibaatooyin kala kulmaan xanuunnada ku dhaca xilliyada uurka.

Isha: BBC Somali

Sacuudi Carabiya oo JOE Biden ku wargelisey go’aan uu muddo ka hortaagnaa

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudiga ayaa farriin adag oo hanjabaad ah u diray Madxweynaha Maraykanka, Joe Biden. Waxayna Boqortooyadu wacad ku martay inay ku hoggaamin doonto dalalka saliidda soo saara ee OPEC + inay dhimaan wax soo saarkooda si loo dejiyo sicirka suuqyada ee kacsan.

Kadib markii qiimaha saliidda cayriin ee qeyb ahaan laga adeegsado UK uu hoos uga dhacay $100 halkii barmiil, wasiirka tamarta ee Boqortooyada khaliijka, Prince Abdulaziz bin Salman ayaa sheegay in dalalka soo saara saliidda ay taasi uga jawaabi doonaan in la dhimo wax soo-saarka, taasi oo sare u qaadi karta qiimaha.

Tani waxay ahayd fariin aan kaliya loogu talogelin sare u qaadista qiimaha, taas oo kor u kacday ilaa $102 maalinimadii Khamiista. Laakiin waxaa kale oo loogu tala-galay inay digniin u noqoto Maraykanka iyada oo heshiiska Nukliyeerka ah ee Iran uu ku dhow yahay gunaanad, lagana yaabo inay kusoo fatahaan suuqyada saliidda xilliga jiilaalka, sida laga soo xigtay la-taliyayaashii hore ee Aqalka Cad iyo falanqeeyayaal sare oo arrimaha saliidda dersa. 

“Dadka aqoonta durugsan u leh fikirka Boqortooyada ayaa ku sheegay fara-gelintii degdedga ahayd oo ay ku sameysay qiimaha shidaalka ay durba qaaliyeysay beeca halkii barmiil ‘fuusto’ oo lagu iibsanayo wax ka badan 100$, taas oo ah farriin culus oo awood badan. Waxay diraysay digniin ku aadan cawaaqibka Maraykanka uga imaan kara haddii uu oggolaado saliidda Iraan inay suuqyada dib ugu soo laabato,” ayaa lagu yiri warbixinta Financial Times. 

Sacuudiga waa xubin hormuud ah oo katirsan OPEC+ oo ah ururka ay ku midaysan yihiin dalalka dhoofiya shidaalka iyo isbahaysigooda oo uu wehliyo Ruushka. 

Riyadh ayaa dhowr jeer iska dhega-tirtay baaqyo kaga imaanayay Joe Biden oo ahaa in la kordhiyo wax soo saarka saliidda. Waxaa sare u kacay qiimaha tamarta ee Reer Galbeedka kadib markii cuna-qabateyn la saaray tamarta Ruushka laga keeno. Waxayna taasi kicisay qiimaha tamarta. Waxaana laga cabsi qabaa inay kasii darto bilaha soo aaddan. 

Qiimaha saliidda ayaa hoos u dhacay wax yar bilowgii bishan – laakiin faallada Sacuudiga, oo uu taageeray Madaxweynaha OPEC +, Bruno Jean-Richard Itoua iyo dhowr dal oo saliidda soo saara oo ay ku jiraan Ciraaq iyo Kuwait ayaa cirka kusii shareeray qiimaha.

Fara-gelinta Sacuudiga waxaa loogu tala-galay in lagu difaaco qiimaha ugu hooseeya saliidda, sida uu yiri Roger Diwan, oo ah ku-xigeenka IHS Market Experts. 

Waxa kale oo jirta rejo ah soo laabashada suurta-galka ah ee fuustooyinka shidaalka Iiraan kuwaas oo wax u dhimaya wax soo saarka labada xul ee Sucuudiga iyo Ruushka ee OPEC+ ku wada jira.

La-taliyihii hore ee Aqalka Cad, Bob McNally ayaa u sheegay wargeyska Britain in fara-gelinta Abdulaziz ay ujeedadeedu tahay in xasillooni la geliyo suuqa mustaqbalka saliidda cayriin ee sii socda.

Heshiiskii Nukliyeer ah oo u dhaxeeyay Iran iyo Mareykanka oo ujeeddadiisu ahayd in la xaddido tayaynta macdanta Uranium-ta loogana qaado cuna-qabateynta ayaa maraya meel gabagabo ah. Tehran ayaana si miirqab leh dib-u-eegis ugu sameynaysa falcelinta Maraykanka ee heshiiskii uu soo diyaariyay Midowga Yurub. 

Heshiiska ayaa u oggolaan doona Iiraan inay maalin walba boqollaal kun oo barmiil oo shidaal ah iib geeyaan ilaa dhammaadka sannadkan. Waxayna taasi wax ka beddeli doontaa sare u kaca qiimaha shidaalka lagu kala iibsado adduunka oo dhan. 

Riyaad iyo Tehraan ayaa ah labo awoodood oo ku loolama Bariga Dhexe. Waxay isku arkaan cadow soo jireen ah. Dagaalkoodu marwalba wuxuu salka ku hayaa cidda gacanta sare ku yeelanaysa gobalka. 

Haddii qiimaha shidaalka sare u kaco, waxay aad u dhaawici doontaa Joe Biden, sababtoo ah shacabka Mareykanka oo hadda aad uga careysan qiimaha oo aad uga sarreeya sidii uu ahaa laba sano kahor, taasina waxay dhalin kartaa inay codadkooda siiyaan xisbiga Jamhuuriga.

Kulankii Xasan Sheekh iyo Deni oo aan wax natiijo ah laga soo saarin + Sababta

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kusoo laabtay Muqdisho kadib markii uu maalmo ku sugnaa magaalada Garoowe, halkaasi oo uu kulamo dhowr ah kula qaatay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Natiijada kulamada labada masuul ayaa illaa iyo hadda laga soo saarin war rasmi ah marka laga reebo qoraal kooban oo lagu daabacay barta Villa Somalia, kaasi oo lagu sheegay in labada madaxweyne ka wada-hadleen xoojinta wada-shaqeynta hay’addaha dowladda, dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

Waxaa xusid mudan in kulamada ay ahaayeen kuwo si gaar ah u dhex-marayay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saciid Deni, islamarkaana laga reebay dhamaan wasiiradii la socday madaxweyne Xasan iyo kuwa Puntland, sida uu sheegay Sakariye Maxamed Isticmaar oo kamid ah dhinacyadii uu Xasan Sheekh kula kulmay magaalada Garoowe.

Sakariye Isticmaar oo la hadlay warbaahinta gudaha qaarkood ayaa sidoo kale xusay in kulanka labada madaxweyne looga hadlay arrimo u gaar ah, sidaas darteedna loo ogaan waayay waxyaabihii ay ka wada-hadleen, isaga oo xusay inaysan jiri doonin wax war-saxaafadeed ah oo ay kasoo saari doonaan kulankooda.

“Labada Madaxweyne ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Cabdullaahi Deni ma aysan soo bandhigin wax ajendo ah oo ku saabsan kulamadoodii, maadaama aysan jirin khilaaf xoogan oo xiligaan ka dhex-jiray dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedka Puntland,” ayuu yiri.

Caasimada Online oo la xiriirtay Villa Somalia ayaa mas’uul ka tirsan waxa uu sheegay inaysna jirin khilaaf iyo colaad markii horeba u dhaxeysay labada dhinac, sidaas darteedna aysan jirin baahi loo qabo war-murtiyeed.

“Madaxweynaha wuxuu Puntland u tegay inuu kala hadlo wada-shaqeynta labada dhinac, iyo xoogaa tabasho ah oo jirtay uu ka qanciyo, mana jirto baahi loo qabo war-murtiyeed,” ayuu yiri sarkaalka la hadlay Caasimada Online. 

Marka laga imaado kulamadii ay yeesheen madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweyne dowlad-goboleedka Puntland ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in Puntland ay ka aqbashay madaxweyne Xasan inay martigeliso shir wada-hadal oo ay iskugu imanayaan madaxda dowlada federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada.

Si kastaba, Madaxda Puntland ayaa hore u sheegay inaysan ku qanacsanayn sida ay Madaxtooyada Soomaaliya wax u waddo, ayaga oo maamulka Xasan dusha u saaray “wada-shaqeyn la’aan”.

Muddo korarsigii Lafta-gareen oo ku dhow inuu meelmaro

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Saddex bilood ayaa ka dhiman muddo xileedka sharciga ah ee hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Sida uu yahay sharciga iyo isla ogolka dadka deegaanka, bisha December ee sanadkaan waa inay Koonfur Galbeed ka dhacdaa doorasho, laakiin iyadoo ay sideed bilood dhiman tahay ma muuqdaan wax dhaq-dhaqaaq doorasho ah.

Kal hore baarmananka Koonfur Galbeed waxay jideeyeen in la is waafajiyo muddo xileedka hoggaamiyaha maamulka iyo midka baarlamaanka oo is dhaafsanaya, laakiin saamileeda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed waa qaadaceen arrintaas.

Go’aankaas wuxuu sidoo kale liddi ku yahay dastuurka heer federaal kaasoo qasab ka dhigaya is-waafajinta muddo xileedka hey’adaha la doorto ee labada heer dowladeed waa federaalka iyo maamul goboleedyada.

Lafta-gareen ayaa hadda hoos isaga dhigay macaamilka Villa Somalia, wuxuu ku xirtay Itoobiya inkastoo weli taasi aysan si buuxda u dhaqan gelin.

Dhawaan khabar faa’iido u noqon kara Cabdicasiis Laftagareen ayaa kasoo yeeray magaalada Kismaayo, waana inuu Axmed Madoobe qaatay hal sano oo muddo kororsi ah.

Wuxuu noqday Axmed Madoobe hoggaamiye goboleedkii seddexaad ee sameysta sanad dheeri ah. Tallaabada Axmed Madoobe oo kaliya ma ahan caawimaada Laftagareen ee waa sida Villa Somalia isaga indha tireyso waxa Kismaayo ka dhacay toddobaadkii lasoo dhaafay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ka aamusay ficilka muddo kororsiga ah ee hoggaamiyaha Jubbaland.

Wasaaradda amniga gudaha ee dowladda federaalka ah ayaa iyaduna ka dhuumatay qadiyadaan. Ra’iisul wasaare Xamza isaga si gaar ah ayey taabaneysaa arrintaan maadaama uu yahay reer Jubbaland.

Siyaasiyiin kasoo jeedo Jubbaland oo qaadacay tallaabada Axmed Madoobe ayaa dowladda federaalka ah ugu baaqay inay cadeyso mowqifkeeda ku aadan arrintaan, laakiin ma jirto cid illaa hadda u jawaabtay.

Haddaba aamusnaanta Villa Somalia ee tallaabada uu qaaday Axmed Madoobe ma caawin doontaa Laftagareen, ayaa kamid ah su’aalaha miiska yaalla.

Waxaa jiray warar hore oo sheegayey inaysan kooxda madaxweyne Xasan Sheekh ku qanacsaneyn muddo kororsiga uu isku dhajinayo Laftagareen, balse hadda uma bareeri karaan kaligiis.

Laftagareen wuxuu tallaabada muddo kororsiga qaaday intii ay jirtay dowladda hore ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sidaas darteed farriinta koowaad ee Xasan Sheekh ee diidamada muddo kororsiyada socda kama billaaban karto Laftagareen, ayey leeyihiin falanqeeyaashu.

Haddii ay dowladda xilka joogto diidan tahay muddo kororsiyada sharci darrada ah, farriintooda koowaad aa inay ka hadashaa tallaabada uu qaaday Axmed Madoobe, ayey intaas ku darayaan dadka lafa  guraya qadiyadaan.

Dowladda  federaalka ah ee Soomaaliya haddii aysan diidin muddo kororsiga Axmed Madoobe maalmaha soo aadan waxay ka dhigan tahay in Laftagareen ay sidaasi ugu xalaaloobi doonto halkiisa sano.

Tigrayga oo magaalo muhiim ah qabsaday iyo Abiy oo dal kale taageero u doontay

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dagaalka ka socda waqooyiga dalka Itoobiya ayaa sii xoogeystay kadib markii uu dib u qarxay Arbacadii, waxaana guuldarrooyin culus la gaarsiiyey ciidamada dowladda federaalka Abiy Ahmed.

Ciidamada Tigray ee loo yaqaan TDF ayaa laba maalmood gudahood ku qabsaday magaaladii saddexaad, ayaga oo kusii siqaya gudaha gobolka Amxaarada oo ay ka dagaalamaan maleeshiyo taageersan dowladda iyo ciidamada dowladda oo iskaashanaya.

Maalin kadib markii ay qabsadeen magaalada Kobo, Tigrayga ayaa sidoo kale xalay qabsaday magaalooyinka Robit iyo Woldia. Saddexda magaalaba waxay ka tirsan yihiin gobolka Amxaarada.

Magaalada Robit, ma ahan magaalo muhiim ah, oo waa magaalo yar oo u dhaxeysa Kobo iyo Woldia, hase yeeshee Abiy Ahmed ayaa waxaa walaacin doona qabsashada magaalada muhiimka ah ee Woldia, oo hadda u gacan gashay Tigray-ga. 

Kobo iyo Woldia waxay isku jiraan 50km, taasi oo ka dhigan in laba maalmood gudahood ay Tigrayga soo jareen dhul baaxad weyn.

Fallanqeeyayaasha arrimaha militariga ayaa ka yaaban sida fudud ee ciidanka dowladda federaalka Itoobiya cagta loo marinayo. 

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa ku sugan dalka Algeria, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inuu kaalmo militari weydiisan doono dowladda dalkaas. Algeria waa dalka labaad ugu militari awoodda badan Afrika. 

Tiro dad oo aan si rasmi ah loo ogeyn ayaa ku dhintay dagaalka gobolka Tigray tan iyo markii uu billowday bishii November ee 2020.  

Xabad-joojin la gaaray bishii March ayaa hakisay dhiiggii qubanayey, taasi oo ogolaatay in si tartiib ah gargaar loo gaarsiiyo gobolka oo QM ay sheegtay in malaayiin qof ay halis ugu jiraan macluul. 

Tan iyo dhammaankii June, dowladda Abiy iyo mucaaradka ayaa dhowr mar sheegay inay doonayaan inay galaan wadahadallo nabadeed balse waxay isku raaci waayeen qodobada wadahadalladaas. 

Arbacadiina, dagaal cusub ayaa ka qarxay koonfurta bari ee xuduudda gobolka Tigray, meel u dhow gobollada Amhara iyo Cafar, ayada oo labada dhinacna uu midba midka kale ku eedeeyey inuu riday xabadda koowaad. 

Madaxweyne saameyn leh oo si xooggan u taageeraya ku biirista Soomaaliya ee EAC

0

Nairobi (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa dhawaan soo cusbooneysiisay dalab ay ku dooneyso inay ku hesho xubinimada Ururka Bulshada Bariga Afrika ee EAC oo hadda ay ku midaysan yihiin toddobo dal. Tan iyo dhammaadkii 60-meeyadii ayay Soomaaliya daneynaysay inay xubin buuxda ka noqoto ururkan. 

Muqdisho ayaa laga diiday codsigeeda toban sanno kahor. Waxaana loo arkay inaysan lahayn hay’ado dowladeed oo xooggan. Laakiin madaama Koofur Suudaan oo ah dal dagaallo sokeeye la dageen laga guddoomay noqoshada xubinnimadiisa Ururka, Soomaaliya hadda waxay leedahay rejo aad u sarreysa. 

Dalabkeedii ugu horreeyey ee xubinimada waxay ku lumisay himiladii Soomaaliweyn iyo raadinta dhulalkii ka maqnaa. Waxayna taasi halis ku ahayd Kenya oo xubin ka ahayd ururka. 

Dhulkii Seeraha Waqooyi ee NFD iyo Soomaali Galbeed ayaa ka maqnaa Soomaaliyadii xorta ahayd waagaas, marka laga reebo Jabuuti oo gumeystihii Faransiiska gacanta ugu jirtay. Hadda waxaa Ururkan si midaysan ugu bahoobay dalalka Uganda, Kenya, Tanzania, Rwanda, Burundi, Koonfur Sudan iyo DR Congo. 

Sannadkii 2017-ka, waxay mar kale dalbatay inay xubin ka noqoto Ururka. Waxaase diidmo xooggan kala horyimid dalalka Kenya iyo Tanzania oo arrimo amni ku saleeyey. 

Is-qab-qabsi iyo walaac

Somaaliya iyo Kenya waxay wadaagaan xuduud beenaad aad u dheer. Aad bayse iskugu diidan yihiin waxyaabo badan oo siyaasaddu ka kow tahay. Waxaase isku xira bulsho dhan oo gobalka Soomaalida ku nool iyo kuwa kale oo ganacsi xooggan ku yeeshay gudaha Kenya. Qaadka ama jaadka ayaa sidoo kale ah dun isku xiraysa. 

Laakiin Kenya waxay weerraro aan yareyn kala kulantay kooxda al-Shabaab. Labada waddan ayaa sidoo kale muran dhanka badda ah uu dhex maray kaas oo markii dambe ay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka u xukuntay Soomaaliya. 

Khubarada ayaa sheegaya dadka Tanzanian-ka ah ay aad uga shaki iyo cabsi badan yihiin Kenyaan-ka marka ay timaado ku biiritaanka Soomaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika. 

“Waxay Tanzania doorbiday Koonfur Sudan xubinnimadeeda waayo waxay leedahay shidaal,” ayuu yiri Kibuuka Maxamed oo ah falanqeeye siyaasadeed. 

Madaxweynaha Uganada, Yoweri Musaveni ayaa, si kastaba, ku tilmaamay Soomaaliya mid haysata dhammaanba sababaha loogu biiri karo Ururka madaama ay xuduud la wadaagto mid kamid ah xubnaha Ururka. 

“Waa dal dimuqraadi ah oo ganacsiyo waaweyn oo gaar loo leeyahay oo sugan ay ka jiraan,” ayuu yiri. 

Wuxuu horraantii bishan balanqaaday inuu Soomaaliya ka caawin doono dadaalkeeda ku aadan ku biiritaanka Ururka. 

Uganda waxay ka qeyb ahayd howlgalka Nabad-ilaalinta Soomaaliya taniyo sannadkii 2007, in kasta oo xiriir ganacsi oo aan sidaas u xoog badneyn uu ka dhaxeeyo labada dal. 

Soomaaliya waxay leedahay xeebta labaad ee ugu dheer Afrika. Waxayna dhacdaa bar istiraatiji muhiim ah. Mana ahan dal dhulxiran ah oo marwalba u baahan in waddan kale loo soo mariyo badeecadaha sida Koofurta Suudaan. 

Turkiga, Shiinaha, Hindiya, Cumaan iyo Kenya ayaa ah ilaha ugu badan oo ay wax kasoo dhoofsadaan. Waxaana suuqa ugu weyn oo ay wax u dhoofiyaan uu yahay Cumaan. 

Koofur Suudaan waxay xooggeeda ku tiirsan tahay dalalka xubnaha ka ah Ururka sida Kenya iyo Uganda marka ay timaado inay wax soo degsadaan. 

Rebecca Kadaga, oo ah u qaabilsanaha Uganda ee Ururka EAC ayaa sheegtay in Soomaaliya ay muddo badan ganacsi fiican la lahayd xubnaha ku jira Ururka taasina ay u fududeyn karto inay kusoo biirto. 

Waxay hoosta ka xariiqday in haddii Soomaaliya ay buuxiso dhammaanba shuruudaha looga baahan yahay, ay xaqiiqdii heli doonto xubinnimadeeda Ururka. 

Ka-gudbidda caqabadaha 

Anisa Osman Dirie, oo ah gabar Soomaaliyeed oo ah maamul ka tirsan Midowga Afrika, ayaa sheegtay in Soomaaliya looga baahan yahay inay ka gudubto caqabadaha horyaalla si ay ugu biirto EAC, ayada oo ku boorisay midnimo, nabad iyo wada noolaansho ku dhisan saaxiibnimo, waxayna intaas ku dartay in Muqdisho ay muhiim tahay inay raadiso hoggaanka urur goboleedyada.

“Soomaaliya ma la’a aqoonyahano si caalami ah loo aqoonsan yahay oo xilal hoggaamineed ka qaban kara ururada gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Aqoontooda iyo khibroddooda waa kuwa si buuxda loo heli karo,” ayey tiri.

“Buundada maqan waa istaraatiijiyad la isku dubariday oo lagu abuurayo wacyigelintan. Run ahaantii, burburka ku yimid hanaankii siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa dunida ka yaabiyay, balse taasi macnaheedu maaha in aanay jirin hoggaamiyeyaal aragti fog oo waddaniyiin ah. Aad bay u badan yihiin laakiin intooda badani waxay dhibanayaal u yihiin dhibaato aysan abuurin.”

Waxay intaas ku dartay: “Sidaas darteed, waxaa lagama maarmaan ah in cid kasta oo doonaysa inay Soomaaliya ka baxdo xasillooni darrada jirta ay taageerto helitaankeeda xubinnimada EAC iyo hoggaanka, iyo sidoo kale ururrada kale ee dowliga ah sida Urur-goboleedka IGAD, QM, iyo Midowga Afrika ama guddiyo kala duwan, (ayadoo) tani ay dejinayso ajandaha halganka dawlad-dhisidda Soomaaliya.” 

Aamina Xirsi oo ah haweeney Soomaaliyeed oo ganacsato ah oo ku nool Uganda ayaa u sheegtay Wakaaladda Wararka Anadolu in ku biiritaanka Ururka EAC uu sahlayo beekhaamada ganacsiga ay hadda ku jirto oo uu suuq furan oo laga wada macaashi karo siinayo dhammaan xubnaha. 

“Waxaana uu abuurayaa isdhexgal iyo kobac dhaqaale oo xooggan,” ayay tiri. 

Iyada oo la eegayo heshiiskii 1999 ee Ururku uu gaaray, haddii Soomaaliya ay ku biirto waxay fiiso la’aan ku tagi karaan muwaadiniinteeda dhammaanba dalalka EAC. Waxaana qofku uu xaq u yeelanayaa baasaboorta Bulshada Bariga Afrika. Mana la saarayo wax canshuurro ah ganacsigiisa. 

Dakhliga dhaqaalaha sannadkan ee Ururkan ayaa lagu qaddaray $300 oo bilyan, waxaana 312 milyan oo dad ah oo kasoo kala jeeda dalalka xubnaha ka ah ay ku safraan hal baasaboor. 

KENYA oo tallaabo qaaday kadib WARQADDII shalay kasoo baxday Al-Shabaab

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegaya in maanta ciidanka Kenya ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilbaabeen xadka, kadib markii ay dowladda dalkaas amartay in heegan buuxa la geliyo ciidamada ammaanka, si uga hortegaan suurta-galnimada weeraro iyo qaraxyo ay Al-Shabaab ka geystaan dalka Kenya.

Dhaq-dhaqaaqyadan iyo feejingaanta la geliyey ciidamada Kenya ayaa timid, kadib ay kooxda Al-Shabaab ku hanjabtay inay weeraro la beegsan doonto xarumaha Kenya, haddii uusan madaxweynaha cusub wax ka bedelin howlgalka milatari ee ay ka wadaan Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha ammaanka ay isugu yimaadeen kulan deg-deg ah, isla-markaana ay ka shireen sidii looga hortegi lahaa weerarada kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa ciidamada ilaalada xuduudda ayaa la faray in ay si heer sare ah ula socdaan dhaq-haqaaqa labada dal, si looga feejignaado Al-Shabaab.

Arrintaan ayaa saameyn ku yeelaneysa dhaq-dhaqaaqa shacabka ku sugan deegaannada dhaca xadka Soomaaliya iyo Kenya oo ay inta badan saameeyaan howlgallada socda.

Al-Shabaab waxay digniinteeda cusub oo lagu soo aadiyey doorashadii Kenya kadib ku sheegtay haddii ay dowladda cusub ciidamadeeda kala bixi weyso Soomaaliya ay markale weeraro toos ah iyo qaraxyo la beegsan doonto xarumaha waa weyn ee ku yaalla Kenya.

“Haddii dowladda cusub ee la doortay ay kusii adkeeysato dariiqa dagaalka iyo sii socoshada duullaanka gardarada ah ee Soomaaliya, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ma beegsan doonto oo kaliya ciidamada kusoo duulay wadanka, balse ay weeraro ka fulin doontaa xudunta iyo xarumaha waaweyn ee Kenya Allaah idankii, ilaa inta saliibiyiinta Kenya laga ceyrinayo dhulalka Muslimiinta ee ay kusoo duulleen, Shareecada Allaahna laga hirgelinayo, diinta oo idilna ka noqoneysa mid Allaah oo kaliya u sugan” ayaa lagu yiri bayaanka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro khasaare geysta ka fulisa gudaha dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas aad u kordhay sanadihii la soo dhaafay.

Dhageyso: 27 sano ayuu ka maqnaa Soomaaliya markii uu soo noqdayna waa la dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdulqaadir Maxamed Cali oo Soomaaliya ka maqnaa mudo 27 sano ah ayaa nasiib darro maalin kadib markii uu dib ugu laabtay dalka wuxuu la kulmay oo lagu dilay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ka fulisay hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee Marxuum Cabdulqaadir ayaa ahaa nin dhalinyaro ah oo muudo dheer ku noolaa dalka Koonfur Afrika, wuxuuna maalin ka hor markii la weeraray Hotel Xayaat uu booqasho ugu yimid waalidkiis iyo walaalihiis oo ku nool Muqdisho, muddo dheerna uusan arag.

Wuxuu Hotelka u tegay sidii alaab dad loogu soo dhiibay uu ugu wareeji lahaa, balse wuxuu la kulmay weerarka, mudo labo maalmood ah aya maydkiisa la la’aa, sida ay ehelkiisu warbaahinta u sheegeen.

Dr. Ayaan Maxamed Cali oo ay walaalo yihiin Cabdulqaadir Maxamed Cali ayaa wareysi ay siisay Idaacadda VOA ayaa sheegtay in walaalkeeda uu waqti adag soo caawiyey reerka, balse nasiib darro 27-sano kadib markii uu dalkiisa dib ugu soo laabtay la dilay.

“Maalintii Khamiista ayuu safar ka yimid, wuxuu maqnaa dhowr iyo labaatan sano, amaanooyin uu waday inuu hotelka qof ugu geeyo ayuu u tegay goobta, 20 daqiiqo intii uusan joogina waxaa bowlday qaraxyadii iyo weerarkii Hotelka, halkaas ayuuna ku dhintay,” ayey yiri Ayaan Maxamed.

Waxay sheegtay inuu ahaa curadkii reerka, taas oo sababtay inuu mudo dheer Koonfur Afrika ganacsi ugu maqnaado, si walaalihiis uu waxbarashada uga caawiyo.

“Nolol adag ayuu soo maray, wuxuu hor mariyey waxbarashadeena iyo tiisaba, walaalahey oo anigu aan ugu horeeyo wuxuu na gaarsiiyey heerarka ugu sareeya waxbarashada, naftiisa, teena ayuu ka hor mariyey, ilaahey haka abaal mariyo, wuxuu ahaa ahlu diin,” ayey Ayaan hadalkeeda ku sii dartay.

Sidoo kale gabadhaan waxay sheegtay in Marxuumka toogasho lagu dilay oo wadnaha xabad looga dhuftay, isla markaana ay meydkiisa mudo labo maalmood ah ka raadinayeen isbitaallada Muqdisho, balse uu yaalay goobtii lagu dilay oo weerar xun uu ka socday.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Taliyaha AFRICOM oo soo gaaray Muqdisho xilli DF ay ku dhaqaaqeyso qorshaha…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac ) ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Taliyaha Cusub ee Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika  ee loo yaqaan (AFRICOM) oo soo gaaray Muqdisho.

Kulanka Wasiirka iyo Taliyaha cusub ee Ciidanka AFRICOM Gen. Michael Langley ayaa waxa uu ka dhacay xarunta Safaaradda ee Dowladda Mareykanka ay ku leedahay Magaalada Muqdisho, waxaa kulanka goobjoog ka ahaa Safiirka Dowladda Mareynka, lataliyaha amniga Ra’iisul Wasaaraha XFS, Taliye ku xigeenka CXD iyo Mas’uuliyiin kale.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay soo dhawaynta kadib in uu taliyaha la wadaageen qorshaha sare u qaadida awooda ciidanka xoogga dalka iyo sidii loo qalabeyn lahaa, xilli dowladda isku diyaarineyso dagaal dalka looga xoreeyo Al-Shabaab.

Sidoo kale, kulanka waxa ay diiradda ku saareyn sidii ay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ula wareegi lahaayeen amniga guud ee dalka iyo la dagaalanka Al-Shabaab, sida uu ku yiri qoraal uu ku daabacay Bogga Fecebook ee wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur.

Sidoo kale Wasiir Jaamac ayaa sheegay in ay uga mahadceliyeen doorka AFRICOM ay ka qaadato sara u qaadida amniga geeska Africa.

Jeneraal Michael ayaa 3 August 2022-ka loo magacaabay taliyaha taliska milatariga Maraykanka ee Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM, ka dib markii 2 August 2022-ka ay dalacsiiyeen Aqalka Sanate-ka Maraykanka.

9 Augusta 2022 Jeneraal Michael ayuu xilka kala wareegay Jeneraal Stephen Townsend oo ahaa taliyhihii hore ee ciidanka milatariga Maraykanka ee Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM.

Inta badan Taliska Ciidamada Mareekanka ee Afrika ee loo yaqaan Africom ayaa Soomaaliya gaar ahaan goobaha ay joogaan Al-Shabaab waxa ay ka fuliyaan duqeymo dhinaca cirka iyaga oo bar tilmaameedsanaya xubnaha sar sare Ee Al-Shabaab.

GALMUDUG oo war ka soo saartay dagaaladii ka dhacay gobolka GALGADUUD

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey dagaal beeleedyo dib uga soo cusboonaaday qaybo ka mid ah waqooyiga gobolka Galgaduud ee bartamaha Somalia.

Falagle oo u warramay Shabelle Tv ayaa marka hore waxa laga xumaado ku tilmaamay dagaalladaas oo u dhexeeyey beelo ka soo kala jeeda Cadaado iyo Caabudwaaq.

Wasiirka ayaa tacsi u diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen dagaalladaas, isaga oo ku dhaawac ahna u rajeeyey caafimaad deg-deg ah.

“Deegaannadaas dad reer miyi ah ayaa isku laayey aad iyo aadna waan uga xunahay, waana ka tacsiyeyneynaa labada dhinac wixii ka dhintay,” ayuu yiri wasiir Falagle.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka maamul ahaan ay qaadeen tallaabo looga hortegayo xiisaddaasi, isla-markaana ay ciidamo kala dhex-dhigeen maleeshiyaad diriray.

“Dowladda way ku baxday ciidamo ayaa la kala dhex-dhigay dagaal kadis ah oo ma aragtay wuxuu ahaa aan la’iska jirin oo meesha meel nabdoon ayey aheyd,” ayuu sii raaciyey.

Wasiirka warfaafinta Galmudug oo hadalkiisa sii wata ayaa ka warbixiyey waxa ay salka ku heyso xiisaddaan, wuxuuna tilmaamay in biyo iyo dhul daaqsimeed la’isku qabtay.

“Waa wax salka ku hayo biyo iyo dhul daaqsimeed, maadaama ay abaaro ka jiraan dhulkaasi,” ayuu markale wareysigaan ku yiri wasiir Falagle.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyey ay dagaallo qaraar ka dhaceen gobolka Galgaduud, kuwaas oo ay ku dhinteen dad gaaraya illaa iyo 20 qof.

Odinga oo war cusub kasoo soo saaray dacwaddii uu u gudbiyey Maxkamadda Sare

Nairobi (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa u xaqiijiyay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres in si nabad ah lagu dhammeeyo muranka hareeyey doorashadii madaxweyne ee dalkaas ka dhacday.

Odinga oo 77 jir ah islamarkaana Maxkamadda Sare u gudbiyey loolan ka dhan natiijadii doorashada madaxtinimo ee ay ku dhawaaqeen guddiga doorashadu 15-kii Agoosto, taasi oo la sheegay inuu ku guuleystay William Ruto, ayaa khadka taleefoonka ugu sheegay Guterres inuu ixtiraami doono xukunka Maxkamadda Sare.

“Odinga waxa uu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu kula soo xiriiray khadka taleefoonka kalana hadlay doorashada Kenya iyo waxyaabihii kasoo baxay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Odinga Sabtidi.

“Intii lagu guda jiray wada sheekeysiga taleefoonka oo qaatay ku dhawaad 10 daqiiqo, Guterres waxa uu uga mahad-celiyey Odinga inuu doortay inuu sii wado loolankiisa ku aaddan natiijada doorashada madaxtinimo ee lagu dhawaaqay, isaga oo u maraya hay’ado dimoqraadi ah iyo kuwo sharci ah iyo Maxkamadda Sare.”

Odinga ayaa bogaadiyay baaqa Guterres, isaga oo sheegay in ay ka tarjumayso ixtiraamka sare iyo xasilloonida ay caalamka u hayaan Kenya.

“Odinga waxa uu sidoo kale u xaqiijiyay Guterres in Kenyaanka ay si buuxda uga go’an tahay dimoqraadiyadda iyo in si nabad ah lagu dhameeyo khilaafaadka doorashada ee is-diidan, uuna ixtiraami doono go’aanka Maxkamadda Sare,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiskiisa. 

Odinga ayaa horey u sheegay in natiijada doorashada ay tahay mid aan sax aheyn, isaga oo tuhmayo in guddiga doorashada qaarkood ay sameeyeen khiyaano iyo wax is-daba marin. 

Maxkamadda Sare ee Kenya weli wax waqti ah uma qaban xilliga ay qaadi doonta dacwadda kiiskan xasaasiga ah iyo goorta lagu dhowaaqayo go’aankeeda. 

Somaliland oo ganacsatada suuqii gubtay ee Waaheen ku wargelisay war muhiim ah

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga taakuleynta iyo gurmadka suuqa Waaheen ee xukuumadda Somaliland, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani) oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay inay soo dhamaatay nadiifintii iyo hubinta badqabka suuqii gubtay.

Wasiir Albaani ayaa sidoo kale sheegay in wixii ka dambeeya ay fasax u yihiin Ganacsatadii ay dhismayaashu kaga gubteen suuqa Waaheen inay dib u dhisan karaan dhismayaashoodii.

“Guryaha iyagu dadka gaarka u leeyihiin waxa la kulanay dadweynaha Sabtidii shalay tii ka horeysay, marka wada-hadalnay waxaanu u fasaxayna inay dhisan karaan, waxaana u sheegnay in waddooyinka dib loo dagi doonin oo guryaha naqshad loo sameeyay,” ayuu yiri Wasiir Albaani.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay Ganacsatada dhismayaasha leh ay ku wareejin doonaan hantidii loo ururiyay dib u dhiska suuqaas, isaga oo xusay in naqshad mideysan ay ka xukuumad ahaan u sameeyeen dhismaha suuqii gubtay ee Waaheen.

“Waxaa u mahad-naqeyna guddigii ay iska soo xuleen ganacsatada ee sida fiican u shaqeeyay, marka dadku isku imaadan iyaga oo isu-maqan wey is-fahmayaan oo arrintooda wey dhamaaneysa.”

Ugu dambeyntiina waxa uu faray ganacsatadii ay hantidoodii ku shuf beeshay suuqii Waaheen inay berri iska soo xaadirayaan guriga shaqaalaha, isaga oo ku bogaadiyay dulqaadkii ay muujiyeen intii ay socotay shaqadu.

Si kastaba, Khasaaraha ka dhashay gubashadii baaxada weyneyd ee suuqa Waaheen oo ahaa midkii ugu weyna Somaliland ayaa lagu qiyaasay inta u dhaxeysay $1.5 Bilyan illaa $2 Bilyan oo lacag ah.

Muuxu R/W Xamza kala hadlay guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika?

0

Tunis (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo weli ku sugan magaalada Tunis ee caasimada waddanka Tuniisiya ayaa kulan doceed la yeeshay guddoomiyaha guddiga Ururka Midowga Afrika, Mudane Moussa Faki Mahamat.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay arrimo ka mid yihiin sidii loo adkeyn lahaa xiriirka iyo iskaashiga haatan ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ururka Midowga Afrika.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo ra’iisul wasaaruhu ka dalbaday Midowga Afrika xoojinta howlgalkooda Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kooban ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza Cabddi Barri.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa kula kulmay magaalada Tunis, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Moussa Faki Mahamat. Mudane Xamse iyo Mudane Moussa ayaa ka wada hadlay xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Afrika – iyo qaabkii loo xoojin lahaa gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda” ayaa lagu yiri qoraalka xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Xamza ayaa u tegay caasimada Tunis ka qayb-galka shirweynaha caalamiga ee TICAD8 ee u dhexeeya dowladda Japan iyo Afrika, isaga oo ka jeediyey khudbad muhiim ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeeshay madaxda kala duwan ee ka qayb-galeysa shirkaas, isaga oo kala hadlay arrimaha gaarka ah ee Soomaaliya.

Shirka TICAD8 oo saddexdii sano mar la qabto ayaa dowladda Japan waxay ugu talagashay in ay ku xoojiso xiriirka ganacsi iyo midka siyaasadeed ee dalalka Qaaradda Afrika.