27.6 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Maxay salka ku heysaa xiisadda sii xoogeysatay ee Taalibaan iyo PAKISTAN?

0

Kabul (Caasimada Online) – Ku-simaha Wasiirka Difaaca ee Kooxda Taalibaan, ayaa sheegay in Pakistan ay u oggolaatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka inay hawadeeda u adeegsadaan inay galaan Afghanistan, eedaymahaas oo ay Pakistan dhawaan beenisay, kadib markii uu Maraykanku duqaymo ka geystay Kabul.

Ku-simaha wasiirka gaashaandhigga Mullah Mohammad Yaqoob oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kabul ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay gudaha u galeen dalka Afghanistaan, iyagoo sii maraya Pakistan.

“Sida aan xogta ku hayno diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ayaa soo galaya Pakistan ilaa Afghanistaan, waxay isticmaalaan hawada Pakistan, waxaan ka codsanaynaa Pakistan in aan hawadeeda aan naloo soo dhexmarin,” ayuu yiri Mullah Mohammad Yaqoob.

Wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan markiba kama jawaabin codsi ahaa inay dhinaceeda ka hadasho eedeymaha Taalibaan.

Maamulka Pakistan ayaa hore u beeniyay inay ku lug leeyihiin ama ay xog ka hayaan duqeyn diyaaradeed oo uu Mareykanku sheegay inay ka fuliyeen Kabul bishii July oo lagu dilay hogaamiyihii Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri.

Hadalka Yacquub ayaa sii xumeyn kara xiisadda u dhaxeysa dowladaha dariska ah xilli kooxda Talibanta Afghanistaan ay dhexdhexaadinayaan wadahadal u dhaxeeya Pakistan iyo kooxda Taliban ee Pakistan.

Afghanistaan sidoo kale waxay si weyn ugu tiirsan tahay ganacsiga Pakistan, iyadoo dalkaasi ay soo wajahday dhibaato dhaqaale.

Talibanka ayaa sheegay in ay baarayaan weerarkii cirka ahaa ee bishii July, islamarkaana aysan helin meydka hogaamiyihii Al Qacida.

Reuters + VOA

SOOMAALIYA oo heshay tallaalka J&J ee COVID-19

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Soomaaliya ayaa la gaadhsiiyey illaa 1,645,600 oo ah tallaalka xanuunka COVID19 ee Johnson and Johnson (J&J), kaas oo ay ku deeqeen dalalka Sweden iyo Jamhuuriyadda Czech. Dalalkan ayaa deeqda tallaalka ah u soo marsiiyey Soomaaliya, hannaanka qaybinta tallaalka COVID 19 ee COVAX. Illaa haatan tirada shacabka Somaaliya ee dhamaystay labada tallaal ee xanuunka COVID 19 ayaa gaadhaya illaa 2.3 million oo qof, halka in kabadan 1.9 million oo qof ay qaateen qayb ka mida tallaalka.

Warsaxaafadeed lagu baahiyey bogga internetka ee hay’adda UNICEF ayaa lagu sheegay in wasiirka caafimaadka ee Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan Abubakar oo ka hadlayey munaasibadda lagula wareegayey tallaalkan uu u mahadceliyey dalalkii ku deeqay tallaalkan.

“Waxaan jeclaan lahayn inaan u mahadcelinno Dawladaha Sweden iyo Jamhuuriyadda Czech oo gacan naga siisay inaan Soomaalida ka ilaalinno xanuunka COVID-19. Tallaalada aan helnay waxay runtii badbaadinayaan nolosha dad badan” ayuu yidhi wasiirka caafimaadku.

Isaga oo hadalkiisa sii raaciyey, inay tallaalkan heleen xilli aad u muhiim ah, maadaama ay dalka ka jirto xaalad abaareed oo aad u daran oo sababtay barakac xooggan, waxaana taasi ay keenaysaa in dadka danyarta ahi u nuglaadaan in xanuunadu ay ku dhici karaan.

Xaaladda abaareed ee ka jirta Soomaaliya ayaa haatan qarka u saaran inay isu rogto macaluul baahsan, waxaana haatan ay abaaruhu saameeyeen illaa 7.7 million oo qof, kuwaas oo u baahan gargaar degdeg ah, halka illaa 1 million oo qof ay ku barakaceen gudaha Soomaaliya.

“Aad ayaan ugu hanweynahay in Sweden ay mar kale muujisay sida ay u garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed si ay ula dagaallamaan masiibada Covid-19. Tallaalka gaadhaya illaa 1,360,800 ee ay ku deeqday dawladda Sweden ayaa gacan ka geysanaya in bulsho badan oo Soomaali ah la tallaalo.” Ayuu yidhi Safiirka Sweden ee Soomaaliya, Mudane Per Lindgärde.

Dr Mamunur Rahman Malik, oo ah Wakiilka WHO ee Soomaaliya ayaa yidhi, “Guud ahaan shacabka Soomaaliya illaa 15% ayaa si buuxda looga tallaalay COVID-19, halka illaa 12% oo ka mida shacabka Soomaaliya ay qaateen qayb ka mid ah tallaalka. Iyada oo ay si wada jira isu kaashanayaan, xukuumadda, deeqbixiyayaasha iyo daneeyayaasha kaleba, waxaan isticmaalnay habab hal-abuur leh oo saameyn leh si aan u gaadhno dadka aadka u nugul, looga hortago faafitaanka COVID-19″ ayuu yidhi.

Dr. Mamunur ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay u qorshaysan tahay in la tallaalo ugu yaraan 40% shacabka Soomaaliya marka la gaadho dhammaadka sannadkan.

UNICEF

Sawirro: Wararkii ugu dambeeyey ee safarka Xasan Sheekh Garoowe – Maxaa dhacay caawa?

0

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii afaraad ku hoyanaya magaalada Garowe ee Puntland ayaa caawa kulan gaar ah la qaatay Isimada iyo hoggaanka dhaqanka Puntland.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in kulankaas uu ka dhacay Madaxtooyada dowlad-goboleedka Puntland, isla markaana uu ahaa kulan la-tashi ah.

“Madaxweynaha oo kulanka uu ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibadda Abshir Cumar Huruuse ayaa Isimada iyo waxgaradka Puntland waxa uu ka dhageystay talada iyo doorkooda horumarineed ee ku aaddan adkaynta dowladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Kulanka caawa ayaa imaanaya iyadoo ay soo gabagaboobeen kulamadii Madaxweynuhu uu maalmahaan Garowe kula lahaa madaxda Puntland, kuwaas oo is-faham lagu gaaray, sida ay xalay shaaciyeen dhinacyadu.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta kormeeray dhowr xarumood ayaa warbixinno ka dhageystay hey’adaha iyo wakaaladaha Horumarinta Biyaha, Waddooyinka iyo Maareynta Kheyraadka, Maamulka Bangiga Dhexe iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka Puntland.

Berri gelinka hore ayaa la sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu sib ugu soo laaba doono magaalada Muqdisho, safarkiisa oo markii hore la qorsheeyey inuu qaato laba maalmood ayaa gaaray afar maalmood.

 

Daawo: Ehellada darawalkii lagu dilay Muqdisho oo go’aan culus ku dhawaaqay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ehellada Marxuum Maxamed Axmed Barrow oo shalay Askari ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya uu ku dilay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in meydka aysan aasi doonin, ilaa inta ay dowladdu cadaaladda u soo taageyso askarigii dilay wiilkooda.

Maxamed Axmed Barrow oo darawal ka ahaa gaari xamuul ah oo kuwa dekedda Muqdisho shixnadaha ka qaada ka mid ah, ayaa shalay loo dilay 2 dollar oo baad ah, sida ay cadeeyeen dad joobjoog u ahaa dhacdadaas.

Sahro Axmed Ibraahim oo ah gabadhii u dhacday marxuumka ayaa iyadoo ilmeyneysa waxay ka sheekeysa sida ay u taabatay geerida Seygeedii oo ku noqotay mid xanuun badan.

“Cadaalad maheysano, ninkii dilay ilmaheyga aabahood dowladda ayuu ka tirsan yahay, lamana soo qaban, Ilaahey iyo dowlada waxaan ka baryaa in ninkii ilmahaan agoonta ka dhigay cadaladda la soo taago, waxaa xanuun igu heysa qof aad hadda quraac siisay ee markii uu kaa tegay meydkiisa laguu soo sheegay, $2 iyo wax lamid ah ayaa loo dilay, ninkii dilayna magaalada ayuu baashaalayaa,” ayey tiri Sahro .

Aabe Axmed Barrow oo ah abaabihii dhalay wiilka la dilay ayaa la hadlay TV-ga Somali Cable ayaa sheegay in wiilkiisa oo korsanayey lix carruur ah uu askari ka tirsan dowladda si bareer ah u toogtay, isagoo cod dheer cadaalad ku dalbaday.

“Burbur, dowlad la’aan iyo shaqo la’aan ayaan wiilkeyga ku soo koriyey, lix caruur ah ayuu heystay, maanta ilmihiisii xitaa waa la dhaafiyey, anigu wax uma galo oo nolosheydii ciidanimo ayaan ku soo qaatay oo tabar ma hayo,” ayuu yiri Aabe Axmed Barrow.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Wiilkeyga kii dilay cid soo qabatay ma jirto, hada qabiil ma jiro oo dowlad Soomaaliyeed ayaa dadka u dhisan, waxaana laga rabaa in dadka wax magaratada ah ay umadda ka badbaadiso, hadii cadaalad dowladda laga waayo, waxaa dhici doonta in la iska aar goosto.”

Wuxuu Aabahaan carabka ku adkeeyey in meydka wiilkiisa aan la aasi doonin, ilaa inta dowladdu ay cadaalada ka hor keeneyso askarigii dilay, isagoo sheegay faranjiyeer uu ku jiro meydku habeenkii labaad.

Hoos ka daawo

Xog: Madaxweyne Qoor Qoor oo billaabay qorshe ‘uu mudo kororsi ku sameysanayo’

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa bilaabay qorshe uu muddo kororsi hal sano ah ku sameysanayo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa guddoonka baarlamaanka maamulka Galmudug ku cadaadinaya inay qabtaan mooshin ay ka diyaariyeen qaar kamid ah xildhibaanad maamulkaasi, si wax ka badal loogu sameeyo Dastuurka maamulkaas.

Qoor-Qoor iyo Xildhibaanada ku dhow ayaa doonaya in meesha laga saaro qoddobka dhigaya in muddo xileedka Galmudug uu yahay Afar sanno, islamarkaana qoddobkaas lagu badalo in muddada xil haynta ay noqoto Shan sanno.

Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa la filaya inay yeeshaan kulan gaar ah, si ay uga doodaan wax ka badalka la rabo in loogu sameeyo Madaxweynaha iyo Baarlamaanka muddo hal sanno ah.

Sida la fahamsan yahay Qoor-Qoor ayaa qorshahaan kaga dayanaya maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, oo ayaga dhankooda sameystay muddo kordhin hal sanno ah kadib markii ay wax ka badal ku sameeyeen Dastuurkii u dagsana maamuladaas.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay inaysan ku qanacsaneyn muddo kordhinta ay sameysteen madaxda dowlad-goboleedyada, waxaana indhaha lagu haya sida ay dowladda u wajahi doonto arrintaan.

Maamulka gobolka Banaadir oo soo rogay ganaaxyo LACAG oo nooc cusub ah

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray awaamiir cusub oo gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho ka mamnuucaya waxkasta oo xad-gudub ku ah nadaafada, bilicda iyo xoolaha baadida ee iska dhex socda caasimadda.

Go’aamada kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in la ganaaxi doono hadda kadib guri kasta oo ku xad-gudba bilicda caasimada lacag dhan $20, halka meherada ganacsadaha la ganaaxi doono lacag dhan $30.

“Si loo dardar-geliyo bilicda iyo nadaafada waxa guddoomiyaha gobolka Banaadir soo saaray wareegto ku aadan dardar-gelinta nadaafada iyo dib u soo celinta bilicda magaalada Muqdisho oo ku socota agaasimaha guud, guddoomiyeyaasha degmooyinka, dadweynaha ku nool gobolka iyo taliska ilaalinta deegaanka Xamar.”

Wareegtada kasoo baxday xafiiska guddoomiye Filish ayaa waxaa lagu sheegay in xoolaha baadida ee iska dhex socda caasimada la qaban doono, islamarkaana cidda iska leh laga qaadi doono ganaax lacageed.

“Wixii hadda ka dambeeya xoolaha baadida ah ee lagu soo qabto magaalada Muqdisho waxaa laga qaadi doona ganaax iyo calafka Xoolaha mudada la hayo. Xoolaha baadida ah ee magaalaada laga qabto neefka Geela waxa la ganaaxi doona $25, Lo’da $20, Aragi $10,” ayuu yiri.

Go’aamadan ayaa imanaya xili maalmihii lasoo dhaafay roobab mahiigan ah ka da’ayeen magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, kuwaasi oo biyo dhigay qaar kamid ah waddooyinka waaweyn iyo jidadka xaafadaha.

Sawirro: Xamza oo shirka TICAD8 ka sheegay inaysan gorgorton ka geli doonin…

0

Tunis (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ee TICAD8 ee ka socda magaalada Tunis ee dalka Tunisia, ayaa tilmaamay muhiimadda ay taagerada dowladda Japan u leedahay xasillinta amniga iyo dhismaha hay’adaha dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in amniga iyo degenaanshaha ay yihiin wax aan gorgortan laga geli karin, si horumar bulsho iyo isku filnaansho dhaqaale loo helo, isagoo xusay in isbadelka cilmillada iyo colaadaha dunida ka jira ay saameyn xoog leh ku yeesheen nolosha bulshada, xili dalka ay ka jiraan abaaro saameeyey dadka iyo duunyada.

“Waxaan jeclaan lahaa in aan qiro, muhiimadda ay leedahay Kaalmada Japan, gaar ahaan, dadaallada kor loogu qaadayo tayada booliiska iyo hay’adaha amniga, bixinta nidaamyada isgaarsiinta ee Booliiska Soomaaliya iyo taageerada warshadaha gudaha ee muhiimka ah, si kor loogu qaado shaqada loona hagaajiyo hab-nololeedyada,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Mudane Xamse ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay taageerada dowladda Japan ee xiligan, si looga miro dhalayo hadafyada waaweyn ee la higsanayo ee dhinacyada amniga, wax ka qabashada colaadaha, abaaraha iyo isbeddelka cimillada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa inta uu socday shirka caalamiga ee TICAD8, kulamo doceedyo la yeeshay madaxda ka qeyb galaysa shirka, isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya.

MUQDISHO: Dilaaga aan wali la xukumin ee loo diray inuu dadka xukumo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhawaan  boqolaal shacab ah ayaa xiray qeybo kamid ah waddada isku xirta KM4 iyo dugsiga 21-ka October ee magaalada Muqdisho.

Dadkaan kama cabanayaan shaqo la’aan, sicir barar ama burburka waddada, balse waxay ka cabanayaan dilka darawal waday gaari xamuul ah oo uu toogtay mid kamid ah askarta dowladda ee jooga agagaarka hotelka Naaso Hablood 1 oo kaabiga ku haya isgoyska KM4.

Ninka dilka geystay waa askari boolis ah, lacag uu cadadkeedu hooseeyo oo laba dollar lagu sheegay, taas oo uu askarigu dalbaday ayaa dilka sababtay, sida ay ku warameen dadkii ka ag dhawaa goobta dilka ka dhacay.

Askarigii dilka geystay ayaa lasoo wariyey inuu baxsaday. Darawallada iyo milkiilayaasha gaadiidka alaabta kasoo qaada dekadda magaalada Muqdisho ee u qeybiya qeybaha kale  ee magaalada ayaa dhowr jeer cabasho ka muujiyey ciidanka dowladda ee jooga waddooyinka caasimadda kuwaas oo isugu dara dhac iyo dil.

Dhowrrkii sano ee ugu dambeysay dhaqankaan tixane ayuu ahaa. In dhowr dollar loo dilay qof u halgamaayey nolo maalmeedkiisa waxay muujinaysaa sida ay bini’aadannimadii uga sii guureyso caasimadda. Markii uu dilaagu yahay midkii loo doortay inuu ku ilaaliyo waa kasii xanuun badan tahay.

Dad badan waxay is waydiinayaan waxa kordhiyey dilalka ay ciidamada dowladda u geysanayaan shacabka caasimadda, waxaase jirta hal arrin oo aan weli la xusin waana dilaa aan weli la xukumin oo loo diray inuu dad xukumo.

Askar badan oo gacan ku dhiiglayaal ah oo dad dilay kadibna ka baxsaday cadaaladda ayaa dib loogu igmaday inay iyagu sugaan amniga shacabka iyo waddooyinka caasimadda.

Maahmaahda xun ee ah “Nin hal dilay hal uma daaho,” ayey askarta Muqdisho waafajiyaan afka hore ee qorigooda.

Inta ay waddooyinka caasimadda taagan yihiin askar dilal hore geysatay oo cadaaladda ka baxsaday waa adag tahay in dilalkaan joogtada ah maaro loo helayo ayey leeyihiin shacabka caasimadda.

Dowladda cusub hee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa laga sugayaa sida ay u beddasho wajiga ciidanka ilaaliya waddooyinka iyo xaafadaha magaalada Muqdisho.

Inta dilaaga aan la xukumin uu isagu wax xukumayo xaalku waa adkaan doonaa.

UHURU oo ‘is-hortaagay’ in la dhaariyo William RUTO

Nairobi (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Xisbiga William Ruto ee United Democratic Alliance (UDA), Veronica Maina ayaa ku eedeysay Madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu yahay taageeraha ugu weyn ee ka dambeeya dacwadda maxkamadda sare oo ay gudbiyeen mas’uuliyiinta Xisbiga Azimio la Umoja ee lagu doonayo in lagu baabi’iyo guusha madaxwweyne-nimo ee William Ruto.

Codsigeedii laga gudbiyay Maxkamadaha Sharciga ee Milimani maalintii Jimcaha, Veronica waxay ku eedaysay sii-hayaha xilka madaxtinimada Kenya, inuu gadaal ka riixayo ra’iisul wasaarihii hore ee Raila Odinga iyo musharax madaxweyne ku-xigeekiisa Martha Karua, si doorashadii dhacday 9 Agoosto loogu tilmaamo mid lagu shubtay. 

Raila iyo Karua ayaa doonaya in – William Ruto, oo 15-kii Agoosto lagu dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha la doortay, kaddib tartan adag oo doorasho madaxtinimo – laga hor istaago in loo dhaariyo xilka. 

“Nuxurka iyo ujeeddada codsiga hadda la gudbiyay kuma jirto dood maangal ah. Marka labaadna, hey’adaha dowladda oo uu gacanta ku hayo Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka-sida iskuna heysta inuu yahay Guddoomiyaha qarsoon Isbaheysiga Azimio la Umoja – Mr Uhuru Kenyatta, wuxuu si aan xishood ku jirin uga gaabiyay kaalintiisa. Lamana imaanin wax dadaal ah oo ku aadan in hannaanka loo marayo hubsashada sugnaanshaha natiijada doorasho walba ay qasab tahay gadaasheeda inay dhacdo dhaarinta madaxweynaha,” ayaa lagu yiri qoraalkeeda. 

Veronica waxa ay faahfaahin ka bixisay in Uhuru uu ku howlanaa qorshe uu ku doonayay in Raila uu ku guulaysto xilka ugu sarreeya Kenya isaga oo adeegsanaya mashiinnada dowladda oo ay ku jirto Agaasinka Dembi-baarista. 

Xoghayaha Guud ee Xisbiga William Ruto ee UDA, waxay ku adkaystay in dalabyada kooxda Azimio ay ku doonayaan in lasoo saaro macluumaadka ku saabsan muwaadiniinta Venezuela u dhashay ee lagu qabtay Gegida Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ay qeyb ka tahay qorshaha ballaaran oo lagaga hortagayo in Ruto uu xukunka qabto.

Waxay intaasi sii raacisay in dambi-baarayaashu ay ka niyad jabiyeen mas’uuliyiinta Xisbiga Kwanza Kenya – waxayna ku qasbanaadeen inay basaasiin geeyaan si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqyadooda. 

Uhuru ayay sidoo kale ku eedeysay inuu u adeegsaday madax iyo saraakiil kale si loo caburiyo codbixiyayaasha uuna hoggaaminayo ol’ole hoose oo loogu jiro in Raila loo doorto madaxweyne.  

Sida laga soo xigtay Veronica, taageerada cad oo xoghayayaasha golaha wasiirada ay siiyeen Raila, waxay qeyb ka ahayd qorshaha Uhuru ee xil-wareejintiisa. 

“Madaxweynaha xilka banneynaya wuxuu si siman oo geesinimo leh ugu yeeray shaqalaaha rayidka, xog-hayayaasha, saraakiisha iyo guddoomiyaha golaha deegaaannada iyo ismaamullada inay ka qeyb noqdaan taageerada iyo soo dhaweynta madaxweynaha 9-aad ee Jamhuuriyadda,” ayay tiri. 

“Waxaase daaha gadaashiisa ka socday wax ka duwan afka baarkiisa; waxaa la handaday oo qalabkooda lala wareegay dadka sida dhow ula xiriira xisbiga Ruto, waxaana la bartilmaameedsaday siyaasiyiin, shaqaale, farsama-yaqaanno iyo shaqsiyaad kale oo taageere u ahaa William,” ayay sii raaciyay. 

Veronica markii ay u gudbisay maxkamadda sare ee dalka, waxay garsoorayaasha ay hoggaaminayso madaxa cadaaladda, Martha Koome ugu yeertay inay taageeraan guusha William Ruto. 

Waxay ku adkeysatay in howshu ahayd mid daahfuran oo iska cad. Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka ayayna ku amaantay qabashada doorasho lagu kalsoonaan karo. 

Dagaal qaraar oo ka qarxay caasimadda LIBYA ee Tripoli – Yaa isku haya markan?

Tripoli (Caasimada Online) – Isku dhacyo dhex-maray taageerayaasha dowladaha iska soo horjeeda ee Libya ayaa dilay ugu yaraan 32 qof, ayada oo 159 kale ay ku dhaawacmeen, waxaa sidaas maanta sheegtay wasaaradda caafimaadka.

Kooxo hubeysan oo iska soo horjeeda ayaa dagaal culus uu ka dhex-qarxay Jimcihii, kaasi oo socday ilala Sabtidii shalay. Waa dagaalkii ugu xumaa ee ka dhaca caasimadda Tripoli tan iyo xabad-joojintii la gaaray 2020.

Xaaladda ayaa deganeyd xalay illaa saaka, balse waxaa jirta cabsi ah in xilli kasta uu dagaalka dib u qarxi karo.

Dagaalka ayaa yimid kadib bilo ay xiisad ka dhex taagneyd taageerayaasha Cabdulxamiid Dabiibah iyo Fatxi Baashaga, kuwaas oo maamulladooda iska soo horjeeda ay ku loolamayaan xukunka dalka ku yaalla Waqooyiga Afrika.

Maamulka Dabiibah, oo laga aas-aasay caasimadda Tripoli kadib hanaanka nabadeed oo ay ka shaqeysay QM kadib dhammaadkii dagaalkii 2020, ayaa is hortaagay in Baashaga uu xukunka la wareego, ayaga oo ku doodaya in maamulka beddelaya uu ku yimaado doorasho. 

Baashaga ayaa waxaa magacaabay baarlamanka fadhiggiisu yahay bariga dalkaas horraantii sanadkan, waxaana uu taageero ka haystaa Jeneraalka awoodda badan ee Khalifa Haftar, kaasi oo isku daygiisii 2019 ee ahaa inuu qabsado caasimadda uu horseeday dagaal sokeeye.

Fatxi Baashaga, oo ahaa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha, ayaa markii hore meesha ka saaray inuu rabshado u adeegsado inuu la wareego Tripoli, hase yeeshee wuxuu markii dambe tusmeeyey inuu doorbidi karo awood.

Libya ayaa gashay qalalaase kadib markii 2011 la afgambiyey lana dilay kaligii taliyihii hore ee dalkaas Mucamar Qadafi intii uu socday kacdoon dadweyne oo ay taageerayeen Reer Galbeedka.

Kooxo hubeysan oo loo arko kuwa dhex-dhexaad ah ayaa dhammaadkii toddobaadka billaabay inay taageeraan Cabdulxamiid Dabiibah si loo caabiyo isku dayga labaad ee Fatxi Baashaga uu kusoo galayo caasimadda.

Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeeyey dagaalka cusub, ayada oo quwadaha caalamka ay ku baaqeen xasillooni.

Howlgalka QM ee Libya ayaa ku baaqay “inay deg deg loo joojiyo colaadda.

Habeenkii Sabtida, Sabiibah ayaa baahiyey muuqaal muujinaya isaga oo ay ku hareeraysan yihiin ilaaladiisa, islamarkaana gacan qaadaya dagaalyahanada taageersan maamulkiisa. 

Dowladda Cabdulxamiid Dabiibah ee Midnimo Qaran ayaa sheegtay in dagaalka uu qarxay kadib markii wadaxaajoodyo looga fogaan lahaa inuu dhiig ku daato caasimadda ay burbureen. 

Fatxi Baashaga ayaa beeniyey in wadahadallo noocaas ah ay dhaceen, wuxuuna ku eedeeyey maamulka “sharci-darrada ah” ee Dabiibah inuu xukunka isku dhejinayo. 

Al-Shabaab oo soo saartay qoraal ku socda William Ruto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay war ka soo saartay isbedelka ka dhacay waddanka Kenya, waxayna si lama filaan ah uga hadashay doorashadii dalkaasi ee uu ku soo baxay William Ruto oo tartan adag la galay Raila Odinga.

Bayaan ka soo baxay Maktabka Warfaafinta ee Kooxda Al-Shabaab, isla-markaana ku qornaa luqadda English-ka ayaa lagu sheegay in Kenya ay ka dhacday doorasho si adag loogu tartamay, balse ay haatan heysato fursad ay uga noqon karto duulaanka Soomaaliya, gaar ahaan howlgallada ay xiligan ciidankeeda ka wadaan gobollada dhaca koonfurta dalka.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale bayaankeeda ku sheegtay inay haboon tahay in Kenya ay dib u eegis ku sameyso siyaasadeeda arrimaha dibadda, siiba duullaanka military ee Somalia.

“Doorasho si adag loogu loollamay oo wadanka ka dhacday kadib, Kenya waxay maanta taagan tahay dariiq kalabeyr ah xilli ay Kenyaatigu isku diyaarinayaan in ay xafiiska keensadaan madaxweyne cusub, waxay markale heystaan fursad ay ku muraajaceyn karaan go’aannada siyaasadooda arrimaha dibadda iyo raadadka ka dhalanaya go’aanadaas oo uu ugu horreeyo duullaanka sharci darada ah ee ay kusoo qaadeen Soomaaliya” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Al-Shabaab ee looga hadlay isbedelka Kenya.

Qoraalka ayaa waxaa kale lagu sheegay in ciidamada Kenya aysan illaa iyo hadda ku guuleysan hadafyadii loo soo galiyey gudaha Soomaaliya, kadib 11 sano oo ay joogaan.

Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in xittaa aysan qaadi karin wax weerar ah ciidamada dalka Kenya, isla-markaana ay ku go’doonsan yihiin saldhigyadooda, sida ay hadalka u dhigtay.

“Muddo 11 sano ah ayaa laga joogaa markii ay Kenya duullaanka kusoo qaaday Soomaaliya, ilaa maantadana Kenya kuma guuleysan wax uun ka mid ah ahdaaftii aasaasiga ahayd ee duullaanka, ciidamada military Kenya waxay ku go’doonsan yihiin saldhigyadooda, kama soo baxaan godadka ay gabbadaan xabadda Mujaahidiinta, mana awoodaan inay qaadaan weerar ka dhan ah Mujaahidiinta, halka dhanka kale, Mujaahidiintu ay sii laba jibbaareen weeraradooda aargoosiga ah ee ka dhacaya gudaha Kenya, ayna fuliyeen boqolaal weeraro abaabulan ah oo lagu beegsaday ciidanka Kenya iyo xarumahooda” ayaa markale lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale kooxda ayaa ku hanjabtay haddii dowladda cusub ee Kenya ay ciidankeeda kala bixi weyso gudaha Soomaaliya in ay markale beegsan doono xarumaha waa weyn Kenya.

“Haddii dowladda cusub ee la doortay ay kusii adkeeysato dariiqa dagaalka iyo sii socoshada duullaanka gardarada ah ee Soomaaliya, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ma beegsan doonto oo kaliya ciidamada kusoo duulay wadanka, balse ay weeraro ka fulin doontaa xudunta iyo xarumaha waaweyn ee Kenya Allaah idankii, ilaa inta saliibiyiinta Kenya laga ceyrinayo dhulalka Muslimiinta ee ay kusoo duulleen, Shareecada Allaahna laga hirgelinayo, diinta oo idilna ka noqoneysa mid Allaah oo kaliya u sugan” ayaa lagu yiri.

Hadalkaan ka soo yeeray Al-Shabaab iyo hanjaabadda cusub ee ay u direen xukuumaddda Nairobi ayaa kusoo aadayo, xilli sanadihii dambe ay kooxda kordhisay weeraradeeda Kenya.

Xeendaabka awoodda Eritrea – Waa ayo shanta nin ee ku hareereysan Isaias Afwerki?

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki waa ninka jaangoynaya dagaalka sokeeye ee Itoobiya ka socda. Waana jiheeyaha siyaasadda gobalka Geeska Afrika.

Xukunkiisa keli-taliska ah ayaa dalkiisa ka dhigay mid dunida inteeda go’doon ka ah, waxaana uu xakameyn adag ku giijiyay muwaadiniinta, isaga oo awoodeynta ciidamada miltariga u arkay sida kaliya oo qaran lagu maamulo.

Isaias oo 76 jir ah, wuxuu talada dalka qabsaday sannadkii 1993. Wuxuuna dalkiisa kusoo hoggaamiyay gacan bir ah. Xisbigiisa Cadaaladda iyo Dimuqraadiyadda ee uu madaxda, ma qaban wax doorasho ah, wuxuuna da’yarta waddanka ku waajibiyay dhibow iyo leyli miltari oo qasab ah inay maraan.

QM ayaa dowladdiisa saartay cuna-qabateyn madaama ay taageero siiso kooxda al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya. Maraykanka ayaa sidoo kale cuna-qabateyn kusoo rogay xisbiga talada haya iyo xoogga dalka madaama ay ku lug yeesheen dagaalka gobalka Tigray ee dalka Itoobiya ka socda.

Eritrea waxay dagaal qaraar Itoobiya kula gashay hanashada xurnimadeeda – iyada oo dal madax bannaan noqotay sannadkii 1993. Xiriirka labada dal ayaa taniyo markaas aad u xumaa. Waxaana jira muran xuduudeed laba waddan ka dhaxeeya oo aan ilaa iyo hadda xal waara laga gaarin.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa durba markii uu la wareegay talada Itoobiya sannadkii 2018, wuxuu heshiis nabadeed la saxiixday madaxweyne Afwerki. Waxaana labada dal u furmay bog cusub oo iskaashi ah. In yar kaddibna, waxay wadajir dagaal ugu qaadeen ururka TPLF ee qowmiyadda Tigrayga.

Jariiradda The Afrika Report ayaa haddaba warbixin ay qortay ku eegtay ragga ku hareereysan Afwerki oo ah awoodda iyo jaagooyeyaasha siyaasadda Eritrea.

Yemane Gebreab

Yemane Gebreab waa ninka labaad ee ugu awoodda badan Eritrea, kaddib madaxweyne Isaias Afwerki. Wuxuu dalkiisa u qaabilsan yahay arrimaha dibadda. Wuxuu door libaax leh ka qaatay ka qeybgalka Eritrea ee dagaalka ka socda gobalka Tigrey.

Yemane waa diblomaasiga ugu sarreeya ee dowladda Afwerki, wuxuuna u qaabilsan yahay dhaqangelinta siyaasadda arrimaha dibadda. Booskiisa rasmiga ah waa la-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha iyo madaxa arrimaha siyaasadda ee Xisbiga talada haya.

Wuxuu katirsanaa xukuumadda muddo soddon sannadood ka badan. Wasiirro badan oo arrimaha dibadda ayaa intuu joogay xilalka isku kala beddelay laakiin isagu wuxuu joogay marwalba daaha gadaashiisa. Wuxuu aadaa meel walba oo wasiirka arrimaha dibaddu uu u safrayo.

Wuxuu asalkiisa kasoo jeedaa gobalka Aksum ee Tigrayga. Wuxuuna ka dhashay qoy sabool ah. Aabbihiis wuxuu ahaa geyfane u taagan qaddiyadda Itoobiya iyo Eritrea oo hal waddan isku ah in la helo.

Yemane wuxuu si qoto dheer ugu dhex jiraa iskaashiga xiriirka dalkiisa kala dhaxeeya Itoobiya, madaama uu si aad ah wax uga ogyahay dagaalka Tigrayga. Wuxuu la kulmay diblomaasiyiinta dalal dhowr ah Afrika ah iyo Israel si uu uga dhaadhiciyo inay dhankooda ka fududeeyaan cadaadiska caalamiga ah ee dowladda Itoobiya lagu saaray dagaalka Tigreyga.

Hagos Gebrehiwet

Hagos Gabrehiwet waa madaxa dhaqaalaha ee Xisbiga talada haya ee PFDJ. Wuxuu kormeeraa xarumaha kaabayaasha dhaqaalaha dowladdu leedahay iyo dakhliga guud.

Wuxuu sidoo kale kor kala socdaa howlaha shaqo ee wasaaradda maaliyadda. Hagos iyo madaxweyne Afwerki unbaa gacanta ku haya xogaha maaliyadeed ee muhiimka ah iyo ilaha dhaqaalaha ee dalka.

Hagos Wuxuu kasoo jeedaa deegaanka Tembien oo dhulka Tigrayga ka mid ah.

Waxaas intaas dheer, Hagos waa kormeeraha shirkadaha ka hoos shaqeeya ciiddanka, qodaalka macdanta iyo dhoofintooda. Mashruuca macdan-qodidda Bisha wuxuu il dhaqaale oo sugan u yahay dowladda. Wixii dakhli iyo qarashaad ah wuxuu uga warbixiyaa madaxweyne Isaias.

Wuxuu sidoo kale maamulaa canshuuraha laga qaado muwaadiniinta qurba-joogta ah ee Eritrea.

Yemane Gebremeskel

Yemane waa hoggaanka iyo isku xiraha maamulka sare ee dhammaan xafiisyada wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda. Waa maareeyaha ugu kartida badan ee howlaha hoose ee dowladda iyo sanca-yaqaan.

Wuxuu ahaa wasiirka warfaafinta taniyo sannadkii 2015. Wuxuu noqday hoggaanka shaqaalaha xafiiska madaxweynaha iyo awoodda qarsoon ee jagada madaxweyne-ku-xigeenka dalka.

Wuxuu kasoo jeedaa magaalada Agame ee gobalka Tigrey. Aabbahiis wuxuu ahaa geyfane u taagan la midowga Itoobiya.

Yemane waa sidoo kale waa isha laga helo xogta wararka Eritrea. Wuxuu aad uga firfircoon yahay twitter-ka, oo uu soo dhigaa wararka ku saabsan dowladda iyo madaxda dalkaas booqata.

Abraha Kassa

Abraha Kassa waa madaxa hey’adda Sirdoonka Eritrea. Wuxuu maareeyaa howlaha dabagalka iyo sirdoonka dalka oo dhan. Abraha wuxuu kasoo jeeda koofurta Eritrea.

Waa isu duwaha iyo agaasinka guud ee Taliska Afwerki u qaabilsan howlaha ‘ilbaadinta’ ama basaasnimada oo xattaa ay ku jiraan miltariga dalka. Waxaa jira hoggaanno kale balse sida Abraha uma lahan awood buuxda.

Kamana qeyb ahan go’aamada la gaaro iyo daadejinta siyaasadda gudaha iyo falcelinnada lala wadaago madaxweynaha. Howshoodu kaliya waa inay ku dhaqmaan amarrada lasoo faro.

Tan iyo markii la dhisay Xoogga Dalka Eritrea sannadkii 1970, wuxuu ahaa mid ka madax bannaan hoggaanka siyaasadda. Laakiin si tartiib tartiib ah ayuu gacanta ugu soo galay madaxweyne Afwerki.

Zemhret Yohannes

Zemhret Yohannes waa gaaxda iyo maskaxda lagu maamulo Taliska Afwerki. Wuxuu maareeyaa howlaha barobagaandada ah oo dowladdu ku marinhabaabiso ra’yulcaamka guud iyo hoggaanka cilmi-baarista iyo keydka qoraallada ee Xisbiga talada haya.

Awood sidaas usii buuran malahan; la-kulankiisa madaxweynahana wuu kooban yahay. Wuxuu aragtiyadiisa ku saleeyaa fikirka Marxism-ka. Wuxuuna aad uga soo horjeedaa aragtida imbiriyaalism-ka iyo diidmada in la helo dal Yuhuudda leedahay.

Waa nin ku xeeldheer maleegidda aragtiyada shirqoolka ku saleysan. Waana Masiixi kasoo jeeda koofurta Eritrea.

Xasan oo saddex maalin, kadib dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay Garoowe + Sawirro

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii afaraad ku sugan Puntland, ayaa maanta dhaq-dhaqaaq ka bilaabay gudaha Garoowe, kadib saddex cisho oo uu ku sugnaa halkaasi.

Madaxweynaha ayaa markii hore ku mashquulay wada-hadallada xalka loogu raadinayo mad-madowga soo kala dhex-galay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka Puntland, wuxuuna shirar aan loo kala kicin la yeeshay hoggaamiyaha maamulkaasi, Saciid Deni.

Inta badan wada-hadallada oo qaatay wax ka badan muddada loo qorsheeyey safarka madaxweynaha ee Puntland ayaa xalay soo dhammaaday, waxaana labada mas’uul ay si wadajir ah uga soo muuqdeen munaasabad casho sharaf ah oo ka dhacday Garoowe.

Sidoo kale Xasan Sheekh Maxamuud iyo Deni ayaa maanta si wadajir ah u kormeeray  xarunta wasaaradda maaliyadda Puntland, halkaas oo uu ku soo dhoweeyey  Wasiirka wasaaradda maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi iyo madaxda kale ee wasaaraddaasi.

Ugu horreyn wasiir Xassan Shire Cabdi ayaa uga warbixiyay madaxweynaha iyo wafdigiisa qaabka ay u shaqeyso wasaaradda iyo shaqada ay bulshada u hayso, iyada oo uu madaxweynuhu kormeeray xafiisyada kala duwan ee Wasaardda

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqaday Xarunta Bankiga Puntland iyo Dhismaha Xarunta Dakhliga ee wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Nugaal.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale maanta la kulmi doono dhaqanka iyo bulshada rayidka ah, kadibna wuxuu dib ugu soo laaban doonaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomalaiya.

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Garoowe ayaa ka duwanaa socdaaladii uu horey ugu kala bixiyey Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxaana sababta lagu qeexay mad-madowga iyo shakiga soo kala dhex-galay labada dhinac, kadib soo dhisidii xukuumadda.

Daawo: Wuxuu ahaa askari, haddana bil walba 70 dollar ka qaadanayey Al-Shabaab

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee qeybta 60-aad ee fadhigeedu yahay magaalada Baydhaba ayaa shalay la horkeenay todoba rag ah loo heysto in ay la shaqeynayeen kooxda Al-Shabaab.

Maxkamadda ayaa bilowday dhageysiga dacwadaha loo heysto eedeysanayaashaan oo ciidamada ammaanka Koonfur Galbeed ay siyaabo kala duwan gacanta ugu soo dhigeen.

Sida ay xeer ilaalintu ka hor sheegtay maxkamadda, raga qaar waxaa la soo qabtay iyagoo ku howlan fulinta weerarro, halka qaar ka tirsanaa ciidamada Koonfur Galbeed-na lagu qabtay iyagoo si hoose ula shaqeynaya kooxda Al-Shabaab.

Sida uu sheegay sarkaal u hadlay dacwad oogayaasha seddax oo ka mid ah ragaan ayaa ka soo dagaalamay Galmudug iyo qeybo ka mid ah Jubbooyinka, halka labo kale lagu qabtay howlgal ay ciidamada dowladdu ku qabsadeen degaanka Goofgaduud-shabeelow.

“Guddoomiye Maslax Cabdullahi wuxuu ka tirsanaa Daraawiishta Koonfur Galbeed, kadib Al-Shabaa waxay ku tashkiiliyeen inay Al-Shabaab la shaqeeyo, iyagoo siin jiray 70 dollar,” ayuu yiri sarkaalkii u hadlay dacwad oogeyaasha.

Ugu dambeyntii Maxkamadda ay mudeysay oo sheegtay in go’aan ay ka soo gaari doonto xukunka raggaan loo heysto ka mid noqoshada kooxda Al-Shabaab.

Jimcihii ayaa Fagaare ku yaalla magaalada Baydhaba waxaa lagu toogtay Ibraahim Meeris Ibraahim oo fuliyey qaraxii lagu dilay wasiirkii cadaaladda maamulka Koonfur Galbeed Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur, halka walaalkiis Maxamed Meeris oo maqane ah isna dil lagu xukumay.

Hoos ka daawo

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Tigray iyo TPLF oo qabsatay magaalo muhiim ah

Mekele (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogaystay dagaalka dib Arbacadii dib uga qarxay dalka Itoobiya ee u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa jabhadda TPLF ee maamusha gobolka Tigray, ayada oo mucaaradka ay guulo sheegteen.

TPLF ayaa sheegtay “in ciidamadeeda geesiyaasha ah ay iska caabiyeen weerarka ciidamada dowladda, islamarkaana ay wiiqeen saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey.”

“Waxaan dhaafnay furintii dagaalka ee mucaaradka, waxaana qabsanay magaalada muhiimka ah ee Kobo oo ka tirsan gobolka Amxaarada,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay hoggaanka TPLF.

Dowladda ayaa qirtay in ciidamadeeda ay ka baxeen magaalada Kobo, balse waxay ku sheegtay xeelad dagaal, oo sida ay tiri lagu badbaadinayo shacabka.

“Si looga fogaado khasaare xoog badan oo ka dhaca gudaha magaalada haddii rasaas la isku weydaarso, ciidamada difaaca waxaa qasab ku noqotay inay ka baxaan magaalada Kobo oo ay difaac ka galaan duleedka magaalada,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda.

Jimcihii, ayada oo dagaalka uu sii xoogaystay, ayaa ciidamada dowladda waxay duqeyn ay ka fuliyeen magaalada Mekele ee caasimadda Tigray ay ku dileen afar qof oo shacab ah oo ay ku jiraan caruur. TPLF ayaa tirada dhimashada gaarsiisay illaa toddoba.

Addis Ababa waa ay beenisay inay beegsatay goobo shacab , waxayna ku doodday in weerarada lag  fuliyey goobo militari.

Hase yeeshee weerarkaas ayaa waxaa ka dhashay cambaareyn caalami ah, ayada oo dhinacyada cambaareeyey ay ku jiraan hay’adda QM u qaabilsan caruurta ee UNICEF iyo dowladda UK.

UNICEF waxay sheegtay in duqeynta ay ku dhacday iskuul xanaanada caruuurta ah, ayna ku dhinteen dhowr caruur ah, islamarkaana kuwa kale ay ku dhaawacmeen.

Tiro dad oo aan si rasmi ah loo ogeyn ayaa ku dhintay dagaalka gobolka Tigray tan iyo markii uu billowday bishii November ee 2020.  

Xabad-joojin la gaaray bishii March ayaa hakisay dhiiggii qubanayey, taasi oo ogolaatay in si tartiib ah gargaar loo gaarsiiyo gobolka oo QM ay sheegtay in malaayiin qof ay halis ugu jiraan macluul. 

Tan iyo dhammaankii June, dowladda Abiy iyo mucaaradka ayaa dhowr mar sheegay inay doonayaan inay galaan wadahadallo nabadeed balse waxay isku raaci waayeen qodobada wadahadalladaas. 

Arbacadiina, dagaal cusub ayaa ka qarxay koonfurta bari ee xuduudda gobolka Tigray, meel u dhow gobollada Amhara iyo Cafar, ayada oo labada dhinacna uu midba midka kale ku eedeeyey inuu riday xabadda koowaad.

Booliska Muqdisho oo howl-gal ka sameeyey laba degmo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay howlgal culus ka sameeyey qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, gaar ahaan degmooyinka Yaaqshiid iyo Warta Nabadda.

Howlgalladan ayaa waxaa lagu xaqiijinayey ammaanka, ayada oo lagu soo qab-qabtay rag u badan dhalinyaro, kuwaas oo lagu tuhmayo falalka amni darrada ah.

Dhalinyarada qaar ayaa la sii daayey, kadib baaritaano ay ku sameeyeen ciidamada ammaanka, halka kuwa kalena la geeyey saldhigyada Booliska ee labadaasi degmo.

Ciidamada ayaa sidoo kale baarayey gaadiidka iyo xaafadaha qaar ee degmooyinka howlgalka laga sameeyey, si loola socda dhaq-dhaqaaqa guud.

Ujeedka ayaa ahaa mid ay ciidamada ammaanka ugu kuurgaliyeen ammaanka Yaaqshiid iyo Warta Nabadda, sida ay shaaciyeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalka.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen saraakiishu inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyadaan, inta la xaqiijinayo amniga caasimadda magaalada Muqdisho.

Guddoomiyeyaasha labada degmo ee howlgallada laga sameeyey oo qayb ka ahaa baaritaanada ayaa u mahadceliyey ciidamada ammaanka iyo deegaanka ee la shaqeeyey.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyey howlgallada ka socda caasimada, kuwaas oo lagula dagaalamayo burcadda hubeysan iyo ciyaal weerada.

R/W Xamza oo ballan-qaad ka helay JAPAN + Sawirro

0

Tunis (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan magaalada Tunis ee dalka Tuniisiya ayaa kulan gaar ah la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda dalka Japan, Mudane Yoshimasa Hayashi, xilli uu dhinac kale socdo shirweynaha caalamiga ee TICAD8 ee u dhexeeta dowladda Japan iyo Afrika.

Ra’iisul wasaare Xamza iyo Yoshimasa Hayashi, ayaa kulan duceedka ay yeesheen waxay uga hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah, iskaashiga iyo wax wadaqabsiga u dhaxeeya labada dal.

Wasiirka arrimaha dibadda Japan oo madasha ka hadlay ayaa u ballan-qaaday ra’iisul wasaare Xamza in dowladdiisa ay diyaar u tahay inay xoojiso xiriirka ganacsi, amni iyo midka siyaasadeed ee ay la leedahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey inay gacan ka geysan doonaan barnaamijyada horumarineed ee wax loogu qabanayo shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa ra’iisul wasaare Xamza ayaa uga mahad-celiyay dowladda Japan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiso Soomaaliya.

Japan ayaa ka mid ah dalalka taageero Soomaaliya, waxayna xiriir wanaagsan la leedahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Si kastaba, wuxuu kulanka ku soo aadaya, xilli uu socdo shirka TICAD8 oo ay dowladda Japan ugu ta;agashay in ay ku xoojiso xiriirka ganacsi iyo midka siyaasadeed ee Afrika.

Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaano horleh

0

Janaale (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa howlgalka ATMIS ayaa maanta howlgallo culus ka sameeyey duleedka deegaanka Janaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Howlgalladaan oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah isaga kaashaday Ururada 83-aad iyo 84-aad ee guutada 14-ka Oktoobar oo garab ka helaya ciidanka ATMIS.

Ciidamada huwanta ayaa howlgalladan ku qabsaday deegaanada kala ah Malable, Siigaale, Cabanane, Beeraha baay iyo Buulo aruundi oo dhamaantood hoostaga magaalada Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo ay horey ugu sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab.

Saraakiisha milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in inta uu socday howlgalka ay khasaare lixaad leh gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab, ayna burburiyeen xarumo ay ku lahaayeen deegaannada laga sameeyey howlgallada ee ay la wareegeen ciidanka huwanta.

Sidoo kale waxa ay saraakiishu  intaasi ku dareen inay soo saareen miinooyin ay xoogaga Al-Shabaab ku aaseen waddooyinka isku xira Janaale iyo deegaannada la xoreeyey.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaas ee ay guulahga ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howlgallada lagu beegsanayo Kooxda Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Sawirro: Puntland iyo Villa Somalia oo war ka soo saaray kulamadii Garowe

0

Garowe (Caasimada Online) – Kulan casho sharaf ah ayaa caawa madaxtooyada maamulka Puntland loogu sameeyey wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh oo habeenkii sedaxaas ku hoyanaya Garowe.

Qoraal ay soo saareen Villa Somalia iyo madaxtooyada Puntland ayaa lagu shaaciyey xafladaan casho sharafta ah, mana jirto faahfaahin kale oo Puntland ay ka bixisay wadahadalladii socday.

Ugu horeyn qoraalka Villa Somalia ayaa lagu shaaciyey in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kulammo miro-dhal ah la qaatay Saddaxdii maalmood ee la soo dhaafay, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash, waxa ayna lafa gureen duruufaha ku xeeran dalkeenna, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xaqiijinta Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

“Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mudnaanta siinaya latashiyada bulshada Puntland, gaar ahaan waxgaradka, isimada, ganacsatada, dhallinyarada, haweenka iyo culimada, si uu u dhageysto talada iyo doorkooda horumarineed ee ku aaddan adkaynta dowladnimada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Warkaan ay soo saartay Villa Somalia ayaa intaas ku sii daraya, “Kulankan maamuuska ah waxaa Madaxweynaha ku weheliyey, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruuse, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), Lataliyaasha Madaxweynaha ee Arrimaha, Federaalka Mudane Axmed Cabbaas Axmed, Dastuurka Mudane Cabduraxmaan Cabdullaahi Baadiyow, Lataliyaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Dib u heshiisiinta Mudane Cali Cabdi Awaare iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan.”

Dhinaca kale qoraal ay Puntland ka soo saartay kulan caawa ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan Casho Sharaf ah ugu sameeyay xarunta Madaxtooyada, Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdiga la socda. Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Ahna Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee DFS Mudane Abshir Cumar Huruuse, Xubno ka mid ah Goleyaasha DFS, Goleyaasha Dowladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan labada Madaxtooyo Puntland iyo Soomaaliya.”

Daawo: KAMAC DUCAALE walaalkeed oo beeniyey warar laga faafiyey geerideeda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cusmaan Xasan Ducaale oo ay walaalo ahaayeen marxuum Kamac Cusmaan Xasan Ducaale oo Muqdisho ku geeriyootay ayaa waxaba kama jiraan ku tilmaamay wararka la isla dhex marayo ee sheegaya qaabka ay u dhimatay gabadhaas.

Maxamed oo muuqaal iska soo duubay ayaa sheegay inuu isaga yahay qofka ugu weyn qoyska, isla markaasna uu xaqiijinayo in waxyaabaha lagu faafiyey baraha bulshada ay yihiin waxaba kama jiran.

“Dadka geerida Kamac kaga hadlay baraha bulshada kama mid ah qoyskeena, anigaa ugu horreeya qof ka hadlay, Abaayo waa geeriyootay Allaha u naxariisto, dadka ugu horreeya ee xanuunka geerideeda ay taabanayso waa anaga, waxaana idiin xaqiijinayaa in aysan Kamac u dhiman waxyaabaha la sheegay oo dhan oo kala ah inay u dhimatay dhaxal la isku heystay ama inay u dhimatay shirqool loo maleegay,” ayuu yiri Maxamed Cusmaan.

Sidoo kale Maxamed ayaa sheegay inuu arkay dad sheegaya inay lacag u aruurinayaan qoyska Kamac, wuxuuna taas ku tilmaamay wax aan fiicneyn oo reerku wax lug ah uusan ku laheyn.

Maxamed ma sheegin sababta rasmiga ah oo ay u geeriyootay marxuum Kamac, balse wuxuu beeniyey kaliya wararka la isla dhex marayo baraha bulshada.

Taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliya, Jeneraal Sakiya Xuseen Axmed oo qoraal ka soo saartay kiiska gabadhaas ayaa sheegtay in dhimashada Kamac ay abuurtay shaki badan, ayna baarayaan.

Kamac Ducaale waxay dhalasho labaad ka heysatay dalka Norway. Wasaaradda arrimaha dibadda Norway ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay inay ka warqabto in muwaadin u dhalatay dalkeeda ay ku geeriyootay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana ehellada gabadha loo sheegay in wixii macluumaad ah ay kala xariiraan safaaradda Nairobi.