27.6 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Dalalka Yurub oo billaabay xeelad yaab leh oo Erdogan looga horkeenayo shacabka

Ankara (Caasimada Online) – Sinem Okten, oo ah weriye cayaaraha tebisa oo Turkish ah, ayay la-yaab ay ku noqotay in laba jeer laga diido codsigeeda dal-ku-galka (visa-ha) Yurub. Waxay aalaaba u bixi jirtay soo tebinta cayaaraha iyo waraysiyada cayaaryahannada caanka ah sida goolhayaha Talyaaniga, Gianluigi Buffon iyo tababbaraha Liverpool, Juergen Klopp. 

“Jarmalka iyo Faransiiska ayaan laba jeer oo is xigta ka dalbaday, wayna iga diideen,” ayay tiri. “Safarro badan ayaan dibadda ugu baxay si aan dhacdooyinka, tebinta, iyo waraysiyada cayaaraha ku saabsan usoo qabto. Waana in ka badan 50-60 jeer oo aan safarradaas galo.” 

“Laakiin diidmadan waa middii iigu horreysay oo aan la kulmo.” 

Sida tirakoob lagu muujiyay, dadka Turkida ah ee codsanaya fiisaha dal-ku-galka 26-ka dal ee Yurub ee ku mideysan aagga loo yaqaan Schengen, waxaa dhawaanahan loogu diidayay si isasoo taraysa. Qaar badanna waxaa uga baaqday safarro ay doonayeen inay galaan. 

Xukuumadda Ankara ayaa tallaabooyinkan ku tilmaantay mid lagu doonayo in Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan lagu geliyo xaalad adag kahor doorashooyinka soo aadan ee dhacaya sannadka xiga. Laakiin Midowga Yurub ayaa beeniyey eedeymahaas. 

Marka loo eego xogta mareegta schengenvisainfo.com, 16.5% dadkii codsaday fiisaha sannadkii hore waxay la kulmeen diidmo; taas oo ka badan 12.5% dadkii diidmadaas oo kale la kulmay sannadkii kasii horreeyey. Arrintan ayaa ahayd mid isasoo taraysa taniyo sannadkii 2015-ka. 

Kharashka fiisaha – oo gaaraya ilaa 100 Euro, ama saddex meelood meel kamid ah mushaharka ugu yar ee Turkiga lama soo celin karo haddii fiisaha la bixiyay iyo haddii kale.

“Guud ahaan, heerarka diidmada codsiyada fiisaha Schengen ayaa kordhay adduunka oo dhan balse marka la barbardhigo wadamada kale sida Ruushka, kobaca heerka diidmada Turkiga waa mid ka weyn oo joogto ah,” ayuu yiri Shkurta Januzi, oo ah tifaftiraha guud ee mareegta.

Simen Okten ayaa sheegtay in safaaradda Jarmalku aysan bixin sabab ay ku diiday codsigeeda. Dukuminti kasoo baxay safaaradda Faransiiska oo ay aragtay wakaaladda wararka Reuters, ayaa lagu sheegay inaysan arag caddaymo ku filan oo muujinaya in weriyaha TV-gu uu ka bixin karo qarashka muddada joogitaankeeda Faransiiska iyo in kale. 

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay inuu rumaysan yahay in waqtiyada dheeraynta iyo kororka lagu arkay heerarka diidmada ay yihiin kuwo si ula kac ah loo sameynayo. Wuxuu intaas ku daray  inuu arrintan kusoo qaaday kulamo uu la yeeshay dhigaggiisa. 

“Nasiib darro, Mareykanka iyo qaar kamid ah Midowga Yurub iyo dalalka aan EU-da ahayn waxay siiyaan muwaadiniinteenna ballamaha fiisaha hal sano ama 6-7 ilaa 8 bilood kadib. Waxay sidoo kale kordhiyeen heerka diidmada. Tani waa mid qorsheysan oo si ku tala-gal ah loo qorsheeyey,” ayuu yiri.

Cavusoglu waxa uu meesha ka saaray cudurdaarro la xiriira tallaabooyinka Coronavirus ama inaan xirfadlayaal dheeri oo ka xoojiya suuqyada Yurub loo baahneyn.  Wuxuu yiri; ‘iyada oo aan la bixin caddaymo ku saabsan diidmada fiisaha, waxaan kaliya u arkaynaa tallaabooyinkan kuwo loogu tala-galay in madaxa looga xanuujiyo Erdogan doorashada kahor.” 

Isaga oo uga digaya safiirrada Reer Galbeed cawaaqibka ay arrintani reebi doonto, wuxuu sheegay in haddii aysan xaaladdu kasoo reynin ama aan wax isbeddel ah laga sameynin inay dhankooda qaadi doonaan tallaabooyin falcelin ah. 

Nikolaus Meyer-Landrut, oo ah madaxa ergada Midowga Yurub ee Turkiga, ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in codsadayaasha fiisaha Yurub ee dalalka Schengen ay ula dhaqmaan si ay u qalmaan oo aan loo eegayn arrimo siyaasadeed, isaga oo intaa ku daray in codsiyo aan dhammaystirnayn oo suurtagal ah in la khiyaaneeyey laga arko Turkida.

“Ma jiro go’aanno lagu gaarayo arrimo siyaasadeed, balse waxaa loo qaataa arrimo kale oo hortebin inoo leh,” ayuu yiri. 

Dalxiisayaasha waa laga horjoogsaday bixitaan 

22 kamid ah 26-ka xubnood ee aagga Schengen waa wadamada Midowga Yurub. 

Turkiga iyo Midowga Yurub ayaa ku naaloonaya xiriir ganacsi oo wanaagsan iyo tobannaan sano oo soo-galooti Turkiga uga sii gudbaya Yurub. Laakiin waxaa arrinta kala dhantaalay arrimo ay kamid yihiin ilaalinta xurriyadda hadalka gudaha Turkiga iyo siyaasadda Midowga Yurub uga degsan qaxootiga Suuriya. 

Kahor cudurka faafa ee coronavirus, dalalka Schengen waxay ka heli jireen in ka badan 900,000 codsi fiisaha sanadkiiba dalka Turkiga, laakiin tiradaasi waxay hoos uga soo dhacday ilaa 270,000 sannadkii 2021.

Muwaadiniinta kasoo jeeda dalalka xubnaha ka ah Schengen lama weydiiyo wax fiiso ah marka ay booqanayaan Turkiga, waxayna qaarkood ku geli karaan kaararkooda aqoonsiga, sida lagu sheegay mareegaha wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga. 

Maaddaama in badan oo Turki ah la diidayo, hawl-wadeennada dalxiisku waxay baajiyeen safarradii caadiga ahaa, sida uu yiri Cem Polatoglu oo ah Guddoomiyaha Tur Andiamo. 

“Dhibaatooyin ayaa nasoo wajahaya, safarradeenii waa la joojiyay, waxaan qorsheyn jirnay safarro aan ku aadno Talyaaniga toddobaad walba, hadda waa inaan bixinaa labadii toddobaadba mar,” ayuu yiri Cem Polatoglu.

Marka laga soo tago dalalka Schengen, Mareykanka ayaa balanqaaday inuu ballaarin doono bixinta fiisaha dalkiisa kaddib markii wasaaradda arrimaha dibadda ay soo gaareen cabashooyin badan oo ku saabsan codsiyada fiisaha ay dalbadaan Turkida. 

Simen Okten waxay sheegtay inay sii wadi doonto dadaalkeeda ku aaddan sidii ay ku heli lahayd fiisaha.

Qiimayn: Madaxweyne Xasan Sheekh 100 maalmood kadib

0

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dowladdiisa ay haatan 100 maalin jirsatay, waxaa uu ku guuleystay inuu qabto hawlo badan oo hortabin u lahaa maamulkiisa, una badnaa boogadhayid iyo hagaajinta hillinka dowladnimada, isaga oo heshiis la galay dhammaan dalalkii uu xiriirkoodu mugdiga geliyey maamulkii hore, sidoo kalana kalsooni geliyey maamullada iyo Soomaalida gudaha, siyaasad cadna ka yeeshay arrimaha amniga, dhaqaalaha, bulshada iyo arrimaha dibadda, waxaa uuna qodxaha ka leexiyey xukuumadda cusub ee ra’iisulwasaare Xamze Barre si ay u gudato fulinta siyaasadaha lixda tiir.

(1). Dib-u-xoreynta iyo sugidda amniga: Madaxweyne Xasan Sheekh, tan iyo markii la doortay waxaa uu ku mashquulsanaa dib u habeynta hey’adaha amniga iyo sharciyadooda oo ay ugu horreyso hey’adda nabadsugidda taas oo hummaag badan ku jiray shaqadeeda sannadihii tagay, waxaa kale uu kormeer ku tagay xarumaha wasaaradda gashaandhigga iyo booliiska isaga oo labada hey’adoodba kala hadlay in maamulkiisa uu ahmiyad siinayo arrimaha amniga oo ay kow ka tahay dib u xoreynta dalka.

Madaxweynaha siddeed safar oo dibadda uu ku tagay, amniga waxaa uu ahaa waxyaabaha hortabinta u leh, gaar ahaan dalka Eritrea oo ciidamo shan kun oo Soomaali ah oo uu u tagay, kalana hadlay hawlaha sugaya ee dib u xoreynta dalka, waxaa kale oo qorshihiisa dib u xoreynta dalka uu hordhigay dalalka amni ahaan taageera Soomaaliya sida Djibouti, Kenya, Uganda Turkiga iyo Masar.

Dhanka gudaha, madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu heegan geliyey maamullada dalka isaga oo damaciisa ah dib u xoreynta dalka kala hadlay dowlad goboleedyada sida shirkii caasimadda Muqdisho ka dhacay May 17  iyo shirkii kale ee wadatashiga qaran ee June 11, waxaa intaas dheer shirka golaha amniga ee August 23, 2022.

Dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Hiiraan iyo Galgaduud ayaa qeyb ka ah sida dowladda ugu kacday la dagaallanka kooxdaasi, iyada oo wasiirka gashaandhigga, taliyeyaasha iyo hoggaannada amniga ay horsocdaan ciidanka ku jira dagaalka.

Siyaasadda amniga ee madaxweyne Xasan Sheekh waxaa ugu weyn kalsooni siinta ciidanka, awoodsiintooda isaga oo mushaar iyo garaaddaba usoo celiyey saraakiil iyo ciidan badan oo uu kutakrifal awood ku sameeyey maamulkii Farmaajo.

(2). Soomaali heshiis ah: Madaxweyne Xasan Sheekh, waxyaabaha hortabinta u leh waxaa ka mid ah in Soomaali heshiis ahaato, isaga oo taasi ka duulaya ayuu safarro ku tagay illaa saddex dowlad goboleed sida Koonfur galbeed, Galmudug iyo Puntland, waxaa uuna 100-kiisa maalin ee ugu horreeyey labo jeer la kulmay madaxda dowlad goboleedyada oo dhammeystiran taasi oo ku tuseysa siyaasaddiisa ku saleysan wadatashiga, kalsooni gelinta iyo midnimada.

Kullamada uu Madaxweyne Xasan la galay maamul goboleedyada, safarro uu ku tagay qaar May(Baydhabo), June(Dhuusamareeb) iyo August(Garoowe) iyo ka qeybgelinta bulshada maamulladaasi iyo la tashigooda waxaa ay horseedeen inuu taageero ku helo dib u xoreynta dalka, iyo xataa arrimo soo socda sida dhammeystirka dastuurka, daadejinta federaalka iyo doorashooyinka.

(3). Isku filnaanshiyo dhaqaale:  Madaxweyne Xasan 100-kiisa maalin ee ugu horreysay waxaa uu hillin fiican u sameeyey dhaqaalaha isaga oo soo celiyey xiriirkii iyo kalsoonida Soomaaliya iyo hey’adaha lacagta sida IMF iyo Bangiga adduunka isaga oo kulan la yeeshay madaxdooda.

In Soomaaliya loo fasaxo lacago xayirnaa, midowga Yurub iyo Mareykanka ay soo celiyaan kabkii iyo lacagihii ay joojiyeen iyo in dalal sida Imaaraadka iyo Turkiga ay kabaan miisaaniyadda 2022-ka, dhammaan waxaa ay ku tusineysaa in Soomaaliga ka gudubtay kalsooni darradii, hubanti la’aan iyo qalalaasihii maaliyadeed ee laga dhaxlay maamulkii Farmaajo.

Madaxweyne Xasan keliya ma soo celin  kalsoonida maaliyadeed ee beesha caalamka, ee waxaa uu qaaday tallaabooyin kuu ifinaya sida maamulkiisa uga go’antahay in la helo maalgeshi gudaha iyo dibadda, sida kulamada uu la yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed iyo sidoo kale heshiisyadii dhaqaale ee uu la soo galay inta badan siddeeddii dal ee uu safarrada ku tagay.

Madaxweyne Xasan Sheekh keliya ma aha inuu doonayo in Soomaaliya ay siyaasad ahaan dunida u furfurnaato, ee ka qeybgalkiisa shirka  East African Community (EAC) iyo codsigiisa ku aaddan in dalkeena uu xubin ka noqdo ururkaasi, waxaa kale oo caddeyn u tahay meesha uu la rabo Soomaaliya.

(4). Horumarinta Arrimaha bulshada: Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa u muuqata inuu helay boogta ay ka hormari la’dahay Soomaaliya isaga oo ogaaday in si bulshada loo hormariyo ay muhiim tahay in laga hortago musiibooyinka, lana dhowro cimilada Soomaaliya.

Wasaaradda Bey’ada iyo Cimilada oo uu dhisay iyo wareegtada uu ku meelmariyey madaxda hay’adda maaraynta musiibooyinka waxaa ay tusaale u yihiin inuu u soo jeestay ciribtirka isirka dhibaato kasta oo bulshada heysata.

Madaxweyne Xasan waxaa uu shaqo fiican ka qabtay arrimaha abaaraha oo ku yimid kaddib afar xilli oo roob la’aan ahaa, isaga oo ergey gaar ah u magacaabay arrinkan, iyada oo ergeygana uu indhaha caalamka kusoo jeediyey dhibaatada abaarta oo gaartay heerka macluusha iyada oo hal milyan ay ku barakaceen gudaha halka ay siddeed milyan la il daran yihiin abaarta, tani waxaa ay horseedday in la helo ballanqaadkii ugu badnaa oo abaarta wax looga qabanayo islamarkaana yabooh badan laga sugyo dalalka Mareykanka, UK, midowga Yurub, dunida muslimka iyo meelo kale.

Madaxweyne Xasan iyo maamulkiisa ayaa sidoo kale ku baraarugsan amniga cuntada ee ay dunida wajaheyso kaddib Covid 19 iyo dagaalka Ukrain, waxaana muuqata in arrintaasi laga dejiyey siyaasad fulinteedu ay socoto.

May 27, 2022:, waxaa uu madaxweynaha  ku dhawaaqay hindisaha shaqa abuurka dhallinyarada ee dowladda, waxaa ayna taasi daliil u tahay in maamulka cusub ka go’antahay shaqabuurka dhallinyarada.

(5). Soomaali Dunida Heshiis la ah: Iyada oo laga duulayo halkudhegga ah “Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah”, Madaxweyne Xasan waxaa uu 100-kiisa maalin ee ugu horreysay u safray 8 dal, 5 ka mid ah waxaa uu ku tagay dalalka geeska iyo Bariga Afrika, in ka yar 25 maalin uu ku maqnaa dalkaasi ayuu soo dhayey dhammaan daannooyinkii uu geystay maamulkii Farmaajo isaga oo weliba keenay heshiisyo cusub oo leh 50  faa’iido iyo guulo taariikhi ah, oo noqon doono dhaxal dhan walba ah.

Dalalka uu Madaxweyne Xasan booqday waa Imaaraadka 19-06-2022, Turkiga, 03-07-2022, Eritrea 09-07-2022, Kenya 15-07-2022, Djibouti 16-07-2022, Tanzania 21-07-2022 , Masar 24-07-2022 iyo Uganda 08-08-2022.

Madxweyne Xasan Maxamuud inta aanu dibadda aadin, waxaa uu marka hore caasimadda kula kulmay dhammaan diblomaasiyiinta shisheeye, isaga oo ku wargeliyey siyaasadda maamulkiisa ah oo ah Soomaali dunida heshiis la ah.

Dalalka uu Madaxweyne Xasan tagay ee mugdi jiray iyo xiriirkii xumaa uu meesha ka saaray waxaa ka mid ahaa Imaaraadka, Masar, Kenya iyo Djibouti, iyada oo dalka dambe uuba guddoonsiiyey billad sharafta dalka ugu sarreysa.

Dalalka Imaaraadka iyo Turkiga waxaa ay kabi doonaan miisaaniyadda, waxaa kale oo xusid mudan in dammmaan dalalkaasi ay qeyb ka geysan doonaan taageerada amiga iyo la dagaallanka Al-shabaab.

Heshiisyo 50 qodob kor u dhaafaya ayuu madaxweyne Xasan Sheekh la gaaray madaxda dhammaan dalalka uu booqday kuwaas oo isugu jira arrimaha amniga, dhaqaalaha, bulshada iyo qaar kale.

Imaaraadka , madaxweyne Xasan Sheekh ayaa afarta maalin uu joogay halkaasi ku guuleystay (1). Caadiyeynta xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi. (2). Abuurista kalsoonida labada dal (3). Isfaham ah in dib loo billaabo ganacsiga tooska ah (4). In dadka Soomaaliyeed loo fududeeyo fiisayaasha UAE (5) Soocelinta maalgeshiga Imaaraadka ee gudaha Soomaaliya (6). Soocelinta kabkii ay Imaaraadka kabi jireen miisaaniyadda Soomaaliya. (7) Imaaraadka oo abaarta ka jirta Soomaaliya ugu deeqay 20 Milyan oo Dirham (8). Dib u furista Isbitaalka Sheekh Zaa’id ee Muqdisho, kaas oo ugu yaraan maalintii 400 oo masaakiin ah ay si bilaash ah ku heli jireen adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah (9) Imaaraadka oo gacan ka siin doona Soomaalida amniga, gaar ahaan la dagaallanka argigixisada iyo (10) Iskaashi dhinacyo kale oo horumarineed ah.

Turkiga: Maalmaha uu madaxweyne Xasan joogay Turkiga waxaa uu booqasho dhiirrigelin ah u sameeyey ciidammo Soomaaliyeed oo tababar u jooga gobolka dhaca galbeedka dalkaasi ee Isparta, isaga oo kaddibna la kulmay madaxweyne Erdogan iyo qeybo ka mid ah bulshada rayidka ah ee dalkaasi, natiijada socdaalkaasi waxaa ugu muhiimsanaa: (1). Adkeynta xiriirka labada dal. (2). Kala saxiixad heshiisyo amni, oo ay ku jirto ka gacansiinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada. (3). Fududeynta ganacsiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga (4). Iqaamada iyo ganacsiga in loo sahlo Soomaalida ku nool Turkiga. (5). Maalgeshi ay Turkiga ku sameystaan Soomaaliya. (6). Turkiga oo labolaabay kabkii miisaaniyadda Soomaaliya. (7). In si rasmi ah Soomaaliga looga furo Bangiga Ziraat Katilim oo noqon doono bangigii ugu horreeyey oo caalami ah oo ka halwgala gudaha Soomaaliya. (8). In Turkiga ay garab ku siin doonto Soomaaliya dib ugu soo noqoshada saaxada caalamiga iyo arrimo kale.

Eretera: Warmurtiyeedka oo 7 qodob ahaa oo labada dhinac saxiixeen waxaa ugu muhiimsanaa (1) In la dhiirrageliyo xiriirka bulsho ee labada dhinac, gaar ahaan qurbojoogta. (2).  Xoojinta xiriirka siyaasadeed iyo midka diblomaasi iyo ka wada shaqaynta, ilaalinta iyo horumarinta danaha labada dal.(3). Ballaarinta wadashaqaynta xiriirka dhaqaale iyo midka bulsheed, iyada oo ahmiyadda la siinayo ganacsiga, maalgashiga, amniga biyaha, beeraha, kalluumeysiga, caafimaadka iyo  waxbarashada. (4). Dhiirragelinta dhaqanka, suugaanta iyo ciyaaraha iyo sidoo kale wadashaqayn la xiriirta xagga cilmiga iyo teknoolojiyadda. (5). Ka wada shaqaynta, ka hortagga iyo kor u qaadista wacyigelinta la xiriirta  Deegaanka, Cimilada iyo cudurrada faafa.(6). Ka wada shaqaynta kor u qaadidda difaaca, amniga iyo ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo Amniga. (7). Isku dayga in si wadajir ah loo horumariyo xiriirka diirran, wadashaqaynta iyo dhaqaalaha ee Gobolka Geeska Africa.

Kenya: Madaxweyne Xasan Sheekh inta uu joogay Nairobi waxaa uu kulammo la yeeshay madaxweyne Uhuru Kenyatta, iyaga oo kala saxiixday heshiis 11 qodob ah oo ay ugu muhiimsanaayeen (1). Ahmiyadda xiriirta taariikhiga ah iyo masiirka midka ah ee labada dal ee ku saleysan nabadda, horumarka iyo ilaalinta qarannimada iyo midnimada dhuleed ee dal weliba. (2). Adkeynta xiriira labada dal (3). Heshiis ah dagaal ka dhan ah argagixisada si loo ilaaliyo bedqabka bulshada labada dal (4). In beesha caalamka ay kala shaqeeyaan wax ka qabashada abaarta ka jirta Geeska Afrika (5). Kenya Airways ay duulimaad toos ah ka billowdo Nairobi-Mogadishu (6). In labada dal ay isdhaafsadaan ganacsiga Mallayga iyo dib u furista qaadka Kenya (7). Fududeynta fiisaha heerarkiisa kala duwan (8). Furiska xadka labada dal si uu u fududaado dhaqdhaqaaqa bulsho ee labada dhinac iyo arrimo kale.

Djibouti: Madaxweyne Xasan Sheekh inta uu joogay Djibouti waxaa heshiisyada uu la galay ka mid ahaa (1). Adkeynta xiriirka labada dal (2). In la iska kaashto xoojinta amniga, wax-wada-qabsiga, is-dhexgalka dhaqaalaha iyo in si wadajir ah looga faa’iideysto fursadaha ka jira gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan Qaaradda.(3). Maalgeshiga iyo ka faa’ideysiga kheyraadka (4). Ladagaallanka wadajirka ah ee argigixisada. (5). In isku aragti laga noqdo arrimo badan oo gobolka iyo caalamka ah. (6). Xoojinta iskaashiga dhaqanka, afka iyo diinta.

Tanzania: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu safarkiisa lixaad ku tagay dalka Tanzania, isaga oo ka qeybgalay shirka bahda  East African Community (EAC), isaga oo khudbad uu ka jeediyey ka dalbaday 7bada dal ee xubnaha ka ah ururkaasi in ay aqbalaan xubinnimada Soomaaliya.

Ururka EAC oo ay xubno ka yihiin Democratic Republic of Congo, Burundi, Kenya, Rwanda, South Sudan, Uganda iyo Tanzania, waxaa ku nool in ka badan 300 milyan oo muwaaddin iyo dhul dhan 4.8 million square kilometres.

Madaxweyne Xasan waxaa khudbaddiisa ku jirtay inuu doonayo in dhaxalka uu doonayo inuu ka tago ay qeyb ka tahay Soomaaliya oo xubin ka ah ururka EAC, haddii ay dhacdana waxaa uu dalkeenu heli doonaa horumarro dhaqaale oo dhinacyo badan leh.

Masar: Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu Masar kala heshiiyey horumarinta arrimaha amniga iyada oo Soomaaliya laga hirgeliyey Bankiga Masar, waxaa intaas dheer in la iska kaashado arrimo badan oo dunida iyo gobolka ah.

Uganda: Madaxweyne Xasan waxaa uu sidoo kale Uganda kula heshiiyey arrimo amni, dhaqaale iyo bulshada, isaga oo mideeyey ganacsatada labada dal isla markaana hubiyey iskaashi dhinacyo badan oo horseedi doono hormar labada dhinac ah.

Xigasho: Goobjoog News

Mucaaradka Somaliland qaarkood ‘oo ogolaaday’ muddo kordhin loo sameeyo madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa waraysi uu siiyay laanta af-Soomaaliga ee BBC ku sheegay in xisbigiiga uu oggol yahay in muddo kordhin farsamo ah loo sameeyo xukuumadda Somaliland. 

Injineer Faysal ayaa dhanka kale soo dhaweeyay talooyin ay Khamiistii soo jeediyeen guddi ka kooban ganacsatada Somaliland oo soo jeediyay in doorashada madaxtooyada iyo tan ururada ay mar qura wada dhacaan. 

“Farsamo ahaan way yara durkaysaa [doorashada] sidii 2009-kii, laakiin waxaanu jecelnahay in aanay lix bilood ka badan. Beesha caalamku waxay nagu tiri afar ilaa lix bilood wixii ka badan sumcad xumo ayay idiin soo jiidaysaa. Marka farsamo ahaan waan oggol nahay wixii durkin ah,” ayuu yiri guddoomiyaha UCID.

Xisbiga Waddani oo marar badan sheegay in aanu aqbali doonin muddo kordhin loo sameeyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaan dhankiisa weli ka hadlin talooyinka guddiga ganacsatada ah ay ka soo jeediyiin xallinta khilaafka siyaasadeed ee hareeyay Somaliland. 

Mudaharaad ay xisbiyada mucaaradka uga soo horjeedaan xukuumadda oo magaalooyin kamid ah Somaliland ka dhacay 11-kii bishan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 5 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 100 qof, sida uu sheegay Madaxweyne Muuse Biixi. 

Khilaafka Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa doonaya in Somaliland ay ka dhacdo doorasho lagu kala saarayo ururada siyaasadda ee dhawaan is diiwaangeliyay, kadibna kuwa soo baxa ay galaan doorashada madaxtinnimada ee loo asteeyay bartamaha November ee sanadkan.

Mucaaradka ayaa arrinkaa diiddan, waxaana ay doonayaan in marka hore ay dhacdo doorashada madaxtooyada, iyagoo ku doodaya in aanu jirin sharci nidaaminaya furidda ururada iyo doorashadooda.

Dedaallo ay wadeen odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Somaliland oo xal loogu raadinayay khilaafkan ayaa guuldarro ku dhammaaday. Lama oga sida ay dhinacyada u aqbali doonaan soo jeedinta guddiga ay ku jiraan ganacsatada ugu caansan Somaliland.

Beesha Caalamka, gaar ahaan dalalka daneeya Somaliland, ayaa xukuumadda iyo mucaaradkaba ugu baaqay inay dejiyaan xaaladda, kadib dibedbaxyadii khasaaraha dhaliyay ee 11-kii bishan ka dhacay magaalooyin ay kamid tahay Hargeysa.

Taariikhda Xeerka Ururada

Xeerka Nidaaminta Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda waxa la ansixiyay sanadkii 2000 (Xeer Lr. 14/2000). Waxa uu bilaw u ahaa hanaanka geedi-socodka xisbiyada badan ee Somaliland kaga guurtay shir beeleedyada. Dastuurka Somaliland qodobka 9aad waxa ku qoran in nidaamka siyaasadeed ee Somaliland yahay hanaanka xisbiyada badan iyo in aan xisbiyadu ka badan karin sadex.

Xeer Lr. 14/2000 waxa uu jideeyey habka ay ku tartami karaan ururada cusub si ay ugu gudbaan xisbiyo, kaas oo ahaa in ay ku tartamaan doorashada golayaasha deegaanka. Doorashadii koowaad waxa la qabtay sanadkii 2002. Waxa ku soo baxay xisbiyada kala ah UDUB, UCID iyo Kulmiye.

Xeerka waxa wax-ka-bedel lagu sameeyey sanadkii 2011 kadib markii madaxwaynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo u saaray guddi ka talo bixisa. Gudidu waxa ay ku talisay in ururada la furo, iyada oo xeerka lagu kordhiyay in tobankii sanadood ba hal mar la furo ururo cusub.

Waxa la qabtay doorashadii golayaasha deegaanada sanadki 2012 kaas oo ay soo baxeen xisbiyada kala ah UCID, Kulmiye iyo Waddani.

Tobanka sanadood ee ruqsadooda xisbinimo waxa ay ku eg tahay dhammaadka sanadkan 2022. 

Isha: BBC SOMALI

BOOLISKA oo war kasoo saaray kiiska Kamac Ducaale – Gabadha dalka Norway ka timid ee lagu dilay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay inay baarayaan geerida gabar dhallinyaro Soomaaliya ah oo sidoo kale haysatay dhalashada dalka Norway,  taasi oo ku dgeeriyootay magaalada Muqisho ee caasimadda Soomaaliya.

Gabadhan oo lagu magacaabay Kamac Ducaale ayaa meydkeeda la helay, balse weli ma cadda cidda dishay iyo sababta loo dilay.

Taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliya, Gen. Sakiya Xuseen Axmed, oo qoraal soo dhigtay barteeda Facebook, ayaa sheegtay in baarista kiiskaan uu ku jiro gacanta booliska, sidaas darteed dadka laga rabo inay joojiyaan wararka ay ku faafinayaan baraha bulshada.

Taliyaha ayaa sheegtay in wararka la faafinayo ay lumin karaan macluumaadka saxda ah ee la xiriira kiiskaan.

Warka kasoo baxay taliyaha ayaa yimid kadib markii wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Norway ay sheegtay inay la socoto in muwaadin kasoo jeedo wadankeeda uu ku dhintay gudaha magaalada Muqdisho.

Mathias Rongved oo ah sarkaal katirsan wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegay inay waqti dheer ku qaadanayso in si rasmi ah ay u xaqiijiyaan geerida gabadhan.

Sidoo kale, Norway ayaa ehellada marxuumadda ugu baaqday inay la xiriiraan safaaradda ay ku leedahay dalka Kenya, si ay u helaan macluumaadka ku saabsan gabadhooda.

Geerida gabadhaan ayaa waxaa maalmo ka hor lagu faafiyey baraha bulshada, waxayna warar aan la xaqiijin sheegayaan inay u geeriyootay daryeel xumo caafimaad kadib markii ehelkeeda ay geliyeen xabsi guri.

Halkaan hoose ka akhriso warka kasoo baxay Zakiya.

Wargelin;

Baarista kiiska marxuumad Kama Ducaale waxuu ku jiraa gacanta boliiska. Fadlan joojiya postiyada kala duwan oo kiiska ku saabsan madaamo saameyn lid ah ku yeelan karo baarista sidoo kalena lumin kara maclumaadka saxda ah ee kiiska.

Dhammanteen waxaan dooneynaa Kama inay cadaalad hesho madaamo ahayd gabar Soomaliyeed, lkn dhiigeeda haka dhiganina wax “like/share/followers” lagu raadsado.

Hadii aad heysid maclumaad sax ah fadlan igala soo xiriira dhanka messenger-ka.

Mahad badan,

Sirtii lagu soo helay weerarkii ay FBI-da ku qaaday guriga Trump oo la shaaciyey

0

Washington (Caasimada Online) – Weerarkii yaabka lahaa ee FBI-da ku qaaday guriga madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ee gobalka Florida, waxaa uu ka dhashay dib-u-eegis lagu sameeyay sanaadiiq 15 gaaraya oo ay ku jiraan dukumentiyo xasaasi ah. 

Waxaa ku jira macluumaad iyo xog sir ah oo ay kamid yihiin shaqsiyaad ilaha sirdoonka katirsan. 

FBI-da, oo adeegsaneysa waraaqaha sharciga ee loogu qiil dayey weerarkii 8-dii Ogosto ee Mar-a-Lago oo ah halkii uu Donald Trump ka dhigtay madaxtooyadiisa muddadii uu xukunka hayay, ayaa sheegtay inay baaris ku sameynayso sababta loo qaaday iyo habraacii loo maray keydinta aan habboonayn ee macluumaadka sirta ah iyo ‘qarinta sharci-darrada ah ee diiwaannada dawladda.’ Redact

Dokumentiyasa FBI-da oo si weyn loo soo koobay ayaa Jimcihii lasii daayay kadib amar uu bixiyey garsoore ku sugan gobolka Florida.

Weerarka aan caadiga ah ee guriga madaxweynihii hore lagu qaaday ayaa huriyey dab siyaasadeed oo ka taagan Maraykanka ayada oo si weyn loogu kala qeybsamay.

Donald Trump, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, islamarkaana darsaya inuu tartan kale u galo Aqalka Cad sannadka 2024-ka, ayaa Waaxda Cadaaladda oo hoos tagta Madaxweyne Joe Biden ku eedeeyay inay sameysay ‘ugaarsi indha-sarcaad ah.’ Wuxuuna yiri; “xaakinku waxay ahayd inuusan weligiis oggolaan in gurigayga lasoo galo.”

Sida ku cad dokumentiga, FBI-da waxay furtay baaritaanka kadib markii Maamulka Kaydka iyo Diiwaanka Qaranka (NARA) uu ogaaday bishii Janayao 2022 15 sanduuq oo diiwaanno ah oo si khaldan looga saaray Aqalka Cad loona qaaday Mar-a-Lago.

FBI-da waxay sheegtay in xogta difaaca qaranka ee xasaasiga ah ay kamid tahay diiwaanka la helay oo ay ku jiraan 67 dukuminti oo lagu calaamadeeyay qarsoodi; waxaa kale oo lifaaqu caddaynaya 92 dukumenti oo sir ah iyo 25 kale oo ah sir culculus. 

Dukumentiyada waxaa kamid ahaa xog sirdoon oo laga helay shaqsiyaad qarsoodi ah, oo ay ka mid yihiin basaasiin ama ‘ilbaadayaal’ iyo xog-bixiyayaal. Xogahan ayaa kamid sirta dowladda ee sida adag loo ilaaliyo. 

“Diiwaanada aadka sirta u ahaa waa la fura, waxaa lagu dhex daray diiwaanno kale oo si aan habbooneyn loo meeleeyey,” sida lagu sheegay warqadda FBI-da. Dukumentiyada qaar ayaa sidoo kale ku jiray kuwo laga dheehan karay qoraallada farta Donald Trump.” 

Bishii Juun, sida ku cad qoraalka FBI-da, Waaxda Caddaaladdu waxay ku wargelisay qareenka Donald Trump inaan loo idmin inuu Mar-a-Lago ku kaydiyo xogo gaar ah. 

Markii ay weerareen dhismaha Trump ee Palm Beach laba bilood kadib, wakiillada FBI-du waxay qabteen dukumentiyo kale oo lagu calaamadiyay xarfaha – ‘sirta sare,’ sir iyo mid lagu kalsoonaan karo.

Warqad uu 25-ka bishii March, 2022 u diray Waaxda Caddaaladda oo ay weheliso dhaar, qareenka Trump ayaa sheegay in xogaha gaarka ay yihiin kuwo si ogaal la’aantooda ah loogu daray sanduuqyada. 

Qareennada dowladda ayaa kasoo horjeestay sii deynta warqadda FBI-da, hayeeshe garsooraha ayaa amar ku bixiyay in la shaaciyo. Waaxda Cadaaladda ayaa sheegtay inay lagama maarmaan tahay si loo ilaaliyo baaritaanka socda ee ku lugta leh amniga qaranka inaan warqadda la baahin.

Soo koobista dokumentiga 38-ka bog ka kooban waxaa kamid ahaa, tusaale ahaan, meesha laga saaray magacyada wax ay Waaxda Caddaaladdu ku sheegtay inay ahaayeen ‘tiro muhiim ah oo markhaatiyo rayid ah’.

“Haddii aqoonsiga markhaatiga lasoo bandhigo, waxaa loo geysan karaa waxyeello ay kamid yihiin aargoosi, caga-jugleyn, ama handadaad, iyo xataa khataro loo geysto badbaadadooda jireed,” ayay tiri Waaxda Cadaaladda.

Amarka baaritaanka, oo uu si shaqsi ah u ansixiyay Xeer Ilaaliyaha Guud, Merrick Garland, ayaa u fasaxday FBI-da inay baarto “xafiiska 45” – oo tixraac u ah xafiiskii u gaarka ahaa Madaxweynihii 45-aad ee ku yiilay Mar-a-Lago – iyo qolalkiisa kaydka.

Waxay sheegtay in baaritaanku uu la xiriiro ‘si bareer ah u haynta macluumaadka difaaca qaranka,’ oo ah dembi marka loo eego sharciga basaasnimada, iyo suurtagalnimada is-hortaag ka dhan baaritaan federaal.

Marka laga soo tago baaritaannada New York ee ku saabsan hab-dhaqankiisa ganacsi, Trump waxa uu wajahayaa baaritaan sharci oo ku saabsan dadaalkiisa uu ku doonayo inuu meesha kaga saaro natiijada doorashadii November 2020, iyo weerarkii Janaayo 6, 2021 ay taageerayaashiisu ku qaadeen Aqalka Capitol ee Congress-ka Mareykanka.

Trump ayaa mar labaad oo taariikhi ah waxaa xilka ka xayuubin ku sameeyay Aqalka Congress-ka kadib rabshadihii Capitol. Waxaana lagu eedeeyay inuu kiciyay kacdoon — balse aqalka senate-ka ayaa wax dambi ah ku waayay.

Deni oo laba shardi oo adag hor dhigay Xasan Sheekh iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya inay halkaas ka socdaan kulamo xasaasi ah uu dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Cabdullaahi Deni.

Kulamada oo ah mid albaabada u xiran yihiin islamarkaana socda in ka badan 24 saac oo xiriir ah, ayaa waxaa naga soo gaaray xog ku saabsan qaar ka mid ah arrimaha looga hadlay.

Sida aan xogta ku helnay, madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa diiday in kulanka ay qeyb ka noqdaan wafdigii la socday madaxweynaha, wuxuuna taas badalkeeda dalbaday inuu kulanka ahaado mid labadooda u gaar ah.

Madaxweyne Deni ayaa xataa diiday inuu kulanka qeyb ka noqdo wasiirka arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse, oo deegaan ahaan Puntland kasoo jeedo, balse ay horey ugu loolameen siyaasadda xisbiyada Puntland.

Sidoo kale, xog aan helnay ayaa sheegaysa in madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu dalbaday in madaxweyne Xasan Sheekh oo wax kama jiraan kasoo qaado dhammaan xeerarkii ay horey u ansixisay dowladda hore ee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida xeerka batroolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa aqbalay codsiga Saciid Deni ee ah inuu kulanka noqdo mid labadooda u gaar ah balse illaa hadda lama oga go’aanka uu ka qaatay arrinta la xiriirta in meesha laga saaro xeerarkii ay ansixisay dowladdii hore.

Safarka madaxweynaha oo qorshu ahaa inuu Maanta soo gabagaboo ayaa waxaa laga yaabaa inuu qaato waqti dheeri ah maadaama ay wada-hadalada noqdeen kuwa adag.

Dhanka kale, xildhibaan ka tirsan barlamaanka Puntland ayaa madaxweyne Deni ku eedeeyay inuu diiday in madaxweyne Xasan Sheikh uu  kulmo bulshada rayidka.

Daawo: Dadweyne careysan oo maanta xirtay waddo ku taalla Muqdisho + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Darawallada gaadiidleyda ka shaqeeya dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa maanta dhigay dibad-bax ballaaran oo ay uga cabanayaan dhibaato ay sheegeen inay ku hayaan askarta dowlada Soomaaliya ee ku sugan caasimada.

Dibad-baxa ayaa ka dhashay dil maanta loo geystay darawal ka soo baxay dekedda oo waday gaari xamuul ah, kaas oo uu rasaas ku furay askari ka tirsan ciidamada dowladda.

Darawallada oo ka carooday dilka marxuumka ayaa xirtay waddada Fintu una October, halkaas oo ay ka dhigeen dibad-bax weyn oo cabasho ah.

Qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in marxuumka loo dilay bixinta lacag baad ah darteed, sida u hadalka u dhigeen.

“Ninkii labaad waayey oo nagala diloobo, ninkii dilayna wuu baxsaday, wixii lagu dilay ayaana la rabaa,” ayuu yiri mid ka mid ah darawallada ka shaqeeya dekedda weyn.

Sidoo kale waxa ay darawalladaani baaq culus u direen dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka dalbadeen inuu wax ka qabto arrintaan.

“Laga soo bilaabo Taleex, illaa dekedda waxaa taagan askar, haddaadan lacag siinin inay ku dilaan oo gaariga kaala dagaan oo ku garaacaan waayey, Mudane madaxweyne codsi iwaayey arrintaan wax ka qabo,” ayuu yiri darawal kale ka hadlay goobta dibad-baxa.

Inta badan ciidamada dowladda ayaa dilal ka geysta gudaha magaalada Muqdisho, xilliyada ay marayaan waddooyinka waa weyn ee ku dhex-yaalla gudaha caasimada.

Xog: Xasan oo ka fakaraya in Ahlu-Sunna qeyb ka noqoto qorshe uu damacsan yahay

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuuli doona, sidii dowladdiisu ay kaga takhalusi laheyd cadowga keliya ee muuqdo, ee ay maanta dadka Soomaaliyeed leeyihiin, waa Shabaab’e.

Madaxweynaha ayaa abaabulaya guluf saf ballaaran oo lagu qaado kooxaha mintidiinta, iyadoona uu yoolku yahay in kooxahaasi laga saaro deegaanada ay dalka kaga sugan yihiin, si taasi loo gaarana, waxa uu iskaashi kala samayn doonnaa dhammaanba dhinacyada ku habboon.

Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe waa mid ka mida dhinacyada ay Villa Somalia u aragto in ay dowladdda ka caawin karaan wiiqitaanka Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka fekerayo, haddii Ahlu Sunna uu dagaalka ku soo biirin lahaa iyo haddii kalaba, isagoona arrintaasi wadatashi ka gelinaya Wasiirka 1aad ee Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre, ka hor inta aanu go’aansan, suurtagalnimada xiriir toos ah oo uu la sameeyo Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna Waljameeca, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax iyo Madaxii hore ee Xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, inkastoo la fahamsan yahay halka ay kala jooggaan Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Madaxweyne Xasan Sheekh oo 2-dii bishii June gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa reer Galmudug ka dalbaday inay hormuud ka noqdaan dagaalka dalka looga ciribtirayo kooxaha jid iyo jihadiidka.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Gudaha, Axmed Macalin Fiqi uu soo jeediyay in Ahlu Sunna oo muddooyinkii ugu dambeysay saldhig ka sameysatay deegaanka Bohol oo dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb laga soo qaybgeliyo dagaalka, bacdamaa Xertii Ahlu Sunna ee kala ambaday, haatana ku sugan Wisil iyo Baxdo ay door firfircoon ku lahaayeen jabkii Shabaab ka gaaray weeraradii ay sanadkii hore iyo sanadkanba ka gaysteen deegaanadaasi.

Dhawaan daraasad uu daaha ka rogay Machadka SPA (Somali Public Agenda) ee fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho ayaa lagu ogaaday in Ahlu Sunna ay weli tahay cudud ciidan oo xoog leh.

“Ahlu Sunna Waljameeca ciidan ahaan hadda lagama adkaanin, inta laga adkaaday hoggaankoodii lama soo qaban, ciidamadii ka tirsanaa lama soo qabanin, lamana afjarin jiritaankoodii. Way jiraan oo waa xoog jira oo hubeysan oo joogga, kuna uruursan hadda qaybo ka mida Galmudug,” ayuu yiri Agaasimaha Machadka SPA, Farxaan Isaaq Yuusuf oo ka hadlayay kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho, laguna soo bandhigay daraasaddaasi.

Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, Cabdisalaan Aadan Xuseen ayaa wareysi uu mar sii horreysay siiyay BBC waxa uu ku yiri “Ahlu Sunna Waljameeca taladeedu waxa ay tahay in qaabkii ay u shaqeynayeen, oo ahayd inay cadowga ka dulqaadaan ummadda Soomaaliyeed, dadkooda iyo shacabkoodana ay u hiiliyaan mar kasta, oo ay uga baahdaan. Hadafka Ahlu Sunna Waljameeca ay mar kasta u taagan tahay waa hadaf cad, oo ah in laga la dagaalamo cadowga ummadda Soomaaliyeed dhiigga ka jaqaya.”

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya inaanay Ahlu Sunna doonayn dagaal ay la gasho Maamulka Madaxweyne Qoorqoor, balse taasi bedelkeeda ay door bidayaan in ay ka wada hadlaan shirqoolo ay aaminsan yihiin in Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay kaga saartay Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb, horaantii sanadkii 2020.

Ahlu Sunna oo dhowr iyo toban sano ka arrimineysay Gobolada Dhexe ayaa ku guuleysatay in dhulkii ay maamuleysay ka dhigto mid ka caagan weerarada kooxaha argagixisada, tani oo lagu macneeyay, iyada oo si wanaagsan u garaneysa xeeladda dagaalka ee mintidiinta, waana Ahlu Sunnada lagu tilmaamo in ay shacabka Soomaaliyeed bartay in lala dagaalami karo argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muuqaal uu habeenkii Talaadada kula hadlayay shacabka waxa uu kula dardaarmay inay noqdaan kuwo mar kasta u taagan fashilinta weerarada argagixisada, ayna tahay in is bedel laga sameeyo qaabka loola dhaqmayo kooxahaasi.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan kula dardaarmayaa inay noqdaan daljireyaal daahsoon, oo u taagan fashilinta dhagarta kooxaha argagixisada. Argagixisadu annaga ayay nagu dhex nooshahay, waana inaan iska qabanaa. Is bedel waa inaan ka keennaa sidaan argagixisada ula dhaqmaynaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba ha-ahaatee weerarkii soddonka saacadood qaatay, ee ay dableyda Shabaabku ku gashay Hotel Xayaat ee Magaalada Muqdisho ayaa hoos u dhigay dulqaadkii ay Madaxda Qaranku u lahaayeen, waxa uu Ra’iisal Wasaare Barre ugu yeeray ‘ciyaalkii naarta’.

Xasan Cadde
Tafaftiraha Dhacdo.com

Ruto oo dalab u gudbiyey Maxkamadda Sare Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto ayaa Jimcihii ku boorriyay Maxkamada Sare ee dalka inay diido codsiga uu u gudbiyay ninka kula tartamay madaxtinimada Kenya ee Raila Odinga, kaas oo kasoo horjeesto natiijadii doorashadii 9-kii Ogosto.

Odinga, oo ah hogaamiye mucaarid ah oo ruug-caddaa ah, isla markaana taageero ka helaya madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo xisbiga talada haya, ayaa Isniintii u gudbiyay dacwad Maxkamadda Sare, isaga oo kasoo horjeeda natiijada codbixintii guusha uu gaaray Ruto.

Siyaasigan oo 77 jir ah, ayaa ku guuldarraystay tartankiisii shanaad ee doorashada madaxtinimo tiro yar 230,000 oo cod – oo ah wax ka yar boqolkiiba laba — wuxuuna sheegay in uu hayo caddaymo ku filan oo muujinaya in uu ku guulaystay doorashada.

Tan iyo sannadkii 2002-dii, doorashadii madaxtinimo ee Kenya waxay aheyd mid natiijadeeda lagu murmo, iyadoo Odinga uu horay u sheegay in lagu khiyaamay doorashooyinkii 2007, 2013 iyo 2017.

Warqad dhaar ah oo loo gudbiyay maxkamadda, ayuu Ruto ku sheegay in Odinga uu taariikh u leeyahay “khilaaf joogto ah oo ku saabsan natiijada doorashada madaxtinimo iyo hurinta qalalaasaha qaranka kadib guuldarro”.

Wuxuu ku eedeeyay Ra’iisul Wasaarihii hore inuu isku dayay “in uu helo fursad kale oo doorasho oo maxkamaddu go’aamiso.”

Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ayaa Sebtembar shanteeda go’aan ka gaari doona murankan, waxaana haddii ay amraan in la buriyo natiijadii lagu dhaawaqay ay noqoneysaa in doorasho cusub lagu qabto 60 maalmood gudahood.

VOA + AFP

Video: Gantaalkii gumeystihii Talyaaniga kusoo tuuray Warsheekh iyo taariikhda faca fog ee degmada

0

Warsheekh (Caasimada Online) – Waxaan booqasho dalxiis iyo siyaarba ugu tegay Degmada Warsheekh oo uu ku aasan yahay Aabaheen Sheekh Cabdi Celi, waxaana booqashadaasi fursad ugu helay inaan soo gudbiyo warbixintaani taariikhi ah oo kusoo qaadan doono mid ka mid ah raadadkii gumeystihii Talyaaniga oo weli degmada qadiimiga ah xusuus ahaan u yaal, halisna ugu jira in uu raadkaasi taariikhiga ah baaba’o maadaama aysan jirin maamul iyo cid xil iska saarto keydinta taariikhdaasi balse intaan u guda gelin waxaan marka hore iftiiminayaa taariikhda faca fog ee Warsheekh.

Warsheekh, waa degmo qadiimi ah oo leh xormo gaar ah, waxay ka tirsan tahay Gobolka Shabeellaha Dhexe, fogaan dhan 65 km ayey magaalada Muqdisho dhinaca xeebta Waqooyi Bari kaga beegan tahay, waa magaalo leh madxaf diineedka ugu weyn Soomalia.

Magaalada Warsheekh waxaa aasaaskeeda lahaa Sheekh Daa’ uud Cali Idiris qarnigii 17-aad, waxaana uu ka bilaabay dhismaheeda Masjid ka sameysnaa dhagax iyo Dugsi lagu baran jiray Qur’ aan Kariimka. Allaha u naxariistee Sheekh Daa’ uud wuxuu ahaa wadaad aad u necbaa gumeysiga, sida ay dadka Warsheekh u neceb yihiin dulmiga, wuxuuna dadaalkii uu Warsheekh ka bilaabay ay aheyd fidinta Diinta Islaamka iyo iska difaaca gumeysigii Talyaaniga ee sahminta u yimid Somalia.

Warsheekh waxay xiriir Beec Mushtar la lahaan jirtay aduunka intiisa kale, gaar ahaan Bariga Dhexe iyo Afrika, waxay laheyd Dekad Wanaagsan oo Doonyaha beec mushtarka ku yimaada ay ku soo xeran jireen, Waxeyna keeni jireen Badeeco u badan Bunka, Dharka, Timirta iyo Milixda Ama Cusbada, waxeyna qaadi jireen Xoolaha Nool, Harkaha, Subaga, Nuuryada cad, Luubaanta ama Fooxa iyo alaabo kale.

Warsheekh waxay ka mid noqotay xeebihii ugu horeeyay ee gumeystihii Talyaaniga dagaalka kusoo galay. Sida ku xusen taariikhda qoran 14-04-1890 kii oo ku beegan xiligii Talyaaniga sahminta ku yimid Somalia waxaa xiligaasi koox ka tirsan ciidamadii Talyaaniga ku soo xerteen marsada degmada Warsheekh, waxaana hoggaaminayey ciidadmaasi sarkaal la oran jiray Dhame Amania, isagoo xeebta u soo diray Sahan ka kooban Toddoba badmaax iyo Turjumaan ku hadlayey afka Carabiga.

Reer Warsheekh iyo Culumadoodii waxay ka dhiidhiyeen soo gelida ciidamadaasi, halkaasna waxaa ka qarxay dagaal xoogan oo lagu dilay Gumeystihii ugu horeeyay ee geyiga Somalia nafta looga qaado, sarkaalkaasi oo hoggaaminayay ciidamadii loo soo diray sahminta xeebta degmada Warshiikh.

Caro ay gumeystihii ka qaadeen dilka Sarkaalkooda waxay dib ugu laabteen badweynta, halkaasinai ay ka bilaabeen duqeyn xoogan oo degmada Warsheekh laga soo duqeeyay badweynta dhexdeeda, iyadoo ilaa iyo iminka degmada xusuus ahaan u yaalaan gumucyadii Gantaalihii lagu soo riday, waxayse degmada laheyd ciidamo la oran jiray AFARTAN LOWGA oo ilaalo ka hayay xeebaha degmada ay leedahay. hase ahaatee markii si rasmi ah ula wareegeen gumeysigii Talyaaniga guud ahaan dalka waxay si nabad leh u soo galeen degmada Warsheekh oo ay xadgudubyo aan halkan lagu soo koobi karin u geysteen waxgaradkii iyo ciidamadii dagaalka kala hortegay.

Gumaca gantaalka lagu soo tuuray degmada Warsheekh xiligaasi oo nasiib wanaag aanu qarxin, dhirir ahaan waxaan ku qiyaasay 75 -80cm, Hadda wuxuu u muuqdaa mid burburi raba maadaama in ka badan qarni jamalada korkooda ku aasnaa oo aysan jirin cid mas’uuliyad iska saartay in ay daryeelo taariikhdaasi faca weyn xitaa haddii ay ahaan laheyd dowladdii Kacaanka oo laga yaab inaysan ka war qabin ama aan jecleysan in taariikhdaasi ahaado mid qoranto, si walbo haku dhacdee.

Maamulka degmada iyo gaar ahaan culumada xushmada leh ee Warsheekh waxaan isku dayay inaan fahamsiiyo muhiimada ay degmada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uu u leeyahay in raadkaasi taariikhiga ah la keydiyo lana daryeelo gumahaasi si uu xsuus ugu noqdo jiilasha aan waxba ka aqoon degmada iyo cid kasta oo booqasho ku tagto si loo tuso.

Dal walba oo ku yaal adduunka wuxuu keydiyaa taariikhdiisa hadeey ahaan lahaayeen madaafiicda lagu soo weeraray iyo raad walba oo gumeystaha uu tegay dalkooda, inkastoo dowladdii dhexe ee dalka soo marayba ay qariyeen taariikhda degmooyin gaar ah.Gababadii, Warsheekh waxay caan ku tahay fidinta Diinta Islaamka iyo Mashaa’ iqda la xormeeyo, waa magaalo culumo, laguna tixgeliyo Madarasadaha ay aas aaseen culumo Soomaaliyeed oo aan ka tilaami karo Sheekh Daa’ uud Cali Idiris, Sheekh Abiikar Miixdaar, Sheekh Cabdi Ow Cumar (SH. Cabdi Celi iyo Sheekh Muxumad,

Dadka Warsheekh iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, waxay dugsadaan Kutubtii iyo wixii kheyr ah ee uu ugu tegay Sheekh Cabdi Celi Ow-Cumar oo sanad walba bishaan oo kale u barakaca iyo siyaar doonta halka uu ku aasan yahay ee degmada Warsheekh, waxaana faaladeyda ku soo gabagabeynayaa tix yar oo Aaba Sheekh Cabdi Cumar xertiisa iyo dadka toosan ay ku salaami jireen oo ah.

Imaanki Udgoonaa Aabaheena Sheekh, Cabdi ow Cumarow Ijaabaan RabnaaQaliifaad Aheedow Qalqigaan Dhamaan, Adee kuu qashuuceen Qaatumaan RabnaBisinki Ilaahey ba’ahi Qur’aan, Bagaade ka buuxaan baraka Rabnaa Eebow.

W/Qoray: Ali Muhiyaddiin
Caasimada Online

Sawirro: Xamza oo la kulmay madaxweynaha Tunisia

0

Tunis (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo ku sugan waddanka Tunisia ayaa maanta kulan la yeeshay madaxweynaha dalkaasi, Qays Saciid, kaas oo ku soo dhoweeyey shirweynaha caalamiga ah ee TICAD8.

Shirkaan oo u dhexeeyo Japan iyo Afrika ayaa waxaa loogu magac-daray shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Afrika (TICAD8), wuxuuna socon doono muddo laba cisho ah.

Ra’iisul wasaare Xamza oo shirka ku meteli doono Soomaaliya ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo madasha, taas oo uu uga hadlayo horumarka Soomaaliya iyo fursadaha ka jira.

Xamza waxaa safarkan ku welinaya Wasiirka wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha, Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Beene Beene, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, La Taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee Xiriirka Caalamiga, Dr Hodan Osman, Ku Xigeenka Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Fadumo Cabdi Cali, iyo Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada, Farxaan Jimcaale.

Sidoo kale waxaa shirweynahaan qayb ka ah madaxda Afrika & Ururrada ka jira Qaaradda, halka Ra’iisul Wasaaraha Japan Kishida Fumio uu uga qaybgalayo aaladda Fogaan-aragga.

Dowladda Japan waxa ay shirkaan ugu talagashay in ay ku xoojiso xiriirka ganacsi iyo midka siyaasadeed ee ay la deedahay Qaaradda Afrika.

Si kastaba waa shirkii siddeedaad ee noocaan oo kale ah oo la qabanayo laga soo billaabo illaa iyo sanadkii 1993-kii.

Wararkii ugu dambeeyey ee wada-hadallada Xasan Sheekh iyo SACIID DENI

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegay in weli wadahadallo xasaasi ah ay madaxtooyada maamulka Puntland uga socdaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweyne Saciid C/laahi Deni.

Labada mas’uul ayaa weli waxa ay leeyihiin kulamo albaabadu ay u xiran yihiin, isla-markaana ay keli ku yihiin, kuwaas oo galay maalintii saddexaad oo xiriir ah.

Wararka ayaa sheegaya in qodobada qaar ee ay ka wadahadlayaan dowladda federaalka iyo Puntland ay yihiin kuwa adag, waxaana aad u kooban xogta iyo macluumaadka laga heli karo shirarka u socda Xasan Sheekh iyo Deni, maadaama ay saaxafaddu dibad joog tahay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online arrimaha adag waxaa ka mid ah awood qaybsiga dowladda federaalka oo ay horey dowlad goboleedka Puntland saluug uga muujisay iyo mashaariicda Puntland loo soo mariyo dhanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xogaha kale ee aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in madaxweyne Deni uu ka dalbaday Xasan Sheekh Maxmauud inuu laalo dhammaan xeerarkii dowladdii hore ee Farmaajo ay meel marisay, gaar ahaan kuwii ay ka hortimid Puntland,sida xeerka batroolka Soomaaliya.

Kulamada ayaa weli sii socda, waxaa la filayaa in madaxdu ay soo saaraan warmurtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wadahadlayaan, waa hadii ay gaaraan is afagarad buuxa.

Safarka madaxweyne Soomaaliya ku gaaray magaalada Garoowe ee Puntland ayaa aad uga duwan kuwii uu horey Xasan Sheekh ugu tegay maamullada Koonfur Galbeed & Galmudug.

Si kastaba, Villa Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in booqashada madaxweynaha ee Puntland ay qaadan doonto mudo laba cisho ah, mudadaas oo xalay ku ekeyd, balse waxaa sii dheeraaday kulamada labada dhinac, taas oo keentay in wadahadalladu ay sii socdaan.

Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo ay miino kula qaraxday duleedka Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax gelinkii dambe ee Jimcihii ka dhacay deegaanka Yaaqxaluul oo hoostaga magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa haleelay gaari ay la socdeen dad shacab ah, xilli uu ku socdaalayey waddada isku xirta Yaaqxaluul iyo magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in gebi ahaan uu burburay gaariga la qarxiyey, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay ugu yaraan illaa saddex qof oo ka mid ah dadkii saarnaa baabuurkaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo isugu tegay goobta qaraxa, kadib ayaa gurmad u sameeyey dadka ay waxyeelada soo gaartay oo haatan lagu dabiibayo isbitaalka Kismaayo.

Sidoo kale waxaa meesha ay wax ka dhaceen gaaray ciidamada Danab oo howlgallo ka sameeyey halkaasi, waxayna gacanta ku dhigeen laba qof oo tuhmanayaal ah.

Saraakiisha Danab ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay ku guuleysteen inay soo saaraan miinooyin kale oo aan qarxin, kuwaas oo ay sheegeen inay dhigtay kooxda Al-Shabaab.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa aad u kordhayey weerarada qaraxyada ah ee ka dhaca jidadka soo gala iyo kuwa ka baxa magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa ku xoogan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya, waxayna weeraro khasaare geysta ka fulisaa deegaannada Jubbaland.

Weerarkii Hotel Xayat – Afar arrin oo DF ay ku fashilantay

0

Weerar argaggaxisada Al Shabaab ay ku qaadday Hotelka Xayaat (Cosoble Cadde) ee kiilomitir afar ee magaalada Muqdisho oo socday saddex maalin August 19 – 21, 2022 ayaa lagu dilay ugu yaraan 21 qof kuna dhaawacmeen ilaa 117 kale. 

Weerarka waa midkii ugu weynaa ee ka dhaca Muqdisho tan iyo markii dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ballanqaaday inuu siinayo mudnaanta 1aad “Amniga dalka,” magaalooyinkana laga xureeynayo argaggaxisada lana furi doono waddooyinka isku xira.

Dad badani ayaa isku raacay inuu weerarku, oo ah kii ugu horeeyay ee Al Shabaab ka gaysato hoteellada caasimadda tan iyo 2021, uu ahaa imtixaankii ugu horreeyay ee Amniga ku dhacday. Guuldarrada waxaa marqaati u ah:

  1. Fashilka sirdoonka oo xog ka heli waayay abaabul sidaas u ballaaran;
  2. In soo afjaridda weerarka ay qaadatay muddo soddon sacadood ka badan, taasoo tilmaan u ah in qoorshaha iyo maaraynta hawlagalka ay khaldameen;
  3. In dadweynaha aan waxba lala socodsiin iyadoo argaggaxisada tebiyeen inay dagaallamayaashooda guteen hawshooda kana baxeen hoteelka iyagoo bad qaba taasoo welwel hor leh gelisay dalka.
  4. In dowladda soo bandhigi waydo maydadka iyo dhaawaca argaggaxisada toona, taasoo xoojinaysa wararka sheegayay in si hoose loola heshiiyay dhagarqabayaasha.

Inkastoo warka argagixisadu u badnaa dacaayad, haddana dhab ahaantii sida loo wajahay weerarka ayaa shaki gelisay u diyaarsanaanta xukuumadda Xasan-Xamza dagaalka burburinta shabakadda jaan ee ay ku dhawaaqeen.

Ma aha markii ugu horreysay ee argagixisada weerar ku qaadaan hoteellada iyo maqaayadaha dalka, gaar ahaan kuwa Km 4 ee Muqdisho. January  2021, ayay Hotel Afrik ku dileen dad uu ka mid ahaa Janan Maxamed Nuur Galaal. Sidoo kale, Hoteel Saxafi ayay ku dileen dad uu ka mid ahaa mulkiilihii hoteelka Cabdirashiid Shire Ilqaytay. 

Khabiirada amniga ayaa rumaysan in guud ahaan ganacsiga dalka, gaar ahaan hoteellaydu xujo kala kulmaan hubinta macaamillada, maqnaanshaha warqadaha aqoonsiga federaalka ah (identification cards) awgood.

Marka meel layska dhigo tabaha argaggaxisada, Madaxweyne Xasan Sheekh ma beddelin hoggaanka ciidamada amniga dalka ee niyad jabkii ka qaaday faro isku fiiqii siyaasaddii cakirnayd, mana hanan kalsoonidooda. Hanjabaada isla xisaabtanka Ra’iisulwasaaraha booqanayay dhaawaca miyaysan ahayn caloolyow (walaac).

Teeda kale, NISA waxay si aan xirfad lahayn uga takhallustay saraakiil dalka ama dibadda ku sugan, iyadoo fududaystay in sirta qaran ee ay xambaarsan yihiin iyo naftoodaba bartilmaameed u noqon karto cadawga gudaha iyo dibaddaba.

Hoteelka Xayaat oo ay ku hareersan yihiin dhismooyin duug ah laguna dhuftay seddax qarax si adeegga degdeggta loo hakiyo iyadoo horeyba ciidamada amniga iyo hawlwadeennada gurmadka ay dhibaato ku qabeen ciiriiriga waddooyinka iyo gaadiidka aan u socon hab nidaamsan ayaa qayb ka ah halista u baahan waxqabad.

Balse, indheergaradka dalka waxay dowladda ku dhaliileen inay shaaciyeen la dagaallamka argagixisada iyadoo aysan dhabtii diyaar ahayn. Hawlgalka amniga waxuu muujiyay in shaacintu ahayd gooddin aan ficil lahayn, halka weerarka Al Shabaab uu u muuqdo falcelin.

Haddii ilaa maanta tallaabooyinka ay dowladda qaadday iyo kuwa aysan qaadinba sababeen mashaakillo dhowr ah oo ay ka mid yihiin – weerarka Hoteel Xayaat, falcelinta ay Itoobbiya ka waddoo dowlad-goboleedyada oo gaartay inay ciidamo u tababbarto misna hubayso iyadoon laga warqabin, heshiisyadii lala galay Kenya oo qaadka keliya ka hirgalay, soo celintii ciidamada ku sugan Eritrea iyo la dagaallanka argaggaxisada oo aan fari ka qodnayn – miyaysan ahayn xukuumadda Xasan iyo Xamsa mid mashaakil-abuurto halkii ka noqon lahayd mid mashaakil-xalliso.

Sawirro: R/W Xamza oo ka qayb-galaya shirka Tokyo ee horumarinta AFRIKA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa xalay gaaray magaalada Tunis ee caasimadda waddanka Tuniisiya, halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeyey ra’iisul wasaaraha iyo wafdiga la socda.

Xamza ayaa waxaa garoonka ugu tegay oo soo dhoweeyey Wasiirka Gaashaandhigga Tuniisiya, Imed Memmich iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda dalkaasi.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ka qayb-galaya shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Afrika (TICAD) kaasi oo maanta ka furmaya Tunis, wuxuuna socon doono muddo laba cisho ah.

Sidoo kale waxaa shirweynahaan qayb ka ah madaxda Afrika & Ururrada ka jira Qaaradda, halka Ra’iisul Wasaaraha Japan Kishida Fumio uu uga qaybgalayo aaladda Fogaan-aragga.

Dowladda Japan waxa ay shirkaan ugu talagashay in ay ku xoojiso xiriirka ganacsi iyo midka siyaasadeed ee ay la deedahay Qaaradda Afrika.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa inta uu joogo Tunis wuxuu kulamo doceedyo la yeelan doonaa madaxda ka soo qayb-galeyso shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Afrika, isaga oo kala hadli doonaa maalgashiga dalka Soomaaliya.

Si kastaba waa shirkii siddeedaad ee noocaan oo kale ah oo la qabanayo laga soo billaabo illaa iyo sanadkii 1993-kii.

 

Puntland oo shaacisay waxay ka tabaneyso DF iyo wararkii u dambeeyey kulamada Deni iyo Xasan

0

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa habeenkii labaad ku sugan magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland, wuxuuna wadahadallo kula jiraa madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saciid Deni ayaa xalay yeeshay kulankii ugu waqtiga dheeraa, kaas oo albaabadu ay u xiraayeen, sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir.

“Madaxweynuhu waa kii shalay yimid Puntland. Soo dhawayntii kadib madaxweyneyaashu waxay yeesheen kulan ay labadooda kaliya ku ahaayeen. Waxaan qiyaasayaa inay ka wadahadleen sidii isfaham ay u gaari lahaayeen, inta aanu kulanku ballaaranin,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland oo BBC la hadlay.

Hoggaanka Puntland oo mudo dheer uu khilaaf kala soo dhaxeeyey dowladda dhexe intii uu hoggaaminayey Farmaajo ayaa weli muujinaya saluug, wuxuuna safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ku qutumaa sidii meesha looga saari lahaa madmadowga jira.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa wareysiga uu siiyey BBC wuxuu ku muujiyey in Puntland aysan ku qanacsanayn sida ay Madaxtooyada Soomaaliya wax u waddo, isagoo sheegay in dowladda federaalka ay ka doonayaan dhowr arrimood.

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu waawayn ee mas’uuliyiinta Puntland ay hadda ku dhaliilayaan maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh waa “wadashaqayn la’aan”, sida uu sheegay Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

Wasiirka ayaa sheegay in Puntland dhaliilsan tahay hanaanka loo maamulay socdaalay uu dalka dibadiisa ugu baxay madaxweyne Xasan Sheekh. “Socdaallo aan ka yarayn sagaal buu galay madaxweynuhu, keligiis buu ku ahaa, iyadoo waliba Wasiir Arrimaha Dibadda ah uu jiro,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.

Wasiirka ayaa intaas ku sii daray, “Puntland waxay dowladda dhexe ka rabtaa wadashaqayn buuxda. Mas’uuliyiin baa laga soo doortaa maamullada oo dhan, oo goleyaasha dowladda ku jira, sida Golaha Shacabka iyo Aalka Sare. Waa inay dowladdu u oggolaato matalaad ay dadkii yeeshaan oo ay ku matalaan heshiisyada la gaarayo.”

Waxaa xusid mudan in safarkaan uu madaxweynuhu ku tegay Puntland uu ku soo aaday iyadoo ay u buuxsantay 100-ka maalmood ee ugu horeysa mudo xileedkiisaan, wuxuu horay safarro ugu tegay dowlad goboleedyada K/Galbeed iyo Galmudug.

Caawa oo ah habeenkii labaad waxaa weli socda kulamada Madaxweyne Xasan Sheekh iyo hoggaanka Puntland, mana jirto cid xog ka bixisay hadii ay jiraan wax la isla meel dhigay, Madaxtooyada Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in booqashada Madaxweynaha ee Puntland ay qaada doonto laba cisho, mudadaas oo caawa ku eg, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda ay dhinacyadu kulamadooda ka soo saaraan war-murtiyeed.

Daawo: Ninkii dilay Wasiir Xasan Ibraahim Lugbuur oo isna maanta la toogtay

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Fagaare ku yaalla magaalada Baydhaba waxaa maanta lagu toogtay Ibraahim Meeris Ibraahim oo fuliyey qaraxii lagu dilay wasiirkii cadaaladda maamulka Koonfur Galbeed Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur, halka walaalkiis Maxamed Meeris oo maqane ah isna dil lagu xukumay.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo Ibhaahim 23-kii bishaan ku riday xukunkaan ayaa maanta ku fulisay, waxaana toogashada kadib warbaahinta la hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda cadaaladda maamulka K/Galbeed.

Wasiir Nuuradiin Maxamed ayaa sheegay in maanta la toogtay dhagarqanbihii dilay wasiirkii isaga ka sareeyey ee wasaaradda cadaaladda K/Galbeed Sheekh Xasan Lugbuur, isagoo digniin u diray kuwa dadka dila.

“Maxkamadda waan uga mahad celineynaa qisaasta ay maanta fulisay, sidoo kale madaxweynaha oo deg deg u saxiixay tooshadaas ayaan u mahad celinayaa, waa in lagu waano qaato tallaabadaan, kii dadka dili doonow ogow in tiirka lagu gey doono,” ayuu yiri wasiir ku xigeenkii Sheekh Xasan Lugbuur oo todobaadyo ka hor qarax lagu dilay, xilli uu ka soo baxay salaadii Jimcaha.

Maxamed Meeris Ibraahim oo ninka maanta la toogtay ay walaalo ahaayeen ayaa soo qorsheeyey qaraxaas, sidoo kale ninkaas wuxuu ka mid ahaa maxaabiistii ka baxsatay Xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso markii ay Al-Shabaab weerareen sanadkii 2021-kii.

Maxamed Meeris isagoo maqan ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, halka Gabar la yiraahdo Falastiin Aadan Shuceyb, oo Ibraahim uu shukaansan jiray, ay maxkamadu ku xukuntay 15 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu helay inay ka qeyb qaadatay dilaarinta qaraxii lagu dilay wasiirka.

Ibraahim Meeris Ibraahim oo la toogtay maanta ayaa fuliyey qaraxaas ay isaga iyo walaalkiis u qorsheeyeen Adeerkood wasiirkii cadaaladda Koonfur Galbeed Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur oo marar badan ninka dilay ka damiintay hey’adaha ammaanka oo ku tuhmay Shabaabnimo.

Hoos ka daawo

Diyaaradaha Itoobiya oo duqeeyey caasimada Tigray iyo dagaalka oo sii xoogaystay

Mekele (Caasimada Online) – Afar qof oo ay ku jiraan laba caruur ah ayaa Jimcaha maanta ah lagu dilay duqeyn cirka ah oo diyaaradaha Itoobiya ay ka fuliyeen caasimadda gobolka Tigray, waxaa sidaas sheegay sarkaal caafimaad.

Dowladda Itoobiya waa ay beenisay sheegashada mucaaradka ee ah inay beegsatay shacabka ku sugan gobolka ay haystaan mucaaradka.

Wararka ku saabsan duqeynta Mekele ayaa yimid maalmo kadib markii uu dib u billowday dagaalka dhulka ee dowladda iyo mucaaradka kadib shan bilood oo hakad uu ku jiray, taasi oo soo afjartay xabad-joojintii, meeshana ka saartay rajadii wadahadallada nabadeed.

Kibrom Gebreselassie, oo ah agaasimaha caafimaad ee isbitaalka Ayder Referral Hospital ee magaalada Mekele, ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in “afar qof ay meyd ahaayeen markii isbitaalka la keenay.”

“Laba ka mid ah dadka dhintay waa caruur,” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in sagaal qof oo kale ay ku dhawacmeen duqeynta.

Ayada oo mucaaradka Tigray ay ciidamada cirka Itoobiya ku eedeeyeen inay beegsadeen xaafado shacab iyo iskuul, dowladda ayaa sheegtay “inay beegsanayso kaliya goobo militari.”

“Jabhadda TPLF waxay billowday inay meydad been abuur ah ka buuxiso baco oo ay gayso goobaha shacabka, si ay u sheegto in ciidamada cirka ay weerareen shacab,” ayey tiri dowladda.

“Shacab ayaa dhintay oo dhaawacmay, waxaana socda howlgal gurmad,” waxaa sidaas AFP u sheegay afhayeenka TPLF Kindeya Gebrehiwot. 

Laba ilo-wareedyo bani’aadaminimo oo ku sugan Itoobiya ayaa AFP u sheegay in lagu wargeliyey duqeyn ka dhacday Mekele.

Waxyar kadib markii ay soo baxeen warbixinada ku saabsan duqeynta, dowladda ayaa ku dhowaaqday “inay qaadi doonto tallaabo” ka dhan ah TPLF, waxayna uga digtay shacabka inay ka fogaadaan bartilmaameedyada militari.

DF oo shuruud lama filaan ah ku xirtay inay mashaariic ka fuliso maamul goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa markii u horeysay shaaciyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay mashaariic ka fulineyso deegaanada ku yaalla gobolada dalka ee dadka degan ay iska xoreeyaan Al-Shabaab.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in bulshada ku nool gobolka Hiiraan iyo guud ahaan Soomaaliya looga baahan yahay inay tartan u galaan sidii dagaal looga qaadi lahaa ururka Al-Shabaab.

“Al-Shabaab waxay dileen dadkii hogaanka iyo hal doorka u ahaa dadka ku nool gobolka Hiiraan, hase yeeshee hadda waxa haysataan fursad aad ugu aar-gudaan mas’uuliyiintii ay idinka dileen Al-Shabaab,” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dadkii deegaanadooda ka saaray dowladda Soomaaliya ay ka bilaabi doonto adeegyada caafimaadka iyo wixii kale oo ay u baahan yihiin.

Hadalka Wasiir Fiqi ayaa imanaya xili deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ay ka socdaan howl-galo ka dhan ah ururka Al-Shabaab, kuwaasi oo ay si wada-jir ah u wadaan ciidamo deegaanka ah oo is abaabulay iyo kuwa dowladda.

Dhaq-dhaqaaqyada culus ee ka dhanka ah argagixisada ayaa sidoo kale waxa looga qabsaday deegaano dhowr ah, kuwaasi oo ay hadda ku sugan yihiin ciidamada dowladda, waxaana la rumeysan yahay in guusha ciidanka ay soo dadajisay ka qeyb qaadashada dadka deegaanka oo ay ka go’an tahay iska dhicinta cadawga.

Turkey oo jawaab ka bixisay hanjabaad shirkadaheeda uga timid Mareykanka

Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Turkey ayaa maanta u sheegay ganacsiyada dalkaas inaysan ka walaacin hanjabaad cunaqabatayn oo Washington ay ka digtay inay kusoo rogi doonto haddii ay la macaamilaan Ruushiyaanka cuanqabataynta la saaray.

Qoraal uu twitter-ka soo dhigay Nureddin Nebati ayaa ah jawaabtii ugu horreysay ee rasmi ah oo Ankara ay ka bixiso warqad ay Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka u dirtay ganacsiyada Turkey Isniintii

Ku-xigeenka Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka, Wally Adeyemo ayaa uga digay bankiyada iyo shirkadaha Turkey inay wajihi doonaan cunaqabatayn haddii ay la shaqeeyaan Ruushiyaanka xayiraadaha la saaray kadib markii Moscow ay ku duushay Ukraine.

Qiimaha ganacsiga Turkey iyo Ruushka ayaa sare u kacay 50 boqolkiiba intii u dhaxeysay May iyo July.

Nabati ayaa yiri “warqaddaas ma ahan inay walaaciso ganacsiyadeena. Turkey waa mid ka mid ah quwadaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee ugu muhiimsan caalamka.”

Turkey oo xubin ka ah NATO ayaa xiriir la leh Ruushka iyo Ukraine labadaba, waxayna isku dayday inay dhexdhexaad ka noqoto dagaalka, ayada oo diiday inay ku biirto cunaqabataynada caalamiga ah.

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin ayaa ku heshiiyey inay sare u qaadaan iskaashiga dhaqaale kadib kulan ay horraantii bishan ku yeesheen magaalada Socchi.

Saraakiisha Mareykanka ayaa ka welwelsan in Ruushiyaanka xayiradaaha la saaray ay sameysanayaan shirkado Turkish ah, si ay ula ganacsadaan dunida kale.

Waxay sidoo kale ka walaacsan yihiin in shirkado Reer Yurub ah ay sidaas oo kale samaynayaan si loo dhinac maro xayiraadaha uu Midowga Yurub saaray Ruushka.

Nabati ayaa sheegay Turkey “waxaa ka go’an inay horumairso xiriirka ganacsi ee deriskeena ee qeybo kala duwan, gaar ahana dalxiiska, si waafaqsan naqshad aanu saameyneyn cunabqataynada.”

AFP + VOA