27.6 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Taliban oo soo saartay war shaki geliyey sheegashadii Mareykanka ee dilka Zawahiri

Kabul (Caasimada Online) – War-saxaafadeed kasoo baxay kooxda Taalibaan ayaa shaki geliyey sheegashadii Mareykanka ee aheyd inay magaalada Kabul ku dileen hoggaamiyihii Al-Qacida Ayman Al-Zawahiri, horraantii bishan.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa 2-dii August sheegay in duqeyn ay CIA-da ka fuliyeen Kabul lagu dilay Ayman Al-Zawahiri.

Si kastaba, Taalibaan ayaa hadda sheegtay in ku dhowaad bil kadib sheegashadaas aysan weli helin meydka Ayman al-Zawahiri, islamarkaana ay wadaan baaritaanka ku aadan dhacdadan, sida laga soo xigtay afhayeenka kooxdaas Zabihullah Mujahid.

Zabihullah Mujahid waxa uu qiray in weerarka Mareykanka uu sheegtay uu dhacay, wuxuuna u cambaareeyey si xooggan, isaga oo ugu yeeray xadgudub ka dhan ah “mabaadi’da caalamiga ah,” balse waxa uu yiri “inaysan arag meydka Zawahiri.”

Su’aasha ayaa ah; ma Taalibaan ayaa qarineysa meydka iyo inuu Al-Zawihi joogay Kabul, mise Mareykanka ayaa ka been sheegay dilka hoggaamiyaha Al-Qacida. 

Marka si loo eego, Taaliibaan waxay haysataa sabab kasta oo ay u qariso dilka Zawahiri iyo joogitaankiisa Kabul, sababtoo ah wuxuu dhalinayaa su’aalo ku saabsan haddii kooxda ay gabbaad siisay kadib markii ay la wareegtay gacan ku haynta Kabul bishii August 2021. 

Heshiiska Mareykanka uu uga baxay Afghanistan ee uu la galay Taalibaan ayaa dhigaya inaysan kooxdaas weerarin danaha Mareykanka, islamarkaana gabbaad siin Al-Qaacida.

Zawahiri, oo ahaa dhaqtar qalliin oo Masri ah, ayaa gacan ka gaystay isku xirikii weeraradii September 11, 2001 lagu qaaday dalka Mareykanka.

Weeraradaas ayaa lagu afduubtay afar diyaarad oo rayid ah kadibna lagu weeraray daarihii mataanaha ee Xaruntii Ganacsiga Adduunka ee New York, xarunta Pentagon-ka iyo goob maran oo ku taalla gobolka Pennsylvania, waxaana lagu dilay 3,000 oo qof.

Geerida Al-Zawahiri ayaa timid 11 sano kadib markii Mareykanka ay weerar ka dhacay dalka Pakistan ku dileen hoggaamiyihii hore ee Al-Qacida Osama bin laden, markaasi oo kadib Zawahiri uu la wareegay hoggaanka.

Ra’isul Wasaare Xamza oo safarkii ugu horreeyay ugu ambabaxay dalka dibaddiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi  Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safarkii ugu horreeyay tan iyo markii laga magacaabay ugu  ambabaxay dalka dibaddiisa

Ra’iisul Wasaaraha ayaa magaalada Tunis ee caasimadda waddanka Tunisia uga qaybgali doona shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Africa (TICAD).

Inta uu shirka socdo, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud ee dalka sida arrimaha amniga iyo Abaaraha & waxa kaag qorsheysan Xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo gooni gooni ah la qaadan doona madaxda ka qey galeysa Shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Africa, isaga oo kala hadli doono arrimo ku saabsan Soomaaliya.

Qoraal lagu daabacay Barta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa lagu yiri: “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa magaalada Tunis ee caasimadda waddanka Tunisia uga qaybgali doona shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Africa (TICAD).”

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre inta uusan ka ambabixin Magaalada Muqdisho waxa uu la kulmay ku xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Anita Kiki Gbeho oo ay kawada hadleen Xoojinta wada shaqeynta labada dhinac.

Waa safaarkii labaad ee uu ra’isulwasaare Xamze kaga baxo magaalada Muqdisho tan iyo markii la magacaabay wuxuuna safarkiisii ugu horreeyey ku aaday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Masar ‘oo dooneysa inay ciidamo keento’ Soomaaliya iyo qorshaha laga leeyahay

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa dooneysa inay ciidamo usoo dirto Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ee ATMIS, waxaa sidaas qoray wargeyska Africa Intelligence.

Wargeyska ayaa sheegay in arrintan lagu soo qaaday wadahadalladii Qaahira ku dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Masar Abdelfatah al-Sisi, dhammaadkii bishii July.

“Intii lagu guda jiray wada-hadallada, Sisi ayaa ku celceliyey inuu doonayo in ciidamada Masar ay qeyb ka noqdaan howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee loo yaqaan ATMIS,” ayaa lagu yiri warbixinta wargeyska oo aan bixin faah-faahin intaas dheer.

Ma cadda waxa madaxweyne Xasan Sheekh ku jawaabay iyo haddii arrintaas dib loo sii ambaqaaday kadib kulankii Qaahira.

Caasimada Online oo xiriir la sameysay ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia, waxay sheegeen inaysan arrintan ogeyn.

Haddii Masar ay qeyb ka noqoto howlgalka ATMIS waxay noqon doontaa isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda gobolka iyo tan Afrika, waxayna noqon doontaa dalkii ugu horreeyey ee waqooyiga Afrika ah ee kusoo biira howlgalka ATMIS ee horey loogu yaqiin AMISOM.

Si kastaba, ATMIS ayaa sababaha loo sameeyey waxaa ka mid ahaa inay muddo kooban gudaheed howlgalka amni ee dalka ugu wareejiso dowlada federaalka, mana muuqato sabab Midowga Afrika ciidamo horleh u keeno Soomaaliya, xilli kuwa kale laga sii saarayo.

Arrintan ayaa sidoo kale soo jiidaneysa indhaha dowladda Itoobiya oo xiisad ay kala dhaxeyso Masar, taasi oo salka ku haysa biyo-xireenka webiga Nile, sidoo kalena aanay isku fiicneyn dowladda madaxweyne Xasan Sheekh.

“Ciidamo Masar ah oo yimaada Soomaaliya waxay Itoobiya u tahay khad cas oo aan laga gudbin karin,” ayaa lagu yiri warbixinta wargeyska Africa Intelligence. 

Aragtida Addis-Ababa ayaa ah, in isu soo dhowaanshaha Qaahira iyo Muqdisho ay halis toos ah ku tahay Itoobiya.

Xog-warran: Arrimaha Deni uu tabanayo, tallaabooyinka uu qaaday iyo haddii ay dib isu qaadan karaan Xasan

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Garoowe halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho dhowr cisho ah.

Hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa soo dhaweeyey iyadoo sidoo kale ay Garoowe sii joogeen xubno ka socday dowladda dhexe ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayey wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Abshir Cumar Haruushe.

Booqashada madaxweyne Xasan Sheekh waxay imaaneysaa iyadoo dowladda Itoobiya ay wada-hadalo toos ah la billowday maamulka Puntland xilli ay gacan dhaaf ku sameeneyso dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Puntland weli waxaa socda muddo xileedkii Saciid Cabdullaahi Deni oo kusoo hungoobay qorshihiisa madaxweynimo ee Soomaaliya, sidoo kalana lagala dul booday kursiga ra’iisul wasaaraha oo uu si weyn u raadinayey lana sheego in laga ballan qaaday.

Iyadoo dhinaca kale, cadka ugu weyn ee Puntland ka heshay dhismaha xukuumadda cusub la siiyey xoghayihii urur siyaasadeedka mideeyey ee Puntland, kaasi oo ay Saciid Deni si weyn ugu loolamaan deegaanka.

Isku xirka dhacdooyinkaan waxay ku siinayaan halka uu Deni ka taagan yahay cilaaqaadka Villa Somalia, haddana sidaas oo ay tahay kama dhign inaysan madaxda federaalka ah booqan karin lana doodi karin Puntland, ama aan laga wada-shaqeyn karin arrimaha danta guud.

Wada-shaqeynta Puntland ee xilligaan waa u muhiim madaxweyne Xasan Sheekh, laakiin natiijada wada-shaqeyntaasi waxay ku xiran tahay sida isaga iyo Saciid Cabdullaahi Deni isku qaataan.

Siyaasiyiinta reer Puntland qaar waxay sheegayaan inuu Deni gaaray meel ay adag tahay inuu dib u aamino siyaasiyiinta reer Muqdisho.

Waxaa loo diiday garab xilli uu hoggaaminayey wareegii hore ee doorashada madaxtinimada, wuxuuna marqaati ka noqday in musharixii kaalinta saddexaad uu xukunkii qaatay. Waxay aheyd markii ugu horeysay taariikhda doorashooyinka Soomaaliya oo ay dhacdo in qof kaalinta seddexaad galay wareegii hore ee doorashada inuu ugu dambeyn xukunka ku guuleysto.

Hadda is aaminaad dambe muhiim maahan, laakiin wada-shaqeyn furan in la helo waa u muhiim dowladda dhexe iyo Puntland labadaba.

Maamulka ugu cimriga dheer maamul goboleedyada hoos taga dowladda federaalka ah wuxuu lumiyey mashaariic iyo wax wada-qabsi badan oo uu la sameynsan karay dowladda dhexe ee Soomaaliya mudadii uu Villa Somalia joogay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdiweli Gaas iyo Saciid Cabdullaahi Deni labaduba waxay qabeen Farmaajo diid, waxayna taasi dhaawacday waxyaabihii ay Puntland ka faa’idi jirtay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Inuu Saciid Cabdullaahi Deni dhabarka xijiyo wada-shaqenta dowladda dhexe waxay ka dhigan tahay in federaalkana wax badan oo wadajir lagu qaban karay kasii xayirmi doonaan, Puntland ay lumin doonto wax badan oo ay wadajir ku heli laheyd.

Siyaasiyiinta reer Puntland waxay leeyihiin Saciid Cabdullaahi Deni waxaa hortaalla inuu hagaajiyo cilaaqaadka Puntland iyo dowladda federaalka ah oo muddo xumaa oo uusan arrinta ku dabaqin rabitaankiisa iyo inuu waayey wixii uu Xasan Sheekh ka filayey oo aheyd ra’isulwasaaranimo.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud waxaa la fahamsan yahay inuu si weyn u door bidayo inuu wada-shaqeyn fiican la yeesho maamulka Puntland.

Su’aasha ah isaga iyo Saciid Deni ma is qaadan karaan xilligaan? Dadka waxay badi uga jawaabayaan haa iyo maya is huwan.

Diidamadaan iyo ogolaanshaha is huwan waxay dadka soo jeediyey ku fasireen in Saciid Deni uusan siyaasad ahaan ula falgeli doonin hoggaanka cusub ee Villa Somalia balse ay u badan tahay inuu Xasan Sheekh u bandhigi doono qaab loo maareyn karo waxyaabaha danta guud ee isaga xiran Puntland iyo dowladda dhexe.

Daawo: Xaafado ka tirsan Muqdisho oo qarka u saaran in laga guuro + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ma ahan webi dhex maraya xaafadaha. Mana ahan halkan meel aalaaba looga maarmi karo ama loogu tala-galay inay biyuhu fariistaan. Waa jid muhiim ah oo halbowle u ah isku socodka gaadiidka dadweynaha caasimadda Muqdisho ku nool. 

Waddadan saaka uma xirmin inay wufuud caalamiga ah mari doonto. Waxaa isku socodkeeda hakiyay roobkii xalay ka da’ay caasimadda Muqdisho kaas oo aan kaliya ku qasbin gaadiidleyda inay ka joogsadaan maritaankeeda balse dadka deegaanka u diiday meel isku soo maraan. 

Toddobaadkan oo dhan waddadan waxay ahayd mid mashquul badan, laga bilaabo waaberiga iyo habeenkii. Waqti badan ayaa rakaabka ku socdaala gaadiidka dadweynaha uga bixi jiray gudbitaankeeda. Ciriirigaas aan yareyn wuxuu qaadan jiray mararka qaar laba saac ka badan in looga baxo. 

Dadkuna ugu yaraan kama xumeyn inay weli u furan tahay inay adeegsan karaan. 

Balse saaka wax dhaqdhaqaaq kama jiro gebi ahaanteeda. Dadweynaha ayaa si kastaba iskood isku maaraynaya, waxayna karaankooda dhex qaadayaan jidadka xaafadaha kuwaas oo iyaguna biyuhu fariisteen. 

Jidadka qaar oo biya-dageen noqday maadaama ay adag tahay in sahal looga gudbo, shub adag, dhagaxyo waaweyn iyo tiirar ayaa la dhex dhigaa si loo kor maro. 

Magaalada Muqdisho shacabku ma-waayaan inta badan si ay isku xaliyaan marwalba oo dhibaato ku timaado. Laakiin mushkiladaha qaar waa cuuryaamin nololeed oo dad badan oo barayaal, arday, xirfadlayaal iyo xoogsato ka kooban ka horjoogsata inay gaari waayaan danahooda. 

Muuqaalkani wuxuu dhabtii ceeb iyo weji-gabax ku yahay maamulka gobalka Banaadir oo gebi ahaantiisba ku fashilmay inuu xal waara u helo dhibaatada joogtada ah ee waddadan dheer ee Danwadaagaha ka taagan. 

La-yaabna malahan inuu xaalku sidaan sii ahaado maalin  iyo ka badan iyada oo aan tallaab degdeg ah laga sameynin xalinteeda. 

Marwalba oo la gaaro xilli roobaadyada, magaalada Muqdisho oo awalba la daalaa-dhacaysa ciriiri joogto ah oo ka jira laamiyadeeda, waxaa dhib kale oo hor leh kusii noqda biyaha fariista waddooyinka waaweyn iyo jidadka xaafadaha. 

Maamulka gobalkana, wuxuu maalin walba gaadiidleyda kaga hubiyaa waraaqaha bixinta canshuuraha isla waddooyinkan aad u jeedaan oo meel laga maro aan lahayn. 

Waa fashil iyo foolxumo inaan loo diyaargaroobin xalka dhibaatadan. Waana mas’uuliyad darro iyo isxil-qaamid la’aan inaan marnaba dhib loo arkin rafaadka shacabka ku dhex heysta waddooyinka caasimadda. 

Waa maxay ujeeddada ka weyn qaadista canshuuraha haddii aan dadkeeda waxba loogu qabaneynin? Dowladda hoose ee Xamar waxaa u furan labo doorasho oo kala ah; inay gebi ahaanba joojiso canshuuraha xad-dhaafka ah oo ay shacabka ka urursato ama ay waxqabad muuqda oo la-taaban karo ugu qabtaan dadkeeda. 

Qore: Zaki Hiraale
Kala xiriir: [email protected] 

Seyga afhayeenka congress-ka Mareykanka oo XABSI lagu xukumay + Sababta

Washington (Caasimada Online) – Seyga Nancy Pelosi, oo ah Afhayeenka Aqalka Wakiillada Maraykanka, ayaa lagu xukumay muddo shan maalmood ah inuu xabsiga ku jiro kadib markii uu qirtay dambi ah inuu gaarigiisa kaxeeyey isaga oo cabsan.

Paul Pelosi, oo 82 jir ah, wuxuu qirtay inuu dareensanaa saameynta ay qamradu caqligiisa ku reebtay goortii uu gaarigiisa nuuca Porsche uu ku galay shilka bishii March ee sannadkan. Waxaana uu sababay dhaawac soo gaaray qof rayid ah. 

Ninkan milyaneerka ah, qirashadiisu eedeymo kale oo xoog badan oo loo heysto ayay ka badbaadinaysaa. 

Paul wuxuu qabay Nancy Pelosi oo ah haweeney xubin sare ka ah Congress-ka Maraykanka tan iyo sannadkii 1963-kii. 

Muddo dheer kuma sii jiri doono xabsiga marka la eego qirashada uu sameeyey oo ah inuu dambiile yahay. 

Shilka kaddib habeenkii uu xabsiga ku jiray oo ahayd 28 May waxay u xisaabsanaan doontaa labo maalmood. Labo maalmood oo kale waxaa looga dhaafay anshax wanaaggiisa. Maalinta ugu dambeysana, wuxuu sideed saacadood oo kamid ah uu ku bixin doonaa howlaha adeegga bulshada sida nadaafadda waddooyinka. 

Paul oo ah aas-aasaha shirkad ganacsi, waxaa sidoo kale la marin doonaa tijaabo soconaysa saddex sannadood. Waxaana laga rabaa inuu xaadiro koorso saddex bilood ah oo lagu baranayo saameynta taban ee ka timaada marka adigoo cabsan aad gaari kaxaysid. Waxaa sidoo kale laga doonayaa inuu bixiyo lacag dhan $7,000 oo ah cawilcelin ama magdhow. 

Laakiin marnaba ma lumin doono shatiga gaari kaxaynta. Waxaase looga baahan yahay inuu hadiyo jeer hubsado isticmaalka aaladda shidda fareejada ee baabuurkiisa ku xiran, taas oo qofku ku maro tijaabada qamriga kahor inta aanu gaariga kaxaynin. 

Paul ma uusan joogin maxkamadda maalintii Talaadada markii ay soctay dhageysiga xukunkiisa. 

Shilku wuxuu xilli habeennimo ah ka dhacay magaalada Oakville ee gobalka California goor uu kasoo baxayay gurigiisa. Waxaana safarka ku wehliyay saaxiibkiisa muddada dheer – ahna deeqbixiye kamid ah Xisbiga Dimuqraadiga ah. 

Sida ay ku warrameen booliska, Paul wuxuu gaariga ku dhiftay gaari kale oo nooca Jeep ah, meel u dhow gurigiisa. Labada gaariga ayaana lagu soo warramayaa inay wada burbureen. 

Nancy ayaa siisay saraakiishii ka warbixinaysay goobta kaar muujinaya in Paul uu xubin ka ahaa naadi samafal oo taageerta waaxda ilaalada waddooyinka California, sida ku qoran cabashada booliska. 

Xilligaas Nancy ayaa ku sugneyd meel kale oo kamid ah Maraykanka, waxayna kaga qeybgalaysay xaflad qalinjebin ah oo ka socotay Jaamacadda Brown. 

Xafiiskeedu wuxuu ka gaabsaday inuu sii bixiyo faahfaahin intaas ka baxsan. Waxayna kusoo koobeen inay tahay ‘arrin gaar ah.

Lix bilood kadib dhankee u janjeerta guusha dagaalka UKRAINE iyo RUUSHKA?

Lix bil ayaa laga joogaa markii Ruushku uu si buuxda dagaal ugu qaaday Ukraine. Waxaana ay hadda dadka ku xeeldheer odorosidda xeeladaha dagaalka ay war u wanaagsan Kyiv iyo xulufadeeda Reer Galbeedka ka sheegayaan saansaanta dagaalka socda. 

Ukraine waa halgankii ugu muhiimsanaa ee reer Yurub dhex mara taniyo Dagaalkii Labaad ee Dunida. Waxyaabaha laga bartay waa in burburka iyo dhimashada aysan lahayn saansaan dhammaad leh. 

Ukraine waxay weli la halgamaysaa damaca iska xejinta awoodda Ruushka. Si kastaba, gaashaandhigooda ayaa hadda si aad iyo aad ah u bartilmaameedsanaya baraha saadka iyo xarumaha ciidanka oo ay ku jirto Crimea. Waxaana taas u sahlaysa kaalmada hubka ay ka helayaan Reer Galbeedka. 

Duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lala eegtay raxan maraakiib ah oo marayay badda Black Sea ee Crimea maalintii Sabtida ayaa kamid ah tusaalayaasha ayidaya in Ruushku uu hadda u nugul yahay weerarrada Ukraine ay kusoo qaado. 

Waxaa hadda meesha kasii baxaysa cabsida tuhunkii ahaa in dagaalkani uu wiiqo midnimada Reer Galbeedka. Teegeerada siyaasadeed ee Ukraine looga hayo gudaha Yurub iyo Maraykanka way xoogan tahay, wxaana loo arkayaa in halganka Ukraine aanu wax saameyn ah ku yeelaneynin kororka qiimaha tamarta iyo cunnooyinka.

Maraykanku si gaar ah wuxuu geeskiisa Ukraine ka kabayaa dhinaca hubka, isaga oo ku caawinaya nidaamka Gantaallada Madaafiicda sare, marka laga yimaado kaalmada lacageed oo uu ugu yabooho. 

Wuxuu sidoo kale u balanqaaday adduun dhan $800 milyan oo lagu xoojiyo difaaca ciidamada badda, waxaana la socda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, hoobiyayaal, iyo rasaas. Ujeedada ugu weyn ee awoodeynta ciidan ee uu Maraykanku ugu sameynayo Ukraine waa inay dib u qabsato dhulalkii gacantooda laga fara-maroojiyay. 

“Militariga Ruushku waxay lumiyeen wax badan oo kamid ah wixii ay ku taagnaayeen, waxayna xooggageeda u daabushay dhinaca koofureed ee waddanka si ay ugu diyaargaroobaan weerarada Ukraine kaga imaanaya,” ayuu yiri Michael Kofman, oo ah agaasimaha Barnaamijka Daraasadda Ruushka ee CNA. 

“Ilama ahan inay jirto dib-u-dhac kale oo ka jira gudaheeda oo ay wajahayso; waxay ila tahay in bog cusub uu u furmi doono kahor qaboobaha,” ayuu sii raaciyay. 

Natiijada kama dambeysta ah ee dadaalkaas weli ma cadda. Si kastaba, masiirka uu dagaalkani ku gaba-gaboobi doono waxay ku jirtaa gacanta Ukraine iyo sida ay usii xejisato dadaalkeeda. 

Labada dhinac ayaa la rumeysan yahay inay si qaldan u meel-dhigeen boqollaal meydadka iyo dhaawacyada askartooda ah taniyo markii uu dagaalku bilowday bishii Febraayo 24-keeda. 

Ruushka ayaa ka qasaare iyo dhimasho badan Ukraine marka ay timaado isdhaafsiga iyo kala gurashada dhimashada iyo dhaawacyada iyo agabyada, wuxuuse ku xisaabtamayaa calooshood-u-shaqeystayaal, maleeshiyaad iyo adeegsiga taangiyo hore si uu isu-dheelli-tiro. 

Waxaa kale oo la tilmaamaya in nidaamka maaliyadeed ee Ruushka uu la daalaa-dhacayo hoos-u-dhac qoto dheer, marka lala barbardhigo Reer Galbeedka. 

Natiijooyinka qaar ee hordhaca HALGANKA ayaa u muuqda kuwo la xaliyay. Madaxweyne Putin wuxuu isku dayay inuu dib u qoro wax uu ugu yeeray dhammaadka Dagaalka Qabow – isaga oo taas u maraya soo celinta saameynta taariikhiga ah ee Moscow ku lahayd Bariga Yurub. Laakiin taasi way fashilantay. 

Taasi cagsigeeda, wuxuu duullaankiisa Ukraine mideeyey qeyb ahaan Reer Yurub, waxaa dib boorka looga jafay awoodda ciidan ee NATO, waxaana xubinimadeeda codsaday dalal kale oo hor leh sida Sweden iyo Finland kuwaas oo kaga gaashaamanaya in Ruushku uu kusoo duulo. 

Ukraine waxay noqotay xabaddii mesagada ahayd ee kal iyo mooyo ku dhex badbaaday madaama filashadii labada dhinac ee Ruushka iyo Reer Galbeedka ay ka samata-baxday. Reer Yurub badan waxay la ahayd in Kyiv ay ku burburi doonto gacanta Ruushka. 

Dhammaadka xagaagan, Gaashaan-dhigga Ukraine ayaa rakibanaya kaalmooyin hub hor leh si ay gudaha fogfog ee Ruushka u duqeeyaan. Waxaase in badan ku adkaaneysa inay sahal ku jiiraan ama dib ula wareegaan furumihii horay looga qabsaday oo ay weli ku sugan yihiin ciidamada Ruushka. 

“Ukraine waxay heshay hindise leh istiraajiyad fiican,” ayuu yiri Francois Heisbourg, oo ah sarkaal hore oo Faransiis ah. 

“Laakiin ma naqaan sida iyo habka ay uga faa’iideysan karaan.” 

Wasiirka gaashaandhiga oo digniin culus u direy ciidanka dagaalka kula jira Al-Shabab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo booqasho ku jooga deegaanada gobolka Hiiraan ee ciidamada dowladda howl-galada ka wadaan ayaa ka digay in ciidamada dhexdooda la iska horkeeno oo dagaal dhexmaro.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Al-Shabaab ay dhibaato ku hayaan Shacabka, isaga oo u ballan-qaadeyna ciidamada deegaanka ee is-hubeeyay inay dowladda ka taageeri doonto dhinacyada amniga iyo baahiyaha ay qabaan bulshada si adeegyadii bulshada loogu soo celiyo deegaanada laga saaray Al-Shabaab.

“Waxa uga digaya ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladd in dhexdooda la iska horkeeno si loo wiiqo dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Sidoo kale waxa uu ku bogaadiyay howl-galadii u dambeeyay ee Al-Shabaab looga qabsaday deegaano dhowr ah, isaga oo ku dhiiriyey in dagaalka dhanka ah argagixisada sii xoojiyaan.

Hadalka Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa imanaya xili weli deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ay ciidamada dowladda ka wadaan howl-galo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Muddooyinkii u dmabeeyey ayaa waxaa dhaq-dhaqaaqyo culus ay ka socdeen waddooyinka isku xira Beledweyne, Matabaan iyo Maxaas, ayada oo ciidamada dowladda deegaano uga qabsadeen Shabaab.

Xamza iyo xukuumaddiisa oo heysta fursad ay shacabka qeyb kaga noqon karan dagaalka kooxda Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – 100 maalmood ayaa laga joogaa markii madaxweyne Xasan Shiikh uu dib ugu soo laabtay xafiiska, dhinacyo badan oo isbadal laga filayey madaxweynuhu weli ma taaban.

Aragtiyo kala duwan ayaa laga bixinayaa sida loo shaqeeyey boqolkiisii maalmood ee ugu horreeyey, waxaase ka waran u baahneyn in boqolkaas maalmood uu dhacay mid kamid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa muddooyinkaan.

Weerarkii Hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho wuxuu geystay khasaaro nafeed iyo mid hanti. Ciidanka dowladda federaalka ee Soomaaliya ee badbaadinta u yimid goobta waa kala reebi waayeen kooxdii gudaha ku jirtay ee weerarka soo qaaday iyo dhismaha Hotelka.

Marar badan oo hore ayey dhacday inay ciidanka dowladda ku hor dumiyaan dhismaha kooxda weerarka soo qaaday. Dhowr jeer ayey ganacsatada hantidaas leh waxay dowladda waydiisteen ceymo.

Inkastoo ay dad badan dhinteen oo hanta ka muhiimsan la waayey haddana dowladda iyada ayey mas’uuliyad ka saaran tahay kala ceyminta hantida, shacabka iyo soo afjaridda kooxda weerarka soo qaaday.

Ganacstadii laheyd hantidii ku burburtay dhowrkii qarax ee ugu dambeysay oo ay kooxda Al-Shabaab ka fulisay magaalada Muqdisho iyaga ayaa si is xilqaan ah ku dhistay goobahooda.

Xukuumadihii hore waxay isku darsadeen inaan marka hore la adkeyn amniga iyo inaan marka dambe waxba lagu celin dadka ku hantida beelay dhibaatada.

Haddaba maxaa la filan karaa markaan?

Ra’isulwasaare Xamze oo dhawaan booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii Hoteel Xayaat wuxuu ballan qaaday inay gurmad fiican ka geysan doonaan daryeelka dadkii uu dhibka gaaray, ganacstada hantidaas laheyd waxay ka mid yihiin dhibanayaasha weerarka.

Maadaama uu weerarkaan yahay midkii koowaad intii ay xukuumadaan jirtay waxaa la waydiinayaa inay macquul tahay inay xukuumadda ku dhiiran doonto wax u ceyminta ama siinta gacan maaliyadeed ganacsatadii ku hantida beeshay halkaas.

Inkastoo ay jiraan warar sheegaya inay dowladda diyaar u tahay kala qeyb qaadashada dib u dhiska dhismayaashii ku burburay weerarka, haddana waxaa macno weyn ku fadhisa in warkaas uu dhab noqdo oo ay xukuumaddu kor u sheegto inta ay dhan tahay kaalinta ay ka qaadaneyso hanta beelkii, burburkii iyo dhibaatadii shacabka kasoo gaartay weerarkii lagu soo qaaday Hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Inaysan xukuumadda dib u eegis ku sameyn hoggaanka iyo shaqada laamaha amniga oo aysan qeyb ka noqon baxnaaninta dhaawacyada iyo gacan siinta dadkii ku hantida beelay weerarkaas waxay hordhac u noqon kartaa niyad jab laga qaado xukuumadda cusub.

Kooxda Al-Shabaab waxay weli diyaar u tahay inay sii wado weerarada noocaan oo kale ah, sida ugu dhow oo kooxdaan looga adkaan karana waxay dad badan u arkaan isku duubni dhex marta xukuumadda iyo shacabka, waxaana jira dad badan oo aaminsan in gacan naxariis leh oo dowladda laga helo inay furo u noqon doonto wada-shaqeyn togan oo dhex marta shacabka magaalada Muqdisho iyo xukuumadda federaalka ah.

Isha ayaa lagu wada-hayaa sida ay xukuumadda ra’isulwasaare Xamze u garab istaagto dhibanayaashii weerarkii hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Sawirro: Muxuu Xamza kaga dhowaaqay Beledweyne?

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, si ay ugu kuur-galaan xaaladda abaaraha, una dhiirigeliyaan ciidamada qalabka sida ee la dagaallamaya kooxda argagixisada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo dhaweynta ka dib, kulan la qaatay maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo uu ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda arrimaha bulshada ee magaalada Beledweyne iyo saameynta abaartu ku yeelatay gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay bulshada Beledweyne soo dhaweynta diirran ee u sameeyeen, isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayo, isaga oo ammaanay hawlgallada ciidamadu kula dagaallamayaan kooxaha argagixisada, kuwaaas oo ka xorreeyey deegaanno badan.

Xamse Cabdi Barre oo weheliyo Madaxweynaha maamul gobolleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Guudlaawe, ayaa kormeeray Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ee la dagaallamaya argagixisada. Isagoo ku tilmaamay ciidanka X.D.S geesiyaal difaacaya Diinta, Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan kulamo kala duwan la yeeshay masuuliyiinta kala duwan ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo uu ugu horreeyo Madaxwaynaha, Madaxwayne ku-xigeenka, Maamulka Gobolka Hiiraan, Ciidammada qalabka sida iyo dhammaan bulshada qeybahooda kala duwan, Waxaana dhagaystay baahiyaha ay bulshadu qabto” ayuj yiri Raysal wasaare Xamse.

Mudane Xamse ayaa u ballan qaaday in xukuumaddu taageero iyo hiil ay la garab taagan tahay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka ee isku xil-qaamay sidii ay cadawga u sifeyn lahaayeen gobolka.

“Waxaan marar badan balan qaaday in Xukuumadeyda mudnaanta koowaad siin doonto xoreynta iyo sugidda amniga, waxaan Baledweyne u imid dhiirigalinta iyo garab istaaga dadka deegaankan oo runtii si geesnimo ah ugu istaagay dagaalka ka dhanka ah kooxda Shabaab, waxaad noqon doontaan reer Hiiraan dad lagu dayan doono talaabada aad sameyseen ee ah inaad iska dhicisaan cadawga,” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse.

Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa amray in si deg deg ah loo bilaabo dhismaha Ceelashii biyaha ay qarxiyeen Al-shabaab ee ku yaala deegaanada hoostaga degmooyinka Matabaan iyo Maxaas.

“Al-Shabaab waa arxanlaawayaal aan bini’aadanimo xata ku jirin, xiligan oo dalka dhibaatada abaarta ad aragtay ka jirto nimanka ceelashii biyaha laga cabaay ka qarxiyay ayaa islaanimo sheeganaya waa ceelashii ay ayaga xata biyaha ka cabayeen, waxaan leeyahay ciidanka qaranka iyo kuwa deegaanka jihaad ayaad ku jirtaan ee cadawga halaga xoreeyo gobolka iyo guud ahaan dalka anagana wan idin garab taaganahay,” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre. 

Horey waxaa magaalada Beledweyne ugu sugnaa Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Xildhibaanno iyo masuuliyiin kale oo warbixin ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha xaaladda dagaalka ka dhanka ah kooxda nabad-diidka ee Al-Shabaab, iyada oo wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ay dib ugu soo laabteen Muqdisho gelinkii danbe ee maanta. 

Najiib Razak – Ra’iisul Wasaarihii awoodda badnaa ee xabsiga ku dhammaaday

Kuala Lumpur (Caasimada Online) – Wuxuu cayaarta golf-ka la dheelay laba madaxweyne oo Maraykanka ah. Waa Donald Trump iyo Barack Obama. Laakiin, hadda, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Malaysia, Najiib Razak ayaa looga fadhiyaa inuu, sida deriskiisa oo kale, u tiriyo gacan-ku-dhiiglayaal iyo kuwo badan oo daroogada ka ganacsada oo uu yaqaan. 

Maxkamadda Federaalka ayaa Najiib ku riday xukun ah inuu 12 sanno ku qaato xabsiga maalintii Talaadada kaddib markii ay caddaymo u heshay eedeymo fadeexado xambaarsan, sida lunsiga hanti qaran oo uu ka xaday sanduuqa dowladda oo gaaraya balaayiin dollar. 

Tani waxay ahayd racfaankii ugu dambeeyey oo uu qaato. Waxaana gaalshiraha loo taxaabay isaga oo ku lebisan dhar qurux badan. Kaamirooyinka ayaa toos u duubayay iyada oo dhismaha maxkamadda laga soo saarayo si xabsiga loogu dhaadhiciyo. 

Xukunkiisu wuxuu asteeyey dhacdooyin la-yaab leh oo laga diiwaangeliyay hoggaamiye si adag awoodda maamul u qabsaday kadibna lagu helay fadeexad hareysay maamulkiisa oo baaritaannada gudaha ay muujiyeen in xatooyadiisa ay xargaha goosatay oo uu ka tallaabaday xuduudaha. 

Waxay sababtay in sannadkii 2018-ka ay Malaysian-ku kala noqdaan kalsoonida oo ay diidaan inay codkooda siiyaan. Waxay qadyaan ka joogeen musuqa baahsan ee la degay hey’adaha dowladda iyo maamulkiisa. 

Wuxuu isku dayay inuu dalka ka dhoofo durba markii looga adkaaday doorashada. Laakiin waa laga horjoogsaday inuu baxo. Si ku meelgaar ah ayaa loo xayiray dhaqdhaqaaqiisa, waxaana baaritaanno loogu dhaqaaqay hantidiisa. Wax aanay dadka Malaysia ka fileyn inanka uu dhalay Ra’iisul Wasaarihii labaad ee dalka, Cabdulrazaaq Xuseen ayaa loogu tagay hoygiisa. 

Tan iyo markaas, Najiib wuxuu ku jiray waqtigii ugu fiicnaa xilligiisa goortii ay socotay garmaqalka dacwaddiisa. Wuxuuna iska difaacay isku darka 42 eedeymo ah. Wuxuu ku adkeystay inuusan wax dambi ah gelin oo ay tahay marinhabaabin eedeymaha culus ee loo heysto. 

Maalin kahor intaan lagu dhawaaqin xukunka kama dambeysta ah, Najiib wuxuu bartiisa Facebook kusoo qoray inuu dareemayo kelinimo, dhagar iyo qorshe ka-dhan ah isaga oo loo maleegay. 

‘WAXAAN AHAA QUUS’

Laalidda racfaankiisii ugu dambeeyey wuxuu ku lug lahaa xukun sannadkii 2020-ka dhacay oo maxakmadda hoose ay go’aamisay dambiyo ku saabsan jebinta iyo baalmaridda kalsoonida shacabka, ku-takrigalka awoodda maamulka iyo lacago la-dhaqay oo gaaraya $10 milyan oo doolar.

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in adduun dhan $4.5 bilyan laga xaday Sanduuqa Dowladda oo uu wax ka aas-aasay Najiib markii uu ra’iisul wasaaraha ahaa sannadkii 2009. In ka badan hal bilyan waxaa lagu shubay koontada Najiib. Waana arrin ay Waaxda Cadaaladda Maraykanka ku tilmaantay baaritaankeedii ugu weynaa ee kleptocracy. 

Najiib ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay isku dayay inuu dib-u-dhigo maxkamadda go’aankeeda ugu dambeeya inay ku dhawaaqdo isaga oo beddelaya qareennada wax yar kahor billowga racfaanka.

Laakiin xeeladdiisa waa lagu fahmay, aad baana loogu naqdiyay.  Maxkamadda, ayaa si kastaba, diiday inay qareennadiisa siiso waqti dheeri ah si ay isugu diyaariyaan.

“Kama xishoonayo inaan iraahdo ‘waxaan ahay nin quustay’,” ayuu ku yiri war qoraal ah toddobaadkii hore mar uu ka hadlayay tallaabadii uu ku beddelay qareennadiisa. 

Wuxuu hadda codsan karaa in dib-u-eegis lagu sameeyo go’aanka Maxkamadda Federaalka, waase adag tahay in codsigan oo kale uu meelmaro. Wuxuu sidoo kale dalban karaa ‘Cafis Boqortooyo’. Haddii laga aqbalana, wuxuu kaga badbaadi karaa inuu 12 sannadood oo buuxda xabsiga ku jiro. 

Xukunka ayaa la micno ah in Najiib uu lumin doono kursigiisa baarlamaanka; mana u tartami karo doorashada. Wuxuu sidoo kale wajihi doonaa xukunno kale oo dhowr ah oo kaga yimaada eedeymaha xatooyada ee Sanduuqa Dowladda. 

SAACAD QAALI AH IYO BOORSOOYIN

Meel sare inuu kasoo galo siyaasadda ayaa loo diyaariyay Najiib isaga oo 23 jir ah. Muddo dheer, wuxuu ahaa qofkii ugu da’yaraa ee loo doorto baarlamanka. Maadaama uu kasoo jeedo qoys sumcad ku leh siyaasadda – kaas oo wax kusoo bartay dalka UK, Najiib waxaa loo doortay ra’iisul wasaare sannadkii 2009. 

Wuxuu la yimid himilo kale oo isbeddel doon ah. Wuxuuna aad ugu ol’oleeyey siyaasad dhaqaale oo xor ah iyo tirtiridda xeerarkii amni ee xilligii gumeystaha la meelmariyay. Waana dadaal uu ku doonayay inuu ku daadejiyo aragtida dowlad aan dooneynin inay burburiso mucaaradkeeda. 

Laakin diidmada qowmiyadaha laga tirada badan yahay ee Malaysia ee doorashadii 2013-ka ayaa Najib ku kaliftay in uu dib-u-soo ceshado ballan-qaadkiisii dib-u-habeynta isaga oo wajahaya caro ka dhalatay luminta mudnaanta dhaqaale ee muddada dheer ay heysteen dadka Malay-ga ah oo ah qowmiyadda ugu badan Malaysia.  

Malaysia waxaa ku nool 32 milyan oo dad ah; in ka badan 60% waa Muslimiin badigood kasoo jeeda qowmiyadda Malay-ga. Waxaana kusoo xiga Shiineeska iyo Hindida. 

Fadeexaddii ugu horreysay markii ay soo muuqatay sannadkii 2015-ka, Najiib wuxuu isku dayay inuu si degdeg ah uga daba-tago dhaleeceymaha. Waxaase waagu ku baryay sannadkii 2018-ka markii doorashada looga adkaaday kadibna ay kusoo furmeen eedeymo ballaaran oo maamulkiisa lagu soo oogay. 

Markii doorashada looga adkaaday, waaxda baaritaannada ayaa helay boqollaal boorsooyin gacmeed qaali ah, dahab, saacado iyo malaayiin dollar oo caddaan ah intii lagu guda-jiray howlgalalladii ka socday guryaha qoyskiisa. 

Wuxuu weli caan ka yahay meelaha qaar oo xisbigiisu ku leeyahay shacbiyadda. Hadalheyntiisa joogtada iyo xogaha la xiriira eedeymaha iyo dambiyada loo heysto ayuu ku kasbaday in ka badan 4 milyan oo follower ama ‘raadato’ ah inuu ku yeesho bartiisa Facebook. Waxayna taasi ka yeeshay siyaasiga ugu shacbiyadda badan Malaysia dhanka baraha bulshada. 

Zaki Hiraale – Kala xiriir: [email protected] 

Abiy oo XASAN SHEEKH u daba maray Soomaaliya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa Xasan Sheekh u daba maray Soomaaliya, isaga oo la xaajoonaya madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya, waxaa sidaas qoray wargeyska Africa Intelligence.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo xiriirka labada dhinac uu sii xumaanayo, midba mid kalena uu ka qabo shaki weyn.

Madaxweynaha mamaulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa horaantii August waxa uu muddo toddobaad ah ku sugnaa Itoobiya. Kadib markii uu saraakiil ka tirsan sirdoonka militariga Itoobiya kula kulmay Addis Ababa, wuxuu u duulay magaalada Jigjiga ee caasimadda gobolka Soomaalida, halkaasi oo uu kula kulmay madaxweyne Mustafe Cumar.

Laftagareen ayaa Itoobiya kala soo laabtay heshiis iskaashi oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab, oo dhammaadkii bishii July weerar ku qaaday Itoobiya, kaasi oo ay gudaha ugu gashay qiyaastii 200km.

Waxyar kadib booqashadaas, Mustafe oo xulufo dhow la ah ra’iisul wasaare Abiy ayaa warbaahinta gudaha u sheegay inay xiriiraan weerarka Al-Shabaab iyo muranka muddada fog ka dhaxeeya Itoobiya iyo Masar ee webiga Nile.

Wargeyska Africa Intelligence oo la xiriiray Mustafe, si uu sharaxaad dheeri ah u bixiyo, ayaa isaga oo aan wax caddeymo ah soo bandhigin sheegay in “quwado shisheeye” ay mucaaradka Tigray u adeegsanayaan in dagaal sokeeyey ka kiciyaan Itoobiya.

Qaahira oo isha lagu hayo

Abiy Ahmed iyo taageerayaashiisa weli go’aan kama gaarin dhacdooyinkii dabayaaqadii July, markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho ku tegay Qaahira, islamarkaana uu arrinta biyo-xireenka Webiag Nile kala hadlay dhiggiisa Masar Abdelfattah al-Sisi. 

Kahor safarkaas, Bankiga Misr ayaa waxaa la siiyey ruqsad uu kaga howlgalo Soomaaliya, taasi oo astaan u ah heerka isu soo dhowaanshaha labada dhinac.

Intii lagu guda jiray wada-hadallada, Sisi ayaa ku celceliyey inuu rajeynayo in ciidamada Masar ay qeyb ka noqdaan howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee loo yaqaan ATMIS. Tallaabadan ayaa xariiq cas u ah Itoobiya. 

Aragtida Addis-Ababa ayaa ah, in isu soo dhowaanshaha Qaahira iyo Muqdisho ay halis toos ah ku tahay Itoobiya.

Isaga oo sidoo kale tuhunsan in Xasan Sheekh uu xiriir wanaagsan la leeyahay Jabhadda Tigray-ga ee TPLF, Abiy ayaa qaaday tallaabooyin weerar celin ah oo ka dhan ah Xasan Sheekh, oo ay qeyb ka aheyd booqashadii Laftagareen ee Itoobiya.

Dhowr maalmood kahor, saraakiil sare oo ka tirsan militariga Itoobiya ayaa gaaray magaalada Garoowe, halkaasi oo ay kula kulmeen madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Itoobiya lama socodsiin Villa Somalia booqashadan.

Xiriirka Itoobiya oo sii xumaanaya

Abiy ayaa sidoo kale la hadlay dhowr ka mid ah madax goboleedyada Soomaaliya, isaga oo u maraya Mustafe Cumar, wuxuuna aad uga taxaddaray. in Villa Somalia aysan qeyb ka noqon wadahadalladan.

Muddo toddobaadyo gudahood ah, Mustafe ayaa wada-hadal taleefon la yeeshay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo kan HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe. 

Laftagareen iyo Qoor Qoor ayaa ka mid ah taageerayaasha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay xulufo dhow yihiin Abiy Ahmed.

Isaga oo ka warhaya xiriirka sii xumaanaya, Xasan Sheekh ayaa dabayaaqadii bishii July wuxuu Sheekh Aadan Madoobe, oo ah guddoomiyaha golaha shacabka, u xil saaray inuu ka shaqeeyo dejinta xaaladda Itoobiya.

Si kastaba, Sheekh Aadan madoobe ayaan illaa hadda qaadin wax tallaabo ah oo lagu horumarinayo xaaladda, oo weli sideeda ah.

Dowladda Xasan Sheekh waa ay diiday in la kordhiyo muddo xileedka madaxweyne laftagaren, oo hadda ku eg bisha December balse ay ka go’an tahay inuu dheereysto.

Saddex maalmood ka hor, madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, oo ay xulufo yihiin Xasan Sheekh ayaa muddo kororsi hal sano ah sameystay, taasi oo xasarad siyaasadeed ku furtay Xasan Sheekh; inuu diido muddo kororsiga Laftagareen kana aamuso midda Axmed Madoobe isma qaban doonto. 

Daawo: Xildhibaan maanta ku dhex ilmeeyey xarunta baarlamanka kadib xaalad…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Sheekh Maxamed Mashruuc oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta warbixin dheer siiyey Baarlamaanka, kadib safar ay isaga iyo xildhibaanno kale ku tegeen gobolka Bakool.

Mashruuc ayaa ku dhex ilmeeyey kulanka Baarlamaanka, intii uu gudbinayey warbixinta ku saabsan xaaladda murugsan ee gobolka Bakool oo abaaro iyo dagaallo ay ka jiraan.

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in xaalad adag ay ka jirto gobolkaan, gaar ahaan deegaannadii lagu dagaalamay ee magaalada Caato iyo nawaaxigeeda, wuxuuna sheegay in dadka ay u dhimanayaan gaajo iyo kuwa kale ay u dhimanayaan dagaallo.

“Bakool daruufaha ay dadkiisa ku dhagan yihiin kuwa uu dagaalka ku dhacay iyo kuwa geedaha hoostooda ku dhimanaya, xoolihiina ka dhammaadeen. Dad soo barakacay oo ka soo barakacay Xudur illaa Garasweyne, illaa Moora Gaabey oo tegay illaa Tiyiglow oo meesha ay ku qaxeena xabad ku qabsatay ayaa jira aad iyo aad ayaa damiirkeygu iyo jirkeyguba ii xanuunayaa waxa halkaas ka jira darteed iyo sida aan meeshaan u fadhiyo runtii arrin qalbigeyga taabatay weeye,” ayuu yiri isaga oo ilmeynayo Xildhibaan Mashruuc.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyey in meel looga soo wada jeesto kooxda Al-Shabaab, si dadka shacabka ah looga dul-qaado dhibaatada ay ku hayaan.

“Waxaa weeye waan qiirooday xaaladda dadkeena iyo dalkeena uu ku jiro oo aan maanta Xamar uga sameyneyno, waa inaan talo dhab ah gaarno oo Shabaabna iska celino,”

Xildhibaan  Axmed Sheekh Maxamed Mashruuc oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale sheegay in intii ku sugnaayeen booqashada deegaanka ay weerar culus iyo dagaal ay kala kulmeen Al-Shabaab oo uu tilmaamay inay ku soo weerareen hub casri ah iyo baabuur ay ka qabsadeen ciidamada howlgalka AMISOM, balse hadda loo bedalay magaca ATMIS.

“Al-Shabaab waxay nagu soo weerareen hubkii casriga ahaa ee AMISOM laga qaatay, gawaaridii gaashaamnaa, suugag iyo madaafiic goob, ciidamadeenuna waxa ay haysteen oona ugu weynee Nashiike runtii wuxuu ahaa dagaal mucjiso ah,” ayuu sii raaciyey.

Soomaaliya ayaa haatan wajaheyso xaaladdo ka dhashay abaaraha iyo sidoo kale weeraro halis ah oo Al-Shabaab ay ku heyso dalka, waxaana u dambeeyey weerarkii hoteel Xayaat.

Golaha Shacabka oo meel-mariyay talaabadii uu qaaday gudoomiye Aadan Madobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho oo uu shir-guddoominayay guddoomiye Aadan Madoobe ayaa waxa lagu ansixiyay magacaabis uu dhawaan sameeyay guddoomiyaha.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Habdhawre ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Xildhibaan Sahra Cabdullaahi Cigaal iyo Habdhawre ku-xigeenka 2-aad Xildhibaan Cabaas Cali Ibraahim.

“Xubnahaan oo uu magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxa codka Haa ku ogolaaday 175-xildhibaan, laba xildhibaan ayaa diiday halka laba xildhibaan oo kalena ay ka aamuseen.”

Magacaabista labada habdhowre ku-xigeen ayaa imanaya kadib markii uu guddoomiyaha Golaha Shacabka la tashi kala sameeyay ku-xigeenadiisa, islamarkaana uu ilaaliyay nidaamkii loo marayay magacaabista.

Ansixinta kadib qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa kulanka ka jeediyay warbixino la xiriira dhibaatooyin ka jira deegaano ka tirsan gobolka Bakool, halkaas oo dhowr jeer weeraro ka geysteen xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Xog: Khilaaf ka dhex qarxay wasiir Ilyaas iyo Laftagareen iyo Laftagareen oo amray in…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf culus ayaa ka dhashay balan-qaad uu dhawaan wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Soomaaliya Ilyaas Cali Xasan u sameeyey bulshada uu metelo ee ku nool degmada uu ka soo jeedo ee Buurhakaba oo ka tirsan gobolka Bay.

Khilaafkaas ayaa u dhaxeeya Wasiir Ilyaas oo dhinac ah iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo adeegsanaya masuuliyiinta maamulkii uu u magacaabay degmada Buurhakaba iyo xubno kale oo Koonfur Galbeed xilal ka haya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, khilaafkaan wuxuu salka ku hayaa balan-qaad uu Ilyaas Cali Xasan u sameeyey bulshada degmada Buurhakaba oo Al-Shabaab u go’doonsan sanado badan, isla markaana aan laheyn garoon diyaaradeed, maamul ay soo doorteen ama gole deegaan, sidoo kelena aan la gaarsii karin wax gargaar ah.

Bulshada uu ka soo jeedo ee reer Buurhakaba oo Ilyaas dhowaan Muqdisho ugu sameysay xaflad soo dhaweyn ah, markii loo magacaabay wasiiru dowlaha arrimaha gudaha XFS, ayuu ka balan qaaday inta uu joogo xafiiska inuu gacan ka gaysan doono in magaalada Buurhakaba ay yeelato maamul iyo dhismaha garoon diyaaradeed, maadama ay degmadaas Al-Shabaab go’odoomiyeen oo xitaa uusan jirin qaab gargaar loo gaarsiiyo.

Xafladaas wuxuu Ilyaas ka sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Buurhakaba oo ah magaalada labaad ee canshuurta ugu badan ay ka soo gasho Koonfur Galbeed aysan lahayn maamul degmo, Airport iyo kaabayaal bixiya adeeg bulsho.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah hadalka wasiir Ilyaas waxaa dhibsaday Madaxweyne Laftagareen iyo xubno kale oo xildhibaano ah, kana tirsan Koonfur Galbeed, waxaana maamulka Buurhakaba amar lagu siiyey in Ilyaas Cali Xasan ama masuul kale oo ka socda dowladda federaalka uusan tegi karin degmadaas.

Villa Somalia oo shaacisay ujeedka rasmiga ee safarka Xasan ee Garoowe + Sawirro

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Xasan Sheekh iyo xubnaha la socdo oo aad u kooban ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyey madaxweynaha Puntland, iyadoo kadib loo galbiyey qasriga madaxtooyada.

Villa Somalia ayaa shaacisay in ujeedka safarka madaxweynaha oo yahay u kuur-galidda xaaladda abaaraha deegaannada Puntland, dardargelinta dib-u-heshiisiinta, xoojinta wadashaqeynta heer federaal iyo heer dowlad-goboleed iyo dhageysiga talooyinka la xiriira dowladnimada ee ay qabaan bulshada Puntland, taas oo aas-aas u ah hiigsiga Madaxweynaha ee Soomaali Heshiis ah.

Madaxweyne Xasan ayaa kulammo la qaadanaya Madaxda Dowlad-goboleedka Puntland, waxgaradka, isimada, ganacsatada, dhallinyarada, haweenka iyo culimada, si uu u dul istaago xaaladda bulshada Puntland, baahiyaha ay qabaan, doorkooda horumarineed ee dalka iyo hirgelinta dowladnimada.

Dhinaca kale, xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa Xasan Sheekh ka shaqeynayo isu soo dhowaanshaha dowladda federaalka iyo maamulka Puntland, ayada oo la rumeysan yahay in madaxweyne Saciid Deni aanu qanacsaneyn wixii ka dambeeyey markii Xasan Sheekh dib loo doortay. 

Saciid Deni ayaa aad u rajeynayey inuu helo xilka ra’iisul wasaaraha ama la siiyo maamulka Puntland. Labadaasba ma dhicin, wuxuuna madaxweynaha xilka ra’iisul wasaaraha siiyey Xamza Cabdi Barre oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Abshir Cumar Huruuse iyo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Qaranka Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), Lataliyaasha Madaxweynaha ee Arrimaha, Federaalka Axmed Cabbaas Axmed, Dastuurka Cabduraxmaan Cabdullaahi Baadiyow, Lataliyaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Dib u heshiisiinta Mudane Cali Cabdi Awaare iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan.

Safarka madaxweynaha ee Puntland ayaa noqday kiisii saddexaad ee uu ku tegayo maamul goboleedyada, tan iyo markii dib loogu doortay doorashadii 15-kii May, wuxuuna horey u soo booqday dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo sidoo kale Galmudug.

Booqashada madaxweyne Xasan ayaa ku soo aadeyso xilli xasaasi ah, isla-markaana ay dalka ka jiraan daruufo amni iyo xaalado nololeed oo ay sababeen abaaraha.

Jubaland oo digniin u dirtay siyaasiyiintii ka horyimid muddo kororsiga A/Madoobe

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Duqa magaalada Kismayao Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed (Farawayne) oo la hadlay warbaahinta ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii ka soo yeeray qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Jubbaland oo dhowaan ku shiray magaalada Muqdisho, kuwaas oo si cad uga horyimid muddo kordhinta loo sameeyey Axmed Madoobe.

Farawayne ayaa u digay siyaasiyintaasi, wuxuuna shaaca ka qaaday inay abuurayaan carqalad ka dhan ah Jubbland, kadib muddo kororsigii Axmed Madoobe.

Sidoo kale wuxuu difaacay muddo kordhinta loo sameeyey madaxweynaha maamulka Jubbaland, isaga oo tilmaamay si qaldan loo turjumay, sida uu hadalka u dhigay.

“Intii hotel Maa’ida la fariisto dadka halaga maago, arrintaas hala iska daayo waa ceeb, haddii arrintaas billaabatana nin walba waa is difaacayaa,” ayuu yiri duqa Kismaayo.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Haddii makarafoonada bataan nin walba kitaabkiisa qoorta loo surayaa,” .

Siyaasiyiinta Jubbaland ee diiday muddo kororsiga Axmed Madoobe, kuna shiray Muqdisho ayaa ku dhowaaqay isbaheysi, waxaana ka soo muuqday Senator Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka mid ahaa saaxibadii aadka ugu dhowaa Axmed Madoobe.

“Wax talo ah oo Senatorradii ama Xildhibaanadii laga soo doortay Jubbaland uu Axmed kala yeeshay mudo kororsigaan ma jirto, wuxuu ahaa go’aan shalay soo bilowday oo isla shalay lagu kala baxay,” ayuu yiri Senator Fartaag oo ka hadlay xaaladda cakiran ee Jubbaland.

Si kastaba, baarlamaanka Jubbaland ayaa todobaadkan hal sanno oo dheeri ah ugu daray muddo xileedka Axmed Madoobe, taas oo uga sii dartay xiisadda ka taagan maamulkaasi.

Xog: Laba arrin oo xasaasi ah oo qeyb ka ah qorshaha safarka Xasan ee Garoowe

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe, halkaasi oo uu wadahadallo kula yeelan doono madaxweynaha maamulkaas Saciid Deni iyo saraakiil kale.

Villa Somalia wax faah-faahin buuxda kama bixin qorshaha safarka madaxweynaha, hase yeeshee ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku dhow madaxweynaha, ayaa Caasimada Online u sheegay qaar ka mid ah hadafyada laga leeyahay socdaalka. 

Sida aan xogta ku helnay, ujeedka koowaad ee madaxweynaha ayaa ah isu soo dhowaanshaha dowladda federaalka iyo maamulka Puntland, ayada oo la rumeysan yahay in madaxweyne Saciid Deni aanu qanacsaneyn wixii ka dambeeyey markii Xasan Sheekh dib loo doortay. 

Saciid Deni ayaa aad u rajeynayey inuu helo xilka ra’iisul wasaaraha ama la siiyo maamulka Puntland. Labadaasba ma dhicin, wuxuuna madaxweynaha xilka ra’iisul wasaaraha siiyey Xamza Cabdi Barre oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen.

Xubno ku dhow Deni ayaa sheegay inuu Xasan Sheekh kula heshiiyey xilka ra’iisul wasaaraha intii ay socotay doorashada madaxweynaha, inkasta oo mas’uuliyiin ku dhow Xasan Sheekh laga soo xigtay in madaxweynaha aanu sameyn ballanqaad noocaas ah.

Saciid Deni ayaa wixii ka dambeeyey magacaabista ra’iisul wasaaraha laga dareemayey inuu u xuubsiiban rabo mucaarad, ayada oo uu aad ugu dhowaaday dowladda Itoobiya oo la rumeysan yahay inay diidan tahay maamulka madaxweyne Xasan Sheekh. 

Ma cadda waxa uu madaxweyne Xasan ku qancin doono Saciid Deni, inkasta oo weligood ay aad isugu dhowaayeen. 

Arrinta kale ee aan markii hore safarka qeyb ka ahayn, balse aan xogta ku helnay in hadda ay ku jirto ajendaha, ayaa ah muddo kororsiga uu sameystay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, oo la sheegay in madaxweyne Xasan uu ka xumaaday. 

Axmed Madoobe ayaa 22-kii Bishan qaaday tallaabo laga fursan karay oo dan shaqsi ku dhisan, kadib markii uu baarlamankiisa ka dhameystay inay hal sano ugu daraan muddo xileedkiisa oo ku eg August 2023.

Tallaabada Axmed Madoobe ayaa buuq iyo xasarad siyaasadeed ku furtay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo muddo Farmaajo kula dagaashanaa muddo kororsigii sharci-darrada ahaa ee uu isku dayey. 

Xasan Sheekh ayaa la rumeysan yahay inuu Saciid Deni ku cadaadin doono inuu Axmed Madoobe u sheego inuu ka laabto muddo kororsiga, isaga oo ka dhigaya mid baarlamanku gaareen balse isagu diiday.

Safaaradda Mareykanka oo Ruushka u jeedisay eedeyn culus oo la xiriirta Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku eedeysay Ruushka in duulaanka uu ku qaaday dalka Ukraine uu saameyn xun ku yeeshay Soomaaliya. 

Qoraal kooban oo safaaradda ay soo dhigtay barteeda twitter-ka ayaa lagu sheegay in dagaalkaas uu kasii daray xaaladda abaarta ka jirta Soomaaliya oo malaayin qof ay gaajo darteed qarka u saaran yihiin macluul. 

“Dagaalka aan loo meel dayin ee Ruushku ee ka dhanka ah Ukraine ayaa saameynta xun ee abaarata ka jirta Soomaaliya ka dhigay mid kasii darran,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda. 

“Iskaashiga hay’adda USAID kala dhaxeeya hay’adda WFP ayaa maal-gelinaya soo dhoofinta iyo keydinta qamadiga Ukraine oo caawinaya jawaabaha bani’aadaminimo ee ku wajahan malaayiin qof oo halis ugu jira macluul.” 

Qoraalka ayaa waxaa lasoo raaciyey muuqaal muujinaya sida Ruushka u xanibay haruurkii ka iman jiray Ukraine, oo ay ku tiirsanaayeen dalal badan oo Afrika ka mid ah oo Soomaaliya ay ku jirto, taasi oo gaajo dhaxalsiisay malaayiin qof.

Ruushka ayaa horey loogu eedeeyey inuu duqeeyey dekedaha dalka Ukraine ee qamadiga laga soo dhoofin jiray, sidoo kalena xayiraado dhanka gaadiidka iyo badda ah saaray qaarkood, taasi oo hakisay haruurkii ka iman jiray Ukraine.

Horraantii bishan, dowladda Turkiga ayaa ka shaqeysay heshiis dhanka bani’aadaminimada ah oo dhexmaray Ruushka iyo Ukraine si loo fasaxo haruurka, hase yeeshee waxay qaadan doontaa bilo inta uu kasoo gaarayo Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 24-kii July wuxuu Muqdisho kula kulmay madaxa hay’adda USAID, Samantha Power.

Samantha Power ayaa kulanka ka sheegtay inay ka qayb-qaadan doonaan gurmadka abaaraha, waxayna ballan-qaadday in hay’adda USAID ay bixin doonto lacag deeq ah oo gaaraysa $470 milyan, taas oo ka dhigeysa lacagta ay hay’addu u qoondeysay Soomaaliya $668 Malyan.

Deeqdaan ayaa loogu talagalay wax ka qabashada abaaraha iyo sidoo kale hormarinta adeegyada muhiimka ah.

Sawirro: Muxuu madaxweyne Xasan Sheekh xalay faray golaha wasiirada dowladda?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Munaasabadda gunaanadka Kulan-Wadareedka Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay shaqooyinka baaxadda leh ee shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan Xukuumadda iyo rajada ay ka qabaan in ay u horseeddo xasilloni, amni iyo horumar. 

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey Golaha Wasiirrada in ay si daacadnimo leh ugu adeegaan dalkooda, mudnaanta koowaadna siiyaan xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada caqabadda ku ah dowladnimada Soomaaliyeed. 

“Masuuliyadda aad qaaddeen waa mid taariikhi ah oo horseedi karta samata-bixinta shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, taasna waxaan ku gaari karnaa in aan mideyno cududda iyo caqliga, una wada istaagno sidii aan dalka uga saari lahayn abaaraha, colaadaha iyo amni darrada.” 

Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo ku-xigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac dadaalka ay ku bixinayaan hirgelinta qorshaha dowladda ee Soomaali heshiis ah, Dunidana heshiis la ah, barnaamijkaas oo fulintiisu ay shacabka Soomaaliyeed u noqonayso naruuro ay ku diirsadaan.

Kulan-Wadareedka Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu caawa soo xiray Madaxweynaha Jamhuuriyaddu, ayaa Golaha Xukuumaddu waxa ay ku lafa-gureen howllaha hortabinta u leh xukuumadda, hannaanka wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, adkeynta ku dhaqanka xeerarka dalka, dib u eegista Dastuurka, amniga iyo xasillinta dalka, caddaaladda iyo garsoorka, horumarinta Dhaqaalaha iyo bixinta adeegyada bulshada.