27.6 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Khabiir amni oo sheegtay in qorshaha Xasan kaliya aan looga adkaan karin Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysaneysa hadal heynta suurta-galnimada dagaal ay dowladda Soomaaliya ku qaado kooxda Al-Shabaab oo 15 sano ka dagaalameysa Soomaaliya, awood badana ku leh gobollada dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeen ka hors ii xoojiyey ballanqaadkiisa dagaal ay dowladda la gasho Al-Shabaab oo lagu tirtiro kooxdaas.

Dagaalkaan uu iclaamiyey Madaxweyne Xsaan Sheekh ee dowladiisu ay ku qaadeyso Al-Shabaab maahan markii ugu horreysay ee sanadkii 2012-kii ayuu sidaan oo kale dagaal u iclaamiyey Xasan, sidoo kale madaxweynayaashii kale ee soo maray Soomaaliya ayaa sidaan oo kale dagaal ka dhan ah kooxda ugu dhawaaqi jiray.

Khubarada amniga iyo ciidanka ayaa qaba in cudud milatari kaliya aan lagu wajihi karin dagaalka Al-Shabaab, waxaa jirta aragti xoog leh oo qabta in wadahadal lala galo kooxda, waa hadiiba ay dhinacooda suurta geleyso.

Jeneraal Maxamed Nuur Caliyow oo ka mid ah saraakiishii hore ciidamada Soomaaliya ayaa ku jira khubarada qabta fikirka ah in Al-Shabaab wadahadal lagu dayo.

Jeneraal Maxamed Nuur Caliyow oo ku sugan magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa fikirkiisa ku aadan dagaalka Al-Shabaab wuxuu uga waramay Idaacadda VOA, isagoo cabiray tayada ciidanka Soomaaliya ee Xasan Sheekh uu doonayo inay dalka xoreeyaan.

Jananka ayaa madaxweyne Xasan Sheekh kula taliyey in dagaal kaliya aan lagu wajihin Al-Shabaab ee wadahadal lagu dayo, isagoo Shabaab-na u soo jeediyey in wax badan ay ka tanaasulaan oo dadkooda ay dilka ka daayaan, soona bandhigtaan waxa ay doonayaan.

“Ciidamada Soomaaliya waxaa lagu soo tababaray wadamo kale duwan, tababarna waxaa ugu fiican kan dagaalka lagu qaato, ciidanka Soomaaliya ma helaan tababar joogto ah, sidaas darteed ma tayo badna, iskaashi iyo wadashaqeyna ma jirto,” ayuu yiri Jeneraal Caliyow.

Wuxuu tusaale u soo qaatay weerarkii Hotel Xayaat oo sida uu sheegay ciidankii la tacaalayey howlgalkaas aysan laheyn wax kala dambeyn iyo khibrad ah toona.

“Waxaa muhiim ah in la ogaado, madaxda hadda hoggaan u qabatay Soomaaliya hada lama dhaliili karo ugu yaraan sanad ama laba sano markii ay xafiiska joogaan kadib ayaan la xisaabtami karnaa, sababtoo ah weli waxaa ciidanka hoggaamiya saraakiishii ay magacaabeen madaxdii hore, marka dhaliisha amni daradaan madaxda cusub ma saari karno,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jananku.

Wuxuu u soo jeediyey madaxda cusub ee dowladda inay cashirro ka bartaan wixii dhacay, is bedel deg deg ahna ku sameeyaan hoggaanka ciidanka, wadashaqeynta iyo tayadooda intaba.

Al-Shabaab oo shaacisay inay weerar ku dishay askar ka tirsanaa ciidanka ATMIS

0

Baraawe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada howlgalka ATMIS iyo dagaalayahanada Al-Shabaab ay ku dagaalameen deegaanka Buulo-colow oo hoostaga magaalada Baraawe ee gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ay xoogaga Al-Shabaab weerar dhowr jiho ah ku qaadeen saldhig ciidamada Uganda ee qaybnta ka ah ATMIS ku leeyihiin halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyey labada dhinac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka oo saacado badan qaatay la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu jiro khasaare xoogleh.

Al-Shabaab oo war ka soo saartay weerarkan ayaa guullo ka sheegatay waxayna shaacisay inay ku dishay ugu yaraan 8 askari, halka ay dhaawacday 6 kale, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay howlgalka ATMIS, ex AMISOM iyo maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan weerarkaas iyo dagaalka xigay.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo haatan laga dareemaya duleedka magaallo xeebeedka Baraawe ee gobolka Sh/Hoose.

Gobolkaan oo ay howlgallo ka wadaan ciidamada huwanta ayaa waxaa weli ku xoogan kooxda Al-Shabaab oo weeraro kala duwan ka geysta halkaasi.

Wararkii ugu dambeeyey safarka R/W Xamza Cabdi ee magaalada Beledweyne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta safarkiisii ugu horreeyey, tan iyo markii la magacaabay ku tegaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ilo wareedyo ku dhow xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa innoo xaqiijiyey in saacadaha soo socda uu ra’iisul wasaaraha ka duuli doono garoonka Aadan Cadde.

Qaban-qaabo loogu jiro soo dhoweynta wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa haatan ka socota gudaha magaalada Beledweyne, ayada oo aad loo adkeeyey ammaanka magaaladaasi.

Beledweyne waxaa sidoo kale shalay gaaray mas’uuliyiin horudhac u ah safarka ra’iisul wasaaraha, waxaana horey halkaas u tegay Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo qaar ka mid ah Xildhibaannada laga soo doorto gobolka Hiiraan.

Sidoo kale caasimada Hiiraan ee Beledweyne haatan waxaa ku sugan madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle iyo ku xigeenkiisa oo howlo shaqo u jooga halkaasi.

Ujeedka safarka ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriira u kuur-gelida xaaladaha nololeed ee ka jira Hiiraan iyo dadar-gelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Muddooyinkii u dmabeeyey ayaa waxaa dhaq-dhaqaaqyo culus ay ka socdeen waddooyinka isku xira Beledweyne, Matabaan & Maxaas, ayada oona deegaano looga qabsaday Shabaab.

Si kastaba, safarka ra’iisul wasaare Xamza Cabdi ayaa ku soo aadayo, ayada oo maanta madaxweynaha uu isna ku sii jeedo magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Daawo: Shirkii golaha wasiirada oo lasoo xiray iyo R/W Xamza oo war soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo soo xiray kulan-wadareedkii labada maalmood u socday golaha wasiirrada Soomaaliya, ayaa xubnaha xukuumadiisa ku adkeeyey in ay si daacadnimo leh ugu shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed, horseedna u noqdaan isbeddel muuqda oo ka hana-qaada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Xafiiskiisu uu gacan buuxda ku siinayo dhammaan wasaaradaha xukuumadda sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda qaran.

Sidoo kale Xamza Barre ayaa kula dardaarmay wasiirrada in ay ka shaqeeyaan xoojinta kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladnimadooda, taas oo sahli karta xaqiijinta amniga, bixinta adeegyada aas-aasiga ah iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.

“Shacabka Soomaaliyeed waxa ay idin ka sugayaan in aad gaarsiisaan himiladooda, xaqiijisaanna kalsoonidooda, taas oo aan rajaynayo in aan ku guuleysanno. Xafiisku Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ka shaqeynayaa xiriirinta, toosinta iyo xoojinta hey’adaha dowladda, wixii qabyo ka ah hay’adaha dowladda waan qabyo tiri doonaa, wixii wax u bilaaban yihiina waa inaan dhammeystirnaa oo habeen iyo maalin la shaqeeyo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Barre.

Maalintii labaad oo kulan-wadareedkaan golaha wasiirrada uu ka socday Muqdisho waxaa maanta furay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Saalax Axmed Jamaac, waxaana jirtay in khubaro, aqoonyahanno iyo la-taliyeyaal sare ay golaha u sharaxeen hanaanka hab-maamuuska Qaran, dib u eegista Dastuurka, amniga iyo xasillinta dalka, cadaaladda iyo garsoorka, horumarinta dhaqaalaha dalka iyo arrimaha Bulshada.

Sidoo kale, labadii maalmood oo ay goluhu ku guda jireen Kulan-Wadareedkan waxay falanqeyeeyeen howllaha hortabinta u leh xukuumadda, hannaanka wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, adkeynta ku dhaqanka xeerarka dalka iyo fahamka Xeer hoosaadka Golaha Wasiirrada, ilaalinta iyo ku dhaqanka habraacyada heshiisyada ay hay’adaha dowladdu la galayaan hay’ada kale, hagaajinta habka xog-wadaagidda hay’adaha Dowladda dhexdooda iyo mideynta xogta lala wadaagayo dadweynaha.

Hoos ka daawo

Xildhibaanada baarlamanka oo berri la isugu yeeray kulan ay afar ajende horyaallaan

0

Muqdisho Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa berri yeelanaya kulankoodii ugu dambeeyey ee kalfadhigaan koowaad, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay golaha.

Golaha ayaa Khamiista berri kulankooda uga hadli doona afar ajende oo xiritaanka kaldhiga koowaad uu ku jiro, kuwaas oo kala ah:

1 – Dhageysiga Warbixinta dhibaato weyn oo ka jirta Gobolka Bakool.
2 – U codeynta labo Habdhawre ku-Xigeen oo magacaaban.
3 – Doorashada xubnaha Guddiga kor-joogteynta dib u eegista Dastuurka KMG ah ee dalka.
4 – Iyo Xiritaanka kalfadhigaan 1-aad ee Golaha shacabka – BFS.

Fariintaan ayaa loo diray xildhibaanada golaha shacabka, kulankaan kii ka horeeyey oo dhacay Axadii lasoo dhaafay waxaa lagu doortay guddoonada 14 guddi oo loo kala qeybiyey xildhibaanada.

Sidoo kale kulankaas waxaa lagu dhaariyey Maxamed Cabdullahi Farmaajo, madaxweynihii hore ee dalka oo xubin aan dhicin ka noqonaya golaha shacabka, in kastoo ay jireen isku dayo guul dareystay oo ay sameeyeen xildhibaano uu hor ka cayey Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dood adag geliyey xubinimada Farmaajo ee baarlamaanka.

Xasan Sheekh oo u safraya Puntland iyo qorshaha socda

0

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan u safraya magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland, sida ay shaaciyeen Puntland iyo dowladda federaalka.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse iyo wafdi uu hogaaminayo oo hordhac u ah safarka uu Madaxweynuhu ku tegayo deegaanada Puntland ayaa maanta gaaray Garowe.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo maanta saxaafada la hadlay ayaa wadajir u shaaciyey in madaxweyne Xasan Sheekh uu maalmaha soo socda Puntland tegi doono.

“Wasiir soo dhowaada, madaxweynaha iyo imaashihiisa waan iska wareysa doonaa, si xor ah ugu soo dhowaada Puntland, una dhex jooga insha allah,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Dhabancad.

Dhankiisa Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse oo saxaafadda la hadlay ayaa yiri, “Madaxda Puntland waan uga mahad naqayaa soo dhaweyntaan diirran, waxaan u imid oo aan hordhac u ahay safar uu madaxweyne Xasan Sheekh ku imaa doono deegaanada Puntland.”

Wasiirka ayaa sidoo kale Puntland aad ugu amaanay sida ay ugu diyaar garoobeyso marti gelinta wafdiga madaxweynaha Soomaaliya, “Qaban qaabada socota iyo safarka uu madaxweynuhu ku imaanayo fadhi ayaan isaga wareysa doonaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Waa markii ugu horeysay ee Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse uu Puntland ku laabto tan iyo markii loo magacaabay xilkaan, sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayey markiisii ugu horeysay u noqoneysaa ee Puntland uu u safro tan iyo markii dib loo soo doortay.

Madaxweynaha ayaa hoggaan Puntland kala soo hadli doona wadashaqeynta uu doonayo inuu la yeesho maamul goboleedyada dalka, waxaana xusid mudan Saciid Deni iyo Xasan Sheekh ay ka dhex jirto xurguf hoose oo ka dhalatay doorashadii madaxtinimada Soomaaliya iyo xulashadii Ra’iisul wasaaraha.

 

Axmed Madoobe oo dagaal siyaasadeed cusub ku furay madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Muddadii shanta sano aheyd ee Axmed Madoobe uu dagaalka siyaasadeed kula jiray madaxweyne Farmaajo, hoggaamiyaha Jubaland uma baahneyn awood ciidan oo uu Farmaajo kaga badbaadyo, maadaama ay ilaaliyaan Kenyanka. 

Axmed Madoobe wuxuu u baahnaa taageero dhanka sharciga iyo ra’yu caamka ah, oo uu ku muujiyo in Farmaajo kula dagaashan yahay qabiil dartiis, taasi oo uu ku guuleystay. 

Waxaa taageeradaas xooggeeda uu ka helay golihii Midowga Musharaxiinta ee ay hoggaaminayeen Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh, kuwaas oo si adag u difaacay madaxweynaha Jubaland kuna taageeray doorashadiisii muranka dhalisay ee 2019. 

Xasan Sheekh iyo Shariif kaliya taageero hadal uguma simin Axmed Madoobe ee waxay tageen Kismaayo ayaga oo ka qeyb-galay caleemo-saarkiisa, taasi oo shabaddii ugu dambeysay ee ansixinta ku dhufatay inuu afar sano oo kale hoggaamiyo Jubaland. 

Xitaa waxay taas ku kasbadeen in Farmaajo uu labadii madaxweyne ku xayiray garoonka Aadan Cadde.

Markii Xasan Sheekh dib loo doortay, waxa uu Axmed Madoobe iyo beeshiisa ku abaal-mariyey xilka ra’iisul wasaaraha oo aysan weligood qaban, taasi oo meesha ka saartay cabsi kasta oo Axmed Madoobe ka qabi karay in dhibaato kaga timaado dhanka dowladda federaalka.

Muxuu ku abaalguday Axmed Madoobe?

Waxaas oo dhan wuxuu Axmed Madoobe ku beddelay inuu madaxweyne Xasan Sheekh uu isaga oo saddex bil kaliya xafiiska jooga uu geliyo xasarad siyaasadeed oo Soomaaliya oo idil saameyneysa. 

Axmed Madoobe ayaa 22-kii August wuxuu baarlamankiisa ka ansaxsaday muddo kororsi hal sano ah, isaga oo aan eegeyn xaaladda dalka ku sugan yahay iyo waxa ka dhalan kara tallaabadiisa danta shakhsiga ah ku dhisan. 

Axmed Madoobe wuxuu sanado badan ku qeylinayey in Farmaajo dastuurka ilaaliyo, oo aan laga aqbaleyn muddo kororsi, haddana Farmaajo oo saddex bil un sii maqan, ayuu muddo kororsigii sameeyey.

Tallaabada uu Axmed Madoobe qaaday waxay buuq siyaasdeed oo laga baaqsan karay ku furtay madaxweyne Xasan Sheekh, oo uu xafiiska ku cusub, hadafkiisa koowaadna yahay in dagaal mideysan lala galo Al-Shabaab.

Xasan Sheekh oo ay hortaallo xujo siyaasadeed

Xasan Sheekh hadda waxaa hortaalla xujo siyaasadeed weyn oo ah sida uu ka yeelayo ama uu wajahayo muddo kororsiga Axmed Madoobe.

Haddii uu ka aamuso, oo ka dhigan aqbalaad, waxay albaabka u fureysaa in dhammaan madax goboleedyada kale ee dalka, si gaar ah Koonfur Galbed, HirShabelle iyo Galmudug ay muddo kororsi sameystaan.

Waxaa si gaar ah isha loogu hayaa Koonfur Galbeed, oo muddada Laftagareen ay ku egtahay bisha December ee 2022, inkasta oo Laftagareen uu sameystay muddo kororsi la diidan yahay. 

Tani waxay sidoo kale su’aal gelienysaa mabda’a iyo waxa uu aaminsan yahay Xasan Sheekh, maadaama dhowr sano uu Farmaajo ku diidanaa muddo kororsi horseeday dagaal uu dhiig ku daatay oo ka dhacay Muqdisho. 

Haddii Xasan Sheekh uu si shaacsan u diido muddo kororsiga Axmed Madoobe, waxaa furmaya dagaal iyo xasarad siyaasadeed oo dowladda aysan u baahneyn, taasi oo weecin karta dagaalka la qorysheynayo in lala galo Al-Shabaab. 

Waxay sidoo kale horseedi kartaa inay isku dhacaan dowladda iyo Puntland, oo la rumeysan yahay inay mar walba garab u tahay Jubaland.

Arrinta kale ee xusidda mudan ayaa ah; in beesha Gedo ay isha ku hayso madaxweyne Xasan Sheekh, kana fileyso inuu u caddaalad falo, maadaama Axmed Madoobe uu muddo 10 sano ah kaligiis haysto kursiga madaxweynaha Jubaland, oo aan la gelin tartan siyaasadeed furan. 

Waxaa illaa hadda lala yaaban yahay sababta Axmed Madoobe u doortay tallaabadan? Balse sida muuqata, waa daneyste eegtay tiisa kaliya, ama diyaar u ah inuu dagaal siyaasadeed la galo dowladda Xasan Sheekh si la mid ah dowladdii Farmaajo. 

Wiilka reer GURICEEL ee dartiis loo dacweynayo dowladda dalka Netherlands

0

Amsterdam (Caasimada Online) – Munasar Muxiyadiin waa da’yar Soomaaliyeed oo isaga soo cararay dalkiisa kadib markii argagaxisadu dishay xubno badan oo qoyskiisa ah – walaalkiisna wuxuu dhintay isaga oo isku dayaya inuu usoo tahriibo Yurub. Wuxuu ugu dambeyntii magangalyo ka helay dalka Netherlands. 

Laakiin markii uu tagay xarunta magangalyo doonayaasha lagu soo dhaweeyo, wuxuu arkay boqollaal kale oo isaga kahor timid oo safka ku jira,  oo xero dhinac ku heysa laamiga ku hoyda – wuxuu sheegay gugaca roob dhibco waaweyn inay qooyeen sariirtiisa, waxaa kale oo uu sheegay in dagaal joogto ah uu ka jiro xerada dhexdeeda. 

Golaha Qaxootiga Netherlands ayaa sheegay in sheekada Munasar iyo kuwa badan oo lamid ah ay ku qasabtay inay dacwad ka gudbiyaan dowladda – iyaga oo ku eedeynaya wax ay ugu yeereen la-macaamil wuxuushnimo ah oo lagula dhaqmayo dadka dhawaangalka ah. 

“Kaamamka qaxootiga ee meelaha colaaduhu ka jiraan, kama jirto doorasho kale,” ayuu yiri afhayeenka guddiga, Martin Van der Linden. 

“Laakiin gudaha Netherlands kama jirto wax dhibaatooyin qaxootiga la xiriira ah. Waxaa ka jira xasarado siyaasadeed taas oo sababtay in dadka ku nool Xerada Ter Apel ay ku dibjiraan bannaanka.”

Boqollaal ayaa lagu qasbay inay gogladaan meel dhiiqo ah, Guddiga ayaana sheegay in xaaladda xarumo kale oo magangal-doonayaasha lagu martigeliyo ay lamid yihiin. Qaar badan oo xarumahaas kamid ah mahelaan adeegyada aas-aasiga ah oo ay u baahan yihiin. 

“Adduunyada cid iigu nool malahan,”ayuu yiri Munasar oo sheegay inuu kasoo cararay degmada Ceeldheer ee gobalka Galgaduud kadib dagaal ay Al-Shabaab ku qaaday labo sannadood kahor. 

“Waxay dileen hooyaday, aabbahay iyo walaalkey iga weyn,” ayuu yiri. 

Isaga oo ay ilmadu ka da’ayso, wuxuu wakaaladda wararka Reuters u sheegay inuu lasoo baxsaday walaalkiis Cabdullahi kaas oo badda ku dhintay, iyaga oo doonaya inay uga soo tallaabaan doon kasoo waday Turkiga dhinaca Giriiga. 

“Wuxuu ahaa riyadaydii iigu dambeysay,” ayuu yiri. 

Qaar kale oo harjad adag kala soo kulmay safarradoodii Suuriya, Iiraan iyo Turkiga ayaa sheegay inay ku adkeyd helidda gabaad fiican oo ay ku hoydaan. 

Van der Linden wuxuu sheegay in Netherland aysan ahayn dal bani-aadnimada yaqaan. “Runtii dowladeennu way ku fashilantay intaan oo sannadood inay arrintan wax ka qabato,” ayuu yiri. 

Dhimidda iyo yareynta dakhliga loogu tala-galay in lagu furdaamiyo howlaha iyo adeegyada loo sameynayo soo-galootiga ayaa abuurtay xaalad wuxuushnimo ah oo kahor imaanaysa xeerarka Yurub uga degsan ilaalinta xuquuqda qaxootiga. 

Guddiga oo garmaqalka dacwadooda la filayo in laga dhageysto 15-ka bisha September, waxay doonayaan in la horumariyo nolosha ka jirta xeryaha oo dadka loo damaanad-qaado helidda biyo nadiif ah, daryeel caafimaad iyo cunnooyin. 

Afhayeen u hadlay dowladda ayaa sheegay in xeryaha ay buux dhaafiyeen soo-galooti hor leh. 

“Meelihii oo dhan way buuxaan; boqollaal dad ahna way soo galayaan maalin walba,” ayuu yiri. 

Qaxootiga kasoo baxsanaya dagaalka Ukraine oo aan u baahneyn inay magangalyo kusoo galaan Holland iyaguna way buux dhaafeen. 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Cumar Filish ka reebay shirkii golaha amniga qaranka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Filish ayaa markii u horeysay laga qeyb-galin shirka Golaha Amniga Qaranka, kaasi oo shalay uu shir-guddoomiyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkaan oo ay joogeen inta badan wasiirada muhiimka ah iyo taliyeyaasha ciidamada, ayaa lagu wargelin Filish oo kamid ahaa masuuliyiintii sida aadka ah ugu dhawa madaxweynihii hore.

Go’aanka Filish looga qeyb-galin waayey shirka ayaa la rumeysan yahay in uu ka yimid madaxda sare, ayada oo uu si weyn u dhaliilay ku-xigeenka Cumar Filish, oo kamid ah gacan-yareyaasha madaxweynihii hore.

Cali Yare ayaa nasiib darro ku tilmaamay in liiska guddiga Amniga Qaranka ee Madaxtooyada kasoo baxay laga reebo Guddoomiyaha gobolka oo ahaa xubinta ugu muhiimsan guddiga marka laga reebo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Shirka Golaha Amniga Qaranka oo ahaa kii ugu horeeyay ee Xasan Sheekh qabto ayaa waxa ka qeyb-galay: Wasiirka Amniga, Arrimaha gudaha, Cadaaladda, Taliyeyaasha Boolisak iyo Nabad-sugida, La-taliyaha madaxweynaha ee Amniga Qaranka, halka Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha ciidanka xooga ay uga qeyb-galeen dhanka Zoom-ka.

Si kastaba, Arrintaan ayaa imaneysa xili lasoo warinayo in madaxda sare ay qorsheynayaan inay xilka guddoomiyaha Gobolka ka qaadaan Cumar Filish.

5 qodob oo looga hadlayo shirka golaha wasiirada ee maanta oo la shaaciyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan-wadareedka Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa galay maalintii labaad, kaasi oo maanta lagu gorfeynayo howlaha mudnaanta u leh xukuumadda Soomaaliya iyo hay’addaha kala ee dowladda.

Kulanka ayaa waxa furay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, wuxuuna faah-faahin ka bixiyay qoddobada diirada lagu saarayo shirka, kuwaasi oo kala ah; Dib u eegista Dastuurka, Amniga iyo Xasilinta dalka, Cadaaladda & Garsoorka, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Horumarinta Arrimaha Bulshada.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qodobada shirka looga hadlayo dood dheer ka yeelanayaan Golaha Wasiirada iyo khubaro qeyb ka ah kulanka oo uu kamid yahay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Sida qorshuhu ahaa kulan-wadareedka Golaha Wasiirada ayaa lasoo gaba-gabeynayay maanta, hase yeeshe waxa lasoo warinaya in maalinta berrito ah lasoo geba-gabeyn doono, maadama ay weli socdaan doodaha.

Kulan-wadareedka Golaha ayaa lagu xoojinaya sida ay lagama maarmaan u tahay wada-shaqeynta hay’adaha shaqo wadaaga ah, si loo fuliyo adeegyada dowladda ee ay baahida u qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Xamza oo shalay furitaanka kulanka ka hadlay waxa uu ku adkeeyay Golaha sida ay lagama maarmaan u tahay in maanka lagu hayo dhibaatooyinka is biirsaday ee dalka ka jira, isagoo tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay golahan ka sugayaan qorshe cad oo lagu samata-bixinayo bulshada tabaaleysan.

Dagaalka ciiamada Itoobiya iyo TPLF oo dib u qarxay iyo wararkii ugu dambeeyey

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dagaal u dhexeeya Ciidamada Ismaamulka Tigreega ee Waqooyiga dalka Itoobiya iyo Ciidamo daacad u ah dowladda dhexe ayaa ka dhacay agagaarka magaalada Kobo, sida uu sheegay Afhayeenka Ciidamada Tigreega.

“Waxaan maqlayaa dhawaqa hubka culus oo saaka biloowday,” ayuu yiri mid ka mid ah beeraleyda deegaanka Kobo oo magaciisa ka gaabsaday, isaga oo intaas sii raaciyay “Toddobaadkii hore, waxaan arkay ciidamada gaarka ah ee Amxaarada iyo maleeshiyada Fano oo bas ku sii socda xagga hore.”

Afhayeenka dowladda Itoobiya Legesse Tulu, afhayeenka milatariga Korneyl Getnet Adane iyo afhayeenka Ra’iisul Wasaaraha Billene Seyoum ayaan ka jawaabin codsiyo ku saabsan inay inay macluumaad ka bixiyaan warkan.

Afhayeenka TPLF Getach Reda, ayaa goor dhaweyd farriin uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka wuxuu yiri “Ciidanka taliska Abiy ayaa duullaan ku qaaday fariisimaha aan ku leenahay jiidda Koonfureed”

Telefishinka Tigrai, oo ah warbaahin ay maamusho Tigray, ayaa sheegay in “ciidamada Itoobiya oo ay weheliyaan ciidamada gaarka ah ee Axmaarada iyo maleeshiyaadka Axmaarada inay bilaabeen weerar ballaaran abbaaro 5:00 subaxnimo.”

Dagaalkan ayaa soo afjaraya xabbad-joojintii la wada sugayey tan iyo bishii March, waxaana uu dhaawac weyn ku noqonayaa isku daygii lagu doonayey in lagu bilaabo wadahadallo nabadeed oo u dhexeeya xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray, oo ah xisbiga maamula Tigrayga.

Dagaalkan ayaa waxa uu barakiciyey malaayiin qof, waxana uu qaybo kamid ah gobolka Tigreega ka dhigay macaluul, iyadoo ay ku dhintay kumannaan shacab ah.

Nabadoon Maxamed Nuur oo lagu dilay Bakaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil qorsheysan oo ay barqanimadii maanta kooxo hubeysan ka geysteen gudaha Suuqa Bakaraaha ee magaalada Muqdisho, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in rag ku hubeysnaa Bistoolado ay u geysteen Nabadoon lagu magacaabi jiray Maxamed Nuur Diiriye oo sidoo kalena ahaa ganacsade.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda toogashada fulisay ay goobta ka baxsatay, waxaana daqiiqado kadib meesha ay wax ka dhaceen gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo sameeyey howlgallo baarinaano ah oo ku aadan dhacdadaasi dilka ah.

Dhinaca kale xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa war ka soo saaray dilka marxuumka, wuxuuna sidoo kale tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada Nabadoonka la dilay oo caan ka ahaa magaalada Muqdisho.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoysaska iyo qaraabada ree Diiriye Cali geerida ku timid walaalkeen nabadoon Maxamed Nuur Diiriye oo saakay gacan ka xaq darani ku dishay Xamar,” ayuu ku yiri war qoraal oo uu soo saaray C/raxmaan Odowaa.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale xusay in marxuumka uu ahaa oday xilkas ah, isla-markaana Alla ka cabsi badan, wuxuuna ugu duceeyey inuu Eebbe ka waraabiyo Jannadii Firdowso.

“Nabadoonka waxaan ku naqiinay odaynimo iyo xilkasnimo iyo alla ka cabsi. Waxaan ilaah uga baryaynaa inuu Jannadiisa ka waraabiyo, ahalkaba sabar iyo iimaan haka siiyo,”.

Dilkaan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaa dari ee ka dhaca caasimada, kuwaas oo ay ka mid yihiin weeraro qaraxyo ah oo uu ugu dambeeyey kii lagu qaaday hoteelka Xayaat.

Imaamkii Masjidka Xaramka oo lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah + Video

Jeddah (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa 10 sano oo xabsi ah ku xukumay Imaamkii hore ee Masjidka Xaramka Sheekh Saalax Al-Talib, sida ay sheegtay koox u doodda xuquuqda aadanaha.

Maxkamadda Racfaanka ayaa diiday go’aan ay horey u gaartay Maxkamadda Dambiyada Gaarka ah, taasi oo wax dambi ah ku waysay Sheekh Saalax, waxayna taa beddelkeeda siisay xukun xabsi ah, sida ay sheegtay kooxda u doodda xuquuqda aadanaha ee Prisoners of Conscience.

Sheekh Saalax ayaa waxaa la xiray bishii August 2018. Wax sharaxaad oo rasmi ah lagama bixin xabsiga Sheekh oo 48 jir ah.

Hase yeeshee kooxaha u doodda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in xarigiisu yimid kadib markii uu jeediyey khudbad uu ku sheegay in Muslimiinta uu waajib ka saaran yahay inay ka hadlaan xumaanta ka dhex jirta bulshada.

Sacuudi Carabiya ayaa waxay caan ku tahay inay si joogto ah u xirto dadka u dhaqaaqa bulshada, suxufiyiinta iyo culimada ayada oo sabab cad aan la sheegin.

Tobaneeyo wadaad ayaa la xiray tan iyo 2017, oo ay ku jiraan qaar ku baaqay dib u heshiisiin laga dhex sameeyo dalalka Khaliijka, kadib markii Sacuudiga ay go’doomiyeen Qatar.

In badan oo ka mid ah culimadaas ayaa weli xabsi ku jira, inkasta oo xiriirka Qatar iyo Sacuudiga uu soo wanaagsanaaday.

Toddobaadkii tegay, mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa 34 sano oo xabsi ah ku xukumay gabar diyaarineysay shahaadada PhD oo lagu magacaabo Salma Al-Shehab sababo la xiriira inay twitter soo dhigtay qoraal ka dhan ah dowladda, taasi oo dhalisay caro caalami ah.

Hoos ka daawo muuqaalka Sheekh Saalax iyo mid ka mid ah salaadihii uu dujiyey ee Xaramka.

Xog: Madaxweyne Xasan oo ku wajahan mid ka mid ah maamul goboleedyada

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah uu booqasho ku tego magaalada Garoowe ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Ilo ku dhow Villa Soomaaliya ayaa innoo xaqiijiyey booqashada madaxweynaha ee Puntland, waxaana haatan Garoowe laga dareemayaa qaban qaabada soo dhoweynta wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee lagu wado inay gaaraan halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in wafdi u hordhac u ah madaxweynaha, gaar ahaan xubno ka socda xafiiskiisa ay maanta gaari doonaan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, si ay qayb uga noqdaan soo dhoweynta madaxweynaha oo berri safar ku tegaya Puntland.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadallo la yeelan doono madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash, ayaga oo ka wada hadli doono wada shaqeynta labada labada dhinac iyo xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka.

Xiriirka Puntland iyo dowladda federaalka ayaa waxaa soo galay mugdi, kadib soo dhisidii xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Bare, taas oo loo badinayo inay salka ku heyso booqashada madaxweynaha, si xal loogu helo xiisadda u dhexeysa Muqdisho iyo Garoowe.

Safarka madaxweynaha ee Puntland ayaa noqonayo kiisii saddexaad ee uu ku tegayo maamul goboleedyada, tan iyo markii dib loogu doortay doorashadii 15-kii May, wuxuuna horey u soo booqday dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo sidoo kale Galmudug.

Si kastaba, booqashada madaxweyne Xasan ayaa ku soo aadeyso xilli xasaasi ah, isla-markaana ay dalka ka jiraan daruufo amni iyo xaalado nololeed oo ay sababeen abaaraha.

Greece: Dhallinyaro Soomaali ah oo la helay iyagoo naf biyo ku dhibcis ah (Daawo)

0

Athens (Caasimada Online) – Toddoba qof oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah ayaa la helay xili ay xaaladoodu gaartay in biyo lagu dhibciyo, kuwaasi oo lug kusoo galay jasiiradda Chios ee dalka Greece xili ay naf la caari ahaayeen isla markaana cuntadii iyo biyihii ay ka go’een.

Muuqaal lagu baahiyay bogga forRefugees ayaa muujinaya dhalinyaradaan oo aad u tabar beelay, islamarkaana afka biyo loogu dhibcinaayo, iyagoo codsanaya in la badbaadiyo.

Hay’adda forRefugees ayaa sheegtay in booliska Greece ay soo heleen toddoba ka mid ah dhalinyaradaan oo ka koobnaa 30 qof, waxaana maqan 23 kale oo Soomaali ah dhamaantood.

ForRefugees ayaa waxay kaloo sheegtay inaysan garaneyn magacyadooda balse ay jinsiyadooda Soomaali yihiin, maadaama aysan hadli karin oo ay u baahan yihiin daryeel deg deg ah.

Dhalinyaradaan ayaa kasoo tallaabay xadka dalka Turkiga sida ay sheegtay forRefugees, iyadoo ay codsadeen in dadka dhibaateysan ee rafaadka soo maray laga joojiyo dib ugu celinta Turkiga.

Dowladda Greece ayaa bilowday in dadka tahriibayaasha ah ee la qabto in dib ay ugu celiyaan dalka ay markii hore uga gudbeen Greece.

Sidee qabiilka Luo ee uu ka dhashay RAILA ODINGA u horseedeen guuldarradiisa?

Kisumu (Caasimada Online) – Gu’yaal badan, ruugcaddaaga siyaasiga mucaaradka Kenya, Raila Odinga wuxuu ahaa jaangooyaha siyaasadda gobollada galbeed ee ku teedsan Harada Victoria. Wuxuuna ahaa mid aad iskugu haleeya codadka qowmiyadda Luo ee uu ka dhashay, shantii doorasho ee madaxtinimada Kenya uu u loolamay. 

Aad ayay xaggiisa ugu janjeeraan xaqiiqdii. Waxaana ay ugu yeeraan Baba ama Aabbe ay u arkaan inuu rabay inuu xididdada u siibo musuqmaasuqa baahay balse ku guul-darreystay afar jeer oo uu u tartamay xilka madaxtinimada. Laba jeer ayuu ku sigtay in loo doorto madaxweynaha Kenya.

Laakiin hadda waxaa su’aal laga keenay daacadnimada qowmiyaddiisa Luo kaddib markii Odinga, oo 77 jir, toddobaadkii tagay markii shanaad lagu dhawaaqay in looga guuleystay doorashada madaxtinimada. 

Doorasho ay codadkooda ka dhiibteen in ka badan 14 milyan oo Kenyan ah, tirinta codadkii la dhiibtay ayaa muujisay in farqi dhan 233,000 oo codad ah uu ka hooseeyey loolamihiisa, William Ruto oo hadda wali sii ah madaxweyne ku xigeenka Kenya balse ku guuleystay doorashada.  

Laakiin haddii uu heli lahaa codadka 600,000 oo ah codbixiyaashii iska diiwaangeliyay afar ismaamul goboleed oo ay degaan qowmiyadda Luo, Raila waqtigan wuxuu noqon lahaa guuleystaha doorashada madaxtinimada.  

Soo ma xaadirin goobaha laga dhiibto codadka  

Dadka deegaanka ayaa waraysiyo lala yeeshay ku sheegay in Raila uu lumiyay kalsoonidii ay ku qabi jireen madaama uu isku gaar yeelay daadejinta awood qeybsiga xisbigiisa. Waxay sidoo kale ku tilmaameen mid ku talax-tagay siyaasaddii musuqmaasuqa ku dhisneyd oo uu sida weyn markii hore uga soo horjeeday. 

“Raila wuxuu noo ahaa nin shacab,” ayuu yiri John Okello, oo 38 jir ah kana mid ah dadka halka milyan ka badan ee ku nool Kisumu. 

“Laakiin hadda yididiiladii aan u heynay way dhimatay,” ayuu sii raaciyay. 

Is-xulufeysiga ku dhisan qowmiyadaha wuxuu ahaa dhaqan jiheeya siyaasadda Kenya sannado badan, taas oo abuurtay musuqmaasuq iyo sinnaan la’aan. Marka laga gaaro xilliyada doorashooyinkana, waxaa abuurma qalalaase. 

Laakiin sannadkan wax badan ayaa isbeddelay, waxaana muuqataa in dadku kasoo gudbeen qadkii qowmiyadnimada, ayna billaabeen inay la jaanqaadaan siyaasadda isbeddelka. 

Isbeddelkan wuxuu si gaar ah uga soo muuqday bartamaha Kenya oo ay ku badan yihiin qowmiyadda Kikuyu oo ah kuwa ugu badan Kenya, kuwaas oo ku gacanseyray doonista Uhuru Kenyatta oo ahayd inay codadkooda siiyaan Raila Odinga. Taas cagsigeeda, waxay codadkooda ugu shubeen William Ruto, oo kasoo jeeda qowmiyadda Kelenjin ee degta gobalka Rift Valley. 

“Dad badan waxay markii hore aaminsanaayeen in codadka qowmiyad walba uu aadi doono meel lasii og yahay – balse wax weyn ayaa iska beddelay middaas,”ayuu yiri Ken Opalo oo siyaasadda Kenya ku xeeldheer. Dhowr jeer oo doorashooyinku socdeenna socdaal ku maray Kenya inteeda badan. 

“Qanacsanaan la’aanta iyo madax xanuunka ay qowmiyadda Kikuyu ka qaaday bandhigii Uhuru iyo farriintii kasoo horjeeday ee uga timid William Ruto ayaa wax badan geesta kale u rogay,” ayuu sii raaciyay. 

Deegaannada ay ku xooggan yihiin qowmiyadda Luo ee kala ah Kisumu, Homa Bay, Siaya iyo Migori waxaa codadkooda ka dhiibtay 72% dadkii is-diiwaangelisay. Waana tiro 20% aad uga hooseysa doorashadii dhacday sannadkii 2013.  

Goobaha kale ee dadka codadkooda dhiibtay ay aad u yaraayeen waxaa kamid ah Mombasa oo ah meel kale oo Raila aad ugu xisaabtamayay codadkeeda. 

Halka deegaannada looga codeeyey William ay in ka badan 80% codbixiyayaashu soo xaadireen. Wuxuuna si fudud ku hantiyay codadka gobalka Central Kenya iyo kuwo badan oo kamid ah gobalka ay beeshiisu ku badan tahay ee Rift Valley. 

Khubarada ayaa hadda sidoo kale ol’olihii Raila Odinga ku sheegaya mid aan xambaarsaneyn farriin cad oo la fahmi karo. 

Balse Ruto oo ah ganacsade maalqabeen ah, wuxuu ol’olihiisa ku saleeyey mid loogu adeegayo fuqarada, wuxuuna astaan xisbigiisa uga dhigay gaari-gacan.  

Taageerayaasha Odinga ayaa sheegay in taniyo markii isbahaysi uu la sameystay Uhuru Kenyatta sannadkii 2018 uusan ku laabanin deegaanka uu kasoo jeedo si uu ula socdo xaaladaha ay ku nool yihiin iyo dhibaatooyinka dhaqandhaqaale oo ay la daalaa-dhacayaan. 

Markii Raila oo ku dhawaaqay inuu maxkamadda ka qaadan doono racfaan ku saabsan natiijada doorashada waxaa joogsaday dibadbaxyada, waxaana dad badan oo ku sugan Kisumu ay ugu baaqeen inuu la shaqeeyo madaxweynaha la doortay ee Ruto. 

SANBALOOLSHE oo kasoo hadlay jiida hore dagaalka ka socda gobolka Hiiraan

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa booqasho ku tegay deegaannada laga xoreeyey Al-Shabaab, isaga oo ay wehliyaan wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya iyo taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sanbaloolshe oo ka soo hadlay jiida hore ee dagaalka ka socda gobolka hiiraan ayaa boggaadiyey ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale soo dhoweeyey tallaabooyinka ay qaadeen ciidamada dowladda oo deegaanno horleh kula wareegay howlgallada ay ka wadaan gobolka Hiiraan.

“Cadowgu isagaa naga il helay, hadda waxaan leenahay annaga ayaa ka il helnay oo aan farsamadiisa iyo fuleynimadiisa baranay,” ayuu yiri Xildhibaan Sanbooloshe.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in sababta ay u tegeen deegaannadaas ay tahay inay garab istaagaan ciidamada Xoogga dalka, isaga oo sidoo kale guul weyn u rajeeyey.

“Guul ayaan idin rajeyneynaa, sababta meeshaan loo yimid waxa ay tahay dhaxantaan iyo kaligiin meeshaan inaanan joogin madaxdii Soomaaliya u sarreysay inay meeshaan timaado, waana idin garab taaganahay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Sanbaloolshe.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa duleedka Matabaan ka socday dhaq-dhaqaaqyo milatari oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxayna ciidamo jab xoogan gaarsiiyeen kooxdaas.

Si kastaba, xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana howlgalladaan oo uu horkacayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan si weyn looga dareemayaa deegaanada gobolkaasi.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Malaysia oo la xukumay

0

Kuala lumpur (Caasimada Online) –  Maxkamadda sare ee Malaysia ayaa ku amartay Ra’iisul Wasaarihii hore Najib Razak inuu bilaabo 12 sano oo xabsi ah Talaadadii kadib markii ay taageertay eedeymo la xiriira fadeexad balaayiin dollar ah oo ka dhacday sanduuqa dowladda ee 1Malaysia Development Berhad (1MDB).

Go’aanka maxkamadda federaalka ayaa dhameystiraya guuldaradda Najib, oo ilaa afar sano kahor Malaysia ku xukumayay gacan bir ah, isla markaana cabburinayay baaritaannada maxalliga ah ee fadeexaddii 1MDB, taasoo saameyn ku yeelatay hay’adaha maaliyadda.

Dambi baarayaasha ayaa sheegay in ilaa 4.5 bilyan oo dollar laga xaday qasnadda 1MDB, taas oo Najib uu wax ka aasaasay sanadkii ugu horeeyay ee xukunkiisa ee 2009 – iyo in inka badan 1 bilyan oo dollar oo lagu shubay akoonno xiriir la leh Najib.

Sarkaal ka tirsan maxkamadda iyo ilo ku dhow Najib ayaa sheegay in la dhigay xabsiga Kajang, oo qiyaastii 40 KM u jira caasimadda Kuala Lumpur.

“Tani waa mid aan horay loo arag, Najib waxaa lagu xasuusan doonaa waxqabadkiisii, wuxuu ahaa Ra’iisul wasaarihii ugu horeeyay ee ku guuldareysta doorasho guud, wuxuuna noqday kii ugu horeeyay ee la xukumo,” ayuu yiri Adib Zalkapli, oo ah agaasimaha hay’adda tala-bixinta khatarta siyaasadda ee BowerGroupAsia.

Najib, oo wax kusoo bartay Britan, ayaa xilka ra’iisul wasaarenimo hayay 2009 ilaa 2018, markaas oo carada dadwaynaha ee fadeexaddii musuqmaasuqa ay keentay guuldarradii kasoo gaartay doorashada, iyo tobannaan eedaymo musuqmaasuq ah oo lagu soo oogay bilo kaddib.

Ra’iisul Wasaarihii hore, oo dafiray dambigan, ayaa lagu xukumay 12 sano oo xarig ah iyo 210 milyan oo lacagta ringgit ah oo u dhiganta ($ 46.84 milyan) oo ganaax ah.

Fadeexadda baaxadda leh ee 1MDB ayaa keentay in Waaxda Caddaaladda ee Mareykanka ay furto waxa noqday baaritaankeedii ugu weynaa ee hoggaamiye awooddiisa ku xada hantida dalkiisa.

Anwar Ibrahim oo ah hoggaamiyaha mucaaradka ayaa sheegay in xukunkan uu cadeynayo awooda dadka.

VOA + Reuters.

Daawo: Dabageed oo si xun u weeraray xubno ka tirsan DF

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta reer Hiiraan ee ka tirsan dowladda federaalka, kuwaas oo faro gelin ku haya maamulkiisa.

Dabageed ayaa sheegay in siyaasiyiintaas oo ay ku jiraan wasiirro reer Hiiraan ku metela dowladda federaalka, kuwaas oo sida uu sheegay toos ula macaamila Ugaasyada iyo odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan.

“HirShabeelle waxaa dacaayadeynaya oo meel laga geeyo la la’yahay nimankii soo dhisay, waxay nimankaasi ku doodayaan HirShabeelle ma jirto ee ugaasyada halala macaamilo, war ugaasyada qarankaa lagala macaamilaa, laakiin siyaasadda HirShabeelle anagaa hadda naloo doortay,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle.

Sidoo kale Yuusuf Dabageed ayaa xildhibaanada dowladda federaalka ku metela HirShabeelle wuxuu ka codsaday inay ka hor yimaadaan wixii faro gelin ku ah maamulka ee siyaasiyiinta kale ay ku kacaan.

“Nimanka Xamar jooga halkaan nooguma tali karaan. Waxaan la yaabaa ninka maanta anigoo madaxdiisa ah aan ila shaqeyn ee doonaya inaan beri la shaqeeyo markii uu madax noqdo, ma dhici doonto taas, inuu iga xoog badaiyo ayaan kula shaqey karaa, kuwo wasiiro ah ayaa xitaa kacdoonka nagu wada, aniga waxay igu metelaayaan wasiirnimada, ayagana in madaxweyne ku xigeenka aan ku metelo ma rabaan,” ayuu yiri Yuusuf Dabageeed.

Sidoo kale Yuusuf ayaa siyaasiyiinta uu sheegay inay is hayaan wuxuu u soo jeediyey inay ka wadahadlaan waxa ay isku hayaan, maadaama sida uu sheegay ay isku qabiil yihiin, “War isku qabiilaan nahaye aan hoos u warano ama aan kala xoog badino,” ayuu yiri.

Baaqiisa uu xildhibaanada u diray wuxuu ku yiri, “Xildhibaanow waxaan idiin dirsanay dowladda federaalka, waxaan idiin soo xulanay inaad kuwii hore ka fiicnaatiin, Hirshabeelle inaad faro gelin ku sameysaan idiinma dirin, idinkana ogolaa meyno.”

Hoos ka daawo

Dadka Soomaaliya ‘oo 50 boqolkiiba halis wajahaya’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaciyay inay abaarta daran ay saameysay ku dhawaan 7.8 Milyan oo qof, taasi oo u dhiganta ku dhawaan 50% tirada guud ee dadkeena.

Cabdiraxmaan ayaa warbixin uu la wadaagay Golaha Wasiirada waxa uu ku sheegay in hal milyan oo qof ay barakicisay abaartu, isaga oo Golaha uga warbixiyay waxyaalaha u qabsoomay muddadii uu magacawnaa.

Sidoo kale waxa uu warbixin ka siiyay caqabadaha hortaagan ka jawaabista aafada abaaraha, wuxuuna xusay in sababo la xariira la’aanta dowlad mandate leh oo lala macaamilo intii kala guurka lagu jiray, deeq-bixiyayaasha oo daalay (Donor Fatigue), dhaqaale xumo ka dhalatay Covid-19, dagaalka Ukrain iyo sicir bararka ay qayb ka yihiin caqabadaha.

“Kala dhantaalnaanta dhinacyada ku howlan howlaha abaaraha, gaari-waaga goobaha ay argagixisadu maamulaan, culeyska amni-xumida iyo loollanka ku salaysan waajibaadka iyo arrimaha isku dabaridka dhaqaalaha ee ka dhex jira hey’ahada dawladda iyo saaxiibada caalamiga ah, siyaasadaha, istratijiayaha iyo qaab dhismeedka hey’adaha dowladda ee ka shaqeya abaaraha oo aan tayeysneen ayaa qeyb ka ah caqabadaha taagan.”

Ergeyga ayaa soo jeediyay sida ugu wanaagsan ee loo dardar-gelin karo gurmadka abaaraha, isku-duwida gargaarka, isagoo ku baaqay in Coordination-ka dawladda federaalka iyo dawlad goboleedyada la xoojiyo iyo in la helo istiraatiijiyad lagu muujinayo baaxadda abaaraha.

Warbixinta Ergeyga ayaa imaneysa xili kaalmada bani’aadinnmo/Gargaarka (HRP) ay kor u kacday 18% ilaa 79%, sidoo kale maal-gelinta ka hortaga macluusha la kordhiyey ayada oo la gaarsiiyey 86%.