Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta reer Hiiraan ee ka tirsan dowladda federaalka, kuwaas oo faro gelin ku haya maamulkiisa.
Dabageed ayaa sheegay in siyaasiyiintaas oo ay ku jiraan wasiirro reer Hiiraan ku metela dowladda federaalka, kuwaas oo sida uu sheegay toos ula macaamila Ugaasyada iyo odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan.
“HirShabeelle waxaa dacaayadeynaya oo meel laga geeyo la la’yahay nimankii soo dhisay, waxay nimankaasi ku doodayaan HirShabeelle ma jirto ee ugaasyada halala macaamilo, war ugaasyada qarankaa lagala macaamilaa, laakiin siyaasadda HirShabeelle anagaa hadda naloo doortay,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle.
Sidoo kale Yuusuf Dabageed ayaa xildhibaanada dowladda federaalka ku metela HirShabeelle wuxuu ka codsaday inay ka hor yimaadaan wixii faro gelin ku ah maamulka ee siyaasiyiinta kale ay ku kacaan.
“Nimanka Xamar jooga halkaan nooguma tali karaan. Waxaan la yaabaa ninka maanta anigoo madaxdiisa ah aan ila shaqeyn ee doonaya inaan beri la shaqeeyo markii uu madax noqdo, ma dhici doonto taas, inuu iga xoog badaiyo ayaan kula shaqey karaa, kuwo wasiiro ah ayaa xitaa kacdoonka nagu wada, aniga waxay igu metelaayaan wasiirnimada, ayagana in madaxweyne ku xigeenka aan ku metelo ma rabaan,” ayuu yiri Yuusuf Dabageeed.
Sidoo kale Yuusuf ayaa siyaasiyiinta uu sheegay inay is hayaan wuxuu u soo jeediyey inay ka wadahadlaan waxa ay isku hayaan, maadaama sida uu sheegay ay isku qabiil yihiin, “War isku qabiilaan nahaye aan hoos u warano ama aan kala xoog badino,” ayuu yiri.
Baaqiisa uu xildhibaanada u diray wuxuu ku yiri, “Xildhibaanow waxaan idiin dirsanay dowladda federaalka, waxaan idiin soo xulanay inaad kuwii hore ka fiicnaatiin, Hirshabeelle inaad faro gelin ku sameysaan idiinma dirin, idinkana ogolaa meyno.”
Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaciyay inay abaarta daran ay saameysay ku dhawaan 7.8 Milyan oo qof, taasi oo u dhiganta ku dhawaan 50% tirada guud ee dadkeena.
Cabdiraxmaan ayaa warbixin uu la wadaagay Golaha Wasiirada waxa uu ku sheegay in hal milyan oo qof ay barakicisay abaartu, isaga oo Golaha uga warbixiyay waxyaalaha u qabsoomay muddadii uu magacawnaa.
Sidoo kale waxa uu warbixin ka siiyay caqabadaha hortaagan ka jawaabista aafada abaaraha, wuxuuna xusay in sababo la xariira la’aanta dowlad mandate leh oo lala macaamilo intii kala guurka lagu jiray, deeq-bixiyayaasha oo daalay (Donor Fatigue), dhaqaale xumo ka dhalatay Covid-19, dagaalka Ukrain iyo sicir bararka ay qayb ka yihiin caqabadaha.
“Kala dhantaalnaanta dhinacyada ku howlan howlaha abaaraha, gaari-waaga goobaha ay argagixisadu maamulaan, culeyska amni-xumida iyo loollanka ku salaysan waajibaadka iyo arrimaha isku dabaridka dhaqaalaha ee ka dhex jira hey’ahada dawladda iyo saaxiibada caalamiga ah, siyaasadaha, istratijiayaha iyo qaab dhismeedka hey’adaha dowladda ee ka shaqeya abaaraha oo aan tayeysneen ayaa qeyb ka ah caqabadaha taagan.”
Ergeyga ayaa soo jeediyay sida ugu wanaagsan ee loo dardar-gelin karo gurmadka abaaraha, isku-duwida gargaarka, isagoo ku baaqay in Coordination-ka dawladda federaalka iyo dawlad goboleedyada la xoojiyo iyo in la helo istiraatiijiyad lagu muujinayo baaxadda abaaraha.
Warbixinta Ergeyga ayaa imaneysa xili kaalmada bani’aadinnmo/Gargaarka (HRP) ay kor u kacday 18% ilaa 79%, sidoo kale maal-gelinta ka hortaga macluusha la kordhiyey ayada oo la gaarsiiyey 86%.
Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Somaliland ayaa sheegaya in weli ay taagan tahay xiisadda u dhexeyso mucaaradka & xukuumadda, kuwaas oo hawada isku marinayo hadallo kul-kulul oo uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee Somaliland.
Xoghayaha arimaha gudaha ee Xisbiga Waddani, Mudane Maxamed Faarax Cabdi oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay xaaladda ay ku sugan yihiin dadkii dhowaan lagu xir-xiray dibad-baxyadii rabshadaha watay ee ka dhacay magaalooyinka Somaliland.
Wuxuu tilmaamay in dadkaasi illaa iyo hadda aan la soo taagin wax maxkamad ah, isla-markaana ay ku xiran yihiin sifo sharci darro ah.
“Maxaabiistaa Baki sharci darro ayey ku xiran yihiin waa kow, bishii 10-keedi ayaa la xiray nimankaas illaa iyo hadda wax maxkamad ah lama keenin waxaa ku tusineysaa ku tumashada sharciga inta qof la’iska qabsado halkaas lagu xiro,” ayuu yiri xoghayuhu.
Maxamed Faarax ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale qaar ka mid ah dibad-baxayaasha xiran ay hadda ka soomeen cuntada, gaar ahaa kuwii lagu xiray degmada Baki, halka kuwa kalena ay ku xanuunsanayaan gudaha xabsiga, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale wuxuu ugu baaqay xukuumadda iyo ciidamada Booliska inay xorriyaddooda dib ugu soo celiyaan dadkaasi, maadaama ay xiran yihiin dhowr iyo 10 cisho.
“Waxaa la soo sheegayaa inay cuntadii ka soomeen, waxaa la soo sheegayaa in ay qaar xanuunsanayaan sabab loo geeyey xitaa ayada oo jeelashii Hargeysa buuxin may oolin, marka waxaan ku baaqeynaa in si deg deg ah xuriyaddood dib loogu soo celiyo,” ayuu yiri.
Somaliland ayaa haatan wajaheyso xaalad cakiran, taas oo ka dhalatay muranka ka dhashay doorashada ee u dhexeeya xisbiyada mucaaradka iyo xukuumadda Biixi.
Kismaayo (Caasimada Onlie) – Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa u dhaqaaqay dhabbo uu marar badan ka diiday nidaamkii baxay ee madaxweyne Farmaajo.
Lama fileyn inuu Axmed Madoobe qaban doono dhabahaan iyadoo uu Jubbaland ku furan yahay dagaalka Al-Shabaab iyo kala fogaanshaha bulshadii wada-dhisatay maamulka.
Axmed Madoobe wuxuu hormuud u ahaa xulafadii diiday muddo kororsigii uu Farmaajo sameeyey bishii April ee sanadkii 2021.
Wuxuu ku sheegay muddo kororsigaasi inuu yahay mid sababayo inay Soomaalida kala tagto, hadda waxaa hor taala su’aal ah inuu muddo kororsigiisu kala diri doono Jubbaland?.
Muddada xil-heynta ee hay’adaha la doorto ee Jubbaland ayaa hal sano lagu kordhiyey, sidaas darteed Axmed Madoobe oo uu waqtigiisu ku ekaa bisha Agoosto 2023, wuxuu hadda sii joogi doonaa illaa iyi bisha Agoosto 2024. Mar si kale loo dhaho muddada xil-haynta ee hey’adaha la doorto ee Jubbaland waxaa laga dhigay 5 sano .
Arrintaan falcelin diidmo ah ayey deg deg ula kulantay. Dadka diiday in muddo xileedka Axmed Madoobe la dheereeyo waxaa kamid ah Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, kaasi oo ay muddo dheer xulafo ahaayeen Axmed Madoobe.
Diidmada Fartaag iyo xubno kale waxaa laga bixiyey fasiraad kala duwan, laakiin waxaa loo badan yahay in markii ugu horeysay uu Axmed Madoobe wajihi doono caqabado siyaasadeed oo dhab ah, iyadoo dhinaca kale isha lagu hayo sida uu Jubbland u saameyn doono isbadalka hoggaamineed ee Kenya.
Tallaabada muddo kororisga ee hoggaamiyaha Jubbaland waxay imaaneysaa iyadoo ay weli far u taagan tahay dadka reer Gedo. Xoogga reer Gedo kuma qanacsana hab xukunka dabada dheeraaday ee Axmed Madoobe.
Waxay dhowr jeer keeneyn sababo la xiriira gunta diidmadooda, laakiin dood dhab ah lagama gelin. Axmed Madoobe oo inta badan ku tiirsan Kenya waa hoggaamiyaha ugu waqtiga dheer madaxda Soomaalida ee casrigan.
Tallaabada hoggaanka Jubbaland ee waqti dheereysiga ayaa la fahamsan yahay inay kordhin karto dadka diidan Axmed Madoobe iyo inay sii kala fogeyn karto qabaa’iladii wada-dhistay maamulkaas. Waxyaabaha kale ee ka dhallan kara waxaa kamid ah in dowladda Federaalka ah ay xakameyn weyso maamul goboleedyada.
Qodobka 121 ee dastuurka Soomaaliya wuxuu leeyahay “Mabda’iyan waa in la is waafajiyaa dastuurka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dastuurada dowladaha xubinta ka ah dowladda Federaalka.” Micneynta qodobkaan waa in dastuurka Soomaaliya uu sheegayo in muddo xileedka madaxda la doortay ee dowladda Federaalka ah uu yahay Afar sano si taas lamid ahna xubnaha la doorto ee maamu goboleedyada iyaguna muddo xileedkoodu waa 4 sano.
Puntland oo kaliya ayaa gaar ah oo 5 sano uu yahay muddo xileedkeeda, waxaana sababta lagu sheegay in dastuurka Puntland la qoray inta aan la qorin midka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana xilligaasi lagu heshiiyey in Puntland sideeda loo dhaafo illaa dastuurka Soomaaliya laga dhameystirayo.
Goor sii horeysay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen wuxuu muddo xileedkiisa ku darsaday hal sano, dood ayaana weli ka taagan. Cali Guudlaaawe ayaa sidoo kale sameeyey labadaas ninba waxay tallaabooyinkasi qaadeen intii ay jirtay dowladdii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Hadda Axmed Madoobe wuxuu qaaday tallaabadaan iyadoo ay jirto dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, weli waxba kama aysan dhihin dowladda Federaalka ah tallaabada uu qaaday hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Waxaa muuqata in ilaalinta muddo xileedku uu noqday waxa aan mudnaan badan ka laheyn Villa Somalia, waxaana dhici karta in maamulo cusub isku diyaarinayaan muddo kororsi haddii aysan dowladda federaalka ah deg deg ula imaanin go’aano la xiriira kuwii horey u sameystay muddo kordhinta kuwa cusub iyo kuwa laga yaabo inay hadda qorsheenayaan.
Dhanka Axmed Madoobe, iyadoo sabab caqli gal ah aan loo sameyn muddo dheereysiga, haddana dadka waxay leeyihiin lagama qaadan doono Axmed wixii uu diiday inuu Farmaajo ka qaato.
Madaxweynaha ayaa khudbadaan uu caawa jeediyey wuxuu diiradda ku saaray amniga, gaar ahaan dhagarta Al-Shabaab oo weerar laba habeen socday iyo qaraxyo ka fulisay Muqdisho, wuxuuna mar kale ku celiyey balan qaadkiisii ciribtirka Al-Shabaab.
Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay howlagallada ka socda gobollada dalka, kuwaas oo uu sheegay in dowladiisu ay awooda isugugey doonto sidii ay u guuleysan lahaayeen.
“Waxaa naga go’an in aan argagaxisada dhibaatada ku ah shacabkeenna awood-tirno, ilaa laga xoraynayo dhammaan deegaannada ay xoogga ku haystaan. Qorshahaasi waa mid fulintiisa iyo diyaargarowgiisu ay socdaan, waa qorshaha mudnaanta koowaad u leh dowladdeenna,” ayaa yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu xusay inuu aad uga dheregsan yahay dhibaatada ay Al-Shabaab ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, cabsida, dhaca, dilka iyo go’doonka ay ku hayaan ayuu balan qaaday in dowladiisu ay soo afjari doonto mar aan fogeyn.
“Shacabka Soomaaliyeedoow, waan ogahay inaad ku daasheen tacsida iyo barooradiiqda joogtada ah. Waan ogahay in qarax walba oo ay argagaxisadu soo maleegaan aad ku weydaan dad agtiinna qaali ku ah, sidaasi awgeed, waxa aan idinka codsanayaa inaad u diyaargarawdaan dagaal aan waxba lala harayn oo lala galo arxan-laawayaasha liddiga ku ah nabaddeenna iyo dowladnimadeenna,” ayuu yiri Madaxweynuhu.
Muqdisho (Caasimada Online) – Nuur Cali oo ka mid ahaa dadkii ay ciidanka booliska Soomaaliya ka soo badbaadiyeen weerarkii Hotel Xayaat ayaa ka sheekeeyey wixii uu indhihiisa ku arkay mudadii ay ku xayiraayeen hudaha Hotelka.
Nuur ayaa sheegay inuu indhihiisa ku arkay ugu yaraan seddax qof oo si toos ah ay u tooganayaan ragii gudaha u galay hotelka ee ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
Ciidanka ayaa intii uu howlgalku socday waxay soo badbaadiyeen 106 qof, Nuur oo ka mid ahaa ayaana wareysigaan uga sheekeeyey sidii ay ciidamadu u soo badbaadiyeen.
“Anago 10 qof gaareyna ayaan galnay qeybta keydka raashinka ee Hotelka, mudo ayaan ku go’doonsaneyn halkaas, markii ciidanku gudaha soo galeena waxaan isku aamini weynay oo waxaan kala gara weynay ciidankii iyo kooxdii weerarka soo qaaday,” ayuu yiri.
Nuur Cali oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Mid ka mid ah ragii dadka tooganaayey ayaa noo soo galay meel aan ku dhuumanay, laba gabdhood iyo wiil ayuu xabado ku dhuftay oo dilay, kadibna rasaas badan ayaa gadaashiisa ka dhacday, markaas ayuu naga cararay oo meel kale ayuu galay.”
Ninkaan ayaa sheegay in qolkii ay ku dhuumanayeen ay kooxdu bam ku qarxisay, kadibna uu burbur badan soo gaaray, balse ugu dambeyntii ay isku dhiibeen ciidamada ammaanka oo ayaguba dili gaaray.
“Dadkii kale waa iga diideen inaan ciidanka isku dhiibno, kadib go’aan ayaan qaatay, banaanka ayaan u soo baxay askari ayaa 3 xabadood igu soo riday, waan is tuuray, kadibna ciidankii waan isku sheegay, waa i baareen, kadibna waxaan ka codsaday inay soo badbaadiyaan dadkii aan qolka uga soo tegay, sidaas ayaan meesha uga soo baxnay,” ayuu yiri.
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyey shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen Guddiga Amniga Qaranka ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagay farriin ku saabsan xaaladda amni ee dalka iyo qorsheyaasha dowladda ee dabar-goynta argagixisada Al-shabaab.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay diyaar garoowga uu bilaabay tan iyo markii uu xilka yimid, kaas oo ku aaddan xoreynta deegaannada ay haystaan argagixisada Alshabaab iyo in dagaal joogto ah lagu qaado cadawgan duullaanka ku ah nabaddeenna, dowladnimadeenna iyo madaxbannaanideenna.
“Waxaa naga go’an in aan argagaxisada dhibaatada ku ah shacabkeenna awood-tirno, ilaa laga xoraynayo dhammaan deegaannada ay xoogga ku haystaan. Qorshahaasi waa mid fulintiisa iyo diyaargarawgiisu ay socdaan, waa qorshaha mudnaanta koowaad u leh dowladdeenna,” ayaa lagu yiri qoraal ay Villa Somalia ka soo saartay kulankaas.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in Hadafka ugu weyn ee argagixisada Alshabaab ay ka leeyihiin weerarrada gaadmada ah ee ay ku beegsanayaan goobaha ay shacabku isugu yimaadaan ay tahay in la niyad-jabiyo dadka Soomaaliyeed, dowladdana laga mashquuliyo qorsheheeda xoreynta dalka.
Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Shacabka Soomaaliyeedoow, waan ogahay inaad ku daasheen tacsida iyo barooradiiqda joogtada ah. Waan ogahay in qarax walba oo ay argagaxisadu soo maleegaan aad ku weydaan dad agtiinna qaali ku ah, sidaasi awgeed, waxa aan idinka codsanayaa inaad u diyaargarawdaan dagaal aan waxba lala harayn oo lala galo arxan-laawayaasha liddiga ku ah nabaddeenna iyo dowladnimadeenna.”
Shirka Guddiga Amniga Qaranka oo ay ka soo qeyb-galeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Amniga, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda iyo Caddaaladda, Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad-sugidda Lataliyaha Madaxweynaha ee Amniga Qaranka, halka Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga ay kaga qeyb galeen dhanka khadka, waxaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan weerarkii hotel Xayaat, u diyaar-garoowga Shirka Golaha Amniga Qaranka iyo qorshaha xasilinta dalka.
London (Caasimada Online) – Labo sannadood kahor shilka halista ahaa ee ay ku geeriyootay, Princess Diana waxay saadaalisay inay ku dhiman doonto shil baabuur.
Xogtan naxdinta leh oo markii dambe loo bixiyay “Mishcon Note” waxaa lagu soo bandhigay barnaamij taxane ah oo laga sii daayay taleefishinka Discovery+ ee Mareykanka, kaasi oo loogu magac-daray The Diana Investigation (Baaritaankii Diana).
Bishii Octoober sannadkii 1995, Diana ayaa kulan gaar ah ka codsatay inay la yeelato la-taliyaheeda dhinaca sharciga, Victor Mishcon si ay ugu sheegto arrin maskaxdeeda ku taagneyd.
Diana waxay u sheegtay in ilo lagu kalsoonaan karo ay ka heshay xog ku saabsan in loo maleegayo shil gaari inay ku dhimato. Waxay sii saadaalisay in shilkaas ay ku dhiman doonto ama uu kasoo gaari doono dhaawac culus.
Laba sano kadib Bishii Agoosto 31 sannadkii 1997, iyada iyo lammaanaheeda Dodi al-Fayed iyo darawalkeeda, Henry Paul ayaa dhintay kaddib kolkii Henry uu gaariga oo ku socday xawaare dhan 65 mile saacaddii uu ku dhiftay baalle shub adag ka sameysan.
Henry wuu cabsanaa markaas uu kaxaynayay gaariga, wuxuuna sidoo kale isku dayayay inuu ka fogaado qolyaha paparazzi-ga loo yaqaan ee sawirrada qarsoodiga ah ka qaada dadka caanka ah kuwaas oo ku socday mootooyin.
Sida ay ku warrameen khubaradii kasoo muuqatay barnaamijka taxanaha ah, Victor wuxuu xogtii iyo warbixintii ay siisay Diana la wadaagay hoggaankii Booliska London ee waqtigaas, Sir Paul Condon.
In kasta oo Paul Condon uu sababo amni awgeed u baahinin, haddana markii uu booskiisa beddelay John Steven ayaa la ogaaday jiritaanka warbixinta ay Diana ku saadaalisay dhimashadeeda.
“Markii uu baaritaan-sameeyuhu ku dhawaaqay baaritaankiisa, waxaan hubiyay in warqadda isla markiiba la siiyay baaraha boqortooyada, kaas oo wakhtigaas ahaa Michael Burgess kadibna noqday Lord Scott Baker,” Lord Stevens ayaa sidaas u sheegay Wargeyska The Daily Beast.
“Waxaan arkay Lord Mishcon bil kahor intuusan dhiman qiyaastii sannadkii 2005, wuxuuna ku adkaystay xaqiiqda ah inuu u qaatay in Diana ay ahayd mid argagaxsan, sidaas darteedna uusan kalsooni badan ku qabin warbixinta.”
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay wada-shaqeynta hay’adaha shaqo wadaaga ah, si loo fuliyo adeegyada dowladda ee ay baahida u qabaan shacabka Soomaaliyeed.
“Labada maalmood ee aad ku jirtaan kulan-wadareedka, waa in aad dareenkiinna, maskaxdiina iyo muuqaalkiinnaba isugu geysaan sidii iyo habkii loo hirgelin lahaa howllaha hortabinta u leh Qaranka.”
Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa xusuusiyey Golaha sida ay lagama maarmaan u tahay in maanka lagu hayo dhibaatooyinka is biirsaday ee dalka ka jira, isagoo tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay golahan ka sugayaan qorshe cad oo lagu samata-bixinayo bulshada tabaaleysan.
“Waxaan ku rajo-weynahay in gebo-gebada kulan-wadareedkaan ay kaso bixi donaan natiijooyin waxtar u yeelan doona, waxna ka badali doona mustaqbalka dadkeenna.”
“Waxaan idinku adkaynayaa in si degan u aqridaan Barnaamijka Xukuumadda ee uu Baarlamaanku ansixiyay, isla markaana aad ka soo dhalashaan qotominta iyo adkaynta tiirarka ku xusan ee udub-dhexaadka u ah Dowlad-dhiska Soomaaliya”.
Minneapolis (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan isa-soo tareysay amni-xumada laga dareemayay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee Mareykanka, gaar ahaan aagaga ay ku badan tahay Soomaalidu.
Jamaal Cusmaan oo xubin ka ah golaha deegaanka magaalada Minneapolis oo la hadlay idaacada VOA ayaa sheegay in dhacdadii ugu dambeysay ay ka dhacday agagaarka suuqa 24-ka, taasi oo lagu rasaaseeyay wiil dhalinyaro Soomaali ah.
“Arrinta dhacday waxay aheyd dad dhalinyaro ah oo hub iska wata ayaa dadka baaranaya oo dariiqa u istaagaya, Wiil Soomaali ah oo meesha marayay ayaa damcay in gaarigiisa laga xado wuxuu isku dhajiyay furihii markaasay xabado ku fureen,” ayuu yiri.
“Boolis la’aan ayaa jirta oo waxay ku mashquuleen arrimaha adag oo waqti uma hayaan inay meelihii fadhiistan.”
Sidoo kale waxa uu sheegay in kooxda rasaaseysay wiilka dhalinyarada Soomaaliga ah ay ahaayeen dadka madowga ah, isaga oo xusay inay jiraan mararka qaar dhalinyaro Soomaali ah oo sidan oo kale dadka dhib u gaarsiiya.
“340 Boolis ah ayaa magaalada ka tagtay oo meeshii 30-ka ama 40-ka joogi jireen hadda waxa jooga 5 ama 6 Boolis ah. Waxaa ku dadaaleyna in aan kordhino Booliska si wax looga qabto arrintaan.”
Jamaal ayaa ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha Minneapolis iyo guud ahaan gobolka inay qeyb ka noqdaan dadaalada socda ee looga hortagayo falalka amni darro.
Gaza (Caasimada Online) – Abeer Harb waxay sugayay lix saacadood in meydka gacaliyaheeda laga soo saaro burburka dhismo ku dumay.
Abeer oo 24 jir ah waxay iyada iyo Ismaaciil Dweik kasoo shaqeynayeen farxadda iyo qabanqaabada guurkooda tan iyo bishii June markii Israel duqeymo la beegsatay guriga Ismaciil oo ku yaalla koonfurta Gaza.
Wuxuu ahaa 30 jir doonayay inuu nolol cusub la yagleelo jaceylkiisa Abeer. Waxaana la dilay lixdii Agoosto oo ku beegneyd maalintii labaad ee duqeymihii saddexda maalmood socday, kuwaas oo joogto noqday.
Abeer oo ku dul barooraneysa qabriga Ismaaciil
Ismaaciil wuxuu kamid ahaa 49 qof oo ku dhintay iska hor imaadyo ay Yuhuudda sheegtay inay ku bartilmaameedsanaysay Xoogagga Islamic Jihad, oo ka howlgala Gaza. Kala bar dadkaas la dilay waxay ahaayeen rayid, sida ay ku warrameen saraakiisha Falastiin.
Yuhuudda ayaa weerarkeeda ku tilmaantay mid ay uga gaashaamanaysay qorshe kusoo wajahnaa.
Abeer waxay sheegtay in qoyska Ismaaciil ay ku casuumeen gurigooda laakiin ay ku adkaatay inay aadaan madaama dagaalku aad u xooganaa. Wuxuu u sheegay inuu soo booqanayo dhawaan balse waxaa kasoo horumartay qaddartii. Waana geeriyooday.
Sida ay ku warrameen qoyskiisu, Ismaaciil wuxuu kusoo noqday guriga daqiiqado un kaddib markii duqeyntu bilaabatay waxaana lala dilay hooyadiis. Weerarka ayaana u muuqday mid lala maaganaa guriga abbaanduulaha Xoogagga Islamic Jihad, Khaled Mansuur.
“Aad baan u murugooday. Waxaan noqday sida qof noloshii laga xaday. Gacaliyahayga Ismaaciil wuxuu ahaa deeqsi, naxariis badan oo guri qurxoon inoo diyaariyay.”
Sheekada Abeer iyo Ismaaciil waxay tusaale nool u tahay nolosha qalalaasaha badan ee maalin walba ka jirta Gaza – iyada oo tiiraanyada iyo mahadhooyinka ay joogto sii noqdaan.
“Waxaan u maleeyaa sida inaan weli riyo ku jiro. Ma doonayo inaan rumeysto wixii dhacay, Yuhuudda waxay burburiyeen riyadayda – waxay iga kaxeeyeen farxadayda.”
Musiibaddii Maalinta Arooska.
Akram abu Qaida waxaa maalintii uu ugu farxadda badnaa ay iskugu beddeshay murugo.
Isaga, ehelkiisa iyo saaxiibadiisa waxay u balansanaayeen dhigashada xaflad weyn oo ay ku wada dabaaldegaan. Nolol cusub inuu habeenkeeda billaabo ayuuna damacsanaa.
Aabbaha Maxamed Akram wuxuu sheegay in qoyskiisu ay gaareen go’aanka markii ay duqeyntu billaabatay si caruusadda loo keeno guriga xaflad la’aan. Laakiin markii ay jidka sii hayeen – iyaga oo kusii jeeda caruusadda, waxaa gantaal uu ku dhacay gaarigii ay saarneyd Naciima oo ah xaaskiisa. Waxaana ku dhaawacmay afar kale oo qoyska ah oo ay carruur ku jiraan.
Mohammed Abu Qaida oo ku sugan qolka xaaskiisii Naciima ay u diyaarisay arooska wiilkooda
“Jawigii farxadda iyo reynreynta lahaa wuxuu mar qura isku rogay murugo iyo cabsi. Maxaan galabsanay?” ayuu is weydiiyay.
Inuu waayo xaaskiisa iyo hooyada carruurtiisa, Maxamed wuxuu hadda ka walaacsan yahay xaaladda maskax ahaaneed ee caafimaadka inankiisa iyo gabadha uu soddogga u yahay oo weli ku sugan guriga aabbaheed.
Baajin iyo Tirtirid.
Badigood dadka Gaza ku nool ee qorsheynayay xafladaha arooskooda waxay nasiib u heleen inay ka badbaadaan dhaawacyo kasoo gaara qalalaasihii dhawaanahan socday.
Si kastaba, sida caadadu tahay, dagaalkani wuxu saameeyey dhacdooyin badan oo ay Falastiiniyiintu qorsheysanayeen – ugu dambeyntiina, wuxuu ka joojiyay inay si caadi ah noloshooda usii wataan.
Maysa Maliha iyo Axmed Zaqout waxay qorsheysteen inuu guurkoodu dhaco 7 Agoosto. Dagaalkii dhacayna, wuxuu uga dhignaa baajin. Waxayna balanta u beddesheen 12 Agoosto oo ah maalmo un kaddib markii qalalaasuhu dhammaaday.
Halka Gaza inteeda kale ay ku jireen soo kabasho, Maysa iyo Axmed waxay sii wateen noloshooda iyaga oo dib u anba-qaadaya qorshahooda dadab-galka oo ay ka baaqsadeen markii uu weerarka Israel bilowday.
Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan abaaraha iyo bani’aadanimada ayaa markale qaylo dhaan ka muujiyey xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan abaaraha sii baahaya ee ku dhuftay qaybo badan oo ka mid ah dalka.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kale ah xildhibaan ayaa shaaca ka qaaday Soomaaliya ay ka dhici karaan dibad-baxyo la mid ah kuwa ka socdo wadamada Sri Lanka iyo Sierra Leone, kuwaas oo looga cabanayo raashin la’aanta ka jirta dalalkaasi.
“Dowladaha aad arkeysaan Sri Lanka, illaa Sierra Leone oo dibad-baxyada ay ka socdaan raashin xumada darteed way nagu soo socdaan annaga nafteenna,” ayuu yiri CC Shakuur.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in xittaa hadda caalamka aysan ka jirin raashin la kala dhoofsado, maadaama xaaladda ay sii adkaaneyso, sida uu hadalka u dhigay
“Raashin la soo dhoofsado lama haayo raashinka waa la wada xirtay adduunka,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey.
Ergeyga gaarka ah ee bani’aadanimada Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in haatan xaaladda dalka ay mareyso meel halis ah, isla-markaana loo baahan in si wadajir loo wajaho abaaraha dalka.
“Xaaladda dalka uu marayo aad ayey u dhib badan tahay adduunka tartamada ka jirana aad ayey u weyn yihiin, waxaana loo baahan yahay wadashaqeyn dhab ah,” ayuu yiri.
Soomaaliya ayaa wajaheyso xaaladdii ugu adkeyd ee abaaraha, waxaana deegaanada qaar laga soo soo sheegayaa inay ka jirto macluul aad u daran iyo xaalado dhanka nolosha ah.
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda waxbarashda hiddaha iyo tacliinta sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis is afagarad wada shaqeyn la gashay shirkadda Key Message, si ay kor ugu qaaddo wacyiga waxbarasho ee bulshada Soomaaliyeed.
Heshiiska ayaa ku qotoma in shirkaddu gacan ka geysato sameynta nuxur wacyigelineed, tababarka shaqaalaha, dejinta istaraatiijiyado kor loogu qaadayo tayada waxbarashada dalka iyo ka talo bixinta wadiiqooyinka ugu waxtarka badan ee farriimaha lagu gaarsiin karo bulshada qeybaheeda kala duwan.
Key Message waa shirkad ka shaqeysa ra’yul caamka iyo xiriirka bulshada oo ka howlgasha Geeska iyo Bariga Afrika oo khibrad weyn u leh qaabeynta farriimaha wacyigelinta, sal u dhigista iyo dejinta istaraatiijiyadaha xiriirka bulshada iyo warbaahinta ee hay’adaha dowliga ah, kuwa aan dowliga ahayn iyo shirkadaha waaweyn.
Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare Maxamed Cabdi Xasan “Caabi” oo is afgaradka saxiixay ayaa xusay in xiriirka bulshada uu muhiimmad gaar ah u leeyahay wasaaradda maadaama ay bixiso isla markaana nidaamiso mid kamid ah adeegyada ugu muhiimsan dalka oo ah barbaarinta iyo waxbarashada.
“Jaangooynta mustaqbalka carruurteena waa howsha ugu muhiimsan ee wasaaradda iyo dowladda Soomaaliya, sidaas darteed waa inaan u xulannaa wadada ugu haboon ee aan ku gaari karno ardayda, waalidka, macallinka iyo howlwadeenada waxbarashada nooc kasta iyo heer kasta”. Ayuu yiri Maxamed Cabdi Xasan “Caabi”.
Maamulaha guud ee Key Message Calinuur Salaad ayaa sheegay inay wasaaradda kala shaqeynayaan qorshayaal cusub oo dhiirri gelinaya waxbarashada, isla markaana la jaanqaadaya isbedelka degdegga ah ee ku socda war-isgaarsiinta dunida.
“Innaga oo kaashaneyna khibraddeena war-isgaasiineed ayaan dhiseynaa buundooyin u dhaxeeya bulshada, bahda waxbarashada iyo wasaaradda oo si sahlan xogta loogu kala qaadan karo” ayuu yiri.
Wasaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ayaa hiigsaneysa dhisidda nidaam waxbarasho oo casriyeysan, tayeysan una adeega muwaadiniinta Soomaaliyeed, bixiya fursado loo simanyahay, dhiirra-geliya ixtiraamka xuquuqda aadanaha, kuna saleysan mabaadi’da Islamka. DHAMMAAD
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa maanta u furmay shirweyne xasaasi ah oo loogu magac-daray barnaamijka Banbaxa ee golaha wasiirada, kaas oo qaadan doono muddo laba cisho ah.
Furitaanka shirkaan waxaa ka qeyb-galay ra’iisul wasaaraha, guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya iyo inta badan xubnaha golaha wasiirada cusub.
Mudada uu socdo shirkaan ayaa waxaa diirada lagu saari doono howlaha mudnaanta u leh xukuumadda iyo habka loo xoojin karo wadashaqeynta wasaaradaha iyo hay’addaha kale.
“Mudanayaal iyo Marwooyin labada maalin ee aad ku jirtaan kulan wadareedkan waa inaad dareenkiina, maskaxdiina iyo muuqaalkiinaba isugu geysaan sidii iyo habka loo hirgelin lahaa howlaha hortebinta u leh Qaranka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka xukuumad ahaan ay mas’uuliyad ka saaran tahay dalka, loona baahan yahay in xubnaha goluhu la yimaadaan waxqabad iyo howl wanaagsan.
“Madaxa meel ka sarreyso oo la salaaxo ma jirto, dalkaana annaga ayuu na sugayaa” ayuu ra’iisul wasaaruhu sii raaciyey.
Waa kulankii labaad oo ay isugu imaanayaan xubnaha cusub ee golaha wasiirada, tan iyo markii la soo dhisay, kadibna ay codka kalsoonida ka heleen xildhibaannada Soomaaliya.
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka, Ismaaciil Daahir Cismaan oo wareysi siiyey Telefishinka Universal ayaa ka hadlay weerarkii xooganaa ee ay todobaadkan Al-Shabaab ku qaadeen hoteelka Xayaat.
Ismaaciil Daahir Cismaan ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka Al-Shabaab ee weerarkaas uu ahaa in lagu fashiliyo dowladda cusub ee uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay dareemeen in ay jirto habacsanaan amni, isla-markaana ay qorsheeyeen weerarkan oo noqday kii ugu waqtiga dheeraa ee ay fuliso kooxda.
“Weerarkan ay horta Al-Shabaab ku soo qaadeen hoteel Xayaat ujeedooyin badan ayey ka lahaayeen taas oo ay ugu horreyso dowladdii dhalatay bishiiMay 15-keedii oo aan weli 100 maalmood gaarin inay ku fashiliyaan dowladdii oo ma aragtay shaqo bilaabin. Midda labaad waxay heleen fursad ah in ay jirtay habacsanaan dhinaca amniga ah, waxaana aad looga gaabiyey dhinaca xooraanka, haddii lala socon lahaa xooraankooda, waxaan aaminsanahay in laga hortegi lahaa weerarka Al-Shabaab,” ayuu yiri Mudane Ismaaciil Daahir Cismaan.
Taliye ku xigeenkii hore ee NISA ayaa sidoo kale xusay in xubnaha weerarka fuliyey ay haysteen nashqad guud oo hoteelka ah, taas oo keentay inay saacado haystaan dhismaha hoteelka.
“Waxay ahaayeen rag xirfad leh, isla-markaana haystay nashqad guud oo hoteelka ah, ogaana meelaha ay gabaadka ka dhigan karaan ama ka dagaalami karaan saacado badan, marka taatikadoodii ayey bedeleen,” ayuu markale yiri Taliye ku xigeenkii hore ee NISA
Waxa kale oo uu intaasi ku daray in dowladda federalka Soomaaliya looga baahan yahay in la timaado farsamo ka duwan qaabkii ay u wajahday maareynta weerarkii hoteel Xayaat.
“Waxaa loo baahayan dowladda federaalka iyo ciidamada amniga inay la yimaadaan taatikadii ay kaga hortegeen kooxda Al-Shabaab hoteelkas Xayaat mid ka duwan,”.
Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo ay guul weyn kooxda Al-Shabaab ka sheegatay weerarkii hoteel Xayaat, kaasoo dhaliyey khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogan.
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog cusub oo aan helnay ayaa shaacineysa qaabkii ay kooxda Al-Shabaab u qorsheysay una fulisay weerarkii ay Jimcihii ku qaaday hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.
Sarkaal sare oo amniga ka shaqeeya oo codsaday inana magaciisa la sheegin, maadaama aan loo oggolayn inuu la hadlo warbaahinta ayaa sheegay inay aamisan yihiin in Al-Shabaab ay sahamiyeen hoteelka ka hor weerarka.
Waxa uu sheegay in laamaha amnigu aamisan yihiin inay maleehsiyada weerarka soo qaadday ay daawadeen muuqallo ku saabsan albaabada laga galo Hoteelka iyo qolalkiisa.
Sarkaalka ayaa sheegay in weerarkaas ay toos ugu lug lahaayeen toddoba ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaasi oo saddex ka mid ah ay isku kala qarxiyeen albaabka Hoteelka, mid qarxiyey baabuur, iyo mid saddexaad oo isku qarxiyey askar iyo saraakiil ka tirsan ciidanka kadib markii ay Hoteelka gaareen.
Qaraxan ka dhacay Hoteelka ayaa waxaa ku dhaawacmay sagaal ka tirsan ciidamada amniga oo uu ku jiro taliyaha nabadsugidda gobolka Banaadir Muxiyaddiin Warbac oo la sheegay inuu dhaawac fudud so gaaray.
Qaraxaas ayaa la sheegay inuu dib u dhaac u keenay hawlgalka daqiiqadii u horreeyey ee gurmadka.
Sarkaalkaas ka tirsan laamaha amniga ayaa sidoo kale sheegay inay baarayaan suurto-galnimada in dad horey ugu sii sugnaa Hoteelka inay ku lug lahaayeen weerarka.
Mulkiilaha Hoteelka Cabdulqaadir Maxamuud Nuur oo loo yaqaan Faatul oo waraysi siiyey idaacadda VOA ayaa isagu beeniyey in dad Hoteelka horey u degganaa ay weerarka ku lug lahaayeen. Waxa uu sheegay in Hoteelku uu xaqiijiyo dokumentiyadaa dadka soo degaya. Waxaa sidoo kale uu beeniyey inay cid hub ku kaydsatay Hoteelka.
Saraakiisha amniga ayaa sidoo kale xaqiijiyey in intii uu socday hawlgalka ay go’day jaranjarta Hoteelka, taasi oo dib u dhac u keentay ciidamada inay la dagaalamaan maleeshiyaadka Al-Shabaab. Sarkaalka sare ee la hadlay VOA ayaa sheegay in Al-Shabaab ay gooyeen jaranjarta si ay ciidanka uga horistaagaan inay kula dagaalamaan dabaqa sare.
Hawlgalkan ayaa saacadihiisii ugu horreeyey waxaa gacanta ku hayey ciidamada booliiska rasmiga ah iyo kuwa gaarka ah ee Haramcad, hase yeeshee waxa goor dambe la wareegay ciidamada Gaashaan ee hoos taga hay’adda nabadsugidda qaranka. Hase yeeshee waxaa ugu dambayn hawlgalka dhammaystiray ciidamada Haramcad.
Sidoo kale weerarkan ayaa yimid iyadoo la isla dhexmarayo in madaxweynaha Soomaaliya uu isbeddel ku samayn doono madaxda laamaha amniga.
Qaraxii lagu dilay wasiir waxaa la sheegay inuu qorsheeyey maqane Maxamed Meeris Ibraahim oo ka mid ahaa maxaabiistii ka baxsatay Xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso markii ay Al-Shabaab weerareen sanadkii 2021-kii.
Ibraahim Meeris Ibraahim oo walaalkiis ahaa ayaa fuliyey qaraxaas ay u qorsheeyeen wasiirkii cadaaladda Koonfur Galbeed Sheekh Xasan Lugbuur oo qaraabo dhow ay ahaayeen, marar badana ka damiintay hey’adaha ammaanka oo ku tuhmay Shabaabnimo.
Ibraahim ayaa maxkamadda ka hor qirtay in dilka Adeerkiis Wasiirkii cadaaladda Koonfur Galbeed Sheekh Xasan Lugbuur, isagoo sheegay inuu ku bedeshay 200 oo dollar oo walaalkiis Maxamed oo qaraxa soo qorsheeyey uu u balan qaaday.
Gabar la yiraahdo Falastiin Aadan Shuceyb, oo Ibraahim shukaansan jiray, ayaa qeyb ka ah kiiskaan, taas oo wiil aysan garaneyn uu u soo dhiibay qaraxa, inta aan lagu aasin xili habeen ah banaanka hore ee masaajidka lagu hor dilay wasiir Xasan, halkaas oo la sii ogaa inuu ku soo tuka doono salaadii Jimcaha.
Wasiirka waxaa la geeriyooday wiil uu dhalay, waxaana ku dhaawacmay qaraxaas dad ay ku jireen laba wiil oo kale oo Wasiir Xasan uu dhalay, waxayna maxkamaddu soo gabagabeysay dhageysiga dacwadii loo heystay eedeysanayaasha.
Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute oo kiiskaan u tegay Baydhaba ayaa ku dhawaaqay go’aanka maxkamadda, waxaana Ibraahim Meeris oo qaraxa fuliyey iyo Maxamed Maaris oo qaraxa soo qorsheeyey, isla markaana maqan lagu xukumay dil toogasho ah, halka Falastiin oo qaraxa soo qaaday 15 sano oo xabsi ah lagu xukumay.
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa Jimcihii weerar dhimasho leh oo socday in ka badan 30 saac ku qaaday Hotel Xayaat ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 21 qof, in ka badan 100 kalena ay ku dhaawacmeen.
Haddaba ujeeddada Al-Shabaab ka lahaayeen weerarkan, iyo jawaabta dawladdu ka bixisay ayaa waxaa wax laga waydiiyey Samiira Gayd oo ah Agaasimaha Machadka Daraasaadka Amniga Hiraal Institute ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdishu.
“Weerarkaan ay Al-Shabaab ku qaaday Hotel Xayaat waa mid waafaqsan qaabka ay kooxdaan u shaqeyso, waxay kooxdaan horey u weerartay hoteelada, gaar ahaan kuwa ay dagan yihiin mas’uuliyiinta dowladda,” ayaa tiri Samiira Gayd.
Waxay hadalkeeda kusii dartay “Sababta ay weerarkaan usoo qaadeen waxaa suuragal inay ku talo jiraan sidii ay uga hor tagi lahaayeen ku dhawaaqista bilowga ah ee madaxwenaha ku dhawaaqay oo sheegay inuu la dagaalami doono kooxda Al-Shabaab, waxayna u muuqataa farriin ay u gudbinayaan dowadda iyo shacabka,” ayey sii raacisay.
Mar wax laga waydiiyey sababta uu howlgalkaan u qaatay waqti badan ayey ku jawaabtay “Waxaan aragnay in ciidamada dowladda ay laba jeer badaleen ciidamadii howlgalka ku jiray, markaa aqoonteeda uga jawaabo waxay isbadalkaan fursad siisay kooxda weerarka soo qaaday, sidoo kale waxaa hakad galay howlgalka, sidoo kalana ma jiro hoggaan u diyaarsan weerarada noocaan oo kale.”
Samiira Gayd ayaa sababta ay kooxdaan xilligaan weerarka usoo qaaday ku sheegtay inuu yahay jawaab ay u dirayeen madaxweynaha cusub iyo ra’isulwasaarihiisa oo sheegay inay qaadi doonaan howlgal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.
Ugu dambeyntii Samiira ayaa madaxda dowladda ugu baaqday inay si deg deg ah u diyaaraan istaraatiijiyadii ay kusoo afjari laheyd kooxda Al-Shabaab, haddii kale waxay sheegtay inay mar kasta dowladda ku jiri doonto difaac.
Halkaan hoose ka dhageysi wareysiga oo dhameystiran
Moscow (Caasimada Online) – Warbaahinta Ruushka ayaa ku eedeynaysa Maraykanka inuu wax ka abaabulay weerarkii lagu dilay Daria Dugina oo aheyd gabar uu dhalay Aleksander Dugin oo isbahaysi dhow la ah Madaxweyne Vladamir Putin.
“Dilka Daria waxay u badan tahay inuu mideyn doono dadka Ruushka maadaama ay tuhunsan yihiin inay Ukraine ku lug leedahay,” waxaa sidaas Fox News u sheegay Rebekah Kofflar oo ah sarkaal hore oo ka tirsaneyd hay’adda sirdoonka ciidamada Mareykanka ee DIA.
Saraakiisha amniga ayaa sheegay in qarax loogu xiray gaariga. Waxaana durba falka dhimashadeeda lagu tilmaamay mid ‘argagaxiso’ ah oo ay ka dambeeyaan dalalka Ukraine iyo Maraykanka.
Siyaasiga reer Ukraine, Denis Pushilin – ahna hoggaamiyaha Xisbiga Donetsk People’s Republic ee gooni u goosadka Ukraine, kuna xiran Ruushka, ayaa ku eedeeyey qaraxa xisbiga haya talada Ukraine haya. Wuxuu ku sheegay fal ay isku dayayeen inay ku khaarijiyaan Alexander Dugin.
Qaar kale oo kasii xagjirsan, sida falanqeeye siyaasadeed, Yegor Kholmogorov, wuxuu u sheegay warbaahinta Ruushka in shaki uusan ku jirin weerarkan inay soo qorsheeyeen Sirdoonnada Maraykanka iyo Britain, waxaana fuliya,y sida uu yiri, Ukraine.
Wuxuu hoosta ka xariiqay in shirqoollada nuucaan oo kale ah aysan ku dhicin Kyiv inay kaligeed abaabusho.
Alexander oo isbahaysi dhow la ahaa Madaxweynaha Ruushka, waxaa lagu naaneysi jiray ‘Maskaxda Putin,’ wuxuuna gabadha kula sugnaa madal feesto ay ka socotay. Daqiiqadihii u dambeeyey ayuu qorshihiisa ahaa inuu gabadhiisa la raaco gaariga uu beddelay. Waxaana xigay qarax qabsaday gaarigii ay saarneyd.
Khubarada qaar oo la hadlay warbaahinta Ruushka ayaa Alexander ku qeexay halbowle iyo qaabeeye muhiim u ahaa siyaasadda Putin iyo maskaxdii ka dambeysay in aydhiyoolojiyad loo maro duullaanka Ruushka ee Ukraine.
“Daria aabbaheed waa maskaxdii ka dambeysay duullaanka Ukraine,” Koffler ayaa sheegay isaga oo intaas kusii daraya: ‘Wuxuu la noolaa aragtida Eurasianism oo ah in la mideeyo dalalka Yurub ku jira ee Ruushka jaarka la ah.’ Waana midda asalkaba sabab u ahayd weerarkii Ruushku ku qaaday Ukraine.
“In siyaasadda Putin la fahmo waxaa kaliya lagu ogaan karaa in la fahmo habfikirka iyo aragtida siyaasiga ah ee Alexander. Qorshe walba oo Putin damacsan yahay waxaa saldhig u ah aragtida Eurasiaism-ka,” ayuu yiri.
Vladimir Gutenev, oo xubin ka ah Duma, wuxuu sheegay in aragtida Alexander ay ku baahsan tahay guud ahaan dalka Ruushka. Wuxuu weerarka lagu dilay gabadhiisa Daria ku tilmaamay mid ka dhan ah ra’yulcaamka Ruushka oo ay qasab tahay in jawaab laga bixiyo.
Andrey Klishas, oo Madax ka ah Golaha Dhismaha Qaranka ayaa yiri; “Qof walba oo gacan ku lahaa weerarka waa in la dilaa.”
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo ka mid ah siyaasiyiin Muqdisho uga dhawaaqay is baheysi ka dhan ah Axmed Madoobe oo la magac baxay “Badbaadada Jubbaland” ayaa sheegay in marnaba aysan ogolaa doonin mudo kororsiga uu shalay u codeeyey baarlamaanka Jubbaland.
“Saaxiibkey Axmed Madoobe waxa uu sameynaayo wax hiigsigeena anfacaaya maaha, qof kasta oo diidan sida uu wax u qado oo ku nool deegaanada Jubbaland waxaan sii doonaa gabaad uu halgankiisa ku sii wado,” ayuu yiri Janan.
Wuxuu sheegay in qorshaha mudo kororsiga ah aysan ku qanacsaneyn xubnihii codeeyey ee baarlamaanka Jubbaland, balse uu ku yimid amar uu bixiyey Axmed Madoobe oo jooga Dubai Imaaraadka.
“Saaxiibkey Axmed waxaan leeyahay waayo badan ayaad soo joogtay Jubbaland ee ka wareeg intaan ka badan haku ceeboobine, sidaa ogtihiin dowladaan federaalka waxaa lasoo dhisay Farmaajo oo banaanka ka jooga, anaguna Jubbaland waxaan rabnaa inaan dhisno Axmed Madoobe oo banaanka ka jooga,” ayuu yiri Cabdirashiid Janan.
Janan oo mar saaxiib dhow la ahaa Axmed Madoobe, hadda wuxuu carabka ku adkeeyey in qorshahoodu uu yahay in Axmed uusan wax talo ah mar dambe ku yeelan doorashooyinka Jubbaland.
“Walaalkey Farmaajo in banaanka la dhigo waxaa sababtay labadii sano ee mudo kororsiga aheed, marka tan Axmed waxay ku sababi doontaa in banaanka uu ka ahaado talada Jubaland, Axmed waqtigiisa waa soo qaatay, sharciguna uma ogolaanayo inuu mar dambe tartamo, banaanka ayuu ka fariisanayaa talada Jubaland, isagoo oday Soomaaliyeed ah,” ayuu yiri Janan.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Jubbaland Senator Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo saaxiib dhow la ahaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka mid ah siyaasiin miisaanka leh ee ka hor yimid qorshihii mudo kororsiga ahaa ee shalay loo sameeyey xukuumadda iyo baarlamaanka Jubbaland.
Siyaasiyiin iyo waxgarad miisaan ku leh siyaasadda deegaanada Jubbaland ayaa isbaheysigaan uga dhawaaqay magaalada Muqdisho, kaas oo loogu magac daray “Badbaadada Jubaland” waxaana Godoomiyaha isbadal doonkaan loo doortay nin lagu magacaabo Aadan Afey, kaas oo sheegay in dhowaan ay tegi doonaan Kismaayo.