27.7 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Cabdirashiid Janan: Axmed Madobe banaanka ayaan ka dhigeynaa Jubaland + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo ka mid ah siyaasiyiin Muqdisho uga dhawaaqay is baheysi ka dhan ah Axmed Madoobe oo la magac baxay “Badbaadada Jubbaland” ayaa sheegay in marnaba aysan ogolaa doonin mudo kororsiga uu shalay u codeeyey baarlamaanka Jubbaland.

“Saaxiibkey Axmed Madoobe waxa uu sameynaayo wax hiigsigeena anfacaaya maaha, qof kasta oo diidan sida uu wax u qado oo ku nool deegaanada Jubbaland waxaan sii doonaa gabaad uu halgankiisa ku sii wado,” ayuu yiri Janan.

Wuxuu sheegay in qorshaha mudo kororsiga ah aysan ku qanacsaneyn xubnihii codeeyey ee baarlamaanka Jubbaland, balse uu ku yimid amar uu bixiyey Axmed Madoobe oo jooga Dubai Imaaraadka.

“Saaxiibkey Axmed waxaan leeyahay waayo badan ayaad soo joogtay Jubbaland ee ka wareeg intaan ka badan haku ceeboobine, sidaa ogtihiin dowladaan federaalka waxaa lasoo dhisay Farmaajo oo banaanka ka jooga, anaguna Jubbaland waxaan rabnaa inaan dhisno Axmed Madoobe oo banaanka ka jooga,” ayuu yiri Cabdirashiid Janan.

Janan oo mar saaxiib dhow la ahaa Axmed Madoobe, hadda wuxuu carabka ku adkeeyey in qorshahoodu uu yahay in Axmed uusan wax talo ah mar dambe ku yeelan doorashooyinka Jubbaland.

“Walaalkey Farmaajo in banaanka la dhigo waxaa sababtay labadii sano ee mudo kororsiga aheed, marka tan Axmed waxay ku sababi doontaa in banaanka uu ka ahaado talada Jubaland, Axmed waqtigiisa waa soo qaatay, sharciguna uma ogolaanayo inuu mar dambe tartamo, banaanka ayuu ka fariisanayaa talada Jubaland, isagoo oday Soomaaliyeed ah,” ayuu yiri Janan.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Jubbaland Senator Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo saaxiib dhow la ahaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka mid ah siyaasiin miisaanka leh ee ka hor yimid qorshihii mudo kororsiga ahaa ee shalay loo sameeyey xukuumadda iyo baarlamaanka Jubbaland.

Siyaasiyiin iyo waxgarad miisaan ku leh siyaasadda deegaanada Jubbaland ayaa isbaheysigaan uga dhawaaqay magaalada Muqdisho, kaas oo loogu magac daray “Badbaadada Jubaland” waxaana Godoomiyaha isbadal doonkaan loo doortay nin lagu magacaabo Aadan Afey, kaas oo sheegay in dhowaan ay tegi doonaan Kismaayo.

Hoos ka daawo Janan

Sheekh Aadan Madoobe oo DIGNIIN culus soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo maanta khudbad ka jeediyey shir gaar ah oo u furmay golaha wasiirada Soomaaliya ayaa ka hadlay ammaanka magaalada Muqdisho.

Sheekh Aadan Madoobe oo soo hadal qaaday weerarkii hoteelka Xayaat ayaa ka digay suurtagalnimada weeraro horleh oo ay kooxda Al-Shabaab ka fuliso gudaha caasimada.

“Dalkeenna waad ogtihiin wuxuu ka dhintay dhinaca amniga tii hadda ugu dambeysay oo darraad magaalada dhexdeeda ka dhacday oo shacabka Soomaaliyeed ku halaagsamay, weliba waxaa ka sii daray waxyaalaha ay hadda soo wadaan,” ayuu yiri Aadan Madoobe.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xukuumadda Soomaaliya looga baahan yahay in la tilmaado qorsheyaal cusub oo wax looga qabanayo amni darrada dalka, gaar ahaan Muqdisho.

“Dadkaan dadka caawinaayo oo meelaha halista ah tusaayo, anagana nagu dhex-jiro xukuumadda waxaan uga baahanahay in magaalada Muqdisho oo ah caasimadda dalka oo ugu dhibka badan inay guri guri u ogaato dadka ku nool iyo waxa ay yihiin,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inuu rajeynayo in hadal kalya uusan noqon hadafka xukuumadda, balse looga baahan yahay ficil iyo waxqabad.

“Waxaan idin ka rajeyneynaa in hadal kaligiis arrintu noqonin, ficillo dhab ah oo Ummadda Soomaaliyeed ku tiirsato in xukuumadda ay la timaato,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Farriinta ka soo baxday Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana ay Al-Shabaab kordhisay weerarada ay ku qalqal-gelineyso amniga dalka.

Shaqaale ka tirsan guddiga doorashada KENYA oo weerar culus lagu qaaday

Nairobi (Caasimada Online) – Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka dalka Kenya ayaa sheegay in shaqaale ka tirsan guddiga oo isu diyaarinayay jawaabaha codsiyada doorashada ee laga gudbiyay maxkamada sare la weeraray habeenkii Isniinta aheyd.

Sida laga soo xigtay guddiga IEBC, kooxda weerartay shaqaalahooda habeenimadii Isniinta ayaa hubaysnaa, waxayna ka baxsadeen, kadib dhacdadaasi.

Guddiga ayaa shaaca ka qaaday in ragga weerarka fuliyey ay ahaayeen koox la soo abaabulay, isla-markaana isku dayeen inay weerar ku qaadaan shaqaalaha IEBC

“Abaaro 8:30 fiidnimo koox abaabulan oo sita hub ayaa isku dayay in ay weerar ku qaadaan shaqaalaha IEBC ee diyaarinayay jawaabaha codsiyada doorashada madaxweynaha.” ayay guddiga ku ku sheegeen qoraal ay soo dhigeen bartooda Twitter-ka.

Arrintaan ayaa ku soo aadeyso, ayada oo hoggaamiyihii hore ee mucaaradka Kenya, Raila Odinga iyo kooxdiisa ay maxkamadda ugu sarreysa dalkaas u gudbiyeen gal dacwadeed ka dhan ah natiijada doorashadii dhowaan ka dhacday Kenya, taas oo madaxweyne loogu doortay madaxweyne ku xigeenka hataan xilka haya ee dowladda Kenya, William Ruto.

Kiiska Odinga ayaa waxaa sii xoojinaya in afar ka mid ah 7 xubnood ee doorashada  oo ay ku jirto guddoomiye ku xigeenka Juliana Cherera  ay qaadeen tallaabo aan caadi ahayn oo ay ku diideen natiijada.

Si kastaba, maxkamadda sare ee Kenya ayaa horey u laashay guushii uu madaxweyne Uhuru ka gaaray doorashadii 2017-kii, waxayna amartay in doorashada markale la qabto.

Saldhigyo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo la burburiyay iyo howlgal culus oo socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 27-aad oo howl-galo kala duwan weli ka wada deegaano ka tirsan gobolka Hiiran ayaa la wareegay deegaanka Hees oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolkaas.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay inay burburiyeen saldhigyadii ururka Al-Shabaab ee deegaanka Hees, waxayna gebi ahaanba gacan ku haynteeda la wareegeen deegaanka.

Sidoo kale ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ayaa waxay sii wadi doonaan howl-galada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab oo ay ka fulinayaan deegaanada hoostaga degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo dhowr jeer weeraro kala duwan ka fulisay Al-Shabaab.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ciidamada ku bogaadiyay guulaha ay ka gaareen howl-galka, isaga oo ku dhiiriyey inay sii wadaan ilaa iyo inta ay ka saarayaan guud ahaan deegaannada gobolka.

Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed oo ay wehlinayaan maleeshiyaadka macawiisleyda ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waxay howl-galo ka sameeynayeen deegaano hoostaga gobolka Hiiraan, ayaga oo la wareegay deegaano dhowr ah.

Daawo: Fartaag oo mowqif aan la fileyn ka qaatay muddo kororsiga Axmed Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Jubaland, oo hadda ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya Senator Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa ka mid noqday siyaasiin miisaan leh oo ka hor yimid qorshihii mudo kororsiga ahaa ee shalay loo sameeyey xukuumadda iyo baarlamaanka Jubbaland.

Senator Fartaag oo saaxiib dhow la ahaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa cadeeyey in saaxiibkiisa Axmed Madoobe uusan ku raaci doonin qorshihiisa mudo kororsiga ah, “Aniga Axmed waxaan saaxiib ku aheyn danta Jubbaland, waa isla soo halganay waa madaxweynaheygii, laakiin tallaabada uu qaaday kuma raaci doono,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sheegay in go’aanka mudo kororsiga ah aysan waxaba ka ogeyn, taas bedelkeedana ay Axmed Madoobe kala shaqeynayeen sidii loogu gacan geli lahaa gobolka Gedo, oo dowladii Farmaajo ay awood ciidan uga saartay.

“Wax talo ah oo senatorradii ama xildhibaanadii laga soo doortay Jubbaland uu Axmed kala yeeshay mudo kororsigaan ma jirto, wuxuu ahaa go’aan shalay soo bilowday oo isla shalay lagu kala baxay,” ayuu yiri Senator Fartaag.

Wuxuu carabka ku adkeeyey in dastuurka Soomaaliya iyo kan Jubbaland aysan ogoleyn wax mudo kororsi ah, “Hadii tani ay sharci noqaneyso baarlamaankii 10-aad ayaa Farmaajo mudo kordhin u sameyn lahaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Cabdullaahi Fartaag ayaa sheegay in shalay ay Axmed Madoobe garbihiisa taagnaayeen, balse maanta ay xaaladu sidii hore ka duwan tahay, “Hadda dadku waa soo wada jeedaan, saraakiishii ayey argagixisadu Kismaayo ku dhex layneysaa, Kismaayo dhinac loogama bixi karo waa wada miino, marka badbaado ayaa loo baahan yahay,” ayuu yiri.

Siyaasiyiin iyo waxgarad miisaan ku leh siyaasadda deegaanada Jubbaland ayaa maanta isbaheysi uga dhawaaqay magaalada Muqdisho, kaas oo loogu magac daray “Badbaadada Jubaland” waxaana Godoomiyaha isbadal doonkaan loo doortay Aadan Afey.

Hoos ka daawo wareysi uu Fartaag siiyey taleefishinka SMS

Dhageyso: Mid ka mid ah milkiilayaasha HOTEL XAYAAT oo xog cusub shaaciyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdulqaadir Maxamuud Nuur Faatul oo ka mid ah mulkiilayaasha huteelka Xayaat ayaa ka hadlay weerarkii dhawaan ka dhacay huteelka Xayaat, kaasi oo qaatay in ka badan 24-saac.

Cabdulqaadir oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa sheegay in weerarka uu kusoo aaday xili uu mashquul badan ka jiray huteelka, isaga oo xusay in kooxda weerarka fulisay ay kasoo galeen dhinaca KM4.

“Saacadaha dheer ee weerarka qaatay waxa uu keenay in huteelka uu burburo, waxyaabaha la adeegsanayay oo aad u cusla iyo mararka qaar aan isleenahay xooga sidaas waxay aheyd saa’id. Waxa dhacday arrin aad u culus oo dhibaatada huteelka oo xataa looga soo kaban kareyn 2 sanno,” ayuu yiri Cabdulqaadir Maxamuud Nuur.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada dowladda ay huteelka soo gaareen hal saac kadib markii dagaal-yahanada Al-Shabaab gudaha u galeen, taasi oo fursad fiican u siisay inay waxay rabaan kasii sameeyaan gudaha.

“Dhaawacyo ayaa jira iyo dhimashada hal shaqaalaha kamid ah, dhibaatada waxay u badneyd macaamiisha. Qofka shaqaalaha ee dhintay waxa uu kamid ahaa waardiyaha,” ayuu yiri.

Mulkiilaha ayaa beeniyay inay jiraan shaqsiyaad markii hore gudaha huteelka sii degana oo xiriir la leh kooxda fulisay weerarka, isaga oo ku dooday in nidaam amni la mariyo shaqsiyaadka degaya huteelka.

“Huteelka nidaam ayuu leeyahay waxa jira awaamir nala-siiyay oo qofka marka uu huteelka yimaado waxa la xareeya dukumtigiisa marka majirto cid gudaha ugu sii diyaarsaneyd, waa arrimaha la wareejinayo un, waxa cadeynayna inaysan waxba ka jirin arrintaas.”

Dadka waxyeelada kasoo gaartay weerarka huteelka Xayaat ayey dowladdu sheegtay inta la xaqiijiyay 21 qof ay ku geeriyoodeen, halka 117-kalena ay ku dhaawacmeen.

Xogta khasaaraha ayaa waxa laga soo xigtay wasaarada caafimaadka oo kasoo xaqiijisay Isbitaallada ku yaalla magaalada muqdisho, balse waxa jiri kara meydad ay aasteen ehelladooda, kuwaas oo aan la geyn Isbitaallada.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan wuxuu sheegay in 15 kamid ah 117 qof uu dhaawacooda culus yahay, islamarkaana Wasaaradda caafimaadaka ay iska xil saari doonto wax u qabashada dadka dhaawacyada qaba.

Sidoo kale laamaha amaanka ayaa sheegay intii uu socday weerarka inay ku guulaysteen badbaadinta dad ka badan 106 qof oo ay ka mid yihiin carruur iyo haween.

Imran Khan oo lagu soo oogay kiis dacwadeed xasaasi ah

Islamabad (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa loo haystaa “argagaxin iyo cabsi-gelin ama handadaad” loo geystay askar booliis ah iyo haweeney xaakim ah oo ku sugnaa dibadbax maalintii Sabtida ka dhacay caasimadda Islamabad.

Mudaharaadkii kadib waxaa la diiwaan-galiyay kiis ka-dhan ah Guddoomiyaha Xisbiga Pakistan Tehreek-e-Insaf oo ah Khan, sida uu dhigayo qeybta 7aad ee Sharciga La-dagaalanka Argagixisada.

Laacibkii hore ee Kiriket-ka ee siyaasiga noqday, wuxuu sheegay in uu tallaab ka qaadi doono saraakiisha jirdilka u geystay Shahbaz Gill, oo ah kaaliyihiisii ugu dhow iyo madaxa shaqaalaha kaas oo hadda ku jira gacanta booliska. 

Shahbaz ayaa wajahaya eedeymo kacdoon abuurid ah iyo hadallo looga dan lahaa in la iskaga hor keeno militariga awoodda badan iyo shacabka Pakistan. 

Diiwaanka booliiska ayaa sheegay in hadalka Khan uu ula jeeday in lagu argagax-geliyo saraakiisha ugu sarreysa booliiska iyo garsoorka si aysan u gudan howlahooda shaqo islamarkaana ay ka caaganaadaan inay tallaab sharci ah ka qaadaan hoggaamiye kasta oo Xisbigiisa katirsan. 

Hadalka Khan ayaa sidoo kale dhaliyay in hey’adda u dooda warbaahinta dalkaasi ay mamnuucdo in muuqbaahiyaasha laga sii daayo hadalladiisa tooska ah. Go’aankan ayayna xisbigiisa sheegeen inay maxkamad la tiigsan doonaan hey’adda isku-tagga warbaahinta Pakistan. 

Axaddii shalay ahayd ayuu wasiirka arrimaha gudaha, Rana Sanaullah sheegay in dowladdu ay ka baaraan-dageyso xariga Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan. 

Khan ayaa abaabulay dibadbaxyo xiriir ah oo shacbiyad leh oo looga soo horjeedo dowladda tan iyo markii xukunka looga tuuray codka kalsoonida bishii April.

Isaga oo khudbad ka jeedinayay dibadbax ka dhacay magaalada Garrison ee gobalka Rawalpindi, dadka adeegsada baraha bulshada gudaha Pakistan ayaa  ka cawday cillad ku timid isticmaalka YouTube-ka, xilli si toos ah looga daawanayay khudbaddiisa. 

NetBlocks, oo ah hey’ad la socota bedqabka xawaaraha internet-ka, ayaana xaqiijisay ciladda jirtay.

“Xogta waxay muujinaysaa carqalad saamaysay qadadka qaar laakiin maaha dhammaan bixiyeyaasha internetka ee moobillada iyo khadka tooska ah ee Pakistan inta ay socotay khudbaddii tooska ahayd ee Imran Khan. Dib ayaana loo soo celiyay ka dib markii ay dhammaatay khudbadda,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay NetBlocks. 

Khan wuxuu ku eedeeyay dowladda inay si ku meel gaar ah u xayirtay YouTube-ka dalka, isagoo bartiisa twitter-ka ku soo qoray: “Dowlad ‘la soo dhoofiyay’ ayaa bartamihii khudbadayda Youtube-ka ka saartay internet-ka.”  

Waxa uu ugu yeeray xayiraad ku meel gaar ah; ‘hooseysiin cusub’ iyo xadgudub weyn oo ka-dhan ah xorriyadda hadalka.

Afhayeen u hadlay Hey’adda Isgaarsiinta Pakistan, oo maamusha internetka, ayaan durbadiiba ka jawaabin su’aalo la xiriiray qadka oo ay wakaaladda wararka ee Reuters u dirtay. 

Sawirro: Raila Odinga oo dacwad rasmi ah u gudbiyey Maxkamadda Sare ee Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Musharax madaxweyne Raila Odinga ayaa kartoonno waraaqo oo ah dacwad ka dhan ah natiijadii doorashada madaxtinimada ee dalkaas ka dhacday 9-kii August. Wargeys maxalli ah ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay sawirka gaariga xamuulka ah oo soo gaaray dhismaha maxkamadda.

Odinga ayaa aaday maxakamadda isaga oo diiday guusha Willian Ruto uu ka gaaray doorashadi dhacday 9-kii August isaga oo helay 50.55% cod, halka Odinga uu helay 48.8% cod.

Siyaasigan oo 77 jir ah ayaa ku guuldarraystay tartankiisii shanaad ee doorashada madaxtinimo, kadib markii laga kor maray codad yar oo gaaraya 230,000 oo cod – oo ah wax ka yar boqolkiiba laba dhibcood.

Boqolaal taageereyaal ah ayaa ku farxay markii daraasiin sanduuqyo ah oo caddeymo ah laga soo dajiyay gaari xamuul ah bannaanka maxkamadda Sare.

“Waxaan haynaa caddeymo ku filan in aan anaga ku guuleysanay doorashada, ma aanan helin doorasho aan ku faani karno,” ayuu Odinga ku sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay kadib markii uu gudbiyay dacwada.

Sida ku xusan nuqul ka mid ah codsiga 72 bog ka kooban oo ay aragtay AFP, kooxda Odinga waxay ku andacoonayaan in guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati uu ku guul darreystay inuu tiriyo ku dhawaad 140,000 oo cod.

Inkastoo maalintii codbixinta ay si nabad ah ku dhamaatay, haddana ku dhawaaqista natiijada todobaad ka hor ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo caro leh oo ka dhacay qaar ka mid ah xaafadaha ay ku xoggan yihiin taageerayaasha Odinga, waxaana laga cabsi qabaa in muranka soo shaac baxay uu horseedo rabshado ka dhaca dalka Kenya.

Tan iyo sanadkii 2002-dii, ma jirin doorasho madaxtinimo oo ka dhacday Kenya oo aysan muran ka dhalan, iyadoo natiijadii sanadkan ay sidoo kale keentay khilaaf ka dhex jira guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC.

Garsoorayaasha ayaa hadda haysta 14 maalmood oo ay xukunka ku soo saaraan. Haddii ay amraan burinta doorashadii dhacday waxaa qasab noqon doonta in doorasho cusub lagu qabto muddo 60 cish ah.

Kiiska Mr Odinga ayaa waxaa sii xoojinaya in afar ka mid ah todobada xubnood ee doorashada – oo ay ku jirto guddoomiye ku xigeenka Juliana Cherera – ay qaadeen tallaabo aan caadi ahayn oo ay ku diideen natiijada.

Ganacsade Maraykan ah oo malaayiin dollar ku dhacay heshiis ganacsiga xoolaha Soomaaliya ah (Warbixin)

0

Buffalo (Caasimada Online) – Darin Pastor wuxuu ku noolaa nolol tan ugu ladan. Wuxuu iibsaday guri ku kacaya $1.5 milyan oo uu kula noolaa xaaskiisa sannadihii 2015 ilaa 2019. Guri kale oo isna ku kacaya adduun dhan $738,000 ayuu ka iibsaday Florida.

Lacag dhan $294,000 iyo $95,000 ayuu ku kala bixiyay dahab, fadhi iyo jiif. Halka $57,000 uu kaliya ku bixiyay dhar uu ku lebisto.

Isaga iyo ninka ay shuraakada yihiin ee Halford W. Johnson lacagtaas ma ahan mid ay shaqeysteen. Waxaa iska leh dad ay magacyada milkiyadooda si khaldan u isticmaaleen kadibna ay lacagahooda ku dhaceen.

Waa shabakad guda-ballaaran oo heshiisyo la isku dagayo ka shaqeysa oo ay ka mid yihiin shirkado xoolaha iibiya oo ka dhisan Kenya iyo Soomaaliya si loogu daabulo Cumaan, iyo shirkado dahab bug ah laga iibiyo oo ku yaal Hong Kong iyo Australia.

Warshad gaaska dabiiciga ah u bedesha shidaal ay gaadiidka iyo diyaaraduhu adeegsadaan oo ku kacaya hal bilyan ayaa oo laga soo xaday bandhig ay lahayd shirkad ganacsi oo ka dhisan gobolka Arkansas ayay isku dayeen inay ka iibiyaan maalgeliyayaal. Qareenada maxkmadda ayaa sheegay Darin iyo John ay doonayeen inay marinhabaabiyaan xogaha kuna darsadaan mid ka beensheegeysa qaddarka lacagta ay heystaan.

Maalintii Arbacada, si kastaba, Darin oo 51 jir ah iyo Johnson oo 59 jir ah waxaa xeerbeegtidu ku heshay caddaymo muujinaya dambiyadooda oo la xiriira lunsiga iyo dhaca hanti. Xeerka ciqaabta ayaana dhigaya inay xabsiga ku jiraan 25 sannadood.

Darin oo qoyskiisu ay gu’yaal badan lahaayeen milkiyadda shirkadda Pepsi-Cola laanteeda Buffalo, New York iyo maamulka koox deegaanka ka dhisan waxaa sidoo kale lagu helay dambi ah inuu ku lug lahaa kala xawilaadda lacago qaab xatooyo ah ku socday iyo shirqool uu la damacsanaa inuu ku dhaco Maraykanka.

Dabinkaas waxaa ugu dhacay 95 maalgeshato ah kuwaas oo lacagta shaqsiga ee qof walba ka luntay ay dhan tahay $3.5 milyan.

Wax is daba-marintiisu waxay soo bilaabatay sannadkii 2013. Waana markii Darin uu helay lahaanshiyaha Creative App Solution oo ahayd shirkad ganacsi oo markii dambe uu ka beddelay magaca una bixiyay Capstone Financial Group.

Taniyo markaas ilaa 2017-ka, 95 maalgeshato ayaa shirkadda Capstone wax uga iibsaday adduun dhan $19 milyan. Si kastaba, Darin iyo Johnson waxay u sheegeen been maalgashatada – iyada oo Darin uu markaas u qaameysnaa lacag malaayiin doolar ah oo lagu lahaa.

Bishii April 2017, waxay mar kale maalgeshatada Capstone u balanqaadeen inay kusoo celin doonaaan afar laabka lacagta ay bixiyaan – iyaga oo u sheegay inay ku helayaan lacagtaas heshiis ay la gashay shirkado Soomaaliya ku yaalla oo ay kasoo xereeyeen adduun dhan $217.

94 kamid ah maalgashatada ayaa aqbalay, laakiin midna ma uusan helin lacagtii loo balanqaaday maalintii loo madlanaa oo ay shirkaddu u qabatay.

Qeyb kamid ah bixinta lacagahaas ayaa la sameeyey bilihii Febraayo iyo April sannadkii 2018, laakiin midkood kamid ah maalgashatada ma aysan wada helin lacagtoodii.

Baaritaanka iyo garmaqalka dambiyada loo heysto Darin iyo saaxiibkiis waxaa soo gudbiyay hay’adda canshuur uruurinta u qaabilsan Mareykanka ee Internal Revenue Service iyo FBI-da Maraykanka.

Waxaase Darin intaas usii dheer in loo heysto fadeexad la xiriirta jujuub dhanka jinsiga ah oo uu u geystay haweeney.

Haweeneyda ayaa sheegtay in Darin uu ku bilaabay inuu jirkeeda ku xoodaamiyo gacmihiisa. Wuxuuna u sameeyey balanqaad haddii ay isaga harto ninka ay xiriirka la leedahay.

Dhacdada oo timid xilli ay ku safrayeen diyaarad ayaa ugu dambeyntii waxaa soo fara-geliyay booliska markii ay caga-dhigatay.

Daawo: Maamulka Gedo oo ka horyimid tallaabadii uu qaaday Axmed Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buulle ayaa si adag uga horyimid muddo kordhin uu baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland u sameeyay madaxweynaha hadda jooga Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Wax ka badalka uu sameeyay baarlamaanka ayaa ka dhigan in muddo xileedka madaxweynaha hadda jooga Axmed Madoobe uu ku ekaan doono bisha Agoosto 2024, halkii la filayay in sanadka soo socda ee 2023-da la qabto doorasho.

Guddoomiye Buulle ayaa tallaabada uu qaaday baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland ku tilmaamay mid aysan aqbali karin, taasi oo uu ka dambeeyo madaxweyne Axmed Madoobe.

Waxa uu madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay in uu si deg deg ah usoo fara-geliyo arrintaan, si xal looga gaaro Jubbaland-ta labada dhinac noqotay.

“Wax aan aqbaleyno ma aha muddo kororsi, dhibaatooyinkii muddo kororsi ka dhacay xogagaal ayaa ka tahay Madaxweyne waxaa aamisanahay in isku haleyn dhankaaga lagu ansixiyay, waa in aad jawaab deg deg ah ka bixisa xukuumadaada,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ka deyriyay xaalada maamulka haddii arrintaan sidaas kusii socoto, aysana marnaba yeeli doonin isku-deyga uu ku meel-marsanayo xukun dheereysiga, sida uu hdalka u dhigay.

“Doorashadii u dambeysay ayaa ku kala tagnay anaga iyo Axmed Madoobe illaa hadda ma jirto wax dib u heshiin ah oo la iskugu yimid. Waxaa ballan-qaad sameeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waana ka warsugeyna.”

Si kastaba, markii u horeysay ma aha ee maamul uu muddo kordhin ku sameeyo muddo xileedka madaxda, ayada oo horey sidan oo kale muddo xileedka shan sano ka dhigay baarlamaanka Koonfur Galbeed, muddo hal sano ahna ugu daray madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen, inkasta oo arrintaasi uu weli buuq siyaasadeed ka taagan yahay.

Imaaraadka Carabta oo qaatay go’aan lama filaan ah oo ku wajahan xiriirka Iran

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa Axaddii sheegtay in safiirkeeda caasimadda Tehran ee dalka Iran uu maalmo gudahood ah dib ugu billaabi doono shaqadiisa.

Imaaraadka ayaa hoos u dhigay xiriirka labada dal ayaa muddo lix sanno laga joogo isaga oo taageero ugu muujinaya Sucuudi Carabiya.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka ayaa lagu yiri: ‘Ambaasadoor Saif Mohammed al-Zaabi wuxuu dib uga billaabi doonaa shaqadiisa safaaradda Imaaraadka ee Iran maalmaha soo aadan si xiriirka labo-geesoodka ah loo xoojiyo.’ 

Tallaabada ayaa looga gol leeyahay ku guuleysiga danaha gaarka ah ee labada dal ka dhaxeeya iyo midda gobolka Bariga Dhexe. 

Iyada oo siyaasadda u janjeersiga halka dhinac ee gobalka ay is beddelayso, Anwar Gargash oo ah la-taliyaha madaxtooyada Imaaraadka ayaa bartamihii July ku baaqay in la qaboojiyo xasaradda Bariga Dhexe, wuxuuna sidoo kale ku taliyay dib usoo celinta xiriirka Iran. 

Imaaraadka ayaa hakad-geliyay xiriirkii uu la lahaa Iran sannadkii 2016-ka si uu garab istaag ugu muujiyo Sucuudiga markii taageerayaal Iiraaniyiin ah ay weerareen xarumaha diblomaasiyadeed ee Boqortooyadu ku laheyd gudaha Iran kaddib dilka Wadaadkii Shiicada ahaa ee Nimr al-Nimr ee Sacuudiga. 

Dalalka kale ee Khaliijka sida Kuwait ayaa iyagana xiriirka u jartay Iiraan. 

Dowladda Iiraan waxay sheegtay in bilowgii bishan ay dowladda Kuwait usoo dirsatay safiirkeeda oo aan joogin tan iyo sannadkii 2016-ka. 

Sida ay ku warrantay warbaahinta qaranka Imaaraadka, bishii July wasiirrada arrimaha dibadda labada dal ayaa ku wada-hadal qadka telefoonka oo ay kaga doodeen adkeynta xiriirka labada waddan. 

Dalkan hodanka ku ah shidaalka ee Imaaraadka ayaa kol hore ugu yeeray dalalka Khaliijka inay sameeyaan diblomaasiyad loo midaysan yihiin oo heshiis lagula gaarayo Iran oo wada-hadallo kula jirtay dhawaanahan Reer Galbeedka oo ku saabsan sidii dib loogu anba-qaadi lahaa heshiiskii 2015-ka ee Nukliyeerka. 

Sannadkii 2020, Imaaraadka ayaa xiriir diblomaasi la yeeshay Israel, tallaabadaas oo ay aad u dhaleeceysay Tehran. 

Abu Dhabi ayaa siyaasad isku soo dhawaanshiyo ah la sameysanaysa loolamayaasheeda gobalka sida Qadar, Turkiga iyo Iran, kaas oo u suuragaliyay xiriir dhaqaale oo adag inay sameysato iyada oo weliba mararka qaar uu ismaandhaaf kala dhaxeeyo dalalkan. 

Mukhtaar Roobow oo xog ka bixiyey arrin la xiriirta Al-Shabaab iyo SOMALILAND

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansoor) oo haatan ah wasiirka diinta iyo awqaafta xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo la xiriira Al-Shabaab, kadib weerarkii xooganaa ee ay ku qaadeen dhismaha hoteelka Xayaat.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa soo hadal qaaday arrin xasaasi ah oo ku aadan sababta keentay in kooxdaan ay weeraro uga fulin weysay deegaannada Somaliland.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in reer Somaliland ay muujiyeen midnimo, ayna ka wada shaqeeyeen amnigooda iyo horumarkooda, isaga oo ku baaqay in sidaas oo kalena ay sameeyaan shacabka Soomaaliyeed oo kaashanaya dowladdooda federaalka ah.

Sidoo kale wuxuu xusay haddii qof weliba xogta uu hayo la wadaago laamaha amniga, kadibna la qaado tallaabo ka hoteg ah in laga guuleysan karo kooxda Al-Shabaab.

“Miisaalbaa idin sheegayaa Somaliland waa tanoo nagama dheera hal shey waa laga fulin waayey, sabab dadkaa isku duuban kan geel jiraha ah iyo kan ganacsigaa iyo maamada guriga joogto qof walba waxa uu arko oo dareen geliyo ayuu soo sheegayaan waxba waa laga sameyn waayey” ayuu yiri Sheekh Muqtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur).

Waxa kale oo uu intaasi ku sii ku daray in la sameyn karo dadaalka ay sameeyeen reer Somaliland, ayada oo la muujinayo midnimo, si la’isaga difaaco Al-Shabaab.

“Intaas iyo ka badan waa la sameyn karaa, marka hore horta midnimada in la soo ceshado si loo wajaho waxa meeshaan ka jiro,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo maalin ka hor ay Al-Shabaab weerar ku bilowday qaraxyo, islamarkaana qaatay saacado badan ku qaadeen hoteelka Xayaat ee Muqdisho.

Daawo: R/W Xamza oo balan-qaad culus ku dhowaaqay kadib weerarkii Hotel Xayaat

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa xalay booqday isbitaallada lagu daaweynayo dadkii ku dhaawacmay weerarkii argagixisadu ku qaadday hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa waxa uu warbixinno ku saabsan xaaladda caafimaad ee dadka dhaawacmay ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta isbitaallada Erdogan iyo Medina.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhaawacyada culus ee aan dalka wax looga qaban karin ay dowladdu u qaadi doonto waddanka dibeddiisa – isagoo intaa raaciyay in sidoo kale ay dowladdu qaadeyso bukaanno kale oo istibaallada horey ugu jiray.

Waxa uu ballanqaaday in dowladdu ay isla xisaabtamayso – isla markaana ay qaadayso masuuliyadda wixii dhacay, oo lala xisaabtami doono cid walba oo hawsheeda gudan weysay.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa u mahadceliyay ciidamada Soomaaliyeed ee naftooda u huray inay soo badbaadiyaan shacabka – oo uu sheegay inay yihiin mujaahidiin dhab ah.

Waxa uu tacsi u diray eheladii iyo qoysaska dadkii ku shahiiday weerarkaasi – isaga oo Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno siiyo – kuwa dhaawaca ahna Allaah u booga dhayo.

Dhinaca kale, Wasiirka Amniga Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa saxaafadda kula hadlay Hotelka Xayaat oo mudo labo cisho ah ay ka dhex dagaalamayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa balan qaaday in Xukuumada Soomaaliya ay si rasmi ah u qaada doonto doorkeeda badbaafinta dadka Soomaaliyeed iyo hantidooda, isla markaana qiimeyn lagu samey doono khasaarihii ka dhashay weerarkaas.

“Dhibka dhacay waan aragnaa waxaana lama huraan ah in xukuumaddu ay doorkeeda qaadato, waxaa qaada doonaa door ah badbaadinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, waxaan balan qaadeynaa in arrintaas aanaa u kala hari doonin,” ayuu yiri wasiirka amniga Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dhibkaan uu gaaray guri kasta oo Soomaaliyeed, isla markaana ay xukuumaddu diyaar u tahay inay qaadato masuuliyad dhab ah.

“Muhiimada xukuumaddaan waa in amni la helo, si balan qaadkaas aan uga dhabeyno xukuumaddu waxay diyaar u tahay isla xisaabtan, qiimeynta dhibkii dhacay gacanta ayaan ku heynaa, waxaana diyaar u nahay inaan duruus ka barano, amnigana wax ka bedelno,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiirka amniga Soomaaliya.

Wasiir Doodishe ayaa ugu dambeyntii aad u amaanay ciidamada ammaanka oo dadaal badan ku bixiyey inay badbaafiyaan dadka, sidoo kale wuxuu u tacsiyeeyey dadkii ku waxyeeloobay weerarkaas oo kooxdii fulisay lasoo afjaray oo dagaalameysay 48 saacadood.

Ugu yaraan 25 qof oo milkiilihii hotel Xayaat uu ku jiro ayaa lagu dilay weerarkaas, waxaana lagu dhaawacay oo isbitaallada yaalla 120 kale, sida ay cadeeyeen hey’adaha caafimaadka, iyadoo la qarxiyey dhamaan haraadiga qaraxyadii ay wateen kooxda soo weerartay Hotelka.

Hoos ka daawo

Mukhtaar Roobow oo fariin soo saaray, kadib weerarkii Shabaab ee hoteel Xayaat

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Sheekh Muqtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur) oo la hadlayey warbaahinta isaga oo ay garab fadhiyaan qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii xooganaa ee ay Al-Shabaab ku qaaday hoteelka Xayaat.

Mukhtaar Roobow ayaa shaaca ka qaaday in wax laga xumaado ay tahay weerarada ay Al-Shabaab ka geysanayaan guud ahaan dalka, isagoo tilmaamay in aysan aheyn wax diin ah.

Wasiirka ayaa ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna hoosta ka xariiqay in qof walba laga doonayo inuu difaacdo naftiisa iyo malkiisa.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray dhalinyarada weli ka barbar dagaalameysa kooxda Al-Shabaab oo uu tilmaamay in la soo qalday, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan leeyahay, Dhallinyarada Shabaabka ah, kuwa aan aqaan ee idin soo qalday, ilmahooda Iskuulo iyo Jaamacado ayey Xamar ka dhigtaan ama aduunka kale nolol fiicana waa ku jiraan, yeysan been idin sheegin,”ayuu yiri Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in si wadajir ah oo loola dagaalamo Al-Shabaab kaliya looga gudbi karo dhibaatada ay ku hayaan dadka iyo dalka Soomaaliya.

“Sida uu sheegay madaxweynaha dalka Soomaaliyoo heshiis ah oo mideysan, aduunka kalena heshiis la ah, kaas haddii la qaato oo dadku midoobaan nimaankaan waxba uma suuroobi karaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Sheekh Muqtaar Rooboow (Abuu Mansuur).

Hadalka ka soo yeeray Sheekh Roobow oo haatan ka mid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, ayada oo weerarkii ugu waqtiga dheeraa abid ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday dhismaha hoteelka Xayaat, kaas oo socday wax ka badan 24 saac oo xiriir ah.

Sikastaba, Sheekh Muqtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur) ayaa horey uga mid ahaa hoggaanka sare ee Al-Shabaab, balse wuxuu 2017 isku soo dhiibay dowladda Somalia, isaga oo kadib ku biiray siyaasadda, walow Muqdisho uu ku xirnaa ku dhowaad 3 sanno.

Sawirro: Saraakiil Itoobiyaan ah oo la kulmay Deni xilli uu Abiy cadaadis ku hayo Xasan

0

Garowe (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online saraakiil sare oo ka tirsan millateriga dowladda Itoobiya ayaa Axadii shalay ka degay garoonka magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Soo dhaweynta saaraakiishaas waxaa loo xil-saaray taliye ku-xigeenka ciidamada Puntland, waxaana markii ay ka soo degeen garoon loo gelbiyay Madaxtooyada Puntland, halkaas oo kulamo ay kula yeesheen madaxda maamulka Puntland. 

Qoraal kasoo baxay madaxtooyiada Puntland ayaa lagu yiri “Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee dhanka Amaanka, la-dagaalanka kooxaha Argagixisada ah iyo sidii qorshe midaysan looga yeelan lahaa wax kasta oo liddi ku ah xasiloonida iyo nabadgelyada.”

Dowladda Itoobiya ayaa waayahaan dambe usul duub ugu jirtay kasbashada madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya, taas oo soo bilaabatay markii uu isbedelka siyaasadeed ka dhacay Soomaaliya, sidoo kalena ay Al-Shabaab isku dayeen inay gudaha u galaan dalka Itoobiya.

Booqashadan ayaa astaan kale u ah sida ay Addis-Ababa sare ugu sii qaadeyo faro-gelinta iyo cadaadiska ay ku hayso dowladda madaxweyne Xasan Sheekh.

Muddadii uu dalka madaxweynaha ka ahaa Farmaajo, oo ay saaxiibo ahaayeen Abiy Ahmed, marna ma dhicin in saraakiil Itoobiyaan ah ay dalka sida ay u doonaan ugu soo tallaabaan lana macaamilaan maamul goboleedyada.

Waxaa horey u jirtay in saraakiil Itoobiyaan ah ay dhowr jeer tageen Baydhaba ayaga oo la macaamilaya madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen, oo sidoo kale toddobaadkan hub lasoo gaarsiiyey.

Itoobiya ayaa dooneysay in Xasan Sheekh uu noqdo madaxweyne siyaasaddiisa arrimaha dibedda laga maamulo Addis Ababa, taasi oo sida muuqata ay ku guuldarreysatay, waxayna billowday cadaadis ka dhan ah xukuumaddiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa looga fadhiyaa inuu go’aan ka gaaro sida uu ula macaamilayo Itoobiya kadibna ku dhaqaaqo.

Sawirro: Wasiir FIQI oo laba arrin kala hadlay Kate Foster

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo maanta la kulmay safiirka UK u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Kate Foster ayaa la yeeshay wadahadallo mira dhal ah, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal iyo xaaladihii ugu dambeeyey ee soo kordhay.

Fiqi ayaa si gaar ah Kate Foster kala hadlay laba arrin oo ku saabsan xasilinta amniga deegaannada laga xureeyey Al-Shabaab iyo wax ka qabashada abaaraha ka jira dalka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay cid kasta kala kaashato arrimaha gurmadka abaaraha iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dhankeeda danjiraha UK ee Soomaaliya ayaa shaacisay in ay diyaar u yihiin in dowladda ay kala shaqeeyaan sugidda amniga dalka iyo arrinaha gurmadka abaaraha ka jira dalka.

Kulankaan iyo ballan-qaadka UK ayaa ku soo aadaya, maalin kaddib weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen hoteelka Xayaat, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

UK ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero dowladda Soomaaliya, waxayna sidoo kale ka qayb-qaadataa tababarada ciidamada Xoogga dalka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Israel oo afar sano kadib ka qoomamaysay go’aan Iran ka dhan ah oo ay cadaadisay

Tel Aviv (Caasimada Online) – Saraakiisha Israel ayaa qoomaamo ka muujiyay inay madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump ku dhiirrigeliyeen inuu isaga baxo heshiiskii Nukliyeerka ee Iran lala gaaray sannadkii 2015-ka kaas oo soo dedejiyay inuu burburo. 

Hoggaanka amniga Israel oo shir wada-tashi ah yeeshay ayaa muujiyay qoomamadooda la xiriirta in doorkii ay ka qaateen go’aanka Trump ee heshiiska uu ahaa mid aad u cad, xilli weliba heshiiskaas mid la mid ah uu hadda ku dhow yahay in la saxiixo, sida ay shaacisay warbaahinta KAN ee Israel.

Ra’iisul wasaare Yair Lapid ayaa ka qeybgalay shirkaas, sida ay ku warrantay KAN.

Warbixintan ayaa kusoo beegmeysa xilli Maraykanka iyo Iran ay ku dhow yihiin inay saxiixaan heshiis dib u anba-qaadaya hubinta barnaamijka nukliyeerka Iran iyo dhimidda kobcinta macdanta uranium-ka si xayiraadda looga qaado. Bilowgii bishan, Midowga Yurub ayaa Iran iyo Maraykanka u gudbiyey hindisahooda kama dambeysta ah ee heshiiska. 

Midowga Yurub iyo Maraykanka ayaa Talaadadii dhawayd sheegay inay daraaseynayaan dhabnimada iyo ka go’naanshiyaha Iran ee dib usoo celinta heshiiska ay la galayso awoodaha waaweyn oo ay Midowga Yurub kusoo bandhigeen wada-hadalkii ka dhacay Vienna. 

Suuragalnimada ‘gaaridda heshiis’ waxay dhabbaha u xaari doontaa qaadista cuna-qabataynta uu Maraykanku saaray Shidaalka Iran oo maalintii soo saari kara 2.5 milyan oo barmiil. 

Iran ayaa isaga baxday heshiiskii nukliyeerka oo ay la gaartay dalalka Maraykanka, Jarmalka, Faransiiska, Britain, Ruushka iyo Shiinaha sannadkii 2015. 

Sannadkii 2018-ka, Trump ayaa ka baxay heshiiska, isaga oo kadibna kusii giijiyey Iran cuna-qabatayntii saarneyd. Iran ayaa kadib ku dhowaaqday tallaabooyin jawaab celin u muuqda oo ay kaga falcelinayso cuna-qabataynta, sida kobcinta barnaamijka macdanta uranium-ka. 

Israel ayaa muddo dheer diidmo qayaxan kala horjoogtay heshiiska nukliyeerka ee Iran lala gaarayo. 

Xog: Shaqaalaha Gobolka Banaadir oo ka cabanaya mushaar la’aan dhowr bil ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shaqaalaha gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ka cabanaya mushaar la’aan in muddo ah, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in maalmaha soo socda madaxweynaha magacaabi doono shaqsigii badali lahaa Guddoomiyaha xilligaan xilka haaya ee Cumar Filish.

Caasimada Online oo xiriiro kala duwan la sameysay shaqaale ka tirsan dowladda hoose ee Xamar, ayaa sheegay in bishaan socota ee Agoosto iyo labadii bil ee ka horeysay aysan jirin wax mashuur ah oo la siiyay shaqaalaha dowladda Hoose marka laga reebo inyar oo kooban ee ka tirsan xafiiska gobolka.

Shaqaale ka tirsan xafiiska Dowladda Hoose ee Xamar oo codsaday in magacyadooda qarino ayaa inoo xaqiijiyay in wax mashuur ah la siin shaqaalaha dowladda Hoose, waxayna intaa raaciyeen in ay ugu daran yihiin shaqaalaha rayidka oo ah kuwo u badan xoogsato iyo kuwa nadaafadda ka shaqeeya.

Cabashadaan ay soo dusiyeen shaqaalaha maamulka Gobolka Banaadir ayaa qaarkood waxay ku tilmaameen mid mar walba dhacda marka uu isbadal maamul uu dhici rabo, iyadoo ay ku fasireen inay tahay hanti aruursi dadban.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu soo waramayaa in maalmaha soo socda uu magacaabi doono guddoomiyaha cusub ee beddeli doona Cumar Filish oo maamulka cusub ee Xasan Sheekh u arko inuusan la jaan qaadi karin siyaasaddiisa maadaama uu ka tirsanaa Cumar Filish xubnihii gacan saarka iyo difaaca u ahaa Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddoomiyaha cusub ee Xasan Sheekh magacaabi doono ayaa la filayaa in uu kasoo dhex xusho afarta beelood ee Galmaax Yoonis, inkasta oo aysan caddeyn jufada uu si gaar ah uga soo xuli doono afarta beel.

Col. Cusmaan Xaadoole oo ah xildhibaan beesha Galmaax ayaa dadaal weyn u galay in xiligaan beesha Galmaax ay mudan tahay in lagu tixgeliyo hoggaanka Gobolka Banaadir, xilli sanadihii dhowaa xilkan la siinayey beesha Daa’uud ee Galmaax ay isugu yimaadaan Wacbuudhan. 

Al-Shabaab oo lix QOF ku toogatay meel fagaare ah

0

Awdheegle (Caasimada Online) – Xoogaga Al-Shabaab ayaa markale fagaare ku yaalla deegaanka Kunya-barrow ee gobolka Shabeelaha Hoose ku toogtay illaa lix qof oo ay kooxda ku eedeysay inay ahaayeen basaasiin u shaqeynayey sirdoonka Mareykanka CIA.

Ragga la dilay oo u badan dhalinyaro ayaa lagu soo qabtay howlgallo kala duwan, kadibna waxaa xukun ku ridday maxkamad hoostegta Al-Shabaab, kaas oo maanta lagu fuliyey.

Eedeymaha loo soo jeediyey lixda qof ee la toogtay ayaa waxaa ka mid ah inay bixiyeen xogo la xiriira duqeymo lagu beegsaday xubno iyo saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab.

Fagaaraha lagu toogtay lixdan qof ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa xubno sar sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo dadweyne la’isugu yeeray halkaasi.

Halkan hoose ka aqriso magacyada:-

1-Aweys Aadan Xasan (Dalabey) oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la shaqeeynayay sirdoonka Mareykanka, isla-markaana uu bixiyay xogta duqeymo lala beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.

2-Cabdulqaadir Ibraahim Xuseyn (Boqol) oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey sirdoonka Mareykanka, uuna  ka qeyb qaatay ilaa lix duqeymood.

3-Cabdiraxmaan Cabdulle Dhicisow oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey sirdoonka Mareykanka, uuna bixiyey xogta laba duqeymood.

4-Cabdalla Nuunow Cabdulqaadir oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey sirdoonka Mareykanka, uuna ka qeyb qaatay duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab.

5-Maxamad Sheekhey Barrow oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey sirdoonnada Mareykanka, uuna ka qeyb qaatay duqeyn  ka dhacday gobolka Sh/ Hoose.

6-Xassan Cumar Murjaan (Xassan Garre) oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey sirdoonnada Mareykanka, uuna ka qayb qaatay illaa 3 duqeymood.

Farmaajo oo war cusub ka soo saaray xildhibaanimadii maanta loo dhaariyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa qoraal mahad-celin ah kasoo saaray go’aankii uu maanta Golaha Shacabka ka qaatay in uu noqdo Xildhibaan abadiya ah.

Farmaajo ayaa ugu horeyntii sheegay in uu garowsan yahay in xubinnimadan joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay tahay masuuliyad qaran, taasi oo uu soo gutay maanta, sida uu hadalka u dhigay.

“Alle ayaa mahad leh, waxaan maanta soo gutay dhaarta Xildhibaannimo ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, aniga oo fulinaya qodobka 64-aad ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee dalka,” ayuu yiri.

“Waa oo mudan in aan kaga shaqeyno danta dalka, dadka iyo diinta, fursado wanaagsanna ugu abuurno ubadka Soomaaliyeed.”

Sidoo kale wuxuu uga mahad-celiyay guddoonka iyo xildhibaannada Golaha Shacabka soo dhaweyntii wanaagsaneyd, isaga oo Alle ka rajeeyay in uu dalkeenna ka yeelo barwaaqo iyo nabad waarta.

Kadib dood ka dhalatay kulankii maanta Xildhibaanada ayaa cod gacan-taag ah ku ogolaaday in la dhaariyo Maxamed Farmaajo oo isla goobta loogu qabtay dhaarta, wuxuuna sidaas ku noqday xildhibaan abadiya ah.

Farmaajo waxaa ka horeeyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isna sanadkii 2017-kii loo dhaariyey xildhibaan aan dhicin oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastaba qodobka 64-aad farqaddiisa 4-aad ee Dastuurka KMG ayaa wuxuu dhigayaa in qof kasta oo noqda Madaxweynaha JFS marka uu xilka banneeyo inuu noqonayo xildhibaan Golaha Shacabka inta uu nool yahay, haddii aan xil ka qaadis lagu sameyn, ayada oona muddadii xil heyntiisa dhammaan, si waafaqsan qodobkan ka midka ah Dastuurka KMG ah.