29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Daawo: Xildhibaan Cusmaan Xaadoole: Al-Shabaab waa in la isku dhiibaa haddii aan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo kamid ah xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka ayaa si adag uga hadlay weerarkii tooska ahaa ee kooxda Al-Shabaab ku qaaday Hotel Xayaat oo qaatay in ka badan 24-saac.

Xildhibaan Xaadoole ayaa ugu horeyntii dhaliilay sida ay loola tacaalay weerarkaas, isaga oo sheegay in loo baahan yahay dagaal dhab ah oo lala galo argagixisada, islamarkaana laga hortago dhib kasta oo ay maleegayaan.

“Weerarada noocaas oo kale waxa loo baahan yahay inta ay meesha imaan laga hortago, oo la ogaado lana fashiliyo, marka looma baahna 24-saac in hal Nin kaligiis guri lagu xabadeeyo oo dhulka la dhigo gurigii iyo ganacsiyadii, waxaas lama fiirsan karo waa in laga hortago,” ayuu yiri.

“Waa la dagaaleyna oo aan la iska celineyn yaan dadka lagu leyn. Waa in lala diro ama waa in la isku dhiibo wax ka dhaxeeya majiraan.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda aysan weli taagneyn xili lagu dhaliilo amni darada, maadama aysan si dhab ah looga howl-galin qorshaha ay ku wajaheyso argagixisada, taasi oo ku taliyay in la dadajiyo.

“Dadka ka hor Askar iyo Saraakiil isku dhigeysa cadowga ayaa loo baahan yahay. Dowladdana kama hordhaceyno oo waa cusub tahay laakiin amniga wax ha ka qabato oo nimankaas si dhab ah ha u wajahdo.”

Ugu dambeyntiina wuxuu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay fashilinta qorshayaasha cadowgu ku dhibaateynayo shacabka, isaga oo xusay in hay’addaha amniga uu Golaha Shacabka la xisaabtami doono.

Daawo: Maxay saxaafadda kusoo aragtay gudaha Hotel Xayaat oo 48 kadib la galay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo 48-saacadood ah kadib, saxaafadda ayaa hadda loo ogolaaday inay gudaha u gasho Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, kadib weerar toos ah oo halkaas ka socday mudo labadii habeen ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale wasiirro ka tirsan dowladda, duqa Muqdisho iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray Hotelka, kuwaas oo warbaahinta la hadlay, soona bandhigay xogo kala duwan, warbaahinta ayaa soo bandhigtay burbur baaxad leh oo hotelka soo gaaray.

Ugu horeyn wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Axmed Cali Doodishe ayaa sheegay in khasaarihii ka dhashay weerarka ay qiimeyn ku sameynayaan, si dowladdu u garab istaagto dhibanayaasha.

Wasiirka Cadaalada XFS  Xasan Macalin oo balan qaaday in dadkii ay Al-Shabaab ku dileen weerarkii Hotel Xayaat ay cadaalad heli doonaan, aduun iyo aakhiraba, “Xukuumadu waxay ku howlantahay ka hortaga dhagarta, argagixisada,” ayuu yiri.

Duqa Muqdisho, Cumar Filish oo masuuliyiintii goobta gaartay ka mid ah ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaq inay iska dhiciyaan argagixisada Al-Shabaab, “Waxaan lama aqbali karo, maalin kasta murugo ayaan ku jirnaa, argagixisadu waxay dadkeena inta dilaan ku sii tilmaamaan inay mudnaayeen in la laayo,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Ugu yaraan 25 qof oo milkiilihii hotel Xayaat uu ku jiro ayaa lagu dilay weerarkaas, waxaana lagu dhaawacay oo isbitaallada yaalla 120 kale, sida ay cadeeyeen hey’adaha caafimaadka, waxaana galabta la qarxiyey dhamaan haraadiga qaraxyadii ay wateen kooxda soo weerartay Hotelka.

Hoos ka daawo

Cabdullaahi Kulane: Muddo kororsiga Axmed Madobe uu sameystay lama aqbali karo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Kulane oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, horeyna u ahaa madaxa shaqaalaha hay’adda NISA, ayaa wax aan la aqbali karin oo sharci darro ah ku tilmaamay muddo kororsiga loo sameeyey madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe.

“Wararka sheegaya in Axmed Madoobe uu ku qasbay baarlamaanka Jubaland ee uu isagu soo xulay 2019, oo ay ku jiraan darawalkiisii hore, ilaaladiisii iyo adeegayaashiisii, inay ansixiyaan muddo kororsi aan sharci ahayn, waa wax laga xumaado oo aan la aqbali karin,” ayuu yiri Cabdullaahi Kulane oo warsaxaafadeed soo saaray.

Kulane Jiis ayaa Axmed Madoobe ku sheegay inuu yahay aasaasihii kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sheegay inuu isdaba marin iyo musuq-maasuq ku sameeyey doorashadii dhacday sanadkii 2019.

“Axmed Madoobe oo ah aas aasaha ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa marar badan leexiyay rabitaanka shacabka Jubbaland, wuxuuna wax isdaba marin ku sameeyay doorashada Jubaland ee 2019 taas oo beesha caalamka ay u aqoonsatay inay aheyd mid khiyaano ah oo lagu shubtay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

“Muddo kordhinta aan waafaqsanayn dastuurka dalka ayaa noqon doonta mid uga sii dari doonta xaalada dadka reer Jubaland oo xilligaan wajahaya xaalado amni darro iyo macaluul, waxayna u baahan yihiin in si deg deg ah looga jawaabo fashilka Axmed Madoobe ee muddada tobanka sano ah”.

Ugu dambeyntii Kulane jiis ayaa sheegay in loo baahan yahay in la mideeyo dadka reer Jubbaland isla markaasna loo dhiso dowlad loo dhan yahay wuxuuna sheegay in taas lagu heli karo in la sameeyo dib u heshiisiin dhab ah.

Baarlamaanka maamulka Jubbaland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa ansixiyey in muddo xileedka xukuumadda iyo baarlamaanka Jubbaland oo markii hore ahayd 4 sanno laga dhigo 5 sanno.

Taasi waxa ay ka dhigantahay in muddo xileedka madaxweynaha hadda jooga Axmed Maxamed Islaam uu ku ekaan doono bisha Agoosto 2024, halkii la filayay in sanadka soo socda ee 2023-da la qabto doorasho.

CC Shakuur: Farmaajo laba midba kama hayo (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ahaa Xildhibaano dhowr ah oo maanta Golaha Shacabka geeyay mooshin ka dhan ah madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sharaxay sababta ka dambeysa.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in madaxweynihii hore uu ka dambeeyay weerar xarunta xisbiga Wadajir lagu qaaday 2017-kii, kaasi oo ay ku dhinteen askar ka tirsan ilaalada Cabdiraxmaan.

“Weerarkaas waxaa lagu dilay shan wiil oo Soomaaliyeed oo kamid aheyd ilaaladeyda, amarkaas wuxuu kasoo baxay Farmaajo oo maanta u fadhiya in loo dhaariyo xil Xildhibaanimo,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu cuskaday Cabdiraxmaan waayitaankii Ikraan Tahliil oo raq iyo ruqba la weysan yahay oo uu sheegay in falkaas uu dhacay intii uu tallada dalka joogay madaxweynihii hore ee Farmaajo.

“Ninka kaliya ee amarka soo bixiyay waa Farmaajo, illaa hadda mid dhaqan Soomaaliyeed kama hayo, mid dowladeedna kama hayo oo majirto meel uu ku qirtay fal-dambiyaadkaas.”

Cabdiraxmaan ayaa xusay in saraakiishii xiligaas loo adeegsaday weerarka xarunta Wadajir ay garowshiyo ka bixiyeen dhacdadaas, hase yeeshe illaa hadda aan cudur daar uusan ka hayn Farmaajo.

Isku-deyga Cabdiraxmaan iyo xildhibaanada ku raacsan mooshinka ka dhank ah Farmaajo ayaa fashilmay kadib markii cod gacan taag ah lagu go’aamiyay in la dhaariyo madaxweynihii hore oo noqonaya Xildhibaan aan dhicin.

Hoos ka daawo muuqaalka

Daawo: Gabadha ra’iisul wasaaraha ka ah Finland oo laga duubay MUUQAAL qarsoodi ah oo caro dhaliyey

0

Helsink (Caasimada Online) – Ra’iisul waasaraha Finland ayaa Jimcihii sheegtay inay martay tijaabada la xiriirta hubinta in jirkeedu uusan ku jirin wax daroogo ah siiba nuuca la yiraahdo Marijuana, kadib muuqaal si qarsoodi ah looga duubay uu muran badan dhaliyey. 

Sanna Marin ayaa ku celisay inaysan weligeed isticmaalin wax maandooriye ah, kaddib markii muuqaal laga baahiyay iyada oo damaashaadeysa uu ku baahay baraha bulshada. 

Sanna Marin, oo 36 jir ah, waxay sidoo kale sheegtay inay awood u leedahay inay xejiso mas’uuliyadda qaran oo ay dadkeeda u heyso oo ay u caaboon tahay gudashada shaqadeeda. 

Muuqaalka oo si aan loogu tala-galin ugu baahay baraha bulshada ayaa muujinaya Marin oo la qaab ka cayaaraysa koox saaxiibadeeda ah iyo dad caan ah, waxaana uu usoo jiiday cambaareyn xooggan. 

“Maalmihii dhawaa, waxaan la kulmay dhaleeceymo dadweynaha iiga imaanayay oo ay igu tuhmayaan inaan isticmaalka daroogada xageeda u janjeero amaba aan isticmaalo,” ayay Sanna Marin u sheegtay warfidiyeenka. 

“Waxaan u qaadanayaa eedeymahan si dhab ah – in kasta oo dalabka inaan tijaabada daroogada maro ay iila muuqatay mid aan caddaalad ahayn, haddana si loo shaki baxo awgeed ayaan u maray; natiijada waxaan filayaa inay soo baxdo toddobaad gudihiis,” ayay sii raacisay. 

Hoggaanka Xisbiga Social Democrat ayaa sheegay in Sanna ay habeenno badan la cawayn jirtay saaxiibadeeda – muuqaalkana lagu duubay meel gooni ah oo ay iskugu yimaadaan. 

Sanna waxay qiratay inay habeenkaas qamro cabsaneyd. Waxaase ay gaashaanka u daruurtay wararka sheegaya inay daroogo qaadatay. Waxay xattaa tilmaantay inaysan arag saaxiibadeeda midkood kamid ah oo daroogo isticmaalaya. 

“Weligay intaan jiray – dhalinyaranimadaydii – xattaa ma isticmaalin daroogo,” ayay tiri. 

Sanna ayaa noqotay hoggaamiyihii ugu da’da yaraa adduunka ee dowlad madax ka noqda bishii December 2019. Waxayna wajahaysay baaqyo ku adkeyn ah oo kaga imaanaya xubnaha mucaaradka kuwaas oo ugu yeeraya inay marto tijaabo kadib markii uu baahay muuqaalka. 

Bishii December 2021, waxaa kursigeeda gilgilay eedeymo qiil muuqda loo heli karo kadib markii la ogaaday inay caways ku gaarto xilli dambe – iyada oo weliba lagu jiro xayiraadda Covid-19. 

Ra’yi ururin markaas la sameeyey in lagu ogaanay aragtida dadweynaha ayaa muujiyay in aad looga xumaaday ficilkeedaas. 

Laakiin marwalba waxay dhexda uga jirtay ismaandhaaf. Dad badan ayaana siiyay xaqqa ah inay ku raaxaysato nolosheeda – halka in kale ay ku tilmaameen wax aan ku qaadmin qof dhan oo Ra’iisul wasaare ah. 

Hase yeeshe, marnaba maka habsaamin shaqadeeda qaranka. 

Kuwa dhaleeceynaya ayaa ku andacoonaya in Sanna ay diiradda saarto xaaladda sida halhaleelka ah isku beddeli karta ee gobalka ka jirta oo ay xafladeynta badan joojiso. 

Dalka Finland wuxuu xuduud dheer la wadaagaa Ruushka, wuxuuna sida Sweden codsaday xubinnimada NATO si ay uga samata-baxaan hubaal la’aanta ay dhex taagan yihiin. 

Kala xiriir: [email protected] 

DF oo shaacisay tirada dhimashada iyo dhaawaca weerarkii Hoteel Xayaat

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka caafimaadka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji ayaa shaaciyay tirada dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ka fulisay Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo tagay isbitaalada la geeyay dadka waxyeelada kasoo gaartay weerarkaas ayaa sheegay in inta la xaqiijiyay 21 qof ay ku geeriyoodeen weerarka halka 117-kalena ay ku dhaawacmeen.

Wuxuu sheegay in xogtaan ay wasaaradda caafimaadka kasoo xaqiijisay Isbitaallada ku yaalla Magaalada muqdisho, balse ay jiri karaan meydad ay aasteen ehelladooda, kuwaas oo aan la geyn Isbitaallada.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan wuxuu sheegay in 15 kamid ah 117 qof uu dhaawacooda culus yahay, islamarkaana Wasaaradda caafimaadaka ay iska xil saari doonto wax u qabashada dadka dhaawacyada qaba.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ayaa sheegay in muddadii uu socday weerarka Al-Shabaab ku qaaday Hotelka hay’adaha amniga ay xoogga saareen badbaadinta iyo badqabka muwaadiniintii goobta ku sugnayd.

Taliyaha ayaa sheegay inay ku guulaysteen badbaadinta dad ka badan 106 qof oo ay ka mid yihiin carruur iyo haween.

Xijaar, wuxuu ku eedeeyay Alshabab inay laayeen dad u badnaa carruur iyo haween ah. Taliyuhu wuxuu sheegay khasaaraha dadka rayidka ah inuu dhacay saacadihii hore weerarka.

Wuxuu xaqiijiyay inay askar naftooda ku waayeen iyagoo badbaadinayay dadka shacabka. Balse taliyuhu ma sheegin tirada askarta geeriyootay.

Baarlamanka Jubbaland oo muddo kordhin u sameeyay madaxweyne Axmed Madobe

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Kulan maanta ka dhacay magaalada Kismaayo, oo uu yeeshay golaha wakiilada dowlad goboleedka Jubbaland, ayaa muddo kordhin loogu sameeyay labada gole ee dowlad goboleedka ee kala ah baarlamaanka iyo fulinta.

Kulankan oo ahaa kalfadhigi afaraad fadhigiisi shanaad ee golaha wakiilada Jubbaland ayaa ajandihiisu ahaa in wax ka badal lagu sameeyo dastuurka Jubbaland, waxaana kulanka goobjoog ka ahaa 58 xildhibaan.

Baarlamaanka ayaa wax ka badel ku sameeyay qodobada 28-aad iyo 70-aad ee dastuurka oo ka hadlaya muddo xileedka goleyaasha dowladda, wuxuuna markii hore ahaa afar sano, haatana waxaa laga dhigay shan sano.

Taasi waxa ay ka dhigantahay in muddo xileedka madaxweynaha hadda jooga Axmed Maxamed Islaam uu ku ekaan doono bisha Agoosto 2024, halkii la filayay in sanadka soo socda ee 2023-da la qabto doorasho.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxaam ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada kulanka.

Horey waxaa sidan oo kale oo muddo xileedka shan sano ka dhigay baarlamaanka Koonfur Galbeed, muddo hal sano ahna ugu daray madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen, inkasta oo arrintaasi uu weli buuq siyaasadeed ka taaganyahay.

Farmaajo oo mooshin ka badbaaday, kadibna loo dhaariyey xildhibaannimo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan muhiim ah ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho, kaas oo lagu dhaariyey madaxweynihii 9-aad ee dalka, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo noqonaya xildhibaan abadiya ah, sida uu qabo dastuurka KMG ah.

Ugu horreyn waxaa kulanka hareeyey dood ay keeneen xildhibaano uu ku jiro siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka soo horjeeday in la dhaariyo Farmaajo, isaga oo ku eedeeyey inuu xadgudub geystay muddadii uu xafiiska joogay ee uu ahaa madaxweynaha.

“Taariikhdaan waa hareysaa waxaan rabaa in hadda kuwa xukunka qabsaday falka uu sameeyey in uusan sameyn oo qof idinka mid ah gurigiisa loogu dhicin,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hadal ka jeediyey kulanka Baaralamaanka Soomaaliya.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray in xittaa uu ka waayey wax raalli-gein ah, maadaama inta badan xubnihii isaga la soo shaqeeyey ay bixiyeen garowshiyo, una tegeen.

““Madaxweynihii hore Farmaajo kama haayo wixii dhacay mid dhaqameed iyo mid dowladeed. Dhammaan intii ku lug laheyd falkii la’igu soo weeraray waa ii yimaadeen, waana i raalli-geliyeen” ayuu hadalkiisa sii raaciyey xildhibaanka.

Intaas kadib guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in cod la gelinayo wax ka beddelka ajendaha maanta, gaar ahaan dhaarinta madaxweyne Farmaajo, kadib markii ay mooshin ka keeneen 11 xildhibaan oo ka tirsan xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Xildhibaannada ayaa cod gacan-taag ah, kadib ogolaaday in la dhaariyo Maxamed Farmaajo oo isla goobta loogu qabtay dhaarta, wuxuuna sidaas ku noqday xildhibaan abadiya ah.

Farmaajo waxaa ka horreeyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isna sanadkii 2017-kii loo dhaariyey xildhibaan aan dhicin oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastaba qodobka 64-aad farqaddiisa 4-aad ee Dastuurka KMG ayaa wuxuu dhigayaa in qof kasta oo noqda Madaxweynaha JFS marka uu xilka banneeyo inuu noqonayo xildhibaan Golaha Shacabka inta uu nool yahay, haddii aan xil ka qaadis lagu sameyn, ayada oona muddadii xil heyntiisa dhammaan, si waafaqsan qodobkan ka midka ah Dastuurka KMG ah.

XIJAAR oo ka gaabsaday inuu shaaciyo khasaaraha weerarkii Hoteelka Xayaat

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa maanta faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey weerarkii saacadaha badan qaatay ee lagu qaaday Hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa marka hore xaqiijiyey in gebi ahaanba la soo afjaray weerarka ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday, kuna qabsatay dhismaha Hoteelka Xayaat oo ku yaalla KM4.

“Waxaan rabaa inaan Ummadda Soomaaliyeed ee joogta dalka gudihiisa iyo dibaddiisa la socod siiyo in howlgalkii ka socday Hoteel Xayaat la soo afjaray xalay saqdii dhexe,” ayuu yiri taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Xijaar ayaa sidoo kale sheegay in intii uu socday howlgalka ciidamada ammaanka ay soo bad-baadiyeen illaa 106 qof oo ku go’doonsanaa dhismaha hoteelka la weeraray.

“Muddadii uu howlgalka socday waxa ay hay’adaha amniga xoogga saareen bad-baadinta iyo bad-qabka muwaadiniinta goobta ku sugnaa waxayna ku guuleysteen bad-baadinta dad ka badan 106 qof oo ay ka mid yihiin carruur iyo haween,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Dhanka kale taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka gaabsaday inuu shaaciyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkii Hoteelka Xayaat, wuxuuna taasi bedelkeeda sheegay in laga war sugi doono wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

“Tirada dadka ay wax ku gaareen goobtaas waxaa si faahfaahsan noola wadaagi doonto wasaaradda caafimaadka,” ayuu markale yiri taliye Xijaar.

Weerarkaan oo noqday kii ugu waqtiga dheeraa ee ay kooxda Al-Shabaab ku gasho dhisme ku yaalla Muqdisho ayey sheegatay inay ku dishay illaa 40 qof oo ay ku jiraan saraakiil.

Maxaa keenay in saacado badan uu qaato weerarkii ka dhacay Hoteel Xayaat?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Korneel Cabdullaahi Cali Macow oo ka tirsan saraakiishii hore ee NISA ayaa ka hadlay weerarkii saacadaha badan qaatay ee ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday dhismaha Hoteelka Xayaat ee ku yaalla agagaarka isgoyska KM4 ee Muqdisho.

Macow oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Universal ayaa ka hadlay sababaha keenay inuu dheeraado howlgalka lagu soo afjarayey weerarkaasi oo qaatay wax ka badan 24 saac.

Korneelka ayaa u sababeeyey arrintaas inuu jiray is barbar yaac ciidanka dhexdiisa ah, taasina ay keentay inay meesha tegeen ciidamo fara badan oo leh hoggaan kala duwan.

“Nasiib darrada iyo waxa dheereeyey waxaa waayey waa lagu yaacay waxaa yimid Haramcad, waxaa yimid Booliskii kale, kuwii degmooyinka ka shaqeynaayey. Marka waxa daba dheereynaayo waxaa waayey ma jiro hoggaan sax ah iyo dadkii shaqadaas looga dambeyn lahaa,” ayuu wareysigaan ku yiri Korneel Cabdulaahi Cali Macow.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamadu ay sidoo kale ay dhibka wax ka geysteen, isla-markaana ay burburiyeen inta badan dhismihii Hoteelka, taas oo uu sheegay in laga baaqsan karay, haddii lala yimaado xeelad lagu bad-baadinayo dadka shacabka ah.

“Waxaa hoosaasiyey ciidankaas Booliska ee faraha badan wiilkaa dhalinyarada ah ee qorayga la taagan jidka meesha dab-xir ayaa lagu sameeyey daartiina waa la dumiyey dadka meesha joogayna dhibaatada gaartay Argagixisadana way leysay dadka, ciidankaana xabadda bannaanka ka tuuraayo ayagana dhibaato badan ayey geysteen,” ayuu raaciyey.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan la soo afjaray weerarkii Hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, sida ay shaacisay dowladda federaalka ah Soomaaliya.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaacisay inay ku dishay illaa 40 qof oo ay ku jiraan saraakiil sar sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Laba duuliye oo kaxeynayey Ethiopian Airlines oo arrin dunida ka yaabisay sameeyey

Addis Ababa (Caasimada Online) – Laba duuliye, oo kaxeynayey diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines, ayay hurdo qabatay xilli ay diyaaraddu u jirtay dhulka 11,000 oo mitir. 

Tani waxay dhalisay in diyaaraddu dhaafto dhabbaha diyaaradaha ku ordaan ee garoonka kahor inta la toosin oo kadibna aysan si nabad leh u caga-dhigin diyaaradda, sida uu qoray warsidaha ka faallooda duulimaadyada. 

Hagayaasha gegida diyaaradaha ee Addis Ababa ayaa ku guuleystay inay jiheeyaan diyaaradda, kadibna Suulliyayaasha oo hurdada kasoo toosay ayaa si nabad ah u dejiyay diyaaradda, sida u uku warrantay Jariiradda Aviation Herald.  

Howlwadeennada shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa lagu sameynayaa baaritaan. Rakaabkii saarnaa diyaaradda waxay kasoo duuleen gegida Khartuum ee caasimadda Suudaan. 

Diyaaradda Boeing 737, waxay aalaaba ku qaadataa wax ka yar labo saacadood inay u kala safarto dalalkan deriska ah.  

Qaar badan oo ka falceliyay hurdada qabatay duuliyayaasha ayaa dareen la duubasho ah u muujiyay – iyaga oo ugu garaabay shaqada adag oo ay hayaan. La-yaabna kuma aysan tilmaamin inay shaqada gudaheeda ku hurdaan. 

“Si gaar ah uma eedeyn karo shaqaalaha Ethiopian Airlines kaliya; waa wax ku dhici karaa ugu yaraan qof kasta,” ayuu yiri mid kamid ah dadkii ka aragti dhiibay.  

“Eeddu waxay fuulaysaa shirkadda iyo kuwo xeerarka dejiya – ma ahan shaqaalahooda.” 

Kuwa kale ayaa si kaftan leh uga fikir dhiibanayeen hurdada ka tan badisay duuliyayaasha iyaga oo hawada ku jira. Laakiin falanqeeyayaasha arrimaha duullimaadka waxay dhacdadan ugu yeereen mid aad looga walaaco.  

“Inuusan duuliyuhu helin hurdo ku filan oo uu kaga maarmo inuu shaqadii ku gam’o ma ahan wax cusub, hayeeshe waa midda ugu halista badan oo ay wajahayaan rakaabka iyo shaqaalaha diyaaradda,” ayuu yiri Alex Macheras oo ah xeeldheere arrimaha duulimaadka ah. 

Xeer ilaaliyaha qaranka oo u yeeray maareeyaha hay’adda duulista oo dacwad loo haysto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa u yeeray maareeyaha guud ee Hy’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan (HDRS), sida ku cad warqad ay si gaar ah u heshay Caasimada Online.

Warqad kasoo baxday xeer ilaalinta guud ee qaranka, oo ku taariikheysan 17-ka August, ayaa maareeyaha lagu amray inuu xafiiska xeer ilaalinta hor yimaado 21 bishaan oo ah maantan saacadda marka ay tahay 10:00am.

Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in maareeyaha laga soo gudbiyey gal dacwadeed nambarkiisu yahay GL.2682, taasoo lasoo gudbiyey 04/06/2022, mana jirto faahfaahin ay xeer ilaalinta ka bixisay nooca dacwadda loo heysto.

Xafiiska ayaa sheegay in maareeyaha wax laga waydiin doono waxyaabo ku saabsan heay’adda oo baaris lagu wado sida lagu sheegay warqadda

Halkaan hoose ka akhriso warqadda loogu yeeray

Ku: Maareeyaha hey’adda duulista rayidka

Ujeeddo: U yeeris

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, qebtiisa ka hortagga dambiyada lidka ku ah badaha, tahriibinta iyo socdaalka sharci darada ah isaga oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ee ku xusan qod. 8-aad xeer nidaamka garsoorka (Xeer Lr. 3) ee soo baxay 12 June, 1962 iyo Qod. 12aad xeerka habka ciqaabta Soomaaliyeed (Xeer Lr. 1) ee soo baxay 1 June 1968.

Xafiisku isagoo ka duulayo waajibaadka sare ku xusan iyo gal-dacwadeed lambarkiisu yahay GL.2682 ee ka furan xafiiska xeer ilaalinta qaranka kuna taariikheysan 04/06/2022.

Sidaas darteed, xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka waxa uu u yeeraya maareeyaha guud ee hey’adda duulista rayidka Soomaaliyeed (HDRS) Mudane Axmed Macalin Xasan oo ay warqaddani sida tooska ah ugu socoto in uu xafiiska horyimaado maalinta Axadda oo ay taariikhdu tahay 21 August, 2022, saacaddu tahay 10:00Am, si wax looga waydiiyo arrimo la xiriira shaqada hey’adda oo uu xafiiska baaristeeda wado.

Waxaa lagu farayaa inaad waqtiga ilaaliso kuna timaatid xafiiska waqtiga laguu qabtay.

QM, UK, Midowga AFRIKA iyo Mareykanka oo ka hadlay weerarkii hoteel XAYAAT

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlado horleh iyo qaar ka mid ah Ururada caalamiga ah ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii khasaaraha badan dhaliyey ee ay Al-Shabaab ku qaaday dhismaha Hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, kaas oo saacado badan qaatay.

Qaramada Midoobey, Ururka Midowga Afrika, dowladaha Mareykanka, Turkiga, UK iyo  Norway ayaa siyaabo kala duwan uag hadlay weerarkaan oo ay haatan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya shaaca ka qaaday in gebi ahaanba la soo afjaray.

Sida uu sheegay xoghahaya guud ee QM weerarkani ayaa ahaa mid laga noxo, wuxuuna tilmaamay in uu xanuunka la qaybsano ehellada ay dadkooda ku dhinteen weerarkaasi.

“Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay waxa uu si xooggan u cambaareynayaa weerarka Argagixiso ee ka dhacay Xayat Hotel ee Magaalada Muqdisho kaas oo billawday 19ka August, waxa aan murugada la qaybsanayaa qoysaska dhibbanayaasha & Dowladda Federaalka, Qaramada Midoobay way garab taagan tahay, Dadka dhaawacmay caafimaad degdeg ah ayaan u rajeynaa” ayuu yiri afhayeen u hadlay Xoghayaha guud ee QM.

Ururka Midowga Afrika ayaa dhankiisa shaaca ka qaaday inuu u rajeynayo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo kabasho deg-deg ah.

Siidoo kale Midowga Afrika ayaa ku booriyey ciidamada dowladda Soomaaliya inay laba jibaaraan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

“Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS waxa uu cambaareynayaa weerarka Al-Shabaab ay ku qaaday Xayat Hotel, Ciidamada Federaalka waxa aan rajeyneynaa in ay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah Argagixisada si loo laab qaboojiyo ehelka Dadkoodu dhibaatadu ay gaarsiiyeen” ayaa lagu yiri qoraalka howlgalka Ururka Midowga Afrika ee ATMIS.

Sidoo kale qoraal kasoo baxay Safaarada UK ee Soomaaliya ayaa lagu yiri “Dowladda Ingiriiska waxay si kulul u cambaareynaysa weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Xayaad, waa garab taaganahay dowladda iyo dadka Soomaalida sidii ay ula dagaalameen kooxa argagaxisada ah.”

Dhinaca kale qoraal ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay weerarkaan, waxayna safaaraddu tiri “Mareykanka waxa uu si xooggan u cambaareynayaa weerarka Argagixiso ee ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xayat Hotel, Bukaannada dhaawacmay waxa aan u rajeyneenaa caafimaad taam ah.”

“Murugada waxa aan la qaybsaneynaa Dadka ehelkooda ku dhintay weerarkaan, waxa aan garab taaganahay Soomaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Si kastaba, xaaladda ayaa maanta deggan, inkastoo weli ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin Hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, halkaas oo la filayo inay saraakiisha kula hadlaan warbaahintam si ay warbixin dhab ah uga soo saaray weerarkii ka dhacay halkaas.

Guri uu daganaa sarkaal ka tirsan JUBBALAND oo la qarxiyey + Khasaaraha

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay qarax lagu beegsaday guri uu daganaa sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka ee maamulka Jubbaland, kaas oo geystay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa ka dhacay xaafadda Siinaay ee magaalada Kismaayo, gaar ahaan halka loo yaqaano Todobada Geed, waxaana la sheegay in guriga loogu xiray Abaanduulihii hore ee ciidamada Jubbaland, kaas oo magaciisa lagu soo koobay Raamsade.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa miino lagu dhajiyey darbiga dambe ee guriga, xilli ay ku sugnaayeen sarkaalka iyo xubno ka mid ah qoyskiisa.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay  in gebi ahaan uu burburay guriga, waxaana ku dhintay qaraxa aar ka mid ah carruurta sarkaalka la beegsaday oo isaga iyo sidoo kale xaaskiisa ay dhaawacyo soo gaareen.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanke ee dowlad goboleedka Jubbaland, kuwaas oo xalay, illaa saaka howlgallo baaritaano ah ka wada halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan deggan, inkastoo qaraxan oo si wyen jugtiisa slooga maqlay xaafadaha Kismaayo uu cabsi ku beeray dadka deegaanka.

Sikastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa ayaa inta badan weerarada noocaan oo kale ah iyo dilal qorsheysan ka fulisay deegaannada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Ciidanka DF oo sheegtay in lasoo afjaray weerarkii Xayat balse rasaas weli ka socota

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeysay soo geba-gebeeyey haysashadii kooxda Al-Shabaab ee Hotelka Xayaat ee agagaarka KM4 ee Muqdisho oo qaadatay 30 saac, sida uu sheegay taliye sare.

“Ciidamada ammaanka waa ay soo afjareen howlgalka, dhammaan dableydana waa ay dhinteen, wax xabad ah naguma soo dhaceyn saacaddii tagtay,” ayuu yiri taliye la hadlay wakaaladda wararka AFP, kaasi oo codsaday inaan la magacaabin.

Caasimada Online si madax-banaan uma xaqiijin karto sheegashadan, waxaana illaa hadda hotelka laga maqlayaa rasaas xooggan, taasi oo shaki gelineysa sheegashada dowladda.

Sarkaalka ma sheegin tirada khasaaraha weerarka Hotel Xayaat iyo tirada maleeshiyada Al-Shabaab ee la dilay, balse waxa uu sheegay inay saaka oo Axad ah ay qaban doonaan shir jaraa’id oo ay ku faahfaahinayaan weerarka.

Caasimada Online ayaa ilo-wareedyo amni kasoo xigatay in inta la xaqiijiyey ay ku dhowaad 30 qof ay ku dhinteen weerarka, ayada oo dhaawacuna uu intaas ka badan yahay.

Inta badan hoteelka ayaa waxaa burburiyey madaafiic ay ku garaaceen ciidamada ammaanka si ay u ciribtiraan maleeshiyada Al-Shabaab ee halkaas laga saari waayey, iyo sidoo kale qaraxyo ay adeegsadeen Shabaabka.

Ciidamada ammaanka madaafiic culus ayey ku garaaceen hoteelka, waxaa sidaas yiri Salaad Cali oo goobjooge ah.  

“Qeybo ka mid ah hoteelka dab ayaa ka kacay, ugu yaraan laba qarax oo waa weyn iyo kuwa kale oo yar yar oo badan ayaa dhacay,” ayuu yiri Salaad oo dabaq sare oo uu degan yahay ka daawanayey sida ay wax u socdeen.

Hoteelka ayaa waxaa laga soo badbaadiyey tobaneeyo qof oo ay ku jiraan haween iyo caruur. 

Weerarkan ayaa noqday kii ugu muddada dheeraa ee Al-Shabaab ay ku qabsadaan hotel ama xarun kale, wuxuuna qaatay muddo 30 saac ah. 

Waa wareerkii ugu horreeyey ee Al-Shabaab ay ku gasho hotel ku yaalla Muqdisho tan iyo markii madaxweyne Xasan Sheekh dib loo doortay 15-kii May 2022.

Xasan Sheekh ayaa ahmiyaddiisa koowaad ka dhigtay in laga adkaado kooxda Al-Shabaab, hase yeeshee dowladda weli ma qaadin wax tallaabo ah oo ka dhan ah kooxdan, mana soo bandhigin qorshaha dagaal ee ay ku wajaheyso.

Daawo: Nabadoon Xaad oo laga soo badbaadiyey hotel Xayaat oo bixiyey xog cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ahaa dadkii laga soo badbaadiyay hotel Xayaat ayaa ka sheekeeyey wixii uu ku arkay gudaha Hotelka oo mudo shan saacadood ah uu ku xayiraa.

Nabadoonka ayaa ciidanka dowladda ku eedeeyey inay ka soo daaheen Hotelka oo laba saacadood kadib ay yimaadeen, intaas wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay gudaha Hotelka toogasho ka wadeen.

Markii lasoo weeraray Hotelka wuxuu sheegay inay fadhiyeen banaanka hore, isla markaana dadkii ay u kala careen seddax jiho oo kala ah irida weyn, qeybaha kore ee Hotelka iyo dhica xiga Hotel Saxafi.

Nadoon Xaad ayaa intaas ku sii daray in markii weerarku bilowday uu u galay derbiga xiga dhinaca Hotel Saxafi, halkaas oo shan saacadood kadib ay ka soo badbaadiyeen ciidanka Haramcad oo aad uu ugu mahad celiyey.

Nabadoon Xaad ayaa yiri, “5 saac ayaan gudaha Hotel-ka ku jiray, meel u dhaxeysa Hotel Saxafi iyo Hayaat oo derbi ah ayaan galay, dadkii waa dhamaadeen dhawac faro badan ayaa yeella hotel-ka, gurmadkii looga baahnaa dowlada laga ma helin.”

Wuxuu aad u dhaliilay ciidanka Alpha Group, oo sida uu sheegay maanta lagu wareejiyey howlgalka, kuwaas oo sida uu sheegay aad u burburiyey Hotelka, iyagoo aan sameyn wax gurmad ah, taas bedelkeedna wuxuu amaanay Haramcad iyo Taliye Farxaan Qaroole.

Sidoo kale Nabadoon Xaad wuxuu madaxda dowladda Soomaaliya ku canaantay in sidaan ay wax ka bedelaan oo firfircoonida dadka ay hoggaanka u qabteen ay ka faa’iideystaan, isla markaana ay ku dhaqaaqaan dagaalka ay iclaamiyeen ee Al-Shabaab.

Hoos ka daawo

DF oo qaadatay go’aan lagu burburinayo Hotel Xayaat oo laga saari waayey Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa la xaqiijiyey inay bixisay amar dhulka lagula simayo Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, halkaas oo habeenkii labaad ay si toos ah uga dagaalameyso koox ka tirsan Al-Shabaab.

Madaxda sare ee hay’adaha amniga ayaa caawa gaaray goobta waxayna amreen in howlgalka deg deg loo soo afjaro, intaas kadibna ciidamada ku sugan goobta waxay bilaabeen diyaarinta qorshe lagu burburinayo dhamaan Hotelka.

Saraakiil amni ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladdu amartay in Hotelka lagu dumiyo raga ka dhex dagaalamaya Hotelka, markii uu soo baxay amarkaas kadib waxaa la maqlay seddax jug oo xoog leh, kuwaas oo la aaminsan yahay inay bilow u yihiin howlgalka burburinta ah.

Durbadiiba waxaa baraha bulshada is qabsaday walaaca dadku ay ka qabaan in khasaare laxaad leh uu ka dhasho, qorshaha la doonayo in lagu dumiyo Hotelka, maadaama laga saari waayey raga ka dhex dagaalamaya.

Ilaa seddax nin ayaa la sheegay inay gaarayaan dagaalyahanadu, waxaana la rumeysan yahay in dad shacab ah oo weli nool ay ku go’doonsan yihiin qeybo ka mid ah Hotelkaan la qorsheeyey in dhulka lala simo.

Ciidamada weriyaasha iyo dhamaan dadkii ka ag dhowaa Hotelka, ayaa la isugu geeyey isgoyska Taleex, waxaana loo sheegay inay ka fugaadaan goobta, maadaama dhismaha Hotelka loo adeegsa rabo, hub culus iyo qaraxyo lagu burburinayo.

Isku daygaan wuxuu galaafa karaa nolosha dad la aamisan yahay in noloshooda lasoo badbaadi karo, waxaana naloo xaqiijiyey in go’aankaan ay dowladdu qaadatay, markii ay ku guul dareysatay in la toogto dagaalyahanada Al-Shabaab.

Abuu Muscab oo war yaab leh ka soo saaray weerarka ka socda hotel Xayaat

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka howlgallada ee kooxda Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa goordhow ka hadalay weerarka ka socda Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, halkaas oo dagaalyahano hubeysan ay gudaha u galeen fiidkii hore ee xalay.

Wuxuu sheegay inay aad ula socdaan xogta dagaalyahanadooda weli ka dhex dagaalamaya Hotel Xayaat, isagoo sabab ay u weerareen Hoteelkaas ku tilmaamay inuu ahaa goobta lagu qorsheeyo dabinada loo dhigo Al-Shabaab oo ay deganaayeen masuuliyiin ka tirsan dowladda.

Abuu Muscab aya sheegay in ciidamada dowladda oo isku deyaya inay qabsadaan Hotelka ay maanta ilaa xalay soo qaadeen 15 weerar, balse ay iska caabiyeen xubnaha Al-Shabaab eek u jira gudaha Hotelka in ka badan 24-saac.

“Halkaas ciidamo fara badan ayey kusoo uruuriyeen, mar kastana ciidan cusub ayaa la soo galinayay goobta, waana la jebinayey, dhimasho iyo dhaawac badanna waan gaarsiinay,” ayuu yiri Cabdicasiis Abuu Muscab oo wareysi siiyey warbaahinta Al-Shabaab.

Sidoo kale ninkaan u hadlay Al-Shabaab wuxuu sheegay in weerarka ay ku dileen dad ka badan 40 qof, isagoo ku faanay in dhaawacyaduna ay intaas ka badan yihiin.

“Hawlgalkan wuxuu yimid ayadoo Xasan Sheekh uu u qeylo dhaansaday xulufadiisa, isagoo sheegaya inuu Al-Shabaab burburin doono oo soo afjari doono, arrintaasi maanta waxay isku badashay, in ayaga xubnahooda iyo shaqaalihii dowladda halkaasi lagu baaba’iyo tacsi iyo geerina ay u taallo,”  ayuu yiri Afhayeenka howlgallada ee kooxda Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab.

Wuxuu sheegay in sidaan oo kale uu Farmaajo dagaal ugu iclaamiyey Al-Shabaab, markii uu yimid xukunka, “Waxaan gaarsiinay in maalinkii uu madaxtooyada ka baxayay aan madaafiic ku garaacno,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Weerarka ka socda Muqdisho, gaar ahaan Hotel Hayat ayaa dhaafay goortii uu bilowday goorteedii kale, ciidamada ugu tababarka wanaagsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta ilaa xalay isku bedelayey, welina waxaa la soo afjari la’yahay dagaalyahano ka tarsan Al-Shabaab oo tiradooda aan la garaneyn, kuwaas oo xalay xoog ku galay Hotelka.

Weerarka Hotel Xayaat oo noqday kii ugu muddada dheeraa ee Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerarka ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday hotel Xayaat ee Muqdisho ayaa noqday weerarkii ugu muddada dheeraa taariikhda ee kooxdaas ay ku qabsato hotel ama xarun kale.  

Weerarkaas oo billowday xalay abaare 7-dii habeennimo ayaa hadda dhaafay muddo 24 saac, waxaana weli dagaalyahanada kooxdan laga saari la’yahay hotelka oo ku yaalla agagaarka isgoyska KM4 ee Muqdisho. 

Waa arrin weli jawaab loo la’yahay sida dhowr dagaalyahan oo kooxdan ka tirsan ay u awoodeen inay boqolaal ka mid ah ciidamada dowladda iska caabiyaan muddo ka badan 24 saac. 

Fashilka arrintan ka dhashay ayaa horseeday in Hoteelka laga saaray ciidamadii Alpha Group ee illaa xalay halkaas ka dagaalamayey, waxaana lagu beddalay kuwa ka tirsan ciidamada booliska Haramcad.

Ciidamada Haramcad oo aad u badan oo uu hoggaaminayo Farxaan Qaroole ayaa gudaha Hotelka galay, waxaana hadda socoto rasaas xooggan oo ay is dhaafsanayaan ciidamada Haramcad iyo kuwa Al-Shabaab, balse Al-Shabaab ayaa weli laga saari la’yahay hoteelka.

Weerarka ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo soo gaaray dadkii daganaa Hotelka iyo kuwa kale oo ku sugnaa meelo u dhow Hoteelka. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaas ku geeriyooday illaa 25 qof halka uu dhaawac intaas ka badan yahay 30.

Wararka qaar ayaa sheegayay in weerarka oo soo afjaristiisa dheeraatay ay u sabab u tahay kooxda weeraray ee gudaha u galay oo hub fara badan oo miinooyin u badan, kuwaas oo ay dhigeen gudaha hoteelka.

Miinooyinka ayaa qaarkood lagu soo cabeeyey caagagta saliidda, waxaana la dhigay gudaha hoteelka, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo amni.

Beel kaliya oo ay 11 qof ugu dhinteen weerarka ka socda Hotel Xayaat + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay weerarkii lagu qaaday Hotel Xayaati ee Magaalada Muqdisho kaasoo weli lasoo afjari la’yahay ayada oo Al-Shabaab ay weli gudaha ugu jiraan.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimow, oo qoraal kusoo qoray bogiisa Facebook, ayaa soo bandhigay khasaaro weerarkaas kasoo gaaray beelaha Soomaaliyeed qaarkood, gaar ahaan beesha uu kasoo jeedo.

Macalimow ayaa sheegay in beeshiisa Gugundhabe oo la isku yiraahdo Baadicadde, Jiidle iyo Gaaljecel uu khasaare xoog leh kasoo gaaray weerarkaas, wuxuuna soo bandhigay magacyada illaa 11 qof oo sagaal kamid ah ay kasoo jeedaan Baadicadde iyo Laba Jiidle ah oo lagu dilay weerarka. Wuxuu kale oo uu sheegay inuu jiro dhaawac badan.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka Macalimow

Tolka qasaare ba’an ayaa ka soo gaaray weerarka hotel Xayaat.

Inta dhimatay Allaha u naxariisto inta dhaawaca ah Eebe ha bogsiiyo, runtii waa dhacdo xanuun badan oo ay naftooda ku waayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Gugundhabe 11, Baadicadde 9, Jidle, 2

1- Xaaji Bashir Xaaji Suleymaan Muxumed, 2- Cabdirashiid Cabdi Axmed, 3- Shahiid Axmed Cumar, 4- Axmed Cabdullaahi Ibraahim, 5- Cabdullaahi Abiib Maxumed, 6- Maryan Sheekh Cali, 7- Abdirashid Nuunow, 8- Yusuf Mahad Barrow, 9- Ahmed Cali Xaaji, 10- Nasra Ahmed Cali (Nasra Shiine), 11- Seynab Abdi Maqaar.

Waxa intaa dheer in kaloo dhaawac ah oo cisbitaalada la dhigay oo Eebe uga baryeyno inuu bogsiiyo.

Waxa aan u mahad celinayaa Ciidamada Amaanka oo tiro kale oo ay ku jiraan dad wax gal u ah beesha soo badbaadiyay.

Dadkaas waxa dilay gacan ka xaq daran , waqtigooda ayaa inta ku ekaa , Ilaah waxa aan uga rajeyneynaa Jannatul Fardowsa

Waxa aan sidoo kale tacsi u dirayaa dhamaan inta ku dhimatay weerarkaas oo ay ku jiraan rag aan saaxiibo aheyn oo isla soo kornay.

Innaa Lilaah Waa Innaa Ileyhi Raajicuun.