31.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Mareykanka oo dignin culus kasoo saaray rabshadaha ka taagan SOMALILAND

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa diginin kasoo saratay rabshadaha ka taagan Somaliland ee ka dhashay is-mari waaga ka taagan qabashada doorashada madaxweynaha ee u dhaxeeya mucaaradka iyo xukuumadda.

Dibadbaxyo ay rabshado ka dhasheen ayaa maanta ka dhacay magaalada Hargeysa iyo deegaanno kale oo ka tirsan Somaliland, halkaasi oo ciidamada ay rasaas ku fureen dibadbaxayaal taageersan mucaaradka.

“Waxaan si xooggan ugu baaqeynaa hoggaamiyeyaasha xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland inay ka fogaadaan rabshdaha inta ay socdaan dibadbaxyada, ayna si deg deg ah ugu laabtaan wada-hadallada siyaasadeed,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho. 

“Guuldarada in heshiis laga laga gaaro doorashooyinka waxay halis ku tahay guulaha ay Somaliland ka gaartay dawladnimada dimoqraadiga ah,” ayey ka digtay safaaradda. 

Xiisadda siyaasadeed ee Somaliland ayaa salka ku haysa in mucaaradka iyo xukuumadda isku mari la’yihiin qabashada doorashada madaxweynaha, taasi oo dhalisay in mucaaradka ay ku baaqaan dibadbaxyo. 

Dowladda ayaa u oggolaatay xisbiyada mucaaradka inay ku dibadbaxaan meelo kooban oo la cayimay, taas oo ay xisbiyada mucaaradku ka hor yimaadeen.

Meelo ka mid ah magaalooyinka Somaliland ayaa laga soo sheegay in boolisku ay isku dayeen inay xakameeyaan dibadbaxyada.

Waxaa sidoo kale la sheegayaa in qadka internet-ka laga jaray Somaliland, oo aysan dadku adeegsan karin baraha bulshada iyo adeegyada kale ee ku xiran internet-ka.

Dowladda weli war rasmi ah kama soo saarin xaaladda ugu dambeysa, balse waxay horay uga digtay in ay dadku ku dibadbaxaan meelo ka baxsan baraha cayiman ee la shaaciyay.

QARAX maanta ka dhacay Afgooye oo mas’uul lagu dilay

Afgooye (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa oo jugtiisa si weyn looga maqlay xaafadaha magaalada Afgooye ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga degmadaasi Xuseen Jibriil, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay gaari uu watay mas’uulkaasi, waxaana la soo wariyey in uu ku dhintay weerarkan oo ay durbo sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sidoo kale innoo sheegay in qaraxa loo adeegsaday mootada nooca loo yaqaano Feken-ta, taas oo lagu dhuftay gaari uu watay marxuumka.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale gaaray meesha ay wax ka dhaceen, waxayna sameeyeen baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi, balse ma jirto illaa iyo hadda wax faahfaahin ah oo ay ka bixiyeen qaraxa iyo sidoo kale howlgallada xigay.

Weerarkaan loo adeegsaday qaraxa ayaa qayb ka noqonayo falal ammaan darri oo maalmihii u dambeeyey ka dhacayey magaaladaasi.

Afgooye ayaa waxaa inta badan ka dhaca weerar toos ah, qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay magaaladaas ka fuliyaan dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab.

Natiijadii ugu dambeysay doorashada dalka Kenya iyo musharaxa ku horreeya

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa weli socota tirinta codadka doorashadii madaxweyne ee Talaadadii ka dhacday dalka Kenya, ayada oo weli uusan jirin musharax si la taaban karo ugu hormaray natiijada.

Ayada oo qiyaastii 16 milyan oo Kenyan ah ay codeeyeen, ayaa waxaa hadda la tiriyey codadka in ka badan 10 milyan, oo macnaheedu yahay in ku dhowaad laba meelood saddex meel ay soo baxday natiijada.

Madaxweyne ku-xigeenka dalka William Ruto iyo siyaasiga rug cadaaga ah horeyna usoo noqday ra’iisul wasaare Raila Odinga ayaa labadaba midba mar qabanaya hoggaanka natiijada codadka. 

Arbacadii shalay waxaa inta badan hoggaanka hayey Ruto, hase yeeshee Raila ayaa xalay soo xoogeystay, oo dhowr mar codad la taaban karo hoggaanka ku qabtay. Natiijadii ugu dambeysay ayaa muujineysa inuu hadda horeeyo Raila oo Ruto ku hoggaaminaya codad ah 50.4% iyo 48.9%.

Si kastaba ayada oo ay harsan yihiin in la tiriyo in ka badan 6 milyan oo cod oo kale, waxa la kala horeeyana ay yihiin dhowr boqol oo kun kaliya, ayaa mar walba ay wax isbeddeli karaan. 

Haddii musharaxna uusan helin in ka badan 50% codadka, waxaa dhici doono wareeg doorasho oo kama dambeys oo kala bax ah, oo ay ku loolami doonaan Ruto iyo Odinga kaliya. Doorashadii Talaadadii ayaa waxaa ku jiray laba musharax oo kale oo aan haysan taageero badan. 

Guddiga doorashada Kenya ee loo soo gaabiyo IEBC ayaa laga doonayaa inay natiijada rasmiga ah ku dhowaaqaan ugu dambeyn 16-ka August.

Inta badan shacabka Kenya ayaa filaya in Ruto iyo Odinga midkii laga guuleystaba uusan natiijada aqbali doonin isaga oo aan ka loolamin, sababtoo ah Kenya kama dhici doorasho aan muran iyo loolan xigin tan iyo 2002.

Dibadbaxyada Somaliland oo rasaas xooggan lagu furay iyo Internet-ka oo la jaray

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Somaliland ayaa sheegaya in maanta deegaannada maamulkaasi ay ka billowdeen dibad-baxyo waa weyn oo ay soo abaabuleen xisbiyada mucaaradka iyo taageerayaashooda, kuwaas oo looga soo horjeedo xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dibad-baxyada oo ah kuwa rabshada wata ayaa ka socda dhowr magaallo oo ka tirsan Somaliland, waxaana la sheegay inay sii kordhayaan dadka ka qayb-galaya dibad-baxyada.

Wararka ayaa sheegaya in xaaladdu ay faraha ka baxday, taas oo keentay in ciidamada ammaanka ay rasaas u adeegsadaan qaar ka mid ah dibad-baxayaasha, taas oo dhalisay khasaare kala duwan, walow aan la caddeyn karin tiro ahaan inta uu gaarsiisan yahay.

Dhaq-dhaqaaqyada ka billowday Somaliland ee ay hormuudka u yihiin mucaaradka ayaa looga soo horjeedaa madaxweynaha oo ay ku eedeeyeen inuu wado muddo kororsi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana hawada laga saaray khadkii Internet-ka, taas oo keentay inaan xog buuxda lag helin dibad-baxyadaasi..

Arrimahaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo ay fashil ku soo dhammaadeen wada-hadalladii u dambeeyey ee mucaaradka iyo xukuumadda, si xal looga gaaro xiisadda ka taagan Somaliland ee ka dhalatay muranka hareeyey hannaanka doorashada ee maamulkaasi.

Banaan-baxyada ka socda Somaliland ayaa qorshahooda wuxuu soo socday bilihii u dambeeyey, kaas oo haatan sare u sii qaaday xiisadda ka aloolsan Somaliland.

Si kastaba, Somaliland ayaa waxaa ka taagan xasarado iska horjeedo, kuwaas oo ka dhashay doorashada maamulkaas oo ay isku khilaafeen mucaaradka iyo xukuumadda.

Xamza oo amar 3 qodob ah dul dhigay wasiirada cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamza Cabdi Barre ayaa caawa soo saaray go’aamo culus oo la xiriira ilaalinta ‘nidaamka shaqada iyo hantida Qaranka’ sida lagu shaaciyey warqad ka soo baxday xafiiskiisa.

Ra’iisul Wasaare Xamza Barre ayaa soo saaray seddax qodob oo sida ku cad qoraalkiisa uu u arkay inay muhiim u yihiin ilaalinta ku dhaqanka shuruucda dalka.

Qodobadaas ayaa kala ah:

1 – In dhamaan xubnaha golaha wasiirrada ee XFS ay ilaaliyaan ku dhaqanka dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka markii ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo.

2 – Waxaa ka reebay magacaabidda iyo shaqo ka joojinta saraakiisha darajooyinka sare ee aan waafaqsaneyn dastuurka iyo sharciga shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.

3 – Masuuliyiintu inta aysan xil magacaabis sameyn ama aysan kala bedalin masuuliyiinta hey’adaha ay madaxda ka yihiin, waa inay waafajiyaan sharciga isla markaana ay la tashi kala sameeyaan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Amarkaan uu Ra’iisul Wasaaruhu dul dhigay masuuliyiinta dowladda ee wasiirradu ay ugu horeeyaan wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo maalmaan ay xowli u socoto xil wareejinta wasiirradii hore, kuwo cusubna ay xafiisyada la wareegayaan.

JUBALAND oo go’aan culus soo saartay, kadib qaraxyadii ka dhacay KISMAAYO

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxda sare ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa shir deg-deg ah ka yeeshay amniga magaalada Kismaayo, kadib qaraxyadii ay Al-Shabaab ka fulisay deegaanno dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxyada oo gaarayey illaa 12 ayaa ahaa kuwa miinooyin ah oo ay kooxdu ku aastay waddooyinka isku xira deegaannada Miyiga ee galbeedka magaallo xeebeedka Kismaayo.

Shirkaan oo uu guddoomiyey madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxaa goobjoog ahaa guddiga amniga iyo sidoo kale saraakiisha maamulkaasi, waxaana diiradda lagu saaray wax ka qabashada amni darrada & weerarada Al-Shabaab.

Maxamuud Sayid Aadan oo ka warbixiyey shirkaasi ayaa shaaciyey in Al-Shabaab ay la timid xeelad cusub oo ay ku dhibaateynayaan dadka shacabka ah, wuxuuna tilmaamay inay cambaareynayaan weeraradii qaraxyada ahaa ee ka dhacay galbeedka degmada Kismaayo.

“Wuxuu ahaa shir deg deg ah oo ay sababtay dhacdadii shalay ka dhacday miyiga galbeedka magaalada Kismaayo, taas oo nimankii argagixisada ahaa ay la yimaadeen caado nagu cusub oo ugub ah, kadib markii ay miineeyeen waddooyin ay dadka shacabka ah isticmaalayeen, taas oo ay ka dhalatay qaraxyo 12 miino oo qaraxday. Waa arrin nagu cusub dhulkaas waa dhul miyi ah shacabka ama xoolo dhaqatada ay ku nool yihiin, isaga gooshaan, ciidamo daganeyn waddo ciidan aheyn,” ayuu yiri madaxweyn ku xigeenku.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in qaraxyadaas ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dad shacab ah, sidoo kalena lagu laayey xoolo fara badan oo ay lahaayeen qoysas reer Miyi ah.

“Waxaa halkaas ku dhintay dad shacab ah iyo xoolo fara badan oo Geel iyo Lo’ba leh, waana wax loo dul-qaadan karin in maalinba caado cusub ay la soo baxaan oo hadda ay ku halaagayaan dadkii Miyiga ku noolaa,” ayuu markale yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Ugu dambeyn Jubbaland ayaa ku dhowaaqday go’aan culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, wuxuuna madaxweyne ku xigeenka shaaciyey inay qaadi doonaan tallaabooyin deg-deg ah.

“Waxaa la go’aamiyey in tallaabo deg-deg ah la qaado, si dadkas loo xoreyn lahaa oo mushkiladda ku dhex-nool,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey.

Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan gobollada Jubbooyinka, waxayna weeraro khasaare geysta ka fulisaa deegaanada Jubbaland iyo sidoo kale xadka ay wadaagaan Soomaaliya & Kenya.

Sawirro: Sweden oo ballan-qaad u sameysay R/W Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah kula yeeshay safiirka dowladda Sweden u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Per Lindgarde.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya waddamada Soomaaliya iyo Sweden.

Danjire Per Lindgarde oo madasha ka hadlay ayaa ballan-qaad u sameeyey xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza, wuxuuna sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada Soomaaliya.

Sidoo kale safiirka dowladda Sweden ayaa ugu hambalyeeyey ra’iisul wasaaraha ansixinta golaha wasiirada oo ay todobaadkan codka kalsoonid ah siiyeen xubnaha baarlamaanka.

Dhankiisa ra’iisul wasaare Xamza Cabdi barre ayaa shaaca ka qaaday muhiimadda ay leedahay sidii la isu waafajin lahaa taageerada saaxiibada caalamiga ah iyo qorshooyinka dowladda federaalka Soomaaliya mudnaanta u leh oo ay ugu horreeyaan wax ka qabashada xaaladda amniga iyo sidii loogu gurman lahaa shacabka ay saameysay abaarta.

Sweden ayaa ka mid ah dalalka reer Yurub ee sid weyn u taageero dowladda federaalka Soomaaliya, waxayna howlo kala duwan ka fulisa gudaha dalka.

Soomaaliya ayaa xilligaan la daala-dhaceysa xaalado is-biirsaday, sida amniga iyo arrimo bani’aadabnimo oo ka dhashay abaaraha baahsan ee ku dhuftay gobollada dalka.

 

Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyey + Ujeedka

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ee Koonfur Galbeed ay xoojiyeen ammaanka magaalada Baydhabo oo haatan xarun ku meel gaar u ah maamulkaasi.

Ciidamada ayaa dhaq-dhaqaaqyo iyo howlgallo lagu sugayo amniga ka wada gudaha magaaladaasi oo uu dhaawaan ka dhacay qarax ismiidaamin ahaa oo lagu dilay wasiirkii cadaaladda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo wiil uu dhalay.

Wasiirka amniga Koonfur Galbeed Maxamed Isxaaq Cabdi oo ay wehlinayeen gudoomiyaha degmada Baydhabo Cabdullaahi Cali Watiin, sarakiisha Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida ayaa xalay kormeeray xaafado ka tirsan magaaladaasi, ayaga oo u kuur galiyey amniga.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale tegay fariisimaha ciidamada ee ku yaalla gudaha iyo duleedka magaalada Baydhabo, ayaga oo faray inay xoojiyaan amniga magaaladaasi.

Sidoo kale waxa ay baaq u direen dadka shacabka ah oo ay ka dalbadeen inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hortago falalka amniga darrada ah.

Baydhabo ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal amni darro ah oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay kooxda Al-Shabaab ka fuliso halkaasi.

Sikastaba, Koonfur Galbeed ayaa wajaheyso xaaladdo amni iyo culeys ay ku heyso Al-Shabaab oo sidoo kale dhowaan qarax ku dilay guddoomiyihii Marka, Cabdullaahi Waafow.

Qoor Qoor oo tababar u furay ciidamo cusub + Sawirro

0

Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta dufcaddii koowaad ee Booliska maamulkaasi tababar uga furay dugsiga tababarrada degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Qoor Qoor ayaa ugu horreyn dardaaran u jeediyey ciidamadaan cusub ee uu tababarka u furay, wuxuuna ku ammaanay go’aankooda ku aadan ku biirista Booliska Galmudug.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay saraakiisha tababarka siinaysa in ay u dhammeystiraan cutubyadan adeegyada ay u baahan yihiin si ay uga mid noqdaan ciidamada Booliska.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in Booliska uu yahay ka warqabaha bulshada, ayna tahay inuu ilaaliyo amnigooda iyo sharafkooda.

“Ciidanka Booliska waa ciidnka si gaar ah uga warqaba waxyaaba Bulshada ay u baahantahay in gacanta lagu hayo amniga Bulshada, in la’ilaaliyo danta Bulshada, in la ilaaliyo maslaxadda Bulshada, waxa ay u baahantahay in la barto” sida uu yiri Qoor Qoor.

Madaxweynaha Galmudug ayaa dhanka kale  faray Macalimiinta tababarka bixineysa inay ku dadaalaan ciidamadaasi, ayna u dhammeystiraan shuruucda u degsan Booliska.

“Macalimiinta tababarka qeybihiisa kala duwan bixineysa, waxa aan rabnaa, in tababarka iyo barashada shuruucda Booliska si dhameestiran ciidankaan u qaataan” ayuu raaciyey.

Galmudug oo weli dagaal ay kula jirto Al-Shabaab ayaa haddane ku howlan dhismaha ciidamadeeda, si ay ugu filnaato amniga gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Daawo: Mukhtaar Roobow oo balan-qaad soo saaray kadib xilkii uu la wareegay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukuumadda Soomaaliya Shwekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa hadal kooban ka jeediyey munaasabad uu maanta xilka kula wareegay.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa balan qaaday in mudada uu joogo wasaaraddaan uu ku dadaali doono in si dhab ah uu u guto xilkiisa, isla markaana ay amaano ahaa doonaan waxa loo dhiibay.

“Waxaan ku dadaali doonaa in  culumada Soomaaliyeed aan isku heyno oo la tashano, waxaan dhageysa doonaa ra’yigooda, si midnimo ah ayaan ku wajihi doonaa khalad kasta oo diini ah oo jira,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu ka shaqey doono in wasaaradaan ay noqoto mid ka soo dhalaasha magaca ay wadato ee awqaafta iyo arrimaha diinta, “Wixii tabar bini’aadam ah oo la waban karo ayaan qaba doonaa,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa goobjoog ahaa minaasabadii uu xilka kula wareegay Roobow, “Wasaaradaan ahmiyada ay leedahay magaceeda ayuu ka muuqdaa, anaguna islaam ayaan nahay, waxay wasaaradani noo xil saaran tahay inay noo ilaaliso caqiidadeena saxiixa ah,” ayuu yiri.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa Mukhtaar Roobow kula dardaarmay in wasaaradani ay jiheyso fahamka bulshada, “Culumadu waa inay noqoto caganta midi gee dowladdu ay amniga kaga shaqeyneyso, waxaan rabnaa in culumadu ay bulshada u sheegto qaladkooda, iyagoo ku saleynaya shareecada islaamka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Xamse Barre ayaa culumada Soomaaliyeed ka dalbaday inay cadeeyaan mowqifkooda dagaalka Al-Shabaab oo bulshada ay si cad u dhahaan iska celiya ragaas, “Waa in culumadu ay dadak Soomaaliyeed yiraahdaan sidaan ayaad ku jiri doontaan hadii aadnaa amni gacmihiina ku sameysan.”

Hoos ka daawo

DF Soomaaliya oo shaacisay khasaaraha 3-duqeyn oo gobolka Hiiraan laga fuliyey

0

Maxaas (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ayadoo kaashaneysa Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ay saddex weerar oo cirka ah ku qaaday kooxda Al-Shabaab, duqeymahaas ayaa ka dhacay deegaano u dhow magaalada Beledweyne ee bartamaha Soomaaliya.

Duqeymahaan oo dhacay 48-kii saac ee lasoo dhaafay qiimeynta hordhaca ah ee dowladda Soomaaliya iyo taliska AFRICOM ay ka soo saareen waxaa lagu sheegay in lagu dilay afar xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab

Sidoo kale warbixintaan waxaa lagu cadeeyey aysan jirin wax khasaare ah dad rayid ah ka soo gaaray duqeymahaas oo ciidamada Mareykanka ayaa loo fasaxay inay ka fuliyaan deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa qaaday tallaabooyin waaweyn, si looga hortago waxyeelo soo gaarta rayidka. Dadaaladani waxay ka duwan yihiin weerarrada aan loo meel dayin in al-Shabaab ay si joogto ah ula dhaqmaan dadka rayidka ah,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka waxaa ka go’an la dagaalanka Al-Shabaab, si looga hortago dhimashada dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan. Ururada xagjirka ah ee rabshadaha, sida al-Shabaab waxay soo bandhigaan khataraha mustaqbalka fog ee Soomaalida, danaha gobolka iyo Maraykanka.”

Markii la soo tago bayaankaan, dadka ku nool deegaanada dhaca waqooyi-bari gobolka Hiiraan, waxay Caasimada Online u sheegeen in labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay militeriga Soomaaliya gudaha u galeen deegaano badan oo Al-Shabaab ay horay u joogeen, sidoo kale ay maqleen duqeymo ay geysanayaan diyaaradaha dagaalka.

Deegaanada lagu weeraray Al-Shabaab oo hoos taga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, dhibaatooyin badan ayey Al-Shabaab maalmihii lasoo dhaafay ugu geysteen shacabka, iyagoo ka burburiyey ceelashii ay biyaha ka cabi jireen, sidoo kalena gubay guryo ku yaallay deegaano hoos taga Maxaas.

Taasi waxay keentay in ciidanka xoogga dalka ay weerarro ku qaadaan, kana qabsadaan inta badan deegaanadii ay kooxdu ku dhibaateysay dadka rayidka ah, waxaana Al-Shabaab la iskugu daray duqeyn iyo dagaal toos ah, howlgalkaasna weli lagama heli faahfaahin dhameystiran.

 

Qarax ismiidaamin ah oo caawa Jowhar ka dhacay iyo khasaare ka dhashay

0

Jowhar (Caasimada Online) – Qarax is-miidaamin ah ayaa goordhow ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-Shabeelle, waxaana qaraxaas faahfaahin ka bixiyey taliska booliska magaaladaas.

Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa is-miidaamiyey, waxaana geeriyooday kaligiis, halka dad kale oo askar isku dayday inay ka hor tagto is-miidaaminta ay ku dhawacmeen.

Taliyaha Saldhigga booliska degmada Jowhar oo la hadalay TV-ga Shabeelle ayaa sheegay in laba askari oo ninka is qarxiyey ka hor tegeysay iyo gabar kale ay ku dhaawacmeen qaraxaas.

“Magaalada bartamaheeda ayuu qaraxu ka dhacay, nin jaakad qaraxda soo xirtay ayaa rabay inuu isku qarxiyo dad shacab ah oo meel isugu tegay, ciidanka amniga ayaa dadaal badan sameeyey, dhaawacyadaas seddaxda ah markii laga soo tago dhimasho aan is-miidaamiyaha ahayn ma jirto,” ayuu yiri Taliyaha hadlay.

Goobta uu doonayey inuu isku qarxiyo ninkaas waxaa Hotel City oo ku yaalla bartamaha magaalada Jowhar, waxaana lagu celiyey banaankiisa, “Hotelka waxaa isugu tagay dad badan oo xaafadaha magaalada ka kala yimid, dhalinyaro badan ayaa isugu tagta oo waa hotel weyn, dadkaas ayuu rabay inuu dhibaateeyo,” ayuu yiri taliyaha booliska degmada Jowhar.

Waa qaraxii 3-aad oo is-miidaamin ah oo muddo 20 cesho gudahood ah ka dhaca magaalada Jawhar, waxayna qaraxyadaas geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawacyo leh, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay qaraxyadii hore.

Hoos ka dhageyso wareysiga taliyaha

Sawirro: Soomaaliya iyo Uganda oo heshiisyo cusub kala saxiixday

0

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Madasha Iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo Uganda ayaa ka warbixiyey fursadaha iyo koboca dhaqaale ee labada dal ay ka faa’iidayaan hirgelinta iskaashiyada ay wada gaareen iyo xaqiijinta is-dhaafsiga ganacsiga iyo badeecadaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul istaagay guulaha laga dhaxlay heshiiskii dhexmaray Soomaaliya iyo Uganda sanadkii 2016-kii, oo horseeday in uu kobco isdhaafsiga dhaqaale ee labada dal, fududeynta socdaalka iyo duulimaadyada tooska ah, mataaneynta Jaamacadaha, iskaashiga xiriirka diblumaasiyadeed iyo amni, isagoo uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Uganda marti-gelinta madashan.

Furitaanka Shirkan oo ay wadajir u guddoomiyeen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni, ayaa ganacsatada labada dal waxay ka arrinsadeen sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen maalgashiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, shaqo abuurka dhallinyarada, xoojinta fursadaha haweenka, dhiirri gelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, warshadaha iyo hannaanka maaliyadeed.

Inta lagu guda jiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Uganda, Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Jabriil Cabdirashiid ayaa heshiis ku saabsan iskaashiga dhaqaale la saxiixday dhiggiisa dalka Uganda Mwebesa Francis.

Sidoo kale Agaasimaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya Asad Yusuf iyo dhiggiisa Uganda Rwakakamba Morrison iyo Rugaha Ganacsi ee labada dal ay kala saxiixdeen heshiisyo kale oo ku saabsan fududeynta ganacsiga iyo isweydaarsiga khibradaha.

Ugu danbeyntii, Labada Madaxweyne ayaa faray wasiirrada labada dal in ay xaqiijiyaan dhaqan-gelinta heshiisyada iyo talooyinka ka soo baxa Madasha Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda, sidoo kalena ay ku sameeyaan dib-u-eegis joogta ah, si loogu kuurgalo horumarka laga gaaro hirgelintooda, loona sahmiyo dhinacyo kale oo labada dal ay iska kaashan karaan.

Furitaanka Madashan waxaa ku weheliyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Gaashaandhigga, Ganacsiga, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Danjiraha Soomaaliya ee dalka Uganda.

 

Isbaheysiga Abiy Ahmed iyo madax goboleedyadii xulufada la ahaa Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya iyo madaxweye Xasan Sheekh oo la doortay wax ka yar saddex bil kahor ayaa xiriirkooda ku billowday dagaal siyaasadeed dadban oo hadda u muuqda inuu bannaanka imanayo.

Abiy, oo cabsi badan qabay kadib markii saaxiibkiis Farmaajo laga saaray Villa Somalia, ayaa xaalku kusii xumaaday markii Xasan Sheekh uu tegay Qaahira, kadibna madaxweynaha dalkaas Sisi laga soo xigtay inay isku raaceen cambaareynta biyo-xireenka ay Itoobiya ka sameysay webiga Nile.

Waxaase taas ka horreeyey in Abiy Ahmed uu billaabay inuu la macaamilo madax goboleedyada Soomaaliya oo intii uu Farmaajo joogay ka xirnaa albaabka Itoobiya kadib markii bishii tegtay uu madaxweynaha Puntland tegay Addis Ababa kulana kulmay wasiiro ka tirsan xukuumadda Abiy.

Walaaca Abiy ka qabo dowladda Xasan Sheekh waxaa biirsaday tan ay madax goboleedyada Soomaaliya qaarkood ka qabaan Villa Somalia, gaar ahaan kuwii ku xirnaa Farmaajo.

Madaxweynaha Galmuudg Axmed Qoor Qoor waxaa wasiirkii arrimaha gudaha looga dhigay Axmed Macallin Fiqi, oo horey u ahaa wasiirkiisa amniga balse ay kula tageen dagaal siyaasadeed, waxaana magacaabistiisa uu Qoor Qoor u fasirtay farriin loo soo diray.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa xabsiga looga soo daayey Mukhtaar Roobow, loogumana simin intaas’e waxaa laga dhigay wasiir.

Roobow wuxuu ka dhashay beesha ku xooggan Baydhaba, waxaana marka taas lagu daro xilka wasiir, ay Laftagareen u dirtay diginin ah inuusan sii joogi doonin Baydhaba marka muddo xileedkiisu dhammaado December 2022.

Abiy iyo Laftagareen ayaa durba isla xirtay, waxaana maalmo kahor Lafta-gareen diyaarad militari looga qaaday Baydhaba oo lagu geeyey Itoobiya, halkaasi oo wada-hadallo uu kula yeeshay xubno ka tirsan maamulka Abiy iyo saraakiil ciidan.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayagu cabsi kama qabaan in Villa Somalia ay kursiga ka tuurto. Axmed Madoobe wuxuu isku haleynayaa Kenya oo sanado badan ku haysa Kismaayo, halka ay adag tahay in dowladda federaalka ay farogeliso siyaasadda Puntland.

Villa Somalia waxay ku adkeysaneysaa, horeyna madaxweyne Xasan Sheekh uu u ballan-qaaday inaanay jiri doonin siyaasad la mid ah tii Farmaajo ee maquuninta madax goboleedyada.

Si kastaba, tallaabooyinka xukuumadda qaarkeed ayaa walaac abuuri kara, taasi oo qasbeysa in madax goboleedyada qaarkood ay raadsadaan isbaheysiyo cusub.

In Farmaajo oo wax uu ka naxayey ama xeerinayey jirin, uu Axmed Madoobe ka saari waayey Kismaayo, sababo la xiriira taageerada Kenya, waxay madax goboleedyada cabsida qabaa ku dhiiri-gelineysaa inay garab ka raadiyaan Itoobiya.

Hase yeeshee su’aasha ayaa ah; Itoobiya xilliga ma ku dhiiran kartaa in ciidamo aysan raali ka aheyn Villa Somalia ku daabusho Baydhaba iyo Dhuusomareeb oo ay difaac u noqdaan Laftagareen iyo Qoor Qoor, sababtoo ah xaaladda hadda waa ka duwan tahay sida 10 sano kahor ay aheyd markii Kenyan-ka ay soo galeen Kismaayo.

Soomaaliya waxaa isha ku haya indhaha caalamka oo idil, wayna adag tahay in xilliga lagu xadgudubo madaxbanaanida dalka. Balse waxaa Abiy lagu yaqaan inuu yahay siyaasi qar iska tuur ah oo aan nixin sida laga fahmayo weerarkii uu ku qaaday Tigrayga.

Itoobiya iyo Abiy ma ilaalin doonaan madax goboleedyadii xulufada la ahaa Farmaajo?

Sawirro: Mukhtaar Roobow oo la wareegay xilka wasiirnimo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay, kadib kalsooni siinta Golaha Shacabka ee 7-dii bishaan.

Munaasibada xil-wareejinta oo ka dhacday gudaha Wasaarada ayaa waxa uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, xilka ugu kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali iyo Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Mudane Sheekh Cumar Cali Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boggaadiyey Wasiirkii Hore, wakhtiga uu ku bixiyey u khidmeynta dalkiisa iyo diintiisa iyo sida uu diyaarka ugu yahay in uu shaqadan ku garab istaago Wasiirka xilka kala wareegay.

Sidoo kale waxa ra’iisul wasaaraha xusay muhiimadda ay wasaaraddani u leedahay toosinta dowladnimada iyo ilaalinta diinta iyo dhaqanka suubban ee dadka Soomaaliyeed.

Xil-wareejintan ayaa qeyb ka aheyd xil-wareejino dhowr ah oo wasiirada cusub ay kula wareegayaan wasaaradaha loo soo magacaabay, si loo dardar-geliyo shaqada muhiimka ah ee hortaalla.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa 2-dii bishaan si rasmi ah uga mid noqday Golaha Wasiirada cusub ee Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo muddo u xirna dowladdii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa loo magacaabay wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta.

Arrintaan ayaa waxaa la sheegay inay si weyn uga qayb-qaateen xildhibaanno ku dhow dhow guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Madoobe.

Wararkii ugu dambeeyey natiijada horudhaca ah ee doorashada dalka KENYA

Nairobi (Caasimada Online) – Natiijada horudhaca ah ee doorasha madaxweynaha dalka Kenya ayaa muujisay loolan adag oo u dhexeeyay labada musharrax ee ugu waaweyn ee ku loolamaya xilka madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Uhuru Kenyatta.

Doorashadii Taladadii ayaa tijaabo muhiim ah u ah xasiloonida dhaqaalaha ugu weyn Bariga Afrika, kadib markii labo ka mid ah saddexdii doorasho ee ugu dambeysay ay hareeyeen rabshado markii lagu murmay eedeymo musuq-maasuq.

Natiijooyin horudhac ah oo uu diyaariyay Telefishinka gaarka loo leeyahay ee Citizen ayaa muujinayay in labada musharrax ee ugu cad-cad doorashada ay yihiin madaxweyne ku-xigeenka William Ruto iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.

Labada musharax ayaa aad iskugu dhow codadka ilaa hadda la tiriyay oo gaaraya 1.2 milyan oo cod, taasoo ka dhigeysa in ka badan 49% uu midkiiba helay.

Musharaxa ku guuleysta doorashada waa inuu helaa 50% oo lagu daray hal cod (50%+1).

Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC, ayaa soo bandhigay sawirada in ka badan 90% foomamka natiijada doorashada, kuwaas oo laga soo qaaday 46,663 goob codbixineed.

Guddiga ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in 60% ka mid ah 22.1 milyan oo cod-bixiyeyaal ah oo is-diiwaan-geliyay ay codkooda dhiibteen.

Lixda dal ee ka macaashay dagaalka ka socda Ukraine

Dagaalka mudada dhowrka bilood ka aloosan dalka Ukraine ayaa sababay qasaare nafeed, mid hantiyeed, cunto yari iyo sare u kac dhanka tamarta ah, kaasoo sigaar ah u saameeyey dhinacyada dagaalamaya guud ahaana aduunka intiisa kale. Dagaalkan oo ay si dadban iyo si toos ahba ay ugu lug-leeyihiin dhinacyo farabadan ayaa sida muuqata ka daba-dheeraaday waqtigii uu Ruushku u saadalinaayey inuu kusoo idlaado, asagoo iska caabin wali kala kulmaya dagaalyahanada u dhashay Ukraine iyo dagaalyahano ajaanib ah oo ka garab dagaalamaya. Culeyska ugu baaxada weyn waxuu ku dhacayaa dowlada iyo shacabka Ukraine oo sida la dheehan karo dhexda u galay mowjado colaadeed oo aysan talo mugweyn kulaheyn qaabkii ay uga samata bixi lahaayeen iyo qaabkii ay usoo celin lahaayeen Ukraine madax-banaan oo nabdoon taasoo sida hada loojeedo gacanta ugu jirto ciyaaryahano shisheeya ah oo markahore danahooda ka fushanaya dalka iyo dadka Ukraine.

Muhiimada qormadu maahan inaan kala xukmino yaa kusaxan ama kuqaldan dagaalka Ukraine oo jawaab ahaan ku xiran hadba meesha uu qofka ka jawaabaya aragti ahaan ka taagan yahay siyaasadda caalamka ama barbaarinta siyaasadeed ee qofka (Personal Political Socialization). Ujeedku waa inaan isla fahano in dagaallada ama khilaafaadka caalamka ka dhaca ay ku lug-leeyihiin hay’addo farabadan oo dowli ah iyo kuwa aanan dowli aheyn intaba, ayagoo danahooda gaarka ah ka fushada hadba dalkii kusoo dhaca dabinta colaada iyo fashilka. Dabcan dagaalka ka socda Ukraine kama aysan marneyn maskax, muruq iyo maal-galin shisheeya danta ay rabaanba haka yeeshaane, waxaase xusid mudan oo xaqiiqo ah inay dowlado farabadan siyaabo kaladuwan uga macaasheen dagaalka Ukraine, anagoo tusaale usoo qaadaneyna kuwaan hoose.

1. Mareykanka: dalka Mareykanka waa dal uu dhaqaalihiisu ku xiran yahay mowjadaha siyaasadeed ee hadba caalamka ka dhacaya maadaama dhaqaalaha dalkaas ay majaraha u hayaan shirakado waaweyn oo gaar loo leeyahay kuwaasoo macaashka iyo qasaaraha saamiyadooda ay go,aamiyaan dhaq-dhaqaaqyada dowladoodu kasameyso gudaha iyo dibada. Waxii ka danbeeyay dhamaadka Dagaalkii Qaboobaa (Cold war) waxaa aad hoos ugu dhacay qarashaadka ay dowladaha Yurub ama kuwa NATO ku bixiyaan dhanka difaaca ama gaashaan-dhiga ayagoo u arkayey inaysan jirin khatar kusoo wajahan, talaabadaas Mareykanku kuma uusan qanacsaneyn maadaama uu hoos u dhacay iibka hubka shirkadihiisa asagoo ku cadaadin jiray dalalka ku bahoobay NATO inay ugu yaraan 2% gaarsiiyaan yabooha miisaaniyadooda gaashaan-dhiga. Hadaba, dagaalka uu Ruushka ku qaaday Ukraine waxay soo nooleysay cabsida dalalka Yurub iyo NATO ayagoo ku qamaamay iibsashada hubka oo suuqiisa ugu weyn kuyaalo Mareykanka. Ciyaarta xeeladeysan ee shirkadaha Mareykanka ciyaarayaan ayaa ah in dowladoodu ku dhawaaqdo deeq lasiinayo Ukraine, Congresska oo si dadban ula shaqeeya shirkadaha hubkana ay si aqlabiyad ah u meel mariyaan kadibna uu Aqalka-cad deeqdaas go,aamiyo waxa lagu iibinaayo oo dabcan inta ugu badan hub looga iibiyo isla shirkadaha hubka soosaara sidii dhacday bishii April markii Mareykanku Ukraine ugu deeqay 33 bilyan oo dollar ayadoo 20 bilyan loo qoondeeyay in hub kaliya lagu iibiyo 13 bilyanna dhaqaalaha Ukraine lagu kabo.  

Dagaalkan ayaa sidookale Mareykanka u suuragaliyey inuu go,doon dhaqaale galiyo Ruushka maadaama ay xayiraad dhaqaale iyo mid xiriir Ruushka kusoo rogeen dowladaha ugu dhaqaalaha balaaran aduunka. Ruushka ayaa dagaalka Ukraine ku muteystay in laga saaro ururo iyo hey’addo farabadan oo uu qeyb ka ahaa ayadoo loo arkayo inuu jabiyey xeerarkii iyo hab-dhaqankii lagu heshiiyey taasoo markale farxad galineysa Mareykanka.

Faa’ido kale ayaa ah in Mareykanku dagaalka Ukraine kutijaabiyey ama kudarsey qaabka ay ciidamada Ruushka u dagaal galaan, hubka ay isticmaalayaan, xeeladooda, marinada shixnadaha saadka usoo maraan iyo habac-sanaanta Ruushka ka haysata dhanka hanaanka difaaca maraakiibtiisa dagaalka kadib burburkii ku yimid markabkii dagaalka weynaa  ee Moskva oo quusay bishii April markii gantaal lala beegsaday.

2. Turkey: dowlada Turkey-ga ayaa dagaalka Ukraine ka macaashtay kadib markii ay taajiriintii u dhalatay Ruushka ee kunooleyd dalalka reer Galbeedku soo wajahday cabsi maalkooda ah ayagoo ugu danbeyn u guuray oo soodhaweyn deegaan iyo maalgashi hubanti leh ka helay Turkey-ga, waana talaabo dowladda iyo shacabka dalkaas gacanta u galisay fursad maalgashi, kobac canshuur iyo shaqo abuur. Turkey-ga ayaa sidookale suuq aad u baaxad weyn ugu helay iibka diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Bayraktar TB2 combat drone oo ay Ukraine u isticmaaleyso iska caabinta Ruushka.

3. India: dowlada uu hogaamiyo Nerandra Modi ayaa kadib xayiraadii lagu rogay iibka shidaalka Ruushka gacanta ku dhigtay shidaal aad u badan oo qiimahiisu aad uga jaban yahay qiimaha suuqyada caalamiga ah oo Ruushku usoo bandhigay maadaama uu baahi u qabay lacag cadaan ah oo uu ku maareeyo culeyska dhaqaalaha dalkiisa iyo mida dagaalka ka dhalatay. India ayaa dhanka kale ka faa’iday dagaalka Ukraine kadib markii uu raysal wasaarihii Pakistan Imran Khan oo ah wadan ay cadaawad soojireen ah ka dhaxeyso uu sababsaday xilkiisiina kuwaayey banaan-baxyo la sheegay inay dabada ka riixayeen dalalka reer Galbeedka oo masuugaya booqashadiisii Ruushka ama kulankii uu la qaatay Putin bilowgii dagaalka.

4. Qatar: dalka Qatar oo ah dalka 3aad ee aduunka ugu iibka balaaran gaaska dabiiciga ah ayaa kadib dagaalka Ukraine heshiis dhanka tamarta ah la gaaray dalka Jarmalka oo ah wadanka ugu dhaqaalaha weyn Yurub taasoo uu kudoonayo inuu kaga maarmo dhuumaha gaaska ka imaada Ruushka. Heshiiskan waxay Qatar ku dabooli doontaa 20-25% baahida gaaska dabiiciga ah ee Jarmalka taasoo fursad u heli karta in la kordhiyo sannad walba.

5. Venezuela: xiriirka Venezuela iyo Mareykanka oo aad usii xumaanayey waxii kadanbeeyay 2019-ka, ayadoo sida la sheegay ay jireen iskuday afganbi fashilmay oo meesha looga saarayey madaxweyne Nicolas Maduro markii danbana horseeday in hogaamiyaha mucaaradka Juan Guaido ay 57 dowladood oo Mareykanku horkacayo u aqoonsadaan hogaamiyaha sharciga ee dalkaas halka go,doomin iyo cunno qabateyn lagusoo rogay Maduro iyo dowladiisa. Venezuela oo kamid ah wadamada hodanka ku ah shidaalka ayaa waxaa marqura al-baabkeeda soo garaacay Mareykanka oo doonaya inuu xal u helo sare u kaca qiimaha shidaalka ee ka dhashay dagaalka Ukraine. Kulamo isku xigay oo lagusoo nooleynaayo xiriirka labada dal oo dhacay bilihii Maarso iyo April ayaa la isku afgartay siideeynta maxaabiis iyo in heshiis dhanka iibka shidaalka ah ay shirkadaha Mareykanku dib ula galaan dowlada Venezuela.

6. Sacuudiga: tan iyo markii uu xilka baneeyey Donald Trump oo xiriir adag la lahaa dhaxal-sugaha Maxamed Bin Salmaan, waxaa muuqatay kala durugsanaan dhextaala Joe Biden iyo Bin Salmaan oo la xiriirta dagaalka Yemen, dilkii wariye Jamal Kashoqi iyo kuwakale taasoo keentay inaan dhaxal-sugaha dhinaciisa lasoo eegin, balse sare u kaca qiimaha shidaalka ee kadhalatay dagaalka Ukraine iyo baahida uu Mareykanka u qabo helida shidaal badan ayaa keentay inuu Biden maslaxo iyo xod-xodasho ugu tago dhaxal-sugaha Sacuudiga oo door aan lasahlan karin kuleh go,aan kagaarida soosaarka iyo jaangoynta sicirka shidaalka wadamada ku bahoobay Ururka OPEC.

Gunaanad

Dagaal walba oo caalamka ka dhaca waxuu reebaa taariikh iyo xusuus gaar ah, waxuuna banaanka soodhigaa wajiga dhabta ah ee dowladaha sida tooska ah iyo sida dadban ugu lug-yeesha hadii ay tahay mid togan ama taban. Dagaalka Ukraine waxaan ka baranay baaqyo, cambaareyn, hiilo iyo humaag been ah oo hawada la isku-mariyo, ayadoo wadamadu danahooda shaqsiga ah ka hormarinayaan dhiiga qubanaya. Shaki adag ayaana kujira in markale dib loo arko Ukraine madax banaan oo ka talisa xuduudahii lagu yaqaanay, maadaama ay raqdeedu naas-irmaan u noqotay dalal badan.

W/Q: Xamdi Wardhere Maxamed
Email: [email protected]
Facebook: Hamdi Wardhere

Mareykanka: Ninka lagu tuhmayo dilalka afar nin oo Muslim ah oo lasoo qabtay

Albuquerque (Caasimada Online) – Booliska gobolka New Mexico ee Mareykanka ayaa Talaadadii xiray nin ay sheegeen inuu yahay tuhunsanaha ugu wey ee dilka afar nin oo Muslim ahaa oo ka dhacay magaalada Albuquerque tan iyo bishii November.

Booliska ayaa sheegay in xog ay ka heleen shacabka ay u suurta-gelisay inay helaan baabuur ay rumeysan yihiin in loo adeegsaday dilkii ugu dambeeyey iyo qofka lagu tuhmayo, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Muhammad Syed oo 51 jir ah. 

Muhammad Syed ayaa si rasmi ah loogu soo oogay dacwadda dilka Aftab Hussein oo ahaa 41, iyo Muhammed Afzaal Hussain oo ahaa 27 jir, kuwaas oo la kala dilay July 26 iyo August 1.

Si kastaba, booliska ayaa rumeysan inuu sidoo kale ka dambeeyey dhammaan afarta dil, sida uu sheegay madax booliska Albuquerque oo Harold Medina oo qabtay shir jaraa’id.

Dhibbanihii ugu dambeeyey, Nayeem Hussain oo ahaa 25 jir wadi jira baabuurta xamuulka, islamarkaana qaatay dhalashada Mareykanka 8-dii July ayaa la dilay Jimcihii tegay, saacado kadib markii uu ka qeyb-galay aaska labadii nin ee la dilay July 26 iyo 1-dii August, kuwaas oo asal ahaan kasoo jeeday Pakistan.

Dhibbanihii ugu horreeyey oo ahaa Mohammad Ahmadi oo ahaa 62 jir kasoo jeeday Afghanistan ayaa la dilay 7-dii November 2021. 

Booliska ayaa baaray gurigga tuhunsane Muhammad Syed ee koonfurta magaalada Albuquerque kadib markii uu u kaxeeyey baaburka ay xogtiisa soo gudbiyeen shacabka ee la tuhunsan yahay in lagu fuliyey dilkii ugu dambeeyey. 

Waxay kasoo heleen dhowr qori iyo caddeymo muujinaya in Muhammad uu garanayey dhibbanayaasha, waxayna sheegeen inay rumeysan yihiin in khilaaf Muhhamad kala dhaxeeyey dhibbanayaasha u uku dhiiri-geliyey inuu dilo.

Dilalka afarta qof oo kasoo jeeda Pakistan iyo Afghanistan ayaa cabsi xooggan ku abuuray bulshada Muslimiinta ah ee magaalada Albuquerque oo lagu qiyaaso 5,000.

Xariga Muhammad Syed ayaa hadda la rumeysan yahay inuu dejin doono qalbiyada bulshadaas.

‘Taageerada Itoobiya waxba uma tari doonto’ maamul goboleedyada Soomaaliya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ayadoo muddooyinkii dambeeyey ay isa soo tarayeen madaxda maamul goboleedyada ee u safraya Itoobiya, gaar ahaan magaalada Addis Ababa ayaa waxaa arrintaasi ka dhashay walaac xoogan iyo hadal heyn ku aadan xiriirka Itoobiya iyo maamul goboleedyada qaar oo ku dhawaaqay iskaashi la xiriira amniga xuduuda.

Aqoonyahaan Axmednuur Aadan oo bartay maamulka dowliga ah ayaa shaaca ka qaaday in xiriirka Itoobiya & qaar ka mida maamul goboleedyada dalka uusan waxba soo kordhineyn, wuxuuna xusay in tegistooda magaalada Addis Ababa aysan ku fadhin micno aad u weyn.

“Waxaan is leeyahay tegistooda macno weyn ma keeneyso dalkaan nidaam ayuu leeyahay  Dastuuri ah laba Aqal oo xoog badan ayaa innoo dhisan oo madaxweynihii doortay, marka waxaan is leeyahay waqti uunbey iska luminayaane maamul goboleedyadu waxa xuduuda dhaafsan shaqo kuma lahan, si ufishal ahna heshiis uma geli karaan” ayuu yiri Axmednuur.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay tahay inuu shaqeeyo sirdoonka Soomaaliyeed, si wax looga qabto amniga dalka iyo kan xuduudaha, loona ilaaliyo qaranimada dalkeenna.

“Dowladda Itoobiya cilaaqaad ayaa naga dhexeeyo waa sax sirdoonka inuu shaqeeyo oo amnigeena shaqeeyo waa nalaga rabaa, laakiin iyadana si bareer ah oo cad maamul goboleedyadii marti-qaad uma aysan sameyn, qaabilaadda wixii hooseeyana illaa dowladdeena ka adkaato waa wax dhici kara,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Axmednuur Aadan ayaa sidoo kale tilmaamay in shaqada kaliya ee u taallo maamul goboleedyada dalka ay tahay deegaannadooda, isla-markaana wax kasta oo ka baxsan xuduudaha wadanka ay shaqo ku leedahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

“Maamullada federaalka ka midka ah shaqada ugu muhiimsan oo laga rabo waa deegaannadooda inay ka shaqeeyan. Wax xuduuda ka baxsan waa shaqadii ay laheyd dowladda federaalka ah,” ayuu markale wareysigaan ku yiri Aqoonyahan Axmed Nuur.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan uu madaxweyne Koonfur Galbeed booqasho ku joogo dalka Itoobiya, kadib markii diyaarad milatari looga qaaday magaalada Baydhabo, waxayna arrintan lagu macneeyey in Addis Ababa ay dooneyso inay iskaashi la yeelato maamul goboleedyada,ayada oo la xifaaltameyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Al-Shabaab oo toogasho ku fulisay 6 QOF + Sababta

0

Jilib (Caasimada Online) – Dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ayaa maanta fagaare ku yaalla degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ku toogtay rag ay kooxdu ku eedeysay inay ahaayeen basaasiin u shaqeynayey sirdoonnada dowladaha Mareykanka, Kenya iyo Soomaaliya.

Raggaan la dilay oo gaaraya illaa 6 nin ayaa Al-Shabaab waxa ay shaacisay in ay mas’uul ka ahaayeen duqeymo kala duwan oo lagu beegsaday kooxda, kuwaas oo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobollada Jubbooyinka oo dhaca koonfurta waddanka Soomaaliya.

Maxkamad hoostagta Al-Shabaab ayaa sheegtay in dhammaan ragga la dilay lagu helay eedeymaha loo soo jeediyey, kadibna xukunkii lagu ridday maanta lagu fuliyey.

Halkan hoose ka aqriso magacyada ragga la toogtay:-

1-Cabdirisaaq Ciise Axmed (Maqas) oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey sirdoonka Mareykanka.

2-Xasan Gaarane Muuse (Dr Ayuub), oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey sirdoonnada Mareykanka, Kenya iyo Soomaaliya, uuna qayb ka ahaa 20 duqeymood.

3-Cabdullaahi Cali Ismaaciil oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey ciidamada uu Mareykanka tababaray ee Bangaraafta iyo kuwa Jubbaland.

4-Shire Yuusuf Xersi oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey sirdoonka Mareykanka, uuna bixiyey xogta 10 ka mid ahaa saraakiisha Al-Shabaaba

5-Axmed Muqtaar Aadan oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey ciidamada maamulka Jubbaland.

6-Ismaaciil Cabduweli Cismaan oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey sirdoonka dowladda Mareykanka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhisay dilalka toogashada, waxaana ugu dambeeyey todobadii qof ee bishii hore lagu dilay fagaare ku yaal deegaanka Buulaay ee gobolka Baay, kuwaas oo iyaguna lagu eedeeyey inay ahaayeen dad jawaasiis ahaa.

Si kastaba, dhacdooyinkaan ayaa ku soo beegmaya, xilli ay haatan kooxdu sare usii qaaday weerarada ay ka fuliso gudaha dalka iyo kuwa ay ku qaado waddamada Kenya iyo Itoobiya.