31.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Muxuu Fiqi ka yiri xiisadda ka taagan Koonfur Galbeed?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo horey u soo noqday wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda Koonfur Galbeed, kadib markii dhowaan isbaheysi ka dhan ah Lafta Gareen looga dhawaaqay Muqdisho.

Cabdixakiin Fiqi oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Universal ayaa taageero weyn u muujiyey madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen, wuxuuna sheegay inay sharci darro halka sano ee loogu daray muddo xileedkiisa, si la’isku waafajiyo doorashada madaxweynaha iyo sidoo kale midda baarlamaanka ee maamulkaasi.

“Muddada madaxweynaha waa afar sanno, laakiin halkaan sanno ay ka timid waqtigii madaxweyne Shariif Xasan joogay gaabkaas galay oo dhismihii xukuumadda iyo aas-aasidii baarlamaanka ay hal sanno kala horreeyeen, hadda in la’is waafajiyo waa wax wanaagsan, aniga in la’is waafajiyo ayaan qabaa,” ayuu wareysigaan ku yiri Cabdixakiin Xaaji Fiqi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintaan go’aan maamul oo ay horey u soo saareen golaha wakiilada ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Arrintaan baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey oo aqlabiyad ku ogolaaday, waa arrin loo baahan yahay in sideeda loo daayo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Siyaasi Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo deegaan ahaan ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa ku baaqay in aan lagu soo dirin xaaladda maamulka oo haatan wajahayo daruufo adag oo ay ka mid yihiin dagaalka kooxda Al-Shabaab iyo abaaraha ka jira maamulkaasi.

“Koonfur Galbeed waxaa jira daruufo aan badanaa ka jirin dowlad goboleedyada kale, waxaa ku badan Al-Shabaab, waxaa kale oo jira abaaro, waxaa jira isku socod la’aan degmooyinka ah iyo gobollada Koonfur Galbeed inay kala xiran yihiin, marka ayada oo la fiirinaayo daruufahaas adag ee jira inaan maanta buuq la furin” ayuu markale yiri.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada haatan si weyn la’isugu hayo arrinta muddo xileedka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo ay in badan ka soo horjeesteen siyaasiyiinta ka soo jeeda maamulkaasi, gaar ahaan kuwa mucaaradka ku ah madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen oo dhowaan isbaheysi siyaasadeed kaga dhowaaqay magaalada Muqdisho.

Ciidamada DF Soomaaliya iyo kuwa HirShabelle oo la wareegay deegaano horleh

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka oo garab ka helaya kuwa maamullada HirShabelle iyo Galmudug ay la wareegeen deegaanno horleh oo ku yaalla gobolkaasi, isla-markaana ay horey ugu sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab.

Howlgalladaan ayaa waxaa horkacayey guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jayte Cismaan, waxaana ku wehlinayey guddoomiyeyaasha maamullada Matabaan iyo Maxaas, maadaama dhaq-dhaqaaqyada si gaar ah looga sameeyey labadaasi degmo.

Ciidamada huwanta ayaa kooxda Al-Shabaab kala wareegay deegaanada kala ah:- Beer-Gidiid, Bacda, Jilacle, Hees iyo Madhoy oo dhammaan ka tirsan gobolka Hiiraan, sida uu shaaca ka qaaday Bashiir Cabdiraxman Sheekeeye oo ah guddoomiyaha Matabaan.

“Deegaannada Cadawga laga xorreeyay waxaa kamid ah Bacda, Beer-Gidiid, Jilacle, Madhoy, Hees & Deegaanno kale, Howlgalka waxaa iska kaashaday Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Galmudug,” ayuu yiri guddoomiyaha Matabaan.

Sidoo kale wuxuu baaaq u diray hay’adaha samafallka oo uu ka dalbaday inay gurmad deg-deg ah la gaaraan dadka ay abaaraha saameeyeen ee ku dhaqan deegaannada la xoreeyey.

“Hay’adaha Samafalka waxa aan ugu baaqeynaa in ay gargaar siiyaan Dadka Abaartu saameysay, waxa ay u baahan yihiin cunto, biyo iyo waxyaabaha aasaaska u ah dhanka Nolosha” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey guddoomiye Bashiir C/raxmaan Sheekeeye.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo la xiriira howlgalladaas ee ay guulaha ka sheegatay dowlad goboleedka HirShabelle.

Si kastaba, ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa HirShabelle oo garab ka sii helaya maleeshiyaadka Macawiisleyda ayaa maalmihii la soo dhaafay dhaq-dhaqaaqyo iyo howlgallo culus ka waday deegaanno dhowr ah iyo degmooyin ka mid ah gobolka Hiiraan.

Daawo: Xasan Sheekh oo ‘si cajiib ah’ uga hadlay rabshadaha Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baaq ku saabsan xasilloonida, nabadda iyo wadajirka ay ku tilmaaman yihiin u diray hoggaanka siyaasadda iyo bulshada Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dhibaatadii ka dhalata rabshadaha Somaliland ka socda aysan ku koobnaa doonin kaligood oo ay saamey doonto dhamaan Soomaalida iyo gobolka.

“Walaalayaal waxaan aad uga dardaarmeynaa, ha gaarina meel dibadda la idinka soo fara geliyo, meel Soomaali kale inay idiin soo gurmato aad u baahataan, waxa kaliya ee aad uga baaqsa kartaana waxay tahay, inaad wada fariisataan oo danihiina ka tashataan, si aad horay ugu socotaan,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyey in dadka reer Somaliland ay dowladnimo u sameysan tahay, taas oo muhiim u ah inay ilaashadaan oo ka tashadaan waxa la isku diidan yahay.

“Nabad, maamul iyo kala dambeyn ayaad heysataan, waa wax aad u qiimo badan oo qofkii ay ka maqan yihiin uu qiimaheeda garan karo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweynuhu.

Ugu dambeyntii madaxweynaha ayaa hoggaamiyaasha qeybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay inay u istaagaan qaboojinta xiisadaan, “Waan idiin soo duceyneynaa, walaalihiin ayaan nahay, wixii aad nooga baahataana diyaar ayaan idiinla nahay,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo

Degmada Diinsoor oo qarka u saaran inay gacanta u gasho Al-Shabaab (Wareysi)

0

Diinsoor (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa kaabiga ku heysa degmada Diinsoor ee gobolka Bay, sida ay warbaahinta gudaha u sheegeen masuuliyiin ku nool degmadaas.

Mid ka mid ah waxgaradka ku nool degmada Diinsoor oo u waramay Shabeelle TV ayaa sheegay in Al-Shabaab ay soo dul degeen magaalada, isla markaana aysan jirin awood buuxda oo hadda ka hor taagan inay Diinsoor qabsadaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in bilihii ugu dambeeyey ay ku sii adkeeyeen go’doon ay Diinsoor kala siman tahay magaalooyinka kale ee maamulka Koonfur Galbeed oo badankood go’doon ugu jira kooxda.

Saacadihii ugu dambeeyey ilaa laba caruur ah ayaa gaajo ugu geeriyootay Diinsoor, sida uu masuulkaasi u sheegay warbaahinta.

Sidoo kale ninkaan oo magaciisa loo qariyey sababo ammaan wuxuu sheegay maalintii 160 qoys qiyaastii ay Diinsoor gudaha u soo galaan, kuwaas oo xoolahoodii ay abaartu ka dhameysay.

Wuxuu intaas ku sii daray in dadkii beeraleyda ahaa ay isugu darsoomeen duruufo ay ka mid yihiin abaar, go’doominta deegaanka ee Al-Shabaab iyo taakuleyn la’aan dhanka maamulka ah.

“Diinsoor cabsi badan ayaa ka jirta, afarta gees waxaa ka soo degay Al-Shabaab, inay la wareegaan ayey qarka u saaran yihiin, dadka deegaankuna waa u diyaar inay iska dhiciyaan, 1 KM waa nooga sokeeyaan,” ayuu yiri masuulkaas.

Hoos ka dhageyso wareysiga

 

Xamza oo war kasoo saaray rabshadaha Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa qoraal ka soo saaray dibad-baxyada iyo rabshadaha ka socda Somaliland ee salka ku haya doorashooyinka daahay.

Xamza Barre ayaa xusuusiyey reer Somaliland in wax nabad lagu waayey aan colaad iyo qalalaase lagu heli doonin, isagoo ugu baaqay qeybaha kala duwan ee bulshada inay kala dhex galaan siyaasiyiinta is heysata, si looga baaqsado gacan ka hadal kale.

Sidoo kale R/Wasaaruhu wuxuu u tacsiyeeyey dadkii waxyeeladu ka soo gaartay rabshahihii dhacay shalay, wuxuu kaloo yiri, “Walaalayaal mar walba Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waa garab iyo gashaan walaal idiin ah, una diyaarsan ka qeyb qaadashada xalka dhibaato walba oo soo food saarta walaalaheenna ku dhaqan Somaliland.”

Hoos ka akhriso baaqa R/Wasaaraha oo dhameystiran:

Baaq Nabadeed

Waxaan ka xumahay rabshadaha iyo qalalaasaha ka socday labadi maalin ee u dambaysay qaar kamid ah Magaalooyinka Somaliland. Waxaan ugu baaqayaa masuuliyiinta Somaliland in ay ogadaan wixii nabad lagu waayo colaad iyo qalalaaso laguma helo karo.

Waxaan leeyahay intii dhimmatay Alle ha u naxariisto inta dhaawaxa ah Eebbe ha u booga dhayo.

Walaalayaal mar walba waxaad astaan u ahaydeen domiqueaadiyadda iyo inaad xilka si nabad ah ugu kala wareegtaan, Waxaan idiin kugu baaqayaa inaad ilaashataan Nabadda iyo kala danbeynta uu Alle idin siiyay iyo xasiloonida iyo maamul wanaagga aad muddo dheer soo dhisayseen.

Waxaan idiin ku baaqayaa inaad wada hadal iyo is-afgarad ku dhamaysaan wax walba oo tabasha ah ee jirta.

Odayaasha dhaqanka, Waxgaradka, Culimada, Dhallinyarada, Haweenka iyo dhammaan bulshada waxaan ugu baaqayaa in ay kala dhex galaan xalna u raadiyaan tabashooyinka jira, si aysan u dhicin mar kale in shacabka uu dhib soo gaaro.

Ugu dambeyn walaalayaal mar walba Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waa garab iyo gashaan walaal idiin ah, una diyaarsan ka qeyb qaadashada xalka dhibaato walba oo soo food saarta walaalaheenna ku dhaqan Somaliland.

Salman Rushdie, qoraaga buugga “Aayadaha Shaydaanka” oo la tooreeyey

New York (Caasimada Online) – Salman Rushdie, Qoraaga British-ka ah ee qaar ka mid ah qoraalladiisa ay horseedeen inuu bartilmaaed dil u noqdo Iran islamarkaana dhuumasho ku noolaado, ayaa lagu weeraray masrax ku yaalla galbeedka New York oo uu hadal ka jeedinayey.

Muuqaallo lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dad u kala cararaya inay caawiyaan Salman oo ku sugnaa Machadka Chautauqua.

Booliska ayaa xaqiijiyey in qoraagan 75 jirka ah laga tooreeyey qoorta, balse ma aysan bixin faah-faahin. Waxaan sidoo kale weli caddeyn xaaladdiisa.

“Nin ayaa masraxa kusoo weeraray Rushdie. Rushdie wuxuu dhaawac ka gaaray qoorta, waxaana lagu qaaday helicopter oo lagu geeyey isbitaal. Xaaladdiisa weli ma cadda,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay booliska.

Weriye ka tirsan wakaaladda wararka AP oo ku sugnaa goobta ayaa xaqiijiyey in ninka weeraray Salman Rushdie uu ugu yaraan 10 illaa 15 jeer mindiyeyeey ama feeray.

Salman Rushdie ayaa ku dhacay goobta, waxaana isbitaal loogua qaaday diyaarad helicopter ah.

Buug uu Salman Rushdie qoray 1988-kii oo uu ugu magac daray “Aayadaha Shaydaanka” ayaa horseeday fatwo dil ah oo uu soo saaray hoggaamiyihii hore ee kacaanka Iran Ayatollah Ruhollah Khomeini.

Buuggan ayaa sidoo kale Muslimiinta ay u arkeen inuu xushmad darro ku yahay nebi Muxamed NNKH.

Rushdie oo ku dhashay India, waalidkiisna ay ahaayeen Muslimiin aan diinta ku dhaqmin, islamarkaana isaga sheegay inuusan diin laheyn, ayaa dhuumasho ku noolaa kadib markii buugga uu soo baxay 1988-kii.

Si kastaba, wuxuu dhammaadkii sagaashamaadka billaabay inuu soo muuqdo kadib markii Iran ay sheegtay inaysan hadda kadib taageereyn in khaarijiyo.

AFP + AP + VOA

Daawo: Yuusuf Indha-Cade oo shaaciyay qorshe uu ka ogaaday Farmaajo oo uu uga digay Mukhtaar Roobow

0

Muqdisho (Caasimada Online)  – Jeneral Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-Cade) ayaa markii u horeysay shaaciyay in Mukhtaar Roobow oo dhawaan kamid noqday Wasiirada cusub uu la wadaagay qorshaha xarigiisa ee la damacsaneyd dowladdii hore.

Jeneraal Indha-Cade ayaa sheegay in markii uu ka war-helay qorshaha xariga uu la wadaagay Mukhtaar Roobow oo ku sugna Baydhabo, hase yeeshe uu Roobow u bareeray khatar kasta oo uga imaan karta hankiisa siyaasadeed.

“Maalintii la xirayay habeenkii ka horeeyay ayaa la hadlay ha imaan xafladaas ayaa ku idhi waa lagu xira, meesha doorasho kama jirto qof ayaa loo wadaa ayaa ku idhi, wuxuu yidhi intii la dhihi lahaa Mukhtaar wuu cararay oo waa baqday in la idilo ayaa ka door bidi lahaa,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu xusay in qorshaha xarigii Roobow lagu keenay Muqdisho uu ka ogaaday madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo uu sheegay in xiligaas uu la-taliye u ahaa, kana soo horjeeday arrintaas.

“Ilaahay waxaa ugu baryaya xilka loo dhiibay in uu la garab galo. Waxaa ka jeclaan lahaa in Wasaaradda Cadaallada loo dhiibo maxkamadaha cadaalad daro badan oo ka jirta. Taas haddii la waayay ta ku xigta waaye, waa u hambalyeynayaa.”

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa 2-dii bishaan si rasmi ah uga mid noqday Golaha Wasiirada cusub ee Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo muddo u xirna dowladdii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa loo magacaabay wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta.

Koox dhibaato ku haysay shacabka MUQDISHO oo gacanta lagu soo dhigay

0

Muqdisho (Caasimada Online)  – Taliska Booliiska ayaa soo bandhigay dad ay kusoo qabteen howl-galo ay ka sameeyeen degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kuna soo qabteen Rag ku eedeysan burcadnimo iyo dil.

Taliska Qaybta Bari ee Booliiska gobolka Banaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen qof ku eedeysan dil oo baxsad ah.

“Waxa aan helnay Nin gacan ku dhiigle ah, Ciyaar weero Dad dishay oo baxsatay, Nin ka baxsaday Saldhigga isaga oo weli katiineysan, Guri la dhigay Xashiishka iyo Rag inta dhammeeyay hantida Dadka oo suuqa geysta Xoolaha la dhaqdo, dhammaan dadka aan soo qabanay waa intii uu sharciga doonayay,” ayuu yiri Taliyaha qaybta Bari ee Booliiska gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxa uu sheegay in raga lasoo qabtay loogu dul tagay Mootooyin ay ka dhaceen dadka shacabka, kuwaasi oo laga badalay sumadda (taarikada), islamarkaana ay dib u kireeyaan, si ay lacago uga macaashan. si loo raad baabi’iyo.

“Ciidamada Booliiska oo qaybtii labaad ee howl-galka Samakaab sameeyay waxa ay gacanta kusoo dhigeen Mootooyin laga dhacay oo aan la garaneyn cidda leh oo taarkada waa laga baddelay waana mooto cusub.”

“Waxa aan galnay Xaafado isku raran ah, waxa aan soo helnay intii Maxkamad iyo Saldhig laga rabay, Mootooyin waxaa soo helnay isaga xareysan karaashyo, waxaa laga baddelay taarkooyinkii, magaalada ayaa laga soo dhacay, Nin baa loogu shaqeeyaa, waana heynaa dadka loogu shaqeynayay tobankaas dollar ayaa loo tuuraa, haddii la dhaho yaa leh meel laga keenay lama yaqaan.”

Ugu dambeyntiina waxa uu tilmaamay inay ka go’an tahay ka gun-gaarista Ciyaar-weerada, dadka Sharciga ka dhuumanaya iyo Burcadda, kuwaasi oo dhibaatooyin hore leh ku haya shacabka.

Hay’adaha amaanka dowladda federaalka ayaa xoojiyay howl-galada ay ka sameynayaan degmooyinka gobolka Banaadir, kaddib markii ay ku soo kordheen burcadda hubeysan ee dhaca geysata.

Dhaqtar Soomaali ah oo lagu gowracay dalka Pakistan iyo mid kale oo Soomaali ah oo…

Multan (Caasimada Online) – Booliska magaalada Multan ee gobolka Punjab ee dalka Pakistan ayaa baaritaan ku haya islamarkaana su’aalo weydiinaya dhaqaatiir kadib markii meydka dhaqtar Soomaali ah laga helay qeybta la seexdo ee Jamaacadda Nishtar Medical Hospital.

Dr. Abdul Rehman, oo ka yimid Soomaaliya islamarkaana wax ka baranayey qeybta qalliinka ee Jaamacadda, ayaa Arbacadii waxaa isaga oo la gowracay meydkiisa laga helay musqul ku taalla hoolka Jamal Bhutta oo ah halka ay degan yihiin dhaqaatiirta ee Isbitaalka Nishtar Hospital.

Dr. Abdul Rehman ayaa deganaa qolka No.17 isaga iyo dhaqtar kale oo ka yimid Soomaaliya oo lagu magacaabo Dr. Abdul Azizi, wuxuuna isku diyaarinayey qeybta koowaad ee qalliin tijaabo ah oo uu sameyn lahaa.

Waxaa sidoo kale qolka la deganaa dhaqtar Pakistani ah oo lagu magacaabo Dr Ghulam Muhammad iyo kaaliyihiisa Muhammad Ijaz.

Booliska ayaa xiray Dr Abdul Aziz iyo Muhammad Ijaz markii ay baaritaanka billaabeen.

Madaxa booliska magaalada Multan, Khurrum Shehzad Haider ayaa wargeyska Dawn u sheegay inay hadda ballaariyeen baaxadda baaritaanka, waxayna su’aalo weydiinayaan dhaqaatiir dhowr ah oo ka shaqeysa isbitalka.

Khurrum ayaa sheegay in tuhunsanaha ugu weyn uu yahay Dr. Abdul Aziz oo Soomaali ah, sababtuna ay tahay in markii su’aalaha la weydiiyey uu sheegay hadallo isburinaya. 

Waxa uu intaas ku daray inay hadda sugayaan natiijada baaritan lagu sameeyey meydka, si ay u ogaadaan xilliga iyo sababta rasmiga ah ee dhimashada. 

Dilka dhaqtarka ayaa cabsi xooggan iyo argagax ka abuuray Nishtar Hospital, ayada oo la isweydiinayo sababta loo beegsaday iyo habka naxariis darrada ah ee loo dilay.

Toronto: Weerar lagu qaaday qabuuro lagu aasayey qof Soomaali ah oo lagu dilay SOOMAALI kale (Warbixin)

0

Toronto (Caasimada Online) – Rag hubeysan ayaa rasaas ku furay qabuuraha Richmond Hill, halkaas oo ay ka socotay aaska wiil dhallinyaro Soomaali ah oo todobaadkan lagu dilay magaalada Toronto ee dalka Canada.

Weerarka ay kooxdaas kusoo qaaday qabuuraha ayaa waxaa la sheegay inuu ku dhintay hal qof Soomaali ah oo rag ah, halka uu mid kale ku dhaawacmay.

Sida ay booliiska sheegeen, dableyda weerarka soo qaaday ayaa ahaa afar nin, waxaana goobta rasaasta lagu furay ku sugnaa illaa 60 qof oo kasoo qeybgalay aaska qof Soomaali ah oo halkaas ka socday.

Booliska ayaa sheegay in weerarka ay markii hore ku dhaawacmeen illaa 2 qof balse uu mid ka mid ah ku geeriyooday Isbitaalka

Booliisku waxay sheegeen inay tuhmnayaasha oo watay gaari duuga oo ah nuuca SUV ay baxsadeen. Waxay sheegeen markii ugu dambeysay in lagu arkay wadada Leslie Street.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ku nool Toronto ayaa arrintaan aad uga welwelsan, waana markii ugu horraysay oo dhacdo nuucaan ahi ka dhacdo dalkaas oo Soomaali badan ay ku nool yihiin.

“Weligaa ma filanaysid wax sidan oo kale ah inay dhacaan wakhti kasta, iska daa inta lagu jiro aaska.  Tani waxay saameyn ku yeelan doontaa dhammaan dadka maanta halkan joogay iyo sidoo kale bulshadeena,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay booliiska Toronto.

Wiilka Soomaaliga ah ee aaskiisa la joogay ayaa waxaa lagu magacaabi hiray Maxamed wuxuuna ahaa 27 jir si fool xun loogu dilay magaalada Toronto ee dalka Canada.

Waxaa xusid mudan in dilka wiilkaas aan illaa iyo hadda lasoo qaban dadkii ka dambeeyey, wuxuuna dilkaan noqday mid ay si weyn uga wada naxeen dadka Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.

Wararkii ugu dambeeyey natiijada DOORASHADA madaxweynaha dalka Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Natiijooyinka horudhaca ah ee doorashada madaxweynaha Kenya ayaa muujinaya tartan aad la isugu dhow yahay, oo ay adag tahay in la saadaaliyo cidda ku guuleysan doonta.

Haddii natiijooyinkan ay muujinayaan hal arrin ayaa ah; in musharax kasta oo laga guuleysto, haddii uu noqon lahaa Raila Odinga ama William Ruto, uu dood ka keeni doono natiijada islamarkaana la tiigsan doono maxkamad.

Kenya kama dhicin doorasho aan la isku khilaafin oo loolan ka dhalan tan iyo 2002, waxaana muranadii hore qaarkood ay hoggaamiyeen dhiig badan oo daatay, kuwaasi oo ka dhashay dagaal dhex-maray qowmiyadaha iyo isku dhacyada shacabka iyo booliska.

Ayada oo ay codeeyeen in ka badan 16 milyan oo qof oo ka mid ahaa 22 milyan oo isu diiwaan gelisay codeynta, ayaa natiijada horudhac waxay muujineysaa in aad la isugu dhow yahay ayada oo hoggaanka uu marba qabano musharax.

Ma jiro weli musharax kan kale ka hormaray wax ka badan boqolkiiba 1.

Tartanka ayaa waxaa hadda si dirqi ah ugu horreeya William Ruto oo Raila Odinga ku hoggaaminaya codad ah; 49.9% iyo 49.4%. 

Guddiga madax-banaan ee doorashada Kenya ee loo soo gaabiyo IEBC ayaa waxaa saaran cadaadis ah inuu soo saaro natiijo doorasho oo xor iyo dhexdhexaad ah, maadaama doorashadii 2017 la baabi’iyey kadib khaladaad badan oo dhacay oo ay guddiga sameeyeen. 

Kormeerayaasha caalamiga ah ayaa Khamiistii ka digay in dib u dhaca haysta shaacinta natiijada rasmiga ah uu horseedayo in la faafiyo warar been abuur ah oo la xiriira natiijada, taasi oo hoggaamin karta in dadka qaar aysan hadhow aqbalin natiijada rasmiga ah ayaga oo rumeysanaya midda been abuurta ah ee hadda wareegeysa.

Guddiga doorashada ayaa haysta illaa 16-ka August si ay u shaaciyaan natiijada rasmiga ah.

Roobow iyo siyaasiyiin kale oo farriin siyaasadeed culus u diray Laftagareen + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan farriin siyaasadeed xooggan loogu diray madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa shalay ka dhacay magaalada Muqdisho. 

Kulankan ayaa waxaa isugu yimid hormuudka siyaasadda Koonfur Galbeed, oo ay ka mid yihiin Shariif Xasan, Maxamed Cusmaan Jawaari, Maxamed Aadan Fargeeti, Ilyaas Xasan Cali iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed. 

Hase yeeshee, shakhsiag ka qeyb-galkiisa ay hadla haynta xooggan abuurtay ayaa ahaa wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur, oo dhowaan laga soo daayey xabsi uu ku jiray saddex sano iyo bar kadibna lagu abaal-mariyey xil wasiir. 

Shirkan ayaa ahaa kii labaad oo ay yeeshaan Siyaasiyiintan Koonfur Galbeed iyo kii ugu horreeyey ee uu ka qeyb-galo Sheekh Mukhtar Roobow oo xirnaa shirkoodii hore oo looga dhowaaqay isbaheysi ka dhan ah Laftagareen.

Shirka ayaa lagu sheegay munaasabad soo dhoweyn ah oo loo sameeyey Roobow, hase yeeshee Caasimada Online ayaa fahamsan in kulanka uu ahaa mid farriin iyo cudud siyaasadeed loogu dirayo Laftagareen kahor doorashada madaxweyne ee maamulka Koonfur Galbeed. 

Doorashada ayaa dhaceysa bisha December, waxaana jira tuhun ah in Laftagareen isku dayi doono inuu xukunka ku dhego ama qabto doorasho ku shubasho ah.

Laftagareen ayaa hadda dareemaya go’doon siyaasadeed ayada oo madaxweyne Farmaajo oo gaystay Baydhaba laga qaaday kursiga Villa Somalia, islamarkaana aysan isku fiicneyn madaxweyne Xasan Sheekh.

Caasimada Online ayaa xog ku heshay in madaxweynaha Koonfur Galbeed isku dayayo inuu isbaheysi la sameystay dowladda Itoobiya oo sidoo kale iyana aan xiriir wanaagsan la laheyn Villa Somalia, si ay ciidankeeda ugu hayaan Baydhaba. 

Laftagareen ayaa toddobaadkan kasoo laabtay Itoobiya oo uu sheegay inuu kusoo yeeshay shir ku saabsan amniga kadib markii Al-Shabaab ay Itoobiya ka weerareen xuduudda gobolka Bakool, balse waxaa la rumeysan yahay in kulamadaas ay sidoo kale qeyb ka ahaayeen arrimo siyaasadeed.

Muuse Biixi oo war yaab leh kasoo saaray rabshadihii shalay ka dhacay Somaliland

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si kulul uga hadlay banaanbaxyadii rabshadaha watay oo shalay Xisbiyada mucaaradka iyo taageeraayaashooda ay ka dhigeen Magaalooyinka Somaliland, kuwaas oo geystay dhimasho iyo dhaawac.

Muuse Biixi waxaa uu markii hore u tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay bananbaxyada, isaga oo sidoo kale caafimaad u rajeeyay kuwa ku dhaawacmay, wuxuuna sheegay in talo xumo ka timid qeyb kamid ah dadka Somaliland ay banaanbaxyadaas u dhaceen.

“Waxaa dhacay Dhimasho, Dhaawac iyo Khasaare aan loo baahneen, khasaaraha looma wada sinna ee qayb naga mid ah oo ku calool adag oo illaa hadda ku adkeysanaya ayaa geysatay, wixii dhacay waxaa ka mas’uul ah Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Guddoomiyaha Xisbiga UCID iyo guddoomiyihii hore ee Waddani, Duruufaha ina heysta awgeed ma xamili karno dhibaatooyin lamid ah kuwii dhacay oo kale,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Marka laga tusaala qaato waxyeellada ay muujineyso in la beegsaday Ciidamada ammaanka ee loo diyaariyay in ay sugaan nabadgalyadooda balse loo weeciyay in ay weerar ku qaadaan sidaasna uu ku gaaray Khasaaraha.

“Inta nasoo gaartay ee aan hubno waa Dhimashada 5 ruux oo 3 kamid ah Hargeysa ah, 1 ruux oo Burco ah & ruux kale oo ku geeriyooday Ceerigaabo, in ka badan ama aan ka yareyn 100 ruux oo 60% ah Dadka ku dhaawacmay oo u ah Ciidamada qaranka  oo Waraf, Shiid, Budh, Bir & qaar Xabbado ku yaallaan, Nasiib darro ah, Rag ku jira Golaha Wakiilada oo la doortay kuna biiray Gole Qaran oo xasaanad heysta in ay qayb ka noqdaan, arrintaas Xasaaanad loo heysan maayo,” ayuu yiri MW Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si cad u sheegay in aanay mar dambe dibadbax loo ogolaan doonin Axsaabta Mucaaradka kuna filan tahay Rabshadihii sababay dhimashada, dhaawac & isku dhacyada ee 11kii August 2022.

“Ciddii fidno, Mudaharaad & abaabul gasha waa laga hortagayaa, mana laga aqbalayo in Dalka la burburiyo, Mucaaradka uma muuqata in ay dibadbaxa ku dhigtaan meelaha loogu talagalay ee ciidamada lagu diyaariyay, waa arrin dambi qofkii mudaharaad sameeya mana looga gambanayo Dimuqraadi & Xorriyatul-Qowl, Hay’adaha amniga u xilsaaran uma fiirin doonaan Xasaanadda qofka uu leeyahay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale hoggaanka Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa sheegay inay sii wadi doonaan bananbaxyada ka dhanka ah Xukuumadda ilaa iyo inta Madaxtooyada ka bilaabeyso doorashada Madaxweynaha Somaliland.

Xukuumadda & mucaaradka Somaliland ayaa weli isu goodinaya, dhinac weliba waxa uu sheeganayaa in uu ku taagan yahay dhabbaha dastuurka uu ogol yahay halka ay isku tuur-tuurayaan khasaraha ka dhashay rabshadiii sababay Dhimashada & Dhaawaca.

Dagaal culus oo dhexmaray Soomaalida iyo Canfarta dalka Itoobiya + Khasaaraha

0

Cundhufo (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaaa kasoo baxaya weerar ay maleeshiyaad iyo ciidamo ka tirsan maamulka Canfarta ee dalka Itoobiya ay kusoo qaadeen Shacab Somaali ah oo degan Galbeedka Gobolka Siti gaar ahaan Magaalada Cundhufo.

Sida ay dadka deegaanka u sheegeen Caasimadda Online, dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa dhexmaray maleeshiyaadka Canfarta oo kamid ah qowmiyadaha Itoobiya iyo dadka degaannada ay weerareen oo hubka u qaatay inay iska difaacaan.

Inta la xaqiijiyey dagaalka ayaa waxaa ku dhintay 10 qof oo isugu jiray kooxihii dagaalamay iyo dad shacab ah, waxaana la xaqiijiyey inuu dhaawaca intaas ka badan yahay.

Maleeshiyada Canfarta ayaa gubay guryo ay deganaayeen dad Shacab ah taasoo sababtay in dad badan kusoo biireen dagaalka si la isaga celiyo maleeshiyada dagaalka gardarada ah kusoo qaaday shacabka Soomaalida ah.

Dagaalka ayaa markii dambe waxaa kusoo biiray ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad degaanka Soomaalida, iyaga oo maleesgoyaadks canfarta ka saaray goobihii ay soo weerareen.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in ay hadda xaaladda tahay mid dagan, waxaana la xaqiijiyey in khasaaro xoog leh la gaarsiiyey maleeshiyadii weerarka soo qaaday.

Daawo: Xafiiska Xamza oo shaaciyay ujeedka amarka uu dul dhigay wasiirada cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa ka bixiyay go’aamo culus oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, kuwaasi oo la xiriira ilaalinta ‘nidaamka shaqada iyo hantida Qaranka’.

Go’aamadan ayaa waxa kamid ahaa in wasiirada cusub aysan xil magacaabis sameyn ama aysan kala bedalin masuuliyiinta hey’adaha ay madaxda ka yihiin, illaa inta ay waafajinayaan sharciga oo ay la tashi kala sameynayaan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Afhayeenka ayaa sheegay in ujeedka laga leeyahay go’aankan uu yahay in la ilaaliyo sharciga, xuquuqda shaqaalaha iyo u sinaanta shaqada, maadama lagu guda-jiro xili kala guur ah oo wasaaradaha xukuumadda ay yeesheen masuuliyiin cusub.

Inta badan Wasiirada ayaa durtaba marka ay xilka la wareegaan waxaa dhici jirtay inay shaqada ka joojiyaan Mas’uuliyiinta wasaarada, sida Agaasimayaasha, taasi oo ka dhalan jirtay habacsanaan shaqo iyo is qabqabsi hor leh.

Go’aanka Ra’iisul Wasaaraha ayaa u muuqda mid uu ku xakameynayo awoodaha Wasiiradiisa inay isbedel si iskood ah iska sameeyaan, iyagoo aan la tashan.

Si kastaba, Amarkaan uu Ra’iisul Wasaaruhu dul dhigay masuuliyiinta dowladda ee wasiirradu ay ugu horeeyaan wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo maalmaan ay xowli u socoto xil wareejinta wasiirradii hore, kuwo cusubna ay xafiisyada la wareegayaan.

Daawo: Xildhibaankii caaga ku tuuryeeyey Aadan Madoobe oo soo saaray war cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Xasan Murjaan oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa raali-gelin buuxda ka bixiyay ficilkii uu kula kacay guddoomiye Aadan Madoobe, xili ay bilaabatay baaris la xiriirta arrintaas.

Xildhibaan Murjaan ayaa kamid ahaa Xildhibaano fowdo ka sameeyay dhawaan kulankii Golaha Shacabka ee lagu ansixinayay Wasiirada cusub, wuxuuna caag ku tuuray guddoomiyaha Golaha Shacabka.

“Waxaa raali-gelin buuxda ka siinaya shacabka Soomaaliyeed, Golaha Shacabka iyo guddoonka dhacdadii aan sida tooska ah caaga ugu tuuray guddoomiyaha, raali-gelin ayaa ka siinaya guddoomiyaha,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in arrinta keentay ficilka uu kula kacay guddoomiyaha uu ka dhashay kala aragti duwanaansho, wallow uusan si faah-faahsan uga sii hadlin.

“Qof walba aragti ayuu leeyahay wuu dhiiban kara ama wuu diidi kara. Caag tuurka waxa keenay waa intaas kaliya. Waxaa isleeyahay howsha meesha ayay ku dhamaatay.”

Raali-gelinta Xildhibaan Murjaan ayaa imanaysa labo maalmood kadib markii Guddoomiye Aadan Madoobe uu Guddi KMG ah u saaray baarista dhacdadaas nidaam-darada aheyd ee 7-dii bishaan ka dhacday xarunta Golaha.

Guddiga ayaa sidoo kale la faray in warbixin ka keenaan dhacdadaas, islamarkaana natiijada ka soo baxda baaritaanka ay ku soo sameeyaan dib ugu soo celiyaan guddoonka, lamana oga saameynta ay raali-gelinta Murjaan ku yeelan doonto arrintaan.

Khasaaraha rabshadaha Somaliland oo sare u kacay iyo tirada dhimashada

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliska Somaliland ayaa goordhoweyd ka hadlay dibad-baxihii rabshadaha watay ee maanta ka dhacay magaalooyinka Somaliland, kuwaasi oo looga soo horjeeday madaxweyne Muuse Biixi.

Taliyaha howl-galinta Ciidamada Booliska Somaliland, Sareeye-guute Ibraahim Cabdi Xaaji oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dibad-baxii maanta ay ku dhinteen ugu yaraan 3 ruux oo shacab ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dibad-baxyada rabshadaha watay ay ku dhaawacmeen 89 qof, kuwaasi oo kala ah 27 shacab ah iyo 62 Askari oo ka tirsan ciidamada Somaliland, sida uu sheegay Taliska Ciidamada Booliska Somaliland.

“Dagaal ayey kala hor imanayeen ciidamada markay yidhaahdaan halkii la idinku tala-galay banaanbaxa salmiga ah ku qabsaday, sharci-daradaa balaadhan ee ku xadgudub ku ah nidaamkii loogu tala-galay, ayaa waxay keentay inay dhaawacaan isku geyn ciidan boolis ah 62 ah, saddexdaas magaalo ee Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo,” ayuu yiri.

Taliyaha ayaa sheegay in dibad-baxyada rabshadaha watay ay ciidamada ka diyaariyeen gal dacwadeedyo, islamarkaana ay u soo xir-xireen illaa 100 qof, oo warbixintooda ay u gudbiyeen maxkamadaha iyo xeer ilaalinta.

“Masuuliyada waxaa yeelan doona kow masuuliyiinta labada xisbi ee iyagu ku kacay wax aan aheyn nidaamkii salmiga ahaa ee loogu tala-galay, ee Hargeysa 11 meelood isugu soo ururiyay ciidan u dagaalamaya oo dad ah, oo aan ogoleyn banaanbixii salmiga ahaa ee la sheegay oo u socda rabshad kale.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dibad-baxyadii rabshadaha watay ay hakad galiyeen waxbarashada, howlihii caafimaadka iyo adeegyada kale ee daruuriga u ahaa bulshada, isagoona uga digay shacabka in markale qeyb ka noqdaan rabshaha noocan oo kale ah.

Xasan Sheekh oo xil sare u magacaabay Axmed Xirsi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto rasmi ah oo kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa La-taliye Sare oo arrimaha siyaasadda ee madaxweynaha loogu magacaabay Axmed Cabdisalaan Xirsi.

Axmed Xirsi ayaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha bulshada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota, wuxuuna caan ku ahaa inuu u dhaqaaqi jiray arrimaha bulkshada.

Axmed Xirsi  ayaa uga mahad-celiyay madaxweynaha inuu xilkaas u magacaabo, isaga oo tilmaamay in uu ka dhabeyn doono dhaqan-gelinta ajendihiisa siyasadeed.

“Waxaa sharaf weyn ii ah in la ii magacaabo La-taliye Sare oo arrimaha siyaasadda kala talinaya Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaan uga mahad celinayaa madaxweynaha kalsoonida uu igu qabo iyo inuu igu aaminay inaan ka caawiyo dhaqan gelinta ajendihiisa siyaadadeed ee ah Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah,” ayuu Axmed Xirsi ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale waxa uu qoraalkiisa ku yiri “Waxaan u hanqal taagayaa sidii aan kaalin mug leh uga geysan lahaa arrimaha mudnaanta leh ee gudaha iyo dibaddaba.”

Waxaa xusid in mudanaha la magacaabay uu si weyn uga soo dhex muuqday bilihii u dambeeyay arrimaha gargaar gaarsiinta dadkii ay saameysay abaarta, isaga oo safaro samafal ku tagay qaar kamid ah dowlad-goboleedyada dalka.

Axmed Xirsi, oo horey ay u kala tageen Xildhibaan Ilhaan Cumar oo kamid ah Xildhibaannada Congress-ka Mareykanka, ayaa 6-dii bishaan waxa uu kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha, kaasi oo la fahamsan yahay in la iskula qaatay xilka loo magacaabay.

Ciqaabta ay mudan karaan xildhibaanadii fowdada ka sameeyey golaha shacabka

0

Muqdisho(Caasimada Online) – Garyaqaan Mukhtaar Nuur Abuukar oo ah sharci yaqaan ayaa ka hadlay dhacdadii baaarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan buuqii ka dhashay kulankii u dambeeyey ee lagu ansixinayey golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya.

Mukhtaar oo wareysi gaar ah siiyey Warbaahinta Goobjoog ayaa shaaca ka qaaday in wixii ka dhacay baarlamaanka ay ahaayeen fal-dambiyeed ay aheyd in horey loo dhaqaajiyo.

Garyaqaanka ayaa xusay in xittaa aysan u baahneyn arrintaas xasaanad ka qaadis, balse ay aheyd in tallaabo adag laga qaado xildhibaannadii buuqa sameeyey.

“Waxa meesha ka dhacay waxay aheyd fal dambi, waxay aheyd in la dhaqaajiyo oo horey loo sii guda-galo, uma baahna xittaa xasaanad ka qaadis” ayuu yiri Mukhtaar Nuur.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintooda laba si loo wijihi karo, mida koowaad in lagu qaado xeer hoosaadka Golaha Shacabka, ama waxa uu ka qabo sharciga u yaalla dalka.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray in muhiim ay tahy in mar weliba la ilaaliyo sarreynta qanuunka dalka, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay falkii ka dhacay baarlamaanka Soomaaliya, xilli uu ku sugnaa xarunta ra’iisul wasaaraha cusub, Xamza Cabdi Barre.

“Haddii aan fiirino sarreynta sharciga, sharciga isaga ayaa u sarreeyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomalaiya cid Alla cidii wuxuu sharciga dhigaya jebisa oo dambi geysata wuu qabanayaa, wuuna saameynayaa,” ayuu markale yiri Garyaqaan Mukhtaar Nuur Abuukar.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo shalay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Sheekh Aadan Madoobe uu guddi u xil-saaray dhacdadii baarlamaanka, si ay daba-gal ugu sameeyaan falkaasi loolana xisaabtamo xildhibaanadii buuqa ku sameeyay kulanka Golaha.

Xubnaha guddigaan ayaa kala ah:

  1. Xildhibaan Maxamuud Cabdullahi Axmed (Abuukaato)
  2. Xildhibaan Axmed Maxamuud Jaamac
  3. Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin
  4. Xildhibaan Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji
  5. Xildhibaan Ismaaciil Ciid Maxamed

Wararkii ugu dambeeyay rabshadaha Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Dibad-baxyo ay rabshado ka dhasheen ayaa maanta ka dhacay magaalada Hargeysa iyo deegaano kale oo ka tirsan Somaliland, halkaasi oo ciidamada ay rasaas ku fureen dibad-baxayaal taageersan mucaaradka.

Ciidamada amaanka ayaa rasaas u adeegsaday qaar ka mid ah dibad-baxayaasha, taasi oo dhalisay khasaare kala duwan, walow aan illaa hadda la caddeyn karin tiro ahaan inta uu gaarsiisan yahay.

Caasimada Online oo xiriir la sameysay isbitaalada ayaa illaa hadda waxaa naloo xaqiijiyay in isbitaalka Amal Grand ee magaalada Hargeya la geeyay 12 qof oo ku dhaawacmay rabshadaha ka dhashay dibad-baxyada.

Dibad-baxyada ayaa weli kasii socda magaalooyin kamid ah Somaliland, inkasta oo uu ka joogsaday magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka, wuxuuna weli booliska ay isku dayeen inay xakameeyaan dibad-baxyada.

Sidoo kale waxaa si buuxda qeybo kamid ah Somaliland ugu soo laabtay internet-ka oo saacadihii lasoo dhaafay ay jareen shirkada isgaadhsiinta, taasi oo markii hore meesha ka saartay adeegsiga baraha bulshada iyo adeegyada kale ee ku xiran internet-ka.

Dhaq-dhaqaaqyada ka billowday Somaliland ee ay hormuudka u yihiin mucaaradka ayaa looga soo horjeedaa madaxweynaha oo ay ku eedeeyeen inuu wado muddo kororsi.

Arrimahaan ayaa ku soo aadaya ayada oo ay fashil ku soo dhammaadeen wada-hadalladii u dambeeyey ee mucaaradka iyo xukuumadda, si xal looga gaaro xiisadda ka taagan Somaliland ee ka dhalatay muranka hareeyey hannaanka doorashada ee maamulkaasi.

Dibad-baxyadaan ayaa qorshahooda wuxuu soo socday bilihii u dambeeyey, kaasi oo haatan sare u sii qaaday xiisadda ka aloolsan gudaha Somaliland.

Dowladda weli war rasmi ah kama soo saarin xaaladda ugu dambeysa, balse waxay horay uga digtay in ay dadku ku dibad-baxaan meelo ka baxsan baraha cayiman ee la shaaciyay, kuwaasi oo mucaaridku ka biyo diideen.