31.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

DAAWO: Roobow oo sheegay in DF ay guuleysan doonto beesha Mudulood darteed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee arrimaha diinta iyo awqaafta Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, oo hadal ka jeediyey kulan ay beesha Mudulood kusoo dhaweeneysay xukuumadda cusub, ayaa sheegay in xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ay guuleysan doonto.

Sababta ayuu Mukhtaar ku sheegay inay Beesha Mudulood taageersan tahay xukuumadda cusub, islamarkaana ay quraan iyo faataxo la daba taagan tahay, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa salaamayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan beelweynta Mudulood ee gogoshaan sharafta leh dhigtay, aniga maanta waxaan dhihi karaa labada dhinacba waan ka tirsanahay, aniga Xamar xaafada 15 May ayaan ku qaan gaaray oo beesha ayaan ka mid ah, tan labaadna xukuumadda lasoo dhaweenayo ayaan ka mid ahay,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray “Runtii ilaahey baan u mahadcelineynaa, waxaan hubaa xukuumadda codadkii ugu badnaa ayaa lagu ansixiyey, mid kalana shaki iigama jiro xukuumad ay sidaan usoo dhaweeneyso beesha Mudulood ee gogoshaan u dhigtay ee quraankii lagu yaqaanay iyo faataxadiina ay la daba taagan tahay shaki ma jiro xukuumadda waa guuleysaneysaa.”

Mukhtaar ayaa sidoo kale sheegay in isbadalka ka dhacay dalka ay tiir dhexaad u aheyd beesha Mudulood, wuxuuna sheegay in ururkii ay sameysay ee Badbaado Qaran ay ku badbaaday Soomaaliya oo dhan.

“Badbaado Qarankii ay beesha Mudulood sameysay waxaa ku badbaaday Soomaaliya oo dhan, waxaa ku badbaaday wadajirka maamul goboleedyada, maskiinkaan maxbuuska ahaa xataa waa ku badbaaday,” ayuu yiri Roobow.

Roobow ayaa sheegay in markii uu bilowday dagaalkii Badbaado Qaran uu aad ugu soo dhawaaday gurigii uu ku xirnaa, wuxuuna sheegay in ciidankii ilaalinayey ay u sheegeen in haddii uu dagaalka sii xoogeysto uu kala doorto in loo geeyo Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, wuxuuna wax lagu faanay ku sheegay in labadaba ay kasoo jeedaan Beesha Mudulood.

Xog: Sidee kusoo laabtay wasiirka kaliya ee ka haray xukuumaddii R/W Rooble?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda cusub ee ra’iisal wasaare Xamza Cabdi Barre waxaa ku cusub arrimo badan oo aan hore uga dhicin xukuumadihii hore, iyadoo inteeda badan uu soo magacaabay madaxweynaha la doortay 15-kii May 2012 Xasan Sheekh Maxamuud.

Arrimaha aan hore loo arag waxaa ka mida inuu ka mid yahay wasiir dib ugu soo laabtay xilkiisa oo aan u baahan inuu xilka la wareego, kaasoo lagu soo celiyay wasaaradii uu u magacaabay ra’iisal wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa shalay xilka halkiisii ka sii watay, wuxuuna xarunta wasaaradda gaashaaandhigga xilalkii ugu kala wareejiyay wasiir ku-xigeenka cusub iyo wasiiru dowlaha.

Wasiir Jaamac, oo Rooble u magacaabay wasaaradda gaashaaandhigga xilligii uu taagnaa dagaalkii siyaasadeed ee kala dhaxeeyay Farmaajo, ayuu madaxweyne Xasan Sheekh mar kale xilkaasi u magacaabay, taasoo ay ugu wacan tahay rabitaanka Madaxweynaha.

Wasiir Jaamac wuxuu khilaaf ba’an kala dhaxeeyaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana loo diiday inuu u tartamo kursiga beshiisa. 

Dhinaca kale, waxaa magacaabistiisa Golaha Wasiirada cusub si weyn u diidanaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Adan Madoobe oo watay xildhibaan iyo wasiir hore Fowsiya Maxamed Sheekh, laakiin waxaa ku adkeystay oo awoodiisa isugu geeyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Jaamac ayaa waxaa sidoo saaciday inuu xiriir wanaagsan la leeyahay dowladda Turkiga, oo muhiim u ah tababarka ciidamada Soomaaliya, maadaama uu horey u ahaa safiirka Soomaaliya ee Turkey. 

Qaabka madaxweyne Xasan Sheekh kusoo xulay inta badan Golaha Wasiirada ayaa lagu sheegay labad qodob oo kala ah: Inuu si weyn ugu kalsoon yahay shaqsi ahaan iyo Inuu Aqoon u leeyahay, waxaa kaloo muhiim ahayd inuu toos uga amar qaato Madaxweynaha.

Xigasho: Goobjooge  

Wararkii ugu dambeeyey doorashada KENYA – Yaa horreeya Ruto iyo Odinga?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa Kenya weli ka socoto tirinta codadka doorashada madaxweynaha, ku dhawaad kala bar codadkii la dhiibtay ee doorashada Madaxweynaha ayaa la tiriyay, labada musharrax ee ugu cad cad doorashada ayaa si aad isug dhaw.

Madaxweyne ku xigeenka William Ruto ayaa wax yar ka horreeyaa Ra’iisul Wasaarihii hore Raila Odinga waxay kala wataan natiijada horudhaca ah: 51% oo Ruto ah iyo 48% oo Odinga ah.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati ayaa qiray in si gaabis ah ay u socoto howlaha tirinta codadka doorashada.

Waxaa dhowr jeer la hakiyay xaqiijinta codadka doorashada kadib markii ay cabasho ka timid taageerayaasha musharraxiinta ugu tunka weyn.

Taageerayaasha Mr Odinga ayaa dhowr jeer carqaladeeyay hanaanka xaqiijinta natiijada, waxay qaar kamid ah saraakiisha guddiga doorashada ku eedeeyeen inay faragelin ku sameeyeen codbixinta.

Inkasta xaley ay jirtay xiisad markii madaxa ololaha doorashada Odinga ay u suurtogashay in uu khudbad ka jeediyo goobtii loogu talagalay inay hadal ka jeediyaan saraakiisha guddiga doorashada, wuxuu dhaleeceeyay qaabka ay u socoto hannaanka xaqiijinta codadka doorashada Madaxweynaha.

“Waxaan doonayaa in halkan aan ka shaaciyo in xarunta tirinta codadka ee Bomas ay noqotay xarun dambiyeed” ayuu yiri Saitabao Ole Kanchory, ka hor inta aan makarafoonka laga damin xilli uu hadalka sii watay.

Bomas – xarunta dhaqanka ee ku taal caasimadda Nairobi, taasoo ah xarunta ugu weyn ee lagu tiriyo codadka doorashada Kenya ayaa waxaa xalay la geeyay ciidamada ka hortagga rabshadaha.

Hoggaamiyeyaasha dalka iyo kuwa diimaha ayaa ugu baaqay shacabka inay dulqaad muujiyaan isla markaana ugu baaqay musharraxiinta ugu cad cad doorashada inay is xakameeyaan oo ay ilaaliyaan mas’uuliyadda saaran.

Waxaa haatan si rasmi ah loo xaqiijiyay 141 kamid ah codadka laga dhiibtay 292 deegaan baarlamaaneed.

Warbaahinta Kenya ayaa markii hore tirineysay codadka doorashada madaxtinimada iyadoo labada musharrax ay si aad isugu dhaw yihiin.

Ku dhawaad 14 malyan oo qof ayaa codeysay doorashada Kenya ee Talaadadii aanu soo dhaafnay ka dhacday dalkaas.

Guddiga doorashada Kenya waxay heystaan tan iyo Talaadada nagu soo aadan si ay ugu dhawaaqaan cidda ku guuleystay doorashada Madaxweynaha.

BBC

Maxaa ka jira in ciidamo laga qaaday magaalada Muqdisho la geeyey SOMALILAND?

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Somaliland ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo deegaannada maamulkaasi, kadib markii ay ka billowdeen dibad-baxyo waa weyn oo ay soo abaabuleen xisbiyada mucaaradka Somaliland.

Dibad-baxyada oo rabshada watay waxaa ka dhashay gacan ka hadal u dhexeeyey ciidamo Booliska oo rasaas adeegsaday iyo dibad-baxayaasha oo ayaguna dhagaxyo adeegsanayey.

Haddaba maxaa ka jira in ciidamo laga qaaday Muqdisho la geeyey SOMALILAND?

Aqoonyahan Maxamuud Xasan (Musharaf) oo deggan Mareykanka, isla-markaana ka falanqooda arrimaha siyaasadda Somaliland ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray xukuumadda ee ah inuu Cirro ciidamo ka keenay gudaha magaalada Muqdisho.

Musharaf oo wareysi siiyey Shabelle TV ayaa shaaca ka qaaday in hadalkaas uu yahay mid aan la qaadan karin, isla-markaana ka fog xaqiiqda, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa wax aad loogu qoslo Xamarbaa ciidamo ka yimaadeen oo ninka la yiraahdo Cabdiraxmaan Cirro ayaa Xamar ku xiran oo waxaan oo dhan Xamarbaa laga soo abaabulay waa wax ilmaha 5 jirka ah aanu qaadan karin,” ayuu yiri Maxamuud Musharaf.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in xukuumadda lagu heysto kaliya arrinta doorashada oo ay ka gaabisay, balse aysan jirin qorshe kale oo ka dambeeyey dibad-baxa socda.

“Madaxweynaha iyo xukuumadda waxaa lagu heestaa doorashada ay ka baaqsadeen inay qabtaan, arrintaana siyaabo badan ayaa loo caddeeyey,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, ayada oo weli xaaladda ay cakiran tahay waxaana xubnaha mucaaradka ay sii wadaan dibad-baxooda, halka xukuumaddana ay adeegsaneyso ciidamada Booliska, si ay uga hortegaan dibad-baxayaasha isugu soo baxay Somaliland.

Si kastaba, arrintaan ayaa dhaawac weyn u geysaneysa dimuquraadiyadda Somaliland, waxaana isa soo taraya baaqyada loo dirayo dhinacyada isku hayo maamulkaasi.

ROOBOW oo shaaciyey dad badan oo isku dayey inaan xil WASIIR loo magacaabin

Baydhaba (Caasimada Online) – Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur ayaa shaaca ka qaaday in dad badan ay kasoo horjeedeen oo ay isku dayeen inay ka hortagaan in wasiir loo magacaabo. 

Abu Mansuur ma uusan shaacin magacyada dadkaas, hase yeeshee waxaa jirta in dadka diidanaa magacaabistiisa ay u badnaayeen kooxdii Nabad iyo Nolol ee xabsiga ku haysay muddo ka badan saddex sano iyo bar.

Abu Mansuur oo ka hadlayey munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa aad ugu mahad celiyey madaxda sare ee dowladda federaalka inay kusoo dareen golaha wasiirada, wuxuuna sheegay inuu abaal uga hayo.

Wasiirka ayaa sidoo kale codsaday in la iska hilmaamo oo la iska cafiyo wixii ka dhacay magaalada Baydhaba bishii December 2018, intii lagu guda jiray xarigiisa.

Waxaa xilligaas magaalada Baydhaba lagu dilay 17 qof oo shacab ah kadib markii ay weerar ku qaadeen ciidamo uu soo amray madaxweyne Farmaajo, si ay usoo xiraan Roobow loogana hor-istaago inuu u tartamo xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, oo Farmaajo uu la rabay Laftagareen kana dhigay. 

“Wixii ka dhacay Baydhaba waa in la iska cafiyaa oo aan nabadda dib ugu laabanaa ayuu yiri Abu Mansuur.  

Dhinaka kale Roobow ayaa ugu baaqay dowladda federaalka inay daryeel wanaagsan siiso maxaabiista, isaga oo sheegay in muddadii uu xabsiga ku jiray aad loo caburiyey.

Roobow ayaa toddobaadkii tegay loo magacaabay xilka wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta, ayada oo dowladda ay rumeysan tahay inuu gacan ka gaysan karo dagaalka xagga fikirka ah eel ala galayo kooxda Al-Shabaab.

Wasiir Fardowsa oo amar culus kasoo saartay dhismaha dhulal u dhow garoonka Aadan Cadde

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warqad ka soo baxday xafiiska wasiirka cusub ee Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa lagu mamnuucay in Guri laga dhiso agagaarka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, si ku meel gaar ah.

Sida lagu cadeeyey warqadaan amarkaan wuxuu salka ku hayaa nidaaminta deegaameynta dhulka ku teedsan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

“Iyadoo laga amba qaadayo dardar gelinta howlaha baaxada leh ee hor yaalla iyo markaan aragnay dacwado badan oo dhinaca dhulka ah, waxaana lagama maarmaan noqotay in dhamaan dhulka ku yaalla gudaha iyo hareeraha garoonka dhismihiisa loo joojiyo, si ku meel gaar ah,” ayaa lagu yiri warqadda wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada XFS.

Sidoo kale waqradaan ay ku saxiixan tahay wasiir Fardowso waxaa lagu cadeeyey in garoonka Aadan Cadde uu yahay muraayadda wadanka, taas oo muhiim ka dhigeysa in nidaam loo helo dhismayaasha xiga garoonka.

“Waxaa lagama maarmaan ah in dhismayaasha u dhow Aadan Cadde la waafajiyo nimaadka u degsan garoomada caalamiga ah, si aan ula jaan qaadno shuruucda duulimaadyada caalamka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalkaan in dhismaha dhulka garoonka uu keenayo amni darro dhinaca duulimaadyada ah, isla markaana go’aankaan looga soo saaray feejignaan.

Ugu dambeyntii wasaaradu waxay cadeysay in la sameynayo qiimeyn farsamo oo dhismayaasha garoonka u dhow lagu waafajinayo shuruucda u degsan garoomada.

Wasaaradda Macdanta iyo Bartoolka oo amartay in laga guuro xarunta Seybiyaano

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Macdanta iyo Bartoolka Soomaaliya ayaa amartay in si dhaqsi ah ay uga guuraan dadka degan xaruntii wasaaradda ee ku taalla xaafadda Seybiyaano ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. 

Qoraalkan ayaa waxaa soo saaray agaasimaha wasaaradda Maxamed Xaashi Carabey oo sheegay inuu amarka bixiyey wasiirka cusub ee wasaaradda Cabdirisaaq Cumar Maxamed. 

“Anagoo ka duulayna amarka wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta kaas oo ah ilaalinta hantida qaranka, gaar ahaan hantida maguurtada ah ee Wasaarada Batroolka iyo Macdanta ee dhamaan dalka Soomaaliya, gaar ahaan Gobolka Banaadir, ayaan waxaan faraynaa dhammaan dadka degan Xaruunta Wasaaradda Macdanta ee ku taal Seybiyaano inay sida ugu dhaqsaha badan uga guuraan xaruuntaas,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda. 

Qoraalka ayaa intaas ku daray in go’aankan loo qaatay si xarunta wasaaradda loogu isticmaalo dantii guud ee markii hore loo dhisay, iyo dib loo dhaqan galiyo. 

“Haddaba, dadwaynaha degan waxaan faraynaa inay sida ugu dhaqsaha badan uga guuraan xaruunta Wasaaradda Macdanta,” ayaa lagu yiri qoraalka. 

Wasiir Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa xilka la wareegay 10-kii August, waxaana weli caddeyn haddii sida uu sheegay agaasimaha wasaaradda, uu amarkan isaga kasoo baxay. 

Si kastaba, go’aankan ayey adkaan doontaa in la dhaqan-geliyo, waxaana halkaas sanado badan degan boqolaal qoys oo ilmihii ay ku dhaleen ay ilmo sii dhaleen.

Qarax maanta ka dhacay Sh/Hoose + Khasaaraha

0

Afgooye (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay qaybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo ah miinada nooca dhulka lagu aaso, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa ka dhacay deegaanka Sabiid oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana lala eegtay mooto Fekon oo ay la socdeen askar ka tirsan ciidamada dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhintay ugu yaraan hal qof oo shacab ahaa, halka uu dhaawac soo gaaray mid ka mid ah askarta saarneyd mootada la qarxiyey.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda Soomaaliya oo sameeyey howlgallo baaritaano ah oo ku aadan qaraxaas miinada ah, balse kama aysan hadlin, haddii ay jiraan inay dad u soo qab-qabteen qaraxaas oo geystay khasaare xoogleh.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana si caadi ah ku soo laabtay dhaq-dhaqaaqa wadada uu qaraxa ka dhacay muddo kooban hakad ku yimid, sida ay innoo sheegeen ilo degaanka.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro dhabagal ku qaada ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa ATMIS, xilliyada ay isaga kala gooshayaan koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Shabeelaha Hoose ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana inta badan ka dhaca weeraro iyo sidoo kale qaraxyo khasaare geysta.

Sarkaal ka tirsan Puntland oo lagu dilay GAALKACYO

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi lagu dilay sarkaal ka tirsanaa wasaaradda maaliyadda ee dowlad goboleedka Puntland.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi, wuxuuna ka tirsanaa waaxda canshuuraha ee wasaaradda maaliyadda Puntland.

Dilka marxuumka ayaa ka dhacay xaafadda Garsoor ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan masjidka Salaaxudiin, xilli uu ka soo baxay saaladdii cishaha.

Gooobjoogayaal ayaa innoo sheegay in dilka ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas oo goobta isaga dhaq-dhaqaaqay, markii ay toogteen marxuum Cabdiraxmaan.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo sameeyey howlgallo kooban, balse ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay oo ku aadan falkaasi dilka ah.

Gaalkacyo ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro iyo dilal qorsheysan oo ay ka geystaan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo weli ku xoogan deegaannada maamulka Puntland.

Sikastaba, dilkaan ayaa ku soo aadayo, xilli Puntland ay laba jibaartay howlgallada amniga, waxayna gacanta ku soo dhigtay shabakado isku xiran oo toogasho lagu xukumay.

Daawo: Faysal oo weeraray Xasan Sheekh una mahad naqay Aadan Madoobe

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ka jawaabay baaqii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka soo saaray qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira Somaliland, kaas oo salka ku haya dib u dhac ku yimid doorashada.

Eng. Faysal ayaa sidoo kale aad ugu mahad celiyey guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe oo sida uu sheegay la soo xariiray, aadna ugu waaniyey nabadda iyo qiimaha ay leedahay.

“Waxaan ka xumahay Xasan Sheekh oo og sidii aan uga dagaalanay inuu maanta nagu sheego gobollada waqooyi, inta noo quuri waayey magaca Somaliland oo kooda ‘Soomaaliya’ ka horeeyey, magacyada Puntland iyo Jubbaland-na uu ku tasbiixsado,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Sidoo kale guddoomiye Faysal ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Soomaaliya oo la dhihi jiray ku dayo Somaliland ay hadda ugu baaqeyso nabad iyo xasilooni dadka reer Somaliland.

“Waxaan maanta mareynaa heer Soomaaliya oo la dhihi jiray ku dayda Somaliland ay ayagii naga naxeen oo nabad noogu baaqayaan,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Waxaan aad ugu mahad celinayaa siyaasiyiintii Soomaaliya ee nala soo xariiray oo guddoomiyaha baarlamaanka Aadan Madoobe uu ugu horeeyo, kuwaas oo nagu waaniyey nabad geliyo.”

Faysal ayaa aad u weeraray madaxweynaha ay xiisadu kala dhaxeyso ee Muuse Biixi, isagoo ka hadlay dhamaan qodobada ay isku hayaan iyo ajendaha Muuse ee doorasho diidka ah, sidoo kale rabshadihii dhacay iyo cida masuuliyada qaadeysa ayuu ka hadalkooda ku dheeraaday guddoomiye Faysal.

Hoos ka daawo

Sawirro: Xafiiska Xamza oo la wareegay deeq ay isku qabsadeen laba wasaarad

0

Muqdisho (Caasimada Onlie) – Xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa si rasmi ah ula wareegay deeq raashin oo ka timid dalka Imaaraadka Carabta oo muddo 7 berri ah ku xayirneyd dekadda Muqdisho kadib markii la isku qabsaday ciddii maamuli laheyd.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Xamza ayaa lagu sheegay inay deeqdaas la wareegaan wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, Wasiirka Wasaaradda Dekedaha, Gen. Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Maxamed Abuukar Zubeyr iyo masuuliyiin kale.

Deeqda oo ka kooban 40 konteenar ayaa isugu jira cuntooyin kala duwan oo loogu talagalay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska Xamza ayaa lagu yiri “Dowladda Soomaaliya waxay ka shaqeyneysaa inay u gaarsiiso dadka ugu baahida badan ee gobollada dalka sida ugu dhaqsiyaha badan.”

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa isku qasbaday la wareegista iyo maamulka gargaarka, waxayna taas ugu dambeyn keentay inuu soo farageliyo xafiiska ra’isuwasaare Xamza Cabdi Barre.

Arrintan ayaa waxaa horey ugu shaqo laheyd wasaaradda Maareykanka musiibooyinka oo hadda la baabi’iyey, waxaana caddeyn cidda la wareegtay shaqadeeda.

Wasaaradda Degaanka iyo Isbadedlka Cimilada ayaa ah Wasaarad cusub oo ka looban laamo laga soo gooyey Wasaaraddii Maareynta Musiibooyinka iyo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraaha.

Soomaaliya waxaa ka jirta abaar laba sano jirsatay oo aan horey loo arag in ka badan 40 sano. Dad gaaraya hal milyan oo qof ayaa ku barakacay, iyadoo abaaruhu ay halakeeyeen dalagyadii iyo xoolihii ay ku tiirsanaayeen xoola dhaqatada iyo beeralayda.

Guddiga doorashada dalka KENYA oo shaaciyey natiijo RASMI oo horudhac ah

Nairobi (Caasimada Online) – Raala Odinga ayaa ku horreeya tartanka doorashada madaxweynaha Kenya, sida ay muujineyso qeyb ka mid ah natiijada rasmiga ah ee ay sii daayaan guddiga doorashada.

Odinga ayaa codad ah 52.5 boqolkiiba ku hoggaaminaya madaxweyne ku-xigeenka dalkaas William Ruto oo haysta 46.7 boqolkiiba, sida ay muujineyso natiijada doorashada ee ay daayeen gudidiga, taasi ah 30 boqolkiiba goobaha codbixinta.

Doorashada ayaa si dhow loo daawanayaa, ayada oo ay tijaabo u tahay xasilloonida Kenya, oo ah mid ka mid ah dalalka ugu dimoqraadiyadda wanaagsan Afrika, balse ay horey uga dhaceen codbixino ay hareeyeen rabshado iyo eedo ku shubasho. 

Ayada oo ay aad u dheeraatay shaacinta natiijada, ayaa guddiga waxay Jimcihii qireen in hanaanka tirinta uu ku socdo si tartiib ah, waxayna shacabka ka codsaeen inay dulqaad muujiyaan.

Odinga, oo 77 jir ah ayaa markiisii shanaad raadinaya xilka ugu sarreeyaa Kenya, balse waxa uu markan haystaa taageerada madaxweynaha xilka ka degaya Uhuru Kenyatta oo mar ay xifaaltami jireen.

Ruto, oo 55 jir ah ayaa madaxweyne ku-xigeen ahaa ku dhowaad 10 sano, hase yeeshee waxaa la go’doomiyey markii ay heshiis gaareen Uhuru iyo Odinga sanadii 2018, taasi wax weyn ka beddeshay xulufeysigii siyaasadda Kenya. 

Codeynta ayaa waxaa ka qeyb-galay 65 boqolkiiba dadka is-diiwaangeliyey, taasi oo ka hooseysa codeyntii 2017 oo ay ka qeyb-galeen 78 boqolkiiba cod-bixiyayaasha.

Musharaxa ku guuleysanaya loolanka madaxweynaha ayaa waxaa qasab ah inuu helo 50 boqolkiiba oo lagu daray hal guud ahaan codadka, iyo 24 ka mid ah 47-ka degmo doorasho ee Kenya.

Haddii aysan sidaas dhicin, waxaa qasab noqon doonto in muddo 30 maalmood gudahood ah lagu qabto doorasho kale oo kala bax ah.

Labada musharaxba waxay ballan-qaadeen inay xaqiijin doonaan xasilloonida haddii natiijada lagu dhowaaqo, ayada oo shacabka Kenya weli ay xusuustaan rabshadihii ka dhashay doorashooyinkii 2017 iyo 2007.

Hase yeeshee, kormeerayaasha caalamiga ah ayaa sheegaya in maadaama aad ay isugu dhow yihiin labada musharax, ay u badan tahay in midka laga guuleysto uu u dacwoon doono maxkamadda sare, taasi oo ka dhiggan inay toddobaadyo qaadan doonto in madaxweynaha cusub oo xafiiska la wareego.

Xeeladaha muddo kororsiga ee Muuse Biixi uu kala mid yahay Maxamed Farmaajo

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu eedeeyay inuu doonayo muddo kororsi uu xafiiska kusii joogo kadib Novembar 2022 o ay ku egtahay middo xileedkiisii 5-ta sano ahaa.

Waxaa Muuse Biixi si weyn loogu amaanay Doorashadii Golayaasha Wakiilada iyo Degaanka ee Somailand oo dhacday Jun 2021, laakiin guuldarradii xisbigiisa Kulmiye kasoo gaartay ayaa u muuqata inuu qaatay dariiq la mida kii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo isku dayey inu muddo kororsi laba sano sameysto, kadibna qalalaase ka dhaliyey Muqdisho ilaa markii danbe looga adkaaday doorashadii 15 May 2022.

Waxaa marar badan natiijo la’aan ku dhammaaday wadahadallo u dhaxeeyay xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland, iyadoo khilaaf weyni ka taagan yahay Doorashada madaxtinimada iyo furista Xibsiyada ee is dhex galay.

Madaxda Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada oo arrinta dhex galay ayaa gacanta ka tahay markii Muuse Biixi uu diiday inuu qaato go’aanka ay gaaraan, waxayna arrintii isu bedeshay loolan iyo qalalaase siyaasadeed oo halis ku haya maamulka iyo nabaddii Somaliland.

Sida Farmaajo uu qabashada ‘Doorasho Qof iyo Cod’ ah ugu adeegsaday inuu xilka kusii joogo wuxuu Muuse Biixi la yimid Qorshaha ‘Furista Xisbiyadda’ taasoo uu kusoo beegay dhammaanshaha xilligsiisa.

Arrinta furista xisbiyada oo si weyn Somaliland looga raadinaye iyo xuquuq ka maqneyd siyaasiyiinta degaankaasi 10 sano, ayaa hadda noqotay mid Muuse Biixi u adeegsado inuu xilka kusii jeedo, wxaaana bilowday diiwaangein ururro cusub xilli doorashadii Madaxweynaha ay harsan tahay wax ka yar 3 bilood, tan xisbiyada sharciga ahna 4 bilood.

Muuse Biixi oo mucaaradka kasoo horjeeda ay fahamsan yihiin inuu arrinta ‘Furista Xisbiyada’ uga dan leeyahay xukun dheereysi ee aysan ka ahayn daacad ayaa ka quustay heshiis ay la galaan Muuse Biixi, waxyna bilaabeen bannaanbaxyo rabashado dhalyey oo diid ku daatay, waxana xaalada Somaliland tahay mid kacsan oo kacdoon beeleed siyaasadeysan hareeyay.

Madaxda Mucaaradka Somaliland oo ay hoggaaminayaan xisiyada Waddani iyo UCID ayaa bilaabay inay u hanjabaan Muuse Biixi, sidii Midowgii Musharixiinta ee Muqdisho, iyagoo weliba u goodinaya inay hubka qaadan doonaan.

Sida Odayaasha Beelaha Muqdisho iyo saraakiishii badbaado Qaran ayey Caaqilada Beelaha Somaliland iyo Mujaahidiintii SNM qaarkood warbaahinta hanjabaad u marinayaan Muuse Biixi, waxayna xiisada siyaasadda gaartay meel halis ah.

Siyaasiyiinta Muxaafidka ee Muuse Biixi raacsan iyo kuwa Mucaaradka ee xisbiyada ee Waddani iyo UCID ayaa xaaladda uga sii daraya iyagoo qaab beeleysan isu weerarraya, waxaana Beesha ugu weyn ee Mucaaradka u aragtaa in xilka Madaxweynaha ay markan xaq u leedahay oo wax badan samirtay.

Muuse Biixi wuxuu iminka marayaa inuu dhageysan waayo Isbaheysiga WADDANI iyo UCID, iskana diido wax tanaasul ah, sidii Farmajo yeelay 2022 iyo 2021, isagoo xoogga saaraya qorshaha furista xisbiyada cusub xilli kala guur ah.

Waxaa gebi ahaan meesha ka baxay Guddigii Doorashada oo is wada casilay, taasina waxay xaqiijisay inaysan doorasho xiligan ka dhici karin Somaliland. Muuse Biixi wuxuu qeyb weyn ku lahaa burburka Guddigii Doorashada.

Muuse Biixi wuxuu Maxamed Farmajo kala mid noqday inuusan ogoleyn isu soo bax siyaasadeed, bannanabax kastana uu keeno in dad lagu dilo, qaarna lagu dhaawacyo, arrintan waxay dadka dib u xusuusinaysaa halgankii Farmaajo iyo Midowgii Musharixiinta dhex maray markii uu gaaray heerkii ugu sareeyay, kadibna gacan-ka-hadalka isu bedlay.

Madaxweynaha Somaliland uma muuqdo xaaladda cakiran ee maamulkiisu marayo, wuxuuna jeediyay khudbad weerar ah oo uu si gaara u beegsaday Guddoomiyaha xisbiga Waddani Xeri Xaaji Cali, taasoo dad badan ka yaabisay.

Haddii aanu Muuse Biixi xaqiiqada u soo laaban, iska dhaafin hamigiisa muddo kororsiga ah ma heshiis la gaarin mucaaradka talada la leh, waxaa muuqata inuu mari doono dariiqii Farmaajo, inkastoo qalalaase iyo dagaalo ka dhaca Somaliland ay mar kasta ka hortagaan odayaasha dhaqanka degaanadaasi oo awood buuxda leh, taasoo ah rajada kaliya ee la qabo.

Xigasho: Goobjooge.net

Saddex arrin oo ku saabsan magacaabista ROOBOW – Muxuu ku kordhin karaa DF?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, nin maalmo badan magaciisa dhexyaalay miiska go’aanka kooxda Al-Shabaab, mid kamid ah kuwa lacagta la dul dhigay madaxooda, nin muddo badan u dagaalamay afkaarta dimoqraadiyad diidka ah, ayaa maanta ah magaca ugu saameynta badan 26 wasiir oo ay leedahay Soomaaliya.

Roobow wuxuu 7-dii bishaan wuxuu u dhaartay ilaalinta diinta, dalka, dadka iyo dastuurka. Maadaama uu waqti dheer diidanaa dowlad ku nool, nidaam awood qeybsi 4.5 iyo dastuur ay reer galbeedka maalgeliyaan, waxa aad loo eegayey dhaartiisa, balse dhaartii Axaddii hore kadib hadda waxaa la is waydiinayaa sida ay dowladda Soomaaliya uga faa’ideysan karto Mukhtaar Roobow iyo waxa uu ku biirin karo nidaamka cusub oo uu ku biiray.

Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur dadka yaqaana waxay sheegaan inuu waligiisba xagga nidaamka dowliga ah uga dhawaa madaxda kale ee kooxda Al-Shabaab, waana sababta ay waqti hore isku khilaafeen isaga iyo hoggaankii kooxda.

Inuu lla heshiiyey dowladda federaalka ah, inuu raadiyo xukunka madaxtinimada Koonfur Galbeed iyo inuu maanta qaatay wasiir intuba waxay fasirayaan inuu Mukhtaar Roobow heysto faham dowladeed oo ka dhow midka Al-Shabaab.

Wasaaradda diinta, awqaafta iyo Mukhtaar Roobow

Marxalad xasaasi ah ayuu kusoo aaday imaatinka Mukhtaar Roobow ee wasaaradaan.

Midda koowaad waa dhaqanka:

Dhaqanka Soomaalida, oo intooda badan waafaqsan diinta islaamka, ayaa waayihii dambe si weyn loo duray. Culumada Soomaalida waxay dhowr muxaadaro ku sheegeen inuu socdo dhaqan burbur ay sabab u yihiin baraha bulshada ee Internet-ka, daroogada sida weyn usoo gashay dalka iyo dhaqamada reer galbeedka oo si weyn loogu soo miin guuriyey Soomaaliya.

Wasaaradaan waxaa hor taala jiheynta dhaqanka suuban ee Soomaalida, iyadoo lala aqrinayo diinta Islaamka. Aqoonta diimeed ee Mukhtaar Roobow waxaa la aaminsan yahay inay halkaas wax badan ka goyn karto.

Wasiiro badan oo aan lagu tuhmeynin faham diimeed ayaa horey usoo maamulay wasaaradaan.

Midda labaad waa firqooyinka diimaha

Firqooyinka diimaha ayaa kusii xoogeysanaya Soomaaliya, qaarkood waa kuwa hubeysan. In shaqada wasaaradaan iyo jaangoynteeda ay firqooyinka wada aqbalaan ma ahan shaqo fudud.

Wasiir Mukhtaar Roobow wuxuu dhawaan sheegay inuu culumada oo dhan kala tashan doono tallaabooyinka uu qaadayo. Waxaa loo arkaa nin aad u og loolanka firqooyinka oo haleeli kara maareyn dhexe, halkaan waa looga faa’idi karaa.

Midda seddexaad waa dagaalka kooxda Al-Shabaab

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre labaduba waxay dhowr jeer sheegeen inay billaabayaan dagaal buuxa oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

In dagaalkaas lagu guuleysto kaliya kuma imaan karto awood ciidan, waxaa jira dad si xooggan u aaminsan in loo baahan yahay in kooxda lala galo dagaal caqiido.

Mukhtaar Roobow oo xog-ogaal u ah xaalka Al-Shabaab iyo sida ay u iibiyaan fikradooda waxaa la rumeysan yahay inuu keeni karo xeelad lagu fashiliyo habka ay Al-Shabaab u iibiso afkaarteeda.

Inuu dhab ka noqdo dagaal fikir ah oo Al-Shabaab lala galo wax badan ayey ka faa’idi kartaa dowladda Federaalka ah.

Marka qodobadaan la eego oo lagu kabo in si dhab ah loo wajaho waxaa dad badan u muuqata in dowladda federaalka ah ay ku faa’idi karto magacaabista Mukhtaar Roobow kaas oo aan dhinaca kale weli ka tanaasulin doonistiisa xukunka madaxtinimada Koonfur Galbeed.

DENI oo amray in la joojiyo iibinta buugaagta manhajka Dugsiyada Sare + Sababta

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa amray in la joojiyo in la iibiyo buugaagta manhajka waxbarashada dusgiyada sare ee Puntland, inta dib loo eegayo si loo saxo khaladaadka jira hadda, sida uu sheegay.

Madaxweyne Deni ayaa faray mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland in la fuliyo amarkan laga billaabo maanta 13 August 2022 illaa amar danbe.

Amarka madaxweyne Deni ayaa kusoo aaday, iyadoo aad looga cabanayay lacag $55 oo ay wasaaradda waxbarashadu kusoo rogtay qaadashada buugaagta manhajka waxbarashada.

Cabashada waalidiinta ayaa gaartay madaxweynaha Puntland, kadib markii baraha bulshada ay kasoo muuqdeen waalidiin danyar ah oo aad uga cabanayay inaysan bixin karin lacagaha buugaagta lagu iibsanayo.

Qaylo-dhaanta ayaa kusoo aadey xilli Puntland wajahayso abaaro ba’an taas oo sababtey in ardey gaareysa 6000 wadi waayaan ama ay ka haraan waxbarashada.

Wasiirka waxbarashada, Cabdullaahi Axmed Xasan ayaa dhowaan sheegay inay waalidiinta ka qafiifiyeen lacagta buugaagta, isagoo sheegay in si tartiib ah uu isaga bixin karo waalidkii aan awoodin inuu buugaagta halmar iibsado.

WAREEGTADDA MADAXTOOYADDA

MADAXWEYNAHA OO AMRAY IN LA JOOJIYO IIBINTA BUUGAAGTA MANHAJKA WAXBARASHADA DUGSIYADA SARE EE PUNTLAND, INTA DIB LOO EEGAYO SI LOO SAXO KHALADAADKA JIRA HADDA.

Garoowe: 13 August 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Amar Madaxweyne ku joojiyay in la iibiyo buugaagta Manhajka Waxbarashada dusgiyada sare ee Puntland, inta dib loo eegayo si loo saxo khaladaadka jira hadda.

Madaxweynaha ayaa faray Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland, in la fuliyo amarkan laga billaabo maanta 13 August 2022 illaa amar danbe.

Xog: Khilaaf ka taagan cidda maamuleysa markab sida mucaawino oo Imaaraadka ka soo dejiyey dekada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Markab gargaar oo laga keenay dalka Imaaraadka Carabta ayaa kusoo xirtay dekedda magaalada Muqdisho, si uu u gaarsiiyo 1,000 tan oo sahay cunto ah oo loogu talagalay ku dhawaad 2.5 milyan oo qof oo ay saameeyeen abaaraha ka jira dalka.

Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Mohamed bin Zayed Al-Nahyan ayaa horay u amray bixinta 35 milyan oo dirham oo gargaar bini’aadanimo oo degdeg ah in loo diro qoysaska ku barakacay abaaraha ka jira Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa sheegay inay ka go’an tahay in ay caawiyaan dalalka saaxiibka ah iyo dadaallada ay ku horumarinayaan xiriirka laba geesoodka ah ee ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, sida ay horay u sheegtay wakaaladda wararka ee dalkaas.

Khilaaf ka taagan cidda maamuleysa

Waxaa khilaaf uu ka taagan yahay cidda maamuleysa gargaarkan bani’aadminimo ee Imaaraadka kasoo dajisay dekadda Muqdisho, wuxuuna una dhexeeya Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddeljka Cimilada.

Arrintan ayaa waxaa horey ugu shaqo laheyd wasaaradda Maareykanka musiibooyinka oo hadda la baabi’iyey, waxaana caddeyn cidda la wareegtay shaqadeeda.

Khilaafkan ayaa sababay in dekedda Muqdisho laga saari waayo Kunteenarro gargaar ah oo loogu talagalay dadka abaarta ka taagan dalku saameysay.

Soo saaridda iyo la wareegidda gargaarka oo ahayd in ay dhacdo Todobaadkii hore ayaa suurageli weyday kaddib muranka uu soo shaac baxay.

Ra’iisal Wasaare Xamza Cadbi Barre oo uu gaaray muranka ku saabsan maamulka gargaarka ee u dhexeeye labada Wasaaradood ayaa kuwargeliyey Wasaaradaha in midkoodna uusan tegein dekedda islamarkaana inta xal laga gaarayo gargaarku ku sii jiro Dekedda.

Wasaaradda Degaanka iyo Isbadedlka Cimilada ayaa ah Wasaarad cusub oo ka looban laamo laga soo gooyey Wasaaraddii Maareynta Musiibooyinka iyo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraaha.

Soomaaliya waxaa ka jirta abaar laba sano jirsatay oo aan horey loo arag in ka badan 40 sano. Dad gaaraya hal milyan oo qof ayaa ku barakacay, iyadoo abaaruhu ay halakeeyeen dalagyadii iyo xoolihii ay ku tiirsanaayeen xoola dhaqatada iyo beeralayda.

Doorashada madaxweynaha Kenya oo ay hareeyeen eedo ku saabsan in lagu shubtay

Nairobi (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee xisbiga talada haya ee Kenya ayaa saga oo aan bixin wax caddayn ah wuxuu sheegay in doorashada lagu shubtay, taasoo sii kicisay walaaca shacabka Kenya Jimcihii, iyadoo warbaahintu ay si weyn u soo taboneyso tirada kala horreynta codbixinta aan rasmi ahayn,

Kaliya guddiga doorashada ayaa awood u leh in ay ku dhawaaqaan cidda ku guuleysatay, balse tirada ay warbaahintu sameysay ayaa loo arkayay in ay gaashaanka u daruurtay eedeymaha musuq-maasuqa ah ee horay u dhaliyay rabshado.

Kenya oo ah dalka ugu qanisan, uguna xasiloonida badan Bariga Afrika, ayaa sidoo kale leh taariikh muranno gacan ka hadal ah oo la xiriira doorashada. In ka badan 1,200 oo qof ayaa la dilay kadib doorashadii 2007 iyo in ka badan 100 kadib doorashadii 2017.

Loolanka ku saabsan cidda xilka kala wareegeysa madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa wax uu u dhexeeya madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto iyo siyaasiga ruug caddaaga ah ee mucaaradka ugu weyn Raila Odinga oo taageero weyn ka heysta madaxweyne Kenyatta.

Tirada aan rasmiga aheyn ee saxaafadda ayaa tilmaameysa inay labadan musharrax aad iskugu dhow yihiin, inkasta oo labaduba wax yar ka hooseeyaan 50%, iyada oo in kayar boqolkiiba hal ay ku kala horreeyaan.

Hadii aanu jirin musharax ku guulaysta in ka badan 50% oo lagu daray hal cod, labada musharax ee ugu cad cad ayaa gali doona wareeg labaad oo doorasho cusub ah.

Madaxa guddiga doorashada Wafula Chebukatti ayaa jimcihii ku eedeeyay wakiillada xisbiyada inay sabab u yihiin gaabiska tirada rasmiga ah ee tirinta codadka, taasoo aan wali kor u dhaafin 1.5%.

“Wakiilladu lama socon karaan habka aan howsha u wadno” ayuu yiri Chebukatti.

Waxa uu sidoo kale Chebukati gelinkii dambe ee Jimciihii u sheegay warfidiyeenka in sarkaalka ka tirsanaa saraakiisha doorashada ee ka shaqeynayay deegaanka Embakasi ee Bariga Embakasi la waayay subaxnimadii Khamiista kadib markii uu dibadda u soo baxay si uu taleefoon ugu hadlo.

“Maqnaasha sarkaalkan ayaa lagu wargeliyay booliiska” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya.

Gelinkii dambe ee Khamiistii, ayaa guddoomiyaha xisbiga Jubilee ee Kenyatta, oo taageersan Odinga, waxa uu soo saaray bayaan ay ku eedeynayaan “khiyaano qarsoon oo baaxad leh” oo ay ku andacoonayaan in “hannaanka doorashada la geliyey khatar weyn” kadib markii xisbiga cusub ee Ruto uu soo bandhigay guulo waaweyn oo uu ka gaaray deegaannada uu Kenyatta ka heli jiray codadka ugu badan.

VOA + Reuters

Nin hubeysan oo toogasho ka geystay HARGEYSA

Hargeysa (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa toogasho maanta ka dhacday bartamaha magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, taas oo uu geystay nin hubeysan oo aan illaa iyo hadda heybtiisa la garanin.

Ninka weerarka fuliyey ayaa la sheegay inuu soo duubtay afka, kadibna uu laba qof ku dhaawacay xaafadda Maxamuud Haybe oo ka tirsan magaalada Hargeysa.

Wararka ayaa sheegaya in markii hore uu rasaas ku furay wiil yar oo 15 jir ah, sidoo kalena inyar kadib uu nin oday ah oo ilaalo ka ah guri goobta ku yiilay uu sii xabadeeyey.

Labada qof ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo, waxaana la soo wariyey inuu aad u daran yahay ninka odeyga ah oo la dhigay isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadashay warbaahinta Galaydh Media ayaa ka warbixisay dhacdadaasi oo ay sheegtay inay ku beertay wal-wal xoogan.

“Anfariir ayay nagu noqotay xabadii way dhacday inankii yaraa ee jaarkiina ee Sakariye ayay ku dhacday ayaa nalagu yidhi, wuxuban anuu la kulmay ilmihii oo xabadii ku taalo oo meeshii yaraydna dhiigii leedahay” ayey tiri gabar goobjooge aheyd.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in ninka falka geystay uu goobta ka baxsaday, markii uu fuliyey weerarka, mana cadda sababta uu u beegsaday labadaasi qof.

“Waxa la yidhi nin afka duuban oo cararaya ayuu ahaa, inamaduna waxay yidhaahdeen waanu soconaynay, anaga oo soconayna, ninku wuu naga danbeeyay xabadana wuu igu dhuftay” ayay hadalkeeda sii raacisay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ayaa mar dambe gaaray goobtay, waxayna illaa iyo hadda wadaan howlgallo lagu baadi goobayo ninka ka dambeeyey weerarkaasi.

Dhacdadaan ayaa ku soo aadeyso, xilli haatan Somaliland ay ka taagan tahay xaalad kacsanaan ah oo ka dhalatay muranka siyaasadeed ee hareeyey doorashada maamulkaasi.

Yaa fuliyey weerarkii Salman Rushdie – Qoraaga buugga “Aayadaha Shaydaanka”?

New York (Caasimada Online) – Qoraaga British-ka ah ee Salman Rushdie ayaa Jimcihii lagu mindiyeeyey isaga oo ka hadlaya masraxa machadka Chautauqua Institution ee galbeedka gobolka New York ee dalka Mareykanka.

Salman Rushdie oo 75 jir ah ayaa 1988-kii qoray buug uu ugu magac daray “Aayadaha Shaydaanka” oo uu ugu gefay qur’aanka kariimka iyo Nebi Muhameed NNKH.

Booliska New York ayaa hadda shaaca ka qaaday in ninka weerarka fuliyey uu yahay Hadi Matar oo ah 24 jir degan magaalada Fairview ee gobolka New Jersey ee ku dheggan gobolka New York.

Booliska waxay kale oo ay sheegeen in weli aysan garaneyn sababta uu Hadi u weeraray Salman Rushdie, islamarkaana ay FBI-da kala shaqeynayaan inay go’aan ka gaaraan arrintaas. 

Waxay xaqiijiyeen in Hadi Matar uu haystay ticket u ogolaanaya inuu ka qeybgalo munaasabadda uu hadalka ka jeedinayey Salman Rushdie, islamarkaana uu ahaa kaligiis oo aanu qof kale ku wehlin weerarka.

Magaca Hadi ayaa u muuqda mid Muslim, waxaana suurta-gal ah inuu weerarka u fuliyey sababo la xiriira gefkii uu Salman Rushdie u gaystay kitaabka, balse booliska weli ma go’aamin arrintaas.

Hadi ayaa kusoo booday masraxa uu taagnaa Salman Rushdie, wuxuu mindida ugu dhuftay qoorta ugu yaraan hal mar, iyo sidoo kale caloosha mar kale.

Waxaa lagu xiray isla goobta, waxayna booliska go’aaminayaan dacwadihii ay kusoo oogi lahaayeen. 

Salman Rushdie ayaa weli maraya qaliino lagu sameynayo si loo badbaadiyo noloshiisa.

Andrew Wylie, oo ah wakiilka Salman Rushdie, ayaa sheegay inay waxyeello xoogan ka gaareen neerfayaasha, beerka, gacan, islamarkaana uu lumiyey hal il.

Buug uu Salman Rushdie qoray 1988-kii oo uu ugu magac daray “Aayadaha Shaydaanka” ayaa horseeday fatwo dil ah oo uu soo saaray hoggaamiyihii hore ee kacaanka Iran Ayatollah Ruhollah Khomeini.

Rushdie oo ku dhashay India, waalidkiisna ay ahaayeen Muslimiin aan diinta ku dhaqmin, islamarkaana isaga sheegay inuusan diin laheyn, ayaa dhuumasho ku noolaa kadib markii buugga uu soo baxay 1988-kii. 

Xog cusub oo ku saabsan weerarkii Toronto ee lagu qaaday qabuuro ay dad Soomaali ah ku sugnaayeen

Toronto (Caasimada Online) – Booliska magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa shaaca ka qaaday in qofka Soomaaliga ah ee lagu dilay weerar lagu qaaday qabuuro lagu aasayey Soomaali kale, uu yahay Ayuub Xirsi Cali oo deganaa magaalada Barnie ee gobolka Ontario. 

Booliska ayaa sheegay in toogashada ay ka dhacday qabuuraha Richmond Hill, abaare 3:15pm ee Khamiistii kadib markii aaska qof Soomaali ah halkaas lagu soo geba-gebeeyey.

Ayuub ayaa ka qeyb galayey aaska Gidid Mohamed oo lagu toogtay laguna dilay banaanka goob lagu caweeyo Talaadadii, sida ay xaqiijiyeen booliska CBC Toronto. Booliska ayaa raadinaya saddex qof oo lagu tuhmayo dilka Gidid.

Dhinaca kale, dambi baarayaasha ayaa rumeysan in weerarka lagu qaaday Soomaalidii ku sugneyd qabuuraha uu ahaa mid si gaar ah loogu beegsanayey Ayuub. 

Ayuub ayaa isbitaalka loo qaaday isaga oo xaaladdiisa ay aad u liidato, wuxuuna geeriyodoay waxyar kadib markii la geeyey. Nin kale oo ah Soomaali 27 jir ah ayaa isna isbitalka weli ku jira isaga oo qaba dhaawacyo halis ah.

Booliska ayaa sheegay in dambi baarayaasha ay ogaadeen in saddex tuhunsane oo dhammaantood rag ah ay ku carareen baabuur SUV ah, ayaga oo ku safray dhanka waddada Leslie Street. colombia.co Waxay xirnaayeen funaanada madax koofi ku leg iyo maaskaro. 

Waxaa jirta suurta-galnimo ah inay xiriiraan labada di lee Gidid Mohamed iyo Ayuub Xirsi Cali, islamarkaana kooxda beegsatay ay isku mid yihiin. Balse weli booliska ma gaarin go’aankaas. 

Waxaa jira dad badan oo ku sugnaa qubuuraha oo arkay kuwa la tuhunsan yahay ee fuliyey toogashada Ayuub, waxayna booliska codsadeen inay lasoo hadlaan.

Booliska Toronto ayaa sheegay in Ayuub mar loo jaray waaran lagu soo xirayo ayada oo lala xiriirinayo dil 2015 ka dhacay bannaanka hotel ku yaalla duleedka magaalada Toronto.

Ayuub ayaa lagu soo oogay dacwad ah dil darajada heerka koowaad ah, ayada oo loo haysto dilka 27 jir lagu toogtay banaanka hotelka Marriott Hotel ee u dhow Eaton Centre.

Agaasimaha qabuuraha Sabi Ahsan ayaa booliska u sheegay in tacsida lasoo weeraray ee aaska Gidid Mohamed ay joogeen qiyaastiii 60 qof