30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Madaxweynaha cusub ee KENYA oo lagu dhowaaqay

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa ku guuleystay doorashadii madaxweyne ee dalkaas ka dhacday 9-kii August 2022, waxaa sidaas ku dhowaaqay Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashada iyo Xuduudaha (IEBC)

Ruto ayaa si dirqi ah kaga adkaaday ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Raila Odinga, oo markii shanaad ku guuldarreystay doorasho madaxweyne oo uu u tartamay.

Natiijada rasmiga ah ee guddiga doorashada ayaa muujisay in Ruto uu helay 50.49 boqolkiiba codadkii la tiray oo ah 7,176 141 cod, halka Odinga uu ka helay 48.85 boqolkiiba oo ah 6,942, 930 cod.

Odinga ayaa sanadkan haystay taageerada madaxweynaha xilka ka degaya Uhuru Kenyatta, oo sanado badan uu xifaaltan siyaasadeed kala dhaxeeyey, balse sida muuqata taasi waxba uma terin. 

Madaxweyne Kenyatta, oo qaatay labadiisii muddo xileed ee dastuurku ku xaddiday, ayey isku dhaceen Ruto kadib doorashadii 2017, wuxuuna markaas kadib isbaheysi la sameystay Odinga.

Ruto ayaa hoggaamiya isbaheysiga Kwanza, halka Odinga uu hoggaamiyo isbaheysiga Azimio La Umoja, oo uu ku jiro xisbiga Kenyatta ee Jubilee. 

Guddiga doorashada ee KENYA oo laba u kala jabay

0

Nairobi (Caasimada Online) – Afar xubnood oo ka tirsan guddiga doorashada dalka Kenya oo shir jaraa’id oo lama filaan ku qabtay hotelka Serena ee magaalada Nairobi ayaa sheegay inaysan qaadan doonin lahaanshaha natiijada uu ku dhawaaqi doono guddoomiye Wafula Chebukati.

Xubnaha guddiga oo ay ka mid yihiin guddoomiye ku xigeenka Juliana Cherera, komishanka Francis  Wanderi, Irene Masit iyo Justus Nyang’aya ayaa si cad u sheegay in natiijada dooraahada ay ku timid qaab mugdi ah.

Xubnaha guddiga ayaa diiday inay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan sababta ay u diidan yihiin natiijada doorashada ee la filayo in saacadaha soo socdo lagu dhawaaqo.

“Ma joogno Bomas sababtoo ah ma qaadan karno lahaanshaha natiijooyinka lagu dhawaaqi doono,” ayey tiri  Ms Cherera.

Go’aanka kasoo baxay qaar kamid ah guddiga doorashada dalka Kenya ayaa kusoo aadeyso iyadoo uu Raila Odinga diiday inay kasoo qeybgalo xafladda looga dhawaaqayo natiijada doorashada.

Madaxweyne ku-xigeenka dalka William Ruto, oo natiijooyin aan rasmi aheyn ay muujinayaan inuu ku horreeyo loolanka, ayaa goor hore tegay xarunta.

Madaxa ololaha Raila Odinga, Saitabao Kanchory ayaa sheegay in kooxdiisa ay awoodi waayeen inay xaqiijiyaan qaar ka mid ah natiijada, sidaas darteedna aysan weydiisan doonin musharaxooda inuu yimaado xarunta. 

Musharax dood ka keenay natiijadii lagu dhowaaqi lahaa ee doorashada Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa dib u dhac ku yimid ku dhowaaqista natiijada doorashada madaxweynaha dalka Kenya, kadib markii muran cusub ay ka keeneen kooxda musharax Raila Odinga. 

Guddiga doorashada ayaa lagu waday inay natiijada ku dhowaaqaan 3:00 PM ee xilliga Bariga Afrika, hase yeeshee kooxda Odinga ayaa diidan inay yimaadaan xarunta natiijada looga dhowaaqayo ee Kenyatta International Convention Centre ee magaalada Nairobi. 

Madaxa ololaha Raila Odinga, Saitabao Kanchory ayaa sheegay in kooxdiisa ay awoodi waayeen inay xaqiijiyaan qaar ka mid ah natiijada, sidaas darteedna aysan weydiisan doonin musharaxooda inuu yimaado xarunta. 

Madaxweyne ku-xigeenka dalka William Ruto, oo natiijooyin aan rasmi aheyn ay muujinayaan inuu ku horreeyo loolanka, ayaa goor hore tegay xarunta.

Saitabao Kanchory oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inay jiraan khiyaanooyin ka dhacay doorashada, balse ma uusan faah-faahin.

Niyadjab weyn ayaa laga dareemay xarunta Kenyatta International Convention Centre kadib warkii kasoo baxay kooxda Odinga, waxaana hadda jirta cabsi ah in natiijada lagu dhowaaqi waayo isla maanta, ama ay saacado kale dib usii dhacdo.

Dadka qaar ayaa dulqaadka ka dhammaaday, waxaana kuwa ay ku jiraan xildhibaano ay billaabeen inay xarunta isaga tagaan.

Qasab ma ahan in musharaxiinta ay joogaan xarunta looga dhowaaqayo natiijada, hase yeeshee marka la eego rabshadihii horey uga dhacay doorashooyinka, way adag tahay in guddiga ay ku dhowaaqaan natiijada ayada oo musharaxiinta aysan raali ku wada ahyn.

Haddii Raila Odinga looga guuleysto doorashadan, waxay noqon doontaa markii shanaad ee laga adkaado, waxayna u badan tahay inuusan mar kale is-sharxi doonin maadaama uu yahay 77 jir.

Puntland oo ka laabatay go’aankii ay ku mamnuucday iibinta manhajka + Sababta

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Shirkada qaabilsan daabacaada manhajka Waxbarashada Dugsiyada Puntland.

Madaxweynaha ayaa kulankaan warbixin ku saabsan Manhajka Puntland kaga dhageystay wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare, ayada oo fallanqeyn dheer kadib dib u eegis lagu sameeyay qiimaha buugaagta iyo sidii culeyska looga yareyn lahaa waalidka.

Waxaa la isla qaatay in dib loo fasaxo iibinta buugaagta manhajka waxbarashada dugsiyada sare ee Puntland, islamarkaana in qiimaha buugta dugsiga sare laga dhigo saddex dollar.

Hoos ka aqriso go’aamada kasoo baxay kulanka oo dhameystiran;

1. In qiimihii ahaa $5 Dollar oo Madbacadaha midoobey ee Puntland ay ku qoreen Buuggaagta Manhajka Puntland, uu ahaa mid macquul ah markii la eegay Kharashkii ku baxay qorista, daabacaada iyo ka shaqeynta. Maadaama Dowladdu aysan haysan cid ka caawisa shaqadaa.

2. Waxaa la go’aamiyey iyada oo la eegayo duruufaha lagu jiro awgood in qiimaha buugta Dugsiyada sare laga dhigo $3 Dollar.

3. Dowladda Puntland waxa ay qaaday inay bixiso $2 Dollar oo u dhiganta $1,000,000 hal Milyan oo Dollar, iyada oo waalidiinta Puntland laga dulqaadaayo culayska saarnaa ee ku aadana qiimaha buuggaagta.

4. Waxaa maanta dib loo fasaxay iibinta Buuggaagta manhajka Waxbarashada Dugsiyada sare ee Puntland.

“Sidaa darteed kharashka $5 doollar ee daabacada Buugta waxaa loo qeybiyay labo meelood, $2 oo u dhiganta $1Million Dowladda ayaa bixinaysa, $3 waxaa lagu iibinaya buugaagta manhajka,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri.

Si kastaba, kulankaan ayaa imanaya labo maalin kadib markii uu madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni joojiyay iibinta Manhajka dugsiyada dowlad goboleedkaas, kaasi oo cabasho xoogan ka keeneen waalidiinta dhalay Ardeyda.

Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyeysay dhimasho ka dhacday kaniisad ku taalla…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliyda, ayaa soo saartay qoraal, ay uga tacsiyeynayso dowladda Masar, dhimasho ka dhacday kaniisad ku taalla Masar, oo uu dab qabsadey shalay.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay dowladda Soomaaliya ay murugadad la qeybsaneyso dowadda Masar iyo shacabkeeda.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa caafimaad deg deg ah u rajeysay dadkii ku dhaawacmay kaniisada. Ugu yaraan 41 qof, ayaa ku dhintay dabka ka kacay kaniisad ku taalla magaalada Giza ee dalka Masar.

Dabkan ayaa xiray halka laga soo galo kaniisadda, isagoo sababay is buurasho, sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah.

Waxay wararku intaa ku darayaan in inta badan dadka ku dhintay ay carruur ahaayeen. Dhowr qof oo kale, ayaa ku dhintay dabkaas.

Waaxaha dab damiska, ayaa sheegay in dabka haatan la damiyay. Lama oga weli waxa dhabta ah ee sababay dabkaas.

Halkaan hoose ka akhriso warqadda wasaaradda kasoo baxday oo ku qoran luuqadda Carabiga

 

HirShabeelle oo rikoor u dhigtay maamullada kadib tallaabo uu qaaday Guudlaawe

0

Jowhar (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka HirShabelle ayaa noqday maamul goboleedkii ugu wasiirada badan, kadib markii uu madaxweynaha maamulka, Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) uu Golahiisa wasiirada ku daray wasiir iyo wasiir ku-xigeen cusub.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyaha HirShabelle ayaa Axmed Sheekh Nuur Cabdi (Cirro) loogu magacaabay Wasiirka Wasaaradda Reer Miyiga, sidoo kale waxa Xuseen Maxamed Tuuryare u magacaabay Wasiir ku-xigeenka wasaaradda.

Wasaaradaha qaar ee lagu soo kordhiyay HirShabelle ayaa waxa jirin Wasaarado dhigooda ah oo ka tirsan kuwa Federaalka iyo dowlad goboleedyada, taasi oo ka dhigan in tirada wasiirrada ay gaarayaan in ka badan 80 Wasiir.

Sidoo kale waa maamulkii ugu horeeyay ee wasaarad kasta u sameeya wasiiru-dowle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa 2-dii bishaan magacaabay Golahiisa wasiirada cusub, ayada oo isla maalin kadib ay codka kalsoonida siiyeen Golaha Wakiilada maamulka HirShabelle.

Cali Guudlaawe ayaa laga sugayey golaha wasiirada muddo laba sano ku dhow oo uu xilka hayo, ayada oo maamulkiisa inta badan uu muddadaas dhexda uga jiray xiisad siyaasadeed.

Halkaan hoose ka akhriso wareegtada u dambeysay ee kasoo baxday Guudlaawe

Qabiilka Uhuru ee Kikuyu oo ka shalaynaya go’aankoodii doorashada madaxweyne

Nairobi (Caasimada Online) – Golaha Odayaasha Kikuyu, oo ah qabiilka uu ka dhashay madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa qirtay inay kuu guuldarreysteen inay akhriyaan xaaladda siyaasadda gobolka Mount Kenya kahor inta aysan go’aansan inay taageeraan isbaheysiga Azimio la Umoja iyo musharaxooda madaxweyne ee Raila Odinga. 

Guddoomiyaha golaha Wachira Kiago ayaa sheegay in natiijada doorashada ee muujineysa in isbaheysiga United Democratic Alliance ee madaxweyne ku-xigeenka William Ruto uu si xooggan ugu guuleystay gobolka ay ku qasbeyso inay dib u fakaraan. 

“Waxaan qiraneynaa guuldarro balse ma dhaheyno waan khaldaneyn, sababtoo ah aqlabiyadda macnaheedu ma ahan in mar walba ay saxan yihiin,” ayuu yiri. 

Mr Kiago ayaa sheegay in odayaasha aysan hagin dareen iyo go’aanada halka loo badan yahay, balse ay qiimeeyaan xaaladda ayna go’aannadooda ku salleeyaan xikmad.

Waxa uu sheegay inay jiraan kuwo ku jeesjeesaya odayaasha sababo la xiriira inay qaateen mowqif siyaasadeed oo si xooggan ay u diideen una bahdileen cod-bixiyayaasha. 

“Waxaan dhahnay waxaan taageernay madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu noqdo boqorkeena xitaa marka uu xukunka ka dego, waxaana isku waafaqnay taageeridda Raila Odinga ee ah inuu noqdo musharaxa ku habboon inuu beddelo Kenyatta. Go’aankaas ayaa weli ah kii ugu xikmadda badnaa bulshadeena ayada oo aan la eegeyn natiijada doorashada,” ayuu yiri.

Sida haddu tahay xaaladda Mt Kenya, Dr Ruto iyo ku-xigeenkiisa Rigathi Gachagua ayaa ku gacan sarreeya doorashadii 9-kii August ayaga oo kaga adkaaday Odinga iyo ku-xigeenkiisa Martha Karua.  

Natiijada ayaa bahdil ku noqotay Uhuru Kenyatta oo taageeraya Odinga, maadaama xitaa uu ka iibin waayey qabiilkiisa inay taageeraan, taasi oo wiiqday rajadii Odinga.

Mr Kiago ayaa sheegay in xaaladdan ay dimoqraadiyad ahaan tahay mid caadi ah “balse aysan macnaheedu aheyn mid xikmadeysan.” 

“Bulshadeena waxay qaateen go’aan dareen ku dhisan, mana noqon doonto waqti fog inta ay ka garwaaqsadaan oo ay arkaan qodobkeena,” ayuu yiri.

“Dadkeena waa ay arki doonaan dhowaan inay sameeyeen khalad weyn oo ay ruuxdooda ka iibiyeen Ruto ayna aayahooda ku aamineyn ayaga oo aan laheyn xisbi u gaar ah,” ayuu yiri.

Hadalladiisa ayaa waxaa ku waafaqay xoghayaha guud ee xisbiga Jubilee, Jeremiah Kioni.

“Waxaan yareysanay saameynta Ruto ee gobolka Mt Kenya, halka codka u socdana wuxuu noqday lama filaan. Runtii, cadaaladdii iyo dhex-dhexaadnimadii bulshadeena waxaa qashinka ku daray been, khiyaano iyo laaluush ay faafiyeen kooxda Ruto,” ayuu yiri Mr. Kioni. 

Odinga ayaa kasoo jeeda qabiilka Luo, halka Ruto uu kasoo jeedo qabiilka Kalenjin ee madaxweynihii hore ee Kenya Danile Arap Moi. 

Qabiilada Kikuya iyo Luo ayaa weligood xifaaltami jiray, hase yeeshee Odinga iyo Kenyatta ayaa heshiiyey 2018 oo sameystay isbaheysi cusub, balse sida muuqata qabiilka Uhuru ee Kikuyu weli ma aysan ka tagin xifaaltankii.

R/W XAMZA oo shaaciyey halis soo wajahday dhismaha laamiga Xamar iyo Jowhar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa bixiyey xog cusub oo ku aadan dhismaha waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, kaas oo uu hadda ku yimid hakad ballaaran.

Xamza Cabdi Barre ayaa marka hore nasiib darro ku tilmaamay in dhismaha jidka dheer ee isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar uu ku istaagay magaalada Balcad.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sababta wuxuu ku sheegay inay la xiriirto amniga waddadaasi, wuxuuna xaqiijiyey in la dhaqaajin waayey dhismaha laamigaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in halis uu ku jiro inuu gebi ahaan istaago mashruuca dhismaha waddadaas oo uu tilmaamay in laba jeer la soo cusbooneysiiyey, wuxuuna intaasi ku daray in dowladda maalgelineyso ay dalbaday in laamiga inta harsan lagu dhiso Muqdisho.

“Balcad meeqay jirtaa? 28 KM meelahaas, Jidkaas hadda meeshaas ayuu ku istaagan yahay, Waana la dhaafin la’ yahay amni darrtiis,” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray in aysan suuragal aheyn in amni darro darteed loo hakiyo isku socodka Muqdisho iyo Jowhar, loona qaato diyaarad.

“Suurtagalna ma ahan inaan Jowhar diyaarad u raacno, oo aynaan baabuurna raaci karin,’ ayuu sii raacuyey Xamza Cabdi Barre.

Hadalkaan ayaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu ka sheegay munaasabad lagu taageerayey oo ay Beesha Mudulood shalay ku qabatay magaalada Muqdisho.

Sawirro: Gudaha suuqa ay GABDHUHU ku iibsadaan ragga ay guursanayaan

0

Mumbai (Caasimada Online) – Muddo 700 oo sannadood, gobalka Bihar ee dalka Hindiya waxaa ka jira Suuq haweenku kasoo iibsadaan Ragga ay doonayaan inay guursadaan. Waa sida adiga oo dukaan aaday kadibna kasoo iibsaday wixii aad u baahneyd.

Gabdhaha guurdoonka ah waxaa socdaalka dukaameysiga ah ku wehliya qoysaskooda. Sidaas darteed, sannad kasta kumaankun ina rageed ah ayaa ku kulma geedaha Pipal hoostooda ee suuqa degmada Madhubani – iyaga oo sugaya in la iibsado ama gabar ay qaadato.

Waxaa la yiraahdaa Saurath Mela ama Sabhagachhi waxaana suuqeysiga ama dukaamaysiga loogu jiro iibsiga ragga uu socdaa 9 maalmood waana dhaqan iyo caado uu bilaabay suldaan Raja Hari Singh oo hoggaaminayay boqortooyadii Karnat muddo hadda laga joogo 7 qarni kahor.

Ujeeddada uu u bilaabay suuqa ayaa lagu sheegay si gabdhaha loogu fududeeyo inay kala doortaan kadibna xushaan qofka ku habboon ragga tuban suuqa si ay xaaskiisa u noqoto. Ragguna waa kuwa ka kala yimaada meelo kala fogfog. Nin wax walba qiimihiisu waa inta uu aqoon leeyahay heer jaamaceed ahaan iyo inta xooggiisa jireed iyo dadnimadiisu dhan tahay. Waxaa kale oo xusid mudan inay tixgeliyaan gabdhuhu in ninkaasu kasoo jeedo qoys sumcad leh.

Raggu waxay horay usoo qaataan dhammaan aqoonsiyadooda wax-barashada sida shahaadooyinka, dhalashada iyo marqaatiyada kale ee muujinaya wanaagooda. Kadibna marka gabadhu ku qanacdo, waxaa loo gudbaa qiimaha iyo gorgortanka. Markaas kaddib haddii la isku fahmo iibka, ninka ayaa si kastaba dabagala afadiisa si uu seygeeda u noqdo.

Laakiin aalaaba go’aanka kama dambeysta ah waxaa gabadha u gaar qoyskeeda – iyaga oo isku barbardhigaya tayadiisa aqooneed iyo dabeecadiisa.

Waxaana sannad kasta fogaan dheer uga yimaada rag iskaabulo ama doobab aan weli guursan ah kuwaas oo quudareynaya inay kusoo baxaan xulashada koowaad ee gabdhaha ragga iibsanaya.

Hindiya waxay sidoo kale leedahay suuq gabdhaha guurdoonka ah laga iibsado kaas oo gashaantida lagu xusho quruxdeeda, nadaafadeeda iyo dabeecadeeda waxaana la yiraahdaa Haudati.
W/Q: Zakariye Hiraale

HirShabeelle oo jawaab ka bixisay guryo iyo ceelal ay qarxiyeen AL-SHABAAB

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda amniga dowlad goboleedka HirShabelle, Maxamed Cabdiraxmaan Khayre oo u warramay Telefishinka Universal ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallada ay haatan ciidanka huwanta ka wadaan gobolka Hiiraan.

Wasiir Khayre ayaa isaga oo ku sugan jiida hore ee dagaalka wuxuu shaaca ka qaaday in howlgallada  ay qaadeen ay jawaab u yihiin tallaabooyinkii u dambeeyey ee kooxda Al-Shabaab oo qarxisay ceelal, sidoo kalena dab qabadsiisay guryo ay daganaayaan shacab.

Howlgallada ayuu tilmaamay inay xoogooda ka socdaan inta u dhexeysa degmooyinka Matabaan iyo Maxaas, ayna kula wareegeen deegaanno horleh.

“Sidaad la socotid maalmihii ugu dambeeyey deegaannadaan gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaannada hoos yimaada Matabaan iyo Maxaas waxaa ka socday howlgallo oo nimankan cadowga ah looga sifeynaayo, kadib markii dadka deegaanka ay culeesaad dhib badan saareen oo ay ka mid tahay inay xoolihii ka dhacaan, ceelashiina ay ka qarxiyaan ama ka duugaan, guryihiina ay ka gubaan,” ayuu yiri wasiir Maxamed Cabdiraxmaan Khayre.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, ayna gaari doono deegaannada kale ee ka maqan gacanta dowladda.

“Marka annnaga oo dadka u gurmaneyno ayey howlgalladaan billowdeen, Insha Allah meelaha aan hadda joogno inaan xakameyno meelihii kalena ee cadowga dhibaateynaayo inaan uga daba tegno ayaan rajeyneynaa,” ayuu sii raaciyey wasiirka amniga HirShabelle.

Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana inta badan ka dhaca dagaallo geysta khasaare kala duwan.

Sikastaba, maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa deegaannada HirShabelle ka socday howlgallo iyo duqeymo lagu beegsanayo fariisimaha Al-Shabaab ee ku yaalla maamulkaasi.

Maxay tahay farriinta uu CC Shakuur gaarsiiyey ururka OIC?

0

Jeddah (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan sidoo kale ah ergeyga gaarka ee Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada iyo gurmadka abaaraha ayaa qoraal uu ka siday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud gaarsiiyey xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Md. Xuseen Ibraahim Dhaaha.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo haatan ku sugan magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa marka hore xoghayaha uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha bani’aadanimada ee ka dhashay abaaraha ka jira gudaha dalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu la wadaagay farriin uu ka siday madaxweynaha oo ku aadan sida ugu habboon ee ay dalalka Islaamka kaga qayb-qaadan karaan gurmadka abaaraha.

Dhankiisa xoghayaha Ururka Islaamku ayaa muujiyey walaaca ay ka qabaan saamaynta ay abaaruhu ku yeesheen dadka Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in ay ka go’an tahay dhaqan galinta qaraarkii ka soo baxay kalfadhigii 48-aad ee wasiirada arrimaha dibadda ee OIC ay horraantii sanadkaan ku yeesheen Islamabad ee ahaa garab istaagga Soomaaliya.

Ergeyga iyo xoghaya ayaa sidoo kale isla gartay talaabooyin lagu dardargelinayo gurmadka abaaraha, sarana loogu qaadayo wacyi ku aadan xaalada abaarta ka taagan Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxa ay ka mid ahayd aas-aasayaashii OIC oo hadda ka kooban 57 dowladood, waxayna had iyo jeer maqaam sare ku lahayd ajandayaasha Ururka.

Si kastaba, kulankaan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Soomaaliya ay wajaheyso xaaladdi ugu adkeyd ee arrimaha bani’aadanimada, taas oo ka dhalatay abaaraha ka jira dalka.

Golihii deegaanka Bardaale oo la kala diray iyo Koonfur Galbeed oo wafdi u dirtay

0

Bardaale (Caasimada Online) – Waraaq ka soo baxday wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in lagu kala diray xubnihii golaha deegaanka ee degmada Bardaale, kuwaas oo uu dhammaaday muddo xileekooda.

Mas’uuliyiin ka socda wasaaradda oo tegay Bardaale ayaa sidoo kale kulan la yeeshay xubnaha golaha deegaanka, waxayna ku wargeliyeen go’aanka maamulka ee ah in la kala diray, kadibna waxaa soo baxday wareegtada oo lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale shaacisay in dhowaan la soo dhisi doono golaha cusub ee deegaanka ee degmada Bardaale, waxayna ogeysiisay odayaasha dhaqanka iyo bulshada deegaanka inay howsha sii wadi doonaan golaha fulinta, kuwaas oo kala ah guddoomiyaha degmada, ku xigeenkiisa iyo xoghayaha degmadaasi.

Dhinaca kale waxaa maanta degmada Bardaale gaaray wafdi uu hoggaaminayo wasiirka amniga Koonfur Galbeed Maxamed Isxaaq Cabdi oo ay wehlinayaan wasiiru dowlaha madaxtooyada Maxamuud Maxamed Khayre, guddoomiyaha gobolka Baay Cabdifitaax Maxamed Ibraahim Biano, iyo taliyaha ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ujeedka wafdigaan ayaa ah u kuur-gelidda xaaladaha ammaan ee ka jira halkaasi, waxaana la sheegay inay ka bilaabi doonaan guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Bardaale ayaa ka mid ah degmooyinka ay go’doomiyeen xoogaga Al-Shabaab, waxaana inta badan ka dhaca weeraro iyo dagaallo geysta khasaare kala duwan.

Natiijada doorashada Kenya oo maanta lagu dhawaaqayo

0

Nairobi (Caasimada Online) – Waqtiga ayaa ciriiri ku ah Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Xudduudaha ee Kenya (IEBC) oo laga sugayo ku dhawaaqista natiijada doorashada madaxtinimada. Berri ayay ugu eg tahay waqtiga kama dambeysta ah ee uu dastuurku u oggolaanayo shaacinta natiijada.

Doorashadu waxay qabsoontay 9-kii bishan Agoosto oo ku beegneyd Talaadadii la soo dhaafay.

Soo-jeedimo gudaha ah iyo kuwo heer caalami ah ayaa soo baxaya, kuwaas oo ku talinaya dulqaad iyo deggenaan in lagu sugo natiijada.

Natiijooyin hordhac ah oo uu soo saaray guddiga IEBC ayaa muujinaya in ay aad isugu dhow yihiin labada murashax madaxweyne ee kala ah madaxweyne ku-xigeenka xilka dhameysanaya William Ruto iyo raysul wasaarihii hore Raila Odinga.

Waxaa isa soo taraya rajada laga qabo in dhowaan la ogaan doono natiijada la wada sugayo ee doorashadii madaxtinnimo ee Kenya ee qabsoontay toddobaadkii hore, waxaana suuragal ah in Maanta gelinka dambe lagu dhawaaqo.

Miisaska loo isticmaalay in lagu xaqiijiyo natiijooyinka ayaa la nadiifiyay, waxaana xarunta codbixinta qaranka looga diyaar-garoobayaa in lagu dhawaaqo natiijada kama dambeysta ah.

Guddiga Doorashooyinka oo lagu dhaliilay inuu la raagay natiijada ayaa sheegay in uu si taxaddar leh u hubiyo natiijooyinka iyagoo u eegaya deegaan-doorashooyinka si ay uga fogaadaan soo noqoshada qaladaad horay u dhacay.

Sanadkii 2017, Maxkamadda ugu sarraysa Kenya ayaa laashay natiijooyinka doorashadii madaxweynaha ee la qabtay sanadkaas, iyadoo ku eedeysay guddiga IEBC inuu ku guul-darreystay inuu si wanaagsan u hubiyo natiijooyinka ka hor intii uusan ku dhawaaqin.

Shaacinta natiijada doorashada madaxweynaha ayay sida la filayo u badan tahay inuu guddigu maanta ku dhawaaqo.

Natiijooyinka hordhaca ah waxay muujinayaan in William Ruto uu tartanka ku hoggaaminayo tirooyin aan sidaas u badneyn.

Iyada oo lagu salaynayo tirada badan ee codadka la hubiyay ee laga helay deegaan-doorashooyinka waxaa la rajaynayaa in guddiga doorashadu uu hubiyo 50 deegaan-doorasho oo harsan ilaa maanta gelinka dambe.

Daawo: Wariye Cali: Askari ayaa i rasaaseeyey aniga oo duubaya dad u careysan 30 jir 30 milyan haysta + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Weriye Cali Muxiyaddiin oo ka tirsan Caasimada Online ayaa waxaa rasaas si naxariis darro ah ugu furay askari ka tirsan ciidamada fadhiya bar kontorool oo ku taal isgoyska Sheelaro ee lagu baaro gaadiidka.

Askarigaasi ayaa Wariye Ali Muxiyaddin kula kulmay degmada Xamar Weyne xili uu muuqaal ka duubayay ganacsatada qaadka oo ka cabanayay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda kuna dhow madaxtooyada Villa Somalia oo lagu eedeeyay sicir bararka qiimaha qaadka Miirowga ee Kenya.

Wariye Cali Muxiyaddiin ayaa haweenka qaadka ka ganacsada ka wareysanayay cabasho ay ka qabaan qaadka miirowga ee dhawaan Kenya loo fasaxay, waxayna sheegeen in xubno gacan saar la leh dowladda inay cunaha qabteen ganacsatada yar yar, iyagoo xusay Wasiirkii hore amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo rag kale oo madaxtooyada ka tirsan, waxayna ka codsadeen madaxweyne Xasan Sheekh inuu arrintaan soo farageliyo.

Wariyaha ayaa weerarka lagu soo qaaday markii haweeney qaadlayaasha ka tirsan ay cod dheer ku tiri “30 jir 30 milyan haysto hana nabadgeliyo masaakiinaa nahee, illaaheyna haka baqo,” waxaana markiiba kusoo cararay askari qaad ka iibsanayay goobta oo taagnaa haweeneyda hadleysay gadaasheeda, wuxuuna ku amray inuu muuqaalka damiyo isla markaana dir diro, isagoo ku cabanayay in muuqaalka isaga laga duubay oo kaamirada qabatay.

Askariga oo u muuqday labo arrin midkood oo ah inuu dhibsaday haweeneyda hadalka ay ku hadleysay ee 30 jir 30 milyan haysto ama in damcay kaamirada iyo taleefanka uu wariye Ali Muxiyaddiin gacanta ku haystay.

Dood dheer kadib askariga ayaa qorigii amaanka u furtay wuxuuna rasaas ku riday Wariye Ali Muxiyaddiin, oo rasaastaasi alle ka badbaadiyay, dadkii goobta ku sugnaana ka argagaxay rasaastii lagu riday wariyaha, waxaana meeshii ka dhashay buuq iyo in askarigii laga celceliyo isagoo ku hanjabayay inuu dili doono Wariyaha.

Askariga ayaa la sheegay inuu ka tirsan yahay ciidamada booliska Haramcad ee fadhiya isgoyska Sheelaro, heyb ahaana ay isku dhow yihiin Wasiirkii hore amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur oo haweenka qaadleyda ay ku sheegeen 30 jir 30 milyan haysto.

Dhalinyaro goobta ku sugneyd ayaa askarigii ku qanciyay in la tirtirayo muuqaalka, waxaana wariyihii Caasimada Online laga qaaday kaamiradii oo iyo qalabkii uu wax ku duubayay, nasiib wanaag muuqaaladii Kaamirada duubtay ee laga tirtiray dib ayuu usoo celiyay Wariye Ali Muxiyaddiin, taasi oo ugu wacan aqoon aysan u laheyn kaamirada in dib loo soo celiyo muuqaaladii.

“Waa ayaan daro in askari ciidanka qaranka ka tirsan ee loo tababaray inuu ilaaliyo amniga muwaadinka iyo nabadgelyada in shacabkii uu rasaas ku rido, maalin walbana askari dowladda ka tirsan si macno daro u dilo dhalinyarada oo ah mustaqbalka dalka, wax cabsi ah ama is hortaag shaqadeyda uma keeni doonto falkaasi anshax darada ah ee foosha xun,” ayuu yiri Ali Muxiyaddin.

Falalka ay geysanayaan maalin walba askarta ka tirsan dowladda ee loogu talagalay inay ka shaqeeyaan amniga muwaadinka Soomaaliyeed, waxay beegsadaan dadka shacabka oo si macno daro ah u dilaan, waxayna ugu daran yihiin caddow shacabka laga ilaaliyo.

Maamulka Caasimada Online wuxuu dhanka kale cambaareynayaa isku daygaasi lagu dhibaateeyay wariye Ali Muxiyaddin oo ka tirsan howlwadeenada Caasimada Online, waxayna ugu baaqeysaa hay’addaha amniga in askarigaasi oo la garanayo muuqaalkiisana ku jira muuqaalka la duubay in sharciga la horkeeno laguna qaado ciqaabta uu mudan yahay si ay tusaale ugu noqoto kuwa kale ee dhibaatada shacabka iyo wariyeyaasha ku howlan.

Caasimada Online
Muqdisho, Somalia

Xog: Koox qowlaysato ah oo si xirfadeysan u dhacaya waalidiinta Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka dillaacay koox qowlaysato ah oo dhacaya waalidiinta ardayda sannadkan u fadhiisatay imtixaanki kama dambaysta ee dugsiyada sare ee sanadkan.

Kooxdan oo iska dhigaysa inay maamulaan Jaamacadaha magaalada Muqdisho ayaa soo wacaya waalidiinta ardayda iyagoo ugu bishaaraynaya inay u hayaan ardayga ay waalidka u yihiin waxbarasho jaamacadeed oo bilaash ah.

Kooxdan oo magaca ardayga iyo waalidka haysta ayaa teleofonka waalidka ugu sheegayo inay yimaadeen xarumo aanay lahayn Jaamacadaha si ay u buuxiyaan shuruudaha aqbalida jaamacada, islamarkaana soo qaataan ID-ga uu ardayga imtixaanka ku fariistay iyo lacag dhan 35 dollar oo lagu diiwaan geliyo ardayga.

Hooyo Xaawo Shariif Nuur oo dhashay Maxamed Deeq Cabdisalaan Maxamuud kana mid ah ardayda sugeysa jawaabta natiijada imtixaanka dugsiga sare ayey kooxdaan taleefanka ka waceen, waxayna ku wargelliyeen in wiilkeeda uu ku guuleystay Jaamacad bilaash ah maadaama bey yiraahdeen uu ka mid noqday ardayda gudubtay.

Hase ahaatee Hooyo Xaawo Shariif ayaa ku wargelisay kooxda soo wacday ee qowlaysatada ah in weli aan lasoo saarin natiijada imtixaanaadka dugsiyada sare, sidaasi darteedna uu galay shaki markii ay la xiriirtay dad badan.

Hooyo Xaawo ayaa ah qofkii seddexaad ee Caasimada Online la kulantay oo kooxdaasi waalidiinta dhaca u geysanaya.

Waxay Kooxdan burcada bilaaben dhaca dadka ka hor inta aan si rasmi ah loogu dhawaaqin natiijada imtixaanka sanad dugsiyeedka sannadka 2021-2022.

Arrintan oo la yaab ku naqatay waalidka ayaan wax wara aanay ka hayn Wasaaradda Waxbarshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Caasimada Online waxay ardayda iyo waalidiinta ugu digeysaa kooxdaan cusub ee ka dilaacay magaalada Muqdisho inaysan ku kadsoomin, kuna wargeliyaan goobaha waxbarashada iyo hay’addaha amniga.

By: Ali Muhiyaddiin
Caasimada Online

Laba arrin oo Xamza uu ka sheegy kulankii ay beesha Mudulood qabteen + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta ka qeyb-galay munaasabad lagu soo dhaweenayay xukuumadda cusub oo ay soo qaban-qaabisay beesha Mudulood ayaa ka hadlay Abaaraha iyo Amniga guud ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ugu horeyntii qiray in amniga halkii la rabay uusan gaarsiisaneen xiligaan la joogo, isagoo tilmaamay muhiimadda uu amniga u leeyahay bulshada.

“Intaan oo dhan haddii aan dhaho xagee dagan tihiin? jidka wadnaha wixii xaggaa ka ah in yar baa laga yaabaa inay gacanta taagato. Ummad dhan ma waxa ay dowlad ku noqotay Maka Al-mukaram, hadda garoonkii baa la dhex-galay oo waxa aan ka cabsanayaa in Hoteelo aan ka dhisanno,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in amniga la’aantiisa aan waxba la qaban karin, maadama Mashruucyada dalka laga fulinayo ay qaarkooda u joogsadeen amni xumo, isaga oo tusaale u soo qaatay dhismaha Jidka isku xira Muqdisho iyo Balcad oo u joogsaday Amni xumo.

“Illaa la gaaro in ay Gabdhaha Soomaaliyeed cadawga guryahooda ka saaraan, nabad la heli maayo. Cadowga xaqiiqiga ah guryaha ayuu ku jira ee guryaha ka soo saara,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza oo baaq u direy haweenka.

Xamza ayaa uga mahad-celiyay shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho sida ay isaga qabteen Ciyaal Weerada oo caasimadda ka sii dabar go’aya, isaga oo ugu baaqay in ay dowladda kala shaqeeyaan amniga.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay abaarha ka jira dalka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay marka hore inay toobad keenaan, si uu Alle ugu dul qaado Abaarta ka jirta guud ahaan dalka.

“Illaahey waxa uu innoo sheegaya haddii aan toobad keenno, in Abaartu ay harreyso uu Roob imaanayo oo la dhergayo lana Barwaaqoobayo, sidaas darteed wuxu ma adka ee waa wax toobad ku xiran, marka aan toobad keenno,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Ganacsatada iyo Culimada Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan gurmadka loogu jiro u gurmashada dadka ay Abaartu saameysay, kuwaas oo lagu qiyaasay in ay gaarayaan hal miyan oo qof.

“Halka milyan waan quudin karnaa, uma baahna in ay gacmo dadka kale hororsadaan aan u gurmanno, oo waxa aan heesano aan wax ka siinno. Waa in Dhalinyarrada iyo Haweenka Soomaaliyeed ay qeyb ka qaataan dadaalka loogu jiro gurmadka Abaaraha.”

Ugu dambeyntiina wuxuu farriin u diray Qurbajoogta Soomaaliyeed oo uu ka codsaday in ay ka qeyb qaataan gurmadka, isaga oo sheegay in Qurbajoogta ay caado u lahaayeen u gurmashada dadkooda Soomaaliyeed ee ku nool dalka.

Daawo: XIRSI oo ka jawaabay arrintii uu ku eedeeyey Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Wadani ee Somaliland, Xirsi Cali Xaaji ayaa si adag uga jawaabay eedeymo culus oo dhawaan u jeediyay madaxweyne Muuse Biixi, oo isugu ku sheegay “lugooyada xisbiga Waddani”.

Guddoomiye Xirsi ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray madaxweyne Muuse Biixi, xili laga sugayay inuu ka garaabo dhibaatadii amarkiisa lagu fuliyay, sida uu sheegay.

“Madaxweynaha waxa dadka ka filayeen in wixii dhib uu geystay ee amarkiisa ku baxay uu damaanadeeda tuurta ku qaado oo arrinta taagan xalkeeda ku dhawaaqo laakiinse waxa uu ku dhawaaqay xiqdi ku jiray iyo cudur ku hila oo Xirsi la yidhaahdo,” ayuu yiri Guddoomiye Xirsi.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa kusii daray “Hadalka aad Waddani ka hadashay haddii lex-jeclo ka tahay kusoo biir Waddani waa kugu soo dhaweynayna. Waddani astaantaas ayuu leeyahay waa lagu soo kala horeeyay lama kala laha waa sida ay xisbiyadu yihiin.”

Xirsi ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Muuse Biixi uu lumiyay haybadii xisbul xaakimka Kulmiye, oo ay ka huleeleen siyaasiyiin badan oo miisaan lahaa, kuwaasi oo qeyb ka ah ururada cusub ee dhawaan lagaga dhawaaqay gudaha Somaliland.

“Ma adiga ka hadlaya xisbi iyo dimuquraadiyad, weligaaba laguma dooran. Iga qabta, ii xidha iyo iga reeba ayey aheyd xalkaagu. Xilkii madaxweynaha wuu ka dhamaaday Muusow waxaa nahay labo guddoomiye oo siman, kursiga madaxweynahana dadka ula siman tahay ee doorasho hada galayso soo diyaar garow.”

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan si la yaab leh uga hadlay banaanbaxyadii rabshadaha watay ee xisbiyada mucaaradka iyo taageeraayaashooda ay ka dhigeen magaalooyinka Somaliland, kuwaas oo geystay dhimasho iyo dhaawac.

Muuse Biixi ayaa sheegay in xisbiyada mucaaridka ay ka leexdeen wadadii wada-hadalka, isaga oo guddoomiyaha xisbiga Waddani ku tilmaamay mid lugeynayo xisbiga, islamarkaana iska indho-tirayo sharciga.

Si kastaba, Hogaanka xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa dhankooda sheegay inay sii wadi doonaan bananbaxyada ka dhanka ah xukuumadda ilaa iyo inta Madaxtooyada ka bilaabeyso doorashada Madaxweynaha Somaliland.

Xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland ayaa weli isu goodinaya, dhinac weliba waxa uu sheeganayaa in uu ku taagan yahay dhabbaha dastuurka uu ogol yahay halka ay isku tuur-tuurayaan khasaaraha ka dhashay rabshadihii sababay dhimashada iyo dhaawaca.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ergeyga gaarka ah ee ururka EAC

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor sii horeysay oo maanta ah u magacaabay Cabdisalaam Hadliye Cumar, Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha ee ururka Bulshada Bariga Afrka (EAC).

Cabdisalaam Hadliye ayaa horay Soomaaliya uga soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe.

“Madaxweynaha ayaa ahmiyad weyn siinaya kor u qaadidda dhaqaalaha dalkeenna iyo xoojinta in Soomaaliya ay wax badan ka dheefto iskaashiga dalladdan, taas oo shacabka Soomaaliyeed u saamaxaysa inay ka faa’idaystaan fursadaha dhaqaale ee ay abuuri karto ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC),” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bishii hore magaalada Arusha ee dalka Tanzania uga qeyb-galayo shirka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), waxaana uu sharaxaad ka bixiyay sababta ay Soomaaliya u dooneyso inay uga mid noqoto ururkaas.

EAC ayaa ah urur goboleed xaruntiisu tahay magaalada Arusha ee Tanzania, kaasi oo dhismay sanadkii 2000, kadib heshiis ay gaareen shan kamid ah lixda dal ee uu hadda ka kooban yahay.

South Sudan ayaa xubinnimada EAC heshay bishii September 2016, halka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa ururkan ku biirtay bishii April ee sanadka.

Soomaaliya ayaa sanadkii 2016 laga diiday codsigeeda xubinnimada EAC waxaana ay markale codsi dirsatay sanadkii 2018, ayada oo muddooyinkii dambe uu madaxweyne Xasan xoojiyay dadaalada kamid noqoshada.

Kenya ayaa kamid ah waddamada ugu awoodda badan ururka, waxaana xusid mudan in dhawaan uu dib usoo laabtay xiriirkii ay la laheyd Soomaaliya, oo xumaa sanadihii dambe ee hogaaminta dalka gacanta ugu jirtay madaxweynihi hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

DAAWO: Roobow oo sheegay in DF ay guuleysan doonto beesha Mudulood darteed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee arrimaha diinta iyo awqaafta Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, oo hadal ka jeediyey kulan ay beesha Mudulood kusoo dhaweeneysay xukuumadda cusub, ayaa sheegay in xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ay guuleysan doonto.

Sababta ayuu Mukhtaar ku sheegay inay Beesha Mudulood taageersan tahay xukuumadda cusub, islamarkaana ay quraan iyo faataxo la daba taagan tahay, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa salaamayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan beelweynta Mudulood ee gogoshaan sharafta leh dhigtay, aniga maanta waxaan dhihi karaa labada dhinacba waan ka tirsanahay, aniga Xamar xaafada 15 May ayaan ku qaan gaaray oo beesha ayaan ka mid ah, tan labaadna xukuumadda lasoo dhaweenayo ayaan ka mid ahay,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray “Runtii ilaahey baan u mahadcelineynaa, waxaan hubaa xukuumadda codadkii ugu badnaa ayaa lagu ansixiyey, mid kalana shaki iigama jiro xukuumad ay sidaan usoo dhaweeneyso beesha Mudulood ee gogoshaan u dhigtay ee quraankii lagu yaqaanay iyo faataxadiina ay la daba taagan tahay shaki ma jiro xukuumadda waa guuleysaneysaa.”

Mukhtaar ayaa sidoo kale sheegay in isbadalka ka dhacay dalka ay tiir dhexaad u aheyd beesha Mudulood, wuxuuna sheegay in ururkii ay sameysay ee Badbaado Qaran ay ku badbaaday Soomaaliya oo dhan.

“Badbaado Qarankii ay beesha Mudulood sameysay waxaa ku badbaaday Soomaaliya oo dhan, waxaa ku badbaaday wadajirka maamul goboleedyada, maskiinkaan maxbuuska ahaa xataa waa ku badbaaday,” ayuu yiri Roobow.

Roobow ayaa sheegay in markii uu bilowday dagaalkii Badbaado Qaran uu aad ugu soo dhawaaday gurigii uu ku xirnaa, wuxuuna sheegay in ciidankii ilaalinayey ay u sheegeen in haddii uu dagaalka sii xoogeysto uu kala doorto in loo geeyo Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, wuxuuna wax lagu faanay ku sheegay in labadaba ay kasoo jeedaan Beesha Mudulood.

Xog: Sidee kusoo laabtay wasiirka kaliya ee ka haray xukuumaddii R/W Rooble?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda cusub ee ra’iisal wasaare Xamza Cabdi Barre waxaa ku cusub arrimo badan oo aan hore uga dhicin xukuumadihii hore, iyadoo inteeda badan uu soo magacaabay madaxweynaha la doortay 15-kii May 2012 Xasan Sheekh Maxamuud.

Arrimaha aan hore loo arag waxaa ka mida inuu ka mid yahay wasiir dib ugu soo laabtay xilkiisa oo aan u baahan inuu xilka la wareego, kaasoo lagu soo celiyay wasaaradii uu u magacaabay ra’iisal wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa shalay xilka halkiisii ka sii watay, wuxuuna xarunta wasaaradda gaashaaandhigga xilalkii ugu kala wareejiyay wasiir ku-xigeenka cusub iyo wasiiru dowlaha.

Wasiir Jaamac, oo Rooble u magacaabay wasaaradda gaashaaandhigga xilligii uu taagnaa dagaalkii siyaasadeed ee kala dhaxeeyay Farmaajo, ayuu madaxweyne Xasan Sheekh mar kale xilkaasi u magacaabay, taasoo ay ugu wacan tahay rabitaanka Madaxweynaha.

Wasiir Jaamac wuxuu khilaaf ba’an kala dhaxeeyaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana loo diiday inuu u tartamo kursiga beshiisa. 

Dhinaca kale, waxaa magacaabistiisa Golaha Wasiirada cusub si weyn u diidanaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Adan Madoobe oo watay xildhibaan iyo wasiir hore Fowsiya Maxamed Sheekh, laakiin waxaa ku adkeystay oo awoodiisa isugu geeyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Jaamac ayaa waxaa sidoo saaciday inuu xiriir wanaagsan la leeyahay dowladda Turkiga, oo muhiim u ah tababarka ciidamada Soomaaliya, maadaama uu horey u ahaa safiirka Soomaaliya ee Turkey. 

Qaabka madaxweyne Xasan Sheekh kusoo xulay inta badan Golaha Wasiirada ayaa lagu sheegay labad qodob oo kala ah: Inuu si weyn ugu kalsoon yahay shaqsi ahaan iyo Inuu Aqoon u leeyahay, waxaa kaloo muhiim ahayd inuu toos uga amar qaato Madaxweynaha.

Xigasho: Goobjooge