30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Daawo: DF oo hakisay natiijada imtixaanka arday waalidkood eed loo heysto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa shaaciyey inay jiraan arday natiijada imtixaankii ay galeen la hakiyey oo laga reebay liiskii natiijada imtixaanka dowladda ee maanta la soo saaray.

Wasiir Faarax ayaa sababta ku sheegay inay doonayaan inay la kulmaan ardaydaas iyo waalidiintooda, si buu yiri loola xisaabtamo, isagoo tilmaamay in ardaydaas ay hareer mareen shuruucdii loo dejiyey imtixaanka.

“Waxaa jira arday la hakiyey natiijada imtixaankooda, si loola xisaabtamo ayaga iyo waalidkood, maadaama ay hareer mareen nidaamkii imtixaanka, in la ilaaliyo nidaamka wado aan aheyn nooma fura, waa ku ceeb waalidka, caruurtooda, macalimiinta iyo dugsiyada, in dad yar ay nidaamka ku dheelaan,” ayuu yiri wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Wuxuu sheegay in guddigii imxaanka ka shaqeynayey ay ogolaa waayeen in dad yar ay isku dayaan inay ku xad gudbaan nidaamka imtixaanka, inkastoo wasiirku uusan shaacin waxa lagu eedeynayo ardayda la hakiyey natiijada imtixaankooda.

Sidoo kale wasiirka waxbarashada ayaa sheegay inay jiraan iskuullo ay ardaydii ka soo baxday ku dhaceen imtixaanka dowladda, “Waxaa jira dugsiyo ardaydii badankooda ay dhaceen, waxaas suurtagal maahan, ardayda Soomaaliyeed-na saas uma wada xuma ee nidaamka dugsigaa wax ka qaldan yihiin,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku sii daray in iskuullada liita ee ardaydii ka soo baxday ay imtixaanka dowladda ku dhaceen ay wasaaraddu daba geli doonto oo ay la xisaabtamayaan.

“Wixii suurta gal ah oo la gacan qaba karo waan gacan qaba doonaa, wixii aan u aragno in aysan soca karina, waan iska karaantiili doonaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa maanta shaacisay natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee dowladdu ay sanadkaan ka qaaday ardayda dhameysatay waxbarshada dugsiyada sare ee dalka.

Waxaa loo diiwaan geliyey inay imtixaanka gelayaan 34,469 oo ardayda,  balse waxaa u fariisatay 33,468 oo arday, sidaas waxaa uga haray imtixaanka oo aan gelin ama u fariisan 1,001 Arday.

Tirada baastay imtixaanka guud ee shahaadiga ee fasalka 12-aad sanad dugsiyeedkii tegay waa 32,325 arday oo u dhiganta 96.6%. Waxaa ku dhacay imtixaanka 1143 arday oo u dhiganta 3.4%.

1,100 ka mid ah ardayda ku dhacday imtixaanka dowladda waxay ku galeen Gobolka Banaadir, halka 43-da kale ay imtixaanka ku galeen gobollada kale ee dalka.

1 – Deegaanada Koonfur Galbeed 24 arday ayaa dhacday.

2 – Galmudug 7 arday ayaa dhacday.

3 – Jubbaland 6 arday ayaa dhacday.

4 – HirShabelle 6 arday ayaa dhacday.

 

Taliska NISA ee Gedo iyo saraakiil Itoobiyaan ah oo gaaray is-afgarad muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha hay’adda Nabadsugida gobolka Gedo, Cabdiraxmaan Kooke ayaa maanta shir-guddoomiyey shirka xoojinta amniga iyo iskaashiga nabad-galyada deegaanada xuduuda labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Shirka oo qeyb ka ahaayeen qaar kamid ah Saraakiisha howl-galka ATMIS ee ka socda Itoobiya iyo taliyayaasha laamaha amniga Doolow, Dollo-Addo, Bohol-garas, Gedweyne Qoneey ayaa diirada lagu saaray amniga guud ee degmooyinka iyo deegaanada gobolka Gedo uu la leeyahay dowlad deegaanka Soomaalida.

Dhinacyada ayaa shirkaan ku gaaray is-afgarad, ayaga oo isla qaatay in shir amni la yeesho labadii toddobaad hal mar.

Sidoo kale waxay isla qaateen in la sameeyo guddiyo isku dhaf ah oo xaliya khilaafka wali ka taagan deegaanada Koorey iyo Bohol-garas, sida ay xaqiijiyeen ilo ka ag dhow shirkaan.

Ugu dambeyntiina waxay saraakiishu tilmaameen inay muhiim tahay in xiriir joogta ah laga yeesho arrimaha amniga xaduudka, si looga hortago khatarta amni ee imaan karta.

Tan iyo markii ay Al-Shabaab gudaha u gashay deegaanada xuduuda ee dowlad deegaanka Soomaalida, waxaa socday shirar labada dal ah oo looga hortagayo duulaanada argagixisada iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xamza oo shir deg deg ah isugu yeeray Golaha Wasiirada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir deg deg ah ayaa caawa la isugu yeeray Golaha Wasiirada cusub, ayada goor sii horeysay Wasiirada loo diray fariin wargelin ah si ay kulanka usoo xaadiraan, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Qorshaha ayaa markii hore ahaa in Golaha Wasiirada cusub shirkooda ugu horeeyay ay yeeshaan maalinta Khamiista, waxaana lagu wada in shirkaan ay kasoo bixi doonaan go’aamo cusub.

Wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo shirka caawa in xilalka looga qaado qaar kamid ah taliyayaasha ciidamada, ayada oo xafiiska madaxweynaha uu billaabay qorshe dib loogu soo celinayo Saraakiil dowladdii hore ka xayuubisay darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidanimo.

Shirka caawa ayaa noqonaya midkii u horeeyay ee yeeshaan Golaha Wasiirada cusub, kaddib markii maalmo ka hor soo dhamaatay munaasabadihii xil-wareejinta wasiiradda.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa 2-dii bishaan ku dhawaaqay liiska Golaha Wasiirada xukuumaddiisa ee muddada la sugayey.

Golahaan ayaa ka kooban 25 wasiir, 25 wasiir ku-xigeen iyo 24 wasiiru-dowle iyo Ra’iisul wasaare ku-xigeen. Sidoo kale waxa haween ka ah saddex gabdhood, laakiin waxaa gabdho badan ku jiraan wasiiru-dowlayaasha.

Xamza oo xukuumadiisa cusub ugu magac daray Dan-Qaran, ayaa waxaa laga sugaya dardar-gelinta barnaamijka xukuumada iyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla, gaar ahaan arrimaha amniga iyo wax ka qabashada xaalada abaareed ee dalka.

Madaxweyne Xasan iyo William Ruto oo yeeshay wada-hadalladii ugu horreeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha la doortay ee dalka Kenya Mudane William Samoei Ruto.

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey Ruto iyo ku-xigeenkiisa Rigathi Gachagua, guusha ay ka gaareen doorashooyinka dalkaas, isaga oo ku ammaanay shacabka Kenya, xisbiyada dalkaas, hay’adaha amniga iyo madaxda tartantayba, sida nabadda ah ee ay doorashooyinkoodu u qabsoomeen, taas oo tusaale u noqonaysa hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalalka Gobolka.

Madaxweyne William Ruto ayaa dhankiisa uga mahad-celiyey madaxweyne Xasan Sheekh hambalyada iyo bogaadinta guusha doorasho ee xisbigiisa, wuxuuna tilmaamay ixtiraamka iyo qadarinta ay shacabka iyo dowladda Kenya u hayaan walaalahooda Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay adkeynta xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah iyo iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada horumarka, xasiloonida Mandiqadda, kobaca dhaqaalaha iyo la-dagaallanka argagixisada, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada.

Ugu dambeyntiina madaxweynaha Soomaaliya ayaa u rajeeyay madaxda cusub ee dalka Kenya in ay ku guuleystaan ka miro-dhalinta hiigsiga shacabkooda ee dhanka horumarka, door muuqdana ay ka qaataan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga heer Gobol.

Madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa shalay ku guuleystay doorashadii madaxweyne ee dalkaas ka dhacday 9-kii August 2022, sida uu shaaciyay Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashada iyo Xuduudaha (IEBC)

Ruto ayaa si dirqi ah kaga adkaaday ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Raila Odinga, oo markii shanaad ku guuldarreystay doorasho madaxweyne oo uu u tartamay.

Natiijada rasmiga ah ee guddiga doorashada ayaa muujisay in Ruto uu helay 50.49 boqolkiiba codadkii la tiray oo ah 7,176 141 cod, halka Odinga uu ka helay 48.85 boqolkiiba oo ah 6,942, 930 cod.

Raila Odinga oo ku gacan sayray natiijada doorashada, sheegay tallaabo uu qaadayo

Nairobi (Caasimada Online) – Musharaxa looga guuleystay doorashada dalka Kenya Raila Odinga ayaa ku gacan sayray natiijada doorashada ee ay shalay ku dhowaaqeen guddiga doorashada madax-banaan. 

Odinga yaaa sheegay in ku dhowaaqista guddoomiyaha guddiga Wafula Chebukati ee ah inuu William Ruto ku guuleystay doorashada ay tahay “waxba kama jiraan.” 

Waxa uu intaas ku daray in Chebukati uusan ka awood badneyn xubnaha kale ee guddiga, kuwaasi oo afar ka mid ah ay diideen natiijada uu shaaciyey ayaga oo sheegay inaysan ku raacsaneyn.

“Waxa aan shalay argnay (Isniintii) waxay ahaayeen ceeb iyo xashmad darro cad oo lagu sameeyey dastuurka Kenya,” ayuu Raila ka yiri shir jaraa’iid oo uu ku qabtay Nairobi.

Waxa uu wacda ku maray inuu adeegsan doono wax kasta oo sharci ah si uu uga loolamo natiijada.

“Ma doonayo inaan si buuxda uga hadlo waxa ay xeeladaheena xiga yihiin hase yeeshee… waxaan raadin doonnaa dhammaan ikhtiyaarada sharciga iyo dastuuriga ah ee aan heli karno,” ayuu yiri.

Hoggaamiyaha isbaheysiga Azimio la Umoja ayaa sheegay in Mr Chebukati uu xushmad darro u muujiyey dastuurka, isaga oo natiijada si iskiis oo hal dhinac ah ugu dhowaaqay.

Waxa uu ku dooday in guddoomiyaha uu sidoo kale ahaa qofka kaliya ee arki karay natiijada, islamarkaana uu isaga u sheegay xubnaha kale ee guddiga, isaga oo aan u ogolaan inay arkaan ama kala hadlaan natiijada. 

“Guddoomiyaha xushmad darro ayuu u muujiyey dastuurka… Azimio waa ay diideen natiijada doorashada madaxweynaha ee uu ku dhowaaqay Mr Chebukati,” ayuu yiri Raila Odinga. 

Mr Odinga ayaa  ugu baaqay taageerayaashiisa inay nabadda iyo deganaanshaha joogteeyaan, islamarkaana isbaheysiga ay marinno sharci ah u mari doonaan inay sharci-darro ka dhigaan natiijada u uku dhowaaqay Chebukati.

Odinga ayaa horey u sheegay in laga khiyaanay guulo uu ka gaaray doorashooyinkii dhacay 2007, 2013 iyo 2017, waana markii shanaad ee doorasho madaxweyne looga adkaado.

Guddoomiyaha guddiga, Chebukati ayaa shalay sheegay in Ruto uu helay 50.49% codadka, halka Odinga uu ka helay 48.5%, sidaasna Ruto ku guuleystay.

MUUSE BIIXI oo qaaday tallaabo la xiriirta rabshadihii ka dhacay SOMALILAND

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa magacaabay Guddi cusub oo baaris ku sameeyay mudaharaadkii rabshadaha watay ee dhawaan ka dhacay magaalooyinka Somaliland.

Guddiga oo ka kooban 5 xubnood oo ka tirsan Golahiisa Wasiirada ayaa wuxuu u xilsaaray inay baaris dhab ah ku sameeyaan cidda leh eeda mudaharaadkii rabshadaha watay ee ka dhasheen khasaaraha badan.

“Sida aad la socotaan waxa dalka ka dhacay mudaharaado rabshado wata oo sababay khasaare naf iyo maalba leh. Sidaas darteed, waxaan idiin magacaabay in aad noqotaan Guddida u xil-saaran xal u helida dhamaan dhibaatooyinkii dhinacyada badan ee la xidhiidha khasaarihii ka dhashay mudaharaadyadii dalka ka dhacay 11-kii August ee 2022-ka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Guddigaan ayaa waxaa Guddoomiye u ah Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, waxaana xubno ka ah Wasiirka ganacsiga iyo dalxiiska, Wasiirka xanaanada xoolaha, Wasiirka warfaafinta iyo Wasiirka isgaadhsiinta & tignoolajiyadda.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa kale oo lagu sheegay in guddigaan ay sii wadi doonaan xilkii ay hore u hayeen ee ahaa la socodka howlaha xisbiyada mucaaradka ah.

Waxaa xusid mudan in madaxweyne Muuse Biixi uu horey eedda khasaaraha mudaharaadkii dhacay dusha uga saaray xisbiyada Mucaaridka Somaliland, oo uu sheegay inay ka leexdeen hanaankii sharci ee loo dajiyay dibad-baxooda.

Si kastaba, Xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland ayaa weli isu goodinaya, dhinac weliba waxa uu sheeganayaa in uu ku taagan yahay dhabbaha dastuurka uu ogol yahay halka ay isku tuur-tuurayaan khasaaraha ka dhashay rabshadihii sababay dhimashada iyo dhaawaca.

ODOWAA oo shaaciyey heshiisyo qarsoodi ah oo lala galay shirkado kalluumeysi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay heshiisyo qarsoodi ah oo lala galay shirkado si aan sharciga waafaqsaneyn uga shaqeysta Badda Soomaaliya.

Odawaa ayaa ku baaqay in wax laga qabto heshiisyada kalluunka oo uu sheegay inuu dalka ka dhigay mid xaraash ah, sidoo kalana wuxuu xusay inay jiraan heshiisyo isbarbar socda oo si hoose loola galay shirkado kalluumeysi.

Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa xusay in loo baahan yahay in mideeyo heshiisyada ay bixiyaan dowlad goboleedyada, taasi oo uu sheegay haddii aan wax laga qaban laga dhaxli doono saameyn taban.

Xildhibaan Odowaa waxa uu tilmaamay inuu ogaal ku yahay Ruqsad Dowlad-Goboleed bixisay oo si hoose looga hoos bixiyay ogolaansho kale, taasina ay dhaawaceyso fursadaha bixinta Ruqsadaha ama Fasaxa.

“Waxyaabaha lagu heshiiyay waxaa kamid ah kalluunka oo waxaa la qoray heshiis lagu qoray in haddii Markab la siinayo sharci in lacag isku mid ah lagu siiyo, Dukumiintis ayaan heynaa, Dowlad-Goboleedyada qaar markii lagu heshiiyay tusaale ahaan in Markabka lagu siiyo labo boqol oo kun oo doollar in uu fasaxeeda kuso galo biyaha Soomaaliya niman ayaa hoos warqad ka qoray oo siddeetan kun oo dollar aan ku siineynaa anaga ayaa ku fasaxeynee orod badda soo gal baa la yiri,” ayuu yir Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa.

Wuxuu intaas kusii daray “Fasaxa ma mideysna oo Dowlad-Goboleed hebel intaas ayay bixisaa, halka Dowlad-Goboleed hebelka kale in kale ku bixiso, iimaan darro ayaa nagu dhaceysa, aniga ayaa arkay iyada oo la leeyahay qoladaas intaas ayay ku bixisaa waa in aan innagana ku bixinaa, Seylad ayay noqanee oo xoolaheenna ayaan iibineynaa, malaaygaas meeshaas maraya ummadda Soomaaliyeed ayaa wada leh, dad baa fasax u qaatay oo Shiineeska lasoo heshiiyay, lacagtaas ma xalaal baa.”

Soomaaliya waxaa si joogta ah uga kalluumeysta Maraakiib ruqsad u qaatay in ay joogto u gurtaan kalluunka & Khayraadka kale kaddib heshiisyo ay wada galeen shirkadaha isla leh Maraakiibtaas & Maamulada ka taliya xeebaha ay ka jilaabanayaan.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre waxaa hor yaalla wax ka qabashada heshiisyada badan oo ay galeen wasiiro katirsan Xukuumadda ka horreysay, hagaajinta & dib u qiimeynta qandaraasyadii la bixiyay.

Waa kuma ninka labaad ee Xasan ‘dib ugu soo celinayo’ darajadiisa ciidanimo? – Xog

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan wada qorshe uu dib ugu soo celinayo darajooyinkoodii ciidanimo, qaar ka mid ah saraakiishii uu xuquuqdoodii uu ka xayuubiyey madaxweynihii ka horreeyey ee dowladda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay qaaday tallaabadii ugu horreysay ee ku aadan arrintaan ayaa xeer madaxweyne uu xalay soo saaray wuxuu dib darajadiisii ciidanimo ee Booliska Soomaaliyeed ugu soo celiyey Saadaq Joon oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Haddaba waa kuma Jeneraalka labaad ee Xasn Sheekh dib ugu soo celinayo darajiisa ciidanimo?

Xog cusub oo uu bixiyey wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa waxa uu ku shaaciyey in uu socdo qorshe dib darajooyinkiisii ciidanimo loogu celinayo Jeneraal Cabdalla Cabdalla oo ahaa agaasime ku xigeenkii hore ee Hay’ada Nabad Sugidda.

Fiqi ayaa xusay in dhowaan uu rajeynayo in madaxweynaha uu qaado tallaabadaan, si markaas uu xuquuqdiisa u helo Cabdalla Cabdalla oo haatan dalka dib ugu soo laabtay.

“Jeneraal kale ayaa jiray oo Cabdalla Cabdalla la yiraahdo oo aan isagana rajeyneyno in darajooyinkiisa dib loogu celiyo,” ayuu yiri wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Wasiirka arrimaha gudaha oo hadalkiisa sii wata ayaa arrintaan ku macneeyey in ay tahay cadaaladdii oo si tartiib-tartiib ah u soo laabaneyso, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa caddaaladda oo dib ugu soo laabaneysa si tartiib-tartiib ah si loo helo caddaaladdii luntay oo dhan”. ayuu sii raaciyey wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya.

Jeneraal Cabdalla Cabdalla ayaa waxaa isna ay horey isku qabteen Maxamed Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, ayada oo markii dambane laga saaray xubinimadii Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA), wuxuuna kadib noqday nin dibad joog ah oo si aad ah u dhaliili jiray dowladdii hore ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

DF oo shaacisay natiijada imtixaanka dugsiyada sare + tobanka arday ee u sarreysa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu dhowaaqday natiijada imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka ee sanad dugsiyeedka 2021 illaa 2022-ka.

Imtixaankan oo ahaa mid qaran ayaa waxaa u fariisatay illaa 33,468 oo arday, sida ay shaacisay wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya, waxaana munaasabadda ku dhowaaqista goobjoog ahaa wasiirka cusub ee wasaaraddaas Faarax Sheekh C/qaadir.

Sidoo kale wasaaradda waxbarashada  ayaa warbixinteeda ku shaacisay inay jiraan illaa 1,001 Arday oo aan u fariisan imtixaanaadka, ama aan gelin.

Natiijada ayaa sidoo kale lagu sheegay in ardayda baastay ay gaarayaan illaa 32,325 arday oo u dhiganta 97%, tiradaas oo aad uga badan markii la barbar-dhigo tii sanadkii hore.

Waxay sidoo kale wasaaraddu natiijada ay shaacisay ku sheegtay inay imtixaankaan ay ku dhaceen 1143 arday oo u dhiganta 3%, waana tiro iyana aad uga hooseysa ardayda sanadkii la soo dhaafay ku dhacday imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad.

Kun ka mid ah ardayda dhacday ayaa imtixaanka dowladda waxay ku galeen Gobolka Banaadir, halka 43-da kale ay imtixaanka ku galeen maamul goboleedyada dalka.

Halkan hoose ka aqriso magacyada 10-ka arday ee ugu sarreysa natiijada la shaaciyey imtixaanka dugsiga sare.

1– Khaalid Cabdullaahi Maxamuud Nuur – Gobolka Banaadir
2– Xuseen Axmed Xasan – Gobolka Banaadir
3-Faadumo Ibraahim Cabdullaahi – Gobolka Banaadir
4– Shukri Faarax Ibraahim – HirShabelle
5- Huda Cabdullaahi Cabdi – Gobolka Banaadir
6– Cabdirisaaq Maxamed Cumar – Koonfur Galbeed
7- Naciimo Axmed Maxamed – Gobolka Banaadir
8– Maxamed Cabdiweli Maxamed – Jubbaland
9-Axmed Cabdiraxmaan Axmed – Galmudug
10– Maxamuud Xasan Cali – Gobolka Banaadir

Waa kuma William Ruto – Maxayse yihiin mowqifyadiisii hore ee ku aadan Somalia?

Nairobi (Caasimada Online) – Guddiga Doorashooyinka iyo Xaduudaha Kenya (IEBC) ayaa ku dhawaaqay in William Samoei Ruto uu ku guuleystay doorashada madaxwenaha ee Kenya. Wuxuu helay boqolkiiba 50.4% codadkii la dhiibtay, Wuxuu ka adkaaday Raila odinga oo helay boqolkiiba 48.8%.

Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa sheegay in William Ruto uu yahay madaxweynaha cusub ee lasoo doortay ee Kenya.

Ruto oo guushiisa ka hadlay ayaa sheegay in ‘dhammaan awoodda madaxbanaani waxay u sugnaatay shacabka Kenya’ isla markaana uu ka shaqeyn doono sidii dalka horey loogu sii wadi lahaa.

Haddaba waa kuma William Ruto?

Wuxuu sanadkii 1966-dii ku dhashay deegaanka Sugoi oo ka tirsan gobolka Rift Valley ee dalka Kenya.

Ruto wuxuu kusoo koray nolol adag xitaa wuxuu iskuulka aadi jiray isaga oo kaba la’aan ah. Kab uu lugtiisageliyana waxaa ugu horreysay da’da 15.

Wuxuu waddooyinka deegaan miyi ah oo ku yaalla Rift Valley ku iibin jiray digaagta iyo lowska, Ruto wuxuu mar kasta sheegaa in uu yahay nin nolosha meel hoose kasoo billaabay.

Ruto wuxuu halqabsi ka dhigtay “nin xoogsata ah”, isagoo sheegay in uu la dagaallamayo waxa uu u arko qoysaska horey u heystay awoodda Kenya sida – Kenyatta iyo Odinga – oo doonaya inay xukunka u sii hayaan.

Wuxuu siyaasadda Kenya kusoo biiray sanadkii 1992, wuxuu sheegay in macalinkiisa siyaasadda uu ahaa Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arap Moi.

Mr Ruto wuxuu xubin firfircoon ka ahaa garabkii dhallinyarada xisbigii Kanu ee Moi, wuxuu sidoo kale kamid ahaa dadkii loo xil saaray ololihii loogu codeynayay in Kenya ay axsaab badan yeelato sanadkii 1992.

Waa nin aftahan oo awood leh kaas oo si weyn usoo jiita quluubta dadka ka qeybgala isu soo baxyadiisa siyaasadda, waxaana lagu tilmaamaa inuu si wanaagsan ayuu hadallada usoo gudbiya marka uu wareysi siinayo warbaahinta.

Wuxuu sanadkii 1990 shahaadada koowaad ee culuumta seyniska ka qaatay jaamacadda Nairobi, wuxuu markii dambe shahaadada labaad iyo midda PHD ka qaatay isla jaamacadda Nairobi.

Waxaa sanadkii 1997 loo soo doortay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya, waxaa laga soo doortay Waqooyiga Eldoret, xilal kala duwan ayuu kasoo qabtay dowladda Kenya, waxaana ugu muhimsanaa in mar noqday wasiirkii waxbarashada iyo wasiirka tacliinta sare.

Ruto wuxuu durbaba ug gudbay jagada Madaxweyne ku xigeenka Kenya sanadkii 2013-kii, muddo 10 sano ah ayuu madaxweyne ku xigeen ahaa.

Ruto wuxuu kamid ahaa siyaasiyiintii hor tagay maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC kadib markii lagu eedeeyay in uu huriyay rabshadihii ka dhashay sanadkii 2007 oo ay ku dhinteen 1,200 qof, Ruto oo eedeymihaas oo iska fogeeyay, maxkamadda ayaa markii dambe wax dambi ah ku waaysay Ruto.

Mar wuxuu taageeray in la xiro xeryaha qaxootiga?

William Ruto wuxuu sanadkii 2016 ugu baaqay beesha caalamka inay ka taageerto go’aankii ay Kenya ku dooneysay inay albaabada isugu dhufato xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Ruto oo xilliggaas ka hadlayay shir arrimaha banii’aadanimada oo ka dhacay Turkiga ayaa xilliggaas ka codsaday beesha caalamka inay bixiyaan dhaqaalaha dib u dejinta loogu sameynayay qaxootiga ku sugan xeryaha Dhadhaab.

Dowladda Kenya ayaa sanadkii hore sheegtay inay si rasmi ah ugu gudbisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR inay xiri doonto xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma wixii loo gaaro 30-ka bisha Juun ee 2022-ka.

Ruto: Waa mas’uuliyad darro in aan kasoo baxno Soomaaliya

William Ruto wuxuu hadda ka hor sheegay in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya aysan kasoo bixin halkaas tan iyo Soomaaliya ay nabad ka noqoneyso.

Wareysii uu siiyay BBC-da sanadkii 2019 wuxuu ku sheegay in Kenya ay shaqeyneyso sidii lagu xoojin lahaa dadaallada lagu sugayo amniga Soomaaliya.

“Waxaan mas’uuliyad naga saaran anaga oo la shaqeyneyna dalalka kale ka shaqeynta dadaallada lagu xaqiijinayo in Soomaaliya ay amni noqoto” ayuu yiri Ruto.

Ruto wuxuu xilliggaas yiri, “Waa mas’uuliyad darro in aan kasoo baxno Soomaaliya” si looga hortagga halist amni darrada ah.

BBC

Rabshado xalay ka dillaacay qeybo kamid ah dalka Kenya kadib natiijadii doorashada

Kisumu (Caasimada Online) – Dibadbaxyo rabshado wata ayaa xalay ka dillaacay magaalada Kisumu ee ay ku xoogan yahay taageerayaasha musharaxa laga adkaaday ee doorashada Kenya Raila Odinga kadib markii natiijada lagu dhowaaqay.

Taageerayaal careysan ayaa soo buuxiyey waddooyinka ayaga oo dhagxaan tuuraya islamarkaana ku doodaya in doorashada lagu shubtay, ayada oo booliska ay ku fureen gaaska dadka ka ilmeysiiya si ay u kala eryaan.

Taageerayasha 77 jirkan ugu yeeray “baba” ayaa sheegay inay ka careysan yihiin in Odinga markii shanaad looga adkaaday doorashada madaxweynaha Kenya.

Odinga oo xilligan uu taageerayey madaxweynaha xilka ka degaya ee Uhuru Kenyatta ayaan weli ka hadlin natiijada lagu dhowaaqay, hase yeeshee wuxuu mucaaradkiisa ku eedeeyey inay khiyaameen doorashooyinkii 2007, 2013 iyo 2017. 

Doorashadii 2007, si gaar ah, oo kormeerayaasha caalamiga ah ay sheegeen in khaladaad ay ka buuxeen, ayaa dhalisay rabshado qowmiyadeed oo ay ku dhinteen 1,100 qof. 

“Ma aheyn mid xor iyo xalaal ah. Waa nala khiyaamay,” waxaa sidaas yiri Collins Odoyo oo ah 26 jir taageera Odinga.

Dukaano badan oo ku yaalla Kisumu ayaa xalay xilli hore la xiray ayada oo laga cabsi qabo in la bililiqeysto, waxaana lagu soo warramay ugu yaraan hal dukaan oo la dhacay.

“Dowladda waa inay na dhageysataa. Waa in doorashadan lagu celiyaa,” ayuu yiri Isaac Onyango oo ah 24 jir. “Nagama xadi kartaan,” ayuu ku qeyliyey.

In badan oo ka mid ah dadka Kisumu ayaa filayey in Odinga guuleysan doono, ayaga oo rumeysnaa inuu ugu dambeyn heli doono kursigii marar badan loo diiday.

Sidoo kale, xaafadda Kibera ee Nairobi oo ay ku xoogan yihiin taageerayaasha Odinga ayaa laga dalbaday in doorashada lagu celiyo, ayada oo dibad-baxayaal ay dhagxaan tuurayeen.

“Codadkii Baba waa la xaday,” ayuu yiri mid ka mid ah dibad-baxayaasha.

“Joojiya inaad been u sheegtaan dadka Kenya, waan ognahay in Baba uu guuleystay,” ayuu yiri Eliud Omolo, oo ka mid ah taageerayaasha Odinga.

Natiijada rasmiga ah ee guddiga doorashada ayaa muujisay in Ruto uu helay 50.49 boqolkiiba codadkii la tiray oo ah 7,176,141 cod, halka Odinga uu ka helay 48.85 boqolkiiba oo ah 6,942,930 cod.

Maxay ka dhigan tahay darajada ciidanimo ee loo soo celiyey Saadaq Joon?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq Joon) dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa Booliska Soomaaliyeed, kaas oo uu horey uga xayuubiyey Farmaajo.

Haddabada Maxay ka dhigan tahay darajada ciidanimo ee loo soo celiyey Saadaq Joon?

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in Saadaq Joon uu dib u helo darajadiisa ciidanimo ay ka dhigan tahay ‘Caddaaladda oo si tartiib-tartiib ah dib ugu soo laabatay’ sida uu hadalka u dhigay.

Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in markii horeba si xaq-darro ah looga xayuubiyey darajooyinkii iyo Xuquuqdii Ciidanka Booliska Soomalaiyeed.

Sidoo kale wuxuu hambalyo u diray Jenaraal Saadaq Joon oo hadda ah xildhibaan ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ee laga soo doortay Galmudug.

“Waxa aan rabaa in aan u hambalyeeyo halkaan Caddaalad u soo laabatay Gen. Saadaq Joon oo ah Xildhibaanka Saaxiibkeen ah oo dib ugu soo laabatay derajadiisa sida dambiga ah ee xaqdarrada ah looga qaaday markii uu kahor yimid dulmigii dalka ka jiray,” ayuu yiri.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in dowladda federaalka ah Soomaaliya ay ku dadaali doonto sidii qof weliba oo ay ka luntay cadaaladdii dib loogu soo celin lahaa xuquuqdiisa.

“Waxa aan rajeyneenaa in qof weliba caddaaladdii luntay oo dhan in tartiib-tartiib dib loogu soo celiyo ayaan rajeyneenaa” ayuu raaciyey wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Si kastaba, madaxweynihii hore ee Somalia, Farmaajo ayaa Saadaq Joon ka xayuubiyey darajooyinka iyo dhammaan xuquuqdiisa ciidanimo, kadib markii uu ku baaqay in dalka doorasho loo jiheeyo, xilligaas oo ii Farmaajo ku mashquulsanaa mudo kororsi 2 sano ahaa.

Askar ka tirsan ciidanka Liyuu Boolis oo QARAX lagu dilay

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay deegaanka Washaaqo oo ka tirsan gobolka Bakool, isla-markaana ku yaalla xuduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Liyuu Boolis ee ku sugan halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay ciidamadaasi, xilli ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadeen xadka labada dal, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay ugu yaraan 2 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowlad deegaanka ee Liyuu Boolis, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale.

Ciidamada la qarxiyey ayaa lagu soo warramayaa inay dhankooda fureen rasaas xoogan, balse ma cadda ay khasaaraha ka dhashay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in ciidamadu ay howlgallo ka wadaan deegaanka Washaaqo iyo nawaaxigiisa.

Weerarkan qaraxa ah ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii u dambeeyey dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayey xadka dheer ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sikastaba, arrintaan ayaa ka dambeysay, kadib markii xoogaga Al-Shabaab ay gudaha u galeen dhulka dowlad deegaanka, halkaas oo ay ka dhaceen dagaallo khasaare geystay.

Guddoomiye Madoobe oo BF u kala qeybiyey 14 guddi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa soo saaray liiska 14 guddi iyo magacyada Xildhibaanada ka mid noqanaya guddiyada kala duwan ee Golaha Shacabka.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha waxaa Habdhowraha iyo Xoghayaha guud ee golaha shacabka lagu faray inay ka howlgalaan doorashada guddoonka guddiyadaan la shaaciyey liiskooda.

14-ka guddi ee xubnaha golaha shacabka loo kala qeybiyey ayaa kala ah:

1 – Guddiga miisaaniyadda, maaliyadda, qorsheynta, iskaashiga caalamiga ah iyo la xisaabtanka hey’adaha dowladda.
2 – Guddiga xeer hoosaadka, daryeelka, anshaxa iyo xasaanada.
3 – Guddiga hormarinta adeega bulshada.
4 – Guddiga Difaaca Qaranka.
5 – Guddiga kheyraadka dabiiciga ah iyo bii’ada.
6 – Guddiga arrimaha gudaha, maamullada gobollada iyo amniga.
7 – Guddiga xaqiiqo raadinta, dib u heshiisiinta iyo hanti isu-celinta.
8 – Guddiga beeraha, hormarinta reer miyiga, xoolaha iyo kheyraadka badda.
9 – Guddiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo warshadaha.
10 – Guddiga garsoorka awqaafta iyo arrimaha diinta.
11 – Guddiga warfaafinta, wacyi-gelinta, dhaqanka, boostada iyo isgaarsiinta.
12 – Guddiga xuquuqul insaanka, haweenka iyo arrimaha bini’aadanimada.
13 – Guddiga arrimaha dibadda.
14 – Guddiga wadooyinka, dekedaha, garoomada, tamarta iyo gaadiidka.

Guddiyadaan ayaa mid walba waxa uu ka kooban yahay inta u dhaxeysa 15 ilaa 20 xildhibaan, waxaana loo gudbayaa sida la faray xoghayaha iyo habdhowraha golaha shacabka in la qabto doorashada guddoonnada 14-kaan guddi ee loo kala qeybiyey xubnaha golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad.

Ujeedka kulanka Xamza iyo safiirka Imaaraadka + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed Axmed Al-cusmaani oo ay ka wada-hadleen xiriirka labada dal.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Xamza uga mahad-celiyey dowladda Imaaraadka Carabta taageerida dowladnimada Soomaaliya, isaga oo sheegay in ay sii xoojin doonan xiriirka labada dal.

Sidoo kale safiirka dowladda Imaaraadka, Maxamed Al-cusmaani ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyey soo dhawaynta qiimaha badan.

Safiirka ayaa sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta iyo hogaankeeduba ay diyaar u yihiin in Soomaaliya ka taageeraan dhinacyo kala duwan sida; gurmadka abaaraha, amniga, horumarinta iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Shantii sano ee la soo dhaafay aan wax xiriir ah la laheyn dowladda Soomaaliya kadib markii uu khilaaf dhex-maray dowladdii hore ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse xiriirkii xumaaday ayaa waxa uu dib u hagaagay tan iyo markii uu tallada dalka la wareegay madaxweyne Xasan Sheekh.

Gudoomiye Cali Jeyte oo ku biiray jiidda hore ee dagaalka

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ku biiray xubno ka tirsan wasiirada dowlad goboleedka HirShabelle iyo Xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka.

Guddoomiye Jeyte ayaa masuuliyiintan kala shiray sidii gargaar dowladnimo loogu fidin lahaa shacabka ku nool deegaanada laga saaray argagixisada Al-Shabaab, islamarkaana loo sii xoojin lahaa dadaalada howl-galka ka dhan ah.

“Jeyte waxa uu masuuliyiinta la wadaagay howl-maalmeedka shaqo ee joogtada ah, iyaga oo laga arin-saday sidii loo wajahi lahaa in shacabka loo fidiyo gargaarka Bini-adanimo maadaama Al-Shabaab ay ka burburiyeen dhamaan adeegyadii muhiimka u ahaa nolashii shacabka sida Ceelashii, guryahii iyo soolaradii leerka dhalinayay ee cadceeda ku shaqeynayay.”

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa warbixin ku aadan xaalada guud siiyey gudiga madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe u xil-saaray gurmadka deegaanada laga saaray Al-Shabaab, isagoo markale ugu celiyay in la gaarsiiyo gargaar dowladnimo oo buuxa.

Ugu dambeyntiina waxa uu tilmaamay muhiimada sii xoojinta amaanka iyo la-dagaalanka Al-Shabaab, si loo xakameeyo amniga deegaanada laga saaray dibna loogu soo celiyo dhamaan adeegyadii dadweyne ee daruuriga ahaa.

Madaxda DF oo ka hadlay doorashada Kenya iyo guusha William Ruto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa qoraallo ka soo saaray doorashada Kenya oo galabta la shaaciyey natiijadeeda rasmiga ah, waxayna balan qaadeen inay iskaashiga labada dal kala shaqey doonaan madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto.

Ugu horeyn Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Waxaan hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa Madaxweynaha la doortay ee William Ruto, isagoo noqday Madaxweynihii 5-aad ee Kenya, marka aad bilawdo shaqadaada Madaxtooyada Kenya, waxaan rajeynayaa inaan si dhow idiinla shaqeeyo, si aan u horumarino iskaashigayada faa’iidooyinka u leh labada dal.”

Dhankiisa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa qoraalkaan uu soo dhigay bartiisa twitterka wuxuu ku yiri, “Waxaan u hambalyeynayaa Madaxweyne William Ruto, oo loo doortay madaxweynaha 5-aad ee Jamhuuriyadda Kenya. Gabagabada taariikhiga ah ee geedi socodkan ayaa marag u ah hogaamintaada. Xiriirka ka dhexeeya dadkeenna waa mid xooggan. Waxaan rajaynayaa in aan dhinacyo badan kaala shaqeeyo.”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo isna qoraal ka soo saaray doorashada kenya ayaa yiri, “Waxaan dhambaal hambalyo u dirayaa Madaxweynaha la doortay ee Dowladda Kenya Mudane William Samoei Ruto iyo Ku-xigeenkiisa Mudane Rigathi Gachagua, oo ku guulaystay doorashooyinkii Madaxtinimo ee ka dhacay dalkaas, aniga oo u rajaynaya nabad, horumar iyo xasillooni.”

William Ruto oo ahaa madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dalka Kenya ayaa ku guuleystay hoggaaminta dalkaas ee 5-ta sano ee soo socota, sida uu ku dhawaaqay guddiga doorashooyinka dalkaas, waxaana xusid mudan in dhowr xubnood oo ka tirsan guddiga doorashada ay diideen natiijadaan la shaaciyey.

William Ruto ayaa helay codad dhan 7.18 milyan oo u dhiganta 50.49%, halka uu musharaxii kale ee Odinga uu helay 6.94 milyan oo cod oo u dhiganta 48.85%, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Wafula Chebukati.

 

Xasan Sheekh oo Jeneraal Saadaq Joon dib ugu soo celiyey darajadiisa ciidanimo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Mohamed dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa Booliska Soomaaliyeed, si waafaqsan Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaar ah.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya sharciga dhismaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee lr. 2 oo soo baxay sanadkii 1973-dii ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in Booliska Soomaaliyeed ay saldhig u noqdaan hannaanka dimuqraadiyadeed iyo ilaalinta sharciga dalka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Maxamed, laga bilaabo maanta oo aan saxiixay xeerkan Madaxweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xuquuqda ciidan ee sharcigu uu u ogolyahay, iyadoo xeerkani uu baab’inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyey.”

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay Isniintii maanta ee 15-ka bishan Ogoosto, 2022 oo ah marka uu saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Saadaq Joon ka xayuubiyey darajooyinka iyo dhamaan xuquuqdiisa ciidamanimo, kadib markii uu ku baaqay in dalka doorasho loo jiheeyo, xilligaas oo Framaajo uu ku mashquulsanaa mudo kororsi.

Madaxweyne Farmaajo oo QORAAL deg deg ah kasoo saaray doorashada KENYA

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhambaal hambalyo ah oo deg deg ah u diray Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya William Ruto, kadib markii goordhow lagu dhawaaqay natiijada rasmiga ah ee doorashada.

Farmaajo ayaa ‘nabad, horumar iyo xasillooni’ u rajeeyey hoggaaminta Kenya ee William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua oo galabta guddiga doorashooyinka dalkaas ay shaaciyeen inay ku guuleysteen doorashada.

“Waxaan dhambaal hambalyo u dirayaa Madaxweynaha la doortay ee Dowladda Kenya Mudane William Samoei Ruto iyo Ku-xigeenkiisa Mudane Rigathi Gachagua, oo ku guulaystay doorashooyinkii Madaxtinimo ee ka dhacay dalkaas, aniga oo u rajaynaya nabad, horumar iyo xasillooni,” ayuu ku yiri qoraalkaan uu soo saaray Farmaajo.

Waxa xusid mudan in Farmaajo uu dagaal culus oo siyaasadeed la galay Kenya, ugu yaraan seddaxdii sano ee ugu dambeysay xukunkiisii Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta, labaduba waxay xafiisyada baneeyeen iyagoo dagaashan oo ku kala tegay siyaasadda, sanado badana aan yeelan wax cilaaqaad ah.

William Ruto oo ahaa madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dalka Kenya ayaa ku guuleystay hoggaaminta dalkaas ee 5-ta sano ee soo socota, sida uu ku dhawaaqay guddiga doorashooyinka dalkaas, waxaana xusid mudan in dhowr xubnood oo ka tirsan guddiga doorashada ay diideen natiijadaan la shaaciyey.

William Ruto ayaa helay codad dhan 7.18 milyan oo u dhiganta 50.49%, halka uu musharaxii kale ee Odinga uu helay 6.94 milyan oo cod oo u dhiganta 48.85%, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Wafula Chebukati.

Madaxweynaha cusub ee KENYA oo lagu dhowaaqay

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa ku guuleystay doorashadii madaxweyne ee dalkaas ka dhacday 9-kii August 2022, waxaa sidaas ku dhowaaqay Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashada iyo Xuduudaha (IEBC)

Ruto ayaa si dirqi ah kaga adkaaday ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Raila Odinga, oo markii shanaad ku guuldarreystay doorasho madaxweyne oo uu u tartamay.

Natiijada rasmiga ah ee guddiga doorashada ayaa muujisay in Ruto uu helay 50.49 boqolkiiba codadkii la tiray oo ah 7,176 141 cod, halka Odinga uu ka helay 48.85 boqolkiiba oo ah 6,942, 930 cod.

Odinga ayaa sanadkan haystay taageerada madaxweynaha xilka ka degaya Uhuru Kenyatta, oo sanado badan uu xifaaltan siyaasadeed kala dhaxeeyey, balse sida muuqata taasi waxba uma terin. 

Madaxweyne Kenyatta, oo qaatay labadiisii muddo xileed ee dastuurku ku xaddiday, ayey isku dhaceen Ruto kadib doorashadii 2017, wuxuuna markaas kadib isbaheysi la sameystay Odinga.

Ruto ayaa hoggaamiya isbaheysiga Kwanza, halka Odinga uu hoggaamiyo isbaheysiga Azimio La Umoja, oo uu ku jiro xisbiga Kenyatta ee Jubilee.