30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

R/W Xamza oo muujiyay afar qodob oo loo fahmay saldhiga dhaqan siyaasadeedkiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa soo afjaray maalmo shaqo ku wareejin oo xubnihii xukuumaddii hore ay kaga baxeen xeyndaabka. 25 wasiir ayaa la wareegay shaqada, kuwaas oo ay wehliyaan ku xigeeno iyo wasiiru dowlayaal.

Intii uu ku guda jiray mas’uuliyad ku wareejinta wasiirrada cusub wuxuu ra’isul wasaare Xamza aad ugu celceliyey 4 qodob oo u muuqday aas-aaskiisa siyaasiga ah, kuwaas oo haddii la dabaqo wax badan ka tari kara dowladnimada Soomaaliya.

Afartaas qodob ayaa kala ah:

1- Ilaalinta ammaanada

Ra’isul wasaarahu wuxuu dhowr wasaaradood ka sheegay muhiimada ammaanada, iyadoo kal xukunkii hore ee madaxweyne Xasan Shiikh aad loogu eedeeyo musuq, Xamza wuxuu u muuqdaa nin ka gaashaamanaya dhaqankaas.

In la helo madax aamin ah, waxay badbaado u tahay dalka iyo dowladnimada, waxayna jeexi kartaa dariiq lagu tanaado, baaqa ilaalinta ammaanada ee ra’isul wasaare Xamza Cabdi Barre waxaa hor taalla xujo ah in la fuliyo.

2- Shaqooyinkii hore

Dhowr wasaaradood oo uu ra’isul wasaaruhu tagay si uu shaqooyinka ugu kala wareejiyo wasiirrada cusub iyo kuwii hore wuxuu ka sheegay hadalo aan looga baran xukuumadaha cusub.

Xamza wuxuu qiray in shaqo badan oo wanaagsan la qabtay, wuxuu si weyn u bogaadiyey wasiirradii shaqada ka tagay oo uu sheegay in aysan qaarkood mudneyn inay baxaan marka la eego shaqada ay qabteen.

Waa xeer fiican in laga marqaati kaco wanaagga, dowladda Soomaaliyana macno weyn ayey u leedahay in madaxda cusub aqbalaan guushii ka horeysay iyo inay sii wadaan wixii horumar ah oo ay keentay xukuumaddii hore.

3- Wada-shaqeynta

Marka xukuumad cusub la dhiso waxaa soo baxa muran iyo is qabqabsi u dhaxeeya wasiirada cusub iyo howl-wadeenada wasaaradaha, waxaana badi sabab looga dhigaa wasiirada cusub oo isku daya inay awoodooda ku tijaabiyaan howl-wadeenada wasaaradaha, waxaana arrintaasi ka dhasha cuuryaamin shaqo iyo kala qeybsanaan.

Ra’isul wasaare Xamza wuxuu muuqday nin heysta waayo aragnimo taas la xiriirta, wuxuuna aad u dul istaagay ahmiyadda wada-shaqeynta iyo faa’iidada ay dhali karto.

Sidoo kale, wuxuu dhawaan mamnuucay inay wasiirada isbadal aan lala ogeyn ku sameeyaan mas’uuliyadaha wasaaradaha. Inta badan wasiirrada xukuumadaha Soomaaliya ee damacsan hanti boobka ayaa beegsada agaasimayaasha guud, si ay u keensadaan qof ay wax wada dhici karaan.

4- Shaqo shacbi ah

Ra’isul wasaare Xamza Cabdi Barre nuxurka khudbadihiisa waxaa laga dhex aqrisan karay sida u uu rabo in shaqada wasaaradaha loo eego maxay shacabku rabaan.

Inta badan wasaaradaha dowladda federaalka ah waxay ahmiyada siiyaan farriimaha loo diro ajaanibta iyo  tababaro yar yar oo nolol maalmeed laga dhex raadiyo. Waxaa aad u yar shaqada wasaaradaha, markii loo eego baahida shacabka iyo sida loo fududeyn karo in la gaaro dadka u baahan adeegga dowladda.

Ra’isul wasaare Xamza wuxuu nuxurka hadalkiisa ku xoojiyey in shaqooyinka wasaaradaha shacabka la waafajiyo, taas oo haddii sii sax ah loo fuliyo gebi ahaanba dhab u badali karta shaqada fadhi ku dirirka ah ee wasaaradaha dowladda federaalka ah.

Dagaal culus oo dib uga qarxay gobolka Galgaduud

0

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta uu dagaal beeleed dib uga qarxay duleedka magaalada Cadaado ee gobolkaasi.

Dagaalka oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed ayaa haatan ka socdo tuulada Baale oo hoostegta deegaanka Dhagax-dheer ee Galgaduud, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in garab ka mid ah maleeshiyaadka ay weerar ku qaadeen dad xoolo dhaqato oo ku sugnaa tuulada, waxaana sidaas ku qarxay dagaalka.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan 1 qof, ayada oo ay ku dhaawacmeen 2 kale, sida ay innoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxaana dadka deegaanka saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqyadaas iyo dagaalka ka qarxday halkaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo waxgaradka deegaanka ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay ku baxeen xiisaddaasi, si dagaalka loo qaboojiyo.

Maleeshiyaadka labada beel ee dagaalamaya ayaa isku haya dhul daaqsimeed ku yaalla tuulada Baale oo hoostegta deegaanka Dhagax-dheer ee gobolka Galgaduud.

Inta badan waxaa deegaannada Galmudug ku soo laa-laabta dagaal beeleedyada, waxaana khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaraa dadka shacabka ah ee lagu kor dagaalamo.

Mareykanka oo shaaciyey inuu duqeyn ku dilay 13 ka tirsanaa AL-SHABAAB

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa faahfaahin ka bixiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo ay diyaaradahooda dagaalka 14-kii bishaan ka fuliyeen qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha waddanka Soomaaliya.

AFRICOM oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaaca ka qaaday in duqeyntaasi lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo ku sugnaa agagaarka deegaanka Teedaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay weerarkaas dhanka cirka ku dileen ugu yaraan 13 ka tirsanaa Al-Shabaab, isla-markaana aysan jirin khasaare soo gaaray shacabka.

“Qiimaynta hordhaca ah ee taliska ayaa lagu sheegay in duqaynta lagu dilay 13 ka tirsan  Al-Shabaab, isla markaana aanay jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika.

Howlgalkan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa ciidamada dowladda Soomaaliya, wuxuuna Mareykanku intaasi ku daray inuu sii wadi doono la dagaalanka Al-Shabaab.

Hiiraan oo ay weli ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka socday howl-gallo ay ka wadaan ciidamada huwanta ee ku sugan gbolkaasi.

Ujeedka dhaq-dhaqaaqyadaas ayaa ah, sidii looga hortegi lahaa weerarada kooxda Al-Shabaab, isla-markaana guud ahaan looga saari lahaa deegaannada gobolkaasi.

Sikastaba, Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka ka qayb-qaata dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab, wuxuuna sidoo kale tababar siiyaan ciidanka Danab ee Xoogga Soomalaiyeed.

Seddax go’aan midkood oo Maxkamadda Sare ee Kenya ka qaadan karto natiijada doorashada madaxweyne

Nairobi (Caasimada Online) – Shan maalmood ayaa u hartay si ay maxkamadda sare ee dalka Kenya uu doodiisa ugu gudbiyo xisbiga hoggaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga oo waxaba kama jiraan ku tilmaamay doorashadii looga guuleystay ee madaxtnimada dalkaas.

Todoba maalmood ayuu dacwadiisa ku gudbi karaa murashaxii dood ka qaba natiijada doorashada, si mxkamadda dastuuriga ah ay go’aan muranka, wuxuuna hadda Raila Odinga ka baaraan degayaa wadooyinka sharciga ah ee u furan, si uu meesha uga saaro natiijada doorashadaan uu ku guuleystay William Ruto.

Hadii shanta maalmood uusan Raila Odinga dacwo ku gudbin, waxaa khasab ah in William Ruto loo dhaariyo xukunka dalka, si xukuumadiisa uu u soo dhiso.

Hadaba aan eegno seddax go’aan oo midkood laga filan karo Maxkamadda:

Maxkamadda sare ee Kenya oo kaliya ayaa wax ka bedali karta natiijada doorashada oo Isniintii la shaaciyey, todoba garsoore ayaa fadhisa maxkmaadaas, 14 maalmood ayey u baaha doonaan si go’aan kama dambeys ah ay uga gaaraan khilaafka doorashada Kenya.

1 – Haddii ay sax noqoto dooda garabka Raila Odinga waxaa sharci noqonaysa in 60 maalmood gudahood lagu qabto doorashada, waxayna shacabka Kenya mar kale cod u qaadi doonaan musharaxiinta madaxweynaha.

2 – In maxkamaddu ay cambaarayso guddiga doorashada, balse ay caddeymo ku filan u wayso in codeynta lagu celiyo.

Taas waxay ka dhigan tahay in natiijada ay sideeda ahaan doonto, oo madaxweyne William Ruto xilka loo dhaariyo.

3 – In maxkamaddu ay si buuxda u taageerto natiijadii lagu dhawaaqay, amarna ku bixiso in madaxweynaha cusub uu yahay William Ruto, iyadoo go’aankaas uu meesha ka saari doono sheegashada Raila Odinga ee ah in doorashada lagu shubtay.

Inta aysan maxkamaddu soo saarin seddaxdaas go’aan mid waxaa khasab ah, hadii dacwad loo gudbiyo in garsooreyaashu ay dib u eegis ku sameeyaan natiijada, sida in codadkii dadweynaha dib loo tiriyo.

Waxaa xusid mudan in guddiga doorashooyinka Kenya oo todoba xubnood ka kooban afar ka mid ah ay cadeeyeen in aysan ku qanacsanayn natiijada la shaaciyey ee doorashadaan uu ku soo baxay William Ruto.

 

Daawo: Maxaa ka jira in Prof Samatar uu BF isaga casilay xilka loo dhiibay Roobow?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mid ah golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ka hadlay war laga faafiyey maalmihii lasoo dhaafay, kaas oo sheegayey inuu iska casilay xubinimada Aqalka Sare.

Senator Cabdi Ismaaciil ayaa been abuur ku tilmaamay qoraalkaas oo lagu baahiyey ciwaan Facebook oo magaciisa loo isticmaalay, kaas oo sheegayey “inuu iska casilay xubinimadii Aqalka Sare, kadib markii wasiirka Diinta loo magacaabay Mukhtaar Roobow.”

Senatorka ayaa cadeeyey in baraha bulshada ee Internetka uusan isticmaalin, sidoo kalena uu maalmihii laga faafiyey warkaas ku mashquulsanaa qormada buug, xogo badan xambaarsan ka hadlaya xaaladda Soomaaliya, kaas oo uu ugu magac daray “Xeyn-daabeynta Soomaaliyeed.”

Sidoo kale Professor-ka oo u waramay TV-ga Universal ayaa sheegay in dadka ka sameeyey been abuurkaas ay sabab uga dhigeen magacaabidda Wasiir Mukhtaar Roobow, isagoo cadeeyey mowqifka uu ka taagan yahay magacaabidda Sheekh Mukhtaar ee wasaaradda Diinta.

Senator-ka ayaa Mukhtaar Roobow ku tilmaamay nin geesi ah oo wax ceeb ah uusan u heyn in xilkaas loo dhiibo, isagoo ka sheekeeyey inta uu ka yaqaano iyo waayihii uu bartay Mukhtaar Roobow.

“Sanadkii 2006-dii ayaan Sheekh Mukhtaar kula kulmay magaalada Muqdisho, waxaan ka wadahadleynay sidii hoggaamiye kooxeedyada looga saari lahaa magaalada, Mukhtaar waa nin geesi ah, wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyey ee maxaakiimta oo baqeysa ku dhawaaqay in dadkii Muqdisho ka qaxay ay guryahooda ku soo laabtaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in markii ugu dambeysay ee Baydhaba laga soo xiray Sheekh Mukhtaar lagu kacay “Jariimo umadeed, marka wax xun oo aan ka sheego wasiirnimada Roobowna ma jirto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Senator Cabdi Ismaaciil Samatar.

Hoos ka daawo

 

Xamza oo farriin culus soo saaray kadib kulanka guddigii uu magacaabay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa kulankii ugu horreeyey maanta la yeeshay guddiga heer Qaran ee gurmadka abaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo ka duulaya baahida loo qabo dardar-gelinta howlaha gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee ay saameynta ba’an ku yeelatay abaarta dalka ka jirta ayaa intii uu socday shirka waxa uu warbixino ka dhageystay Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Caafimaadka, Warfaafinta iyo Wasiirka Bay’ada.

Wasaaradaha ayaa waxay soo bandhigeen doorka ay wasaarad walba ku leedahay arrimaha gurmadka abaaraha, ee ka socda dalka.

Xoghayaha guddiga gurmadka ahna Maareyaha Xarunta Qaran ee Hawlgalada Degdega ah (NEOC) ayaa sidoo kale soo bandhigay warbixin iyo xog faah-faahsan oo ku saabsan xaaladda abaarta iyo tallooyin ku aaddan qaabka looga hortago abaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa faray in howlaha gurmadka la dardar-geliyo, maadaama  ay abaaruhu yihiin kuwo ka sii daraya, dadka ay saameeyeena ay u baahan yihiin in deg deg loogu gurmado.

Sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaraha ugu baaqay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in gacan loo fidiyo dadka abaaruhu saameeyeen, intii kaalmo shisheeye la sugi lahaana ay muhiim tahay in ummadda Soomaaliyeed ay dhex dooda is garab siiyaan.

Kulankaan ayaa imanaya kadib shir deg deg ah oo xalay ay isugu yimaadeen xubnaha golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya, kaasi oo lagu magacaabay guddi ka kooban 16 hey’adood oo 12 ka mid ah ay wasiirro yihiin.

Guddigaan ayaa loo xil saaray gurmadka abaaraha ka jira Soomaaliya waxaa qeyb ka ah Ergayga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sawirro: Mareykanka oo soo furtay dhallinyaro Soomaali Mareykan ah oo lagu hayey xarun ku taalla Nairobi

0

Nairobi (Caasimada Online) – Waxa ugu weyn oo ay ka cabsadaan dhallinyarada Soomaali Mareykanka ah ee lagu xabisay Xarunta Dhaqancelinta Irshaad, waa qolalka lagu karantiilo oo ay keli keli ugu jiraan. 

Markii ay isku dayaan inay ka dhiidhiyaan xeerka u degsan xarunta ama ay gebi ahaan diidaan, waxaa loo dhaadhiciyaa qolalkaas ku yaalla dhulka hoostiisa oo leh gidaarro la dulmariyay fiilooyin leh danab koronto oo nool iyo siligyo. 

Cabdirizaaq Aaden Axmed, oo ah da’yar Soomaali Ameerikaan ah oo ka yimid magaalada Mechanicsburg ee gobolka Pennsylvania, wuxuu sheegay in waqtigiisa ugu bada, siiba habeenkii lagu go’doominayey qolalkaas qol kamid ah, muddadii sideedda bilood ahayd oo uu go’aan aan kiisa ahayn ugu jiray xarunta Irshaad oo ku taalla xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii. 

Xarunta Irshaad iyo xarumo kale oo lamid ah oo ku yaalla Soomaliya iyo Kenya waxay il ganacsi ka arkeen – inay dhaqanceliyaal aqoon leh isaga dhigaan – waalidiinta Soomaaliyeed ee qadyaanka ka jooga barbaarinta iyo tarbiyada ilmahooda qaar oo ay daroogadu dilootay, maskax ahaan jiran, caaqyaal ah kana tagay dhaqankii Soomaaliga. 

Cabdirizaaq hooyadiis oo inankeedu qabtimay isticmaalka xashiishka Marijuana waxay sheegtay inay bil walba ku bixiso lacag dhan $600 wax ay xaruntu kula balantay oo ah in wiilkeedu kaga caafimaadi doono cabidda iyo qabtinka maandooriyaha. 

Laakiin xaqiiqadu way kasii warwar badan tahay intaas. 

Cabdirizaaq wuxuu sheegay in gudaha qolalkaas gudcurka ah uu dharbaaxi jiray nin uu ku sheegay Cherad Abubakar oo kormeere guud ka ah xarunta kuna daadiyay kaadi iyo biyo qabow si uu u dhadhamiyo ciqaab uga timid sababtii uu aayado qur’anka kamid ah u xifdin waayay. 

Cabdirizaaq oo 18 jir ah, waxaa looga tagay qolka isaga oo qaawan – qarqaryoonaya – wax gogol ahna aan loo dhigin. 

“Waa i jirdilayeen,” ayuu yiri. 

Bishii April, booliska Kenya ayaa howlgal ay ka fuliyeen xarunta Irshad kusoo badbaadiyay Cabdirizaaq iyo shan kale oo Soomaali Mareykan ah iyo kuwa kale oo UK, Canada iyo Holland kasoo jeeda. 

Safaaradaha Holland iyo Maraykanka ee Nairobi ayaa dib ugu celiyay muwaadiniintooda dalalkii laga keenay. 

Xaruntu waxay kamid tahay dhowr xarumod oo safaaradda Maraykanka ay kasoo furatay muwaadiniin da’yar ah kuwaas oo ka furan gudaha Kenya iyo Soomaaliya. 

Sida ay ku warramayaan dad horay ugu jiray xarunta, shaqaale hore oo usoo shaqeeyey, diblomaasiyiinta Maraykan ah, geyfanayaal xuquuqda aadanaha u dooda iyo booliska Kenya, Irshaad iyo xarumo kale oo dhaqancelin ah wax yar ayay ka fiican yihiin xabsiyada caadiga ah, waxaana lagu jirdilaa looga xayuubiyaa xurriyadda gaarka ah da’yar badan oo kusoo barbaaray Maraykanka iyo Yurub. 

“Xarumahani ujeedkoodu waa inay lacag helaan,” ayuu yiri Robyn Luffman oo ka howlgala safaaradda Maraykanka ee Nairobi. 

Safaaraddu waxay sheegtay inay jiraan 4 xarumood oo sharciyaysan kuwaas oo ka howlgala Kenya oo labo kamid ah ay boolisku holwgal ka sameeyeen sannadkii 2017-ka. 

Afhayeenka Guddiga Qaran ee Ololaha Ka-dhanka ah Maandooriyaha ee Kenya oo si dhow ula socota xarumaha dhaqancelinta ayaa ka gaabsaday inuu jawaab ka bixiyo eedeymaha loo jeediyay Irshad. 

Xarumo badan oo dhaqancelin ah ayaa ka furan Soomaaliya – iyaga oo aan wax badan aysan kala soconin dowladda dhexe, marka lo eego diblomaasiyiinta iyo geyfanaal xuquuqda aadanaha u dooda. 

“Boqollaal ayaa ku jira xarumahaas – mana sheegi karno tirada saxda ah,” ayuu yiri Guuleed Axmed Jaamac oo ah garyaqaan xuquuqda aadanaha oo Soomaali ah.

Burburkii dalka ayaa la yimid in Soomaali badan ay u dhoofaan Yurub iyo Maraykanka, carrur badan ayaana ku dhashay dhulkaas oo dhaqankii wacnaa iyo barashada diinta aan si fiican uga haqabeelin. Mana ka baxaan ilmuhu talada waalidkooda ilaa ay ka guursadaan oo ay ka noqdaan qoys gaar u degan. In badanna, waxaa duufsada nolosha ka-dhacda ah ee ka jirta jidadka qaar – iyaga oo la saaxiiba tuugada hubeysan – qabatimana isticmaalka daroogada. 

Tani waxay ku kaliftaa waalidiin badan inay ilmahooda ula soo baxsadaan Afrika. Bartilmaameedka ugu weynna waa Kenya iyo Soomaaliya. 

Qaar badan ayaa geeya deegaannadooda si ay afka iyo dhaqanka usoo baraan; in kale-na, waxay usoo wadaan xarumaha dhaqancelinta kuwaas oo u sameeya balamo aan dhab u hirgelin inta badan. 

“Waxaan aragnay kiisas badan oo waalidka dhibanayaasha aysan fikrad ka haysan xaaladaha ayna naxaan marka ay maqlaan xadgudubyada jir, maskax iyo galmo ee lagula kaco caruurtooda,” waxaa sidaas yiri safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre.   

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa soo saartay diginin ah in xarumaha noocaas ah “ayan haysan shatiyo ay ku howlgalaan ama aysan jirin korjoogteyn lagu sameeyo.”

A man walks by the Irshad Rehabilitation Centre in the Eastleigh neighborhood in Nairobi, Kenya.

A security guard sits in the exterior courtyard at Irshad Rehabilitation Centre in Nairobi, Kenya.
Security cameras show the interior courtyard at Irshad Rehabilitation Centre.

Kala xiriir: [email protected]

Iftiimin: Habraaca sharciga ah ee loo maro muranada doorashada dalka Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Guddoonka Guddiga Doorashada Qaran ee Kenya ayaa ku dhawaaqay in madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Kenya, William Ruto uu yahay madaxweynaha cusub kadib loolan ilaa gabagabadiisa aad la isku cirbiyay oo dhex maray isaga iyo hoggaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga.

Odinga ayaa ku gacanseyray natiijada isaga kasoo qaaday wax kama jiraan uusan sahal ku aqbali doonin. Balse ma ahan markii koowaad oo uu sidan oo kale u diido natiijada. Sannadihii 2013 iyo 2017 wuxuu maxkamadda u hordhigay racfaan uu ku dalbanayo in dib-u-eegis lagu sameeyo natiijada – isaga oo sheegtay in looga shubtay.

Haddaba, habraac sidee ah ayaa loo maraa xalinta murannada ka dhasha natiijada doorashooyinka?

Sannadkii 2010-ka, waxaa la meelmariyay xeer cusub oo dhigaya sida iyo tubaha loo maro haddii la isku qabto natiijada doorashada. Waxayna daba-soctay – oo ayna jawaab u ahayd – doorashadii qalalaasaha dhalisay ee dhacday sannadkii 2007 markaas oo in ka badan 1,200 oo qofood ay ku dhinteen.

Rabsadahaas waxaa qeyb ahaan lagu eedeeyey dhinacii loolanka looga adkaaday inay abaabuleen madaama aysan ku qancin go’aankii maxkamadda ee xilligaas.

Xeerkan cusub, ayaa si kastaba, dhisay maxkamad sare oo ka kooban toddobo xubnood kuwaas oo ay shaqadoodu tahay inay xal-waara u helaan soona afjaraan natiijada doorashada.

Waqtigee kama dambeys u ah oo maxkamadda loogu soo gudbin karaa racfaanka? 

Kuwa aan aqbalin natiijada ee racfaanka qaata waxaa laga doonaya inay cabashadooda usoo gudbiyaan maxkamadda sare muddo 7 maalmood ah oo ka dambeysa maalinta lagu dhawaaqo natiijada.

Maxkamadda ayaa qabata shir ay ku dhan yihiin maqaawiirta ugu sarreysa xisbiyada si loo asteeyo jadwalka dhageysiga tabashada iyo tubaha kale ee loo marayo go’aan gaaridda.

Dastuurka ayaana faraya in maxkamadda ugu sarreysa dalka ay ku dhawaaqdo go’aankeeda muddo 14 cisho oo ka bilaabanaysa kolka gal-dacwadeedka kiiska uu gacantooda soo galo.

Iyada loo eegayo adkaanshiyaha jadwalka, waxay maxkamaddu soo saartaa natiijooyin hordhac ah oo ku saabsan go’aankeeda ilaa marka dambe ay ku dhawaaqdo.

Sidee u badan tahay in maxkamddu go’aamiso?

Marka maxkamadda loola yimaado racfaanka iyo diidmaad natiijada doorashada qaran, waxaa u furan saddex doorasho.

Haddii ay hesho caddaymo ayidi kara in sharci ahaanshiyaha natiijada su’aal la gelin karo, waxay gebi ahaanba laali kartaa natiijada – iyada oo amri karta in doorasho kale lagu qabto muddo 60 cisho ah; ama waxay eeddaynta ku celin kartaa habraacii loo maray ku dhawaaqista natiijada kadibna waxay qaadataa go’aan tilmaamaya inaysan caddaymo ku filan oo ay ku diido natiijada.

Tan ugu dambeysana waa inay gebi ahaanba aqbasho natiijada haddii ay ogaato in loo maray habraacyadii saxda ahaa.

Si maxkamaddu u gaarto go’aanka, waxaa xusid mudan inay u baahan tahay dib-u-eegis inay ku sameyso codadka la dhiibtay – dibna loo tiriyo.

Maxaa dhacay doorashadii hore? 

Maxkamadda ayaa ku gacanseyrtay natiijadii Uhuru Kenyatta ka dhigtay mar labaad in la doorto – iyada oo heshay caddaymo muujinaya in lala leexsaday laguna shubtay natiijada meelo badan oo laga codeeyey.

Maxkamadda ayaa sidoo kale ogaatay sinnaan la’aan ka jirta habtirinta codadkii la dhiibtay ee loogu codeeyey xildhibaannada qaar iyo midka madaxweynaha.

Saddex kamid ah garsoorayaashii qaadacay natiijada doorashada ayaa weli jooga maxkmadda – halka horjoogahoodii uu howlgab noqday sannadkii lasoo dhaafay. Waxaana booskiisa beddeshay Martha Koome oo ah haweeneydii koowaad ee jagadaas u qabata Kenya.

Laakiin mid kamid ah garsoorayaasha ugu doodaha kulul ayaa wali ku jira booska keydka, halka midkii howlgabka noqdayna booskiisa la buuxiyay.

Markii lagu celiyay doorashadii madaxtinimada bishii October sannadkaas, kiis kale ayaa la geeyey laakiin maxkamadda ayaa laashay – iyada oo ansixisay natiijada; taas oo Uhuru Kenyatta u caleemo saartay mar kale inuu shan sanno kale sii hoggaamiyo dalka Kenya. 

Kala xiriir: [email protected]

Saddex cashir oo laga bartay dib usoo celinta darajadii ciidanimo ee Saadaq Joon

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib darajadiisa ciidanimada iyo dhammaan xuquuqdiisii sarkaalnimo ugu soo celiyey General Saadaq Cumar Xasan oo loo garan ogyahay Saadaq Joon.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa sarkaalkaan oo hadda xildhibaan ah wuxuu dib ugu helay garaadihiisii iyo wixii uu dowladnimada kaga heli lahaa darajadaas.

Saadaq oo ahaan jiray taliyaha booliska gobolka Banaadir ayaa bishii April ee sanadkii 2021 wuxuu noqday sarkaalkii koowaad ee u baareeray inuu hor istaago muddo kororsigii sharci darada ahaa ee Farmaajo, balse madaxweynaha xafiiska baneeyey oo arrintaasi ka carooday ayaa Saadaq Joon isugu daray xil ka-qaadis, ka xayuubin darajadii ciidanimada iyo joojinta dhammaan wixii uu xaqqa u lahaa sarkaalkaan.

Hal sano iyo 3 bilood kadib, Saadaq Joon hadda waa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamanka Soomaaliya, wuxuu qeyb ka noqday isbadalkii lagu bixiyey Farmaajo, wuxuuna  dib u helay darajadiisii ciidanimada iyo xuquuqdiisii.

Haddaba maxaa laga baran karaa dhacdadaan?

1- Macnaha go’aanada xilliga adag

Inaad waqti adag u bareerto diidmada tallaabo sharci darro ah oo ay madaxdaadu ku dhaqaaqday ma ahan mid sahlan, waxaad quureysaa naftaada, xilkaaga iyo aqbalidda wax walba oo falcelin ah oo ka dhasha arrintaasi.

Laakiin sida diiwaanka ku xusan, dad badan oo iska diiday inay madaxda u qasbaan shacabka waxay ka dhaxleen sharaf iyo maamuus dambe.

Saadaq Joon wuxuu ku biiray kuwa haysta diiwaankaas wanaagsan, wuxuuna  tusaale u noqon doonaa saraakiil badan oo laga yaabo inay ku timaado xaaladaan oo kale.

2- Inusuan mas’uul dambe u bareerin darajo ka xayuubin daneysi ah

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu darajada ka xayuubiyey dhowr sarkaal oo ka biyo diiday inay rabitaan shaqsi ah meel mariyaan, waxay u aheyd mid ka mid ah ciqaabadaha ugu waaweyn oo ay kula kacaan saraakiisha.

Inay maanta billaabatay darajo usoo celinta saraakiishaas, waxay farriin u tahay mas’uul walba oo isku daya inuu askarta qab jabiyo.

Hoggaamiye kasta oo taga Villa Somalia oo isku daya inuu dabaqo dhaqanka darajo ka xayuubinta siyaasadeysan, waxaa maanta usii sawiran inuu sarkaalku berri dib u heli doono darajadiisa, waxaana la aaminsan yahay in madaxdu aysan waqti dambe isaga lumin doonin arrintaan.

3- Difaaca sharciga

Tallaabadii uu madaxweyne Xasan Sheekh dib garaadishiisa ugu soo celiyey General Saadaq Joon waxay ka dhigan tahay in la difaacay sharciga dalka oo xaaraantinimeynayo in madaxda dantooda shaqsiga ah u isticmaalaan awoodda dowladeed ee lagu aaminay.

Sidoo kale, waxay dhiiragelin u tahay askarta kale ee berri la kulmi kara xaaladaan oo kale. Talaabada uu madaxweynaha qaaday oo si weyn loo bogaadiyey waxaa dhinaca kale barbar socota waydiin la xiriirta xaaladda General Cabdalla Cabdalla oo ah qofkii ugu horeeyey oo uu Farmaajo ka xayuubiyo darajadiisa kadib markii uu maxkamadda ciidamada u gudbiyey dacwad ka dhan ah Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ah inuu xiriir la leeyahay kooxda Al-Shabaab.

Dad badan ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay inuu sidoo kale General Cabdalla Cabdalla usoo celiyo darajadiisa.

Fiqi oo qabsaday waqtiga ay dowladda ‘ku baabi’in doonto’ maxkamadaha Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in muddo labo sano gudahood ah ay albaabada isugu dhufan doonto waxa loogu yeero maxkamadaha ay kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab ka dhistay Shabeellaha Hoose iyo daafaha magaalada Muqdisho.

Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Axmed Macallin Fiqi, oo khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa qiray in dadka qaar ay cadaaladda u doontaan maxkamadaha Al-Shabaab, maadaama laga aamin baxay nidaamka garsoorka dalka.

Waxa uu sheegay in dowladiisa ay ka go’an tahay in labada sano ee soo socota ay meesha ka saarto maxkamadaha noocaan ah ee ka howlgala Shabeellaha Hoose iyo Muqdisho.

Sida uu sheegay Fiqi, fulin la’aanta xukunada maxkamadaha dowladda ayaa sabab u ah in Soomaalida qaarkood ay cadaalad ka helaan maxkamadaha kooxda Al-Shabaab.

Waxa loogu yeero maxkamadaha kooxda argagixisada ah ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa saameyn ku leh dalka Geeska Afrika, iyagoo mararka qaar dib u celiya go’aannada ay soo saaraan maxkamadaha dowladda.

Dad badan ayaa maxkamadaha Al-Shabaab u raadsada cadaalad si qarsoodi ah, sababtoo ah waxay aaminsan yihiin in maxkamadaha dowladda Soomaaliya ay yihiin kuwo musuqmaasuq ah oo qofkii lacag leh ku awood badan yahay.

Maxkamadahaan ayaa ah kuwa guurguura oo inta badan ka howlgala Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Jubbada Dhexe, waana dhulka kaliya ee ay gabi ahaan gacanta ku hayaan ururka argagixisada ah.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isku dayay balse wuu ku guul dareystay in uu dadka ka mamnuuco in ay u dhawaadaan maxkamadaha kooxda Al-Shabaab.

Turkey iyo Israel oo dib usoo celinaya xiriirka diblomaasi

Ankara (Caasimada Online) – Israel ayaa si buuxda dib ugu soo celineysa xiriirka diblomaasi ee Turkey, waxaa sidaas maanta ku dhowaaqay xafiiska ra’iisul wasaare Yair Lapid, kadib sanado uu xumaa xiriirka labada dal.

“Waxaa la go’aansaday in mar kale heerka xiriirka labada dal la gaarsiiyo xiriir diblomaasi oo dhameystiran, lana soo celiyo safiirrada iyo qunsullada labada dal,” waxaa sidaas lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska Lapid.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyey isfahamka diblomaasi ee labada dhinac wuxuuna ku qeexay “hanti muhiim u ah xasilloonida gobolka iyo war wanaagsan oo dhaqaale oo ay heleen shacabka Israel.”

Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in labada dal ay dib u magacaabayaan safiirradooda.

“Magacaabista safiirrada waxay aheyd mid ka mid ah tallaabooyinka soo celinta xiriirka. Tallaabadan togan waxay ka timid Israel ayada oo ka dhalatay dadaallada, Turkey ahaanna waxaan go’aansanay inaan safiir u magacowno Israel iyo Tel Aviv,” ayuu yiri Cavusoglu.

“Waxaan hadda billaabeynaa hanaanka aan ku go’aamineyno qofka aan magacaabeyno.”

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Turkey “aysan ka tanaasuli doonin qadiyadda” Falastiin inkasta oo ay dib usoo celineyso xiriirka Israel.

Go’aanka ayaa yimid kadib bilo ay socdeen dadaallo lagu hagaajinayo xiriirka labada dal oo xumaaday 2008 kadib howlgal militari oo Israel ay ka fulisay Gaza.

Xiriirka ayaa gebi ahaan burburay 2010 kadib markii 10 qof ay ku dhinteen weerar ay Israel ku qaaday Markab Turkish ah oo lagu magacaabo Mavi Marmara oo gargaar u sida Gaza, kaasi oo isku dayey inuu jebiyo xannibaad ay Israel kusoo rogtay.

Heshiis la gaaray 2016 oo dib loogu soo celiyey safiirrada labada dal ayaa burburay 2018, kadib markii 200 oo dadka Gaza ah ay toogasho ku dileen ciidamada Israel xilli ay dibadbax dhigayeen.

Madaxweynahga Israel Isaac Herzog ayaa booqasho taariikhi ah ku tegay Ankara bishii March, halkaasi oo uu kula kulmay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo kulanka ku qeexay “Marxalad isbeddel u ah xiriirka labada dal.”

AFP + VOA

Rabshado ka dhacay qabuuro lagu aasayey dadkii ku dhintay dibad-baxyadii Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in maanta rabshado horleh ay ka dhaceen Qabuuraha Halleeya oo lagu aasayey saddexdii qof ee ku dhintay dibad-baxii 11-kii buishaan ka dhacay magaalada Hargeysa.

Rabshadaha ayaa ka dhashay kadib markii ay dadweyne careysayn weerareen wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland, Saciid Sulub oo tegay goobta aaska ee marxuumiinta.

Wararka ayaa sheegaya in dadka careysan oo u badnaa ehellada dadkii dhintay ay dhagxaan iyo gacan ka hadal isugu dareen wasiir Saciid Sulub iyo dad kale oo la socday.

Sidoo kale wararka ayaa intaas ku sii daraya in kadib ay xaaladdu faraha ka baxday, taas oo keentay inay rasaas adeegsadaan ciidanka ilaalada ee wasiirka, balse ma jiro khasaare ka dhashay, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah oo ku sugnaa Qabuuraha.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana markii dambe arrinta fara-geliyey odayaasha dhaqanka oo ku guuleystay inay dajiyaan xiisadda, waxaana sidaas lagu aasay dadkii ku dhintay rabshadihii ka dhashay dibad-baxii maalmo kahor ka dhacay caasimada Hargeysa.

Wasiirka iyo xubnaha la socday ayaa sidoo kale si nabad ah goobta looga amba-bixiyey, kadib markii ay xaaladda dajiyeen odayaasha dhaqanka ee ku sugnaa goobta.

Somaliland ayaa haatan wajaheyso xaalad adag oo ka dhalatay muranka hareeyey doorashada maamulkaas oo ay isku hayaan mucaaradka iyo xukuumadda Biixi.

Sikastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse xaaladda ayaa u muuqata mid ka sii dareysa, waxayna mucaaradka weli wadaan dibad-baxooda, halka ay xukuumaddana adeegsaneyso ciidamada ammaanka, si ay uga hortegto rabshadaha ka socda halkaasi.

Saddex arrin oo uu William RUTO si gaar ah ugu ballan qaaday SOOMAALIDA

0

Nairobi (Caasimada Online) – William Samoei Arap Ruto ayaa loo doortay madaxweynaha cusub ee Kenya kaddib markii uu loollan adag ku galay doorashadii qabsoontay 9-kii August, 2022. Waxaa jiray arrimo gaar ah oo uu Soomaalida horay ugu ballan qaaday haddii la doorto.

Dad badan waxa ay saadaalinayeen in Ruto uusan ku guulaysan doonin tartanka xilka ugu sarreeya Kenya, sida uu isaga qudhiisa ku sheegay khudbaddii uu ka jeediyay goobtii looga dhawaaqay guushiisa doorashada.

Ninkan oo tobankii sano ee lasoo dhaafay ahaa madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa olole muddo dheer socday usoo galay in xilka madaxweynaha fursad loo siiyo.

Waxa uu safarro ku tagay deegaannada dalka, oo ay ka mid yihiin kuwa ku yaalla gobolka Soomaalida ee Waqooyi Bari.

Si la mid ah murashaxiintii kale ee loollanka kula jirtay, waxa uu shacabka u ballan qaaday waxyaabo uu samayn doono haddii la soo doorto.

Bulshada Soomaalida ah ayuu si gaar ah ugu ballan qaaday saddex arrin oo muhiim ah.

Sharciga aqoonsiga

Intii uu Ruto ku guda jiray ololaha doorashada waxa uu bulsho walba kusoo jiidanayay qorshaha uu u hayo, si ay codadkooda u siiyaan marka loo dareero doorashada.

Soomaalida, oo ka mid ah bulshooyinka Kenya ayuu u sheegay in marka uu xafiiska madaxtooyada la wareego xaqiijin doono in meesha laga saaro waxa loogu yeero “cunsuriyeynta bulshada Soomaalida ah lagu bartilmaameedsado” marka ay raadsanayaan sharciga aqoonsida dalka ee loo yaqaanno “Kibaandhe”.

Dadka qaar ayaa sidoo kale culays kala kulmi jiray inay baasaboorka waddanka helaan.

Cabashada ku aaddan arrintaas ayaa socotay muddo dheer, hoggaamiyeyaasha Soomaalida Kenya ayaana dowladda ku dhaliilayay in ay ka gaabisay wax ka qabashada dhibaatadaas.

Haddii madaxweynaha la doortay uu ka dhabeeyo balla-qaadkiisii xilliga ololaha, Soomaalida Kenya ayay u suurtageli doontaa inay waqti gaaban ku helaan shuruucda, caqabado badan oo ka hor imaan jirayna lama kulmi doonaan.

Dadka la waayo iyo dilalka sharci darrada ah

Arrin kale oo uu William Ruto ku xusay qorshaha uu dalka ugu talo galay markii uu isu diyaarinayay doorashada ayaa ah in uu ku dadaali doono joojinta falalka dadka sida qarsoodiga ah loo kaxaysto ee mar qura la waayo iyo dilalka aan maxkamad loo marin.

Maadama loo doortay xilka madaxweynaha, waxaa laga filayaa inuu taasna hirgeliyo.

Xildhibaanka Gaarisa, Aadan Barre Ducaale, oo saaxiib dhow la ah Ruto, ololaha doorashadana kula jiray, ayaa sheegay inay kasoo bixi doonaan ballantii la qaaday.

“Maanta waxaan u sheegayaa ummadda Soomaalida ah sida aan ballan-qaadnay, arrinkii kibaandhaha iyo baasaboorka ee ummadda Soomaalida ah lagu kala soocayay iyo ummadaha Kenyaanka ah way dhamaan doontaa,” ayuu yiri Ducaale

“Weliba waxaan sameynaynaa guddi soo baari doona raggii ka dambeeyay dilkii faraha badnaa ee lagu sameeyay ummadda Soomaalida iyo ummadda muslimiinta in dib loo baaro oo raggaas maxkamad la keeno, hooyooyinkii iyo haweenkii raggooda iyo wiilashooda maqan yihiinna dib loo keeno,” ayuu sii raaciyay.

Waxa uu Ducaale sheegay in guusha usoo hoyatay ay ku timid waxyaabaha ay dadka u ballan qaadeen.

Isagoo sharraxayay waxyaabaha u qorsheysan ayuu yiri: “Heerkan waxaan ku gaarnay dadaal iyo ajandaheenna ayaan ka iibinnay ummadda Kenya. Ummadda Kenya sanadkan kuma aysan codeynin siyaasi ku dhisan qabiil, waxay ku codeeyeen siyaasi ku dhisan maanafeesto iyo ajender.

“In aan danyarta u daneyno, in aan dhaqaalaha waddankan dib u soo celinno, inaan deymaha waddankan oo kor u kacay aan yareyno, in aan dhallinyarada aan shaqaaleyno, in aan waddankan soo kordhinno, in aan gelinno caafimaad, ceymis qof kasta oo waddankan u dhashay haddii uu xanuunsado dawo iyo isbitaal free ah uu helayaa.”

Waddo muhiim ah

Ruto ayaa mar uu socod ololaha qayb ka ah ku marayay deegaanno ka tirsan ismaamulka Garissa waxa uu ballan qaaday in dowladdiisa ay dhisi doonto waddo isku xiri doonta magaalooyinka waawayn ee gobolka Waqooyi Bari.

Aadan Ducaale ayaa sheegay in ballan-qaadkaasna ay fulin doonto dowladda loo doortay saaxiibkiis.

“Waddadii bankiga adduunka uu maalgeliyay ee ka billaabanaysay Maddoogaashe, Wajeer ilaa Mandheera oo madaxweyne Uhuru Kenyatta oo waqti kasta uu isku dayo inuu lacagtaas uu waddan kale geliyo, taasna waan ka diidnay marka jidkaasna, InshaAllah, waa la dhisayaa,” ayuu yiri.

William Ruto oo keliya ma ahayn murashaxiinta ballan-qaadyada u sameeyay bulshada Soomaalida.

Ninka sida wayn ula tartamayay, Raila Odinga,  ayaa isagana horay u ballan qaaday in haddii kursiga madaxtooyada loo doorto uu amar ku bixin doono in la furo xadka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, kaasoo muddo dheer xirnaa.

Isha: BBC

KENYA oo safiir cusub usoo magacowday Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya, kadib markii danjiraheedii hore uu dhammeystay mudo xileedka, kaas oo todobadaadkii lasoo dhaafay ay macsalaameysay dowladda federaalka Soomaaliya.

Safiirka cusub ee Kenya oo lagu magacaabo Jeneraal Thomas Chepkuto ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo u gudbiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac.

Kulanka oo ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee magaalada Muqdisho ayaa intii uu socday lagu soo hadal qaaday xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo soo dhaweeyey safiirka cusub ee Kenya ee dhawaan la soo magacaabay ayaa u rajeeyey inuu ku guuleysto howsha loo igmaday, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in hore loo dhaqaajiyo iskaashi labada dowladood.

Sidoo kale wuxuu wasiirku hambayo u mariyay safiirka cusub ee uu waraaqaha ka guddoomay madaxweynaha la doortay ee Kenya, Mudane William Ruto.

Dhankiisa, Danjire Thomas Chepkuto ayaa carabaabay sida uu ugu faraxsanyahay qaabiladda uu u sameeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda, wuxuuna ku nuux-nuuxsaday sida dalkiisu ugu faanayo xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya, kuna dadaali doono sare u qaadiddiisa si ay ku jirto rabitaanka labada dal iyo labada dad ee saaxiibada ah.

Dhaq-dhaqaaqan diblumaasiyadeed ayaa ku soo aadaya, ayada oo uu haatan isbedal ka dhacay labada dal, kadib markii doorashooyinkii ka kala dhacay oo lagu kala doortay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo William Ruto, kuwaas oo bedelay Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo uu xiriirkooda xumaa, shantii sanno ee la soo dhaafay.

Sawirro: Lix qodob oo lagu go’aamiyey shirkii ay xalay yeesheen golaha wasiirrada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir deg deg ah oo xalay ay isugu yimaadeen xubnaha golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu magacaabay guddi ka kooban 16 hey’adood oo 12 ka mid ah ay wasiirro yihiin.

Sidoo kale guddigaan oo loo xil saaray gurmadka abaaraha ka jira Soomaaliya waxaa qeyb ka ah Ergayga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaana shirka lagu go’aamiyey lix qodob.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka:

Shir aan caadi ahayn oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa isugu yimid dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda DanQaran.

Shirkan degdegga ah oo ahaa kii ugu horreeyay ee xukuumadda cusub, ayaa waxa lagu go’aamiyay dhawr qodob oo kala ah:

1- Dib u hawlgelinta Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka

2- Waxaa la magacaabay Guddi Qaran oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Culimada, Ganacasatada iyo Ururada Bulshada Rayidka.

3- Waxaan dhammaan guddiyadan iyo hey’adda la siiyay waajibaad iyo awaamiir cad iyo in guud ahaan hey’adaha dowliga ah iyo kuwa aan ahayn u jiheysmaan sidii loogu gurman lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.

4- Waxaa Ra’iisul Wasaaruhu baaq u diray qof walba oo Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo inuu ka qaybqaato gurmadkan degdegga ah.

5- Waxaa sidoo kale loogu baaqay hey’adaha caalamiga inay si dhow ula shaqeeyaan xafiisyada dowladda ee ku hawlan arrimahan degdegga ah.

6- Ugu dambeyn waxaa Golaha Wasiirradu boggaadiyay hawlgallada ciidamada qalabka sida, dadka deegaanka iyo masuuliyiinta kala duwan ay ka wadaan Gobolka Hiiraan.

Guddiga Heer Qaran ee uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha XJFS waxay ka kooban yihiin:

  1. Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka
  2. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta
  3. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta
  4. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada
  5. Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha
  6. Wasiirka Maaliyadda
  7. Wasiirka Bii’ada iyo Isbadalka Cimilada
  8. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
  9. Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka
  10. Wasiirka Amniga Gudaha
  11. Wasiirka Gaashaandhigga
  12. Wasiirka Tamarta iyo Biyaha
  13. Ergayga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha
  14. Culimada Soomaaliyeed
  15. Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha
  16. Ururada bulshada Rayidka

Mareykanka oo war kasoo saaray doorashada Kenya ee muranka uu hareeyey

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday dadka Kenya inay deganaansho iyo dulqaad muujiyaan kadib markii lagu dhowaaqay in William Ruto uu ku guuleystay doorashada madaxweyne, balse uu natiijada ku gacan sayray musharaxii laga adkaaday Raila Odinga.

“Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada inay ka wada shaqeeyaan in si nabad ah loo xaliyo walaaco kasta oo harsan oo ku saabsan doorashada ayada oo loo marayo marinada lagu xailiyo muranada ee jira,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price

“Waxaan weydiisaneynaa dhammaan hoggaamiyayaasha xisbiyada siyaasadda inay sii wadaan inay taageerayaashooda ugu baaqaan inay nabadda ilaaliyaan ayna ka fogaadaan rabshadaha inta uu socdo hanaanka doorashada,” ayuu yiri.

Odinga ayaa markii shanaad ku guuldarreystay isku day uu ku noqon lahaa madaxweynaha Kenya ayada oo uu ka adkaaday madaxweyne ku-xigeenka dalka William Ruto.

Labada musharax ayaa waxaa u dhaxeeyey codad dhan 230,000 ama wax ka yar 2% tirade guud ee codadka la dhiibtay.

Odinga ayaa sheegay in ku dhowaaqista guddoomiyaha guddiga Wafula Chebukati ee ah inuu William Ruto ku guuleystay doorashada ay tahay “waxba kama jiraan.” 

Waxa uu intaas ku daray in Chebukati uusan ka awood badneyn xubnaha kale ee guddiga, kuwaasi oo afar ka mid ah ay diideen natiijada uu shaaciyey ayaga oo sheegay inaysan ku raacsaneyn.

“Waxa aan shalay argnay (Isniintii) waxay ahaayeen ceeb iyo xashmad darro cad oo lagu sameeyey dastuurka Kenya,” ayuu Raila ka yiri shir jaraa’iid oo uu ku qabtay Nairobi.

Waxa uu wacda ku maray inuu adeegsan doono wax kasta oo sharci ah si uu uga loolamo natiijada.

“Ma doonayo inaan si buuxda uga hadlo waxa ay xeeladaheena xiga yihiin hase yeeshee… waxaan raadin doonnaa dhammaan ikhtiyaarada sharciga iyo dastuuriga ah ee aan heli karno,” ayuu yiri.

Odinga ayaa horey u sheegay in laga khiyaanay guulo uu ka gaaray doorashooyinkii dhacay 2007, 2013 iyo 2017, waana markii shanaad ee doorasho madaxweyne looga adkaado.

Hooyo Faa’iso: Adeeg ayaan gabadheyda u diray, balse maydkeeda ayaa la ii keenay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Macluumaad dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil arxan darro ahaa oo gelinkii dambe ee shalay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho loogu geystay marxuumad Hibo Qaasim Maxamed oo ka mid aheyd ardaydii shalay ku baastay imtixaanka dugsiga sare ee ay qaaday dowladda Soomaaliya.

Hooyo Faa’iso Maxamed Abuukar oo dhashay marxuumadda ayaa xog cusub ka bixisay sida uu u dhacay dilka gabadheeda oo loo adeegsaday mindi ama toorey.

Waxa ay sheegtay Hooyo Faa’iso in xilliga la diyayey gabadheeda ay adeeg uga dirsatay suuqa, balse ayada oo mayd ah loo keenay, kadib markii uu nin hubeysan ku helay jidka.

“Suuqa ayey adeeg ka doontay soo noqodkii ay soo noqoneysay ayaa waddada lagu helay, isla xaafadda dhexdeeda waayey,” ayey tiri Hooyo Faa’iso Maxamed Abuukar.

Sidoo kale wax ay intaasi ku dartay in gabadheeda si arxan darro ah loo dilay, isla-markaana xiittaa looga tegay waddada dhexdeeda mindida oo ka taagan.

“Wallaahi wax lagu dilo ma sheegi kari gabadha, ayada oo mindida ay ka taagan tahay ayuu ninka ka tegay afar meel ayaa uga dhacday,” ayey sii raacisay.

Ugu dambeyn waxa cod dheer baaq ugu dirtay dowladda Soomaaliya, oo ay ka dalbaday inay soo qabtaan ninkii ka dambeeyey dhacdadaas oo goobta isaga baxsaday.

Qoyska Hibo oo shalay faraxsanaa maadaama ay imtixaanka dowladda ku baastay gabadhoodii ayaa xalay murug ku seexday, kadib markii ay tuugo dishay gabadhooda.

AUN iskuul lagu magacaabo Iftin oo ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha ayey ka baxday gabadha caawa la dilay, waxaana xusid mudan in iskuulkaas qeybtiisa degmada Warta Nabadda ee Muqdisho uu ka baxay Khaalid Cabdullahi oo ah wiilka kaalinta koowaad ka

Odowaa oo xog ka bixiyey howlgal lagu laayey xubno ka tirsanaa Al-SHABAAB

0

Janaale (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Odowaa Yuusuf Raage ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal qorsheysan oo ay ciidamada Xoogga dalka ka fuliyeen duleedka deegaanka Janaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hooose.

General Odowaa oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in howlgalka oo ka dhacay tuulada Kili-Jiido oo hoostagta Janaale lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa xaqiijiyey in howlgalkaasi lagu dilay ugu yaraan illaa 10 ka tirsanaa Al-Shabaab, isla-markaana ay dhaawaceen 13 kale.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay kooxda Al-Shabaab ka soo furteen hub fara badan, ayna burburiyeen fariisimo ay ku lahaayeen halkaasi.

Waxa kale oo uu tilmaamay in ay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana duleedka Janaale laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidanka oo iska soo horjeedo, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana inta badan ka dhaca dagaallo geysta khasaare kala duwan.

Koox caawa si arxan darro ah u dishay Hibo oo maanta ku baastay imxitaankii dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho waxaa caawa lagu dilay Hibo Qaasim Maxamed oo kamid ahayd ardaydii ku baastay imtixaankii ay maanta dowladdu shaacisay natiijadiisa.

Kooxo ku hubaysan Baangado iyo Midiyo ayaa wadada u galay Hibo, xilli ay gurigeeda u socotay fiidkii hore ee caawa, sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelkeeda.

Kooxda dishay gabadhaas waxayna ka dhacayeen taleefoon ay sidatay, xilli ay ka soo laabatay suuqa, una sii hoyaadeysay xaafadda oo halka lagu dilay aan ka dheereyn.

Allaha u naxariistee Hibo waxay ka mid aheyd kumanaankii arday ee maanta ay wasaaradda waxbarashadu shaacisay inay ku baaseen imtixaankii dowladda, waxayna maanta u aheyd maalin farxadeed.

Qoyska Hibo oo maanta faraxsanaa maadaama ay imtixaanka dowladda ku baastay gabadhoodii ayaa caawa murugoonaya, kadib markii ay tuugo dishay marxuum Hibo Qaasim.

Iskuul lagu magacaabo Iftin oo ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha ayey ka baxday gabadha caawa la dilay, waxaana xusid mudan in iskuulkaas qeybtiisa degmada Warta Nabadda ee Muqdisho uu ka baxay Khaalid Cabdullahi oo ah wiilka kaalinta koowaad ka galay guud ahaan imtixaankii dowladda.

 

Daawo: Cali Guudlaawe oo shaaciyey laba QODOB oo Xasan Sheekh uu kala hadlay

0

Buuloburde (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, magaaladaas ayaa in ka badan 10 sano go’doon ugu jirta kooxda Al-Shabaab.

Cali Guudlaawe oo shalay Muqdisho yimid, si uu maanta ugu safro Buuloburde ayaa ku goodiyey inay iska xorey doonaan Al-Shabaab, isla markaana uu taageero u daarsaday madaxda dowladda federaalka.

Sidoo kale Cali Guudlaawe wuxuu sheegay in xalay uu Muqdisho kula kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, si dagaalka Al-Shabaab uu taageero ugu raadiyo.

“Shalay waxaan ka tegay Jowhar, xalay waxaan ku hoyday Xamar, qorshaheygu wuxuu ahaa inaan soo gaaro Buuloburde iyo degmooyinka kale ee gobolka Hiiraan, Xamar waxaan u aaday talada madaxda dalka ugu sareysa oo madaxweynuhu ugu horeeyo,” ayuu yiri Madaxweynaha HirShabeelle.

Cali Guudlaawe wuxuu intaas ku sii daray in madaxweyne Xasan Sheekh uu ula tegay laba qodob oo kala ah xoreynta deegaanada ay Al-Shabaab ka heystaan HirShabeelle iyo gurmadka dadka ay abaaruhu ku saameeyeen deegaanada maamulkaas.

“Madaxweynuhu labada qodoba waa ila qaatay, in dadka loo gurmado aad ayuu u soo dhaweeyey, tan dagaalkana wuxuu nagu booriyey in aan loo kala harin, dhowaana wuxuu imaanayaa Hiiraan,” ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Madaxweynaha HirShabeelle iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed ayaa caawa ku sugan degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, “Loo kala hari maayo dib u xoreynta inta 1 KM oo HirShabeelle ka tirsan uu cadowgu ku sugan yahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweynaha oo la hadlayey dadka reer Buuloburde.

Ugu dambeyntii Cali Guudlaawe ayaa reer Buuloburde ka balan qaaday in loo dhisi doono gole deegaanka, si loo helo adeegyadii dadweynaha, “Golaha deegaanka waa naga go’antahay inaan u dhisno degmadaan, sababtoo ah mashaariicda dhan waxay u xayiran tahay maamul lasoo doortay, wasiirka arrimaha gudaha hortiina ayaan ka faraa in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhiso golaha deegaanka ee degmadaan,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo