29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Somaliland oo ka laabatay go’aankii ay ku fasaxday ka qeyb-galka madaxda DF ee aaska abwaan Hadraawi

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa beenisay hadal uu saxaafadda u jeediyay wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi Maxamed Kaahin Axmed oo ku sheegay in ciddii ruqsad soo weydiisata ay u ogaalanayaan ka qeybgalka aaska abwaankii weynaa ee Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ee shalay geeriyooday.

Warka oo si weyn ugu baahay warbaahinta ayaa waxaa ka daba yimid qoraal kale oo uu soo saaray isla wasiirka oo ah Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada kaasi oo lagu sheegay in saxaafadda ay si qaldan warkii hore u fasiratay

“Haddaba Warbaahinta ayaa si khaldan oo been abuur ah u turjuntey hadalkii Wasiirka, iyagoo ka dhigay in uu ogolaaday in ay aaska ka soo qayb geli karaan Madaxda Soomaaliya, warkaasoo ah mid aan sal iyo raad toona lahayn,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska wasiir Maxamed Kaahin.

Wasiirka wuxuu kale oo in hadalkiisa uu ahaa oo kaliya in haddii ciddii ka soo codsato ay markaa ka wajaabayaan, isagoo ka raali geliyay shacabka Somaliland.

Dhinaca kale, qoraalka ayaa looga digay saxaafadda inaysan siyaasadayn aaska loo samaynayo Abwaankii waynaa Maxamed IbraahimWarsame (Hadraawi).

Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ayaa si caro leh oo Soomaalinimada inay ka baxsan tahay ugu falceliyay, waxaana barraha bulshada lagu codsanayay inay go’aankaasi maamulka Somaliland ka laabtaan maadaama Hadraawi ahaa Oday Soomaaliyeed oo uusan aheyn mid matala gobol kaliya.

Maxay Yahuudda ku nool Ruushka hadda u billaabeen inay u qaxaan dal kale?

0

Moscow (Caasimada Online) – Tiro aad u badan oo bulshada Yuhuudda ah ayaa ka socdaalayey Ruushka tan iyo markii dagaalkii Ukraine uu bilowday. Hey’adda Yuhuudda ee ka caawisa Yuhuudda inay ku noqdaan Israel ayaa sheegtay in 20,500 oo kamid ah 165,000 ee Yuhuudda ee Ruushka ku nool ay kasoo hayaameen tan iyo bishii March. 

Kumaankun kalana, waxay u kala haajireen dalal kale.  

Waxayna tani daba socotaa cabsi xoog leh oo isasoo taraysa oo ku abuuran Yuhuudda taas oo ay tuhmayaan in loo waxyeeleyn karo qalaalasaha ka socda Ukraine. 

Gudaha caasimadda Moskow waxaa ka socday dadaallo lagu horumarinayo bulshada Yuhuudda ah tan iyo markii uu dhammaaday taliskii Shuuciga ahaa. Waxaana horboodayay wadaad  diimeeda (rabbi) ee deegaanka ku nool oo la yiraahdo Pinchas Goldschmidt.  

Laakiin labo toddobaad un markii la joogay bilowga dagaalkii Ukraine, rabbi Pinchas iyo qoyskiisaba waxay isaga baxeen Ruushka – iyaga oo u baxsaday Hungary – kahor inta aysan gaarin Israel. 

In yar kadibna wuxuu iska casilay jagadii uu bulshada Yuhuudda ee Ruushka ku nool u hayay, kadibna wuxuu bilaabay inuu kasoo horjeesto dagaalka Moscow ay ku qaaday Kiev.  

“Waxaan dareemay mas’uuliyad ah inaan muujiyo sida aan marnaba raali uga ahayn fara-gelin iyo duullaanka qaawan ee lagu qaaday Ukraine,” ayuu yiri. 

“Laakiin halis baan ku geli lahaa middaas; haddii aan ku dhex oran lahaa gudaha Ruushka,” ayuu sii raaciyay. 

Yuhuudda Ruushka ku nool ayaa dhaleeceeyey ka tegitaankiisa Moscow iyo inuu kasoo horjeestay dagaalka, laakiin Pinchas wuxuu sheegay inuu ku saxnaa middaas. 

“Waxaan helay farriimo u qoran; ‘maxaad nooga tagtay?’ balse waxaan ku dhihi lahaa dunida oo dhan ayaa ku midaysan cambaaraynta, waana qaddiyad ka weyn inta aan moodi karno,” ayuu yiri. 

Pinchas wuxuu qiray in sababta uu u hadlay awgeed loo beegsan karo xubnaha kale ee Yuhuudda ee ku nool Ruushka. Laakiin, in badan ayaa tallaabtiisa qaaday oo boorsooyinkooda kasoo xirxirtay.  

Qaar badan waxay heleen fursadda dib ugu noqoshada Israel. Laakiin bare sare Anna Shternshis, waxay qabtaa inaysan jirin sabab looga dido dhacdooyinka maadaama naceybka ka-dhanka ah Yuhuudda aanu aad u badneyn. 

“Waxaase yaab leh in marwalba oo Ruushku wax ka dhacaan, Yuhuudda waxaa soo wajaha cabsi xooggan iyo hubaal la’aan,” ayay tiri.

Waxayse kaashanayaan keydka taariikheed ee Ruushka kaas oo qalalaaso ka-dhan ah Yuhuudda ay ka dhici jirtay marwalba oo dhacdooyin waaweyn ah ay dalka ka curtaan.  

Hal nin oo si qarsoodi ah u damacsanaa inuu uga soo baxo Ruushka ayaa sheegay inay ku adkeyd inay dareenkooda muujiyaan madaama ay degan yihiin Moskow. 

“Qoyskeygu waxay garwaaqsadeen in wax aka socda Ukraine aysan sax ahayn, laakiin ma aqoon sida aan uga bannaan bixi karno,” ayuu yiri. 

Hayeeshe bare sare Anna Shternshis waxay rumeysan tahay in cabsida ay qabaan Yuhuudda Ruushka aysan kaliya ku koobneyn dagaalka ka socda Ukraine oo ay diidan yihiin.  

Balse ninkan oo diiday inuu sheego magaciisa dhabta ah ayaa yiri. 

“Waxaynu is weydiinaynaa waxa xiga oo wararka soo socda lagu soo qaadan doono. Ma innaga oo lumina shaqooyinkeenna ama xabsiyada nalo taxaabo.” 

“Dhab ahaan, cabsi aan yareyn ayaanu qabnaa.”   

Daawo: Nuur: Gacanteyda waxay u go’day kun shilin oo u diiday askari i baadi rabay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhibane Nuur Cabdullaahi Maxamuud, oo ka mid ah dhalinyarada magaalada Muqdisho, ayaa Caasimada Online ugu sheekeeyay dhacdo xanuun badan oo uu ku waayay mid ka mid ah gacmahiisa, taasoo sababtay inuu shaqeysan waayo, noloshana maareyn waayay maadaama hal gacan ay ka maqan tahay.

Nuur ayaa ka mid ahaa kirishbooyada gaadiidka BL-ka ee Muqdisho, wuxuuna sheegay in gacantiisa ay u go’day Kun shilin Somali ah oo qiimo ahaan aanan waxba goyn ama lagu iibsan karin.

Askari ka tirsanaa dowladdii 2004-tii ee Cabdullaahi Yusuf Axmed AUN ayaa xabad la dhacay Nuur oo xiligaasi Kirishbooy ka ahaa gaadiidka BL-ka ee bosteejadoodu tahay suuqa Bakaaro.

Nuur wuxuu sheegay in askariga rasaasta la dhacay uu ku rabay inuu siiyo baad Kun Shilin Somali ah, laakiin uu diiday maadaama ay aheyd mid baad iyo dhac ah, waxayna sababtay in askariga uu si ku talagal ah uu dhowr xabadood la dhacay dhibanaha oo halkaasi uu ku waayay gacantiisa.

Dhibane Nuur ayaa sheegay in xiligaasi uu waayay caddaalad uu ugu baahnaa dowladdii xiligaasi jirtay, taas badalkeedna uu Alle dartii u sabray ilaa laga gaarayo maalinta Alle la xisaabtamaayo ummadiisa.

Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Somalia inteeda kale ayaa waxaa ka dhaca falal arxan daran oo qofka bini’aadamka ah uu naftiisa u weynayo macno daro, iyadoo aysan jirin hay’addo garsoor iyo kuwa amniga oo si dhab ah wax ugu qabta amni darada iyo dilalka macna darada.

Waa mid ka mid ah dhacdooyinka xanuunka badan ee ka dhaca Soomaaliya iyo dilalka iyo dhaawacyada shacabka loogu geysto wax aan qiimo laheyn.

Hoos ka daawo sheekada Nuur

Ali Muhiyaddiin
Caasimada Online

Ciidamada Galmudug oo qabtay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska gobolka Mudug ee maamulka Galmudug, ayaa gacanta kusoo dhigay gaari lagasoo buuxiyay waxyaabaha Qarxa iyo raggii la socday, sida ay laamaha amnigu saaxaafadda u sheegeen.

Dhamme Cali Xirsi Sahal, Taliyaha Saldhigga Booliiska Gobolka Mudug dhanka DG Galmudug waxa uu sheegay in howlgalkaan ay kusoo qabteen ku dhawaad 50 Miino oo lagu keydiyay meel “Al-Shabaab ugu talagashay in ay kasii qaado si loogu aaso meelaha ay qorsheeyeen” sida uu hadalka u dhigay.

Gaarigan qaraxa lagasoo buuxiyay ayaa lagu soo qabtay deegaanka Dagaari oo qiyaastii 30km dhinaca koonfureed uga beegan magaalada Gaalkacyo, waxaana ciidamadu ku raad joogaan rag kale oo lala xiriirinayo inay ku lug leeyihiin qaraxan.

Taliyaha saldhigga dhexe Gaalkacyo ee Galmudug, ayaa sheegay inay soo bandhigidoonaan gaariga qaraxa siday iyo halka uu ahaa bartilmaameedkiisa.

Waa gaarigii labaad oo qarax siday oo lagu qabto meelo katirsan gobolka Mudug. Dhowaan ayay ahayd markii degmada Galdogob ee gobolka Mudug ee Puntland lagu qabtay gaari Dhayne ah oo lagasoo buuxiyay waxyaabaha Qarxa, gaarigaas oo kusii jeeday dowlad deegaanka Somalida.

Gobolka Mudug waxaa ka socda Howlgallo ay kala sameynayaan Dowlad-Goboleedyada Galmudug & Puntland halka mararka qaar ay wadajir u fuliyaan howlgallada ay ka sameeyeen Koofurta & Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Howlgallada Dowlad-Goboleedyada Puntland & Galmudug ay iska kaashanayaan ayaa meesha ka saaray Maleeshiyaadka hubeysan ee dilalka ka geystay Koofurta & Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug.

Muxuu DAVID Beasley u ballan-qaaday DF kaddib kulankii Xasan? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hogaaminayo Madaxa hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP Mudane David Beasley.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay David Beasley dadaalada ay dowladdu ku bixineyso wax ka qabashada xaaladaha deg-dega ah ee ku saaban arrimaha gurmadka abaaraha iyo kaalinta looga baahan yahay hay’adaha caalamiga ah ee ay ka mid tahay WFP.

Waxa uu xusay in mudnaanta la siinayo qorsheyaasha Soomaaliya looga gacansiinayo in ay ka guurto marxaladda ku-tiirsanaanta gargaarka bini’aadannimo si loogu gudbo horumar waara iyo xaqiijinta isku filnaansho buuxda oo uu gaaro dalkeenna.

“Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxaa ka go’an xaqiijinta in dalkeennu uu gaaro horumar dhaqaale, amni iyo bulsho dhan kasta isaga filan, hannaanka kaliya ee lagu miro-dhalin karo waa in aan soo afjarno ku tiirsanaanta gargaarka, taas beddelkeeda aan xoogga saarno dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo wax-soosaarka dalkeenna.”

Madaxa hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP Mudane David Beasley ayaa dhankiisa ballan-qaadday in dowladda Soomaaliya ay ka taageeri doonaan wax ka qabashada abaaraha, caqabadaha ka dhashay isbeddelka cimilada, cunna-yarida iyo hormarinta adeegyada muhiimka u ah dadka Soomaaliyeed.

“Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey hay’adda WFP taageerada iyo garab istaaga joogtada ah ee ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isagoo ku adkeeyey xoojinta iyo sii wadista barnaamijyada maal-gashiga, horumarinta wax-soosaarka gudaha dalka, kor u qaadidda qorsheyaasha kobcinta iyo hubinta tayada cunnada dalka.”

Kulankaan ayaa imanaya kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu isla shalay wareegto madaxweyne ku soo saaray Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo ka kooban 5 xubnood, isaga oo ka duulaya codsigii xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Hadraawi – Halgame iyo hanuuniye ka baxay umadda Soomaaliyeed

0

Toddobo sannadood ayuu xabsi ugu jiray dowladdii Kacaanka. Waxaana loo xiray sababtii uu u cabiray micnaha dhabta ah ee dowladnimada iyo sida ku dhacda leh oo uu awoodda maansada iyo suugaanta ugu ifiyay ceebaha iyo goldaloolladii ka jira taliskii Kacaanka. 

Waana un in yar kaddib markii Kacaanku dhashay. Laakiin kahor iyo kaddib markii xabsiga laga soo daayay, wuxuu ahaa ababiye, bare, abwaan iyo hanuuniye kamid ah hobollada qaranka ee macaanida suugaanta u adeegada isku soo dumidda iyo wada-noolaanshiyaha umadda. 

Kolkii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya – dalkuna uu galay burbur iyo dagaal sokeeye – kama soo harin rejada iyo yididiilada. Wuxuu si firfircooni leh qeyb uga qaatay shirarkii iyo wada-hadalladii la iskugu keenayay dhinacyada isku diidnaa siyaasadda. Wuxuu xattaa awooday inuu sees u noqdo safarkii nabadda ee abwaanada Soomaaliyeed ay gobollada dalka isku mareen si ay walaalnimada iyo midnimada uga shaqeeyaan. 

Qof ahaan, wuxuu ahaa nin hadalka heli og; codkar ogaalkiisu shisheeyo. Noloshiisii Cadan qeyb kamid uu kusoo qaatay ayaa u sahashay inuu shubaal ugu hadlo afka Carbeed. Laakiin, in kasta oo uu dhawaanahan ku noolaa jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland, haddana noloshiisa waqtiyadii ugu muhiimsanaa wuxuu ku qaatay koofurta iyo bartamaha Soomaaliya. Wuxuuna hadiyo jeer ahaa mid ku muujiya suugaanta sida uu Soomaalinimada iyo wadajirkeeda ugu hamuunqabo. 

Waxaa loo arkay nin qaran; dhab ahaantiina wuu ahaa. Dhaqamada iyo afaf guriyada looga hadlo goballada dalka intooda badan waxaa la arkay inuu wax badan ka fahamsanaa kuna hadli karay. Intii tiqiin shaqsiyaddiisa waxay ku sheegeen inuu ahaa qof is-duldhig badan oo aad xushmad badan. 

Noloshii adkeyd oo uu yaraantiisa kusoo barbaaray – waaya’aragnimadii uu ka helay – ayuu hadiyo jeer ku saleyn jiray suugaantiisa. Ma ahayn nin ay danta iyo duruufuhu ka joojiyaan doonistiisa adag oo uu qaranka iyo jiritaanka umadnimo ee Soomaalida ku difaaco. Marka ay timaado anshaxa suuban iyo akhlaaq hagaajinteeda, wuxuu ahaa mid ku waaniya suugaanta tusmeysan; markii ay ugu adkeyd oo lagu dhici kari la’aa in Kacaankii October laga diido sinaan la’aanta iyo jujuubka, wuxuu kamid ah kuwii u muujiyay inuusan waxba ahayn. 

Heeso jiilka maanta iyo kuwii hore si isla’eg ayay u taabanayso dhageysigooda sida heesta Hooyo, Baladweyne, Jaceyl Dhiig malagu qoray, Xamarey ma nabadbaa, iyo kuwa kale oo badan ayuu gaaxdooda lahaa. 

Aad bay tiiraanyo iyo xanuun ugu tahay bulshada Soomaaliyeed gebi ahaan dhimashada iyo geerida abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Walanwal ‘Hadraawi’. 

Qabriga Allaha u waasiciyo; dambigiisana Allaha cafiyo.
Qore: Zaki Hiraale.
Kala xiriir: [email protected] 

Wararkii u dambeeyey weerarka Hotel Xayaat

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hordhac ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerarka weli ka socda gudaha Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, kaas oo u dhow isgoyska KM 4, waxaana socda howlgallo lagu badbaadinayo dadka.

Taliyaha Nabad sugidda gobolka Banaadir Muxudiin Warbac Shadoor ayaa naloo xaqiijiyey inuu ka mid yahay saraakiil ay dhaawacyo ka soo gaareen weerarka, kaas oo la sheegay in dhaawac fudud uu ka soo gaaray lug.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howlgal culus oo dadka lagu badbaadinayo uu ka socdo gudaha Hotelka, isla markaana ay ku dadaalayaan inay yareeyaan khatarta weerarkaan.

Ugu yaraan seddax qarax oo labo la xaqiijiyey inay kala ahaayeen gaari iyo nin kaligiis si toos ah isku qarxiyey ayaa Hotel Xayaat ka dhacday fiidkii hore ee caawa, waxaana intaas kadib gudaha u galay dagaalyahano hubeysan oo weli ka dagaalamaya gudaha Hotelka.

Bayaan kooban oo ay baahisay warbaahinta taageerta kooxda ayaa lagu sheegay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen Hotel Xayaat, kuwaas oo wada toogasho toos ah oo lagu beegsanayo masuuliyiin ka tirsan dowladda oo Hotelka ku sugnaa.

Ciidamada ammaanka ayaa buuxdhaafiyey goobta, waxaana socda howlgal la doonayo in lagu soo afjaro kooxdaas, waxaa la maqlayaa rasaas iyo qaraxyo bam-baano oo dhinacyadu ay is weydaarsanayaan.

Weli lama helin tiro koob rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarkaan weli socda, waxaana xusid mudan in dad badan ay ku go’doonsan yihiin gudaha Hotelka.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online

 

Weerar ku bilowday qaraxyo oo lagu qaaday Hotel Hayaat

0

Muqdisho (Caasimada Onine) – Wararka aan ka helayno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xoogan uu ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Faahfaahin hordhac ah oo aan helnay ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo ku qaadeen Hotel Hayaat oo ku yaal Isgoyska Km4.

Sida ay dab goobjoogayaal ah noo xaqiijiyeen, rasaas culus ayaa laga dhex maqlayaa Hotelka dhexdiisa, waxaana goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

Lama ogo tirada dabeyda Al-Shabaab ka tirsan ee weerarka soo qaaday, illaa haddana lama helin khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo gurmad ahaa ayaa iyagana waxaa qarax lagu eegtay meel u dhow xarunta dambi baarista ee CID, waxaana lasoo sheegayaa inay qaraxaas ku dhaawacmeen saraakiil ka tirsan dowladda.

Hotelka weerarka lagu qaaday ayaa waxaa dagan saraakiil ka tirsan dowladda iyo mas’uuliyiin kale oo ay kamid yihiin xildhibaano.

Wixii faahfaahin ah kala soco caasimadda Online

Somaliland oo ogolaatay in madaxda DF ay tegi karaan HARGEYSA + Sababta

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay shaacisay in madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ay ka dagi karaan magaalada Hargeysa, si ay uga qeyb-galaan aaska qaran ee loo sameynayo Abwaanka Soomaaliyeed, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi).

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ruqsad iyo ogolaansho la siin doono madaxda rabta inay ka qeyb-galaan aaska, kadib marka ay dalab usoo gudbiyaan xukuumadda Somaliland.

“Ciddii Somaliland ee dowladda soo weydiisata ee u imanaysa aaska Hadraawi waxa siineyna ruqsad oo waa soo dhaweynayna,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin.

Somaliland ayaa hore u diiday in madaxda dowladda federaaalka Soomaaliya ay yimaadaan deegaanadeeda, hase yeeshe go’aanka ay maanta qaadatay xukuumadda Somaliland ayaa ah mid bogaadin mudan, maadama uu Hadraawi ahaa muunad iyo astaan Soomaalinimo.

Allaha u naxariistee Abwaan Hadraawi ayaa waxa uu maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa, wuxuuna u geeriyooday xanuun uu dhul yaal u noqday muddo dheer, waxaana geeridiisa si weyn u hadal heysa warbaahinta.

Abwaan Hadraawi ayaa ahaa 79 sanno jir, waxaana si weyn looga garanayey guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu ka mid ahaa tiirarka udub dhexaadka u ah Fanka iyo Suugaanta, isaga oo sameeyey Ruwaayado iyo heeso isugu jiro Waddani iyo Jaceyl.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa geerida Abwaanka uga tacsiyadeeyay ummadda ku hadasha Afka Soomaaliga, ayada oo sidoo kale ka tacsiyeeyen madax ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo war ka soo saaray geerida Abwaanka.

Sidee Somaliland u fashilisay qorshe uu damacsanaa safiirka SHIINAHA kaddib gubashadii suuqa Waaheen?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – In yar kaddib markii uu gubtay suuqa ugu weyn Jamhuuriyadda iskeed madax-bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, diblumaasi sare oo Shiinees ah ayaa weydiistay idan ah inuu booqasho ku yimaado si uu ula qeybsado dareenkiisa. 

Fei Shengchao, oo ah safiirka Beijing u fadhiya Soomaaliya, ayaa u sheegay maamulka Hargeysa inuu doonayo sidii uu uga hadli lahaa suuragalnimada kaalinta Shiinuhu ka qaadan karo yareynta iyo dhimidda saameynta ballaaran ee dabku ka geystay suuqa, kaas oo ilo badan oo dhaqaale ah duugay.  

Gubashada ayaa kusoo beegantay xilli abaare ba’an lagu jiray iyo cuuryaamada dhaqaale ee xanuunka Covid-19. Markii ay booqashiisu soo dhawaatay, Fei ayaa doonay inuu la kulmo sharci-dejiyayaal kamid ah Guurtida Somaliland, hoggaamiyaasha mucaaradka iyo ardayda jaamacadaha.  

Waxayna taasi abuurtay shaki ah in qorshaha Beijing uu ka guda ballaaran yahay gurmad iyo kaalmo. Waxaa loo arkay inay jamhuuriyadda ka dhex abuuranayso xulufo la-siyaasad noqda si loo wiiqo xiriirka diblumaasi ee u dhaxeeya Taiwan iyo Somaliland.  

“Waxay ahayd gebi ahaanba mid siyaasadaysan,” ayuu yiri Ciise Keyd, oo ah wasiiradda arrimaha dibadda Somaliland. Wasiirka ayaa u sheegay safiir Fei inuusan imaan karin.  

“Waxaan u qaadannay inay ahayd mid aan habbooneyn; mana ahan inaan wax ka cabsanay – waa inaan ogaanay ajende ka duwan midka ay noo sheegeen inay wateen,” ayuu yiri. 

Way adag tahay in dalal badan oo Afrikaan ah inay ku gacan sayraan codsiga iyo doonista Shiinaha maadaama uu adduun adag ugu maalgeliyo garoomo diyaaradeed, waddooyin iyo dekado.  

Laakiin Somaliland waxay u ahayd tallaab ku dhac ah inay qaadato go’aankaas. 

Wasiir Keyd wuxuu sheegay in Somaliland ay u furan tahay xiriir walba oo laba-geesood ah inay la sameysato dal kasta – waa haddii aysan shuruud ku xirneyn. 

“Ma aqbalayno inay cidi noo sheegto cidda aan xiriirka la yeelaynayo iyo cidda aan iska diidayno,” ayuu yiri.

Muranka iyo xasaradaha ka dhex aloosan Shiinaha iyo Taiwan wuxuu ku sigtay inuu dagaal kale oo qabow ka dhex abuuro Beijing iyo Washington, wuxuuna hadda u muuqda mid sidoo kale karkarinaya xaaladda Geeska Afrika.

Somaliland oo hadafkeedu yahay inay madax-bannaani buuxda iyo aqoonsi caalami ah ka hesho Soomaaliya inteeda kale waxay xiriir la sameysatay Taiwan oo iyadana doonaysa inay ka go’do dhulweynaha Shiinaha.  

Mr. Fei wuxuu Wall Street Journal u sheegay in Somaliland aysan kaliya dooneyn in la aqoonsado balse ay sidoo kale dab ku shidayso xasiloonidda iyo midnimada waddamada kale – tallaab uu ku micneeyey mid aysan waxba ku faa’iidi doonin oo ay gabagabadiisa isku wax-yeeli doonto oo kaliya.  

Wuxuuse ka gaabsaday inuu ka warbixiyo safarkiisii fashilmay oo uu ku tagi lahaa Hargeysa kadib gubashada Suuqii Waaheen kaas oo lagu waayay adduun dhan 1.5 bilyan oo Doollar.

Washington, ayaa isla mar ahaantaana, dhinaceeda isku dayaysa inay sii xejiso danaheeda Geeska Afrika. Pentagon-ka ayaa hadda saldhig weyn ku leh Jabuuti oo Soomaliya jaar la ah; waxaana fogaan aan ka durugsaneyn saldhig kale oo militari ku leh Shiinaha

Maraykanka ayaa taniyo muddo badan wuxuu dagaal aan dhammaadkiisa loo jeedin kula jiray kooxda al-Shabaab oo xiriir la leh Ururweynaha al-Qaacida.

Madaxweyne Biden wuxuu dhawaan amray in boqollaal ciidamada howlgallada gaarka ah qaabilsan oo ka socda Maraykamka loo dhiso xero ay ku tababbaraan ciidamo Soomaaliyeed oo la dagaallama al-Shabaab.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump ayaa amray in laga soo saaro 700 oo ciidamadooda ah Soomaaliya maalmihii ugu dambeeyey xukunkiisa.  

Jeer iyo haddana, waxaa maamulka Biden walaac ku heysa inuu luminayo Somaliland oo xasilooni iyo dimuqraadiyad ku naaloonaysa. Waxaana jirta taageero iyo soo jeedinno gudaha Congress-ka ah oo ku baaqaya in xiriir toos ah oo sal-adag lala yeesho Somaliland oo madax bannaanideeda ku dhawaaqday sannadkii 1991-kii.  

Hadda maamulka Hargeysa ayaa fursad dahabi ah u arka loolanka quwadaha waaweyn ee Shiinaha iyo Maraykanka. Somaliland ayaa Pentagon-ka ugu deeqday inuu adeegsan karo dekadda Berbera oo dhacda Gacanka Cadan oo marin muhiim ah sheedda ku haya. 

Waxaase kusii adkaanaysa inay iska sii caabiso saameynta ballaaran ee Shiinuhu ku yeelanayo gobalka. 

Bishii May, General Stephen Townsend iyo safiirka Maraykanka u fadhiya Somaaliya ayaa booqasho ku tagay Berbera si ay usoo indha-indheeyaan. Militariga Maraykanka wuxuu hadda heshiis adeegsiga dekadaha ah kula jiraa Mombasa – Kenya iyo Libreville – Gabon.

“Haddii Maraykanku aanu waxba u qaban Somaliland, waxaa la arki doonaa iyada oo aan maya ku dhihi Karin saameynta Shiinaha ama aan iska caabin Karin,”ayuu yiri sarkaal sare oo Maraykanka. 

Xafiiska Taiwan ee Hargeysa waa guri labo dabaq ah oo ay gidaar adag lagu gedaamay, waxaana ka dul babanaya calanka lagu yaqaan Taipei. 

Shiinaha ayaa u diray Hargeysa egro dhowr ah si ay u kala disho is-bahaysiga, marka loo eego Cabdinaasir Xirsi, oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda. 

Waxaa sidoo kale Beijing ay balanqaaday dhismaha jidad iyo garoomo casri ah haddii Hargeysa ay cawda u jarto Taiwan. 

Zaki Hiraale – Waxaad kala xiriiri kartaa: [email protected] 

Maxay tahay lacagta ay UK shaacisay inay ku caawineyso dowladda Xasan Sheekh?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa ku dhawaaqday in £2.3 milyan oo Pound ay ku deeqeyso Sanduuqa taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), taasi oo loogu tala-galay in lagu taakuleeyo Ciidanka ammaanka dalka.

Safiirka UK ee Soomaaliya, Kati Foster ayaa markii u horeysay ku dhawaaqay lacagaan, kadib kulan gaar ah oo magaalada Muqdisho ku dhex-maray Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur.

“Maal-gelinta cusub waxay ku dhisan tahay taageerada UK ee muddada dheer ay siin jirtay Ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo Sanduuqa Trust ee UNSOS. 2021/2022, UK waxa ay 4.9 milyan oo Geni siisay Sanduuqa Trust Fund ee UNSOS, kaas oo ku baxda Askarta iyo booliiska Soomaaliyeed,” ayey tiri Kate Foster.

Wasiirka gaashaandhiga ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay dowladda Ingiriiska kaalinta muuqata ee ay ku leedahay dib u dhiska dalka iyo taageerada ay siiso ciidanka xooga Soomaaliyeed.

Arrintaan ayaa daba socota booqashadii Wasiirka Ciidamada UK uu bishii May ku yimid Soomaaliya, kaas oo shaaca ka qaaday inay xoojiyaan xasilloonida & amniga Soomaaliya.

UK ayaa Soomaaliya ka taageerta dhinaca Amniga, sidoo kale waxay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ka hirgelisay xerooyin lagu tababaro ciidamada dowladda, taasi oo ay kasoo baxeen in ka badan 2kun oo Askari oo qeyb ka ah ciidanka xooga dalka.

Ciidamada Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa ATMIS ayaa weli dagaal kula jira Al-Shabaab, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah kooxdaasi.

Sikastaba ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sannadka 2024 isku diyaarinaya in mas’uuliyadda amniga dalka oo dhan ay kala wareegaan ciidanka ATMIS, ex AMISOM.

Dowladda IRAN oo beenisay eedeymo Soomaaliya ku saabsan oo loo jeediyey

Tehran (Caasimada Online) – Afhayeenka wasaaradda arrimaha arrimaha dibadda Iiraan, Nasser Kanaani ayaa gaashaanka u daruuray in Tehran ay si qarsoodi ah hub ay soo dhiibtay uu uga degay magaaladda dekadda leh ee Hodeydiyah ee dalka Yemen, hubkaas oo horey loo sheegay in lasoo mariyey Soomaaliya.

Isaga oo warfidiyeenka la hadlayay, Kanaani wuxuu eedeymaha ku saabsan inay Soomaaliya hub u mariyaan Xuutiyiinta ku sheegay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn oo lagu luminayo ra’yulcaamka. 

Wuxuu sheegay in xulufada qabsatay Yemen oo reer Galbeedku taageerayo lagula xisaabtamo dambiyadii iyo gaboodfalladii ay ka geysanayeen muddo 7 sannadood ah. 

Wuxuu hoosta ka xariiqay in gaboodfallada iyo dambiyada dagaal ee Yemen ka dhacay ay ku dhinteen dad aan waxba galabsan iyo burbur baaxad leh oo ku habsatay dhismayaashii waddanka. 

“Si loo qariyo tacaddiyada ka-dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka jira ayaa eedeyntaas looga dan leeyahay,” ayuu yiri. 

“Taageerada Iran ee dadka Yemen waxay markii hore ku ekeyd mid siyaasadeed, waxayna Tehran hadiyo jeer ahayd mid qorshaha nabadeynta iyo xasiloonida qeyb ka ah – waxaana sidoo kale QM kala shaqeynay dadaalladaas si xal waara loogu helo nabadda Yemen,” ayuu yiri. 

Bishii Agoosto, 13, muuqbaahiyaha al-Carabiya ayaa baahiyay fiidiyowga nin sheegaya howlgallo dhowr ah oo ay ka qeyb yihiin Xuuyitiinta Yemen kaas oo si qarsoodi ah hub looga soo geliyo dhinaca dalka Iran. 

Ninkan ayaa sheegaya in hubka markiisii hore laga soo marinayo Gacanka Cumaan kadibna lasoo marsiinayo dekadda Berbera ee Soomaaliya kahor inta aan si dhuumasho ah looga soo dejinin Yemen. 

Waana koox shakabad ah oo si laga shaqeeyey iskugu xiran. 

Wasiirka arrimaha gudaha Yemen, Muammar al-Eryani wuxuu xaqiijiyay in kooxdan gacanta lagu dhigay, wuxuu intaas kusii daray inay tani caddayn u tahay sida joogtada ah oo Iiraan ay u hubeyso maleeshiyada Xuutiyiinta si aan marnaba loogu guuleysan xasiloonida Yemen mar kale. 

Wuxuu ugu baaqay QM iyo beesha caalamka inay ereyada ugu adag ku cambaareeyaan falkaas wiiqaya dib usoo celinta nabadda Yemen. 

Dowladda Iran waxay ku celcelisay inay sii wadi doonto taageerada ay siinayso Xuutiyiinta ee dagaalka kula jira Isbahaysiga uu Sucuudiga hoggaaminayo ee taageerada ka helaya Maraykanka. 

Dagaalka Yemen ka jira waxaa loo arkaa mid ay isku hayaan Sucuudiga iyo Iraan. Labadan dal ayaana ku jira loolan dhinaca awoodda Bariga Dhexe cidda gacanta sare yeelanaysa. 

Bishii Janaayo, sannadkan, warbixinta ay khubaro QM ka socda ay sameeyeen waxay ku sheegeen inay hayaan caddaymo ayidi kara in labadii Markab ee hubka siday oo ay ciidamada Maraykanku is hortaageen ay dhab ahaan kasoo shiraacdeen dekadda Jask ee Iiraan. 

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in hub isku dhaf ah ay u badan yihiin in toos loogu soo saaray keydka dowladda Iiraan. Waxaana lagu soo raray dooni dhows hubka u kala daabusha dalalka Soomaaliya iyo Yemen. 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo jawaab ka bixiyey dalabkii golaha wasiirada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wareegto soo saaray ayaa ka jawaabay dalabkii Golaha Wasiirada Xukuumadda ee ahaa dhismaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magacaabay guddiga maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo ka kooban 5 xubnood, isaga oo faray inay gutaan shaqada loo igmaday.

Halkan hoose ka aqriso:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya go’aanka shirka Golaha Wasiirrada ee Sumaddiisu tahay SHGW.00.01.08.202 ayaa wareegto Madaxweyne ku soo saaray Xubnaha Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SODMA).

Madaxweynaha ayaa tilmaamay mudnaanta ay dowladdu siinayso howlaha gurmadka iyo samata-bixinta dadkeenna dhibaateysan, waxa uuna Golaha Xukuumadda ku bogaadiyey ansixinta iyo soo gudbinta Xubnaha Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo Goluhu cod buuxa ku ansixiyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka duulaya codsiga Xukuumadda, gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-U-Heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa wareegto Madaxweyne ku soo saaray Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo kala ah;

  1. Mudane Maxamuud Macallin Cabdullaahi – Guddoomiye
  2. Dr. Axmed Cabdi Aadan – Guddoomiye Ku-Xigeen
  3. Mudane Cabdirashiid Maxamuud Xasan – Agaasime
  4. Marwo Luul Axmed Coloow – Agaasime
  5. Mudane Cabdirisaaq Axmed Cali – Agaasime

Madaxweynaha ayaa u rajaynaya Guddigan in Alle uu u fududeeyo gudashada masuuliyadda Qaran ee loo xilsaaray, isagoo kula dardaarmaya in ay si daacad ah oo hufan ay ugu adeegaan dadkooda Soomaaliyeed iyo dalkooda.

DHAMMAAD

Abwaan Hadraawi oo maanta ku geeriyooday Hargeysa – Taariikhdiisa oo kooban

Hargeysa (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Hargeysa ku geeriyooday Abwaanka caanka ah ee Soomaaliyeed, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladiisa.

Marxuumka ayaa u geeriyooday xanuun uu dhul yaal u noqday muddo dheer, waxaana geeridiisa si weyn u hadal heysa warbaahinta.

Abwaan Hadraawi ayaa ahaa 79 sanno jir, waxaana si weyn looga garanayey guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu ka mid ahaa tiirarka udub dhexaadka u ah Fanka iyo Suugaanta, isaga oo sameeyey Ruwaayado iyo heeso isugu jiro Waddani iyo Jaceyl.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo isna xaqiijiyey geerida Abwaan Hadraawi, ayaa Ummadda ku hadasha Afka Soomaaliga uga tacsiyadeeyey geerida marxuumka.

Allaha u naxariistee waxaa sidoo kale geerida ku timid Abwaanka ka tacsiyeeyey madax ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo war ka soo saaray geerida Abwaanka.

Hadraawi wuxuu ku dhashay magaallo madaxda gobolka Togdheer ee Burco sannadki 1943kii, wuxuuna ka mid ahaa hal abuurrada ugu muuqa dheer gayiga Soomaaliyeed.

Haddaba, hoos ka aqriso taariikhda AUN Abwaan Hadraawi

Maxamed Ibraahim Hadraawi waxaa uu ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer 1943-dii, yaraantiisa waxaa muddo magaalada Cadan kula noolaa adeerkii halkaas uu wax ku bartay, waxaa uuna ku caanbaxay sheekooyinka, gabayada, iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee maansada.

Hadraawi waxbarashadiisi aasaasiga ahayd illaa dugsiga sare wuxuu ku qaatay Dugsigii Cadmeed ee wakhtigaa la odhan jirey (St. Anthony’s High School.) mudadii u dhexaysey1956-1964.

Markii uu dhameeyey dugsigaa ayuu xamarkaga shaqeeyey macallinimo, mudo laba sanadood an. 1967 ayuu Cadan ka soo guurey una soo kicitimey xagga Somalia. Waxa uu cagaha soo dhigay magaalada Muqdisho.

Hadwaari, waxaa uu wax ku bartay jaamacadda umadda Soomaaliyeed bilowgii 70-meeyadii, mudddaasi waxaa uu kusoo caanbaxay gabayada, heesaha iyo sheekooyinka ka bixi jiray Radio Muqdisho.

Kartidiisa Hal-abuurnimo markii ugu horeysey ee uu soo shaac baxo, waxay ahayd intii aanu Cadan ka soo tegin. 1966-kii ayuu curiyey soona ban-dhigay Riwaayadii la magac baxday “Hadimo” hase yeeshee wuxuu si fiican ugu doob dillaacsaday, maansadiisuna caan baxday intii uu u soo wareegey Soomaaliya.

Hadraawi waxaa uu hormuud ka ahaa gabayo sida Siinleyda, taas oo keentay in maamulka Siyaad Barre ku arko mid khatar ah, oo kacaandiid ah, natiijadana ay noqoto in la xiro inta u dhaxeysay 1973 ilaa 1978.

Waxa la soo qaadan karaa Riwaayadii “Aqoon iyo Afgarad” oo ay u jireen saaxiibadiis Maxamed Xaashi Dhamac(Gaariye), Siciid Saalax Axmed, Muuse Cabdi Cilmi iyo Silsiladii maansadii “Siinley” iyo Riwaayadii “Tawaawac” ee ay ku jireen heesaha ay ka midka ahaayeen “Hal La Qalay iyo Ceel Walwaaleed”.

Wakhtigaas ka dib, illaa bilowgii 1982-kii, wuxu Akadamiyada Cilmiga Fanka iyio Suugaanta ka ahaa Agaasimaha Waaxda Fanka; isla markaana wuxuu madaxa hore kaga jirey raggii mayalka u qabtay ee hoggaaminayey Silsiladii maansadii caan baxday e “Deelley” kana qaraxday dalka horraantii sanadkii 1980.

Bilowgii 80-meeyadii waxaa uu ku biiray  jabhadda fadhigeedu ahaa London ee SNM, waxaa uuna u baxsaday Itoobiya, isaga oo qeyb ka ahaa halgankii looga soo horjeeday keligii taliye Siyaad Barre, dagaaladdii kadib waxaa uu degay London.

Hadraawi, waxaa keyda idaacadaha ugu jira heeso badan sida:

1-Heesta Hooyooy La’aantaa.

2 Heesta Jaceyl dhiig malagu qoray.

3 Heesta Baladweyn.

4 Heesta Garmaqaate

5 Heesta Suleekha

Heesahaasi waxaa qaaday:

1-Heesta hooyooy la’aantaa, Maxamed Saleebaan Tubeec.

2 Heesta Jaceyl dhiig malagu qoray, Xaliima Khaliif Cumar Magool.

3 Heesta Baladweyn, Xasan Aadan Samatar

4  Garmaqaate , Maxamed Nuur Gariig iyo Farxiyo Cali.

5 Heesta Suleekha, Maxamed Nuur Gariig

Inkasta oo meelo badan oo dunida u tagay safarro la xiriira gabayo, hadana waxaa uu sanadihii dambe kusoo noqday, oo uu deganaa Somaliland halkaas oo uu maanta ku geeriyooday, waxaana muddooyinkii dambe uu ahaa dhulyaal isaga oo xanuunku dhul udhigay maantana uu geeriyooday.

W/Q: Cabdicasiis Axmed Gurbiye

Suuq ku yaallo MUQDISHO oo maanta gubtay + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dab xoogan oo geystay khasaare hantiyeed uu ka kacay Suuqa degmada Dharkenley ee loo yaqaanno Suuq Boocle.

Dabka oo ka dhashay Koronto ayaa baabi’iyey goobo ganacsi oo ku yaalla Suuqaas, kaas oo mar dambe ay ku guuleysteen inay damiyeen gaadiidka dab damiska ah.

Mid ka mid ah ganacsatada ku hanti beeshay dabkaasi oo la hadlay Shabelle TV ayaa shaaciyey inay gubteen ugu yaraan illaa 50 dukaan oo ku yaallay gudaha Suuqaasi.

“Wallaahi cadada ma sheegi karo, laakiin waxaa qiyaasayaa illaa 50 daba-kaanyo way dhan tahay halaha hadda gubatay,” ayuu ku yiri mid ka mid ah ganacsatada Suuq Boocle.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu saacado badan socday dabka, wuxuuna sababta ku sheegay in gaadiidka gurmadka deg-degga ah ay waayeen waddo ay ka galaan Suuqa.

“Suuqaan isaga dhan jidad ma leh Bajaaj xittaa ma soo dhex-geli karto oo dadkii ayaa ganacsigiisii waddada lee ayuu noqday, sidaas ayaa keentay,” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Sidoo kale dabkan oo ahaa mid xoogan ayaa saameeyey qaybta qudaarka ee Suuq Boocle oo iyadana gubatay, sida ay sheegtay mid ka mid ah hooyooyinka ku ganacsada halkaasi.

“Waxaa iga gubtay basal, liin dhanaan oo shalay aan Afgooye ka keenay, weliba dayn ayaan ku soo qaaday,” ayey tiri Hooyo ka mid ah ganacsatada qudaarta ee Suuq Boocle.

Suuqyada magaalada Muqdisho ayaa marar badan sidaan oo kale u gubtay, waxaana ugu dambeeyey dabkii xooganaa ee baabi’iyey suuqa isgoyska Banaadir ee degmada Hodan.

Sidee Maxamed Xuseen u aas-aasay shirkad sanadkii soo xareysa $32 milyan?

Arlington (Caasimada Online) – Ka Maxamed Xuseen ahaan, oo 32 jir ah – ahna jiilka ugu horreeyey ee ku barbaara Maraykanka – kaas oo ah curadka sideed carruur ah oo la dhalatay, wuxuu ta niyo yaraantiisa fariid ku ahaa xirfadda tarjumidda iyo hindisaha hal-abuurrada. 

Isaga iyo walaaladiis waxay ugu warcelin jireen af Ingiriis waalidiintooda, wuxuuna aalaaba ahaa mid u haliila kasbashada lacagta basraaca. Da’diisii 20-meeyada, wuxuu bari jiray Ingiriiska, isaga oo wax ka fududeyn jiray heshiisyada xoolaha Sacuudi Carabiya. Sannadkii 2013-ka, wuxuu Virginia ku aas-aasay Piedmont Global Languages Solutions. 

Shirkadda oo soo xeraysay ku dhawaad $32.5 milyan oo dakhli ah sannadkii 2021, waxaa ka shaqeeya 57 shaqaale. Waxay u sameysaa turjumidda – hadal iyo dhigaal – iyo adeegyada kale ee la xiriira dad ku hadla in ka badan 200 oo luqadood oo ku kala nool 18 dal. Waa shirkad ka shaqeysa suuq dakhligiisu dhan yahay $60.5 bilyan.  

“Aalaaba way ku weyneyd maskaxday noqoshada hal-hindise wax weyn sameeya. Xurnimada maaliyadeedna waa mid aan yaraantaydii jeclaa. Intaan 16 jir noqon ayaan dhameeyey dugsiga sare kuna biiray koleejka; waxaana qorsheeyey inaan aado iskuulka caafimaadka; haddana waxaa iisoo baxday inaan aado Yemen sanandkaygii ugu horreeyey si aan u barto Carabiga muddo sannad ah. Waxaana joogay shan sannadood gudaha Sucuudi Carabiya – aniga oo bartay luqadda Carabiga, diinta iyo falsafadda. Waana halkaas goobtii aan ka ogaaday muhiimadda luqadda sida looga faa’iidaysan karo – jid bayna ii noqotay!” 

“Waxaan bare dhiga afka Ingiriiska ah ka noqday gudaha Sacuudiga – waxaana u kala socdaali jiray dalka oo dhan si aan xiisado uga bixiyo, halkii saac waxaan ku shaqeyn jiray $30. Waana markii aan bilaabay inaan lacag fiican sameeyo.”

“Markii aan si guda-galaba baridda luqadda Ingiriiska, waxaan sii helay codsi shaqo oo iiga imaanaya mashaariic kala duwan sida mareego iyo dhigaallo u baahan in tarjumadda laga caawiyo. Waxaan sidoo kale la shaqeeyey shirkad waaweyn oo dhoofinta xoolaha ka shaqeeeya si aan uga caawiyo xiriirada ay uga baahan yihiin macaamiishooda ku nool Maraykanka.” 

“Markii aan kusoo noqday Maraykanka, waan hubay inaan dooneyn noqoshada dhaqtar. Waan guursaday, waxaana doonay inaan jaamacadayda dhameeyo halkaasna kasii wado howlaha fududeynta iyo maareynta shaqada shirkadayda.”

“Waan sii waday shaqadayda tarjumidda ilaa markii dambe saaxiibkay uu ila wadaagay fursad shaqo oo mashruuc afafka Carabiga iyo Soomaaliga la isku rajumayo. Waana sababta aan ugu dambeyntii u aas-aasay shirkadda. Waana sii waday ilaa aan shaqaale ka qorto hadda kamid ah howlwadeennada shirkadda.” 

“Howlgalkeennu waa inaan hey’adaha ka caawinno inay bulaalaan. Waxaana ka caawinaa suuqgeynta, tababbarad, qoraallada mareegaha; innaga oo sidoo kale hey’adaha dowladda ka saacidayna inaan u tarjunno afafka shisheeye una keeneysa afyaqaanno ku xeeldheer. Waana qasab in hadiyo gooraale, uu tarjumuhu fahmo hadba ereybixinta uu u adeegsado marka la joogo caafimaadka, dhaqaalaha, wax-barashada iyo wixii la halmaala.”  

“Weli waan u korayaa qof ahaan oo magaarin heerkii aan ka rabay luqadaha, waxaan doonayaa inaan saddexda luqadood ee Carabiga, Ingiriiska iyo Soomaaliga aan ku daro labo kale oo caalami ah. Waxaana usii halgamayaa inaan xoojiyo barashada luqadda jireed ee Maraykanka oo aan rumeysnahay inay qeyb ka tahay yoolkayga.” 

Somalia oo ka guuleysatay waddamo Afrikaan ah

0

Dar es Salam  (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku guuleysatay hoggaanka guddiga Afrika ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano CDC, kaas oo ah heer wasaaradeed, ayna xubno buuxdo ka yihiin dalal badan oo Afrika ah.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa isku howshay tartankaan oo ahaa mid adag, waxaana olole iyo dadaal ay sameysay, kadib ku guuleysatay hoggaaminta CDC.

Tartanka ayaa ka dhacay dalka Tansaaniya, waxaana Soomaaliya ku metelayey wasiir ku xigeenka caafimaadka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xasan Maxamed (Buraale), kaas oo ka qayb-galay shirka lagu dooranayey hoggaanka cusub, kadibna guul ka soo hooyey.

Wasiir Buraale ayaa dadaal dheer iyo olole ballaaran geliyey in ay Soomaaliya madax ka noqoto guddigan oo ah mid muhiim ah.

Guddigan heer wasaaradeed ah ee Afrika, waa hay’ad farsamo oo Ururka Midowga Afrika u qaabilsan inay ka caawiso dowladaha xubnaha ka ah Ururka dadaallada ay ku ogaanayaan, ugana jawaabayaan khataraha caafimaadka bulshada ayaga oo isticmaalaya cilmiga sayniska, xogta, iyo siyaasadooda.

Sidoo wuxuu guddiga Afrika ee CDC ka shaqeeyaa horumarinta awoodda xirfadleyaasha caafimaadka dadweynaha iyo kaalmada farsamo ee la siinayo wadammada ay soo food saaraan walaacyo caafimaad oo murugsan.

Soomaaliya ayaa sidoo kale haatan dadaal dheer ugu jirto ku biirista dalladda bulshada bariga Afrika (EAC), waxaana maalin kahor madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay Cabdisalaam Hadliye inuu noqdo ergeyga Soomaaliya u qaalbisan ururka Afrka ee EAC.

Booliska Soomaaliya oo gacanta kusoo dhigay ‘ninkii dilay’ Hibo Qaasim Maxamed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo xalay howlgal ka sameeyey deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane loo heysto inuu ka dambeeyey dilka Allaha u naxariistee Hibo Qaasim Maxamed oo aheyd gabar ardayad ah oo ku baastay imtixaankii dugsiyada sare ee ay qaaday dowladda Soomaaliya.

Booliska Soomaaliya ayaa soo qabtay eedeysane lagu magacaabo Jeylaani Aadan Abaadir, kaas oo wareysi lala yeeshay ku qirtay inuu dilay marxuumad Hibo Qaasim Maxamed.

Taliyaha qeybta galbeed ee ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, Yaasiin Ganey oo la hadlay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey howlgalkaasi iyo sida ay ugu suura-gashay inay ku soo qabtaan eedeysanaha oo markii hore goobta ka baxsaday, kadib markii uu dilka geystay.

Yaasiin Ganey ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in eedeysanaha uu marxuumadda u dilay taleefan dartiis, kaas oo uu doonayey inuu ka dhaco.

“Farxaddii murugada isku bedeshay waa Ilaahey mahaddiisa inaan gacanta ku soo dhignay dambiile Jeylaani Aadan Abaadir oo Moobeyl dartiis u dilay Hibo Qaasim Maxamed oo ardayad aheyd, kana qalin-jebisay dugsiga sare,” ayuu yiri Taliye Yaasiin Ganey.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay u gudbin doonaan hay’adda dambi baarista CID-da si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Gacan ku dhiiglihii gacanta ayaa lagu dhigay, waxaana u gudbin doonaa hay’adaha ku shaqada leh, sida CID, inkasta oo uu qiraal yahay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Ugu dambeyn Hooyo Faa’iso Maxamed Abuukar oo dhashay marxuumad Hubo Qaasim ayaa dhankkeeda u mahad-celisay ciidamada Booliska ee soo qabtay ‘ninka dilay’ gabadheeda.

“Ilaahbaa mahad iska leh, waana u mahadcelinayaa dhalinyarada ii gurmatay gabadheyda oo ayada oo Sooman shalay lagu dilay waddada, Ilaahey ha u naxariisto. Ciidamada  gabadheyda ninkii dilay gacanta ku soo dhigay waan u mahad-celinayaa” ayey tiri Faa’iso.

AUN Hibo waxay dhigan jirtay iskuulka Iftin oo ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha oo ay sannadkaan ka baxday, waxaana xusid mudan in iskuulkaasi qeybtiisa degmada Warta Nabadda ee Muqdisho uu ka baxay Khaalid Cabdullahi oo ah ardaygii galay kaalinta 1-aad.

Ninkii mindiyeeyey Salman Rushdie oo bixiyey wareysi oo xog badan ku shaaciyey

New York (Caasimada Online) – Ninka lagu eedeeyey inuu mindiyeeyey Salman Rushdie, oo ah qoraa horey ugu gefay qur’aanka iyo Nebi Muxamed NNKH, ayaa sheegay inuu xushmeeyo Ayatollah Ruhollah Khomeini, hase yeeshee aysan dhiir-gelin fatwada dilka ah ee horey uu usoo saaray 

Hadi Matar, oo wareysi siiyey wargeyska New York Post, ayaa sheegay “inuu aqriyey kaliya laba bog oo ka mid ah” buugga Salman Rushdie ee “Aayadaha Shaydaanka.” 

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu arkay tweet xilli qaboobihii tegay lagu sheegay in qoraaga uu booqan doono Machadka Chautauqua, taasi oo fikrad ka siisay meesha uu tegi doono, si uu ugu beegsado.

Salman Rushdie, oo 75 jir, ah ayaa lagu waday inuu khudbad ka jeediyo machadka oo ku yaalla galbeedka gobolka New York, markii Matar oo 24 jir ah uu ku weeraray kuna dhuftay dhowr mindi, Jimcihii tegay. 

Rushdie ayaa waxaa madaxiisa saarnaa abaal-marin tan iyo markii uu daabacay buugga “Aayadaha Shaydaanka” 1988—kii, taasi oo keentay in Khomeini uu soo saaro fatwo ugu baaqeysa Muslimiinta inay dilaan. 

“Waan xushmeeyaa Ayatollah. Waxaan u maleynayaa waa qof maamuus weyn, intaas kaliya ayaan sheegi karaa,” ayuu Matar u sheegay New York Post oo wareysi muuqaal ah kula yeeshay xabsiga. 

“Ma ahan qof aan aad u jeclahay,” ayuu Matar yiri mar wax laga weydiiyey Salman Rushdie.

“Waa qof weeraray Islaamka, wuxuu weeraray diintooda iyo waxa ay aaminsan yihiin,” ayuu Matar u sheegay New York Post, isaga oo intaas ku daray inuu YouTube ka daawaday muuqaallada Rushdie.

Matar ayaa beeniyey inuu xiriir la leeyahay Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran. 

Matar ayaa ugu yaraan 10 jeer mindida ku dhuftay Salman Rushdie, waxaana dhaawacyo ay ka garaeen beerka, neerfaha iyo gacan, wuxuuna waayey hal il.

Matar waxa uu ku dhashay Mareykanka balse waalidkiis waxay kasoo jeedaan Koonfurta dalka Lubnaan.

R/W Xamza oo muujiyay afar qodob oo loo fahmay saldhiga dhaqan siyaasadeedkiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa soo afjaray maalmo shaqo ku wareejin oo xubnihii xukuumaddii hore ay kaga baxeen xeyndaabka. 25 wasiir ayaa la wareegay shaqada, kuwaas oo ay wehliyaan ku xigeeno iyo wasiiru dowlayaal.

Intii uu ku guda jiray mas’uuliyad ku wareejinta wasiirrada cusub wuxuu ra’isul wasaare Xamza aad ugu celceliyey 4 qodob oo u muuqday aas-aaskiisa siyaasiga ah, kuwaas oo haddii la dabaqo wax badan ka tari kara dowladnimada Soomaaliya.

Afartaas qodob ayaa kala ah:

1- Ilaalinta ammaanada

Ra’isul wasaarahu wuxuu dhowr wasaaradood ka sheegay muhiimada ammaanada, iyadoo kal xukunkii hore ee madaxweyne Xasan Shiikh aad loogu eedeeyo musuq, Xamza wuxuu u muuqdaa nin ka gaashaamanaya dhaqankaas.

In la helo madax aamin ah, waxay badbaado u tahay dalka iyo dowladnimada, waxayna jeexi kartaa dariiq lagu tanaado, baaqa ilaalinta ammaanada ee ra’isul wasaare Xamza Cabdi Barre waxaa hor taalla xujo ah in la fuliyo.

2- Shaqooyinkii hore

Dhowr wasaaradood oo uu ra’isul wasaaruhu tagay si uu shaqooyinka ugu kala wareejiyo wasiirrada cusub iyo kuwii hore wuxuu ka sheegay hadalo aan looga baran xukuumadaha cusub.

Xamza wuxuu qiray in shaqo badan oo wanaagsan la qabtay, wuxuu si weyn u bogaadiyey wasiirradii shaqada ka tagay oo uu sheegay in aysan qaarkood mudneyn inay baxaan marka la eego shaqada ay qabteen.

Waa xeer fiican in laga marqaati kaco wanaagga, dowladda Soomaaliyana macno weyn ayey u leedahay in madaxda cusub aqbalaan guushii ka horeysay iyo inay sii wadaan wixii horumar ah oo ay keentay xukuumaddii hore.

3- Wada-shaqeynta

Marka xukuumad cusub la dhiso waxaa soo baxa muran iyo is qabqabsi u dhaxeeya wasiirada cusub iyo howl-wadeenada wasaaradaha, waxaana badi sabab looga dhigaa wasiirada cusub oo isku daya inay awoodooda ku tijaabiyaan howl-wadeenada wasaaradaha, waxaana arrintaasi ka dhasha cuuryaamin shaqo iyo kala qeybsanaan.

Ra’isul wasaare Xamza wuxuu muuqday nin heysta waayo aragnimo taas la xiriirta, wuxuuna aad u dul istaagay ahmiyadda wada-shaqeynta iyo faa’iidada ay dhali karto.

Sidoo kale, wuxuu dhawaan mamnuucay inay wasiirada isbadal aan lala ogeyn ku sameeyaan mas’uuliyadaha wasaaradaha. Inta badan wasiirrada xukuumadaha Soomaaliya ee damacsan hanti boobka ayaa beegsada agaasimayaasha guud, si ay u keensadaan qof ay wax wada dhici karaan.

4- Shaqo shacbi ah

Ra’isul wasaare Xamza Cabdi Barre nuxurka khudbadihiisa waxaa laga dhex aqrisan karay sida u uu rabo in shaqada wasaaradaha loo eego maxay shacabku rabaan.

Inta badan wasaaradaha dowladda federaalka ah waxay ahmiyada siiyaan farriimaha loo diro ajaanibta iyo  tababaro yar yar oo nolol maalmeed laga dhex raadiyo. Waxaa aad u yar shaqada wasaaradaha, markii loo eego baahida shacabka iyo sida loo fududeyn karo in la gaaro dadka u baahan adeegga dowladda.

Ra’isul wasaare Xamza wuxuu nuxurka hadalkiisa ku xoojiyey in shaqooyinka wasaaradaha shacabka la waafajiyo, taas oo haddii sii sax ah loo fuliyo gebi ahaanba dhab u badali karta shaqada fadhi ku dirirka ah ee wasaaradaha dowladda federaalka ah.