29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Al-Shabaab oo toogasho ku fulisay 6 QOF + Sababta

0

Jilib (Caasimada Online) – Dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ayaa maanta fagaare ku yaalla degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ku toogtay rag ay kooxdu ku eedeysay inay ahaayeen basaasiin u shaqeynayey sirdoonnada dowladaha Mareykanka, Kenya iyo Soomaaliya.

Raggaan la dilay oo gaaraya illaa 6 nin ayaa Al-Shabaab waxa ay shaacisay in ay mas’uul ka ahaayeen duqeymo kala duwan oo lagu beegsaday kooxda, kuwaas oo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobollada Jubbooyinka oo dhaca koonfurta waddanka Soomaaliya.

Maxkamad hoostagta Al-Shabaab ayaa sheegtay in dhammaan ragga la dilay lagu helay eedeymaha loo soo jeediyey, kadibna xukunkii lagu ridday maanta lagu fuliyey.

Halkan hoose ka aqriso magacyada ragga la toogtay:-

1-Cabdirisaaq Ciise Axmed (Maqas) oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey sirdoonka Mareykanka.

2-Xasan Gaarane Muuse (Dr Ayuub), oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey sirdoonnada Mareykanka, Kenya iyo Soomaaliya, uuna qayb ka ahaa 20 duqeymood.

3-Cabdullaahi Cali Ismaaciil oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey ciidamada uu Mareykanka tababaray ee Bangaraafta iyo kuwa Jubbaland.

4-Shire Yuusuf Xersi oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey sirdoonka Mareykanka, uuna bixiyey xogta 10 ka mid ahaa saraakiisha Al-Shabaaba

5-Axmed Muqtaar Aadan oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey ciidamada maamulka Jubbaland.

6-Ismaaciil Cabduweli Cismaan oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey sirdoonka dowladda Mareykanka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhisay dilalka toogashada, waxaana ugu dambeeyey todobadii qof ee bishii hore lagu dilay fagaare ku yaal deegaanka Buulaay ee gobolka Baay, kuwaas oo iyaguna lagu eedeeyey inay ahaayeen dad jawaasiis ahaa.

Si kastaba, dhacdooyinkaan ayaa ku soo beegmaya, xilli ay haatan kooxdu sare usii qaaday weerarada ay ka fuliso gudaha dalka iyo kuwa ay ku qaado waddamada Kenya iyo Itoobiya.

Ilhaan Cumar oo guul weyn doorasho xalay dhacday

0

Washington (Caasimada Online) – Senator Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka dalka Mareykanka ayaa markale wacdaro ka dhigtay doorashada isreeb-reebka kursiga ay haatan ugu tartameyso xisbiga Dimuquraadiga ee ka dhisan waddanka Mareykanka.

Ilhaan oo markale u tartameysa kursiga ay ku fadhido ee Congress-ka ayaa tartan adag la gashay musharax kale oo kaga adkaatay doorasho ka dhacday xisbiga dhexdiisa.

Doorashadaan ayaa noqonaysa tii ugu adkeyd ee ay gasho, tan iyo intii ay billowday loolanka siyaasadda Mareykanka, ayadoo dhowr jeer laga soo doortay gobolka Minnesota.

Sidoo kale waxay Ilhaan Cumar doorashada dhexe weji doontaa musharax kale oo ka socda xisbiga Jamhuuriga, taas oo lagu ballansan yahay inay dhacdo bisha November ee 2022-ka.

Waxaa sidoo kale jira 3 musharrax oo kale oo Soomaali ah oo ku soo baxay doorashada horudhaca ee xisbiga Dimuqraadiga ee gobolka Minnesota, kaddib markii ay ka soo adkaadeen musharraxiintii kale ee la tartameysay, sida ay muujineyo natiijada doorashada.

Senator Cumar Faatax ayaa dib u helay kalsoonida xisbigiisa, Zainab Mohamed ayaa iyana ku soo baxday doorashadii kurisga Aqalka Sare ee Gobolka Minnesota, halka Samakaab Hussein uu isna ku guuleystay doorashada tartanka xildhibaan Aqalka Hoose ah.

Ilhaan iyo saddexda musharrax ee kale ee Soomaalida ee guuleystay ayaa haatan isku diyarinaya doorasho adag oo ay kaga hortegayaan xubnaha isbiga Jamhuuriga.

Si kastaba, Ilhaan Cumar oo asalkeedu yahay Soomaali ayaa si weyn uga dhex-muuqata siyaasadda Mareykanka waxaana lagu xasuustaa dagaalkii ay la gashay Trump & kooxdiisa.

AFGOOYE: Shan QOF oo lagu dilay xaflad aroos ah

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faahfaah dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa toogasho sababtay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacday goob ay ka socotay xaflad aroos ah oo ku taalla duleedka magaalada Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in rag hubeysanaa ay rasaas ku fureen dadweyne ku sugnaa guri uu aroos ka jiray oo ku yaalla tuulada Cadayleey oo hoostagta  degaanka Buulalow.

Inta la xaqiijiyey waxaa dhacdadaasi ku dhintay ugu yaraan illaa shan qof, halka ay ku dhaawacmeen sagaal kale, kuwaas  oo la geeyey isbitaalka guud ee degmada Afgooye.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in kooxda weerarka fulisay ay goobta isaga baxsatay, mana cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdadaasi.

Sidoo kale waxa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howlgallo ka bilaabay agagaarka degmada Afgooye, ayaga oo baadi goobayo raggii ka dambeeyey falkaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdaas iyo howlgallada socda.

Dhacdadaan ayaa la yaaab ku noqotay dadka deegaanka, ayada oo xafladdii arooskana ay isku bedeshay goob murugo ah, maadaama ay ka dhalatay dhimasho iyo dhaawac.

Inta badan Afgooye iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal amni darro ah iyo weeraro ay ka fuliyaan xoogaga Al-Shabaab oo weli ku xoggan Shabeelaha Hoose.

Si kastaba, dhowaan ayey aheyd markii nin hubeysnaa uu sidaan oo kale rasaaseeyey dad ku sugnaa guri uu ka jiray aroos oo ku yaalla deegaanka Qoolaali oo hoostaga magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, waxaana halkaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Muxuu Aadan Madoobe ka yeelay go’aankii uu qaatay Odowaa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ka aqbalay cudur daarkii uu soo gudbiyey Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) isagoo ku bedelay xildhibaan kale.

Xildhibaan Cabdiraxman Odowaa ayaa maanta Guddoomiyaha uga cudur daartay inuu kamid noqdo guddi uu u xil-saaray baaritaanka buuqii iyo gacan ka hadalkii hareeyey kulanka baarlamaanka maalintii la anxisiyey xukuumadda cusub ee 7-dii bishaan.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa xubinimadii uu diiday Odawaa, wuxuu u magacaabay Xildhibaan Maxamuud Cabdullahi Axmed (Abuukaato).

Odawaa ayaa maanta bartiisa Facebook ku soo qoray, “Ka cudur daarasho. Anigoo u mahad celinaya gudoomiyaha golaha shacabka, haddana waxaan ka cudur daaranayaa ka mid noqoshada xubinimada guddigaan hoos ku lifaaqan. Xildhibaanada saxiibadey ah, waxaan kula dardaarmayaa in aan mar walba ilaalinno anashax iyo dhaqanka wanaagsan, xasuusnaana inaan nahay indhihii dalka. Mahadsnaidiin.”

Guddigan ayaa ka kooban shan Xildhibaan, waxaana la faray in warbixin ay ka keenaan wixii hoolka baaralamaanka ka dhacay Axadii, isla markaana natiijada ka soo baxda baaritaanka ay dib ugu soo celiyaan guddoonka.

Sidoo kale guddiga ayaa sameyn doona xog uruurinta iyo wareysiga xubnaha Golaha Shacabka ee xaadirka ku ahaa xarunta iyo qof kasta oo goobjoog ku ahaa xarunta maalintaas.

Xubnaha guddigaan ayaa kala ah:

  1. Xildhibaan Maxamuud Cabdullahi Axmed (Abuukaato)
  2. Xildhibaan Axmed Maxamuud Jaamac
  3. Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin
  4. Xildhibaan Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji
  5. Xildhibaan Ismaaciil Ciid Maxamed

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntiina faray Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka in uu u fududeeyo xubnahaas wixii tas-hiilaad ah ee ka guddi ahaan ay u baahdaan.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo booqday warshadaha hubka ciidamada Uganda

0

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Uganda ayaa booqday deegaanka Nakasongola oo ay ku yaallaan Warshadaha Luwero ee soo saara qalabka Ciidamada Milateriga Uganda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka iyo dowladda Uganda ku bogaadiyey ‘dadaallada wax ku oolka ah’ oo ay ku bixinayaan kobcinta wax-soosaarka iyo warshadaha dalkooda.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in tallaabooyinka isku tashiga ah ee shacabka iyo dowladda Uganda ay sameynayaan ay dhiirri gelinayaan dalalka Gobolka iyo hal abuurka shucuubta Geeska Afrika.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda iyo guud ahaan gobolka ay door firfircoon ku leeyihiin ganacsiga iyo wax-soosaarka Warshadaha dalalka Gobolka.

Wuxuu ugu baaqay in dowladda Soomaaliya ay ku garab istaagaan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacasiga iyo kobcinta dhaqaalaha dalkeenna.

Booqashadii galabta waxaa Madaxweynaha Soomaaliya ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Huruse, Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Ganacsiga, Jabriil Cabdirashiid, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Xuseen Sheekh iyo Danjiraha Soomaaliya ee dalka Uganda Cali Maxamed Maxamuud.

TACSI: Geerida Xasan Cali Nuur Maxaa Rooble

0

Adeer Xamuu Caddey Sheekh Axmed Mataan iyo dhammaan faraca reer Sheekh Axmed Mataan, gaar ahaan reer Siid Axmed Sheekh Axmed Mataan oo kala ah Aba Cali Siid Axmed iyo xaaskiisa Amina Daa’uud Axmed, Jamiila Siid Axmed, Seynab Siid Axmed iyo Seygeeda Cabdi Maxamuud Geedi iyo Ruqiyo Siid Axmed.

Reer Cumar Xuseen Jimcaale Juungal, gaar ahaan Cabdicasiis Cumar Xuseen Juungal, Abuukar Nuur Muudey, Sayid Caraaye, Lemon Cabdulle Sabriye, iyo Seygeeda Cabaas Cabdi Maxaa Ciise, Abuukar Cariif, Reer Maxamed Cumar Afrax, iyo Reer Maxamed Xasan iyo Xaliimo Hadaafow, Hindiyo Maxamed Cariif iyo Xasan Dalfac, Jamiila Maxamed Cariif, John Shaqaaq, Baashi Maxamuud Gacal iyo xaaskiiska Faadumiina.

Dhammaan dadkaasi, waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Dr. Maxamed Cali Nuur iyo dhammaan reer Cali Nuur Maxaa Rooble, ayaga oo uga tacsiyeynaya geerida Xasan Cali Nuur Maxaa Rooble, oo ku geeriyooday dalka Canada.

Waxay leeyihiin dhammaan Samir iyo Iimaan Allaha ha naga siiyo, marxuumkana jannada fardowsa Allah ha ka waraabiyo. إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّ إِلَيْهِ رَاجِعُونَ‎.  

Museveni oo QM u diray codsi muhiim u ah Soomaaliya

0

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musavani ayaa ka dalbaday golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey in cunaqabataynta hubka laga qaado Soomaaliya, si dowlada Soomaaliya awood ugu yeelato sugida amniga dalkeeda.

Hadal kooban oo madaxweyne Musaveni uu jeediyay kadib kulan uu la qaatay dhigiisa Soomaaliya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Uganda ayuu sheegay inay muhiim tahay in golaha amaanka ee QM ay Soomaaliya ka qaadaan cunaqabataynta hubka ee saaran.

Madaxweynaha Uganda wuxuu sheegay in si dowlada Soomaaliya ay awood ugu yeelato sugida amniga ay muhiim tahay inay hesho awood ciidan oo dhameystiran, taas oo ku xiran in laga qaado cunaqabataynta hubka ee mudada dheer saaran.

“Anigoo taageersan dadaalada Qaramada Midoobey ee xasilinta Soomaaliya, hadana waxaan si wadajir ah u codsanaynaa in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka, si ay awood ugu yeelato in amniga mas’uul ka noqoto,” ayuu yiri madxaweynaha Uganda.

Sidoo kale qoraal wadajir ah oo ay soo saareen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Uganda ayay beesha caalamka uga codsadeen inay taageeraan ciidamada Soomaaliya, si amniga dalka loo xoojiyo.

November sanadkii hore ayay xubnaha golaha ammaanka u codeeyeen in Soomaaliya lagu sii hayo cunaqataynta hubka ee saran, inkastoo horay loo qafiifiyay, wuxuuna goluhu mar kale ka fariisan doonaa arrintaan bisha November ee soo socoda.

Taliye cusub oo la wareegay hoggaanka taliska AFRICOM

0

Stuttgart (Caasimada Online) – Gen. Michael E. Langley ayaa maanta la wareegay xilka taliyaha taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM, xaflad ka dhacday magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka.

“Sharaf ayey dhab ahaantii ii tahay inaan hortiina istaago anniga oo ah taliyaha cusub ee AFRICOM,” ayuu Langley ka yiri xafladdii xil wareejinta.

“Waxaan rajeynayaa in aan qaato mas’uuliyadda hoggaaminta xirfadlayaashan kartida leh ee AFRICOM iyo dhammaan qaybaheeda kala duwan, innaga oo garab taagan saaxiibadeena iyo xulufadeena si aan u horumarinno nabadda iyo barwaaqada Afrika iyo Maraykanka labadaba.”

Langley ayaa noqday taliyihii lixaad ee AFRICOM, tan iyo markii taliska la aasaasay 2008.

Langley oo kasoo qalin jebiyey jaamacadda University of Texas ee Arlington ayaa markii ugu horreysay kusoo biiray ciidamada Mareykanka 1985-kii.

Munaasabadda xil-wareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Lloyd J. Austin III iyo 400 oo marti oo ka kala yimid caalamka oo idil.

Hadal uu ka jeediyey munaasabadda ayuu Austin ugu mahadceliyey taliyaha xilka ka degay ee AFRICOM Gen. Stephen Townsend, isaga oo ku ammaanay hoggaamintiisa ka go’naansho ee saddexdii sano ee lasoo dhaafay.

Taliska AFRICOM ayaa ah mid ka mid ah toddobada talis ee Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka, wuxuuna mas’uul ka yahay howlgallada dagaal, dhoolatus, iskaashiga amni, ka jawaabidda xasaradaha deg degga ah ee Africa iyo sare u qaadista danaha Mareykanka ee gobolka.

Taliska AFRICOM ayaa dowladda Soomaaliya ka caawiya la-dagaalanka kooxda Al-Shabaab, ayaga oo fuliya duqeymo ka dhan ah kooxdaas, sidoo kalena tababar siiya qaar ka mid ah ciidamada Soomaaliya.

VOA

Sawirro: Waa kuwee shanta wasiir ee maanta la wareegay xilalka wasaaradahooda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Golaha Wasiirada cusub ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xilka la wareegay Wasaaradaha loo magacaabay, kadib kalsooni siinta Golaha Shacabka ee 7-dii bishaan.

Xil-wareejinta ugu horreysa ayaa maanta ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, munaasabadda ayaa waxaa xilka kula wareegay ku-xigeenka cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamza ee Saalax Jaamac, oo uu ku wareejiyay Mahdi Guuleed oo ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii xukuumaddii hore.

Sidoo kale waxaa xilka la wareegtay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Bii’ada iyo Isbeddelka Cimillada Marwo Khadija Mohamed Al-makhzoumi oo maanta si rasmi ah xilka ugala wareegtay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, oo Waaxda Bii’adu ay hoos tagi jirtay xafiiskiisa.

Wasaaradda Labaad ayaa ah Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo uu wasiir ka ahaa Duraan Cali Faarax, isaga oo xilka ku wareejiyay Wasiirka cusub ee wasaaradda, Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal.

Wasaaradda Saddexaad ee maanta xil-wareejinteedu dhacday ayaa aheyd Wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka Badda oo Wasiirkii hore ee wasaaradaas Marwo Maryan Aweys Jaamac ay xilka ku wareejisay Wasiirka cusub Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir).

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Saalax Jaamac ayaa sidoo kale xilkii u kala wareejiyay wasaarada Afaraad oo aheyd Wasaaradda Maaliyadda oo Wasiirkii hore ee Dr Cabdiraxmaan Bayle uu xilka ku wareejiyay Wasiirka cusub ee wasaarada Dr Cilmi Maxamed Nuur.

Xil-wareejintii ugu dambeysa ee maanta dhacday ayaa waxa xilka kula wareegay Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kaasi oo si rasmi ula wareegay Xirsi Jaamac Cumar, oo xilkii uu kala wareegay Cabdixakiin Xasan Ashkir oo ahaa Wasiiru-dowlihii Xafiiska Wasiirka koowaad ee xukuumadda.

Sida uu qorshuhu yahay xil-wareejinta Wasiirradaha cusub ayaa sii socon doonta illaa maalinta Sabtida oo ay taariikhu ku beegan tahay 13-ka bishaan.

Odowaa oo go’aan lama filaan ah ka qaatay guddigii uu kusoo daray Aadan Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Odowaa oo maanta Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe u magacaabay kamid noqoshada Guddiga KMG ah ee loo xilsaaray baaritaanka dhacdadii nidaam-darada aheyd ee 7-dii bishaan ka dhacday xarunta Golaha, ayaa ka cudur daartay xilkaas.

Xildhibaan Odowaa ayaa ka cudur daartay kamid noqoshada guddigaas oo laga sugayo in uu sameeyo xog ururinta iyo wareysiga xubnaha Golaha Shacabka ee xaadirka ku ahaa xarunta iyo qof kasta oo goob joog ku ahaa xarunta maalintaas.

“Ka cudur daarasho. Anigoo u mahad celinaya gudoomiyaha golaha shacabka JFS Mudane Sh Aadan Maxamed Nuur (Sh Aadan Madoobe), haddana waxaan ka cudur daaranayaa ka mid noqoshada xubinimada guddigaan hoos ku lifaaqan,” ayuu Xildhibaan Odowaa ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale waxa uu ku yiri qoraalkiisa “Xildhibaanada saxiibadeey ah waxaan kula dardaarmayaa in aan mar walba ilaalinno anashax iyo dhaqanka wanaagsan, xasuusnaana inaan nahay indhihii dalka. Mahadsnaidiin.”

Guddiga uu ka cudur daartay kamid noqoshadiisa Xildhibaan Odowaa ayaa himika waxaa kusoo haray afar Xildhibaan, wuxuuna guddoonka ka sugaya in warbixin ka keenaan arrinkaas, islamarkaana natiijada ka soo baxda baaritaanka ay ku soo sameeyaan dhacdadaas dib ugu soo celiyaan guddoonka.

Waxaa xusid in kamaradaha warbaahinta qaarkood ay qabteen muuqaalo muujinaya mid kamid ah xildhibaanada maalinkaas fadhiga ka sameeyay fowdada oo caag ku tuurayo Guddoonka, taasi oo hadal hayn badan ka dhalatay la fahamsan yahayna inay horseeday magacaabida guddiga.

Sheekh Aadan Madoobe oo qaaday tallaabo la xiriirta fowdadii golaha shacabka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa magacaabay Guddi KMG ah oo baaritaan ku sameeya dhacdadii nidaam-darada aheyd ee 7-dii bishaan ka dhacday xarunta Golaha.

Guddigan ayaa ka kooban shan Xildhibaan, waxaana la faray in warbixin ka keenaan arrinkaas, islamarkaana natiijada ka soo baxda baaritaanka ay ku soo sameeyaan dhacdadaas dib ugu soo celiyaan guddoonka.

Sidoo kale guddiga ayaa sameyn doona xog ururinta iyo wareysiga xubnaha Golaha Shacabka ee xaadirka ku ahaa xarunta iyo qof kasta oo goob joog ku ahaa xarunta maalintaas.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntiina faray Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka in uu u fududeeyo wixii tas-hiilaad ah ee Guddiga u baahdaan.

Xubnaha guddigaan ayaa kala ah;

1. Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa)
2. Xildhibaan Axmed Maxamuud Jaamac
3. Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin
4. Xildhibaan Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji
5. Xildhibaan Ismaaciil Ciid Maxamed

Si kastaba, Waxaa xusid in kamaradaha warbaahinta qaarkood ay qabteen muuqaalo muujinaya mid kamid ah xildhibaanada maalinkaas fadhiga ka sameeyay fowdada oo caag ku tuurayo Guddoonka.

SPARK oo taageeraysa kasoo kabashada COVID-19 ee dhaqaalaha Somalia/S/land

Hargeisa, Somaliland – Soomaalidu waxay wajahayeen sannado badan dhibaatooyin, waxyaabo deegaan ahaan dhib badan oo cimilada ka dhashay iyo cuduro dilaacay sanadihii u danbeeyay. COVID-19 ayaa sidoo kale xaaladda uga sii daray, ayada oo ku dhawaad 20 boqolkiiba bulshada Somalia ama Somaliland la filayo in ay waxyeelo kasoo gaadhay saamaynta tooska ah iyo tan dadban ee cudurka safmareenka ah. Sida ay cadeeyeen mas’uuliyiintu, Waxaa jirta shaqo la’aan baahsan oo kajirta gudaha Somalia/Somaliland ayada oo qiyaastii 49% dadweynaha da’doodu u dhexayso 15 iyo 64 sano ay yihiin kuwo bilaa camal ah.   

Mashruuca Tadamon waa mirihii ka dhashay wada shaqaynta u dhexaysa ISDB iyo SPARK,” waxaa sidaa yiri Mourad Hentati, oo ah Agaasimaha Mashaariicda Gobolka Waqooyiga Afrika u qaabilsan Hay’ada SPARK.  Waa mashruuc ku haboon oo wakhtiyaysan si wax looga qabto saamaynta taban ee safmarka covid-19 uu ku yeeshay waddanka. Sidoo kale waa fursad xoogan oo hay’ada SPARK ay howlaheeda dib uga bilaabayso Somalia/Somaliland ugana jawaabayso baahiyaha degdega ah ee sii koraya haystana dhalinyarada iyo haweenka si ay u helaan shaqooyin iyo fursado dhaqaale oo waara. Asaga oo kaashanaaya hay’adaha maxaliga iyo kuwa caalamiga ah ba, sida Bina Incubator iyo Zamzam foundation, mashruuca TADAMON wuxuu ku talo jiraa in uu bixiyo adeegga ugu wanaagsan ee ugu macquulsan si dhalinyarta loo siiyo xirfadaha iyo awoodaha ay kaga soo kaban lahaayeen saamaynta covid-19 laakiin tan ugu muhiimsan ayaa ah sidii ay u xaqiijin lahaayeen riyadooda si ay u bilaabaan una kobciyaan dhaqaalahooda taas oo ay ku gaadhi karaan iyaga oo ku sugan deegaankooda”  

Ayaka oo ka jawaabaya baahiyaha hal abuureyaasha ganacsiga ee Soomaalida iyo dhalinyarta shaqo raadiska ah, Bangiga Hormarinta Islaamka iyo Sanduuqa Taageerda Hormarka ee Islaamka (Islamic Development Bank (IsDB) iyo Islamic Solidarity Fund for Development (ISFD) waxay ka kaashadeen SPARK oo ah hay’ad caalami ah in ay bilowdo barnaamij kaalmo ah oo la siinayo shirkadaha uu COVID-19 saameeyay. Tadamonbarnaamijka waxay ka qaybqaadanaysaa dadaalka degdega ah iyo kan muddada dhexdhexaadka ah ee lagula dagaalamayo saamaynada taban ee COVID-19 uu ku yeeshay dhaqaalaha Somalia/Somaliland.  

Waxaa muhiimadda la siinayaa qaybaha caafimaadka iyo waxbarashada – 90 katirsan shaqaalaha caafimaadka ayaa heli doona koorsooyin tababar oo gaagaaban si ay u helaan xirfado ku saabsan xaaladaha degdega ah ee ku hareeraysan iyo COVID-19. 

Haweenka iyo kooxaha kale ee nugul waxay heli doonaan digriiyo tababaro waxbarasho oo heer sare ah ama hormarinta xirfadaha qaybaha khuseeya suuqa xoogsatada. SPARKA waxay rajaynaysaa in 500 oo dhalinyaro ah (50% ay dumar yihiin) ay heli doonaan shaqo waarta 90 hal abuureyaal ganacsato ahna ay bilaabi doonaan ganacsiyadooda kooban, yaryar iyo kuwa dhexeba (MSMEs) ama ganacsiyada haween ku gurigyahooda ku dhex ganacsadaan.  

barnaamijka oo hal sano soconaya waxaa la fulin doonaa ayada oo lala kaashanayo ururo aan faa’iido doon ahayn, qaybaha gaarka loo leeyahay iyo saamilay wadamo badan iskugu jirta si looga shaqeeyo Hadafka Qarama Midoobay ee Hormarka Waara (SDG) 8 kaasoo diiradda saara shaqooyinka wanaagsan iyo koritaanka dhaqaalaha. 

Wixii faah-faahin ah la xariirka: Ibrahim Banat | +962 79193220 | [email protected]

Yoweri Museveni oo qiil yaab leh u sameeyey inaysan ka guuleysan karin Al-Shabaab

0

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ka hadlay dhibaato ka haysato la dagaalanka kooxda Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya iyo sida ay Soomaaliya u noqon karto qaran jira.

Museveni ayaa sheegay in dowladdiisa ay diyaar u tahay inay Soomaaliya ka caawiso dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, laakiin wuxuu si cad u sheegay in dalkiisa uusan awood buuxda oo dhaqaale u aheyn bixinta mushaarka ciidamada Soomaaliya.

“Waxaan Soomaaliya ka caawin karnaa sidii Al-Shabaab looga adkaan lahaa, haddii ay tahay su’aashu hub, waan iibsan karnaa, dareys waan iibsan karnaa oo xitaa cunno ayaan qeybin karnaa, laakiin ma maarayn karno mushaarka,” ayuu yiri madaxweynaha Uganda.

Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay in wax sii socon karo aysan aheyn tababarka iyo habeynta ay ciidamada dowladda ku wadaan dalalka Imaaraadka, Qatar iyo Turkiga mana uusan faahfaahin sababta uu hadalkaas u yiri.

Museveni ayaa intaas kusii daray in nabadgelyadu ay lama huraan u tahay jiritaanka qaran Soomaaliya iyadana laga rabo inay hesho wadadii ay guusha ku gaari laheyd.

Hadalkaan ayuu Museveni ku sheegay khudbad uu ka jeediyey kulankii uu magaalada Kampala kula qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah halkaas ku jooga.

Dowladda Uganda ayaa ah wadankii ugu horreeyey ee ciidamo ka tirsan AMISOM usoo dirtay Soomaaliya, waxaana ka joogo ciidamo badan oo qeyb ka ah dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee aan dhammaadka laheyn.

SOMALILAND oo xir xirtay siyaasiyiin mucaarad ah

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Somaliland ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaalada Hargeysa ee caasimada maamulkaas, halkaas oo haatan ay howlgallo ka bilaabeen ciidamada Booliska Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay xir xireen siyaasiyiin ka mid ah mucaaradka iyo qaar ka mid ah dadweynaha wax ka abaabulaya dibad-baxa ka dhanka ah xukuumadda.

Musharaxa xisbiga mucaaradka ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay xiisadda Somaliland, wuxuuna tilmaamay in xarigga loo geystay xubnaha mucaaradka iyo dadka shacabka ah aysan hor istaagi doonin dibad-baxooda oo loo qorsheeyey in uu dhaco 11-ka bishaan aynu ku jiro ee August.

“Xadhiga xaqdarrada iyo sharci darradaba ah ee lagula kacay Mas’uuliyiinta Xisbiyada Mucaaridka iyo taageerayaashooda waxba ka beddeli mayso qabsoomidda isu soo baxa-nabadeed ee Dastuuriga ah ee dhacaya maalinta khamiista ah,” ayuu yiri C/raxmaan Cirro.

Sidoo kale wuxuu fariin u diray taageerayaashiisa, isaga oo ugu baaqay inay u diyaar garoobaaan dibad-baxa mucaaradka ee looga soo horjeedo madaxweyne Muuse Biixi.

“Diyaar garooba, nin ku yidhi sinnaan mayno, adna buri sarreyntiisa!” ayuu sii raaciyey musharaxa xisbiga Wadani ee Somaliland.

Dhinaca kale shir xasaasi ah oo u dhexeeyo xukuumadda iyo mucaaradka ayaa goordhow ka furmay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha, kaas oo looga hadlayo xiisadda taagan.

Shirkaan ayaa waxaa xukuumadda ku metelaya wasiirka arrimaha gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed, halka xisbiga UCID uu ka socdo guddoomiye Faysal Cali Waraabe, afhayeenkiisa iyo mid ka mid ah guddoomiye ku xigeenada, halka xisbiga Wadani uu ku metelayo Axmed Xaaji C/llaahi Xamarji oo ka mid ah guddoomiye ku xigeenada xisbigaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in shirka oo ah mid uu albaabada u xiran yahay looga hadlayo arrinta dibad-baxa mucaaradka iyo sidii xal loo heli lahaa.

Somaliland ayaa waxaa ka taagan xasarado siyaasadeed oo iska horjeedo, kuwaas oo ka dhashay doorashada maamulkaas oo ay isku khilaafeen mucaaradka iyo xukuumadda.

Muxuu CC Sharmaarke ka yiri xukuumadda XAMZA?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo wareysi siiyey Telefishinka HBN ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan xukuumadda cusub ee la soo dhisay iyo shaqooyinka horyaalla.

Cumar Cabdirashiid ayaa ugu horreyn soo dhaweeyey dhismaha xukuumadda, wuxuuna shaaca ka qaaday in ra’iisul wasaare Xamza iyo Golihiisa Wasiirada looga baahan yahay inay la yimaadaan qorshayaal wax looga qabanayo amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in amniga guud ee dalka wax laga qaban karo, marka la sugo kan caasimada Muqdisho, wuxuuna ku taliyey in laga hortago kooxaha ciyaal weerada iyo ragga hubeysan ee dilalka qorsheysan iyo weerarada qaraxyada ah ka geysta caasimada.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa soo dhoweeyey magacaabista Sheekh Mukhaar Cali (Abuu Mansuur) oo ka mid noqday Golaha Wasiirada cusub kaas oo loo dhiibay wasaaradda diinta iyo awqaafta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in arrin wanaagsan ay tahay balse wuxuu soo jeediyey in looga faa’iideysto dagaalka Al-Shabaab.

Waxa kale oo uu ka dalbaday dowladda cusub inay ka shaqeyso hagaajinta xiriirka caalamiga ee Soomaaliya iyo isku heynta dalalka gobolka iyo kuwa dariska la ah Somalia.

Ugu dambeyn wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in lalal shaqeeyo xukuumadda, si loo gaaro horumar ballaaran iyo meesha la hiigsanayo oo ah Soomaali barwaaqo ah.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo Axadii la soo dhaafay Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya ay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen xildhibaannada Golaha Shacabka.

Sannad-guuradii 26-aad ee duullaankii Itoobiya ee Gedo + Magacyada dadkii la dilay

0

Maanta oo kale 26 sano ka hor ciidanka Itoobiya ayaa weerar cir iyo dhul ah ku qaaday gobalka Gedo. Waxaa soo gudbay ciidammo tiro badan oo wata taangiyo iyo diyaarado. Waxaa ay duqaymo ka gaysteen Luuq iyo Boholgaras. Sidoo kale waxaa ay galeen magaalooyinka Baladxaawo iyo Doolow. Waxaa ay laayeen dad badan oo shacab ah. Waxa ay kala sooc la’aan duqaysay masaajidda, guryaha iyo suuqyada. Dadka ay ku laysay masaajid dhexdiis waxaa ka mid ahaa AUNtee Aadan sheekh Xasan Gaas oo ahaa guddoomiyihii dagmada Luuq waqtigaas.

Hasa yeeshee dhibtii maalintas dhacday waxaa milyan jeer ka darnaa wixii ka dhashay. Maalintaas laga billaabo waxaa isbaddalay aragtidi ay Itoobiya ka haysatay Soomaalida. Waxaa dibadda yimid daciifnimada hoggaamiyayaashi Soomaalida Itoobiyana si wacan ayay uga faa’iidaysatay. Waxay billowday in ay Soomaalida ula dhaqanto sidii dad aan dal iyo dowlad lahayn oo ah qabiillo reer guuraa aan nidaam aqoon ah. Waxay xoogga saartay sidii ay maamulkeeda u hoos keeni lahayd. Gedo ayay si dhaqsa ah u milkiday. Waxay xarummo rigli ah ka samaysatay Luuq oo ilaa maanta daggantahay. Baay iyoBakool ayaa ku xigsaday ugu danbayna waxaa gacanteeda galay caasimadda dalka 28/12/2006 toban sano ka dib weerarki Gedo.

Sidoo kale 9/8/1996 waa maalintuu uurgalay ururka Alshabaab oo ah halista ugu weyn ee maanta ina haysa. Goortii Itixaad laga qabsaday magaalooyinka waxaa ay billaabeen in ay jamhadeeyaan. Dhammaan taatikooyinka uu maanta Shabaab isticmaalo markaas ayay soo billowdeen oo marki lasii xanuujiyaba wax ay ku sii darayeen. Madaxjabiska, gowraca iyo jid miinaynta iyo kuwoo kaloo badan ayaa barigaas billowday. Ka dib markii u dagaalki dheeraaday oo dhibtii badatay waxaa shir sanadeedki Itixaad lagu qabtay Xamar 31/7/1999-05/08/1999. Shirkaas waxyaabihi kasoo baxay waxaa ka mid ahaa in hubka la dhigo oo dhallinyarada la kala diro. Laakiin waxaa diiday go’aankaas kooxda noqon doonta madaxda Shabaab sida Xasan Daahir iyo Ibraahin Afqaan. Laakiin lama aysan bixin magac cusub ilaa laga soo gaaray 2006.

Sidaas darteed dhammaan dhibaatooyinka dalkeenna ka jira waxay si un xiriir ula leeyihiin weerarki 1996-ki Xabashidu ku qaadday Gedo. Hasa ahaatee maalintaas sidaas u culus cidna isma waydiin sababti keentay maxay ahayd? Sidoo kale, ma soo jiidan indhaha cilmibaarayasha iyo taariikhyahannada. Hubaashi waaba la iska illaaway. Inshallahu buug dhawaan soo bixi doona ayaa kaalintaas dabooli doona. Buuggu wuxuu isku dayini doonaa inuu bidhaamiyo waxyaabihii soo dhacayay ee sababta u noqday in ay dhacdo 9/8/96. Wuxuu sidoo kale buuggu ku dedaali doonaa inuu tilmaamo shaqsiyaadki ka masuulka ahaa wixii dhacay, ugu danbayna wuxuu soo bandhigi doonaa in la baaqsan karay weerarkaas iyo kale.

Maanta se aan xusno dadkii Xabashidu sida arxandarrada u xasuuqday 9/8/1996 ee carruurta, haweenka, waayeelka iyo xufaadda lahaa innagoo u ducaynayno dhammaan, sidoo kalana wadaagayno magacyadii intii nasiibka u yeelatay in kaydiyo. Hoos waxaa ku qoran magacyada 122 qof oo Xabashidu ku dishay Luuq iyo Baladxaawo 9/8/1996. Waxaan kasoo raray magacyadaan iyo qabiilooyinka ay u dhasheen buugga Cadowkeennu waa Kuma ee uu qoray Cabdullahi Faarax Taano. Tirada dhimashadu intaas waa ay ka badnayd ee intaan waa intii ay suuragashay in magacyadooda la qoro.

Magaca

Qabiilka

1:Jaamac Cabdullahi Faarax   

Marreexaan Celi

2: Cabdullahi Muxammed Tareey 

Marreexaan reer Axmed

3: Cabdinaasir Cabdullahi Macallin  

Marreexaan Wagardhac

4: Cabdirashiid Faarax Cali (Faarax Taano) 

Marreexaan reer Diini Reer Siyaad

5: Cabdi Maxammed Xaashi  

Marreexaan Uurmidig

6: Maxammed Sheekh Axmed

qolo uu yahay lama helin

7: Gaasow Xaashi Shire

Marreexaan reer Axmed

8: Ibrahim Maxammed Dhaqane

qoladiisa lama helin

9:Cabdi Axmed sheekhdoon

Marreexaan Wagardhac

10: Axmed Cabdi Faarax (Qablan)

Marreexaan reer Diini reer Siyaad

11: Ciise Cabdiraxmaan Ducaale

Marreexaan Calidheere

12:Cabdirisaaq Xasan Sh. Yuusuf

Marreexaan Calidheere

13: Cabdirisaaq Daahir Xirsi

Marreexaan reer Diini reer Warsame

14: Cabdirisaaq Axmed Warsame

qolodiisa lama helin

15: Axmed Ismaaciil Qoslaaye

Marreexaan Calidheere 

16: Xasan Maxammuud Iinshaar

Marreexaan Calidheere 

17: Cumar Khaliif Maxammuud

Marreexaan reer Axmed

18: Cabdiraxmaan Oogle Jaamac

Marreexaan reer Diini reer Ugaas Sharmaake

19: Amina Hurdaaye

Marreexaan Calidheere 

20: Cabdiraxmaan Cabdi Cilmi

Marreexaan Wagardhac 

21: Buulle Diiriye Ciye

Marreexaan Calidheere 

22: Axmed Ibrahim Xuseen

Marreexaan Calidheere 

23:Saciid Cabdikariin Warsame

Marreexaan Calidheere 

24: Jaamac Cabdi Yarow

Absame Bartire

25 maxammed Cabdullahi Cali

Raxanweyn Laysaan

26 Maxammed Carab Maxammuud

Marreexaan Calidheere 

27:Xuseen Shuqul

Marreexaan reer Cismaan

28:Cabdiqaadir Axmed Ciise

Marreexaan Wagardhac 

29: Addeec Cali Hanbo

Marreexaan reer Axmed 

30:Cali Cabdulle Hiire

Marreexaan reer Diini reer Dalal

31: Cabdikariin Cumar Aadan

Marreexaan reer Diini reer Allamagan Diini

31 Macallin Yuusuf Magaalle

Marreexaan reer Xasan

32: Macallin Aadan Cabdinuur

Marreexaan reer Xasan

33: Cabdirashiid Cumar Cilmi

Marreexaan reer Diini reer Shirwac Diini

34: Xuseen Ooyow Soomow

Murale

35: Maxammuud sheekh Faarax

Marreexaan reer Axmed

36 Cabdi Cali Gargaar

Marreexaan reer Axmed

37 Yuusuf Caydiid Biixi

Marreexaan reer Axmed

38: Maxammed Umal Iinshaar

Marreexaan Calidheere 

39:Cabdinaasir sheekh Xasan

Marreexaan reer Xasan

40: Ibraahin Magaalle

Marreexaan reer Xasan

41: sheekh Maxammed Xasan Cali

Dir Gariire

42: Maxammed Cabdi Guure

Ogaadeen Cawlyahan 

43: Xasan Cabdiwaaxid sh Cabdullahi

Marreexaan reer Garaad

44: Maxammuud Faarax Maxammed

Marreexaan Calidheere 

45: Cumar Xaaji Aadan

Marreexaan reer Diini reer Siyaad

46: Muuse sheekh Cabdi

Marreexaan reer Yabar

47: Cabdinuur sheekh Xasan

Ogaadeen Cawlyahan 

48: Bishaar Duge dhaqane

Marreexaan reer Axmed 

49: Cabdirashiid Haajir

Dir Fiqi Muxummed

50 Siyaad Yuusuf Coogweyne

Ogaadeen

51 Cabdullahi Faarax

qolodiisa lama helin

52: Cabdirashiid Xasan Mursal

Marreexaan reer Yabar

53; Mahad Gamaaddiid

Absame Galimays

54: Saciid Xasan Maxammed

Marreexaan Calidheere 

55: Maxammed Cabdi

Marreexaan reer Xasan

56: Aadan Sh Xasan Gaar (Wuxuu ahaa gudoomiyihii Luuq marka la dilayo)

Marreexaan reer Diini reer Siyaad

57: Cabdirashiid Yoontooy

Hawiye Wacdaan 

58: Xasan Cali Isaaq

Garre

59: Sh Maxammed Faarax

Ogaadeen Cawilyahan

60: Maxammed Cali Jaamac 

Majeerteen

61: Xasan Maxammed Qase

Marreexaan reer Axmed 

62: Rashiid Ilyaas Cumar

Marreexaan reer Xasan

63: Aadan Cabdi Salaad

Ogaadeen Cawlyahan 

64: Axmed Sheekh Cali

reer Axmed

65: Maxammed Aadan (Abuu Diyana)

Madhibaan

66: Macallin Bashiir Maxammed

Ogaadeen Cawlyahan 

67: Maxammed Cabdullahi

Ogaadeen

68: Xuseen Maxammed Warsame

Marreexaan Reer Garaad

69: Cabdiraxmaan Baarreey

Ogaadeen Cawlyahan 

70: Axmed Cismaan Xaaji Cabdi

Marreexaan Calidheere 

71: Cismaan Cabdi Maxammed

Dhulbahante

72: Aadan Caddow Xasan

Marreexaan reer Xasan

73: Cabdinuur Cabdinaasir Xaashi 

Majeerteen

74: Aadan Cismaan Maxammed

Marreexaan reer Xasan

75: Cabdullahi Xuseen Qoriyow

Marreexaan reer Xasan

76: Cali sheekh Cabdulle

Marreexaan reer Axmed

77: Cabdikariin Yuuruf Garre

Awrtable

78: Aadan Axmed Qablan

Marreexaan reer Diini reer Siyaad 

79: Bashiir Wali Sulub

Dir Gaadsan

80: Maxammed Saciid Macallin

Marreexaan Talxe

81: Muuse Abshir Aadan

Raxanweyn Gabaaweyn

82: Cabdiraxmaan Sh Ismaaciil

Marreexaan Celi

83:  Bashiir Dheelmooy

Marreexaan Hawraarsame

84: Cabdishakuur Abshir Cartan

Marreexaan Wagardhac 

85: Maxammed Cabdiqaadir

Ogaadeen

86: Axmed Sh Cali

Hawiye Jajeele

87: Cali Cismaan Cabdullahi

Marreexaan Calidheere 

88: Axmed Cabdi Maxammed

Marreexaan Calidheere 

89: Bashiir Lambar Duwe

Marreexaan reer Ina-Nuur

90: Cabdiqaadir Shariif Madoobe

Asharaaf

91: Aadan Sh Abshirow

Raxanweyn Laysaan

92: Ismaaciil Xuseen Axmed

Raxanweyn Gasaaragude

93: Maxammed Xasan Moos

(qabiilkiisa lama helin)

94: Muxayaddiin Diiriye Aadan

Ogaadeen Cawlyahan 

95: Indhacadde

Marreexaan Wagardhac 

96: Caddow Maxammed Laysaamow

Raxanweyn Laysaan

97: Faadumo Mayow Mayow

Raxanweyn Gabaaweyn

98: Shugri Mayow Sh Cali

Raxanweyn Gabaaweyn

99: Cabdiwahaab Mayow Sh Cali

Raxanweyn Gabaaweyn

10: Faadumo Axmed Maxammed

Raxanweyn Gabaaweyn

101: Ismaaciil sheekh Xasan

Raxanweyn Gabaaweyn

102: Mustaf Daa’uud Mayow

Raxanweyn Gabaaweyn

103: Khadiijo Faarax Ogaadeen

Marreexaan Celi 

104: Xaddiyo Macallin

Marreexaan Celi 

105: Axmed Cadduur

Marreexaan reer Axmed 

106: Cawke Xasan Xaaji

Ogaadeen Cawlyahan 

107: Daahir Cali Walaalow 

Raxanweyn

108: Ismaaciil Aadan Biriq 

Raxanweyn

109: Xasan Bacaad Malbaale

Marreexaan Hawraarsame reer Iidow

110: Bishaar Maxammed Qaasin

Raxanweyn 

111: Bishaar Xasan Nuur

Marreexaan reer Axmed

112: Shugriya Ciise Weer

Marreexaan reer Axmed

113: Cabdullahi Cismaan Axmed

Marreexaan reer Axmed

114: Maxammed Cismaan Kacaan

Marreexaan reer Xasan

115: Axmed Faarax Geelle 

Majeerteen

116: Cali Nuur Kalkaal

Raxanweyn Diisow

117: Hore Kinaa Sharmaake

Marreexaan reer Diini reer Ugaas Sharmaake

118: Xuseen Caddow

Marreexaan Hawraarsame

119: Mahad Maxammed Guuleed

Reer Shabeelle

120: Cabdullahi Cali Salaad

Reer Shabeelle

121: Cabdi Cali Maxammuud

Reer Shabeelle

122: Faadumo Sulub Diiriye

Dir Gaadsan


Ibrahim Aden Shire
[email protected]

Sawirro: Maxaa kasoo baxay wada-hadalladii Yoweri Museveni iyo Xasan Sheekh?

0

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan booqasho rasmi ah ku joogo magaalada Kampala ayaa wada-hadallo miro dhal ah la yeeshay dhiggiisa dalka Uganda, Mudane Yoweri Kaguta Museveni.

Kulanka oo ka dhacay qasriga weyn ee madaxtooyada wadanka Uganda ee Entebbe ayaa waxaa looga hadlay horumarinta xiriirka iyo iskaashiga ay wadaagaan labada dowladood.

Sidoo kale waxaa lagu soo qaaday wada-hadalladaan, xaaladda guud ee gobolka, gaar ahaan xasilloonida dalalka Geeska Afrika iyo danaha wadajirka ah ee heer Qaaradeed.

Xasan Sheekh iyo Yoweri Museveni ayaa sidoo kale dhiirrigeliyey qabasoomidda kulanka 1-aad ee xubnaha joogtada ah ee guddiga isku dhafka labada dal (JPC), kaas oo u xil-saaran kobcinta iskaashiga diboomaasiyadda iyo siyaasadda, wadashaqeynta dhanka amniga iyo ganacsiga, iyagoo soo dhaweeyey saxiixa heshiisyada Is-afgarad ee Kampala ay ku kala saxiixdeen Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  iyo dhiggooda dalka Uganda.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu uga mahad-celiyey Yoweri Museveni, Dowladda iyo shacabka dalkiisa garab istaagga ay u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan doorkooda ku aaddan nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka. Sidoo kale waxa uu ku bogaadiyey mowqifka walaaltinimada leh ee dowladda Uganda ay ku taageertay codsiga dowladda Soomaaliya ee ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa dhiniciisa uga mahad-celiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sida uu u ajiibay casuumaadda uu u fidiyey iyo wada-hadalladan wax-ku-oolka ah ee yeesheen dowladaha Soomaaliya iyo Uganda

Waxa kale oo uu ku ammaanay madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dhabar-adeygga iyo dadaalka ay ku bixinayaan xasilinta dalkooda.

Uganda ayaa ka mid ah dalalka haatan xiriirka wanaagsan la leh Somalia, waxayna ciidamo ka joogaan gudaha dalka, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika.

FBI-da oo gashay guriga madaxweyne Donald Trump

Palm Beach (Caasimada Online) – Madaxweynehii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan FBI-da ay “galeen” gurigiisa Mar-A-Lago, taasi oo uu ugu yeeray “ficil dhaqan xumo ah oo dacwad kusoo oogis.”

“Tani waxay qarankeena u tahay waqti madow, maadaama qasrigayga quruxda badan ee Mar-A-Lago ee magaalada Palm Beach ee gobolka Florida ay waqtigan haystaan, oo ay soo weerareen koox tiro badan oo ka tirsan FBI-da,” ayuu Trump ku yiri war-saxaafadeed uu soo dhigay barta bulshada ee Truth Social.

“Waa ficil dhaqan xumo oo dacwad kusoo oogis ah, in hub ahaan loo adeegsado nidaamka cadaaladda, iyo weerarka ka yimid Xagjiriinta Bidixda ee Dimoqraadiga oo si quus ah aan u dooneyn inaan madaxweyne u ordo 2024,” ayuu yiri Trump. 

Weli ma cadda xaaladda ku hareereysan baaritaanka ka socda qarsiga Trump. Hase yeeshee, ilo-wareedyo ka tirsan FBI-da ayaa xaqiijiyey inay baaritaan ka fuliyeen guriga Mareykanka.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in FBI-da ay haysteen waaran u ogolaanayo inay baaritaan ka fuliyaan guriga Trump.

Afhayeen u hadashay Waaxda Cadaaladda Mareykanka Dena Iverson ayaa sheegtay in hay’adda aysan wax faallo ah bixineyn mar la weydiiyey haddii Xeer-ilaaliyaha Qaranka Merrick Garland uu amray baaritaanka.

“Kadib markii aan la shaqeeyey hay’adda dowladda ee ay quseyso, weerarkan aan horey loogu dhowaaqin ee lagu soo qaaday gurigayga ma ahayn lagama maarmaan iyo mid habboon,” ayuu yiri Trump. 

Baaritaanka ayaa imanaya ayada oo Trump uu isku diyaarinayo inuu mar kale dhidibbada u aaso isku day uu xilka madaxweyne ugu ordayo 2024.

Waaxda Cadaaladda ayaa baareysay kartoono dokumentiyo sir ah oo Trump uu u qaatay Mar-a-Lago kadib markii madaxtinimadiisa ay dhammaatay. 

Arrintan ayaa waxaa Waaxda Cadaaladda ku wargeliyey Maamulka Qaran ee Keydka iyo Diiwaanka, oo sheegay inuu helay 15 kartoon oo sir ay ku jirtay oo la geeyey halka uu degan yahay Trump.

Sharciga federaalka Mareykanka ayaa diidaya in dokumentiyada sirta ah la geeyo meelo aan la ansixin, inkasta oo Trump ku doodi karo, in maadaama uu madaxweyne ahaa, uu yahay qofka ugu dambeeya ee dokumentiyada ka dhigi karay kuwa aan sir aheyn. 

Warbaahinta Mareykanka qaarkeed ayaa werisay in baaritaanka FBI-da uu la xiriiro arrintaas. 

Trump ayaa sidoo kale wajahayey baaritaan la xiriira suurta-galnimada kaalintii uu ku lahaa weerarkii 6-dii Janaayo 2021 lagu qaaday xarunta Congress-ka Mareykanka, halkaasi oo ay galeen dibad-baxayaal ka mid ahaa taageerayaashiisa. 

Al-Shabaab oo weeraro ka fulisay KENYA, xilli ay ka billowdeen doorashooyin

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay weeraro horleh ka fulisay dalkaasi.

Weeraradaan ayey kooxdu ku soo aadisay, xilli ay maanta dadka Kenyaanka ah u dareereen goobaha cod-bixinta doorashada guud ee dalkaas, gaar ahaan mida madaxweynaha.

Mid ka mid ah weerarada oo ka dhacay deegaanka Waraabeeyo oo hoostaga magaalada Mandera ayaa waxaa lagu ekeeyey xarun loogu talagalay doorashada, wuxuuna weerarka dhacay, xilli loo diyaar garoobayey doorashada oo maanta ka bilaabatay dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ragga weerarka qaaday ay burburiyeen gebi ahaan xarunta uu weerarka ka dhacay, kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Sidoo kale weerarka labaad ayaa ka dhacay deegaanka Illile oo isna hoostaga Ceel-qaalow oo ka tirsan magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari, waxaana kadib halkaas ka qarxay dagaal toos ah oo u dhexeeyey ciidanka Kenya iyo xoogagii weerarka qaaday.

Ugu yaraan illaa 6 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Kenya ayaa la soo wariyey inay dhaawacyo soo gaareen, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Kenya oo ku aadan weeraradaasi oo ujeedkooda lagu sheegay in lagu carqaladeynayey doorashada.

Kooxda Al-Shabaab ayaa had iyo jeer weeraro qorsheysan oo khasaare kala duwan geysta ka fulisa gobolka Waqooyi Bari, Kenya oo xuduud dheer la leh Soomaaliya.

Sawirro: Shacabka dalka KENYA oo saakay u dareeray doorashooyinka dalkaas

0

Dadka Kenya waxey saakay u dareereen doorashooyinka guud oo lagu dooranayo min mudanayaasha golayaasha degaannada (47 Gole Degaan), Guddoomiyeyaasha gobollada (47 Gobol), Xildhibaannada aqalka hoose (349 Xildhibaan), Senatorrada Aqalka sare (47 Senator) iyo xilka ugu sarreeya dalka ee Madaxweynaha.

Waxaa guud ahaan isu diiwaan geliyey iney codeeyaan 22 milyan 120 kun iyo 458 qof oo ka codeeynaya 46 kun iyo 232 goobo cod bixineed oo ku kala baahsan dalka oo dhan.

Doorashada baaxaddaas leh waxey billaabatay saakay lixdii subaxnimo waxaana la soo gebagebeyn doonaa lixda maqribnimo ee isla maanta oo ay xirmayaan goobaha cod bixintu.

Natiijooyinka doorashooyinka ayaa waxaa la filayaa in la heli doono wixii ka billowda lixda maqribnimo ee maanta.

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaanaya ee Uhuro Kenyatta ayaa doorashooyinkaan qeyb ka aheyn maadaama uu labo mudo xileed dalka soo hoggaaminayay sharcigana u ogolaaneyn inuu dib danbe isu soo sharxo.

Ra;iisul wasaarihii hore Kenya Mr. Railla Odinga ayaa tartan adag kala kulmaya madaxweyne kuxigeenkii Kenya Willam Ruto, waxaana saadaasha u muuqataa in Odinga

 Markaad dib u fiiriso waxa dalkeenna Soomaaliya looga yaqaanno doorasho iyo muddada ay qaadato maxaa kuu baxay?.

W/Qoray: Salah Omar