29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Sawirro: Shacabka dalka KENYA oo saakay u dareeray doorashooyinka dalkaas

0

Dadka Kenya waxey saakay u dareereen doorashooyinka guud oo lagu dooranayo min mudanayaasha golayaasha degaannada (47 Gole Degaan), Guddoomiyeyaasha gobollada (47 Gobol), Xildhibaannada aqalka hoose (349 Xildhibaan), Senatorrada Aqalka sare (47 Senator) iyo xilka ugu sarreeya dalka ee Madaxweynaha.

Waxaa guud ahaan isu diiwaan geliyey iney codeeyaan 22 milyan 120 kun iyo 458 qof oo ka codeeynaya 46 kun iyo 232 goobo cod bixineed oo ku kala baahsan dalka oo dhan.

Doorashada baaxaddaas leh waxey billaabatay saakay lixdii subaxnimo waxaana la soo gebagebeyn doonaa lixda maqribnimo ee isla maanta oo ay xirmayaan goobaha cod bixintu.

Natiijooyinka doorashooyinka ayaa waxaa la filayaa in la heli doono wixii ka billowda lixda maqribnimo ee maanta.

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaanaya ee Uhuro Kenyatta ayaa doorashooyinkaan qeyb ka aheyn maadaama uu labo mudo xileed dalka soo hoggaaminayay sharcigana u ogolaaneyn inuu dib danbe isu soo sharxo.

Ra;iisul wasaarihii hore Kenya Mr. Railla Odinga ayaa tartan adag kala kulmaya madaxweyne kuxigeenkii Kenya Willam Ruto, waxaana saadaasha u muuqataa in Odinga

 Markaad dib u fiiriso waxa dalkeenna Soomaaliya looga yaqaanno doorasho iyo muddada ay qaadato maxaa kuu baxay?.

W/Qoray: Salah Omar

Xasan Sheekh: Kampala waxaan ka furi doonaa iskuullo lagu barto afka iyo taariikhda Soomaaliya

0

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa caawa la hadlay masuuliyiinta safaaradda iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

Madaxweynaha oo aad u amaanay firfircoonida jaaliyadda Soomaaliyeed reer Uganda ayaa soo hadal qaaday muhiimadda ay leedahay in la weyneeyo oo dunida la gaarsiiyo dhaqanka wanaagsan ee umadda Soomaaliyeed.

“Safiirka iyo mas’uuliyiinta safaaradda waxaan farayaa in caruurta jaaliyadda dhaqankooda la ogaado, wasaaradda waxbarashadu waxay Kampala ka furi doontaa iskuullo Afka Soomaaliga iyo taariikhda sooyaalka Soomaalida lagu barto,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Soomaalida reer Uganda uga mahad celiyey doorkooda dib u dhiska safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda, taas oo lagu dhisay olole isku tashi ah.

“Qofkii arki jiray gurigaan sida uu u ekaa ama ay dhibi jirtay dayacaadii heysatay, wuxuu dareemayaa muhiimada ay leedahay in dadku isku tashadaan oo qof walba uu sameeyo wixii uu awoodo,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bolaalkii qof ee uu la hadlayey wuxuu ku guubaabiyey in hadii sida reer Uganda oo kale ay Soomaalidu isku kaashato in deg deg dib loogu soo celi karo dowladnimadii naga burburtay.

“Cadowga nagu habsaday waan iska dul qaadeynaa, Soomaaliya oo nabad ah oo shucuubta dunidu u soo dalxiis tagto, ayaan u taaganahay inaan sameyno, 15 sano cadowga dalkeena ka dagaalamaya, si wadajir ah ayaan isaga qabaneynaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Daawo: DAD ajaaniib ah oo lagu xukumay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukuno xabsi ah ku riday labo nin oo mid yahay ajaanibi u dhashay dalka Tanzania, midna heysto dhalashada wadanka Sweden, asalkiisuna yahay Soomaali.

Ninka u dhashay Tanzania oo dalka ka soo galay xuduuda Kenya ayaa mudo dheer ka tirsanaa Al-Shabaab, waxaana la qabtay xilli uu ku howlanaa siduu ugu biiri lahaa kooxda Daacish.

Ninkaan ayaa ku tababartay gudaha Soomaaliya, wuxuuna hadda ka hor ku dhaawacmay dagaal ay Al-Shabaab ku qaadeen degaanka Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose.

Waa 40 sano jir u dhashay Tanzania, gudaha Al-Shabaab waxaa looga yaqaanay Abuu Zubeyr, waxaana si farsameysan u soo qabtay sirdoonka Soomaali, xilli uu qorsheynayey inuu isku dhiibo kooxda kale ee Daacish, isagoo ku sugan degmada Jilib.

Xiriirkii uu la sameeyey Daacish ayuu dhex u galay sirdoonka Soomaaliya, sidaas ayaana lagu hor geeyey maxakamadda ciidamada oo maanta ku xukuntay xabsi ‘daa’in’ ama madaxaa haku furto.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Nuur Yuufus (Xiis) oo asalkiisu yahay Soomaali heysta dhalashada dalka Sweden ayaa la xukumay maanta, ninkaan ayaa Soomaaliya soo galay sanadkii 2019-kii, si Al-Shabaab uu uga barbar dagaalamo.

Xiis, oo Al-Shabaab u soo iibiyey qalab ay u adeegsadeen weerarkii Manda Bay ee gudaha Kenya, ayuu sanadkii hore sirdoonka Soomaaliya ka soo qabtay degaanka Kuunyabarrow ee koonfurta Soomaaliya.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo soo saaray xukunka Maxkamadda ayaa Cabdiraxmaan Nuur Yuufus (Xiis) ku xukumay 15 sano oo xabsi ah.

Hoos ka daawo

https://youtu.be/2SsZcCPo6cA?t=1

Cumar Filish: Ciyaal weerada waxay ka dhasheen duulaan-kii mucaaradka + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish oo marti ku ahaa barnaamij uu qabtay TV-ga Universal ayaa sheegay in ciyaal weerarada Muqdisho dadka ku dhibaateeya ay ka dhasheen ciidankii Badbaado Qaran ee dowladdii Farmaajo la dagaalamay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in wax kasta ay sabab leeyihiin, isagoo sababta keentay in ciyaal weero ka dilaacdo Muqdisho u tiiriyey qalalaasihii siyaasadeed ee magaaladu ay gashay bilihii ay socotay doorashadu.

“Ciyaal weeradu waa caqab na heysata, wax kastana waxay ku yimaadiin sabab, magaaladaan Muqdisho waxaa ka dhacay dagaallo siyaasadeed, mucaaradkii ayaa hub qaatay oo soo weeraray dowladii xiligaas joogtay,” ayuu yiri Cumar Filish.

Sidoo kale duqa Muqdisho wuxuu sheegay in markii ay Muqdisho gashay qalalaasaha siyaasadeed, la saadaali karay in raadad xun ay ka dhalan karaan tallaabooyinkii ay mucaaradku qaadeen.

“Raadkii ay rabshadahaasi reebeen, qeyb ka mid ah ayaan wajaheynaa, hadda sidii hore waa la dhamaa, hey’adaha ammaanka ayaa la tacaalay oo wax badan ku guuleystay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray duqa Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu sheegay in weli aan guul laga gaarin howlgallada looga hor tegayo burcada iyo ciyaal weerada, “Waa jiraan caqabado kale oo fool xun oo ka dhashay wixii ka dhacay magaalada, sida burbur soo gaaray magaalada,” ayuu yiri.

Wuxuu guddoomiyuhu intaas ku sii daray, in markii uu mucaaradku hubka qaatay ay ka maamul ahaan iyo dowladda dhexaba ku sii jeedeen dagaalka Al-Shabaab, sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Nooma qorsheysneyn, ciidan hubeysan iyo madaafiic in magaalada dhexdeeda la isla dhici doono, waxaana ka dhashay burcad iyo gaangis mar hore magaaladaan laga nadiifiyey,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii guddoomiye Cumar Filish wuxuu sheegay in hadda la xaliyey qalalaasihii siyaasadeed oo dalka ay doorasho ka dhacday, isla markaana lala tacaalayo sidii loo ciribtiri lahaa burcadda iyo ciyaal weerada.

Hoos ka daawo

Daawo: Madaxweyne Xasan oo gaaray Uganda iyo inta maalmood ee uu joogi doono

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda, halkaasi oo booqasho rasmi ah uga bilaabatay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diiran garoonka diyaaradaha calaamiga ah ee Entebbe ugu soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda Mudane Odongo Jeje Abubakhar.

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee dalkaas, halka kooxo ciyaar dhaqameed ah ay bandhig-dhaqameed ku maamuuseen booqashada Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Sida uu qorshuhu yahay madaxweyn Xasan ayaa booqashadiisa Uganda qaadan doonta saddex maalmood, wuxuuna wada-hadalo ku qotoma xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga la qaadan doona dhiggiisa dalkaas, Mudane Yoweri Museveni.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalkaas ayaa ka qeyb-geli doona madasha dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda oo dalkaas ka furmi doonta, iyadoo ganacsatada iyo khubarada dhaqaale ee labada dal ay gorfeyn doonaan iskaashiga ganacsiga, maalgashiga iyo kobaca wax soo-saarka.

Booqashada madaxweynaha ee dalka Uganda oo ah mid rasmi ah ayaa ku timid casuumaad uu ka helay dhiggiisa dalkaas, Mudane Yoweri Museveni.

Uganda ayaa noqotay dalkii 8-aad ee uu booqdo madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo markii la doortay 15 May kadib Imaaraadka, Turkiga, Eritrea, Kenya, Jabuuti, Tanzania iyo Masar. 

Kadib ansixintii xukuumadda, Swan oo Xamza u sheegay arrin ka go’an QM + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Xogyaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa diiradda lagu saaray “xoojinta taageerada hay’adaha QM ay siiyaan Soomaaliya,” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee xukuumadda.

Wakiilka QM ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyey Ra’iisul Wasaaraha, ansixinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda oo shalay ay meel-mariyeen Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay hay’adaha QM in ay xoojiyaan taageeradooda.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa uga mahad-celiyey Qaramada Midoobay taageerada ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, isagoo xusay in xukuumaddiisuna ay diyaar u tahay in si dhow ay u wada shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo guulaha la hiigsanayo. ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka ka soo baxay kulanka.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa maalinimadii shalay Golaha Shacabka BFS hor-geeyay Golahiisa Wasiirrada oo ka kooban 74 Wasiir, kuwaas oo helay kalsoonida ugu badneed ee Xukuumadda la siiyo, iyaga oo helay 229 mudane oo ogal ugu codeesay cod gacan taag ah.

Muxuu Biden ka yiri dilalka lagu beegsanayo Muslimiinta gobol kamid ah Mareykanka?

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa cambaareyey dilalka afar nin oo Muslimiin ahaa oo ka dhacay gobolka New Mexico, kaasi oo booliska ay sheegeen in laga yaabo inay xiriiraan. 

“Waxaan aad uga careysnahay oo uga murugsanahay dilalka xun ee afar nin oo Mulsim ahaa oo ka dhacay magaalada Albuquerque,” ayuu madaxweyne Biden ku yiri qoraal uu soo dhigay Twitter-ka.

“Inta aan sugeyno baaritaanka buuxa, waxay ducooyinkeena la jiraan qoysaska dhibbanayaasha, waxaana maamulkeyga uu si buuxda u garab taagan yahay bulshada Muslimiinta. Weeraradan naceybka ah meelna ugama banaana America.” 

Booliska Albuquerque, magaalada ugu weyn New Mexico, ayaa Sabtidii sheegay inay baarayaan dilka saddex nin oo Muslim ah, kuwaasi oo hadda ay sheegeen inay tuhunsan yahay inay la xiriiraan dil kale oo dhacay sanadkii tegay. 

Booliska Albuquerque ayaa bayaan ay soo saraeen ku sheegeen inay meydka dhibbanihii ugu dambeeyey heleen Jimcihii. 

Booliska ma aysan shaacin magaca ninka, hase yeeshee waxay sheegeen inuu ku jiro da’ labaatanaadka, uuna yahay Muslim “asal ahaan kasoo jeeda Koonfur Asia.”

“Baarayaasha waxay rumeysan yihiin in dilkii Jimcihii laga yaabo inuu xiriir la leeyahay dilalka saddex nin oo Muslim ah oo asal ahaan kasoo jeeday Koonfur Asia,” ayaa lagu yiri bayaanka booliska.

Laba ka mid ah dhibbanayaashii hore ayaa ahaa rag kasoo jeeday Pakistan, oo da’doodu kala aheyd 27 jir iyo 41, waxaana meydadkooda la kala helay 1-dii Augusy iyo 26-kii July.

Muhammad Afzaal Hussain, oo ahaa 27 jir agaasimaha qorshaynta ka ah magaalada Espanola, kana yimid dalka Pakistan asal ahaan, ayaa Isniintii hore lagu toogtay banaanka dhisme uu deganaa oo ku yaalla magaalada Albuquerque.

Sidoo kale, Aftab Hussein, oo ahaa 41 jir, ayaa isaga oo la toogtay meydkiisa la helay 26-kii July, isla magaalada Albuquerque. 

Baarayaasha ayaa isku dayaya inay ogaadaan haddii dilalkaas ay xiriir la leeyihiin dilka Mohammad Ahmadi oo kasoo jeeday Afghanistan oo isna la dilay November 7 2021, kaasi oo ka dhacay banaanka xarun ganacsi oo ay lahaayeen isaga iyo walaalkiisa. 

Booliska ayaa ugu baaqay in qof kasta oo haya xog ku saabsan arrintan uu lasoo xiriiro, waxayna sheegeen inay FBI-da gacan ka gaysanayso baaritaanka. 

“Dilalka beegsiga ah ee Muslimiinta degan Albuquerque waa wax aad looga caroodo oo aan la aqbali karin,” waxaa sidaas qoraal ay soo dhigtay twitter ku tiri Michelle Lujan Grisham oo ah barasaabka gobolka.

Waxa ay intaas ku dartay inay saraakiil boolis oo dheeraad ah gaynayso magaalada Albuquerque si ay gacan uga gaystaan baaritaanka.

Erdoğan oo ballan qaad u sameeyey Xasan Sheekh kadib wada-hadal taleefon

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalkaTurkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa ballan qaad u sameeyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud kadib wada-hadal dhanka taleefoonka ah.

Erdogaan ayaa carrabka ku adkeeyay in Turkiga uu sii wadi doono garab istaaga shacabka Soomaaliyeed iyo taageerada nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

Dhankiisa, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa u Erdoğan uga mahadceliyey sida uu mar walba u garab taagan yahay Soomaaliya.

Wadahadalka taleefoonka ee labada madaxweyne ayaa ku soo aadaya wax ka yar hal bil kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Ankara kula kulmay Madaxweynaha Turkiga markaas oo ay labada mas’uul galeen heshiisyo kala duwan.

Turkiga waa saaxiibka muhiimka ah ee Soomaaliya wuxuuna tababaraa ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya. Waxa kale oo ay taageertaa miisaaniyada dawladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ankara waxa ay hadda ku tababartaa kumanaan ciidamo gaar ah oo isugu jira Milatari iyo Boolis, waxayna ku tababartaa xerada  TurkSom, oo ah saldhigga ugu weyn ee Turkiga ku leeyahay dibadda.

Dowladda Turkiga ayaa mashaarici kala duwan ka fulisay Soomaaliya, waxaana mashaariicdaas ugu muhiimsan dhismaha jidadka laamiyada ah ee dhex mara caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Maxamuud Sayid Aadan oo bedelay mowqifkiisii diidmada xukuumadda R/W Xamza

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa beddelay mowqifkiisii hore ee diidmada  xukuumadda cusub ee uu dhowaan soo dhisay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre.

Sayid Aadan ayaa shaaca ka qaaday inay weli jirto tabashadii ay Beel ahaan qabeen, balse wuxuu tilmaamay inay wada-hadleen ra’iisul wasaaraha, ayna ballameen.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu sidaas darteed uu beddelay mowqifkiisii, isla-markaana uu taageerayo xukuumadda cusub, isaga oo u hambalyo u diray ra’iisul wasaare Xamza.

Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in muhiimaddu ay tahay is qancin, si uu horey ugu sii socda qaranka Soomaaliya.

“Waan u hambalyeynayaa ra’iisul Wasaare Xamza, xukuumaddiisa iyo madaxweynaha, maalin dhaweyd aniga iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug waxa aan kasoo saarnay dhaliil, haddana inta aan ansixinta la gaarin waan wada hadalnay waxa aan kaga heshiinay in tabashadaas wax la qabto, xalkeedana uu jiro, qarankana horay u socdo oo aan isbaaro iyo Lug-gooyo lagu sameyn” ayuu yiri Mudane Maxamuud Sayid Aadan.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in xukuumadda cusub ay hortaallo howl adag, loona baahan yahay in lala shaqeeyo.

“Xukuumaddaan xilliga dalka uu marayo xagga amniga, Midnimada Bulshada, Dhaqaalaha, Abaarta, Mishkilada ku hareereysan aad & aad ayay u farabadan yihiin, Xukuumaddaan waxaa laga filan karaa iyada oo arrintaan ku xisaabtameyso, waaya-aragnima ay jirto, marka la fiiyo Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoonka Baarlamaanka iyo Xukuumadda inteeda badan oo xog ogaal u ah in laga fikiro sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka jira” ayuu sii raaciyey Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo shalay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay codka kalsoonida siiyeen xukuumadda cusub ee ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

ABIY AHMED oo billaabay istaraatiijad saddex weji leh oo ka dhan ah SOOMAALIYA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhawaannahan soo ifbaxay daldoollada siyaasadaha gudaha iyo tan dibadda ee dowladda Soomaaliya, kadib marka ay Itoobiya si xoog leh faraha ula soo gashay Soomaaliya kaddib xaluulashadii Al-Shabaab ee dalkeeda.

Diblomaasiyadda dowladda madaxweyne Xasan Sheekh waxay dowladda Itoobiya ku beertay welwel  iyo cabsi ah inay dalka Masar ka hesho Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) taageero siyaasadeed, iyo saldhig militeri. 

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh, oo ka daahay dedijinta dhismaha xukuumaddiisa ayaa ku mashquulay xulashadii golaha, xilli Abiy Axmed uu si shanqar la’aan ah u jeexay istiraatiijad saddex weji leh oo ka dhan ah Dowladda Soomaaliya:

1. Aamusnaan ka caaggan afka oo la kala qaado kana duwan xeeladihii hore ay adeegsan jireen dowladihii isdabjoogay ee Itoobiya; 

2. Ku qotonta habdhaqankii laga dhaxlay TPLF oo ahaa addeegsiga “ruuxaanta,” sirdoon goobjoog ah ee aagaagga soohdin la leh Itobbiya. Dhamaan dowlad-goboleedyada waxaad mooddaa in loo askumay dheefaynta Itoobiya, giddigoodna waxay la wada leeyihiin soohdin ku dhammaato badda;  

3. Siyaasad ugub ah oo lagu soo koobi karo Lafa Geri Iyagaa Laysku Jabshaa, taasoo  soo gelisay saaxadda dowlad degaanka Soomaalida (DDS) oo fududaynaysa habsami u socodka istiratiijiyada cusub “dareen la’aan.”

Ciidanka Itoobiya (ENDF, Ethiopian National Defence Force) oo kaashanaya ciidamada cirka ayaa usoo gurmaday kuwa Liyu oo iska caabbiyay Al-Shabaab oo ka soo gudbay gobollada Bakool iyo Hiiraan. Mustafe Maxamuud Cumar Cagjar ayaa ku dhawaaqay in si looga gaashaanto duullaankaas ay  ciidamadiisa samayn doonaan aag ka caaggan aragaggaxisada oo aan ahayn dhulka dowlad deggaanka Soomaalida. 

Dowladda dhexe ee Itoobiya kama hadlin arrinkan mana faafaahin. Ciidamada Liyu ayaa horeyba uga gudbi jireen xadka waxayna  xaadir ku ahaayeen dhanka Soomaaliya halkaasoo ay ka wateen hawshooda. Waxaase billowday in maamul-goboledyada Galmudug, iyo Puntland ay la galan heshiisyo aysan la socon Dowladda dhexe oo aan aad u iclaamin sida ay u dheceen duullaamadyadii iyo halka ay ka dheceenba.

Itoobiya waxay horey ugu dirtay wafdi Soomaaliland. Waxaa kaloo Jigjiga laga abaabulay bannaanbaxyo dadweyne oo ka dhan ah dowladda madaxweyne Xasan Sheekh oo dusha laga saaray waxa dhacay oo idil oo ay ka mid yihiin soo xaluulashada Al-Shsbaab iyo siyaasadda ka dhanka ah biyaxireenka GERD.

Wafdi ka isugu dhafan Ciidamada Itoobiya ee Federaalka iyo kuwa Liyu ayaa yimid bishan billowgedi  Gobolka Hiiraan oo  ay hoggaaminayaan Janan Tesfayew Ayalew oo ka sokow xilkiisi masuul amni,  dhawaan loo xilsaaray isuduwaha taliska nabadsugidda KMG ee DDS oo uu weheliyo taliyaha ciidamada gaarka ah ee DDS janan Maxamed Axmed. 

Wafdiga ujeeddada badan oo ku soo qulqulayay Soomaaliya ayaa wadahadallo la yeesheen saraakiisha hawlgallada dowlad-goboleedka iyo federaalka. Halka taliyaha guud ee ciidamada maleeshiyaadka DDS  janan Cabdullaahi Dheere uu isla maalintaas (2/8/2022) tagay Baydhabo.

Intaba waxaa ka daran, in guddoomiye goboleedka Koonfur Galbeed Cabdilcassis Xasan Laftagareen loo qaaday Addis Ababa kaddib markii loo soo dayaarad military ah si uu masuuliinta dowladda Itoobiya wadahadallo khusseeya labada dhinac ula yeesho.

Warbaahinta waxay si baahsan uga warbiyeen inay August 4, 2022 deegaanka Farjanno (Hiiraan) waxgaradka iyo odayaal dhaqameedyada beelaha deegaanka ay ugu yabooheen ciidamada Liyu toban (10) neef oo geel ah. Waxaana meesha ka hadlay Suldaan Warsame oo askarta guddonsiiyay neefefkii geela ahaa. 

Isagoo hadalkiisa wata wuxuu yiri waxaan diyaar u nahay  dagaallada lagula jiro Al-Shabaab. Wuxuu kaloo ku nuuxnuuxsaday suldaanka: “Waxaan diyaar u nahay inaan u hurno naf iyo maalba dowlad degaanka Somaaliyeed”, waxuuna guddoonsiyay boqol (100) dhallinyado oo dagaalka  ka qayb qaadata.

Faraggelinta Itoobiya oo ku wajahneed maamul-gobolledyada ayaa iyadoon laysku shiddayn in la soo maro ama lala tashado Muqdisho ku guulaysatay inay xiriir toos ah la yeelato lana gasho heshiisyo dhammaan maamul-goboleedyada. 

Waxaa kaloo xusuus mudan in ciidamadda Itoobiya ku sugan yihiin gobollada badidooda. Waxaa ugu dambayay gobolka Gedo oo ay August 6, 2022 kasoo gudbeen xadka Dolow iyagoo ku socda dhanka Beled Xaawo oo  ay saldhigyo ka samaysanayaan.

Waxaa aad u caddaatay in faraggelinta Itroobbiya si qayaxan ugu tumanayso madaxbaannanida qaranka una gelinayso khatar amniga taasoo gaartay heer aan laga aamusi karin.

Puntland oo shaacisay inay xirmeen 21 iskuul + Sababta

0

Garoowe (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay shirka waxbarashada xaaladaha deg deg ah ee Puntland oo ka dhacay magaalada Garoowe ayaa waxaa looga hadlay culusyada soo wajahaya ardayda iyo goobaha waxbarasho ee maamulkaasi.

Qoraal dheer oo ka soo baxay shirka ayaa waxaa lagu sheegay in Puntland ay wajahayso xaalado adag oo isugu jira isbedalka cimilada, abaaro dabo dheeraday, duufanno, aafadda ayaxa, rabshado iyo xanuunka COvID-19, Isla markaana dhibaatooyinkaasi ay ka dhasheen barakac baahsan.

Wasaaradda waxbarashada Puntland oo sharraxaad ka bixineysay saameyta ay abaarta ku yeelatay waxbarashada ayaa xaqiijisay inay xirmeen illaa 21 iskuul oo ay dhiganayeen 8,624 arday, sido kale abaartu ay saamaysay 65,320 arday dhamaan goboladda Puntland.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in si wax looga qabto xaaladdaan adag, ay wasaaradda waxbarashada, iyada oo kaashanaysa mashruuca waxbarashada, haya’dda badbaadada Caruurta (Save the Children) ay qabteen shirweyne looga hadlayey xaaladda ka sii daraysa ee abaarta iyo saamaynta ay ku leedahay waxbarashada, waxaana shirka ka qay bgalay dhamaan bahwadaagta waxbarashada o ay ku jiraan saraakiisha maamulka, hay’adaha gargaarka QM iyo kuwa aan dawliga ahayn, bulsha-weynta Puntland, Ganacsatada iyo Qurbajoogta.

Shirku wuxuu soo jeediyay qodobada hoos ku xusan ee ku aadan Ka jawaabidda baahiyaha Waxbarashada xaaladaha deg-dega ah.

  1. In Puntland abaabusho iskuna dubariddo dhaqaalihii wax looga qaban lahaa saamaynta abaartu ku yeelatay Waxbarashada.
  2. Shirku waxa uu garowsaday ugana mahadnaqay Puntland dhismaha guddiga abaaraha oo ka kooban Maamulka, Ganacsatada, Qurbajoogta, Culimada iyo gaybaha kala duwan ee bulshada.
  3. Shirku waxa uu dhirigeliyy dardar-galinta taageerada deeq bixiyaasha ee ku aadan wax ka qabadka abaarta.
  4. In bah-wadagta Waxbarashadu dib u eegis kusamayso mashaaricda socda, dib-u-qaabeyn dhamaystiran oo ka jawaabeysa baahiyaha taagan.
  5. Adeegyada quudinta, biyaha iyo nadaafadu waa kuwa ugu mudan ee u baahan wax ka qabad.
  6. Shirku waxa uu garowsaday baahida loo qabo sidii loo heli lahaa dhaqaale ku filan Waxbarashada xaaladaha deg-degga ah iyo gorshayaasha mustaqbalka.
  1. Shirku waxa uu dhirigelinayaa baararujinta iyo wacyl-gelinta bulshada si loo xaqijiyo in barayaasha yo ardayduba dib ugu laabtaan dugsiyadi abaaruhu saamayeen.

Shabaab oo ‘gubtay’ tuulooyin ku yaalla gobolka HIIRAAN

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, isla-markaana ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa shaaca ka qaaday in xoogaga Al-Shabaab ay gubeen tuulooyin ku yaalla gobolkaasi.

Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir ayaa sheegay in xubnaha Al-Shabaab oo maalmahaan isku uruursanayey inta u dhexeysa degmooyinka, Beledweyne, Maxaas iyo Matabaan ay saaka qaraxyo ku burburiyeen ceelashii biyaha ee ay isticmaali jireen dadka deegaanka.

“Al-Shabaab waxay sameeyeen ceelkii Teedaan, ceelkii Bukurow iyo laba ceel oo kale ayey saaka qaraxyo ku xireen wayna aaseen,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay dab-qabad siiyeen illaa 9 tuulo oo dhaca bariga gobolka Hiiraan ee bartahamaha Soomaaliya, isla-markaana ay gubeen guryihii shacabka.

“Waxaa kale oo ay ugu sii dareen illaa 9 deegaan oo dad shacab ah dagan yihiin halkii deegaana ay ku taallo illaa 300 oo guri ugu yaraan way gubeen,” ayuu raaciyey.

Waxaa kale oo uu intaasi ku sii daray in dad badan oo shacab ah, una badan dad qaan-gaar ah ay ka afduubteen tuulooyinkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa kaaga sii daran qof walba oo waxgarad ah oo ishooda qabaneysay oo qaan-gaar ahna way afduubteen, sidoo kale isgaarsiinta way ka maqan tahay,” ayuu markale yiri.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in laga hortego dhibaatada ay kooxda Al-Shabaab ku heyso deegaanka, isla-markaana meel looga soo wada jeesto, si loola dagaalamo.

Daawo: PUNTLAND oo soo bandhigtay dagaalyahanno ajnabi ah oo ka tirsan Daacish

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada PSF ee Puntland ayaa markii ugu horeysay soo bandhigay muuqaalka dagaalyahano Itoobiyaan ah oo ka tirsan Daacish

Muuqalkan lasoo bandhigay ayey qeyb kamid ah koox u dhalatay qowmiyadda Oromada Itoobiya uga hadleen qaabkii loo soo qabtay, halka ay ka yimaadeen iyo goobta ay kusii jeedeen.

Kooxdan oo gaareysa 7 dagaalyahan ayaa lagu qabtay gobalka Bari xili ay kusii jeedeen dhulka buuraleyda ah oo ay ku sugan maleeshiyaadka Daacish.

Hawlgalkii bishii June ee sanadkan ee lagu soo qabtay raggan ayaa ahaa hawlgalkii ugu horeeyey oo hal mar lagu qabto tiro intaas la eg oo ah dagaalyahano ajaanib ah oo dalka u yimid inay ku biiraan kooxda Daacish.

Hogaanka kooxda Daacish ayaa la sheegay inuu dhawaan la wareegay nin u dhashay qawmiyada Oromada, arrintaasi oo la rumeysan yahay inay sare u qaaday tirada Itoobiyaanka doonaya inay kooxdaasi ku biiraan.

Qeybtan hore ee lasoo bandhigay ayey qaar kamid ah ragga hadlay sheegeen in lagu khiyaamay oo dadkii waday ay u geeyeen kooxda Daacish, waxayna sheegeen in kooxdaasi ka bedashay magacyadooda una bixisay magacyo cusub. 

Nin hubeysan oo dad ku sugnaa xaflad aroos ah ku rasaaseeyey Caabudwaaq

0

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dhacdo sababtay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacday goob ay ka socotay xaflad aroos ah oo ay isugu yimaadeen shacab ku dhaqan duleedka degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in nin hubeysan uu rasaas ku furay dadweyne ku sugnaa guri uu ka jiray Aroos oo ku yaalla deegaanka Qoolaali oo hoostaga magaaladaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo xaqiijiyey in ugu yaraan 1 qof uu ku dhintay falkaasi, ayada oo ay ku dhaawacmeen 3 kale oo ka mid ah dadkii ku sugnaa xafladda arooska ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ninka hubeysan uu ka baxsaday goobta, kadib markii uu mar qura rasaas ooda kaga qaaday dadkii ku sugnaa halkaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dhacdadaan ayaa salka ku heysa muran ka dhashay arooska, waxaana la sheegay inuu jiray xifaaltan dhanka arooska ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Galmudug ayaa goobta gaaray, kuwaas oo haatan wada howlgallo lagu baadi goobayo ninka weerarka geystay oo baxsad ah.

Dhacdadaan ayaa la yaaab ku noqotay dadka deegaanka, ayada oo xafladdii arooskana ay isku bedeshay goob murugo ah, maadaama ay ka dhalatay dhimasho iyo dhaawac.

Caabudwaaq ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal iyo weeraro ay geystaan maleeshiyaad hubeysan oo ku sugan degmadaas iyo deegaannada hoos yimaada ee gobolka Galgaduud.

Maraakiibta DAGAALKA ee SHIINAHA iyo TAIWAN oo badweynta isku eeganaya

0

Taipei (Caasimada Online) – Maraakiibta dagaalka ee Shiinaha iyo Taiwan ayaa isku eeganaya badweynta, ka hor inta aanu soo gaba-gaboobin afar maalmood oo dhoolatus ciidan ah oo aan hore loo arag oo Shiinuhu sameeyay, kaasi oo ay jawaab uga bixinayeen booqashadii afhayeenka Aqalka Wakiilada Maraykanka ay ku tagtay Taiwan.

Ku dhawaad 10-markab oo kuwa dagaalka ah oo laga leeyahay Shiinaha iyo Taiwan ayaa ka shiraacday meel u dhow marin biyoodka Taiwan, iyadoo qaar ka mid ah maraakiibta Shiinaha ay ka gudbeen dilinta ama xarriiqa aan si rasmi ah la iskugu waafaqsaneyn ee u dhexeysa Shiinaha iyo Taiwan, sida uu sheegay qof xog ogaal u ah arrintaan.

Wasaaradda difaaca ee Taiwan ayaa sheegtay in maraakiib, diyaaradaha dagaalka iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ee Shiinuhu ay u muuqato inay sameynayaan weeraro ka dhan ah Taiwan iyo ciidamadeeda badda. Waxay sheegtay in ay u dirtay diyaarado iyo maraakiib si ay uga fal celiyaan “si habboon”.

Taiwan waxa ay sheegtay in gantaaladeeda lidka maraakiibta iyo kuwa kale ee Patriot ee cirka ilaa hawada ay diyaar u ugu yihiin xeebta.

Dhoolatuska Shiinaha oo udub dhexaad u ahaa lix goobood oo ku xeeran jasiiradda uu Shiinuhu ku andacoonayo inuu isagu leeyahay ayaa billoowday Khamiistii, waxaana loo qorsheeyay inuu socdo ilaa duhurnimadii Axadda, sida ay werisay wakaaladda rasmiga ah ee wararka Shiinaha ee e Xinhua todobaadkii hore.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Shiinaha oo ku saabsan in dhoolatusku uu dhamaanayo iyo in kale.

Taiwan ayaa sheegtay in aysan awoodin in ay xaqiijiso in Shiinuhu uu joojiyay iyo in kale.

Booqashada Nancy Pelosi ay todobaadkii hore ku tagtay jasiirada iskeed isku maamusha ayaa ka careysiisay Shiinaha, taasi oo keentay in ay gantaal ballistic ah ku tijaabiso caasimadda jasiiradaasi markii ugu horeysay, iyada oo sidoo kale jartay qeyb ka mid ah xiriirkii isgaarsiinta ee ay la lahayd Maraykanka.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo u baxay safarkii 8-aad ee dibadeed + Ujeedka

0

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u amba-baxay wadanka Uganda, waxaana madaxweynaha iyo wafdigiisa garoonka Aadan Cadde ku sii sagootiyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dhexe.

Booqashada madaxweynaha oo ah mid rasmi ah ayaa ku timid casuumaad uu ka helay dhiggiisa dalkaasi Yoweri Museveni, waxayna qaadan doontaa muddo saddex cisho ah.

Villa Soomaaliya oo ka warbixisay safarka madaxweynaha ayaa shaacisay in Soomaaliya iyo Uganda ay ka wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga amniga.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho saddex maalmood ah ay uga bilaabanayso dalkaas ayaa waxa ay ka wada hadli doonaan Madaxweyne Yoweri Museveni xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga dhinaca ammaanka,” ayaa lagu yiri warka qoraal ah ee ka soo baxay Villa Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa inta uu joogo magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda ka qeyb gali doono madasha dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda oo dalkaas ka furmi doonta, ayada oo ganacsatada iyo khubarada dhaqaale ee labada dal ay gorfeyn doonaan iskaashiga ganacsiga, maalgashiga iyo sidoo kale kobaca wax soo saarka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale qaabili doono jaaliyadda iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata gudaha dalkaasi, gaar ahaan magaalada Kampala.

Uganda ayaa noqotay dalkii 8-aad ee uu booqdo madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo markii la doortay 15 May kadib Imaaraadka, Turkiga, Eritrea, Kenya, Jabuuti, Tanzania iyo Masar. 

Dhammaan dalalkaas ayaa muhiim u ah Soomaaliya, waxana isugu jiraan kuwo deris la ah sida Kenya, kuwa ay Soomaaliya ciidanka ka joogaan iyo kuwa xiriir taariikhi ah oo ganacsi ama diblomaasi la leh Soomaaliya, waxayna Uganda qeyb kasoo galeysaa muhiimaddaas. 

 

Sawirro: Muxuu Madaxweyne Xasan Sheekh caawa kala hadlay ganacsatada Soomaaliyeed?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed, wuxuuna kala arrinsaday iskaashiyada ganacsi ee heer gobol iyo kobcinta maalgashiga dalka.

Madaxweynaha ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan xoojinta maalgashiga dalka iyo wax soosaarka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ganacsatada ku bogaadiyey dhabar adaygga ay ku wajaheen duruufihii dhaqaale ee adkaa ee la soo maray, ‘taas oo muujinaysa hal abuurka maalgashi iyo ganacsi’ oo ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed.

“Dowladdaani waxay ka shaqeyneysaa in ganacsatada loo fududeeyo dhaqdhaqaaqa ganacsi iyo maalgashi. Dalkaan in uu noqdo dal dhaqaalahiisa furan yahay baan rabnaa, suuq xor ah in uu yeesho baan rabnaa. Fursadaha dalkaan ka jira meel ay Adduunka ka jiraan waa yar tahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa dalka Uganda kaga qaybgali doonta Shirka Ganacsiga iyo Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Uganda, kaas oo ujeedkiisu yahay sare u qaadidda ganacsiga u dhexeeya labada dal.

Shirkaas waxay ganacsatada dalalka Soomaaliya iyo Uganda ku lafo-guri doonaan fursadaha maalgashiga, ganacsiga iyo wax soosaarka labada dal.

Mahad Salaad oo isbeddel ku sameeyey qeybo ka mid ah hoggaanada NISA – Xog

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha hey’adda Nabad sugidda Soomaaliya ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa is bedalkii labaad oo cusub ku sameeyay qeybo ka mid ah hoggaanada hey’adda.

Qeybaha is bedelka lagu sameeyay waxaa ka mid ah Agaasinka arrimaha dibadda ee NISA oo loo magacaabay sarkaal lagu magacaabo Caddow oo horay u heystay waaxda CT-ta ee Taliska NISA.

Xilkaas Agaasinka arrimaha dibadda ee NISA waxaa laga qaaday sarkaal lagu magacaabo Liibaan Kadiye oo ka mid ahaa raggii aadka ugu dhowaa Agaasimihii hore ee hey’adda Fahad Yaasiin.

Liibaan ayaa ka mid ahaa raggii horay u raacay Fahad Yaasiin markii ugu dambeysay ee dalka uu isaga baxay, kadib guul daradii doorashada ee Madaxweyne Farmaajo.

Tan iyo markii uu xilka la wareegay Mahad Salaad 29-kii May 2022, wuxuu dib u habeyn xoog leh ku waday hey’adda NISA, isagoo isbedello waaweyn ka sameeyey gudaha hey’adda, si uu meesha uga saaro habkii ay u shaqeyneysay 5-tii sano ee dowladii Farmaajo, xilligaas oo awoodda ugu sareysa uu lahaa Fahad Yaasiin.

Agaasimaha cusub ayaa wajahay dagaal hoose oo uu la galay agaasimihii hore oo wareysi uu bixiyey ugu baaqay saraakiisha NISA in aysan wax sir ah ama xog ah la wadaagin Mahad Salaad, isagoo ku eedeeyay inuu la shaqeeyo Alshabaab.

Mahad Salaad oo madaxweyne Xasan Sheekh aad ugu dhow ayaa loo dhiibay shaqada ugu adag, wuxuuna isagoo waqti iska lumin si degdeg ah u bilaabay nadiifinta hey’adda iyo sidii uu meesha uga saari lahaa saameynta Fahad Yaasiin.

Sidoo kale Mahad Salaad ayaa dhowaan mushaaraadka u kordhiyey Saraakiisha, Ciidamada iyo Shaqaalaha hay’adda Nabad sugidda, kadib markii la jaray lacago shaqsiyaad gaar ah lagu naas-nuuji jiray iyo kuwo loo bixin jiray (Spesa Politica) kharashaad siyaasadeed oo maamulkii hore ee hay’adda ku maareyn jiray howlaha siyaasadda.

Sidoo kale Agaasimaha wuxuu go’aamiyay in askarta iyo saraakiisha hay’adda ee geeriyooday ay qoysaskooda xuquuq ka heli doonaan dowladda, halka markii hore aysan laheyn wax xuquuq ah.

Wareysi: Jubbaland oo xog cusub ka bixisay ciidanka Itoobiya ee soo galay Gedo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta amniga ee maamul goboleedka Jubaland ayaa faah-faahin ka bixiyey ciidamo ka socda dowladda Itoobiya, kuwaas oo dhaq-dhaqaaqyo cusub ka bilaabay magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa wax caadi ah ku tilmaamay dhaq-dhaqaaqyadaan cusub ee ciidanka Itoobiya ay ka bilaabeen gobolka Gedo, isagoo qiyaasay tirada ciidankaas.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidankaas ay ka war hayaan oo dhawaan ay si wadajir ah weerar ugu qaadi doonaan kooxda Al-Shabaab oo sida uu sheegay dooneysa inay isku baahiso dhul aysan horay u heysan.

Sidoo kale wasiirka amniga Jubbaland wuxuu sheegay in ciidanka Itoobiya ee gobolka Gedo soo galay aysan aad u badaneyn, isagoo ku qiyaasay laba boqol oo askari.

Wuxuu sheegay in horay ciidan Itoobiyaan ah ay gobolka u joogeen, kuwaan cusub ee lagu soo kordhiyana aysan wedin wax dhibaato ah, isla markaana ay iska kaasha doonaan la dagaalanka Al-Shabaab.

“Maadaama ciidamadeenu ay yaryihiin, dhul badana laga qabsaday Al-Shabaab, waxay dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya isla garteen in ciidan la geeyo dhulka xuduudaha ah, inta ay kala wareegeyso dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Dhaqdhaqaayadaan ciidan ma ahan arrimo dhul Soomaaliyeed lagu qabsanayo ama aanaa ogeyn, mana ahan arrimo ay mucaarad ama dad warxumo tashiil ah ay ka faa’iideysa karaan, howshaan waa mid quseysa amniga oo lagula dagaalamayo argagixisada.”

Gobolka Gedo waxaa hadda maamula siyaasiyiin ka madax-banaan maamulka Jubbaland oo ay geysatay dowladii hore ee Farmaajo, waxaana shalay magaalooyin ay ugu horeyso Doolow soo galay ciidamo badan oo Itoobiyaan ah.

Sawirro: Safiirka Qatar oo Xasan Sheekh u dhiibay warqad ka timid Amiirka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Villa Soomaaliya kulan kula qaatay Danjiraha dowladda Qatar Mudane Xasan binu Xamsa Haashim.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Danjire Xasa binu Xamsa Haashim ka guddoomay marti-qaad uu uga siday Amiirka dalkiisa Mudane Tamiim binu Xamad, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

Xasan ayaa la wadaagay Safiir Xasan binu Xamsa farriin iyo salaan uu u diray Amiirka dowladda Qatar, isaga oo uga mahad-celiyey mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyeen gudaha dalka.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa xusay in dhambalkan iyo booqashada rasmiga ah ee uu ku tagayo dalkaas ay sii xoojiyaan iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya labada dal.

Danjiraha dowladda Qatar ee Soomaaliya Mudane Xasan binu Xamsa Haashim ayaa sidoo kale uga mahad-celiyey madaxweynaha aqbalaadda martiqaadka uu u soo diray Amiirka Qatar, isaga oo muujiyey sida ay u garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Dhambaalkaan uu guddoomay Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa nuxurkiisu yahay sidii loo sii amba-qaadi lahaa, loona horumarin lahaa hannaanka iskaashi ee labada dowladood iyo xoojiinta xiriirka labo-geesoodka ah ee labada dal, kaasi oo ku dhisan walaaltinnimo iyo wax-wada-qabsi.