29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Mareykanka oo war kasoo saaray golaha wasiirada xilli la sheegay inuu kasoo horjeedo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa si weyn u soo dhaweeyay Golaha Wasiirada cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, kuwaasi oo maanta uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Golaha Shacabka.

Qoraal kasoo baxay Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa taageero loogu muujiyay Golaha Wasiirada cusub, ayada oo lagu xusay in Mareykanka uu sii wadi doono taageerada Soomaaliya.

“Waxaanu u hambalyaynaynaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, soo xulistooda Golaha Wasiirada cusub. Mareykanka waxa uu aad u xiisaynayaa in uu sii wado ka qayb qaadashada taageerada dib-u-dhiska Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya.

Warkaan ayaa imanaya xili ay maalmihii dambe warbaahinta qaarkood warinayeen in Mareykanka uusan la dhacsaneyn xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisul Wasaare Xamza, maadama uu kasoo muuqday Mukhtaar Roobow, taasi oo uu beeniyayo qoraalka kasoo baxay Mareykanka.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa 2-dii bishaan si rasmi ah uga mid noqday Golaha Wasiirada cusub ee Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo muddo u xirna dowladdii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa loo magacaabay wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta.

Kamid noqoshada Roobow ee Golaha Wasiirada ayaa waxaa la sheegay inay si weyn uga qayb-qaateen xildhibaanno ku dhow dhow guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Madoobe.

Si kastaba, Qoraalka kasoo baxay Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa meesha ka saaraya wararka laga baahiyay oo u muuqday kuwa lagu carqaladeynayay dhismaha xukuumada cusub ee Ra’iisul wasaare Xamza.

Sawirro: Xasan Sheekh oo safiirka Kenya la qaatay kulan lagu macneeyey inuu ahaa…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah la qaatay Safiirkii dowladda Kenya u joogay Soomaaliya, Mudane Lucas K. Tumbo oo dhammeystay muddo xileedkiisa diblomaasiyadeed ee uu uga howl-gelayey dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Danjire Lucas K. Tumbo uu ka howl-galayey gudaha dalka muddo dheer, taasi oo ka dhigan in uu wax badan ka fahmay hiddaha iyo dhaqanka wanaagsan ee shacabka Soomaaliyeed oo ku saleysan iskaashi, is-ixtiraam iyo daris wanaag oo dhammaantood jihaaye u ah dowladnimada iyo diblumaasiyadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Safiirka Dowlad Kenya u fadhiya Soomaaliya Lucas K. Tumbo ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahad-celiyey soo dhoweynta diirran iyo garab istaagga ay u muujiyeen, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Ugu dambeyn Danjire Lucas K. Tumbo oo muddo soo ahaa Safiirka Dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya, ayaa tilmaanay dadaalka uu ku bixiyey xoojinta xiriirka soojireenka ah ee ka dhaxeeya Labada shacab.

Danjire Lucas K. Tumbo ayaa waxa kasoo dhamaaday muddo xileedkiisa diblomaasiyadeed ee uu uga howl-gelayey dalka, kadib muddo uu ahaa Safiirkii dowladda Kenya u joogay Soomaaliya.

Dilal qorsheysan oo lagu billaabay muslimiinta dalka Mareykanka – Imisaa la dilay?

Albuquerque (Caasimada Online) – Booliska gobolka New Mexico ee Mareykanka iyo hay’adaha federaalka ayaa baaraya dilka afar nin oo Muslim ah, si ay go’aan uga gaaraan haddii uu xiriir ka dhaxeeyo.

Dilkii ugu dambeeyey ayaa dhacay habeenkii Jimcaha, waxaana barasaabka gobolka ay ku qeexday inay yihiin “dilal beegsi ah.”

Madaxa booliska magaalada Albuquerque, Herold Medina ayaa weriyayaasha u sheegay Sabtidii “in nin dhallinyaro oo ka mid ahaa bulshada Muslimiinta la khaarajiyey.”

Magaca dhibbanaha iyo xaaladaha ku hareereysan dilkiisa ayaan weli la shaacin. Saddexdii kiis ee hore, dhibbanayaasha ayaa la toogtay ayaga oo aan xitaa lala hadlin, sida ay sheegeen booliska. 

Medina waxa uu sheegay in dilkii Jimcaha ay u badan tahay inuu xiriir la leeyahay saddexdii dil ee hore.

Booliska New Mexico ayaa sheegay in saddexdii nin ee horey loogu dilay magaalada ugu weyn gobolka ee Albuquerque sagaal bil gudahood, ay u muuqdeen kuwa loo beegsaday diintooda iyo isirkooda. 

“Dilalka beegsiga ah ee Muslimiinta degan Albuquerque waa wax aad looga caroodo oo aan la aqbali karin,” waxaa sidaas qoraal ay soo dhigtay twitter ku tiri Michelle Lujan Grisham oo ah barasaabka gobolka.

Waxa ay intaas ku dartay inay saraakiil boolis oo dheeraad ah gaynayso magaalada Albuquerque si ay gacan uga gaystaan baaritaanka.

Laba ka mid ah ragga la dilay waxay xubno ka ahaayeen hal Masjid, waxaana magaalada Albuquerque lagu kala dilay dhammaadkii July iyo horraantii August. 

Booliska waxay sheegeen inay jirto “suurta-galnimo xooggan” oo ah in dilalkooda uu xiriir la leeyahay dil dabayaaqadii November loo gaystay muhaajir ka yimid dalka Afghanistan. 

Muhammad Afzaal Hussain, oo ahaa 27 jir agaasimaha qorshaynta ka ah magaalada Espanola, kana yimid dalka Pakistan asal ahaan, ayaa Isniintii hore lagu toogtay banaanka dhisme uu deganaa oo ku yaalla magaalada Albuquerque.

Sidoo kale, Aftab Hussein, oo ahaa 41 jir, ayaa isaga oo la toogtay meydkiisa la helay 26-kii July, isla magaalada Albuquerque. 

Dilalkaas ayey u badan tahay inay xiriir la leeyihiin toogashada Mohammad Ahmadi oo ahaa 62 jir, taasi oo ka dhacday baarkinka baabuurta ee suuq, 7-dii November, sida ay sheegeen booliska.

Booliska gobolka News Mexico, FBI-da iyo US Marshall ayaa ka mid ah hay’adaha amniga ee ku lugta leh baaritaanka dilalkan.

R/W Xamza oo shaaciyey 11 QODOB oo ay xukuumadda cusub diiradda saareyso

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay go’aanka ay xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ay ku meel-mariyeen xubnaha golaha wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya.

Kulankaan, oo uu shir-guddoomiyey guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo ay hareero fadhiyeen labadiisa ku xigeen, ayey xildhibaanadu si aqlabiyad leh oo ah 229 xildhibaan ku ansixiyeen xukuumadda, halka ay diideen 7 xildhibaan, waxaana ka aamusay 1 mudane.

Ansixinta xukuumadda kadib Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey golaha shacabka meel-marinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda, si ay u gutaan shaqooyinka adag ee laga sugayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in golahiisa wasiirrada uu ku soo xushay hannaan ku saleysan wada-tashi, aqoon, karti, khibrad iyo waayo aragnimo u fududeynaysa in ay waajibaadkooda gutaan, una adeeggaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ballan-qaaday in xukuumadda Dan-Qaran ay xoogga saari doonto wax ka qabashada arrimo dhowr ah oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah;

1- Arrimaha amniga oo ay qeyb ka tahay dhameystirka hannaanka amniga qaranka iyo la dagaallanka argagixisada, 2- garsoor madax-bannaan, 3- isku filnaansho dhaqaale, 4- horumarinta arrimaha bulshada, 5- qabyo tirka iyo dhameystirka dastuurka KMG ah, 6- horrumarinta hannaanka federaalka, 7- dib-u-heshiisiinta, 8- Hirgelinta nidaam doorasho mideysan oo dimuqraadi ah, 9- Dardargelinta wada hadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland, 10- maamul-wanaagga, 11- iyo xoojinta xiriirka caalamiga ah, iyadoo laga duulayo aragtida madaxweynaha ee Soomaali heshiis ah, dunida heshiis la ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa waxa kale oo uu xusay in xukuumadda ay mudnaan gaar ah siin doonto wax ka qabashada dhibaatooyinka soo noq-noqda ee ugu horreyso abaarta iyo fatahaadaha ku dhufta qeybo kamid ah gobollada dalka.

Si kastaba, Tallaabada uu maanta qaaday baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa meesha ka saartay walaacii laga qabay in ay diidmo ka keenaan dhismaha xukuumadda qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka, taas oo maalmihii dambe aad usoo shaac baxaysay, kadib markii siyaasyiinta qaar ay dhaliileen qaabka uu wax u soo dhisay ra’iisul wasaare Xamza. 

Wararkii ugu dambeeyey hoobiyeyaal lagu weeraray xarunta madaxtooyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday madaafiic oo maanta lagu qaaday agagaarka xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, kaas oo sababay khasaare kala duwan.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in hoobiyeyaasha oo gaarayey illaa 5 madfac ay ku dhaceen xaafado ku yaalla dhinaca Filorensa oo ku dhow xarunta Villa Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dad shacab ah ay waxyeelo kasoo gaareen hoobiyeyaashaas oo ku dhacay guryhooda, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha amniga.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in madaafiicda laga soo tuuray dhanka degmada Hodan, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale bilaabay howlgallo baaritaano ah, kadib weerarkaas oo uu bartilmaameedkiisu ahaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Weerarka waxaa lagu soo beegay xilli uu socday kulan ay lahaayeen xildhibaanada Golaha Shacabka, kaas oo lagu ansixiyey golaha wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya.

Inta badan mararka ay jiraan shirarka waa weyn iyo kulamada baarlamaanka ayaa waxaa weeraro hoobiyeyaal ah lagu qaadaa xarunta Villa Soomaaliya, waxaana inta badan khasaare kala kulma dadka shacabka ah ee deggan xaafadaha ku dhow madaxtooyada.

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal amni darro oo isugu jiro qaraxyo, dilal qorsheysan & sidoo kale dhac ay geysanayaan kooxo burcad ah.

Sawirro: Golaha shacabka oo si aqlabiyad ah ku ansixiyey golaha wasiirada cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka federalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa meel-mariyey xubnaha golaha wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya.

Kulankaan oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa shir guddoomiyey afhayeenka golaha shacabka  Sheekh Aadan Madoobe oo ay haereero fadhiyeen labadiisa ku xigeen.

Inta uusan bilaaban kulanka waxaa buuq sameeyey xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, taas oo keentay inay baaqato hadal jeedintii hore ee uu saameyn lahaa ra’iisul wasaaraha.

Kadib xildhibaanada ayaa cod gacan taag ah u qaaday meel-marinta xukuumadda cusub, waxaana si aqlabiyad leh ku ansixiyey 229 xildhibaan, halka ay diideen 7 xildhibaan , sidoo kale waxaa ka aamusay 1 mudane, sida uu ku dhawaaqay Sheekh Aadan Madoobe.

Sidoo kale waxaa isla goobta lagu dhaariyey golaha wasiirada Soomaaliya, ayada oo uu munaasabadda dhaarinta uu goobjoog ahaa guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaare Xamza Cabdi oo ka hadlay kulanka baarlamaanka ayaa u mahadceliyey xildhibaanada, wuxuuna sheegay in ay ka shqeyn doonaan horumrinta dalka.

Tallaabada uu maanta qaaday baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa meesha ka saartay walaacii laga qabay in ay diidmo ka keenaan dhismaha xukuumadda qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka, taas oo maalmihii dambe aad usoo shaac baxaysay, kadib markii siyaasyiinta qaar ay dhaliileen qaabka uu wax u soo dhisay ra’iisul wasaare Xamza.

Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbeddel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii May ee uu ku soo baxay madaxweyne Xasan Sheekh oo mar labaad doortay xilka madaxweynaha.

Buuq xooggan oo hareeyey kulankii golaha shacabka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo xarunta baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegaya in buuq xoogan uu hareeyey kulanka baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ajendihiisu yahay meel-marinta xubnaha golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya.

Buuqa ayaa waxaa sameeyey xildhibaano ka soo horjeeda in codka kalsoonida loo qaado golaha wasiirada magacaaban, waxayna arrintan kusoo beegantay, markii uu hoolka soo galay ra’iisul wasaaraha oo doonaya inuu baarlamaanka ka dalbado anisixinta xukuumaddiisa.

Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa laga arkayaa ciidamo gudaha u galay xarunta, kuwaas oo isku dayaya inay xaaladda dajiyaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan oo la hadlay xildhibaanada ayaa sheegay in la ansixinayo xukuumadda, wuxuuna faray in xarunta laga saaro xildhibaanada buuqa sameeynaya oo iyaguna ku doodayo inay wadaan mooshin ka dhan ah xukuumadda cusub.

Arrintaan ayaa la xiriirta tabasho ay xildhibaanada qaar ka muujinayaan dhismaha xukuumadda cusub ee uu  maalmo ka hor ku dhowaaqay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Muxuu SHIINAHA ka yiri go’aanka ka soo baxay DF?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Shiinaha uu ku leeyahay magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay go’aankii ay soo saartay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo shalay taageero buuxda siisay siyaasadda “Hal China”.

Shiinaha ayaa shaaca ka qaaday in uu Soomaaliya uga mahadcelinayo garab istaaga ay u muujisay, wuxuuna soo dhaweeyey go’aanka ay Soomaaliya ka qaadatay arrinta Taiwan.

Sidoo kale waxaa qoraalka ka soo baxay safaaradda lagu sheegay in Soomaaliya iyo Shiinaha uu ka dhexeeyo xiriiir qoto dheer oo soo jireen ah.

“Dowladda Shiinaha ayaa si weyn ugu mahadcelineysa taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo walaalaha Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ay soo saartay safaaradda Shiinaha ee magaalada Muqdisho.

Hadalkaan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay dowladda Soomaaliya ay shaaca ka qaaday inay taageersan tahay madax bannaanida dhuleed iyo mida midnimo ee dalka Shiinaha.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxay ku celineysa taageeradeeda xooggan ee ku aadan qarannimada, madax-banaanida siyaasadeed, sharafta dhuleed iyo midniamda qaran ee Shiinaha, waxayna ku baaqeysaa in loo hoggaansamo qaraarada QM iyo Midowga Afrika ee quseeya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Si kastaba, Taiwan oo ka tirsan Shiinaha iyo Somaliland oo ka mid ah Soomaaliya ayaa sanadkii la soo dhaafay aas-aastay xiriir diblomaasiyadeed, ayada oo safaarado ka kala furtay magaalooyinka Hargeysa iyo Taipei, taasi oo ka careysiisay Muqdisho iyo Beijing.

Waa halis haddii mar kale ITOOBIYA lagala tashado nabadeynta SOOMAALIYA

Muqdisho (Faallo) —Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafe Cagjar wuxuu dhowaan sheegay in dowladdiisu dhul amni (buffer zone)oo Itoobiya ka baxsan samayn doonto kaddib weerar ay Al-shabaab ku qaadeen dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ka tirsan maamul ahaan.

Hindisaha uu sheegay Mustafe waa mid uu Danjire Seyoum Mesfin soo jeediyay 2018 mar uu maqaal ku qoray wargeys cilmiyeed. Mesfin wuxuu soo jeediyay in la taageero waxa uu u bixiyay jasiirado nabadeed kuwaas oo sii kobci doona marka la fidiyo dhulalka amniga.

Mustafa Cagjar wuxuu sheegay in hindisihii Seyoum Mesfin laga hirgelin doono meel ka baxsan Itoobiya.

Mesfin wuxuu Itoobiya ku tilmaamay dal la deris ah dal burburay — Soomaaliya — sidaas darteedna aqoon u leeyahay halista argagixisadu iyo dowlad la’aantu keenaan. Wuxuu kula taliyay beesha caalamka in sida loo taageeri karo dowladda cusub ee 2017 tahay in la taageero maamullada nabadda ah oo aag nabadeedka u dhow.

Maqaalka uu Mesfin qoray afar sano ka hor
Seyoum Mesfin wuxuu u ololeeyay in qeybo Soomaaliya ka mid ah laga dhigo meelo duulimaadyada ka caaggan.

Awoodda Mesfin helay muu helin Xayle Salaase oo xisbiyadii Koonfurta Soomaaliya ka jiray afartamaadkii ay u diideen inuu talo ku yeesho dadaalladii Soomaaliya loogu diyaarinayay gobanimogaarsiinta (trusteeship). Mesfin wuxuu ku biiray maamulkii TPLF ka samaysay Mekelle 2020kii, kaddibna waxaa lagu dilay god ku yaalla gobolka Tigray. Sanadkii 2007 wuxuu soo jeediyay in meelo duullimaadyada ka caaggan (no fly zones) Soomaaliya laga sameeyo. Muddo dheer wuxuu ahaa Wasiirka Arrimmaha Dibedda ee Itoobiya.

Waxaa xusid mudan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu heshiis laba geesood la galay Itoobiya 2014 si ciidammada Itoobiya dalka dib loogu soo celiyo. Go’aankan wuxuu jebiyay heshiiskii dowladdii ku meelgaarka iyo ururkii Isbahaysiga Dib-u-xoreynta Soomaaliya dhexmaray 2018. Wuxuu booqday Mekelle si uu uga qeybgalo xuska asaaskii TPLF, halkaas oo uu koofiyadda ururka xirtay oo calanka TPLF lulay. Fiiro-gaabnimada siyaasiyiinta Soomaalida ayaa u fududeysa Itoobiya inay talo ku yeelato dadaallada lagu nabadeynayo Soomaaliya.

W/Q: Cabdullaahi Mire Xirsi (Raas)

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

ITOOBIYA oo duqeyn horleh ka fulisay gobolka HIIRAAN

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeymo ay diyaaradaha dagaalka Itoobiya maanta ka geysteen qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan oo dhaca bartamaha Soomaaliya, isla-markaana hoostaga maamulka HirShabelle.

Dqeynta ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu garaacay goobo ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab oo weli ku sugan deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Deegaanada la duqeeyey ayaa waxaa ka mid ah Bacda, Qabno iyo Cowmaad oo ku yaalla inta u dhexeysa degmooyinka Mataaan iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay maqlayeen daryanka hubka culus ee ay ridayeen diyaaradaha Itoobiya, balse waxa ay shaaciyeen in aysan sheegi karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaasi.

Xaaladda goobaha la duqeeyey ayaa sidoo kale weli aad u kacsan, waxaana haatan dhaq-dhaqaaqyo laga dareemaya deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda Itoobiya iyo dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Itoobiya ayaa maalmihii u dambeeyey xoojisay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kadib duulaankii ay kooxda ku qaaday dhulka dowlad deegaanka Soomaalida

Qarax culus oo ka dhacay magaalada Jowhar + Sawirro

0

Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo maanta ka dhacay gudaha magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay halka loo yaqaano Todobada Geed oo ay ku yaallaan maqaayado ay dadka ku shaaxaan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaari NOAHA oo lagu soo raray walxaha qarxa, kaas oo uu isaga tegay wadihii gaariga, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Gaariga ayaa la dhigay meel ay dadka isugu yimaadan, sidoo kalena ay mararka qaar tagaan ciidamada ammaanka, waxaana la sheegay in muddo uu yiilay halkaasi, kahor inta uusan qarxin, balse laga shakiyey, taas oo keentay in shacabka ay isaga cararaan meesha.

Ugu yaraan 1 qof oo aheyd haweeney ayaa ku geeriyootay qaraxaas, halka 4 qof oo kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo saddex ka mid ah ay yihiin shacab, halka qofka kalena uu yahay askari ka tirsan ciidamada amniga, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa ka soo horjeeda hoteelka Nuur Doob oo uu dhawaan ka dhacay qarax is-miidaamin ahaa oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogleh.

Saraakiil ka tirsan laaamaha amniga ee dowlad goboleedka HirShablle ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, waxayna wadaan baaritaano dheeraad ah.

Jowhar oo ah caasimada HirShabelle iyo xarunta gobolka Shabeelah Dhexe ayaa wajaheysa xaalad amni oo daran, waxaana ka dhaca falal amni darro, sida qaraxyo & dilal qorsheysan.

Xog: Golaha Wasiirada ma heli doonaan maanta codka kalsoonida baarlamanka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta la horgayanayaa xildhibaanada golaha shacabka si ay codka kalsoonida ugu qaadaan ayada oo weli hubanti la’aan badan ay ku hareeyeysan tahay. 

Maalmihii ugu dambeeyey wasiirada ayaa waday dadaal xooggan oo codka kalsoonida ay uga raadinayaan xildhibaanada beelahooda ayaga oo ku guuleystay inay ka helaan ballan-qaadyo, balse ma cadda waxa dhici doono marka codka la qaado. 

Wasiirada ayaa wajahayey cadaadis xooggan oo kaga imanaya dhinacyo kala duwan oo isbiirsaday, dadaalladaas oo la doonayo in codka kalsoonida loogu diido. 

Waxaa dhinacyadaas ka mid ah; xildhibaano careysan kadib markii ay xilal wasiir soo waayeen, madaxdii hore ee dowladdii Nabad iyo Nolol, madax goboleedyada qaarkood iyo xildhibaano qaab beeleed u abaabulan oo ku doodaya in beelahooda aan la siin “wasiiradii ay u qalmeen.”  

Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa sameeyey dadaallo xooggan oo codka kalsoonida looga raadinayo xildhibaanada, waxayna u badan tahay in la meel mariyo, sida aan xogta ku helnay. 

Xukuumadda ayaa waxaa caawinaya ayada oo ku dhowaad 50 xubnood oo ka mid ah golaha wasiirada ay yihiin xildhibaano, waxaana la filayaa in kooramka uusan ka badnaan qiyaastii 200. 

Xildhibaannada ayaa laga codsaday inay xilli hore soo xaadiraan kulankaan oo muhiim ah. 

Waxaa golaha shacabka Soomaaliya hortegi doono ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo marka hore xildhibaannada Soomaaliya weydiisan doono inay meel-mariyaan xukuumadda uu soo dhisay, si ay gudato waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Daawo: Itoobiya oo kumanaan askari soo gelisay gobolka Gedo + Ujeedka

0

Doolow (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Itoobiya ayaa gelinkii dambe ee maanta gudaha u galay degmada Doolow ee gobolka Gedo, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolkaas.

Ciidamada ayaa la sheegay inay la wareegeen oo fariisimo ka sameysteen goobo uu ka mid yahay garoonka diyaaradaha degmada Doolow Soomaaliya, sidoo kale waxay u gudbeen dhinaca degmada Beledxaawo, sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Afhayeen u hadlay maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay in go’aanka ciidamada Itoobiya ay ku soo galeen gobolka ay wax ka ogyihiin oo taageersan yihiin, dhawaana ay wada bilaabi doonaan howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Itoobiya ayaa mudooyinkii dambe waxay dhaq-dhaqaaqyo culus ka wadeen deegaanada dhaca xuduuda iyo gudaha Soomaaliya, sidoo kale Itoobiya weli wax faahfaahin ah kama bixin ciidankaan aadka u badan ee maanta soo galay gobolka Gedo.

Gobolkaas oo sharci ahaan hoostaga maamulka Jubbaland, hadda waxaa maamula siyaasiyiin ay geysatay dowladdii Farmaajo, mana jirto cid ay ka amar qaataan, taas oo sii badineysa walwalka laga qabo imaashaha ciidanka Itoobiya iyo qorshaha ay wataan.

Ciidamada Itoobiya ayaa dhaqdhaqaaqyo culus ka bilaabay gobollada Bay, Bakool iyo Hiiraan, waxaana la sheegay in qorshahoodu uu yahay inay Al-Shabaab ka sifeeyaan deegaanada dhaca xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wafuud ka socota dowladda Itoobiya ayaa todobaadkii hore loo kala diray magaalooyinka Beledweyne, Hargeysa iyo Baydhaba, si maamullada ka jira ay ugu qanciyaan qorshahooda la dagaalanka Al-Shabaab.

Dhinaca kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo diyaarad ciidan Jimcihii looga qaaday magaalada Baydhaba ayaa gaaray magaalooyin ay ugu horeyso Godey oo Itoobiya ka tirsan, waxa ugu weyn ee laga hadlayana waa gulufka dagaal ee Al-Shabaab ay ku wajaheen Itoobiya.

Hoos ka daawo afhayeenka gobolka Gedo oo ka hadlay imaashaha ciidankaan

Sawirro: Maxay culumadii caawa u tagay la wadaageen madaxweyne Xasan Sheekh?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa Madaxtooyada kulan wadatshi ah kula qaatay qaar ka mid ah culumada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa culumada uga warbixiyey mudnaanta uu siinayo adkeynta xiriirka dowladda iyo culimada, isagoo tilmaamay muhiimadda ay u leeyihiin la dagaallanka fikirka xagjirnimada iyo toosinta dowladnimada.

“Madaxweynaha ayaa culimada Soomaaliyeed ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaataan wacyi gelinta, waxbaridda iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, waxa uuna ku ammaanay kaalinta ay ka qaadanayaan gurmadka abaaraha iyo taakulaynta dadka danyarta ah,” ayaa lagu yiri qoraal ay madaxtooyadu ka soo saartay kulankaas.

Dhankooda culimada uu la kulmay waxay la wadaageen Madaxweynaha talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, iyaga oo tilmaamay sida ay dowladda ugala shaqeynayaan xaqiijinta “Soomaali heshiis ah.”

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa dadaal ugu jira sidii ay bulshada ugu qanci la haayeen xukuumadda cusub ee berri la hor geynayo golaha shacabka, si codka kalsoonida loogu qaado.

PUNTLAND oo maalmaha fasaxa toddobaadka ka bedeshay Khamiis iyo Jimce

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul gobaleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta shir guddoomiyey shirka golaha wasiirrada, kaasi oo laga soo saaray go’aan ku saabsan maalmaha fasaxa ee toddobaadka.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa todobaadkaan diiradda waxaa lagu saaray, arrimo ay ka mid yihii Amniga guud, Tallo-soo jeedinta iyo waxka bedelka maalmaha shaqada ee Puntland, Soojeedinta iyo Ansixinta khidmada iyo ganaaxyada wado marista.

Sidoo kale waxaa shirka  looga hadlay, soo bandhigista Sanduuqa Horumarinta degmooyinka iyo xoojinta xiriirka Isku xirka iyo Hay’adaha Dowladda dhexe ee Puntland iyo warbixin ay Golaha la wadaageen xubnaha ka mid ah Golaha Wasiirada oo safar ku tegay Gobolka Mudug. Sida lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Shirka.

Wasaaradda Shaqada Shaqalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa Golaha usoo gudbisay talo-soojeedinta iyo waxka bedelka maalmaha Shaqada waxaana  Goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey, in maalmaha shaqada ay noqdaan 5 cisho, iyadoo wakhtiga shaqada uu yahay  8-da subaxnimo illaa 4-ta galabnimo si waafaqsan Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah, maalmaha fasaxa ee Puntland waxay noqon doonaan Jimcaha iyo Sabtida.

“Waxaa si gaar ah loo tixgelinayaa in Hay’adaha Dowladda ee bixiyaa adeegyada lagama maarmaanka ah sida dekadaha, Garoomada, caafimaadka, kastamyada inay u shaqeeyaan si joogto ah aan maalmahooda fasaxa wax iskabedeli doonin,” ayaa lagu sii yiri Warsaxaafadeed kasoo baxay Shirka.

Waxka bedelka maalmaha shaqada wuxuu dhaqangelayaa marka Xeerka LR 12, ee Shaqaalaha Rayidka ah wax ka bedel lagu sameeyo ayna ansixiyaan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu waday in uu qabsoomay maalintii khamiista 4 August 2022-ka balse wuu baaqday, iyaga oo aan la ogeyn sababta uu u baaqday, ayaa Madaxtooyada Puntland maanta lagu qabtay.

Sawirro: Xasan Sheekh oo tegay xarunta taliska ciidanka booliska kuna dhowaaqay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer shaqo ku tagay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku adkeeyey hirgelinta, horumarinta iyo ilaalinta shuruucda dalka si ay tusaale wanaagsan ugu noqdaan bulshada Soomaaliyeed. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dowladdan cusub ee uu hoggaamiyo ay xoogga saareyso labo istiraatiijiyadood oo lagula dagaallamayo argagixisada, si looga ciribtiro guud ahaan dalkeenna, taas oo ay laf-dhabar u yihiin Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo dhammaan Ciidamada Qalabka Sida. 

“Dowladdaan cusub waxaa u degsan labo siyaasadood oo ay argagixisada kula dagaallameyso, waxaan rabnaa in aan kula dagaallanno hab fikri ah, diiniyan ah, waddaniyad ah oo aan dadka Soomaaliyeed ku tusineyno beenta ay wadaan argagixisada. Sidoo kale waxaan rabnaa in aan kala dagaallanno ilaha ay ka helaan dhaqaalaha, annagoo hab sharciya u mareyno, dadka Soomaaliyeedna ku qancineynno in aan la aqbaleynin in ay argagixisada dhaqaale siiyaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan. 

Madaxweynaha oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey Taliska Booliska shaqada wanaagsan ay u hayan Qarankooda, isagoo ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka, sharciyadda booliska, hannaanka shaqo ee Taliska Booliska, baahiyaha Ciidamada, caqabadaha ka haysta qalabka ay ku shaqeeyaan iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

“Dowladdu waxaa ahmiyad gaar ah siineysaa horumarinta shuruuc ciidamada dalka si loo helo sharciyo la jaanqaadi kara hababka casriga ah ee ay waqtigan u shaqeeyaan hay’adaha ammaanka ee caalamka, taas oo fududeyneysa xaqiijinta hadafka guud ee ilaalinta amniga dalka. Ciidamada Booliska Soomaaliyeed waxaa laga rabaa in ay hormuud u noqdaan ilaalinta shuruucda ciidamada, dhaqan-gelinta xeerarka guud ee dalka, dhowrista sharafta, karaamada iyo xorriyada muwaadiniinta Soomaaliyeed xilliyada shaqada Qaranka.” 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan gaar ah la qaatay Taliska guud ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Talisyada hoggaannada, Taliyeyaasha ciidamada gaarka ah iyo Taliska qeybta guud ee Booliiska Gobolka Benaadir ayaa ku adkeeyey in ay xoojiyaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka, waxa uuna hoosta ka xariiqay Madaxweynuhu muhiimadda ay dowladdu siineyso qorshaha ku saleysan xoojinta wadashqeynta shacabka iyo hay’adaha dowladda ee ay booliska ugu horreeyaan.

Itoobiya oo soo bandhigtay magacyada 24 saraakiil iyo madax ah oo ay sheegtay inay ka dishay Al-Shabaab

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa soo bandhigtay magacyada 24 sarkaal oo sare oo ay sheegtay inay ku dishay dagaaladii ay dhawaan kooxda Al-Shabaab ku qaaday xuduudda iyo gudaha dalka Itoobiya.

Liiska ay Itoobiya soo badhigtay waxaa kasoo dhex muuqday Fu’aad Maxamed Shangole iyo Cabdicasiis Abuu Muscab oo labaduba soo hadlay, kuwaas oo sheegay inay nool yihiin.

Itoobiya ayaa sheegtay inay guud ahaan dagaalka ku dishay 813 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo ay ku jiraan 24 sarkaal oo ay shaacisay magacyadooda.

Halkaan ka akhriso magacyada saraakiisha Al-shabaab ee Itoobiya ay sheegtay inay dishay.

1- Fu’aad Muxamed Khaliif – Madaxa ololaha iyo dacaayadda Al-Shabaab
2- Cabbdulaziz Abu Muscab – Afhayeenka al-Shabaab
3- Cabdinuur Ciise – Madaxa Aagga Bokool iyo Xuduudka Itoobiya
4- Madaxa Saadka Al-Shabaab ee Koonfur Bari
5- Abuu Muusa- Guddoomiye ku-xigeen
6- Ali Muhammad Hassan – Horjoogaha labaad ee Al-Shabaab
7- Aadam– Taliye ku-xigeenka Al-Shabaab
8- Mukhtaar Gab – Xubin Golaha Dhexe
9- Amiir Cabdullaahi (Maxamed Cabdullaahi) – Madaxa Tababarada Al-Shabaab ee Xerada Morgabe
10- Injineer Jehad Srewan (Mujaahid Faysal) – Madaxa Tababarada iyo Walxaha Qarxa ee Kaamka Bluefly.
11- Sheikh Hussain Berdele – Canshuur aruuriyaha Aagga Bakool
12- Sheekh Hassan Nuuno – Madaxa Ololaha Jebalada Sh/hoose
13- Yaasiin Dheere
14- Saalax Dheere – Madaxa Waxbarashada Al-Shabaab ee Gobolka Baay
15- Abuu Salaam – Aagga Bokool ee ururinta Al-Shabaab
16- Xamzi Cabdllaahi – Madaxa Warfaafinta Aagga Bay
17- Cabdullaahi Xaaji- Taliyaha Ciidanka Milatariga ee Aagga Bokool
18- Mukhtaar Boro
19- Abdurashid Gabo
20- Cabdukiim Gedude
21- Mukhtaar Gaab – Madaxa Ololaha Gobollada
22- Ayuub Daa’uud
23- Cali Aadan
24- Xasan Maxamed

Ma jirto cid xaqiijin karta sheegashada Itoobiya, hase yeeshee wararkii hore uga soo baxay Addis-Ababa ee ku aadanaa madaxda ay ka dileen Al-Shabaab ayaa noqday been, waxaana ugu dambeeyey Fu’aad Shongole iyo Cabdicasiis Abuu Muscab oo labaduba soo hadlay kadib sheegashadii Itoobiya.

Soomaaliya oo si buxuda u taageertay Shiinaha kadib tallaabadii ay qaaday Pelosi

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federalaka Soomaaliya ayaa si buuxda u taageertay siyaasadda “Hal China” xilli xiisad xooggan ay ka dhex qaraxday Mareykanka iyo Shiinaha oo ku aadan jasiiradda Taiwan ee sheegata inay ka go’aday Shiinaha. 

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxay ku celineysa taageeradeeda xooggan ee ku aadan qarannimada, madax-banaanida siyaasadeed, sharafta dhuleed iyo midniamda qaran ee Shiinaha, waxayna ku baaqeysaa in loo hoggaansamo qaraarada QM iyo Midowga Afrika ee quseeya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Waxay intaas ku dartay in dowladda Soomaaliya ay shaaca ka qaadeyso inay ku garab taagan tahay shacabka Shiinaha difaacidda madax-banaanidooda iyo sharaftooda dhuleed, ayna xoojineyso mowqifkeeda ku aaddan “Hal China,” ayada oo u aragta Taiwan qeyb ka mid ah dhulka Shiinaha oo aanu muran ka taagneyn. 

“Soomaaliya waxay xiriir soo jireen ah la leedahay Shiinaha, kaasi oo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah uu ku qeexan yahay siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarka dhinacyada faa’iidada u wada ah, taasi oo ay sii dheer tahay ka wadashaqeynta mowqifyada gobolka iyo kuwa caalamiga ah.”

Qoraalka dowladda Soomaaliya ayaa imanaya ayada oo caro xooggan oo dhanka Beijing ah ay ka dhalatay booqashadii ay afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Peolis ay Arbacadii ku tagtay Taiwan.  

Jimcihii, Wasaaradda Arrimaha Shiinaha ayaa cambaareysay booqashada Pelosi kuna qeexday “ficil xun oo daan-daansi ah,” waxayna sheegtay in safarkeeda uu ka dhigan yahay “Faro-gelin toos ah oo lagu sameeyey arrimaha gudaha Shiinaha.” 

Ka sokow safarka Pelosi, Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa wadaaga in laba gobol oo ka kala tirsan labada dal ay yeesheen iskaashi. 

Taiwan oo ka tirsan Shiinaha iyo Somaliland oo ka mid ah Soomaaliya ayaa sanadkii tegay aas-aastay xiriir diblomaasiyadeed, ayada oo safaarado ka kala furtay Hargeysa iyo Taipei, taasi oo ka careysiisay Muqdisho iyo Beijing.

BF oo shaaca ka qaaday maalinta codka kalsoonida loo qaadayo golaha wasiirada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyey goorta codka kalsoonida loo qaadayo golaha wasiirada cusub ee uu dhowaan magacaabay, ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Xamza Cabdi Barre.

Qoraal ka soo baxay guddoonka baarlamaanka ayaa lagu wargeliyey xildhibaannada in beri oo Axad ah uu jiro kulan-weynaha golaha shacabka oo ka dhacaya Villa Hargeysa.

Xildhibaannada ayaa laga codsaday inay soo xaadiraan kulankaan oo muhiim ah, waxaana ajendaha uu yahay anisixinta golaha wasiirada magacaaban ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa golaha shacabka Soomaaliya hortegi doono ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo marka hore xildhibaannada Soomaaliya weydiisan doono inay meel-mariyaan xukuumadda uu soo dhisay, si ay gudato waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Golaha wasiirada ee magacaaban ayaa maalmihii u dambeeyey waday kulamo xod-xodasho ah oo ay xildhibaannada uga codsanayaan inay meel-mariyaan xukuumadda cusub, taas oo durbo la kulantay dhaleeceyn yga imaaneysa dhinacyo kala duwan iyo maamullada qaar.

Wararka ayaa sheegaya inay u badan tahay in la ansixin doono xukuumadda, maadaama inta badan xildhibaannadu ay taageero u muujiyeen magacaabista golaha wasiirada cusub.

Xukuumadda la soo dhisay ayaa waxaa ka soo muuqday Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansiir) oo ku dhowaad 3 sano u xirnaa dowladdii hore, taas oo dad badan la yaab ku noqotay, waxaana sidoo kale ka dhalatay hadal heyn xoogan oo ku aadan magacaabista Roobow oo loo dhibay xilka wasaaradda diinta iyo awqaafta ee xukuumadda Soomaaliya.

Si kastaba, haddii ay xukuumadda Xamza hesho codka kalsoonida ayaa waxaa horyaalla caqabado fara badan oo ay ugu horreyso wax ka qabashada amniga iyo abaaraha dalka.

XOG: Xiisaddii Puntland oo xal laga gaaray iyo Deni oo dib usoo magacaabaya…

0

Garoowe (Caasmada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in xal buuxa laga gaaray xiisaddii u dhexeysay madaxtooyada Puntland iyo baarlamaanka maamulkaasi, taas oo ka dhalatay magacaabista xubnaha maxkamadda sare.

Kulamo kala duwan oo ay yeesheen labada dhinac ayaa ku soo dhammaaday is afgarad, waxaana heshiis looga gaaray xiisaddii taagneyd, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyey in madaxweyne Saciid Dani loo daayo magacaabista xilka guddoomiyaha maxkamadda sare, wuxuuna markii saddexaad u magacaabayaa Axmed Taaraan, sida ay shaaca ka qaadeen ilo wareedyo aad ugu dhow madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale xildhibaanada ayaa lagu qanciyay inay kala qeybsadaan xubnaha kale ee maxkamadda sare, si meesha looga saaro khilaafka madaxtooyada iyo baarlamaanka.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in maalmaha soo socda la soo saari doono wareegtada magacaabita xubnaha cusub ee maxkamadda sare, ayada oo kadib la horgeyn doono xubnaha golaha wakiilada Puntland oo markan la filayo inay siiyaan codka kalsoonida ah.

Baarlamaanka ayaa horey laba jeer u celiyey xubnaha maxkamadda sare ee uu soo magacaabay madaxweyne Deni, taas oo xiisad ka dhex abuurtay labada xafiis.

Saciid Deni ayaa muddo ku adkeysanayey inuu dhaqan-geliyo wareegtada uu soo saaray, si ay u shaqeeyaan xubnaha u soo magacaabay, balse baarlamaanka ayaa ku gacan-seeray arinaas walow haatan loo ogolaaday inuu dib u soo magacaabo gudoomiye Axmed Taaraan.

Si kastaba, xiisadadani ayaa si weyn u saameysay wada-shaqeynta xukuumadda iyo baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland, taas oo hoos u dhacday, inkastoo haatan is faham buuxa yo heshiis laga gaaray mad-madwogii soo kala dhex-galay labada xafiis.