27.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

BF oo shaaca ka qaaday maalinta codka kalsoonida loo qaadayo golaha wasiirada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyey goorta codka kalsoonida loo qaadayo golaha wasiirada cusub ee uu dhowaan magacaabay, ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Xamza Cabdi Barre.

Qoraal ka soo baxay guddoonka baarlamaanka ayaa lagu wargeliyey xildhibaannada in beri oo Axad ah uu jiro kulan-weynaha golaha shacabka oo ka dhacaya Villa Hargeysa.

Xildhibaannada ayaa laga codsaday inay soo xaadiraan kulankaan oo muhiim ah, waxaana ajendaha uu yahay anisixinta golaha wasiirada magacaaban ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa golaha shacabka Soomaaliya hortegi doono ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo marka hore xildhibaannada Soomaaliya weydiisan doono inay meel-mariyaan xukuumadda uu soo dhisay, si ay gudato waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Golaha wasiirada ee magacaaban ayaa maalmihii u dambeeyey waday kulamo xod-xodasho ah oo ay xildhibaannada uga codsanayaan inay meel-mariyaan xukuumadda cusub, taas oo durbo la kulantay dhaleeceyn yga imaaneysa dhinacyo kala duwan iyo maamullada qaar.

Wararka ayaa sheegaya inay u badan tahay in la ansixin doono xukuumadda, maadaama inta badan xildhibaannadu ay taageero u muujiyeen magacaabista golaha wasiirada cusub.

Xukuumadda la soo dhisay ayaa waxaa ka soo muuqday Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansiir) oo ku dhowaad 3 sano u xirnaa dowladdii hore, taas oo dad badan la yaab ku noqotay, waxaana sidoo kale ka dhalatay hadal heyn xoogan oo ku aadan magacaabista Roobow oo loo dhibay xilka wasaaradda diinta iyo awqaafta ee xukuumadda Soomaaliya.

Si kastaba, haddii ay xukuumadda Xamza hesho codka kalsoonida ayaa waxaa horyaalla caqabado fara badan oo ay ugu horreyso wax ka qabashada amniga iyo abaaraha dalka.

XOG: Xiisaddii Puntland oo xal laga gaaray iyo Deni oo dib usoo magacaabaya…

0

Garoowe (Caasmada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in xal buuxa laga gaaray xiisaddii u dhexeysay madaxtooyada Puntland iyo baarlamaanka maamulkaasi, taas oo ka dhalatay magacaabista xubnaha maxkamadda sare.

Kulamo kala duwan oo ay yeesheen labada dhinac ayaa ku soo dhammaaday is afgarad, waxaana heshiis looga gaaray xiisaddii taagneyd, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyey in madaxweyne Saciid Dani loo daayo magacaabista xilka guddoomiyaha maxkamadda sare, wuxuuna markii saddexaad u magacaabayaa Axmed Taaraan, sida ay shaaca ka qaadeen ilo wareedyo aad ugu dhow madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale xildhibaanada ayaa lagu qanciyay inay kala qeybsadaan xubnaha kale ee maxkamadda sare, si meesha looga saaro khilaafka madaxtooyada iyo baarlamaanka.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in maalmaha soo socda la soo saari doono wareegtada magacaabita xubnaha cusub ee maxkamadda sare, ayada oo kadib la horgeyn doono xubnaha golaha wakiilada Puntland oo markan la filayo inay siiyaan codka kalsoonida ah.

Baarlamaanka ayaa horey laba jeer u celiyey xubnaha maxkamadda sare ee uu soo magacaabay madaxweyne Deni, taas oo xiisad ka dhex abuurtay labada xafiis.

Saciid Deni ayaa muddo ku adkeysanayey inuu dhaqan-geliyo wareegtada uu soo saaray, si ay u shaqeeyaan xubnaha u soo magacaabay, balse baarlamaanka ayaa ku gacan-seeray arinaas walow haatan loo ogolaaday inuu dib u soo magacaabo gudoomiye Axmed Taaraan.

Si kastaba, xiisadadani ayaa si weyn u saameysay wada-shaqeynta xukuumadda iyo baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland, taas oo hoos u dhacday, inkastoo haatan is faham buuxa yo heshiis laga gaaray mad-madwogii soo kala dhex-galay labada xafiis.

Mareykanka iyo Midowga Yurub oo ku dhaqaaqay arrin si weyn uga careysiisay Abiy

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa si xooggan u cambaareysay wakiilada Midowga Yurub iyo Mareykanka oo toddobaadkan booqday gobolka dagaallada ay la degeen ee Tigray, waxayna ku eedeysay inay la safteen mowqifka mucaaradka ee ku aadan wadahadallada nabadda iyo gargaarka.

Wadaxaajoodyada dowladda ra’iisul wasaare Abiy Ahmed iyo kooxda TPLF ayaa la filayaa inay billowdaan, hase yeeshee waxaa jira caqabado ay ka mid yihiin cidda sameyneysa dhexdhexaadinta.

Ergeyka Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer iyo dhiggiisa Midowga Yurub Annette Weber ayaa toddobaadkan boqoday caasimadda Tigray ee Mekelle, si ay u cadaadiyaan in la billaabo wadahadallada ayada oo Midowga Afrika uu taageerayo.

Waxay sidoo kale ku baaqeen in lasoo celiyo adeegyada aasaasiga ah iyo in gobolka iyo gobollada Afar iyo Amhara loo ogolaado inay galaan gargaarka.

Hase yeeshee, Redwan Hussein oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa muujiyey sida ay dowladda “uga niyadjabsan tahay” tallaabada ay qaadeen labada ergey.

“Kooxdan waxay ku guuldarreysteen inay cadaadiyaan ballanqaad cad oo ku aadan wadahadallada nabadeed, balse waxay taas beddelkeeda u dhaqmeen inay qanciyaan oo ay fuliyaan shuruudaha dhinaca kale,” ayuu yiri.

“Marka ay noqoto soo celinta adeegyada aasaasiga ah, rabitaanka dowladda waa la xaqiijiyey, sida lagu fulin karana waa lagu celceliyey oo ah in la abuuro xaalad iyo muuqaal nabadeed iyadoo la billaabayo wadahadallada.”

Gobolka Tigray ayaa waxaa ka jirtay xaalad bani’aadanimo oo darran iyo cuno yari, tan iyo markii uu dagaalka billowday November 2020, waxaana ka go’naa adeegyasada aasaasiga ah sida korontada, isgaarsiinta, ayada adeegga bankiyada uu xadidan yahay.

Bayaan ay soo saareen Talaadadii ayey diblomaasiyiinta Mareykanka iyo Midowga Yurub ku dalbadeen gargaar aan xanibaad lahayn oo la gaarsiiyo gobollada Tigray, Afar iyo Amhara, waxayna ugu baaqeen dowladda inay qaaddan xanibaadda shidaalka iyo lacagta kaashka ah ee saaran gobolka.

Hase yeeshee Redwan ayaa ku gacan sayray baaqa wuxuuna sheegay in arrintaas mar hore wax lag qabtay.

Hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ayaa horey uga digay inay qasab tahay in adeegyada aasaasiga ah lagu soo celiyo Tigray, lana qaado “xayiraadaha” kahor inta aanay wadahadallo billaaban karin.

AFP + VOA

Ma dhabbaa in dhinac kamid ah dhinacaydii isku hayey masjidka Quba Amsterdam ay guuleysteen? (Warbixin)

Waxaa dhowaan soo baxay warar sheegaya in 2-dii dhinac ee isku hayay  maamulka masjid QUBA oo ah masjid ay Soomaalidu leedahay, kuna yaalla bartamaha magaalada Amsterdam ee waddanka Nederland in dhinacii ku haray masjidka ay sheegteen in ay ku guuleysteen dacwadii kala dhexeysay Shiikh Suldaan Gasle oo muddo ka badan 1 sanno masjidka dibed-joog ka ahaa. 

Khilaafkan, oo walaac fara badan ku hayay Soomaalida ku dhaqan Holland & dunidda dacaladeeda, ayaa ahaa mid muddo dheer soo jiitamayay, inkastoo uu bannaanka yimid bishii Maarso ee sannadkii hore markii ciidamo boolis ah oo gudaha u soo galay masjidka ay  amar ku siiyeen iimaamkii & guddoomiyihii maamulka masjidka Shiikh Suldaan Gasle inuu isaga baxo masjidka, waxay arrintaasi ka dambeysay markii labadii xubnood ee ka kala tirsanaa maamulka oo ay wehliyaan dadkii masjidka qaadumka ka ahaa ay isku dhinac noqdeen, Shiikhiina uu keligii dhinac noqday.   

Dad Soomaali ah oo ka gadoodsanaa in Shiikha masjidka bannaanka lagaga saaro ayaa maalinkaasi soo buuxiyay afaafka masjidka, waxayna xoog ku galeen gudaha masjidka, buuqii halkaasi ka dhashay ayaa sababay in boolisku soo gaaraan masjidka.   

Guddi odayaal, waxgarad & culumaa’udiin ah oo fadhigoodu yahay Magaalooyinka Eindhoven & Tilburg oo khilaafka culimada ku soo baxay ayeey labada dhinac aqbaleen in ay u kala dabqaadeen; iyada oo guddigu muddo 4 billood oo ay howsha dhexdhexaadinta ku soo jireen, kaddib ay shir isugu yeereen jaaliyaddaha Soomaalida halkaas oo ay ka caddeeyeen in ay u arkaan in ragga masjidka ku haray ka gar leeyihiin Shiikh Suldaan, hasse ahaatee Shiikh Suldaan ayaa maalmo ka hor kulanka wuxuu shaaciyay inuu guddigaasi kalsoonidii kala laabtay.  

10-kii bisha Febraayo ee sannadkan maxkamad ku taal Magaalada Amsterdam ayaa dhageysatay dacwadii u dhexeeysay saddexdii xubnood oo sharci ahaan ugu qornaa maamulka masjidka, saddexdaas xubnood oo kala ahaa:  

Shiikh Suldaan [Guddoomiye]
Guuleed Wayrax [Lacag-haye]
Abuu-Khadiija] [Xog-hayn] 

Axmed Turjubaan oo ka mid ah shaqsiyaadka ku dhow dhow Shiikh Suldaan Gasle, oo aan la xiriiray ayaa weydiiyay waxa ka jira in Shiikha lagaga guuleystay dacwadda.   

“Nidaamka dalkani waa mid iska daba jiitama. Maxkamad baad marka hore qaadaneysaa ama waa guuleysaneysaa, mar na adigaa lagaa  guuleysanayaa, mar walba waxaa furan racfaan, maxkamada 2-aad waa saddex xaakim, waxaa halkaas ka furan in la isweydiiyo maxaa qaldamay.? Haddii aysan waxba qaldamin qoladii hore ayeey ku raacayaan, haddii ay wax qaldameena way saxayaan.?  racfaan kale ayaa furan oo ah albaabkii ugu dambeeyey. Nederland albaabka ugu horeeya marka aad ku guuleysato, guul ma sheegan kartid.”ayuu yiri Axmed Tarjubaan, wuxuuna intaasi raaciyay in 3 jeer oo hore Shiikhu guuleystay balse aysan sheegin in laga guuleystay. 

“Tan waa guuleysanay ay leeyihiinna, Shiikhu racfaan buu ka qaatay.” ayuu yiri Turjubaan, wuxuuna intaasi sii raaciyay:   

“3 jeer oo guul darro ah ayeey ka qabaan xaga KVK, guushii ugu dambeeysay ee Shiikha la siiyay waxay aheyd bishii July oo lagu soo diiday waxay doonayeen. Guul-darradaasi ma sheegayaan way qarinayeen, maxay u qarinayaan.?” . 

Axmed Turjubaan waxaan weydiiyay waxa ka jira wararka sheegaya in mid ka mid ah ragga masjidka u qidmeeya maxkamadda lagu dacweeyay oo la yiri: wuxuu gacan saar la leeyahay qolyo lagu tilmaamay xag-jir in ay yihiin, arrintaas oo ay si weyn uga caroodeen Soomaalida, wuxuuna ku jawaabay:  

“Taasi wax weyn kama jiraan, waxaan xasuustaa maalmihii uu Shiikh Shibli hadlay ayaa garyaqaankii Shiikhu wuxuu soo arkay in waddaadkaasi waddankan horay lagaga saaray, markaas buu yiri: nimankani waxaa ka dambeeya nin waddanka laga saaray oo xagjir ah, hadalkaasi Shiikhu ma oran ee waxaa yiri Garyaqaankiisii. Shiikh Suldaan marna ma oran qof xagjir ah baa meesha jooga, afkiisa lagama hayo arrintaas  been bay ka sheegayaan Shiikha”  

Wuu sii hadlay Axmed Turjubaan mar kale, wuxuuna sheegay in bini’aadam mar hadduu is qabto qof cabsi ku jirto mooyee dadku waxay doonaan bey sheegi karaan. Dhaqanka Soomaalida ayaa iska ah; qaniinya qaniinyaa kaa fujisa,  in cabsida ALLE loo noqdo waa wanaagsan tahay, Shiikhuna ma aha nin ku degdegaya arrimaha ceynkaas ah.    

Axmed Turjubaan, waxaa kale uu sheegay in Maxkamaduhu badan yihiin, ayna jidka ku soo jiraan kuwa hor leh.  

“Maxkamaduhu way badan yihiin, xaalku ma ahan  waa guuleysanay oo meesha waa lagu kala tegay. 4 ilaa 5 maxkamad ayaa soo socota maxay dadka ugu sheegi doonaan kuwaas na” Ayuu yiri Axmed Turjubaan, isaga oo intasi ku daray in bilaha soo socda oo ay ugu horreeyso Oktoobar in ay maxkamadi jirto. 

Waxaan isku daynay inaan la xiriirno xubnaha masjidka ku haray waana ay inoo suurtageli weysay.  

Mid ka mid ah culumaa’udiinka masjidka ku xiran, ee degan Magaalada Amsterdam oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso ayaa sheegay in ay nasiib darro ku tahay magaca & qiyamka Soomaalida in masjidkii Soomaalidu dhisatay guddigii maamulkiisa loo dhiibay in ay maxkamad isla tagaan, oo ay gaalo u kala qaado.  

“Shiikh Suldaan waa keligii. Soomaalidu waxay tiraa; Wadar & Waaxid yaa waalan.?  Shiikhu, hadduu saxan yahay siddeey ku dhaci kartaa in waddaadkii macalim-ka & iimaamka ahaa 25-ka  sanno la waayo waddaad ama qof soo garab istaaga oo yiraa Shiikha waa laga qaldan yahay.? Anigu waxaan kula talinayaa Shiikh Suldaan inuu maxkamada ka laabto, uuna qaato taladii ay siiyeen culimadii uu ka mid ahaa Shiikh Shibli, ragga masjidka ku haray haddii ay talo qaadanayaan in aysan qaadaneyn waaba cadahaye, waxaan oran lahaa masjidku ma ahan “bedrijf” aad leedihiin, masjidka taladiisa waa inaad ummadda wax kala wadaagtaan, anigu haddaan ALLE ka cabsi u hadlo 30 sanno ayaa deganahay Amsterdam masjidkaasi uma hayo dadka hadda maamulkiisa haya dad ka fiican, ee iyaga ayaa waxa laga doonayaa in ay ummadda kale talada wax ka siiyaan” Ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka Soomaalida oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso. 

Waddaadku, waxa  uu sheegay inuu ku talinayo  in wax kasta oo kale laga hormariyo maslaxada ummaddu ay ku qabaan masjidka. 

Sade vs Kablalax: Maxay salka ku haysaa diidmada Mareexaan ee golaha wasiirada?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa baartiaan ku sameysay sababta ay kuraasta laga siiyey golaha wasiirrada uga cabaneyso Beesha Mareexaan, oo siyaasiyiin u dhashay ay sheegeen in xuquuqdii ay ku lahaayeen xukuumadda aysan ka helin.

Ugu horeyn waxaan ogaanay in beesha Mareexaan ay xukuumadda cusub ka heshay seddax kursi oo kala ah, wasiirka amniga gudaha, wasiir ku xigeen iyo wasiiru dowle.

Sida aan ogaanay, beesha Mareexaan sababta ay cabashada uga keentay kuraasta la siiyey, waxay salka ku heysaa dood iyo sad-bursi ka dhex taagan beelaha Daarood, gaar ahaa saddaxda ugu waaweyn ee kala ah Mareexaan, Majeerteen iyo Ogaadeen.

Mareexaanku waxay ku doodayaan in qoondada Daarood uu ku leeyahay xukuumadda loo qeybsado ‘dhalyo’ tusaale in wax la isugu daro Kablalax oo la isku yiraahdo beelo ay ugu waaweyn yihiin Ogaadeen iyo Majeerteen iyo beesha ‘Sade’ oo ah Mareexaan.

“Dooda uu qabo Mareexaanku waa hadii Kalbalax oo la isku yiraahdo Ogaadeen iyo Majeerteen la siiyey kursigii Ra’iisul Wasaaraha, waa in kursiga wasiirka arrimaha dibadda ee ku soo aaday Daarood, ahna kan ugu sarreeya kuraasta Daarood ay ka heleen golaha wasiirada la siiyo Mareexaan,” sidaas waxaa Caasimada Online u sheegay masuul kasoo jeeda beesha Mareexaan.

“Xaq ma ahan in Kablalax isku darsado ra’iisul wasaare iyo wasiir A ah,” ayey ku doodeen xubnaha aan la hadalnay.

Qoraal ay si wadajir ah shalay u soo saareen labada madaxweyne ku xigeen ee Jubbaland iyo Galmudug oo ka soo jeeda beesha Mareexaan, ayey ku qaadaceen kuraasta ay beeshu ka heshay xukuumadda cusub, iyagoo ku dooday in Mareexaan la duudsiiyey xaqoodii awood qeybsiga kuraasta wasiirrada cusub.

Xog: Saraakiil Itoobiyaan ah oo diyaarad militari Baydhaba uga qaaday Lafta-gareen

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweyanaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa shalay gaaray dalka Itoobiya, kadib kulamo ka dhacay magaalada Baydhaba oo fadhi u ah maamulkiisa, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Saraakiil Itoobiyaan ah, oo uu hoggaaminayey Jeneral Tesfaye Ayalew oo toddobaadkan ku sugnaa Soomaaliya ayaa soo gaaray magaalada Baydhaba, iyagoo kulamo xasaasi ah kula yeeshay Madaxweyane Laftagareen.

Kulamadaas kadib diyaarad militeri ayaa loo soo diray Laftagareen, taas oo Jimcihii ka dejisay magaalada Godey ee gudaha Itoobiya, halkaas oo saraakiil kale iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya uu kulamo kula yeeshay.

Ma cadda waxa rasmiga ah ee looga hadlay kulamada, hase yeeshee maamulka Lafta-gareen ayaa laga soo xigtay inay la xiriiraan amniga xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib markii kooxda Al-Shabaab ay xuduudda gobolka Bakool ka weerareen Itoobiya.

Isku soo dhowaanshahaan ay muujinayaan Laftagareen iyo Itoobiya wuxuu ku soo aadayaa iyadoo uusan wanaagsaneyn xiriirka hoggaanka Itoobiya iyo dowladda Soomaaliya, tan iyo markii uu xafiiska yimid madaxweyne Xasan Sheekh.

Lafta-gareen ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inuusan ku faraxsaneyn in dowladda Soomaaliya ay wasiir u magacowday Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur, sidoo kalena uu wajahayo cadaadis kaga imanaya siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanka oo isbaheysi kaga dhwoaaqay Muqdisho.

Sidoo kale kulamadaan ay Itoobiya la yeelaneyso Madaxweyanaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxay ku soo aadayaan xilli kooxda Al-Shabaab ay ka dagaalameyso gudaha Itoobiya.

Dagaalka Al-Shabaab iyo Itoobiya ayaa saameyn weyn ku leh xuduuda labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, waxayna taasi ka mid tahay sababaha kalifay kulamadaan ay Itoobiyaanku ugu yeereen Lagtagareen.

Xurguf siyaasadeed oo salka ku heysa isbedalkii hoggaamineed ee dalka ka dhacay ayaa Laftagareen kala dhaxeysa madaxda dowladda federaalka, maadaama uu xusul duub adag ugu jiray intii ay socdeen doorashooyinku, sidii uu xukunka ugu soo celi lahaa Madaxweynihii laga guuleystay Farmaajo.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa walwal badan ka qaba xubnaha maamulka uu hoggaamiyo ku metelaya xukuumadda cusub, kuwaas oo ay ugu horeeyaan Mukhtaar Roobow oo ku dhowaad afar sano Muqdisho ugu xiraa siyaasiyiin uu Laftagareen ku jiro iyo wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed oo doorashadii baarlamaanka uu ka reebay.

Taliska ciidamada DDS oo shaaca ka qaaday inay 800 ka dileen Al-SHABAAB

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Taliska ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida ayaa faahfaahin cusub ka bixiyey dagaalladii u dhexeeyey ciidamada Liyuu Boolis iyo Al-Shabaab ee maalmihii la soo dhaafay ka socday deegaanno ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Taliyaha ciidanka gaarka ah ee dowlad deegaanka Soomaalida General Maxamed Axmed oo markii ugu horreysay warbaahinta macluumaad dheeri ah ka siiyey dagaalladaasi ayaa ka warbixiyey inta uu la egyahay khasaaraha rasmiga ah ee ay gaarsiiyeen Al-Shabaab.

General Maxamed Axmed ayaa shaaca ka qaaday inay kooxda Al-Shabaab ka dileen illaa 813 xubnood oo ay ku jiraan 24 hoggaamiye, sida uu hadalka u dhigay,

“Khasaaraha gaaray 813 nin ayaan tirinay meydadkooda, waxaana ku jiray 24 hoggaamiye oo uu horey lacago u dul-dhigay Mareykanka,” ayuu yiri taliyuhu.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhaawaca uu gaarayo illaa 340, kuwaas oo uu tilmaamay inay ka ogaadeen deegaanadii la geeyey dhaawacyadaasi.

“Illaa 340 dhaawaca meelihii ay geeyeen ayaan xogtooda ka helnay,” ayuu markale yiri taliyaha ciidanka gaarka ah ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Maxamed Axmed oo sii hadlaya ayaa sidoo kale ku faanay inay nolosha ku qabteen ku dhowaad 100 xubnood oo ka tirsan xoogagii weerarka ku qaaday dowlad deegaanka

“92 nin oo Al-Shabaab ah oo nool ayaan gacanta ku heynaa,” ayuu sii raaciyey Taliyaha ciidanka gaarka ah ee dowlada deegaanka Soomaalida.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo horey dowladda Itoobiya ay u shaacisay in ay dishay hoggaamiyeyaal sar-sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kadib dagaalladii ka dhacay deegaanada dhaca xadka, balse waxaa goor dambe soo hadlay Fu’aad Shongole iyo Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo ka mid ahaa xubnaha ay sheegatay inay dishay Itoobiya.

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada dalka Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Musharixiinta ugu cadcad doorashada madaxweynaha dalka Kenya ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah ay galaan dadaalkoodii ugu dambeeyay ee ololaha doorashada, iyadoo bilihii lasoo dhaafay ay socdeen olole xamaasad oo loogu diyaargaroobayay doorashada 9-ka bishan Ogosto.

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto iyo Raila Odinga oo ah hoggaamiye mucaarid ah oo ruug-caddaa ah, haddana taageero ka helaya xisbiga talada haya ayaa u halgamaya sidii ay u heli lahaayeen fursad ay ku hoggaamiyaan quwadda Bariga Afrika oo la daalaa dhaceysa dhibaato xagga nolosha ah.

Doorashooyinkii hore ayaa waxaa hareeyay rabshado, waxaana ay wali mugdiga sii gelinayaan Kenya, halkaas oo 22.1 milyan oo codbixiyeyaal ah ay hadda dooran doonaan madaxweynaha soo socda iyo sidoo kale Senetarada, gudoomiyeyaasha gobollada, xildhibaannada, wakiillada haweenka iyo ilaa 1,500 oo mas’uuliyiin ka tirsan maamul goboleedyada.

Hardanka musharraxiinta ayaa la isku adeegsaday sumcad xumeyn, weerarro afka ah, eedeymo la xiriira wax isdaba marin, iyo abaal-marinno la siinayey taageerayaashooda, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen dallado, raashin iyo lacag si ay uga qeyb galaan isu soo baxyada.

Murashixiinta ugu waaweyn doorashada oo bilihii la soo dhaafay socdaallo kusoo maray dalka oo dhan, ayaa waxay ololahooda ugu dambeeya ku qaban doonaan caasimadda Nairobi, iyadoo Ruto oo 55 jir ah uu ka hadlayo garoonka Nyayo National Stadium oo 30,000 taageereyaashiisa ah soo xaadiri doonaan, halka Odinga oo 77 jir ah uu la hadlay dad isugu soo baxay Kasarani oo ah garoon qaadi kara 60,000.

Loolanka adag ee doorashada waxaa sii huriyay wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in Kenya ay markii ugu horeysay ka dhici karto doorasho aan cidina ku guuleysan wareegga hore, isla markaana lagu celin doono, iyadoo dad badani ay ka walaacsan yihiin in caqabad kasta oo natiijada doorashada ay horseedi karto rabshado ka dillaaca dalka.

Ruto, oo ah ganacsade taajir ah, ayaa muddo dheer la filayey inuu noqon doono beddelka madaxweyne Uhuru Kenyatta, balse waxa uu ku guuldarreystay taageerada madaxweynihiisa – oo aan mar kale isa soo sharixi karin – oo ku biiray Odinga oo muddo dheer la tartamayay,

Wixii markaas ka dambeeyay, Ruto waxa uu isu ekeysiiyay inuu yahay “Nin go’aansaday inuu guuleysanayo, isaga oo bar-tilmaameedsanaya “qoysaska” Kenya maamula – taasoo tixraac u ah qoysaska Kenyatta iyo Odinga, oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyay iyo madaxweyne ku-xigeenka ee Kenya.

Waxa uu ballan qaaday in uu ka abuuri doono dhaqaale “hoose laga soo dhisay” dalka 10-kii qofba saddex ka mid ah ay ku nool yihiin wax ka yar $1.90 maalintii, sida uu sheegay Bangiga Adduunka.

Odinga ayaa dhanka kale la dagaalanka musuq maasuqa ka dhigay udub dhexaad muhiim u ah ololihiisa, waxa uuna farta ku goday musharaxa Ruto usoo xushay madaxweyne ku xigeenka inuu ku furanyahay kiis musuq maasuq ah.

Doorashadan ayaa bog cusub u furaysa taariikhda Kenya, iyadoo aysan jirin musharrax ka tirsan qabiilka ugu badan Kenya ee Kikuyu, kuwaasoo soo saaray saddex ka mid ah afarta madaxweyne ee dalkaas.

VOA + AFP.

Al-Shabaab oo sheegasho xooggan kasoo saartay weerarkii xerada GORGOR

Jawiil (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar loo adeegsaday gaari xamuul ah oo laga buuxiyey qaraxyo oo shalay lagu qaaday xero ciidamada Gorgor ay leeyihiin oo ku taalla deegaanka Kalabeyr ee gobolka Hiiraan.

Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in weerarka uu ahaa howlgal is-miidaamin ah oo qorsheysan oo lagu beegsaday ciidamo duullaan ku ahaa kooxda, sida ay hadalka u dhigtay.

Waxay intaas ku dartay inay weerarka ku dishay 19 askari, kuna dhaawacday 23 kale. Si madax banana looma xaqiijin karo sheegashada Al-Shabaab.

“Mujaahid Istish-haadi ah ayaa beegsaday ciidamo kamid ah kuwa ay cadawgu usoo carbiyeen la dagaalanka ku dhaqanka shareecada Islaamka ee dalkan Soomaaliya. Dhimashadu waa 19 askari, dhaawucuna waa 23 kale,” Sidaas waxaa yiri Sheekh Cabdicasiis Abu Musca boo ah afhayeenka ciidamada Al-Shabaab.

Abu Muscab ayaa intaas ku daray in dhimashada iyo dhaawaca ay ku jiraan saraakiishii hogaaminaysay ciidamada.

“Taliyihii hogaaminayay ciidamadaas goobta ayuu ku dhintay, 3 sarkaal oo kale iyaguna dhimashada ayay ku jiraan,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidanka xoogga dalka ay fashilyeen gaariga xamuulka kahor inta aanu gudaha u galin xerada.

“Labo askari ayaa ku dhintay sidoo kale waxaa ku dhaawacmay saddex kale, Sidoo kale ciidamada ayaa ku raad joogo laba dhagar-qabe oo la sheegay in guduha magaalada ay uga degeen gaariga,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Xildhibaan Yaasiin Farey oo jawaab culus soo saaray kadib qoraalkii kasoo baxay xildhibaanada Mareexaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Yaasiin Farey oo Agaasime ku meel gaar ah ka soo noqday hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa markii u horeysay ka hadlay mucaaradad nooc cusub ah oo ku bilaabatay xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Waxa uu sheegay in dowladnimada Soomaaliya marnaba aysan dhicin in lagu mucaarado qaab qabiileysan oo weliba jufeysan, ayna tahay taariikh cusub waxa socda.

“Shalay ma dhicin beel mutaxan, in dowladnimada looga soo horjeesto qaab qabiileysan waa taariikh cusub, iyadoo Xildhibaano labada gole oo isku jufo ah iyo siyaasiyiintii ay si aan gambasho laheyn usoo saarayaan bayaan Diidmo dowladnimada curdunka ah ee Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Xildhibaan Yaasiin ayaa sidoo kale waxa uu soo jeediyay in aad looga fikiro shirarka ay ku baaqayaan siyaasiyiinta isku beesha ah.

“Mustaqbalka waxa ay ku tahay Walaalaha howshaa ku howlan bartilmaqmeed hadaf la’aan ah soona afjaraya hamigooda siyaasadeed ee xulufeysiga, hankooda wadaninimo iyo is aaminaada bulsho ee kala dhaxeysa beelaha iyo qowmiyadaha Soomaaliyeed.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ku yiri qoraalkiisa “Waxay lamid yihiin siyaasiyiintii Soomaaliyeed ee 2017-kii lasoo shir tegay “No More” Xagee ku dambeeyeen? Maxay ka dhaxleen? “War hooy dunida yaan lagu kibrine’ nabad ha loo daayo.”

Hadalka Yaasiin Farey ayaa imanaya saacado kadib markii Xildhibaanada labada gole ee ku metala beesha Mareexaan-Sade ayaa shaaciyeeen inay gebi ahaanba qaadaceen Golaha Wasiirada cusub ee dhawaan uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Xildhibaanada SADE ayaa sidoo kale taageero u muujiyay shirka wad-tashiga ah ee ay shalay ku dhawaaqeen madaxweyne ku-xigeenada Jubbaland iyo Galmudug.

Xog: Maxaa ka soo kordhay kulamada wasiirada iyo xildhibaanada beelahooda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyey sii xoogeystay kulamada golaha magacaaban ee wasiirrada Soomaaliya ay la yeelanayaan xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka, si ay u weydiistaan codkooda kalsoonida.

Wasiirrada ayaa beel – beel ula kulmaya xildhibaanada, si wasiir kasta uu xubnaha beeshiisa ku metela baarlamaanka uu ugu qanciyo inay ansixiyaan xukuumadda cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamza Barre.

Waxaa jira guux xoog leh oo ka dhan ah hanaanka loo soo xulay wasiirrada cusub, inta badan beelaha Daarood ayaa muujinaya cabashada ugu xooggan, gaar ahaan Mareexaan, Majeerteen, Carab Saalax iyo kuwo kale.

Wasiirka, wasiir ku xigeenka iyo wasiiru dowlaha magacaaban ee beesha Mareexaan ayaa maanta la kulmay Xildhibaannada iyo Senatarada ku metela baarlamaamka, waxaana la sheegay in la isku afgartay in wasiirrada codka kalsoonida la siiyo, wixii xuquuq ah oo beesha ka maqana wadahadal lagu raadiyo.

Go’aankaan wuxuu imaanayaa iyadoo shalay qoraal wadajir ah ay soo saareen labada madaxweyne ku xigeen ee Jubbaland iyo Galmudug oo ka soo jeeda beesha Mareexaan, kuwaas oo qaadacay kuraasta ay beeshu ka heshay xukuumadda cusub.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku xigeenka magacaaban, xubnaha wasiirrada, ku xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha ka soo jeeda Somaliland ayaa muujiyey inay heleen taageerada xildhibaannada ku matala baarlamaanka, kadib kulamo ay Muqdisho kula yeesheen.

Dhankooda xildhibaannada beelaha 5-aad ayaa cadeeyey inay taageeri doonaan ansixinta wasiirrada magacaaban, kadib kulamo xasaasi oo Muqdisho ka dhacay saacadihii lasoo dhaafay.

Wasiirrada magacaaban ee beelaha Hawiye ayaa sidoo kale maanta ka hadlay kulamo ay la yeesheen xildhibaanada iyo waxgaradka beesha, iyagoo cadeeyey inay heleen kalsoonida beelahooda.

Markii laga soo tago wasiirradii hadlay oo ay ka mid ahaayeen Axmed Macalin Fiqi iyo Maxamuud Beena-beene, xildhibaanadii kulankaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Sanetor Yuusuf Dhegey Ugaas, waxayna cadeeyeen inay ka Hawiye ahaan hormuud u noqa doonaan ololaha ansixinta xukuumadaan.

Wasiirrada Majeerteen iyo qaar ka mid ah beelaha Digil iyo Mirif ayaa ayaguna soo bandhigay kulamo ay la yeesheen xildhibaanadooda, iyagoo cadeeyey inay heleen kalsoonida xubnaha ku metela baarlamaanka.

Illaa hadda lama cadeyn maalinta golaha wasiirada laga hor geynayo baarlamaanka, balse waxaa la qorsheeyey in todobaadkaan berri bilaabanaya aysan la dhaafin, sida aan xogta ku helnay.

Booliska oo shaaciyey xogta QARAXYADII maanta laga maqlay Muqdisho (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin kooban ka bixiyey qarax galabta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka isgoyska Taleex ee degmada Hodan.

Taliye ku xigeenka qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir Cali Dhuux Mahad-Alle oo warbaahinta kula hadlay goobtii ka dhacay qaraxaas ayaa sheegay inay fashiliyeen rag hubeysan oo watay Mooto Bajaaj.

Sarkaalkaan ayaa sheegay in ragga watay Mootada aan weli la ogaan tiradooda oo qaraxii ay wateen ay ku bas-beeleen, sidoo kale wuxuu sheegay in ayagu ay is qarxiyeen, markey ogaadeen in booliska aysan ka baxsa karin.

Sidoo kale taliyuhu wuxuu sheegay in ninkii waday Mootada oo kaliya uu ka badbaaday qaraxa, kaas oo hadda ay gacanta ku hayaan, isagoo dhaawac fudud ah, sida uu sheegay Taliye Cali Dhuux.

Ragga ku gubtay mootada qaraxday wuxuu sheegay taliyuhu inay wateen afar qori oo AK47 ah iyo bambaanooyin aad u badan, kuwaas oo qaar ay isku qarxiyeen, qaarna ay dib ka qarxiyeen.

“Bajaajta intii qof ee saarneed way gubteen, waxaan heynaa kaliya ninkii waday Mootada oo dhaawac fudud ah, intii kale wey gubteen oo waa is qarxiyeen, afar qori iyo waxyaabo kale oo aan qarxinay ayey wateen,” ayuu yiri Taliye ku xigeenka booliska gobolka Banaadir.

Sidoo kale sarkaalkaan wuxuu warbaahinta u sheegay in wax khasaare ah uusan gaarin dadkii shacabka ahaa ee goobta ka ag-dhowaa.

Hoos ka daawo

Baabuur xamuul ah oo lagu qarxiyey saldhig ay ciidanka GORGOR ku sugnaayeen

0

Jawiil (Caasimada Online) – Qarax loo adeegsaday gaari xamuul ayaa waxyar ka dib salaaddii Jimcaha maanta lagu weeraray saldhig ay si ku meel gaar ah u degan yahiin ciidamada Gargor oo ku yaalla degmada Jawiil ee waqooyiga magaalada Baledweyne.

Gudoomiyaha degmada Jawiil Cabdulqaadir Cabdi Cabdullaahi, ayaa sheegay in gaariga uu ku qarxay iridda hore ee xerada, wuxuuna intaas ku daray tiro koobka iyo faahfaahinta waxyeellada qaraxa ay dib kasoo sheegi doonaan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ku sugnaa saldhigga ay rasaas xooggan ku fureen gaariga xamuulka ah kahor inta uusan qarxin.

Ciidamadan maanta qaraxa lagu weeraray ayaa ujeedada loo geeyay degaankaas waxay tahay in ay qeyb ka qaataan gulufka lagu doonayo in Al-Shabaab lagaga saaro degaano xuduudda u dhow oo bilahii ugu dambeyay in dhaqdhaqaaqyo ka wadeen.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa, waxayna sheegtay inay ku beegsatay “maleeshiyo loo abaabulayey inay la dagaalamaan” Al-Shabaab.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay dhimashada ugu yaraan hal sarkaal oo ku dhintay weerarka.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegatay inay “khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac” ay gaarsiisay ciidanka xerada ku sugan, balse ma aysan faah-faahinta inta uu le’eg yahay.

Goobta maanta uu qaraxa ka dhacay ayaa ilaa 20 KM u jirta xadka Soomaaliya iyo Ethiopia

Xildhibaanada Mareexaan ee BF oo soo saaray mowqfi ku aadan golaha wasiirada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada gole ee ku metala beesha Mareexaan-Sade ayaa markii u horeysay shaaciyay inay gebi ahaanba qaadaceen Golaha Wasiirada cusub ee dhawaan uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Qoraal ay si wada-jir ah u soo saareen Xildhibaanada SADE ayaa waxaa lagu sheegay in lagu xad-gudbay awood qaybsiga beesha Daarood habkii soo jireenka ahaa ee awood qaybsiga dhexdooda taasi oo xad-gudubkeedu u muuqdo quursi iyo gaf aan la qaadan karin.

“Xildhibaanada labada gole ee Beesha Mareexaan-Sade, waxay si buuxda u garwaaqsadeen in hanaanka lagu dhisay xukuumadda federaalka Soomaaliya uu yahay mid abaal marsan dastuurka dalka iyo hanaanka awood qeybsiga habka beelaha 4.5 ay Soomaalidu ku heshiisay,” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka “Xildhibaanada labada gole waxay dareen mideysan kusoo jeedinayaan in masuuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya ay dib u saxid ku sameeyaan hanaanka awood qaybsiga beelaha dhexdooda si shacabka Soomaaliyeed u helaan xukuumad dheelitiran oo ay ku wada qanacsan yihiin.”

Xildhibaanada ayaa waxay ugu baaqeen masuuliyiinta dowladda federaalka iyo xubnaha labada gole in laga fogaa meelna looga soo wada-jeesto waxkasta oo cadaalad darro ah oo halis ku keeni kara geedi socodka dowladnimada Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina waxaa war-saxaafadeedka Xildhibaanada SADE lagu taageeray shirka wad-tashiga ah ee ay shalay ku dhawaaqeen madaxweyne ku-xigeenada Jubbaland iyo Galmudug.

JUBALAND oo caddeysay mowqifkeeda ku aaddan golaha wasiirada cusub

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa caddeeyay mowqifkooda ku aadan xukuumada cusub ee Soomaaliya ee uu magacaabay Ra’isul Wasaare Xamze Cabdi Barre, waxaana uu sheegay inay taageersan yihiin xukuumadda cusub,.

Madaxweyne ku-xigeenka 2-aad ee Maamulka Jubaland Cabduqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere) ayaa sheegay inay si buuxda u tageerayaan Xukuumadda Cusub, isaga oo ugu baaqay Golaha Shacabka inay ansixiyaan Golaha Wasiirada cusub.

“Jubbaland ayaa caddeeysay mowqifkeeda ku aadan xukuumada cusub ee Soomaaliya ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre. Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa sheegay in Jubbaland ay taageersan tahay xukuumadda cusub, islamakraana ay ku boorrineyso baarlamaanka inuu ansixiyo” ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Jubbaland.

Wuxuu sidoo kale ka codsaday Shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan Golaha Wasiirada Ra’iisul Wasaare Xamse una baahan yihiin in horay loo socdo.

Qoraalkaan ayaa daba socda Warqad kasoo baxday kulan Muuqaalka Fogaan-aragga ku yeesheen Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee maamul goboleedka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan iyo madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ku qaadaceen hab qaybsiga beelaha ee lagu saleeyay Xukuumadda magacaaban.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayay u badan tahay in berri (6da August 2022) uu hor geeyo Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad Jamhuuriyadda Federaalka si uu codka kalsoonida uga helo.

Dowladda Kenya oo fulisay qodob ka mid ah heshiiskii ay la gashay Xasan Sheekh

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa fulisay qodob kamid ah heshiiskii ay dhawaan la saxiixatay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheeh Maxamuud.

Qodobka ay fulisay Kenya ayaa la ah in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee haysta baasaboorada Diplomatic iyo Service ay hadda kadib Visa-ha Kenya ka qaadan doonaan gudaha garoonka diyaaradaha (On Arrival).

Warqad kasoo baxday hey’adda duulista rayidka ee dowladda Kenya ayaa diyaaradaha lagu amray inay la socdaan in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee haysta Diplomatic ama warqad ka haysta wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya inay soo qaadi karaan maadaama loo ogolaaday inay VISA-ha ka qaataan gudaha garoonka.

Tallaabada ay qaaday dowladda Kenya ayaa kusoo aadeysa xilli dowladda Soomaaliya ay fulisay heshiiskii ay Kenya la gashay ee ahaa in dib loo fasaxo ganacsiga qaadka.

Dalka Kenya ayaa waxaa si maalin leh ah ugu safro muwaadiniin badan oo Soomaali ah waana meesha ugu badan oo ay u safraan dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib usoo celiyey xiriirka Soomaaliya iyo Kenya kadib muddo 5 sano ah oo uu xumaa xilligaas oo uu dalka madaxweyne ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Halkaan hoose ka akhriso warqadda kasoo baxday Kenya

 

Xog: Xasan Sheekh oo safar kale oo dibadeed u baxaya toddobaadka soo socda

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu toddobaadka soo socdo booqasho rasmi ah ku tago dalka Uganda, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia u xaqiijiyeen Caasimada Online. 

Inkasta oo weli aan la shaacin maalinta rasmiga ah, haddana booqashada madaxweynaha ayaa ku beegan kadib marka la ansixiyo golaha wasiirada, oo la filayo in xildhibaanada golaha shacabka la horgeeyo maalinta Sabtida ah.

Booqashada uu Xasan Shekeh ku tegayo Uganda ayaa ah mid rasmi ah, wuxuuna casuumad ka helay dhiggiisa dalkaas Yoweri Museveni, sida ay ilo-wareedyada noo xaqiijiyeen. 

Labada madaxweyne ayaa ka wada-hadli arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal, amniga Soomaaliya oo ay joogaan kumanaan ciidan oo ka socda Uganada iyo qodobo kale oo muhiim. Madaxweynaha ayaa sidoo kale Kampala kula kulmi doona Jaaliyadda Soomaaliyeed. 

Uganda ayaa noqon doonto dalkii 8-aad ee uu booqdo madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo markii la doortay 15 May kadib Imaaraadka, Turkiga, Eritrea, Kenya, Jabuuti, Tanzania iyo Masar. 

Dhammaan dalalkaas ayaa muhiim u ah Soomaaliya, waxana isugu jiraan kuwo deris la ah sida Kenya, kuwa ay Soomaaliya ciidamada ka joogaan iyo kuwa xiriir taariikhi ah oo ganacsi ama diblomaasi la leh Soomaaliya, waxayna Uganda qeyb kasoo galeysaa muhiimaddaas.  

Xasan Sheekh ayaa hal ku dhigga dowladdiisa ka dhigtay “Soomaali heshiis ah, dunida na heshiis la ah” inkasta oo dadka qaar ay ku dhaliilaan inuu xoogga saaray dunida, oo uu hilmaamay Soomaalidii.  

Madaxweyne ku-xigeenada laba maamul goboleed oo mucaaraday golaha wasiirada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa si wadajir ah u qaadacay Golaha Wasiirada cusub ee uu dhawaan magacaabay Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre.

Warsaxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen Madaxweyne ku xigeennada Maamulada Jubbaland iyo Galmudug ayaa waxaa ay ku sheegeen in kulan gaar ah oo ay ku yeesheen aalada fogaan araga ay kaga tashadeen aayaha beesha ay kasoo jeedaan ee degta degaannada Jubbaland, Galmudug, Itoobiya iyo Gobolka Banaadir.

Waxaa ay sheegeen in xukuumadda cusub ee uu soo dhisay ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre loogu xadgudbay awood qeybsiga Beelaha Daarood, isla markaana ay qaateen go’aan ah inay midoobaan ayna tashadaan.

Sidoo kale labada Madaxweyne kuxigeen waxaa ay ku baaqeen in la isugu yimaado shir ay uga tashanayaan caqaabdaha horyaalla iyo quursi ay sheegeen in lagu sameeyay Beeshooda.

Ugu dambeyn shirka ayaa ay ku casuumeen labada Golle ee Baarlamaanka, Xukuumadda, labada dowlad goboleed, Odayaasha Dhaqanka iyo siyaasiyiinta Beeshooda, isla markaana ay si deg deg ah ku magacaabi doonaan guddi isku-dhaf ah oo ka soo shaqeeya xilliga uu dhacayo shirka iyo halka lagu qabanayo.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka ay soo saareen

 

 

Sawirro: 24 baabuur dagaal oo Mareykanku ku deeqay oo la keenay Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay ugu deeqday hawlgalka nabad ilaalinta Midawga Afrika ee Soomaaliya ee loosoo gaabiyo ATMIS illaa 24 gaari oo ah kuwa gaashaaman.

Waxaa deeqdan gaadiidka ahi ay ku soo beegmaysaa saddex bilood un kadib, weerarkii ugu dhimashada badnaa ee muddo sannado ah lagu qaado hawlgalka ATMIS ee taageerada ka hela Mareykanka.

Wareejintan oo ay goobjoog ka ahaayeen safiirka dalka Mareykanka u jooga Soomaaliya Larry Andrè iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS ayaa shalay oo Khamiis ah ka dhacday magaalada Muqdisho.

Gaadiidkan dagaalka ee loogu deeqay hawlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya ayaa la rajaynayaa inay kor u qaaddo awoodda ay u leeyihiin la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

Gaadiidkan gaarka ah ee Maraykanku ku deeqay, waxaa isticmaali doona ciidamada dalka Djibouti ee ka hawlgala magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Danjiraha Maraykanka u jooga Soomaaliya Larry Andre ayaa sheegay in gaadiidkan ay wareejiyeen uu awood u leeyahay inuu iska difaaco miinooyinka waddada hareeraheeda lagu aaso.

“Sida aan u muujinayno taageeradayada, waxaa ka mid ah, inaan ku taageernay hawlgalka nabad ilaalinta Midawga Afrika ee Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada Djibouti, gaadiidkan oo ka caawina inaanay waxyeello soo gaadhin marka ay ku safrayaan waddooyinka, taasoo marar kala duwan waddahada hareeraheeda lagu aaso miinooyin halis ah oo waxyeello soo gaarsiinaya dhinacyada u yimi inay Soomaaliya caawiyaan,” ayuu yiri danjiruhu.

Sarkaal sare oo ka tirsan Midowga Afrika oo lagu magcaabo Fiona Lortan ayaa sheegtay in qalabka milaterigu uu soo gaaray waqti ku habboon, iyadoo howlgalka uu dib u habeyn ku sameynayo ciidamadooda iyo qalabkooda.

Hoos ka daawo sawirrada

Xukuumadda cusub: Xasan iyo R/W Xamza oo isku dayey inay laba arrin isku helaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Talaadadii August 2, 2022 ku dhowaaqay gole ka kooban 26 wasiiro, 24 wasiir dowlo, iyo 25 wasiir ku xigeen. Golaha Wasiiradda ee 75ta xubnood ah oo loogu magacdaray “Dan Qaran,” ayaa laga filayaa inuu isbeddel wax ku ool ah la yimaad muddo xilhaynta labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Soomaaliya waxay yeelatay markii ugu horreysay Wasiirka Bay’adda iyo Isbddelka Cimiladda, iyadoo Wasaaradda Dastuurka lagu daray tan Caddaaladda, tii Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinkana la baabi’iyay.

Guud ahaan xulashada golaha waxuu ku salaysan yahay habka awood qaybsiga 4.5, waxaase xubnaha ka mid ah siyaasiyiin ka tirsanaa xilhayntii hore ee madaxweynaha iyo kuwo kasoo shaqeeyay xukuumadihii dalka soo maray. Taasi waxay ka dhigan tahay in laga dhega adaygay dalabaadkii dadweynaha ee ahaa “xubno ka duwan kuwii xilhayntiisii hore.”

Goluhu waxuu ka tira badan yahay kii Xasan Cali Khayre oo ahaa 67 xubnood, kamana muuqdaan xubno “technocrat” ah oo wax ku ool ah, marka laga reebo dhowr wasaaradood. Wixii ka dambayay dib u doorashadiisii, Xasan Sheekh waxuu inta badan ka maqnaa masraxa siyaasadda gudaha isagoo ku mashquulay diblomaasiyad “Xiinta ah”.

Dhanka kale, u magacaabida Muqtar Roobow Cali (Abuu Mansuur) Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa muujinaysaa in Xasan Sheekh uu madaxa ku hayo inuu horta ku wiiqo Al shabaab dagaalka – qoriga iyo caqiidada, inta uusan la fariisan.

Abuu Mansuur oo u qaabilsanaa xoogagga Al Shabaab gobollada Bay iyo Bakool ayaa isu dhiibay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed August 8, 2017, kaddib markii uu ka soo baxsaday 2013kii hoggaanka qallafsan ee ururka. Magaciisa wuxuu addunweynahaba ku faafay markii 2012kii uu Maraykanka ku biiriyay liiska argaggaxisada lana dul dhigay 5 milyan doolar.

Roobow, oo si wanaagsan u yaqaan caqiidada xagjirka ah, ayaa la filayaa inuu fududayn karo in kuwa xil ka haya ay kasoo baxaan, taasoo horseedi karta in dhallinyarada aysan ku biirin. Muddo shan sanadood ah ayuu keligii waabinayay dhagarqabayaasha inta aan la xirin December 2018.

Si kastaba ha ahaatee, fallanqeeyeyaasha siyaasadda ayaa rumaysan in xubnaha laga soo xushay maamul-goboleedyada, gaar ahaan Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay u badan yihiin kuwo mucaaradsan maamullada deeggaanadaas. Taas waxay ka dhigan tahay in xukuumadda aysan ka badbaadi doonin dagaal siyaasadeed.

Inkastoo, dhismo xukuumad cusub uu yahay had iyo jeer layli adag, haddana waxaa muuqata in Xasan iyo Xamsa diiradda saareen sidii layskugu heli lahaa wasiiro karti iyo khibrad baarlamaan isku leh si ay u hirgeliyaan ballanqaadyadii dib u doorashada.

Haseyeeshee, hirgelinta ajande siyaasadeed oo hammi leh kuma filna qancinta saaxiibada, balse waxuu u baahan yahay in xukuumadu u qalabaysan tahay tanaasulo siyaasadeed oo fududeya in dalka si habsami leh loo maamulo