27.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Xukuumadda cusub: Xasan iyo R/W Xamza oo isku dayey inay laba arrin isku helaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Talaadadii August 2, 2022 ku dhowaaqay gole ka kooban 26 wasiiro, 24 wasiir dowlo, iyo 25 wasiir ku xigeen. Golaha Wasiiradda ee 75ta xubnood ah oo loogu magacdaray “Dan Qaran,” ayaa laga filayaa inuu isbeddel wax ku ool ah la yimaad muddo xilhaynta labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Soomaaliya waxay yeelatay markii ugu horreysay Wasiirka Bay’adda iyo Isbddelka Cimiladda, iyadoo Wasaaradda Dastuurka lagu daray tan Caddaaladda, tii Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinkana la baabi’iyay.

Guud ahaan xulashada golaha waxuu ku salaysan yahay habka awood qaybsiga 4.5, waxaase xubnaha ka mid ah siyaasiyiin ka tirsanaa xilhayntii hore ee madaxweynaha iyo kuwo kasoo shaqeeyay xukuumadihii dalka soo maray. Taasi waxay ka dhigan tahay in laga dhega adaygay dalabaadkii dadweynaha ee ahaa “xubno ka duwan kuwii xilhayntiisii hore.”

Goluhu waxuu ka tira badan yahay kii Xasan Cali Khayre oo ahaa 67 xubnood, kamana muuqdaan xubno “technocrat” ah oo wax ku ool ah, marka laga reebo dhowr wasaaradood. Wixii ka dambayay dib u doorashadiisii, Xasan Sheekh waxuu inta badan ka maqnaa masraxa siyaasadda gudaha isagoo ku mashquulay diblomaasiyad “Xiinta ah”.

Dhanka kale, u magacaabida Muqtar Roobow Cali (Abuu Mansuur) Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa muujinaysaa in Xasan Sheekh uu madaxa ku hayo inuu horta ku wiiqo Al shabaab dagaalka – qoriga iyo caqiidada, inta uusan la fariisan.

Abuu Mansuur oo u qaabilsanaa xoogagga Al Shabaab gobollada Bay iyo Bakool ayaa isu dhiibay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed August 8, 2017, kaddib markii uu ka soo baxsaday 2013kii hoggaanka qallafsan ee ururka. Magaciisa wuxuu addunweynahaba ku faafay markii 2012kii uu Maraykanka ku biiriyay liiska argaggaxisada lana dul dhigay 5 milyan doolar.

Roobow, oo si wanaagsan u yaqaan caqiidada xagjirka ah, ayaa la filayaa inuu fududayn karo in kuwa xil ka haya ay kasoo baxaan, taasoo horseedi karta in dhallinyarada aysan ku biirin. Muddo shan sanadood ah ayuu keligii waabinayay dhagarqabayaasha inta aan la xirin December 2018.

Si kastaba ha ahaatee, fallanqeeyeyaasha siyaasadda ayaa rumaysan in xubnaha laga soo xushay maamul-goboleedyada, gaar ahaan Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay u badan yihiin kuwo mucaaradsan maamullada deeggaanadaas. Taas waxay ka dhigan tahay in xukuumadda aysan ka badbaadi doonin dagaal siyaasadeed.

Inkastoo, dhismo xukuumad cusub uu yahay had iyo jeer layli adag, haddana waxaa muuqata in Xasan iyo Xamsa diiradda saareen sidii layskugu heli lahaa wasiiro karti iyo khibrad baarlamaan isku leh si ay u hirgeliyaan ballanqaadyadii dib u doorashada.

Haseyeeshee, hirgelinta ajande siyaasadeed oo hammi leh kuma filna qancinta saaxiibada, balse waxuu u baahan yahay in xukuumadu u qalabaysan tahay tanaasulo siyaasadeed oo fududeya in dalka si habsami leh loo maamulo

Al-Qaacida oo wajaheysa khilaaf la xiriira hoggaanka kadib dilkii al-Zawahiri

0

Dilka hoggaamiyihii Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri ee duqeynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ma saameyn doonto howlgallada kooxaha argagixsada ee xiriirka la leh ee dunida, balse waxay fureysaa dariiqa loo maro hannaan kala horreynta dhanka hoggaanka oo ah mid dhib badan.

Jihaad-doonkii u dhashay Masar oo Maraykanku sheegay in lagu dilay goob dhuumaalaysi oo ku taalla caasimadda Afghanistan ee Kabul, waligiisna iskuma deyin in uu ku celceliyo soo jiidashada iyo saamaynta uu ku leeyahay hoggaamiyihii ka horreeyey ee Usama Bin Laden, oo ahaa maskaxdii ka dambaysay weerarradii Mareykanka lagu qaaday 11-kii September, 2001-dii. .

Laakiin kadib markii ciidamada gaarka ah ee Maraykanku ay ku dileen Pakistan bin Laden 2011, wuxuu door muhiim ah ka ciyaaray dhiirigelinta maamul daadejinta kooxda, taas oo keentay in Al-Qaacida ay ka soo baxaan dunida oo dhan.

Waxaa ka mid ah Al-Shabaab oo weli gacanta ku haysa qaybo badan oo miyiga Soomaaliya ah, JNIM oo ka hawlgasha Galbeedka Afrika – gaar ahaan Mali, iyo laanta Al-Qaacidada ee AQIS oo ah mitidiin ujeedkoodu yahay inay la dagaallamaan dowlada Pakistan, Afghanistan, India, Myanmar iyo Bangaladesh.

“Wuxuu (al-Zawahiri) aqbalay xubno cusub oo muhiim ah oo ka tirsan shabakadda al-Qaacida,” ayuu yiri Hans-Jakob Schindler, oo ah agaasimaha mashruuca aan dowliga aheyn ee ka hortagga xagjirnimada, horena u soo noqday la taliye ka tirsan Qaramada Midoobay, isaga oo sii raaciyay, “Marka waa dharbaaxo ku dhacday al-Qaacida, Laakiin tani ma joojinayso wax ay qorsheeyeen xulafada al-Qaacida.”

-‘Qeyb ka mid ah loolanka’-

Xubnaha ay u badan tahay in ay beddelaan al-Zawahiri waxaa ku jira laba kale oo Masaari ah, sida ay AFP kasoo xigatay falanqeeyeyaasha, waxaana dadka tartamaya ka mid ah Saif al-Adel, oo hore u ahaan Gaashaanle Sare oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Masar, isla markaana ka mid ahaa ilaaladii hore ee al-Qaacida, kaas oo la sheegay inuu ku sugan yahay dalka Iran.

Mas’uuliyiinta Shiicada ah ee ka taliya Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa si rasmi ah uga soo horjeeda Sunniga Al-Qaacida, balse mucaaradku waxay marar badan ku eedeeyeen Iran inay gacan saar la leedahay shabakaddan oo ay gabaad nabdoon siiso hoggaamiyeyaasheeda.

Sidoo kale waxaa tartanka ku jira Abuu C/kariim Al-Masri oo ka tirsan hoggaanka Jabhadda Jihaadiga ah ee Xurras Al-diin oo la rumeysan yahay in uu ku sugan yahay dalka Suuriya.

“al-Zawahiri kuma lug lahayn go’aan gaarista maalinlaha ah ee kooxaha xiriirka la leh Al-qaacida, laakin waxaad u baahan tahay qof madax ah, lehna muhiimad gaar ah, sababtoo ah dhammaan madaxda kooxaha xiriirka la leh Al-qaacida waa inay u dhaartaan daacadnimada shakhsi ahaaneed, sidaa darteen bedelkiisa waxay noqon doonta nooc caqabad ah,” ayuu yiri Schindler.

Rita Katz, oo ah agaasimaha iyo aasaasaha kooxda sirdoonka ee SITE, ayaa sheegtay in dhaxalka hoggaanka al-Qaacida ay tahay “su’aasha ugu weyn ee taagan” kadib dilkii al-Zawahiri.

“Si ka duwan xaaladda dilkii Usama Bin Laden kadib, qaar badan oo ka mid ah hogaamiyayaasheeda waxay u guureen Suuriya, halkaas oo qaar badan lagu dilay,” ayay tiri.

-‘Keydka hoggaanka Al-qaacidda ee sii yaraanaya’-

Adel waxa uu ku biiray kooxda Jihaadka ee Masar sannadihii 1980-aadkii. Waa la xiray, laakiin markii dambe waa lasii daayay, wuxuuna u safray Afghanistan si uu ugu biiro Al-Qaacidada hoos timaada Zawahiri.

Raadinta ku saabsan xiriirka Tehran ee lagu eedeeyay Al-Qaacida ayaa sii xoogeystay bishii Ogosto 2020 kadib dilkii Abdullah Ahmad Abdullah, oo ahaa hoggaamiyaha labaad ee kooxda Al-Zawahiri oo magaciisa afgarashada ah uu ahaa Abdullah Ahmad Cabdullaahi Al-Masar oo lagu dilay magaalada Tehran, kaas oo dilkiisa lala xiriiray mukhaabaraadka Isreal.

Dilkan ayaa keenay in xoghayihii arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo uu ku andacoodo — toddobaad uun ka hor inta uusan madaxweynahiisa Donald Trump ka tagin xafiiska — in Iran ay tahay “Afghanistanta cusub” ee xagjiriinta Al-Qaacida, hadalkaas oo falanqeeyeyaashu shaki ka muujiyeen.

Xarunta Soufan, oo ah hay’ad cilmi-baaris amni oo fadhigeedu yahay Mareykanka, ayaa sheegtay in dilka tiro ka mid saraakiisha sar sare ee Al-Qaacida sanadihii la soo dhaafay ay ka dhigtay in shabakad “kursgeeda keydka ee bedelka hoggaamiyeyaasha uu sii yaraanayo”.

Waxay xaruntani tiri “joogitaanka dheer ee Adel ee Iran-ta Shiicada ayay u badan tahay in laga yaabo inay waxyeelleyso musharaxnimadiisa goobo gaar ah.”

Horjoogeyaasha da’da yar ee Al-Qaacida ayaa laga yaabaa inay door bidaan shaqsi la mid ah Masri oo Suuriya jooga. “wuxuu si bareer ah uga shaqeeyay inuu xiriir la yeesho dadka la shaqaaleysiin karo oo diiradda saaraya bartilmaameedyada maxalliga ah iyo dhiirigelinta kuwa aragtidoodu gaaban tahay ee jooga gobollada ay hareeyeen dagaallada sokeeye iyo kacdoonka”.

“Doorashada hoggaamiyaha xiga ee Al-Qaacida waxay wax badan ka sheegi doontaa qorshaha mustaqbalka ee ururka,” ayaa tiri xarunta cilmi-baarista amniga ee Soufan.

Xigasho: VOA & AFP

Kooxda Al-Shabab oo weerar culus ku qaaday saldhig ay ciidanka Kenya daganaayeen

0

Badhaadhe (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday degaan ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada Kenya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Dagaalka ayaa ka dhacay saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ku leeyihiin deegaanka Kulbiyow oo hoostaga degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka Kulbiyow ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro dagaalka kasoo gaaray labada dhinac iyo dad rayid ah.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa la sheegay inay gudaha u galeen qeybo kamid ah saldhigga, waxaana lasoo sheegayaa inuu jiro khasaaro xoog leh oo soo gaaray ciidamadii Kenya ee halkaas ku sugnaa.

Sida ay dadka deegaanka u sheegeen Caasimadda Online, xaaladda ayaa hadda ah mid dagan waxaana saldhigga la weeraray ku sugan ciidamadii Kenya ee horey u joogay halkaas.

Saraakiisha ciidamada Kenya ayaan weli ka hadlin weerarka lagu qaaday Saldhigooda, hayeeshee dhowr jeer ayaa sidaan oo kale ay Al-Shabaab weerareen Saldhigyada Ciidamada Kenya ku leeyihiin degaano katirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkaan kor u qaaday weerarada ay ka geysteen gudaha Soomaaliya iyo xuduuda dalka Itoobiya.

Maxay tahay lacagta cusub ee malaayiinta dollar ah ee loogu deeqa DF Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Bani’aadannimo ayaa bixisay 9.5 milyan oo dollar, si gar-gaar Bani’aadannimo oo deg deg ah loo gaarsiiyo bulshada ku nool meelaha macaluusha ay ka jirto ee gudaha Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, khatarta macluusha ee Soomaaliya ayaa sii korodhay ka dib xilli roobaadkii afraad oo hoos u dhacay, taas oo sababtay in ay ka baro kacaan deegaannadii ay dagnaayeen dadka, kuwaaas oo maciin badan deegaanno kale.

“Soomaaliya waxay qarka u saaran tahay masiibo bini’aadantinimo, haddana maal-gelinta loo baahan yahay si wax looga qabto baahiyaha sida xawliga ah u koraya ayaa weli ah mid aan ku filnayn si looga hortago macluusha,” ayuu yiri Adam Abdelmoula, ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay warbixinaha QM in xaaladaha abaareed ee sii kordhaya ay saameeyeen in ka badan 7 milyan oo qof ayna barakiciyeen in ka badan 900,000 oo qof oo kale oo guryahooda ka barakacay iyagoo raadinaya biyo, cunto iyo daaq.

Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacday Abaar aad u daran taas oo saameysay; Dadka iyo duunyada, sidoo kale Madaxda Dowladda ayaa ugu baaqay deeq bixiyaasha Calamka iyo Shacabka Soomaaliyeed in ay gurmad la gaaraan dadka ay Abaarta ka laysay Xoolihii iyo dalagii ay beeranayeen.

Xog: Sacdiya oo kasoo horjeedda golaha wasiirada kadib xilkii la siiyey beesheeda

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka ee golaha shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa kasoo horjeeda habka loo xulay golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Sacdiya ay diidan tahay xilka kusoo aaday beesheeda Carab Saalax oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Xilkaas oo loo magacaabay Maxamed Cabdulqaadir Cali, ayaa isla maalintii lagu dhowaaqay golaha wasiirada sheegay inuusan qaadaneyn, islamarkaana uu yahay xil aan u qalmin beeshiisa, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan rabaa inaan ka caddeeyo halkaan, inaan iska casilay xilkii la ii magacaabay ee wasiir ku-xigeenka qorsheynta, beel ahaan uma qalano kursigaan, kumana meteli karo beesheyda,” ayuu yiri Maxamed Cabdulqaadir Cali.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay aya Caasimada Online u sheegay in Sacdiya ay ka dambeysay is-casilaadda wasiir ku-xigeenka oo markii horeba ay ayada u gaysay madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza.

Beesha Carab Saalax ayaa dowladdii hore ku lahayd wasiir, hase yeeshee maadaama ay hadda haystaan xilka guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka, waxaa la siiyey wasiir ku-xigeen, sida xilka wasiirka loo siiyo beelaha kale ee ka tirsan Beesha Shanaad.

Sacdiya, ayaa sida aan xogta ku hlenay raali ku aheyd wasiir ku-xigeenka balse waxay fileysay xilka wasiir ku-xigeenka maaliyadda oo ay kala hadashay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, taasi oo markii ay ka waysay liiska ay ka carootay.

Ma cadda haddii Sacdiya ay xilkeeda iyo saameynteeda u adeegsan doonto inay ku curyaamin doonto ansixinta golaha wasiirada.

Golaha wasiirada oo ka kooban 76 ayaa 43 ka mid ah ama 56% ay yihiin xildhibaano, waxaana wasiir kasta loo diray inuu keeno ugu uaraan saddex xildhibaan oo ku beel ah oo codka siiya, waxayna u badan tahay in la ansixin doono.

Wararkii ugu dambeeyey dadaallada wasiirada cusub loogu raadinayo kalsoonida BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirada magacaaban ee xukuumadda Soomaaliya ayaa kulamo isdaba-joog ah ka wada magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay la yeelanayaan Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Kulamada oo shalay soo bilowday ayaa ka dambeeyay kadib markii Ra’iisul Wasaare Xamza uu ku wargeliyay Wasiirada cusub in mid walba uu codka kasloonida ka raadsado Xildhibaanada ku matala Golaha Shacabka.

Golaha Wasiirada magacaaban qaarkood ayaa soo bandhigay kulamo gaar-gaar ah oo ay la yeesheen Xildhibaannada ku matala Golaha Shacabka, kuwaasi oo kala ah, Wasiirka Amniga Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Duulista Hawada Fardowsa Cigaal, Wasiiru-dowlaha wasaaradda Qorsheynta Cabdirashiid Jire Qalanle.

Wasiirrada durba qaabilay xildhibaanada beeshooda ku metela baarlamaanka ayaa sidoo kale waxa ka mid ah Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo loo magacaabay wasiirka Diinta iyo Awqaafta.

Mukhtaar ayaa la kulmay xildhibaanada jufasiida hoose ee Liisaan ku metela golaha shacabka, waxaana la sheegay inuu ka codsaday in codkooda kalsoonida ay siiyaan xukuumadaan uu ka tirsan yahay.

Wasiirka cusub ee gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka mid ah xubnaha deg-deg u qaabilay xildhibaanada metela, si codka kalsoonida ay uga helaan.

Kulamadaan ay bilaabeen wasiirradu ee xildhibaanada looga codsanayo codkooda, waxay ku soo aadayaan iyadoo beelaha Digil iyo Mirif ay aad u saluugsan yihiin karaasta laga siiyey xukuumadda cusub.

Xog: Madax goboleedyada oo laba sabab darteed uga soo horjeestay golaha wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa kasoo horjeeda golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya ee uu ku dhowaaqay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Madax goboleedyada oo inta badan soo dhoweyn jiray ama hambalyeyn jiray isbeddelada siyaasadeed ee waa weyn ee dalka ka dhaca, ayaa illaa hadda ka aamusan magacaabista golaha wasiirada, taasi oo sida aan xog ku helnay, astaan u ah qanaaco la’aantooda.

Ilo-wareedyo kala duwan ayaa sheegay in madax goboleedyada ay ka careysan yihiin inaan laga talo-gelin wasiirada ka imanaya deegaanadooda, halka qaarkoodna loogu daray in lasoo magacaabay rag ay siyaasad ahaan aad isu diidan yihiin.

Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe ayaa dhaliilsan inaan wax talo ah laga siin xubnaha matalaya deeganadooda, halka Saciid Deni, Qoor Qoor iyo Lafta-gareen ay usii dheertay in xilal sare loo dhiibay siyaasiyiin aysan is arki karin. 

Qoor Qoor ayaa waxaa wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka looga dhigay wasiirkii hore ee amniga maamulkiisa Axmed Macallin Fiqi, oo ah nin ay dagaal ku kala tageen, oo aad uga weerarayey warbaahinta tan iyo markii uu xilka Galmudug ka tegay . 

Lafta-gareen waxaa wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta looga dhigay Mukhtaar Roobow, oo aad uu uga cabsanayey in xabsiga laga soo daayo, iskaba daa in laga dhigo wasiir federaal. Farmaajo ayaa Roobow xabsi u geliyey, islamarkaana dad shacab ah Baydhaba ugu laayey inuu madaxweyne ka dhigo Lafta-gareen. 

Saciid Deni ayaa isna la rumeysan yahay inuu ka xun yahay xilka loo magacaabay wasiirka arrimaha dibedda Abshir Cumar Huruuse. Wararka qaar ayaa sheegaya inuu dagaal siyaasadeed ka dhaxeeyo labada nin, halka qaarna ay leeyihiin inuusan dagaal ka dhaxeyn, balse Deni uu diidan yahay kaliya inaan lagala tashan.  

Ma cadda haddii qanacsanaan la’aanta madax goboleedyada ay ka tarjumi doonto inay ka qeyb-galaan ololaha socda ee ay wadaan xildhibaanada xilalka waayey, si aan xukuumadda loo ansixin, ayada oo la rumeysan yahay inay baarlamanka ku jiraan xildhibaano badan oo ku xiran madax goboleedyada. 

Golaha wasiirada oo ka kooban 76 ayaa 43 ka mid ah ama 56% ay yihiin xildhibaano, waxaana wasiir kasta loo diray inuu keeno ugu uaraan saddex xildhibaan oo ku beel ah oo codka siiya. 

Shiinaha oo tallaabo milatari qaaday iyo MARAAKIIBTA dagaalka ee Mareykanka oo u dhaqaaqay TAIWAN

Beijing (Caasimada Online) – Ciidamada militariga Shiinaha ayaa bilaabay dhoolatus militari oo ay ku jiraan rasaas toos ah oo ay ku ridayaan biyaha iyo hawada ku hareereysan jasiiradda Taiwan, sida uu sheegay Telefishinka dowladda Shiinaha Khamiista maanta ah, isaga oo intaas ku daray in dhoollatusakan uu dhammaan doono 12:00 duhurnimo maalinta Axadda ah.

Dhoolatuskan ayaa imanaya maalin kadib booqasho ay afhayeenka Aqalka Wakiilada Maraykanka Nancy Pelosi ku tagtay jasiiradda iskeed u maamusha ee Taiwan oo ay Beijing u aragto dhul Shiinaha ka tirsan.

Saraakiisha Taiwan ayaa sheegay in dhoolatuskan uu yahay mid xadgudub ku ah shuruucda Qaramada Midoobay, isla markaana ay Shiinuhu duulaanka ay ku qaadeen hawada sare ee Taiwan, ayna caqabad toos ah ku yihiin hawada iyo baddeeda.

Xisbiga talada haya ee Taiwan Democratic Progressive Party ayaa sheegay in Shiinuhu uu wado dhoolatus uu ku sameynayo marin biyoodyada ugu mashquulka badan caalamka iyo dariiqyada duulimaadyada, taasi oo ah “dhaqan aan mas’uul ahayn oo sharci darro ah.”

Isagoo si kulul u cambaareeyay dhoolatuskaasi, ayaa Afhayeenka Golaha Wasiirada Taiwan wuxuu sheegay in website-yada Wasaaradaha Difaaca, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Madaxtooyada ay soo weerareen kooxo jabsaday.

Pelosi, oo ah qofkii ugu heerka sarreeyay ee Mareykanka ee booqda Taiwan muddo 25 sano ah, ayaa ammaantay dimuquraadiyaddeeda, waxayna ballan-qaadday taageerada Mareyka, iyada oo intaa ku dartay in carada Shiinuhu aysan ka joojin karin hoggaamiyeyaasha adduunka inay u safraan Taiwan. Shiinaha ayaa u yeeray safiirka Maraykanka ee Beijing si ay uga mudaaharaadaan booqashadeeda.

Dhinaca kale Taliska Ciidamada Badda ee Mareykanka ayaa sheegay in markabka diyaaradaha xambaarsan ee lagu magacaabo USS Ronald Reagan uu ku wajahan yahay biyaha dhinaca koonfur-bari ee Taiwan.

“Markabka USS Ronald Reagan iyo kooxdiisa weerarrada fuliya waxay ka shaqaynayaan badda Philippine, waxayna wadaan howlahooda caadiga ah. Waxaa qorshaha ugu jira howlgallo qayb ka ah roondada caadiga u ah markabkan oo uu ku taageero sidii xor looga dhigi lahaa ayna u furnaan lahaayeen biyaha Indo-Pacific,” ayaa lagu yiri war uu maanta soo saaray afhayeenka ciidanka badda ee Mareykanka.

Si kastaba, labada dal ee quwadaha waa-wayn ayaa marar badan hanjabaado isugu jeediyay arrinta la xiriirta Taiwan.

Wariye Cali Muuse Cabdi oo ku geeriyooday Talyaaniga

0

Rome (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta dalka Talyaaniga ku geeriyooday wariyihii caanka ahaa Cali Muuse Cabdi oo sanadahaan ku noolaa dalkaas.

Marxuumka ayaa waxaa ku soo booday xanuun deg-deg ah oo sabab u noqday geeridiisa, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladiisa.

Wariye Cabdiweli Ibraahim Garyare oo ay saaxibo ahaayeen marxuum Cali Muuse ayaa ka warbixiyey geerida ku timid, wuxuuna tacsi u diray ehellada iyo bahda saxaafadda.

Garyare ayaa sheegay inuu la xiriira xaaska uu ka tegay marxuumka, ayna u sheegtay geeridiisa, wuxuuna tilmaamay inuu xalay nabad ku seexday, balse saaka lagu soo waabariistay geeridiisa.

“Allaha u naxariisto Cali Muuse Cabdi geeridiisa waxa ay igu soo gaartay taleefoonkiisaan wacay mar weliba si caadi ah ayaanu u wada xiriiri jirnay markiina waxaa taleefankiisa iga qabatay xaaskiisa iina sheegtay in xalay uu si nabad ah ku seexday, saakana isaga oo geeriyooday oo nafta ka baxday lagu waabariistay,” ayuu yiri wariye Cabdiweli Garyare.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Nin yahow wax xanuun ah ma heynin waa caafimaad qabyey waxay iska aheyd geeridiisa lama filaan hal-mar ayuu wadnaha iska istaagay,”.

Dhinaca kale xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war kasoo saartay geerida marxuuumka, waxayna tacsi u dirtay ehellada Marxuum Cali Muuse iyo bahda suxufiyiinta.

Wasiir ku xigeenka magacaaban ee wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo qoraal soo saaray ayaa sheegay inuu marxuumka ahaa xirfadle sare oo geesi ah.

“Ilaaheey ha unaxariisto Rugcadaagii Saxaafadeed Marxuum Cali Muuse Cabdi, waxaa uu ahaa xirfadle sare oo geesi ah. Waxaan xanuunka laqaybsanaynaa Qooyska, Qaraabada iyo saaxiibada uu ka baxay gadaashiis ilaahoow hana fidnayn innagana,” ayuu yiri Cadaala.

AUN Wariye Cali Muuse Cabdi ayaa ahaa suxufi caan ka ah gayiga Soomaaliya, wuxuuna ka soo shaqeeyey warbaahinno caalami ah sida, BBC-da iyo Wakaaladda Wararka ee AFP.

Sawirro: Aadan Madobe oo la kulmay wasiirada laba kasoo jeeda maamul goboleeda

0

Muqdisho (Caasimada Onine) – Guddoomiyaha golaha shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay kulan la yeeshay qaar ka mid ah golaha wasiirada ee magacaaban, gaar ahaan xubnaha ka soo jeeda maamullada Koonfur Galbeed & Jubbaland.

Kulanka oo ka dhacay hoyga uu magaalada Muqdisho ka dagan yahay Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa uu ahaa mid gaar ah oo gooni u ahaa isaga iyo wasiirada dowladda federaalka ku metelaya Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

“Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa ku qaabiley Wasiirada magacaaban ee dowladda Federaalka ku matala dowlad goboleedka Koonfur galbeed iyo qaar ka mid ah Jubaland,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale ujeedka kulankaan ayaa waxaa lagu sheegay inuu ahaa salaan iyo booqasho ay guddoomiyaha ugu tegeen xubnaha golaha wasiirada ee magacaaban.

“Wasiirada magacaaban ayaa guddoomiyaha ugu yimid salaan iyo kala warqaadasho,” ayaa markale lagu yiri warka ka soo baxay xafiiska Aadan Madoobe.

Xubnaha uu qaabilay Aadan Madoobe waxaa ku jiray Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo loo magacaabay wasiirka diinta iyo awqaafta, waxaana soo deyntiisa iyo xilka loo magacaabay door ku lahaa guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay isku deegaan yihiin.

Warar kale oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in wasiirada magacaaban iyo Aadan Madoobe ay ka wada-hadleen arrimo ku aadan sidii ay xukuumadda cusub u heli laheyd codka kalsoonida ah, maadaama uu dhowaan uu horgeyn doono ra’iisul wasaaraha.

Somalia ayaa yeelatay xukuumad rasmi ah, taas oo dhismaheedu ay qaadatay ku dhowaad 40 cisho, kadib markii ay daba dheeraadeen wada-tashiyadii uu waday Xamza Cabdi Barre.

 

Weerar laga abaabulayey Muqdisho oo laga hortagay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar ay ka hortageen ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kadib howlgal ay xalay ka sameeyeen qaybo ka mid ah degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Taliyaha qaybta bari ee Booliska Cali Calasow Goofjooge oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey howlgalkaasi, wuxuuna sheegay in looga hortegey weerar ay qorsheysay kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay ka dul dhaceen ciidamada Booliska Somalia oo ka war helay.

Goofjooge ayaa shaaca ka qaaday inay heleen xog ku aadan qorshaha weerarkaasi, ayna fashiliyeen, intii ay is diyaarinayeen raggii fulin lahaa, sida uu hadalka u dhigay,

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in bartilmaameedka uu ahaa inay weeraraan xarun ku taalla isla degmada Warta Nabadda, balse ma shaacin goobtaas iyo waxa ay tahay.

Inta uu howlgalka socday wuxuu sheegay inay dhacday israsaaseyn, isla-markaana ay gacanta kusoo dhigeen mid ka mid ah ragga weerarka diyaarinayey iyo qoray uu watay.

“Nimankii dhagar-qabayaasha ahaa oo raba inay weeraraan rug ku taalla degmada Warta Nabadda, inta ay is diyaar gareynaayeen laga qabtay. ayagii ayaa loo diyaar garoobay hortood la arkay la xabadeeyey nin iyo qorigiisna waa laga qabtay,” ayuu yiri taliyuhu.

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Micnaheedu waxay ku tusinee dadaalka la wado, shaqada iyo isku xirnaanta inay dhan kasoo muuqanayaan,”.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan Muqdisho uu ka socdo howlgal culus oo lagu sugayo amniga, sidoo kalena lagula dagaalamayo burcadda iyo ciyaal weerada.

Somaliland iyo Puntland oo qarka u saaran dagaal cusub

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ayaa lagu soo warramayaa inay markale dhaq-dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen gobolka Sool.

Wararka ayaa sheegaya in xiisadda ay haatan sii xoogeysaneyso, waxayna ugu daran tahay dhinaca degmada Boocame oo ay maanta gudaha u galeen ciidamo fara badan oo uu watay guddoomiyaha maamulka gobolka Sool ee Somaliland, Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in guddoomiye Aadan ay galbinayaan illaa 45 baabuurta dagaalka ah, waxaana la sheegay inuu usii gudbayo dhinaca hawdka ah, gaar ahaana tuulada Karin-garfood, halkaas oo maanta Qado Sharaf loogu sameynayo.

Sidoo kale waxaa magaalada Boocame dhinac uga sugan wafdi ka socda dhanka Puntland, waxaana horkacaya wasiirka duulista hawada iyo garoomada Puntland oo ay wehelinayaan xildhibaanka halkaas laga soo doorto iyo sidoo kale guddoomiyaha Sool ee Puntland.

Ciidamada labada dhinac ayaa sidoo kale isku uruursanayo duleedka degmada Boocame iyo sidoo kale dhanka deegaanka Tukaraq oo ay muddo isku horfadhiyeen.

Xaaladda ayaa haatan ayaa aad u cakiran, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan inuu dagaal culus ka qarxo halkaasi.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta labada maamul oo ku aadan xiisadda ka soo cusboonaatay degmada Boocame ee gobolka Sool.

Somaliland iyo Puntland oo xuduud leh ayaa in muddo ah isku haya gacan ku heynta deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaa ee waqooyiga Soomaaliya.

Maxaa laga filan karaa MUKHTAAR Roobow Cali?

MUKHTAAR ROOBOOW CALI ‘ABUU MANSUUR’: oo 53 jir ah, kuna dhashay Xudur, Bakool, ayaa waxaa Dowladu u magacayday mas’uuliyad culus.

Haddaba, ABUU MANSUUR WAA KUMA?

1990 wuxuu ka qalin jabiyey kulliyadda shareecada islaamiga ee Khartuum, Suudaan. Wuxuu muddo u shaqaynaayey Hay’ad Sacudiga laga lahaa oo layiraahdo Harmain Foundation oo carruurta agoonta ah wax- bari jirtay, markii danbana lagu eedeeyey inay carruurta barayso fagradaha xag-jirnimada ( aragtida Alshaabka).

Mukhtaar Rooboow, wuxuu dalka ka haajirey 2000, asagoo dagaal inuu ka qaybqaato u aaday dalka Afghanistan, si toos ahna u galay buuraha dhaadheer ee TORA-BORA, muddana ka dagaalamaayey. Wuxuu kaloo qayb ka ahaa asagoo sarkaal sare oo TALABAN ka tirsan qaraxyo ka dhacay Kandahar iyo Jalilibad oo ay ku naf-waayeen boqolaal qof oo shicib ahaa, wuxuu kaloo ka mid ahaa guluf dagaal oo lagu qaaday koox sama-falayaal ahaa oo mucaawimo u waday gobol Go’doon ahaa ee Herat Afghanistan. 

Intaa kadib waxaa lagu daray liiska madow ee Argagixisada, waxaana madaxiisa la dul dhigay malaayiin Doolar.

Wuxuu Somaliya kuso laabtay asagoo wax naxdin ah qalbigiisa aysan ku jirin, sida dadka loo gumaado ama loo xasuuqo kuso takhasusay.

Markii uu dalka yimi danbiyadii uu ka galay ama xasuuquu qaybta ka ahaa waxaa ka mid ahaa:

Murugadii xasuuqii Hotel SHAAMOW, 2009, waa halaagii ugu xumaa ee waqtigaa xamar ka dhacay arday masaakiin ah oo qalin jabinaysay, baratayna siday dadka u daaween lahaayeen, waalidkood oo dan yar ahaana muddo naf iyo maal u huray ayaa ku naf-waayey, waxaa kaloo halkaa si arxan-darro ah loogu dilay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen:

  • Qamar Adan Cali, wasiiraddii caafimaadka.
  • Pro. Ibrahim Xasan Cadow, wasiirkii tacliinta sare
  • Axmed Cabdulahi Waayeel, wasiirkii waxbarashada iyo dad badan oo goob-joogayaal ahaa. Maalintaa madoobayd, dhowr saacadood ka dib waxaa hadlay Mukhtaar Rooboow, asagoo faraxsan una hadlaaya AL-SHABAAB, sheeganaya inay laayeen dhiigoodana daadsheen dadkaan cidna danbi ka galin, wuxuuna ku tilmaamay MURTIDIIN gaala ah, dhiigooduna xalaal yahay.

Haddaba, sidee ku timid inuu ka tago Al-Shabaab ama ka digo rogto?

Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) iyo rag la xulufo ahaa waxay istuseen inay meesha ka saaraan Axmed Cabdi Godane (Abu Zubeyr), Godane oo ka taageero badnaa ayaa ugaarsi ku billaabay Abu Mansuur iyo saaxiibadiis, dabadeedna wuxuu u baqa tagay dhulkii ay ku badnaayeen reerkiisa, cududna u ka heli karey, in muddo ahna iska caabin bu ku jiray, ka bacdina wuxuu isu-soo dhiibay dowladdii, asagoo wali ka tanaasulin mabda-uu aaminsanaa ee xag-jirnimada ahaa laakiin rumaystay inuusan helayn madaxnimada Alshabaab, ugu danbeynta ay dilayaan hadday qabtaan

Hadda, aragnay Mukhtaar Roobow qofka uu yahay laakiin su’aasha taagan baa waxay tahay dilkii, xasuuqdii ummad muslim ah ma waxaa loogu abaal guday darajo sare?

Muslim miyaan dadku ahayn? Yaa mas-uuliyadeeda qaadanaya dhiiggii daatay?

Mukhtaar Rooboow Cali ( Abuu Mansuur) sidee loo amini karaa, ninka danbiga intaa le-eg galay, walina aan ka taasulin wuxuu shalay rumaysnaa?

W/Q: Mahamud J. Farah
U.S.A
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Booliska oo soo bandhigay rag iska dhigay ciidan kadibna baabuur ku dhacay Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo ka sameeyey degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu soo qabtay rag burcad ah oo dhawaan dhac ka geystay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

Kooxda la soo qabtay oo ka kooban illaa 4 xubnood ayaa waxaa horjooge uu ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda oo la sheegay inuu baxsad yahay, sida ay shaaciyeen saraakiisha Booliska Soomaaliya ee xalay howlgalka ka sameeyey degmada Kaaraan.

Taliyaha saldhigga degmada Howlwadaag, Najiib Carab oo faahfaahin ka bixiyey howlgalkan ayaa sheegay inay heleen xog sheegeysa in gaari laga dhacay xaafadda Daallo ee degmada Howlwadaag uu yaallo xaafadda Buulo Maxaay oo ka tirsan degmada Kaaraan, kadibna ay soo qabteen gaariga oo ah Karoolo, isaga oo rinjiga laga beddelay iyo raggii dhacay.

“Waxaan ku guuleysanay inaan helno xog ah in gaari laga dhacay Howlwadaag uu yaallo Kaaraan, waana ku guulaysanay burcada meelna ugama hari doono, waxaan leeyahay qof walbo oo burcad ah oo raba inuu Xamar ku dhuumaaleysto waan ka daba tageynaa,”

Sidoo kale waxaa wariyeyaasha la hadlay milkiilaha gaariga oo lagu magacaabo Shariif Xidig, wuxuuna sheegay in gaariga markii la dhacayey uu watay walaalkiis, isla-markaana ragga dhacay ay isku soo ekeysiiyeen ciidanka ammaanka, kadibna ay la carareen gaariga iyo wiilkaba balse mar dambe ay wiilka isaga tuureen meel wado ah, gaarigana ay wateen.

Shariif Xidig ayaa sidoo kale u mahadceliyey ciidamada Booliska Soomaaliya oo ugu dambeyn gaarigiisa u soo celiyey, xalayna ku wareejiyey.

“Gaariga waxaa la dhacay 22-kii bishii hore, habeen Jimco aheyd, waxaana laga qaatay wiil yar oo ila dhashay waxay u fariisteen meel lagu yaqaano askarta nabad sugidda waxay ku shideen toosh, sidaas darteed wuu ka istaagay waxayna ku amreen inuu gaariga ka dago, kadibna toorey ayey ku qabteen wayna isla wateen ku dhowaad 4 saacadood ayey wareejinaayeen markii dambena waxay ku tuureen meel wado ah,” ayuu yiri Shariif Xidig.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo loogu magac daray sama-kaab, isla-markaana lagula dagaalamyo kooxaha burcadda ah iyo ciyaal weerada.

SOMALILAND oo shaacisay tallaabo ay ka qaadeyso dhaq-dhaqaaqa mucaaridka

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahi Axmed oo shir-guddoomiyay kulan ku saabsan xoojinta amniga, ayaa waxa laga soo saaray war-saxaafadeed lagu sheegay in marnaba ay xukuumado aqbaleyn qabsoomida mudahaaradyada ay qorsheynayaan mucaaridka.

Kulanka ayaa sidoo kale waxa looga wada-hadlay wada shaqaynta laamaha kala duwan ee amniga, maamulka degmooyinka Hargeysa iyo guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland.

“Cid kasta oo isku dayda in ay amniga wax u dhimaan iyaga oo ku soo dhuumanaya Mudaharaad sharci darro ah, tallaabo sharci ah ayaa laga qaadayaa, wixii ka yimaadana waxaa qaadaya masuuliyadeeda ciddii soo abaabushay,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka inay kala shaqeeyaan ciidamada nabad-gelyada, islamarkaana ay ka fogaadaan cid kasta oo wada dhibaato lagu waxyeelaynayo amniga iyo jiritaanka Somaliland.

Kulankaan ayaa imanaya xili ay xisbiyada mucaaridka qorsheynaya qabashada mudahaaradyo ka dhan ah xukuumadda, kadib markii uu fashilmeen wada-hadaladii u dhaxeeyay ee qotomay arrimaha doorashooyinka.

Ma aha markii u horeysay ee xukuumaddu hanjabaad u dirto mucaaridka, waxaana xusid mudan in mudahaaradyo hore u abaabuleen lagu waxyeeleeyay masuuliyiin ka tirsan mucaaridka, kadib markii ciidamadu u adeegsadeen rasaas nool.

Taliska AFRICOM ee gudaha Soomaaliya ka dagaalama oo taliye cusub yeeshay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Militeriga Maraykanka Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa todobaadkaan yeelanaya taliye cusub, kaas oo lagu magacaabo Jeneraal Michael Langley.

Taliyaha cusub ayaa noqday sarkaalkii ugu horreeyey ee ka tirsan ciidmaada badda Maraykanka ee madow ah oo gaaray darajada Jeneraalka afarta xiddigood leh.

Aqalka Sanate-ka ee dalka Maraykanka ayaa shalay ansixiyey dallacsiinta Jeneraal Langley oo loo magacaabay taliyaha ciidanka AFRICOM.

Taliska AFRICOM ayaa xaqiijiyey in Jeneraal Langley uu xilka kala wareegi doono Jeneraal Stephen Townsend toddobaadka dambe, gaar ahaan 9-ka Agoosto.

Wadamada ay ka howlgalaan ciidamada AFRICOM waxaa ku jirta Soomaaliya, waxayna dowladda Soomaaliya ka caawiyaan la-dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

Waxay AFRICOM gudaha Soomaaliya ka fulisaa duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish, sidoo kalena wuxuu taliskaasi tababarro siiyaa guutada Dana bee ciidamada xoogga Soomaaliya.

Xagee ku danbeyn lahayd dowladda Xasan Sheekh?

Xasan Sheekh Maxamed ayaa ahaa Madaxweynaha Soomaaliya 2012 ilaa 2017 ka hor inta aan mar kale loo dooran Madaxweynaha Soomaaliya May 15, 2022. Mudadii u dambaysay ee uu madaxweynuhu xilka hayay waxa uu galay khaladaad badan oo ay dad badani moodayeen in uu wax ka bartay. Madaxweynaha ayaa la sheegay in xilligiisii hore uu isku dayay in Muqdisho uu ka dhiso dowlad dhexe.

Sababtu waxay ahayd in Madaxweynaha lagula taliyey in maadaama Soomaaliya markaas beesha caalamku u aqoonsatay dawlad sharci ah, Madaxweynuhu uma baahna in la heshiisiiyo ummadda Soomaaliyeed; taas bedelkeeda, waxa ay ahayd in uu fuliyo ajandaha dawladiisa si kasta oo loo baahdo. Isla markiiba Madaxweynaha ayaa bilaabay in uu sameeyo maamul goboleedyo cusub isaga oo aan u ogolaanin in maamul goboleedyadaas ay hoos ka soo dhisaan ogolaanshahooda. 

Madaxweynuhu waxa uu damacsanaa in dawladahaas ay ka caawiyaan ololihiisa doorashada. Laba sano iyo bar oo uu xilka hayay, Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii garowsaday in maamulkiisu uu sii dhamaanayo. Soomaaliya waxay u baahneyd dib u heshiisiin iyo doorasho ay dhammaan dhinacyada ay khuseyso isku raacaan.

Sidaa darteed, Madaxweynuhu waxa uu go’aansaday inuu sameeyo gole ka kooban dhammaan madaxweynayaasha dawladaha xubnaha ka ah si ay ugu heshiiyaan nooca doorasho ee la qaban karo muddada ka hadhay muddo xileedkiisa. Intii lagu guda jiray ololaha doorashadaas, madaxweyne Xasan ayaa halku dhiggiisu ahaa in howshaas uu dhameystiri karo qofkii bilaabay. Nasiib darro, waagaas madaxweyne, Xasan waa ku guul darreystay doorashadiisa, waxaana Madaxweyne Faramaajo la doortay 2017.

Madaxweyne Xasan ayaa arkay in Madaxweyne Faramaajo, uu galay qalad la mid ah kii uu galay labadii sano iyo bar ee ugu horeysay, wuxuuna ku adkeystay inuu wado kalitalisnimo ilaa ay ka dhamaato dowladdiisa.

Madaxweyne Xasan ayaa markii labaad ee uu isku soo taagay xilka Madaxweynaha la yimid hal ku dhig ka duwan kii hore oo ah sidii uu u arki lahaa Soomaalida dhexdooda oo nabad ah, nabadna la ah beesha caalamka. Dad badan ayaa rumaysnaa in Madaxweyne Xasan uu waayo-aragnimo badan ka helay xukuumaddiisii hore iyo shantii sannadood ee u dambeeyay ee Madaxweyne Faramaajo; Madaxweyne Xasan ayaa ahaa musharraxa ugu wanaagsan dhammaan dadkii u tartamayey xilka madaxweynaha.

Si kastaba ha ahaatee, waxa ay u muuqatay in uu xasuustiisa lumay markii Madaxweyne Xasan la doortay. Madaxweyne Xasan ayaa ku guuleystay Madaxtinimadiisa in ka badan 210 cod, taasoo oo kaliya uu ka helay wareegiisii koowaad wax ka yar lixdan cod. Dhammaan musharixiintii kale oo arkay in Xasan uu fursadda ugu wanaagsan ka haysto madaxweyne Faramaajo ayaa codkooda ku darsaday. 

Dhammaan musharixiintaas ayaa madaxweyne Xasan ka filayey inuu kala tashado si uu u soo dhiso dowladdiisa maadaama ay ka qeyb qaateen guushiisa. Taas beddelkeeda, Madaxweynuhu wuxuu soo magacaabay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo ka tirsanaa xisbigiisa, isagoo aan cid kale kala tashan. 

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale 66-kii maalmood ee ugu horeysay ee dowladdiisa waxa uu socdaal ku tagay ugu yaraan 7 dal, halkaasoo dadka Soomaaliyeed ay ka sugayeen inuu dib u heshiisiin ka sameeyo Soomaalida dhexteeda.

Ugu dambeyntii dowladda ayaa la soo dhisay, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu uu soo magacaabay dhammaan Wasiirada, balse waxaa weli jira dad badan oo u maleynaya inay ka qeyb qaateen guusha Xasan, oo aan xubin ka aheyn dowladda cusub. 

Waxa la yidhi taariikhdu way soo noqnoqodaa. Hadda waxa ay u muuqataa in Madaxweyne Xasan uu laba sano iyo bar ka dib baran doono in waxa uu isku dayayey aysan u socondoonin, waxaana laga yaabaa in uu ogaado mar danbe in Soomaaliya ay u baahan tahay dib u heshiisiin ka hor wax kasta.

W/Q: Mohamed A. Hussein
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

‘Dhaqan xumo habeenkii ka billaabatay Muqdisho oo qasabtay tallaabadii booliska’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya ayaa maanta wax laga weydiiyey guuxa magaalada ka jira ee ah in sababta habeenkii Bajaajta Muqdisho bandow loogu soo rogay ay tahay qorshe lagu naas nuujinayo shirakadda Tagaasida ee Dhaweeye.

Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo ka jawaabayey su’aalo ay saxaafadu weydiisay ayaa beeniyey arrintaas, isagoo sheegay in hadda ay ka fekerayaan in bandowga lagu daro tagaasida ama gaadiidka raaxada ee ku shaqeysta adeega Dhaweeye.

Afhayeenka ayaa carabka ku adkeeyey in qorshaha laga leeyahay xayiraadaan habeenkii la saaray socodka Bajaajta uu yahay sidii loo xakameyn lahaa dhaqan xumada.

“Bajaajta waxaan u joojinay, habeen xilli dambe ayaan Buundooyinka ugu imid 7 gabdhood iyo lix Bajaaj, markaan weydiiyey sababta ay xiligaas meesha u joogaan waxay ii sheegeen in guryihii laga xirtay, lix saac wixii ka dambeeya waxaaba socda mooyaan, askari ama qof ahlu marqaan ah,” ayuu yiri Gaashaanle Cabdifitaax.

Wuxuu sheegay in hadda uu Muqdisho ka socdo howlgal ay ugu magac dareen ‘Samakaab’ kaas oo hadii uu guuleysto ay dib u eegis ku sameyn doonaan bandowgaan saaran Bajaajleyda Muqdisho.

Habeenkii markii la gaaro 12:00 AM ee saqda dhexe waxaa hakad gala dhamaan dhaqdhaqaaqa Mooto Bajaaj-yada ka howlgala Muqdisho, waxaana kii la qabto lagu ganaaxaa lacag 10 dollar ah, sida ay noo sheegeen dhalinyarada ku xamaalata.

Afhayeenka booliska ayaa mar uu samabeynayey xayiraadaan la saaray Bajaajta, wuxuu ka sheekeeyey dhacdooyin xun oo ay kala kulmeen ka boolis ahaan oo Bajaajleyda qaar.

Hoos ka daawo afhayeenka oo su’aalihii la hor dhigay ka jawaabaya

Mukhtaar Roobow oo kulamo la billaabay xildhibaanada xilli ay mucaarado ka timid beeshiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha cusub ee wasiirrada Soomaaliya ayaa bilaabay xod-xodashada xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, si codkooda kalsoonida ay uga helaan.

Wasiirrada durba qaabilay xildhibaanada beeshooda ku metela baarlamaanka waxaa ka mid ah Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo shalay loo magacaabay wasiirka Diinta iyo Awqaafta.

Mukhtaar ayaa maanta la kulmay xildhibaanada jufasiida hoose ee Liisaan ku metela golaha shacabka, waxaana la sheegay inuu ka codsaday in codkooda kalsoonida ay siiyaan xukuumadaan uu ka tirsan yahay.

Wasiirka cusub ee gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka mid ah xubnaha maanta deg deg u qaabilay xildhibaanada metela, si codka kalsoonida ay uga helaan.

Wasiir Jaamac Taqal ayaa sidoo kale muujiyey inuu la kulmay Xildhibaannada beeshiisa, waxaana taladaan wasiirrada siiyey ra’iisul wasaare Xamse Barre oo xubnaha uu soo xushay kula taliyey in wasiir kasta uu xildhibaanada beeshiisa codka weydiisto inta aan la gaarin ansixinta.

Kulamadaan ay bilaabeen wasiirradu ee xildhibaanada looga codsanayo codkooda, waxay ku soo aadayaan iyadoo beelaha Digil iyo Mirif ay aad u saluugsan yihiin karaasta laga siiyey xukuumadda cusub.

Inta badan xildhibaanada kasoo jeeda maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa wada olole lagu diidayo asixinta xukuumadda cusub ee shalay lagu dhawaaqay, waxayna qaarkood baraha bulshada ku soo qoreen inay saluugsan yihiin boosaska laga siiyey xukuumadda.

Xilalka Digil iyo Mirifle laga siiyey golaha wasiirada ayaa kala ah:

1- Wasaaradda Gaashanadhigga, 2-wasaaradda diinta iyo awqaafta, 3- Wasaaradda xanaanada xoolaha, 4- wasaaradda Ganacsiga iyo 5- wasaaradda beeraha iyo waraabka.

Xildhibaanada Digil iyo Mirif waxay ku doodeen in wasaaradaha la siiyey ay aad u hooseeyaan oo C ay u badan yihiin, waxaana xusid mudan in xubnaha baarlamaanka ka soo galay Koonfur Galbeed ay laba jibaar ka badan yihiin kuwa ka yimid maamul goboleed kasta, taas oo cabsi weyn ku abuureysa ansixinta xukuumadda.

Fu’aad Shongole-hii ay Itoobiya sheegtay in la dilay oo farriin culus soo diray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fu’aad Maxamed Khaliif (Fu’aad Shangole) oo ka mid ah madaxda ugu sareysa Al-Shabaab ayaa markii u horeysay soo hadlay tan iyo markii ay dowladda Itoobiya sheegatay inay dishay.

Fu’aad Shangole ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay sheegashada Itoobiya ee dilkiisa, isaga oo sheegay inaysan weligood guul arki doonin maadama ay dhawaan ku joog-joogsadeen magaca Allaah iyo kalmadda towxiidka, sida uu sheegay.

“Waaniga aniga oo nool la hadlaya muslimiinta, waxaa u sheegayna muslimiinta in aan noolnahay oo sharaf leenahay. Waa noolahay waana caafimaad qabaa,” ayuu yiri Fu’aad Shangole.

Sidoo kale waxa uu ku goodiyay in weeraro hor leh ku beegsan doonaan ciidamada Liyuu Booliska, kuwaasi oo uu ku tilmaamay “kuwa ugu liita maleeshiyaadka Soomaalida diin ahaan iyo dhaqan ahaanba”, islamarkaana ay joogteyn doonaan beegsiga ciidamadaas.

“Waxay ku dambeyn doonaan (Ciidamada Liyuu Booliska) darxumadii uu ku dambeeyey ninkii aas-aasay (oo uu kala jeedo Cabdi ileey).”

Ugu dambeyntiina wuxuu ku dheeraaday kalimado dhiiri-gelin ah oo dagaal-yahaanada ku riixaya inay sii wadaan dagaalka, isagoo guulo waaweyn ka sheegtay dagaaladii u dambeeyay ee ku qaadeen ciidamada Itoobiya.

Fu’aad Shangole ayaa ah madaxa abaabulka iyo tashkiilinta dagaalyahanada Al-Shabaab, sidoo kale Shangole wuxuu kamid yahay madaxda Al-Shabaab ee dowladda Mareykanka ay madaxooda dul dhigtay malaayiinta dollar.

Madaxa Sirdoonka Itoobiya Major General Tesfaye Ayalew ayaa dhawaan u sheegay Wakaalada Wararka Itoobiya ee Ethiopian News Agency inay dileen sedax hoggaamiye oo kamid ah Al-Shabaab, kuwaasi oo kala ah Fu’aad Shangole, Abuu Muscab iyo Cubeyda Nuur Ciise oo la sheegay inuu yahay madaxa Al-Shabaab u qaabilsan abaabulka ay kooxdu ka wado xuduudka dowlad deegaanka iyo Gobalka Bakool ee Soomaaliya.