27.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii fuliyey qaraxii lagu dilay Waafoow

0

Marka (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay magaca iyo beesha uu kasoo jeeday ninkii fuliyey qaraxii lagu dilay guddoomiyihii degmada Marka Cabddullaahi Cali Axmed (Wafoow), kaasi oo 27-kii bishan ka dhacay magaaladaas.

Kooxda ayaa ninka fuliyey qaraxaas oo ahaa mid ismiidaamin ah ku sheegtay magaciisa Maxamed Cali Cabdi oo magaciisa afgarashada uu ahaa Bishaar ama Fazuul.

Ninkaan ayaa cod ay baahiyeen warbaahinta Al-Shabaab, ku sheegay inuu sanadkii 2000 ku dhashay degmada Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose, islamarkaana uu kooxda kaga soo biiray isla degmadaas.

Wuxuu sidoo kale wareysigii, oo laga qaaday kahor inta uusan is-qarxin, ku sheegay inuu ka dhashay Beesha Jiiddo, gaar ahaan Jufada Gaytiri.

Waxa uu intaas ku daray inuu markii hore ka tirsanaa kooxda Jabhadda Al-Shabaab ka hor inta uusan ku biiran qeybta is-qarxinta, isagoo sheegtay inuu kasoo qeybgalay dagaallo badan oo ka dhacay gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Qaraxa uu ninkaan fuliyey ayaa wuxuu ka dhacay iridda hore ee xarunta degmada Marka, waxaana ku geeriyooday illaa 11 qof oo uu kamid ahaa guddoomiyihii degmadaas Cabdullaahi Waafoq..

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in marxuumka geeriyooday ee Waafow uu kamid ahaa xubnihii sida weyn ula dagaalamay Al-Shabaabka ku sugan gobolka Shabeellada Hoose.

Xog: Xildhibaanada Koonfur Galbeed ee BF oo wada olole ka dhan ah xukuumadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta badan xildhibaanada kasoo jeedo maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee ku jiro baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa wada olole lagu diidayo asixinta xukuumadda cusub ee shalay lagu dhawaaqay.

Xidhibaanadaas oo qaarkood baraha bulshada qoraal kusoo qoray ayaa sheegay inay diidan yihiin qaabka loo qeybiyey xubnaha wasiirada.

Xidhibaan Maxamed Aadan Maxamed, oo kamid ah xubnaha baarlamaanka kasoo galay Koonfur galbeed, ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyey inuu baal maray hab qeybsiga beelaha, wuxuuna si cad u sheegay inuu madaxweynaha reerkiisa siiyey xubnihii ugu muhiimsanaa.

Sidoo kale xildhibaan Maxamed Cali Xasan ayaa hal-ku-dhiggii madaxweynaha ee ahaa Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah, sheegay inuu isku badalay “Soomaali dhexdeeda dirirsan, dunidana la dirirsan”.

Xildibaanada laga soo doorty Koonfur Galbeed ayaa Muqdisho ka wado dhaq-dhaqaaq xooggan, waxaana sidoo kale jiro xildhibaano maamul goboledyada kale kasoo jeedo oo diidan qaabka wax loo qeybsaday.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza ayaa dhankooda olole xooggan ka wado gudaha xildhibaanada, si loo ansixiyo xildhibaanada, waxaana la filayaa in todobaadka soo socdo la hor geeyo baarlamaanka.

Golaha wasiirada ayaa waxaa sidoo kale ku jira wasiiro badan oo aan aheyn xildhibaano, taasi oo ka dhigan in shaqo culus ay u taallo Xasan Sheekh iyo Xamza inay xukuumadda marsiiyaan golaha shacabka

Xilalka Digil iyo Mirifle laga siiyey golaha wasiirada ayaa kala ah: 

1- Wasaaradda Gaashanadhigga, wasaaradda diinta iyo awqaafta, 3- Wasaaradda xanaanada xoolaha, iyo 4- wasaaradda Ganacsiga iyo 5- wasaaradda beeraha iyo waraabka.

Xilalka Hawiye laga siiyey golaha wasiirada ayaa kala ah:

1- Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta, 2- Wasaaradda qorsheynta, maal-gashiga iyo hormarunta dhaqaalaha, 3- Wasaaradda caafimaadka, 4- Wasaaradda Batroolka iyo 5- Wasaaradda cadaaladda iyo dastuurka

Dhismaha xukuumadda uu Xamza soo dhisay: Lix qodob oo u baahan in la dul istaago

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magacaabistii xukuumadii shalay waxaa ka xoog badiyey magaca Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Mid kamid ah aas-aasayaashii kooxda Al-Shabaab ayaa wasiir ka noqday xukuumadda cusub ee Soomaaliya.

Maxbuusnimo dhowr sano ah kadib, Mukhtaar Roobow maanta waa wasiirka Diinta iyo awqaafta Soomaaliya.

Xukuumad ka kooban 25 wasiir, 25 wasiir ku xigeen, 24 wasiiru dowle iyo ra’iisul wasaare ku xigeen ayuu shalay shaaciyey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Xukuumadda cusub oo markii ra’iisul wasaare ku-xigeenka lagu daro ka dhigan 76 xubnood ayaa kusoo beegmatay marxalad adag oo xasaasi u ah Soomaaliya.

Dhowr arrimood ayaa u baahan in la dul istaago marka laga hadlayo xukuumadaan:

  1. Qaab dhismeedka

Iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh xafiiska yimid xilli uu dalka aad u kala fogaaday, ayaa waxaa la filayey inuu xukuumadda talo iyo xubno ka siin doono mucaaradka ay labada sano wada fadhiyeen Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, laakiin xiriir aan la sameynay xubnihii mucaaradka oo ay Xasan Sheekh wada halgameen waxay sheegeen inaan wax talo ah laga siin dhismaha xukuumadda cusub.

Inkastoo ay jiraan dhowr qof oo musharixiinta qaar ololaha kala shaqeeyey oo shalay xilal helay, haddana hoggaamiyaasha mucaaradka waxay nala wadaageen inaan wax talo ah la siin.

  1. Madaxweynaha iyo kooxdiisa

Kooxda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa heshay inta ugu badan iyo intii ugu muhiimsaneyd xukuumadda. Wasaaradaha maaliyadda, arrimaha gudaha, arrimaha dibadda, waxbarashada, cadaaladda, kalluumeysiga, amniga gudaha, qorsheynta, batroolka iyo madaxtooyada ayaa dhammaan maray dhanka kooxda madaxweynaha.

Xubnaha kalana waxaa lagu sheegay qaar ay saaxiibada madaxweynaha soo jeediyeen. Tani waxay koobtay sida ay dad badan qabaan in xukuumadda hesho soo dhaweyn buuran.

  1. Madaxda maamul goboleedyada

Madaxda maamullada Soomaaliya, oo mar walba gacan fiican ku lahaan jiray dhismaha xukuumadaha heer federaal, ayaa kolkaan laga dul booday.

Madaxda Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa la xaqiijiyey inaan wax talo ah laga siin dhismaha xukuumadda cusub.

  1. Isbadalka wasaaradaha

Dhismaha xukuumadda cusub ayaa lumisay laba wasaaradood oo horey u jira, mid waa wasaaradii gargaarka iyo maareynta musiibooyinka, wasaaradaan waa la tiray waxay kusoo aadeysaa iyada oo uu dhawaan madaxweynaha magacaabay ergeyga gaarka ah ee abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Waxaa la filayaa in mustaqbalka loo beddalo hay’ad gargaarka ka shaqeysa

Sidoo kale, wasaaradii dastuurka oo gaar u taagneyd ayaa la tirtiray iyadoo lagu taray wasaaradda cadaaladda. Waxaa kaloo la abuuray wasaarad deegaanka iyo isbadalka cimilada ka shaqeysa.

  1. Tirada Xukuumadda

Xukuumadda cusub ee ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre waxaa la badiyey wasiuru dowlayaasha oo markii hore aad u koobnaan jiray.

Waa mid kamid ah xukuumadihii ugu xubnaha badnaa dhowrkii dowladood ee ugu dambeysay ee soo marta Soomaaliya.

  1. Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur

In sarkaalkaan horey uga tirsanaan jiray hoggaanka sare ee kooxda Al-Shabaab isagoo maxbuus ah wasiir loo magacaabo ayaa falanqeeyaashu waxay leeyihiin waxaa looga dhex jeedaa faa’ido iyo fudeed is barkan.

Dadka qaar ayaa qaba inay wax wanaagsan aheyd in Roobow lagu soo daray xukuumadda, halka qaarna ay qabaan in marka hore ay muhiim aheyd in lasoo marsiiyo dariiq laga dhex arki karo inuu fikirkii Al-Shabaabnimada ka doortay dowlad diqmoqraadi ah.

Idiris Dhaqtar oo hal sabab darteed dalbaday inaan la ansixin golaha wasiirada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka soo jeeda dhanka Koonfur Galbeed, isla-markaana ka mid ahaa baarlamaankii 10-aad ee dalka ayaa si weyn u dhaliilay golaha wasiirada ee uu shalay magacaabay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Dhaqtar oo wareysi siiyey Telefishinka Universal ayaa shaaca ka qaaday in Koonfur Galbeed la liiday, isla-markaana la siiyey wasaaradaha ugu hoseeya ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa kale uu intaasi ku daray in golaha xukuumadda ee haatan la soo dhisay ay yihiin kuwii abid ugu tayada xumaa, sida uu hadalka u dhigay.

“Wasaaradaha ugu hooseeya ayaa la siiyey wasiirada Koonfur Galbeed ku metela hay’adda fulinta ee dalka. Waa golihii wasiirada ugu xumaa ee abid Soomaaliya yeelato,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray golihii uu horey uga tirsanaan jiray ee golaha shacabka, wuxuuna ugu baaqay in aysan anisixin xukuumadda cusub, sabab la xiriirta wasaaradaha la siiyey dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo xubnaha metalaya.

“Aniga waxaan ka codsanaa golaha shacabka in aan la ansixin Golaha Wasiirada” ayuu sii raaciyey xildhibaan hore Idiris Cabdi Dhakhtar.

Golaha wasiirada ee lagu dhawaaqay ayaa ka kooban 26 xubnood, waxaana ku jiro xubno kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo ay ka mid yihiin Sheekh Mukhtaar Roobow Wasiirka Awqaafta iyo Diinta, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) Wasiirka Gaashaandhigga,  Xasan Xuseen Eelaay, Wasiirka Xananaada Xoolaha, Axmed Madoobe Nuunow, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka iyo Jaamac Taqal, Wasiirka Korontada iyo Biyaha ee Soomaaliya.

SOOMAALI uu Mareykanka dul-dhigay hal milyan oo lagu qabtay dalka KENYA

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Kenya ayaa gacanta ku dhigay Cabdi Xuseen Axmed (Abuu Khaadi) oo ah nin Soomaali ah, kaas oo uu muddo raadinayey Mareykanka.

Waaxda dambi-baarista ee dalka Kenya ee magaceeda loo soo gaabiyo DCI ayaa sheegay in Cabdi oo baxsad ahaa lagu soo qabtay howlgal qorsheysan oo ay sameeyeen ciidamada la dagaallanka dambiyada halista ah, kadib xogo ay ka heleen halka uu ku sugan yahay.

Sidoo kale laanta dambi-baarista Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ninkaan xilliga lasoo qabanayey uu qorsheynayey inuu u socdaalo ama usii gudbo dhanka Soomaaliya.

Abuu Khaadi ayaa waxaa horey lacag dhan hal milyan oo Dollar madaxiisa u dul-dhigtay dowladda Mareykanka, lacagaas oo loo ballan-qaada cid kasta oo keenta xogtiisa.

Sidoo kale waxa ay soo qabashadiisa timid, kadib markii laba bil kahor lasoo qabtay nin kale oo ay isla shaqysanayeen oo la yiraahdo Badru Cabdul Casiis Saalax, kaas oo isna gacanta lagu dhigay 31-kii bishii May ee sanadkan 2022-ka.

 Cabdi Xuseen Axmed (Abuu Khaadi) ayaa loo haystaa eedeymo ay ka mid yihiin kala gudbinta daroogada iyo xayawaan duur joog ah, sida lagu sheegay bayan kasoo baxay DCI.

Ninkaan Soomaaliga ah ayaa wajihi doono ciqaab adag oo xabsi ah, haddii lagu helo dambigaan, ayadoo Kenya ay ku wareejineyso Mareykanka oo uu muddo ka baxsanayey.

R/W Xamza oo soo dhisay xukuumad halis ugu jirta MOOSHIN baarlamaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa shalay ku dhawaaqay golihiisa wasiirada cusub, kadib muddo dheer oo wada-tashi uu ka galay xubnaha u soo xulayo xukuumadiisa.

Golahan ayaa ka kooban 25 wasiir, 25 wasiir ku-xigeen iyo 24 wasiiru-dowle iyo Ra’iisul wasaare ku-xigeen. Sidoo kale waxa haween ka ah saddex gabdhood, laakiin waxaa gabdho badan ku jiraan wasiiru-dowlayaasha.

“Xukuumad xil-kas ah ayaan idiin magacaabay, kadib la-tashi aan layeeshay madaxweynaha JFS, waxaan ku faraxsanahay in aan soo bandhigo gabdho iyo wiilal aan kusoo xushay karti, hufnaan iyo aqoontooda, iyagoo ka jawaabaya baahida marxaladda dalka,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Golaha wasiirada uu dhisay Xamza ayaa si ka duwan dowladdii Farmaajo waxaa ku jira wasiiro badan oo aan xildhibaano aheyn.

Baaris ay sameysay Caasimada Online ayaan ku ogaanay in 14 wasiir oo ka mid ah 26-ka wasiir ay sidoo kale yihiin xildhibaano, taasi oo ka dhigan in ku dhowaad kala bar wasiirada aysan aheyn xildhibaano. 

Sidoo kale, wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha ayaa waxaa ku jira xubno aan xildhibaano aheyn, sida aan ogaanay.

Arrintan ayaa abuuri karta in xukuumadda iyo ra’iisul wasaarahaba ay halis u galaan in mar kasta ay wajahaan mooshin kalsooni kala noqosho oo kaga yimaada dhanka golaha shacabka, maadaama aysan ku jirin xildhibaano ku filan oo kuraastooda wasiirnimo ka difaacan kara dhanka golaha shacabka.

Sababta golaha wasiirada ku badisay xubnaha aan xildhibaanada aheyn ayaa waxaa ugu wacan, ayada oo xubno badan oo aad ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh laga hor-istaagay inay xildhibaano soo qaataan, maadaama madax goboleedyada ay xilligii la tartamayey ku xirmnaayeen madaxweyne Farmaajo.

Sidaas darteed, inkasta oo madaxweyne Xasan jeclaan lahaa in wasiiro badan ay sidoo kale ahaadaan xildhibaano, haddana xubno badan oo halgan lasoo galay isuguma dari karin inay soo waayeen xildhibaannimo, sidoo kale waayaan wasiirnimo.

Ayada oo baarlamanka uu ka kooban yahay 275 xildhibaan, haddana inta badan waxaa kulamada xaadira waxaan ka badneyn 150, taasi oo ka dhigan in haddii 74-ka uu ka kooban yahay golaha wasiirada, ama wax ku dhow ay wada ahaan lahaayeen xildhibaano, iyo marka lagu daro xildhibaanada kale ee mabda’ ahaan u raacsan madaxweynaha, ay yaraan laheyd in xukuumadda halis mooshin wajahdo.

Ka sokow mooshin yimaada mustaqbalka, halista ugu deg degta badan ee hadda xukuumadda wajaheyso ayaa ah inay hesho codka kalsoonida, waxayna noqon doontaa tijaabo muujin doonta waxa soo socda mustaqbalka sida fudud ama adag ee xukuumadda lagu ansixiyo. 

Dalalka Yurub ee aqbalay baasaboorka Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Baasaboorka Soomaaliya ayaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay u muuqday mid soo xoogaystay marka loo eego sida uu ahaa wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee 1991-kii.

Inkastoo uu meel hoose uga jiro liiska kala sarraynta baasaboorrada, haddana waxaa muuqata in uu sanadkan ka horreeyo waddamo kale oo waawayn, oo ay ku jiraan Pakistan, Ciraaq, Suuriya iyo Afghanistan, sida lagu sheegay xogta ay shaacisay hay’adda Passport Index ee qiimaysa sharciyada socdaalka caalamka.

Horumarka uu sameeyay baasaboorka Soomaaliya waxaa ka mid ah in waddamada Yurub qaarkood ay si rasmi ah u aqoonsadeen muddo dheer kaddib.

Tan iyo bartamihii sanadkii 2018-kii, dalka Norway ayaa aqoonsan baasaboorka ay dowladda Soomaaliya siiso muwaadiniinteeda.

Dadaal dheer kaddib ayay safaaradda Norway ku dhawaaqday xilligaas in ay aqbashay jiritaanka baasaboorkan, sidaas awgeedna ay dadka wata u saari doonto dal-ku-galkeeda (Visa), haddii uu shuruudaha kasoo baxo.

“Wada-shaqayn dhow oo ay yeesheen mas’uuliyiinta socdaalka ee Norway iyo Soomaaliya awgeed, Norway waxay aqoonsan doontaa Baasaboorka Soomaaliya laga billaabo 1-da bisha August 2018. Waxaa ku jira baasaboorka diblomaasiga iyo kan shaqaalaha dowladda iyo baasaboorka muwaadiniinta caadiga ah ee ay soo saarto waaxda socdaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal markaas ay safaaradda Norway ee Soomaaliya soo dhigtay boggeeda Twitter-ka.

Waddamada kale ee Yurub, UK iyo dalal badan oo kale waxay baasaboorka Soomaaliya dadka wata u aqoonsan yihiin qaxooti, haddii ay dal-ku-gal u oggolaadaanna kuma dhajiyaan baasaboorka.

Taas baddalkeeda waxay soo raaciyaan warqad caddaynaysa in fiisaha la siiyay qofka, macluumaadkiisana ay ku xusan yihiin.

Hase yeeshee, dowladda Sweden ayaa si gaar ah u qaddarisa baasaboorka Soomaaliga ah ee noociisu uu yahay diblomaasiga.
Tan iyo bishii Jannaayo ee sanadkii 2020-kii, Sweden waxa ay aqoonsanayd baasaboorka diblomaasiga ee Soomaaliya, gaar ahaan kan la soo saaray 2014-kii ama wixii ka dambeeyay.

Balse, dhammaan noocyada kale ee baasaboorka Soomaaliga ma aqoonsana Sweden, sida lagu sheegay bogga internet-ka ee safaaradda Sweden.

Waddamada Latin America ee fiiso-la’aan lagu tagi karo

Dhowr waddan oo ku yaalla Koonfurta Qaaradda Ameerika ayaa baasaboorka Soomaaliya lagu aadi karaa iyadoo aan wax dal-ku-gal ama fiiso ah loo qaadanin.

Waxaa jira waddamo kale oo sidaas si la mid ah soo dhaweeya muwaadiniinta Soomaaliya.

Waddamadan qofka u socda waxa kaliya ee looga baahan yahay waa inuu tikit goosto, toosna ugu dhoofo. Sidaas awgeed, marka uu ka dago ayaa la siinayaa aqoonsi muujinaya joogitaankiisa.

Waxaa ka mid ah:

Benin – oo ah waddan ku yaalla Galbeedka Qaaradda Afrika.

Gambia – oo ah waddan yar oo isla galbeedka Afrika ku yaalla.

Cooc Islands – oo ah jasiirado dal sameystay oo ku yaalla badweynta Pacific. Waxa uu xiriir siyaasadeed la leeyahay waddanka New Zealand.

Malaysia – oo ah waddan ku yaalla qaaradda Aasiya.

Micronesia – oo ah waddan jasiirado isu tagay ah oo ka tirsan qaaradda Oceania oo dhacda dhinaca galbeed ee badweynta Pacific. Calankiisa oo xoogaa shabbaha kan Soomaaliya ayaa ah buluug ay dhexda uga yaallaan afar xiddigood oo caddaan ah, shan geesoodna wada ah.

Niue – oo ah waddan jasiirad ah oo ku yaalla dhinaca koonfureed ee badweynta Pacific.

Xigasho: BBC

Maxay ka dhigan tahay magacaabista ROOBOW?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxii hore ee hay’adda cilmi-baarista Heritage, Cabdirashiid Khaliif Xaashi ayaa ka hadlay magacaabista golaha wasiirada cusub ee xukuumada Soomaaliya, kadib markii uu shalay ku dhowaaqay ra’iisul wasaare Xamza.

Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo isagoo ku sugan Muqdisho u warramay VOA ayaa marka hore shaaca ka qaaday in xubnaha la magacaabay ay isugu jiraan kuwa cusub iyo kuwo horey uga tirsanaa dawladihii dalka soo maray, muddana ku soo jiray arrimaha siyaasadda dalka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay xilalka iyo wasaaradaha la shaaciyey in aysan ka duwaneyn wasaaradihii hore, inkastoo ra’iisul wasaaraha uu xukuumaddiisa ugu magac daray Dan Qaran.

“Xilalka wasaaradaha kama duwana wasaaradihii hore wasaarado cusub hadda ma muuqdaan dadka la magacaabay waxay u badan yihiin dad xildhibaanno ah oo siyaasadda muddo ku jiray, inkastoo magacyo cusubna ay ku jiraan runtii waxaa moodaa sida uu ra’iisul wasaaruhu yiri Xukuumad Dan Qaran in dad hadda dowladdii meesha laga saaray dadkii ka saaray oo kala duwanaa inay ka soo dhex-muuqdaan in badan oo ka mid ah, maamul goboleedyadana dad laga soo doortay la siiyey wasiiro,” ayuu yiri C/rashiid Khaliif.

Hadaba Maxay ka dhigan tahay magacaabista Mukhtaar Roobow?

Madaxii hore ee hay’adda cilmi-baarista Heritage oo hadalkiisa sii wata ayaa ka warramay waxay ay ka dhigan tahay magacaabista Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo horey uga tirsanaa hogaanka kooxda Al-Shabaab, balse haatan oo laga soo daayey xabsigii uu ku xirnaa lagu abaal-mariyey wasiirka wasaarada diinta & awqaafta xukuumadda cusub.

Khaliif ayaa sheegay in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha laga yaabo in magacaabista ninkaan iyo in lagu soo daro liiska wasiirada ay ka fiiriyeeen wax ka qabashada kooxda Al-Shabaab, si loo soo kasbado saaxibadiisii hore ama inuu ka hortego fakirka kooxdaasi.

“Runtii Mukhtaar dadku baraha bulshada aadbaa loogu hadal hayey, laakiin shan sano ku dhowaad ama 8 sano waa ka maqnaa Al-Shabaab waa iyagii is dilay, kadibna saddexdii sano ee ugu dambeysay dowladda u xirnaa, isaga oo gobolka South-West u sharaxnaa, runtii wax ka qabashada Shabaabka ama soo kasbashada dadkii Shabaabka ahaa ee isaga oo kale ahaa ama yaqaanay, haddii taas looga qayb-qaadanaayo ama inuu ka hortego fikirkaas Takfiiriga ah waa dhici kartaa halkaas in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay ka fiiriyeen,” ayuu yiri Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo ka hadlayey magacaabista Roobow.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Roobow uusan aheyn ninkii ugu horreeyey ee xil ka soo qabtay Al-Shabaab, hadane xil looga dhiibay dowladda, wuxuuna tilmaamay inay jiraan shaqsiyaad ka yimid Al-Shabaab oo xilal waa weyn ka qabtay dowladda iyo maamullada.

“Ninkii ugu horreeyey ee Shabaab ka tirsanaa oo xil kale ka hayey oo xil loo dhiibay ma’ahan oo rag kala duwan ayaa xilal waa weyn ka qabtay heer maamul goboleed xilal ka qabtay ama heer federaal oo hay’adda NISA iyo meelo kale xilal ka qabtay, marka isaga xoogaa xiridii uu dowladda u xirnaa ayaa ayaa dhici karta inay gooni ku noqoto ,” ayuu yiri.

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey in Sheekh Mukhtaar Roobow looga baahanyahay inuu qanciyo dadka wax ka tirsanaya, sidoo kalena uu kasbado shacabka Soomalaiyeed.

“Marka dadka haatan waxaa dhici karta inay ka shakisan yihiin ama cuqdad inay u qabaan qaar kalena ay wax weyn ka sugayaan, marka isagana waa looga baahan yahay dadkaas sidii uu u qancin lahaa ama u kasban lahaa uu ka fakiro” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Si kastaba, dad badan ayey la-yaab ku noqotay markii ay arkeen Mukhtaar Roobow oo safka hore uga jira liiska wasiirada la magacaabay ee xukuumadda cusub, kaas oo muddo ka badan saddex sano iyo bar xabsi ku jiray, kadib markii ay dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Farmaajo ka soo xirtay magaalada Baydhaba bishii December ee 2018-kii. 

Sidee CIA-da u aqoonsatay halka uu joogay una fulisay DILKII Ayman Al-Zawahiri?

0

Kabul (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri ayaa Axaddii lagu dilay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ka fuliyeen dalka Afghanistan , sida uu xaqiijiyay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Zawahiri waxa uu dhuumasho ku jiray sanado badan, howlgalka lagu baadi goobayay laguna dilay waxa uu ahaa mid ka dhashay “sabar taxadar leh oo joogto ah,” oo ay sameeyeen ciidamada la dagaalanka argagixisada iyo sirdoonka, sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Mareykanka.

Ilaa inta lagu dhawaaqay dhimashadiisa, Zawahiri ayaa siyaabo kala duwan loogu xamanayay inuu ku sugan yahay aagga qabaa’ilka Pakistan ama gudaha Afghanistan.

Sarkaalkan oo magaciisa qariyay ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in muddo dhowr sano ah ay dowladda Maraykanku ka war haysay shabakad ay ku qiimeeyeen inay taageerto Zawahiri, wuxuuna sidoo kale sheegay in dowladda Mareykanka ay haysay calaamado muujinayo in ururka Al-Qaacida uu weli ku sugan yahay dalkaas.

“Saraakiisha waxay caddeeyeen in qoyska Zawahiri oo ka kooban xaakiisa, gabadhiisa iyo carruurteeda ay u guureen guri ammaan ah oo ku yaal Kabul kadibna Zawahiri ayaa lagu aqoonsaday isla goobtaas,” ayuu yiri sarkalkaan oo magaciisa qariyey.

Dhowr bilood gudahood, saraakiisha sirdoonku waxay aad ugu kalsoonaayeen inay si sax ah u aqoonsadeen Zawahiri oo jooga guri uu ku badbaadayey oo ku yaalla Kabul, horraantii bishii April-na waxay bilaabeen inay warbixin siiyaan saraakiisha sare ee dowladda Mareykanka.

Reuters ayaa sheegtay in xogta halka uu ku sugan yahay hoggaamiyahaan uu madaxweynaha Mareykanka Biden gaarsiiyey la-taliyaha Amniga Qaranka Jake Sullivan.

Markaas kadib saraakiishu waxay baaritaan dheer ku sameeyeen dhismaha iyo nooca guriga uu dagan yahay Zawahiri si loo xaqiijiyo in Mareykan uu si kasooni leh u fulin karo howlgal lagu dilayo Zawahiri, iyadoo aan wax khatar ah la gelin dariska iyo qoyskiisa.

Saraakiisha Mareykanka ayaa Zawahiri aqoonsaday isagoo ku sugan balakoonka guriga, waxayna saraakiisha sheegeen in markaas kadib lagu weeraray dhowr jeer, sida uu sheegay sarkaalkaan magaciisa qariyey.

Qaabka guriga nabdoon ee la sameeyay

Sida uu sheegay sarkaalkaan, Biden toddobaadyadii la soo dhaafay waxa uu qaban-qaabiyay kulamo uu la yeelanayo la-taliyayaal muhiim ah iyo xubnaha golaha wasiirrada si ay sirdoonka u baaraan una qiimeeyaan habka ugu habboon ee tallaabo loo qaadi karo.

Kowdii Luulyo, waxaa madaxweynaha Mareykanka la hor dhigay qorsho diyaarsan oo lagu fulinayo howlgalkaan kadib kulan ka dhacay qolka xaaladaha deg deg ah ee Aqalka Cad, waxaana kulanka goobjoog ahaa xubno ka tirsan wasiiradiisa iyo gaasimaha hay’adda sirdoonka ee CIA-da William Burns.

Sarkalkaan ayaa sheegay in kulankaas uu madaxweynaha Mareykanka saraakiisha ku waydiiyey su’aalo faahfaahsan oo ku saabsan sida ay qorsheeyeen weerarkaas iyo qaabka uu u dhisan yahay guriga la weerari rabo.

Wuxuu wax ka weydiiyay nalalka, cimilada, qalabka dhismaha iyo arrimo kale oo saameyn ku yeelan kara guusha hawlgalka, ayuu yiri sarkaalkaan.

Biden ayaa sidoo kale codsaday in la falanqeeyo waxyaabaha ka dhalan kara haddii ay diyaaradaha Mareykanka weerar ka fuliyeen gudaha Kabul.

Sargaalka ayaa sheegay in qareeno sarsare oo ka tirsan hay’adaha kala duwan ay baaritaan ku sameeyeen xogta sirta ah ayna xaqiijiyeen in Zawahiri uu ahaa bartilmaameed sharci ah oo ku saleysan inuu yahay hoggaamiyaha Al-Qaacida.

Taalibaan ayaa cambaareysay duqeynta ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxayna sheegeen inay xadgudub ku tahay heshiiskii nabadeed ee Doxa ay kula saxiixdeen dowladda Mareykanka.

Bishii Luulyo 25-keedii, Biden wuxuu ogolaaday xubnihiisa muhiimka ah ee golihiisa wasiirada iyo la-taliyayaashiisa inay helaan warbixintii ugu dambeysay oo ay ka wada hadlaan sida dilka Zawahiri uu u saameyn doono xiriirka Mareykanka iyo Taalibaan, iyo arrimo kale, ayuu yiri sarkaalku.

Ka dib markii uu ka waraystay aragtiyaha dadka kale ee qolka ku jira, Biden waxa uu oggolaaday in la fuliyo weerarkaan oo dhanka hawada ah, isagoo shardi uga dhigay yareynta halista khasaaraha rayidka ah.

Duqeynta ayaa ugu danbeyn la fuliyay 6:18am xiliga Afghanistan oo ku aadaneyd 1.48am GMT ee 31-kii July, waxaana howlgalka fulisay diyaarad Drone ah oo riday waxa loogu yeero gantaalada “hellfire”.

 

Sidee dilka Al-Zawahiri u saameynayaa Al-Shabaab?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii uu Mareykanka shaaca ka qaaday inuu duqeyn ku dilay hoggaamiyihii Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri ayaa waxaa isa soo taraya macluumaadka laga helayo dilkiisa iyo sidoo kale saameynta ka dhalan karta.

Al-Zawahiri ayaa ahaa ninkii la wareegay talada Al-Qaacida, kadib dilkii Usama Bin Ladin oo isna dhacay bishii May sannadki 2011-kii.

Haddaba, sidee dilka Ayman Al-Zawahiri u saameynayaa Al-Shabaab?

Cumar Maxamed Abuu Ayaan oo horey uga tirsanaan jiray kooxda Al-Shabaab ayaa wareysi uu siiyey laanta afka Soomaaliga ah ee VOA wuxuu ku sheegay in dilka Ayman Al-Zawahiri uu saameynayo kooxda Al-Shabaab oo iyadu Al-qaacida la midoobay sannadkii 2012-kii.

“Ayman Al-Zawahiri markii uu joogay ayey Al-Shabaab ku biireen Al-Qaacida markii uu Usama Bin Ladin joogay way kuu biiri waayeen, balse wakiilo ayaa u joogay Geeska Afrika,” ayuu yiri Cumar Maxamed isaga oo ka hadlay xiriirka kooxda Al-Shabaab iyo Al-Qaacida.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xittaa Al-Qaacida ay awood badneyd xilligii uu Usama Bin Ladin hogaaminayey, balse intii uu joogay Ayman Al-Zawahiri oo haatan la dilay ay lumisay dhul ballaaran, sida Ciraaq iyo meelo badan oo ay xukumi jirtay, sida uu hadalka u dhigay.

“Runtii wuxuu u saameynayaa dilkani ay Mareykanka dileen Al-Qaacida hogaamiyahahooda Ayman Al-Zawahiri si weyn-buu ururka Shabaab u saameynayaa, markii horeba ururkaasi waqtiyadii uu ugu xooga badnaa oo faafaayey waxay aheyd waqtigii uu joogay Usama Bin Ladin, markii la dilay kadib ee Ayman Al-Zawahiri hoggaanka qabtay waxaa dhacday inuu noqday hoggaamiye xoogaa ka daciifsan Usama Bin Ladin, sidaas aawgeed waxay bilaabeen in Al-qaacida ay lumiso dhulkii Ciraaq oo dhan,” ayuu wareysiga yiri Abuu Ayaan.

Abuu Ayaan oo sii hadlaya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in laga yaabo in sii tirtirmaan kooxahaan, kadib dilka uu Mareykanka u geystay Al-Zawahiri.

“Saameynta dilkaasi wax weyn-buu saameynayaa waxaa laga yaabaa in ay sii tirtirmaan, sida aan kolley aniga u arko,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay mustaqbalka Al-Qaacida iyo cidda bedeli doonto Ayman Al-Zawahiri, wuxuuna sheegay inay badan tahay in hoggaanka loo dhiibo nin lagu magacaabo Sayful Cadli.

“Waxaa la qiyaasayaa inuu beddeli doono nin lagu magacaabo Sayful Cadli, nin kalena in ay keensadaan waa laga yaabaa, laakiin waxaan u badinayaa in uu noqon doono hoggaamiyaha Ayman Al-Zawahiri beddeli doono Sayful Cadli,” ayuu markale yiri Cumar.

Zawahiri waxa uu dhuumasho ku jiray sanado aad u fara badan, balse ugu dambeyn waxaa lagu khaarijiyey duqeyn uu Mareykanka ka fuliyey maagaalada caasimada ah ee Kabul, abaare 6:18am xiliga dalka Afghanistan oo ku aadaneyd 1.48am GMT ee 31 July, waxaana howlgalkaas fulisay diyaarad Drone ah oo riday waxa loogu yeero gantaalada “hellfire”.

Xamza iyo Xasan Sheekh oo heshiisiiyey Mukhtaar Roobow iyo wasiirkii soo xiray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Xuseen Eelaay oo maanta loo magacaabay Wasiirka Xananaada Xoolaha Soomaaliya ayaa caawa lala kulansiiyey Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo isna maanta loo magacaabay wasiirka diinta iyo awqaafta xukuumadda Soomaaliya.

Wasiir Xasan Eelaay ayaa xilligii uu ahaa wasiirka amniga maamulka Koonfur Galbeed waxay dowladdii Farmaajo isaga iyo mas’uuliyiin kale u adeegsatay in la xiro Sheekh Mukhtaar Roobow.

Mukhtaar Roobow oo Baydhaba laga soo qabtay bishii December sanadkii 2018-kii ayaa galabta lagu baraarugay iyadoo loo magacaabay wasiir, maadaama uu xirnaa tan iyo maalintii laga soo qabtay Baydhaba.

Wasiir Xasan Eelaay markii xilka Wasiirka Xanaanada Xoolaha loo magacaabay wuxuu Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha hor tooda ku raalli geliyay Mukhtaar Roobow, waana uu cafiyay.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa in ka badan seddaxn sano arrimo siyaasadeed ugu xirnaa dowladdii hore, wuuna maanta ka mid noqday golaha cusub ee wasiirrada Soomaaliya.

Wasiir Xasan Eelaay oo caawa ay is cafiyeen Mukhtaar Roobow, hadda waa wasiirka xanaanada xoolaha ee xukuumadda Soomaaliya, wuxuuna ka mid ahaa xubnaha ugu dhow Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Sawirro: Xasan Sheekh oo isugu yeeray wasiiradii la magacaabay – Muxuu faray?

0

Muqdisho Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan soo dhaweyn ah la qaatay xubnaha magacaaban ee golaha wasiirrada ito Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn xukuumadda cusub ugu hambalyeeyey xilalka loo magacaabay, wuxuuna ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaare Xamse, la-tashiyadii uu sameeyey ka hor magacaabidda xubnahaan.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku amaanay dadaalkii uu ku bixiyey dhismaha xukuumad tayo leh oo hanan karta himilada shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladooda iyo “fulinta hiigsiga ku aaddan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.”

“Dadka Soomaaliyeed waxa ay idin ka sugayaan in aad si daacad leh ugu adeegtaan, in aad ka shaqeysaan wax ka qabashada dhibaatooyinka ay la tacaalayaan, taasna waxaa aasaas u ah in aad idinku masuuliyad iyo wadajir ku shaqeysaan oo maanka ku haysaan dhaarta iyo masuuliyadda,” ayaa yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay Golaha Xukuumadda in ay xoogga saarto xaqiijinta amniga, gurmadka abaaraha, dib u heshiisiinta, dhammeystirka dib u eegista dastuurka, horumarinta dowladnimada iyo kaabeyaasha nololeed ee shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena ay hagaajisa xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay dunida.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay ansixiyaan Xukuumadda, si ay degdeg u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday, waxa uuna Alle uga baryey in uu waafajiyo wixii dan u ah shacabka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

Daawo: Wasiir si deg deg ah isku casilay soona jeediyey garnaqsi yaab leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cabdulqaadir Cali oo maanta loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta Soomaaliya ayaa si deg deg ah isaga casilay xilkaas, isagoo shaaciyey sababta.

Maxamed Cabdulqaadir ayaa sababta uu isku casilay ku sheegay in xilkaas uusan u qalmin beeshiisa, isla markaana ay beeshu horay u laheed wasiir buuxa.

“Waxaan rabaa inaan ka cadeeyo halkaan, inaan iska casilay xilkii la ii magacaabay ee wasiir ku xigeenka qorsheynta, beel ahaan uma qalano kursigaan, kumana meteli karo beesheyda,” ayuu yiri Maxamed Cabdulqaadir Cali.

Sidoo kale masuulkaan ayaa cadeeyey in beeshiisa Carab Saalax ee beelaha Daarood ay horay u laheyd wasiir fuul ah.

“Hadda waxaa la dhahay meeshiinu waxay heshay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka, laakiin waxaan sidoo kale xaq u leenahay wasiir buuxa, maadaama ay beesheydu xildhibaano badan leedahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Go’aanka uu isku casilay wasiir ku xigeenkii wasaaradda qorsheynta loo magacaabay ayaa ku soo aaday saacado kooban kadib markii galabta lagu dhawaaqay golaha cusub ee wasiirrada Soomaaliya.

Hoos ka daawo

Aqriso: Beelaha ay kasoo jeedaan wasiirada cusub ee uu magacaabay Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa goordhow shaaciyey liiska Golaha Wasiirada xukuumaddiisa ee muddada la sugayey.

Inta badan xubnaha golaha wasiirada ayaa ah xubnaha sida aadka ah ugu dhow ama ka tirsan kooxda madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ee UPD, waxaase ku jira dhowr wasiir oo siyaabo kale ku yimid.

Liiska Golaha ee uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ah kuwo aad looga soo shaqeeyay oo ku yimid wada-ogol dhinacyo badan ah, islamarkaana waqti badan ay galiyeen madaxda sare.

Haddaba, hoos ka aqriso magacyada xubnaha la magacaabay iyo qabiiladooda:

1- Saalax Axmed Jaamac, Ra’iisul Wasaare ku-xigeen – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Isaaq/Garxajis.
2- Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, Wasiirka Awqaafta iyo Diinta – Waxa uu kasoo jeedaa Digil iyo Mirifle/Leesaan
3- Xasan Macallin, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Hawiye/Murusade/Sabti
4- Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Hawiye/Habargidir/Sacad
5- Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiirka Maaliyadda – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Samaroon.
6- Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Wasiirka Gaashaandhigga, wuxuu kasoo jeedaa Mirifle/ Jiroon
7- Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga – Waxa uu kasoo jeedaa Majeerteen/Ciise Maxamuud
8- Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada Waxa uu kasoo jeedaa Reer Aw-Xasan.
9- Maxamuud Cabdiraxmaan Beena-Beene, Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Hawiye/Baadicadde.
10- Jaamac ilka Jiir, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka, waxaa uu kasoo jeedaa Beesha Daarood / Warsangeli.
11- Fardowsa Cismaan Dhoore, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka, wuxuu kasoo jeedaa Daarood/Leelkase
12- Jaamac Xasan Khaliif, Wasiirka Boosatada iyo Isgaarsiinta – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Daarood/Dhulbahnte
13- Xasan Xuseen Eelaay, Wasiirka Xananaada Xoolaha, wuxuu kasoo jeexa Mirifle/ Eelay.
14- Jibriil Cabdirashiid, Wasiirka Ganacsiga Warshadaha – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Digil iyo Mirifle/Garre.
15- Ismaaciil Sheekh Bashiir, Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryenta – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Isaaq/Habarjeclo.
16 -Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Haweenka – – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Shanaad/Yaxar
17- Dr. Crisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Hawiye/Xawaadle.
18- Maxamuud Doodishe, Wasiirka Amniga Gudaha –  – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Daarood/Mareexaan.
19- Axmed Madoobe Nuunoow, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, wuxuu kasoo jeeda  Digil/Dabare
20- Dr. Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Caafimaadka – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Hawiye/Gaaljecel.
21- Axmed Xasan Aadan, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyeaadka Badda, wuxuu kasoo jeedaa Beesha Dir
22- Daa’uud Aweys, Wasiirka Warfaafinta – – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Shanaad/Jareer
23- Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Isaaq/Garxajis.
24- Jaamac Taqal, Wasiirka Korontada iyo Biyaha, wuxuu kasoo jeeda beesha Dir/Biyamaal.
25- Maxamed Barre Maxamuud, Wasiirka, wuxuu kasoo jeed Beesha Shanaad/ Ajuuraan Dhallinyarada iyo Ciyaraaha, wuxuu kasoo jeedaa Beesha Shanaad/ Ajuuraan
26- Khadiija Al-Makhzuumi, Wasiirka Bay’adda iyo isbddelka Cimiladda, waxay kasoo jeedaa Beesha Shanaad/Reer Xamar.

Golaha Wasiirada oo lagu dhowaaqay (Akhriso liiska)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa goordhow shaaciyey liiska Golaha Wasiirada xukuumaddiisa ee muddada la sugayey.

Inta badan xubnaha golaha wasiirada ayaa ah xubnaha sida aadka ah ugu dhow ama ka tirsan kooxda madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ee UPD, waxaase ku jira dhowr wasiir oo siyaabo kale ku yimid. 

La-yaabka ugu weyn ee ku jira golaha wasiirada ayaa ah; Mukhtaar Roobow oo loo magacaabay wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta. Mukhtaar Roobow ayaa muddo ka badan saddex sano iyo bar xabsi ugu jiray dowladda federaalka, kadib markii ay dowladdii Farmaajo kasoo xirtay magaalada Baydhaba bishii December 2018. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horey u sheegay inuu Al-Shabaab la galayo dagaal dhanka fikirka ah, isaga oo sheegay inaan ciidan ahaan kaliya looga adkaan karin, waxaana magacaabista Roobow ay qeyb ka tahay arrintaas. 

Senator Saalax Axmed Jaamac ayaa loo magacaabay xilka ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka, halka Axmed Macallin Fiqi ayaa loo magacaabay xilka wasiirka arrimaha gudaha.

Xasan Macallin waxaa loo magacaabay wasiirka cadaaladda iyo dastuurka. Wasiirka Gaashnaadhigga ayaa waxaa dib loogu magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Faarax Cabdulqaadir ayaa loo magacaabay wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare, halka Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene loo magacaabay wasiirka qorsheynta. 

Waxaa golaha wasiirada ku cusub in la babai’iyey laba wasaarad, halka wasaarad cusubna lasoo kordhiyey.

Wasaaradaha la baabi’yey ayaa ah; wasaaradda gargaarka iyo Musiibooyinka, maadama madaxweyne Xasan Sheekh uu horey u magacaabay ergeyga gaarka ah ee arrimaha abaaraha iyo gargaarka bani’aadamino Cabdiraxmaan Cabdishakuur. 

Sidoo kale waxaa meesha laga saaray wasaaradda dastuurka oo horay gooni ugu taagneyd, waxaana hadda la raaciyey wasaaradda cadaaladda oo noqoneysa wasaaradda Cadaaladda iyo dastuurka. 

Waxaa cusub oo lasoo kordhiyey wasaarada cusub oo ah wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada, waxaana loo magacaabay Khadiija Al-Makhzuumi.

Hoos ka aqriso liiska oo dhameystiran

1- Saalax Axmed Jaamac, Ra’iisul Wasaare ku-xigeen.
2- Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, Wasiirka Awqaafta iyo Diinta.
3- Xasan Macallin, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka.
4- Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha.
5- Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiirka Maaliyadda.
6- Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Wasiirka Gaashaandhigga.
7- Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.
8- Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada.
9- Maxamuud Cabdiraxmaan Beena Beene, Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga.
10 -Jaamac ilka Jiir, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka.
11 -Fardowsa Cismaan Dhoore, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.
12- Jaamac Xasan Khaliif, Wasiirka Boosatada iyo Isgaarsiinta.
13- Xasan Xuseen Eelaay, Wasiirka Xananaada Xoolaha.
14- Jibriil Cabdirashiid, Wasiirka Ganacsiga Warshadaha.
15- Ismaaciil Sheekh Bashiir, Wasiirka Howlaha Guud iyo Gureyenta.
16 -Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Haweenka.
17- Dr. Crisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta.
18- Maxamuud Doodishe, Wasiirka Amniga Gudaha.
19- Axmed Madoobe Nuunoow, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka.
20 – Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Caafimaadka.
21- Axmed Xasan Aadan, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyeaadka Badda.
22- Daa’uud Aweys, Wasiirka Warfaafinta.
23 – Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha.
24 – Jaamac Taqal, Wasiirka Korontada iyo Biyaha.
25- Maxamed Barre Maxamuud, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaraaha.
26- Khadiija Al-Makhzuumi, Wasiirka Bay’adda iyo isbddelka Cimiladda.

MUKHTAAR ROOBOW oo ka mid noqday golaha wasiirada iyo xilka loo magacaabay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa goordhoweyd si rasmi ah uga mid noqday Golaha Wasiirada cusub ee Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo muddo u xirna dowladdii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa loo magacaabay wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta.

Arrintaan ayaa waxaa la sheegay inay si weyn uga qayb-qaateen xildhibaanno ku dhow dhow guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Madoobe.

Sidoo kale waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin caan ah, waxaana ka mid ah afhayeenkii hore ee xukuumadda Soomaaliya, haatana ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Qoraal uu Macallimuu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa waxa uu ku yiri “Xabsi ilaa wasiir. Ku soo dhawoow naadiga”.

Sheekh Roobow oo horey uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab, balse isku soo dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo dhoweysay ayaa ka mid ahaa musharixiintii isku soo taagay madaxweynaha Koonfur Galbeed, balse isaga oo musharrax ahaa laga soo xiray Baydhabo.

Si kastaba, golaha wasiirada lagu dhawaaqay ayaa ka kooban 25 Wasiir, halka xukuumaddii hore aheyd 26 Wasiir, iyadoo la baabi’iyey wasaaraddii gargaarka, halka wasaaradda dastuurka oo gooni u taagneyd lagu daray wasaaradda cadaaladda, waxaa sidoo kale la soo kordhiyey wasaarad lagu magacaabo bay’ada iyo isbedelka cimilada.

Xog: Tirada golaha wasiirada, wasaarado la baabi’iyey iyo kuw lasoo kordhiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa goordhow ku dhowaaqaya golihiisa wasiirada cusub ee muddada la sugayey, waxaana ka muuqdo isbeddelo cusub. 

Sida ay xog horudhac ah ku heshay Caasimada Online, Golaha Wasiirada la magacaabayo ayaa ka kooban 26 Wasiir, si la mid ah xukuumaddii hore oo iyana ay aheyd 26 wasiir, ayada oo wasaarada la baabi’iyey qaar cusubna lasoo kordhiyey.

Wasaaradaha la baabi’yey waxaa ka mid ah; wasaaradda Gargaarka iyo Musiibooyinka, maadama madaxweyne Xasan Sheekh uu horey u magacaabay ergeyga gaarka ah ee arrimaha abaaraha iyo gargaarka bani’aadamino Cabdiraxmaan Cabdishakuur. 

Sidoo kale waxaa meesha laga saaray wasaaradda dastuurka oo horay gooni ugu taagneyd, waxaana hadda la raaciyey wasaaradda cadaaladda oo noqoneysa wasaaradda Cadaaladda iyo dastuurka. 

Waxaa lasoo kordhiyey wasaarada cusub oo ah wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada, ayada oo ujeedku yahay in la badbaadiyo deegaanka oo la rumeysan yahay in xaalufintiisa uu qeyb ka yahay abaaraha soo noqnoqday ee dalka ka jira. 

Sidoo kale, wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa magaca laga beddelay waxayna noqneysaa wasaaradda awqaafta, arrimaha diinta iyo la-dagaalanka argagixisada, waxaana la filayaa in loo magacaabo Mukhtaar Roobow. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horey u sheegay inuu Al-Shabaab la galayo dagaal dhanka fikirka ah, isaga oo sheegay inaan ciidan ahaan kaliya looga adkaan karin. 

Dhinac kale, waxaa hadda shir uga socdaa Villa Somalia Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Sheekh Mukhtar Roobow oo ka mid ah Golaha Wasiirada. 

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Xafiiska Xeer Ilaalinta ay soo saari doonto warqad dambi la’aan ah oo si buuxda u ogolaaneysa xoriyadda Mukhtar Roobow.

Shir xasaasi ah oo u socda Xasan Sheekh, Rooboow iyo Aadan Madoobe + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in haatan shir xasaasi ah oo saddex geesood ah uu u socdo madaxweynaha, guddoomiyaha golaha shacabka & wadaadka Sheekh Mukhtaar Roobow oo muddo u xiran dowladda dhexe.

Shirkaan oo lagu soo aadiyey, kahor magacaabista golaha wasiirada ayaa waxaa diirada lagu saarayaa arrinta la xiriirta Sheekh Roobow oo la sheegay inuu ka mid noqonayo golaha wasiirada cusub oo la filayo in maanta uu ku dhowaaqo ra’iisul wasaare Xamza.

Ilo ku dhow Villa Soomaaliya ayaa innoo sheegay in madaxdu ay ka wad-hadlayaan sida ay tahay in loo bari yeelo wadaadkaan oo muddo ku dhow afar sano xirnaa, kadib markii dowladdii hore ee Maxamed Farmaajo ay ka soo qabatay magaalada Baydhabo ee Baay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, xeer ilaalinta qaranka ayaa goordhow soo saareyso warqad dambi la’aan ah, sidoo kalena lagu caddeynayo inuu xor yahay wadaadkaasi.

Roobow ayaa wararka waxay ay sheegayaan in loo magacaabayo wasiirka diinta, awqaafta iyo la dagaalanka fikirka xagjirka ah, waxaana arrintaan qayb weyn ka qaatay xildhibaanno ku dhow dhow guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe.

Sidoo kale waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin caan ah, waxaana ka mid ah afhayeenkii hore ee xukuumadda Soomaaliya, haatana ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaalua, Mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Qoraal uu Macallimuu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa xoojiyey xogta la xiriirta magacaabista Roobow  wuxuuna yiri “Xabsi ilaa wasiir. Ku soo dhawoow naadiga,”.

Sheekh Roobow oo horey uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab, balse isku soo dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo dhoweysay ayaa ka mid ahaa musharixiintii isku soo taagay xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed balse isagoo musharrax ah laga soo xiray Baydhabo.

Xog: Mukhtaar Roobow oo ku jira golaha wasiirada DF iyo xilka loo magacaabayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya macluumaadka iyo xogaha laga helayo magacaabista golaha wasiirada Soomaaliya oo la filayo in saacadaha soo aadan uu ku dhowaaqo ra’iisul wasaare Xamza oo haata soo gabagabeeyey wadatashiyadii uu waday.

Wararka ayaa sheegaya in haatan xafiiska ra’iisul wasaaraha looga yeeray wasiirada magacaaban ee lagu wado in lagu dhowaaqo, si ay goobjoog u noqdaan magacaabistooda.

Haddaba Roobow ma ku jiraa liiska golaha wasiirada cusub?

Waxaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya xogaha iyo wararka sheegaya in Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo muddo u xiran dowladda Soomaaliya uu ku jiro liiska golaha wasiirada cusub ee la filayo inuu shaaciyo ra’iisul wasaaraha, waxaana la sheegay in loo magacaabayo wasiirka diinta, awqaafta iyo la dagaalanka fikirka xagjirka ah.

Arrintaan ayaa waxaa la sheegay inay si weyn uga qayb-qaateen xildhibaanno ku dhow dhow guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Madoobe.

Sidoo kale waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin caan ah, waxaana ka mid ah afhayeenkii hore ee xukuumadda Soomaaliya, haatana ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaalua, Mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Qoraal uu Macallimuu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa xoojiyey xogta la xiriirta magacaabista Roobow  wuxuuna yiri “Xabsi ilaa wasiir. Ku soo dhawoow naadiga,”.

Sheekh Roobow oo horey uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab, balse isku soo dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo dhoweysay ayaa ka mid ahaa musharixiintii isku soo taagay madaxweynaha Koonfur Galbeed, balse isaga oo musharrax ahaa laga soo xiray Baydhabo.

Sikastaba, golaha wasiirada la filayo in lagu dhowaaqo ayaa ka kooban 25 Wasiir, halka xukuumaddii hore aheyd 26 Wasiir, ayadoo la baabi’iyey wasaaraddii gargaarka, halka wasaaradda dastuurka oo gooni u taagneyd lagu daray wasaaradda cadaaladda, waxaa sidoo kale la soo kordhiyey wasaarad lagu magacaabo bay’ada iyo isbedelka cimilada.

Xog: Wasiirada cusub oo loo yeeray – Maxaa ka socda xafiiska R/Wasaare Xamza?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho waxaa hadda ka socda dhaq-dhaqaaqii ugu dambeeyey ee ku aadan magacaabista xubnaha golaha wasiirada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, taas oo shalay uu ku yimid dib u dhac.

Wararka ayaa sheegaya in maanta duhurka, kadib ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre uu shaacin doono liiska golihiisa wasiirada oo ay ku qaadatay muddo ku dhow 40 cisho.

Sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxaa goordhow xafiiska ra’iisul wasaaraha looga yeeray wasiirada magacaaban ee la filayo in lagu dhowaaqo liiskooda, si ay goobjoog u noqdaan munaasabadda magacaabistooda.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xal laga gaaray kursiga ra’iisul wasaare ku xigeenka oo dhaliyey in shalay dib loo dhigo magacaabista golaha wasiirada cusub, kadib markii lagu qoray Xildhibaan Biixi Iimaan Cige oo ay dood ka keeneen reer waqooyiga.

Sida ay ogaatay Caasimada Online arrintaan ayaa hadda xal laga gaaray, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in la’isku afgartay in ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka loo magacaabo wasiirkii hore ee dastuurka xukuumadda Soomaaliya, Senator Saalax Axmed Jaamac.

Tirada wasiirada la filayo in lagu dhowaaqo ayaa ah 25 Wasiir, halka xukuumaddii hore aheyd 26 Wasiir, ayadoo la baabi’iyey wasaaraddii gargaarka, halka wasaaradda dastuurka oo horey gooni u taagneyd lagu daray wasaaradda cadaaladda, waxaa sidoo kale golaha lagu soo kordhiyey wasaarad cusub oo ah wasaaradda bay’ada iyo isbedelka cimilada.

Xogta aan heleyno waxay sidoo kale intaas ku daraysaa in xukuumadda la soo dhisayo ay ku jiri doonaan siyaasiyiin ay ka mid yihiin, Axmed Macalin Fiqi, Xasan Macalin, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Dr. Cilmi, Biixi Iimaan Cige, Maxamuud Beena-Beene, Faarax Sheekh Cabduqaadir, Abshir Bukhaari, Cali Balcad, Ilyaas Cali Xasan, Khadiijo Maxamed Diiriye, Daa’uud Aweys iyo xubno kale.

Sheekada xasaasiga ah ee ilaa hadda aan saldhigan waa in wararkuay  sheegayaan in Mukhtaar Roobow oo dowladda u xiran ay macquul tahay in loo magacaabo wasiirka diinta, awqaafta iyo la dagaalanka fikirka xagjirka ah, waxaana u ololeynaya xildhibaano ku dhow dhow guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Madoobe.