27.7 C
Mogadishu
Thursday, May 14, 2026

Sawirro: Al-Shabaab oo soo bandhigtay askari maxbuus ah, hub culus iyo gaari ay ku furteen dagaalkii Aato

0

Xudur (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa baahisay sawirrada hub culus oo ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka Soomaali Galbeed ay uga furteen dagaalkii ka dhacay magaalada Aato ee gobolka Bakool.

Sidoo kale Al-Shabaab waxay baahiyeen sawirrada askari maxbuus ah oo dagaalka ay ku qabteen iyo gaari Cabdi Bile ah oo astaanta ciidamada Itoobiya ay ku buufsan tahay.

Dagaalkii ka dhacay degaanka Aato ee gobolka Bakool oo dhacay Jimcihii lasoo dhaafay, wuxuu ahaa mid aad u culus, oo aad ay isugu baaba’een dhinacyadii ay dirirtu dhex martay.

Al-Shabaab waxay guulo waaweyn ka sheegteen dagaalkaas, waxayna ka soo saareen bayaan ay ku sheegteen inay Aato ku dileen in ka badan 150 askari oo ciidanka Liyuu Boolis ah.

Sidoo kale maalin kadib dagaalkii Aato ka dhacay Jimcihii, kooxda Al-Shabaab waxay soo bandhigtay sawirrada tobanaan meyd ah oo ay ku sheegeen ciidankii ay laayeen ee Liyuu Boolis.

Hase yeeshee sheegashada Al-Shabaab waxaa meesha ka saaray masuuliyiinta maamulka magaalada la weeraray ee Aato, iyagoo sheegay in dhimashada dhankooda aysan 10 qof ka badneyn, sidoo kalena ay laayeen dagaalyahanadii magaalada soo weeraray ee Al-Shabaab.

Hoos ka eeg sawirrada ay Al-Shabaab soo bandhigeen

QARAX maanta ka dhacay MUQDISHO + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan laba qof oo shacab ahaa ayaa ku geeriyooday qarax miino oo saaka ka dhacay agagaarka isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Qaraxa oo jugtiisa si weyn looga maqlay xaafadaha degmada Hodan ayaa wararka waxa ay sheegeen inuu ka dhacay wadada xiriirisa Tarabuunka iyo isbitaalka Masaarida oo ku yaal halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo marayey wadada, waxaana la soo wariyey inuu ka bad-baaday miinada oo qaraxday markii uu gudbay gaariga ay la socdeen askarta.

Labada qof ee geeriyootay ayaa la sheegay inay marayeen wadada, ayaga oo la kulmay qaraxa, waxaana goobta mar dambe gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka degmada Hodan oo ku aadan qaraxaas oo dhacay aroortii hore ee saaka.

Weerarkaan qaraxa ah ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee maalmihii dambe ka dhacayey magaalada Muqdisho, waxaana inta badan sheegata kooxda Al-Shabaab.

Sikastaba, muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa kordhiyey howlgallada lagu sugayo amniga, haddane waxaa weli dhacaya weeraro kala duwan, sida qaraxyo, dilal iyo dhac ay geysaneyso burcadda ku sugan caasimada.

Hoggaamiyihii Al-Qacida Ayman al-Zawahiri oo la dilay

Washington (Caasimada Online) – Hoggaamiyihii Al-Qacida Ayman al-Zawahiri ayaa lagu dilay weerar drone ah oo ay fulisay CIA-da Mareykanka, waxaa sidaas shaaca ka qaaday saraakiil Mareykan ah. 

Zawahiri, oo ah dhaqtar qalliin oo Masri ah, ayaa gacan ka gaystay isku xirikii weeraradii September 11, 2001 lagu qaaday dalka Mareykanka.

Weeraradaas ayaa lagu afduubtay afar diyaarad oo rayid ah kadibna lagu weeraray daarihii mataanaha ee Xaruntii Ganacsiga Adduunka ee New York, xarunta Pentagon-ka iyo goob maran oo ku taalla gobolka Pennsylvania, waxaana lagu dilay 3,000 oo qof.

Sarkaal Mareykan ah oo codsaday inaan la magacaabin ayaa Reuters sheegay in weerarka Drone-ka ah ay CIA-da ka fulisay magaalada Kabul ee caasimadda Afghanistan, Axaddii.

“Axaddii, Mareykanka wuxuu fuliyey weerar ka hortag argagixiso oo ka dhan ah bartilmaameed muhiim ah oo ka tirsan Al-Qacida, weerarkaas oo ka dhacay Afghanistan,” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan maamulka madaxweyne Joe Biden.

“Howlgalka wuxuu ahaa mid guul leh, mana jirin cid rayid ah oo wax ku noqotay,” ayuu ku daray. 

Weerarka CIA-da ayaa dhalinaya su’aalo ku saabsan haddii kooxda Taalibaan ay gabbaad siisay Ayman Al-Zawahiri kadib markii ay la wareegtay gacan ku haynta Kabul bishii August 2021. 

Afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyey in weerarka uu dhacay, wuxuuna u cambaareeyey si xooggan, isaga oo ugu yeeray xadgudub ka dhan ah “mabaadi’da caalamiga ah.”

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad, ayaa geerida Zawihiri ku tilmaamay “cadaaladda oo la fuliyey.”

Qarax xooggan ayaa saacadihii hore ee Axaddii laga maqlay Kabul. 

“Guri ku yaalla xaafadda Sherpoor ayaa waxaa ku dhacay gantaal culus. Wax khasaare ah kama dhalan weerarka maadaama guriga aysan cidna ku sugneyn,” waxaa sidaas goor hore sheegay Abdul Nafi Takor oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha dowladdaTaalibaan.

Geerida Al-Zawahiri ayaa imaneysa 11 sano kadib markii Mareykanka ay weerar ka dhacay dalka Pakistan ku dileen hoggaamiyihii hore ee Al-Qacida Osama bin laden, markaasi oo kadib Zawahiri uu la wareegay hoggaanka.

Mareykanka oo war cusub kasoo saaray weerarka Al-Shabaab ay ku hayso Itoobiya

0

New York (Caasimada Online) – Taliyaha xilka ka sii tegaya ee taliska AFRICOM, Jeneral Stephen Townsend oo warbixin siinayey waaxda difaaca dalka Maraykanka ayaa ka hadlay weeraradii ugu dambeeyey ee Al-Shabaab, gaar ahaan duulaankii ay ku qaaday Itoobiya.

Jeneral Stephen Townsend ayaa shaaca ka qaaday in aan la dhayalsan karin kooxdaan, wuxuuna ka digay halis ka dhan ah dowlad deegaanka oo ay haatan wado Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa shaaca ka qaaday suurto galnimada in Al-Shabaab ay u badan tahay inay qorsheynayaan weeraro kale oo ay bilaha soo socda ka geystaan dalka Itoobiya.

“Waxay u muuqataa in Itoobiyaanku ay si weyn u xakameeyeen oo ay jabiyeen duullaankan,” ayuu warbixintiisa ku yiri Jeneral Stephen Townsend.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in 500 oo xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ay illaa 150 kiiloomitir gudaha u galeen Itoobiya, ka hor inta aan la joojin, waxayna dagaallo culus xuduuda kula galeen ciidamada Liyuu Boolis iyo oo garab ka helaya kuwa dowlada Itoobiya.

Townsend oo hadalkiis sii wata ayaa soo jeediyey in muhiim ay tahay in laga feejignaado duulaannada cusub oo ay qorsheyneyso kooxda Al-Shabaab, ka hortegna la sameeyo.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayo xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, halkaas oo todobaadyadii ugu dambeeyey ay ku dagaalameen xoogaga Al-Shabaab iyo ciidanka dowlad deegaanka Soomaalida, Itoobiya.

Laftagareen oo sheegay inay qabteen mid ka mid ah raggii fuliyey qaraxii Baydhabo

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo u warramay laanta afka Soomaaliga ah ee BBC ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallo culus oo laga sameeyey magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Lafta Gareen ayaa shaaciyey in howlgalladaas oo lagu xaqiijinayey amniga lagu soo qabtay mid ka mid ah raggii ka dambeeyey qaraxii is-miidaaminta ee Jimcihii ka dhacay halkaasi.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ninka la soo qabtay uu wax ka abaabulay weerarkaasi oo lagu dilay wasiirkii cadaaladda ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Marxuum Ibraahim Xasan Lug-buur iyo Wiil uu dhalay oo darawal u ahaa.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ku daba jiraan shaqsiyaad kale oo ku lug lahaa weerarkaas oo sidoo kale sababay dhaawaca dad kor u dhaafaya illaa 10 qof.

Cabdicasiis Lafta Gareen oo hadalkiisa sii wata ayaa walaac ka muujiyey qaraxyada Al-Shabaab, wuxuuna la xiriiriyey duulaanka ay ku qaadeen dhulka dowlad deegaanka.

”Qaraxyada ka dhacaya Koonfur Galbeed, waa mid ay Al-Shabaab ugu talo galeen inay indhaha kaga jeediyaan howlgalka ay ka wadaan dowlad deegaanka,” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu shaaca ka qaaday in maamulkiisa uu wado qorshe ballaaran oo wax looga qabanayo amniga, si looga hortego weerarada kooxda Al-Shabaab.

Koonfur Galbeed ayaa maalmahaan wajaheysay xaalad amni, waxaana qaraxa Baydhabo ka horreeyey weerarkii ismiidaamiinta ahaa ee isna lagu dilay guddoomiyihii degmada Marka.

Dagaalka RUUSHKA iyo qurbojoogta Soomaalida

Horudhac 

Dunida ayaa wajahaysa xaalad adag oo aan horey loo saadaalin taasoo ka dhalatey dhacdooyinkii is daba joogga ahaa ee ka dhacayay caalamka laga soo bilaabo 11kii bishii March 2020 markii ay Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan caafimaadka dunida (WHO) ku dhawaaqdey inuu cudurka Koronafayras (COVID-19) uu noqdey Safmar Caalami ah (Global Pandemic). Waxaa taa xigey duulaanka ay Ruushanku ku qaadeen waddanka deriska la ah ee Yukreyn kaasoo si rasmi ah u bilowdey Labadii bishii February 2022. Waxaa sii xigey go’aankii ay Hay’adda WHO kasoo saartey cudurka Busbuska (Monkeypox) kaasoo ay ugu aqoonsatey inuu yahay Xaalad Deg-deg ah oo Mudan Walaac Caalami ah (Public Health Emergency of International Concern). Waxaa dhici karta in faafitaanka cudurkani uu faraha ka baxo haddii aanay dowladahu wax ka qaban xili hore isla markaana aan laga talaalin bulshada. Fara kabaxaasi ayaa yeelan kara saameyn lamid ah tii Safmarka COVID-19.

Xaaladahani deg-degga ah oo ay dunidu wajahayso ayaa sababey hoos udhac ku yimaada kororka dhaqaalaha dunida, wax soosaarka beeraha iyo wershadaha iyo isu socdoka caalamiga ah. Waxaa dib u dhac ku yimi gaadhista Himilooyinkii Horumarka ee ay dunidu ku taameysey. 

Dhibaatooyinkani waxaa ka horeeyey dhibaatada qul-qulka muhaajiriinta ka imanayey dalalka ay ka jirto shaqaaqooyinka, dagaalada, faqriga iyo shaqo la’aanta. Waxaa sidoo kale jirey dagaalada tobanaanka sano kabadan ka socdey qaar kamid ah waddamadii uu saameeyey Gugii Carbeed iyo kuwii ay dowladaha reer galbeedku ku duuleen.  

Duulaanka Ruushka ee Yukeyn – walaac muddo soo jiitamayey

Waxaa jirey walaac sannado badan soo jirey kaasoo ay dowladda Ruushku ka qabtey is balaadhinta gaashaanbuurta ay reer galbeedku ka boobeen oo loo yaqaano NATO. Waxaa jirey shaki uu aqalka looga taliyo Ruushka ee loo yaqaano Kirimlin uu ka qabey in dowladaha xubnaha ka ah gaashaanbuurta NATO iyo ururka Midowga Yurub ay doonayeen inay dowladda Yukeyn kusoo biiriyaan NATO in kastoo hannaanka ku biiristu uu qaadan karo sanado badan. Sidaa darteed Ruushku waxay arintani u arkayeen gardarro ay reer galbeedku ku doonayeen inay is balaadhintoodu ku keenaaan xuduudaha Ruushka. Dowladda Ruushka oo aaminsan in dagaaladii uu Maraykanku ku qaadey waddamada Ciraaq iyo Afgaanistaan iyo taageeradii ciidan, sirdoon iyo dhaqaale ee uu ku bixiyey dagaaladii lagu bur-buriyey dowladihii ka dhisnaa Yaman iyo Liibiya iyo isku daygii lamidka ahaa ee la doonayay in lagu rido dowladda Suuriya iyo Masar ay dhamaantooduba ahaayeen gardarro aan geedna loogu soo gabban ayaa go’aansadey inuu danihiisa ka difaacdo reer Galbeedka isla markaana uu qaado weerar uu ku wiiqayo Yukreyn kuna joojinayo iskuday kasta oo ay NATO ugu biiri karto. 

Muddo ku dhow sanad ilaa laba sannadood maamulka Vladimir Putin waxaa uu ciidan boqolaal kun gaadhaya kusoo daabulayay xuduudaha waddanka Ruushka uu la leeyahay Yukreyn taasoo loogu diyaar garoobayay weeraro dhinacyo badan leh oo uu Ruushku ku doonayay inuu ku baab’iyo yididiiladii dowladda Yukreyn ay ku dooneysey in ay ugu biirto NATO isla markaana lagu rido dowladda ka jirta Yukreyn taasoo taageero ka haysata reer Galbeedka.  

Inkastoo dowladaha Maraykanka, Ingiriiska iyo kuwa xubnaha ka ah Midowga Yurub iyo gaashaanbuurta NATO ay in muddo ahba digniino is daba joog ah kasoo saarayeen duulaankii uu damacsanaa waddanka Ruushka, digniinahaasi ayaan madaxweynaha Ruusha Vladimir Putin dheg jalaq usiinin; waxaana si xowli ah kusii socdey isku dubbaridka iyo abaabulka dagaalka. 

Bishii February 2022, waxaa mareegta internetka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda dalka Ruushka lagu daabacay in kabadan toban duulaano gardarro ah oo uu Mareykanku ku qaadey waddamo kulaala qaaradaha Ameerika, Aasiya, Yurub iyo Bariga Dhexe ayada oo uu mar walba la isticmaalayey sirdoon been ah iyo dacaayado loogu qiil samaysanayay duulaano ujeedadeedu ahayd in lagu baab’iyo wadamadaasi laguna boobo hantidooda. Waxay duulanadaasi soo bilowdeen sannadkii 1846kii waxana u dambeeyey duulankii uu Maraykanku ku qaadey waddanka Ciraaq 2003dii iyo xulafadii uu Maraykanku ku hogaamiyey gulufkii ka bilowdey waddanka Suuriya 2014kii kaasoo ilaa maanta socda. Ujeedka dalka Ruushka ayaa ahaa inay caalamka u sheegaan in isla dowladaha maanta dhaleecaynaya duulaanka Ruushka ee Yukreyn sheeganayana inay difaacayaan xuquuqda bani’aadamka isla ayaga ku dhawaaad laba qarni ay maalinba waddan ku duulayeen ayadoo la istcimaalayay sirdoon been ah oo lagu marin habaabinayay dowladaha kale ee caalamka iyo Qaramada Midoobey. 

Xogihii is burinayey ee sirdoonka reer Galbeedka

Kadib bilowgii duulaanka Ruushka ee waddanka Yukreyn waxaa soo baxayay xogo is khilaafsan oo ay faafinayeen sirdoonka reer Galbeedka gaar ahaan hay’adaha sirdoonka Mareykanka ee CIA iyo tan Ingiriiska ee MI6. Hay’adaha wax basaasa ayaa markii hore saadaaliyey in Ruushku muddo ku siman todobaadyo gudahooda uu ku ridayo dowladda ka dhisan Yukreyn isla markaana uu ku caleema saari doono dowlad cusub oo daba dhilif u ah aqalka looga taliyo Ruushka ee Kirimlinka. Saadaasha basaasiinta Mareykanka iyo reer Galbeedka kale ayaa ku saleysneyd inuu si fudud u baabi’ doono difaaca ciidamada Yukreyn iyo in caasimadda Kiyeef ay ku dhici doonto laba ilaa saddex todobaad gudahooda. Sidaa darteed waxay Maraykanku kula taliyeen madaxweynaha Yukreyn Volodymyr Zelenskyy inuu ka cararo dalka oo uu saldhig kumeel gaadh ah ka dhigto dalka debaddiisa, waxaa taa ku gacan saydhey Zelenskyy. 

Isla sirdoonkii reer galbeedka ayaa muddo todobaadyo kadib soo saarey in Ruushka si fudud loogu jebin doono dagaalada isla markaana difaacyada adag ee ciidamada Yukreyn iyo iska caabinta shacabka reer Yukreyn ay mucjiso ku noqotey caalamka. Ayagoo kaduulaya xogogahaa cusub ayaa aaminey in dagaalku uu waqti yar kusoo gaba gaboobi doono isla markaana Ciidanka Qalabka Sida ee Ruushanku ay kacdoono sameyn doonaan kaasoo suuragal noqon karto in lagu khaarijiyo Putin laguna soo afjaro taliskiisa.  

Hanjabaadaha Reer Galbeedka iyo Qab weynida Ruushka 

Dagaalka ayaa durba bilowdey inuu saameyn ku yeesho gudaha iyo debedda wadamada Ruushka iyo Ukreyn. Reer galbeedka ayaa digniino is daba joog ah u dirayay Ruushka ayagoo ugu baaqayay in uu joojiyo dagaalka isla markaana uu la fadhiisto Yukreyn. Waxaa fashilmey dadaalo ay wadeen dowladaha Faransiiska, Jarmalka iyo Talyaaniga kaasoo lagu doonayay in Ruushka lagu cadaadiyo inuu ogolaado wada hadal. Ruushka ayaa ku gacan seydhey joojinta dagaalka ka hor inta laga gaadhayo ujeedada dagaalka. Reer Galbeedku waxay balaayiin doolar, saanado militeri, caloshooda u shaqeystayaal lagu sheegey inay yihiin mutadawiciin iyo gargaar caafimaad ku daabuleen Yukreyn si niyadda loogu dhiso Yukreyn looguna muujiyo hiil walaal. Qaxootiga reer Yukreyn ayaa si ka duwan sidii horey looga bartey wadamada reer Yurub si fudud irdaha loogu furey lana siiyey deganaansho. Warbaahinta reer Galbeedka iyo kuwa dhankooda u jan-jeedha ayaa gudbinayay fariimo ay ku dheehan tahay cunsurinimo kaasoo ay ku sheegayeen in qaxootiga reer Yukreyn ay ka duwan yihiin kuwii ka imanayay Afrika iyo Bariga Dhexe. Siyaasiinta reer Galbeedka ayaa cuqdadda koowaad ee ay u qaadeen Putin ay ku sheegeen inay tahay inuu aag dagaal kasameeyey gobol Yurub ka tirsan ayagoo ula jeedey in dowlada dunida saddexaad ay caan ku yihiin dagaalada.   

Waxay cunaqabatayno kusoo rogeen waddanka Ruushka, si aan horey loo arag loona saadaalin Ruushku waxa uu noqdey dal ay saaran tahay cunaqabatayta ugu badan ee dunida maanta. Dadka Ruushanka ayaa la kulmey takoor iyo isir neceyb kusaleysan dhalashadooda iyo isirkooda Ruush ahaan.  

Siyaasadda reer Galbeedka ee cunqabateynta Ruushka iyo taageerada kal iyo laab ee Yukreyn ay u fidinayeen ayaa kusaleysneyd saadaal khaldan oo ay sameeyeen sirdoonka reer Galbeedka taasoo gundhiggeedu ahaa:

1. In ay cunaqabateynta reer Galbeedku horseedi doonto inuu daciifo Ruushka, dakhligiisa uu hoos u dhaco, heerka maciishadda shacabka Ruushanka uu noqdo mid dhulka ku siman. Sidaa darteed halkaa uu ka dhasho kacdoon dad weyne lagu doonayo is bedel laguna ridayo nidaamaka dalka kadhisan oo uu hoggaaminayo Putin.

2. In dagaalka uu qaadan karo waqti aad u kooban, cunaqabatayntuna ay culeys ku noqon doonto hoggaanka Ruushka inuu sii wado maalgelinta duulaankiisa. Sidaa darteed ay tani ku khasbi karto Putin inuu wada hadal oggolaado sidaana ay dowladda Yukreyn ku sheegato guul ay kaga adkaatey Ruushka, dalkeedana ay ku difaacatey. 

3. In go’doominta caalamiga ah ee Ruushka ay horseedi karto in dowladaha caalamka oo idil oo ay ku jiraan saaxiibada Ruushka ee Bariga Dhexe iyo Qaaradda Afrika ay la safan doonaan reer Galbeedka, sidoo kale inay dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo qaar kamid ah xubnaha ka bahoobey ururka dowladaha saliidda soo saara ee OPEC ay ku qanci doonaan in la kordhiyo wax soosaarka saliidda si looga maarmo saliidda Ruushka.  

Ruushka ayaa u muuqdey inuu u diyaarsanaa fal celin kasta oo uu kala kulmey reer Galbeedka iyo cunqabataynaha caalamiga ah. Uma jixin jixin digniinihii is daba joogga aha aiyo cunaqabataynaha noocyada badan ee la saarey. Qab weynida iyo isku kalsoonaanta Ruushka ayaa beeneysey saadaashii reer Galbeedka. Dagaalka ayaa noqodey mid aad u daba dheeraadey kaasoo saamayn dhaqaale oo aad u adag ku haya dowladaha reer Galbeedka oo diidan in loo arko inay dhabarka u jeediyeen Yukreyn sidaa darteedna ku daabulaya balaayiin doolar in kastoo muwaadiniintooda ay sicir barar iyo dhaqaale xumo ka cabanayaan. Sidoo kale dowlada xubnaha ka aha OPEC gaar ahaan Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa iska diidey inay u hoggaansamaan dalabyadii ahaa inay kordhiyaan wax soosaarka saliidda si looga maarmo saliida Ruushka, waxayna sheegeen inay ixtiraami doonaan heshiisyada OPEC iyo Ruushanku ay kuwada jiraan. Sidoo kale Qaaaradda Afrika oo dhibbane u ah gumeysigii reer Yurub iyo siyaasadaha qalafsan ee reer Galbeedka ayaa qaadatey go’aan dhex dhexaadnimo waxayna waddamada Afrika ugu tunka weyn iska diideen inay la saftaan reer Galbeedka.    

Midowga Yurub oo wadnaha iska toogtey 

Dowladaha xubnaha ka ah Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa si adag uga hor yimi Ruushka, waxay hormuud u noqdeen go’doominta iyo cunaqabataynta Ruushka. Waxaa dhacay kulamo badan oo Mareykanka iyo Midowga Yurub u dhaxeeya, waxaa jira is weydaarsi qoto dheer oo sirdoonka ah. Hase ahaatee, reer Yurub waxay ilaaween inaanay ka maarmi doonin Ruushka. Si kaduwan Mareykanka reer Yurub waxay 40% gaaska dabiiciga ah ka helaan waddanka Ruushka. Sidoo kale in kudhow 30% saliidda waxay uga timaadaa waddanka Ruushka. Gaaska iyo Saliidda ayaa labadaba soo mara tuubooyin kamid ah kaabayaasha dhaqaalaha kuwaasoo badda hoosteeda soo mara ayagoo gaaska iyo saliidda ka keenaya Ruushka una soo dhoofinaya dalalka Yurub. Ma jiro qorshe dhow oo ay reer Yurub haystaan si looga dal doorsado Ruushka loogana maarmo gaaskiisa dabiiciga ah iyo saliiddiisaba. 

In kastoo madaxweynaha Yukreyn Volodymyr Zelenskyy ay qayladii ka dhamaatey asagoo ugu baaqaya reer Yurub inay joojiyaan balaayiinka doolar ee ay ku iibsanayaan saliidda iyo gaaska Ruushka, hadana reer Yurub waxay waayeen qorshe kale oo ay ku bedeshaan Ruushka. Reer Yurub waxay filayeen in Mareykanka uu buuxin karo kaalinta Ruushka oo uu usoo dhoofin doono gaaska dabiiciga ah. Sidoo kale waxay aaminsanaayeen OPEC inay buuxin doonto kaalinta Ruushka oo saliid badan suuqa lasoo gelin doono si looga maarmo tan Ruushka. Dhamaan qorshahaa ayaa guul dareystey ama keeni waayey natiijo wax ku ool ah.  

Dalka Ruushka ayaa dhamaan dowladaha ka iibsada saliidda iyo gaaska ee ka tirsan Midowga Yurub u sheegey inay ku bixiyaan biilasha gaaska iyo saliidda lacagta Ruushka ee loo yaqaano Ruble si looga hor tago hoos u dhac ku yimaada qiimaha lacagta laguna xoojiyo dhaqaalaha. Tani ayaa jawaab celin u ahayd go’doominta Ruushka iyo cunaqabateynaha la saarey Ruushka. Qaar kamid ah dowladihii diidey inay u hogaansamaan go’aanka Ruushka ayaa gebi ahaanba laga joojiyey gaaska iyo saliidda. Arintani ayaa lama filaan iyo uqaadan waa ku noqotey reer Yurub oo aaminsanaa in wax kastoo dhacaba uu Ruushku sii daciifi doono una baahan yahay dhaqaalahooda. 

Reer Yurub oo aanay u diyaarsanayn inay arkaan jawaab celinta deg degga ah ee Ruushka iyo dagaalka oo daba dheeraadey ayaa niyad jab kaqaba siday wax u socdaan ayadoo oo waqtigii qaboobaha jiilaalka oo gaaska dabiiciga ah aad loo isticmaalo si loogu diiriyo guryaha, goobaha shaqada iyo biyaha uu kaabiga kusoo hayo reer Yurub. Waxaa sidoo kale kor u kacay qiimaha cunnada iyo saliidda cunnada qaar kamid ah waddamada reer Yurub. Dalalka Jarmalka iyo Faransiiska ayaa dhawaan soo rogey go’aan ah in la xadido xadiga saliidda cunnada uu qof walba iibsan karo bishiiba. Sicir bararka ayaa gaadhey heer aan horey loo saadaalin, waxaa taas usii dheer qaxootiga reer Yukreyn oo dul saar ku noqdey. Dhamaan arimahani ayaa sababay in madaxda dowlaha reer Yurub ay seexan waayaan ayagoo dhanna ka baqaya in sii socoshada dagaalku ay sii kordhin doonto saameynta adag ee dagaalka taasoo ugu dambeyn keeni karta kacdoon dad weyne lagu doonayo in lagu rido xukunkooda. Waxaa xusid mudan in Ra’iisul wasaarihii waddanka Talyaaniga lagu khasbey inuu is casilo todobaad kahor ayadoo Faransiiskuna ay ka jirto kala qaybsanaan dad weyne. Dhanka kale reer Yurub waxay ka baqayaan inay dhabarka u jeediyaan Yukreyn ayadoo difaaca Yukreyn kumicneeyey inuu kadhigan yahay difaaca qiyamka reer Yurub iyo dimoqraadiyadda. Marka la eego arimahani isku wada cakiran ayaa waxaa adag in ay reer Yurub helaan waddo ay uga baxaan dhoobada ay cagaha lagaleen, go’aannadii ay qaateen ayaa noqdey kuwa natiijadooda guracani ay kaweyn tahay natiijada wanaagsan ee laga filan karey. Waxaana adag in marxaladdan la joogo ay dib u gurasho sameeyaan oo ay ogolaadaan inay qanciyaan Ruushka taasoo muujin karta daciifnimo iyo dulinimo lamid ah tii ay ku eedeeyeen Donald Trump markii uu la heeshiyey Taalibaan ogolaadeyna inuu ciidanka Mareykanka kasoo saaro Afghaanistaan ayadoon wax guulo ah la gaadhin labaatan sanno kadib.

Sidee reer Yurub uwaajihi doonaan Jiilaalka qabow ee foodda kusoo haya 

Bilaha Sebtembar iyo Oktoobar ayaa waxaa inta badan ka bilowda waddama reer Galbeedka xiliga Deyrta kaasoo ah bilowga koowaad ee qaboobaha. Bilaha Nofembar iyo Desembar ayaa waxaa si rasmi ah u bilaaban doona xiliga qaboobaha adag. Guryaha, xafiisyada, goobaha ganacsiga, xarumaha dowladda, goobaha dadweynaha sida goobaha laga raaco tareenada ayaa intaba u baahan doona in laga shido qalabka lagu diirsado oo ku shaqeeya gaaska dabiiciga ah. Sidoo kale biyaha ayaan la isticmaali Karin haddii aan la diirin. Reer Yurub waxay doonayeen inay ka faa’ideystaan bilaha ka hadhey xiliga Deyrta iyo qabowga Jiilaalka oo ay buuxiyaan haamaha kaydka gaaska si aan u dhicin kala go’ ku yimaada gaaska isla markaana looga maarmo Ruushka. Hase ahaatee Ruushka oo fahamsan arintaa ayaa todobaadkii tegey mid kamid ah dhuumaha gaaska Yurub keena jarey ayadoo qiil looga dhigey inay jirtey cilad farsamo. Reer Yurub ayaa fahamsan inay tani ahayd wax lagu hor istaagayo inay sii buuxsamaan haamahooda kaydka gaaska. Sidaa darteed waxaa jira niyad jab iyo baqdin wayn oo ka jirta Yurub iyadoon la ogeyn sida nolosha loo maareyn karo. 

Qaar kamid ah dowladaha reer Yurub ayaa soo saareey go’aano dadka lagu barayo inay la qabsadaan xaaladda nololeed ee cusub ee ka dhalatey gaaska iyo saliidda Ruushka oo sii yaraanaya. Dadka waxaa loo sheegey inaanay isticmaali karin qaboojiyaha (Mukeyf) ay darajadiisu ka hooseyso inta u dhaxaysa 25 ilaa 27 darajo ayadoo horey la isticmaali jirey inta u dhaxaysa 18 ilaa 20 darajo. Sidoo kale waxaa la go’aamiyey in la bakhtiiyo nalalka meelaha qaar iyo in goobaha dadweynaha qaar laga jari doono gaaska lagu diirsado. Waxaa dadka loo sheegey inay yareeyaan maydhashada ama qubeyska jidhka iyo inay biyaha goobaha lagu dabaasho aan la diirin doono xiliga qaboobaha si loo yareeyo isticmaalka gaaska dabiiciga. Xaaladani nolol ee cusub waxaa dheer in Ra’iisul Wasaaraha Spain uu todobaadkii hore sheegey in lajoojin doonto xidhashada qoor xidhka (Cravat, Necktie) si looga baaqsado inay dadku dareemaan kuleyl markay xidhan yihiin qoor xidhka kaasoo ku khasbi kara inay ubaahdaan mukeyf kushaqeeya gaask ka yimaada Ruushka.

Reer Yurub ayaaney marna ka fekerin xaaladdani nololeed ee cusub waxayna dad badani xasuusinaysaa dhibaatada koronto la’aanta ah ee kajirta qaar kamid ah waddanada Aasiya iyo Afrika oo ku khasbey inay la qabatimaan la noolaanshaha kuleylka daran iyo qabowga ayadoon la isticmaalin qaboojiye ama gaaska dabiiciga ah ee diirinta guryaha iyo biyaha. Ma cadda siday ula qabsan doonaan reer Yurub maadaama xaddiga kuleylka xiliga Xagaaga iyo qabowga Jiilaalkuba uu aad u sareeyo. 

Turkiga oo ku naaloonaya siyaasad dhex-dhexaadnimo 

Turkiga oo ah dalka labaad ee ugu cududda weyn gaashaambuurta NATO isla markaana u sharaxan kamid noqoshada Midowga Yurub ayaa iska diidey inuu u hoggaansamo go’aanada go’doominta Ruushka ee ay gaadheen reer Galbeedka. Taa bedelkeeda dowladda Ankara waxay xidhiidh dhow la yeelatey dowlada Ruushka iyo Yukreyn ayadoo eegeysa danaha dadka iyo dalka Turkiga kana baaqsanaysa cawaaqib xumada ka dhalan karta inay hal dhinac la safato. Dalka Turkiga waxaa uu kamid yahay dowladaha ku tiirsan gaaska dabiiciga ah ee Ruushka, sidoo kale dalxiisayaal badan oo Ruushan ah ayaa sanad kasta yimaada waddanka Turkiga kuwaasoo lacago badan dalka soo geliya. Waxaa intaa dheer in waddanka Yukreyn uu kamid yahay dowladaha macmiisha u ah Turkiga markey timaado farsadamada difaaca iyo saanada mileteri.  

Turkiga ayaa siyaabo kala duwan uga faa’iideysey siyaasaddiisa:

1. Markii uu dagaalku bilowdey waxaa tobanaan kun oo muwaadiniin Turkish ah si fudud looga soo saarey waddanka Yukreyn ayadoo loo direy dayaarado gaar ah. Arintani ayaa suuragashey kadib markii ay dowladda Ruushka ogolaatey inay siiso marin ay kaga soo baxaan Yukrayn kuna yimaadaan Ruushka halkaasna laga soo daabuley. Tani may suuragasheen haddii uu Turkigu hal dhinac la safan lahaa.

2. Turkiga waxaa uu si joogta ah waddanka Ruushka uga helaa gaaska dabiiciga ah iyo qaar kamid ah cunnada sida saliidda cunnada ayadoon wax kala go’ ah ku iman. Tani ayaa dadka kunool waddanka Turkiga u oggolaatey inaaney ka walaacin xiliga kuleylka iyo qaboobaha labadaba. In kastoo uu jiro sicir barar muddo soo jiitamayey hadana ma jiro saameyn gaar ah oo ka dhalatey siyaasadda Turkiga ee ku aaddan dagaalka.

3. Turkiga waxaa uu diyaaradaha aan cidna wadin ee loo yaqaano Drones ka iibiyey waddanka Yukreyn kuwaasoo ciidanka Yukreyn uga faa’iideystey difaaca hawada iyo fashilinta weerarada Ruushka ee dhanka dhulka. Iibka dayaaradaha ayaa ah dakhli usoo xaroodey Turkiga, waxayna sidoo kale reer Yukreyn ugu muujiyeen dareen ah in ganacsiga difaaca ee kadhaxeeya aanu wax saameyn ah ku yeelan xidhiidhka ay la leeyihiin Kirimlinka. Sidoo kale, Turkiga waxaa uu gar-gaar barni’aadminimo u direy Yukreyn, waxaa sidoo kale uu qaabiley qaxooti badan oo reer Yukreyn ah kuwaasoo usoo cararey Turkiga.

4. Turkiga waxaa uu ka faa’iideystey bilyaneerada Ruushanka oo kasoo cararey saameynta dagaalka. Bilyaneeradani ayaa lacagahooda usoo wareejiyey baananka Turkiga ayagoo maalgashi ka samaysanaya Turkiga. Tani ayaa ka farxisey dowladda Ruushka maadaama badankoodu ay ku xidhan yihiin aqalka Kirimlinka sidaa darteed waxay sare u qaadey kalsoonida Ruushku ay ku qabaan Turkiga. Sidoo kale waxay Turkigu heleen balaayiin doolar oo ay salka uga dhigi karaan lacagta Liiraha Turkiga oo tan iyo sannadkii 2021 uu qiimaheedu hoos u dhacayay.

5. Dowladda Turkiga ayaa noqotey dowladda qudha ee ay labada dhinac ee dagaalamaya ay si isku mid ah ugu wada qanacsan yihiin. Waxay dowladda Turkiga marti gelisey shirar dhowr ah oo lagu dhex dhexaadinayo labada dhinac. Waxaa jirey kulamo badan oo madaxda Turkigu oo u kujrio madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ay la yeesheen madaxda Ruushka iyo Yukayn. Ugu dambeyn waxay Turkigu ku guuleysteen in la saxiixo heshiis ay iska kaashadeen Qaramada Midoobey kaasoo lagu furayo marin uu soo maro qamadiga ku xaniban dekedaha waddanka Yukreyn si looga baaqsado in ay dhacdo macluul iyo gaajo ka dhalata kala go’a qamadiga Yukreyn. Heshiiskani ayaa horseedey in magaalada Istanbul todobaadkani laga furo xarun qaabilsan isku dubbaridka taasoo ay kuwada shaqeynayaan saraakiisha difaaca ee dowlada Turkiga, Yukreyn iyo Ruushka iyo saraakiil metalaya Qaramada Midoobey. Arintani ayaa sare u qaadey maqaamka caalamiga ah ee Turkiga waxayna noqotey arrin ay kula gor-gortami karto waddamada reer Galbeedka markay timaado danaheeda gaarka ah. 

Si lamid ah sida waddamada reer Galbeedka haddii uu Turkigu go’doomin lahaa Ruushka way adkaan lahayd inuu Turkigu gaadho guulahaa siyaasadeed iyo dhaqaale. Reer Galbeedka oo uu ku jiro Mareykanka ayaa wadahadalada Ruushka marti uga ah waddanka Turkiga waxaana adag inuu dhaco heshiis lagu joojinayo dagaalka Yukreyn ayadoo aan laga qayb gelin Turkiga.  

Qurbajoogta Soomaalida maxaa la gudboon?

Qurbajoogta Soomaalida ee ku nool waddamada reer Galbeedka ah ayaa la gudboon inay la jaan qaadaan xaqiiqda nololeed ee cusub ee Yurub. Soomaalida oo u samaysan qoysas balaadhan maadaama halkii qoyba uu kakooban yahay xubno badan ayaa waxaa la gudboon in xiliga qaboobaha ay yareeyaan qolalka hurdada ay isticmaalaan isla markaana ay isku filneysiiyaan ugu badnaan laba qol gaaskana kaxidhaan qolalka aan la isticmaalin. Tani ayaa ah mid ay duruufaha nolosha cusub keentey waxayna yareyneysaa isticmaalka gaaska iyo in laga fogaado ganaaxa dowladda haddii gaaska si xad dhaaf ah loo isticmaalo. 

Soomaalida waxaa sidoo kale la gudboon inay u diyaar garoobaan biilasha adag ee gaaska dabiiciga ah maadaama la filayo in qiimaha gaaska dabiiciga ah uu saddex laab kordhi doono. Sidaa darteed, waxaa haboon miisaaniyad gaar ah inay u qoondeeyaan si ay uga bad-baadaan in laga goosto gaaska kahor dhamaadka xiliga qaboobaha ama lagu soo rogo ganaax.

Haddii ay suuragal tahay waxaa wanaagsan inay qurbajoogta Soomaalidu ay xiliga qaboobaha u safraan meelaha aanay ka jirin qabowga oo ay si fudud ugu noolaan karaan ayadoo aan la isticmaalin wax gaas ah. 

Dr Hussein Y. Hassan

Qoraaga maqaalkani waa Khabiir Arrimaha Bani’aadminimada ah oo qayb ka ahaa gar-gaarka bani’aadminimo loo fidinayay Qaxootiga reer Yukreyn.

[email protected]
Twitter: @HHassan005    

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Xog: Muran ka taagan kursi muhiim ah oo dib u dhigay magacaabista wasiirada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wuxuu galabta dib u dhac ku yimid qorshe ahaa in lasoo saaro liiska golaha cusub ee wasiirrada Soomaaliya, kuwaas oo la filayay in lagu dhawaaqo galabta, sida ay sheegayaan wararka ay heshay Caasimada Online, waxaa weli socda kulamo xasaasi ah.

Sababta ka dambeysa dib u dhacaan waxaa lagu sheegay in weli ay dood adag ka taagantahay qofka loo magacaabayo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka.

Siyaasiyiinta reer waqooyiga ayaa dood ka keenay in Xildhibaan Biixi Iimaan Cige loo magacaabo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, kadib markii xalay lagu qoray booskaas, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa galabta kulan dheer oo saacado qaatay ka yeeshay masuulka ay u xulanayaan booskaas iyo dooda ka taagan xulashadooda Biixi Iimaan, taas ayaana la sheegay inay keentay dib u dhacaan ku yimid in lasoo saaro liiska golaha wasiirrada.

Xogta aan heleyno waxay intaas ku daraysaa in xukuumadda lasoo dhisayo ay ku jiri doonaan siyaasiyiin ay ka mid yihiin, Axmed Macalin Fiqi, Xasan Macalin, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Dr. Cilmi, Biixi Iimaan Cige, Maxamuud Beena-Beene, Faarax Sheekh Cabduqaadir, Abshir Bukhaari, Cali Balcad, Ilyaas Cali Xasan, Khadiijo Maxamed Diiriye, Daa’uud Aweys iyo xubno kale.

Sheekada xasaasiga ah ee ilaa hadda aan saldhigan waa in wararku sheegayaan in Mukhtaar Roobow oo dowladda u xiran ay macquul tahay in loo magacaabo wasiirka diinta, awqaafta iyo la dagaalanka fikirka xagjirka ah, waxaana u ololeynaya xildhibaano ku dhow dhow guddoomiyaha golaha shacabka.

Lama oga waqtiga rasmiga ah ee la shaaci doono liiska golaha wasiirrada, waxaana socda kulamo gooni gooni ah, kuwaas oo xoogeystay saacadihii lasoo dhaafay, xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha waxaa ka jira mashquul badan.

Xog: Xasan oo la kulmay xildhibaanada Murusade ee horey uga baaqday kulankiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay Xildhibaannada Beesha Murusade ee habeen ka hor ka baaqsaday kulankii Xildhibaannada laga soo doorto Galmudug.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Xildhibaanada beesha Murusade ayaa hore u saluugsana xulashada Madaxweynaha ee xubinta golaha wasiirrada ku meteli doona beeshaas oo ah Xasan Macallin, oo sida ay sheegeen aan lagala tashan.

Hase yeeshe kulanka maanta ayaa meesha looga saaray saluugaas, ayada oo lasoo warinayo in uu is afgarad ku soo dhamaaday.

Kulankaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaan hore Xasan Macalin oo lagu wado inuu ka mid noqdo Golaha Wasiirada la magacaabi doono, ahna qofkii diidmada ay ka timid markii hore.

Ujeedka kulankaan iyo kuwa lamidka ahaa ee maalmihii dambe uu Xildhibaanada la yeelanayay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah sidii xildhibaanada loogu qanci lahaa Golaha Wasiirada lasoo magacaabayo oo codkooda kalsoonida ay u sii lahaayeen.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa laga soo xigtay inay socoto qaban-qaabadii u dambeysay ee munaasibada la filayo in looga dhawaaqo Golaha Wasiirada cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay suurta-gal tahay in wasiirada la shaaciyo caawa, halka kuwa kalena ay sheegayaan inay dhici karto berri subax. Xafiiska Xamza waa uu diiday inuu sheego waqtiga rasmiga ah.

Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa si weyn isha uga haya liiska la shaacinayo, ayada oo la filayo inay kasoo dhex muuqan doonaan Golaha Wasiirada siyaasiyiin qaarkood aan xildhibaano aheyn.

Lafta-gareen oo shaaciyey sida uu ka yeelayo xubnaha Muqdisho uga dhowaaqay isbaheysiga ka dhanka ah

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa markii u horeysay ku dhawaaqay in wada-hadal nabadeed uu la yeelanayo siyaasiyiinta kasoo jeeda maamulka ee ay isku hayaan hogaanka dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Wada-hadal xiligaan dhexmara Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta miisaanka culus ee reer Koonfur Galbeed ayaa waxa la fahamsan yahay in uu wax uun ka tari doono xiisad-siyaasadeedka ka taagan maamulkaas.

Lafta-gareen ayaa ballan-qaadkan ku wargeliyey Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, oo shalay kula kulmay magaalada Baydhaba.

“Waxaan soo dhaweynayaa ballan-qaadkii uu sameeyay Madaxweyne Cabdicasiis ee ahaa in isaga iyo siyaasiyiinta kale ee miisaanka leh ee Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed ay wada-hadallo nabadeed ku xallin doonaan wixii khilaaf ah ee u dhexeeya,” ayuu yiri James Swan.

“Waxaa muhiim ah in khilaafaadka siyaasadeed lagu dhameeyo wada hadal iyo in xoriyatul qawlka la xaqiijiyo sida uu dhigayo dastuurka KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Swan.

Ballan-qaadka Lafta-gareen ayaa imanaya xili ay siyaasiyiinta kasoo horjeeda ay ku dhawaaqeen isbaheysi siyaasadeed loogu magac daray “Golaha Samata-bixinta maamulka Koonfur Galbeed”.

Isbaheysigaan ayaa waxaa ku mideysan siyaasiyiin reer Koonfur Galbeed ah oo u badan madax hore, xildhibaano, wasiirro, siyaasiyiin kale iyo dhalinyaro, kuwaas oo dhamaantood ka soo jeeda Koonfur Galbeed.

Xubnaha ka soo muuqday isbaheysigaan waxaa ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee maamulkaas Shariif Xasan Sheekh Aadan, guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, guddoomiye ku-xigeenkii hore ee golaha shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudey, wasiirka haweenka XFS Xaniifo Xaabsade iyo xubno kale.

Golahaan ayaa si weyn uga soo horjeeda Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo horay siyaasiyiintaan ugu adeegsaday awoodiisa, kana reebay tartankii doorashada baarlamaanka.

Golaha Wasiirada cusub ee Somalia oo lagu dhawaaqayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo Golahiisa Wasiirada, xili ay mudo yar uga harsan tahay waqtigii Golaha Shacabka ay u siiyeen in uu kusoo magacaabo.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa laga soo xigtay inay socoto qaban-qaabadii u dambeysay ee munaasibada la filayo in looga dhawaaqo Golaha Wasiirada cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay suurta-gal tahay in wasiirada la shaaciyo galabta, halka kuwa kalena ay sheegayaan inay dhici karto berri subax. Xafiiska Xamza waa uu diiday inuu sheego waqtiga rasmiga ah.

Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa si weyn isha uga haya liiska la shaacinayo, ayada oo la filayo inay kasoo dhex muuqan doonaan Golaha Wasiirada siyaasiyiin qaarkood aan xildhibaano aheyn.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo soo geba-geboobeen wada-halladii ugu dambeeyay ee madaxda sare ee dalka ay ka yeelanayaan dhismaha xukuumadda cusub ee ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Ra’iisul wasaaraha ayaa muddooyinkii u dambeeyay kulamo la qaadanayay waxgaradka, siyaasiyiinta, dhalinyarada, haweenka iyo qaybaha kale duwan ee bulshada oo uu kala hadlayey xukuumadda cusub ee lagu wado in la soo dhiso toddobaadkaan gudahiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha dalka Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale soo afmeeray kulamadii ugu dambeeyay ee lagu soo dhisi lahaa xukuumadda cusub ee la waregeysa talada dalka, ayada oo liiska goordhow lagu dhawaaqi doono.

Isha ku hay Caasimada Online

China oo tallaabo militari ugu hanjabtay safar xasaasi ah oo ay qorsheyneyso Pelosi

Beijing (Caasimada Online) – China ayaa Isniinta maanta ah sheegtay in militarigeeda “aysan iska fadhin doonin ayaga oo aan tallaabo qaadin” haddii afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ay booqato Taiwan.

Digniintii ugu dambeysay ee China ka tmid ayaa waxaa jeediyey afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Zhao Lijian oo shir jaraa’id qabtay.

Zhao ayaa sheegay in maadaama Pelosi ay tahay “mas’uulka saddexaad ee ugu sarreeya dowladda Mareykanka,” islamarkaana booqasho ay ku tagto Taiwan, oo China ay sheegato inay ka tirsan tahay, “ay noqon doonto faro-gelin weyn oo lagu sameeyey arrimaha gudaha China.”

Waxa uu ka digay in taasi ay hoggaamin doonto “cawaaqib iyo xaalad cusub oo darran.”

Pelosi oo ay wehliyaan xubno dhowr ah oo ka tirsan Congress-ka ayaa maanta Singapore ka billowday booqasho ay ku mareyso dalal dhowr ah oo ka tirsan Asia, waxaana jirta suurta-galnimo ah inay booqan karto Taiwan.

“China waxay xaqiiqdii qaadi doontaa tallaabooyin adag oo jawaab ah si ay u difaacdo qarannimadeeda iyo madax-banaanieeda dhuleed. Marka ay noqoto waxa ay noqon karaan tallaabooyinkaas, haddii ay ku dhiirrato inay tagto, markaas aan sugno oo aragno,” ayuu yiri Zhao.

Booqashada suurta-galka ah ee Pelosi – oo weli uusan xaqiijin xafiiskeeda – ayaa xiisad ku kicisay maamulka Biden, oo ka cabsi qaba in safarka uu ka gudbo khadka cas ee Shiinaha.

Toddobaadkii tegay Biden ayaa sheegay in militariga Mareykanka ay rumeyan yihiin in booqashada “aysan aheyn fikrad wanaagsan xilligan.”

Taiwan ayaa waxay si joogto ah ugu nooshahay hanjabaad ah inay awood militari ku qabsna karto China oo u aragto qeyb ka mid ah dhulkeeda.

Pelosi ayaa toddobaadkii tegay weriyayaasha u sheegtay “inay muhiim tahay inay taageero u muujiyaan Taiwan,” balse waxay beenisay in Congress-ka uu isku dayayo inuu dal madaxbanaan u aqoonsado jasiiraddan.

REUTERS + VOA

Afar qof oo maanta lagu dilay duleedka MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo duleedka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa sheegaya in ugu yaraan 4 qof oo  isugu jiro askar iyo dad shacab ahaa ay ku dhinteen rasaas ay fureen kooxo hubeysan oo weeraray bar koontarool oo ku taalla deegaanka Ceelasha Biyaha.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dadka la dilay ay kala yihiin 2 askari iyo 2 qof oo shacab ahaa, kuwaas oo goobta ku sugnaa.

Ragga weerarka geystay oo watay gaari nooca raaxada ah ayaa ka baxsaday goobta, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Soomaaliya.

Maydadka ayaa loo soo qaaday dhanka magaalada Muqdisho, waxaana la geeyey isbitaalka  weyn ee Madiina.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdadaan, balse waxay qayb ka noqoneysaa falalka ammaan dari ee ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka iyo darawallada gaadiidleyda isaga kala goosha Muqdisho & Afgooye ayaa maalmahaan dambe walaac ka muujinayey amniga wadadaasi.

Falkan ayaa qayb ka noqonayo amni darrada ka jirta Muqdisho iyo nawaaxigeeda, waxaana dhibaatooyinka dhacaya qayb ka ah dhac iyo dhibaatooyin kale oo ay geysanayaan ciyaal weero.

Arrintaan ayaa ku soo aadeyso, ayada oo maanta dilal qorsheysan ay siyaabooyin kala duwan uga kala dhaceen magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, kuwaas oo loo geystay wiil lagu magacaabi jiray Cabdiweli Jeekey iyo sidoo kale Nabadoon Aadan Abshir Maadey.

Maxaa amniga Muqdisho iska bedelay kadib amarkii la dul-dhigay Bajaajleyda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay howlgallo ka sameeyey degmada Waabari ee gobolka Banaadir, kaas oo ay horkacayeen saraakiisha Booliska ee qaybta taliska Waliyow Cadde.

Howlgallada oo guri guri lagu baarayey ayaa waxaa laga sameeyey xaafadaha degmada Waabari, ayada oo sidoo kale gaadiidka lagu hubinayey inta ay socotay baarista.

Dad u badan dhalinyaro ayaa lagu soo qab-qabtay howlgalladaan, kuwaas oo hal meel la’isugu geeyey, waxaana khudbado u jeediyey saraakiisha horkaceysay howlgallada.

Haddaba Maxaa iska beddelay amniga Muqdisho, kadib bandowgii lagu soo rogay Bajaajleyda?

Taliye ku xigeenka qaybta Waliyow Cadde, Isxaaq Maxamed Ciise oo la hadlay warbaahinta, kadib markii uu soo dhammaaday howlgalka laga sameeyey degmada Waabari ayaa sheegay in amniga magaalada Muqdisho uu wax badan iska beddelay, kadib markii Mootooyinka Bajaajka magaalada laga mamnuucay wixii ka dambeeya 12:00 habeenino.

“Magaalada cariiri ka jiray aawgeed iyo amni darrada soo korortay ayaa horta Bajaajyada lagu joojiyey wax badanaana wax iska beddelay aad ayaan usoo dhoweyneynaa Bajaajyada amarka iyo awaamiirka soo baxday fuliyey, kuwa aan fulin oo illaa iyo hadda socda tillaabo ayaan ka qaadeynaa,” ayuu yiri taliye ku xigeenka qaybta Waliyow Cadde Isxaaq Maxamed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in sidoo kale ay tallaabo ka qaadi doonaan darawallada gaadiidleyda, gaar ahaan kuwa aan sharciga heysan ee ka shaqeeya magaalada Muqdisho.

“Gaadiid aan leesin heysan oo takaasi ah wixii takaasi ah waa la ogol yahay ama dhoweeye ha ahaadeen ama rakaab ha ahaadeen, laakiin waxaan rabaa inaan bulshada la wadaago cid aan sharci u heysan in dad qaado oo taksi ah in aysan raacin wax kasta ayaa ka dhalan kara oo amni darro ah, waana ka digeynaa,” ayuu markalehadalkiisa sii raaciyey.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada amniga ayaa howlgallo culus ka waday caasimada, waxaana u dambeeyey howlgalkii habeen hore laga fuliyey gudaha degmada Kaaraan.

Guudlaawe oo magacaabay Gole Wasiiro oo ka kooban 80 xubnood + Magacyada

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Guudlaawe ayaa ugu dambeyn magacaabay golihii wasiirrada ee ugu horreeyey ee maamulkiisa uu yeesho tan iyo markii xilkaas uu qabtay.

Cali Guudlaawe ayaa laga sugayey golaha wasiirada muddo laba sano ku dhow oo uu xilka hayo, ayada oo maamulkiisa inta badan uu muddadaas dhexda uga jiray xiisad siyaasadeed.

Golaha wasiirada HirShabeelle oo la shaaciyey saqdii dhexe ee xalay ayaa guud ahaan ka kooban 80 wasiir, wasiir ku-xigeen iyo wasiiru dowlayalaa. Waa 27 Wasiir, 26 wasiiru-dowle iyo 27 wasiir ku-xigeen. 

HirShabeelle ayaa noqotay maamulka ugu badan tirada wasiirada oo xitaa la filayo inay ka sare marto xukuumadda federaalka, waana maamulkii ugu horeeyay ee wasaarad kasta u sameeya wasiiru-dowle.

Hoos ka aqriso magacyada

Dilal maanta ka kala dhacay Muqdisho iyo Afgooye

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ayaa ka soo baxaya dilal qorsheysan oo maanta siyaabo kala duwan uga kala dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, kuwaas oo ay geysteen rag hubeysan.

Dilka koowaad oo ka dhacay xaafaddaa Seybiyaano ee degmada Hodan ayaa waxaa loo geystay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray, Cabdiweli Jeekey.

Marxuumka ayaa  dhowaan ka soo laabtay dalka Koonfur Afrika, waxaan dilkiisa fuliyey rag hubeysan oo baxsaday, mana cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee loo dilay.

Sidoo kale koox hubeysan ayaa maanta degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ku dishay Nabadoon caan ahaa oo lagu magacaabi jiray  Aadan Abshir Maadey.

Wararka ayaa sheegaya in rag ku hubeysnaa bistoolado ay toogasho ku dileen marxuumka, ayna isaga baxsadeen goobta, kadib falkaasi.

Dilka ayaa ka dhacay agagaarka saldhigga Booliska degmad Afgooye oo uu ag daganaa marxuumka, waxaana xilliga la dilayey uu ku sugnaa afaafka hore ee gurigiisa.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in ragga dilka fuliyey ay wateen mooto, kadibna ay rasaas ku fureen Nabadoonka oo isla goobta ku geeriyooday.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale gaaray meesha ay wax ka dhaceen, waxayna saameeyeen baaritaano kooban, balse ma jiro faahfaahin ay ka bixiyeen falkaas.

Afgooye oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro, qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay ka fuliso kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab oo weerar culus ka fulisay gudaha Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal ku qaaday saldhig ay ciidamada Booliska Kenya ku leeyihiin deegaanka Konton oo u dhow degmada Qorof-xaraar oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee wadankaasi.

Madaafiicda qaar ayaa waxa ay ku hoobteen gudaha saldhigga ciidamada la weeraray, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah.

Sidoo kale war ka soo baxay Al-Shabaab oo looga hadlay duulaankaasi ayaa waxa ay ku sheegtay inay khasaare gaarsiisay ciidanka Kenya, balse ma cadeyn inta uu la’egyahay.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana la sheegay ciidamada dalka Kenya ay weerarka kadib dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen deegaannada u dhow xadka Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Kenya oo ka hadlay weerarkaan waxay shaaciyeen in ay ka hortageen, ayaga oo intaasi ku daray inay ku raad joogaan raggii ka dambeeyey.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro khasaare geysta ka fulisa gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari oo xuduud dheer la leh Soomaaliya.

Weeerarkaan cusub ayaa ku soo beegmaya, ayada oo dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ay kordhiyeen weerarada ay ku hayaan Soomaaliya & dariskeeda, waxaana ugu dambeeyey duulaankii ay dhowaan ku qaadeen dalka Itoobiya, gaar ahaan dhulka dowlad deegaanka.

Si kastaba, dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa ka mid ah wadamada ka qayb-qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxa ayna ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya.

Halkee marayaan wada-hadallada madaxtooyada iyo baarlamanka Puntland?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Garoowe ayaa sheegaya in ay mar kale xalay kulan yeesheen guddi ka socday baarlamaanka Puntland iyo madaxweynaha maamulkaasi, Saciid Cabdullahi Deni, kaas oo looga hadlayey xiisadda ka taagan Puntland.

Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii xal loogu heli lahaa xiisadda u dhexeysa baarlamaanka iyo madaxtooyada, taas oo ka dhalatay magacaabista xubnaha maxkamadda sare oo ay ka biyo diideen golaha wakiilada Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in haatan ay jirto isku soo dhowaasho labada dhinac ah, taas oo meesha looga saarayo mad-madowga soo kala dhex-galay madaxtooyada & baarlamaanka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Saciid Deni ayaa ballan-qaaday in uu mar kale soo magacaabayo xubnaha maxkamadda sare ee ay goluhu horey u diideen inay meel-mariyaan, taas oo xudun u noqotay khilaafka siyaasadeed ee ka jira magaalada Garoowe.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Puntland ay keensadeen xubnaha qaar ee loo magacaabayo maxkamadda sare, taas oo ay cadaadis ku saarayaan madaxweynaha oo horey laba jeer ku adkeysatay xubnaha laga diiday.

Waxaa sidoo kale suuragal ah in madaxweynuhu ciyaaro shax kale, isla-markaana uu soo celiyo tiro kamid ah xubnihii hore loo diidanaa ee uu u magacaabay maxkamadda sare.

Si kastaba, xiisaddani ayaa si weyn u saameysay wada-shaqeynta xukuumadda iyo baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland, taas oo hoos u dhacday.

Maxay reer Hiiraan uga dhigan tahay magacaabista golaha wasiirada HirShabelle?

0

Jowhar (Caasimada Online) – Ayada oo xalay saq-dhexe madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe uu magacaabay golihiisa wasiirada oo ka kooban 80 xubnood oo isugu jiro wasiiro, wasiir ku-xigeenno iyo wasiiru dowleyaal ayaa waxaa ka dhashay fal-celin xoogan.

Cali Guudlaawe oo labo sano ay ku qaadatay inuu soo dhiso xukuumaddaan cusub ayaa durbo kala kulmay dhaleeceyn xoogan oo uga imaaneysa dhinaca reer Hiiraan.

Qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee ka ka soo jeeda Hiiraan ayaa si weyn u dhaliilay liiska golaha wasiirada ee uu ku dhowaaqay madaxweynaha HirShabelle.

Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed oo ka mid ah xubnahaas oo qoraal kooban soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in aysan marnaba ku qanacsaneyn wasiirada cusub ee la soo magacaabay iyo guud ahaan hab dhismeedka dowlad goboleedka HirShabelle.

“Waxaan marnaba indhaha laga qabsan karin Xaalada HirShabelle iyo sida aay wax ku soc’daan, Waxaan baadi goob u’galeynaa helista hirshabelle ku dhisan aqoon iyo awood qeybsi midnimo leh HirShabelada shaqsiga jeebka ku wato waa laga saraaya insha allaah Dadka aan ku matalo kursiga xildhibaannimada ee reer Hiiraan marna kuma qanacsaneen dhisida Hirshabelle,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay sii wadi doonaan baadi goob uu sheegay inay ugu jiraan xaq ka maqan reer Hiiraan, isaga oo tilmaamay in aysan xal u arkin wasaaradaha loo kala wareejiyey laba beelood, sida ka muuqata golaha wasiirada cusub ee HirShabelle.

“Waxaana hormuud ka noqon doonaa helista xaqa naga maqan Wasaaradaha loo’kala wareejiyey Labada Beelood ma ahan wax lagu seexin karo Dadkeyga Xaqa iyo xaquuqda kamaqan ayaa ka Baaxad weyn xisaabta shaqsiga gaarka ah uu wato Hadii guudlawe uu Diiday in uu talo iyo tusma ka Dhageysto madaxda deeganka waxaan sugeynaa Halka uu ku furo Geediga” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey xildhibaanku.

Dhankiisa xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale oo isna ka soo jeeda Hiiraan ayaa ka hadlay arrintaan, wuxuuna si adag uga horyimid xukuumadda uu soo dhisay Guudlaawe.

“HirShabelle Geel markii loo heeso goronyo ayey u heestaa, dadkeygoow haba ku mashquulina HirShabelle sidii aad u diideen ha ahaato, waqti badan, hanti iyo dhiig ayaa idinka galay in aad heshaan maamul labadaas gobol ah oo loo dhan yahay nasiib wanaag maanta matalaad dhab ah oo idin hor boodo ayaad heysataan” ayuu yiri Maxamed Buraale.

HirShabelle ayaa mudo dheer ku jirtay khilaafaad dhanka maamulka ah taas oo ka dhalatay doorashadii madaxweyne Guudlaawe, waxayna taas hoos u dhigtay horumarkii maamulka.

Guterres oo ka carooday dad ay laayeen ciidamada nabad ilaalinta ee QM

New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa sheegay inuu aad uga carooday ka dib markii ugu yaraan 2 qof ay ku dhinteen markii ciidamada nabad ilaalinta ee UN-ta ee ku sugan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ay rasaas ku fureen deegaan ku yaalla xudduudka oo ay dadka isaga gudbaan.

Waxaa sidoo kale dhacdadan ku dhaawacmay illaa 15 qof oo kale, sida ay shaacisay warbaahinta maxalliga ah ee dalkaasi.

War qoraal ah oo uu soo saaray Mr Guterres ayaa ku baaqay in lala xisaabtamo ciidamada dhacdadaasi kadib.

Sidoo kale waxay arrintaan dhacday xili ay ciidamada xoog kaga soo tallaabeen xuduudka Uganda, una sii gudbeen dhanka Bariga DR Congo.

Madaxa howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay, Monusco, ayaa sheegay in la xiray ciidamadii dhibaatadaas geystay isla markaana la baarayo.

Muuqaal la soo duubay ayaa muujinaya in uu muran dhacay ka hor inta aysan ciidamada ka tirsan howlgalka Qaramada Midoobay aysan billaabin in ay dadka toogtaan.

Toddobaadkii la soo dhaafay waxaa dhacay dibadbaxyo rabshado watay oo looga soo horjeeday howlgalka Qaramada Midoobay ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, waxay dadka ku eedeeyeen ciidamada inay ku guuldareysteen inay ka hortagaan weerarada kooxaha hubeysan.

Jahwareerka ka dhashay RAALI-GELINTII uu bixiyey afhayeenka Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariim Cali Kaar ayaa raali-gelin ka bixiyey hadal uu horey u sheegay oo la xiriiray wada-hadalladii madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar ee magaalada Qaahira.

“Qaar ka mid ah warbaahinta ayaa si khaldan fahamtay una xigtay qaar ka mid ah jawaabaheyga intii lagu guda jiray warbixin aan 27-kii July ka siiyey booqashadii taariikhiga aheyd ee madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay Qaahira iyo wada-hadalladii xigay ee uu la yeeshay dhiggiisa madaxweyne Abdelfatah el-Sisi,” ayuu yiri Cabdikariim.

“Waxaan ka cudur daaranayaa in si khaldan loo fahmay loona xigtay sharaxaad aan ka bixiyey hadalladii madaxweyne Sisi uu ka sheegay shirkii jaraa’id ee ay madaxweyne Xasan Sheekh ku wada qabteen qasriga madaxweynaha Al-Ittihadiya.”

Cudurdaarka uu bixiyey Cabdikariim, ayaa dhaliyey su’aalo ka badan jawaabihii uu isku dayey inuu bixiyo, waxaana ka muuqday khaladaad iyo jahwareer badan oo ay ka mid yihiin:

1- Cabdikariim wuxuu sheegay inuu raali-gelin ka bixinayo in warbaahinta ay si khaldan u xigteen. Balse xaqiiqda ayaa ah, haddii adiga aadan sheegin wax khaldan uma baahnid inaad raali-gelin bixiso. Haddii ay kula tahay in warkaaga si khaldan loo xigtay oo loo fasiray, waxaa kuu banaan laba kaliya; inaad dib ugu celiiso sida aad warka u tiri oo sharaxad dheeri ah raaciso, oo ka saaraya mugdi kasta; iyo inaad ka aamusto haddii ay kula tahay in markii horeba warkaagu caddaa. Balse adiga oo raali-gelin bixinaya, haddana eedda cid kale dusha kama saari kartid.

2- Su’aasha ugu weyn ee ka dhalatay raali-gelinta afhayeenka ayaa ahyd: Muxuu horta raali-gelin ka bixinayaa? Ama muxuu yahay hadalka uu sheegay in sida khaldan loo fasiray? Labadaba kuma caddeyn qoraalkiisa. Kaar waxaan ka fileynay inuu noo sheego hadalka “sida khaldan loo dhigay” iyo sida saxda ah ee uu rabay in loo tabiyo.

3- Qoraalka kasoo baxay afhayeenka wuxuu dhaliyey jahwareer cusub, oo ku saabsan halka ay Soomaaliya ka taagan tahay biyo-xireenka muranka dhaliyey ee Itoobiya ay ka sameyneyso webiga Nile. Hadalkii Sisi ee Qaahira wuxuu ahaa in Soomaaliya ay la qabto cambaareynta ah; in biyo-xireenka la buuxiyo ayada oo aan heshiis lagu wada aheyn. Haddana waxaa hadalkaas ka daba yimid afyaheenka Villa Somalia oo u dhigay in Soomaaliya aysan la safan Masar. Haddana mar kale isagaa ka daba yimid hadalkiisii una muuqda inuu ka laabanayo, taasi oo sheekada u celineysa halkii ay joogtay Qaahira iyo in Soomaaliya hadda raacsan tahay dhanka Masar.

Arrintan waxa kale oo ay dhalineysa su’aal ah; in cudurdaarka ka yimid afhayeenka uu ka dhashay cadaadis ka yimid dhanka Masaarida oo ku saabsan in Soomaaliya ka laabatay arrin ay labada madaxweyne isku soo raaceen.

4- Wax ay ahaataba afhayeenka Villa Somalia wuxuu dowladda Soomaaliya, shacabka iyo warbaahintaba geliyey jahwareer siyaasadeed. Wuxuu u muuqda qof aad u jecel hadalka, marka hadalka batana waxaa bata khaladaadka. Wuxuu marar badan isku dayaa inuu ka hadlo ama sharxo waxyaabo ay diblomaasiyad ahaan ku habooneyd in laga aamuso. Marka uu ka hadlana wuxuu dhexgalaa khalad diblomaasiyad.