27.7 C
Mogadishu
Thursday, May 14, 2026

DF oo qiimeyn yaab leh kasoo saartay ciyaal weerada Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa soo saaray warbixin lix biloodle ah, taas oo lagu cadeeyey heerka kala sareynta 5-tii falal dambiyeed ee la diiwaan galiyay 6-dii bilood ee lasoo dhaafay.

Falal dembiyeedyadii dhacay waxaa ugu badanaa kuwa ay geysteen ciyaal weerarada Muqdisho ka dilaacday bilihii ugu dambeeyey, waxaana dhaca iyo dilalka ay ciyaal weeradu geysteen lagu qiimeeyey 34% dhamaan dembiyadii dhacay.

1,137 falal dembiyeed ayaa la diiwaan geliyey sida lagu soo bandhigay warbixinta, 705 oo dhiganta 68% fal-dembiyeedyadii dhacay ayaa u gudbay maxkamadaha dalka, halka 432 oo u dhiganta 32% dembiyadii dhacay ay weli yaallaan kiisaskooda.

Dembiyada la diiwaan geliyey lixdii bilood ee lasoo dhaafay ayaa laga diiwaan geliyey dhinacyada Nafsiga, maaliyadda, maandooriyaha, tacadiyada jinsiga iyo tahriibka.

Dhaca iyo dilalka ciyaal weerada ayaa ugu badan dembiyada la diiwaan geliyey, waxaana lagu qiimeeyey 34%, waxaa ku soo xiga shilalka oo gaaray 21%, dilalka iyo dhaawacyada kale ayaa lagu qiimeeyey 20%, tacadiyada jinsiga ayaa gaaray 17%, halka tuugnimada caadiga ah laga diiwaan geliyey 8%.

Dhacdooyinkaan waxaa la diiwaan geliyey intii u dhaxeysay bilihii Janaayo iyo Juun ee sanadkaan 2022-ka, sida lagu cadeeyey shax uu soo saaray xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dowladda.

Hoos ka eeg shaxda

Al-Shabaab oo dishay wiil iyo gabar walaalo ahaa kadibna sheegtay sabab yaab leh

0

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta fagaare ku yalla degaan hoos taga magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, waxay ku dileen wiil iyo garab walaalo ahaa, kuwaas oo ay ku eedeeyeen basaasnimo.

Al-Shabaab ayaa Cabdisalaan Cusmaan Buraash iyo Aamino Cusmaan Buraash oo walaalo ahaa maanta ku toogtay degaanka Girileey oo hoos taga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Walaalaha ay toogteen Al-Shabaab waxay ku eedeeyeen inay u basaasayeen dowladda Kenya, waxayna goobtii toogashadu ka dhacday isugu keeneen dhamaan dadkii ku noolaa deegaanka oo ehellada labada marxuum ay ku jiraan.

Bayaan ka soo baxay kooxda oo lagu baahiyey warbaahinta taageerta ayaa lagu sheegay in dadka la dilay ay u shaqeynayeen sirdoonka Kenya, deegaanka Giriley ee walaalahaas lagu toogtay ayaa aad ugu dhow xuduud beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe, sidaan oo kale fagaare ku yaalla deegaanka Buulaay ee gobolka Bay, waxay ku dishay 7 nin, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay u basaasayeen dowladda Soomaaliya, Mareykanka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa maanta weerar ku qaaday ciidamo Kenyaan oo ilaalo u ahaa shaqaale ajaanib ah oo ka howlgala mashruuc dhisme ah oo ka socda gobolka Lamu, gaar ahaan degaanada Boday iyo Ijaara.

War ay weerarkaas ka soo saareen Al-Shabaab waxay ku sheegteen in askar ay ka dileen ciidamada Kenya oo goobta isaga firxaday, sidoo kale labo gaari ayey sheegeen inay goobta uga carareen.

SACIID DENI oo billaabay OLOLE siyaasadeed cusub

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulan muhiim ah xarunta Madaxtooyada ee Garoowe kula qaatay Guddiga Kumeel gaarka ah ee doorashooyinka iyo wakiilada ururada siyaasadda Puntland.

Kulanka ayaa lagu lafa-guray dardar-gelinta iyo dhameystirka nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, iyadoo hadda ay socoto diyaarinta Doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

Sida ay soo warinayaan illo-wareedyo lagu kalsoon yahay madaxweyne Deni ayaa waxa uu guddiga la wadaagay warbixin ku saabsan qorshaha xukuumadiisa, ka hor inta uusan ka dhamaan muddo xileedkiisa.

Deni ayaa raba in uu sii dardar-geliyo barnaamijka doorashooyinka hanaanka dimuqraadiga ah, si markale uu ololaha doorashada ugu galo, xili ay u harsan tahay wax ka yar labo sano.

Waxaa xusid mudan intii ay socotay doorashada tijaabada ah ee goleyaasha deegaanka in Deni iyo ururkiisa kuraas badan kaga guuleystay laba kamid ah musharaxiintii uu tartanka la galay 2019-kii.

Sidoo kale waxa uu ururka talada haya ee Kaah uu dhankiisa ku fashilmay dhisida golaha deegaanka Eyl, ayada oo qaar kamid ah ururada siyaasadda Puntland ay doorashadii ugu dambeysay ee saddex degmo ay sheegeen inay hareeyeen wax is-dabamarin.

Dhinaca kale, Saciid Deni ayaa isla shalay magaalada Garoowe kula kulmay odayaal dhaqameed, ayada oo illaa hadda aan si dhab ah loo ogeyn waxxa uu ku saabsanaa wada-hadalkaas oo gebi ahaanba saxaafadu dibad-joog ka aheyd.

Isku soo wada duubo Deni oo u muuqda in uu durtaba diyaarinayo soo laabashadiisa maamulka xili sanado u hadhsan yihiin ayaa waxa caqabado hor leh ku noqday hindisihiisa dhowr arrimood oo xalkooda looga fadhiyo, kuwaasi oo kamid yihiin; sicir bararka, tirakoobka dadweynaha oo aan la sameyn, isku-dhacyada hubeysan ee Boosaaso iyo dilaacida qabaa’ilo aad u hubeysan.

Wararkii ugu dambeeyey ee dhismaha xukuumadda Xamza

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa heer gabogebo ah maraya wada-halladii ugu dambeeyay ee madaxda sare ee dalka ay ka yeelanayaan dhismaha xukuumadda cusub ee ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Ra’iisul wasaaraha ayaa muddooyinkii u dambeeyay kulamo la qaadanayay waxgaradka, siyaasiyiinta, dhalinyarada, haweenka iyo qaybaha kale duwan ee bulshada oo uu kala hadlayey xukuumadda cusub ee lagu wado in la soo dhiso toddobaadkaan gudahiisa.

Xamza Cabdi Barre oo ay horay uga dhamaatay muddadii xeer hoostaadka golaha shacabka xaqa u siinayay in ra’iisul wasaaraha uu kusoo magaacabo xukuumaddiisa, ayaa hadda haysta 4 maalin kadib markii loogu daray 10 cisho oo dheeri ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha dalka Xamza Cabdi Barre ayaa ku jira hadda kulamadii ugu dambeeyay ee lagu soo dhisi lahaa xukuumadda cusub ee la waregeysa talada dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilaabay kulamo gaar-gaar ah oo uu la yeelanayo xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doorto dowlad goboleedyada, wuxuuna u qaabilayaa qeyb-qeyb.

Ujeedka kulamadaan ayaa ah sidii xildhibaanada loogu qanci lahaa Golaha Wasiirada lasoo magacaabayo oo codkooda kalsoonida ay u sii lahaayeen.

Wararka ayaa sheegaya in kulankii xalay ee Madaxweynaha iyo Xildhibaanada laga soo doorto Galmudug aysan ka soo qeyb gelin Xildhibaanada Golaha Shacabka ku metela Beesha Murusade.

Sida ay sheegeyso xogtaan xildhibaanada beesha Murusade ayaa saluugsan xulashada Madaxweynaha ee xubinta golaha wasiirrada ku meteli doona beeshaas, oo sida ay sheegeen aan lagala tashan.

Wasiirka beesha Murusade ayaa la filayaa in la siiyo xildhibaan hore Xasan Macallin oo ka mid ah shaqsiyaadka sida aadka ah ugu dhow madaxweynaha, qeybna ka ahaa ololihii lagu doortay madaxweynaha.

Afarta maalin ee soo socota ayaa lagu wadaa in ra’iisu lwasaaraha uu ku soo magacaabo xukuumad la wareegta talada si looga baxo xilgaarsiinta. 

Sawirro: Xasan Sheekh oo tababar usoo xiray saraakiil kasoo baxday TURKSOM

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tababbar u soo xiray Dufcadda 4-aad ee Layli Sarkaal iyo Dufcadda 5-aad ee Layli Saraakiil Xigeen ee ka baxa Dugsiga Tababbarka Ciidamada Soomaaliyeed ee TurkSom.

Madaxweynaha oo uga mahadceliyey dowladda Turkiga hirgelinta dugsigan oo la dhisay sanadkii 2015-kii ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dib u dhiska, qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda ula wareega sugidda amniga dalka.

“Hirgelintii dugsigan waxa ay billow u tahay in wakhti dhow aan gaarno in aan si buuxda, gudaha dalkeenna, ugu tababbaranno ciidankeenna. Waxaan u hamablyeynayaa waalidiinta, walaalaha iyo qoysaska ay ka soo jeedaan Saraakiishan iyo kuwii ka horreeyeyba ee halkan ka bixi jiray in ay u oggolaadaan ubadkooda ku biiridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo bandhigay khudbadda uu u jeediyay Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada, ahmiyadda uu siinayo in dadka Soomaaliyeed laga dulqaado dhibaatada argagixisada, lana xoreeyo deegaannada ay ka soo maleegayaan falalka gurracan ee ka soo horjeeda dowladnimada iyo qiyamka suuban ee diinteenna.

Dhankooda, Saraakiisha iyo Saraakiil-xigeennada ayaa soo bandhigay dhoollatus ay ku muujinayaan cududda iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo gutay dhaarta dastuuriga ah ee la xiriirta in ay difaacayaan dalka, dadka, diinta iyo calanka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Mehmet Yilmaz, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud, Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Taliyeha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raagge, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida.

Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii fuliyey QARAXII Jowhar

0

Jowhar (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii fuliyey qaraxii ismiidaaminta ahaa ee 17 bishaan ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda kumeel gaarka ah ee Hirshabelle.

Al-Shabaab ayaa magaca qofkii  fuliyey qaraxaas ku sheegtay Maxamed Cabdullqaadir Maxamed oo magaciisa afgarashada ahaa (Bukhaari).

Ninka is qarxiyey ayaa wareysiga laga qaaday ka hor inta uusan is qarxin oo hadda lasoo badhigay ku sheegay inuu ku dhashay magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Jubbaland.

Wuxuu sheegay inuu kasoo jeedo beesha Jareerweyne gaar ahaan lafta Miyaawe. Ninkaan is qarxiyey ayaa sheegay inuu kooxda jabhadda ee Al-Shabaab ka tirsanaa muddo 4 sano ah.

Wareysiga ayuu sidoo kale ku sheegay inuu kasoo qeyb galay dagaalo badan oo ka dhacay gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Qaraxa uu ninkaan fuliyey ayaa ka dhacay magaalada Jowhar waxaana mas’uuliyiinta ku dhaawacmay kamid ahaa wasiirka haweenka dowlad Gobaleedka Hirshabelle Caasho khalif, Wasiirka Caafimaadka Hirshabelle Cabdi Macalin, Guddoomiye kuxigeenka hore Baarlamaanka Hirshabelle Canab Axmed Ciise iyo Xildhibaan hore jeego.

Cagjar oo sheego yaab leh ka sameeyey dagaalka Liyuu Boolis iyo Kooxda Al-Shabab

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka, Mustafe Muxumed Cagjar oo warbixin siinayey baarlamaanka deegaanka ayaa xog cusub ka bixiyey dagaalkii ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ee u dhexeeyey Liyuu Boolis iyo Al-Shabaab.

Cagjar oo su’aallo uga jawaabay xildhibaannada baarlamaanka ee dowlad deegaanka ayaa shaaca ka qaaday in dagaalladaas ay khasaare ku gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab, isla-markaana ay ka hortageen halis ku soo wajahneyd deegaanka, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Cagjar ayaa sidoo kale tilmaamay in uu aaminsan yahay in illaa 600 oo dagaalyahaan laga dilay kooxda Al-Shabaab, maalmihii ay socdeen howlgallada.

Waxa kale oo uu qiray in dhankooda uu khasaare ka soo gaaray dagaalladaasi, balse ma shaacin tirada dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray askarta ciidanka Liyuu Boolis.

“Waxaan aaminsanahay in 600 oo Al-Shabaab ah lagu dilay howlgalladii maalmahaan socday, illaa kuwii shalay, adna waxbaa kaa dhimanaya dabcan, aan ku dilo oo waxbana iga dhiman maayaan socon mayso, waa in la ogaado inaan dagaal ku jirno,” ayuu yiri Cagjar.

Dhanka kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ujeedka Al-Shabaab uu ahaa inay gudaha u galaan Itoobiya, kadina ay ka sameystaan saldhigyo ay ka qalqal-geliyaan amniga.

“Ujeedadoodu waxay aheyd inay deegaanka soo galaan, ciidan fara badan soo galiyaan, oo halkaas ay ka jabhadeeyaan. Laakiin, fursadaas lama siin,” ayuu raaciyey madaxweynuhu.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa ayaduna horey guullo waa weyn uga sheegatay dagaalladii ay la gashay ciidamada Liyuu Boolis, kadib duulaankii ay ku qaadeen dowlad deegaanka.

Xildhibaanada Murusade oo ka baaqday kulan uu Xasan la yeeshay BF + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilaabay kulamo gaar-gaar ah oo uu la yeelanayo xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doorto dowlad goboleedyada, wuxuuna u qaabilayaa qeyb-qeyb.

Ujeedka kulamadaan ayaa ah sidii xildhibaanada loogu qanci lahaa Golaha Wasiirada lasoo magacaabayo oo codkooda kalsoonida ay u sii lahaayeen.

Wararka ayaa sheegaya in kulankii xalay ee Madaxweynaha iyo Xildhibaanada laga soo doorto Galmudug aysan ka soo qeyb gelin Xildhibaanada Golaha Shacabka ku metela Beesha Murusade.

Sida ay sheegeyso xogtaan xildhibaanada beesha Murusade ayaa saluugsan xulashada Madaxweynaha ee xubinta golaha wasiirrada ku meteli doona beeshaas, oo sida ay sheegeen aan lagala tashan.

Wasiirka beesha Murusade ayaa la filayaa in la siiyo xildhibaan hore Xasan Macallin oo ka mid ah shaqsiyaadka sida aadka ah ugu dhow madaxweynaha, qeybna ka ahaa ololihii lagu doortay madaxweynaha.

Kulamadaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo lagu wado in maalmaha soo socda la soo saaro liiska golaha wasiirrada Soomaaliya.

Afar maalmood ayaa ka hartay mudadii uu Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre baarlamaanka ka codsaday inay u ogolaadaan, si la tashiyadiisa xulashada wasiirrada uu waqti dheeraad ah ugu helo.

Al-Shabaab oo meel fagaare ah ku dishay 7 qof + Sababta

0

Baydhbao (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe goob fagaare ah ku dishay ku dhowaad 10 nin oo lagu eedeeyey inay ahaayeen basaasiin, waxaana lagu toogtay fagaare weyn oo ku yaalla deegaanka Buulaay ee gobolka Baay.

Raggan oo gaaraya illaa 7 nin ayaa lagu toogtay hal goob, sida ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka kooxda Al-Shabaab, waxaana halkaas ku sugnaa dadweyne fara badan.

Maxkamad hoostagta Al-Shabaab ayaa sheegtay in ragga la dilay inay ahaayeen basaasiin u shaqeynayey dowladda Soomaaliya, Mareykanka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Halkan hoose ka aqriso magacyada ragga la toogtay:-

1-Cadaawe Cabdullaahi Dhicisow oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen inuu la shaqeynayay sirdoonka Mareykanka, uuna u gudbiyay warbixino ku saabsan saraakiisha Al-Shabaab.

2-Cali Maxamed Madoowe oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen inuu Koonfur Galbeed kala shaqeeyey weerar ay ku dileen saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab.

3-Ceymooy Geedi Aadan oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen inuu la shaqeynayay maamulka Koonfur Galbeed, uuna ku soo hoggaamiyay rag ka tirsan Al-Shabaab oo horey la dilay.

4-Towfiiq Jinow Aadan oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen inuu la shaqeynayay Mareykanka, Isla markaana uu ka qeyb qaatay duqeyn lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab.

5-Colaad Cabdiraxmaan Maxamed oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen inuu la shaqeynayay Mareykanka, uuna qeyb ka ahaa duqeyn lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab.

6-Mayow Maxamed Yarow oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen inuu ka tirsanaa ciidamada Koonfur Galbeed ee jooga  Diinsoor, kaas oo dhowr jeer la dagaalamay Al-Shabaab.

7-Cabdiraxmaan Isaaq Ibraahim oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen inuu la shaqeynayay Mareykanka, uuna ka qeyb qaatay duqeyn lagu dilay saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab.

Uganda oo jawaab ka bixisay hadalkii kooxda Al-Shabaab

0

Kampala (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa war cusub kasoo saartay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee dhowaan ka dhacay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeenka ciidamada milatariga Uganda oo lagu magacaabo Brig Gen Felix Kulayigye ayaa beeniyey hadalkii kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ee ahaa inay askar ka tirsanaa ciidamada Uganda ku dileen qaraxaas oo uu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa.

Brig Gen Felix ayaa shaaca ka qaaday in askartooda ay badqabaan, islamarkaana aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in askar looga dilay weerarkii ka dhacay magaallo xeebeedka Marka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ciidamadooda oo qayb ka ah howlgalka ATMIS ee Ururka Midowga Afrika ay haatan howlgallo ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose, ayaga oo amniga ka taageeraya ciidamada Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa horey u shaacisay in illaa 12 askari oo ka tirsanaa ciidamada Uganda ay qay ka ahaayeen dadkii ku dhintay weerarkii is qarxinta ee ka dhacay degmada Marka.

Uganda ayaa ka mid ah dalalka ka qayb qaata dagaalka Al-Shabaab  waana dalka ugu badan ee ay ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya.

Sikastaba, waxaa weerarkii Markii toos loola beegsaday oo ku dhintay guddoomiyihii maamulka degmadaasi Cabdullaahi Cali Waafow iyo dad kale oo ay ku jiraan askar.

Ciidamada Booliska iyo kuwa NISA oo howlgallo culus ka fuliyey Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimads Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo si wadajir ah uga sameeyey qaybo ka mid ah degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kuwaas oo lagu xaqiijinayey ammaanka degmadaasi.

Inta uu socday howlgalka ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay dhalinyaro aad u u fara badan oo qaarkood ku eedeysan dhac iyo ciyaal weero, sida ay shaaciyeen laamaha amnigu.

Taliyaha qaybta bari ee Booliska Cali Calasow Goofjooge oo u warramay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey howlgalka, wuxuuna sheegay in dadka la soo qab-qabtay ay kala saareen, isla-markaana kuwa tuhmanayaal ah ay ku xireen saldhigga degmada Kaaraan.

“Waxaan ku soo qabanay dad fara badan kala shaandheyn dheer, kadib waxaan ka helnay waxyaabo aan tuhunsanahay, saldhigga ayaana la geynayaa” ayuu yiri taliye Goofgooje.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray taliyuhu inay gacanta ku dhigeen inta ay wadeen howlgallada mindiyo iyo hub sharci darro ah

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay guddoomiyaha degmada Kaaraan, Abishir Kaaraan, wuxuuna uga digay shacabka inay qariyaan dadka dambiilayaasha ah.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale u mahadceliyey ciidamada ammaanka ee xalay howlgallada ka sameeyey degmada Kaaraan oo ay inta badan ka dhacaan falal amni darro ah.

“Reer Kaaraan waxaan uga digayaa in la qariyo qofka dambiilaha ah, ciddii qarisaa waa la mid, waxaan leenahay hay’adihii caawa howlgalay waa mahadsan yihiin,” ayuu yiri.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyey howlgallada ka socda caasimada, kuwaas oo lagula dagaalamayo burcadda hubeysan iyo ciyaal weerada.

GALMUDUG iyo dowlad degaanka oo kala saxiixday heshiis ka dhan ah Al-Shabab

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Galmudug iyo Dowlad degaanka Soomaalida ayaa kala saxiiday heshiis ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo dhawaanahaan waday duulaan ka dhan ah xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya,.

Heshiiskaan oo ay kala saxiixdeen Mas’uuliyiinta dhinaca ammaanka ee labada dhinac ayaa ujeedkiisa ugu weyn yahay xoojinta iskaashiga dhanka nabadgelyada xadka xilliDowlad Deegaanka

Beddel Xiis oo ah la taliyaha ammaanka ee Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in iyaga Galmudug ay ku heshiiyeen sidii ay isaga kaashan lahaayeen weerarrada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Kulankan ayaa imaanaya xilli uu is-badal xooggan ku yimid ammaanka degaannada ku teedsan xudduudda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa sheegay in todobaadkan ay mas’uuliyiintu qorsheeyeen in meel ka baxsan dhulka Itoobiya laga sameeyo “aag ammaan ah” si looga hortago weerarradaas “maxaa yeelay ma sugi karno cadawgu ilaa uu halkan noogu yimaad”, ayuu yiri muuqaal la soo dhigay Twitter-ka

Wasaaradda warfaafinta dalka Itoobiya oo Jimhihii warmurtiyeedkeeda toddobaadlaha soo saartay waxay sheegtay ku dhawaad 500 oo ka mid ah dagaallamayaasha Al-Shabaab iney toddobaadki hore xadka Itoobiya soo tallaabeen.

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika (Africom), General Steven Townsend, wuxuu sheegay iney u muuqato ciidamada Itoobiya iney jabiyeen isla-markaana ay xakameeyeen duullaanka Al-Shabaab uu ku soo qaaday, ayna dhici karto Al-Shabaab weerarrada noocan ah iney sii wadi doonaan.

Ururka Al-Shabaab ayaa muddo ku siman 15 sano dagaal hubeysan kula jira dowladda federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Howlgalka ee Midowga Afrika.

Biden oo markii labaad laga helay COVID-19 iyo wararkii ugu dambeeyey ee xaalkiisa

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa lagu khasbay in uu galo karantiil kadib markii labaad muddo 10 maalmood ah laga helay cudurka Covid-19.

Farriin uu soo diray madaxweynaha wuxuu sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay.

Maamulka Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa hakiyey dhammaan booqashooyinkii u qorsheysnaa Madaxweynaha, wuxuuna maalmaha soo socda ka shaqeyn doona guriga.

Sagaal maalmood ka hor ayay aheyd markii feyraskan laga helay, waxaana madaxweynaha lagu daweeyay dawada ka hortegta feyraska ee Paxlovid.

Dhakhaatiirta ayaa rumeysan in Biden uu la il-darnaa xaalad naadir ah oo dib u soo kabasha ah oo lagu arkay bukaanada qaar eek u dhacay Covid-19.

Joe Biden oo 79 jir ah ayaa todobaadkii tagey laga waayey dhowr jeer virus-ka balse dib ugu soo rogaal celiyay shalay, taas oo lagu ogaaday baaris markale lagu sameeyey.

Diyaaradaha ITOOBIYA oo duqeymo culus geystay iyo Al-Shabab oo qorshe wadda

0

Xudur ( Caasimada Online) – Diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Itoobiya ayaa shalay duqeymo culus ka geystay deegaano ka tirsan Bakool oo Al-Shabaab ay ku sugnaayeen, halkaasi oo dagaalo ay ka socdeen maalmihii dhowaa.

Duqeymahaan ayaa ka dhacay degaan lagu magacaabo Garasweyne oo 50 KM galbeed ka xiga magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Halkaas waxaa la sheegay inay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo waday abaabulka duulaan ka dhan ah ciidamada Itoobiya.

Ilaa hadda ma jirto cid xaqiijisay inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay duqeymahaas, waxaana aad u liidatay isgaarsiinta deegaanada dhaca xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in Maleeshiyaad badan ay ku uruurinayaan deegaanada Gobolka Bakool ee ku teedsan xadka uu gobolkaasi la wadaago dalka Itoobiya.  

Duqeyntaan waxay ku soo aadeysaa ayadoo Jimcihii ciidamada Liyuu Boolis lagu laayey degaanka Aato, kadib weerar culus oo Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaankaas.

Bayaan ay kooxdu ka soo saartay weerarkii ay Jimcihii shalay ku qaaday Aato, waxay ku sheegatay inay Liyuu Boolis ka dileen in ka badan 150 askari, iyagoo soo bandhigay sawirrada meydad aad u badan.

Xog: Xaaladda Fu’aad Shongole iyo waxa ka jira arrinta ay sheegatay Itoobiya

0

Muqdiaho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiisa, waxaa nool Fu’aad Maxamed Khaliif (Fu’aad Shangole) oo ka mid ah madaxda ugu sareysa Al-Shabaab, kaas oo dowladda Itoobiya ay xalay shaacisay inay dishay.

Sidoo kale Caasimada Online waxay baaritaanka xogtan ku ogaatay in Fu’aad Shangole uu soo gaaray dhaawac fudud oo sababay in loo qaado magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe, halkaas oo hadda lagu dabiibayo xaaladiisa caafimaad.

Fu’aad Shangole ayaa ku dhaawacmay dagaal culus oo Jimcihii ay Al-Shabaab ku qaadeen degnaaka Aato ee gobolka Bakool oo dhaca xuduuda gobolkaasi uu la wadaago dowlad deegaanka Soomaalida, halkaasi oo ay kula dagaalameen ciidamada Liyuu Boolis.

Sidoo kale Cabdicasiis Abuu Muscab oo ah afhayeenka howlgallada Al-Shabaab oo ka mid ahaa xubnihii ay Itoobiya sheegtay inay ku dishay dagaalka ayaa soo hadlay, isagoo sheeganaya guulo ay ka gaareen dagaalkii ay ciidamada Liyuu Boolis kula galeen degaanka Aato.

Fu’aad Shangole ayaa ah madaxa abaabulka iyo tashkiilinta dagaalyahanada Al-Shabaab, sidoo kale Shangole wuxuu kamid yahay madaxda Al-Shabaab ee dowladda Mareykanka ay madaxooda dul dhigtay malaayiinta dollar.

Madaxa Sirdoonka Itoobiya Major General Tesfaye Ayalew ayaa xalay Wakaalada Wararka Itoobiya ee Ethiopian News Agency u sheegay inay dileen sedaxdaan hoggaamiye oo kala ah Fu’aad Shangole, Abuu Muscab iyo Cubeyda Nuur Ciise oo la sheegay inuu yahay madaxa Al-Shabaab u qaabilsan abaabulka ay kooxdu ka wado xuduudka dowlad deegaanka iyo Gobalka Bakool ee Soomaaliya.

Todobaadkii tegay Fu’aad Shangole warbaahinta kula hadlay duleedka degaanka Aato ee gobolka Bakool, wuxuu xiligaas u khudbeynayey dagaalyahano badan oo ka tirsan Al-Shabaab, wuxuuna ku goodinayey inay isku diyaariyaan weerarro culus oo ka dhan ah ciidamada Itoobiya.

Daawo: Deni oo soo saaray digniin ku aadan dagaalka Al-Shabaab iyo Itoobiya

0

Muqdisho ( Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay dagaallada ka socda xaduuda Soomaaliya iyo Itoobiya ee u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidamada dowlad deegaanka Soomaali Galbeed.

Deni ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto xaalad khatar ah markii la eego dhanka ammaanka, isagoo si adag ula dardaarmay dadka reer Puntland.

“Dalku wuxuu ku socdaa xaalad mudan in si dhow loola socdo oo dhanka amniga ah, dadka reer Puntland meel kasta oo ay joogaan, waa inay feejignaan amni muujiyaan,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Saciid Deni oo sii hadlayey ayaa yiri, “Waxyaabaha ka dhacaya Soomaaliya iyo Itoobiya, waa wax cusub oo midnimo looga badbaadi karo, waxaan ugu baaqayaa dadka reer Puntland in dowladnimadooda ay difaacdaan oo cadowga iska dhiciyaan, muujiya feejignaan amni, lana shaqeeya hey’adaha amniga.”

Madaxweynaha oo sii hadlayey ayaa dadka reer Puntland u sheegay in dowladnimadu aysan ku koobneyn masuulka hoggaaminaya, balse ay tahay wax waaraya oo la wada leeyahay.

“Soomaaliya mar ayey dowladi ka burburtay 1991-kii, hadda waxaa socda dhisme dowladeed oo runtii meel fiican maraya, waxaan Alle ka baryaa in dib dambe aysan nooga burburin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Saciid Deni ayaa si gaar ah ula hadlay waxgaradka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay in aysan isku xirin dantooda iyo tan guud.

“Waxaa la rabaa dowladnimadu inay noqoto wax dadku wada leeyahay, qofkii dan gaara wata waa inuu meelo kale ka raadsado, marka bulsho u shaqeyntu waa inay noqoto aas-aaska nidaamkeena siyaasiga ah,” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni.

Hoos ka daawo 

Qorshaha ka dambeeya mushaarka loo kordhiyay ciidanka iyo shaqaalaha NISA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa kordhisay mushaaraadka ciidanka iyo shaqaalaha rayidka ee hay’adda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay hey’adaas oo lagu faafiyey warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Hannaanka mushaar kordhinta ee hay’adda NISA waxaa la waafajiyey, sida qoraalka lagu sheegay, kala sareynta darajada, tirada mushaaraadkii hore ee qof walba iyo cabirka aqoonta.

Waxay tallaabadaan imaneysaa laba bilood kadib markii Mahad Maxamed Salaad loo magacaabay taliyaha hay’adda sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka.

Sida wararku sheegayaan, labadii bilood ee lasoo dhaafay hoggaanka cusub ee hay’adda NISA wuxuu jaray lacag kumanaan kun oo dollar ah oo laga bixin jiray xisaabaadka hay’adda, taasi oo lasiin jiray dhinacyo siyaasadeed, saaxiibo iyo xubno madaxtooyada kusoo wareejisay hay’adda si loo hayo,

Lacagahaas la jaray iyo kab hay’adda sameysay ayaa la sheegay inuu sahlay mushaar kordhinta lagu dhawaaqay laba berri ka hor.

Ciidanka hubeysan ee NISA iyo shaqaalaha rayidka ah labaduba waa ka mushaar yaraayeen ciidanka iyo shaqaalaha hay’adaha kale ee dowladda Soomaaliya. Tan waxaa loo arkaa sababta uu Mahad Salaad u doortay dalacsiinta mushaarka.

Haddaba maxaa laga faa’idi doonaa mushaar kordhinta?

  1. Dardargelin shaqo

Mushaar kordhinta lagu dhawaaqay ee hay’adda NISA waxaa la aaminsan yahay inay sare u qaadi doonto heeganka howlaha cusub, hoggaansanaanta iyo horumarinta shaqada hay’adda oo ay howl-wadeenada ka qaadi doonaa  firfircooni dardar gelisa howlaha hey’adda.

  1. Hoos u dhaca laaluushka iyo musuq-maasuqa

NISA, gaar ahaan xabsiyada ay hay’adda maamusho, waxaa sanado badan ka jiray eedo la xiiray laaluush iyo wax is-daba marin lagula kaco maxaabiista.

Dhaqaale yariddu qeyb ayey ka aheyd arrimahaas. Isbadalka lagu sameeyey mushaaraadka hay’adda waxaa la aaminsan yahay inuu xal u noqon karo tixanaha wax isdabamarinta.

  1. Kalsoonida nidaamka cusub

Tallaabada loo qaaday kordhinta xaqsiinta ciidanka iyo shaqaalaha hay’adda NISA, ayaa dad badan qabaan, inay dhalineyso rajo cusub oo ku wajahan nidaamka cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh.

Hay’adaha kale ee dowladda inay qaadaan tallaabooyin noocaan ah, ayaa la aaminsan yahay, inay sii xoojin karto kalsoonida lagu qabi karo dowladda cusub.

  1. Mahad Maxamed Salaad

Taliyaha cusub ee NISA Mahad Maxamed Salaad wuxuu ku af bilowday dhacdo loo wada riyaaqay. Mushaaar kordhinta uu sameeyey waxay dad badan qabaan inay u sahli doonto wada-shaqeyn mug leh iyo inay dhabaha u xaarto inuu ku guuleysto mashruuciisa NISA.

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Al-Shabaab iyo Liyuu Boolis oo guulo laga sheegtay

Catao (Caasimada Online) – Waxaa isasoo taraya khasaaraha ka dhashay dagaalka ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida iyo ururka Al-Shabaab ee deegaanka Caato ee gobalka Bakool.

Labada dhinac ayaa guullo waawayn ka sheegtay dagaalka. Ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegay inay ku dhawaad 170 Al-Shabaab ah ku dileen deegaanka Caato, kuwaasi oo ay ku jiraan horjoogayaal kooxda ka tirsan.

Al-Shabaab ayaa baraha bulshada ay isticmaalaan waxa ay ku faafiyeen in dagaalkii ka dhacay xadka ay guulo badan ka gaareen ayna ku dileen 150 ka tirsan Liyuu Police, sidoo kalena ay ku qabsadeen maxaabiis iyo saanad ciidan.

Dagaalka ayaa ah mid culus, waxaana wararka ay sheegayaan in Al-Shabaab ay isticmaalayaan gaadiid dagaal oo ay horey uga qabsadeen ciidamada AMISOM.

Waxaa sidoo kale dagaalka ka qeyb-galay diyaaradah dagaalka Itoobiya, sida ay sheegtay kooxda Al-Shabaab, balse si madax-banaan looma xaqiijin karo.

Dalgaalka u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidanka Liyuu Police oo kaashanaya kuwa federalka ayaa galay asbuucii labaad, waxaana dhowr jeer uu ka dhacay xadka Hiiraan iyo Bokool ay la wadaagaan dalkaas.

Dowladda Itoobiya ayaa waxaa ay hore u sheegtay inay soo gabagabaysay dagaalkii ka dhacay gudaha dalkaas, kadib markii Al-Shabaab ay galeen gobolka Afdheer.

Waxay aheyd markii ugu horreysay ee Al-Shabaab ay galaan kana dhex-dagaalamaan gobolka Soomaalida ee Itoobiya. 

Itoobiya ayaa shalay sheegatay inay dagaalka ku dileen saddex sarkaal oo sare oo Al-Shabaab ka tirsan kuwaas oo kala ah; Fu’aad Shongole, Cabdicasiis Abuu Muscab iyo Cubeyda Nuur Ciise.

Hase yeeshee kadib warkaas waxaa hadlay Abu Muscab oo guulo ka sheegtay dagaalka, taasi oo shaki gelineysa sax ahaanshaha warka Itoobiya.

Wasiirkii arrimaha gudaha Jubaland, Jeneraal Maxamed Darwiish oo geeriyooday

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta maamul gobaleedka Jubbaland General Maxamed Warsame Faarax Darwiish ayaa ku geeriyooday dalka Jarmalka oo u joogay arrimo caafimaad.

Geerida Wasiirka ayaa lagu xaqiijiyey war kasoo baxay madaxtooyada maamulkaas oo lagu daabacay baraha bulshada.

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeey geerida ku timid wasiirka isaga oo tilmaamay in marxuumku uu si weyn ugu suntan yahay qalbiyada bulshada Jubaland oo uu qeyb weyn ka ahaa dadaaladii dhismaha Jubaland.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa sheegay in wasiirka geeriyooday uu door muhiim ah kasoo qaatay dhismahii hay’adaha kala duwan ee dowlada oo uu door muhiim ah ku lahaa.

Dhanka kale, wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeesay geerida ku timid Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland Gen. Maxamed Warsame Darwiish.

Halkaa hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa tacsi u diray dhammaan ehelkii, qaraaabadii, saxiibadii, shacabka Jubaland iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid alle ha u naxariistee Wasiirkii arimaha gudaha federaalaynta iyo dib u heshiisiinta Marxuum Gen: Maxamed Warsame Darwiish oo ku geeriyooday dalka jarmalka oo wakhtiyadii lasoo dhaafay uu arimo caafimaad u joogay.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku uu si weyn ugu suntan yahay qalbiyada Bulshada Jubaland oo uu qeyb weyn ka ahaa dadaaladii dhismaha Jubaland iyo sidoo kale wasaaradahii uu kasoo shaqeeyay iyo dhismahii hay’adaha kala duwan ee dowlada oo uu door muhiim ah ku lahaa.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in marxuumku uu hada gacanta ku hayay dadaalo baaxad leh oo lagu daadajinayo maamulka gaar ahaan dhismaha golayaasha deegaanka oo wasaaradiisu ay hormuud u ahayd.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa alle uga baryay marxuumka inuu ka waraabiyo janadii fardowso isagoo samir iyo iimaan u rajeeyay dhammaan shacabka Jubaland, Ummada Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku.

Xarunta baarlamanka Ciraaq oo la qabsaday + Sawirro

Baghdad (Caasimada Online) – Taageerayaasha wadaadka awoodda badan ee Moqtada Sadr ayaa maanta jebiyey xeendaabka aagga aadka loo ilaaliyo ee “Green Zone” waxayna qabsadeen xaruntii baarlamanka, taasi oo kasii dareysa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka Ciraaq.

Waa markii labaad ee maalmo gudahood oo taageerayaasha Sadr ay xooga ku galaan xarumta sharci-dejinta, bilo kadib markii ay dhaceen doorashooyin ku guuldarreystay inay hoggaamiyaan dhismaha xukuumad.

Taageerayaasha Sadr, oo mar hoggaamiyey kacdoon maleeshiyo oo ka dhan ahaa ciidamada Mareykanka iyo Ciraaq, ayaa kasoo horjeeda ku dhowaaqista Mohammed al-Sudani, oo xisbi xiriir la leh Iran ay doonayaan inay ka dhigaan ra’iisul wasaare.

Dibad-baxayaasha ayaa haatinayey calanka Ciraaq iyo sawirrada wadaadka, ayaga oo ku dhexjira xarunta baarlamanka.

Waxay xarunta galeen kadib markii kumanaan ka mid ah ay buuxiyeen buundo gasha aagga Green Zone ee magaalada Baghdad, kahor inta aanay boqolaal ka mid ah iska qaadin dhagxaan waa weyn oo lagu gooyey albaabada laga galo.

Ciidamada amniga ayaa rasaas iyo sunta dadka ka ilmeysiisa ka riday aaggan oo xarun u ah safaaradaha shisheeye, xarumaha kale ee dowladda Ciraaq iyo baarlamanka.

Waxaa ku dhaawacmay qaar ka mid ah dibad-baxayaashii ku suugnaa buundada, kuwaas oo ay qaadeen banana-baxayaasha kale ee la socday. 

“Shacabka oo idil adiga ayey kula jiraan Sayyed Moqtada,” ayey ku qeylinayeen taageerayaasha. 

Xisbiga Moqtada Sadr ayaa helay kuraastii ugu badneyd ee doorashadii dhacday October, balse ma gaarin aqlabiyad ay kusoo dhisi karaan dowlad. Toban bilood kadib waxaa weli is-mari waa uu ka taagan yahay dhismaha xukuumad.

Sadr, oo muddo saameyn ku lahaa siyaasadda Ciraaq, ayaa haysta malaayiin taageeerayaal naftood hurayaal oo Shiico ah.

Taageerayaashiisa ayaa kasoo horjeeda musharaxnimada wasiir iyo barasaab hore, oo ay axsaabta ku xiran Iran u wadaan xilka ra’iisul wasaaraha.

Dibad-baxyada ayaa ah caqabaddii ugu dambeysay ee uu wajahayo dalka shidaalka hodanka ku ah ee Ciraaq.

Taageerayaasha ayaa xarunta ka baxay kadib markii ay haysteen muddo laba saac ah, balse waxay ku baxeen oo kaliya markii uu Moqtada Sadr uu sidaas u sheegay.