27.2 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

Guddiga doorashada heer federaal oo hakiyay kursi doorashadiisa la shaaciyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa maanta shaaciyay inay hakiyeen doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#204, kaasi oo deegaan doorashadiisa ay tahay maamulka Koofur Galbeed.

Guddiga FEIT ayaa sheegay in kursigaas ay cabashooyin is-daba-joog ah uga gudbiyeen Malaaqa Guud iyo Samadoonada Beesha Jarroon oo ah beesha iska leh kursiga HOP#2024.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) waxa uu si xushmad leh ugu wargelinayaa Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed SEIT inay hakiyaan qabashada doorashada kursigaan inta laga xalinayo cabashada ka taagan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga.

Guddiga si faah-faahsan uma sheegin khaladaadka ka jira habraaca la soo gudbiyay, ayada oo dhawaan uu guddiga doorashada Koonfur Galbeed uu shaaciyay doorashada kursigaas uu qabsoomi doono maalinta Salaasada ah ee 15-ka Maarso.

Kursiga HOP#204 ayaa waxaa lasoo warinaya in madaxweyne Lafta-gareen uu si gaar ah ugu xiray Wasiir ka tirsan golahiisa wasiirada, xili uu si weyn kursigaas u daneynayay sanadihii lasoo dhaafay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdiqaadir Jaamac.

Qoraal shalay kasoo baxay guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed, ayaa waxaa lagu sheegay in diwaan-gelinta musharaxiinta kuraas uu kamid yahay midka la hakiyay ay bilaabayaan maalinta barri ah.

Si kastaba, Ma aha markii u horeysay ee Guddiga FEIT uu hakiyo doorashada kursi, hase yeeshe waxaa la ogeyn sida ay amarkaan ugu hogaansami doonaan guddiga SEIT Koonfur Galbeed, oo ayagu hore iskaga dhago tiray amarada guddiga doorashooyinka heer federaal.

Guudlaawe iyo Dabageed oo mar kale uu khilaaf ka dhex-qarxay + Waxa la isku hayo

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Xog cusub oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa inuu mar kale qarxay khilaafkii u dhaxeeyo madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo ku-xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Khilaafka labada mas’uul oo maalmahaan dambe u muuqday mid xal laga gaaray ayaa marka kale hawada isku shareeray, wuxuuna khillaafka salka ku hayaa doorashada kuraasta 8-da ah ee ku hartay magaalada Beledweyne.

Caasimada Online ayaa ogaatay inuu khilaafka xoogiisa ka taagan yahay Kursiga HOP#135 oo ay ku fadhiso xildhibaan Aamino Maxamed. Dabageed ayaa doonaya in kursigaan loo xiro shaqsi gaar ah, taasioo uu si weyn uga hor yimid madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Xildhibaan Aadan Kaladire oo kamid ah baarlamaanka HirShabelle ayaa sheegay in howlaha doorashooyinka uu mas’uul ka yahay madaxweynaha HirShabelle, islamarkaana cid ka hor-imaan karin.

“Doorashada Hirshabeelle waxaa ka mas,uul ah Madaxweynaha Cid kastaa oo caqabad ku ah ka baarlamaan ahaan waxaan diyaar u nahay in aan ka hor leexino ayuu yiri,” Xildhibaan Aadan Kaladiro.

Madaxweynaha maamulka HirShabelle Guudlaawe ayaa dhawaan musharixiinta u taagan kuraasta ku hartay Beledweyne u ballan qaaday inuusan jiri doonin kursi loo xiro shaqsiyaad gaar ah.

Yuusuf Dabageed oo dhawaan wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay inuu khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo madaxweynaha HirShabelle, balse wuxuu sheegay inay jiri karaan waxyaabo lagu kala aragti duwanaan karo.

Yuusuf Dabageed ayaa horay meel fagaare ah uga sheegay in uu boobi doono kuraasta Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Beledweyne lagu doorayano taas oo muran iyo kalsooni darro xoogan ka dhalatay.

Kuraasta ku harsan Magaalada Beledweyne ayaa weli la qaban la’yahay sababo la xiriira khilaafka taagan, waxayna u badan tahay inay dhaafaan waqtigii ugu dambeeyey ee lagu heshiiyey in lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka oo aheyd 15-ka Bishaa.

IRAN oo weerar gantaallo ku qaaday xarun ay ISREAL leedahay oo muhiim ah

Tehran (Caasimada Online) – Ilaada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegay inay gantaalo ku beegsadeen “xarun istaraatiiji ah” oo Israel ay ku leedahay Iraq kadib markii mas’uuliyiinta Kurdish-ka ay ku warrameen weerar gantaallo oo ka yimid xuduudda.

“Xarun istaraatiiji ah oo loogu talo-galay shirqoollada iyo xumaanta Sahyuuniyadda ayaa waxaa gantaallo la hagayey oo xooggan ku beegsaday Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah,” ayaa lagu yiri bayaan lagu daabacay Sepah News, oo ah website-ka rasmiga ah ee Ilaalada.

Goor sii horeysay, ciidamada ammaanka gobolka Kurdistan ee Iraq ayaa sheegay in “toban gantaal oo ballistic” ah lagu beegsaday magaalada waqooyi ee Arbil, oo ay ku jiraan xarumo Mareykan, kuwaas oo sababay waxyeello, balse aan gaysan khasaare xooggan.

Weerarkn oo saaka aroortii horey ka dhacay magaalada Arbil ayaa yimid toddobaad kadib markii laba sarkaal oo ka mid ah Ilaalada Kacaanka lagu dilay weerar loo tiriyey Israel oo ka dhacay Syria.

Iraq, oo uu ka mid yahay gobolka Kurdistan, ayaa xarun u ah ciidamada Mareykanka ee hoggaamiyey isbaheysigii la dagaalamay kooxda Daacish. Mareykanka ayaa xulufo weyn la ah Israel.

Ilaalada Kacaanka ayaa Talaadadii ka digay in Israel “ay bixin doonto qiimaha dambiga ay gashay.”

Bayaanka ay maanta soo saareen Ilaalada ayaa lagu yir “Waxaan mar kale maamulka dambiilaha ah ee Sahyuuniyadda uga digeynaa in waxyeelo kasta oo lagu celiyo ay wajihi doonto jawaabo adag, xanuun badan oo burbur leh.”

“Waxaan sidoo kale u xaqiijineynaa qaranka Iran in ammaanka iyo nabadda dalka uu khad cas u yahay ciidamada hubeysan ee Iran, oo aysan u ogolaan doonin in cidna ay halis geliso ama weerarto.”

Washington ayaa inta badan weerarada gantaallada iyo Drone-ka ee l la beegsado danaheeda Iraq ku eedeysa kooxha Iran ee taageerto ee dalbanaya in ciidamada Mareykanka ay ka baxaan Iraq.

AFP + VOA

Xukuumadda ROOBLE oo si deg-deg ah u ansixiyay miisaaniyad dhan $200M

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta kulan ay yeesheen waxay ku ansixiyeen Miisaaniyadda KMG ah oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyada, taasi oo u gudbiyay Wasiirka wasaaradaas, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu ansixiyey Miisaaniyad KMG ah oo dhan $206,474,223, taasi oo loo qoondeeyey howl fulinta dowladda ee bilaha April ilaa June ee sanadkan.

Wasiir Bayle oo sharaxaad ka bixiyay Miisaaniyadaan ayaa sheegay in sanadkaan xildhibaanada u suurtagali weyday inay ansixiyaan miisaaniyada, sidaas darteedna u keeneen Golaha Wasiirada oo si deg deg ah u ansixiyay, maadama uu sharcigu siinayo in saddex bilood ay isticmaalaan Miisaaniyada KMG ah.

“Waxaa aad ugu faraxsanahay Golaha Wasiirada uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaraha ay maanta ansixiyeen Saddex bilood, taasi oo ka bilaabmi doonta bisha April 1-deeda, kuna dhamaan doonta 30-ka June,” ayuu yiri.

“Waxa rajeynayna intaas u dhaxeysa saddexda bilood in uu fadhiisto Baarlamaanka oo dowlad cusub ay dhisanto oo kadib Miisaaniyadii oo hagar la’a dib loo keeno oo la ansixiyo.”

Miisaaniyada KMG ah ee uu maanta meel-mariyay Goluhu ayaa muhiimad u ah sii socoshada howlaha dowladda, xili uu dalka ku jiro marxalad kala-guur ah iyo arrimaha doorashooyinka.

Sawirro: Maxay DENI kala hadleen wafdigii maanta tegay magaalada Garoowe?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay Wafdi ka socday Qaramada Midoobay, oo ay hogaamineyso ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho.

Wafdiga uu qaabilay Saciid Deni ayaa waxaa kamid ahaa Wakiilka Midowga Europe ee Soomaaliya Tiina Intelmann, Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, Ku-xigeenkiisa Fiona Lortan iyo Ibraahim Mohamed Abdi oo ka socda IGAD.

Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan Doorashadda iyo Abaaraha, ayada oo si gaar ah diirada loogu saaray doorashada Golaha Shacabka oo mareysa heer gaba-gabo ah.

Madaxweyne Deni oo warbaahinta la hadlay kulankaasi kadib, ayaa sheegay in ay mas’uuliyiinta uu qaabilay kulankooda diiradda ku saareyn ka gudbinta xaaladda kala guurka ee doorashooyinka.

Sidoo kale waxa uu si gaar ah u carabaabay in dhinacyada isla soo qaadeen muhiimada ay leedahay ilaalinta qoondada Haweenka, islamarkaana loo ilaalin lahaa.

“Kulan is-xog wareysi ah ayuu xoogiisa ahaa, waxyaabihii u badna ee ka wada-hadlnay waxay noqdeen waxyaabo aan runtii isla garaneyn. Waa uga mahad-celinayaa safarkaan qaatay waqtigii ugu haboona,” ayuu yiri.

Doorashada Golaha Shacabka oo dalka kasii socota ayaa lagu wada in lasoo gaba-gabeeyo 15-ka bishaan Maarso, kaasi oo ah waqtiga cusub ee ay u jaangoyeen Golaha Wadatashiga Qaranka.

Tan iyo markii la bilaabay doorashada Golaha Shacabka illaa hadda ayaa waxaa la doortay Mudanayaasha 223 kursi, ayada oo la filayo in la qabto 2 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, waxaana harsan 50 kursi, xili ay labo maalmood ka harsan yihiin waqtigii lagu soo idleyn lahaa.

Cabdiraxmaan Odowaa oo u jawaabay Dubbe – “Wuxuu malxiis ka yahay Aqalka Sare”

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo maanta dib loogu doortay kursiga HOP#069 ayaa guushiisa, kadib u jawaabay wasiirka warfaafinta, ahna Senatar ka tirsan xubnaha loo dooratay Golaha Aqalka Sare, Cismaan Abuukar Dubbe oo la safnaa Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo markii dambe ka tanaasulay loolanka tartanka.

Odowaa oo hadal ka jeediyey doorashadiisa ayaa sheegay in weerarka uu Dubbe ku soo qaaday intii uu ku jiray ololaha doorashada uu daba socdo dagaalkii ka dhashay is hortaagii muddo kororsigii labada sano ahaa ee dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo.

“Ninka la yiraahdo saaxibkey Dubbe marar badan waad ogtihiin waxa nasoo dhex-maray Dubbe gacaankii nimankii aan la dirirsanaa ayuu ka tirsanaa shantii sano ee lasoo dhaafay afhayeenkeedii ayuu u ahaa marka culeys halkaas ka yimid aan u maleynayaa duulaanka uu Dubbe soo qaaday mid hadda nidaamka uu la socdo niyadeeda ah ma’aha,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Waxaan rabaa inaan u sheego Dubbe cadka ina Odowaa cad fudud in uusan aheyn, cadka reer Mudugna in uusan cad fudud aheyn,”.

Intaas kuma ekaan Odowaa, wwuxuuna jawaabtiisa sii raaciyey in Dubbe uu haatan malxiis ka yahay Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ogahay inuu malxiis ka yahay Aqalka Sare, malxiisnimada ruuxeeda saa uga shaqeyn lahaa ayaan ka shaqeynayaa saacadaan wixii laga bilaabo” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa si ballaaran ugu mahadceliyey ergada dooratay iyo dhammaan taageerayaashiisa.

“Waxaan rabaa inaan idin mahadceliyo meel kasta oo aad adduunka ka joogtaan daafihiisa kursigana waxaan damaanad qaadayaa inaan ugu adeego dadka iyo deegaanka,”.

Odowaa oo ka mid ahaa xubnaha mucaaradka ee ku jiray baarlamaankii 10-aad ayaa markale ka mid noqday xubnaha dib loogu doortay Golaha Shacabka Soomaaliya.

Xog: Astaamaha muujinaya qorshaha dhabta ah ee Lafta-gareen oo soo xoogeysanaya

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Waxaa isi-soo taraya astaamaha muujinaya in madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen uu ku jiro damac ah inuu xubin ka noqdo xildhibaanada cusub ee baarlamaanka federaalka.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa xildhibaano u soo doortay xubno badan oo ka tirsanaa xukuumadda Laftagareen iyo baarlamaanka maamulkaas, waxayna K/Galbeed noqotay maamulka xubnaha ugu badan ee golayaashiisa ay ku biireen baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Xubnaha Xildhibaanda noqday ayaa waxay isugu jiraan 8-wasiir, labo wasiir ku xigeen, Agaasime guud, Taliyaha qeybta SNA iyo guddoomiyaha baarlamaanka Koofur Galbeed Cali Saciid Fiqi.

Todobaadkaan waxaa la dooranayaa 7-da xildhibaan ee u dambeysa kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed, waxayna wararka aan heleyno sheegayaan in xubnaha la filayo in la doorto ay ku jiraan wasiirrada arrimaha gudaha iyo amniga Koonfur Galbeed.

In xubnihii ugu badnaa ee golayaasha maamulkaas ay u soo wareegaan dowladda dhexe ayaa sii xoojineysa tuhunka laga qabo in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen uu yahay musharax Xildhibaan.

Sidoo kale ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay culeys ku saarayaan Laftagareen inuu qaato kursi xildhibaan oo baaralamaanka cusub uu ku soo biiro.

Farmaajo iyo Fahad ayaa la sheegay inay Laftagareen la doonayaan xilka guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad, sida ay noo sheegeen xubnaha noo waramay weli Laftagareen ma uusan cadeyn mowqifka uu ka taagan yahay dalabka Farmaajo iyo Fahad.

Hase yeeshee weli lama soo dooran kursiga xildhibaan ee jufada Laftagareen, kaas oo isagu uu horay ugu fadhiyey, waxaana macquul ah in isagu uu soo qaato todobaadkaan.

Sidee ayey golaha wasiirada Rooble ugu fashilmeen isku daygoodii xildhibaannimo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Ra’iisul Wasaare Rooble waxay noqdeen Wasiiradii u horreeyay ee xilliga kala guurka maareyn waayay kuna guuldareystay inay kuraas Xildhibaan ka soo helaan deegaanadii ay ka soo jeedeen.

Labadii jeer ee xilligii kala guurka sanadihii 2012 iyo 2017 Golaha Wasiirada ayaa udub dhexaad u ahaa sida Xukuumaddihii C/Weli Gaas iyo Cumar C/rashiid, Wasiiro badan ee Xukuumadahaas ka tirsanaa ayaa soo helay kuraas Xildhibaan.

Xukuumaddii C/weli Gaas waxaa Xildhibaan soo helay oo fursadii ay xilligaas heysteen ka faa’ideystaan soo xulidii Odayaashii dhaqanka ee 135 Oday. Labadii Ra’iisul Wasaare kuxigeen Xuseen Carab Ciise, C/wahaab Ugaas Khaliif, Wasiiradii Arrimaha Gudaha, Dastuurka, Qorsheynta iyo kuwa kale.

Sidoo kale Xukuumaddii Cumar C/rashiid Wasiiradii xilligaas joogay ayaa badi Xildhibaano ka soo qaatay doorashadii Ergooyinka ee xarumaha dowlad goboleedyada, waxaana xubnahaas ka mid ahaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Amniga, Dhalinyarada, Shaqada iyo Shaqaalaha, Warfaafinta, Boostada Isgaarsiinta iyo kuwa kale.

Hadda oo Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble hoggaamineyso hannaanka doorashada inta badan Wasiiradeedii ayaa ka soo waayay kuraas deegaanada ay ka soo jeedeen marka laga reebo Wasiirka Kalluumeysiga C/llaahi Bidhaan, Wasiirka Biyaha, Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Dhalinyarada , Wasiir kuxigeenka Cadaaladda oo Xildhibaan soo qaatay, balse Wasiirada soo hungoobay ayaa waxaa ka mid ah: Wasiirka Qorsheynta, Wasiirka Maaliyadda, Duulista Hawada, Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wwasaaraha, Wasiirka Beeraha, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasiir kuxigeenka Warfaafinta iyo Wasiirkii Gaashaandhigga C/qaadir Jaamac oo isna kursi uu muddo ku taamayay ku guuldareystay inuu soo helo, kaasoo loo xiray Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.

Maxaa laga yeelayaa 16-ka kursi ee taal Garbahaarey?

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Magaalada Garbahaarey waxaa weli ka taagan dood xoogan oo hareysay doorashada 16-ka kursi ee taalla gudaha magaaladaasi oo ah deegaan doorashada labaad ee dowlad goboleedka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Aqoonyahan Maxamed Cabdullaahi Kooshin oo si weyn uga faallooda arrimaha siyaasadda dalka ayaa ka hadlay muranka hareeyey doorashada Garbahaarey iyo sida laga yeelayo, maadaama uu dhamaad yahay waqtigii lagu heshiiyey in la soo gabagabeeyo doorashada.

Kooshin ayaa marka hore si weyn u dhaliilay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Gedo, wuxuuna sheegay inay aheyd inay muujiyaan biseyl siyaasadeed iyo dabacsanaan.

“Anigu waxaan qabaa arrintu inay soo dhawaan laheyd, haddii dareenka maamulka gobolka Gedo uu hadda muujinayo akhlaaqiyan aan wanaagsaneyn ama siyaasiyan aan wanaagsaneyn hadallada ay ku hadlayaan haddii ay dabci lahaayeen magaalada Garbahaareyna ay muujin laheyd biseyl siyaasadeed,” ayuu yiri Maxamad C/llaahi Kooshin.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Jubbaland ay mas’uul ka tahay doorashada Garbahaarey, si la mid ah maamul goboleedyada, balse la’isku diidan-yahay siyaasad ahaan.

“Waayo Problem-ka ugu weyn ee jira waxaa weeye waxaan la kala sooceyn tabashada Axmed Madoobe iyo sidoo kale qaddiyada doorashada oo ah mid la wada leeyahay, waayo nidaamka Jubbaland ayaa mas’uul ka ah Election-ka ka dhacaayo Garbahaarey, si la mid ah State-yada kale,” ayuu markale yiri Kooshin oo u warramay Telefishinka Universal.

Waxa kale oo uu intaas sii raaciyey “Waxa ay aheyd maamulka inuu la yimaado istaraatiijiyad ka duwan Axmed Madoobe ma rabno, guddiyadiisa ma rabno, xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaan ka shakisanahay waxay aheyd inay muujiyaan biseyl siyaasadeed,”

Ugu dambeyn Kooshin ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan doodo iska horjeedo oo ku aadan sida loo wajahayo 16-ka kursi ee taalla magaalada Garbahaarey oo ay horey dowlad goboleedka Jubbaland u shaacisay inay doorasho ku qaban karin gudaha magaaladaasi.

“Haddii ay sidan xaaladdu sii ahaato oo is-beddal imaan waayo inta la oran lahaa Garbahaarey doorasho laguma qaban karo ama Kismaayo kuraasta lala aadi lahaa waxaan ku qanacsanahay in 16-kii kursi xildhibaanadii ku fadhiyey ay horey ugu fadhiyaan, bacdal doorashana deegaan doorashada lagu doorto, inkastoo ay tahay dood daciid ah,” ayuu yiri.

Si kastaba, doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa haatan gabagabo ku dhow, walow markale uu muuqanayo dib u dhac ku aadan in lagu soo idleeyo 15-ka March.

Sawiro: Odowaa oo dib loogu doortay golaha shacabka

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa markale dib loogu doortay xubnimada Golaha Shacabka Soomaaliya, kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Gaalkacyo.

Cabdiraxmaan Odowaa oo kursiga si gaar ah loogu xiray ayaa helay 97 cod, kadib codeyn gacan taag oo loo qaaday.

Guddiga SEIT ee Galmudug oo war kasoo saaray doorashadan ayaa shaaciyey in wasiirkii hore ee arrimaha gudaha uu ku soo baxay kursiga HOP#069 ee baarlamaanka Soomaaliya.

“Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#069 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Gaalkacyo. Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa ku guuleystay 97 cod oo ah kooramka ergada fadhisay,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga doorashada ee HirShabelle.

Kursigan ayaa ka mid ahaa kuwa sida aadka ah isha loogu hayey, balse isbeddal ayaa ku yimid saacadihii u dmabeeyey, kadib markii uu tanaasulay Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo haatan ah wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federalka Somalia.

Odowaa oo ka mid ahaa xubnaha mucaaradka ee ku jiray baarlamaankii hore ayaa markale ka mid noqday xildhibaanada dib loogu doortay Golaha Shacabka Soomaaliya.

Doorashadan ayaa ku soo aaday, xilli lagu sii dhowaanayo waqtiga loo qabtay in Golaha Shacabka lagu soo gabagabeeyo 15-ka bishan aynu ku jirno March ee sanadka 2022-ka.

Madax wareer siyaasadeed oo haysta R/W ROOBLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Is-mari-waaga ka taagan doorashada ay tahay in lagu qabto Magaalada Garbahaarey ayaa noqotay caqabadda ugu weyn ee xilligan uu wajahayo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Garbahaarey oo ah deegaan doorashada 2-aad ee Jubbaland ayaa waxaa yaala 16 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Maamulka Gobolka Gedo oo gadaal ay ka riixeyso Villa Somalia ayaa si buuxdo isku hortaagay inay magaaladaasi yimaadaan guddigii uu Ra’iisal Wasaaruhu u magacaabay in ay soo qiimeeyan xaaladda Xarunta Gobolka Gedo ee Garbahaarey.

Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay sidii guddigaasi ku teggi lahaayeen Magaalada Garbahaarey ayaa haatan u muuqdo mid quus ka muujinaya, haddii aanu albaab kale u furmin.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaare Rooble uu Khamiistii Safiirka Mareykanka ee dalka u joogga Larry André u sheegay inay caqabad ka haysato doorashada Garbahaarey, oo aan halkaas doorashu lagu qabin karin.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sidoo kale Safiirka Mareykanka ku wargeliyay inaanan magaaladaasi lagu qaban karin wax doorasho ah, bacdamaa waqtigii lagu heshiiyay in doorashada golahaasi lagu soo geba-gabeeyo ay ku egtahay 15-ka bishan.

Rooble iyo Axmed Madoobe ayaa isku raacay in doorashada laga wareejiyo Garbahaarey oo la geeyo Kismaayo, balse ma cadda xilliga ay ku dhowaaqi doonaan.

Ma cadda tallaabada xigta ee Mareykanka uu qaadi doono, inkastoo uu dhawaan sheegay inay xayiraado ku soo rogayan kuwa caqabadda ku ah habraaca doorashada dalka.

Si kastaba ha-ahaatee Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa mar kale qarka u saaran in dib u dhac uu ku yimaado, oo ay dhaafo 15-ka Maarso.

Al-Shabab ‘oo weerar looga dilay’ 200 oo dagaal-yahan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay duqeyn Sabtidii ka dhacday qaybo ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka, gaar ahaan deegaanka Hareeri-Gubadle oo qiyaastii 20 KM dhanka Bari uga beegan Wabxo.

Weerarkan dhanka cirka ah ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyey ciidamada Xoogga dalka iyo diyaaradaha dagaalka Mareykanka, iyada oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda federalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu laayey illaa 200 oo ka tirsanaa Xoogaga Al-Shabaab, isla-markaana ay ku jiraan saraakiil sar sare, sida lagu shaaciyey bayaanka ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Ma shaacin dowladdu xogta ragga lagu dilay weerarkaasi, magacyadooda iyo waxa ay u qaabilsanaayeen Al-Shabaab.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in duqeymahan lagu burburiyey saldhigyo ay kooxdu ku laheyd halkaasi, isla-markaana lagu gaarsiiyey jab xoogan.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay Mareykanka, gaar ahaan taliska AFRICOM oo ku aadan duqeymahaasi laga fuliyey Galmudug.

Al-Shabaab sidoo kale kama hadlin weerarkaasi cirka ah ee ay dowladda Soomaaliya shaacisay in looga dilay xubno badan iyo saraakiil sar sare.

Mareykanka ayaa dhowaan dib u bilaabay duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya, kuwaas oo lagu beegsado xoogaga Al-Shabaab oo weli dagaal ka wada gudaha dalka.

Al-Shabaab oo weerar ku dishay QOF Shiinees ah

Lamu (Caasimada Online) – Shan qof oo uu ku jiro qof Shiinees ah ayaa lagu dilay, saddex kalena waa lagu dhaawacay weerar ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday goob dhisme uu ka socday oo ku taalla gobolka xeebta Kenya, sida ay sheegeen booliska.

Weerarkan ayaa Jimcihii ka dhacay Lamu, oo ku dhow xuduudda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.

Shaqaalaha la weeraray ee ayaa dhisayey buundada waddo dekedda Lamu ku xirta South Sudan iyo Ethiopia, markii weerarka lagu soo qaaday, waxaana dhintay afar ka mid ah sida lagu sheegay warbixinta booliska.

Qof kale oo waddada marayey oo saarnaa mooto ayey sidoo kale xabadda haleeshay oo dhintay, ayey warbixinta intaas ku dartay.

Mas’uuliyadda weerarka ayaa wxaaa sheegtay xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya, oo khasaaraha dhimashada ku sheegtay lix qof oo Kenyan ah iyo qof Shiinees ah.

“Ciidamada Mujaahidiinta ayaa weerar ay ka fuliyeen gobolka Lamu ku dilay 6 qof gaalo Kenyaan ah iyo qof Shiinays ah,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-Shabaab.

Gobolka Lamu oo ka mid ah meelaha dalxiiska caanka ku ah ee Kenya ayaa waxaa marar badan ka dhacay weeraro iyo qaraxyo ay fulisay kooxda Al-Shabaab. 

Uhuru Kenyatta oo shaaciyey musharaxa uu taageerayo doorashada madaxweynaha

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Sabtida maanta ah taageeray in ninkii ay mar xifaaltami jireen uu noqdo madaxweynaha cusub, toddobaadyo kadib markii xisbiyadooda ay isku biireen, kahor doorashooyinka madaxweynaha iyo baarlamanka ee dhacaya bisha August. 

“Waxaan Raila Odinga u dooranay, ayada oo aysan wax diidmo ah ku jirin, inuu noqdo madaxweynaha shanaad ee Kenya,” ayuu Kenyatta u sheegay kumanaan dadweyne oo isugu soo baxay caasimadda Nairobi.

Ku dhowaaqista ayaa isku keeneysa labada qoys ee ugu sarreeya siyaasadda Kenya, kuwaas oo taraiikh u lahaa inay iska soo horjeestaan. 

Hase yeeshee 2018-kii, Kenyatta iyo Odinga ayaa ka yaabiyey dalka markii ay is-gacan qaadeen kuna dhowaaqeen heshiis kadib rabshadihii xigay doorashadii 2017 oo tobanaan qof ay ku dhinteen. 

Bishii tagtay, xisbiga Jubilee ee Kenyatta ayaa ku dhowaaqay inuu ku biirayo isbaheysiga Azimio la Umoja ee uu hoggaamiyo Odinga. 

Sabtida maanta, Kenyatta ayaa ku dhowaaqay inuu taageerayo hoggaamiyaha mucaaradka ee da’da ah, isaga oo yiri “Wax shaki ah noogama jiro inaan haysano kabtan koox oo ah Raila Amolo Odinga.”

Odinga, oo 77 jir ah, ayaa ku jawaabay isaga oo sheegay in safarkooda ka yimid loolan doorasho oo qaraar ee isku beddelay saaxiibo siyaasadeed “uu ahaa mid aan wax la mid ah lagu arag taraiikhda dalkeena.”

“Waxaan aqbalayaa magacaabistan aniga oo ka mahad-celinaya una huraya dadkeena,” ayuu yiri.

Ku dhowaaqista ayaa sidoo kale timid kadib markii ninkii loo arkay inuu beddelayo Kenyatta ee William Ruto, oo sidoo kale ah musharax madaxweyne, laga eryey xisbiga Jubilee. 

Ruto oo 54 jir, islamarkaana uu Kenyatta, mar u diyaarinayey inuu beddelay, ayaa ka war helay in dhinac loo riixay kadib heshiiskii ay 2018 gaareen Kenyatta iyo Odinga. 

Ruto ayaa doonaya inuu beddeo xaaladda soo jireenka ah ee Kenya, islamarkaana meesha ka saaro qoysaska xukunka iska haysta, isaga oo ula jeeda qoysaska Kenyatta iyo Odinga oo tobanaan sano maamulayey siyaasadda Kenya. 

Kenya ayaa waxaa caadiyan madaxweyne kasoo noqday rag kasoo jeeda qabiilada awoodda badan ee Kikuyu oo uu kasoo jeedo Kenyatta ama qabiilka Ruto uu kasoo jeedo ee Kalenjin.

Doorashada sanadkan ayaa waxaa ku loolamaya Ruto iyo Odinga oo kasoo jeeda qabiilka Luo.  

Baarlamaankii uu muddo xileedkiisu dhammaaday oo soo saaray dalab culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warqad ay si wadajir ah u soo saareen labada xoghaye ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Cabdikariin Buux iyo Cali Maxamed Jaamac ayaa guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federal looga dalbaday 10 qodob oo ku saabsan macluumaadka xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

Labada xoghaye ee golayaasha baarlamaanka ayaa 10-kaan qodob ku soo koobay dalabka xogta muhiimka ah ee loo baahan yahay in ‘galkiisa shakhsiga ah’ loo geliyo qof kasta oo ka tirsan baarlamaanka 11-aad ee hadda la doortay.

Qoraalkaan ay ku wada saxiixan yihiin labada xoghaye ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, waxaa lagu sheegay in xogta galalkaan aan looga maarmeyn diiwaan-gelinta xildhibaanada cusub ee baarlamaanka dalka.

Tobanka qodob ee laga codsaday guddiga heer federal ayaa kala ah:

1– Shahadooyinka Xildhibaanada
2– Shahaado dugsiyeed – aqoontiisa
3– Sawirka baasaboorka ama warqad kale oo sugeysa aqoonsiga shakhsiga
4– Afar sawir oo xildhibaan kasta laga rabo
5– Cadeynta shaqo ka tegidda iyo cadeynta ogolaashaha hey’adda dowladda ee uu ka tirsanaa jiray.
6– Taariikh nololeedka Xildhibaanka
7– Magaca deegaan doorashadiisa
8– Duqa ama duubabka beesha kursiga leh
9– Ergada soo dooratay
10– Qofka ama dadka la tartamay natiijada ay ku kala badsheen.

Tobankaas qodob ee ku saabsan macluumaadka xildhibaan kasta oo ku soo biiray baarlamaanka 11-aad ee dalku yeelanayo ayaa laga dalbaday guddiga doorashooyinka heer federaal inuu ku soo gudbiyo si deg deg ah, si loo guda galo howlaha hor yaalla baarlamaanka cusub ee dalka.

Saciid Deni oo ku fashilmay qorshihiisa beesha Cumar Maxamuud, laguna qasbay…

0

Boosaaso (Caasimada Onine) – Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntand Saciid Cabdullaahi Deni iyo mid k amid ah Beelaha daga Puntland ayaa heshiis ka gaaray khilaaf xoog leh oo ku saabsanaa kuraasta ay leedahay beeshaas.

Sida ay xog ku heshay Shabakadda Caasimada Online, Saciid Deni ayaa ogolaaday in si furan loogu tartamo kuraasta beesha Cumar Maxamuud kadib kulan uu la qaatay Isimada Gobolka Mudug.

Deni ayaa Isimada u sheegay inuu ka tanaasulay shaqsiyaadkii uu la rabay kuraastaas, waxaana lagu balamay in kuraasta Beesha Cumar Maxamuud ay noqdaan kuwa furan oo loogu tartamo si caddaalad ah.

Isimada Beesha Cumar Maxamuud ayaa waxaa hoggaaminayey Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, waxayna madaxweyne Deni u gudbiyeen go’aankooda kama dambeysta ah taasoo Deni ku qasabtay inuu aqbalo.

Kuraasta ay leedahay Beeshaan ayaa kala ah HOP#198 iyo HOP#199, waxaana xubnaha Kuraastaan u sharaxan kamid ah wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq iyo guddoomiyaha Mudug Cabdiladiif Sanyare.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa faragelin xoog leh ku sameeyey kuraastii Golaha Shacabka ee taalay deegaanada Puntland, wuxuuna soo saartay xubno badan si uu ugu tartamo xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Kuraasta uu sida cad u boobay oo uu Hal Maalin qaatay waxaa kamid ah 16-ka kursi ee taalay Magaalada Boosaaso kuwaas oo tartan la’aan la siiyey shaqsiyaad uu watay Deni.

Doorashada Soomaaliya ayaa sanadkaan lagu tilmaamay inay tahay xulasho maadaama aysan jirin doorasho lagu kalsoon karo oo lagu soo saaray xubnihii kusoo baxay Kuraasta Golaha Shacabka marka laga reebo kuraas fara ku tiris ah.

QM oo SOMALIA u sheegtay war ka duwan kii ay fileysay

0

Nairobi (Caasimada Online) –  Qaramada Midoobey ayaa todobaadkan sheegtay in aysan wax lacag ah u heyn abaarta ka jirta Soomaaliya, xilli la filayey inay malaayiin dollar ku deeqdo gurmadka abaaraha.

Qaramada Midoobay ayaa sababta ku sheegtay inay tahay in caalamka iyo hey’adihii bixin jiray lacagaha ay ku mashquulsan yihiin dagaalka uu Ruushka kusoo qaaday Ukrain.

Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya arrimaha bani’aadnimada Adam Abdelmoula oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ku sheegay in Qaramada Midoobay aysan gacanta ugu jirin wax ka badan 3% lacagta looga baahan yahay abaaraha dhuftay Soomaaliya oo dhan $1.46 Billion.

Adam Abdelmoula ayaa tilmaamay in xaaladda abaaraha Soomaaliya ay gaartay heerkii ugu sarreeyey ayna u baahan tahay in si deg deg ah loo soo gaaro.

“Qaramada Midoobay waxay markii hore la tacaaleysay dhibaatada Tigray, Yemen, Afghanistan, haddana waxaa soo korortay midda Ukrain, xaaladda waxay hadda tahay mid mugdi ah, aad ayaan uga walaacsanahay,” ayuu yiri Adam Abdelmoula.

Adam ayaa hadalkiisa kusii daray in dad lagu qiyaasay 671,000 ay guryahooda ka carareen iyaga oo biyo, cunto, iyo daaq raadinaya, kuwaas oo ku labo jibaarma 245,000 oo hoary u barakacay December.

Adam Abdelmoula waxaa uu sheegay in sanadkii tagay uu booqday afar caasimad oo Yurub ah iyo Washington DC si uu Soomaaliya wax ugu qabto gaar ahaan abaaraha, COVID 19 iyo Ayaxa.

Soomaaliya oo ah dal dhibaatooyin badan ka jiraan ayaa waxaa hareeyey abaar ba’an iyada oo aaney 3 sano di’in wax roobab ah. Ilaa 4.5 million oo dad ah oo u dhiganta 30%  ayey abaaraha saameeyeen

Barakaca Abaaraha ayaa waxaa Soomaaliya uga sii horreeyey barakac ka dhashay dagaaladdii mudadada 20-ka Sano ah ka socday dalkaan dhaco Geeska Africa.

Wasiir Cabdisaciid: Xukunkii ICJ ee Soomaaliya iyo Kenya wuxuu noqon doonaa…

Antalya (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali oo Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee Turkey uga qeyb-galay dood ku saabsan muran xuduudeedka badda ayaa mar kale ka hadlay kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Cabdisaciid ayaa sheegay in soo gaba-gebeyntii kiiska badad Soomaaliya iyo Kenya ay tusaale u noqon doonto muranada mustaqbalka ee xuduudaha badda ee ka dhaxeeya dalalka.

“Soo gaba-gebeynta kiiskii xadeynta badda ee u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Kenya wuxuu tijaabo u noqon doonaa muranada kiisaska iman doona mustaqbalka ee xadeynta badda. Waxay noqon doonta arrin xiiso leh sida Maxkamadda ICJ ay usii waddo horumarinta sharcigeeda kuna dabaqdo habka xadeyta badda,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya. 

“Waxaan aaminsanahay in ICJ ay sii wadi doonto fasiraad cad iyo ku dhaqanka sharciga caalamiga ah. Si sharciga caalamiga ahi u guuleysto, waa in xukunnada ICJ loo hoggaansamaa,” ayuu yiri. 

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa Antalya kula kulmay dhiggiisa Turkiga Mevlut Cavusoglu, oo ay ka wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan xiriirka labada dal, wuxuuna uga mahad-celiyey taageerada aan hagarta laheyn ee Turkey ay siiso Soomaaliya. 

Cabdisaciid ayaa sidoo kale Cavusoglu ku ammaanay kaalinta uu ka cayaaray isku keenidda wasiirada arrimaha dibedda Ruushka iyo Ukraine, si xal nabadeed loogu helo dagaalka ka socda Ukraine.

Maxay Rooble iyo Qoor Qoor uga dhigan tahay sida loogu kala adkaaday HOP#69?

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Galmudug ayaa xalay sii deysay guddiga soo xulayo ergada dooraneysa saddexda kursi ee ugu adag kuraasta ku dhiman magaalada Gaalkacyo.

Lix kursi oo Golaha Shacabka ah ayaa weli ku dhiman caasimadda Mudug, sadddexda kursi ee xalay guddigooda la shaaciyey waxaa la dooran doonaa maalinta Berri ah, iyadoo musharixiinta ay maanta qaateen shahaadada musharaxnimada.

Kursiga sida weyn isha loogu wada-hayey wuxuu ahaa Kursiga HOP#069. Kursigaan oo uu ku fadhiyey wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa waxaa sanadkaan damac uu kasoo galay Cabdiraxamaan Yuusuf Al-Cadaala, wasiir ku-xigeenka warfaafinta ee xukuumadda xil-gaarsiinta ah.

Labada nin waxay muujiyeen sanadkii lasoo dhaafay olole xooggan, waana sababta loolanka kursiga ka dhigtay mid aad u adag.

Laakiin wax badan ayaa isbadalay muddooyinkii lasoo dhaafay, Al-Cadaala oo mar si weyn ugu dhawaa Qoor Qoor ayaa halmar masaafo weyn hoos u dhacay, halka Odawaa uu masaafo xoog leh usoo dhaqaaqay dhanka Qoor Qoor. Arrimahaan waxaa sal u ahaa isbadbadalka xaalka siyaasiga ee dalka.

Dhawaan waxaa idiin sheegnay in Rooble iyo Cabdikariin Guuleed ay kaga adkaadeen Qoor Qoor loolanka kursiga HOP#60, balse ay adag tahay inuu aqbalo Qoor Qoor inay ka fara maroojiyaan HOP#069.

Guuleed iyo Rooble waxay dhisayeen Al-Cadaala, laakiin wuxuu Qoor Qoor muujiyey inuusan ka aqbaleyn inay kursiga kale ka fara maroojiyaan.

Labada nin ee Odawaa iyo Cadaala meesha lagu kala saarayey ama lagu fahmayey halka uu Qoor Qoor u socdo waxay aheyd guddiyada xulaya ergada.

Al-Cadaala wuxuu gudbistay shan xubnood oo uu rabay inay guddi u noqdaan si ergada uu rabo ay usoo qoraan, halka Odawaa uu isna soo qortay lix xubnood oo uu rabay inay guddi u noqdaan oo ay ergadiisa usoo qoraan si uu kursiga u qaato.

Maadaama uu Qoor Qoor go’aansaday inuu mabada Nin midna reebo midna abaal gashado waxaa la eegaayey ninka la tuuro guddigiisa.

Xalay saq dhexe ayaa lasoo saaray guddigii xulayey ergada Kursigaan, waxaana la qaatay guddigii uu gudbiyey Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo kursiga horey ugu fadhiyey, taasoo si  rasmi ah usoo afjartay ololihii Al-Cadaala ee kursigaan.

Dad badan oo siyaasadda Soomaaliya xog-ogaal u ah kuma aheyn lama filaan oo maalmahaan dhan ayey suuqa taalay in Odawaa la siinayo kursiga, si gaar ah markii Qoor Qoor looga adkaaday kursigii HOP#60 waxaa la ogaa in Rooble-na looga adkaan doono HOP#069.

Al-Cadaala markii uu ogaaday in kursigii looga adkaaday wuxuu durba muujiyey biseyl siyaasi ah isagoo booqday Odawaa uguna hambalyeey guusha. Qoraal uu faafiyey wuxuu ku sheegay inuu la shaqeyn doono xildhibaanka.

Odawaa ayaa isna farriintaas wuxuu uga jawaabay farriin kale isagoo u mahadceliyey Al-Cadaala oo aqbalay in kursigii looga adkaaday.

Maxay ka dhigan tahay arrintaan?

Siyaasad ahaan Qoor Qoor iyo Rooble waa sii kala fogaadeyn wixii ka dambeeyey markii la guda galay kuraasta taalay magaalada Gaalkacyo. Laba kursi oo ay si weyn isugu cariiriyeen midba kursi ayuu ku adkaaday.

Waxay ka dhigan tahay in doorashada heer Federaal aysan isku aragti ka aheyn oo ay laba jiho kala aadeen.

Hoggaamiyaha Galmudug wuxuu u muuqdaa inuu ka jawaabay baaqyada dadka wax ku oolka ah ee Galmudug, musharixiinta mucaaradka qaar, ganacsatada waaweyn ee Galmudug kasoo jeeda iyo cabirka beeshiisa, kuwaas oo dhammaan dalbanayey in Cabdiraxmaan Odawaa lagu soo celiyo kursigaan.

Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor shaqo badan ayuu la qabtay Al-Cadaala, waxaana la sheegaa inuu isaga sabab u ahaa in la siiyo xilka wasiir ku xigeenka warfaafinta, laakiin bilihii lasoo dhaafay waa iska dhigay mana sahlaneyn in Qoor Qoor siyaasi uu abuuranayey inuu ka guuru oo uu u guuro Nin ay siyaasad ahaan kala aragti duwan yihiin.

Inuu odawaa kursiga soo siiyey waxay Qoor Qoor ka dhigtay ama ay muujineysaa inuu yahay Nin aan baqdin badan ka qabin siyaasiyiinta fooqa sare ee Beeshiisa, Nin ogol loolan una diyaarsan inuu diiwaan geliyo cutub cusub oo siyaasi ah.

Maamul goboleedkii ugu horeeyey oo dhaqangeliyey jadwalka doorashooyinka

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga SEIT ee Koonfur Galbeed ayaa soo saaray jadwalka doorashada todobadii kursi ee u dambeysay guud ahaan xubnaha Golaha Shacabka, gaar ahaan kuwa deegaan doorashadooda ay tahay Baydhabo iyo Baraawe.

Guddiga ayaa sheegay in isla maanta la shaacinayo guddiyada soo xulaya ergada todobada kursi oo kala ah HOP#204, HOP#197, HOP#179, HOP#172, HOP#164, HOP#181 & HOP#047.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu shaaciyey in diwaangelinta la bilaabayo 14-ka bishan, kadibna maalinta ee 15-ka March la qaban doonto doorashada xubnahaasi.

Tani ayaa ka dhigan in Koonfur Galbeed ay noqotay maamul goboleedka ugu horreeyey oo dhaqangeliya jadwalkii u dambeeyey ee doorashooyinka dalka oo ahaa in gabi doorashada xubnaha baarlamaanka Soomaaliya lagu soo gabagabeeyo 15-ka bishaan Maarso.

Illaa iyo hadda waxaa socda caga jiid ku aadan doorashooyinka, waxaana ugu daran muranka weli ka taagan doorashada ka dhaceysa magaalada Garbahaarey.

Horey waxaa magaalada Muqdisho loogu soo gabagabeeyo doorashooyinka kuraasta gobollada waqooyi iyo kuwa beelaha Banaadiriga, waxaana kusoo xiga Koonfur Galbeed.

Doorashada oo qaadatay muddo ka badan 1 sano ayaa haatan mareysa meel wanaagsan, iyadoo la guda-galayo doorashada guddoonka labada aqal iyo mida madaxweynaha.