27.2 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

CIIDAMO ka tirsan kuwa Kenya oo qarax lagu dilay

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in qarax miino ciidamo ka tirsan kuwa Kenya lagula eegtay qaybo ka mid ah gobolkaasi, xilli ay ku soo jeedeen dhanka magaalada Ceelwaaq oo ku taalla xadka.

Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo kasoo baxday deegaanka Weel-caday ee Wajeer, waxaana qaraxa uu haleelay gaari xamuul ah oo sahay u waday ciidanka Kenya.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Kenya oo ka hadlay qaraxaasi ayaa sheegay inuu khasaare kasoo gaaray ciidankooda, balse ay socdaalkooda sii wateen, kadib dhacdadaasi.

Ma shaacin saraakiisha inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha askarta Kenya kasoo gaaray weerarkaasi qaraxa ah oo ay sheegatay Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay kooxda ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkan ay ku dileen ugu yaraan 11 askari, kuna dhaawaceen tiro kale, sida ay hadalka u dhigeen.

Xaaladda deegaanka uu weerarka ka dhacay ayaa haatan ah mid deggan, waxaana qaraxan uu qayb ka noqonayo weeraro maalmahan ka dhacay halkaasi.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro dhaba gal ah iyo qaraxyo ku qaada ciidamada Kenya ee isaga kala goosha deegaanada dhaca xadka ay wadaagaan labada dal.

Shir xasaasi ah oo caawa ka socda Villa Somalia iyo qorshe ka dhan ah Hawiye oo la dejinayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir xasaasi ah ayaa caawa xarunta madaxtooyada, gaar ahaan Villa Uganda uga socda madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin, Mahdi Guuleed, Lafta Gareen iyo Mahad Cawad, sida ay ilo-wareedyo u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Shirkan ayaa sida la sheegay looga hadlayaa ajendaha shir la qorsheeyey inuu 25-ka March ka dhaco magaalada Baydhaba, kaasi oo lagu dhigayo shirqool siyaasadeed oo ka dhan ah beesha Hawiye.

Shirka Baydhaba ayaa markii hore u dhaxeeyey beelaha Dir, Digil iyo Mirifle, balse waxaa caawa laga shirayaa in shirka laga soo qeyb geliyo Beesha Shanaad oo uu hoggaaminayo Fahad Yaasiin, si loo ballaariyo isbaheysiga la rabo in looga dhawaaqo Baydhaba ee Dir, Digil iyo Mirifle.

Shirka Baydhaba ayaa markii hore qorshuhu ahaa in beelaha Dir iyo Digil iyo Mirifle ay sameysteen isbaheysi ujeedkiisu yahay in Hawiye iyo Daarood looga qaado xilalka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo ay mar kasta helaan.

Hase yeeshee waxaa kadib soo baxday in ujeedka aanu taasi aheyn balse lagu hoos duugay qorshe la rabo in guddoomiyaha baarlamanka lagu siiyo qof kasoo jeeda Hawiye, si loo dhaafiyo xilka madaxweynaha taasi oo beesha Dir ay ka war heshay, waxaana ka shaqeynayey Lafta-gareen iyo Villa Somalia.

Shirqoolka shirka Baydhaba ayaa waxaa maanta kashifay wasiirkii hore ee warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

“Shirar ay yeesheen Madaxda Beelaha Dir iyo Digil & Mirifle mudooyinkii lagu jiray arimaha doorashooyinka dalka ayaa lagu heshiiyey in marka ay dhamaato doorashada Xildhibaannada DFS la xoojiyo isbahaysiga ka dhexeeya labadan beelood oo lagu magacaabo (D&DM alliance) oo laysugu tago Magaaladda Baydhabo si looga tashado in wax laga bedelo qaabka 20kii sano ee ugu dambeeyey loo kala qaadanayey xafiisyada waaweyn ee looga talayo dalka,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Maareeye.

“Nasiib daro, waxaa hada muuqata in qaar ka mid ah madaxdii shirarkaas ku jiray is bedeleen oo ka shaqeynayaan in kuraasta sidoodii loo daayo oo Baydhabo loo tago taageero dad gaara oo keliya,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey.

Qorshaha ah in qof Hawiye ah laga dhigo guddoomiye baarlamaan ayaa doorasho kasta la isku dayaa balse fashilma, mana cadda haddii markan lagu guuleysan karo.

Farmaajo oo rajadiisa dib u doorasho ay tahay 0, ayaa isku dayaya inuu meesha ka saaro musharaxiinta madaxweyne ee Hawiye, taasi oo uu aamisan yahay in hadduu ku guuleysto uu xilka si fudud dib ugu qabsan karo.

Mareykanka oo war aysan ku farxeyn Somaliland kasoo saaray booqashada Muuse Biixi ee Washington

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry André ayaa sheegay in safarka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ee Washington uusan waxba ka beddeli doonin mowqifka dowladdiisa ee ku wajahan Soomaaliya.

Muuse Biixi ayaa waxaa Washington ku casuumay hay’adda daraasaadka siyaasadda ee Heritage Foundation, oo ah hay’ad siyaasad ahaan u janjeerta dhanka siyaasadda midigta.  

André, oo wareysi gaar ah siiyey warbaahinta Garowe Online, ayaa sheegay in inkasta oo Washington ay xushmeyso guulaha Somaliland, haddana ay weli u aragto gobol ka mid ah federaalka Soomaaliya.

“Muuse Biixi, madaxweynaha gobolka Somaliland ee Soomaaliya, wuxuu Washington DC u booqanayaa si iskiis ah. Wuxuu la kulmi doonaa kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda ee Afrika Molly Phee,” ayuu yiri. 

“Waan xushmeynaa guulaha gobolka Somaliland, marka ay noqoto maamulka dimoqraadiyadda, horumarka dhaqaalaha iyo ammaanka. Waxaan mas’uuliyiinta Somaliland kala shaqeynaa hadafyada aan wadaagno, si la mid ah sidaan ugala shaqeyno maamullada kale ee federaalka,” ayuu ku daray. 

Safiirka ayaa mar kale adkeeyey midnimada Soomaaliya iyo sida ay dowladda Mareykanka uga go’an tahay.

“Dowladda Mareykanka waxay aqoonsan tahay madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xuduudaheeda taariikhiga ah oo ay ku jirto Somaliland,” ayuu yiri.

“Waxaan su’aasha maqaamka Somaliland u aragnaa arrin u taalla shacabka Soomaaliyeed oo ay ku jirto Somaliland inay go’aan ka gaaraan.”

Muuse Biixi ayaa maanta khudbad ka jeediyey xarunta Heritage Foundation, hase yeeshee ma aysan joogin dad badan marka laga reebo dhowr qof oo ajaaniib ah, waxaana badanaa hoolka fadhiyey shacabka Somaliland ee ku nool aagga Washington. 

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo laba arrin kala hadlay dowladda Mareykanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna musharax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatay safiirka dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Danjire Larry E. André.

Kulanka ayaa looga hadlay laba qodob oo kala ah; doorka dowladda Mareykanka ee dedejinta doorashooyinka dadban ee Soomaaliya iyo la tacaalidda caqabdaha ku hor gudban.

Mdaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo door weyn ku leh dowlad-dhiska Soomaaliya ayaa kulanka kadib bogaadiyay doorka Mareykanka ee arrimaha doorashada.

“Waxaan kulan la qaatay safiirka dowladda Mareykanka Dannjire Larry E. André, waxaan isla soo qaadnay arrimaha doorashooyinka iyo muhiimada taageerada Mareykanka ee soo kabashada Soomaaliya,” ayuu Xasan Sheekh ku yiri qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka.

Sidoo kale kulan ayaa looga wadahadlay arrimaha istraatiijiyadda labada dal iyo muhiimmadda iskaashi ballaaran oo labada dowladood ka dhaxeeyay sanadihii u dambeeyey, sida uu qoraalkiisa ku shaaciyey Madaxweye Xasan Sheekh oo dowladda Mareykanka u mahadceliyay.

“Waxaan uga mahad celiyay garab istaagga dowladda Mareykanku u muujisay dalkeenna xilliyadii adkaa,” ayuu raaciyay qoraalka.

Kaalinta Mareykanka ee arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa kor u kacday muddooyikii ugu dambeeyay, waxuuna Mareykanku hoggaaminayaa gulufka ay reer Galbeedku ugu jiraan hubinta qabsoomidda doorasho nabdoon oo Soomaaliya ka dhacda.

Rooble oo Beesha caalamka kala shiray xaalad halis ah oo ka taagan dalka + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kala shiray Beesha Caalamka xaaladda abaaraha ee dalka ka jirta, taasi oo mareysa meel halis ah.

Rooble oo shir guddoominayay shirka Gurmadka Abaaraha ayaa Wakiilada Beesha Caalamka kala hadlay sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka ay abaartu saameysay.

Sidoo kale waxa uu ka dalbaday Ra’iisul Wasaaraha Wakiilada Caalamka inay si deg deg ah ugu gurmadaan shacabka Soomaaliyeed ee abaartu hayso.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ugu horeyntii ka warbixiyay xaaladda abaarta ee jirta ayaa sheegay in ay dalka ka jirto abaartii ugu darneyd ee ka dhacdo kadib abaartii macluusha aheyd ee dalk ka dhacday 2012.

“Saddex xilli roobaad oo is-xiga yaa baaqday, taas oo ay keentay in xoolihii iyo beerihii ay ba’aan. Waxa ay abaartu saameysa ku dhawaad 6.9 milyan oo qof, in ka badan 9.5 milyan oo xoola ah, in ka badan 2.6 milyan oo qof wajahaya Biyo la’aan aad u daran, ku dhawaan Nus milyan (500,000) ayaa maalmihii la soo dhaafay abaar darted deeganadii ugu baro kacay,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka warbixinayay xaaladda guud ee abraaha.

Waxa kale oo uu sheegay in haddii ay sidaan xalaadda dalka ku sii socotay halis loogu jiro macluul.

Shirka Gurmadka Abaaraha ee qeybta ahaayeen maanta wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxa uu imanaya xilli ay dalku ka jirto abaar aad u daran, taas oo saameysay dadka iyo duunyadaba.

Xukuumadda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Rooble ayaa dhowr jeer ku baaqday in gacan laga geysto gurmadka abaaraha, wuxuuna shaqsi ahaan dadaal badan ku bixiyay sidii kaalmo loo gaarsiin lahaa dadka ay saameysay abaartu.

Safiirka Mareykanka oo shaaciyey tallaabo ay berri qaadayaan haddii aan la dhameystirin doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Larry André ayaa sheegay in qaar kamid ah hoggaamiyaasha Soomaaliya ay berri wajihi doonaan cunaqabatayn haddii aan la dhameystirin doorashada Golaha Shacabka

Safiirka cusub ee la magacaabay, oo wareysi siiyay Idaacadda Goobjoog, ayaa sheegay in dalkiisa uu qaadi doono tallaabo dheeraad ah, haddii aan la ixtiraamin heshiiskii ay gaareen Golaah Wada-tashiga qaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble, kaasi oo lagu go’aamiyey in doorashada golaha shacabka lagu dhameystiro ugu dambeyn 15-ka Bishan oo u beegan maalinta Berri ah

“Haddii waqtiga kama dambaysta ah ee lagu heshiiyey ee ah 15- Bishan aan la ixtiraamin, markaa waxaan mar kale liiska ku dari doonaa magacyo cusub oo kamid ah dadka laga mamnuucay inay u safraan Mareykanka,” ayuu yiri danjire André.

Safiirka ayaa sheegay inay soo gaartay xog ku saabsan in hoggaamiyayaasha Soomaalida ay si deg deg ah u dardar geliyeen doorashada Golaha Shacabka markii ay soo baxday cunqabataynta dhanka socdaalka ah ee Mareykanka.

Si kasta ha ahaatee, Diblomaasiga Mareykanka ma uusan sheegin magacyada hoggaamiyayaasha la saaray cunaqabataynta dhanka safarka, balse taas badalkeeda wuxuu sheegay inay dareemi doonaan markii ay dalbadaan dal ku galka Mareykanka ama markii laga joojiyo Fiisooyinkii horey ugu dalbanaa.

Hadalka safiirka ayaa kusoo beegmaya xilli ay dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ay ku deg-degeen inay doorashada Golaha Shacabka kusoo dhameystirayaan ugu dambeyn 15-ka bishan March oo ay saacado ka dhiman tahay.

Illaa hadda waxaa la doortay 225 xildhibaan oo kamid ah Golaha Shacabka, waxaana dhiman 50 kursi si loo dhameystsiro 275 xubnood ee Aqalka Hoose.

Doorashada illaa hadda lasoo gaba-gebeeyey ayaa ah tan Reer Waqooyiga iyo Banaadiriga, ayada oo maamulka Koonfur Galbeed la filay inuu isla berri soo geba-gebeeyo, ayada oo uu qabanayo kuraastii ugu dambeysay.

Koonfur Galbeed oo ka hor-timid go’aankii guddiga doorashada federaalka qaadayna tallaabo cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa maanta shaaciyay in la qabanayo doorashada kursi uu shalay hakiyay guddoonka Guddiga heer federaal ee FEIT.

Guddiga FEIT ayaa qoraal kasoo baxay shalay lagu sheegay in kursigaas ay cabashooyin is-daba-joog ah uga gudbiyeen Malaaqa Guud iyo Samadoonada Beesha Jarroon oo ah beesha iska leh kursiga HOP#204.

Haddaba, Guddiga SEIT ee Koonfur Galbeed oo soo xiganaya qoraal uu soo saaray Madaxa Guddiga Doorashada FEIT u qaabilsan Koonfur Galbeed, Yuusuf Maxamed Kheyre ayaa waxa uu sheegay in habraacyadii loogu tala-galay loo maray kursiga HOP#204, islamarkaana la fasaxay doorashadiisa.

“Xubnaha FEIT ku qoran KGS hubita, kormeerida iyo fulinta heshiisyada 17 September iyo habraacyada doorashada waxay cadeynayaan in loo marey si uu dhigayo habraacyada doorashada Golaha Shacabka, sidaas awgeedna yahay fasax in la qabto doorashada kursigaasi waqtiga loo madley,” ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray Madaxa FEIT ee Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxa qoraalkan lagu wargeliyay dhamaan reerka kursiga iska leh Guddiga xulista Ergada iyo Musharaxiinta ku tartamaya kursiga HOP#204 inay u diyaar garooban qabashada doorashada kursigaas.

Kursigaan ayaa lagu wada in doorashadiisa la qabto maalinta barri ah, oo ku eeg maalintii loo qabtay in lasoo gaba-gabeeyo doorashada Golaha Shacabka.

Arrintan ayaa uga sii dareysa muranka ka taagan kursiga HOP#204, kaasi oo lasoo warinayo in shaqsi gaar ah uu la rabo madaxweynaha Koonfur Galbeed, xili uu si weyn kursigaas u daneynayay sanadihii lasoo dhaafay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdiqaadir Jaamac.

Si kastaba, Waxaa la yaab ah in Xubin kamid ah FEIT ay go’aan ka gaari karto kursi uu hakiyay guddoonka guddiga heer federaal, mana aha markii u horeysay ee Guddiga Koonfur Galbeed uu muran-galiyo meel-marina amarada guddoonka guddiga FEIT.

Deni oo la saaray cadaadis xooggan oo ku saabsan doorashada golaha shacabka

Garoowe (Caasimada Online) – Ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee xoghaya guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho oo shalay booqatay magaalada Garoowe ayaa madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni saartay cadaadis xooggan oo ku saabsan doorashada. 

Anita ayaa waxaa safarka ku wehliyey Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika, Danjire Francisco Madeira; Ku-xigeenka Wakiilka, Marwo Fiona Lortan; Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Tiina Intelmann; iyo wakiilka Howlgalka Gaarka ah ee IGAD u qaabbilsan Soomaaliya, Mudane Ibraahim Maxamed Cabdi.

Anita ayaa sheegtay in Madaxweyne Deni iyo Golihiisa wasiirada ay kala hadleen arrimo maxalli ah iyo kuwo heer qaran ah, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray doorashooyinka socda, saameynta abaartu ku yeelatay Shacabka Soomaaliyeed iyo xoojinta jawaabaha QM ee la xiriira.

“Waxa aan ka hadalnay dardarta ey tahay in loogu gudbo marxaladda xigta ee doorashooyinka iyo tallaabooyinka loo baahan yahay si taa loo sameeyo. Waxa aan soo dhoweynay horumarka ey Puntland ka sameysay dhammeystirka doorashooyinka Golaha Shacabka ka hor wakhtiga kama dambeysta ah ee 15-ka Maarso,” ayey tiri.

Ilaa hadda, waxa ay Puntland dooratay 31 ka mida 37 kursi oo ay 5 ka mida yihiin dumar.

“Waxa aan mar kale hoosta ka xariiqnay muhiimadda ey leedahay in geeddi-socodku noqdo mid loo dhan yahay. Waxa aan bogaadinay dadaallada ololeynta firfircoon ee Puntland ka socda ee ku aaddan hiigsiga qoondada ugu yaraan boqolkiba 30 ee metelaadda haweenka ee doorashooyinkan.”

Ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee xoghaya guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa ugu dambeyn sheegtay inay muhiim tahay in loo soo gebagebeeyo doorashooyinka dhammaan kuraasta Golaha Shacabka sida ugu dhaqsiyaha badan, iyada oo la xaqiijinayo fagaare siyaadeed oo cidkasta u furan, si geeddi-socodka doorashada loogu soo afmeero wakhtigii lagu heshiiyey.

Qorshihii Lafta-gareen oo daaqadda ka baxay kadib markuu is-sharxay taliye Shub

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub) ayaa maanta ka dhabeeyey musharixnimadiisa Golaha Shacabka Soomaaliya, isaga oo isku soo taagay kursiga tirsigiisu yahay ee HOP#172.

Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa maanta qaatay shahaadada musharxanimada, isaga oo ka guddoomay guddiga SEIT ee Koonfur Galbeed.

“Guddiga hirgelinta doorashada KGS SEIT waxay shahaadada musharaxnimada gudoonsiiyeen musharax Mahad Abdirahmaan Aadan oo u sharaxan kursiga HOP#172,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga maamulka doorashada ee Koonfur Galbeed.

Taliyaha ciidamada Asluubta ayaa maalmihii u dambeeyey aad loo hadal hayey in loo wado Golaha Shacabka Soomaaliya, isaga oo taageero ka helayo madaxweyne Lafta Gareen.

Sida ay ogaatay Caasimada Online taliye Mahad ayaa si gaar ah kursiga loogu xiray kursiga uu u tartamao, si uu ugu biiro Baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Sidoo kale ninkan ayaa ah Sodoga Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay u dhaxdo gabar uu dhalay, taas oo sii xoojisay hamigiisa doorashada.

Arrintan ayaa caddeyneyso in madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen uu gebi ahaan isaga haray tartanka doorashada, maadaama aad loo hadal hayo inuu u sharaxan yahay kursigan HOP#172.

Waxay sidoo kale tani meesha ka saareysaa isku daygii Villa Somalia ee ku aadanaa in Baarlamaanka uu soo galo Lafta Gareen, si uu u noqdo guddoomiyaha golaha shacabka.

Si kastaba Mahad Cabdiraxmaan oo loo yaqaano (Taliye Shub) ayaa ku biiraya saraakiil horey loogu doortay Golaha, waxaana ka mid ah Fahad Yaasiin, Cabdullahi Kulane, Yaasiin Farey, Bashiir Ameeriko, halka kuwa kale ay waayeen, sida Bashiir Goobe iyo Indha Qarshe.

MAAREEYE oo shaaciyey qorshe ay wadeen Dir iyo Digil iyo Mirifle oo la afduubtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta, haatana ka mid ah xubnaha loo doortay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa soo saaray qoraal xasaasi oo ku saaban shirka ka dhacaya Baydhabo ee ay leeyihiin madaxda siyaasadda ee Beelaha Dir, Digil & Mirifle.

Mareeye ayaa shaaca ka qaaday in Beelaha Dir, Digil & Mirifle ay dhowaan ku heshiiyeen in marka ay dhammaato doorashada socota la xoojiyo isbaheysigooda gaarka ah.

Sidoo kale wuxuu ka shifay qorshaha shirka ay ku leeyihiin Baydhabo, isaga oo tilmaamay inuu ku saabsan yahay wax ka beddalka awood qaybsiga xilalka dowladda, gaar ahaan xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

“Shirar ay yeesheen Madaxda Beelaha Dir iyo Digil & Mirifle mudooyinkii lagu jiray arimaha doorashooyinka dalka ayaa lagu heshiiyey in marka ay dhamaato doorashada Xildhibaannada DFS la xoojiyo isbahaysiga ka dhexeeya labadan beelood oo lagu magacaabo (D&DM alliance) oo laysugu tago Magaaladda Baydhabo si looga tashado in wax laga bedelo qaabka 20kii sano ee ugu dambeeyey loo kala qaadanayey xafiisyada waaweyn ee looga talayo dalka,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Maareeye.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in hadda ay isbeddaleen qaar ka mid ah siyaasiyiintii iyo madaxdii ku howlaneyd shirkaasi, isla-markaana ay doonayaan in xilalka sidoodii loo daayo.

“Nasiib daro, waxaa hada muuqata in qaar ka mid ah madaxdii shirarkaas ku jiray is bedeleen oo ka shaqeynayaan in kuraasta sidoodii loo daayo oo Baydhabo loo tago taageero dad gaara oo keliya,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey.

Ugu dambeyn Maareeye oo kasoo horjeedo qorshaha lagu maja-xaabinayo shirka Baydhabo ayaa soo jeediyey in wada-tashi la isugu yimaado Muqdisho, ka hor shirka Baydhabo.

“Xildhibaano labada dhinac ah oo aanu arintaas iska aragnay waxaanu ku heshiiney in shirka Baydhabo ka hor Xamar lagu shiro oo laga heshiiyo Agendaha Shirka iyo in aan la bedelin ujeedkiisii,” ayuu gabagbadii ku yiri qoraalka uu soo saaray wasiir hore Maareeye.

Arrintan ayaa la aamisan yahay inay saameyn weyn ku ku yeelatay Villa Soomaaliya oo la rumeysan yahay inay kala fur-furtay qaar ka mid ah madaxdii waday qorshahan, iyadoo adeegsaneyso Madaxweyne Lafta Gareen, maankana ku heyso dib u doorashada Farmaajo.

Xog: Fahad oo ka hor-tagay loolan soo wajahay damaciisa guddoomiye ku-xigeenka BF

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya,Fahad Yaasiin ayaa qaaday tallaabo uu uga hortagay loolan xoogan oo la gelin lahaa isku dayga uu ku doonayo inuu ku noqdo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Fahad ayaa meesha ku saaray qorshe uu xildhibaan ku noqon lahaa taliyihii hore ee hay’adda NISA Jeneraal Bashiir Goobe, taasi oo sare u qaaday rajadiisa guddoon.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kursiga HOP018 oo uu u sharaxnaa Bashiir Goobe ayaa loo asteeyay dumar, waxaana kusoo bixi doona qof uu isaga keensaday, taasi oo meesha ka saartay qorshihii xildhibaannimo ee Bashiir Goobe.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, in kursigan loo asteeyo dumar ayaa waxaa kaalin xooggan ku lahaa oo dadaal badan ku bixiyey Fahad, si aanu Bashiir usoo gelin golaha shacabka.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in Bashiir Goobe aanu soo gelin doonin Golaha Shacabka, islamarkaana aanu isku sharxeyn xill guddoomiye ku-xigeenka 1-aad, oo uu Fahad aad uga baqayay Bashiir Goobe inuu isu sharaxo haddii uu xildhibaan noqdo.

Si kastaba, in meesha la aga saaro Bashiri Goobe kama dhigna in Fahad uu si sahlan ku qaadan doono kursigan, balse wuxuu iska leexiyey un mid ka mid caqabadaha badan ee ku gadaaman isku daygiisa.

Loolanka kursiga guddoomiye ku-xigeenka koowaad ayaa ah mid xooggan oo ay ku loolami doonaan dhinacyo kala duwan, waana ay saadaasha koowaad ee kooxda Farmaajo ku tijaabinayaan isku daygooda dib ugu soo laabashada xukunka.

Haddii kooxda Farmaajo iyo Fahad looga adkaado kursigan waxay ka dhignaan doontaa in rajadooda xilka madaxweynaha ay aad u yar tahay, halka guul ay ka gaaraan ay saadaal wanaagsan siineyso.

Isku daygan oo kale ayaa guuldareystay sanadkii 2017 markii Faarax Cabdulqaadir oo saaxib la ahaa madaxweyne Xasan Sheekh looga adkaaday doorashadii guddoomiye ku-xigeenka koowaad, taasi oo muujisay in Xasan Sheekh aanu dib usoo laabaneyn, sidaasna ay wax u dhaceen.

Falcelin culus oo ka dhalatay tacsi Farmaajo u diray mid ka mid ah taageerayaashiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal shalay lasoo dhigay barta Facebook ee Villa Somalia ayaa looga tacsiyeeyey geerida Allaha u naxariistee Ismaaciil Maxamuud Shidane oo ka mid ahaa dhalinyarada sida weyn baraha bulshada uga taageerta nidaamka Farmaajo, balse hadal heyn xoog leh ayaa ka dhalatay qoraalka tacsidaan.

Qoraalka kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Marxuum Ismaaciil Maxamuud Shidane uu ka mid ahaa dhallinyarada firfircoon ee ka soo laabatay dalka dibaddiisa, isla markaasna uu door weyn kasoo qaatay wacyigelinta bulshada iyo hawlaha isxilqaanka ee dib loogu dhisayey dalka.

Falcelin aad u xooggan ayaa ka dhalatay tacsida uu madaxweyne Farmaajo ka diray geerida wiilkaas, waxayna dad badan Farmaajo ku eedeeyeen inuu horay uga aamusay dad u shaqey jiray dowladda oo geeriyooday iyagoo ku jira shaqada Qaranka, waxaana tusaaleyaashii lasoo qaatay ka mid ahaa AUN Cabdicasiis Afrika Agaasimihii Radio Muqdisho.

Dadka fikradaha ka dhiibtay qoraalka lasoo dhigay Facebook-ga Villa Somalia ayaa madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey in uusan ka tacsiyeyn geeridii ku timid Allaha u naxariistee Cabdicasiis Afrika oo ahaa Agaasimihii Radio Muqdisho oo qarax lagu dilay 20-kii bishii November 2021.

Cabdicasiis Afrika oo sanado badan kasoo shaqeynayey warbaahinta Qaranka, isla markaasna kamid ahaa wariyayaasha sida weyn uga hor yimid fikradaha kooxda Al-Shabaab, balse Farmaajo waa uu ka aamusay geeridiisa.

Sidoo kale, Farmaajo waxuu dhawaan ka aamusay qaraxii lala beegsaday Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu, kaas oo la doonayey in lagu khaarajiyo, balse waa uu ka badbaaday, waxaana si hagar la’aan ah ugu gurmaday xafiiska Rooble oo uu ka tirsanaa.

Dadka aragtooda ku soo gudbiyey qeybta commentiga ee bogga Villa Somalia waxaa ka mid ah Cali Maxamed Salaad, waxuuna yiri, “Farmaajo qof waxna garta waxna gala ma yaqaan, laakiin cayaayaanka baraha bulshada dadka ugu caaya, uguna aflagaadeeya waa yaqaan, tusaale Abdicasiis Mohamed Gulled kama uusan tacsiyayn oo la ogaa waxuu ahaa oo qaranka u qabtey, halka uu ka tacsiyay wiilkaan siyaasiyiinta ka aragtida duwan Farmaajo baraha bulshada ku aflagaadeyn jirey, Farmaajana ku amaani jirey.”

Daahir Cali Aadan ayaa isna soo qoray, “Waa cadaatay in marxuumkaas aad
Asaga iyo kuwa lamidka ahe #CBB da Looyaqaano aad ku dhiiragalin jirteen Caayda siyaasiyiinta farmaajo kasoo Horjeedda.”

Axmed Maxamed Axmed ayaa soo qoray, “Farmaajo caadifad iyo qabyaalad baa ku dilatey, lkn alx waxaa ah in maalmo kooban ee soo aadan aadan sii suurad xumeyn karin Villa Somalia oo ah astaan qaran oo shacabka Soomaaliyeed ka dhexeysa, halyaay Cabdicasiis Afrika, waa laga aamusay oo qarankaan wax badan u soo adeegay, dhib badana u soo maray, halka shaqsi aan la garaneyn laga dhigey halyaay qaran, ewelba qeyr ma aadan leheene Villada isagasoo bax ninyahow.”

Salaad Cusmaan Garweyne oo ka mid ahaa dadka aragtidooda ka dhiibtay tacsidaas waxuu yiri, “Dhaqanka labartay intii dictator Farmaajo joogay waxaa ka mid ah tacsi eex ah iyo geesiyada oo aan laga tacsiyeyn iyo CBB laga tacsiyeeyo allaha raxmado marxuumka.”

Cali Abuukar Guutaale nin ku soo gala mareegta Facebook ayaa isna qeybta commentiga ee postiga tacsida wiilkaas ku soo qoray, “Allaah ha u naxariisto. Villa Somalia, horta ma ogtahay in la dilay C/casiis Afrika oo geeridiisu xanuun badneed..? Tacsidiisa kuma arag page-kaan.”

Wada-hadallo u socdo Cali Guudlaawe iyo Dabageed

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in haatan kulan u dhexeeyo madaxweynaha HirShabelle iyo ku xigeenkiisa uu ka socdO magaalada Beledweyne, kaaso oo looga hadlayo xiisadda ka taagan magaaladaasi.

Wadahadallada u socdo Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed ayaa diiradda lagu saarayaa xal u helidda muranka ka dhashay doorashada, gaar ahaan kuraasta taalla Beledweyne.

Ilo ku dhow kulanka ayaa innoo sheegay in labada nin ay ka wada xaajoonayaan hab maamulka kuraasta la’isku hayo, si xal looga gaaro dhameystirka doorashada Beledweyne.

Sidoo kale madaxweynaha HirShabelle iyo ku xigeenkiisa ayaa isla meel dhigi doono xal u helida khilaafka ka dhex-qarxay ee ka dhashay in tartanka la daah furo ama kuraasta in loo xiro dad gaar ah, taas oo xaalad cusub ka abuurtay magaalada Beledweyne.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa qorshuhu yahay in wadahadallada haatan socdo laga soo saaro go’aanno xasaasi ah oo la xiriira hab maamulka doorashada iyo amniga.

Doorashada Beledweyne ayaa soo martay marxalado kala duwan, maadaama ay ku soo aaday, xilli ay magaaladaas ka jirtay xiisad la xiriirta dhismaha maamulka HirShabelle.

Is jiid jiidka hoggaanka sare ee HirShabelle ayaa dib u dhigi kara doorashada maamulkaasi, maadaama la joogo xilligii lagu balamay in lagu soo idleeyo doorashada Baarlamaanka.

Ruushka oo caawimaad weydiistay Shiinaha xilli uu xoogeystay dagaalka Ukraine

Moscow (Caasimada Online) – Ruushka ayaa qalab militari weydiistay Shiinaha, xilli weli uu socdo duulaanka ay ku qaadeen Ukraine, waxaa sidaas ku warramay wargeysyada Financial Times iyo Washington Post oo soo xiganaya saraakiil Mareykan ah. 

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay suurta-galnimada heshiis hub oo dhex-mara labada dal, balse ma aysan bixin wax faah-faahin oo ku saabsan, iyo sidoo kale nuuca hub ee Ruushka ay codsadeen. 

Financial Times ayaa sidoo kale ku warramay in Moscow ay taageero dhaqaale oo dheeri ah ka codsatay Beijing, oo u ah xulufo weyn xilli Ruushka laga go’doomiyey dunida inteeda kale.

Afhayeen u hadlay safaaradda Shiinaha ee Washington ayaa sheegay “inaanu marna maqlin” wax codsi caawimaad ah oo ka yimid Moscow, sida ay qortay Reuters. 

La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan, oo qorsheynaya inuu toddobaadkan la kulmo dhiggiisa Shiinaha Yang Jiechi, ayaa Axaddii Shiinaha uga digay inay wax taageero ah siiyaan Ruushka, si ay uga baxsato cunaqabataynta caalamiga ah. 

“Waxaan si toos ah iyo si gaar ah ula xiriireynaa Beijing, inay jiri doonto cawaaqib ka iman doona isku day kasta oo looga baxsanayo cunaqabataynada ama lagu taageerayo Ruushka,” ayuu u sheegay CNN.

“Ma ogolaan doonno in Ruushka ay caawimaad uga helaan xayiraadahan dal kale, iyo meel kale oo dunida ka mid ah,” ayuu yiri. 

Hadalkiisa ayaa yimid kadib markii wasiirka maaliyadda Ruushka Anton Siluanov uu sheegay in qaar ka mid ah keydka dahab iyo lacagta qalaad ee Ruushka ay yihiin lacagta Shiinaha. 

Waxa uu intaas in Moscow ay isku haleyneyso caawimaadda Shiinaha, si ay u yareyso saameynta cunaqabataynada Reer Galbeedka.

Gaalkacyo: Xildhibaan aad u taageersan Farmaajo oo tartanka ka cararay iyo kursigiisa oo lagu guuleystay

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa hadda lasoo gabagabeeyey tirinta codadka ergadii dooraneysay xildhibaanka qaadanaya kursiga HOP#095 oo xalay ay doorashadiisu ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Cagaweyne) ayaa ku guuleystay kursigaan oo ahaa mid loo galay tartan furan oo adag, waxuuna ahaa midka ugu tartanka adag seddaxdii kursi ee shalay lagu doortay magaalada Gaalkacyo.

Seddax musharax oo kala ah: 1– Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud, 2– Maxamuud Nuur Iimaan, 3– Maxamed Saciid Faarax.

Ayaa ku tartamay kursigaan oo wareeg labaad la isla aaday, waxayna wareegii koowaad kala heleen Maxamed Saciid 44-cod, Cabdiraxmaan Cagaweyne 35-cod, halka Maxamuud Iimaan uu helay 20-cod, waxaana wareega labaad u gudbay Maxamed iyo Cabdiraxmaan.

Cabdiraxmaan Cagaweyne ayaa wareegii labaad ku guuleystay codad dhan 54, halka Maxamed Saciid oo laga guuleystay uu helay 47-cod.

5-tii sano ee lasoo dhaafay kursigaan waxaa ku fadhiyey Cabdikariin Dhalac oo aad u taageersanaa Farmaajo, kaas oo isaga haray tartankaan, kadib markii uu ogaaday in guul uusan ka soo hoy-doonin hadii tartan la galo.

Waxaa aad loo nacay dhamaan dadkii garab taagnaa ee daacadda u ahaa  Farmaajo intii uu xukunka joogay, kuwaas oo intooda badan ku haray tartanka doorashada socota, taas oo niyad jab ku abuurtay nidaamka Farmaajo.

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada kuraasta taal magaalada BELEDWEYNE

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne oo ah deegaan doorashada labaad ee HirShabelle ayaa waxaa ka taagan caqabad la xariirta kuraasta weli ku harsan magaaladaas oo haatan la ciir ciireysa musharixiin iyo ciidamo wata gaadiidka dagaalka.

Guddiga SEIT ee HirShabelle ayaa ku dhowaaqay in maanta la qabanayo doorashada hal kursi oo ka mid ah afar kursi oo uu horey jadwalkooda usoo saaray guddigu.

Kursigan oo uu tirsigiisu yahay HOP#004 ayaa waxaa ku loolamaya 5 musharrax oo midi ay tahay dumar, waxaana horey ugu fadhiyay Maxamed Xasan Ibraahin (Qoone).

Ma cadda sababta dib loogu dhigay doorashada afarta kursi ee kale, iyada oo qabashada HOP#004 ay kusoo aaday, xilli guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte uu soo saaray qoraal lagu hakinayo doorashada ka socota Beledweyne, sababo la xiriira amniga.

Sidoo kale lama oga sida uu isku saameyn karaan go’aanka guddiga iyo amarka kasoo baxay Cali Jayte Cismaan oo haatan ah guddoomiyaha amniga doorashada Beledweyne.

Dhanka kale waxaa taagan khilaaf cusub oo ka dhex-qarxay madaxweynaha HirShabelle iyo ku xigeenkiisa, kaas oo ku aadan sida loo wajahayo kuraasta taalla halkaasi, kaas oo saameyn ku yeeshay hannaanka doorashada iyo dadaalladii ka socday ee gobolka Hiiraan.

Si kastaba, Beledweyne ayaa soo martay marxalado kala duwan oo ka dhashay khilaafka doorashada iyo tabasho ay reer Hiiraan ka qabeen maamulka uu hoggaamiyo Guudlaawe.

Gorgor oo howlgal ku dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay ciidamada sida gaarka ah u tababaran Gorgor ka sameeyeen duleedka magaalada Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed.

Howlgalka ayaa waxaa si gaar ah loogu beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo ku yaalla deegaanka Munaarak ee gobolkaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Gorgor oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey in howl-galkaasi lagu dilay illaa 15 dagaalyahan 35 kalena lagu dhaawacay, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay burburiyeen xarumo ay lahaayeen dagaalyahanada Kooxda Al-Shabaab, ayna sii wadi doonaan howlgallada ka socda halkaasi.

“Howlgalka weli  waa uu socdaa waana sii wadeeynaa ilaa iyo inta aan Al-Shabaabka xorreyneyno degaanada Gobolka Shabeellaha Hoose, si wanaagsan ayaana u sugeeynaa amniga degaanka” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha sar sare ee Ciidamada Gorgor.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sare u qaaday dhaq-dhaqaaqyada ka socda gobollada Shabeelooyinka.

HirShabelle oo soo saartay digniin la xiriirta doorashada

0

Jowhar (Caasimada Online) – Guddiga SEIT ee HirShabelle ayaa maanta shaaciyay shuruudaha laga rabo dhamaan musharaxiinta rabta inay u tartamaan kuraasta ku harsan maamulkaas ee Golaha Shacabka, waxayna ka digtay in lacagta musharaxiinta lagu shubo akoono gaar ah.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in Musharax kasta uu xaq u leeyahay in uu u tartamo kursiga ku asteysan jufadiisa, taasi oo meesha ka saareysa doonistii qaar kamid ah madaxda sare ee maamulkaas oo rabay inay dad gaar ah u xiraan kuraasta.

Guddiga ayaa shaaciyay in Musharaxiinta raga ah laga rabo lacag diiwaan-gelin oo dhan Toban kun oo dollar ($10,000), halka Musharaxiinta Dumar ah lag rabo shan kun oo dollar ($5000).

“Ma jirto wax lacag kale ah oo aad ku shubi karto account shakhsiyadeed ama Cash aad la imaaneyso xarunta guddiga Doorashada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga “Hadii aad la kulanto mid kamid ah guddiga doorashada oo dalbanaya lacag, waxaan u aqoosan doona Tuug khaa’in ah oo aan ku hadli karin afka guddiga sharafta leh ee Hirshabelle. Waxaan diyaar u nahay in aan ku qaadno ciqaabta uu muteysto, waxaana goobta doorashada diyaar kuugu ah xubno ku sifoobay daacadnimo iyo hufnaan kuuna qaban doono shaqadaada insha allah.”

Musharaxiinta ayuu uga digay guddiga waxkasta oo la xiriira laaluush, taasi oo ay sheegen inay ka hor imaaneyso “heshiiska ilaalinta anshaxa Musharaxa oo uu marka hore saxiixo musharaxa u taagan kursi, kaas oo ka mamnuucaya in uu bixiyo laaluush.”

Ugu dambeyntiina waxa qoraalka si cad loogu sheegay in Musharaxa isku daya in uu laaluush bixiyo ama maro sifo ka duwan hanaanka ay u dajiyeen ay ka hor istaagi doonaan doorashadiisa, ama ay ku buri karto niijada doorashada haddii uu kusoo baxo, kuna cadaato wax isdaba-marin.

Madaxda sare ee maaamulka HirShabelle oo toddobaadkii u dambeeyay isku hayay doorashada kuraasta ku harsan maamulkaas, ayaa ugu dambeyntii isla qaatay in laga dhigo kuwa daah-furan oo cid gaar ah loo xirin.

Guddiga doorashada heer federaal oo hakiyay kursi doorashadiisa la shaaciyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa maanta shaaciyay inay hakiyeen doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#204, kaasi oo deegaan doorashadiisa ay tahay maamulka Koofur Galbeed.

Guddiga FEIT ayaa sheegay in kursigaas ay cabashooyin is-daba-joog ah uga gudbiyeen Malaaqa Guud iyo Samadoonada Beesha Jarroon oo ah beesha iska leh kursiga HOP#2024.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) waxa uu si xushmad leh ugu wargelinayaa Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed SEIT inay hakiyaan qabashada doorashada kursigaan inta laga xalinayo cabashada ka taagan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga.

Guddiga si faah-faahsan uma sheegin khaladaadka ka jira habraaca la soo gudbiyay, ayada oo dhawaan uu guddiga doorashada Koonfur Galbeed uu shaaciyay doorashada kursigaas uu qabsoomi doono maalinta Salaasada ah ee 15-ka Maarso.

Kursiga HOP#204 ayaa waxaa lasoo warinaya in madaxweyne Lafta-gareen uu si gaar ah ugu xiray Wasiir ka tirsan golahiisa wasiirada, xili uu si weyn kursigaas u daneynayay sanadihii lasoo dhaafay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdiqaadir Jaamac.

Qoraal shalay kasoo baxay guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed, ayaa waxaa lagu sheegay in diwaan-gelinta musharaxiinta kuraas uu kamid yahay midka la hakiyay ay bilaabayaan maalinta barri ah.

Si kastaba, Ma aha markii u horeysay ee Guddiga FEIT uu hakiyo doorashada kursi, hase yeeshe waxaa la ogeyn sida ay amarkaan ugu hogaansami doonaan guddiga SEIT Koonfur Galbeed, oo ayagu hore iskaga dhago tiray amarada guddiga doorashooyinka heer federaal.

Guudlaawe iyo Dabageed oo mar kale uu khilaaf ka dhex-qarxay + Waxa la isku hayo

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Xog cusub oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa inuu mar kale qarxay khilaafkii u dhaxeeyo madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo ku-xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Khilaafka labada mas’uul oo maalmahaan dambe u muuqday mid xal laga gaaray ayaa marka kale hawada isku shareeray, wuxuuna khillaafka salka ku hayaa doorashada kuraasta 8-da ah ee ku hartay magaalada Beledweyne.

Caasimada Online ayaa ogaatay inuu khilaafka xoogiisa ka taagan yahay Kursiga HOP#135 oo ay ku fadhiso xildhibaan Aamino Maxamed. Dabageed ayaa doonaya in kursigaan loo xiro shaqsi gaar ah, taasioo uu si weyn uga hor yimid madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Xildhibaan Aadan Kaladire oo kamid ah baarlamaanka HirShabelle ayaa sheegay in howlaha doorashooyinka uu mas’uul ka yahay madaxweynaha HirShabelle, islamarkaana cid ka hor-imaan karin.

“Doorashada Hirshabeelle waxaa ka mas,uul ah Madaxweynaha Cid kastaa oo caqabad ku ah ka baarlamaan ahaan waxaan diyaar u nahay in aan ka hor leexino ayuu yiri,” Xildhibaan Aadan Kaladiro.

Madaxweynaha maamulka HirShabelle Guudlaawe ayaa dhawaan musharixiinta u taagan kuraasta ku hartay Beledweyne u ballan qaaday inuusan jiri doonin kursi loo xiro shaqsiyaad gaar ah.

Yuusuf Dabageed oo dhawaan wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay inuu khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo madaxweynaha HirShabelle, balse wuxuu sheegay inay jiri karaan waxyaabo lagu kala aragti duwanaan karo.

Yuusuf Dabageed ayaa horay meel fagaare ah uga sheegay in uu boobi doono kuraasta Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Beledweyne lagu doorayano taas oo muran iyo kalsooni darro xoogan ka dhalatay.

Kuraasta ku harsan Magaalada Beledweyne ayaa weli la qaban la’yahay sababo la xiriira khilaafka taagan, waxayna u badan tahay inay dhaafaan waqtigii ugu dambeeyey ee lagu heshiiyey in lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka oo aheyd 15-ka Bishaa.