26.7 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

Shan QOF oo haraad iyo gaajo ugu geeriyooday Gedo

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegaya inay ka sii dareyso xaaladda bani’aadanimo ee ka jirta gobolkaasi oo ay ku dhufatay abaar xoogan oo saameysay dadka iyo duunyada intaba.

Illaa iyo shan qof ayaa lagu soo warramayaa iney haraad iyo gaajo ugu geeriyoodeen agagaarka degmada Ceelwaaq oo ka mid ah meelaha ugu daran ee ay ka jirto abaarta.

Sidoo kale waxaa sare u kac xoogan uu ku yimid qiimaha la kala siisto maciishadda, taas oo keentay in dadka danta yar aysan helin cuno iyo biyo ku filan.

Xoolaha ayaan sidoo kale heysan baad iyo biyo ay cabaan, waxeyna taas sii adkeysay xaaladaha nololeed ee ka jira halkaasi.

Maamulka degmada ayaa sheegay inay xaaladdu faraha ka baxday, isla-markaana ay dalbanayaan in gurmad deg deg ah lala soo gaaro dadkaasi.

Guddoomiyaha Ceelwaaq Ibraahim Guuleed Aadan oo wareysi siiyey BBC-da ayaa farriin culus u diray dowladda Soomaaliya, Jubbaland iyo hay’adaha samafalka, isaga oo uu ugu baaqay inay soo caawiyaan dadkaasi ku dhibaateysan degmada iyo duleedkeeda.

Gobolka Gedo ayaa waxaa ka jira xaalado is biirsaday, sida murano ka dhashay doorashada iyo xaalado bani’aadanimo oo heysta qoysaska Soomaaliyeed ee ku dhaqan halkaasi.

Al-Shabaab oo weerar culus ka fulisay KENYA

0

Nairobi (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday qarax miino oo markale xoogaga Al-Shabaab ay ka fuliyeen qaybo ka mid ah dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari oo xuduud dheer laleh Soomaaliya.

Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada Booliska Kenya, xilli ay marayeen deegaanka Dharqaale hoostaga magaalada Mandera.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay mid ka mid ah baabuurta ay wateen ciidamada Kenya, sidoo kalena uu ka soo gaaray khasaare xoogan.

Ciidamada ayaa sidoo kale qaraxa kadib sameeyey howl-gallo baaritaano ah, waxayna gacanta ku dhigeen tiro dad ah oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen falkaasi.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi, waxayna shaacisay inay ku dishay askar ka tirsanaa Kenaya, kuwa kalena ay ku dhaawacday.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa qoraalkeeda oo ay ku baahisay boggaga Internet-ka ku sheegtay inay qaraxan ku burburisay mid ka mid ah gaadiidka ay wateen ciidamadaasi.

Waa weerarkii labaad oo muddo todobaad gudihiisa ay dagaalyahanada Al-Shabaab ka fulinayaan gobolka Waqooyi Bari, kuwaas oo lagu beegsaday ciidamada dowladda Kenya.

Guddiga doorashada heer federal oo shaaciyey maalinta la dhaarinayo xildhibaanada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa soo saaray jadwalka soo xareynta xildhibaanada la doortay ee baarlamaanka 11-aad, iyadoo la qorsheeyey in ugu dambeyn 14-04-2022, la qabto xafladda dhaarinta xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka dalka.

Sida ku cad jadwalkaan 16-ka bishaan oo ku beegan Arbacada berrito illaa 23-ka bishaan ayaa la qorsheeyey in lasoo uruuriyo dukumintiyada xildhibaanada alabada Aqalka ee baarlamaanka, iyadoo 24-ka ilaa 29-ka la qorsheeyey in la hubiyo dukumintiyadaas.

Inta u dhaxeysa 31-ka Maarso ilaa 4-ta bisha soo socota ee Abriil waxaa la qorsheeyey in la shaaciyo natiijada rasmiga ah ee doorashooyinkii baarlamaanka iyo in la soo xareeyo dhamaan xildhibaanada labada Aqal.

5-ta Abriil ilaa 10-ka bishaas waxaa la qorsheeyey in shahaadada xildhibaanimada la siiyo dhamaan xubnaha la doortay ee labada Aqal.

11-ka bisha Abriil waxaa loo qorsheeyey inay dhacdo wareejinta galalka macluumaadka xildhibaanada labada Aqal.

Ugu dambeyntii 14-ka Abriil xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa qabanaya xafladda dhaarinta xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka 11-aad.

Hoos ka eeg jadwalka

JUBALAND oo soo saartay liiska iyo go’aan ku saabsan kuraasta taalla Garbahaarey

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubbaland ayaa caawa shaaciyay liiska 16-ka kursi ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Garbahaarey.

Warqad ka soo baxday guddiga ayaa lagu sheegay in doorashada 16-kaan kursi la qaban doono muddo 2 todobaad gudohood ah, in kastoo aan la shaacin deegaanka lagu qabanayo.

Weli lama shaacin wax xal ah oo laga gaaray khilaafkii ka jiray maareynta doorashada Garbahaarey, waxaana dhamaaday oo maanta ku ekaa waqtigii loo asteeyey in lagu soo gabagabeeyo doorashada baarlamaanka.

Waxaa jira warar aan la xaqiijin oo tilmaamaya in la qorsheynayo in doorashada 16-kaas kursi loo wareejiyo degmo kale oo Jubbaland ka tirsan, maadaama Garbahaarey la isku raaci waayey.

Warqadda ka soo baxday guddiga doorashada Jubbaland, kuma cadda halka lagu qabanayo doorashada kuraastaas iyo waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo, markii laga reebo in balan qaadku yahay in laba todobaad gudahood laga qaban doono.

Hoos ka akhriso warqadda

Xog: Taliye cusub oo maanta la wareegay hoggaanka NISA ee Gobolka Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Sirdoonka iyo Nabad-Sugida gobolka Banaadir Cilmi Maxamed Baruuke ayaa maanta xilka la wareegay, kaasi oo horey xilka ugu sii hayey hab ku-sime ah, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Magacaabista taliyaha cusub ayaa imaneysa kadib mudo bilooyin ah oo uu booskaasi bannaanaa, markii ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu u magacaabay Muxiyaddiin Warbac Shadoor, hase ahaatee waxaa magacaabistaasi burburisay heshiiskii Rooble iyo Farmaajo wada galeen ka hor kala tagooda.

Magacaabistan ayaa sidoo kale ka dhigan in taliyihii hore ee NISA Yaasiin Farey uu si rasmi ah u xalaaleystay xilka taliyaha guud ee NISA, oo heshiiska Farmaajo iyo Rooble qeyb ka aheyd inuu si ku-meel gaar ah u hayo inta laga magacaabayo taliye kale.

Heshiiskaas oo yimid kadib dagaal xooggan oo dhex maray madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa u muuqda inuu xooggiisa uu ku adkaaday Farmaajo, maadaama inta badan qodobadii isaga uu rabay la fuliyey halka kuwii Rooble aanay waxba ka fulin.

Qodobka ugu weyn ee Rooble ku dheganaa ayaa aheyd in xilka NISA loo magacaabo shaqsi dhex-dhexaad ka ah labada dhinac oo lagu heshiiyey, balse dhowr bil kadib heshiiskaas weli ma muuqato in la fuliyey.

Hay’adda NISA ayaa bilihii dhowaa waxqabadkeedu liitay, ayada oo ay kordheen weerarada iyo qaraxyada Muqdisho, waxaana sababta lagu sheegay inay hay’adda ku mashquushay arrimo siyaasadeed, ayada oo taliyaheeda uu noqday xildhibana federal.

Taliye cusub Cilmi Maxamed Baruuke ayaa la filayaa inuu wax weyn ka qabto amniga caasimadda, xilli doorashada madaxweyne la filayo inay ka dhacdo magaalada bilaha soo socda, gaar ahaan May ama June. 

Mareykanka oo war kasoo saaray waqtigii doorashada ee dhacay iyo saddex madax maamul goboleed oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa goordhoweyd war kasoo saartay dib u dhaca kale ee ku yimid jadwalka dhameystirka doorashada Golaha Shacabka, kaasi oo ku eeka maanta oo ku taariikheysan 15-ka Maarso.

Safaaradda Mareykanka ayaa ugu horeyntii sheegtay inay garowsan tahay in dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay ku dhameystireen doorashada Golaha Shacabka waqtigii loo igmaday.

Marnaba kama hadlin Safaarada Mareykanka ee fadhigeedu yahay Muqdisho hanaanka cadaalada ka fog ee qaar kamid kuraasta labadaas maamul lagu doortay iyo cabashooyinka ka taagan, kaasi oo ugu dambeeyay kursiga HOP#204 oo maanta guddiga FEIT uu waxba kama jiraan ku tilmaamay natiijada kasoo baxday doorashadiisa oo uu qabtay Guddiga SEIT ee Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxa qoraalka kasoo baxay Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya lagu tilmaamay nasiib darro in Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland iyo Hirshabelle ay seegeen waqti kale oo muhiim ah.

“Waxaa garwaaqsanahay in la dhameystiray (kuraasta) maamul goboleedka Koonfur Galbeed iyo Galmudug. Waxaan u aqoonsannahay Laftagareen iyo Qoor Qoor inay buuxiyeen waqtigii loogu tala-galay ee 15-ka Maarso. Niyad-xumo Madaxweyne Axmed Madoobe, Saciid Deni iyo Guudlaawe waxay seegeen waqti kale oo muhiim ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Safaarada Mareykanka oo lasoo dhigay twitter-ka.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka beesha caalamka ee sida dhow isha ugu haya dhameystirka doorashooyinka Soomaaliya, gaar ahaan midda Golaha Shacabka oo dhowr jeer uu ku yimid dib u dhac.

Doorashada Golaha Shacabka ee dalka ayaa u muuqata mid aan wax badan ka duwaneyn magacaabis, ayada oo meesha laga saaray doorkii ay Beelaha iyo Odayaasha iska leh kuraasta ay ku lahaayeen doorashada kuraastooda, islamarkaana ay si toos ah ugu gacan gashay madaxda maamulada, oo qaarkood uu ku jiro damac siyaasadeed oo federaal.

QOOR QOOR oo war cusub kasoo saaray doorashada

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa war ka soo saaray doorashadii xildhibaanada golaha shacabka ee galabta lagu soo gabagabeeyey magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

3-dii kursi ee u dambeysay xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ku metelaya Galmudug ayaa galabta lagu doortay Gaalkacyo, waxayna Galmudug sidaas ku noqotay maamulkii labaad oo waqtigeeda ku soo gabagabeeya doorashada.

Axmed Qoor Qoor ayaa qoraalka uu soo saaray ugu hambalyeeyay dhammaan xildhibaanada laga soo doortay deegaanada maamulkiisa, “isagoona u rajeeyay inay kasoo dhalaalaan waajibaadka qaran ee horyaalla iyo ka shaqeynta horumarinta deegaannada Galmudug.”

Qoraalka Qoor Qoor ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha ayaa bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ay ka qaateen hirgelinta Doorashada Guddiyada Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed, Hay’adaha Amniga iyo guud ahaan duubabka dhaqanka iyo shacabka Galmudug.”

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa balan-qaaday in Galmudug ay sii xoojinayso dadaalkeeda ‘dimuqraadiyeynta, iyo daadejinta maamulka’ sida lagu sheegay qoraalkaan.

Koonfur Galbeed ayaa saacado kooban Galmudug uga horeysay inay soo gabagabeyso doorashada xildhibaanada, iyadoo maanta 7-dii xubnood ee u dambeysay lagu doortay magaalada Baydhaba.

HirShabeelle, Jubbaland iyo Puntland ayaan weli soo dhameystirin xubnaha deegaanadooda ka soo gelaya golaha shacabka, waxaana maanta ku ekaa waqtigii loo asteeyey in lagu soo gabagabeeyo doorashada baarlamaanka Soomaaliya oo mudo dheer soo jiitameysay.

Guddiga doorashada heer federal laalay kursi maanta la qabtay doorashadiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa waxba kama jiraan ku sheegay natiijada doorashada kursiga HOP#204, kaasi oo saaka doorashadiisa uu qabtay Guddiga SEIT ee Koonfur Galbeed.

Kursiga HOP#204 ayaa kamid ahaa kuraas uu maanta qabtay guddiga SEIT ee Koonfur Galbeed, wuxuuna guddigu sheegay inuu ku guuleystay Isaag Cali Subag.

Go’aan ka soo baxay Guddiga doorashooyinka heer federaal oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in kursigaas aan loo marin habraacii saxda ahaa, islamarkaana uusan waxba iska badalin mowqifkii guddiga ee lagu hakiyay kursigaas.

“Go’aan kasoo baxay Guddiga Doorashada oo waxba kama jiraan ka soo qaaday natiijada doorashada kursiga HoP#204 aan loo marin habraacii saxda ahaa, sidaas darteedna aysan waxba iska beddalin go’aankii hakinta ee ka soo baxay Guddiga FEIT, natiijadiisuna ay tahay waxba kama jiraan,” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay warbaahinta dowladda.

Axadii ayey aheyd markii uu guddiga doorashooyinka heer federaal uu hakiyay doorashada kursigaas oo tirsigiisu yahay HOP#204, waxaana maalin kadib fasaxay Madaxa Guddiga FEIT ee maamulka Koonfur Galbeed, taasi oo lagu xalaaleysanayay doorashada kursigaas oo maanta dhacday.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) waxa uu si xushmad leh ugu wargelinayaa Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed SEIT inay hakiyaan qabashada doorashada kursigaan inta laga xalinayo cabashada ka taagan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga.

Halka qoraalka kasoo baxay Madaxa Guddiga FEIT ee Koonfur Galbeed lagu yiri “Xubnaha FEIT ku qoran KGS hubita, kormeerida iyo fulinta heshiisyada 17 September iyo habraacyada doorashada waxay cadeynayaan in loo marey si uu dhigayo habraacyada doorashada Golaha Shacabka, sidaas awgeedna yahay fasax in la qabto doorashada kursigaasi waqtiga loo madley.”

Kursigaan ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka taagna muran baahsan, ayada oo ay soo baxeysay in maamulka Koonfur Galbeed uu shaqsi gaar ah u xiray kursigaas, xili uu si weyn kursigaas u daneynayay sanadihii lasoo dhaafay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdiqaadir Jaamac.

Shirkadaha korontada ee Muqdisho oo gaaray heshiis ka dhan ah SHACABKA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadaha bixiya adeegga Korontada ee magaalada Muqdisho oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sheegay inay qiimo kordhin ku sameeyeen lacagta korontada.

Shirkadaha oo ah seddex shirkad oo kala ah BECO, Muqdisho Power iyo Blue Sky ayaa sheegay inay kalkii Kiilo Waat ay ku dareen lacag 0.10 cent.

War-saxaafadeedka kasoo baxay shirkadahaan ayaa lagu sheegay in qiimaha shidaalka uu lixdii bilood ee ugu dambeeyey uu gaaray qiimihii ugu sareeyey, taasna ay culeys ku keentay shaqadii ay u hayeen Bulshada.

Shirkadaha ayaa sheegay inay qiimaha korontada ku dareen qiimihii ugu hooseeyey ee la awooday in lagu daro kadib shir muddo u socday madaxda shirkadahaan

“Hadaba si loo sii wado adeegii korontada ee bulshadda aan u haynay, waxaa la Isla gartay in qiimaha kilowaat-ka wax logo bedelo. Iyadoo aan tixgalinayno duruufaha adag ee lagu jiro  ayaa la go’aamiyey in lagu daro halkii kilowaat $0.10 cents (Toban cent) Laga bilaabo bishan Maarso 2022 ee hadda socota,” ayaa lagu jiri war-saxaafadeedka.

Ugu dambeyntii shirkadaha korontada bixiya ayaa sheegay inay ka xun yihiin sare u kacaan uu sababay shidaalka, iyagoo rajeeyey in mustaqbalka dhow wax laga badali doono.

Qaar ka mid ah shacabka Muqdisho ayaa aad uga carooday go’aankan ayada oo baraha bulshada ay qabsadeen qoraallo lagu cambaareynayo go’aanka shirkadaha.

Shacabka ayaa sheegay in xilli ay wajahayaan sicir-barar xooggan iyo qiimaha cuntada oo aad u sare kacay aysan ka fileyn shirkadaha inay culeyska kusii kordhiyaan.

Tirada xildhibaanada u xulan maamul goboleed walba xilli jadwalkii uu fashilmay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta oo Talaada ah ayeey ku beegan tahay waqtigii loo asteeyay in lagu soo gabagabeeyo doorashada golaha shacabka, kadib markii muddo kordhin loo sameeyay 25-kii bishii hore ee febraayo oo aheyd waqtigii loogu tala galay in lagu soo gabagabeeyo doorashada.

Illa iyo hadda waxaa si rasmi ah loo doortay 226 xildhibaan kuwaas oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka oo tiradoodu ay tahay 275 xildhibaan.

Gobalada Waqooyi ee Somaliland iyo Beelaha Banaadiriga ayaa ah maamuladii ugu horeeyay ee si rasmi ah u soo dhameystira kuraastooda golaha shacabka.

Shanta dowlad gobaleed ee dalka ayaa iyagu dhankooda aanan midka ka soo dhameystirin kuraastooda golaha shacabka, xilli lagu wado in maanta ay soo dhameeyaan kuraastooda maamulada Galmudug iyo Koonfur galbeed oo doorashada xubnahoodii ugu dambeyay ay ka socoto deegaanadooda.

Dib u dhaca doorashada ayaa noqonaya fashil kale oo ku yimid doorashada golaha shacabka oo tira dhowr jeed ah waqtigeedii dib uga dhacday.

Somaliland: 21-kii Febraayo ayaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay doorashada kuraasta Somaliland, iyagoo noqday maamulkii ugu horeeyay ee soo dhameystira xubnahiisa aqalka Hoose.

Somaliland ayaa golaha shacabka ku leh 46 mudane kuwaas oo dhamaantood hadda dooran, 12-kamid ah xildhibaanada Somaliland ayaa ah Dumar halka inta soo hartay ay yihiin rag, taas oo boqoleyda dumarka Somaliland ka dhigaysa 26%, halka laga rabay 30%.

Kuraasta Somaliland ayaa sidoo kale waxaa dib u soo noqday oo horay uga mid ahaa baarlamaanka 22 xildhibaan, halka ay cusub yihiin 24 mudane.

Banaadiri: 25-kii bishii hore ee febraayo ayaa dhamaan tood ah hal mar lagu doortay xildhibaanada banaadiriga ah magaalada Muqdisho.

Beelaha Banaadiriga ayaa golaha shacabka ku leh 5 mudane waxaana shanta xubnoodba ee sanadkaan la doortay ay noqdeen kuwa cusub oo aan kamid ahayn baarlamaankii 10-aad, waxaana dumar ka ah hal qof, taas oo boqoleyda dumarka Banaadiriga ka dhigaysa 20%, halka laga rabay 30%.

Puntland: Illaa iyo hadda maamulka Puntland ma aanu soo dhameystirin doorashadiisi golaha shacabka xildhibaanada ku matalayay.

Puntland ayaa baarlamaanka waxaa ku matala 37 xildhibaan kuwaas oo illa iyo hadda laga doortay 31 mudane, waxaana ku harsan 6 xildhibaan oo lagu dooranayo magaalada Garowe.

Kuraasta hadda xulan ee Puntland ayaa waxaa keliya dib u soo noqday 4 xildhibaan oo horay uga mid ahaa baarlamaankii 10-aad, halka 27-ka kale ay yihiin wejiya cusub oo golaha lagu arki doono.

5 dumar ah ayaa illa iyo hadda lagu doortay Puntland kuwaas oo qayb ka ah xildhibaanada 31 ah ee dooran hadda.

HirShabeelle: Maamulka Hirshabeelle ayaa illa iyo hadda aan isagana soo dhameystirin doorashada kuraastiisa golaha shacabka.

Waxaa illa iyo hadda Hirshabeelle la doortay 25 xildhibaan oo qayb ka ah 38 kursi oo maamulkaas uu ku leeyahay galaha shacabka.

Xildhibaanada dib ugu soo noqday kuraastooda ee Hirshabeelle ayaa gaaraya 16 xildhibaan halka ay cusub yihiin 9 mudane oo keliya, waxaana dumar ka ah 4 qof, taas oo tirada dumarka ka dhigaysa inta hadda dooran 17%.

Jubbaland:  Maamulkaan ayaan illa iyo hadda soo dhameystirin kuraastiisa golaha shacabka uu ku leeyahay baarlamaanka 11-aad.

Waxaa Jubbaland ku matalaya golaha shacabka 43 mudane, waxaana illa iyo hadda dooran 23 xildhibaan oo mid kamid ah dib loo dooranayo kadib markii xildhibaankii loo doortay uu geeriyooday.

Maamulkaan ayaa waxaa illa iyo hadda ka dhextaagan caqabado fara badan, taas oo keentay in aan xal laga gaarin deegaan doorashadiisa labaad ee Garbahaarreey oo ay taallo 16 kursi.

Inta hadda dooran Jubbaland 18 mudane ayaa baarlamaanka ku cusub, halka 5 mudane ay dib u soo noqdeen, waxaan kuraastaan dumar ka ah 4 kaliya.

Koonfur Galbeed:  Maanta oo talaado ah ayaa lagu wadaa in maamulkaan uu soo dhameystiro kuraastiisa golaha shacabka ku matalaya.

Koonfur galbeed waa maamulka xildhibaanada ugu badan ku leh golaha, waxaana kuraasta u soo fadhiisanaya 69 mudane oo kamid ah 275 xildhibaan ee aqalka hoose.

Galmudug:  Si lamid ah koonfur galbeed maanta oo talaada ah ayaa lagu wadaa in maamulka Galmudug isna uu soo dhameystiro kuraastiisa golaha shacabka.

Galmudug ayaa aqalka hoose ku leh 37 mudane, waxaana lagu wadaa in kuraastooda ugu dambeysa saacadaha soo socdo lagu doorto magaalada Galkayo.

Wadarta xildhibaanada hadda xulan ayaa ah 226 xildhibaan oo laga soo kala doortay dhamaan maamul gobaleedyada dalka, kuwaas oo kamid noqonaya baarlamaanka 11-aad.

WQ: Abdirahman Sabriye 

Halkee ayuu u baxsaday SHEEKH AADAN SUNNE?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa war cusub kasoo saartay xaaladda Sheekh Aadan Sunne iyo qoyskiisa oo dhowaan isaga soo tegay isaga oo baxsad ah magaalada Hargeysa ee caasimada maamulkaasi.

Wasiir ku xigeenka amniga ee Somaliland Cabdullaahi Xuseen Maxamed oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa sheegay in Sheekh Aadan Sunne uu si iskiis ah uga guuray Somaliland, wuxuunta tilmaamay in aysan jirin cid wax u dhintay isaga iyo qoyskiisaba.

“Waxaa kuu caddeynayaa ninkaas wadaadka ah ee Sheekh Aadan Sunne la yiraahdo waa nin isaga Somaliland iskiis uga guuray, isagaa caa’iladiisiina ka rartay cid Alla cid ammaan darra ku sababtay ma jirto, cid wax u dhintayna ma jirto,” ayuu yiri Cabdullaahi Xuseen.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xogta ay ku hayaan inuu aaday koonfurta Soomaaliya, uuna ku biiray mid ka mid ah ururada ka dhisan halkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Cabdullaahi Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in haatan Sheekh Aadan Sunne uu ku sugan yahay gobolka Jubada Dhexe oo ay gacanta ku heyso kooxda Al-Shabaab.

“Warka aan heyno wuxuu inoo sheegayaa in niman ay saaxibo yihiin oo koonfurta jooga oo berigii horeba lagu xaman jiray in uu afhayeen u yahay uu u tegay. Wararka nasoo garaaya waxay sheegayaan in uu ku sugan yahay gobolka Jubada Dhexe,” ayuu markale yiri.

Ugu dambeyn wuxuu shaaciyey inay wadaan baaritaano dheeraad ah oo uu sheegay inay  saameyn doonaan cid kasta oo ka qeyb qaadatay in Sheekha uu ka baxsado Somaliland.

“Hadda baaritaan xoog-leh ayaanu wdnaa baaritaankaasi wuxuu saameyn doonaa dhammaan cid Alla cid kasta oo arrintaa ka taakuleysay inuu Sheekh Aadan Sunne ka guuro magaalada Hargeysa ee uu saaxibadii lagu xaman jiray u tego,” ayuu sii raaciyey.

Sheekh Aadan Sunne oo caan ka ah Somaliland ayaa horey loogu xiray Hargeysa, balse markii dambe lagu sii daayey damiin, sida uu sheegay wasiir ku xigeenka amniga.

DF iyo AL-SHABAAB oo ka hadlay QARAXII lagu dilay maamulihii iskuulka Dayniile

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay qaraxii lagu dilay AUN Marxuum Daahir Xasan Tooxow (Daahir Digdigle) oo ahaa maamulihii Iskuulka degmada Dayniile.

Marxuumka ayaa ku dhintay qarax lagula beegsaday laamiga dheer ee degmadaasi, kaas oo ahaa nooca miinada.

Wasaaradda waxbarashada ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehellada marxuumka, bahda waxbarashada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in Daahir Digdigle uu ka mid ahaa maamulayaasha dugsiyadda dowladda, uuna ahaa maamulaha Iskuulka Dayniile.

“Wasiirka Waxbarshadda, Eng Cabdullahi Abuukar Xaaji, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cabdiraxman Mohamud Cabdulle Jaabiri , Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda Marwo Nuuriya Aadan Ciise, Agaasimaha guud ee Wasaaradda mudane Mohamed Abbi Hassan, Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda iyo guud ahaan Shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashadda ayaa tacsi tiiraanya leh u diray Ehelkii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Macalin Daahir Xasan Tooxow, oo ka mid ahaa Maamulayaasha Dugsiyadda Dowladda gaar ahaan Maamulaha Schoolka Dayniile oo ku geeriyooday Qarax lagula beegsaday Degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda waxbarashada.

Allaha u naxariistee Daahir Xasan Tooxow (Daahir Digdigle) ayaa sidoo kale ka mid ahaa waxgaradka caanka ah ee ku dhaqan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka maamulaha, waxaana ay shaacisay inuu ka mid ahaa argadii Galmudug ee soo xushay baarlamaanka cusub.

Si kastaba, qaraxan ayaa qayb ka noqonaya falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey gudaha magaalada Muqdisho, xilli lagu jiro marxalad doorasho.

Xog: Qorshaha dhabta ah ee laga leeyahay isbaheysiga siyaasadeed ee Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Maalmihii lasoo dhaafay waxaa jirta hadal heyn ku saabsan isbaheysi siyaasadeed oo dhex mari kara Beelaha Koonfur Galbeed hormuudka u ah iyo kuwa reer Waqooyiga ah.

Ujeedka isbaheysiga dadka wada qaarkood waxay ku sheegeen inuu yahay inay wax ka badalaan saami qeybsiga siyaasadeed ee Soomaaliya, xilli labada xil ee Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweynaha ay Hawiye iyo Daarood kala qaataan.

Ma aheyn aragti ay dhinacyadaas u dhammaayeen, laakiin fikirkaas waxaa la xaqiijiyey inuu ka yimid odayaal siyaasadeed oo reer waqooyi ah, iyadoo kuwa reer Koonfur Galbeedna ay aqbaleen.

Inkastoo dadka qaar ay u dhigayeen ujeedka shirka in beesha hoggaamisa Koonfur Galbeed ay rabto in laga wareejiyo xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka, haddana qaar ka tirsan xubnihii abaabulay shirka ayaa iska fogeeyey in dan ay hal beel leedahay looga hadli lahaa shirkaas.

“Ma jirto sabab ay reer waqooyiga ugu ololeeyaan dan cid kale, anaga dan ayaan leenahay, waana inay jirtaa wax ay qolo kasta ay hiigsaneyso oo laga shaqeeyo,” ayuu yiri mid kamid ah xubnihii abaabulay shirkaas.

Inta aan la gaarin mudadii shirka waxaa soo baxday in hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) inuu shirkii ka leexiyey dariiqii lagu balamay ee ahaa in labadaasi beelood iska wareystaan sida ay saami qeybsi cusub u abuuri karaan.

Laftagareen ayaa la xaqiijiyey inuu shirka u badalay olole loo sameynayo dib u doorashada madaxweyne Farmaajo. Waxaa shirkaas lagu casuumay madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin iyo Cabdullaahi Aadan Kulane.

Inta la ogyahay xubnaha reer Waqooyiga siyaasad ahaan aad ayey u qeybsan yihiin waqtigaan, dhinacyo kala duwan ayaa gacan ku lahaa xubnaha reer waqooyiga ee kusoo biiray Baarlamaanka 11-aad, waxaana markii la ogaaday inuu Farmaajo tagayo shirkaas bilaabatay dood cusub oo ah in loo socdo danta hal musharax.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda xil-gaarsiinta ah Mahad Khadar Guuleed oo isaga weli Farmaajo la shaqeysta iyo xubno ku dhow dhow ayaa isku dayaya in taageerayaashooda ay ku qanciyaan inay shirka tagaan.

Farmaajo waxaa la sheegay inuu rabo in shirkaas uu kaga dhawaaqo musharaxnimadiisa, inuu maalmo soo joogo Baydhaba iyo inuu xildhibaanada mid mid u arko, uuna ballan lasoo galo.

Wasiirkii hore ee warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo kamid ah siyaasiyiinta ugu culus dhanka reer Waqooyiga ayaa xaqiijiyey in wada-hadalkii iyo ujeedkii shirka la badalay oo madaxdii shaqada wax ka waday ay go’ansadeen in kuraasta sidoodii hore loo dhaafo.

Sidoo kale waxa uu sheegay Maareeye in kulankii Baydhaba uu isku badalay ololo loo sameenayo musharax gaar ah.

“Qofka qorshihii badalay waa Laftagareen, qofka ay rabaan in Baydhaba loo tagana waa Farmaajo,” ayuu yiri mid kamid ah xildhibaanada reer Waqooyiga oo aan la hadalnay, kaas oo sheegay in uusan hadda aqoon waxa uu Baydhaba ka doono, maadaama uusan Farmaajo ku siyaasad aheyn.

Dhowr jeer oo hore oo la isku dayey in la badalo saami qeybsiga kuraasta sare ee dalka laguma guuleysan, sababtuna waxaa loo arkaa in labada beelood ee inta badan qeybsata xilalka madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ay mid walba ku adag tahay inay ka shaqeyso majaxaabin beeleysan oo beesha kale ka dhan ah.

Farmaajo iyo Fahad waxaa la sheegayaa in aysan hadda xusul duub ugu jirin isbadalka saamiga, iyagoo fahasam culeyska ay leedahay arrintaan iyo in loo arki doono inay dagaal beeleed aadeen.

Balse waxay qabaan aragti ah in haddii Laftagareen uu ku guuleysto inuu xildhibaanadiisa iyo kuwa reer Waqooyiga isugu keeno magaalada Baydhaba inay faa’ido weyn u tahay ololaha Farmaajo, taasi oo xalay looga hadlay shir ka dhacay Villa Somalia.

Maadaama uu hadda isbadalay ujeedkii shirka lana fahmay in loogu ololeenayo Farmaajo, waxaa la eegayaa inuu shirka toos u fashilmi doono iyo inay tagi doonaan inta Farmaajo taageersan.

Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka: Somaliland waxa ay qeyb ka tahay Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegtay in Somaliland ay qeyb ka tahay hal siyaasadeed oo Mareykanka u u ku wajaho Soomaaliya.

Hadalkan ayaa yimid ayada oo Washington uu booqasho ku joogo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ay casuuntay hay’adda daraasaadka siyaasadda ee Heritage Foundation.

“Waxaan soo dhoweynay fursadda aan kula kulmay maanta Muuse Biixi Cabdi oo aan uga wada-hadalnay xoojinta la macaamilka Mareykanka ee Somaliland ayada oo la raacayo siyaasaddeena midda ah ee Soomaaliya,” waxaa sidaas qoraal ay twitter soo dhigtay ku tiri kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee arrimaha Afrika Molly Phee

Sidoo kale, Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry André ayaa shalay sheegay in safarka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ee Washington uusan waxba ka beddeli doonin mowqifka dowladdiisa ee ku wajahan Soomaaliya.

André, oo wareysi gaar ah siiyey warbaahinta Garowe Online, ayaa sheegay in inkasta oo Washington ay xushmeyso guulaha Somaliland, haddana ay weli u aragto gobol ka mid ah federaalka Soomaaliya.

“Waan xushmeynaa guulaha gobolka Somaliland, marka ay noqoto maamulka dimoqraadiyadda, horumarka dhaqaalaha iyo ammaanka. Waxaan mas’uuliyiinta Somaliland kala shaqeynaa hadafyada aan wadaagno, si la mid ah sidaan ugala shaqeyno maamullada kale ee federaalka,” ayuu ku daray.

Safiirka ayaa mar kale adkeeyey midnimada Soomaaliya iyo sida ay dowladda Mareykanka uga go’an tahay.

“Dowladda Mareykanka waxay aqoonsan tahay madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xuduudaheeda taariikhiga ah oo ay ku jirto Somaliland,” ayuu yiri.

“Waxaan su’aasha maqaamka Somaliland u aragnaa arrin u taalla shacabka Soomaaliyeed oo ay ku jirto Somaliland inay go’aan ka gaaraan.”

Maamul goboleedkii ugu horreeyey oo dhammeeyey doorashada BF + Sawirro

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqday maamul goboleedkii ugu horreeyey ee soo gabagabeeyey doorashada xubnaha Golaha Shacabka oo lagu ballamay in la dhammeystiro kama dambeys illaa 15-ka March oo maanta ku beegan.

Guddiga SEIT ee koonfur Galbeed ayaa maanta oo ay ku egtahay waqtigii lagu ballamay in lagu soo gabagabeeyo doorashada soo xulay kuraastii ugu dambeeyey ee maamulkaasi.

Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa kala ah Hop#047, Hop#172, Hop#164, Hop#197, Hop#204, Hop#181 iyo Hop#179, waxaana ku soo baxay:-

1-Xaawo Sokor Cali oo  ku guuleysatay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#047. 2-Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo  ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#172. 3-Maxamed Abuukar Cabdi oo ku guuleystey kursiga Hop#164. 4-Cumar Cali Balash oo ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#197. 5-Isaag Cali Subag oo ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#204. 6-Maryan Macalin Isaag oo ku guuleysatay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#181. 7-Maxamed Keerow Maxamed oo ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#179.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in Koonfur Galbeed ay dhaqan-gelisay jadwalkii u dmabeeyey ee doorashada Golaha Shacabka, kaas oo ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran.

Doorashada Baarlamaanka ayaa soo martay heerar kala duwan, iyada oo deegaanada qaar ay ka jiraan caqabado hortaagan dhameystirka doorashada, waxaana ka mida Garbahaarey iyo Beledweyne oo ay weli ka taagan yihiin murano hareeyey kuraasta taalla halkaasi.

Soomaaliya ayaa ku daahday marxaladda adag ee kala guurka, kadib si qab-qabsiyo dib u dhigay doorashooyinka dalka oo dib u dhacay hal sano iyo ka badan.

Maamule iskuul oo lagu dilay qarax ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saaka ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo geystay dhimashada hal qof, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay xaafadaha degmada Dayniile ayaa ka dhacay xaafadda  Bangala ee demadaas, iyada oo lala beegsaday gaari uu la socday maamule Iskuul.

Gaariga ayaa mar qura qarxay, waxaana goobta ku dhintay Daahir Xasan Tooxow (Daahir Digdigle) oo ahaa Maamulihii Iskuulka Dayniile.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya qaraxa, waxaana qaarkood ay sheegayaan in maamulaha gaariga loogu xiray, halka kuwa kalena ay ku warramayaa inuu ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale gaaray goobta, kuwaas oo maydka marxuumka ka qaaday halkaasi, waxaana ay saameeyeen baaritaano kooban.

Allaha u naxariistee Daahir Xasan Tooxow (Daahir Digdigle) ayaa sidoo kale ka mid ahaa waxgaradka caanka ah ee ku dhaqan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Ma jiro illaa iyo hadda wax faah faahin ah oo uu maamulka degmada ka bixiyey dhacdadaasi iyo dilka maamulihii iskuulka Dayniile.

Qaraxan ayaa qayb ka noqonaya falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey gudaha magaalada Muqdisho, xilli lagu jiro marxalad doorasho.

Sawirro: Taliye Shub oo loo doortay Golaha Shacabka

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ah taliyaha ciidamada Asluubta Soomalaiyeed ayaa loo doortay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 11-aad, kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Taliye Shub ayaa ku soo baxay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop#172, isaga oo aan gelin tartan adag, maadaama loo xiray kursigan oo ka mid ahaa kuwa isha aadka loogu hayey.

Guusha taliyaha ciidanka Asluubta ayaa aheyd mid horey loo sii oogaa, isla-markaana loo saadaalinayey inuu kuu biirayo Golaha Shacabka, maadaama loo xiray kursiga Hop#172.

Sidoo kale ninkan ayaa ah Sodoga Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay u dhaxdo gabar uu dhalay, taas oo sii xoojisay guushiisa doorashada.

Arrintan ayaa sidoo kale meesha ka saartay isku daygii Villa Somalia ee ku aadanaa in maarlamaanka uu soo galo madaxwetyne Lafta Gareen, si uu u noqdo guddoomiyaha Golaha Shacabka, kadibna uu ku biiro ololaha dib u doorasho ee madaxweyne Farmaajo

Mahad Cabdiraxmaan oo loo yaqaano (Taliye Shub) ayaa ku biiraya saraakiil horey loogu doortay Golaha Shacabka , waxaana ka mid ah Fahad Yaasiin, Cabdullahi Kulane, Yaasiin Farey, Bashiir Ameeriko, halka kuwa kale ay waayeen, sida Bashiir Goobe iyo Indha Qarshe.

Dhanka kale Xaawo Sokor Cali ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#047, waxaana ay heshay 79 cod, halka Fadumo Maxamed Isaaq ay heshay 18 cod.

Doorashada ayaa haatan sii soconeysaa, waxaana qorshaha uu yahay in maanta oo ah 15-ka March ay doorashada soo gabagabeyso dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Somalia.

Shabaab oo sheegatay inay Boosaaso ku dishay 7 askari

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay inay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh u geysatay Askar ka tirsan ciidamada maamul Goboleedka Puntland kadib iska hor’imaad labada dhinac ku dhex maray gudaha Magaalada Boosaaso.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inuu iska hor imaadka bilowday kadib markii Miinada nooca dhulka lagu aaso lagu qarxiyey gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen ciidamada Puntland.

Idaacadda Andalus ee ku hadasha Afka Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in qaraxa ay ku dhinteen illaa 7 askari halka uu burbur xooggan gaaray gaarigii la beegsaday.

Maamulka Puntland weli kama hadlin sheegashada Al-Shabaab iyo sida ay wax uga dhaceen Magaalada Boosaaso.

Dhinaca kale, warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal saacadihii lasoo dhaafay Muqdisho iyo duleedkeeda ka dhacay.

Sarkaal darajadiisa ciidan ay aheyd 2 xidigle ayaa lagu dilay agagaarka Hoteelka Lafweyn ee degmada Kaaraan, sidoo kale askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa saaka lagu dilay Koontaroolka degmada Balcad iyadoona xoogagii falkaas geystay ay horay usii qaateen qorigii uu watay askariga.

Video: Wasiir Duraan oo lagu eedeeyey inuu fal yaab leh ka gaystay garoonka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Diini Cali oo sheegay inuu yahay guddoomiyaha ururka isutaga diyaaradaha oo warbaahinta la hadlay ayaa eedeymo culus u soo jeediyey wasiirka gaadiid iyo duulista XFS Duraan Faarax, oo sida uu sheegay shalay xirxiray.

Waxuu sheegay in Wasiir Duraan uu u adeegsaday askar, kadib markii ay isugu tageen kulan uu isugu yeeray ururka isutaga diyaaradaha, “Garoonka Diyaaradaha waxaa ka taagan dhibaato aan laga soo kabsaneyn,” ayuu yiri Axmed Diini.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in wasiirku uu sabab u yahay khilaaf waayahaan jiray oo salka ku haya in la dhiso urur cusub oo ay ku mideysan yihiin diyaaradaha ka howlgala Soomaaliya.

“Maanta oo Isniin ah ayuu wasiirku shir nagu balamiyey, waxuuna la yimid wax ka duwan wixii lagu balamay, 12 shirkadood oo kuwa diyaaradaha ah ayaa ka gadooday oo yiri habraacaan maahan kaan ku heshiinay,” ayuu yiri isaga oo hadlayey xalay.

Intaas kadib waxa uu sheegay in dadkii ka socday shirkadaha dooda qabay ciidanka loo adeegsaday, “Madax ka socotay shirkadaha oo anigu aan ka mid ahaa ayaa la xiray, laba saac ayaan xireyn, cid kale eed ka sheega meyno, waxaan na dhibaateynaya wasiir Duraan Axmed Faarax,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale guddoomiye Axmed Diini waxa uu sheegay in dhibaatada ay ka tirsanayaan wasaaradda duulista hawada ay soo bilaabatay maalintii loo magacaabay wasiir Duraan, isagoo sheegay in wasiirku uu ku hanjabay inuu soo magacaabi doono hoggaanka midowga iskaashatooyinka diyaaradaha ka howlgala Soomaaliya.

“Waxa meesha ka jira ma wada sheegi karo oo waxaan isleeyahay amaad wax reebataa, anagoo dhowreyna madax-banaanida ganacsiga iyo shuruucda kale ee dalka, waxaan cabasho ka nahay wasiir Duraan, waxaa isaga daran ganacsiga madax-banaan iyo shaqada wasaaradiisa, arrintaan deg deg ha uu soo faro-geliyeen madaxda sare ee dalka,” ayuu yiri Axmed Diini.

Hoos ka daawo

CIIDAMO ka tirsan kuwa Kenya oo qarax lagu dilay

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in qarax miino ciidamo ka tirsan kuwa Kenya lagula eegtay qaybo ka mid ah gobolkaasi, xilli ay ku soo jeedeen dhanka magaalada Ceelwaaq oo ku taalla xadka.

Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo kasoo baxday deegaanka Weel-caday ee Wajeer, waxaana qaraxa uu haleelay gaari xamuul ah oo sahay u waday ciidanka Kenya.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Kenya oo ka hadlay qaraxaasi ayaa sheegay inuu khasaare kasoo gaaray ciidankooda, balse ay socdaalkooda sii wateen, kadib dhacdadaasi.

Ma shaacin saraakiisha inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha askarta Kenya kasoo gaaray weerarkaasi qaraxa ah oo ay sheegatay Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay kooxda ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkan ay ku dileen ugu yaraan 11 askari, kuna dhaawaceen tiro kale, sida ay hadalka u dhigeen.

Xaaladda deegaanka uu weerarka ka dhacay ayaa haatan ah mid deggan, waxaana qaraxan uu qayb ka noqonayo weeraro maalmahan ka dhacay halkaasi.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro dhaba gal ah iyo qaraxyo ku qaada ciidamada Kenya ee isaga kala goosha deegaanada dhaca xadka ay wadaagaan labada dal.